Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qaar Ka Mid Ah Shacabka Muqdisho Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Raysal Wasaare Khayre Ee Ahaa Qabsoomida Doorashada Dalka. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/ww.mp4 Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Yagoori)-Saddex iyo toban qof ayaaa ku dhaawacmay Shil gaadhi oo saaka ka dhacay duleedka Degmada Yagoori ee gobolka Sool. Dadka dhaawaca ayaa la geeyey Cisbitaalka Magaalada Laascanood , Waxaanay wararku sheegayaan in ay culus tahay xaaladda dadka qaar ka mida . Ma aha shilkii ugu horeeyey ee degmada ka dhaca balse waxa hore uga dhacay shilal ay dad ku dhinteen. Source
  3. Muqdiisho (Caasimadda Online) Waxaa jirta hadal heyn xoogan oo la xiriirta in xukuumadda uu hogaaminayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay dooneyso muddo kororsi, mowduucaas ayaa noqday kan loogu hadal heynta badan yahay isbuucyadii lasoo dhaafay. Guuxa arintaas ku saabsan ayey hadal hayeen mucaaradka iyo dadka daneeya siyaasadda Soomaaliya, balse Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumadiisa ay isha ku heyso in doorashada lagu qabto xilligeeda. Sida lagu qoray website-ka idaacadda adduunka la hadasha ee BBC-da qeybteeda Afka Soomaaliga, gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa aaminsan ineysan dhici doonin dib u dhac doorasho. Dib u dhaca ku yimid kalfadhiga Baarlamaanka ayaa dhaliyay walaac ku saabsan in dib u dhac uu ku yimaado doorashada, sidoo kale waxaa jirta in laga cabsi qabo saameynta xanuunka Coronavirus. Si kastaba Gudoomiye Mursal wuxuu diiday in dib u dhac doorasho dhacdo, wuxuuna aaminsan yahay in xal loo heli doono doorasho wakhtigeeda ku dhacda. “Waxaan rabaa in hal qodob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada waxaa loogu talagalay baarlamaanka, oo kala ah Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Muddooyinkii ugu dambeeyay ee aan kasoo gudubnay oo ay ugu dambeysay 2016-kii, doorashada la aadi jiray waxay ahayd doorasho dadban, marka waxa la dooranayo waa 275 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah, sidaas awgeed waxay ila tahay intaas xal loo waayi maayo”. “Waxaan magacownay guddi kasoo shaqeeya qodobbada ka dhiman sharciga doorashooyinka, iyagoo kaashanaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, howshiina way wadaan inkastoo arrintaan coronavirus ay u saamixi waysay shaqooyinka qaar, laakiin shaqo fiican ayey qabteen ilaa hadda, waxaana aaminsan nahay inay soo dhammeystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto”, ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka. Ugu dambeyntii Gudoomiyaha wuxuu meesha ka saaray in muddo kororsi ay helaan Baarlamaanka iyo madaxweynahaba. “Waddankan dastuur ayuu leeyahay, dastuurkaasna xilli ayuu ugu talagalay muddada xil-heynta Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. Waxaan rabnaa intaan xilligaas la gaarin ka hor inay doorasho dhacdo”, ayuu yiri Guddoomiye Mursal.
  4. The Security Council on Friday adopted resolutions to renew the mandates of peacekeeping or political missions in Somalia, Iraq and Sudan’s Darfur, and to extend sanctions against South Sudan. Resolution 2520 authorizes African Union member states to maintain, till Feb. 28, 2021, the current level of 19,626 uniformed personnel, including a minimum of 1,040 police personnel, for the African Union Mission in Somalia, to support security preparations for elections due at the end of 2020 or the beginning of 2021, and to conduct tasks in line with an updated Somali-led transition plan and the handover of security to Somali security forces. Resolution 2521 decides to renew for a year, till May 31, 2021, an arms embargo on South Sudan, and a travel ban and asset freeze against individuals. The Security Council decides to carry out a midterm review of the measures no later than Dec. 15, 2020, and expresses its readiness to consider adjusting the measures to respond to the situation. Resolution 2522 decides to extend the mandate of the UN Assistance Mission for Iraq till May 31, 2021. Resolution 2523 decides that the United Nations-African Union Hybrid Operation in Darfur (UNAMID) shall maintain its current troop and police ceilings till June 3, 2020, and that during this period UNAMID shall maintain all team sites for mandate implementation. The Security Council expresses its intention to decide by June 3, 2020, courses of action regarding the responsible drawdown and exit of UNAMID, and further expresses its intention to adopt a new resolution at the same time, establishing a follow-on presence to UNAMID. View the full article
  5. (SLT-Addis Ababa)- Getachew Reda oo xubin ka ah guddiga sare ee fulinta xisbiga Tigreeyga ee TPLF ayaa shaaciyey in Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki inay isla garteen qorshe lagu afduubayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Reda ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay damacsan yihiin in Axmed Madoobe loo dhoofiyo magaalada Addis Ababa, si dambi loogu oogo, marka la soo qafaalo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaasi fulinteeda loo saaray ciidamada sida gaarka ah tababaran ee Kumaandooska Itoobiya, balse ay ku fashilmeen, kadib caqabado soo waajahay, sida uu hadalka u dhigay. Ma shaacin Getachew Reda xilliga rasmiga ah ee la diyaariyey ama la maleegay qorshahaasi. “Abiy oo uu wehliyo Afwerki waxay qorsheeyeen in ay Kismaayo ka soo afduubaan Axmed Madoobe, tani waa heerka halista ee shaqsiyaadkan ay ku yihiin dumuqraadiyadda.”ayuu yidhi Getachew Reda oo ka tirsan guddiga fulinta ee TPLF. Ugu dambeyn wuxuu siyaasigaan aad u dhaliilay dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidammada dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya ee lagu daabulay gobolka Gedo. Arrintan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo weli halkiisii yahay khilaafka Axmed Madoobe kala dhexeeyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farnaajo) oo haatan xidhiidh wanaagsan la-leh wadamada Itoobiya iyo Eritrea. Source
  6. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya weeraro loo adeegsaday qaraxyo oo markale lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku socdaalayey duleedka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Qaraxyada oo miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu kadib xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamadaasi iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadaasi iyo dagaalka xigay uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Dhinaca kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay weeraradaasi ayaa sheegtay in ugu yaraan illaa afar qarax ay la eegatay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM , islamarkaana ay ku gaarsiisay khasaare xoogan, sida ay hadalka u dhigay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarada ka horreeyey. Sidoo kale Arbacadii la soo dhaafay ayey aheyd markii sidaan oo kale ciidanka Itoobiya qaraxyo lagula eegtay duleedka Bardaale, xilli ay ka soo amba-baxeen degmadaasi. Al-Shabaab ayaa had iyo jeed weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada huwanta, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
  7. The federal government of Somalia has on Friday said it has evacuated more than 100 Somali citizens stranded by the coronavirus lockdown in Saudi Arabia. Passengers arrived at Mogadishu’s international airport on a special flight from Saudi, and were received by government officials. According to a video posted on the twitter handle of Somalia Ministry of information, passengers were seen stepping off from Daallo Airlines at the airport. The ministry said the nationals were evacuated following a directive by President Mohamed Abdullahi Farmajo. “A plane carrying 132 Somali nationals, majority of them being women and children who are part of the nationals directed to be evacuated from Saudi by the order of the president, had arrived at Adan Adde Airport,” the twitter post reads. Somalia suspended all international travel in mid March before it went into lockdown to curb Covid-19 infections. Somalia has in the past week evacuated dozens of Somalis citizens who were also stranded in Nairobi, The capital of Kenya due to coronavirus. According to the alert issued by the embassy in Nairobi, those who wished to return to Somalia had returned at their own cost. Meanwhile, Somalia has seen a spike in the covid-19 cases despite the country facing heavy flooding and a threat of desert locust infestation and the World Health Organization said it has intensified response efforts for contact tracing in Somalia by deploying some 4,000 community healthcare workers across the country. The UN health agency has also warned that if the virus transmission is not slowed down rapidly, the patient surge and increasing demand for health care may overwhelm the country’s fragile health system. The disease has previously been declared as pandemic by the World Health Organization (WHO) after the disease caused by the new coronavirus spread to nearly every country. After emerging in Wuhan, China last December, the virus, officially known as COVID-19, has killed more than 360,000 people and infected more than 6 million, according to data compiled by Johns Hopkins University. However, a vast majority of those who get infected recover from the illness.
  8. Nine health care workers were killed and their bodies dumped along a highway, officials said Thursday. “[Nine] health workers in Gololeey vicinity health clinic were abducted last night by unknown forces. Their bodies have been dumped on the highway near Gololeey. They have been slaughtered all. They were working for the Zamzam Humanitarian agency! So tragic indeed,” a Bal’ad district security official told Anadolu Agency on condition of anonymity. A police officer in the middle Shabelle region confirmed the incident to Anadolu Agency. “We received this horrific news and we don’t know who is behind this barbaric attack, but our police officials were deployed in the area and an investigation is underway,” Bashir Mohamud Hassan told the Turkish news agency. The workers were from Bal’ad, an agricultural town 40 kilometers (24 miles) from the capital, Mogadishu. No group has yet claimed responsibility. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee QM ayaa markale muddo kordhin cusub u sameeyey howlgalka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya, kadib kulan khadka Internetka ah oo ay yeesheen 29-kii bishaan. Xubnaha golaha ammaanka ayaa isku raacay in muddo 9 bilood oo hor leh loogu daro ciidanka AMISOM, si ay qeyb uga noqdaan howlaha lagu xoojinayo amniga dalka. Sidoo kale sababta ayaa waxaa lagu sheegay in lagu taageerayo muddo kordhinta loo sameeyey ciidamada AMISOM, amniga doorashooyinka Soomaaliya, taas oo lagu wado inay dalka ka bilaabato dabayaaqada sanadkaan 2020-ka illaa sanadka xiga 2021-ka. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegay in muddadaas sagaalka bilood ah ay ciidamada AMISOM qaban-doonaan shaqooyin ay ka mid yihiin, in ay dib-u-habeyn ku sameeyaan howlaha lagu taageerayo qorshaha kala-guurka sida xaaladaha nabadgelyada; hagida iyo caawinta ciidamada amniga Soomaaliya. AMISOM waxaa dalka ka jooga ku dhowaad 20,000 oo askari, waxuuna qaraarkan loogu sameeyay waqti kordhinta uu qeexayaa inay Soomaaliya ka bixi doonaan 2021-ka. Ciidamada AMISOM oo dalka jooga muddo ka badan 10 sani ayaa dagaal adag kula jira dagaalyahanda hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.
  10. Sagaal iyo Labaatan qof (29) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somalilander, 23 qof waa rag, 6 qofna waa dumar Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (20jir ilaa 29jir = 11 qof) (30jir ilaa 39jir = 8 qof) (40jir ilaa 49jir = 2 qof) (50jir ilaa 59jir = 5 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) (90jir ilaa 99jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 24 qof iyo Burco oo ah 5 qof. Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Saddex iyo Soddon (33) Waxaa geeriyooday hal qof oo dumar ah oo deganayd Hargeysa, da’deeduna ahayd 28 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Somaliland Sagaal iyo toban (19) Source
  11. Qaar kamid ah isimada waaweyn ee Puntland ayaa maanta oo Sabtiya la kulmaya madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash si loo xalliyo khilaafka u dhexeeya labada mas’uul. Isimo ay kamid yihiin Ugaas Maxamuud Cabdullaahi Ciise Nuur, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa lagu wadaa in ay maanta la kulmaan madaxweyne Deni iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash si ay u dhex-dhexaadiyaan muranka labada mas’uul. Isimada oo markii u horraysay u istaagay xallinta Isfaham-waaga Deni iyo Karaash ayaan la ogayn waxay kala soo kulmi doonaan labada dhinac oo khilaafkoodu gaaray heerkii u sarreeyay islamarkaana ku muransan awoodaha uu mid kasta Dastuurku siinayo. Waxaase xusid mudan in dadaallo hore oo ay sameeyeen dhinacyo kala duwan si loo dhex-dhexaadiyo khilaafka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay dhammaantood fashil ku dambeeyeen kadib markii lagu guul-darraystay in la isu soo dhaweeyo labada mas’uul. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah isimada Puntland oo isu taagay xallinta Khilaafka Deni iyo Karaash appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebuugga uga hadlay hadal ka soo yeeray ra’isulwasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre kaasi oo ku addanna in doorashada Soomaaliya ay xukuumadda ka shaqeynayso inay waqtigeeda ku dhacdo ayaa arrinkaas si weyn u soo dhoweeyay isaga oo xukuumadda Kheyre ku booriyay howshaas. Guuleed ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in doorashada dalka ay waqtigeeda ku qabsoomto islamarkaana laga talagaliyo dhamaan saamileyda siyaasadda taas oo uu tilmaamay inay horseedi karto xasiloono siyaasadeed. “Waxaan soo dhaweynayaa hadalka ka soo yeeray Raisu Wasaare Xasan Cali Khayre ee tibaaxaya lagama maar-maannimada in dalka ay ka qabsoonto doorasho xiligeedii ku dhacda, lagana talo galiyo dhamaan saamileyda siyaasadeed, dalkana u horseedda daganaan iyo xasilooni siyaasadeed” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed. Waxa uu intaas ku daray Mr Guuleed inuu ku adkeynayo Kheyre iyo xukuumaddiisa inay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aaddan arrinkan oo uu xusay inay hoseedi karto dalka uu la jaan qaado nidaamka dimuquraadiyeynta. “Waxaan Mudane Khayre iyo xukuumaddiisa ku dhiirigalinayaa kuna adkeynayaa inay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan arinkaas, dalkana u horseedaan geedi socod doorasho hufan oo qeyb ka qaadata dowlad dhisidda iyo dimuqoradiyeenta dalka”. Ugu dambeyn waxa uu sheegay maadaxweynihii hore ee Galmudug in xukuumadda hadda jirta haddii ay ka dhabeyso arrinkaas inay ku heli doonto amaan iyo bogaadin “Waa hubaal in ka shaqeynta arinkaas ay ku muteysan doonaan amaan iyo bogaadin”. Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo wali ma cadda nuuca ay tahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hawada laga saaray pagekii cusbaa ee uu dhawaan samaystay Madaxwayne ku xigaanka Puntland Axmed Cilmi cismaan Karaash. Axmed Karaash ayaa BBC u xaqiijiyay in barta cusub ee uu Facebook ku lahaa hawada laga saaray. Waxaa uu sheegay in inta ogaalkiisa ah uu wali barta uu facbook ku leeyahay ay hawada ka maqantahay islamarkana ay baaritaano wadaan. ”Waa ka maqan yahay ayaa la igu yidhi waana baadhaynaa howshii, hawada in uu ka maqan yahay ayaa la xaqiijinayaa sababta uu uga maqan yahay ayaa la xaqiijinayaa markaan ogaano ayaan ka jawaabaynaa,” ayuu yidhi Mr Karaash. Balse madaxwayna ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi cismaan Karaash ayaan wax faahfaahin ah oo dheeraad ah ka bixin arrintan Madaxwayna ku xigeenka Puntland ayaa dhawaan sameysay cinwaankan cusub ee Facebook ah ka dib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxwayne Saciid Cabdulahi Dani. Madaxwayna ku xigeenka ayaa horey u isticmaali jiray barta ay Facebook ku leedahay madaxtooyada Puntland. Source
  14. Addis Ababa (Caasimada Online) – Getachew Reda oo xubin ka ah guddiga sare ee fulinta xisbiga Tigreeyga ee TPLF ayaa shaaciyey in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki inay isla garteen qorshe lagu aduubayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Reda ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay damacsan yihiin in Axmed Madoobe loo dhoofiyo magaalada Addis Ababa, si dambi loogu oogo, marka la soo qafaalo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaasi fulinteeda loo saaray ciidamada sida gaarka ah tababaran ee Kumaandooska Itoobiya, balse ay ku fashilmeen, kadib caqabado soo wajahay, sida uu hadalka u dhigay. Ma shaacin Getachew Reda xilliga rasmiga ah ee la diyaariyey ama la maleegay qorshahaasi. “Abiy oo uu wehliyo Afwerki waxay qorsheeyeen in ay Kismaayo ka soo afduubaan Axmed Madoobe, tani waa heerka halista ee shaqsiyaadkan ay ku yihiin dumuqraadiyadda.”ayuu yiri Getachew Reda oo ka tirsan guddiga fulinta ee TPLF. Ugu dambeyn wuxuu siyaasigaan aad u dhaliilay dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada dowladda federaalka & kuwa Itoobiya ee lagu daabulay gobolka Gedo. Arrintan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo weli halkiisii yahay khilaafka Axmed Madoobe kala dhexeeyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farnaajo) oo haatan xiriir wanaagsan la-leh wadamada Itoobiya iyo Eritrea.
  15. Soomaaliland ayaa maanta oo ah sabti ah 30-05-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka oo gaaraya 1193 qof. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay in cudurka COVID-19 laga helay 29 qof, iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka maanta ka bogsadeen 5 bukaan, halka 48-dii saac ee la soo dhaafay uu hal ruux oo dumar ahaa u geeriyooday caabuqan. Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 33 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 19 ruux. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 286 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Hargeysa)- John M. Rosenberg oo ah khabiir Maraykan ah oo degen magaalada Washington ee dalka Maraykanka, kuna takhsusay arrimaha qaaradda Afrika, ayaa ka digay in Somaliland ay qadiyadeeda gayso maxkamad caalami ah. Madaxweyne Biixi ayaa khudbad uu jeediyay maalintii 18 May ee la soo noqoshada qaranimada Somaliland, wuxuu ku sheegay inuu qabo in Somaliland iyo Soomaaliya ku kala bixi karaan laba qodob midkood, kuwaas oo kala ah wada hadal caalami ah oo la raacayo nidaamka wada hadalada caalamiga ah oo ay goob-joog yihiin dawlado iyo hay’ado caalami ah, haddiise qodobkaas la waayo, wuxuu soo bandhigay qodobka labaad oo ah inay ku kala bixi karaan maxkamad caalami ah. “Arrinta labaad ee lagu kala bixi karaana waxa weeyaan Maxkamad Caalami ah oo aynu arrinteena toos u geysano.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Hase yeeshee khabiirkan oo aad ula socda arrimaha Somaliland iyo guud ahaan Afrika ayaa qoraal uu 21 May soo geliyay bartiisa twitterka, wuxuu kaga digay aragtida ah in qaddiyadda Somaliland la geeyo maxkamad caalami ah, waxaanu Mr. John M. Rosenberg yidhi “Dawladda Somaliland waxa ay sheegtay inay qorshaynayso in qadiyadeeda ay gaynayso maxkamad. In qadiyadda la geeyo maxkamad caalami ahi waa istiraajiyad lagu guuldaraysanayo, balse waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa sharcinimo loogu hello galaan gal meel kale laga sameeyo.” Sidaas ayuu yidhi Mr. John. Mr. John Rosenberg ayaa wuxuu ka mid ahaa la taliyayaasha murashax Michael Bloomberg oo ka mid ahaa murashixiintii ka qayb gashay doorashada xisbiga dimuqraadiga ee Maraykanka dhexdiisa, balse aan guulaysan, waxaanu qormooyin ku saabsan siyaasadda dawladda Maraykanka ee Afrika ku baahiyaa wargeysyo kala duwan. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa dhaliilo culus u soo jeedisay Soomaaliya, waxayna dambi iyo xad gudub sharci ku tilmaantay in Dawaldda Masar ay Hub siiso Soomaaliya, iyadoo xustay inay Somaliland ahaan filayaan inuu Caalamku arintan wax ka qabto. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalilaand Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland aan marnaba laga qaban karin Doorasho ay Soomaaliya waddo, waxaanu si gaar ah u dhaliilay siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Soomaaliya, oo uu xusay in aanay dal iyo dad midna aanay matalin, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “In Soomaaliya hub la siiyo waa dambi iyo xad gudub sharci, Caalamkuna wuu arkaa, ee waxaanu filaynaa inuu wax ka qabto”. Mar uu ka hadlayey Doorashada Soomaaliya qabanayso oo ay doonayaan inay Somaliland soo gaadhsiiyaan iyo hadallo ka soo yeedhay Siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland oo Soomaaliya ku sugan ayaa yidhi “Waa edeb-darro iyo gef in Rag Soomaaliya jooga ay si khaldan uga hadlaan Somaliland iyo arrimaheeda, Somaliland Doorashadeeda iyo waxay qabsanayso iyada ayey u taallaa, Doorashooyinka Soomaaliya lagu qabanayaana wax haba yaraatee Somaliland ka khuseeyaa ma jiraan, Soomaaliyana Somaliland shuqul kuma leh, kuwa doonaya inay Soomaaliya wax ka noqdaan ee Somaliland dhalasho ahaan ka soo jeeda nama matalaan, ee waa Rag shaqo tagay, waxay ka qabsanayaana iyaga ayey jirtaa, laakiin Ragga Somaliland ka soo jeeda ee Soomaaliya u shaqo tagay ma matalaan, magaceegana kuma hadli karaan”. Mar uu ka hadlayey xanuunka koronaha ayaa wuxuu yidhi “Ilaa maalintii u xanuunku bilaabmay dadka waa loo sheegayey waana looga digayey, dadkana dantooda ayaa laga hadlayaa, xanuunkuna maaha wax qarsoon ee waa wax la hubo oo la wada arko, markaas dadku inay u dhega nugladaan waxay Dawladdu u sheegayso ayaa muhiim ah”. Source
  18. Halkan ka daawo baraamij kale oo ku saabsan wacyi gelinta Coronavirus Source: goobjoog.com
  19. Members Lay Out Strategic Priorities for AMISOM as Critical Elections Approach The Security Council decided, in a 29 May videoconference meeting*, to reauthorize the deployment of African Union Mission in Somalia (AMISOM) personnel for nine months, requiring them to support security in the lead-up to elections and to work towards the gradual hand-over of responsibility to Somali forces by 2021. Unanimously adopting resolution 2520 (2020) under Chapter VII of the Charter of the United Nations, the 15-member Council also decided to authorize the African Union to maintain the deployment of 19,626 uniformed AMISOM personnel until 28 February 2021 — including at least 1,040 police and five formed police units. Among other strategic priorities, the Council tasked the Mission with supporting security preparations for elections due at the end of 2020 or the beginning of 2021, and helping to combat Al-Shabaab and other armed groups while conducting its tasks in accordance with the updated Somali-led Transition Plan. The Council laid out a range of specific tasks for AMISOM to meet those objectives: maintaining a presence in sectors set out in the Mission’s Concept of Operations; reconfiguring and revising tasks in support of the Transition Plan as security conditions allow; mentoring and assisting Somali security forces; helping to secure and maintain key supply routes, including to areas recovered from Al-Shabaab; conducting jointly planned and targeted offensive operations; and supporting the Federal Government of Somalia and its federal member states in implementing the country’s total ban on exporting charcoal. Reiterating the urgent need to establish full cooperation between the Federal Government and the federal member states, the Council called upon both sides to make further progress on the transition, urging them to take concrete action to fulfil priority measures laid out in the 2019 Mutual Accountability Framework. The steps include: reaching an inclusive political settlement on the sharing of power and resources; reinstituting regular meetings of the National Security Council, or an alternative mechanism; accelerating technical and security planning for elections; and developing and implementing an achievable, time-bound and coordinated force-generation plan. The Council further reiterated its intention to assess the security support needed to prepare Somalia to take the lead in security by the end of 2021, and to take decisions on AMISOM’s reconfiguration. Such decisions would be based on information shared by the African Union, the Federal Government of Somalia and other partners, the implementation of the goals set out in the Mutual Accountability Framework and the outcomes of an independent assessment report. By other terms of the resolution, the Council underlined the need for a coordinated and cohesive approach to Somali-led political and security reforms. It called upon the authorities to ensure that all Somalis are protected from sexual and gender-based violence — including sexual exploitation and abuse and conflict-related sexual violence — and to take appropriate steps to investigate related allegations. Council members called upon the African Union to strengthen oversight and operational coordination among AMISOM contingents, and to ensure accountability on the part of all units. It also requested that the Secretary-General continue to provide a logistical support package on the basis of resolution 2245 (2015), increase support for 13,900 Somali security forces, and expand United Nations support to include training, equipment and mentorship in order to counter the threat of improvised explosive devices. Source: UNITED NATION
  20. (SLT-Washington)-Hore ayuu ugu hanjabey Donald Trump in Maraykanku xidhiidhka u jarayo hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO, haddii ayna isbeddel la’imaan. Laakiin habeenimadii Jimcaha, Madaxweyne Donald Trump wuxuu ugu dambeyntii go’aamiyay in Mareykanka uu jaray dhamaan xidhiidhkii uu la lahaa Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO. Waxay noqon kartaa god aad u weyn oo ka jeexmay akoonka ururka Caafimaadka Adduunka oo ay hadda u taalo in ay wax badan ka qabtaan cudurka safmareenka ah ee dunida ka dilaacay ee COVID-19. Waxay ku guuldaraysteen (WHO) in ay sameynta isbeddelada lagama maarmaanka ah. Sidaa darteed waxaan soo afjari doonaa xidhiidhka aan la leenahay WHO maanta, ayuu yidhi TRUMP. Wuxuu intaas ku daray in lacagta uu Mareykanku horay ugu deeqi jirey WHO ay hadda ku wareegi doonto hay’ado kale. Go’aanka Maraykanka waxaa sababey mowqifka Maraykanku uu ka qaatey doorka Shiinaha ee cudurka COVID-19 oo ay ku eedeeyeen in uu yahay mid lagu diyaariyey sheybaar ku yaala Wuhun, hay’adda WHO ayaa arrintaas diidey. Trum ayaa shirkiisi jaraa’id ku sheegay in hay’adda WHO ay maamusho dowladda Shiinaha. Mareykanku wuxuu bixiyaa $450 milyan sanadkasta taas oo ku dhacda Koontada WHO. Qayb ka mid ah lacagtani waa lacagta xubinnimada qaybta kalena waa tabaruc, arrintan ayaa noqoneysa culeys weyn oo hay’adda WHO la soo gudbaanaatey. Source
  21. Xarun boolis oo ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa dab la qabadsiiyay iyadoo dibadbaxyo rabshada wata ay ka socdaan magaladaasi habeenkii seddaxaad. Muddaaharaadayaasha ayaa ka careysan dilka ay boolis dileen nin madow oo aan hubeysnayn. Guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg xili ay magaaladaasi ka jirta bililiqo. Ciidamada Ilaalada Qaranka Mareykanka ayaa lagu daabulay magaalada Minneapolis iyagoo loogu baaqay iney soo celiyaan nidaamka iyo kala dambeyntii magaalada. George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay isgaoo oronaya ” Ma neefsan karo” waxaana markaasi luqunta jilibka kaga hayay nin cadaan oo boolis ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Qudus)-Saraakiisha sirdoonka Israa’iil ayaa Jimcihii gurigiisa oo ku yaalla Bariga Qudus ka xidhay imaamka weyn ee Masaajidka Al-Aqsa, Sheikh Ekrima Sabri. “Cutub ka mid ah sirdoonka Israa’iil ayaa weeraray guriga Sheikh Ekrima, waxayna ku wargeliyeen inuu xidhan yahay,” waxaa sidaas wakaaladda wararka ee Anadolu Agency u sheegay qof ka mid ah qoyska Imaamka. Qofkan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa intaas ku daray in imaamka loo kaxeeyey saldhigga booliska al-Qashla ee Galbeedka Qudus, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayey. Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay ciidamada Yahuudda u xidheen Sheikh Ekrima. Bishii January, mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa go’aansaday in Sheikh Ekrima ka mamnuucaan inuu galo Masaajidka Al-Aqsa, muddo afar bilood ah. Israa’iil ayaa qabsatay Bariga Qudus, oo Masjidka Al-Aqsa uu ku yaalla, intii lagu guda jiray dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-kii. Wixii markaas ka dambeeyey, Masaajidka ayaa mar walba ahaa mid Israa’iil ay sida ay doonto ay ka yeelato, iyada oo xidha xilliga ay doonto, kana mamnuucda ciddii ay doonto. Source
  23. (SLT-New York)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sare u sii qaaday weerarka afka ah ee uu la beegsanayo shirkada Twitter, isagoo sheegay in hadii sharciga u fasaxayo uu xidhayo shirkadaasi oo uu sheegay inay “Afka-heyso” taageerayaashiisa iyo dadka la fikirka ah. Trump ayaa toddobaadkan ka cadhooday kadib markii Shirkada Twitter ay bilowday in farriimaha BEENTA ah ee uu Trump twitter ku qoro ay raaciso lifaaq ama Link wata xog (Fact Check) dheeraad ah oo lagu beeninayo beenta uu faafiyo Madaxweynaha Maraykanka. Donald Trump oo shir jaraa’iid uu qabtay ku saxeexay sharci cusub ama dikareeto Madaxweyne oo uu sheegay in lagu xakameyn doono shirkadaha leh Shabakada Baraha-Bulshada, ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuuba gebi ahaan XIDHO shirkada Twitter. Trump ayaa yidhi “waxaan eegayaa in sharciga awood iisiinayo waxaana la tashanayaa Qareemadeyda…” Waa hanjabaadii ugu dambeysay oo uu Trump u dirayo shirkadaha iyo mulkiilayaasha Baraha Bulshada xili uu olole ugu jiro doorashada dhici doonta Bisha November oo uu ka cabsi qabo in lagaga guuleysto. Source
  24. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraar ka soo saaray xaalada Soomaaliya, waxaana ay walaac ka muujiyeen diyaar-garow la’aanta doorashooyinka Soomaaliya iyo sidoo kale wada shaqeyn la’aanta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaarkood. Golaha ammaanku wuxuu go’aamiyay in taageero dheeraad ah la siiyo ciidanka AMISOM muddo 9 bilood ah, si ay taageeraan amniga hoggaanka doorashooyinka iyo sidoo kale taageerada ciidanka Soomaaliya illaa 2021-ka Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay dowladda dhexe iyo maamullada iskaashi deg-deg ah si loo qabto doorasho lagu wada qanacsan-yahay. “Goluhu isagoo ku celcelinaya baahida degdegga ah ee loo qabo in la sameeyo iskaashi buuxa oo dhexmara Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, Goluhu wuxuu ugu yeeray labada dhinac inay horumar dheeri ah ka sameeyaan xilliga kala guurka, isagoo ku booriyay inay qaadaan tillaabo la taaban karo oo ay ku fulinayaan tallaabooyinka mudnaanta leh ee lagu qeexay Nidaamka La-xisaabtanka Wadaagga ee 2019-ka. Tallaabooyinka waxaa ka mid ah: gaaritaanka go’aan siyaasadeed oo loo wada dhan yahay oo ku saabsan wadaagidda awoodda iyo Kheyraadka; dib u soo celinta kulamadii caadiga ahaa ee Golaha Amniga Qaranka iyo dardargelinta qorsheynta farsamada iyo amniga ee doorashooyinka” Warka ka soo baxay golaha Ammaanka ee QM ayaa ku soo beegmaya xilli muddo fog aysan wax wadahadal ah yeelan Jubbaland, Puntland iyo dowladda dhexe. View the full article
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka beelaha Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Dalsan ayaa si adag uga hadlay falkii lagu laayey dhalinyaradii lagu xasuuqay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Imaamka ayaa ka dalbaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay dadajisyo baaritaanka ku aadan dhacdadaasi, si cadaaladda loo marsiiyo dadkii ka dambeeyey. Sidoo kale wuxuu tacsi u diray Ehellada, Qaraabadda iyo Umadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen raggii dhalinyarada ahaa ee lagu toogtay halkaasi. “Waxaa badatay baaris aan meeley ku dhamaatay la aqoon sidaad darteed waxaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka codsanayaa in la dadajiyo natiijada baartinaaka raggii dhalinyarada ahaa ee lagu laayey Gololey.“ ayuu yiri Imaamka. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda dhexe inay il gaar ah u yeelatao dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee lagu leynayo dadka wax-galka u ah bulshada. Falkaan oo ahaa mid argagax leh ayaa waxaa lagu eedeeyey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, inkastoo war ka soo baxay taliska Xoogga lagu beeniyey eedeyntaasi.