Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Duqa Degmada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan, ayaa warbixin dhammaystiran ka soo saaray, Khasaaraha ka dhashay Daadadkii Magaalada ku fatahay 27-April ee sannadkan 2020. Warbixinta ka soo baxday Xafiiska Duqa Degmada Qardho, ayaa lagu sheegay in Daadadkaas ay ku dhinteen sideed qof oo saddex kamid ah ay Carruur ahaayeen, islamarkaan ay ku bara-kaceen dad gaaraya 2600 oo Qoys. Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in Fatahaaddu saamaysay ilaa 5000 oo guri, kuwaas oo ay ku jiraan 750 guri oo ku dumay Daadadkaas, halka ay ku burbureen in ka badan 1020 xarumood oo Ganacsi. Sida warbixinta ku xusan, Khasaaraha guud ee ka dhashay Fatahaaddii Qardho, waxaa lagu qiyaasay 40 Miyan oo Dollar, waxaana ku jira ilaa 50 gaari oo ay Daadadkaasi qaadeen. Natiijada Qiimayntii lagu sameeyay Khasaaraha gaaray Magaalada Qardho, waxaa ka soo baxay saddex baahiyood oo aas’aasiya, kuwaas oo qaarkood ay deg deg yihiin sida Warbixinta lagu sheegay. Tan kowaad ayay Warbixintu ku sheegtay, in loo baahanyahay Dib-dhiska guryihii ku dumay Daadadka, halka baahida labaad ay tahay in la maal-geliyo Magaalada, si ay u soo kabato, maadaama %80 Dhaqaalihii Qardho uu ku burburay Fatahaaddii dhacday. Baahida saddexaad ayaa ah, in la sameeyo Qorshe Xal-waara oo Magaalada Qardho looga moosayo Daadadka, si aysan mar dambe u soo noq-noqon Musiibadii dhacday oo kale. Ugu dambeyntii, Duqa Degmada Qardho, wuxuu dalbaday Kaalmo Dhaqaale oo wax looga qabto Arrimaha kor ku xusan, inkastoo uusan cid iyo Hay’ad gaar u jeedin Baaqiisa. Hoos ka akhriso Warbixinta PUNTLAND POST The post Warbixin: Saddex Baahiyood oo ka dhashay Fatahaaddii Qardho appeared first on Puntland Post.
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka ciidamada Somaliland dhaq-dhaqaaqyo hor leh ay ka bilaabeen deegaanka Tukaraq oo ay muddo isku hordhiyaan ciidamada Puntland. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada Somaliland ay isku fidiyeen qeybo badan oo ka mid ah deegaankaasi, iyaga oo wata gaadiidka dagaalka. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay haatan wadaan dhaq-dhaqaaqyo aysan horey u samneyn jirin, sida ay soo wariyeen dadka aan la hadalnay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in markale dagaallo ay dib uga qarxaan halkaasi. Lama oga illaa iyo hadda waxaa ku soo beegay dhaq-dhaqaaqyadaan milatari, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Somaliland iyo Puntland ayaa marar badan ku dagaalamay aaga dhinac Tukaray, iyaga oo isku haya gacan ku heynta deegaankaasi.
  3. Wararka saaka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay halkaasi dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka wadaa, waxaana meel deegaanka u dhow fariisin ku leh ciidamada Puntland. Dad ku sugan degaanka Tukaraq ayaa soo sheegaya in ciidamada Somaliland ay saaka wadaan dhaq dhaqaaqyo aysan horay u samayn jirin islamarkaana ay isku fidiyeen fariisimo horleh oo ku yaalla degaankaas Tukaraq. Deegaan ayaa waxaa dhowr waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeyey Somaliland iyo Puntland oo qolo weliba ay sheegato deegaanka in iyado leedahay waxaana ka dhashay khaasare badan oo labada dhinaca mudadaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Kampala)-Boliska caasimadda dalka Uganda ee Kampala waxay sheegeen inay ku raad-joogaan Budhcad shalay dhac iyo jidh-dil u geystay Ganacsato Soomaali oo ka tirsan Hawl-wadeenadda Shirkadda Sarrifka Lacagaha Qalaad ee Amal Hawala ee ku taalla Xaafadda Kisenyi Parishee magaalada Kampala. Koox hubeysan oo tiradooda dhan tahay 10 qof oo wejiga soo hagoogtay ayaa la sheegay inay dhacaasi geysteen, sida ay sheegeen Boliska dalkaasi. Ganacsatada Soomaalida ee la dhacay ayaa kala ahaa: Maareeyihii Shirkadda Sarrifka Lacagaha Qalaad ee Amal Hawala, CabdiFatal Axmed, Ku-xigeenkiisa oo lagu magacaabo Axmed Xasan iyo Lacag-hayihii ama Khasnigii Shirkadda, Issmaaciil Maxamed. Dableyda waxay weerareen Axmed Xasan oo isagu gacanta ku watay Bac ay lacag ka buuxdo, waxayna xoog kaga qaadeen Bacdii oo la sheegay inay ku jirtay lacag dhan 300 million oo Shillinka Uganda. Dableyda waxay Ganacsadaha jug xooggan kaga dhufteen Madaxa, taasi oo keentay inuu xaallad Miyir-beel ama Koma’ ah galo oo uu dhulka ku dhaco. Weerarkaasi ayaa waxa uu Xilli Duhurnimo ah maalintii Salaasadii ee la soo dhaafay ka dhacay meel ku dhow dhismaha Bangiga Stanbic Bank ee Faraciisa Nakibuba oo ku yaalla Faras-magaalaha Kampala. Warbaahinta dalkaasi waxay sheegeen in Kaaliyaha Maareeyaha Shirkadda Sarrifka Lacagaha Qalaad ee Amal Forex ee magaalada Kampala, Axmed Xasan iyo Lacag-hayaha Shirkaddaasi, Ismaaciil Maxamed dhacaasi xooggan loo geystay, xilli ay 380 million oo Shillinka Uganda ka soo qaateen Bangiga Diamond Trust Bank faraciisa Rugta Ganacsiga ee Moolka Ekwatooriyaal. Hawl-wadeenada la dhacay waxaa la sheegay inay wateen Gaadhi Toyota Wish waxay u sii gudbeen Bangiga Stanbic Bank oo ay Debaaji ahaan u dhigteen 80 million oo Shillinka Uganda, balse, waxaa la dhacay xilli ay u sii lugeynayeen goobta ay gaadhigooda dhigteen. Dhinaca kale, Ku-xigeenka Afhayeenka Boliska Kampala, Luke Owoyesigyire waxa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah Budhcadii dhaca u geysatay Ganacsatada Soomaalida, balse, ay sii daayeen markii lagu waayey fal ku aadan inuu ka mid ahaa Kooxdii dhaca u geysatay Ganacsatada Soomaalida. Waxa uu intaasi ku daray inay suurto-gal tahay inay Budhcadda ka soo raaceen Ganacsatada xaafadda Kisenyi, lana socdeen ilaa ay Bangiga ka soo qaadayeen Lacagahaasi. Kamerooyinka Qarsoon ee CCTV ee ku rakibnaa Deegaanka lagu dhacay Ganacsatada waxaa laga arkay Dabley wejiga u daboolan, kuwaasi oo aan si fiican loo aqoonsan karin wejigooda aan qarsoonaa, marka laga reebo sankooda iyo indhahooda. Mid ka mid ah Baadhayaasha Booliska waxa uu sheegay in ayna Dembiilaha ka aqoonsan karin Wejiga ama Sanka oo keliya. Si kastaba ha ahaatee, Dhacdadan loo geystay Hawlwadeenada Soomaalida ee ka tirsan Shirkadda Sarrifka Lacagaha Qalaad ee Amal Forex waxay ku soo beegantay maalmo kadib, markii uu Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Kaguta Museveni kula taliyey Ganacsatada inay kireystaan Shirkadaha Ammaanka marka ay doonayaan inay qaadaan lacag aad u badan, balse, Fariintiisa dheg jalaq looma siinin. Sannadkii la soo dhaafay ee 2019-ka, dalka Uganda waxaa la diiwaan geliyey 426 Kiisaska dhaca hubeysan ee Lacagaha Kaashka, oo lagu dhacay lacag dhan 3.2 Billion oo Shillinka Uganda ah. Source
  5. (SLT-Khartoum)-Guddoomiye ku xigeenka Golaha Madaxbanaanida Suudaan Sareeye Gaas Maxamed Xamdan, oo loo yaqaani Ximadati Dagalo ayaa shaaca ka qaaday qorshe qarsoodi ah oo ay Qatar la damacsaneyd wadankiisa, kaasi oo ay hoggaanka millatarigu ay ka hortageen. “Qatar waxaa ay hogaamineysay qorshe qarsoodi ah oo ka dhan ah Golaha kala Guurka Millatariga ee la sameeyay markii xilka laga tuuray Cumar Al-Bashiir, waxay wasiirkeeda arrimaha dibadda u dirtay Sudan, iyadoon ogeysiin hoggaankii ku sugnaa Khartuum,” ayuu yidhi Ximadati. Ximadti, oo sidoo kale taliye u ah Ciidanka Gurmadka deg-degga ah ee Sudan, ayaa shaaciyay Golaha millatarigu uu diiday in ay la kulmaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Maxamed bin Cabdulraxmaan Al-Thani sababtoo ah lama ogeysiin booqashadiisa. “Waan la yaabnay markii April 2019 naloo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar uu Sudan usoo socdo,” ayuu yidhi. “Muddo waan la yaabaneyn dhaqanka Doxa. Kadib waxaan go’aan deg-deg ah ku gaadhnay in aanan la kulmin wasiirka Qatar diyaaradiisii in ay soo degtana waan diidnay,” ayuu Ximadti ku sheegay wareysi uu siiyay Sudan 24 TV. Xamidati waxaa uu adkeeyay in “xidhiidhka Sudan ay dunida la leedahay uu ku saleysanyahay danaha guud balse ayna dooneyn inay xulufo la noqoto cidna.” Waxaa uu ku tilmaamay qorshihii Qatar in uu ahaa “shirqool xaasidnimo ah” kaasi oo loogu talogalay in lagu kala qaybiyo hoggaanka iyo xubnaha Golaha Millatariga. Waxaa uu sheegay in jaho wareer ay abuureen kuwo ka tirsanaa rajiimkii hore kuwaas oo sheegay in ay madaxweynihii golaha militariga ah General Abdel Fattah al-Burhan la ogeysiiyay booqashada. “Xilligaas Burhaan waxaa uu ii xaqiijiyay in aan la ogeysiin booqashadda waxaana uu nagu raacay in aan lasoo dhaweyn wasiirka Qatar,” ayuu Xamidati hadalkiisa ku daray. Waxaa uu yidhi “dhibaato kuma qabno Qatar. Nalagama doonayo in aan wadanna tuurno, balse taas badelkeeda waa in aan dana loo dhanyahay dhisno.” Qorshaha Wasiirka arimaha dibadda Qatar ku booqanayey Khartuum waxa uu yimid maalmo kadib markii Golaha Militarigu ay eryeen Madaxweynihii hore ee Cumar Xasan Al Bashiir kadib dibad baxyo muddo socday, kuwaas oo soo gebo-gabeeyey 30 sanno oo uu waddanka maamulayay. Xukuumadda Doxa oo xidhiidh dhow la lahayd maamulkii hore ee Sudan, ayaa sidoo kale taageerta kooxaha Islaamiyiinta ah ee Sudan. Bishii April sanadkii 2019, Golaha ku Meel-gaarka ah ee Militariga ayaa beeniyay wararkii ku saabsanaa booqashada, laakiin hadalka uu dhowaan sheegay gudoomiye ku xigeenka Golaha Madaxbanaanida Sudan ayaa xaqiijiyay in booqashadu jirtay. Hadda wax xidhiidh ah kama dhaxeeyo Sudan iyo Qatar, Dowladda Sudan ayaana Qatar ku eedeysa in ay ka shaqayneyso xasilooni darrada wadanka iyadoo taageereysa Ikhwaanul Muslimiin-ka. Source
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta u warramayey ayaa ka fal-celiyey hadalkii guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, Faysal Cali Waraabe, kaas oo ahaa in Baashe iyo Axmed Karaash ay culeys weyn ku hayaan maamullada Somaliland iyo Puntland. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aan loo dul-qaadab karin hadalkaasi, wuxuuna tilmaamay in uu ka muuqdo nacayb iyo qabyaalad, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay dambi qaran tahay in qof ah guddoomiye xisbi inuu ka shaqeeyo isku dirka yo kala fogaynta beelaha Somaliland. Waxa kale oo uu guddoomiyuhu hoosta ka xariiqay in guddoomiyaha xisbiga UCID uu si gaar ah u neceb yahay beelaha Harti iyo Daarood oo ka mid ah beelaha Somaliland. “Faysal waan ku ogaa inuu neceb yahay beelaha Harti iyo Daarood, sababta uu u neceb yahayna waxay tahay wuxuu ku qarinayaa dhibaatadii uu Xamar ka sameeyay iyo dhibkii uu u geystay beelaha Soomaaliland degan,” ayuu yiri guddoomiye Baashe Maxamed. Ugu dambeyn guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland ayaa xusay in Faysal Cali Waraabe hadalka xanafta leh uu ka keenay, kadib markii uu ka carooday inuu saxiixay xisbigiisa iyo xisbiyada kale in 50% laga gooyo lacagihii uu maamulku siin jiray, si loogu gaabo xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo dadka uu soo ritay cudurka Covid-19.
  7. (SLT-Florida)-Waxaa weli dalka maraykana kusii fidiya Banaanbaxyo ay wadaan dadka kasoo horjeeda dilkii loo gaystay ninkii madawga ahaa ee lagu magacaabi jiray George Floyd ay u gaystaan ciidanka ka tirsan Booliska Minneapolis oo cadaan ah. Dawlada Maraykanka ayaa soo rogtay awaamiir la xidhiidha bandaw balse banaanbaxayaasha ayaa midaas aan u joojin iyagoo sii watay mudaharaadkooda, in badan oo ka mid ah ayaa ku dhawaaqay erayo ay kaga hadlayaan dhibta lagu hayo dadka madawgga ah. Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in arinkani ay tahay musiibo, sidoo kale waxaa xabsiga la dhigay ninkii ka dilay Floyd, mudaharaadyadda ayaa sii fiday waxayna gaadheen Dalalka Canada, Britain iyo wadamo kale. Source
  8. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu Maanta la kulmo isimada dhex-dhexaadinaya isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan si loo xalliyo khilaafka ku salaysan Awoodaha Dastuuriga ah ee u dhexeeya labada mas’uul. Isimada iyo Madaxweyne Deni oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamanka ayaa Duhurnimada Maanta isku wareysan doona Kulan Qado ah kaasi oo Madaxweynaha looga fadhiyo in uu kaga xog-waramo Arrimaha dhaliyay Khilaafka isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka si loo dhex-dhexaadiyo. Isimada iyo Gudoonka Baarlamanka ayaa Sabtidii la kulmay Madaxweyne ku xigeen Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash waxaana ay ka wareysteen Arrimaha ay isku maan-dhaafsan yihiin isaga iyo Madaxweyne Deni. Waxaase jirtay in laba jeer oo Isimadu doonayeen in ay la kulmaan Madaxweyne Deni ay suurta-geli wayday islamarkaana Maanta oo Isniin ah Madaxweynuhu ballan-qaaday in uu la kulmi doono Isimada iyo Guddoonka Baarlamanka si Madaxweynaha markiisa loo dhegaysto. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay dhex-dhexaadinta Deni iyo Karaash appeared first on Puntland Post.
  9. Waxaa saakay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya wiil dhaliyaro ah ay ku dileen suuqa Siinaay kaas oo lagu magaacaabi jiray Maxamed Abuukar Tuuryare. Wararka goobta laga helayo ayaa sheegayo ciidamada ay marxuumaka toogteen ka dib markii la sheegay in ay ka shakiyeen sida ay ku andacoodeen waxaana jiray muran dhex maray. Ciidamda dowladda oo goobta soo gaaray ayaa ka qaaday meydka marxuumka manajiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammanka oo ku aadan dilka loo geystay wiilka dhaliyarada ah. Dhalinyada gobolka Banaadir ayaa inta badan kala kulama dilal kala duwan ciidama dowladda federaalka iyadoo inta badan ciidamadu ku andakoodaan in ay ka shakiyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Cabdi Axmed Yuusuf ayaa walaac xoogan ka muujiyey amniga wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. Cabdi Axmed oo wareysi siiyey Shabelle ayaa qiray in ka maamul ahaan aysan waxba ka qaban karin amniga wadadaasi, isaga oo DF ka dalbaday taageero amni. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhibaatooyinka ugu badan wadadaasi ay kala kulmaan dadka shacabka ee ku safraya jidka xiriiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Shalay aye aheyd markii deegaanka Xaawa Cabdi miino ay kula kacday gaari rakaab ah oo ay la socdeen dad rayid ah, kaas oo geystay khasaare oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. View the full article
  11. Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka jawaabay hadal dhowaan ka soo yeeray guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in laga wanaagsanaa Faysal inuu sidaas ku hadlo maadaama uu yahay guddoomiye Xisbi loona baahan yahay inuu dhowro xasaanadda, isaga oo ku eedeeyey inuu colaad ka dhex hurinaayo beelaha dega deegaannada Somaliland sida uu sheegay guddoomiye Baashe. “ Faysal maahan qof caadi ah oo suuqa jooga waa guddoomiye xisbi oo xisbi qaranka uu leeyahay ayuu joogaa, hadallada uu ku hadlay hadallo kuwo loo dulqaadan karo maaheyn hadal anshaxa ka baxsan ayuu ahaa hadallo gaf ayuu ahaa, aniga shaqsi ahaan waxaa uu iga sheegayo wax kama qabin anigu kursi ayaan fadhiyaa siyaasad ninkii gaaa xaq ayuu u leeyahay in la maago” Guddomiye Baashe ayaa dhanka kale xusay in guddoomiye Faysal aysan waxba ka galin khilaafka ka dhaxeeyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Cabdi Cismaan Karaash khilaafkaasna uu yahay khilaaf Puntland. “ Puntland waxaa isku heysta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka waa wax iyaga ka dhaxeeya wax isaga ugu jira dhex galkiisa majiraan lakiin fidno ayuu rabay inuu meeshaas dhex dhigo hadalkiisana waad maqleyseen uu yiri” soo eri madaxana ka goy” sida ilmo yar oo u shaqeeya nin dhan oo guddoomiye xisbiya inuu arrintaas ku hadlo waa dambi qaran” ayuu yiri guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax . Googjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee ka jira dalka ayaa dacwad quseysa sharciga doorashooyinka oo ay meel-mariyeey xiildhibaanada labada aqal, sidoo kalena uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) maxkamadda sare ee dalka. Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan golaha shacabka ee BFS, sidoo kalena ka mid ah hoggaanada xisbiyada mucaaradka ee dalka ka jira ayaa warbaahinta u sheegtay in dacwad la xiriirta sharcigaasi ay u gudbiyeen maxkamadda sare ee dalka. Fowsiya oo mar soo noqotay Ra’iisul wasaare ku xigeen xillihii dowladdii, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku dhufatay in qodobada qaar ee sharciga doorashooyinka qaranka ay ka soo horjeedaan dastuurka iyo shuruucda dalka, sida ay hadalka u dhigtay. “Maxkamadda sare ee dalka waxa aan geynayay dacwad ka dhan ah sharciga doorashooyinka dalka oo uu ansixiyay BFS, markii dambana uu saxiixay Madaxweynaha, waxa aan u aragnaa in uusan sharci ahayn oo uu kahor imaanayo Dastuurka dalka, xuquuqda muwaadinka iyo hab qaybsiga beelaha” ayey tiri Xildhibaan Fowsiya Yuusuf. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in lagu deg-degay ansixintiisa, islamarkaana looga faa’iideystay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dano gaar ah laga leeyahay. Ugu dambeyn Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa xustay inay muhiim tahay in la ilaaliyo dastuurka KMG ah ee heshiiska lagu yahay inta laga dhameystirayo. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan diyaar-garow loogu jiro qabsoomida doorashooyinka 2020/2021-ka oo walaac ay ka muujinayaan xubnaha mucaaradka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Xildhibaan-Fowsiya.mp3
  13. Somali community, being both Muslim and Black, plays unique role within protest movement Source: Hiiraan Online
  14. Mas’uuliyiin ka socota wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiiyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug iyo magaalada Afmadow ee Jubaland si sare loogu qaado dadaallada la tacaalidda xanuunka COVID-19. Qalabka caafimaad ee la geeyay magaalada Gaalkacyo oo lagu wareejiyay mas’uuliyiin ka socota Puntiland iyo Galmudug, ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda federaalku ay waddo ee kahor tagga iyo xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona ee dhibaatada badan ku haya. Dad ku nool magaalada Gaalkacyo labadeeda dhinac ayaa laga soo qaaday dhacaanno shaybaarka qaranka lagu marsiiyo baaritaan dhanka COVID19 ah. Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo dhaqaatiirta safka hore uga jira la tacaalidda xanuunka COVID19 ayaa sidoo kale tababar siiyay dhaqaatiirta ka shaqeynaya kahor tagga Feyruska Karoona ee sugan magaalada labadeeda dhinac ee Galmudug iyo Puntiland. Sidoo kale mas’uuliyiin kale oo ka socda wasaaradda caafimaadka oo qalab iyo dawo geeyay magaalada Afmadow ee dowlad gobaleedka Juballand ayaa dhacaanno ka soo qaaday qaar kamid ah bulshada ku nool magaalada si iyana baaritaanno loogu marsiiyo Sheybaarka Qaranka. Mas’uuliyiinta lagu wareejiyay qalabka caafimaad ee lagula tacaalayo COVID19 ayaa dowladda federaalka uga mahad celiyay dawada iyo qalabka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta Feyruska Karoona. Howl-wadeennada farsamo ee magaalooyinka dalka geeyay taageerada xukuumaddu ku xoojineysay awoodda xakameynta Feyruska Karoona ayaa sidoo kale socdaalkoodu salka ku hayay inay Qiimeyn ku sameeyaan xaaladda guud iyo xarumaha loo qorsheeyay in dadka lagula tacaalo, si loo ogaado baahida jirta, looguna qorsheeyo taageerada dheeraadka ah ee ay u baahanyihiin. View the full article
  15. Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka mid ah BF Soomaaliya ayaa dhaliilay in markale sanadkaan 2020-ka wax lagu soo doorto habka qabaa’ilka ee 4.5, kadib markii 7 xubnood oo Aqalka Sare laga siiyey G/Banaadir la sheegay in lagu soo xuli doono nidaamkaasi. Idiris oo si weyn uga horyimid arrintaasi ayaa ayaa sheegay inay ka dhalan karo caqabad dhinaca sharciga ah. Sidoo kale xildhibaanka ayaa xusay in tirada xildhibaanada labada Aqal ay ku cad-yihiin dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Cod-sakariye-.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Subax-01062020.mp3 View the full article
  17. Somalia will push ahead with plans to hold presidential and parliamentary elections in early 2021, removing doubt that it will delay the vote because of the spread of Covid-19. Source: Hiiraan Online
  18. MINNEAPOLIS (AP) — Democratic Rep. Ilhan Omar's metamorphosis from refugee to the first Somali-American in Congress has been well-documented. Now, Omar is out with a new memoir that offers her own spin on her path to prominence, starting with her childhood in Mogadishu. “This is What America Looks Like: My Journey from Refugee to Congresswoman,” set for release Tuesday, offers no revelations on some of the controversies that have dogged Omar. Instead, it sketches rugged years that Omar says made her a fearless fighter, unafraid to skirmish with President Donald Trump and her frequent conservative critics. Source: Hiiraan Online
  19. The head of the African Union Mission in Somalia (Amisom) is fighting off allegations of corruption, mismanagement, harassment and political interference. Source: Hiiraan Online
  20. Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay halkaasi dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka wadaa saaka oo Isniin ah. Dad ku sugan degaanka Tukaraq ayaa soo sheegaya in ciidamada Somaliland ay saaka wadaan dhaq dhaqaaqyo aysan horay u samayn jirin islamarkaana ay isku fidiyeen fariisimo horleh oo ku yaalla degaankaas. Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in ciidamada Somaliland ay kala beddeleen hubka iyo gaadiidka dagaalka ee yaalla fariisimaha jiidda Tukaraq inkastoo aan la ogayn sababta keentay dhaqdhaqaaqyadaas. Puntland iyo Somaliland ayaa horay marar kala duwan ku dagaallamay degaanka Tukaraq balse muddooyinkii u dambeeyay waxaa labada dhinac ka dhexeeyay xiriir wanaagsan oo ku salaysan wada- shaqaynta dhinaca Amniga. PUNTLAND POST The post Somaliland oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadda degaanka Tukaraq appeared first on Puntland Post.
  21. So we've been hearing how the nation is pulsing with anger with demands for racial justice. Some of that anger has translated into literal fire. And for some small business owners, that means their establishment is a casualty of the unrest. NPR's Leila Fadel followed one Minneapolis family and sent this story. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay wiil dhalinyaro ahaa ay ku dileen suuqa ganacsiga Siinaay ee ku yaalla bartamaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Narxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Abuukar Tuuryare, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo ku sugnaa isgoyska Siinaay iyo wiilka dhalinyarada ah uu soo kala dhex-galay muran, kadib markii la sheegay inay ka shakiyeen, iyadoo muran kadibna ay toogteen Allaha u naxariistee Marxuum Tuuryare. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka agdhawaa goobta uu dilku ka dhacay, iyadoona markii dambe meydka laga qaaday halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo laamaha amniga ay ka bixiyeen dhacdadaasi, mana cada in gacanta lagu dhigay askartii ka dambeysay falkaasi. Inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa geysta dilal ka dhan ah dadka shacabka ah, iyadoo aysan jirin cid wax iska weydiisa dhibaatooyinkaasi.
  23. Save the Children assessments of over 3000 people find stigmatisation of COVID-19 risks hindering efforts to slow the spread of the virus Source: Hiiraan Online
  24. DUBAI (Reuters) - Dubai could see a recession of around 5.5% in 2020 as it faces about $10 billion (8.1 billion pounds) in debt maturities this year while revenues are expected to drop in line with the pattern of the 2009 crisis, Bank of America (BAC.N) said in a research note. Source: Hiiraan Online
  25. A pair of rioters in Minneapolis demanded the release of Mohamed Noor, a Somali-American former police officer who shot and killed a white female in 2017 after she called for help. Source: Hiiraan Online