Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle ayaa Saaka oo Axad ah lagu af-duubtay jidka u dhexeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar xilli uu ku sii jeeday dhinaca Muqdisho. Xildhibaanka oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Siyaad ayaa dableey hubaysan kala degtay gaari uu saarnaa oo ka yimid dhinaca Magaalada Jowhar isagoo marayay nawaaxiga Degaanka Gololey ee Gobolka Shabeellada dhexe. Dableeyda hubaysan oo looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab ayaa xildhibaanka kala degay gaari nooca NOAH-da oo uu saarnaa balse waxay fasaxeen dhammaan Rakaabkii kale. Maamulka Hirshabeelle ayaan weli dhankiisa wax war ah ka soo saarin af-duubka loo gaystay xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle oo lagu af-duubtay jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Jowhar appeared first on Puntland Post.
  2. Waxaa maanta baaqday shir ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, kaas oo uu horey u iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirkan ayuu qorshuhu ahaa in loogaga hadlo arrimaha doorashooyinka, amniga iyo xaaladda guud ee waddanka. Si gaar ah shirka waxa diiradda lagu saari lahaa waqtiga dastuuriga ah ee hay’adaha fadaraalka ah ee uu xilligeedu gebagabda ku dhaw yahay. 25-kii bishii June ayuu madaxaweynaha Soomaalia Maxamed Cabudulaahi farmaajo iclaamiyay Shirkan oo lagu waday inuu maanta ka bilwodo magaala madaxda dalka ee Muqdisho inta u dhaxaysa 5-8 bisha July, 2020. Baaqashada shirkan ayaa waxaa uu noqonaya markii 3-aad oo uu baaqdo shir uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo oo ku casuumay maamul goboleedyada, iyadoo labo jeer oo hore Madaxweynuhu ku baaqay shir, balse ay qaadaceen maamul goboleedyada. Ilo u dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in sababta uu baaqday shirkan yahay in maamul goboleedyada qaar diideen iney yimaadaan Muqdisho oo ay shirka ka soo qeyb galaan balse ilaa haatan ma jiro war rasmi ah oo ka sooo baxay xukuumadda uu hormuudka ka yahay madaxwyne Farmaajo. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa diiday ka qeyb galka shirka, kaddib go’aano ka soo baxay Baarlamaanadooda. Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Maamul goboleedyadaas ay tabasho ka muujiyeen Madaxweyne Farmaajo oo ay ku dhaliileen in aanu fulin qodobadii shirkii dhanka aaladda Soom-ka ee ahaa in la joojiyo xeerarka doorashada uu ka doodayo Baarlamaanka. Sidoo kale maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka soo horjeestay xeerkii mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo uu ansixiyay Golaha Shacabka, kaasoo ay ku tilmaameen in aan loo marin waddo sharci ah. Ilaa haatan lama oga xilliga uu shirkan dhacaya maadaama uu maanata baaqday hase yeeshee waxaa la saadaalinayaa ilaa 10-ka bisha inuu qabsoomo. khilaafka u dhaxeeya labada dhinac ayaa muddo soo jiitamayay mana jirto ilaa haatan xal waara oo laga gaaray khilaafkooda inkastoo ay jireen isku dayo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka balse dhammaantood waxay ku soo dhaamaadeen guul darro. View the full article
  3. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo ku qaabilay Isimada Gobolka Mudug iyo Guddiga dhismaha Dekedda Garacad oo Madaxweynaha warbixin ka siiyey dhismaha Dekadda Garacad. Guddiga dhismaha Dekedda Garacad ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinta mashruuca dhismaha Dekadda Garacad oo ay ku baxayso $180 Milyan, waxay guddigu u faahfaahiyeen Madaxweynaha mashruuca oo wejigii labaad galay, marxaladaha ay Dekaddu soo martay iyo maanta meesha ay mareyso. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey Guddiga dhismaha Dekadda Garacad sida wadaniyada iyo masuuliyadda leh ee ay u wadaan shaqada iyagoo marxalado kala duwan lasoo maray. “Dhismaha Dekadda Garacad waa Mashruucii iskutashi ee ugu weynaa noociisa ee ka socda Soomaaliya, tusaale ayeenu dadka u nahay, Dowladdana waa ka go’antahay dhameystirka dhismaha Dekadda oo aan rajeynayo dhowaan inuu dhammaado” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Kulanka waxaa Ka qeybgalay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Isimada Gobolka Mudug, Maamulka Gobolka Mudug, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad. View the full article
  4. Wasiirka amniga dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo u warramay Shabelle ayaa ka hadlay dagaal beeleed dib uga soo cusboonaaday deegaanka Filla Dheere oo hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wadaan dadaallo nabadeed oo looga hortagayo xiisadaasi. Sidoo kale wuxuu baaq u diray maleeshiyaadka diriraya, isaga oo ka dalbaday inay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka. Shalay ayey aheyd markii labo beelood oo walaalo ah ay ku dagaalameen duleedka degmada Warsheekh, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markale uu dib u dhac ku yimid shirka amniga qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo la filayey inuu si rasmi ah maanta oo Axad ah 5-ta July uu ka furmo gudaha magaalada Muqdisho. Shirkaan ayaa waxaa horey u iclaamiyey madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), balse waxaa diiday oo gabi ahaan qaadacay madaxweynahayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntand. Labadaan maamul ayaa tabasho ka muujiyey shirkaas iyo sida ay wax u wado dowladda, gaar ahaan hanaanka ay ku wajaheyso doorashada 2020 illaa 2021-ka. Sidoo kale Jubbaland iyo Puntland ayaa ku eedeeyey madaxweyme Farmaajo inuu fulin waayey qodobada shirkii dhanka Internet-ka ee ahaa in la joojiyo xeerarka doorashada ee uu ka doodayo baarlamaanka, inta la’isaga imaanayo shirka amniga qaranka. Illaa iyo hadda ma jiro hal madaxweyne maamul goboleed oo soo gaaray Muqdisho, xittaa Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo taageersan dowladda federaalka. Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan dib u dhaca shirkan oo uu qorshuhu ahaa inuu maanta ka furmo gudaha caasimadda. Arrintaan iyo is jiid-jiidka u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada qaar ayaa dib u sii dhigi karta dadaallada loogu jiro doorashada dalka ka dhaceyso dhamaadka sanadkan, taas oo aan weli la cadeyn nooceeda iyo sida loo wajahayo.
  6. Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo maalmahan socdaal ku marayey degmooyin iyo deegaanno dhaco gobolada Mudug iyo Galgaduug, ayaa sheegay in safakii nabadda uu ku soo gaban gabangabeeyey magaalda Guriceel ee gobolka Galgaduud. Mdaxweynaha oo bulsho isugu soo baxday soo dhoweyntiisa kula hadalay Guriceel ayaa sheegay in magaalada Gericeel ay muhiimad weyn ugu fadhiso Galmudug, waxaana uu aad ugu dheeraaday xaaladii ay soo martay. Madaxweyne Qoorqoor ayaa sidoo kale xusay in bulshada ku dhaqan Guriceel ay u dhabar adeegtay sidii ay uga adkaan lahaayeen Al–shabab, oo muddo ururka Ahulusunna kula dagaalamay gobolka Galagaduud, isaga oo intaas ku daray in ay tahay magaalo ganacsi oo ku wanaagsan hormarka sida uu hadalka u dhigay madaxwyne Qoorqoor. Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo horay u soo maray deegaanno badan oo dhaca gobolada Mudug iyo Galgaduud,ayuu sheegay in safarkiisu ahaa safar nabadeed, waxaana uu bogaadiyey bulshadii kala duwaneed uu kula soo kulmay intii safarka uu ku jiray, madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto magaalada Dhuusamareeb caasimadda u ah maamulka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa ka dhawaajiyey inuu hoos u dhac ku yimid dakhliga gudaha ee dalka. Qaloocow ayaa sababta ku sheegay in xilligan sidii la rabay aysan u shaqeyney ilaha dhaqaale dalka, islamarkaana uu sameeyey xiyaaradaha cudurka Covid-19. Sidoo kale wuxuu intaasi u daray in tan 2017-kii illaa 2020 aysan jirin wax dhaqaale ah oo ay qorotay dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay sababteeda leeyihiin madaxda dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dalka haatan ka jirto shaqo la’aan baahsan oo heysata dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka baxay jaamacadaha dalka. View the full article
  8. The plane from Egypt packed with a cache of weapons was meant to arrive in Somalia in May. Source: Hiiraan Online
  9. Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, oo la filayay in uu Muqdisho ka furmo 5-ta July, oo maanta ku beegan, ayaa lagu soo warramayaa in uu baaqday. Shirka oo la doonayay in uu qabsoomo, inta u dhexaysa 5-8July 2020, ayaa ajandihiisu ahaa sidii wadatashiyo looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo kamid ahaa Madaxdii lagu casumay Shirka, ayaa sheegay in uusan ka qayb-geli doonin, isagoo taageeray Go’aankii Baarlamanka Puntland ee la xiriiray in aysan Puntland ka qayb gelin Shirkaas. Jubaland ayaa sidoo kale la sheegay in ay raacsantahay mowqifka Puntland ee ku aaddan, in aan laga qayb-gelin Shirka Muqdisho, maadaama ay isku xulafo yihiin Puntland iyo Jubaland, islamarkaana khilaaf kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dhinaca kale, Madaxda Dowlad Goboleedyada kale ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaan midna weli tegin Magaalada Muqdisho, si ay Shirka uga qayb-galaan. PUNTLAND POST The post Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku casumay Dowlad Goboleedyada oo baaqday appeared first on Puntland Post.
  10. Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo qorsheysan ka sameeyey qeybo badan oo ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Howl-gallada oo ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen deegaanada ku xeeran baraha koontarool ee laga galo magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ee Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaaahinta ayaa sheegay in baaritaanadaasi lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in haatan dhalinyaradaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamaarkaana loo gudbiyey saldhigga Booliska ee magaalada Baydhabo. Dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada Koonfur Galbeed ayaa yimid, kadib markii madaxweynaha maamulkaasi uu amray in la xoojiyo amniga magaaladaasi. Si kastaba ha’ahaatee shalay ayey aheyd markii qarax miino oo Al-Shabaab ay sheegatay uu ka dhacay duleedka Baydhabo, kaas oo geystay khasaare kala duwan.
  11. (SLT-Hargeysa)- Suldaanka guud ee beelaha Habar-jeclo suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, ayaa ku baaqay in dagaalka ay joojiyaan labo Beelood oo shaqaaqo ku dhex martay Deegaanka Beeyo Macaan ee Bariga Gobolka Saaxil. Suldaanku waxaa uu labadaasi beelood ee walaalaha ah u soo jeediyay in ay nabada qaataan oo ay qoriga dhigaan. Suldaanka guud ee beelaha Habar-jeclo suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Waxaan halkan uga jeedinaya beelahan Habar-jeclo ee dhibtu kala gaadhay iyo kuwa kaleba iyo kuwa Ceel Afweynba, Habar-jeclo baryahan waxaa ku soconaya dil bilaa macno ah, oo is daba jooga, waxaan leeyahay ka baxa waxaasi, baaqigiina hadhay waxaa aan idiin dardaarmaya in aad nabad qaadataan, oo tolnimo qaadataan, oo wanaag qaadataan, oo isku duubni qaadataan, oo ILLAAHEY ka baqdaan, dalkana qalaan qalka iyo xumaanta ka daysaan, idinkuna wixii dhacay dhace ka talisaan inta nool baan idinkula dardaarmayaa” Source
  12. Melbourne father of five children under five, Abdirahman Ibrahim, sat down to watch the 6pm news and learned that his building was going into lockdown after a surge in coronavirus cases. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-050720-sx.mp3 View the full article
  14. Explosions rocked two of Somalia's largest cities on Saturday as officials said a suicide car bomber detonated near the port in Mogadishu, the nation's capital, and a land mine in a restaurant on the outskirts of Baidoa, the southwestern Bay region, killed five people. Source: Hiiraan Online
  15. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 21 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 973. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 16, Puntland 5, Gobolka Banaadir 1, iyo Jubbaland 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2, 961. Bukaannada cusub 22 ka mid ah waa rag 1-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay 2 bukaan ayaa u geeriyootay COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 92 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo. View the full article
  16. Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo habeenimadii xalay ku qaabilay Isimada Gobolka Mudug iyo guddiga dhismaha Dekadda Garacad oo Madaxweynaha warbixin ka siiyey dhismaha Dekadda Garacad. Guddiga dhismaha Dekadda Garacad ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinta mashruuca dhismaha Dekadda Garacad oo ay ku baxayso $180 Milyan, waxay guddigu u faahfaahiyeen Madaxweynaha mashruuca oo wejigii labaad galay, marxaladaha ay Dekaddu soo martay iyo maanta meesha ay marayso. Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey Guddiga dhismaha Dekadda Garacad sida wadaniyada iyo masuuliyadda leh ee ay u wadaan shaqada iyagoo marxalado kala duwan lasoo maray. “Dhismaha Dekadda Garacad waa Mashruucii iskutashi ee ugu weynaa noociisa ee ka socda Soomaaliya, tusaale ayeenu dadka u nahay, Dowladdana waa ka go’antahay dhameystirka dhismaha Dekadda oo aan rajeynayo dhowaan inuu dhammaado” Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda goboleedka Puntland. Kulanka waxaa Ka qeybgalay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Isimada Gobolka Mudug, Maamulka Gobolka Mudug, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad ee gobbolka Mudug ee Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. “Marka ummad la doonayo in laga adkaado, mukhaadaraad ayaa la dhexgeliyaa.” Sheekh Dirir Hargeysa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa bulshada uga digay halista mukhaadaraadka, uguna baaqay inay ka feejignaanaadaan isticmaalkiisa, ilaahay SW uga toobad keenaan dadka ku dhacay xumaantiisa. Khudbadii Jimcaha oo Sheekh Maxamed uga hadlay khatarta maandooriyaha, oo ah wax kastoo caqliga bani’aadamka wax ka bedela, ama aanu ka bedelin, kol haduu caqliga taabanayo, khalkhalna ku ridayo haba yaraatee, ayuu yidhi, Wax kastoo mukhaadaraad ah, wax la cuno, la cabo ama la isku muddo, waa xaaraan, diinta islaamkuna way xaaraantimmaysay, mowqif adagna iska taagtay, taasoo qofkii isticmaalana loo jideeyey ciqaabta uu leeyahay. Dhibaatooyinka mukhaadaraadka oo Sheekh Maxamed ka waramay ayaa sheegay inay ka mid yihiin burburinta ummada, taasoo ummada had iyo jeer isticmaasha mukhaadaraadku ku burburto, gaa ahaan dhalinyaradooda. Marka dadku mushkilada doortaana Ilaahay SW wuu dulleeyaa. Sida Ilaahay aayad macnaheeda inoogu sheegay, “Dadku markii ay leexdeen, anniguna waan sii fogeeyey” Dhibaatooyinka mukhadaraadka wax ka mid ah inuu baabi’iyo dhaqaalaha ummada, oo qofka maandooriyaha isticmaala, caadayste ayuu noqonayaa, oo wuu walfayaa, markuu xaraaradu qabato, ilmahiisa ayuu ku iibsanayaa. Awooda ciidan ee ummad leedahay way baaba’adaa, marka mukhaadaraadku dhexgalo. Sannado badan dalka Shiinaha iyo reer Yurub waxay ku dagaalamayeen mukhaadaraaka Afyuunka, way soo weeraraan, way iska difaacaan, khasab waxay kaga dhigeen inay u soo iibgeeyaan, ciidamadoodana dhexgeliyaan. Marka ummad la doonayo in laga adkaado, mukhaadaraad ayaa la dhexgeliyaa. Ummadu waxyaalaha ugu qiimo badan ee ay helaan diinta ka dib, wax aka mid ah caafimaadka, waxyaabaha maandooriyahu khatarta ku hayo wax aka mid ah caafimaadka jidhka, dadku marka ay mukhaadaraaka badiyaan cimrigoodu wuu soo gaabtaa. Qofka maandooriyaha isticmaalaya halis ayuu ku yahay nabadgelyada ummada, had iyo jeer waxyaalaha keena nabadgelyada darada keena wax aka mid ah marka qofku waayo dhaqaalahii mukhaadaraadka, waalidkii iyo ummadaba wuu boobayaa. Sheekh Maxamed oo ka hadlayey sababaha keena in mukhaadaraadku faafo ayaa sheegay inay ka qeybqaataan dad shisheeye, ama iyaguba faafiyaan ama dad u soo dhiibaan. Waxa ka mid ah dadkoo ay ku yaraato cabsidii Ilaahay SW, sida aayada inoogu sheegay “ qofku markuu hagaagsan yahay, ma halaabo, cidna ma liiciso, laakiin markuu halaabo cid hanuunisa ma helo” Nebigu CSW waxuu xadiis inoogu sheegay “Ilaahay SW ilaali, wuu ku ilaalinayaa. Sababaha mukhaadaraadku ku faafo wax aka mid ah, inaan laga fekerin tarbiyadooda, dadka da’yarta marka la korinayo in la eego calooshooda keliya, balse la ilaawo caadifadooda, ruuxdooda, oon la barin casharada tarbiyada, Ilaahay SW waxuu aayad inoogu sheegay “Nafahiina iyo ehelkiina ka ilaaliya naarta” sida looga ilaalinayo waa in ehelka iyo ubadka lagu rabeeyo diinta, oo iimaan iyo aqoon wanaagsan oo ka horistaagta yeesho, Nebiguna CSW taas ayuu innagu adkeynayaa. Sababaha fududeeya isticmaalka mukhaadaraadka wax aka mid ah qofkoo la saaxiiba dad xun, Nebigu CSW wuu inooga digay xadiis macnahiisu ahaa “Qofku waxuu haystaa diinta saaxiibkii” dhaqanka saaxiibki ayuu haystaa, ha iska ilaaliyo qofkuu la saaxiibayo. Nebiga CSW ayaa lagu amray inuu dadka wanaagsan la fadhiisto. Sheekh Maxamed oo ka hadlayey sida looga badbaado halista mukhaadaraadka ayaa sheegay inay tahay toobad iyo in Ilaahay SW loo noqdo, oo lagu dedaalo in adoomada la dhaqanceliyo, Ilaahayna furdaamin ayuu siinayaa. Ubadka aynu rabayno sidaa hore aynu u soo sheegnay, goobaha wanaagsan aynu ka agdhowaano, goobaha cilmiga, meelaha wanaagsan iyo dadka wanaagsan, ubadkana lagu rabeeyo oo la geeyo. Waxyaalaha lagu daaweynayo wax aka mid ah dadka wacdiga iyo waanadu anfaci waayaan in ficil loola tago, oo gacan la saaro, dadka kuwii kitaabka raaci waaya, hubka iyo awoodaa lagu hagaajinayaa, Ilaahay SW waxuu yidhi “Isu-kaalmaysta Alle-ka-cabsiga iyo samo-falka, dembiga iyo xumaantana ha isu kaashanina” — Mohamoud Ali Walaaleye Freelance Reporter Hargeisa- Somaliland Qaran News
  18. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo xalay kula kulmay Isimada Gobolka Mudug iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad oo Madaxweynaha warbixin ka siiyey dhismaha Dekadda Garacad. Guddiga dhismaha Dekadda Garacad ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinta mashruuca dhismaha Dekadda Garacad oo ay ku baxayso $180 Milyan, waxay guddigu u faahfaahiyeen Madaxweynaha mashruuca oo wejigii labaad galay, marxaladaha ay Dekaddu soo martay iyo halka hadda ay marayso. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey Guddiga dhismaha Dekadda Garacad sida wadaniyada iyo masuuliyadda leh ee ay u wadaan shaqada iyagoo marxalado kala duwan lasoo maray. “Dhismaha Dekadda Garacad waa Mashruucii iskutashi ee ugu weynaa noociisa ee ka socda Soomaaliya, tusaale ayeenu dadka u nahay, Dowladdana waa ka go’antahay dhameystirka dhismaha Dekadda oo aan rajeynayo dhowaan inuu dhammaado” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland. Kulanka waxaa Ka qeybgalay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Isimada Gobolka Mudug, Maamulka Gobolka Mudug, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo warbixin ka dhegaystay Guddiga Dhismaha Dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.
  19. Taipei (Caasimada Online) – Waxaa muuqata suurta-galnimada Taiwan ay saldhig militari ka sameysato Somaliland, gaar ahaan magaalo xeebeedka Berbera, taasoo qayb ka ah heshiis laba-geesood ah oo ay la gashay maamulka Somaliland oo caalamka u aqoonsan yahay gobol ka mid ah Somalia. Kowdii bishii Luulyo ayaa wasiirka arimaha dibadda Taiwan Joseph Wu (吳 釗 燮) wuxuu ku dhawaaqay in dowladaha Taiwan iyo Somaliland ay isku raaceen dhismaha xafiisyo matalaya labada dhinac, si ay si wanaagsan ugu adeegayaan danaha midba midka kale. Wada-hadallada Taiwan iyo Somaliland ayaa billaabmay dabayaaqadii sanadkii 2019, waxaana heshiiskii ugu horeeyay ay kala saxeexdeen bishii Febraayo ee sanadkan, markii Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Yaasiin Hagi Maxamuud uu booqday Taipei uuna la kulmay Madaxweynaha Tsai Ing Ing-wen (蔡英文). Lama oga sababta xiriirka labada dhinac uu u ahaa mid qarsoonaa mudadaasi fog, laakiin waxaa loo arkaa muhiimada xiriirka Taiwan ee Somaliland mid ay ku dooneyso inay ku cuuryaamiso awooda Shiinaha uu ku leeyahay gobolka gaar ahaan Geeska Africa, iyadoo la og yahay in Shiinaha uu xiriir dhow la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dalka deriska ee Jabuuti. Shabakadda HCH24 ee ku baxda luuqada Faransiiska kana faaloota arrimaha Geeska Africa ayaa daabacday in xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland inuu ka carooday Shiinaha sababta oo ah waxay carqaladeyneysaa ololahooda ay ku go’doominayso Taiwan. Sidoo kale, Shiinuhu wuxuu shaki ka qabaa xoojinta xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, maadaama ay siinayso kuwa ay la tartamayaan inay saldhig ka dhigtaan waddan ay dariska yihiin saldhiga milatariga Shiinuhu ku leeyahay Jabuuti. Shabakadda HCH24 ayaa qortay in madaxda Hargeysa in wajigii labaad ee heshiiska ay u ogolaanayaan millatariga Taiwan in ay laylis ku qabtaan Somaliland. Inta xitaa Taiwan ay ka shaqeyneyso in ay saldhig militari ka sameysato magaala xeebeedka muhiimka ah ee Berbera. Wasiirka arrimaha dibadda Taiwan Joseph Wu (吳 釗 燮) wuxuu sheegay in tan iyo markii ay ku dhawaaqday madax-bannaanida 1991, ay ay ka dhaceen saddex doorasho oo madaxweyne ah isla markaana ay waddammo badani ka aqbaleen inay yihiin waddan dimuqraadi ah oo Afrika ka jira, sida uu ku shaaciyay barte twitter-ka Arbacadii (1-dii July), Wu wuxuu ku dhawaaqay saxeexa heshiiska labada dhinac wuxuuna ku tilmaamay Somaliland wadan madax bannaan oo ku yaalla Geeska Afrika. Taiwan ayaa tan iyo bishii Janaayo 2020 la shaqeyneysay Somaliland, kana caawineysay kobcinta awooda wasaaradaha kala duwan iyo farsamooyinka kale ee maamulka. Kooxda ‘The Root Root Medical Peace Corps’ ayaa sidoo kale Somaliland ka caawisay dhinaca caafimaadka, iyadoo usoo dirtay shaqaale caafimaad markii seddexaad tan iyo bishii Janaayo ilaa 28-kii June. Waxay kaloo soo gaarsiisay sahaydii ugu weyneyd ee agab caafimaad oo loogu tala galay la dagaalanka cudurka dilaaga ah coronavirus (COVID-19). Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Danjiraha Shiinaha ee Somalia Qin Jianayaa oo ku kulmay qasriga madaxtooyada, wuxuuna Farmaajo u sheegau China in Somalia ay ixtiraamayso midnimada iyo wadajirka China. Somaliland ayaa sannadkii 2017 waxay heshiis la saxeexatay Imaaraadka Carabta (UAE) inay saldhig milateri ka dhisato magaalada Berbera, sidoo kalena ay siiso tababaro milatari iyo qalab ciidan booliiska iyo millatariga Somaliland. Si kastaba ha noqotee, waxaa xigtay in la shaaciyay in Imaaraadka uu ka baxayo heshiiskaasi bishii Sebtember 2019. Bishii Janaayo ee sannadkan, shabakadda wararka ee Telegraf ee ka soo baxda waddanka Mareykanka ayaa soo xigatey Saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka iyaga oo sheegay in Ruushka uu sii laba jibaarayo qorsho uu saldhig milateri kaga dhisanayo magaalada Berbera. Laakiin dowladda Ruushka ma aysan xaqiijin warbixintan.
  20. Migrants are frustrated with the fifth extension of the lockdown in camps, saying it makes their lives even more difficult. Source: Hiiraan Online
  21. Suna East MP Junet Mohamed has led Kenya's delegation to a high profile diplomatic meeting in Somaliland. Source: Hiiraan Online
  22. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa awood Ciidan u adeegsatay Dibad-baxayaal si nabad ah isu’gu soo baxay Fagaaraha Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho. Bannaan-baxa ayaa sida la sheegayo looga horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana soo qaban-qaabiyay Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka dhisan Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka walaacsan Arrimaha Doorashooyinka soo socda. Wararku waxay sheegayaan in Dowladda Ciidamo fara badan ku daadisay Fagaaraha Daljirka Dahsoon halkaas oo ay isu’gu soo baxeen dadka Bannaan-baxa samaynayay si ay dareenkooda u muujiyaan. Ciidamada Dowladda ayaa sidoo kale la sheegaya in ay Rasaas u adeegsadeen Dadka Shacabka ah ee Dibad-bax ka samaynayay Taallada Daljirka Dahsoon. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo awood Ciidan u adeegsatay Bannaan-bax ka bilowday Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in guddiyadii baarista xasuuqii deegaanka Gololey ee degmada Balcad ee gobalka Shabeellada Dhexe ay joojiyeen baaritaanka kiiskaas, kadib markii uu lugaha la galay qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Milateriga Soomaaliya. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in arrintaan ay aad u adkaatay islamarkaana guddiyadii ku jiray ee ka kala socda HirShabeelle iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay hakiyeen. Xubno kamid ah labada guddi oo aan la hadalnay ayaa sheegay in baaritaankii ay wadeen uu lugaha la galay saraakiil sare oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya islamarkaana ay dhaqaajin waayeen kadib markii ay la kulmeen caga juglayn iyo cabsi gelin. Qaar kamid ah xubnaha aan la hadalnay ayaa sidoo kale sheegay, in dhinac kale oo ka tirsan dowladda ay bilaabeen in arrintaan ay u xaliyaan si hoose islamarkaana ay wadaan aruurinta lacago loogu tala-galay in la siiyo qoysaska dhibanayaasha ah. “Sidaa u wadnay baaritaanka oo daruufo adag ku wareegsanaa waxaan ku tagnay saraakiil sare oo eedeysanayaal ah waana dhaqaajin weynay, xataa inaa la kulano nooma aysan suurta gelin, guddigayna waa loo caga jugleeyay, hanjabaad toos ah ayaan la kulanay,” ayuu yiri qof kamid ah guddiyada arrintaan ku howlan. Sidoo kale mas’uulkaan ayaa noo sheegay in siyaasiin maqaam sare ku leh dowladda dhexdeeda ay wadaan qorshe lacag lagu siinayo qoysaska dhibku gaaray lacagtaas oo lagu sheegay in ay tahay DIIYO. Dil wadareedkii ka dhacay Golaley muddo dheer ka hor ayaa ahaa kii ugu xumaa waxaana halkaasi si bareer ah loogu toogtay 8 qof oo dhalinyaro dhaqaatiir ahaa. Dilka ayaa lagu eedeeyay Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee degaankaas ku sugan.
  24. Inta aynaan ka warcelin weydiintan, bal aan dib u eegno taariikhda, oo aan dib idiin xusuusiyo doorkii Puntland ee dhisidda Dawlad Federaal ah ee Soomaaliyeed. Waxaa xusid mudan in Puntland ay keentay aragtida in Soomaaliya laga dhigo ama laga dhiso Dawlad Federaal ah oo laga guuro nidaamkii Dawladdii Dhexe ee ay Soomaaliya hore u soo martay. Marka aan shirkii Kenya ka dhacay dib u eegno waxaa kuu soo baxaysa in Puntland ahayd awood muuqatey oo shirkaa hoggaan u ahayd, kuna guulaysatay in ay Soomaalida kale ka dhaadhiciso ka na iibiso aragtidii ay xambaarsanayd ee ahayd in dalku Federaal noqdo shuruud la’aan iyada oo aan weliba si bisil looga wada hadlin. Xilligaa Puntland waxaa madaxweyne ka ahaa Eebbe ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo markii dambe isku beddelay oo loo doortay Madaxweynihii ugu horreeyey ee hoggaanka u qabta Dawlad Federaal ah oo markii ugu horreysay laga yagleelo Soomaaliya. Arrintaasi waxay muujisay ujeedadii loo asaasay Puntland oo ahayd in lagu gaaro qaran Soomaaliyeed oo loo dhan yahay oo Federaal ah. Dawladdii Cabdullaahi Yuusuf, Puntland waxay ku taageertay dhaqaale, ciidan, hub iyo maskaxba si ay u hirgeliso nidaamka Federaalka ah, waana sababta reer Puntland ay u jecel yihiin in loogu yeero maamul goboleedkooda “ Hooyaddii Federaalka” oo marka la eego tillaabooyinka ay qaadday u qalanta in lagu magacaabo sidaa. Marka si fiican loo derso ujeedadii Puntland ka lahayd nidaamka Federaalka ah, wuxuu ahaa mid aan dad badan u muuqan xilligaa. Puntland waxay u arkaysey in nidaam Federaal ah ay ugu badinayso dadka ku abtirsada deegaanada Puntland, Jubbaland, qaybo ka mid ah Galgaduud iyo Bakool Sare. Puntland waxa aanay marnaba ku tashan suurragalnimada in laba gobol oo la isku daray ay noqon koraan Dawlad Goboleed, caasimadda Muqdishana ay maqaam gooni ah iyo metelaad siyaasadeed yeelan karto. Maanta waxay Puntland indhaha ku haysaa Banaadir oo metelaad yeelatay, laba gobol oo midoobay oo noqday Maamul Goboleed, Mudug oo laba qaybood laga dhigay iyo Sool iyo Sanaag oo lagu tilmaamay Gobollada lagu muransan yahay ilaa ay soo gaadhay in Puntland ku baaqdo in metelaad siyaasadeed oo la mid ah tan Banaadir ay helaan Gobollada Sool iyo Sanaag. Ogow, Sool iyo Sanaag waxaa gabi ahaanba gacanta ku hayn jiray maamulka Puntland wixi ka horeeyey 2007ki marki laga reebo qaybo ka mid ah Sanaag. Haddaba, nidaamka Federaalka ahi, wuxuu dhigayaa in deegaan kasti metelaad ku yeesho Dawladda Dhexe ee Federaalka ah. Marka laga soo tago Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo lagu qaybsaday nidaamka 4.5, waxaa aqalka sare loo sameeyey in uu metelo Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, waxaana aqalka sare la aasaasay dhammaadkii sanadkii 2016kii iyada oo ay si wada jir ah ugu heshiiyeen Madashii Wada Tashiga Qaran ee ka koobnayd madaxda Dawladda Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyada. Waxa ay ku heshiiyeen in xubnaha Aqalka Sare lagu saleeyo 18kii Gobol ee Soomaaliya ka koobnayd, Gobol kastana uu helo saddex xubnood, taas oo tirada guud ka dhigaysa 54 xubnood. Haddaba sidaa si ka duwan ayeey Madashii Wada Tashiga Qaran oo ay hormuud u tahay Puntland ay wax u qaybisay. Soomaliland iyo Puntland waxaa la siiyey midkiiba 11 xubnood, halka afartii Maamul Goboleed ee kale la isku siiyey 32 xubnood, oo midkiiba uu qaatay 8 xubnood, iyada oo meesha laga saaray Gobolka Banaadir oo ahayd inuu metelaad ka helo aqalka sare. Haddii sidii hore wax lagu sallayn lahaa, Aqalka Sare Banaadir waxay ku yeelan lahayd 3 xubnood, balse damaca Puntland ayaa keenay in la iska indho tiro xuquuqda Banaadir, ugu dambayna ay maanta horseedo in Banaadir hesho metelaad u dhiganta tan Maamul Goboleedyada ama ka badan, waayo hadda Banaadir Gobol ma aha oo keliya ee waxa ay yeelatay miisaan u dhigma Maamul Goboleed oo aan yagleelidiisa dhabta ahina sii fogayn. Waxaa xusid mudan in Punltand ansixinta ka hor ay iska dhigi jirtay mid u doodaysa oo xuquuq siyaasadeed u raadinaysa Gobolka Banaadir, taas oo maanta beenowday, iyada oo Puntland hore ugu khudbeyn jirtay qoraal ahaanna u dhigi jirtay in Banaadir matalaad iyo maqam hesho taas oo malaha ka ahayd; “qowda maqashii waxna ha u qaban”, illeyn lama oran karo waxay qoonsatay kala haridda matalaadda iyo maqaamka Banaadir oo kii soo horeeyaba hormuud u yahay kan kale. Xilligan la joogo,waxay Puntland ku doodaysaa in habka loo maray metelaad siinta Banaadir ay baal marsan tahay sharciga oo aanay dastuurka waafaqsanayn, iyada oo Muqdisho u muujinaysa magaalo beelo gaar ahi leeyihiin kuna eedaysay xildhibaannada ka soo jeeda Hirshabeele iyo Galmudug in ay dabada ka riixayaan metelaaddaa aqalka sarre ee Banaadir. Damaca reer Puntland waxaa ka dhashay dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Damaca reer Puntland wuxuu burburiyey Dawladdii Dhexe. Damaca reer Puntland wuxuu horseeday nidaamka 4.5. Damaca Puntland waxaa ka dhashay Federaal, Puntland lafteeda waxaa loo aasaasay damac siyaasadeed iyada oo laga dhigtay jaranjaro lagu gaaro hoggaanka sarre ee Soomaaliya. Damaca iyo sedbursiga Puntland ayaa sabab u noqday khilaafka dheeraaday ee muddooyinkii kala duwanaa soo dhex marayay Dawladihii kala dambeeyey burburka ka dib, ka bilow Dawladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan ilaa laga soo gaaro xukuumaddan uu hoggaamiyaha ka yahay madaxweyne Farmaajo, marka laga reebo muddadii uu xilka hayey madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed Eebbe ha u naxariistee. Haddaba Damac Puntland ma horseedi doonaa burburka Dawladda Federaalka ah? Nasrudin Mohamed Ahmed – Waxaad kala xiriiri kartaa ahmedfiqi2018@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankoodii shalay akhrinta koowaad ku marsiiyey ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2020-ka. Waxaana golaha ka hor akhriyay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa su’aalo ka weydiiyay wasiirka maaliyadda ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkan. Waxaana qaar ka mid ah su’aalahaasi ay ku saabsanaayeen in dowladdu shaqaale cusub qoraneyso iyo in kale. Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in hoos u dhac aad u weyn uu ku yimid dhaqaallaha dalka, sidaas dartee aysan saamaxeyn inta Corona jiro in dowladdu qorato shaqaale cusub, maadaama sida uu sheegay maalinba maalinta ka dambeysa uu hoos u sii dhacayo dhaqaalaha dalka. “Shaqaaluhu inuu dowladda u shaqeeyo horta waajib maaha, shaqa abuurku waa in dhaqaalaha sare loo qaado oo dadku shaqo helaan, waxaan ku rajo weynahay mashaariicda imaaneysa dalka inay sii hordhaan, sanadkan iyo kan soo socda mashaariic badan oo dalka dhan laga hir-gelinayo ayaa imaaneysa, mashaariicdas shaqa abuur ayey keenayaan, hadii Coronavirus naga dhamaadana dowladdu hade shaqaale ayey u baahantahay” ayuu yiri wasiir Beyle. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in muhiimaddu ay tahay in dhaqaalaha dalka un kor loo qaado, si dadku ay shaqa uga helaan dowladda ama hey’adaha kale ee madaxa banaan ee dalka. Hoos ka Daawo Wasiir Beyle oo ka hadlaya arrintaas iyo arrimo kale