Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay shir guddoomiyay Shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta safmarka COVID19,kaas oo habeen walba si joogta ah u qabsooma. Shirka oo ka qabsoomay Khadka muuqaalka ah ee Internet-ka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Caafimaad ee gobolada dalka gaar ahaan xanuunka COVID-19 iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa degaannada u baahan gurmadka Caafimaad. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa amray in gargaar caafimaad oo dheeraad ah si degdeg ah loola gaaro gobolladda dalka, si loo badbaadiyo dadka uu xanuunkaas haleelay loona xakameeyo faafidda COVID-19. Horay ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay gurmad Caafimaad oo kala duwan ay gaarsiisay Gobolada dalka oo laga helay kiisas kamid ah xanuunka Coronavirus,sida Cadaado, Kismaayo, Jowhar iyo degaanno kale. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo amray in gurmad caafimaad la gaarsiiyo gobollada dalka appeared first on Puntland Post.
  2. Xafiiska Warfaafinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland waxaa uu beeninayaa warar been-abuur ah oo xaqiiqada ka fog oo lagu qoray Pageka Puntland Page oo ay qoreen [...] The post Puntland Parliamant : BEENIN WARAR BEEN ABUUR AH OO LAGU FAAFIYEY BARAHA BULSHADA appeared first on . Source
  3. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar___Qubanaha-Shabelle-300520-ww.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ilaa hadda ka hadlin dilkii foosha xumaa ee maalmo ka hor ka dhacay degaanka Golaley ee degmada Balcad, kaasi oo lagu xasuuqay sideed dhallinyaro oo ahaa aqoonyahano xirfadleyaal caafimaad ah. Madaxweynaha oo ku sugan Muqdisho islamarkaana ay gaartay xasuuqii dhacay, ayaa ilaa hadda dareenkiisa la wadaagin shacabka waxaana soo baxaya eedeymo loo jeedinayo. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si deg deg ah uga tacsiyeeyo dhibaatooyinka soo gaara dalalka kale muwaadiniintooda ayaa wax culeys ah ka soo qaadin dil wadareedkii dhacay, kaas oo loo geystay dhalinyaro Jaamiciyiin xirfadleyaal caafimaad ahaa. “Madaxweynaha oo ka tacsiyeen jiray shil diyaaradeed iyo dad badda kaga dhintay dowlado shishiye ilaa hadda kama uusan hadlin dhaqaatiirtii la laayay,” ayuu yiri Cabdi Axmed Xuseen oo ka mid ah aqoonyahanada Muqdisho. “Waxay ku tuseysa qalbi iyo damqasho la’aanta madaxweynaha, iyo sida agtiisa aysan qiimo uga lahayn dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waayo dilkan ma ahan dil caadi ah, wuxuu ahaa dad bulshada qiimo weyn ugu fadhiyey oo la xasuuqay” ayuu yiri Cabdi. “Waxaa macquul ah in haddii dhibku ka dhici lahaa gobollada kale ee Soomaaliya qaarkood uu madaxweynaha deg deg uga falcelin lahaa.” Sidoo kale Ururada Bulshada Rayidka ee gobalka Banaadir ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul ku eedeeyay in aysan bulshada la wadaagin dareenkooda ku aadan musiibadii Balcad. “Waa wax laga xumaado in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ilaa hadda ka hadlin musiibadii Golaley ee degmada Balcad,” ayuu yiri Cusmaan Muxudiin Shaatax oo ah guddoomiyaha ururada Bulshada Rayidka oo warbaahinta la hadlay. Caasimada Online oo saraakiisha Villa Somalia wax ka weydiisay sababta madaxweynaha arrintan uga hadli la’yahay iyo eedeymaha loo jeediyey, waa ay ka gaabsadeen inay jawaab ka bixiyaan. Guddiyo ka kala socda dowladda Somalia iyo maamulka HirShabelle ayaa caawa ku hoyana degaanka Golaley waxaana la sheegay in ay maanta la kulmeen dadka degaanka. Golaley waxaa dul hoganaya murugo iyo uur ku taalo xanuun badan.
  5. Cadaado (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/guuto Odawaa Yuusuf Raage oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay falkii lagu xasuuqay dhalinyaradii dhakhaatiirta aheyd ee ka dhacda deegaanka Gololey ee gobolka Shabeellada Dhexe. Taliye Odawaa ayaa sheegay in dadkaas la laayey aysan wax lug ah ku laheyn ciidanka xoogga dalka, oo haatan eedeynta ugu badan loo jeedinayo, in kastoo ay socdaan baaritaano la xariira sababtii loo dilay iyo cidii dishay dadkaas. Sidoo kale Taliyaha ciidanka xoogga ayaa Cadaado caawa ka sheegay in taliska militeriga Soomaaliya uu wado baaritaan iyo hawlgal ku aadan dhacdadaas, dibna ay ka shaacin doonaan wixii kasoo baxa baaritaanada socda. Xubno ka kala tirsan dowladda federaalka, maamulka HirShabeelle, odayaal dhaqan iyo siyaasiyiin kale ayaa gaaray deegaanka Gololey oo falkaasi uu ka dhacay 28-kii bishan, waxaana halkaas ka socda baaritano ku aadan sababtii loo dilay iyo qoladii dishay dadkaas. Marka laga soo tago in ciidanka xoogga dalka oo iska fogeeyay lagu eedeeyay falkaas dadka lagu dilay, hadana eedeynta xasuuqa dadkaas waxaa kaloo loo jeediyey Al-Shabaab. Hase yeeshee Al-Shabaab ayaan weli dhankooda wax war ah kasoo saarin dhacdaan. Ma qiran, mana beenin weli eedeynta loo jeediyey eek u aadan xasuuqa sideed qofood oo xirfadleyaal caafimaad ahaa.
  6. GUDAGALKII GEESIYAASHII SNM EE HARGEYSA AND BURCO BISHII MAY EE SANADKII 1988 image Maalinwalbawaxaanmarnabakaguureynxiskamuwaadinkastaooreer Somaliland ah oodamiirfayowlehgudagalkiiBurcoeeBishii May 27kii iyogudagalkiihargeysaeeBishii May 13 sanadkii 1988. Waxa ay xasuusdheraada u leedahayMujaahidiintiiCiidankaXoreynta SNM khaasahaanqaybaha 12 eeMadiinaiyo 31 eeMakalaguwanqalayooahaakuwiifuliyayhawlgalkiiculsaaeeBurcoiyohargeysalaguxoreeyay. Xuskasanadguurada 32 eekasoowareegtaygud-galkiihargeysaiyoburco…..HadabaxiligaasiookubeegnaaheshiiskiiAfweyne Barre iyoMengistuHayle ay kugaadheendalkajabuutieeuuXasanGuleeddhexdhexaadinaayay, isagooulajeedadauukalahaaxasanguleed ay ahaydkubaabiijabhadiixaq u dirirkaee SNM. Waxabishii April 4dii eesanadkii 1988, bilaabmayfulintaheshiiskaaoodhigaayayin la kala fogeeyociidamadaxuduudahadegen,aynakormeeraanmadaxdaqaybta 26aad ooahaaciidankiifaqashtaeefadhigooduahaahargeysaiyogalbeedkeedaiyosaraakiishaqaybtaharargeeebarigaItoobiya. Waxa u bilowdaylabadiidawladoodeeItoobiya and dawladiifaqshtabooqashooyin, iyodawladiiItoobiyaookuamartayCiidamadii SNM in ay kasoobaxaanjiidahoreeexuduuda, lagunasooceliyoxeryo hub kadhigis ah ookuyaalaygudahadalkaItoobiya.Sidoo kale waxaciidamadii SNM ay kajoojiysaydawladiiItoobiyadhamaantaakulayntiisaanadaiyoshidaalkaee ay Itoobiyahore u siinjirtay SNM. Waxakor u kacayniyadiiCiidamada Somalia amabaAf-wayneookuhamiyay in ciidamadii SNM ay u qaybsamidoonaan wax xuduudakasootalaabaoo is soodhiibaiyo wax xeryahaItoobiyakuabaada. “LakiinAf-wayneiyofaqashkunaydarin in tiiIlaahaymaqantahay, SNM talomeel u taalo”. Waxayciidamadiifaqashtubilabeenhawlgalo ay kunaafaynayaancududaCiidamadii SNM eekusugnaaxuduudahadushooda.Taliyihiiqaybta 26aad ee la odhanjiray Morgan eenaanaystacaanka ahi u baxdayee ah “ Cabdi Bile”, oo la hadlaayaysaraakiishiiiyociidamadiifaqashtaeedulaankakusooqaadayciidankii SNM eefadhigooduahaatuuladaCabdi Yusuf isagoo la dardaarmaayaayaawaxauuyidhi.” Waa tiroyaroogaajoonaysa ma haystaantekniko, mana jirtotaakulaynxagadanbeugaimanysa, shaqolabaadoodhinacagalbeedka ah ayaaiskuwakhtihawlgalkiinubilaabmayaawaa in aadqoortakasoowadaxidhxidhaan, si ay kuwangudahajoogaauguquusqaataan. Dagaalkaasoo ay guushameelsiidhigteenfaqashmay mahadin. Waxauuhawlgalkahargeysasaddexmalmoodkadanbeeyaymarkiiciidamadii SNM eeqaybta 12aad eeMadiina ay weerarculuskuhilaaciyeenmagaladiiBurco, kaasooahaa May 27, 1988, Iyagaoociidamadafaqash ay ka war haysoduulaankaciidamada SNM eek u soomaqan.Faqashwaxaydadwaynihiiburcoiyoharegeysasareenculaysxad-dhaaf ah waxayxasuusaango’ayn u leedahaydadkiixiligaajoogayBurcoiyohargeysa. Waxaciidamadiifaqashta la soosafaywadooyinkaiyoxaafadahahargeysa ,burco, Berbera, ceerigaabo, gabilayiyotuulooyinfarabadan, waxaysuuqyadaiyowadooyinkakaugaadhsanjireendadkashicibka ah eemaraayaiyagoosidiiugaadha u ugaadhsanaaya, waxaymagaalooyinkaasimuquurteenbandooaanhabeeniyomaalinba kala go ahayn. HawlgalkiiBurcoee May 27 iyokiicadaalayee May 29, iyokiihargeysaee May 31, sanadkii 1988, oomaantalagajoogo 32 sanadood Ayaan wax kawaydiiyaymujaahidiinahaaragiihogaaminaayaysaddexdadhacdoqaarka mid ah, balinaysawirkoobanigasiiyaanmaalintaaiyagookajawaabaayawaxayyidhaahdeen: Maalintaasiwaxayahaydmaalinadag, waxayahaydmaalin la kala doortaygeeriiyonolol, waxayahaydmaalinciidamadii SNM iyoshicibkoodiibanoloshanaceen kana door bideen in ay huraannafiyomaalba. Waxayahaydgo’aanshacbikadhiidhiyaydulmi, waanaykamidaysnaayeenshacabkiiiyo SNM gudoiyodibadba.Fulintago’aankasadagwaxakusuntanaaciidamadiixoreynta SNM oosidhiiran u fuliyay, oomidhaheediinanoqdayxoiryada Somaliland eemaanta la wadahadhsanaayo.Ilaahay how naxariistointiikushadiiday, intanoolnacaafimaadiyocimridheerIlaahay ha siiyo….Amiin. ANIIS CABDILLAHI CIISE SOMALILAND ADOCACY GROUP WASHINGTON DC..USA Qaran News
  7. image.png Isla kolkii uu dagaalku ka qarxay Burco, xukuumaddu waxay dadka la dhex gashay makarafoonno cod dhaadheer oo shacabka loogu kala soocayo Isaaq iyo Daarood. Waxay ku qaylinayeen: Yaa ka yimid Gaalkacayo? Yaa ka yimid Garoowe? Yaa ka yimid Muqdisho? (oo dhammaantood ah dhulalka aan Isaaqu degin). Ka dib dadkii aan Isaaqa ahayn ayay ka codsadeen inay si degdeg ah uga baxaan magaalada Burco; waxay doonayeen inay gubaan magaaladaas iyo wixii yaallaba. Dadkii ka yimid magaalooyinkaas kale badankoogu waa ay baxeen, dawladda ayaana siisay gaadiidkii lagu daabulayay. Runtu waa inay si la mid ah sida ay u bedbaadiyeen maatida reeraha kale, ayay u bedbaadin karayeen maatida Isaaqa. Xaqiiqada ayaa se ahayd in laga badheedhay in la gummaado maatidaas, iyada oo illaa maanta qiil laga dhigto in SNM ka dhex dagaallantay. Haddii ba ay run tahay in ay shacabka soo dhex gashay SNM, maxaa shacabkii ay sida isku midka ah u dhex gashay qaybna loo bedbaadiyay, qaybna loo gummaaday? 56 qof ee Xeebta Jasiira ee Muqdisho lagu xasuuqay iyagana maxaa loo laayay? Ma waxay odhan doonaan SNM ayaa Muqdisho ka dagaallantay? Waa doodda ugu doqonsan in gummaadkii baaxaddaas lahaa qiil looga dhigto in SNM ay dadka soo dhex gashay. Isla kolkii la daad-gureeyay dadkii aan Isaaqa ahayn, waxa bilaabmay in si aan kala sooc lahayn dadkii loogu furo hubka culus. Warbixintu waxay xustay in aanu farqi u dhexayn hubka ay ciidanku u isticmaalayeen iska caabbinta jabhaddii SNM iyo ka ay u isticmaalayeen dadka rayidka ah ee guriyahooda joogay. Madaafiic, baasuukayaal, qoriyaha darandoorriga u dhaca (Machine gun), bambo gacmeedka, duqaynta cirka ee diyaaradaha iyo hub kasta oo burbur laxaad leh keeni karayayba waa ay adeegsadeen. Cidda hubkaas loo isticmaalayaa ma aha SNM, waa rayidkii. Nooc kasta oo hub ah oo ay heli karayeen waxay u isticmaaleen magaalooyinka ay dadku ka buuxaan; iyaga oo xiitaa duqaymaha cirka ah la beegsanayay goobaha ugu saxmadda badan, si ay mar qudha u gummaadaan tirada ugu badan ee suuragalka ah. Wax waliba waa ay dumeen ama rasaas ayaa si isdaba-joog ah ugu dhacaysay, magaaladii Burcana gebi ahaanba waxa qabsaday hillaaca hubka sida aan kala sooca lahayn dadka loogu furayay. Ismaaciil Ducaale, wuxuu sheegay in gees kasta ay rasaasi ka imanaysay. Ciidankii dawladdu, maalintaas iyo maalintii xigtay waxay dhex galeen magaaladii Burco iyaga oo ragga guriyaha ka soo saarayay, isla halkaasna ku tooganayay. Waxa rasaas aan kala sooc lahayn lagu furay dad dibadda u soo baxay oo hubinayay waxa dhacay, iyada oo ay halkaas ku dhinteen dad tiro beelay. Lagama sheekayn karo khasaaraha uu geystay hubkaasi; waa wax Ilaahay uun u qiyaasan. Waxa faraha ka baxay boobka ay ciidanku u geysanayeen hantidii dadweynaha. Waxay jabsanayeen albaabada meheradaha iyo meelaha ay hantidu taallo, iyaga oo dadka qaar ku dul toogtay hantidooda. Salaasadii 27 May, waxa bilaabmatay duqayntii cirka. Daruuraha ayuu isku shareeray madowga qiiqu. Waa aad ku cabbudhsay qiiqaas, waxa aanu xanuun aad u daran kaga tegayay cunahaaga iyada oo indhuhuna qofka ay gubanayeen ayay tidhi Khadiija Sugaal. Dabcan, waa qiiq leh astaamihii sunta; waxay u badan tahay inuu hubkaasi sun ahaa. Inta badan joog hoose ayay diyaaraduhu ku duuli jireen, waayo marnaba cabsi kama ay qabin in la soo rido, maadaama oo cidda ay gummaadayaan aanay ahayn ciidan hubaysan ee uu yahay shacbi fara-madhan. Salaasadaas ka dib, magaaladu waxay u ekayd inay hurushoobayso, goob walbana qiiq ayaa ka baxayay. Qof walib wuxuu ku qasbanaaday inuu qaxo – qof xanuusanayay, qof dhaawac ahaa iyo qof da’ ahaaba si isku mid ah ayay uga qaxeen magaaladii. Arbacadii ku xigtay waxaanu gaadhnay heer aanu quusanno. Gurigayagii waxaan ka tegay aniga oo xiitaa aan malkhabad xidhnayn, kaliya waxa aan haleelay kab kaliya oo aan labadayda cagood mid ahaan galiyay. Waxa aan si habaqle ah ugu dhaqaaqay dhanka bariga, iyaga oo ay I weheliyaan dumar kale. Meel walba iyo dariiq walba maydad ayaa daadsanaa, iyada oo aad moodday dhar gaadhi ka daatay sida ay u rasaysan yihiin ayay tidhi Khadiija Sugaal. Maydadkaas waxa ku jiray walaalkay Saleebaan oo da’aha soddonaadka ku jiray. Isaga oo qaxaya ayuu askari dilay. Waxa kale oo ku jiray carruurtayda awoowgood, Maxamuud Jaamac Oogle oo ay isagana askartu toogteen iyo saaxiibadday Qadiija Xaaji Cabdi oo ahayd gabadh ku jirtay da’aha kontonaadka, waxayna dhimatay ka dib kolkii uu madfac ku dumiyay gurigii ay ku jirtay. Muuna Axmed Yuusuf Qulumbe, waxay sheegtay in guri jaarkooda ahaa oo toddoba qof ka koobnaa ay lix ka mid ahi hal mar wada geeriyoodeen ka dib kolkii uu madfac ku soo dhacay. Gabadh yar oo daqiiqadahaas tukaanka ku maqnayd ayaa ka bedbaadday. Ma jiri karo dambi ka weyn oo qof laga geli karo in hal mar sabab la’aan loo dilo hooyadii, aabbihii, walaalihii iyo idil ahaan xubnihii qoyskiisa, waliba ay disho isla ciddii loo xil saaray inay ilaalisaa. Inantaasi haddiiba ay maanta nooshahay maanta, ma rumaysan kartaa walaalnimada Soomaaliya? Tolow sidee ayay u arki lahayd in kuwii dambiyadaas iyo kuwa ka waaweyn galayba ay xubno ka yihiin xukuumadda Soomaaliya ee maanta? Xigasho: Human Rights Watch; a government at war with its own people, page 127 – 132. Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
  8. Wasaradda caafimaadka ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta shaacisay in 280 kiis oo cusub oo Fayraska Corona ah dalkaasi laga helay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay. Tiraddaasi ayaa ah mid sarreysa marka loo eego todobaadyadii la soo dhaafay oo uu dalkaasi u muuqday mid guul ka gaaray xakameynta Fayraska. Dowladda dalkaasi ayaa shaacisay in 26,366 qof oo ay ka baartay cudurka laga helay 3,194 qof, halka 1,286 dadkaasi kamid ah ay ka biskoodeen xanuunka waxaana ugu dhintay dalkaasi hadda dad gaartay 22 qof. Jabuuti oo tirada dadkeeda lagu sheego inay ku dhawdahay milyan qof ayaa waxa ay diiwaangelisay kiisaska ugu badan ee Bariga Afrika. Jabuuti ayaa dhawaan khafiifisay xayiraad ay dalkeeda kusoo rogtay Fayraska Korona awgii, waxaana khubarada caafimaadku ay sheegayaan in shacabka badankood aanay fulin talooyinka caafimaadka ee ay kamidka yihiin gacma dhaqashada iyo kala fogaanshaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Waxaa ka muuqata in hadalkii Ra’iisul wasaaraha aysan madaxweynaha iyo asigu isla ogeyn, arintaan uu ku dhawaaqay shalay ee Doorashada oo ay ku kala aragti duwan yihiin, maxaa yeelay warkaan waa war madaxweyne ee ma ahan war Ra’iisul wasaare, sidaas daraadeed haday saas tahay oo aysan isla ogeyn 2 jug oo culus ayaa caawa Madaxweynaha ku dhacday: 1- In hadii doorasho la aadayo libintii laga qaatay, oo waxaa looga abaal heynaa Ra’iisul wasaaraha, hadii xataa Doorasho dhacdo, maxaa yeelay iyada oo la yaaban yahay oo war laga la’yahay madaxweynaha ayuu asigu ku dhawaaqay weliba iyadoo uu jiro Tuhun weyn oo ahaa in Madaxweynuhu ku darsi rabo oo xilka Ra’iisul wasaaraha uu ku gorgortami rabo. 2 – Hadii uu ku fikiraayay xoogaa Extension ah liin ayaa looga dhiijiyay oo hadalka Ra’iisul wasaaruhu waa cadyahay ( waa in 4-tii sanaba doorasho dhacdaa) hadal cad, Ra’iisul wasaaraha intii madaxiisa lagu gorgortami lahaa ayuu ka hor dhacay, wuxuuna Madaxweynaha geliyay baxar siyaasadeed oo madaxweynihii wuxuu u muuqanayaa nin doorasho diidan oo laga soo wada horjeesto, Ra’iisul wasaaraha wuxuu u muuqanayaa nin doorasho raba oo wuxuu helayaa taageerada inta Doorasho rabta, sidoo kale wuxuu helayaa jaanis uu dhoolatus siyaasadeed ku sameeyo. Dhinaca kale waxaa kaloo hadalka Ra’iisul wasaaraha ku jiray erayga ah ” stakeholdrs” oo inta aan ka warqabay aan Madaxtooyada laga jecleyn lagana diidan yahay waana sababtii xildhibaanadi iyo wasiirradii shirki Puntland aaday oo dowladda uga qeyb galay ka dagaalamayeen oo halaga tiro eraygaas ” stakeholders” war murtiyeedka iyo laga tiri maayo buuqu uga dhacay dartii ay shirka uga baxeen. Sababta kalimada “stake holders” ay xasaasiyada uga qabto Madaxtooyadu waxaan isleeyahay waa in Axmed Madoobe iyo Deni soo galayaan iyo xisbiyada mucaaradka ah. Ugu danbeyntii Ra’iisul wasaaraha iyo wasiiradiisa, waxaan uga hambalyaynayaa inay gool siyaasadeed ka dhaliyeen madaxtooyada( ضربة معلم ) laakiin muwaajahada soo socota ku tala gala, oo malaha ka bilaaban doonta in “korontada iyo biyaha la iska jarto la isna qaxiyo”! Waa haday jirto in aan leysla socon oo ay u badan tahay sida wax u dhacayaan marka la eego. Siyaasiyiinta mucaaradka ah, maamul gobaleedyada mucaaradka ah iyo kuwa baatiyaasha ahaayba, dhamaan waxaa la gudboon inay taageeraan dhawaqa Ra’iisul wasaaraha, gacana ay ka geystaan sidii ay isugu imaan lahaayeen stakeholderska siyaasadda ee dalka. Waxaa ceeb ah in la arko siyaasiyiinta ku heybta ah Ra’iisul wasaaraha ee shalay ku qeylinayay doorasho ayaan rabnaa in markii Ra’iisul wasaarihii u bareeray khatarta ku dhawaaqideeda ay daba maraan oo xilkiisi raadsadaan. Jufadi Hawiyaha ee xilkaas siyaasigoodaa asigoo u gaatamaya la arko waa in loo aqoonsado jufadaas haday is cesha waayaan” Gun” aan Gabdhaha laga guursan. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Qaar kamid ah Isimada waaweyn ee Puntland, oo isu taagay xallinta Khilaafka Deni iyo Karaash, oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamanka ayaa galabta xarunta Golaha Wakiilada uga yeeray Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, kadib markii uu saaka u gar-dhiibtay Isimada. Isimada oo ay hoggaaminayaan Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed, ayaa xarunta Golaha Wakiilada kulan kula qaatay Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, waxaana kulanka goob-jooga ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka iyo labadiisa ku xigeen. Isimada ayaa intii kulankaas socday, waxay Madaxweyne ku xigeenka ka dalbadeen in uu Guddoonka Baaarlamaanka hortiisa ka sheego qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne iyo qodobada Dastuuriga ah ee uu cuskanayo, si loo dhex-dhexaadiyo labada mas’uul. Madaxweyne ku xigeenka oo hadalka qaatay, ayaa kulanka ka sheegay in uu Madaxweynaha ka tirsanayo tixgelin la’aan iyo wada-shaqayn xumo ay weheliso jebin Dastuur, wuxuuna si gaar ah u xusay in Madaxweyne Deni uu jebiyay Qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, Fiqraddiisa Labaad oo ku saabsan wada-tashiga Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa. Kadib markii la dhegaystay doodda Madaxweyne ku xigeenka, ayaa Isimada iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu waxay soo jeediyeen, in labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka AVV. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo AVV. Ismaaciil Maxamed Warsame ay si sharciyan ah u soo darsaan awoodaha Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka uu Dastuurku kala siinayo. Labada Guddoomiye ku xigeenka, ayaa la siiyay in ay muddo kooban ku keenaan hawsha loo xil saaray ee la xiriirta kala saarista Awoodaha Dastuurku siinayo Deni iyo Karaash, si hannaan sharciya loogu kala saaro labada hoggaamiye. Isimada, Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka, ayaa isla gartay in xogta kulankooda aysan bixin ilaa xal rasmiya laga gaaro Khilaafka markaas oo ay war-saxaafadeed ka soo saari doonaan. Sidoo kale, Isimada ayaa xiriir la sameeyay Madaxweyne Deni oo ay maanta waayeen, waxaana ay ku war-geliyeen in uu maalinta berriya Golaha Baarlamanka yimaado, si isna looga dhegaysto qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne ku xigeenkiisa. Madaxweyne Deni oo Isimada la hadlay, ayaa u ballan-qaaday in uu maalinta berriya, haddii Alle idmo imaan doono xarunta Baarlamaanka, si uu gartiisa u naqdo, waxaana caawa lagu kala seexday intaas. PUNTLAND POST The post Deni iyo Karaash oo aqbalay dhex-dhexaadinta Isimada appeared first on Puntland Post.
  11. Bannaanbaxyo rabshado watay ayaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah ka dhacay gobolka Minnesota ee wadanka Maraykanka kaas oo ka dhashay caro shacabka magalaada ay ka qaadeen wiil American Modow ah oo askar Booliska magaalada ay u dileen si Banii’adnimada ka baxsan waxaana ka dhashay dibaxyo ruxay magaalada. Dibadbaxan oo watay rabshado ay sameynayaan mudaharaadayaasha ayaa habeenkii xalay sii xoogeystay kaas gilgilay magaalada Minneapolis, halkaas oo ay iskula dhaceen, ciidamada booliska iyo dadka ka careysan dilka Goerge Floyd oo maalinimadii Isniinta ahaa ku baxay gacanta Booliska. Dibadbaxayaasha ka careysan dilka ninka ayaana habeenimadii xalay gubay goobo badan uu ka mid ahaa Bank ku yallo magaalada kaas oo ka mid ahaa goobo dab la qabad siiyey dibad baxa ayaana sii soconaya kuna sii baahayo qeybaha kale magaalada sida ay soo sheegayaan wariyayaasha ku sugan goobaha ay ka socdaan dibadbaxyada. Maamulka magaala oo isku dayey inuu xakameeyo dibadbaxayaasha ayaa shaqada ka joojiyey booliska markii ay u maaro waareen dibadbaxayaasha ayaa waxaa magaalada lagu soo daadiyey ku dhowaad 500 askarta Milatariga keydka wadanka Mareykanka kuwaas oo loo tababaray in ay ka hortagaan rabshada nuucaan oo kale ah waxaana ay u muuqanaya in ay ku guul dareysteen in ay xakameeyaan dibabaxa oo abuuray jahwareer amni ee magaalada. Intii dibad baxyadu ay socdeen waxaa la gubay saldhigii magaalada, waxaa sidoo kale dab la qabadsiiyey goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad American ah iyo Ajaanib deganaa Mareykanka oo ay ku jireen kuwo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed, goobaha qaarkood ayaana weli gubanaayo dibadbaxa ayaa ku baahayo goobo kale. Waxaa jira dhallinyaro Sooaaliyeed kuwaas oo iskood isku xilqaamay kuwaas habeenkii sedexaad badbaadinaya goobahooda Ganacsiga oo ka hor istaagaya dibaxayaasha doonaya inn ay gubaan goobaha ganacsiga magaalada waxaana ay VOA u sheegeen in ay jiraan dad ku dhex gabaanayo dibadbaxayaasha oo doonaya in ay wax dhacaan oo ay goobahana gubaan sida ay sheegeen dhallinyadaan oo habeenkii sedexaad badbaadinaya ganacsiyadooda. Dibad baxa ayaa sii saro kacay ka dib markii ciidamu ay xireen wariye ka tirsanaa CNNtv kaas oo goobta uu ku sugnaa maalmaahaan tabimnaayey live ku aadan dibadbaxa oo maalmaahan shaashadaha CNNTV Omar Jimenez ayaa gacmaha laga jeebbeeyey isaga oo subaxa hore ee jimcaha tebin toos ah ku jira sida ay wax uga jiren goobta. Waxaa sida oo kale la xiray sawir qaade iyo soo saare la socday iyada oo xariggiisa loo sababeeyey inuu diiday amarka booliska ay siiyeen ee ahaa inuu meesha ka dhaqaaqo Balse wax yar kaddib ayaa la sii daayey wariyaha iyo raggi lalal xiray iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin wariyaha iyo saaxiibadiisa ka tirsanaa CCNTV. Barasaabka Minnesota Tim Walz ayaa raalli gelin ka bixiyey xarigga wariyaha lagula kacay, isaga oo dhacdada ku tilmaamay waxaana uu dalbaday in deganaan la muujiyo lana soo afjaro dibad baxayaasha ,maamulka CNN waxay sheegtay xariigga loo geystay shaqaalaheeda inuu dastuurka dalka Mareykanka uu ka hor imanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha Galmudug Axmed CabdivKaariye Qoorqoor iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa markii u horaysay wuxuu booqdey Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo oo ah meeshii lagu aasaasay [...] The post Daawo Qoorqoor oo Xaafada Baraxlay Magaalada Gaalkacyo soo gaaray appeared first on . Source
  13. Wasaaradda caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda maalin laha ah ee xanuunka Coronavirus ku sheegtay in maanta dalka laga diiwaan geliyey kiisas cusub oo gaarayo 88 xaaladood oo COVID-19 ah taas oo tirada guud ka dhigeyso dadka uu ku dhacay xanuunka gudaha dalka 1,916 Qoraalka maalin laha ee ka soo baxa wasaaradda ayaa lagu sheegay in kiisas laga kala helay gobolka Banaadir oo laga diiwaan geliyey 10 xaaladood, Galmudug oo maalmaahan baaritaanno laga waday ayaa laga helay 47 xaalad, Somaliland ayaa laga helay 29 kiis, halka maamulka Puntland laga xusay xaalado gaarayo 2 kiis oo Coronavirus. Wasaaradda ayaa sidoo kale xusay in kaasaska maanta la diiwaan geliyey 71 ka mid ah ay yihiin Rag halka 17 yihiin Haween waxaa xanuunka ugu geeriyooday gudaha dalka 1 ruux taas oo ka dhigeyso dadka Coronavirus dalka ugu geeriyooday 73 ruu, waxaa xanuunka ka soo bogsooday 17 ruux oo tirada guud ka dhigeysa dadka ka kabsaday 327. Xanuunka Coronavrirus ayaa muddooyinkii dambe kiisaskii ugu yaraa waxaa laga diiwaan gelinayey magaala Muqdisho halka ay soo kordhayaan xalaadaha xanuunka ee laga soo sheegayo gobolada dalka taas oo ka dhigan in Feyruska uu ku faafayo gobolada dalka labadii asbuuc ee la soo dhaafay waxaa yaraa kiisaska cusub ee Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Sucuudiga ayaa laga bilaabo 31-ka bisha May oo ku beegan Axadda Berri Albaabada u furaysa Masaajidka Nebiga ee Magaalada Madiina. Tallaabadan oo qayb ka ah Qorshaha ay Dawladda Sucuudigu ku yaraynayso Xanibaadihii lagaga gaashaamanayey Covid_19 ayaa waxa Shalay Ansixiyey Boqorka Sucuudiga, boqor Salmaan, sida uu Maanta baahiyey Telefiishanka Alcarabiya. Laga bilaabo Salaadda Subax ee Axadda Berri, Dadka doonaya inay ku cibaadaystaan Masaajidka Nebiga ee Magaalada Madiina ayaa awoodi doona inay ugu tukadaan si jamaca, inkasta oo Tirada Dadka ku tukanaya la xadidayo, si looga digtoonaado Xanuunka Covid_19. Masuuliyiinta boqortooyada Sucuudiga u qaabilsan Maamulka Masaajidka Xaramka iyo Masaajidka Nebiga CSW ee Mediina, ayaa qaaday Tallaabooyin lagaga Taxadarayo xanuunka Covid_19, waxaana Tallaabooyinkaa ka mid ah in Masaajidka laga saaray Roogaggii ku goglanaa, si Dadweynuhu ay dhulka ugu tukadaan. Tallaabadan ayaa imanaysa xilli aan weli la furin Xaramka. Source
  15. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta galinkii dambe soo gaaray Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa waxaa afaafka hore ee magaalada ku soo dhaweeyay xubno ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Galmudug. Madaxweynaha Galmudug oo hadal ka jeediyay garoonka kubadda cagta Koonfurta Gaalkacyo oo soo dhaweyn diiran loogu saamayay ayaa sheegay in safarkiisu yahay safar nabad iyo iskaashi, islamaarkaana uu Gaalkacyo u yimid in uu dhageysto baahiyaha iyo tabashooyinka reer Gaalkacyo. Madaxweyne Qoorqoor ayaa tilmaamay in Gaalkacyo ay tahay halbowlaha Galmudug uuna mudo joogi doono. Hoos ka daawo hadalkii Madaxweyne Qoorqoor ka jeediyay Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa dhawaan khudbadiisi uu ka jeediyay xuska 18-May oo ku beegneyd maaalintii ay Somaliland ku dhawaaqday madax-banaanida ay ku doodo uu ku sheegay ‘inay Soomaaliya ku kala bixi karaan labo qodob oo ay kamid aheyd inuu qadiyadooda geeyo maxkamad caalamiya’. John M. Rosenberg oo ah khabiir Mareykan ah oo degan dalkaasi, ahna khabiir ku takhasusay arrimaha Afrika, ayaa ka digay qorshahaasi Biixi ee uu ku sheegay inuu qadiyada Somaliland uu ku geyn doono Maxkamad caalamiya. John ayaa sheegay in qorshahaasi Biixi uu ku dambeynayo guul-daro, maadama ay tahay istiraajiyad aan laheyn qorshe fog, isla markaana ay haboon tahay in la helo qorshe ka duwan midka uu ka dhawaajiyey madaxweyne Muuse Biixi. Rosenberg ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka si dad-ban ugu sheegay in qadiyada Somaliland oo la geeyo maxkamad caalami ah ay ku dambeyn doonto midnimada ay raadineyso dowladda Soomaaliya. “Somaliland waxa ay sheegtay inay qorsheynayso in qadiyadeeda ay gaynayso maxkamad. In qadiyadda la geeyo maxkamad caalami ahi waa istiraajiyad lagu guul-dareysanayo, balse waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa sharcinimo loogu hello galaan gal meel kale laga sameeyo” ayuu ku yiri qoraalkiisa John M. Rosenberg. Somaliland ayaa u muuqata mid ku guul-dareysaneysa inay hesho madax-banaanida ay ku doodo, midaasi oo ay horseed u yihiin qorshayaasha iyo talaabooyinka ay ku baadi-goobeyso ictiraafka oo ah kuwo aan loo meel dayin.
  17. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/ Mudug. Qoor-Qoor iyo wafdigiisa ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray Gaalkacyo ,iyagoo soo maray maanta deegaanada kala ah Galinsoor, Bandiiradley iyo Saddex Hoglo, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen bulshada ku nool deegaanadaas. Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigiisa ayaa boqolaal dadweyne ah kula hadlay garoonka kubadda Cagta ee C/laahi Ciise, wuxuuna u sheegay u jeedka socdaalkiisa. Waa safarkii ugu horreeyay oo uu madaxweyne Qoor-Qoor ku gaaro magaalada Gaalkacyo, tan iyo markii xilkan loo doortay. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  18. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/War-Habeen-30-05-2020.mp3 View the full article
  19. Chinese scientists working on a COVID-19 vaccine have told Sky News they are "99%" sure it will be effective. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyagoo soo maray deegaanada Galinsoor, Bandiiradleey iyo sadax hoglo halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Bulshada ku nool. Madaxweyne Qoor Qoor iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyn balaaran loogu sameeyay garoonka ku badda cagta ee Cabdullaahi ciise oo ay soo buux dhaafiyeen boqolaal dadweynaha oo isagu jira Haween. Dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka yimid Magaalada Cadaado halkaasi ee uu sameeyn ku yeeshay cudurlka safmarka ah ee Covid-19 oo la sheegay inay u geeriyoodeen dad badan waxaa sidoo kale oo xariga ka jaray xarunta karantiilka dadka uu soo rito cudurka Karoona. Ugu dambeyntii waa safarkii ugu horeeyay uu Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo safar ku tago Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug tan iyo markii loo doortay Madaxqweynaha maamuli doona afarta sano ee soo socoto Dowlad goboleedka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya walaaca xoogan ee laga muujinayo doorashooyinka Soomaaliya ee 2020 illaa 2021-ka, iyadoo xubnaha beesha caalamka iyo mucaaradka ay ka digayaan muddo kororsi. Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beene oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka oo u warramay VOA ayaa sheegay in guddoonka baarlamaanka Soomaaliya uu fuliyey qorshe lagu soo heshiiyey oo dib loo dhigayo doorashooyinka Soomaaliya, sida mida Madaxweynaha iyo tan baarlamaanka. Beene-Beene ayaa sidoo kale tilmaamay in la jabiyey sharciga doorashooyinka qaranka ee ay meel mariyeen labada aqal ee baarlamaanka federaalka iyo dastuurka KMG ah. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in dib loo dhigay warbixintii guddiga doorashooyinka madax banaan, iyada oo laga leeyahay dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in uu socdo isku day la doonayo in muddo kordhin hor leh loogu sameeyo hay’adaha dastuuriga ah iyo madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo uu xusay inay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka. Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlay arrintaan ayaa difaacay go’aanka guddiyada joogtada ee labada aqal, kadib markii ay go’aamiyeen todobaadkii la soo dhaafay in dib lo dhigo furitaanka kalfadhiga 7-aad ee baalamaanka Soomaaliya. Dalxa ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid loo baahnaa, islamarkaana lagu saleeyey xaaladda adag ee uu haatan ku jira dalka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Mudane Xasan Cali Khayre uu kulankii golaha wasiirada Soomaaliya ka sheegay in dalka ay ka dhaceyso doorasho guud, islamarkaana lagu qaban doono watigii loo asteeyey.
  22. Inta la ogyahay aadamuhu waxa uu horumar toolmoon ku gaadhi karaan oo qudha hirgalinta nidaam dowladeed oo hufan. Mana jirto cid horumar ku gaadhay dowladnimo la’aan iyo fowdo. Sidoo kale dowladnimodu maaha wax sida roobka samada uga soo da’a, mana aha wax ay dad kale hadiyad ahaan kugu siin-karaan. Laakiin ummad kasta oo dowladnimada ku badhaadhay iyada ayaa tacab iyo dadaal joogto ah u soo hurtay. Marka la eego dhabaha aynu Somaliland ahaan dowladnimada u maraynaa maaha kii ku haboonaa, ee aynu ku gaadhi la hayn dowladda aynu maanka ku hayno. Maxaayeelay dowladnimadu waxay u baahan tahay, in marka hore si mug leh seeska loogu dhigo dowladnomo taabo gal ah, oo u adeegi karta dadka ay matalayso, haddii se marka la taagaba qabyaalad gadaanka loo sudho ama qalaaase lugaha loo galiyo, waa hubaal in aan jidkaa lagu gaadhi karin dowladnimo midho-dhashay. Sideedaba ujeedada iyo mihiimada dowladnimada loo yegleelaa maaha saami-qaybsi iyo in beelo wax lagu qaybsado, laakiin waa in lagu horumariyo kaabayaasha nololeed ee ay bulshadu u baahan tahay sida arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Sidoo kale waxa dowladnimada loo dhaabadeeyaa waa in la mideeyo xoogga, maalka iyo aqoonta oo gundhig u ah horumar kasta oo aadamuhu gaadheen. Dhaqamada uurkutaalada leh ee bulshadeena ka dhex muuqda waxa ka mid ah, in hal-beega ugu sareeyaa ee aynu wax ku cabiraynaa uu yahay qabyaaladda iyo reernimada, taa soo udub dhexaadka u ah, caqababaha iyo mushkiladaha lugta jiidaya habsami u socodka shaqo ee qarankeenna. Waxaan qarsoonayn, in dhaqdhaqaaqyada iyo afkaaraha bulshadeenna ka dhex guuxayaa aanay ka turjumaynin baahida dhabta ah ee shacabkeenna ku gadaaman, islamarkaana ay salka ku hayaan dano kooxeed iyo shaqsiyeed oo loo galiyay shaadh qabiil ama qaran. Inkasta oo ay kooxahaasi iyaga oo ilmada yaxaaska qubaya ay si qiiro leh u sheegaan in ay u adeegayaan qaranka iyo qabiilka ay afkiisa ku hadlayaan, hadana waxay xaqiiqdu tahay in aanay cidna u adeegaynin ee ay marin habaabinayaan han iyo himilada shacabka Somaliland. Guntii iyo gabo-gabadii waxa innala gudboon in aynu dib u xisaabtano isna waydiin dhowr su’aalood, waa midda koobaade, dareenka qabyaaladda xambaarsan ee uurkeena iyo maankeena dhex-jeefaa ma yahay mid innoo horseedi kara horumar bulsho iyo mid dhaqaale oo wax ku ool?. Waa midda labaade, khibradda iyo waayo-aragnimada nolosha laga dhaxlay ma ku haynaa qabyaalad iyo qarannimo meel kuwada barbaaray, oo horumar iyo barwaaqo lagu gaadhay?. Waa midda seddexaade, ma garwaaqsan nahay in sababta qudha ee qarannimadeenu u dhutinaysaa ay tahay qabyaaladda ku xididaysatay bulshada dhexdeeda?. Waa midda afraade, ma yiqiinsan nahay in ummadaha dunida ku nooli ay kala duruufo iyo waayo yihiin, islamarkaana ay daruuri tahay in aynu ku xisaabtanno duruufaha iyo xaaladaha innaga innoo goonida ah, sidoo kale aynaan awrka ku xidhiidhsan bulshooyin innaga xadaarad iyo aqoon durugsan?. Waa midda shanaade, ma ku baraarugsan nahay in jidka qudha ee aynu horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku gaadhi karnaa uu yahay dowladnimada oo aynu xoojino, qabyaaladda iyo danaysiga aynu tuurno. Si kastaba ha ahaatee talaabada ugu macquulsan ee aynu qaadi karnaa waa in, innaga oo isku-duuban dowladnimada is garabtaagnaa, islamarkaana si hagar la’aan ah ula-shaqaynaa. Madaxweyne kasta oo la doortan waa in aynaan indho qabiil ku eegin ee aynu indho qaran ku eegnaa. Cumar Axmed Cali Qaran News
  23. Dowlad goboleedka Puntland ayaa dib u fureysa maxkamadaha xili weli uu jiro covid-19 waxaa maanta shir ku wada yeeshay xarunta Wasaaradda caafimaadka Puntland masuuliyiinta Wasaraadda iyo Garsoorka Puntland waxaana laga wada hadlay talaabaaoyinka caafimaad ee lagu yaraynayo khatarta cudurka Covid-19 si dib loogu bilaabo adeega Maxkamadaha oo bulshada reer Puntland muhiimad u leh. Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa ugu horayn uga mahadceliyay mas’uuliyiinta garsoorka kulanka ay wada yeesheen kaasi oo lagu doonayo in la iskula meel dhigo talaabooyinka caafimaad ee loo baahanyahay in la hirgeliyo inta aan dib loo bilaabin shaqooyinka Maxkamadaha. Waxaana Agaasimahu uu faray in loo bahan yahay in Maxkamadaha oo shaqadoodu socoto hadana laga hortago in xanuunka safmarka ah ee Covid-19 uu ku fido xarumaha Maxkamadaha oo dad badan iskugu yimaadaan inta badan. Sidoo waxa uu soo jeediyay in loo baahanyahay in hoolka dacwadaha lagu qaadayo la xadido dadka gelaya gudaha sidoo kalena qofkasta la hubiyo inta uusan galin xaaladiisa caafimaad sida in la ogaado qandhada iyo inuu wato afxir (mask) iyo gacmo gashi (gloves) si looga yareeyo khatarta xanuunka. Guddoomiyaha Maxkamada sare Puntland Nuur Ciise Mohamed ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay kulankaan oo xusay in loo baahanyahay in la ogaado qaabka dib loogu bilaabi karo shaqada garsoorka iyada oo laga fakarayo xanuunka Covid 19. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Garsoorka Puntland uu haayo shaqo adeg, waxaana uu xusay in ka Wasaaradd ahaan ay masuuliyad ka saarantahay inay la socdaan badqabka caafimaad ee cidkasta oo meel iskugu imaanaysa si looga hubiyo inuusan fidin xanuunka Covid-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa garoonka Aadan cade ee Magaalada Muqdisho salaadda jinaasadda kula tukaday allah ha naxariistee maydka safiirkii jaamacadda carabta ufadhiyey Soomaaliya danjire Xaamud Samraan Alkuwait oo ku geeriyooday Muqdisho. Allha ha naxariistee Meydka Safiirka ayaa loo qaaday dalka uu udhashay ee sacuudiga si loogu aaso waxaana madaxdii Sagootinta ka qaybgashay ay uga tacsiyadeen ehelada marxuumka,dowladda Sacuudiga iyo sidoo kale Jaamacadda carabta oo uu Soomaaliya uqabilsanaa. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah danjire Axmed Ciise Cawud iyo Wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ku hadlayay afka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi udiray shacab weynaha iyo Dowladda Sacuudiga geeridii ku timid allah ha naxariistee safiirkii jaamacadda carabta ufadhiyey Soomaaliya danjire Xaamud samraan Alkuwait oo ku geeriyooday Muqdisho. “Dowladda Soomaaliyeed waxa ay ka tacsiyadeyneysaa geeridii naxtinta leh eek u timid allah ha naxariistee safiirkii jaamacadda carabta ufadhiyey Soomaaliya danjire Xaamud samraan Alkuwait oo ku geeriyooday Muqdisho “ sidaa ayay yiraahdeen masuuliyiinta dowladda Soomaaliya. sidoo kale waxaa ku sugnaa Wasiiro ka tirsan Xukumadda federaalka Soomaaliya Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska iyo culuma,udiin . Marxuum Danjire Xamuud Samraan Aljowhari Alxuweydhi oo ahaa ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta iyo Madaxa ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ayaa fiidnimadii Sabtida, oo ku beegneed 23 May, 2020 ku geeriyooday hoygii uu ka deganaa Caasimadda Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Gololey (Caasimadda Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka hadlay dil wadareedkii dhawaan ka dhacay deegaanka Gololey ee hoostaga dagmada Balcad ee gobolka, oo lagu xasuuqay sideed dhallinyaro ah. Sideedda qof ayaa ka shaqeynayay xarun caafimaad oo dadka deegaanka loogu gar-gaarayay siyaabo kala duwan loo dilay, waxaana illaaa hadda la ogeyn cidda dilka fulisay. Muuse Suudi wuxuu aaminsan yahay in wadar ahaan dadkii ku dhintay oo isku hal qoys ahaa ay jiraan dad ka dambeeya dhibaatada loo wada geystay, sidoo kalana wuxuu qiray inuu la xiriiray taliyaha booliska dagmada Balcaad, taliyaha nabad sugidda iyo xildhibaan deegaanka ah oo ku sugan meesha ay dhibtu ka dhacday. Waxaa uu sheegay ka hor inta aan dhalinyaradda la dilin in ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya qarax lala eegtay oo khasaare xooggan uu kasoo gaaray, waxaa uu sidoo kale xusay in dhaqatiirta iyo Ciidanka lagu laayay degaanka kasoo wada jeedaan hal Beel. Waxaa uu walaac ka muujiyay in dowladda dhexe ee Soomaaliya loo daayo in ay baaritaano ku sameysan falkaasi, waxaana uu caddeeyay inaan baarista falkaasi lagu aamini karin dowladda Soomaaliya. “Dadka labada meelood lagu laayey waa isku hal dad. Baabuurta ciidamada laga qarxiyey 9 ayaa ku dhimatay, dhaqaatiirta la laayeyna 8 ayaa dhimatay… Wiilasha nin ka mida oo dhaqaatiirta ahaa isagoo indhaha ka xiran ayaa yiri: annaga sidaad rabtiin na yeela ee Gabdhaha dhaafa,” ayuu yiri Muuse Suudi oo intaas ku daray inuu arrintan baaris ku sameeyay. Waxaa uu sheegay inaysan ahayn in ciddii dhimata Al-Shabaab loo saariyo, isagoo soo qaatay geeridii gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiaxmaan Yariisow oo uu sheegay inay weli shaki ka qabaan cidda abaabushay dilkiisa. “Arrintan dad dowladda u shaqeeya oo in shaqada laga baxsho ka cabsanaaya baariteeda laga sugi maayo, waxaan kaloo laga sugeynin dad isku buqdan oo waxba kala ogeyn.. arrintan caalamka ayaa laga sugayaa, wax lagu kalsoon yahay oo dalkan ka jiro ma jiraan,” ayuu yiri Muuse Suudi. “Madaxweyne Farmaajo ayaa qaadaya mas’uuliyadda dhaqaatiirta la xasuuqay,” ayuu yiri Dowladda Federaalka oo war kasoo saartay dhacdadaan ayaa iska fogeysay tuhunka, balse waxaa la ballan qaaday in baaritaanno sax ah lagu sameyn doono wixii ka dhacay deegaanka Gololey.