-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-310520-sx.mp3 View the full article
-
Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla deegaan hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose waxaa ay ku toogteen nin oday ah oo ay gacanta ku hayeen. Ninkaas oo lagu magacaabi jiray, Abuukar Xaaji Cumar ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in uu ahaa nin ku shaqeysan jiray Sixirka, waxaana fagaaraha lagu toogtay ku sugnaa qaar ka mid ah dadka deegaanka. Abuukar Xaaji Cumar ayaa caan ka ahaa gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana Al-Shabaab ay sheegeen in muddo 5 sano ah uu Sixirka ku shaqeysanayay. Al-Shabaab ayaa horey waxaa ay goob fagaarayaal ah ku oogteen dad badan oo qaarkood ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey dowladda shisheeye. View the full article
-
Xisbiga Wadajir, ee uu hoggaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa soo dhoweeyey hadalkii Ra’iisul wasaare Khayre, oo muujiyay in ay Xukuumaddiisa ka go’antahay, in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo. Xisbiga ayaa sheegay, in uu dhiirri-gelinayo Fahamka Ra’iisul wasaaraha ee mudnaanta siinaya, in afartii sanaba mar dalka ay ka qabsoonto doorasho loo dhanyahay, oo xasilooni ku dhacda. Qoraal ka soo baxay xisbiga, ayaa sidoo kale loogu baaqay xukuumadda Khayre, in ay hadalka ficil u rogto, oo ay qaaddo tallaabooyin muuqda oo abuuri kara jawi wada-hadal dhexmara saamileeyda siyaasadda dalka, si looga wada-xaajoodo hannaanka doorashadu u dhacayso. Qoraalka ayaa hoosta ka xarriiqay, in wakhtiga kooban ee xukuumadda u harsan, ay waajibtahay in ay qaado tallaabooyin deg deg ah oo dalka looga badbaadinayo qalalaase siyaasadeed, islamarkaana ay ka shaqayso in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto PUNTLAND POST The post Xisbiga Wadajir oo taageeray hadal ka soo yeeray Ra’iisul wasaare Khayre appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay deegaanka Xaawa-Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee meelaha fog-fog laga hago ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay gaari Hoomey ah oo ay la socdeen dad shacab ah. Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu ka yimid dhinaca Lafoole, islamarkaana ay la socdeen dad u badan ganacsatada Qudaarka keenta Muqdisho. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in khasaare u badan dhimasho uu ka dhashay qaraxaasi, islamarkaana uu haatan socdo gurmad ballaaran oo loo fidinayo dadka ay waxyeelada kala duwan ka soo gaartay qaraxaasi. Halkaan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-goobjooge-.mp3 View the full article
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Waxaa kasii daraya rabshadaha ka socda magaalooyin badan oo ka mid ah dalka Mareykanka, kuwaasi oo ka dhashay dilka uu askari caddaan ah u gaystay nin madow ahaa. Dibad-baxyada ayaa xalay ka socday magaalooyin ay ka mid yihiin Minneapolis, Denver, Chicago, Los Angeles, Seattle, Washington DC, New York, Philadelphia, Pittsburgh, Atlanta, Milwaukee, Louisville, Columbia iyo magaalooyin kale. Baabuurta booliska ayaa la gubay, waddooyinka waa weyn ayaa la xanibay, daaqadaha dhismooyinka ayaa la burburiyey, waxaana mas’uuliyiinta ay adeesgsanayeeen sunta gaaska ee dadka ka ilmeysiisa iyo xitaa xabadaha caagaha ah, si ay ugu kala eryaan dibad-baxayaasha, Qaar ka mid ah barasaabyada gobollada ayaa soo kiciyey ciidamada loo yaqaan Ilaalada Qaranka ama National Guard, waxaana Bandow lagu soo rogay dhowr magaalo oo ay ka mid yihiin Atlanta, Louisville, Denver iyo Milwaukee. Magaalada Seattle ayaa waxaa loo yeeray 200 oo ka mid ah ciidamada Ilaalada Qaranka oo aan hubeysneyn. Magaalada Los Angles ayaa soo rogtay Bandow, hase yeeshee ma adeegsan ciidamada Ilaada Qaranka. Magaalada caasimadda ah ee Washington Dc, dibad-baxayaasha ayaa waxay isku dhaceen ciidamada ilaalada madaxweynaha ee loo yaqaan Secret Service kadib markii ay isku dayeen inay jebiyaan xeendaabka Aqalka Cad. Magaalada Chicago, dibad-baxayaasha ayaa ku xoomay dhismaha Trump Tower, halka magaalada Philadelphia, ay dibad-baxayaasha jebiyeen dhisme ku yaalla xarunta lagu xukumo magaalada kadibna ay dab qabadsiiyeen. Carrada shacabka, gaar ahaan kuwa madow ayaa ka dhalatay markii askari caddaan ah uu inta madaxa dhulka u dhigay, jilib ka saaray luqunta George Floyd oo madow ahaa, ilaa naftu ay ka baxdo. Askarigaas, oo lagu magacaabo Derek Chauvin, ayaa maalmo kadib la xiray, balse xaaladda ayaa kasii dareysa. Waxaa jira khasaare hantiyeed oo weyn, sida goobo ganacsi oo la bililiqeystay iyo qaar la gubay. Waxaa sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac balse tirada saxda ah ayaan la hubin. Hoos ka daawo sawirradii ugu dambeeyey rabshadaha
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida qorshaysan saaka oo Axad ah la kulmaya qaar kamid ah Isimada Dhaqanka Puntland oo ku hawllan dhex-dhexaadinta khilaafka isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan. Isimada oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamanka ayaa saaka madaxweynaha kula kulmaya xarunta Golaha Wakiilada Puntland ee Caasimadda Garoowe si looga dhegaysto qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne ku xigeenkiisa. Isimada dhex-dhexaadinta wada iyo Guddoonka Baarlamanka ayaa sidoo kale shalay la kulmay Madaxweyne ku xigeenka oo ay ka dhegaysteen qaladaadka uu tabanayo ee dhaliyay Muranka isaga iyo Madaxweyne Deni. Dadaallo hore oo lagu doonayay xallinta Khilaafka labada Hoggaamiye ayaa fashil ku dhammaaday waxaana haatan Isimadu wadaan dadaalkii u dambeeyay si loo dhammeeyo isfaham-waaga Deni iyo Karaash oo gaarsiisan heer aysan salaanta iska qaadin. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo saaka la kulmaya Isimadii dhex-dhexaadinta waday appeared first on Puntland Post.
-
Over 90,000 mosques in Saudi Arabia reopened their doors to worshippers on Sunday morning after over a two-month closure as part of an ease in the curfew restrictions to prevent the spread of the novel coronavirus. Source: Hiiraan Online
-
Maxkamad ay leeyihiin malayshiyaadka Al-shabaab oo ka dhisan gobolka Shabeellada hoose ayaa laga soo xigtay in ay xukun dil ah ku fulisay nin lagu helay saaxirnimo. Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa sheegtay in gelinkii dambe ee shalay xukunkaasi ka dhacay fagaare ku yaalla degaan hoos yimaada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada hoose. Al-shabaab ayaa xukunkaasi dilka ah ku fuliyay marxuum Abuukar Xaaji Cumar oo da’diisa lagu sheegay 50-sano jir kadib markii sida ay sheegeen lagu helay dambi saaxirnimo ah Maxkamadda ayaa laga soo xigtay in marxuum Abuukar uu si cad u qirtay in uu mudda 5-sannadood ah ku shaqaysanayey tafaaful (sixir) islamarkaana uu dhibaato u gaystay dad badan. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin ku eedaysnaa Tafaaful appeared first on Puntland Post.
-
1 – Kheyre kolkii uu hadlayey waxaa ka muuqday hadalkiisa go’aan ah in doorasho la qabto noocii ay doonto ha noqotee uusan ahayn mid isaga iyo Madaxweynuhu isla ogyihiin, wuxuuna ku koobay golihiisa fulinta. 2- Waxa uu meesha ka saaray qodobkii ahaa in doorasho qof iyo cod ah (One man one vote) dooorasho ah ay dalka ka dhacdo, baddelkeesa waxa uu yiri doorasha loo dhan yahay, sida ugu macquulsan ku dhacda! 3 – Kheyre waxa uu isticmaalay ereyga Villa Somalia laga neceb yahay ee ah “Saamiley”( Stakeholders) doorasho ay ku wada qanacsanyihiin, taas oo meesha ka saaraysa in kaliya dalka lagu hoggaamiyo qodobbada sharciga doorashooyinka ee la ansixiyey, guddiga madaxa-bannaan iyo baarlamaanka in loo daayo howsha. 4- Arrinta kale ee lagu ogaan karo kala aragti-duwanaanta waa in hadalka Kheyre aysan soo dhawayn, ka hadlin ama dareenkooda aysan dadka la wadaagin la-taliyayaash Madaxweynaha, warbaahinta xafiiska Madaxweynaha iyo Xildhibaannada aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo. 5- Ciddii xasuusata waraysigii Madaxweynaha looga qaaday Addis Ababa, Madaxweyne Farmaajo waxa uu sharci-darro ku tilaamay doorashooyinkii dadbanaa ee 2016-2017 dalka ka dhacay, halka Kheyre u muuqdo in uu u ololeynnayo doorashadii 2016 oo wax lagu kordhiyey. Gebogebo! Soomaali badankeed, inteeda waxgaradka ah, maanta waxa ay ka mideysanyihiin in ay lagama maarmaan tahay doorashoyin loo dhan yahay, heshiisna ay ku yihiin saamileydu siyaaaaddu, xilligeedana ku dhacda. Waxaana mowqifkaa lala wada qabaa RW Kheyre. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
London — In July last year Google initiated the Equiano cable. The announcement of the 2Africa cable which involves Facebook completes the second generation cable build announcements. Russell Southwood talked to Ibrahima Ba, Network Investments Lead at Facebook about how it might work. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay jidka dheere ee xiriiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Hoose. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso uu haleelay gaari BL ah oo ay la socdeen ku dhowaad 25 qof, kuwaas oo waxyeelo ay soo gaartay. Gaariga oo ka yimid dhinaca degmada Afgooye ayaa waxaa lagu soo warramayaa in qaraxa uu ku qabsaday agagaarka deegaanka Xaawa-Cabdi ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegaan Caasimada Online, waxaa khasaare u badan dhimasho uu soo gaaray rakaabkii saarnaa gaariga qarxay, waxaana sidoo kale jira dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurma loo fidinaayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay miinadaasi kula qaraxday duleedka magaalada Muqdisho. Faah faahinta kala soco:- Caasimada.net
-
Xarunta Shirkadda SOMTEL ee dabku qabsaday Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dab ka kacay, xarunta weyn ee shirkadda SOMTEL ku leedahay gudaha Boosaaso. Xarunta Boosaaso oo deggan guri dabaq ah, ayaa sida la sheegayo dab qabsaday qol ku yaalla qaybta dhexe ee dabaqaas, inkastoo markiiba la xakameeyay dabka, islamarkaan lagu guulaystay demintiisa. Shaqaale ka tirsan shirkadda SOMTEL qaybta Boosaaso, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in durbadiiba la bakhtiiyay dabka, isagoo xusay in khasaaruhu ku koobanyahay hal qol oo keliya. Balse, faahfaahin kama uu bixin waxa dabkaasi dhaliyay, qolka gubtay waxa yaallay iyo sidoo kale inta uu le’egyahay Khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabka. PUNTLAND POST The post Dab ka kacay xarunta shirkadda SOMTEL ee Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad kasoo baxday guddiga shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, isla markaana lagu socodsiiyay xaasiifyada hantidhowrka, xisaabiyaha guud iyo wasaaradda maaliyadda, ayaa magdhaw lacageed looga dalbaday mid kamid ah shaqaalaha xaafiiska Madaxweynaha. Yoonis Xasan Xuseen oo ka tirsan shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan xaafiiska Madaxweynaha ayuu guddigan ku eedeeyay inuu mushaar ka qaadan jiray laba xaafiis, sidaas darteedna laga rabo magdhaw lacageed. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Yoonis mushaarka uu ka qaadan jiray xaafiiska madaxtooyada uu u wehliyay mid kale oo uu ka qaadan jiray hey’adda qaxootiga barakacyaasha qaranka, taas oo ay ku tilmaameen sharci darro. Guddiga shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ayaa qoraalkan ku sheegay in haatan la go’aamiyey laba qodob oo kala ah. In Yoonis laga joojiyo shaqada xaafiiska madaxtooyada Soomaaliya, si looga fogaado laba mushaar qaadasho kale. Iyo in uu bixiyo lacagtii uu mushaar ahaanta uga qaatay xaafiiska madaxtooyada, taas oo dhan 6,352.8 dollar, (lix kun seddax boqol konton iyo laba dollar iyo sideed sinti). Ugu dambeyntii waxaa lagu yiri qoraalka guddiga, “Waxaan inla socodsiineynaa in uu bixinaayo lacagta uu ka qaatay xaafiiska madaxtooyada 100%, si loogu shubo khasnadda dowladda.”
-
Trump oo shaaciyey in Haddii ay mudaharadaayasha ugu soo geli lahaayeen Guriga Cad inuu Ey u adeegsan lahaa Dibadbaxayaal ku sugan dibedda Aqalka Cad Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku ammaanay ilaaladiisa qaabka ay ula tacaaleen dadkii Jimcihii ku hor mudaaharadaayay Aqalka Cad , dadkaas oo ka careysnaa dilka nin madow ah oo aan hubeysneyn oo uu askeri ka tirsan booliska ku dilay magaalada Minneapolis. Aqalka Cad ayaa si ku meel gaar ah loo xiray markii dibadbaxayaal carreysan ay soo hor dhoobteen. Ilaalada madaxweynaha ayaa xiray albaabada laga gala iyo kuwa laga baxa ee Aqalka Cad. Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay n dibadaxayaasha haddii ay isku dayaan inay soo galaan “laga horkeeni doono eeyo arxan daran iyo hubka ugu xumaa ee aan abidkey arkay” Waa mid ka mid ah hadalladii ugu dambeeyay ee uu Turmp jeediya oo loo arki kara inay sii hurin karaan dibadbaxyada. Jimcihii ayuu sheegay “booka haddii uu billowdo, toogashada ayaa iyadana billaabani”. Mar sii horreysay dibadbaxayaal careysan iyo booliska ayaa isku dhacay magaalooyin badan oo ku yaalla Mareykanka. Guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa masiibada dilka George Floyd ku tilmaamay inay isu bedashay “kharbudaad si ula kac ah loo sameynaya” New York, Atlanta iyo deeganno kale ayay xasillooni darrada ku baahday. Masuuliyiinta ayaa shaaca ka qaaday inay xilka ka qaadeen askeriga dilay ninka islamarkaana la xiray, dambi dil ahna si rasmi ah loogu soo oogay. Dibadxyo ayaa ilaa xalay ka socday dibeda hore e Aqalka Cad George Floyd, oo ahaa 46 sano jir ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay boolis caddaan ah oo luqunta jilibka kaga hayay Floyd. Muuqaal 10 daqiiqo soconayay ayuu ka duubay qof dhacdadaasi goob joog u ahaa kaas oo uu ka dhex muuqdo Floyd oo ay nafta hayso oo booliska caddaanka ah si ku celcelis ah ku leh “waan neefsan la’ahay” Booliska ayaa sunta dadka ilmeysiisa oodda uga qaaday mudaaharaadayaasha iyadoo la arkayay ganacsiyo la boobayo. Waxaa sidoo kale banaanbaxyo ka dhaceen Chicago, Illinois, Los Angeles, California, iyo Memphis, Tennessee. Dilkan ayaa waxa uu sare u sii qaaday caradii hore, ee ku aadanayd dilalka ay boolisku u geystaan dadka madow ee reer Mareykan ah. Trump muxuu ka yiri dilka Floyd Madaxweyne Donald Trump ayaa ku tilmaamay “dhacdo daran” waxa uuna sheegay inuu la hadlay qoyska Floyd oo ku tilmaamay “dad cajiib ah” Trump ayaa horay bartiisa Twitter-ka soo dhigay hadal dadka ka si careysiiyay kaas oo u muuqday inuu dhiiragelinaya qalalaasaha. “haddi wax la dhaca, toogasha ayaa xigta” ayuu yiri Trump. Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada dalkaasi in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baaritaannada ku saabsan dhacdadaas. Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska iyo eheleada George Floyd. “Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baaritaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baaritaanada kaddib in tallaabo la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha’yadaha sharciga Maxaa u dambeeyay Minnesota oo ah xudunta dibadbaxyada ayaa waxaa ka taagan xiisad iyadoo bandow habeenkii ah lagu soo rogay magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis-Saint Paul. Dibadbaxayaasha ayaa qaadacay bandowga Jimcihii iyadoo gooba badan sida xarun boolis iyo gawaarida booliska dab la qabadsiiyay. Telefishinada ayaa sidoo kale baahinayay muuqaalo tusayay boob iyo dhac ka socda meelaha qaar. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha New York oo isticmaalaya caano si ay isaga dhaqaan sunta dadka ilmada ka keenta Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz ayaa ciidamada ilaalada qaranka ku daabulay Minneapolis kaddib markii ay maayarada codsadeen in ciidamadaasi la keeno iyadoo xaaladda amniga ay faraha ka baxday. Waxa uu sheegay in boobka ay geysanayaan dibadbaxayasha u sababay in ganacsiyo badan khasaaro loo geysto, oo ay ka mid yihiin kuwa ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay. ”Geerida George Floyd waa iney nagu hogaamisa dhanka cadaaladda ee ma ahan in ay horseeddo burbur iyo dhimasho hor-leh.” Waxa uuna waxbixin uu soo saaray mudaaharaadyaasha ugu baaqay iney si nabdoon u banaan-baxaan. Aqalka gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon ayaa heegan sare geliyay milatariga si ay isugu diyaariyaan suurtagalnimada in la geeya Minneapolis. Gaari ay leeyihiin booliska oo lagu gubay Atlanta, Georgia Gobolka Atlanta, xaalad deg deg ah ayaa lagu soo rogay meelaha qaar ka dib markii ay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wato. Dhowr dhismo ayaa la boobay iyadoo sidoo kalana dab la qabadsiiyay gawaawir ay leeyihiin booliska. Magaalada New York, waxaa isku dhacay booliska iyo dibadbaxayaasha oo dhagxaan tuurayay islamarkaana dab qabadsiiyay gawaarida booliska. Dhowr askeri ayaa ku dhaawacantay. Dad badan oo ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa la xiray. Duqa magaalada New York Bill de Blasio ayaa bartiisa Twitter-ka so dhigay ” Ma dooneyna in habeen kan oo kale ah uu na soo mara .” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dadkii ka badnaa 100-ka qof ee habeen hore dalka dib loogu soo celiyay ay ahaayeen dad ay soo tarxiishay boqoratooyada Sacuudi Carabiya. In badan oo kamid ah dadkii la soo celiyay oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in aysan dowladda Somalia ka caawin inay dalka kusoo noqdaan, balse ay ahaayeen tahriibayaal bilo iyo todobaadyo ku xirnaa dalka Sacuudiga. Dowladda Somalia ayaa sheegtay in dalka ay ku soo celisay in kabadan 100 qof oo ku xayirnaa dalka Sacuudiga kadib markii uu saameen ku yeeshay Covid-19, hase yeeshee waxaa muuqata in warkaas uu ahaa been abuur ay sameysay dowladda Somalia. Qaar kamid ah shaqaalaha safaaradda Somalia ee magaalada Jeddah ayaa sheegay in aysan wax xog ah ka heynin dadkii la soo celiyay islamarkaana aan lagu soo wargelin ama aan la soo marsiinin nidaam sax ah oo la mid ah sidii looga soo celiyay dadkii ku xayirnaa dalalka Kenya, Turkiga, iyo India oo ay hadda socoto basle ay kawar heleen oo kaliya in dad badan dalkii lagu celiyay. Dowladda federaalka Somalia ayaa hore sidaan oo kale lagu eedeeyay iney sheegatay howl aysan qaban, waxaana kamid ah gargaarkii Qaramada Midoobay ay geysay Qardho markii ay daadadka ku dhufteen iyo gargaarkii la gaarsiiyay Kismaayo, kuwaas oo ay Maamulada halkaasi ka jira sheegeen iney deeq uga timid Midowga iyo Qaramada Midoobay.
-
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa waddanka Sacuudi Carabiya ayaa gelinkii dambe ee Shalay dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Muwaadiniintaas ayaa lagu sheegay gabdho Soomaaliyeed oo mudda ku dayacnaa dalka Sacuudi Carabiya kadibna ku xannibmay saamaynta xanuunka COVID-19 kuwaas ugu dambayn ay dowladda Federaalku ku guulaysatay in ay halkaas ka soo daad-gurayso. Sidoo kale maalin ka hor waxaa dalka lagu soo celiyay in ka badan 130 muwaaddin Soomaaliyeed oo mudda ku xannibnaa gudaha Sacuudi Carabiya sida ay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya. Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa ku warrantay in soo celinta muwaadiniintaas ay ka dambaysay markii madaxweyne Farmaajo amray in la soo daad-gureeyo dadka Soomaaliyeed ee ku xanniban waddanka Sacuudiga. PUNTLAND POST The post Gabdho Soomaaliyeed oo ku dayacnaa Sacuudiga oo dalka lagu soo celiyay appeared first on Puntland Post.
-
Askariga loo haysto Dilka Ninkii madoobaa George Flyod oo Burbur Qoys wajahay Dilkaa Dartii Derek Chauvin ayaa la filayaa in la maxkamadeeyo Isniinta Derek Chauvin, oo ah askarigii qoorta uga istaagay George Floyd isla markaana loo haysto dilkiisa, ayaa xaaskiisa waxa ay ka dalbatay furriin, sida ay warbaahinta ABC News kasoo xigatay qareenka haweeneydaasi. War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska qareenkeeda ee Sekula Law Office ayaa lagu sheegay in Kellie Chauvin ay aad uga naxday geerida George Floyd, ayna murugada la qeybsaneyso qoyskiisa. “Waxa ay Derek Chauvin ka dalbatay furriin, maadamaa aysan wax carruur ah isu dhalin, waxa ay Kellie codsaneysaa in gebi ahaanba qoyskeeda la siiyo ammaan xilligan adag,” ayaa lagu sheegay qoraalka ay soo xigatay warbaahinta ABC News. Chauvin ayaa la xiray gelinkii dambe ee Jimcaha isagoo lagu eedeeyay dilka Floyd. Waxaa la filayaa in maxkamad la soo taago Isniinta, isla markaana dad kale loo qabto dilka ninkaasi, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha deegaanka Hennepin, Michael Freeman. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay inuu hayo caddeyn muujinaysa in Chauvin uu ninka dhintay jilibka qoorta uga hayay muddo 8 daqiiqo iyo 46 ilbiriqsi ah, taasoo 2 daqiiqo iyo 53 ilbiriqsi oo kamid ah uusan nuux-nuuxsaneyn Floyd. Dibedbaxyo rabshado wata oo ka dhashay dilka George Floyd ayaa ku baahay magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka. New York iyo Los Angeles ayaa kamid ah ilaa labaatan magaalo oo ay hareeyeen dibedbaxyada. Magaalada Detroit, wiil 19 jir ah ayaa ku dhintay rasaas uu gaari wadada marayay ku furay dad mudahaaradayay. Minneapolis dad dibedbaxayay oo jebiyay bandow magaaladaasi la saaray ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal halkaa ku yaal. Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa si aan horay looga baran ku amartay ciidamada dalkaasi inay heegan galiyaan cutubyo ka tirsan booliska milateriga ah, si haddii loo baahdo ay gacanta ugu dhigaan xaaladda Minneapolis. Qaran News
-
Haweeney “ka been sheegtay” hantideeda oo laga saaray liiska maalqabaneedda Caalamka Kylie Jenner ayaa hadda laga saaray liiska bilyaneerrada. Jariiradda Forbes ayaa liiskeeda dadka bilyanneerka ah ka saartay haweeneyda baayacmushtarka ah ee Maraykanka u dhalatay, Kylie Jenner, waxaana ay majaladda ku eedeysay qoyskeeda inay ka badbadiyeen qiimaha ganacsigeeda waxyaabaha la isku qurxiyo. Forbes ayaa sheegtay in qoyskaasi uu “geed dheer iyo mid gaaban u fuulay” sidii uu u muujin lahaa in gabadhooda da’da yar ay leedahay hanti ka badan teeda rasmiga ah. Jenner oo barteeda Twitter-ka ugu jawaabtay jariiradda ayaa ku tilmaamtay “qoraal aan sax ahayn oo ku salaysan malo aan la hubin.” Waxa ay intaa ku dartay in weligeed aanay raadsan mansab aysan lahayn ama aysan ka been sheegin heerkeeda. Forbes ayaa sanadkii hore shaacisay in Kylie Jenner ay tahay bilyaneerka ugu da’da yar adduunka. Jariiradda, oo ku caanbaxday liiska bilyaannarada caalamka, ayaa markaasi sheegtay in Jenner ay hantideeda ugu badan ka heshay shirkad waxyaabaha la isku qurxiyo iibisa oo ay sameysay 2015. Sanadkii hore ayay shaacisay in 51% shirakaddeeda ay uga iibineyso shirkadda magaca leh ee Coty lacag dhan 600 oo milyan oo dollar. Forbes ayaa sheegtay in xisaabiyayaasha qoyska Kylie Jenner ay usoo gudbiyeen canshuur celin muujinaysa in shirkaddeeda ay sanadkii 2016 iibisay alaabo dhan 300 oo milyan oo dollar, halka sanadkii xigeyna ay soo xareysay lacag dhan 330 milyan oo dollar. Kylie Jenner ayaa ka dhalatay qoyska Kardashian Balse macluumaad ay jariiraddu ka heshay shirkadda Coty ayaa muujiyay in shirkadda haweeneydaasi “ay aad uga qiimo hooseyso intaasi, ayna sanado badan buunbuuninayeen qoyskeeda,” sida ay sheegtay Forbes. Qiimeyn ay shirkadda Coty usoo bandhigtay maalgashatada ayaa muujineysa in shirkadda Kylie Jenner ay sanadkii 2018 soo xareysay lacag dhan 125 milyan oo dollar. Weriyayaasha Forbes ayaa horay ugu eedeeyay dad maalqabeenno ah inay ka been sheegeen hantidooda, shakhsiyaadkaasi oo ay kamid yihiin xoghayaha ganacsiga ee Maraykanka, Wilbur Ross iyo Madaxweyne Donald Trump. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markale ka hadashay hub ay dowladda Masar ugu deeqday Soomaaliya, xili ay saaran tahay cuno-qabateynta hubka ee golaha amaanka qaramada midoobay. Somaliland ayaa dembi iyo xad-gudub sharci ku tilmaamtay hubkaasi loogu deeqay dowladda Masar, oo ay hore uga hiilisay xiisada kala dhaxeysa Itoobiya ee wabiga Nile-ka. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo arrintaasi ka hadlayey ayaa muujiyey inay rajo weyn ka qabaan in beesha caalamku ay wax ka qabato talaabada loogu deeqay hubka Soomaaliya oo xad-gudub sharci ah, sida uu hadalka u dhigay. Wasiir ayaa si weyn uga horyimid in dowladda Masar ay xiligan hub ugu deeqdo dowladda Soomaaliya, iyada oo lagu eedeynayo inay dagaalo sokeeye ka wado qaar kamid ah gobolada dalka. “In Soomaaliya hub la siiyo waa dambi iyo xad gudub sharci, Caalamkuna wuu arkaa ee waxaanu filaynaa inuu wax ka qabto” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland. Somaliland ayaa iyadu qabta inay waxyeelo badan kasoo gaari karto hub ay xiligan hesho dowladda federaalka Soomaaliya, maadama uu kala dhaxeeyo xiisad xoogan oo siyaasadeed.