-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa taageersan dowladda federaalka ayaa ka hadlay xaaladda siyaaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020/21. Sheekha ayaa sheegay in dalka uu khatar gali karo, haddii aysan dowladda dhexe xilligii loogu talagalay qaban doorashada, sidoo kalena aysan tanaasul sameyn mucaaradka. Sidoo kale wuxuu ka digay in dalka uu firaaqo galo ama dowlad la’aan uu noqdo marka uu dhammaado muddo xileedka madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sheekh Cali Wajiis ayaa sidoo kale xusay in looga baahan yahay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay sameeyaan dadaallo ballaaran oo la’isugu soo dhoweynayo dhinacyadaasi, si aysan u dhicin fowdo iyo qalalaasi siyaasadeed oo hor leh. “khatarta la wajahaayo waxa waaye haddii dowladda hada jirta aysan xilligii loogu tala galay oo sharciyadeydii afarta sano aheyd aysan doorasho ku qaban, ragga mucaaradka iyo siyaasiyiinta aysan soo tanaasulin oo aysan ogolaanin muddo intee la eg hala ekaato inta Xaliima Yarey sheegtay ha noqoto ama ka yar ama ka badan muddo loogu tala galay in doorasho ay dhacdo noocee doonto ha ahaatee aysan ku heshiin madaxda qaranka, maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta, dalku markaas firaaq ayuu galayaa waana khatar, taasaa marka u baahan in qeybaha bulshada culimada, ganacstada inay ka shaqeeyaan in la isu soo jiido siyaasiyiinta, mucaaradka iyo dowladda hada talada heysa intaba si dalka khatar u gelin.” ayuu yiri Sheekh Cali Maxamuud Xassan (Wajiis). Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli aysan cadeyn nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso dhammaadka sanadkan iyo kan xiga ee 2021-ka, waxaana sidoo kale jira jira is-faham waa u dhexeeya dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo mucaaraadka.
-
BAIDOA (HOL) - At least five people were killed and scores of others injured in a bomb attack in Baidoa Saturday morning. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Muqdisho)-Qarax xooggan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya. Qaraxan oo loo adeegsaday Gaadhi waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyey ayaa waxa lagu qarxiyey xarunta cashuuraha Magaalada Muqdisho oo ku taalla degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho. Goobta Qaraxu ka dhacay Dekedda Magaalada Muqdisho ayaa dhinaca ku haysa Saldhigga Booliska ee Degmada Xamar Jajajab. Weerarkan oo dhacay Abaaro 8:30 subaximo ayaa la sheegay inuu khasaare badan geystay. Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax xoogan oo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta Degmooyinka Gobolka Banaadir. Afhayeenka Ciidanka Booliska Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaas uu ahaa mid loo adeegsaday Gaadhiga nooca raaxada ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu weerarao Xarunta Ilaalinta canshuuraha oo ku taalla kasoo horjeeda Dekadda weyn ee Muqdisho. Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo Bar Koontaroo ku lahaa agaagarka Xarunta Dekadda ay hortegeen, kadib markii ay rasaas ku fureen gaadhiga oo xoog ku socday, uuna ku qarxay Derbiga Xarunta. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa shalay sheegay in rabshadaha dalka ka dhacay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ahaayeen isku day lagu doonayo in lagu kiciyo dagaallo sokeeye, balse hadda la fashiliyey. Abiy ayaa ka hadlayey kulan uu magaalada Addis-Ababa kula qaatay saraakiisha sarsare ee rayidka iyo saraakiisha ciidamad, sida uu sheegay telefishanka dawladda ee ETV. Telefishanka Ethiopia ayaa wariyey in “87 qof, oo ay ku jiraan afar sarkaal oo bolis, ay naftooda ku waayeen rabshadaha”, sida laga soo xigtay taliyaha booliska gobolka Oromia. Raysal Wasaare Abiy wuxuu sheegay in abaabulayaasha rabshadaha la qabtay, isaga oo taas uga mahad celiyay ciidammada ammaanka. Rabshadaha ayaa ka bilaamay dalka ku yaalla Geeska Afrika salaasadii, kadib dhimashadii heesaagii Hachalu Hundessa. Hundessa, oo 36 jir ahaa, ayaa waxaa magaalada Addis-Ababa ku toogtay dabley aan la garanaynin. Fannaanka caanka ahaa ayaa Khamiista lagu aasay gurigiisa oo ku yaal magaalada Ambo, oo qiyaastii 100 kiiloomitir (62 mayl) Galbeedka ka xigta Addis Ababa. Hundessa wuxuu ahaa nin caan ka ahaa mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday dawladda ee socday saddex sano kahor inta aanu xukunka iman Abiy, oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada. Intii lagu guda jiray mudaaharaadyadii horseeday inay dhacdo dowladdii hore 2018, wuxuu noqday codka dadka Oromada. Dhanka kale, Golaha Warbaahinta ee Itoobiya ayaa shalay soo saaray digniin ka dhan ah warbaahinta mucaaradka, iyagoo ku eedeeyay inay kicinayaan rabshado qowmiyadeed. Agaasimaha guddiga Getachew Denku ayaa ugu baaqay xarumaha ay mucaaradka maamulaan ee Tigray Media House, Oromo Media Network, iyo Demtseweyane “inay joojiyaan kicinta rabshadaha qowmiyadeed oo aysan dalka khalkhal gelin.” Xarumahan ayaa loo diray warqad loogu digayo in la xidhi doono Adeegga Internetka ayaa wali ka xidhan meelo ka mid ah Ethiopia, tan iyo salaasadii. Source
-
Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay qarax gaari saaka lala beegsaday waaxda ilaalada Canshuuraha Berriga oo ku taalla ka soo horjeedka Dekedda magaalada Muqdisho. Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Shan askari oo ka tirsan Booliiska gaar ahaan Ciidanka ilaalinayay xarunta. Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidanka Booliska ay rasaas ku fureen gaariga ka hor inta uusan soo gaarin xarunta Ilaaladda Canshuuraha islamarkaana uu ku geeriyooday kaliyah qofkii waday gaariga Qarxay. Afhayeenka ayaa nooca gaariga qarxay ku sheegay in uu ahaa kuwa raaxada ee loo yaqaana Surf Madow ah. PUNTLAND POST The post Taliska Booliiska Soomaaliya oo ka warbixiyay Khasaaraha qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay Xarunta Ilaalada Canshuuraha degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho,Waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyooday hal ruux, kaas oo ahaa ruuxii waday gaarigii is qarxiyey, halka ay dhaawacmeen ilaa 5 askari oo ka tirsanaa ilaalada goobta, iyadoo sidoo kale uu dhaawac soo gaaray haweeney goobta ku laheyd maqaayad. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Qaraxii Ka Dhacay Afaafka Hore Ee Dekedda Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaas uu saaka ka dhacay qarax miino oo khasaare kala duwan gaystay. Qarax oo noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in uu ka dhacay maqaaxi ku taalla bar-kantarool oo laga soo galo magaalada Baydhabo sida laga soo xigtay Goob-joogayaal. Wararka hordhaca ah oo ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay qaraxaas ayaa xaqiijinaya in ilaa saddex ruux ku geeriyoodeen halka tiro kalena ku dhaawacantay qaraxa. Laamaha Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo goobta qaraxa gaaray ayaa lagu soo warramaya in ay hawlgallo kala duwan ka wadaan balse ma jiro wax war ah oo maamulku ka soo saaray qaraxaas. Sidoo kale weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa inkastoo Al-shabaab looga bartay qaraxyada noocaas oo kale ah. PUNTLAND POST The post Qarax dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, tiro inaasi ka badan way ku dhaawacmeen, kadib qarax maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa miino, islamarkaana uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay uu ka agdhow yahay koontool ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya saraakiisha laamaha ammaanka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana meesha uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban sameeyey halkaasi. View the full article
-
Wasaaradda amniga Galmudug ayaa shalay la wareegtay hub, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka Balanbale ee gobolka Galgaduud. Munaasabadda lagula wareegay hubkaas iyo gaadiidka waxaa ku sugnaa madaxweynaha Galmudug, ku xigeenkiisa, wasiirka amniga maamulkaasi iyo mas’uuliyiin kale. Waxgaradka deegaanka ayaa maleeshiyaadkaas iyo hubkooda ku wareejiyey wasaaradda amniga Galmudug, iyaga oo sheegay inay kala shaqeyn doonaan arrimaha amniga. Sidoo kale mas’uuliyiinta munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka lagu dari doono ciidamada Galmudug, si ay helaan xuquuq iyo mushaaraad joogta ah. Galmudug ayaa horey ula wareegtay maleeshiyaad ku sugnaa deegaano ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Madaxwynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”, madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo wasirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa oo goobjoog ka ahaa wareejinta hub iyo ciidan ay la haayeen beel kamid ah kuwa dega degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud. Madaxweyne Qoorqoor oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in arrintaan ay daba joogto sidii Galmudug looga uruurin lahaa hubka iyo ciidanka beelaha, si ay bilow ugu noqdaan aasaaska ciidamada daraawiishta Galmudug, isaga oo intaas ku daray in hubka ku jira gacmaha beelaha uu qalqal amni ku yahay bushada degan Galmudug dhexdeeda. ” Siyaasadda cusub, Galmudugta cusub, in hubka ay beeluhu heystaan ee sida gaarka ah ay u isticaalayeen, oo in badan amniga qatar ku ahaa, siyaasaddii iyo go’aankii laga qaatay loo hoggaansamay, lagu dhaqmay, meelo badana la soo wareejiyey hubkii, galabtana beel kamid ah beelaha reer Galmudug ayaa wareejisay kii ay gacanta ku heysay. Waxaa ay noo tahay Istiraatiijiyuad laga gaaray iyo qorshihii Galmudugta cusub ” ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor. Dhinaca kale wasiirka amniga gudaha Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada la wareejiyey ay bilow u noqon doonaan kuwii gobolka Galgaduud xoreen lahaa ” Waxaa ay bilow u noqdeen woqooyiga Galgaduud dhulka la yiraahdo, ciidamadii xoreen lahaa , waana ku mahadsan yihiin. Waxaan rajeynaynaa bilowgaas, ciidamada kale ee eeriyadaan jooga iyo gaadiidka kale oo dhan iyagana aan sidaan oo kale maalmaha soo aadan aan wareejintooda aan uga qeyb gali doono. Ciidanka waa la diiwaan gelin doonaan diiwaan ayeey meesha ku geli doonaan, waxaan rabnaa ciidanka iyo gaadiidka Galmudug jooga aysan iyagu difaac isku geline in cadowga guud ee Galmudug ay leedahay, xuduudaha ay leedahay iyo dhulka ay Al-shababka naga heystaan inaan halkaas aan xoogeenna aan ku wajahno” ayuu yiri wasiir amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macilim Fiqi. Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay waday qorshaha dhismaha ciidamada Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo aas aaskooda laga bilaabayo maleeshiyaadka hubaysan ee ku sugan deegaannada Galmudug, oo wasaaraddu sheegtay in la tababarayo loo samaynaayo oo la dhaqan celinayo , wasaaradda ayaa horay qorshahaanuga soo fulisay deegaanno badan oo dhaca gobolka Mudug ee maamulkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa qarax saaka ka dhacay afaafka hore ee dekadda magaalada Muqdisho, kadib markii gaari lagu weerar laanta canshuuraha oo ka soo horjeeda dekadda, warar ka duwan ayaa waxaa ay ka soo baxayaan kkhasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi. Waxaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday hal ruux, kaas oo ahaa ruuxii waday gaarigii is qarxiyey, halka ay dhaawacyo ay soo gaareen 5 askari oo ka tirsanaa ilaalada goobta, iyadoo sidoo kale uu dhaawac soo gaaray haweeney goobta ku laeyd maqaaxiyad. Qaraxa lagu weraray laanta cashuuraha iyo dhaqaalaha dekadda ayaa waxaa loo adeegsaday gaari yar oo ah kuwa raaxada kaas uu uu waday qof naftii hure ah, kaas oo awood ku soo dhaafay koontarool, ciidamada xabado kadaba riday ayaa keentay in gaariga uu qarxo, sida ay sheegeen laamaha ammaanka , oo hadda wado baaritaanka qaraxa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Baay ayaa sheegaya in goor dhow qarax khasaare geystay uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaayad ku taalla degmadaasi oo ay ka agdhow yahy koontarool ciidan oo lagu baaro dadka iyo gaadiidka galaya gudaha magaalada Baydhabo ee gbolka Baay. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen ku dhowaad 5 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo dad shacab ah oo gurmad u sameeyey dadka ay waxyeelada ka soo gaartay weerarkaasi qaraxa ah. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxaasi khasaaraha geystay. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Baydhabo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysay oo midkii ugu dambeeyey loo geystay guddoomiyihii ururka naafada K/Galbeed, Marxuum Shariif Jiis.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Saaka daah-furay Imtixaanaadka Dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee Puntland oo sanadka ay u fariisanayaan 16,500 oo arday. Dowladdu waxay xoojisay feejignaanta caafimaad ee ardayda iyadoo maanka lagu hayo xaaladda Covid-19, Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaana ka wada shaqeeyay in la raaco talooyinka Caafimaad sida kala fogaanshaha, adeegsiga qalabka ka hortagga covid-19 iyo la socodka heer Kulka xumadda ardeyda, macalimiinta iyo howlwadeenada kale. Madaxweynaha ayaa Imtixaanaadka sanadka ku daah-furay Iskuulka Cumar Samatar ee Gaalkacyo, halkaasi oo ay saaka Imtixaanka ku galeen 592 ardey oo qeyb ka ah 4,138 oo Imtixaanka ku gelaya guud ahaan Gobolka Mudug. Ardayda Imtixaanka loo daah-furay guud ahaan Puntland waa 16,500 oo ardey, 5,447 Arday oo ka mid ah waa Dugsiga Sare halka 11,053 Ardey ay u fariisanayaan Imtixaanka Fasalka 8-aad. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyo iyo dardaaran la wadaagay ardeyda, isagoo u rajeeyay guul iyo in alle u fududeeyo Imtixaanaadka. Daah-furka Imtixaanaadka waxaa Madaxweynaha Ku weheliyey Xubnaha Golaha Wasiirada oo ay ugu horeyaan Masuuliyiinta Waxbarashada, Maamulka Gobolka Mudug iyo Kan degmada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo si rasmiya u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhaawacmay Qarax culus oo Saaka ka dhacay nawaaxiga Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho oo ku taalla Degmada Xamar-Jajab. Qof isa-soo miidaamiyay ayaa gaari miinaysan ku qarxiyay Xarunta Ilaalinta Canshuuraha oo ka soo horjeedda Dekedda Muqdisho sida ay sheegeen Saraakiil Booliis ah. Sawirro laga soo qaaday Goobta ayaa muujinaya burbur xooggan oo Qaraxu gaarsiiyay Xarunta Ilaalinta Canshuuraha ee Booliiska Soomaaliya Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaas inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan Qaraxyada ka dhaca Muqdisho. PUNTLAND POST The post Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxii xooganaa ee saaka ka dhacay ka soo hor-jeedka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta laanta ilaalada Canshuraha oo ku taalla halkaasi. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu weeraray xaruntaasi oo si weyn loo ilaaliyo amnigeeda. Ugu yaraan shan askari ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen qaraxaasi, halka uu ku dhintay darawalkii waday gaariga qarxay, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali. Sidoo kale afhayeenka Booliska ayaa xusay in gaariga qarxay uu noociisu ahaa Sruf Madow ah. Afhayeenka oo sii hadlayey ayaa intaasi ku daray in gaariga uu xoog ku soo dhaafay bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya, kadibna markii la rasaaseeyey uu qarxay. Goob ceynkee ah ayey ku taallaa xarunta uu bartilmaameedku ahaa ee Ilaalinta Canshuuraha? Xarunta Ilaalinta Canshuuraha waxa ay kasoo horjeedaa dekedda Muqdisho, waxaana ka howl-gala Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya oo loo tababaray qaadista, daba-galka iyo la socodka Canshuuraha. Si maalinle ah waxaa uga howl-gala saraakiil iyo askar ka tirsan laantaas, indhahooda waxa ay u jeedaan marsada Muqdisho oo ka soo horjeedda, xubno ka tirsan laanta ayaa xarun kale ku leh isla gudaha dekedda. Waxa ay Canshuuraan Badeecadaha ka soo dega Dekedda, kuwa laga rarayo iyo gaadiidka xamuulka qaada qudhooda, iyaga oo siiya warqad muujineysa in laga jaray canshuurta ku waajibta badeeda iyo Gaadiidka. Xarunta ayaa aad loo adkeeyay dhismo ahaan, waxaana la jaray jidadkii dhexmari jiray ee dhanka xaafadaha degmada Xamar-jajab ka imaanayay, dhagaxaan iyo biro la furayo ayaa lagu wareejiyay. Halkan hoose ka daawo sawirrada:-
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay ka soo horjeedka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo lagu weeraray xarunta laanta ilaalada Canshuuraha oo ku taallada halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku dhaawacmay illaa 5 askari, iyadoona uu ku dhintay darawalkii waday gaariga qarxay. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana weli goobta ku sugan ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed oo halkaasi ka wada baaritaano dheeraad ah. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - A suicide bomb has hit a revenue office opposite Mogadishu port. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xilli madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ay socdaal ku marayaan gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay la wareegeen hub, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka Balanbale. Wasaaradda amniga ayaa lagu wareejiyey maleeshiyaadkaasi iyo hubkooda, si loogu daro ciidamada Booliska iyo kuwa Daraawiishta ee maamulka Galmudug. Sidoo kale waxaa hubkaasi wareejiyey waxgaradka deegaanka, iyaga oo shaaciyey inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan wasaaradda amniga Galmudug. Munaasabadda lagu wareejiyey hubka waxaa sidoo kale ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka Galmdug Cali Ciid, Wwsiirka Amniga iyo mas’uuliyiin kale. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii la soo dhaafay wasiir Axmed Macalin Fiqi uu dadaallo xoogan ka waday halkaasi, isaga oo horey ula wareegay maleeshiyaad iyo hubkooda oo ku sugnaa deegaano ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug. Si kastaba ha’ahaatee tallaabadan ayaa soo afjari karta dagaal beeleedyada ku soo laa-laabtay deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
-
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa ah: horgeynaynta ku noqoshada miisaaniyadda 2020 oo ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada. Xildhibaanada ayaa dood adag ka lahaa maalmihii lasoo dhaafay Sharciyo kala duwan oo ay qeyb ka ahaayeen Sharciga doorashooyinka, Matalaada gobolka Banaadir iyo kuwo kale. Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka baarlamaanka, islamarkaana ay soo xaadiraan . View the full article
-
Hay’adda Amnesty International waxa ay sheegtay in ay ka walaacsan tahay sii wadista xarigga wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuja) oo u xiran dowladda Soomaaliya. Amnesty waxa ay ugu baaqday mas’uuliyiinta Soomaaliya inay si dhakhso ah oo shuruud la’aan ah ku sii daayaan Wariyaha oo la xiray 7dii Maarso 2020 , islamarkaana ay soo xirtay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) . “Amnesty International waxay ay ka walaacsan tahay sii wadista xarigga wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuja) Ururka wuxuu ugu baaqayaa mas’uuliyiinta Soomaaliya inay si dhakhso ah oo shuruud la’aan ah ku sii daayaan” ayaa lagu yiri Bayaanka Amnesty International Warbixinta Hay’adda ayaa intaasi kusii dartay “Abuja waxaa dib u xiray saraakiil ka tirsan NISA 7dii Maarj 2020 iyadoo aysan ogeyn qoyskiisa iyo Qareenno iyo iyadoo aan maxkamad la soo taagin illaa 7 Juunyo 2020. Maalintaas, si qarsoodi ah ayaa loo geeyey maxkamadda militariga Magaalada Muqdisho iyada oo aysan la socon reerkiisa iyo qareen” 15kii Juun 2020, laba ka mid ah Ururada u dooda warbaahinta, aabihiis iyo mid ka mid ah qareenadiisa ayaa ku booqday xabsiga dhexe ee Muqdisho Wariye Abuja sidda ay sheegtay Hay’adda, waxaana ay sheegeen in uu ka cabanayay madax xanuun aad u daran iyo xanuun indhihiisu qabaan oo sheegay inuu u baahan yahay daaweyn deg deg ah iyo baaritaan View the full article
-
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay ku shaacisay xiliga wasaaradda la bilaabayo qaadista imtixaanka shaadiga ee Fasalada 8aad ee dugsiga dhexe iyo 12aad ee dugsiga sare, kuwaasi oo qabsoomi doono horaanta bishaan July ee 2020-ka . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qarax xoogan ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee Dekadda magaalada Muqdisho, gaar ahaan laanta canshuuraha oo ka soo horjeeda Dekadda. Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday gaari yar oo lagu soo raray walxaha qarxa, goobta oo aad mashquul badneyd ayaa waxaa ku sugnaa muruqmaatalo u suu shaqotagay dekadda. Waxaa jiro khasaare soo gaaray dadkii ku sugnaa halkaasi , wallow aad si dhaba loo ogeyn, dhibka soo garay dadkii Muruqmaatalada ahaa iyo askartii ku sugnaa , waxaa soconayo gurmad laga samanayo . Taliyaha ku xigeenka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa qoraal kooban oo ay dhigtay barteeda xiriirka Bulshada waxay ku tiri, “Qarax ayaa ka dhacay laanta Dhexe ee Ilaalinta Canshuuraha iyo Dhaqaalaha Muqdisho, ka Soo hor jeedka Dekada weyn ee Muqdisho. Wixii khasaare ah dib ayaan idinka Soo sheegi doonaa.” ayey tiri Goobjoog News Lasoco wixii ka soo kordho Qaraxa Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa saaka oo Sabtiya halkaasi ka daah furaya Imtixanka Shahaadiga ah ee Puntland. Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo Fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ee Puntland waxaa u fariisan doona 16,500 oo arday. 5,447 oo kamid ah ardaydaas waa dugsiyada sare halka 11,053 arday ay yihiin fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe. Imtixaanaadka waxaa lagu gelayaa 132 goobood oo ku yaalla dhammaan degaannada Puntland waxaana ardayda loo diyaariyay agabka ka hortagga Xanuunka COVID-19. PUNTLAND POST The post Puntland: In ka badan 16,000 oo arday saaka u fariisanaya Imtixaanka Shahaadiga ah appeared first on Puntland Post.
