Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa maanta wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay laba xubnood oo ka mid noqonaya golaha wasiirada ee maamulkaasi. Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta bulshada Koonfura Galbeed ayaa waxaa loo magacaabay, Mudane Ilyaas Siciid Cali (Qalinle), halka Suleymaan Shucayb Cali isna loo magacaabay wasiirka wasaaradda macdanta iyo batroolka ee maamulkaasi. Halkan ka aqriso Wareegtada:- View the full article
  2. Shiekh Cali Wajiis oo Xalay khudbad ka jeediyey Hotel Dayac ee Magaalada Muqdisho ayaa ka digay in Doorashadu wakhtigeeda dhaafto. Shiikha oo horay uga mid [...] The post Sheekh Cali Wajiis oo sheegay in Dalku halis ku jiro : ” Dalku Heeso iyo Theatar uma baahna ee Doorasho ayuu rabaa “ appeared first on . Source
  3. Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta hawada ka celisay diyaarad sida Qaadka Miirooga Kenya oo dooneysay in ay ka degto garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Diyaaradda oo u raraneyd ganacsato reer Somaliland ah ayaa dib ugu laabatay gudaha Kenya, waxana ay fariisatay garoonka Wajeer. Qaadka Miirooga Kenya ee maanta laga celiyay magaalada Hargeysa ayaa ku soo beegmaya xilli uu yaraaday Jaadkii deegaanada Somaliland uga iman jiray dhinaca dalka Ethiopia sababo la xriira qalalaasaha xoogan ee ka socda gudaha wadankaasi. View the full article
  4. Ha’yadda Caafimaadka Adduunk (WHO) ayaa ugu baaqday dowladaha Afrika inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan xilli Dalal kala duwan oo ka tirsan Qaaraadda ay dib u fureen duulimaadyada. WHO ayaa ku baaqday in si dhab ah loo raaco talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo fiditaanka Feyraska Corona’waxanay codsatay in shirkadaha Diyaaradaha ay la socdaan xaaladda rakaabka si loo xakameeyo safmarka. Madaxa Ha’yadda Caafimaadka u qaabbilsan Geeska Afrika Drs,Matshidiso Moeti ayaa sheegtay in duullimaadyadu ay muhiiim u yihiin dhaqaalaha Dalalaka Gobolka balse loo baahan yahay dhaqan gelinta tallaaboyinka ka hortagga cudurka. Waxay ha’yaddu ka codsatay saraakiisha Garoomada Diyaaradaha in ay xaqiijiyaan kala fogaanshaha Dadka iyo in ay adeegsadaan dareeraha dila jeermiska. WHO waxay sheegtay in Dalalka Cameroon, Equatorial Guinea, Tanzania iyo Zambia ay horey u bilaabeen duliimaadyadooda. Hadalka hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa kusoo aadaya xilli ay Dowladda Soomaaliya ku dhowaaqday in Maalinta Berri ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 5/7/2020-ka ay dib u furi doonto duullimaadyada gudaha Dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntlnad Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka daah furay imtixaanka shaadiga ah arday dugsiyada dhexe iyo sare ee deegaannada Puntland. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Imtixaanaadka Dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee Puntland oo sanadka ay u fariisanayaan 16,500 oo ardey. Dowladdu waxay xoojisay feejignaanta caafimaad ee ardayda iyadoo maanka lagu hayo xaaladda Covid-19, Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaana ka wada shaqeeyay in la raaco talooyinka Caafimaad sida kala fogaanshaha, adeegsiga qalabka ka hortagga covid-19 iyo la socodka heer Kulka xumadda ardeyda, macalimiinta iyo howlwadeenada kale. Madaxweynaha ayaa Imtixaanaadka sanadka ku daah-furay Iskuulka Cumar Samatar ee Gaalkacyo, halkaasi oo ay saaka Imtixaanka ku galeen 592 ardey oo qeyb ka ah 4,138 oo Imtixaanka ku gelaya guud ahaan Gobolka Mudug. Ardeyda Imtixaanka loo daah-furay guud ahaan Puntland waa 16,500 oo ardey, 5,447 Ardey oo ka mid ah waa Dugsiga Sare halka 11,053 Ardey ay u fariisanayaan Imtixaanka Fasalka 8-aad. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyo iyo dardaaran la wadaagay ardeyda, isagoo u rajeeyay guul iyo in alle u fududeeyo Imtixaanaadka. Daah-furka Imtixaanaadka waxaa Madaxweynaha Ku weheliyey Xubnaha Golaha Wasiirada oo ay ugu horeyaan Masuuliyiinta Waxbarashada, Maamulka Gobolka Mudug iyo Kan degmada Gaalkacyo”. Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni ayaa daahfuray Imtixaanka shaahadiga ah ee aradayda deegaannada Puntland, madaxweynaha ayaana sanadkaan Imtixaanka ka daahfuray Iskuulka Cumar Samatar ee Gaalkacyo, halkaasi oo ay saaka Imtixaanka ku galeen 592 ardey oo qeyb ka ah 4,138 oo Imtixaanka ku gelaya guud ahaan Gobolka Mudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-04072020.mp3 View the full article
  7. Conflict resolution, political dialogue and electoral support are as important as the current focus on security. Somalia’s historic one-person-one vote election, scheduled for late 2020, looks set to be postponed. Electoral commission chair Halima Ismail told the country’s federal Parliament on 29 June that the much-anticipated polls could not be carried out in less than 13 months. Somalia faces multiple threats from continued terrorist attacks, increased political polarisation, incomplete electoral laws, the COVID-19 pandemic, the worst desert locust invasion in decades, and floods. The result has been food insecurity for an estimated 1.3 million people and an increase in internally displaced persons. Given this dire situation, the African Union’s (AU) recent engagement in Somalia comes at a critical juncture. The Peace and Security Council (PSC) has discussed Somalia twice since the beginning of 2020. The meetings focused on the elections, the future of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), and the renewal of AMISOM’s mandate for another nine months. The AU also held another high-level meeting with Somali stakeholders and key partners in April. But to overcome the current political and security stalemate in the country, the AU’s role in Somalia must evolve beyond the counter-terrorism operations currently led by AMISOM. The AU should focus on conflict resolution to find a political solution to the crisis. This could include supporting outreach by the government, and community-level reconciliation, which would help counteract inter-clan conflicts as well as terrorist activities. The AU could also support efforts by Somali stakeholders to consider negotiations with al-Shabaab. As it repositions its role in Somalia, the AU can directly contribute to bringing together the federal government and regional states for political dialogue. The contentious relationship between the federal government and regional states is complicated by clan rivalries, and divisions have deepened as Somalia prepares for elections. Relations between the federal government and the Puntland and Jubaland states especially have soured of late. At the centre of the dispute lies the federal system, which states claim has not led to a full devolution of power, including the administration of security forces, or the equitable sharing of resources. Disagreements on key governance issues could further destabilise the country. These are the inclusiveness and transparency of the constitutional review process, the legislative process that led to the adoption of the new electoral law, and the universal suffrage voting system meant to replace the clan-based quota approach. The electoral process specifically could benefit from the AU’s support. Somalia’s National Independent Electoral Commission needs help to deliver inclusive, independent and credible polls. Unless properly managed, the election could foment divisions and lead to post-election violence. The announcement this week that the polls might only take place in a year’s time makes AU support even more necessary. According to Somalia’s electoral commission chair, the delay was due to ‘significant technical and security challenges.’ The current political and security context, as well as the COVID-19 pandemic, do indeed make for poor electoral conditions. But the delay ought to be discussed among the country’s political stakeholders so that it does not worsen existing tensions in the country. The AU had been pushing for timely elections and called on international partners to mobilise resources to this end. It has provided training and technical support to the electoral commission and other stakeholders, but COVID-19 disrupted these activities. The AU has also called for dialogue between the federal government and regional states, but this has yet to take place. Another area of support for the AU is the completion of Somalia’s constitutional review. The continental body can help ensure that a consultative national dialogue process takes place ahead of a referendum to adopt the constitution. In collaboration with the United Nations (UN) and the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), the AU can also help improve regional security. Rivalries and great power politics in the Horn could further destabilise Somalia. Ethiopia and Kenya, both troop-contributors to AMISOM, differ on Somali politics. They have accused one another of interfering in the internal politics of the country and of trying to influence elections in regional states such as Jubaland, which borders both states. There have also been allegations of troop movements from both countries outside the AMISOM umbrella into Doolow town, heightening tensions along the border. Relations between Kenya and Somalia are also tense as a result of their maritime border dispute. This worsened when heavy fighting between Somali government troops and forces loyal to Ahmed Madobe, the Governor of Jubaland, spilled across the Kenyan border. In addition to support on conflict resolution, the electoral process and regional security, AU responses to terrorism in Somalia should continue. Al-Shabaab remains a significant threat to peace and stability. There have been repeated attacks on AMISOM troops, and al-Shabaab has killed three governors from Mudug and Nugal, both in Puntland state, and the governor and mayor of Mogadishu since the beginning of 2020. The impact of terrorism is worsened by Somalia’s protracted inter-clan conflict, which involves internal, regional and extra-regional dynamics. Links between clan affiliated militias established in response to growing insecurity, and the way al-Shabaab recruits and operates, require scrutiny of the nexus between inter-clan conflict and terrorism. Continued instability undermines what AMISOM has achieved since 2007. It also shows that military intervention alone cannot solve the security impasse. Successive Somali governments and the AU have mostly resisted the idea of political dialogue with al-Shabaab. But many civil society groups have been calling for talks as a non-military solution to the conflict. Ultimately, the AU’s security and stability strategy for Somalia beyond 2021 should focus on finding a political solution to the crisis. A holistic conflict resolution strategy is needed that responds to the complex and interlinked conflict drivers, both nationally and in the region. Source: ISS The post The African Union needs to broaden its role in Somalia appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Uu Dal-weynaha Maraykanka Iyo Shacabkiisa Ku Hambalyeynayaa Sannad Guurada Ka Soo Wareegtay Markii Ay Madax-bannaanida Qaateen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dal-weynaha Maraykanka oo ay ku beegan tahay Xuska sannad guurada 244-aad ee ka soo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay Boqortooyadii Ingiriiska 04-July-1776-kii. Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi shacabka iyo Dal-weynaha Maraykanka ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan maanta oo ay ku beegan tahay, waxaana xusid mudan in markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26-June 1960-kii uu gudoomiyihii hore ee Gobolka Massachusetts, Mr. Cristian Archibald Herter oo markii danbena noqday xoghayihii arrimaha dibeda ee dal-weynaha maraykanku uu dawladda Somaliland iyo shacbigeeda ku soo hambalyeeyey xornimadii ay ka qaateen boqortooda Ingiriiska oo ay labada dal ka xoroobeen wakhtiyo kala duwan, sidaa awgeed dawladda iyo shacbiga Somaliland waa kuwo xasuusan marwalba dalalka ay wadaageen halgan iyo taariikho isu eeg. Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo dal-weynaha Maraykanka xornimada iyo horumarka 244-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.” ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  9. Hargeysa (Caasimadda Online) – Maamulka Somaliland ayaa si dagan uga jawaabay digniintii ay dowladda Shiinaha soo gaarsiisay kuna aadaneyd xiriirka ay la yeelaneyso Taiwan. Dhawaan ayey aheyd markii la sheegay iney xiriir diblomaasiyadeed yeelanayaan Taiwan oo China ay u aqoonsan tahay inuu xukunkooda ka mid yahay iyo Somaliland oo Somalia ay u aqoonsan tahay iney dhulkeeda ka mid tahay. Labada maamul oo aan aqoonsi caalami ah ka heysan dunida oo dhan ayaa isu magacaabay safiiro, waxeyna wada gaareen heshiis wada shaqeyn dhan walba ah, balse waxaa arinkaan digniin kasoo saaaray dowladda Shiinaha. Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saartay arintaan, balse waxaa jawaab siiyay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland (Yaasiin Faratoon) oo sheegay inuusan culeys badan u arkin hadalka kasoo yeeray safaaradda Shiinaha ay ku leeyahiin Muqdisho. “Warka Shiinaha uma aragno inuu culeys nagu yeelanaayo, inaga waxaa na sheegta Soomaaliya, halka Shiinaha ay sheegtaan Taiwan, balse labadeenuba waxaa nahay kuwa madax banaan, mana na khuseyso arintaas” ayuu yiri Wasiir Yaasiin Faratoon.
  10. Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Mohamed Lafta-gareen ayaa xilkaqadis ku sameyey wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta wulshada isagona xubno kale oo cusub u Magacaabay wasaaradda. Halkaan Ka Akhrso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. An explosion shook parts of the Somali capital of Mogadishu early on Saturday as a suicide car bomber drove into a checkpoint just outside the port, witnesses said, but police made no immediate comment on casualties. “Metal debris fell all over us inside the port and we heard gunfire,” said a port worker who sought anonymity for security reasons. “Security forces have surrounded the area.” The blast shoook the ground, said Mohammed Ali, a shopkeeper in the area. At the city’s Madina hospital, a nurse, Halima Nur, said it had received five people injured in the blast for treatment. Somalia has been mired in conflict since 1991, when clan warlords overthrew dictator Siad Barre and then turned on each other. Since 2008, the Islamist militant group al Shabaab has been fighting to overthrow the central government and establish its rule based on its own harsh interpretation of Islam’s sharia law. View the full article
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Warar soo baxaya oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in maanta dowladda Soomaaliya ay hawda ka celisay diyaar ka timid dhinaca dalka Kenya, kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Somaliland. Diyaaradda oo siday qaad fara badan oo ah nooca loo yaqaano Miirooga ayaa lagu soo warramayaa inay u rarneyd ganacsatado reer Somaliland, balse waxaa hawada ka celisay dowladda dhexe ee federaalka ah ee Soomaaliya oo heshay xog-ta diyaaradaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online diyaaradda ayaa dib ugu laabtay dalka Kenya, waxaana ka degtay garoonka diyaaradaha ee Wajeer. Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in go’aankan ay cuskaneyso xiyaaradda weli saaray duulimaadyada ee ka dhashay cudurka Covid-19. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac iyo Kenyaba oo la xiriira diyaaraddaasi dib looga celiyey hawada Soomaaliya. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmahan uu yaraaday Qaadkii Somaliland uga imaan jiray dhanka Ethiopia, sababo la xiriira qalalaasaha ka socda gudaha dalkaasi. Si kastaba ha’ahaatee tallaabadan ayaa sii xumeyn karta xiisadda dhinaca hawada ee Soomaaliya iyo Somaliland oo dhowaan ay wada-hadallo uga bilowdeen dalka Jabuuti.
  13. Amnesty International ayaa waxaa soo saartay qoraal ay ku sheegtay walaaca ay qabto xariga weriye Maxamed Cabdiwahab Abuuja iyaga oo dowladda federaalka ah ugu baaqay in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo. Amnesty International ayaa waxaa ay qortay in weriyahan u xiran NISA lagu goob dad badan ku jiraan taas oo halis ah marka la fiiriyo xaaladda jirta ee COVID-19. 29 February 2020, ayey NISA xirtay Abuja oo tifaftire ka ah idacadda Hiigsi, waxaa la sii daayey 2 March 2020 iyada oo la eedeyn, weriyaha aabihii Cabdiwahab waxaa uu sheegay in six un loola dhaqmay markii uu xabsiga ku jiray. Abuja waxaa dib loo xiray 7 March 2020, waxaana la diiday iney arkaan qoyska iyo qareenada ilaa maxkamadeyntii 7 June 2020, maalintaas oo la geeyey maxkamad military iyada oo aan la ogeyn. Maxkamadda Militariga ayaa amartay in loo gudbiyo xabsiga dhexe, eedda keliya ee la haayo waa qoraal ay soo saartay wasaaradda warfaafinta 22 April 2020 oo sheegeysa in Abuuja oo lug lahaa dil iyo arrimo al-shabaabnimo. Mid ka mid ah hey’adaha u dooda saxafiyiinta oo xabsiga ugu tagtay Abuuja ayaa sheegtay inuu ka sheeganayo madax xanuun iyo indhaha. Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer isugu soo baxay dartii iyaga oo codsaday in la sii daayo. Source: goobjoog.com
  14. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey labo ka mid ah golihiisa wasiirada, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Lafta Gareen ayaa shaqada ka ceyriyey wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, Mudane Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa wasiiradii la soo shaqeeyey Shariif Xasan. Sidoo kale wuxuu xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka macdanta iyo batroolka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Nuur. Digreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Lafta Gareen ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in xil ka wasiirka warfaafinta iyo wacyi-gelinta bulshada loo magacaabay Ilyaas Saciid Cali, halka Suleyman Shuceyb Cali isna loo magacaabay wasiirka nacdanta iyo batroolka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. U jeedada ayaa waxaa lagu sheegay inay ku timid xil ka qaadistan baahi weyn oo loo qabo in dardar-geliyo howlaha shaqo ee wasaaradahaasi. Halkan hoose ka aqriso:
  15. (SLT-Kampala)-Wiil 29-jir ah oo u dhashay dalka Uganda isla markaana ku shaqeysan jiray mooto ayaa ku dhintay gudaha saldhig boolis oo ku yaalla koonfur galbeed dalkaasi ka dib markii uu isgubay oo uu dab is-qabadsiiyay. Xuseen Walugembe ayaa isgubay ka dib markii ciidamada boolisku ay qabteen oo ay saldhigga geeyeen mootadii uu ku shaqeysan jiray. Arrintaasi ayaa ka dhacday degmada Masaka oo qiyaastii 135 km koonfur-galbeed ka xigta magaalada caasimada ah ee Kampala. Qaar ka mid ah dadka ku shaqeysta mootooyinka ayaa ku doodaya in askartaasi booliska ahi ay dalbadeen 40 doollar oo laaluush ah si ay Xuseen ay ugu sii daayaan mootadiisa. Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in guud ahaan waaxda taraafikada ee degmadaasi uu haatan ku socdo baadhitaan arrintaasi la xidhiidha . Wararku waxay sheegayaan in Xuseen uu ku noolaa guri ku yaalla saldhigga dhexdiisa isla markaana uu askarta u geyn jiray cunto. Mootada ama dhug-dhugleyda ayaa aad looga isticmaalaa dalkaasi Uganda, waxaana sidoo kale qaaradda Afrika oo dhan noolal maalmeed ka raadsada oo ku shaqeysta dhallinyarada shaqo la’aanta ahi. Balse dalka Uganda, waxaa dadkaasi mootooyinka ku shaqeysta laga mamnuucay in ay qaadaan wax rakaab ah sababo la xidhiidha curudka Covid-19. Waxaana loo ogol yahay oo kaliya in ay shaqeystaan laga billaabo 6:30 aroornimo ilaa shanta galabnimo, iyagoo qaadi karaya oo kaliya alaabaha. Sida ay boolisku sheegeen Xuseen Walugembe ayaa isniintii dhaweyd mootadiisa u dhiibay nin ay saaxibbo yihiin, kaasi oo markii dambe boolisku ay ku qabteen isaga oo sida qof rakaab ah. Xuseen ayaa lagu soo warramayaa in uu ka cadhooday booliska oo marar badan oo uu saldhigga tahay weydiistay laaluush si ay u siidaayaan mootadiisa. Khamiistii dorraad ahayd ayuu isku soo xidhay qol ku yaalla gudaha saldhigga, ka dibna batrool ayuu isku shubay oo waa uu isgubay. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siira) ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay ahmiyadda Islaamku siiyey in xumaanta la iska waaniyo isla-markaana wanaagga la is-faro. Sheekh Aadan waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga warramay sida loogu baahan yahay in la toosiyo Cid kasta oo Masuuliyad Ummadeed haysa, isagoo soo qaatay Axaadiis ka warramaya sida Nebiyullaahi Muxamed CSW loo toosinayey. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Khudbaddani waxay hor-dhac u tahay Khudbad aan Jimcaha Dambe geli doono, taasi oo ah ‘Masiirka Ummadda been ma laga sheegi karaa’..” Sheekh Aadan-siira wuxuu ka warramay Rasuulkeena Muxamed CSW iyo sida Saaxaabadiisii u toosinaysay iyo weliba sida Amaarul Mmuuminiinka loo toosinayey ama loo saxayey “Abuur uu Ilaahay dhigo (dunida) waxa ugu fadli badnaa Rasuulka CSW, xitaa Malaa’igta isagaa ka fadli badnaa Rasuulku CSW. Waxay eegaynaa sida Rasuulka CSW loo toosinayey isagoo ahaa Abuurkii ugu khayrka badnaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka warramay oo uu soo qaatay Aayado ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah oo Ilaahay ku saxay Rasuulkeena Muxamed iyo Axaadiis badan. Sheekhu wuxuu sheegay “Xaqu wuxuu bilaabmay iyadoo lala yaaban yahay, waxaana iman doonto iyadoo lala yaabo wanaagga iyo in xaqa la tilmaamo, waxa iman doonta Dulmiga oo la diido oo lala yaabo, waxa wanaagsanaaday (Xilligaa) kuwa Diintooda ku dhega ee xaqa is ag-taaga marka Dadku noocaa noqdaan.’ Qofka xumaan Arkaa Gacantiisa wax ha kaga qabto. Xukuumadda waxyaabaha aynu u igmanay ee Masuuliyadda ay hayaan waxa ka mid ah in xumaanta ay Gacan wax kaga qabtaan.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxaanu intaa ku daray “Xadiiska uu weriyey Al-imaamu Axmed ka ‘Haddaad aragto Dulmi dhacaya oo Ummaddii oo ka hadlaysaa aanay jirin, Ummaddaasi way u dhamaatay.’ Ayuu yidhi Rasuulku CSW. Sheekhu waxa kale oo uu khudbaddiisa Jimcaha kaga hadlay dhibaato ka taagan dhul ku yaalla Galbeedka Hargeysa, gaar ahaan Buurta kala Jeexan “Madaxweyne, dhulkii dhibaato badan baa ka taagan iyadoo Magacaaga la isticmaalayo, maxaa ka mid ah, 300 Qoys ee Maatida ah ee labaatanka sanadood degganaa (Buurta Kala jeexan), Madaxweyne Adigana waa kugu ceeb, dalkana waa ku ceeb, Dadkana waa ku ceeb, Arrintaa inaad wax ka qabato ayaanu kugula talinaynaa.” Sheekh Aadan-Siira wuxuu sheegay in Qof kasta oo Muwaadin uu xaq u leeyahay dhul uu dego “Masuuliyadda Madaxweynaha saaran waxa ka mid ah Qof walba oo Muslim ahi marka uu wax dhisanayo meel uu dego, Qof kasta oo halkan (Somaliland) uu Ilaahay ku abuuray xaq wuxuu u leeyahay meel uu dego, waxaanu ku leeyahay Dawladda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo u duceeyay Dad ka qayb-qaatay Jaamacadda Qur’aanka Kariimka ah oo la yagleelayo “Waxaan halkan uga ducaynayaa Dad badan oo u gurmaday (ka qayb-qaatay) Jaamacadda Qur’aanka, Hargeysa iyo Somaliland oo dhan waxa taagan Kumanaan Ardaydii Qur’aanka Xifdiyey ah, waxa loo dhaqaaqay in Jaamacad loo sameeyo, weliba Dadkiina Xaafaddan deggani (Xawaadle) waxaad nasiib u yeelateen in Hal Nin oo uu bixiyo 4 boqol oo kun oo dollar iyo 8 kun, Ilaahay dambigooda ha dhaafo, dariiqa Jannada Ilaahay ha fududeeyo. Hooyo ayaa markii ay maqashay bixisay 10 kun dollar, Ilaahay dambigeeda ha dhaafo.” Source
  17. (SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaaraha Itoobiya ayaa sheegay dowladdu inay qabatay gacan ku dhiiglayaashi dilay fannaankii caanka ahaa Hachaaluu Hundeesaa, balse ay hadhsan yihiin kooxihii dilkaasi soo maleegay dowladduna ay ka qaadi doonto tallaabbo adag. “Shaqsiyaadkii dilka iney iibsadeen looga shakiyey waa la hayaa waxaana dilkaasi lugu ku leh shaqsiyaad qaab dhismeedka dowliga ku jira” ayuu yidhi. “Aragtiyada naceybka xambaarsan ee ku saleysan qowmiyad ama siyaasad dalka Itoobiya wixi hadda ka dambeeya boos ugama bannaana, xoogagga doonayey iney dalka Itoobiya dhiig ku daadiyaanna waxaan u sheegayaa iney riyadoodaasi marnaba rumoobeynin” ayuu yidhi. Dr Abiy Axmed oo telefishiinka qaranka ee dalka Itoobiya ka soo muuqday isaga oo ku labbisan labbiska ciidamada ilaalada qaranka ayaa mahad ballaadhan u soo jeediyey Source
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta daah-furay Imtixaanadka Shahaadiga ee maamulkaasi. Puntland ayaa sheegtay in sanadkan ay Imtixaanka u fariisanayaa illaa 16,500 oo ardey oo kala ah fasalka 12-aad ee dugsiga sare iyo kan 8-aad ee dugsiga Dhexe. Deni ayaa si gaar ah Imtixaanaadkan uga daah-furay iskuulka Cumar Samatar oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Imtixaanaadka Dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee Puntland oo sanadka ay u fariisanayaan 16,500 oo ardey. Dowladdu waxay xoojisay feejignaanta caafimaad ee ardayda iyadoo maanka lagu hayo xaaladda Covid-19, Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaana ka wada shaqeeyay in la raaco talooyinka Caafimaad sida kala fogaanshaha, adeegsiga qalabka ka hortagga covid-19 iyo la socodka heer Kulka xumadda ardeyda, macalimiinta iyo howlwadeenada kale. Madaxweynaha ayaa Imtixaanaadka sanadka ku daah-furay Iskuulka Cumar Samatar ee Gaalkacyo, halkaasi oo ay saaka Imtixaanka ku galeen 592 ardey oo qeyb ka ah 4,138 oo Imtixaanka ku gelaya guud ahaan Gobolka Mudug. Ardeyda Imtixaanka loo daah-furay guud ahaan Puntland waa 16,500 oo ardey, 5,447 Ardey oo ka mid ah waa Dugsiga Sare halka 11,053 Ardey ay u fariisanayaan Imtixaanka Fasalka 8-aad. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyo iyo dardaaran la wadaagay ardeyda, isagoo u rajeeyay guul iyo in alle u fududeeyo Imtixaanaadka. Daah-furka Imtixaanaadka waxaa Madaxweynaha Ku weheliyey Xubnaha Golaha Wasiirada oo ay ugu horeyaan Masuuliyiinta Waxbarashada, Maamulka Gobolka Mudug iyo Kan degmada Gaalkacyo. Halkan hoose ka daawo sawirrada:-
  19. MOGADISHU (HOL) - National exams for secondary and primary schools in Somalia will commence next week, the government has said adding schools will reopen next month. Source: Hiiraan Online
  20. Goob kasta oo aan safar ku tago waxaa dhaqankayga ah in aan ka sameeyo qoraal aan bulshada ugu soo gudbinaayo xaalada iyo wacyiga guud ee goobtaas. Sidii ii caada ahayd, waxaan qoraalkan ku soo gudbinayaa xogo ishaydu ka soo qaaday iyo macluumaad ku saabsan kobta aan warkeeda idin siin doono. Bilawgii bishii Juun ee galbatay waxaan socdaal aan qorshaynayn oo degdega ugu baxay dawlad degaanka Somaali Itoobiya. Waxaan qoraalkan ku soo gudbin doonaa Xuduudka aadka u dheer ee u dhexeeya dawlad deegaanka Soomali Itoobiya iyo Somaliland gaar ahaan min Daba-gorayaale ilaa Xaaji Saalax; Dhaqaale ma ka soo xaroodaa? Yaa adeegsada dhaqaalahaas? Deegaanka wax ma ka ga soo noqdaan?. Ugu horrayn, magaalooyinka Daba-gorayaale, Lebi-sagaala, Khaatumo, Mullaaxo iyo Xaaji Saalax, waa magaalooyin furan, waxaa wadanka ka soo gala tobanaan baabuur ah oo ka soo maleegtay dawlad deegaanka somali itoobiya, kuwaas oo dhammaantood sida Xoolo nool. Waxay adhiga ka soo daabulaan dhammaan tuulooyinka hoosyimaada Degmooyinka Gaashaamo iyo Darroor. Sidoo kale, waxay soo qaadaan adhiga Ogaadeenka laga keeno sida Wardheer iyo walwaal. Dhammaan adhigaas waxaa la geeyaa sayladaha Burco iyo Hargeisa. Waddo kasta oo marta magaalooyinkaas, waa wado furan. Qiyaas ahaan, haddiiba shantaas magaalo Maalinkii uu ka soo geli lahaa laba gaadhi oo midkiiba uu saaranyahay 100 neef oo keliya celcelis ahaan( Baabuurta adhiga qaadaa nooc walba way leeyihiin waxaa ugu badan candha-maydlaha qaada 250 neef kana yimaada dhulka ogaadeenka). Waa marka aynu qaadano adhiga u tirada yar. Wadar ahaan shantaas magaalo ee leh wadada furan, waxaa ka soo gelaaya adhi dhan 1000(kun) neef. Haddiiba neefkasta laga qaado cashuur dhan $3 dollar oo keliya illeen waa maciishad xuduud ka soo gudbaysee, waxa ay soo fadhiisanaysaa $ 3×1000 neef= $ 3000. Ugu yaraan Maalinkasta waxaa shantaas magaalo ka soo xaroonaya cashuur ka badan 3000 oo dollar. Hadaba wadar ahaan, sanadkii waxa soo xaroonaya $ ugu yaraan 1,100,000(Hal milyan iyo boqol kun oo doolar), taas oo deegaanka iyo dalkaba macno ugu fadhiyi lahayd. Nasiib darrose, xuduudka intaas le’eg ma jirto hal magaalo xoolaha ka soo galo lagu cashuuro, indhahaygu waxay qabteen askarigii Somaliland u joogay Xuduudka Raadab-khaatumo oo darawalka Shaxaadaya halkii uu cashuurta dawlada ka qaadi lahaa, manaan arag shakhsi ka socda wasaaradda maaliyadda iyo Kaantaroolka dawlad deegaanka Itoobiya oo na haystay in ka badan hal saac si uu adhiga baabuurka saaran u tirsado, isla meeshaas waxay indhahaygu qabteen askarigii kaantaroolka taagnaa oo inta uu darawalkii la fadhiistay bar cidlo ah ku la xisaabtamaya, nasiib darrose, anigu ma caddayn karo xaddiga lacaga ee uu ka qaatay cashuurta adhiga ka baxaaya wadanka. Hadaba, wadooyinka sidan u furan xoolaha ka soo gala halkaa lagu cashuuraa? Cashuurtooda halkaa lagu cunaa? Deegaanka wax ma ka ga soo noqdaan? Cashuurta intaas le-eg ma jirto xarun dawladeed oo aruurisaa, mana jirto cid gaara oo u xilsaaran oo adhiga halkaas ku cashuurtaa. Adhigaas toos buu u galaa sayladaha Hargeisa iyo Burco iyadoon wax madax taabasho ah lagu samayn si loo cashuuro. Intay ishaydu qabatayna askarta jooga xuduudaha shantaas magaalo waxay qaabilsanyihiin uun amniga badanka waxay hubiyaan dadka saaran iyo waxa uu baabuurku sido. Baabuurka adhiga siday waxa uu toos noo keenay sayladda Bargeisa. Halkaas waxaa ka dhalatay in Xaqqii deegaankaasi lahaa loo weeciyo deegaano kale oo ay manaafacaadsadaan, waxaa la waayey hanti deegaankaasi lahaa oo lagu masruufo laguna naas muujiyo magaalooyinka Berbera oo lagu cashuuro adhiga Burco iyo Hargeisa oo lagu cashuuro adhiga ka soo gudba xuduudka Koonfureed. Sababtaasna deegaankaasi waxa uu noqday deegaan ka arradan horumar dhaqaale, waxbarasho, caafimaad iyo adeega dawladeed ee kale. Gobolka oodweyne oo ah ay hoosimaadaan magaalooyinka Mullaaxo, khaatumo iyo Xaaji Saalax, waxa uu ka heli lahaa dhaqaale wanaagsan kaas oo deegaan ahaan wax loogu qaban lahaa. Halka Gebilay ay dhaqaalaha ugu badan ka hesho cashuurto ka soo xaroota Kale-baydh iyo Wajaale. Ugu danabyn, dhammaan goobaha dhaqaale ee wadanka waxaa u diiwaangashan uun Wajaale iyo Berbera. Dhammaan dhulkaas aan kor ku xusay waa deegaan dayacan iyo dhaqaalahiisa iyo dheecaankiisa cashuureed ee ka soo xaroota waa cashuur aan deegaankooda u tirsanayn kuna dhacda khasnada dawladda ee magaalooyinka Berbera iyo Hargeisa, halka Cashuurta Wajaale ka soo xaroota badhkooda la siiyo Degmada Gebilay. Halkaasna waxaa kaaga muuqda sida arxan darrada ah ee deegaanada qaar hantidooda loo boobayo, deegaanada kalena xaqqooda la siinayo, waana sababta Gebilay uga hormartay deegaanada kale. Sadam Osman Kaabash Hageisa, somaliland Qaran News
  21. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa Hawada ka celisay Diyaarad sida Qaadka Miirooga Kenya oo maanta doonaysay in ay ka degto garoonka Diyaaradaha Hargeysa. Diyaaradda oo u raran Ganacsato reer Somaliland ah ayaa dib ugu laabatay gudaha Kenya waxana ay fadhiisatay Garoonka Wajeer. Miiroga Kenya ee maanta laga celiyay Hargeysa ayaa ku soo beegmaya xilli uu yaraaday Qaadkii ka iman jiray dhinaca Ethiopia sababo la xidhiidha Qalalaasaha ka socda gudaha Ethiopia. Source
  22. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed ayaa ka hadlay Xoolo laga dhoofiyey Dekedda Berbera oo Sucuudigu dib u soo celiyey. Wasiir Siciid Sulub oo ku sugan Magaalada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag ayaa sheegay in Sucuudigu iska Caadaystay inay Xoolaha loo dhoofiyo ay marmarka qaarkood iska soo celiyaan iyagoo eegaya arrimo iyaga u gaar ah, laakiin suuqa Xoolaha ee Sucuudigu uu weli u furan yahay Somaliland. Wasiirka oo daba socdo eedaymo uu soo celinta Xoolahaasi ugu jeediyey Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga WADDANI ayaa wuxuu yidhi “Eedayntaasi waa eedayn aan Macno lahayn, Cidda ka hadashayna waa Cid aan Macno lahayn, Badeecad baynu dhoofinay, Badeecaddaada haddii la soo diido waad ceshanaysaa uun.” Wasiir Siciid Sulub waxa kale oo uu sheegay “Ninkaasi wuu iska caadaystay, shaqaanu moodayaa inuu wax dhaliilo, Xoolaheena waatii la fasaxay, dhowr iyo Toban Markab ayaa ka degay Dekedda Jiddah, waxay Maalin walba u dhoofaan Masar, Dalal kalena way u dhoofaan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in soo celinta Xooluhu wax cusub aanay ahayn, balse Dalalka Suudaan iyo Jabuutiba uu Sucuudigu intaas oo Markab ku soo celiyo “Jabuuti, Suudaan-ba Xoolaha waa lagu soo celiyaa, waana sida ay iyagu wax u arkaan ama u fikirayaan (Sucuudigu).” Wasiirka oo ka jawaabaya hadal ka soo yeedhay Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee WADDANI oo ahaa inaan Xukuumaddu kala hadal Sucuudiga Xoolaha la soo celiyey ayaa yidhi “Maxaa lagala hadlayaa Sucuudiga Xooluhu way u furan yihiin oo muu joojin, Xanuun Xoolaha la soo celiyey ka muuqdaana ma jiro oo waanu baadhnay. Dalalka wax dhoofiya ayaynu la mid nahay, intaas oo Markab baa ku soo noqday Jabuuti, intaas oo Markab baa ku soo noqday Suudaan, maxay kuwaa kaga duwan nahay Somaliland.” Wasiir Sulub oo la waydiiyey waxa ka jira in Xoolaha las oo celiyey lagu arkay xanuun, ayaa ku jawaabay “Wax Alaale iyo wax cudur ah oo ay noo sheegeen ma jiro (Dadka Xoolaha dhoofiyey), neef baa wax laga helaybaa la yidhi, Neefkii lama soo calaamadanin, waa arrin ay iska Macaamilaan Sucuudigu.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu su’aal geliyey waxa uu hadal haynta arrimahan ka helayo Xoghayaha Xanaanada Xoolaha WADDANI “Muxuu ka helayaa Ninka Warbaahinta wadwadaa sheekadaasi had iyo goor, annagu Xukuumad ahaan Ninkaasi ayaanu la yaabanahay, Tallaabana waanu qaadan oo waanu waydiin wuxuu ka helayo Xoolaheena marka uu Cudurka ku sheegayo” Ugu dambayn, Wasiirku wuxuu sheegay in aanay WADDANI isku ogayn inuu waddanka burburiyo “Xisbiga WADDANI waa Xisbiyagii oo iskuma ogin inay waddanka burburiyaan oo ay Badeecadaha ka joojiyaan oo ay Nashuushad ku furaan, siyaasad Waddanina maaha in xoolaheena la joojiyo oo ay dacaayadeena..” ayuu yidhi, Wasiirka oo u warramay Telefiishanka Eryal. Ugu dambayn, Wasiir Siciid Sulub Maxamed ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta Xisbiga WADDANI, ka hor intaan Madaxweyne Biixi u Magacaabin Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga. Qaran News