-
Content Count
212,235 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Protesters took to the streets in cities across the United States for a sixth night Sunday to vent their anger over the death of George Floyd and call for change, raising the prospect of renewed confrontations with police seeking to enforce overnight curfews. Source: Hiiraan Online
-
The UN Security Council on Friday adopted resolutions to renew the mandates of peacekeeping or political missions in Somalia, Iraq and Sudan's Darfur and to extend sanctions against South Sudan. Source: Hiiraan Online
-
Khartoum (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka Golaha Madaxbanaanida Suudaan Sareeye Gaas Maxamed Xamdan, oo loo yaqaani Ximadati Dagalo ayaa shaaca ka qaaday qorshe qarsoodi ah oo ay Qatar la damacsaneyd wadankiisa, kaasi oo ay hoggaanka militarigu ay ka hortageen. “Qatar waxaa ay hogaamineysay qorshe qarsoodi ah oo ka dhan ah Golaha kala Guurka Militariga ee la sameeyay markii xilka laga tuuray Cumar Al-Bashiir, waxay wasiirkeeda arrimaha dibadda u dirtay Sudan, iyadoon ogeysiin hoggaankii ku sugnaa Khartuum,” ayuu yiri Ximadati. Ximadti, oo sidoo kale taliye u ah Ciidanka Gurmadka deg-degga ah ee Sudan, ayaa shaaciyay Golaha militarigu uu diiday in ay la kulmaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Maxamed bin Cabdulraxmaan Al-Thani sababtoo ah lama ogeysiin booqashadiisa. “Waan la yaabnay markii April 2019 naloo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar uu Sudan usoo socdo,” ayuu yiri. “Muddo waan la yaabaneyn dhaqanka Doxa. Kadib waxaan go’aan deg-deg ah ku gaarnay in aanan la kulmin wasiirka Qatar diyaaradiisii in ay soo degtana waan diidnay,” ayuu Ximadti ku sheegay wareysi uu siiyay Sudan 24 TV. Xamidati waxaa uu adkeeyay in “xiriirka Sudan ay dunida la leedahay uu ku saleysanyahay danaha guud balse aysan dooneyn in ay xulufo la noqoto cidna.” Waxaa uu ku tilmaamay qorshihii Qatar in uu ahaa “shirqool xaasidnimo ah” kaasi oo loogu talogalay in lagu kala qaybiyo hoggaanka iyo xubnaha Golaha Militariga. Waxaa uu sheegay in jaho wareer ay abuureen kuwo ka tirsanaa rajiimkii hore kuwaas oo sheegay in ay madaxweynihii golaha militariga ah General Abdel Fattah al-Burhan la ogeysiiyay booqashada. “Xilligaas Burhaan waxaa uu ii xaqiijiyay in aan la ogeysiin booqashadda waxaana uu nagu raacay in aan lasoo dhaweyn wasiirka Qatar,” ayuu Xamidati hadalkiisa ku daray. Waxaa uu yiri “dhibaato kuma qabno Qatar. Nalagama doonayo in aan wadanna tuurno, balse taas badelkeeda waa in aan dana loo dhanyahay dhisno.” Qorshaha Wasiirka arimaha dibadda Qatar ku booqanayey Khartuum waxa uu yimid maalmo kadib markii Golaha Militarigu ay eryeen Madaxweynihii hore ee Cumar Xasan Al Bashiir kadib dibad baxyo muddo socday, kuwaas oo soo gebo-gabeeyey 30 sano oo uu waddanka maamulayay. Xukuumadda Doxa oo xiriir dhow la lahayd maamulkii hore ee Sudan, ayaa sidoo kale taageerta kooxaha Islaamiyiinta ah ee Sudan. Bishii April sanadkii 2019, Golaha ku Meel-gaarka ah ee Militariga ayaa beeniyay wararkii ku saabsanaa booqashada, laakiin hadalka uu dhowaan sheegay gudoomiye ku xigeenka Golaha Madaxbanaanida Sudan ayaa xaqiijiyay in booqashadu jirtay. Hadda wax xiriir ah kama dhaxeeyo Sudan iyo Qatar, Dowladda Sudan ayaana Qatar ku eedeysa in ay ka shaqayneyso xasilooni darrada wadanka iyadoo taageereysa Ikhwaanul Muslimiin-ka.
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Rabashadaha ka socda Mareykanka ayaa galay habeenkii lixaad, kuwaas oo ka dhashay dilka George Floyd, oo ahaa nin madow ah oo ku dhintay gacanta askari caddaan ah oo ka tirsanaa booliska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Dibad-baxyada oo si nabdoon uga billowday magaalooyinka mataanaha (Twin Cities) ee Minneapolis iyo St.Paul ayaa isku beddelay rabshado ayada oo ay isku dhaceen booliska iyo dibad-baxayaasha, kuwaas oo kusii faafay magaalooyin badan oo ka mid ah dalka. Saraha qaarkood ayaa la gubay, waxaana la bililiqeystay dukaamada qaar, taas oo horseedday in lasoo kiciyo ciidamada militariga ee loo yaqaan National Guard. Booliska ayaa ku dhowaad 3,000 oo qof ku xiray in ka badan 20 magaalo oo ku yaalla Mareykanka, waxaana dadka badankood ama 25% lagu xiray magaalada Los Angeles. Eedeymahda dadka loo haysto waxaa ka mid ah inay jebiyeen Bandow lasoo rogay, burcadnimo iyo waxyeeleyn hanti. Gobolka Arizona ayaa soo rogay bandow saameynaya guud ahaan gobolka, sida uu ku dhowaaqay barsaab Doug Ducey, si la mid ah magaaloyin badan. 26 gobol iyo caasimadda Washington ayaa laga howlgeliyey ciidamada militariga ee National Guard. Xeer-ilaaliye Benjamin Crump oo matalaya qoyska George Floyd ayaa Axaddii cambaareeyey ficillada rabashadda leh ee dibad-baxayaaha qaar, hase yeeshee wuxuu yiri “Dadka xukunka haya waa inay ogaadaan in dabkan aysan shidin dibad-baxayaasha balse ay huriyeen booliska arxanka darran, waxa kaliya ee damin karana waa la xisaabtanka booliska iyo caddaalad loo siman yahay.” Qaar ka mid ah xulufada madaxweyne Trump ayaa ku boorinaya inuu qaranka kala hadlo xiisadda sii kordheysa. Ninka Trump kula loolamaya madaxweynenimada ee Joe Biden, ayaa soo saaray qoraal uu ku taageerayo dibad-baxayaasha, balse wuxuu cambaareeyey ficillada rabshadaha wata. Saraakiil xilal horey usoo qabtay iyo kuwa hadda haya ayaa sidoo kale ka digaya in dibad-baxyada ay horseedi karaaan mowjado cusub oo fiditaanka cudurka coronavirus ah. Hoos ka daawo sawirradii ugu dambeeyey ee rabshadaha
-
Sida Awoodda Turkigu u bedeshay dagaalka Libya, una bah-dishay Imaaraadka Carabta, Ruushka iyo Masar? Awooda cirka ayaa door muhiim ah ka cayaartay colaadda Libya. Dhulka lama degaanka baahsan ee waqooyiga iyo xeebta waxaa uu ka dhiganyahay in ciidanka dhulka meesha ay joogaan si fudud lagu ogaan karo, meelo lagu dhuntana waa ay ku yartahay. Ciidanka Cirka ee Dowladda caalamku aqoonsanyahay iyo ciidamada Khaliifa Xaftar, labadooduba waxay isticmaalayaan diyaarado hore eoo Faransiiska iyo Midowgii Soofiyeeti sameeyeen. Inkatoo inta badan dagaaladda loo adeegsanayay diyaaradaha duuliyaha leh, hadana meelaha qaar waxaa ka dagaalamayay diyaarado aan duuliye lahayn. Ku dhawaad 1000 duqaymood ayey fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida uu sheegay wakiilka gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Libya Ghassan Salame, waxaana uu ku tilmaamay “dagaalkii ugu weynaa dunida ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.” Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn dhowr sababood ayey muhiim u yihiin. Keliya mahan in ay xogta muhiimka ah ee cadowga meel fog ka arki karaan, laakiin waxay sidoo kale awoodaan in ay deg-deg u weeraraan bartilmaameedyo walba oo ay u dhowdahay in ay ku guuleystaan. Hadii xitaa diyaaradda lasoo rido, duuliyuhu waa uu badbaaday, waxaana uu awoodaa in uu diyaaradda kale duuliyo, isagoo dhulka jooga. Guushii hore ee ciidamada dowladda Markii Libya la geeyay diyaaradaha Shiinuhu sameeyay ee Wing Loong sanadkii 2016 waxay wax ka bedeleen awoodda ciidanka khaliifa Xaftar. Markii u horreysay waxaa loo adeegsaday dagaalkii Derna ee bariga Libya. Diyaaradaas Shiinaha oo ay howlgelinayeen duuliyeyaal u dhashay Isutagga Imaaraadka Carabta waxay ka duuleen garoonka diyaradaha Al-Khadim waxayna weerari kareen 1,500km taas oo micnaheedu yahay in ay gantaalada iyo bambooyinka gaarsiin karaan meel walba oo wadanka ah. Diyaaradahaas waxaa loo adeegsaday in ay saameyn adag ku yeeshaan dagaalka Tripoli, halkaas oo Khaliifa Xaftar uu bishii April 2019 ku dhawaaqay in uu ka qabsanayo Dowladda Qaramadda Midoobay taageerto. Ciidanka Dowladda dib ayaa loo riixay, caasimadda waxaa go’doomiyay xoogagga Khalifa Xaftar. Markii laga hadlo duqaymaha cirka, geerida shacabku waa ay korortay iyadoo la bartilmaameedsanayay meelaha magaalooyinka ah. Waxaa jiray shaki ah in Dowladda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Fayez al-Serraj ay sii taagnaan karto, iyadoo ay taageerayeen Qatar iyo Talyaaniga. Faro-gelintii Turkiga Dhamaan arrimahaas waxaa ay is bedeleen bishii December 2019-kii markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku dhawaaqay in Turkigu uu taagero militari siinayo Dowladda uu hogaamiyo Al-Serraj. Erdogan waxaa uu Libya u diray Ciidan militari ah oo wata diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee magacoodu yahay Bayraktar. Waa diyaarado ka yar kana riddo gaaban kuwa Shiinuhu sameeyay ee Wing Loong. Hase yeeshee, Bayraktar waxaa ay weli awood u leeyihiin in ay weeraraan islamarkaana bur-buriyaan bartilmaameedyada dhulka ee ciidamada Khaliifa Xaftar. Ciidanka Dowladdu hadda waxaa ay horumar ku sameynayaan diyaraaradahaas, taliyeyaashooduna waxay yaqaanaan meesha uu cadowgu joogu. Waxaa sidoo kale ciidanka iskumar layimid gantaaladda Hawk iyo hubka kale ee difaaca hawada. Garoonka magaaladda Tripoli ee Matiga hadda si cadi ah ayuu u shaqayn karaa cabsi la’aan. Natiijadu deg-deg ayey noqotay markii Ciidanka Dowladdu ay dagaal iyo duqaymo biriq ah adeegsadeen, kuwaas oo ay kula wareegeen magaalooyinka Surman, Sabratah, Al-Ajaylat iyo magaalo-xeebeedka Al-Assah. Waxaa ku xigay weerarro isdaba joog ah oo ku wajahan garoonka cirka ee Al-Watiya ee ciidanka Xaftar ay u isticmaalaan saldhigga ugu weyn ee howlgaladda. Saldhigii waxaa ugu dambeyntii la qabsaday 18-kii May, waxaana ay dharbaaxo ku ahayd damacii Xaftar ee galbeedka Libya, keliya saldhig uma ahayn waxay sidoo kale u ahayd xarumta saadka iyo saanadda. Ciidanka Khaliifa Xaftar, waxaa lagu qasbay in ay dib u gurtaan, waxaana fashilmay habka difaaca cirka ee Ruushku sameeyay, balse ay soo iibiyeen Imaaraadku ee Pantsir S-1. Warbaahinta ayaa wariyay in duqaymaha adag ee diyaaradaha Turkiga Bayraktar ay waxyeelo gaarsiiyeen radar-ka Pantsir. Horumarro ay ciidanka Dowladdu ka sameeyeen koofurta iyo bariga waxay lumiyeen damacii Xaftar ee ahaa in uu caasimadda qabsado, iyadoo ciidankii daacadda u ahaana lagu qasbay in ay dib u gurtaan. Boqolaal calooshood u shaqaysteyaal ah oo ka yimid militari-ga Ruushka ayaa laga daad gureeyay garoonka Bani Walid ee diyaarada, kadib guul-darrooyinkii Khalifa Xaftar. Awoodda dhanka cirka ah ee Turkiga ay ku taageereen dowladda Libya, iyo ciidamo laga keenay Syria, ayaa wax weyn ka beddelay xaaladda dagaalka Libya, islamarkaana hakiyey isku day socday 14 bilood oo Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya. Libya waxay leedahay rajo dowladnimo oo ka madax-banaan Khaliifa Xaftar iyo dalalka taageeraya Ruushka, Masar iyo Imaaraadka Carabta, waxaana taas looga mahad-celinayaa awoodda cirka ee Turkiga. Qaran News
-
Dhugo Farxadda Masaajidada Coronavirus-ku xidhay ee dib loo furay+Sawirro Barxadda Masjid Al-Aqsaa Masaajidada ugu magaca weyn ee barakaysan ayaa dib loo furay laba bilood iyo dheeraad ay u xidhnaayeen fayraska korona awgii, waxaana haatan la fasaxay in dadku ku cibaadaystaan iyadoo la raacayo xeerar adag. Boqolaal Muslimiin ah ayaa saf u galay masaajidka Al-Aqsaa ee Quddus ku yaal, waa masaajidka saddexaad ee ugu xurmada badan diinta Islaamka, oo ay ku tukadeen salaaddii subax ee Axaddii. Dadka qaarkood ayaa ku dhawaaqayey “Allaahu Akbar” halka kuwo kalena ay iyagoo qiiraysan dhulka dhunkaneyeen markay galaan masaajidka. Si looga hor tago in fayraska dadku kala qaadaan, ayaa waxa gudaha masaajidka laga dhaqan geliyey xeerar ka hortag ah. Dad ku sii qulqulaha albaabka masajidka Al-Aqsaa Dadka inta aanay masaajidka gelin waxa la cabirayey heer kulka jidhkooda, waanay kala fogaanayeen marka ay tukanayaan, qof kastana waxa lagu amray in uu sijaayad ama masalle u gaar ah soo qaato. “Kolkii masaajidka la furay waxaan dareemay in aan mar labaad soo noolaaday, Allaa mahad leh” ayay tidhi Ummu Hishaam oo ka mid ah dadka reer Quddus oo iyadoo qiiraysan ku sii socotay masaajidka. Masaajidka Al-Aqsaa iyo goobo kale oo barakaysan ayaa tan iyo badhtamihii bishii Maarij dadka laga xidhay oo aan lagu tukan bishii Ramadaan oo dhan. Muddo ka horraysay iyo bishii Ramadaan oo dhan masaajidada laguma tukan In kasta oo weli halista fayraska korona taagan tahay, hadana dalal badan ayaa si tartiib ah u debcinaya xayiraadihii jiray oo waxa la furay goobihii barakaysnaa ee dadku ku cibaadaysan jireen. Dalka Sucuudiga ayaa subaxnimadii Axaddii sidaas oo kale jawigu ahaa Masjid Al-Nabawi ee Madiina hortiisa oo dadku ku soo xoomeen. Masaajidkaas ayaa ka mid ah 90,000 oo masaajid oo xukuumadda Sucuudigu haatan damacsantahay in dib loo furo. Boolis hor tuban albaabada masaajidka Al-Aqsaa midkood Boolis hor tuban albaabada masaajidka Al-Aqsaa midkood Ka hor intii aan la furin masaajidka ayaa waxa fariimaha qoraalka ah ee telefoonnada dadka loogu diray afaf kala duwan oo lagu wargelinayo xeerarka cusub ee tukashada, si looga hortago fiditaanka cudurka. Fariimahaas waxa dirtay wasaaradda diinta iyo awqaafta waxaanay dadka ku waaninayeen in marka ay tukanayaan isu jirsadaan laba mitir (6.5 ft) iyo sidoo kale in aanay is gacan qaadin oo aanay is mucaanaqaynin. Fariimo loogu diray telefoonnada ayaa lagu faray malaayiin qof oo Sucuudi ah in ay isku jirsadaan laba mitir markay tukanayaan Dadka waxa sidoo kale loo sheegay in ay guryahooda ku soo weysaystaan, maadaama goobaha weysda masaajidadu xidhnaan doonaan. Salaadaha Jamaca ah ayaa sidoo kale lagu taliyey in aanay ka badan shan iyo toban daqiiqo. Tallaabadani waxay qayb ka tahay debcinta xayiraadaha ee Sucuudigu wado Masaajidka weyn ee Xaramka ee Makka ku yaal ayaa se sii xidhnaan doona ilaa amar dambe ka soo baxayo. Makka oo ah magaalada ay ku yaallaan goobaha ugu xurmada badan Islaamku ayaa sida caadiga ah waxa sannadkiiba masaajidka xaramka u soo dhoofa malaayiin qof, oo xaj ama cimra u socda. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga hortimid rabitaanka dowladda Soomaaliya ee ku aadan in doorashooyinka dalka la gaarsiiyo deegaanada Somaliland, midaasi oo u muuqata riyo-maalmeed. Yaasiin Faratoon, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ayaa sheegay in marnaba aan Somaliland laga qaban karin doorasho ay waddo Soomaaliya, isagoona eedeymo culus u jeediyay xubnaha Somaliland kasoo jeeda ee ku sugan Muqdisho. Wasiir Faratoon ayaa xubnahaasi ku sheegay kuwa aan matalin Somaliland iyo dadkeeda, midaasi oo ku tilmaamay edeb-daro iyo gaf cad oo lagula kacayo jiritaanka Somaliland. “Waa edeb-darro iyo gef in Rag Soomaaliya jooga ay si khaldan uga hadlaan Somaliland iyo arrimaheeda, Somaliland Doorashadeeda iyo waxay qabsanayso iyada ayey u taallaa, Doorashooyinka Soomaaliya lagu qabanayaana wax haba yaraatee Somaliland ka khuseeyaa ma jiraan” ayuu yiri Wasiir Faratoon. Wuxuuna intaas kusii daray “Soomaaliyana Somaliland shuqul kuma leh, kuwa doonaya inay Soomaaliya wax ka noqdaan ee Somaliland dhalasho ahaan kasoo jeeda nama matalaan ee waa Rag shaqo tagay, waxay ka qabsanayaana iyaga ayey jirtaa, laakiin Ragga Somaliland ka soo jeeda ee Soomaaliya u shaqo tagay ma matalaan, magaceegana kuma hadli karaan”.
-
For the first time, new DNA technology is being used to trace human history in Somaliland in eastern Africa. – Here is great material to explore, says Anders Götherström, professor of molecular archeology at Stockholm University. In Somaliland Anders Götherström encounters heat, desert and fantastic cave paintings. But these are the graves he wants to investigate. Anders Götherström is one of the world’s leading experts in using new DNA technology in archaeological contexts and Somaliland fascinates. Here are hundreds of unexplored places. During excavations in other countries, several historical puzzles have been solved in recent years thanks to the new technology and Götherström hopes that Somaliland can become an important puzzle piece in human history writing. The war did not stop the looting Africa and then, above all, Ethiopia is often regarded as the home of man. But important knowledge is lacking about the time when humans started migrating north towards Europe and Asia over 60,000 years ago. The long civil war in Somalia effectively halted archeological expeditions, but in the autonomous region of Somaliland, Professor Götherström, together with two local colleagues, has visited several sites suitable for excavations. Looters have certainly stolen gold and other valuable items, but there are genetic treasures to investigate. Success or setback? Two parts of bone have been taken to Sweden and will now be analyzed at the Center for Paleogenetics in Stockholm. In a couple of months, researchers can find out how old the bones are and what genetic history they carry as origin and diseases. -If the bone remains give the result I hope for, I am interested in starting larger excavations that can last for many years, says Anders Götherström at Stockholm University. Source: svt Qaran News
-
Unlike the President and the Speakers of both Houses of Parliament who are mute or ambiguous about the expected elections, I welcome the Prime Minister’s position on the elections that are scheduled to take place at the end of the current government’s mandate. Source: Hiiraan Online
-
May 30, 2020 By Faisal A. Roble As the debate over elections loom large, Somalis and donor communities alike do not exactly know what to [...] The post Faisal Roble : – IS FARMAJO READY TO VACATE VILLA SOMALIA? appeared first on . Source
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Bar___Qubanaha-31052020-www.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xil cusub u magacawday madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabey. Maxamed Xaashi ayaa loo magacaabay Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa qoraal kooban oo soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku soo dhaweeyay agaasimaha cusub ee wasaaradda Maxamed Xaashi Carabey. “Waxaan si diiran u soo dhawaynaynaa una hambalyayneynaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta JFS Mudane Maxamed Xaashi Carabeey” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Hilaal. Maxamed Xaashi Carabey oo haatan noqonaya Agaasimaha cusub ee wasaaradda Batroolka ayaa ka mid ahaa musharaxiintii u tartameysay xilka madaxweyne ku xigeenka Galmudug, waxuuna horay u soo noqday madaxweyne ku xigeenkii koowaad ee Galmudug. Bilaawgii sanadkan waxaa xilka Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta isaga casilay Karaar Shukri Doomey, kadib markii ay is khilaafeen isaga iyo Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.
-
New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka inay dib u billaabaan wada-hadallo islamarkaana ay horumariyaan wada-shaqeyntooda. Qaraar kasoo baxay QM oo tirsigiisu yahay 2520 (2020) ayaa hoosta looga xariiqay in wada-shaqeyn buuxda oo dhinacyada dhex-marta ay horumarin doonto arrimaha muhiimka u ah qaranka, sida fulinta qorshaha amniga qaran, is-beddelo maaliyadeed, dib u eegista dastuurka iyo in doroashooyinka dalka ay waqtigooda ku dhacaan. Golaha, ayaa ayada oo laga duulayo muhiimadda arrimahan ,waxa uu dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay: 1 – Inay hormaur deg deg ah ka sameeyaan qorshaha kala-guurka, wuxuuna soo dhoweeyey ballan-qaadka dowladda federaalka ee ah inay dib u eegis ku sameyso qorshaha kala-guurka ka hor dhammaadka bisha September 2020. 2 – Inay qadaaan tallaabo lagu fulinayo ahmiyadaha qorshaha isla-xisaabtanka qaran ee muhiimka u ah amniga Soomaaliya, ayna go’aamadooda ku wargeliyaan taageerayaasha caalamiga ah ee qeybaha amniga Soomaaliya kadib 2021. 3 – Inay heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay ka gaaraan qeybsiga awoodda iyo kheyraadka dalka. 4 – Inay dib u billaabaan kulamadoodii joogtada ahaa ee Golaha Amniga Qaranka, ama helaan hab kale oo beddel u noqon kara oo ay ku wada hadlaan. 5 – Inay dedejiyaan qorshaha amniga iyo kan farsamo ee doorashooyinka ayaga oo la kaashanaya Amisom, UNSOS iyo UNSOM, si loo ogolaado in doorasho qof iyo cod ah, xor ah, xalaal ah, nabad ah, daah-furan, la isku halleyn karo, loona dhan yahay, oo waqtigeeda dalka ugu dhacda daba-yaaqada 2020 iyo horraanta 2021. 6 – Inay horumariyaan islamarkaana billaabaan fulinta qorshe isku xiran oo lagu guuleysan kara oo lagu mideynayo ciidamada qaranka, islamakraana ciidamada dowlad goboleedyada loogu darayo kuwa federaalka.
-
The Famine Early Warning Systems Network (FEWS NET) monitors trends in staple food prices in countries vulnerable to food insecurity. For each FEWS NET country and region, the Price Bulletin provides Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa weerar culus ku qaaday guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaran Xaliimo Yarey, oo uu sheegay inaysan daacad ka ahayn in dalka doorasho ay ka dhacdo. “Xaliimo Yarey, haddaad weydiisaan, maanta la yiraahdo, Sacuudi Carabiya ma ka qaban kartaa doorasho asbuuca soo socda, haa bey oraneysaa,” ayuu yiri Cadbi Weli Gaas. “Waa hay’ad daneystayaal ah, ma qaban karno, iyo waxaas ma dhici karaan, danta qaranka darteed saas baan u aragnaa, may oranayaan,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland. Hadalka Gaas ayaa imanaya ayada oo ay soo kordhayaan walaacyada laga qabo in doorashada dalka dib loo dhigo, ayada oo mucaaradka ay ku eedeeyeen guddiga doorashooyinka inay muddo kororsi kala shaqeynayaan Villa Somalia. Guddiga doorashada ayaa marar badan sheegay in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka qaban karaan, xilli uusan jirin amni, islamarkaana aan codbixin laga qaban karin deegaano badan sida Somaliland iyo goobaha ay maamulaan Al-Shabaab. Mucaaradka ayaa ku adkeysiga noocan doorasho ku qeexay mid la doonayo in waqtiga lagu lumiyo, kadibna marka ay xilliga doorashada dhowdahay gacan laga taago, si waqti kordhin loogu sameeyo xukuumadda, qorshahan oo ay sheegeen inay isla ogyihiin guddiga iyo Villa Somalia. Guddiga ayaa beeniyey eedeymahan ayaga oo ku adkaysatay in doorashada ay dhici karto, waqtigeedana lagu qaban karo. Hoos ka daawo Cabdi Weli Gaas
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo xiray shirweynaha dib u heshiisinta beelo walaalo ah ee ku diriray Jubba Hoose. Shirkan waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland, labada gole ee Dowlada Odayasha Dhqanka Culimada iyo Sidoo kale beelihii walaalaha ahaa ee dirirtu ay dhax martay, Madaxweynaha Jubbaland oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada ay leedahay dhiiga qof Muslim ah oo macna darri lagu daadiyo, Dowaladuna ay dadaal badan ku bixin doonto sidii arinta loo dhameeyn lahaa. Shirkan ayuu sheegay inuusan aheyn midkii ugu dambeeyey ee ay isugu yimaadan labbadan beel, wuxuu balan qaaday Madaxweynaha in shirar nabadeen oo is xiga kaasoo hormuud uu u yahay lagu qaban doono goobihii uu dagaaladu ka dhaceen isla markana cid walba laga doonayo in dadaalka nabadaynta ee Dowlad goboleedku ay wado ay u hogaansanto. Dowlad goboleedka Jubbaland ayuu sheegay Madaxweynaha in aysan mar dambe ka gacan laaban doonin colaad kasoo cusboonata deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen, xili labbada beelood ay madasha ka balan qaadeen in ay is cafiyeen mar dambana uusan dhici doonin dagaal dadka deegaanka u dhexeeya. “Waxaan rabaa saakay inaad qaadataan dhulka ilaahay baa iska leh, qof walbana intuu ku nooleeystuu ku leeyahay, Guddiga waan la dardaaramay Iyo Culimada labba qolana waan u sheegay laangooyada, dhulka la oodayo, waxa badan ee la jiidayo, hala joojiyo” ayuu yiri Madaxweynhaa Jubbaland oo la dardaarmaya dhamaan dadkii kasoo qayb galay shirwaynahaa iyo guud ahaan dadka ree Jubbaland. Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dhulka ay Dowladu Masuul ka tahay isla markana qof walba oo ree Jubbaland ah uu dagi karo kuna noolaan karo halkii uu doono waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in la joojiyo Dhulka la oodayo taas oo yaraynaysa khayraadka daaqa sidoo kalana samaynaysa dhibaato dhinaca Cimilada ah iyo dagaalo soo noqnoqda oo dhul daaqsimeedka la xiriirta. Madaxweynaha Jubbaland oo labbadiisa garbood ay taagan yihiin labba ugaas ayaa yiri “Labbad Ugaas waxaan rabaa anigoo masuul ah oo ilaahay maantay masuuliyad iga saaray inaan balan idinkula galo sidaan shalay mid walba gooni ugula hadlay howshaas in lasoo afjaro, dadkii la dhax galo, la dhax ordo, baadida la daayo dadkii la isku keeno, ardaalka aan iska qabano intaa balan maku galnay Alla hortiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiiyay magaalada Gaalkacyo ee xanta Gobalka Mudug iyo magaalada Afmadow ee Jubbaland si sare loogu qaado dadaallada la tacaalidda xanuunka COVID-19. Qalabka caafimaad ee la geeyay magaalada Gaalkacyo oo lagu wareejiyay mas’uuliyiin ka socota Puntiland iyo Galmudug, ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Federaalku ay waddo ee kahor tagga iyo xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona ee dhibaatada badan ku haya. Dad ku nool magaalada Gaalkacyo labadeeda dhinac ayaa laga soo qaaday dhacaanno shaybaarka qaranka lagu marsiiyo baaritaan dhanka COVID19 ah. Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo dhaqaatiirta safka hore uga jira la tacaalidda xanuunka COVID19 ayaa sidoo kale tababar siiyay dhaqaatiirta ka shaqeynaya kahor tagga Feyruska Karoona ee sugan magaalada labadeeda dhinac ee Galmudug iyo Puntiland. Mas’uuliyiin kale oo sidoo kale ka socda wasaaradda caafimaadka oo qalab iyo dawo geeyay magaalada Afmadow ee dowlad gobaleedka juballand ayaa dhacaanno kasoo qaaday qaar kamid ah bulshada ku nool magaalada si iyana baaritaanno loogu marsiiyo Sheybaarka Qaranka. Mas’uuliyiinta lagu wareejiyay qalabka caafimaad ee lagula tacaalayo COVID19 ayaa dowladda federaalka uga mahad celiyay dawada iyo qalabka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta Feyruska Karoona. Howl-wadeennada farsamo ee magaalooyinka dalka geeyay taageerada xukuumaddu ku xoojineysay awoodda xakameynta Feyruska Karoona ayaa sidoo kale socdaalkoodu salka ku hayay inay Qiimeyn ku sameeyaan xaaladda guud iyo xarumaha loo qorsheeyay in dadka lagula tacaalo, si loo ogaado baahida jirta, looguna qorsheeyo taageerada dheeraadka ah ee ay u baahanyihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradii seddaxaad oo muwaadiniin Soomaaliyeed kasoo qaaday dalka Sacuudiga ayaa galabta kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Diyaaradan ayaa kasoo duushay magaalada Jidah ee dalkaas Sacuudiga waxayna siday 126 qofood, oo kala ah 24 dumar ah iyo 102 rag ah. Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa Muqdisho laga soo dejiyay dad Soomaaliyeed oo sidaan oo kale looga soo qaaday dalka Sacuudiga Carabiya. Diyaaradii tan ka horeysay ee shalay kasoo dejisay Muqdisho qeybtii labaad ee dadkaas ayaa keentay tiro la eg tan maanta oo aheyd 126 qofood. Sidoo kale maalinkii ka horeysay ee Jimcaha ayaa Muqdisho laga soo dejiyay 132 qofood oo dhamaantood laga keenay dalka Sacuudiga. Dadka seddaxdii maalmood ee u dambeysay laga soo celiyay Sacuudiga ayaa u badan caruur iyo haween, waxana la sheegay in badankood ay xabsiyo ku jireen oo laga soo kala qabtay magaalooyinka dalkaas Sacuudiga, halka kuwa kalena ay isku dhiibeen booliska baacsanayey si loogu soo celiyo dalkooda. Guddiga ay dowladdu u xilsaartay soo celinta dadkaas waxay habeen ka hor garoonka Muqdisho ka sheegeen in seddax loo qeybiyay dadka laga soo dalka Sacuudiga, waxaana galabta la keenay qeybtii seddaxaad. Guud ahaan dadka laga soo celiyay seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay dalka Sacuudiga, waxay tiradoodu noqaneysaa 384 qofood oo iskugu jira caruur, haween iyo dad da’ ah. Dowladdu waxay sheegtay in soo celinta dadkan uu amray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana kasoo shaqeeyay guddi loo xilsaaray dib u soo celinta dadka Soomaaliyeed ee ku kala xaniban daafaha dunida. Hase yeeshee Caasimada Online ayaa ogaatay in dadkan ay yihiin dad tarxiilay oo ay soo dirtay dowladda Sacuudiga. Halkan ka aqri xogtaas.
-
Somalia’s al-Shabab fighters have on Thursday executed a man whom they accused of practicing witchcraft, a sign of the insurgents’ control of southern swathes of the country, even as authorities step up efforts to combat them. Al Shabaab’s grip on the Horn of Africa nation has been weakening since it was pushed out of the capital by African Union peacekeepers in 2011, but the government and the U.S. military are beefing up an offensive against it. An al Shabab judge, who read the court’s verdict at the public square, said the man was found guilty of practicing witchcraft and going against the teachings of Islam. According to a statement posted on its affiliated media online sites, the man who is identified as Abukar Haji Omar was executed at a public square in the outskirts of southern town of Qoryoley in Lower Shabelle province immediately after the judge in the al-Shabab court declared him guilty. Al-Shabab courts do not allow lawyers to represent the defendants, and the evidence largely relies on alleged confessions. Critics believe that al-Shabab’s militias torture the accused to force the confessions The group did not give a reason for the surge in executions, but has been the target of dozens of U.S. airstrikes over the past two and a half years. The airstrikes are often ordered on the basis of ground-level intelligence collected by Somali government sources. Al Shabab group often execute, amputate, behead, and flog people it accuses of espionage, rape, theft, among other crimes. But these victims do not get fair legal representations. For over 10 years, al Shabab, which has links with al Qaeda-linked, has been fighting to topple the government of Somalia. It has been driven out of major urban areas including Mogadishu, but it is still capable of carrying out high-profile attacks within and outside Somalia.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku soo dhaweysay hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa inay ka go’antahay qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacda. Sidoo kale Madsha ayaa qoraalkan ku sheegtay in mar kasta ay dowladda federaalka ugu baaqeyso qabashada doorasho loo dhanyahay oo waqtigeeda ku dhacda. “Haddaba si loo fuliyo waajibaadka dastuuriga ah, waxay Madashu dhiirigalineysaa in dawladdu ka dhabeyso hadalkaas, ayna aqbasho qabashada shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan saamileyda siyaasadeed, si loo dhaqangeliyo xeerarka iyo sharciyada Barlamaanku ansixiyay loogana heshiiyo jadwalka iyo nooca doorasho ee dalku aadayo” ayaa lagu yiri. Dowladda ayaa la rumeysan yahay inaysan aqbali doonin shirka ay ku baaqday Madasha, sida ay xubno ku dhow Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online) – Qoraalka Madasha ayaa intaas ku sii daray, “Si looga fogaado tabashooyin siyaasadeed oo hor leh oo curyaamin kara geeddi socodka nabadeynta dalka, waxay MXQ soo bandhigeysaa mabaadi’ida lamataabtaanka ah ee ay tahay in lagu saleeyo doorashada 2020/2021-ka.” Illaa shan qodob ayaa ayey Madasha Xisbiyada Qaran ku tilmaantay inay saldhig u noqon karaan nabad iyo dowladnimo waarta oo ka hirgasha dalka waxay qodobadaasi kala yihiin: 1 – Wakhtiga doorashada. Doorashadu waa iney kudhacdo wakhtigii ay muddeeysneyd, kaasoo ku suntan dhammaad ka muddo xileedka golayaasha iyo hoggaanka dastuuriga ah ee dalka. Waa in laga fogaado marmarsiiyo kasta oo keeni karta dib u dhac ama muddo kororsi. 2 – Doorasho heshiis lagu yahay Maadaama uu maamulka talada dalka haya ka gaabiyey howlihii saldhigga u ahaa doorasho qof iyo cod ah oo si xor ah u qabsoonta, islamarkaana uu muddo xileedkoodu gabaabsi yahay, waxaa lagama maarmaan ah in saamileyda siyaasadeed ay heshiis loo dhanyahay ka gaaraan hanaanka doorashada sidii horeyba loo sameynjirey. 3 – Ka qeybgalka xisbiyada Xisbiyada siyaasadda waxay ka mid yihiin tiirarka ay ku taagantahay doorasho kasta oo dimoqraadi ah waxaana waajib ah iney ka qaybqaataan doorashada qaran 2020/21. Xisbiyada Qaran ee la diiwaangeliyay waxay maskax iyo maal galiyeen sidii looga guuri lahaa hannaanka 4.5 oo hogaanka dalku ku imaan lahaa rabitaanka dadweynaha, sidaa awgeed MXQ waxey ugu baaqeysaa dhammaan dawlad goboleedyadu iney ogolaadaan in Xisbiyadu ka hawlgalaan deegaankooda, xafiisyana ka furtaan. 4 – Doorasho dalka oo dhan ka dhacda: Inkastoo dalkeenna ay ka jiraan duruufo adag oo amni iyo kuwa siyaasadeed, haddana waa lagama maarmaan in doorashadu ku dhacdo wakhtigeeda dalka oo dhan si isku mid ah oo caddaalad ku saleysan. 5 – Gobolka Benaadir. Gobolka Benaadir wuxuu ka midyahay 18-ka gobol ee JFS, wuxuuna gobollada kale dheeryahay in dadka deggani ay bixiyaan 100% dakhliga ay ku shaqeyso Dowladda Federaalka. Sidaas darteed, gobolka Benaadir wuxuu xaq u leeyahay inuu matalaad siyaasadeed ku dhexlahaado golayaasha sharci dajinta dalka. Sidoo kale, wuxuu xaq u leeyahay in, sida gobollada kale, uu yeesho maamul ay dadkiisu si toos ah u soo doortaan, si ay ula xisaabtamikaraan.
-
Madasha xisbiyada qaran ee ka jira daka ayaa maanta qoraal ay soo saareen waxaa dowladda federaalka ah loogu baaqay in ay qabato doorasho waqtigeeda ku dhacda, iyagoo soo dhoweeyey hadalkii ka soo yeeray Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in xukuumaddiisa maanta ka dib ay ka shaqeynayso in dalka la gaarsiiyo doorasho. Madasha ayaa sidoo kale xustay dowladda looga baahan yahay in ay ka dhabeyso hadalkaas si deg deg ahna ay u qabato shir ay isugu yimaadaan saamileysa siyaasadeed ee dalka si loo dhaqaajiyo saharciga baarlmaanku ansixiyey loogana heshiiyo jadwalka doorashada iyo nuuca ay noqonayso sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Madasha. Halkaan Ka Akhriso Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda maalinlaha ee COVID-19 waxaa ay ku sheegtay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyey kiisas cusub oo Coronavirus kuwaas oo gaarayo 60 xaaladood waxaana guud ahaan dadka uu xanuunka uu soo ritay ka dhigeysaa 1976 ruux tan iyo markii uu dilaacay, Wasaaradda ayaa sheegtay in maanta kiisaskii ugu badnaa laga diiwaan geliyey dowlad goboleed Jubbaland oo laga helay 32 xaaladoo, halka Somaliland laga diiwaan geliyey 18 xaaladood oo cusub, dowlad goboleedka Galmudug 4 xalaadood ayaa laga helay iyo gobolka Banaadir oo maanta wasaaraddu ka xustay in laga helay 6 xaalad oo cusub. Wasaaradda ayaa maanta diiwaan geliay in xanuunka Coronavirus ay dalka ugu geeriyoodeen 5 taas oo tirada dadka ugu dhintay dalka ka dhigeyso 78, halka ay xanuunka ka bogsadeen 21 ruux taas oo ka dhigeyso dadka xanuunka ka soo caafimaaday 348 qof, xaaladaha la helay maanta 53 kamid ah waa Rag halka 7 yihiin Dumar. Goobjoog News Source: goobjoog.com