Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxamed Abuukar Maxamed Dhagoole oo loo yaqaano {Caato} oo Al-Shabaab u qaabilsan maaliyaada gobolka Shabeelaha Hoose ayaa isku soo dhiibay ciidamadda Kumaandooska Xoogga dalka ee Danab, sida ay sheegtay DF Soomaaliya. Taliyaha guutada 16-aad ee Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa warbaahinta u sheegay inay soo dhaweyn u sameeyeen sarkaalkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay u gudbin doonaan hay’adaha ku shaqadaleh. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ayaa kordhiyey howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Sh/ Hoose. View the full article
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-03072020.mp3 View the full article
  3. To: President of the Federal Government of Somalia H.E Mohamed Abdullahi Farmaajo To: Special Representative of the Secretary-General for Somalia Amb. James Swan CC: International Communities It has been thirty years since the first Manifesto was released and published in May 1990, at a time when Somalia was on the cusp of disintegration and when state collapse in the hands of an autocratic ruler who had refused to listen to the voices of the nation, and the nation was eminent state. Soon after Manifesto 1 was published, Somalia erupted, and a consequential collapse of the Somali Democratic Republic ensued from which it has yet to recover. Thirty years later, the same conditions prevail in the country. There is an impasse on many key political issues resulting in a growing dissatisfaction by the Somali people, who are extremely worried about the direction of the country. We believe no Somali citizen can any longer look away from the ominous threat or a sense of doom that hang over the country today. Thirty years after the collapse of Somalia’s central government, the country is at a critical juncture as dark clouds had gathered around the election cycle and the country’s succession to a new government is being manipulated. The uncertainty surrounding the parliamentary and presidential elections for 2020/21, just four months before the term of the current parliament and less than eight months before the term of the President expires, is particularly deeply troubling. Elections are fundamental rights enshrined in our country’s legal and constitutional framework. They are also crucial to facilitating peaceful and democratic transfers of power from one government to the next, as has happened since the Transitional National Government was created at the Arta peace process, Djibouti in 2000 to the 2017 transfer of power where the current administration of the Federal Government of Somalia was created. The government of President Mohamed Abdullahi Farmaajo has failed to 1) build stability and the institutions required for good governance, including an integrated national army capable of securing the country, and an effective police force responsible for protecting the lives, properties, peace, and security of its citizens; 2) establish the independence, effectiveness and accountability of legislative, judiciary and executive branches of government 3) address corruption and lack of transparency in government; 4) review and amend the provisional constitution and submit it for approval in a national referendum; 5) establish a constitutional court to adjudicate on constitutional matters; and 6) ) institute a rule of law reform to foster a government bound by law, justice, equality before the law and respect for human rights. Moreover, the government entered secret or undisclosed international treaties without parliamentary authorization through standard legislative procedures. The lack of progress in completing the necessary federal structures and processes, as well as its utter failure in fostering meaningful, coherent, and realistic plan for the talks with Somaliland is a retardation to rehabilitate Somalia. The failure of the FGS in its core functions constitutes a severe impediment to the trust the Somali people placed on their government. The Somali people lack access to basic services and infrastructure. Extreme poverty and hunger are widespread. More than 70% of the Somali people live below the international poverty line. Somalia is the 185th out of 189 countries in terms of poverty rate. There is a widespread unemployment which affects above 70 percent of the population. Sadly, the young people are the largest demographic cohort and they are the most affected group. Over 75 percent of the young has no access to opportunities for education or employment, and hence face multiple social, economic, and political exclusions. More than one million Somali people are refugees, while 2.6 million IDPs have been displaced by conflict, insecurity and/or drought, and are currently living in about 2,000 IDP sites across Somalia. These are many people in need with critical problems related to physical and mental wellbeing, living standards, as well as lacking protection for their safety and security, and most of them are children. The constitutionally agreed structure based on a federal system of government has been completely derailed by this administration. The country is being run by a small group of people who do not accept the principle of plurality as normal elements of politics, hence rejecting inclusive political settlements, therefore continuously behaving as though they have no constitutional responsibility to the citizens living in Federal Member States (FMS) and their institutions. The political parties and their leaders, FMS, intellectuals and civil society organizations, ordinary citizens and members of the international community have all loudly voiced their concerns about this turn of events. The country is at a critical juncture and the worsening relations between FGS and the FMS have meant that al-Shabaab remains lodged in vast swathes of the country, whereas the opposite could have been achieved were the FGS not engaged in exclusionary political power games at the expense of FMS institutions. For all the above reasons, we, the undersigned, are deeply disturbed by the exclusionary and incoherent political and security approaches to governance by the leaders of the FGS. The exclusive devotion to a particular set of interests with no regard for other people’s views, the corruption, mismanagement, and the arrogance of the FGS leaders have resulted in a complete failure of all internal Somali-owned political processes that are necessary to move the country forward, and especially to the most urgent priority which is to agree on a realistic and practically implementable plan for elections within the constitutionally required time frame. We call on all Somali people to support this Manifesto so that our country can avoid the dark storm clouds looming on the horizon once again. We also appeal to the government of President Mohamed Abdullahi Farmaajo, FMS Presidents, opposition parties, and civil society organizations: To act in accordance with the Provisional Constitution as the rule of the land and the Federal system established by the constitution Come together and build consensus (political agreement) on the most pressing issue at hand which are the constitutionally required elections for 2020/2021; and to Hold elections as scheduled and without any delay The signatories 1.Jaamac Cali Jaamac- Ex Manifesto 1 2. Avv. Xasan Dhimbil Warsame Ex Manifesto 1 3.Cabdi Muuse Mayow, 4. Cabdullaahi Xaaji Yuusuf Cigaal, Ex- Manifesto 1 5. Xirsi Bulxan Faarax Wasiir hore , 1967 6. Cali Cabdullaahi Cosable, Madaxweyne hore, Hirshabeelle 7. Faysal Cabdi Rooble 8. Gen. Maxamed Cusmaan Qaadi 9. Avv. Maxamed Macallin Xasan (Marooko) 10. Caasha Geelle Diiriye, Wasiir hore, Puntland 11. Eng. Axmed Warsame Abtidoon 12. Bashiir Ciise Cali, Gud. Hore Bangiga Dhexe, Soomaaliya 13. Avv. Maxamed Maxamuud Ciise (Turunji) 14. Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiir hore, DFS 15. Dr. Xasan Sheekh Cali 16. Avv. Shamso Sheekh Xasan 17. Raage Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac 18. Eng. Ismaaciil Daahir Cismaan 19. Cabdullaahi Xasan Maxamed (Isbaanish) 20. Dr. Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed (Foonka) 21. Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiir hore, DFS 22. Eng. Axmed Sabriye Siyaad 23. Dr. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Takar) 24. Cabdiraxiim Maxamed Abshir Haamaan 25. Maxamuud Xaaji Qore, Ex- Manifesto 1 26. G/ Sare Maxamed Xasan Xaaji Xuseen 27. Cabdulqaadir Nuur Salaad (Takar) 28. Abuukar Maxamed Cali 29.Maxamed Macallin Xasan Geelle, Xildhibaan hore 30. Dr. Aweys Cumar Maxamed 31. Khaliif Jaamac Cabdulle (Mandella) 32. Maxamuud Dhoollawaa, Wasiir hore Puntland, 33. Cabdi-Kaaf Maxamed Maxamuud, Wasiir hore, Galmudug 34. Axmed Cabaas Axmed 35. Avv. Cabdiraxmaan Faarax Qaarey 36. Faarax Cali-Shire Afbalaar, Wasiir hore, Puntland 37. Eng. Cabdi-Nuur Axmed Darmaan 38. Daahir Mire Jibriil 39. Eng. Siciid Xaaji Cabdi 40. Eng. Cabdi-Waaxid Axmed Xasan 41. Dr. Cumar Cabdi Barre 42. Dr. Aadan Maxamed Ciise 43. Xasan Cismaan Xaashi (Sulux) 44. Dr. Xirsi Cabdi Cismaan 45. Dr. Siciid Maxamed Maxamuud 46. Dr. Axmed Cabdalla 47. Dr. Cabdiraxmaan Cumar Warsame 48.Dr. Cabdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub) 49. Prof. Cabdullaahi Sayid Axmed 50. Prof. Asad khaliif Cali-weyd 51. Prof. Cabdisalaam Xaaji Axmed Garaad Malla 52. Prof. Cabdisalaam Ciise Salwe 53. Dr. Bashiir Cali Biixi 54. Dr. Faarax Axmed Warsame 55. Dr. Jibriil Axmed Yuusuf 56. Dr. Axmed Cali Yuusuf 57.Dr. Maxamed Ibraahim Af-kul 58. Dr. Maxamed Xuseen Aadan 59. Dr. Cali Caddaawe Barkhadle 60. Amb. Yusuf Xaaji Siciid 61. Amb. Cabdikariim Aw-Cali 62. Mahad Maxamed Warsame 63. Ismaaciil Xaaji Warsame 64. Ciise Dhoolawaa 65. Maxamed Cabdiraxmaan Janagele 66. Axmed Siyaad Bile 67. Cabdullaahi Saalax Cismaan 68. Cabdiwaaxid Axmed Jaamac 69. Dr. Saadiq Eenow 70. Cabdikarim C/raxmaan X. Xasan
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Soddon sano kaddib waxaa markale dib loo soo saaray Bayaan ay ku saxiixan yihiin indheer garad, aqoon yahan, siyaasi isugu jira rag iyo dumar taasoo loogu magac daray “Qeylo Dhaan Qaran” Sanadkii 1990 bishii May aya waxaa sidoo kale indheer garad badan ay soo saareen Manifesto-1, taasoo ay ku doonayeen in dalka laga badbaadiyo burbur iyo dagaal sokeeye waxaana loo diray Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Haddaba waxaa markale dib u soo baxay Manifesto 2 oo ay ku saxiixan yihiin intii ka nool kuwii saxiixay Manifest 1, taasoo mar labaad ay codsanayaan in dalka laga badbaadiyo burbur iyo dagaal sokeeyo,. Halka hoose ka akhriso Bayaanka MANIFEST -2 Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya: Md. Maxamed Cadulaahi Maxamed Farmaajo Ku: Wakiilka Ergeygs Qaramada Midooby u Fadhiya Soomaaliya Danjire. James Swan Og: Dowladaha Saaxiibada ah iyo Hay’adaha Caalamiga ah Ujeeddo: Talooyin Lagu Gaari Karo Sulux Dhammaystiran iyo Dib u Xasilinta Qarannimada Soomaaliya Muddo hadda laga joogo 30 sannadood, ayaa muwaadiniin Soomaliyeed soo saareen “Bayaanka Muqdisho ee 1-aad (Manifeesto 1), xilligaa oo ku aaddaneyd bishii May 1990. Bayaanka 1aad waxa uu xambaarsanaa talooyin lagu badbaadinayo dalka. Soddon sano kadib, waxa uu dalku marayaa marxalad iyo xaalad la mid ah tii uu Bayaankii 1-aad uu ka digay 30 sannadood ka hor. Ma filayno in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, uu maanta indhaha ka qarsan karo xaaladda cakiran ee dalku ku sugan yahay . Waxaa marag ma doonto ah in maanta dalku marayo marxalad xasaasi ah oo kala-guur ah, iyada oo uu mugdi badan hareereeyey geedi-socodkii dib-u-yagleelidda hannaankii dowladnimo. Waxaa burburay tiirarkii astaanta u ahaa Dowladnimada, sida Baarlamaanka Federaalka iyo Garsoorka dalka, oo baal maray shaqadoodii dastuuriga aheyd ee ilaalinta sareytna sharciga iyo kor-joogtenyta (rule of law and oversight). Hannaankii siyaasaddeed ee dalku wuxuu noqday mid hareer marsan hab ku dhisan dowlad-wanaag (daahfuraan iyo islaxisaabtan) iyo istiraatiijiyad guud oo taabba-gelinaysa dhismo dawlad saldhigeedu yahay u adeegdida ummadda Soomaaliyeed. Maqnaanshaha dowlad ka tarjunta rabitaanka shacbiga, waxay horseedday oo caqabad weyn ku noqotay, shakina gelisay qabsoomidda doorashada 2020/2021, dhismaha Ciidan Qaran, Sugidda Amniga dalka, dhameystirka Dastuurka, la dagaalanka musuqmaasuqa, , isku milanka Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Fulinta, maqnaashaha Maxkamadda Dastuuriga, dhamaytir la’aamta xeerarkii iyo shuruucdii dalka, gelitaanka hashiisyo caalmi ah oo qarsoodi ah, oo aan la horkeenin Baalrmaanka Federaalka. Taasoo ay dheer tahay gaabiska iyo dibudhaca ragaadiyay dedaaladda lagu horumarinayo qaab-dhismeedka hay’adaha Dowladda Federaalka iyo qorshe waaqici ah oo ku aadan wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Soomaalilaand. Haykalkii dowladnimo ee Soomaaliya waxaa haleelay cudur guun ah oo dhidibbada aastay. Waxaa dayac noqday dhammaan adeegii bulshada. Dadka Soomaaliyeed in ka badan 70% waxay ku nool yihiin meel ka hooseysa khadka saboolnimada. Jaan-tuska lagu cabbiro nolosha dadyowga dunida, (189 dowladood), Soomaaliya waxay tirsiga kaga jirtaa kaalinta 185-aad. Shaqo la’aanta dalku waxa ay sare u dhaaftay 70%. Sidoo kale 75 % da’yarta Soomaaliyeed ma helaan fursad waxbarasho, mana ay jirto qorshe dowladeed oo leh istraateejiyad lagu guto xuquuqda ay caruurta u leeyihiin waxbarshada. Taasi oo mugdi gelinaysa mustaqbalka dalka. Waxa jira qaxooti Somaaliyeed oo kor u dhaafay hal malyan iyo barakacayaal dalka gudihiisa ah oo lagu qiyaasay 2.6 millyan, oo u badan dad nugul (caruur, haween ibo waayeel). Barakcayaasha iyo Qaxootiga Soomaaliyeed waxay kamid yihiin arrimaha aysan dowladdu wax xil ah iska-saarin, qorshana u dejin. Dib u dhaca ku yimid arrimahaas oo dhan, wuxuu wiiqay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed uu ku qabay Dawladiisa. Iyadoo taladii dalka ay ku soo ururtay xayndaab kooban. Wax kasta oo masiirkii dalka ahna wuxuu noqday mid ku xiran go’aanka dhowr qof oo saaxiibbo ah. Waxaana halkaas ku qiima beeley mabaadii’dii talawadaagga ee dalku uu ku xasili lahaa iyo xeerkii hannaanka federaalka ee lagu heshiiyay. Dhawaaqa xisbiyada mucaaradka ah, diidmada Puntland iyo Jubaland ee go’aamada dowladda federaalka, tabashada baahsan ee shacbiga Soomaaliyeed, dooddaha ay aqoonyahannadu ku dhaliilayaan dowladda, welwelka beesha caalamka, iyo kuwo kale oo la hal-maala, waxaa u sabab ah gaabiska dowaladda iyo jahawareerka madaxda sare ee dalka. Xiriir-xumida u dhexeeysa dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, waxay fashillisay, xoraynta iyo gacan ku haynta deegaanada Xarakada Al-shabaab ay maamusho. Haddaba annaga oo ah dadka magacyadooda hoos ku qoran yihiin waxaan u aragnaa in xaaladda Soomaaliya kal dhow iyo mid dhexeba dhanka Siyaasadda iyo Amniga ay ku jirto degganaan la’aan ku xayndaaban dib u dhacyo badan oo is biirsaday. Danaysiga, musuqa, dulmiga baahsan iyo cadaalad-darridu waxay dhalisay in ay hor-joogsato qorsho walba oo lagu gaari lahaa dhismo dowlad ka tarjunta islamarkaana u adeegta shacbiga Soomaaliyeed. Waxa aanu ugu baaqaynaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed in ay u itaagto badbaadinta dalka, islamrkaana taageeraan the baaqa Manifesto II. Talo soo jeedin: In la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah hannaanka Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, ee ku dhisan dib-u-heshiisinta iyo talo-wadaagga, kaasoo ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay 20 sannadood ka hor, lagana fogaado siyaasadda ku salaysan wada tashi la’aanta baalmarka dastuurka dalka iyo nidaamak federaalka In kulan wadatashi oo dhexmara Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada (political agreement), lagaga arinsado qabsoomidda doorashada 2020/2021. In doorashada 2020/2021 ay ku dhacdo waqtigeeda, kuna timaado is faham iyo wadatashi dhexmara Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka. LIISKA SAXIIXAYAASHA BAYAANKA 1.Jaamac Cali Jaamac- Ex Manifesto 1 2. Avv. Xasan Dhimbil Warsame Ex Manifesto 1 3.Cabdi Muuse Mayow, 4. Cabdullaahi Xaaji Yuusuf Cigaal, Ex- Manifesto 1 5. Xirsi Bulxan Faarax Wasiir hore , 1967 6. Cali Cabdullaahi Cosable, Madaxweyne hore, Hirshabeelle 7. Faysal Cabdi Rooble 8. Gen. Maxamed Cusmaan Qaadi 9. Avv. Maxamed Macallin Xasan (Marooko) 10. Caasha Geelle Diiriye, Wasiir hore, Puntland 11. Eng. Axmed Warsame Abtidoon 12. Bashiir Ciise Cali, Gud. Hore Bangiga Dhexe, Soomaaliya 13. Avv. Maxamed Maxamuud Ciise (Turunji) 14. Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiir hore, DFS 15. Dr. Xasan Sheekh Cali 16. Avv. Shamso Sheekh Xasan 17. Raage Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac 18. Eng. Ismaaciil Daahir Cismaan 19. Cabdullaahi Xasan Maxamed (Isbaanish) 20. Dr. Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed (Foonka) 21. Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiir hore, DFS 22. Eng. Axmed Sabriye Siyaad 23. Dr. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Takar) 24. Cabdiraxiim Maxamed Abshir Haamaan 25. Maxamuud Xaaji Qore, Ex- Manifesto 1 26. G/ Sare Maxamed Xasan Xaaji Xuseen 27. Cabdulqaadir Nuur Salaad (Takar) 28. Abuukar Maxamed Cali 29.Maxamed Macallin Xasan Geelle, Xildhibaan hore 30. Dr. Aweys Cumar Maxamed 31. Khaliif Jaamac Cabdulle (Mandella) 32. Maxamuud Dhoollawaa, Wasiir hore Puntland, 33. Cabdi-Kaaf Maxamed Maxamuud, Wasiir hore, Galmudug 34. Axmed Cabaas Axmed 35. Avv. Cabdiraxmaan Faarax Qaarey 36. Faarax Cali-Shire Afbalaar, Wasiir hore, Puntland 37. Eng. Cabdi-Nuur Axmed Darmaan 38. Daahir Mire Jibriil 39. Eng. Siciid Xaaji Cabdi 40. Eng. Cabdi-Waaxid Axmed Xasan 41. Dr. Cumar Cabdi Barre 42. Dr. Aadan Maxamed Ciise 43. Xasan Cismaan Xaashi (Sulux) 44. Dr. Xirsi Cabdi Cismaan 45. Dr. Siciid Maxamed Maxamuud 46. Dr. Axmed Cabdalla 47. Dr. Cabdiraxmaan Cumar Warsame 48.Dr. Cabdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub) 49. Prof. Cabdullaahi Sayid Axmed 50. Prof. Asad khaliif Cali-weyd 51. Prof. Cabdisalaam Xaaji Axmed Garaad Malla 52. Prof. Cabdisalaam Ciise Salwe 53. Dr. Bashiir Cali Biixi 54. Dr. Faarax Axmed Warsame 55. Dr. Jibriil Axmed Yuusuf 56. Dr. Axmed Cali Yuusuf 57.Dr. Maxamed Ibraahim Af-kul 58. Dr. Maxamed Xuseen Aadan 59. Dr. Cali Caddaawe Barkhadle 60. Amb. Yusuf Xaaji Siciid 61. Amb. Cabdikariim Aw-Cali 62. Mahad Maxamed Warsame 63. Ismaaciil Xaaji Warsame 64. Ciise Dhoolawaa 65. Maxamed Cabdiraxmaan Janagele 66. Axmed Siyaad Bile 67. Cabdullaahi Saalax Cismaan 68. Cabdiwaaxid Axmed Jaamac 69. Dr. Saadiq Eenow 70. Cabdikarim C/raxmaan X. Xasan
  5. Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole oo ka tirsanaa sida la sheegayo saraakiisha Al-shabaab Gobolka shabeelaha hoose ayaa isku soo dhiibay Ciidamadda kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab. Arrintan ayaa warbaahinta dowladdu ku sheegtay, “Kadib markii uu u adkeysanwaayay dhibtaada nololeedka ee ay kujiraan maleeshiyaadka argagixisada iyo tan ay ku hayaan Ummadda Soomaaliyeed.” Taliyaha guutada 16-aad ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida u sheegay in horjooge Caato ay soo dhaweeyay islamarkaasna ay u gudbindoonaan Hay”adaha ku shaqadaleh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu habeenimadii xalay qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti heersare ah oo ka socday dalka aynu xidhiidhka soo jireenka ah ee walaaltinimo inaga dhexeeyo ee Keyna, weftigaas oo ka koobnaa xildhibaano, siyaasiyiin maalgashadayaal iyo xubno kale oo muhiim ah. Ugu horayn xubnaha waftigu waxay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyeen Salaan ay uga sideen Madaxwaynaha dalka Kenya, Mudane Uhuru Kenyatta, Imaatinka waftiguna waxa uu daba socday waftiyo dhawr ah oo labadii sanno ee u danbeeyay ay is dhaafsanayeen labada waddan, ujeedkooduna ahaa xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada waddan ka dhaxeeya ee dhinaca siyaasada, ganacsiga iyo arrimaha geeska. Madaxawaynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay ugana mahad-celiyay weftiga imaatinka ay Somaliland ku yimaadeen, isla markaana waxa uu ka gudoomay salaantii ay uga sideen madaxwaynaha dalka kenya, mudane Uhuru kenyatta, waxaanu ku bogaadiyay hoggaanka dalka Kenya horumarka dhaqaale iyo deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi mudaba ku naaloonayay. Waxaanu Madaxwaynuhu xubnaha weftiga si qoto dheer uga waramay xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dal Somaliland iyo Kenya iyo sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay iskaashiga iyo wax-wada qabsiga wadamadda gobolka geeska Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan dalka Kenya oo ay Somaliland wax badan wadaagaan. Sidoo kale waxa uu Madaxwaynuhu xusay dhaqdhaqaaqyada iyo isbedelada ka socda gobolka oo ay kow ka tahay wada-hadalada u dhaxeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidii Kenya door firfircoon uga qaadan lahayd madaama ay kamid tahay dalalka muhiimka u ah horumarka gobolka kana mid tahay Urur goboleedka IGAD. Ugu danabayntiina waxa uu Madaxweynuhu salaan iyo bogaadin u diray madaxaynaha dalka Kenya, Mudane Uhuru kenyatta iyo shacbiga dalkaasi oo ay Somaliland ka dhaxayso xidhiidh walaaltinimo. Kulankaa waxa madaxawaynaha iyo waftiga ku wehelinayay wasiirka Arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland iyo wasiir ku xigeenkasa. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka AL-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dalalka Africa ayaa isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya. Sarkaalkaan isku soo dhiibay Dowladda kana soo baxay AL-Shabaab ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole oo Al-Shabaab dhexdeeda loo yaqaan magaca (Caato). Caato ayaa Ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa aruurinta lacagaha ay Al-Shabaab ka qaado dadka ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Gaadiidka isticmaalo waddooyinka maro Gobolkaas. Sarkaalkaan ayaa wuxuu isku soo dhiibay ciidamada kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya. Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida u sheegay in sarkaalkaan ay soo dhaweeyeen islamarkaasna ay u gudbindoonaan hay”adaha ku shaqadaleh. Muddooyinkii dambe waxaa soo badanayey xubnaha ka tirsan AL-Shabaab ee isku soo dhiibayo Dowladda Soomaaliya kadib markii ciidamada Dowladda ay howlgalo Militari ka bilaabeen Gobolka Shabeelada Hoose. Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ah inuu isku soo dhiibay sarkaalkaas la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Shabeelada Hoose.
  8. Munaasabad balaaran oo loogu mahadcelinayay xildhibaanada golaha Shacabka ee Barlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay hoolka xarunta Tiyaatarka qaran. Xafladaan ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulee Qadar, Wasiiro ka tirsan Xukumadda Federaalka Soomaaliya ,Xildhibaano la tirsan labada gole ee Barlamaanka ,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada,ku xigeenadiisa fanaaniin ,Abwaano iyo marti sharaf lagu casuumay. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u Mahad Celiyay Xildhibaanada sharafta leh oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Matalaada Gobolka Banaadir. “Waxaan uga mahadcelineynaa sida sharafta leh ay u ansixiyeen in bulshada Gobolka Banaadir ay helaan xubo ku matalo golaha aqalka sare ,waxaana bulsho weynta caasimada aan leeyahay guusha waa soo dhawaatay dowladdiina ayaa idin garab taagan”Ayuu yiri guddoomiye cumar Filish. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada muqdishi ku ansixiyay 13 xubnood uu gobolka banaadir ku yeelan doono golaha aqalka sare ee dalka si ku dhawaad 4 milyan ee bulshda ku nool gobolka ay u helaan xuquuqda ay ku leeyihiin matalaad . Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  9. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Norway Marwo Erna Solberg. Ugu horayn Ra’iisul Wasaaruha Norway oo telfoonka kula soo xiriirtay madaxweyne Farmaajo waxay ugu hambalyeysay 60-guurada ka soo wareegtay xornimada iyo midnimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo Waxa uu uga mahadceliyey Norway kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso xoojinta hay’adaha dowladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka Soomaaliya. Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Norway ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha ku saabsan doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Norway? appeared first on Puntland Post.
  10. Munaasabad loogu mahadcelinayay xildhibaanada Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka Soomaaliya, ayaa xalay lagu qabtay hoolka xarunta Tiyaatarka qaranka ee Muqdisho. Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulee Qadar, Wasiiro ka tirsan Xukumadda Federaalka Soomaaliya ,Xildhibaano la tirsan labada gole ee Barlamaanka ,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada,ku xigeenadiisa fanaaniin ,Abwaano iyo marti sharaf lagu casuumay. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u Mahad Celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Matalaada Gobolka Banaadir. Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamanka ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada muqdisho ku ansixiyay 13 xubnood uu Gobolka Banaadir ku yeelan doono Golaha Aqalka sare. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Munaasabad mahadcelin ah u sameeyay Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho ( Caasimadda Online) – Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu qabtay kulan lagu taageerayey kuraasta Aqalka sare laga siiyay Gobolka Banaadir, waxaana kulankaas ka qeybgalay madax kala duwan oo isugu jiray heer Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed. Kulankaan oo uu soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay madaxdii kasoo qeybgashay oo dhan codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo dhismaha kuraasta 13-ka ah ee ay Banaadir ku yeelan doonto Aqalka Sare. Ra’isulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo kamid ahaa madaxdii ka qeyb gashay kulankaas ayaa sheegay in Shacabka Muqdisho ay marti geliyeen Dowladda isla markaasna ay usoo dulqaateen dhibaatooyin badan haddan ay tahay lagama maarmaan in loo abaalgudo. “Dowladnimadeena horumarka ay gaartay in ay noqoto hoygii isu keenayay Soomaalida dibna u mideynayay mar labaad, Muqdisho matalaad waa ay heshay 13 iyo wax ka badan way istaahishaa, maqaamkana waxa uu ku xusan yahay qodobka 9-aad ee Dastuurka, awoodaha Golaha shacabka uu leeyahay waaye, Xukuumad ahaan, Gobolka Banaadir iyo guud ahaan waan kawada shaqeyneenaa” ayuu yiri Mahdi. Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isna kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in aysan jirin cid si cad u diidan maqaamka Gobolka Banaadir balse ay jiraan dad si qaldan u baalmaray tarjumaada xeerka xaqsiinta Gobolka Banaadir . “Qof kasta oo Soomaali ah waxa uu xaq u leeyahay in uu ka hadlo kuraasta la siiyay Gobolka Banaadir iyo matalaadda Caasimadda, Madaxda Dowladda waa in ay sameeyaan Tarjumaad dhinaca saxan ah oo ay kaliya waafajiyaan sharciga, ka Guddoon ahaan waan garab taaganahay in la xaqiijiyo kuraasta 13-Senatar ee Golaha u ansixiyay” ayuu yiri Mudane Mursal. Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah mucaaradka Dowladda oo isna kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in 13-ta Kursi ee la siiyey gobolka Banaadir ay tahay wax yar oo aan dhameyn wax lagu kala dhinto, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo ka codsaday inuu si deg deg ah u meel mariyo sharcigaan. “Waxa aan rabaa in aan meeshaan fariin uga diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Mudane Madaxweyne sida aad ku sheegtay khudbaddii aad ku jeedisay 6-dii June iyo soo dhaweyntii 27-kii June kuraasta Gobolka Banaadir Ansixinta kadib, in aad soo dadajiso dhameystirka wax ka dhiman oo ah in aad saxiixdid“ Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad. Maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta kasoo jeedo ayaa si cad uga hor imaaday matalaada loo meel mariyey Gobolka Banaadir iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid aan waafaqsaneyn Dastuurka Dalka u yaalo.
  12. Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay Xadgudubyadda loo geysto Saxaafadda ku sugan degaanada mamulka Somaliland. Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa cambaaraysay xadgudubyada ka dhanka ah weriyayaasha iyo warbaahinta xorta ah ee Somaliland. Safaaradda ayaa ugu baaqday hogaanka Somaliland inay xushmeeyaan isla markaana ay difaacaan xuquuqda xoriyadda hadalka. “Safaaradda Mareykanka waxay ku celcelinaysaa sida ay uga go’an tahay difaaca Saxaafadda. Waxaan cambaareyneynaa hanjabaadaha iyo xadgudubyada loo geysto suxufiyiinta iyo saxaafadda xorta ah ee Somaliland. Waxaan ugu baaqaynaa hoggaanka Somaliland inay ixtiraamaan, dhawraan oo ilaaliyaan xuquuqda xorriyadda hadalka” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Safaaradda. View the full article
  13. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb-galayey munaasabad ay soo qaban-qaabisay Madasha Xisbiyada Qaran oo loogu dabaal-dagay maalmaha xoriyadda ayaa waxa ay ka hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan doorashada la filayo in la qabto 2020 illaa 2021. Ugu horreyn Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dowladda federaalka la siiyey fursad ku filan oo afar sano ah, islamarkaana ay ka ka gaabisay dhammaan dadaalladii laga sugayey. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay diyaar u yihiin inay dowladda kala shaqeeyaan arrimaha doorashada, si looga gudbo caqabadaha jira. Dhankiisa guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay inuu dhammaaday muddo xileedkii dowladdda, islamarkaana aysan muuqan diyaar garow doorasho, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn Shariif ayaa hoosta ka xariiqay in aysan aqbali doonin qorshe kasta oo mudada loogu kordhinayo madaxda dowladda Soomaaliya. View the full article
  14. Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa ku baaqay xasilooni kadib markii dalka Ethiopia ay ka dhaceen rabshado ka dhashay dilka heesaa caan ahaa. Rabshado socday laba maalmood ayaa 81 qof ku dilay Ethiopia, sida uu Arbacadii sheegay madaxa booliska, kadib markii la dilay heesaaga Hachalu Hundessa oo kasoo jeeday qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada. Qoraal kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu yiri “Iyada oo waddanku u barooranayo khasaaraha Hachalu Hundessa, Guddoomiyuhu wuxuu codsanayaa deganaansho, xakamayn dhinac walba ah, wuxuuna ugu baaqayaa dhammaan Ethiopian-ka inay ka fogaadaan falalka sii kordhin kara xaaladda hadda jirta. Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqayaa Dowladda Ethiopia “inay keento dambiilayaashan ficillada xun gaystay si ay u wajahaan caddaaladda.” Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyey dhammaan dhinacyada in ay ku xalliyaan khilaafaadka wadahadal iyo qaab nabadeed, si loo oggolaado dadaallo ku filan oo looga hortago laguna xakameeyo masiibada COVID-19. Hachalu Hundessa, oo heesihiisa siyaasadeed ay cod siiyeen dareenka ay muddada qabeen Oromada ee ah in la liiday, ayaa toogasho lagu dilay habeenkii Isniinta, waxaana maanta lagu aasay magaalada Ambo. View the full article
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Norway Marwo Erna Solberg. Ugu horayn Ra’iisul Wasaaruha Norway oo telfoonka kula soo xiriirtay madaxweynaha JFS waxay ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay 60-guurada ka soo wareegtay xornimada iyo midnimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo Waxa uu uga mahadceliyey Norway kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso xoojinta hay’adaha dowladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka Soomaaliya. Madaxweynaha JFS iyo ra’iisul wasaaraha Norway ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha ku saabsan doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya. Waa mas’uulkii labaad oo telfoonka kula soo hadlay Madaxweynaha JFS uguna hambalyeeya xuska 60-guurada xorriyadda Soomaaliya muddo ka yer 24 gydahooda,horey waxaa ula soo xiriiray ra’iisul wasaaraha Dalka Talyaaniga oo salaana uga siday madaxweynaha wadankaasi. View the full article
  16. Mogadishu (HOL) - Turkish Airlines is planning to resume it's flights to key African destinations, including Mogadishu, starting next week, according to an industry insider. Source: Hiiraan Online
  17. Kismaayo (Caasimadda Online) – Weerar loo adeegsaday Hoobiyaal ayaa lagu qaaday Saldhig Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin Deegaanka Cabdalla Biroole Duleedka Magaalada Kismaayo Gobolka Jubada Hoose. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa hobiyeyaasha lagu soo uuray Saldhiga Ciidamada Kenya, sidoo kalena dhankooda ay ku jawaabeen madaafiic dhowr ah oo ay ku tuureen duleedka degaanka Cabdalla Biroole. Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay weerarkaasi madaafiicda ah, in kastoo aan sirasmi ah weli loo cadeyn ayaa hadana Warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in 7 Askari ay ku dhinteen weerarkaas. Saraakiisha Ciidamada Kenya weli kama aysan hadlin weerarka lagu soo qaaday saldhigooda iyo jawaabta madaafiicda ah ay ka bixiyeen. Weli lama soo sheegin khasaaro dadka Shacabka kasoo gaaray madaafiicda ay is dhaafsadeen AL-Shabaab iyo Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada degaanka Cabdalla Biroole ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Kenya oo ay wehlinayaan kuwa Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan. Ururka AL-Shabaab ayaa dhawr jeer soo weeraray deegaanka Cabdalla Biroole oo markii hore laga saaray kadib markii ay isku dhaceen Beesha halkaas dagto, waxaana Al-Shabaab iyo Beeshaas dhex maray dagaal culus oo dhimasho iyo dhaawac badan ka dhashay kaasoo ugu dambeyn keenay in Al-Shabaab looga adkaado.
  18. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-03072020.mp3 uu View the full article
  19. ZeHabesha, a Minnesota-based news outlet that covers Ethiopian issues, was sued by Ethiopian Airlines, the largest airline in Africa. Credit: Photo via ZeHabesha's Facebook page. Source: Hiiraan Online
  20. In New York, federal authorities seized a shipment of human hair weaves suspected to be taken from and created by Uyghur women detained in a Chinese internment camp. The seizure is related to a rare sanction placed by the United States Customs and Border Protection (CBP) on May 1 on hair products from Hetian Haolin Hair Accessories after they were linked to forced labor. Source: Hiiraan Online
  21. ST PAUL, Minnesota — More than 80 people have been killed in unrest in Ethiopia after a popular singer and activist was shot dead this week. Those numbers were released by the state-run Ethiopian Broadcasting Corporation today, according to the Associated Press. Source: Hiiraan Online
  22. Somalia’s historic one-person-one vote election, scheduled for late 2020, looks set to be postponed. Electoral commission chair Halima Ismail told the country’s federal Parliament on 29 June that the much-anticipated polls could not be carried out in less than 13 months. Source: Hiiraan Online
  23. Sida Sacuudiga iyo Imaaraadku ugu fashilmeen dunida Carabta Somalia ilaa Libya? Gugii Carbeed ee 2010- 2011, waxaa uu dunida carbeed ku hogaamiyay tarar siyaasadeed iyo mid dhul ahaaneed, ayada oo hoggaamiyeyaal badan oo caan ah ay ku baxeen. Ugu horreyn, kadib kacdoonadii Masar iyo Tunisia, Juquraafi-siyaasadeed saddee geesood ah ayaa kasoo muuqatay Bariga dhexe. Qayb kacdoonka kasoo horjeeday oo ay hogaaminayeen Sacuudiga iyo Imaaraadka, qeyb islaamiyiin isbedel doon ah oo ay hogaaminayeen Turkiga iyo Qatar, iyo gees iska caabin ah o ay ka midyihiin Iran, Siiriya iyo Xisbullah. Siyaasadaha iyo xeeladaha dhinaca u janjeera Colaadaha hubeysan ee Liibiya iyo Siiriya ayaa kala soocday mowqifyada dhinacyada. Iyadoo garabka Iska caabintu uu la dhacsanaa kacdoonada, garabyada Riyad-Abu Dhabi iyo Ankara-Doxa waxay u midoobeen inay la dhacsanaayeen in Mucamar al-Qadafi laga tuuro talada Liibiya iyo in meesha laga saaro Bashaar Al-Assad-ka Siiriya. Ujeedka ugu weyn ee Sucuudi Carabiya waxaa uu ahaa in ay ka hortagto farogelinta Iran ee gobolka. Xaqiiqdii, Sedaxdaas geesood waxay u buurmeen siyaasad iyo goobo istaatiiji ah dartood balse uma aysan sameysmin arrimo diineed. Ma ahan mucaaradad u dhaxaysa Sunniga iyo Shiicada taasi oo go’aamineysa qaybinta juquraafi-siyaasadeedka Bariga Dhexe. Garabka Abu Dhabi iyo Riyadh laguma qeexin in ay doonayaan difaaca Suniyiinta, laakiin waa xiriirka dhow ee ay la leeyihiin Washington, waxay daneynayaan in ay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin Israel, iyo cadaawad ka dhan Iran. Bishii july 2013-kii, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa guul weyn ka gaaray Masar kadib afgambigii lagu sameeyay Maxamed Mursi iyo maamulkii Ikhwaanul muslimiinka. Waxaa talada yimid Cabdul Fitaax Al-Sisi, nakhshadeeyihii ka hor-tagga kacdoonka Masar. Hubinta la’aanta Sacuudiga Dalka Siiriya, farogelinta militari ee Ruushka ayaa badbadisay Al-assad, iskudaygii lagu tuuraayayna ka dhigay mid aan guuleysan. Sacuudi Carabiya waxaa ugu dambeyn Siiriya looga adkaaday April, 2018-kii. Taageeradda Sucuudigu siinayo kooxda Salafiga ah waxay sidoo kale muujineysaa madmadowga Riyadh ee la xiriira Islaamka. Ikhwaanul Muslimiinka waxaa lagu nacay isbedelka ay sameynayaan, laakiin qaar ka mid ah kooxaha Salafiga ayaa laga ogolaaday Masar iyo Siiriya. Sideed bilood ka dib markii laga adkaaday kooxihii joogay bariga Ghouta ee Sacuudiga taageerayay, Imaaraadka Carabta ayaa dib u furay safaaradiisii uu ku lahaa Dimishiq islamarkaana si toos ah u soo celiyay shaqadii Safaaradda. Maanta xukuumadaha Riyadh iyo Abu Dhabi dhibaatooyin ayaa ka heysta Liibiya. Imaraadka, Masar iyo Sacuudiga waxay taageerayaan Khaliifa Haftar, oo dagaal kula jira Dowladda caalamku aqoonsanyahay ee uu hogaamiyo Fayez Al-Sarraj. Isbahyasi baylahan Sanadihii u dambeeyay, Imaaraadka Carabta ayaa u muuqday inuu dib u qeexayo hortabintiisa, taasi oo mararka qaar iska soo horjeeda, si ay u difaacdo xasiloonideeda iyo maamulkeeda dhexe ee ka dhanka ah Dimoqaraadiyadda. Imaaraadka ayaa sidoo kale waxaa uu doonayaa isku xir dhanka badda ah, xitaa hadii ay noqoneyso xoojinta gooni u goosadka Somaliland ee Soomaaliya iyo Koonfurta Yemen. Dalka Yemen, xulifadda uu Sucudigu hogaaminayay ee ka dhanka ahayd Xuutiyiinta ayaa baaba’day. Militari ahaan iyo Siyaasad ahaan, kadib muddo ka badan shan sano oo dagaal ah, xuutiyiinta oo maamulka Sanca iyo inta badan Yemen ayaa xoogeystay. Sucuudiga maamul xoogan kuma lahan Yemen: Woqooyiga iyo koofurta ayaa waxaa hogaamiya Xuutiyiinta iyo gooni u goosatada Imaaraadka taageero.. Siyaasad arrimo dibadeed fashilantay In Imaaraadka Carabtu uu ka xoroobay xulufadii uu kula jiray Riyadh waxay leedahay cawaaqib la xusi karo oo Juquraafi-siyaasadeed ah. Xiisadda u dhaxaysa Imaaraadka iyo Turkiga ayaa la tartameysa dagaalka qabow ee ka dhexeeya Iran iyo Sacuudiga. Ug dambeyntii, natiijadda xulifadda Sucuudiga iyo Imaaraadka ee dunida carbeed aad uma ifeyso. Afgambigii Mursi ee Masar ka dhacay keliya ayaa guul u ahaa. Dadweynaha Carbeed kuma qanacsana maamulka Dowliga ah ee xukunka dhexe, taasi oo dadka Algeria iyo Lebanon ay dhowaan muujiyeen. Natiijadda siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga waa musiibo: Sucuudigu waa uu ka tagay Ciraaq, Siiriya waa looga adkaaday, Lubnaan dib ayuu uga gurtay, guul darro ayaa ka heysata Yemen, waxaana uu gebi ahaanba si khaldan u xisaabiyay Istiraatiijiyadda Liibiya. Imaaraadka waa ka yara roon yahay Sacuudiga, oo Yemen wuxuu haystaa taageerada gooni u goosatada koonfureed, laakiin Soomaaliya waxaa kaga adkaaday Qatar, inkasta oo ay ku xiran yihiin Somaliland oo federaalka Xamar uu dunida kala kasoo go’doomiyey. Libya, waxaa kaga adkaanaya Turkey iyo Qatar, shirqoolkoodii Tunisa-na waa laga hortagay. Sacuudi iyo Imaaraad waxay isku haystaan hormuud Carabta iyo Islaamka, balse sanadihii dhowaa waxay guul-darraba u dhiibeysay mid kale. Qaran News
  24. Two people were shot dead and seven others injured Thursday when soldiers opened fire on mourners seeking to attend the funeral of a popular Ethiopian singer, whose assassination sparked violence that has left more than 90 dead. Source: Hiiraan Online
  25. VAST SWARMS of locusts have swept through Kenya and Ethiopia since January, devastating fields, pastures and livelihoods. Governments have struggled to suppress them. They have continued to breed in their billions, threatening whole economies, which are also being battered by the covid-19 pandemic. Source: Hiiraan Online