Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay illaa 60 xaalado cusub oo COVID-19, waxaana cudurka ka bogsooday 21 qof, iyadoona ay sidoo kale geeriyoodeen 5 bukaan oo kale. Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 53 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 7-da kale ay yihiin haween. 32 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan-geliyay Jubbaland, Somaliland 18, gobalka Banaadir 6 iyo Galmudug 4 qof. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan-geliyay ayaa gaartay 1,976 waxaa bogsootay guud ahaan 348 ruux, halka 78 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi-gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hortagga iyo xakameynta Feyruska Karoona. View the full article
  2. Guddiga wadajirka ee diyaarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooyinka qaranka ee BFS ayaa maanta kulankoodii soo gabagabeeyey, waxayna warbixintooda ku saabsan afarta xeer ee loo xil-saaray u gudbin doonnaan guddoonka labada Aqal. Xubnaha guddiga xeerka ay soo diyaariyeen ayaa waxaa ku jira matalaada Aqalka Sare uu ku yeelan doono gobolka Banaadir, kaas oo markii ugu horeeysay laga siiyay 7 xubnood. 7 xubnood ee gobolka Banaadir laga siiyey Aqalka Sare ayaa waxaa lagu dooran doonaa habka 4.5 ee beelaha, iyada oo Aqalka Sare lagu kordhinayo xubno ka dheeri ah inta uu hadda yahay. Sidoo kale 7 kursi ee Aqalka Sare laga siiyay gobolka Banaadir markii ugu horreysay ayaa waxaa go’aan ka gaari doono hoggaanka sare ee dalka, sidoo kale meel marintooda waxaa loo baahnaan doonaa wax ka bedal dastuurka oo laga rabo baarlamaanka labada Aqal. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ay ku jirtaa diyaar-garow ku aadan doorashada baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ee 2020 illaa 2021-ka , iyada oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu dhawaan sheegay in doorashada ay ku dhici doonto waqtigeeda. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  3. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-31052020.mp3 View the full article
  4. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii maanta ka dhacay duleedka magaalada caasimadda Muqdisho, ka dib markii qarax uu miino oo wadada la geliyey ay haleeshay gaari Caasi ah oo ku sii jeeday Magaalada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha hoose waxaana wax ku noqday dad ka badan 21 ruux shacab Soomaaliyeed ah. Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay dowladda ay tacsi iyo tiiraanyada ay la qeysanayso qoysaska iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxa ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose sida lagu yiri qoraalka. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ku sugnaa degaanka Golaley ee degmada Balcad ay qeyb ka yihiin ciidanka ilaalada guddiga ku mashquulsan baaritaanka musiibadii dhacday. Qaar kamid ah dadka degaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in saraakiil ay tuhmayaan in ay ku lug lahaayeen musiibadii dhacday ay hadda safka hore uga jiraan ilaalinta guddiyada baaritaanka wada, sidoo kalane ay qaarkood qeyb ka yihiin baaritaanka socda. “Mar haddii ay ilaalada guddiga yihiin, dadka ay la kulmayaan guddiga ay saameyn ku leeyihiin mararka qaarna ay iyaga door weyn ku leeyihiin baaritaanka waxaa noo muuqato in aysan waxba ka soo bixi doonin,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha deegaanka. Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ku sugan Golaley islamarkaana lagu eedeeyay falkii foosha xumaa ee ka dhacay degaankaas ayaa la sheegay in mas’uuliyiinta ku sugan degaankaas ay ilaalo u yihiin islamarkaana ay ka qeyb galeen su’aalo weydiinta dadka degaanka, taas oo meesha ka saareysa in ay shacabka ku dhiiradaan ka hadlidda tuhunada ay qabaan. Senator Muuse Suudi Yalaxow, ayaa shalay warbaahinta u sheegay in aan dowladda Somalia laga filayn, in ay baaritaan dhab ah ku sameyso musiibadii degaankaas ka dhacday.
  6. Wargeyska The reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa sheegay in dedaalkii uu Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ku doonayay inuu ku dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya uu fashilmay. Wargeyska The reporter oo shalay warbixin ka qoray hub ay dawladda Masar ugu deeqday dawladda Soomaaliya, ayaa warbixintiisa ku soo hadal qaaday wada hadaladii uu Abiye Axmed ka dhex waday Somaliland iyo Soomaaliya oo uu wargeysku sheegay inay fashilmeen, labada dhinacna diideen inay si toos ah isu arkaan. Wuxuu ugu horayn wargeyska xogo ammaan oo uu soo xigtay u sheegeen in hubkaasi khatar ku yahay ammaanka gobalka oo marka horeba culaysyo ammni daro la ciirciiraya. Wuxuu soo hadal qaaday wasiirka gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye oo qoraal uu ku qoray twitterkiisa ku cambaareeyay hubkan. Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa iyaduna diiday inay ka jawaabto aragtida Itoobiya ee hubkan, laakiin xogahan uu wargeysku soo xigtay ayaa sheegay inay tahay inay dawladda Itoobiya dib u qiimayso xidhiidhka ay la leedahay qaar ka mid ah wadamada jaarka oo aanu wargeysku magacaabin. Wargeyska oo ka hadlaya dedaaladii Abiye Axmed ee isu soo dhawaynta Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu ku soo gunaanaday warbixintiisa, “Bilihii u dambeeyay Soomaaliya iyo Somaliland waxay is dhaafsanayeen hadalo kulul, dhexdhexaadintii Abiye Axmed uu sameeyayna way fashilantay, iyadoo ay labada dhinacba diideen inay si toos ah isu arkaan.” Ayuu yidhi Wargeyska The reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa. Masar iyo Itoobiya ayaa si weyn isugu maandhaafsan biyo xidheenka ay Itoobiya dhisatay oo ay doonayso inay buuxiso bilahan, kaas oo ay Masarna u aragto khatar soo waajahaysa nolosha shacabkeeda oo ku tiirsan biyaha webiga Niilka, waxaana labada dal ay ku jiraan dedaalo diblomaasiyadeed oo ay doonayaan inuu midba midka kale ku muquuniyo, wararka qaarna waxay sheegayaan inay muuqato saansaan diyaar garow dagaal. Source
  7. Muqdisho (SMN)- War saxaafadeed ay maanta soo saareen madaxda xisbiyada qaran ayey si taxadar leh u soo dhaweeyeen hadalkii RW Khayre ee ku aadanaa qabsoomida Doorasho xilligeeda dhacda. Madasha xisbiyada qaran ayaa war saxaafadeedkooda waxa ay kaga dalbadeen Madaxda DFS qabashada shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan saamileyda siyaasadeed, si loo dhaqangeliyo xeerarka iyo sharciyada Barlamaanku ansixiyay loogana heshiiyo jadwalka iyo nooca doorasho ee dalku aadayo. Hoos ka aqriso war Saxaafadeedka oo dhamaystiran. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah kasoo saartay qaraxii maanta ay ku geeriyoodeen dad badan oo shacab ah kana dhacay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye. Dowladda waxey sheegtay inay tacsi u dirayso ehalada dadkii ku geeriyooday falkaas, waxeyna falkaas, oo ay ku tilmaamtay arxan darro, ku eedeeyeen fulintiisa Xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Ma jirto cid sheegatay iney ka dambeysay qaraxii maanta dhacay, balse falalka nuucaan oo kale waxaa looga bartay kooxda Al-Shabaab oo bartilmaameedsada gawaarida dowladda iyo kuwa AMISOM ee sida weyn u isticmaala wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye. HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA WASAARADDA: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareynaysaa falka wuxuushnimada leh ee argagixisad ay ku gumaaday Shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku shahiiday weerarka bahalnimada ah ee kooxaha naf lacaariga ah ee ay ku qaadeen gaariga dadweynaha ee marayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, dhammaan dadkaas shuhadada ah waxaan u rajeyneynaa inuu Alle siiyo naxariisto janno inta dhaawac ah Alle u boogo dhayo. Falkan arxan darada ah wuxuu cadeyn u yahay sida kooxaha calooshood u shaqeysatayaasha ah ee ka macaasha daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ay markasta ugu hamuun qabaan baabi’inta dadka si aan kala sooc lahayn. Dowladda Soomaaliyeed oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed waxay ku rajo weyn tahay in guul laga gaaro dagaalka lagu soo afjarayo kooxaha argagaxisada, Diin laawayaasha ah ee danta ka dhex arkay bur burinta dadka iyo baabi’inta ummadda.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horreysay matalaad ku yeelan doona Aqalka Sare ee baarlamanka, sida ay go’aamiyeen Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka. Guddigan, oo ka kooban 14 xubnood, ayaa maanta sheegay inay soo geba-gebeeyeen howshooda, iyadoo warbixintooda u gudbin doona Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka. Xeerarka Guddiga ay soo dhameystirayeen ayaa waxaa ka mid ahaa sidii Gobolka Banaadir uu wax uga heli lahaa kuraasta Aqalka Sare ee baarlamanka, arrinta Somaliland iyo arrimo kale. Sida ay noo sheegeen xubno guddiga ka mid ah, waxay go’aamiyeen in 7 kursi oo dheeri ah lagu daro Aqalka Sare oo hadda ka kooban 54 kursi, ayada oo 7-da kursi lasii doono Gobolka Banaadir. Guddiga ayaa sidoo kale go’aamiyey in kuraastaas 7-da ah lagu dooran doono hab qeybsiga 4.5. In kuraastan la meel-mariyo ayaa u baahnaan doonta wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka dalka, kaasi oo laga rabo baarlamanka Labada Aqal uu ku ansixiyo 3 meel labo meel. Xubno ka tirsan guddiga ayaa sidoo kale noo sheegay, qeybinta 7-da kursi ay go’aan ka gaari doonaan hoggaanka sare ee dalka. Arrntan ayaa khilaaf cusub horseedi doonto, ayada oo la rumeysan yahay in beelaha dega Muqdisho ay ka dhiidhin doonaan in dad aan u dhalan gobolka ay Aqalka Sare ku matalaan.
  10. Guddoomiyaha maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali ( Najax ) ayaa si kulul waxa uu kaga hadlay qarixii dadka badan ay ku dhinteen ee maanta ka dhacay agagaarka isbitaalka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. Guddoomiye Najax ayaa u tacsiyadeeyey dadkii ku geeriyooday qaraxaas, isaga oo ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu faray laamaha amniga ee degmada Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha inay xoojiyaan amniga waddadaasi. Qarixii saaka ka dhacay duleedka M/ Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhowaad illaa 6 ruux oo saarnaa gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomeyda ama Caasi. View the full article
  11. A roadside bomb explosion hit a passenger bus in the outskirts of the Somali capital Mogadishu on Sunday, leaving ten people killed and several others injured, a security official told Caasimada Online. The security official, who spoke on condition of anonymity, said that the roadside bomb struck the civilian bus while it was traveling between Hawa-Abdi and Lafole near Afgoye town, about 30 km south of the capital Mogadishu. “An explosive device hit a traveling bus carrying 23 passengers near “Hawa Abdi” village, killing ten passengers and injuring 13 others, six of them seriously wounded,” the source added. The injuries were transported to Mogadishu for medical treatment. No group has so far claimed responsibility for the attack but Al-shabab frequently plants roadside bombs and landmines to target Somali security forces and AMISOM. The roads of the region are riddled with mines which are the main weapons used by Alshabab fighters against Somali forces, AU forces and government officials. Similar explosions struck numerous convoys of African Union Forces in Somalia, the group fights for flushing out foreign forces to oust the Somali government and impose Islamic sharia law in the country according to their claim. Somalia has been in a state of chaos and lawlessness since the early 1990s, when Dictator Mohamed Siyad Bare has been toppled by clan-based warlords.
  12. Madaxweynaha dowlad gobolkeedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Kismaayo ka furay shir lagu heshiisiinayo beelo dhawaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyey maamulka Jubbaland ayaa waxaa goob-joog ah inta badan odayaasha dhaqanka labada beelood ee ku dagaalamay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo, xildhibaano, wasiiro iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe oo madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay odayaasha labada beelood inay dhaqan-geliyaan heshiiska ay wada gaareen. Heshiiskaan ayaa soo af-jaraya dagaal beeleedyo sababay xiisado in muddo ah ka taagnaa qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. View the full article
  13. Magaalada Xudur waxaa maanta lagu caleema-saaray Malaaqa cusub ee beesha Likse, Malaaq Maxamed Yare Abuukar Axmed oo loo yaqaano ( Maxamed Yare Jiis ). Munaasabadda caleema-saarka oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb-galay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee gobollada Baay & Bakool. Dhammaan Xubnihii kala duwanaa ee ka hadlay madasha ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Maxamed Yare Jiis uu ku matalo magaalada Xudur ee gobolka Bakool. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Xudu.mp3 View the full article
  14. Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka oo waraysi siiyay Goobjoog ayaa sheegay in guddiga Doorashooyinka ay Cadeeyaan in ay doorasho dhici karto iyo in kale. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/Guddiga.mp4 Source: goobjoog.com
  15. Tripoli (Caasimada Online) – Awooda cirka ayaa door muhiim ah ka cayaartay colaadda Libya. Dhulka lama degaanka baahsan ee waqooyiga iyo xeebta waxaa uu ka dhiganyahay in ciidanka dhulka meesha ay joogaan si fudud lagu ogaan karo, meelo lagu dhuntana waa ay ku yartahay. Ciidanka Cirka ee Dowladda caalamku aqoonsanyahay iyo ciidamada Khaliifa Xaftar, labadooduba waxay isticmaalayaan diyaarado hore eoo Faransiiska iyo Midowgii Soofiyeeti sameeyeen. Inkatoo inta badan dagaaladda loo adeegsanayay diyaaradaha duuliyaha leh, hadana meelaha qaar waxaa ka dagaalamayay diyaarado aan duuliye lahayn. Ku dhawaad 1000 duqaymood ayey fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida uu sheegay wakiilka gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Libya Ghassan Salame, waxaana uu ku tilmaamay “dagaalkii ugu weynaa dunida ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.” Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn dhowr sababood ayey muhiim u yihiin. Keliya mahan in ay xogta muhiimka ah ee cadowga meel fog ka arki karaan, laakiin waxay sidoo kale awoodaan in ay deg-deg u weeraraan bartilmaameedyo walba oo ay u dhowdahay in ay ku guuleystaan. Hadii xitaa diyaaradda lasoo rido, duuliyuhu waa uu badbaaday, waxaana uu awoodaa in uu diyaaradda kale duuliyo, isagoo dhulka jooga. Guushii hore ee ciidamada dowladda Markii Libya la geeyay diyaaradaha Shiinuhu sameeyay ee Wing Loong sanadkii 2016 waxay wax ka bedeleen awoodda ciidanka khaliifa Xaftar. Markii u horreysay waxaa loo adeegsaday dagaalkii Derna ee bariga Libya. Diyaaradaas Shiinaha oo ay howlgelinayeen duuliyeyaal u dhashay Isutagga Imaaraadka Carabta waxay ka duuleen garoonka diyaradaha Al-Khadim waxayna weerari kareen 1,500km taas oo micnaheedu yahay in ay gantaalada iyo bambooyinka gaarsiin karaan meel walba oo wadanka ah. Diyaaradahaas waxaa loo adeegsaday in ay saameyn adag ku yeeshaan dagaalka Tripoli, halkaas oo Khaliifa Xaftar uu bishii April 2019 ku dhawaaqay in uu ka qabsanayo Dowladda Qaramadda Midoobay taageerto. Ciidanka Dowladda dib ayaa loo riixay, caasimadda waxaa go’doomiyay xoogagga Khalifa Xaftar. Markii laga hadlo duqaymaha cirka, geerida shacabku waa ay korortay iyadoo la bartilmaameedsanayay meelaha magaalooyinka ah. Waxaa jiray shaki ah in Dowladda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Fayez al-Serraj ay sii taagnaan karto, iyadoo ay taageerayeen Qatar iyo Talyaaniga. Faro-gelintii Turkiga Dhamaan arrimahaas waxaa ay is bedeleen bishii December 2019-kii markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku dhawaaqay in Turkigu uu taagero militari siinayo Dowladda uu hogaamiyo Al-Serraj. Erdogan waxaa uu Libya u diray Ciidan militari ah oo wata diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee magacoodu yahay Bayraktar. Waa diyaarado ka yar kana riddo gaaban kuwa Shiinuhu sameeyay ee Wing Loong. Hase yeeshee, Bayraktar waxaa ay weli awood u leeyihiin in ay weeraraan islamarkaana bur-buriyaan bartilmaameedyada dhulka ee ciidamada Khaliifa Xaftar. Ciidanka Dowladdu hadda waxaa ay horumar ku sameynayaan diyaraaradahaas, taliyeyaashooduna waxay yaqaanaan meesha uu cadowgu joogu. Waxaa sidoo kale ciidanka iskumar layimid gantaaladda Hawk iyo hubka kale ee difaaca hawada. Garoonka magaaladda Tripoli ee Matiga hadda si cadi ah ayuu u shaqayn karaa cabsi la’aan. Natiijadu deg-deg ayey noqotay markii Ciidanka Dowladdu ay dagaal iyo duqaymo biriq ah adeegsadeen, kuwaas oo ay kula wareegeen magaalooyinka Surman, Sabratah, Al-Ajaylat iyo magaalo-xeebeedka Al-Assah. Waxaa ku xigay weerarro isdaba joog ah oo ku wajahan garoonka cirka ee Al-Watiya ee ciidanka Xaftar ay u isticmaalaan saldhigga ugu weyn ee howlgaladda. Saldhigii waxaa ugu dambeyntii la qabsaday 18-kii May, waxaana ay dharbaaxo ku ahayd damacii Xaftar ee galbeedka Libya, keliya saldhig uma ahayn waxay sidoo kale u ahayd xarumta saadka iyo saanadda. Ciidanka Khaliifa Xaftar, waxaa lagu qasbay in ay dib u gurtaan, waxaana fashilmay habka difaaca cirka ee Ruushku sameeyay, balse ay soo iibiyeen Imaaraadku ee Pantsir S-1. Warbaahinta ayaa wariyay in duqaymaha adag ee diyaaradaha Turkiga Bayraktar ay waxyeelo gaarsiiyeen radar-ka Pantsir. Horumarro ay ciidanka Dowladdu ka sameeyeen koofurta iyo bariga waxay lumiyeen damacii Xaftar ee ahaa in uu caasimadda qabsado, iyadoo ciidankii daacadda u ahaana lagu qasbay in ay dib u gurtaan. Boqolaal calooshood u shaqaysteyaal ah oo ka yimid militari-ga Ruushka ayaa laga daad gureeyay garoonka Bani Walid ee diyaarada, kadib guul-darrooyinkii Khalifa Xaftar. Awoodda dhanka cirka ah ee Turkiga ay ku taageereen dowladda Libya, iyo ciidamo laga keenay Syria, ayaa wax weyn ka beddelay xaaladda dagaalka Libya, islamarkaana hakiyey isku day socday 14 bilood oo Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya. Libya waxay leedahay rajo dowladnimo oo ka madax-banaan Khaliifa Xaftar iyo dalalka taageeraya Ruushka, Masar iyo Imaaraadka Carabta, waxaana taas looga mahad-celinayaa awoodda cirka ee Turkiga.
  16. Xaafadda Raadeelka ee degmada Dayniile waxaa maanta ka dhacay dil loo geystay Allaha u naxariistee gudoomiyihii Waaxda Halgan ee dagmadaasi, C/qaadir Fooldib Axmed. Dilka waxaa geysatay xaaskiisa, kadib markii ay Toorey si gaadmo ah ugu dhufatay, isagoona markii dambe dhaawac ahaan ugu geeriyooday isbitaalka. Wararka ayaa sheegaya in xaaskiisa ay u dishay arrimo la xiriira Maseyr, kadib markii ay ku weerartay guriga xaaskiisii hore oo xilligaasi uu la joogay, si uu u booqdo caruur ay u dhashay marxuumka. Ehellada Marxuumka ayaa sheegay haweeneyda falka dilka ah geysatay gacanta lagu hayo, islamarkaana sharciga la horgeyn doono. Maalmahan dambe Muqdisho waxaa ku soo badanaya lamaanaha is-qaba ee falalka dilalka ah isu gaysanaya, waxaana tani ay muujineysaa mid halis ku ah bulshada. View the full article
  17. Mogadishu (PP News Desk) — The proscribed Somali extremist group Al-shabaab has executed a man accused of sorcery. Al-shabaab -affiliated media reported that the man was yesterday aft executed by a firing squad in a hamlet under the jurisdiction of Qoryooley district in Lower Shabelle. An Al-shabaab court found Abukar Haji Omar, 50 years old, guilty of using sourcery to earn livelihood. Omar confessed to inflicting harm on many people in Lower Shabelle. Al-shabaab investigators found equipments the man used to bewitch people. He told the Al-shabaab court that people had approached him for his ability to cast spell on anyone. Since 2011 Al-shabaab has executed sorcerers in areas under the control of the extremist group. The Al-shabaab prosecutor said that only sorcerers would face justice. “People who seek services of a sorcerer will not be tried” added the prosecutor. © Puntland Post, 2020 The post Al-shabaab executes a man accused of sorcery appeared first on Puntland Post.
  18. Maamulka isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey dhaawacyadii saaka la geeyey isbitaalkaasi, kadib qarixii xooganaa ee ka dhacay Xaawa Cabdi. Dr Maxameed Yuusuf oo ah maamulada guud ee isbitaalka Madiina ayaa sheegay in 13 qof la soo gaarsiiyey isbitaalka oo todobo ka mid ah ay meydad ahaayeen. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lixda kale ay yihiin dhaawacyo, islamarkaana labo ka mid ah ay aad liidato xaaladdooda caafimaad. Halkan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/WARKA-SAFA-1.mp3 View the full article
  19. Waxaa faahfaahinno dheeraad ah laga helayaa qarax miino oo saakay ka dhacay duleedka magalada Muqdisho kaas oo ay ku waxyeeloobeen dad shacab ahaa oo ku safrayey wadada u dhaxeysa Muqdisho ilaa Afgooye, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida laga helayo goobaha caafimaadka. Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf oo ka warbixibiyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxa, waxaana uu sheegay in Isbitaalka la keenay 13 ruux oo ka mid ahaa dadkii khasaaraha uu kasoo garay qaraxa isaga oo intaas ku daray in dadka la soo gaarsiiyey 7 ka mid ah ay ahaayeen dhaawac halka 6 kalena la keenay iyaga oo meyd ah. ” Maanta Qarax ayaa dhacay waxaana uu sababay in Isbitaalka la soo gaarsiiyo 13 ruux 7 dhaawac ayey aheyd una badnaa in ay madaxa ka dhaawacnaayeen saalada ayaan ugu tagnay, waan xalinay, waana daaweynay 6-na waxaa ay ahaayeen meyd, tirada guudna waxaa ay ahaayeen 7 dhaawaca iyo 6 meyd ah” ayuu yiri Dr. Maxamed Yuusuf. Agaasime Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in maalmahaan Isbitaalka aan la soo gaarsiinin tiro sidaan u badan oo ku soo dhaawacmay qarax ay la kulmeen waxaana uu xusay in la keenay isbitaalka qof ama la qof oo qabo dhaawacyo. Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas, qaraxan ayaa 16 ruux oo saarnaa gaari kali ay badbaadeen 3 ruux oo ka mid ahaa rakaabka. Halkan Ka Daawo DR.Maxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay howlgallo ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga Soomaaliyeed, Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi oo si gaar ah looga fuliyey tuulooyinka Buulo-Urunji iyo Busley, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Dirir ayaa shaaciyey in howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ay ku dileen ugu yaraan illaa 18 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay gubeen doonyo ay isaga kala gudbi jireen webiga Shabelle ee mara Janaale iyo degaanada kale ee gobolkaasi. Ugu dambeyn taliyaha ciidamada dhulka ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  21. Xarakada Al-Shabaab ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegatay dilal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ka kala dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka dariska ah ee Wadajir iyo Dharkenley ee gobolkaan Banaadir. Qoraalka Al-Shabaab oo lagu baahiyey boggaga Internet-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dilalkaasi ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan kuwooda oo goobta ka baxsaday. Weerarka koowaad oo ka dhacay degmada Wadajir ayey Al-Shabaab shaaciyeen inay ku dileen mid ka mid ah howlwadeenada golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya , kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Muxamed Mahdi Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay inay toogasho ku dishay labo askari oo ku sugnaa Dharkenley, waxaana midkood ay magaciisa ku sheegtay, Xuseen Cumar oo ka tirsanaa, sida ay baahisay ciidanka Booliska gaarka ah ee loo yaqaano Harmacad. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga dowladda ee ku aadan dilalkaasi ee ay dhabarka u ridatay Al-Shabaab. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ku soo badanayey falalka ammaan dari, gaar ahaan dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan todobaadyadii la soo dhaafay uga dhacayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. View the full article
  22. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-31052020.mp3 View the full article
  23. The commander-in-chief of Somali army Gen Odowaa Yusuf Rage has refuted claims that the country’s military has involved in the recent killing of 8 health workers in Golgoley. The SNA commander added that they have launched an investigation into the incident that sparked public outrage and internal condemnations. The health workers have been abducted and killed in Gololey between May 27-28 by unknown gunmen who dumped the bodies on a street near the area. Somali government and international partners have similarly condemned the gruesome murder which comes amid worsening insecurity in the road between Mogadishu and Bal’ad. The SNA forces have been carrying out operations against Al-Shabaab in the small towns located on the outskirts of Bal’ad in the past few months to regain control from the group. View the full article