Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. At least 10 people died and 12 were wounded when an explosive device ripped through a minibus outside the Somali capital Mogadishu on Sunday, the government said. The deadly explosion occurred near Lafole village along the Afgoye-Mogadishu where the passenger bus was traveling early in the day. ‘At least 10 civilians were killed in an explosion at Lafole area this morning, those who died were all civilians,’ the information ministry said in a statement, adding that the victims were on their way to a funeral. Witnesses said the minibus was completely destroyed, and described a horrific scene with everyone on board either dead or wounded and many bodies ripped apart or burned beyond recognition. ‘This was a horrible incident this morning, the explosive device went off as the bus was passing by the area and destroyed it completely,’ said Daud Doyow, a witness. ‘Bodies of civilians were strewn in pieces and most of the people died,’ he added. ‘There were more than 20 people on board and 10 of them were confirmed dead while the rest are seriously wounded and taken to hospital, this is a horrible scene here,’ said another witness, Abdirisak Adan. No group immediately claimed responsibility for the bombing, but Somalia’s al Qaeda-aligned Shabaab group carries out regular attacks in and around the capital, often killing civilians. View the full article
  2. Somalia will push ahead with plans to hold presidential and parliamentary elections in early 2021, removing doubt that it will delay the vote because of the spread of Covid-19. “Holding a timely election is more important than anything else at this time and it’s one of the primary goals which the public entrusted us,” Prime Minister Hassan Ali Kheyre said in a speech following a cabinet meeting. The Horn-of-Africa nation has endured two decades of civil war, and is contending with the worst desert-locust plague in recent memory and an insurgency by al-Shabaab, an al-Qaeda-linked Islamist group. The government is seeking debt relief as the coronavirus pandemic adds to its woes — it has almost 2,000 cases and a health system ill-equipped to deal with the outbreak. View the full article
  3. Afgooye (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey howlgallo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen tuulooyin dhowr ah oo hoos-yimaada deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dirir ayaa tilmaamay in howlgalladaasi oo ahaa kuwa qorsheysan si gaar ah looga fuliyey tuulooyinka Buulo-Urunji iyo Busley, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Taliyaha ayaa shaaciyey in howlgalladaasi milatari ay ku dileen ugu yaraan illaa 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuun intaasi ku daray inay gubeen doonyo ay isaga kala gudbi jireen webiga Shabelle ee mara Janaale iyo degaanada kale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ay dowladdu sheegatay inay khasaare badan ku gaarsiisay. Maalmihii dambe ciidamada huwanta ee xoojiyey howlgallada ay ka wadaan gobolka Sh/ Hoose oo ka mid ah gobollada ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.
  4. Guddoomiyaha waaxda Halgan degmada Deyniile ee gobalka Banaadir Cabdulqaadir Fool Dibi ayaa ku geeriyooday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho ka dib markii xaaskiisa ay tooreey ku dhishay sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Falkan oo ka dhacay xaafadda Raadeelka ee degmada Deyniile ayaa dhacay saakay arroortii waxaana uu yimid ka dib markii sida la sheegay haweeneyda falka geysatay ay ka maseyrtay seygeeda sidaasina ay nolasha ku dhaafisay guddoomiyihii waaxda Halkan. Wararka qaar ayaa sheegaya inay socdaan baaritaanno kala duwan oo lagu sameynayo haweyneydan oo la sheegay inay baxsatay waxaana sidoo kale haatan meydka marxuumka oo markii hore dhaawac ahaan isbitaal loo geeyay lagu wadaa in la aaso.. Inta badan dhacdooyinka nuucaan oo kale ah ayaa waxaa ku kaca dumarka oo iyaga oo maseyrsan falal dil ah u geysta nimankooda waxa ayna u adeegsadaan waxyaabo ay ka midyihiin tooreey iyo inay biyo ama saliid u karkariyaan arrinkan ayaana ah mid ka fog ku dhaqanka diinta Islaamka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta xarunta Baarlamaanka kula ballansanaa Isimada iyo Guddoonka Golaha Wakiilada ayaa kulankaasi ka cudur-daartay. Madaxweyne Deni ayaa Isimada iyo Guddoonka Baarlamaanka ku wargeliyay in uusan kulanka maanta imaan karin, balse wuxuu ballan-qaaday in uu Isniinta berriya kulan Qado ah Sharaf ah u samayn doono Isimada iyo Guddoonka Baarlamaanka. Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in uu kulanka berri ku soo bandhigo qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne Ku xigeenkiisa si loo dhex-dhexaadiyo labada mas’uul. Waxaase xusid mudan in Madaxweyne Deni uusan Isimada iyo Guddoonka Golaha Wakiilada u sheegin goobta uu ku qaban doono kulankaasi qadada ah. Isimada dhex-dhexaadinta wada iyo Guddoonka Baarlamanka ayaa shalay la kulmay Madaxweyne ku xigeenka oo ay ka dhegaysteen qaladaadka uu tabanayo ee dhaliyay muranka isaga iyo Madaxweyne Deni. PUNTLAND POST The post Kulankii Madaxweyne Deni iyo Isimada oo baaqday appeared first on Puntland Post.
  6. Kaddib howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameeyeen tuulooyinka Buulo-urunji iyo Busleey oo hoosyimaada deegaanka Jannaale ee gobolka shabeellaha hoose ayay ku dileen 18 kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab kuwaasi oo ku sugnaa dhulka howdka ah ee tuulooyinkaasi, sida lagu baahiyay warkan warbaahinta dowladda. Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii dadka degaanka ay la soo wadaageen xogta dagaalamayashan la dilay sidaasna ay ugu suuragashay in howgal qorsheysan lagu dilo 18 kamid ah Al shabaab. Waxaana intaas uu hadalkiisa ku daray taliye Dirir inay gubeen doomo Al shabaab ay isaga kala gudbi jireen Wabiga Shabeelle ee mara Jannaale iyo degaannada kale ee gobolka Shabeellaha hoose. Ciidamada huwanta ah ee ku sugan gobalka Shabeellaha hoose ayaa muddooyinkii dambe waday howlgallo ka dhan dagaalamayaasha Al shabaab ee iyaguna gobalkaasi ku xooggan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa degmada Dayniile ee gobolka Banaadir lagu dilay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabduqaadir Fooldibi, kaas oo ahaa guddoomiyaha laanta ama waaxda Halgan ee degmada Dayniile. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay falkan ayaa waxaa ka dhacay guri ku yaalla degmadaasi oo uu marxuumka deganaa. Wararka ayaa sheegaya in dilkaasi ay ka dambeysay xaaskiisa oo Mindi ku dhufatay, islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray, balse markii dambe uu ku dhintay isbitaalka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in marxuumka iyo xaaskiisa uu soo kala-dhex-galay muran, islamarkaana ay si gaadma ah ugu dhufatay Tooreyda . Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dayniile oo ku aadan dilkaasi. Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan dhacdo ugub ah ama ku cusub magaalada Muqdisho in haweeneyd ay disho sayigeeda ama ninku uu dilo xaaskiisa.
  8. MOGADISHU (HOL) - A landmine explosion Sunday killed at least 10 people and injured 13 others after it hit a passenger vehicle in the outskirts of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  9. Soomaaliland ayaa maanta oo ah Axad 31-05-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka oo gaaraya 1248 qof. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay in cudurka COVID-19 laga helay 18 qof, iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka maanta ka bogsadeen 7 bukaan, halka 24-kii saac ee la soo dhaafay uu hal ruux u geeriyooday caabuqan. Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 40 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 20ruux. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 304 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Halkan ka daawo heesta wacyigelinta COVID-19 Source: goobjoog.com
  11. Wararka aan ka helayno duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in in ka badan 10 ruux ay ku geeriyooden qarax saakay arroortii ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole waxaana xogta qaraxaasi ka soo baxaya warar kala duwan. Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaari caasi ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah kuwaas oo ku sii jeeday degmada Wanwalweyn ee gobalka Shabeellaha hoose. Gaariga oo dhamaantiis gubtay ayaa waxaa wararka qaar ay sheegayaan inay ka badbaadeen saddex qof oo kaliya, ilaa iyo haddana ma jirto faahfaahin rasmi ah oo laga helay dadka dhintay waxa ay ahaayeen marka laga tago inay dad shacab ah oo waddadaasi isticmaalayay ahaayeen. Maamulka deegaanka Lafoole oo aan xiriir la sameynay si aan wax uga weyddino dhacdadaas xanuunka badan aya a diiday inay faahfaahin inaga siiyaan sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay falkaasi ay ku nafwaayeen in ka badan 10 ruux. Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas balse Al shabaab ayaa waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye qaraxyo miino waxa ay kula eegtaan ciidanka dowladda ee halkaasi isaga kala goosha, waxaana sidoo kale wali jirin masuuliyiin dhacdadaasi ka hadashay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Baydhabo (Caasimada Online) – Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in shalay gelinkii dambe nin da’ahaa ay ku toogteen fagaare ku yaalla deegaan hoostaga degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Abuukar Xaaji Cumar ayey Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu Sixiroole ahaa, islamarkaana uu ku shaqeysanayey muddo 5 sano ah. Sidoo kale waxaa goobta lagu toogtay ninkaasi ku sugnaa qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Marxuumka la toogtay oo caan ka ahaa gobolka Shabeelaha ayaa in muddo ah gacanta ugu jiray kooxda hubeysan ee Al-Shabaab, iyadoo maxkamad hoostagta ururkaasi ay horey ugu ridday xukun dil toogasho ah oo ugu dambeyn shalay lagu fuliyey. Al-Shabaab ayaa had iyo jeer deegaanada ay maamusho ee koonfurta iyo bartamaha ka fuliso xukuno u badan dil, waxaana dadka ay toogato u jeedisaa eedyemo kala duwan.
  13. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxa uu ka hadlay dhacdadii ka dhacday deegaanka Gololeey ee lagu laayay dhaqaatiir halkaasi ka howlgeli jirtay. Jeneraal Odowaa ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in dadka ku eedeynaya falkaasi ciidanka xoogga ay yihiin dad u adeegaya cadowga sida uu hadalka u dhigay isaga oo intaas raaciyay in ciidanka aysan shacabka dilin balse taas badlkeeda ay dadka shacabka ah u adeegaan. Dhanka kale taliyaha ciidanka xoogga ayaa falkii ka dhacay deegaanka Gololeey ee gobalka Shabeellaha dhexe waxa uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Al shabaab isaga oo tilmaamay in falkaasina uusan ahayn mid ugub ah islamarkaana Al shabaab falalka caynkaas oo kale ah looga bartay. Al shabab iyaguna waa ay iska fogeeyeen inay ka dambeeyeen xasuuqaasi oo haatan la soo warinayo in lagu wado baaritaan natiijada ka soo baxdana laga dhursugayo. Ehelka marxuumiinta lagu xasuugqay Gololeey oo iyagu warbaahinta la hadlay waxa ay falkaas ku eedeeyeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn taliye Odowaa ayaa sheegay in la sameyn doono baaritaan ku aaddan sida dhabta ah oo ay wax u dhaceen islamarkaana gobalka Shabeellaha dhexe laga sameyn doono baaritaan rasmi ah oo la xiriirta dhacdadii Gololeey Halkan ka dhageyso codka taliyaha ciidanka xoogga Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. The Somali National Army chief, General Yusuf Odawa Rage denied accusations leveled against the Somali national army by the locals following the abduction and the killing of 8 health workers in Gololey village, Balad district in Somalia’s Middle Shabelle region. The military chief said authorities will carry out internal investigations to ensure those behind the massacre will be brought to justice. Speaking during a press briefing in Adado town, central Somalia where he is on a mission, the military chief has strongly rejected the accusations saying Somali forces are assigned to protect its citizens and laid the blame on Alshabab reiterating that the group frequently targeted civilians in the country. ” The Somali military has nothing to do with this gruesome killing, it is impossible for a member of the force with a sound mind to carry out such atrocity.” The General said. Unidentified assailants disguised as military abducted the health workers from local dispensary facilities operated by the Zamzam foundation and their bodies seemed tortured were the following day dumped outside the village. The United Nations mission in Somalia and the federal government of Somalia have condemned the killing of the health workers and called Authorities in the region to carry out investigations and bring those involved in the heinous murder to justice.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, islamarkaana uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war cusub ka soo saaray hadalkii dhowaan ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ee ahaa in waqtigeeda ay ku dhici doonta doorashada 2020/2021. Qoraalka xisbiga Wadajir ayaa waxaa ugu horreyn lagu soo dhoweeyey go’aanka Ra’iisul wasaaraha ee ku aadan qabsoomida doorashooyinkaasi oo isugu jira baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Sidoo kale xisbiga ayaa ka dalbaday Khayre inuu hadalkiisa u bedalo ficil, isla markaana xukuumaddiisa ay qaado tallaabooyin lagu abuuri karo jawi wada-hadal oo dhex mari karo madaxda dowladda federaalka iyo sidoo kale saamileyda siyaasadeed ee dalka. Xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu dhiira-gelinayo fahamka Ra’iisul wasaare Khayre ee mudnaantiisu tahay doorashada iyo muhiimada ay u leedahay xasiloonida dalka in afartii sano mar la qabto doorasho la isku raacsan yahay. Ugu dambeyn xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto cid kasta oo carqalad ku ah doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya. Halkaan hoose ka aqriso:-
  16. (SLT-Addis Ababa)-Suudaan ayaa u yeedhatay wakiilkeedii Itoobiya iyaga oo ka muddaharaadsan waxa ay ku sheegeen faragelinta soohdimaha ay leeyihiin oo ay soo galeen maleeshiyaad Itoobiyaan ah. Waxaana labada dal u socday wadahadallo ku saabsan xiisadda ka dhex taagan dhanka kale ee biyo xidheenka webiga Niilka, kolkaas oo Itoobbiya sheegtay inay dhamaystirkiisii ku dhawdahay. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Khartuum, ayaa sheegtay dagaalyahanno ka tirsan maliishiyaad Itoobiyaan ah – oo ay taageerayaan ciidanka Itoobiya – ayaa si sharci darro ah uga tallaabeen xadka. Tani waxay dhalisay isku dhacyo horaantii todobaadkan, ka dhex dhacay labada dal, isla sidoo kalena lagu diley askari reer Suudaan ah iyo wiil yar, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Addis Ababa. Muddo sannado ah beeraleyda reer Suudaan waxay ku eedeeyeen dhiggooda Itoobiya inay qabsadeen dhul beereedyo u dhow soohdinta dalkaasi la wadaago Itoobbiya. Arrinta ayaa suuragal ah inay hadda noqotay mid deg deg ah sababta oo ah xiisad kale oo ka dhaxaysa deriska ayaa hor u jirtay -taas oo ahayd dhismaha biyo xidheen ballaadhan oo ku yaalla galbeedka Itoobiya. Suudaan iyo Masar ayaa labaduba ku doodaya in ay luminayaan biyaha muhiimka ah ee Wabiga Niil, haddii Itoobbioya xidhato Source
  17. (SLT-Garoowe)-Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Isimada maamulka Puntland ay bilaabeen dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash oo muddooyinkii u dambeeyay khilaaf u dhaxeeyay. Saciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa la sheegay inay aqbaleen dalabka dhex dhexaadinta Isimada, kaddib kulamo gaar gaar ah oo ay la qaateen, waxayna ogolaadeen sidii xal looga gaari lahaa khilaafkooda. Kulamada ka socda magaalada Garowe ayaa waxaa qeyb ka ah xubno horay xilal uga soo qabtay Puntland, kuwaasoo dadaal ugu jira sidii loo soo afjari lahaa khilaafka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Isimada ku howlan dadalaada lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya Saciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa waxaa hoggaaminaya Garaad Saleebaan Garaad maxamed iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed. Ma aha markii u horreysay ee khilaaf soo kala dhex galo Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa, waxaana khilaafkan uu ka dambeeyay, markii Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash uu ka hor-yimid magacaabis uu sameeyay Madaxweyne Deni, kuna tilmaamay in aan lagala tashan. Source
  18. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay shir guddoomiyay kulamka joogtada ah xubnaha guddiga qaran ee xakameynta cudurka safmarka ah ee COVID19, kaas oo habeen walba si joogta ah u qabsooma. Shirka oo u qabsoomay hab muuqaal Internet-ka aha ayaa waxaa looga hadlay arrimaha caafimaad ee gobolada dalka, gaar ahaan Coronavirus iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa amray in gargaar caafimaad oo dheeraad ah si degdeg ah loola gaaro gobolladda dalka, si loo badbaadiyo dadka uu cudurku soo ridanayo. Horey ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay gurmad caafimaad oo kala duwan u gaarsiisay gobolada dalka oo laga helay kiisas ka mid ah cudurka faafa Coronavirus, sida magaalooyinka Cadaado, Kismaayo, Jowhar, Garoowe iyo deegaano kale. View the full article
  19. A powerful roadside bomb has ripped through a passenger bus in the outskirts of the capital Mogadishu causing unknown casualties, police and witnesses said. According to an eyewitness the blast which has resulted from a remote controlled landmine struck a minibus ferrying passengers near “Hawa Abdi” village lower Shabelle region, some 18 km south of Mogadishu. He said the bus which was heading to Mogadishu ran over the landmine causing deaths and injuries. There was no immediate confirmation of the casualties as the area is sealed off by the police and ambulances are on the scene to transport the victims to the hospitals. He added There was no immediate claim of responsibility for the explosion Developing story, more to come soon.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad 10 qof oo shacab ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kadib qarax saaka aroortii ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa qabsaday gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomeyda oo marayey halkaasi, waxaana saarnaa dad shacab ah oo u badnaa ganacsatada Qudaarta ka keenta degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Guddoomiyaha deegaanka Ceelasha Biyaha oo wareysi siiyey mid ka mid ah Idaacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay ka bad-baaday kaliya gabar yar oo ka mid ah aheyd rakaabka, islamarkaana dhammaan dadkii kale ee gaariga la socday oo gaarayey illaa 20 qof ay soo gaartay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay gurmad u fidiyeen dadkaasi, islamarkaana ay u soo qaadeen dhaawacyada daran isbitallada ku yaalla magaalada Muqdisho. Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, balse inta badan Al-Shabaab ayaa qaraxyo miino waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye kula eegata ciidamo dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay oo dad shacab ah uu qarax ku haleelo jidka dheer ee xiriiriya gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Halkaan hoose ka dhageyso codka guddoomiyaha Ceelaha Biyaha. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Qarax-.mp3
  21. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka aroortii hore ka dhacay duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee meelaha fog-fog laga hago ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay gaari Hoomey ah oo ay la socdeen dad shacab ah oo u badan ganacsatada Quduaarta, xilli uu marayey deegaanka Xaawo-Cabdi ee gobolka Sh/Hoose. Guddoomiyaha maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo ka mid ah mas’uuliyiintii goobta gaaray ayaa Idaacadda Shabelle uga warbixiyey qaraxaasi, wuxuuna sheegay inay ku dhinteen ku dhowaad 10 qof, sidoo kalena ay ku dhaawameen tiro intaasi ka badan. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Turki-gudoomiyaha-amniga-deegaanka-ceelasha-.mp3 View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo xalay ka dhacay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac. Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu dhex-maray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee ku sugan kontoroolka Tarabuunka iyo sidoo kale ilaalada guddoomiyaha maamulka degmada Hodan, Cabdixakiin Dhagajuun. Wararka qaar ayaa sheegaya in is-rasaaseynta ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen qaar ka mid ah ilaalada guddoomiye Dhagajuun, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo xarunta caafimaad oo ku taallada magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Sidoo kale waxaa goobta gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka oo ku guuleystay inay kala qaadaan ciidamadaasi. Lama oga illaa hadda sababta rasmiga ee ka dambeysa dagaalka u dhexeeyey labadaasi ciidan, balse waxaa loo badinayaa is faham-waa soo kala dhexgalay labada dhinac. Weli ma jiro sidoo kale wax faah faahin oo laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya ay ka bixiyeen dhacdadaasi. Muddooyinkii dambe waxaa soo badanayey iska hor imaadyada dhexmara askarta dowladda e ku sugan Muqdisho, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa rayidka.
  23. Taliyaha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, Odawaa Yuusuf Raage oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa ka hadlay dhalinyaradii lagu laayey deegaanka Gololey. Odawaa ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalku aysan wax lug ah ku laheyn falka xasuuqa ah ee ka dhacay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in baaritaano horudhac ah ay ku ogaadeen in falkaasi arxan darrada ahaa aysan ka dambeyn ciidamada milatariga Soomaaliya. Ugu dambeyn taliyaha ayaa carabka ku dhuftay inay wadaan howlgal dhacdadaasi ku aadan, islamarkaana natiijada ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed. View the full article