-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kumuu ahaa fannaanka dilkiisa uu gilgilay dalka Itoobiya? Hachali- fannaanka la dilay In ka badan 80 qof ayaa ku dhintay rabshadaha dalka Itoobiya ka socday labadii maalin ee la soo dhaafay, ka dib dilka fannaan lagu magacaabo Hachalu Hundessa oo u dhashay qowmiyadda Oromada. Ninkaas oo 34 sano jirka ahaa, waxaa soo shaac baxay in uu ahaa shakhsi saameyn ku lahaa ururrada Oromada sannadihii la soo dhaafay, waxaana uu sameystay dad badan oo cadow ah intii uu ku jiray fanka. Wuxuu ahaa fannaan heesihiisa u adeegsada kacdoonnada ay dhigayeen dadka Oromada ah ee Itoobiya. Laba qof ayaa loo xiray dilkiisa oo la geystay xilli uu baabuur ku dhex watay magaalada Addis Ababa maalintii Isniinta, balse booliska Itoobiya wali ma aysan sheegin sababta ka dambeysay dilkiisa mana jirto dad loo maxkamadeeyay dilkiisa. Hachalu oo ka tagay laba carruur ah ayaa maanta oo khamiis ah lagu aasayaa dalka Itoobiya. Waxaa la sheegaa in uu laf dhuun gashay ku noqotay dowlad loo arko in ay waxbadan ka badeshay dalka Itoobiya. Fannaanka waxaa mar loo xiray arrimo siyaasadeed, wuxuuna yarantiisa dhaqan jiray lo’da. Hachalu wuxuu sannadihii dambe noqday mid ka mid ah fannaaniinta caanka ka ah dalka Itoobiya, waxaana taageerayaal badan uu ku kasbaday heesihii uu horay u qaaday oo ka koobnaa jaceyl iyo siyaasad. Hachalu aabihii oo u shaqeyn jiray shirkadda korontada ee magaalada Ambao, wuxuu wiilkiisa ku dhiiragelin jiray in uu barto caafimmaadka, balse isaga dhankaas wax niyad ah uma uusan heynin. Hachalu Markii uu yaraa wuxuu aad u daneyn jiray heesaha iyo muusigada, waxaana sida uu sheegay heesaha ku dhiiragelin jirtay hooyadii marka uu xoolaha ku raaco beer ay lahaayeen oo ku taalay duleedka magaalada Amo ee gobolka Oromiya. “Waxaan ku heesi jiray waxwalba oo niyadeyda ku soo dhaca”, ayuu yiri mar uu la hadlayay BBC-da, laanta Afaan-Oromo oo wareysi la yeelatay sannadkii 2017-kii. Wuxuu xirnaa shan sano Hachalu oo ay la dhasheen sideed qof oo kale waxaa uu sannadkii 1986 ku dhashay magaalada Ambo oo qiyaastii 100 kilomitir dhanka galbeed kaga began magaalada caasimadda ee Addisababa. Wuxuu ka soo qeyb qaatay olole dadka Oromada ay ku dalbanayeen madaxbanaani, kuwaas oo dareemay in ay caddaadis kala kulmeen dowladihii Itoobiya soo maray oo mamnuucay kooxaha mucaaradka, xabsigana u taxaabay dadkii dhaliili jiray. Sannadkii 2003, Hachalu oo 17 sano jir ahaa waxaa loo taxaabay xabsiga sababo la xiriiro dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee uu ku hawlanaa, wuxuuna xirnaa shan sano. Aabihii ayaa markii uu xirnaa xabsiga ku booqan jiray wuxuuna ku dhihi jiray “xabsiga ragga way ku adadkaadaan”, isagoona intaa ugu laab qaboojin jiray. Intii uu xabsiga ku jiray waxaa uu aad u dhex-galay siyaasadda, waxaana uu isku dayay in uu sare u qaado fahamkiisa ku aadan taariikhda dalkiisa Itoobiya oo ay ka mid ahayd taliska Haile Sellaasi. Sidoo kale intii uu xabsiga ku jiray wuxuu sii xoojiyay xirfadiisa fanka. “Ma garaneynin sida heesaha loo qoro illaa aan xabsiga galay oo aan soo bartay,” ayuu ku sheegay wareysigii ay BBC-da la yeelatay sannadkii 2017-kii. Intii uu xabsiga ku jiray wuxuu allifay sagaal heesood, waxaana kuwoodi ugu horeeyay uu soo saaray sannadkii 2009-kii, ka dib markii uu xabsiga ka soo baxay. Wuxuu diiday in uu dalka dibaddiisa u cararo Hachalu wuxuu ahaa fannaan caan ah Markii uu soo saaray heesihii ugu horeeyay, wuxuu noqday xidig caan ah oo ku suntan hamiga dadka Oromada. Bale waxaa uu ku andacoon jiray in uusan ahayn siyaasi balse uu yahay fannaan, wuxuuna yiri: “In aan hees ka sameeyo dadka ay la kulmayaan kama dhigno in aan ahay siyaasi”. Fannaaniin iyo dad badan oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha siyaasadda ayaa isaga cararay dalka Itoobiya, kuwaas oo miciin biday qurbaha iyagoo ka cabsi qabay in ay dhib kala kulmaan taliskii Melez Zenawi iyo ninkii badelay, Hailemariam Desalegn. Balse Hachalu intaas oo dhan wuxuu ku sugnaa gudaha Itoobiya oo wuxuu dhallinyarada ugu baaqi jiray in ay u istaagaan xuquuqdooda. Mid ka mid ah heesihii uu qaaday waxay ahayd jaceyl uu u qaaday gabar ku kalsoon dhalashadeeda iyo sida uu u doonayay in uu naftiisa u huro. “Dagaalyahan farda fuul ah” Heesaha kale ee caanka noqday ee uu qaaday waxaa ka mid ah hees la yirahdo Waa’ee Keenya oo macnaheedu tahay dhibaatada ina heysata waxay soo billaabatay sannadkii 2013-kii, xilligaas oo uu ku sugnaa dalka Mareykanka. Waxay noqotay heestii loogu iibsashada badnaa ee suuqa Amazon ee xilligaas. Bishii Juun ee sannadkan, Hachalu wuxuu ka careysiiyay taageerayaasha Menelik II oo dalka Itoobiya ka soo taliyay, waxaana uu ku eedeeyay in uu xaday fardihii Oromada. Heesihiisa waxay noqdeen kuwa dadka dibadbaxa dhigaya ay adeegsadaan, waxaana inta badan uu caan ku ahaa heesaha uu ku kicinayo dadka Oromada. Qaran News
-
Maamulka Cusub ee maxkamadda gobolka Banaadir ayaa u yeeray agaasime ku-xigeenka Goobjoog Media Group ahna tifaftiraha guud Cabdi Casis Axmed Gurbiye. Mr. Cabdicasis Gurbiye waxaa la ballamiyey in garnaqsigiisa dacwadda loo heysto la dhageysan doonno July 7, 2020 oo ku beegan talaadada soo socota. Gurbiye ayaa horay waxaa loo xiray 14-kii April, laguna soo daayey dammaanad 5 maalin markii uu xabsiga dhexe ku jiray. Hadda waxaa uu dibadda joogay ku dhowwaad 80 maalin. Wararkan kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Rabshadaha ka socda Addis Ababa ayey illaa iyo hada ku dhinteen sida la xaqiijiyey ugu yaraan 81 qof, waxaana Arbacadii magaalada Caasimada ah la geeyay ciidamo baddan oo militari ah si ay uga hortagaan kooxaha kacdoonka wada. Fanaan Hachalu Hundessa oo kamid ahaa mucaaridka xukuumada Abiy Axmed ayaa la toogtay Isniintii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in dilkiisa uu ahaa mid qorsheysan. Raysal-wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dilkan ay ka danbeysay dowlad shisheeye (waxaa la filayaa inuu ka wado dalka Masar) oo kasoo horjeeda dhismaha biyo xidheenka Itoobiya, isagoo sheegay in dilkan loo adeegsaday kooxo uusan magacaabin oo ka dhex shaqenaya gudaha Itoobiya, waa siduu hadalka u dhigayee. “Kuwo soo qorsheeyay dambigan kuma aysan faraxsaneyn isbaddallada haatan ka socda dalka….hadafkoodu kaliya ah ma aheyn inay dilaan walaalkeen Hachalu balse wuxuu hadafkoodu ahaa inay dilaan Itoobiya” ayuu yidhi Abiy Axmed. Abiy ayaa wajahaya kacdoon shacab xili ay loolan kula jiraan siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Qawmiyada uu u dhashay ee Oromada oo si weyn u dhaliilsan xukuumadiisa, fanaanka la dilay ayaa kamid ahaa mucaaridkiisa raggii sida weyn uga soo qeyb qaatay kacdoonka Oromada waday sanadihii lasoo dhaafay, wuxuuna fanaankaasi kahor intaan la dilin wareysi uu siiyey warbaahinta Oromada uu ku sheegay in loo soo hanjabay. Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Maanta oo Khamiis aha ayaa fanaankii caanka ahaa ee Haacaaluu Hundeesaa lagu aasay magaalada Ambo ee gobolka Oromada, kaas oo habeenkii Isniinta lagu toogtay maagaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Dilka fanaankan ayaa waxaa ka dhashay rabshado xoogan oo weli ka socda Addis Ababa iyo magaalooyinka ku hareereysan, kuwaas oo ay dad badan ku dhinteen. Ammaanka ayaa sidoo kale maanta aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo milatari ah la dhigay meelaha ay ka socdaan mudaharaadyada. Sidoo kale waxaa la xiray ku dhowaad 35 qof oo uu ku jiro siyaasiga mucaaradka ah ee Jawar Maxamed, tallaabadaas oo uga sii dartay xiisadda ka aloolsan Itoobita. Hundeesaa oo 34 sano jir ahaa, wuxuu ahaa shakhsi saameyn ku lahaa ururada Oromada sanadihii la soo dhaafay, waxaana uu sameystay dad badan oo cadow ah intii uu ku jiray fanka. Wuxuu sidoo kale ahaa fannaan heesihiisa u adeegsada kacdoonnada ay dhigayeen dadka Oromada ah ee Itoobiya. Sidoo kale waxaa la sheegaa in uu laf dhuun gashay ku noqotay xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Xaaladda Itoobiya ayaa u muuqata mid ka sii dareysa, waxaana la jaray Internet-ka, iyadoona sidoo kale la xiray dhaq-dhaqaaqa meelaha ay ka socdaan rabshadaha. Rabshado socday laba maalmood ayaa 81 qof ku dilay Ethiopia, sida uu Arbacadii sheegay madaxa booliska, kadib markii la dilay heesaaga caanka ahaa ee kasoo jeeday qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada Dibad-baxyo carro leh ayaa ka dillaacay magaalada Addis-Ababa iyo gobolka Oromia ee ku hareereysan, halkaasi oo ah xudunta dadka Oromada, oo ah qowmiyad muddo ka cabaneysay inay caburiyeen qowmiyado kale oo ay ka tiro badan yihiin balse dalka maamulayey. “Illaa iyo hadda waxaa dhintay 81 qof oo ay ku jiraan saddex ka mid ah ciidamada booliska gaarka ah ee gobolka Oromia,” waxaa sidaas yiri Ararsa Merdasa, oo ah madaxa booliska Oromia.
-
Shir maalmo uga socday degmada Galdogob beelo wada dega galbeedka gobolka Mudug ayay heshiis waxaa ay ku wada gaareen labada dhinac. Heshiiska waxaa kamid ah in labada beelood mag ku kala qaateen 26 qof oo kaga dhimatay colaadii u dhexeysa beelahan. Magta qofkiiba ayaa lagu qiimeeyay 33,000 oo doolar, iyadoo qeybta hore maanta odayaasha labada dhinac kala qaateen lacag dhan 10,000 oo doolar, waxaana qeybta dhiman lagu balamay in lagu dhameystiro magaalada Gaalkacyo. Ka sokow, odayaasha dhaqanka labada beelood, sidoo kale shirka waxaa ka qeybgalay xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug. Shirkan oo wajigii kowaad lagu qabtay magaalada Bandiiradley ayaa hadda loo fadhiyaa degmada Galdogob, dhinacyada Ayaan si weyn ugu han weyn fulidda qodobada ay ku heshiiyeen beelaha ood wadaagta ay ee khilafka soo kala dhexgalay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dood ka taagan Qorshe Madxaf laga dhigayo Masaajid Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa dhageystay kiis lagu doonayo in madxafka la dhisay qaranigii lixaad ee Hagia Sophia dib looga dhigo Masjid, waxaana ay go’aanka ku dhowaaqi doontaa 15 sano gudahood. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa soo jeediyey in dhismahan oo muhiim u ahaa boqortooyadii Kirishtanka ee Byzantine iyo tii Islaamka ee Cusmaaniyiinta dib looga dhigo Masjid. Dhismaha Hagia Sophia oo ahaa Masjid, kuna yaalla Istanbul, ayaa waxaa madxaf loogu beddelay go’aan ay dowladda Turkiga gaartay 1934-kii, xilligaas oo ahayd sanadihii hore calmaaniyadda uu Turkiga ka dhigay aas-aasaheeda Mustafa Kemal Ataturk. Kiiska maxkamadda ayaa waxa uu dood ka qabaa sharci-ahaanshaha go’aankaas. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Arbacadii ku booriyey Turkey in Hagia Sophia ay sii ahaato madxaf. Hagia Sophia ayaa markii waxay ay muddo 900 sano ahayd kaniisad, waxaana kadib laga dhigay Masjid-kii ugu muhiimsanaa taariikhda Cusmaaniyiinta muddo 500 sano ah kadib qabsashadii Istanbul. Ecumenical Patriarch Bartholomew, oo ah madaxa ruuxiga ah ee Kirishtanka Orthodox-ka caalamka, islamarkaana fadhigiisu yahay Istanbul, ayaa sheegay in haddii Hagia Sophia laga dhigo masjid ay niyad-jebin doonta Kirishtanka, islamarkaana ay kala qeybin doonto Bariga iyo Galbeedka. Kooxo Turkish ah ayaa sanado u ololeynayey in Hagia Sophia dib looga dhigo Masjid, waxaana baaqooda taageeray madaxweyne Erdogan. Qaran News
-
Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Puntland ayaa maanta ka qabsoomay Gaalkacyo iyo Garowe. Madaxweynaha oo khadka Zoom-ka ku shirgudoomiyey ayaa shirkalooga hadlay Arimaha Amaanka, [...] The post Madaxweyne Deni oo khadka Video online-ka uga qayb galay Shirka Golaha Wasiirada appeared first on . Source
-
WAR-SAXAAFADEED: 02/07/2020 Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Lagaga hadlay arrimo la xidhiidha Xaaladda Dalka Fadhigii 60aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa maanta lagaga hadlay xaalada guud ee amniga dalka, heerka xanuunka COVID-19 iyo halka uu marayo la dagaalankii lagu hayey Ayaxa ku habsaday qeybo ka mid ah Dalka. Ugu horayn waxa warbixin goluhu ka dhegeystay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ku sugan in mudo ah isaga iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsani degmada Ceel-afweyn oo ay u joogaan daminta arrimihii nabadgelyada la xidhiidhay ee halkaasi ka jiray, waxaanu golaha uga xogwaramay meesha uu marayo dedaalkii nabadayntu oo uu xusay in ay si dhakhso ah u soo gabagabayn doonaan xurguftii dhexmartay beelaha walaalaha ah ee deegaanka degmada Ceel-afweyn, waxana uu sheegay in todobaadka soo socda ay is horfadhiisan doonaan waayelka dhinacyada wax kala tirsanayaa, sidoo kale waxa isna xoojiyey wasiirka, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha oo ka hadlay xaaladda amni ee dalka, xusayna in guud ahaan amniga dalku uu fiican yahay wax dhibaato ah oo gobolada iyo degmooyinka dalka ka jiraana aanu jirin. Dhinaca kale wasiirka Horumarinta Caafimaadka ayaa golaha uga warbixiyey xaaladda xanuunka COVID-19, waxaanu xusay in weli dalka uu ka jiro xanuunka COVID-19 balse ay muuqato in uu hoos u dhacayo xanuuunku. isagoo golaha la wadaagay in dadaaladii la waday ay suurta geliyeen in la helo qalabkii loo baahnaa, waxana uu sheegay in ay mashiinka lagu baadho xanuunka COVID-19 la geeyey magaalooyinka Burco iyo Berbera oo ay shaqaynayaan, waxa kale oo uu sheegay in ay samayn doonaan baadhis guud (random test) oo ay ku ogaanayaan heerka xanuunka ee dalka. Waxa kale oo uu sheegay in ay wax ka qabteen adeega baabuurta gargaarka degdega ah ee loo yaqaan Ambulance-yada ee cusbitaalada dalka, dhawaana ay saddex Ambulance oo cusub geyn doonaan Cusbitaalada Ceergaabo, Laascaanood iyo Boorama, halka Burco ay hore u geeyeen isla markaana ay dayac tireen Ambulance-yada Cusbitaalka Berbera waxana uu intaas ku daray in Cusbitaalka Hargeysa ay u qorsheeyeen laba Ambulance oo cusub. Waxaanu xusay in ay dalka ku soo wajahan yihiin lix mashiin oo ah kuwa dhaliya ogsajiinta (oxygen) oo lagaga maarmi doono baahidii loo qabay ogsajiinta, sidoo kalana ay dalka soo gaadheen 410 haamood (Oxygen Cylinders) oo ah kuwa lagu shubo ogsajiinta loona qaybshay Cusbitaalada dalka horantooduna ay gaadhayso todobaadka soo socda. Sidoo kale wasiirka Horumarinta Beeraha ayaa golaha uga warbixiyey in ay meel fiican u marayso dedaalkii loogu jiray dabar goynta ay kula jireen Ayaxa, waxaanu sheegay in wejigii koowaad ee hawlgalka oo ka socday gobolada galbeedka uu soo dhammaday todobaadka soo socdana laga hawlgali doono gobolada Bariga Somaliland iyadoo diyaaradaha ayaxa lagu buufinayo ay fadhiisin ka samaysan doonaan garoonka diyaaradaha Burco. Wasaaradda Shaqo-galinta, arrimaha bulshada iyo qoyska ayaa golaha horkeentay Siyaasadda shaqo-abuurka Qaran ee Somaliland oo ah siyaasad dalka ku hagaysa sidii bulshadu u heli lahaayeen shaqooyin isla markaana looga bixi lahaa shaqo la’aanta, waxana goluhu u balamay in la soo darso siyaasadan oo isla markaana lagu ansixiyo shirarka soo socda, dhanka kale waxa goluhu isla qaatay in wakhti la siiyo dersidda xeerka Shaqaalaha Dawladda oo golaha horay u yaalay. Ugu danbayn golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay in aan la hilmaamin tilmaamaha iyo talooyinka lagaga hortagayo xanuunka COVID-19 ee ay wadaan bahda caafimaadku iyagoo sidoo kale u mahadceliyey guddida la dagalaanka COVID-19 ee uu hoggaamiyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Seylici). <img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> <img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> <img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> 162Rakad Mxd Sultan, Ahmed Yusuf and 160 others 33 Comments 28 Shares Like Comment Share Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa maanta oo Khamiis ah shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada. Shirka Golaha Wasiirada Puntland waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, xaaladda Covid-19, imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland iyo nabadeynta beelaha. Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ee Puntland ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda Amniga guud ee Puntland oo wanaagsan, iskaashiga amni ee Puntland iyo Galmudug iyo qorshaha tayeynta ciidamada ee ka socda gobolka Mudug. Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa iyaduna Golaha la wadaagtay xaaladda Covid-19 ee Puntland, waxayna Wasaaradu sheegtay in uu jiro hoos u dhac dhinaca kiisaska ah, Wasaaradda ayaa soo jeedisay in weli loo baahanyahay in ay sii jirto xaaladda feejignaanta ah oo bulshadu is illaaliso iyagoo raacaya talooyinka caafimaad. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland waxay Golaha la wadaagtay diyaar-garowga ugu danbeeyay imtixanaadka oo ardeydu u fariisan doonto subaxda sabtida 04 Luulyo 2020. Ardeyda Imtixaanka waxaa u fariisan doona 16,500 oo ardey, 5,447 ardey waa Dugsiga Sare halka 11,053 ardey ay u fariisan doonaan imtixaanka fasalka 8-aad. Imtixaanaadka oo lagu qaban doono 132 goobood oo ku yaalla deegaanada Puntland, waxaa dhinac socda taxadar ku saabsan cudurka Covid-19, iyadoo la diyaariyey in ardeydu ay helaan qalabka ka hortaga covid-19, dareeraha jeermiska dila iyo in lala socdo heerka xumadooda. Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda caafimaad ee xoolaha Puntland, qorshayaasha guuleystay ee lagu talaalay xoolaha iyo in la diyaariyey gaadiid daawooyinka xoolaha ugu geeyo dhulka fogfog si loo hubiyo xaaladda caafimaad ee xoolaha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa Golaha la wadaagtay shirarka nabadeynta ee ka socda Galdogob iyo Cawsane-Sanaag, kuwaasi oo meel wanaagsan maraya. Sidoo kale waxay Wasaaraddu Golaha la wadaagtay in uu bilowmayo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee (JPLG). Ugu danbeyn Goluhu wuxuu bogaadiyey sida ay u socoto howsha dayactirka wadada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe oo hadda la dhisay 4-tii KM ee ugu horeysay, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hore u balan qaaday in dowladdu dayactirayso wadooyinka ku burburay roobabkii sanadka ka da’ay Puntland. PUMTLAND POST The post Maxaa looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - Thirteen more political have been cleared on interim basis having met conditions for registration by the registrar of political parties. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun adag ku riday askari ka tirsan ciidamada dowladda oo bishii Ramadaan ee la soo dhaafay laba qof oo shacab ahaa ku dilay Boondheere. Dable Boolis Xasan Aadan Xasan oo ka tirsan ciidamada saldhigga degmada Boondheere ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, sida uu ku dhaawaqay, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida. Shuute ayaa sheegay in lagu helay dambiga loo heystay oo ahaa dilka marxuuminta Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullahi Cabdi oo uu dilkoodu ka dhashay banaan-bax rabshado watay oo 24-kii bishii Apriil ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in Dable Boolis Xasan Aadan Xasan uu heysto fursad kale oo uu ka qaadan karo racfaan, haddii uusan ku qancsaneyn go’aankaasi. Dhageysiga dacwaddaan ayaa soo bilaabatay 28-kii bishii June, iyada oo ay maanta go’aan ka gaartay maxkamadda darjada 1-aad ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Intii ay socotay dooda waxaa sidoo kale maxkamadda ku sugnaa xubno ka tirsan marxuumiinta oo goobjoog ahaa dhageysiga dacawadda askariga maanta la xukumay.
-
The United Nations office in Somalia has called on the country's leaders to reach consensus on a way forward on holding a universal vote as early as March 2021. Source: Hiiraan Online
-
ADDIS ABABA (Reuters) - Six people were injured on Thursday in scuffles between Ethiopian security forces and mourners trying to attend the funeral of singer Haacaaluu Hundeessaa, whose killing earlier this week sparked protests that killed more than 80 people, a witness said. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay xasiliso khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya maadaama xaalada wadanka ay saameyn ku leedahay ammaanka gobolka Geeska Afrika, sidda uu sheegay safiirka Jabuuti u qaabilsan Sacuudi Carabiya. Ziauddin Saeed Bamakhrama oo u waramay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa xusay in dowladiisu ka go’an tahay sidii ay dib ugu soo celin lahayd doorkii ay Soomaaliya ku lahayd masraxa siyaasadeed ee mandiqadda geeska Afrika. “Yagleelida xasiloonida si lamid ah ammaanka Soomaaliya iyo xadiditaanka qulqulka qaxootiga waxay muhiim u tahay Geeska Afrika maadaama gobolka uu juquraafi ahaan, dhaqan ahaan, dad ahaan iyo dhaqaale ahaan uu isku xiran yahay,” ayuu danjirahu sheegay. Sidoo kale Xoogaga Al-Shabaab ayuu sheegay inay yihiin halista ugu weyn ee xasiloonida Soomaaliya, Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka ciidanka ku taageeray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaas oo dagaalka ba’an kula jira Xoogga hubaysan ee Al Shabaab. Jabuuti ayaa bishii lasoo dhaafay ee June martigelisay shir dib loogu bilaabay wadahadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kaas oo natiijo horudhac ah oo kaas baxday lagu balamay is-aragyo kale. Kadib burburkii 1991-dii, Jabuuti ayaa ku lug lahayd dhamaan geedi u socodkii dowlad dhisida Soomaaliya, iyaddoo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu hormuud ahaa “maadaama uu fahmayo xudunta is-mari-waaga raagay”. View the full article
-
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah u soo gabagabeeyey qaraarkiisii ugu horreeyay ee si toos ah ula xiriira masiibada coronavirus Arbacadii. Qaraarku waxa uu ku baaqaya in si dhakhso ah loo dhammeeyo khilaafaadka adduunka si loo suurto geliyo gaarsiinta taageerada caalamiga ah wadamada dagaaladu ka socdaan si loo badbaadiyo nolosha Malaayiin ruux oo sabool ah. Golaha Amniga ayaa Arbacadii (1-dii July) taageeray baaqa uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ee ku saabsan in hubka meel kasta oo adduunka ka mid ah yaalla la joojiyo isticmaalkiisa. Qaraarkaan shalay la meelmariyay ayaa u oggolaado dhammaan waddamada in ay diiradda saaraan dagaalka ka dhanka ah cudurka faafa ee coronavirus. Qoraalku wuxuu ku boorinayaa “dhammaan dhinacyada ku lugta leh iska horimaadka hubaysan in ay si dhakhso leh u bilaabaan nasiinimo bini’aadannimo oo waara ugu yaraan 90 maalmood oo isku xigta” si ay awood ugu yeeshaan gaarsiinta taageerada. View the full article
-
NAIROBI (HOL) - China has dismissed the newly forged diplomatic relations between Taiwan and Somaliland noting the latter did not have any capacity to make such a move as it is China’s territory. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa muddo bil ah laga joogaa dhacdadii deegaanka Gololey ee lagu laayey illaa qof oo dhalinyaro ahaa, kuwaas oo ka shaqeynayey xarun caafimaad oo ku taalla halkaasi. Illaa iyo hadda wax ka soo baxay oo natiijo ah ma jirto baaritaankii laga sugayey guddi gaar ah oo HirShabelle ay u xil-saartay dhacdadaasi. Haddaba waa sidee xaaladda deegaanka iyo dareenka dadka shacabka ah warbixintan ayaan ku eegi doonaa:- Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/War-Ismaaciil-Turki-Balcad.mp3 View the full article
-
Ciidamo ka tirsan kuwa millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27aad ayaa waxaa ay howl-gallo kala duwan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan. Saraakiisha Ciidamada ayaa waxa ay sheegeen in howl-gallada ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee gobolkaasi. Howl-galka ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxa ay sheegeen inay ku qab-qabteen dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay baarayaan. Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ciidamada dowladda & kuwa AMISOM ay ka fuliyaan howl-gallo kala duwan, iyada oo todobaadyadii la soo dhaafay weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhigga ciidamada Jabuuti ee Beledweyne. View the full article
-
Dowladda Shiinaha ayaa Somaliland uga digtay inay xirir dublumaasiyadeed la samaysato Taiwan oo ay u aqoonsan tahay qayb ka mid ah dalwaynaha Shiinaha. Taiwan ayaa sheegtay inay xafiis ka furaneyso Hargeysa oo ah caasimada Somaliland, kadibna safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa ka digtay xiriir lala sameeyo Taiwan. Wada-hadal dhex maray wasiirada arrimaha Dibadda Taiwan iyo Somaliland ayey ku heshiiyeen in midba mid kale u aqoonsado dowlad madax-banaan, islamarkaana ay is-dhaafsadaan wakiilo iyo in baasaboorka Somaliland lagu tagi karo Taiwan. Shiinaha ayaa u aqoonsan Taiwan qeyb ka mid ah dhulkeeda, wallow ay madaxbanaani sheegtaaan. “Uma oggolaanayno in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul ka mid ah Shiinaha waqti kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha waana wax aan loo dulqaadan karin” ayaa lagu yiri bayaanka inkastoo aysan soo hadal qaadin magaca Somaliland. View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray 30-Juun 2020 garoonka Stadium Muqdisho,isagoo sheegay in aad ugu faraxsanahay dib u soo celinta iyo qurxda maanta ka muuqata garoonka Xulka Qaranka,wuxuuna sheegay in ay u mahad celinayaan Dolwadda Norway iyo Midawga Yurub oo ka qeyb qaatay dhismaha iyo qurxinta gegida Muqdisho Stadium. Halkan Ka Daawo Madaxweyne Farmaajo Oo Sharaxaad Ka Bixinaya Soo Celinta Garoonka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-web.mp4 Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Furitaanka Garoonka Stadium Muqdisho Warbixin:-Bahda Ciyaaraha Soomaaliya Oo Dowladda Kaga Mahad Celiyay Furitaanka Stadium Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdi xildhibaano ah oo ka socda dowladda Kenya ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland. Xubnaha xildhibaanada ee gaaray Hargeysa waxaa horkacaya hoggaamiyaha xildhibaanada laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Kenya Junet Mohamed. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in u jeedkooda uu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Kenya kala dhexeeya Somaliland. Sidoo kale xildhibaanada ka socda baarlamaanka Kenya ayaa la kumay mas’uuliyiinta xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo kuwa mucaaradka ee maamulkaasi, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ku aadan iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dhinac. Socdaalka wafdigan ka socda wadanka Kenya ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ay booqdeen magaalada caasimada ah ee Nairobi, halkaas oo ay kulamo kala duwan kula soo qaateen xubno ka tirsan dowladda Kenya. Si kastaba ha’ahaatee dhaq-dhaqaaqa ay haatan Kenya ka wado Somaliland ayaa sii xoogeystay wixii ka dambeeyey markii ay Soomaaliya isku qabteen kiiska badda ee ay dacwaddiisu hor-taallo maxkamadda caalamiga ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-02072020.mp3 View the full article
-
Waa kuma Jawaar Maxamed, Siyaasiga Xadhiggiisu sii huriyay rabshadaha ka oogan Itoobiya? Jawaar Maxamed Dalka Itoobiya waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay dilka fannaan u dhashay qowmiyadda Oromada oo maalma kahor lagu toogtay caasimadda Addis Ababa. Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo milateri ah soo dhoobtay waddooyinka caasimadda, si ay gacan uga geystaan xakameynta xaaladda, waxaana rabshadaha ka taagan dalkaas ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad ka badan 50 qof. Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay caasimadda Itoobiya, kuwaas oo ka qeybgalay baroordiiq loo sameeyay Hachalu Hundessa oo heesahiisa ay qeyb weyn ka qaateen kacdoonkii ka dhacay dalka Itoobiya. Dilka fannaanka oo ay da’diisu ahayd 34 sano jir ayaa waxaa ka dhalatay caro baahsan, waxaana ay horseeday in rabshado ay ka dhacaan meela badan oo Itoobiya. Booliska Itoobiya ayaa sheegay in 35 qof oo uu kamid yahay Jawaar xabsiga loo taxaabay, taas oo sii hurisay rabshadaha ka taagaan caasimadda iyo dowlad deegaanka Oromoda. Dhammaadka sanadkii 2019-ka, Jawaar Maxamed mar uu la hadlay teleefishinka Al Jazeera waxaa uu u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro siyaasadda Itoobiya, kana fikiraya in uu tartamo doorashada xigta ee la filayo in dalkaas ay ka dhacdo sanadka dambe, inkastoo aysan kala caddeyn xilka uu doonayo in uu u tartamo. Jawaar oo qaatay dhalashada dalka Mareykanka ayaan la ogeyn in uu iska celiyay iyo inkale, maadaam dastuurka dalka Itoobiya uu dhigayo in qof heysta dhalashada dal ajnabi ah uusan xil ka qaban karin dalkaas. Haddaba waa kuma Jawaar Maxamed? Jawaar Maxamed Jawaar Siraaj Maxamed waxaa uu sanadkii 1986 ku dhashay magaalada Dhumuga ee gobolka Arsi ee dalka Itoobiya. Aabihii waxaa uu ahaa nin Oromo ah oo heysta diinta Islaamka, halka hooyadiina ay aaminsaneyd madhabta qibdiyiinta dalka Itoobiya looga yaqaano Tulama. Waxaa lagu tilmaama in uu yahay shakhsiga ugu saameynta badan Itoobiyada casriga ee haatan jirta. Jawar waxaa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose kusoo qaatay iskool ay maamulaan madhabta katoliga oo ku yaala magaalada Asella, waxaana sidoo kale waxbarashada dugsiga sare uu kusoo qaatay iskoolka Adama sanadkii 2003, xilligaas oo uu deeq waxbarasho ka helay jaamacad ku taala dalka Singapore. Waxaa uu jaamacaddaas ka qallin jabiyay sanadkii 2005. Culluunta siyaasadda ayuu markii dambe jaamacadda Stanford ka bartay, oo waxaa uu ka qaatay shahaadada koowaada, waxaana uu ka qallin jabiyay sanadkii 2009, Sidoo kale shahaadada labaad ayuu sanadkii 2013-ka ka qaatay jaamcadda Columbia ee dalka Mareykanka oo uu ka bartay ka shaqeynta iyo sare u qaadidda xuquuqda aadanaha. Jawaar Maxamed waxaa uu sanadihii dambe fadhigiisu ahaa dalka Mareykanka. Wuxuu door weyn ka qaatay kacdoonkii dalka Itoobiya ka dhacay sanadki 2016-ka. Intii uu jooga Mareykanka waxaa uu asaasay warbaahin lagu magacaabo Oromia Media neywork. Jawaar oo ay dalka Itoobiya ugu dambeysay sanadkii 2008 kahor inta uusan kusoo laabanin ayaa waxaa magaalada Minneapolis ee dalka mareykanka uu ka hirgeliyay stuudiyo, halkaaas oo warbaahinta OMN iyo baraha bulshada uga hadli jiray “dhibaatooyin” uu sheegay in dowladdii uu hogaaminayay Hailemariam Desalegn ay ku heyso dadka Oromada iyo guud ahaan dalka Itoobiya. Wuxuu ahaa shakhsigii asaasay OMN oo af-Oromo ku baxa marki dambana af-Amxaari lagu biiriyey. Waxaa uu baraha bulshada iyo warbaahinta uga dhaqdhaqaaqi jiray xuquuqda dadka Oromoda, isagoona hadba muuqaalo ama farriimo soo dhigi jiray warbaahinta OMN iyo baraha bulshada. Jawaar akoonada uu ku leeyahay baraha bulshada waxaa ku taxan kumanaan qof oo uu saameyn ku leeyahay. Kacdoonkii isbadel doonka Jawaar Maxamed Jawaar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa. Jawaar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhallinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo uu asaasay sanadkii 2016-ka, kuwaas oo gudaha dalka itoobiya ka sameeyay mudaharaadyada sababay inay dowladda hore meesha ka baxdo. Markii ay rabshadaha ka socdeen dalka Itoobiya, dad badan waxay aad ugu xusuustaan jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntiina sababay inuu ra’isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay. Waxaa uu Jawaar dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya sanadkii 2018-ka, xilligaas oo uu isbadelka ka hirgalay Itoobiya. Dad badan waxay Jawaar ku eedeeyaan in uu qeyb ka yahay hurinta colaadaha qowmiyadaha dalka Itoobiya ka dhex dhaca isaga oo lagu sheego inuu farriimo isku dhacyo abuuri karo baraha bulshada ku tabiyo, haseyeeshee waa uu beeniyay eedyamhaasi. Qaran News
-
Taalada Haile Selassie oo la burburiyay Taalada loo sameeyay hogaamiyihii hore ee Itoobiya Haile Selassie ayaa la burburiyay taas oo ku taallay barxadda Wimbledon ee magaalada London. Booliska Ingiriiska ayaa baarayaa dhacdada, waxaana la sheegay in taalada dhulka la dhigay galabnimadii Talaadada. Taalada Haile Selassie waxaa burburiyay boqol dhalinyaro ah, sida ay sheegeen dad goobo joogayaal ah. Waxay u muuqataa in dhacdadan ay xiriir la leedahay qalalaasaha ka taagan Itoobiya kaddib dilkii loo geystay fanaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa Hachalu Hundessa. Haile Selassie ayaa ku noolaan jiray Ingiriiska sannadkii 1936-dii markii dalkiisa ay ku duuleen Talyaaniga. Ugu yaraan 50 ruux ayaa lagu dilay dalka Itoobiya kaddib markii ay dhaceen dibadbaxyo looga careysan yahay dhimashada fannaan caan ahaa oo kasoo jeeda gobolka Oromia, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal maxalli ah. Kumannaan qof oo taageerayaal ah ayaa isu tagay si ay ugu baroor diiqaan Hachalu Hundessa, oo la dilay habeenkii Isniinta, xilli uu gaarigiisa watay. Booliska ayaa sheegay in la xiray 35 ruux, oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah ee lagu magacaabo Jawar Mohammed Qaran News
