-
Content Count
212,235 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu falanqeeyay sidii loo fulin lahaa amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in Xukuumaddu si buuxda uga shaqayso hirgalinta doorashada dalka oo xilligeeda lagu qabto. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa furay shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxaana guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in ay guddigu diyaariyeen tallaabooyinka farsamo ee laga sugayay guddiga si loo hirgeliyo doorasahada. Kulanka ayaa looga dooday baahida deg dega ah ee loo qabo wada tashi loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda Federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada, si loo hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta. Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah hoosta uga xarriiqay muhiimmadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed oo gogosha u xaara in loo gudbo arrimaha farsamo ee doorashooyinka, kadibna loo soo bandhigo qorsho cad oo waqtiyeeysan. Wasaarraddaha Amniga, maaliyadda iyo arrimaha gudaha ayaa iyana soo bandhigay qorshaha uga aaddan doorshooyinka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shirkii Golaha Wasiirrada Khamiistii la soo dhaafay ka shaaciyay in shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hortaalla xilligan ay tahay hiegelinta doorashada. Goobjoog NewsK Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta dib looga celiyay magaalada Muqdisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku go’doonsanaa dalka Uganda tan iyo markii uu caalamka kala xirxiray xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, islamarkaana hakiyay duulimaadyadii isaga kala kooshi jiray wadamada caalamka. Muwaadiniyiinta oo tiradooda gaareysay 84 qof ayaa waxaa u badnaa arday wax ka baraneysay Jaamacadaha dalkan Uganda, iyadoo Safaaradda Soomaaliya ee dalkan Uganda ay gacan weyn ka geysatay Muwaadiniyiinta in dib loogu celiyo magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe kaddib markii Muwaadiniyiintan ay Safaaradda u gudbiyeen codsi ah in loo fududeeyo in dalka dib looga celiyo, iyadoo safaardda ka jawaabtay codsiga Muwaadiniyiintaas. Haddaba qaar ka mid ah dadkii maanta ka dhoofay garoonka caalamidga ah ee Entebbe oo ka hadlay dareenkooda ku aadan inay dalkii dib ugu laabtan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin dib ugu guryo noqoshada dalkooda Hooyo, ayna uga mahadcelinayaan Madaxda iyo shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Uganda kaalinta ay ka qaadatay howshan. 84-ka qof ee maanta dib loogu celiyay Soomaaliya ayaa dhamaantood la hubiyay bedqabkooda caafimaad, si gaar ah feyruska Karoona kahor inta aysan halkan ka safrin. Safaaradda Soomaaliya ee dalkan Uganda ayaa sido kale waddo dadaalo dib looga celinayo muwaadaniinta kale oo ku xaniban dalka Uganda. Intaas kaddib Muwaadiniinta ayaa maanta gelinka dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halka inta hartayna ay u gudbeen dhanka magaalada Garoowe ee caasimadda Gobolka Nugaal iyo dowlad Goboleedka Puntiland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta gudoomiyay shir ay ka qeybgaleen dhamaan masuuliyiinta sar-sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo ku qabsoomay hannaanka muuqaal-shireedka qadka internetka. Kulanka ayaa intii uu socday looga arinsaday sii ambaqaadidda howlaha ka harsan dhameeytirka dastuurka, waxaana sidoo kale laga dooday qorshe-howleedka lagu dhameeystirayo geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka oo ay horay Wasaaradda iyo labada Guddi si wadajir ah u diyaariyeen. Wasiir Saalax Jaamac oo ugu horeeyn kulanka furay ayaa ka hadlay howlaha taagan oo ay ugu muhiimsanyihiin arrimaha u baahan in xal-siyaasadeed laga gaaro isaga oo sheegay inay udub-dhexaad u yihiin fulinta qorshe-howleedka dhameeystirka dastuurka. “Sida aad ogtihiin arrimaha masiiriga ah ee u baahan in wadaxaajood-siyaasadeed laga galo ayaa iminka ah horutabinta ugu muhiimsan ee ka mirodhalin karta geedi-socodka lagu dhameystirayo dastuurka, inaga ka wasaarad ahaan waxaanu gelinay dedaal badan in horay loo dhaqaajiyo arrimahaas inaga oo wasaaradaha kala duwan ee dowladda dhexe la yeelanay kulamo-howleedyo si Xukuumadda Federaalka ay aragti mideysan uga yeelato dhameeytirka dastuurka kadibna ay u fududaato in wadaxaajood-siyaasadeed ay ka galaan hogaanka sarre ee dalka” ayuu yiri Wasiir Saalax. Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa si wadajir ah waxa ay uga hadleen qaar kamid ah qodobada dastuurka ee u baahan in si degdeg ah xal-siyaasadeed looga gaaro si loogu guuleysto fulinta qorshe-howleedka dhameeystirka dastuurka. Gebogabadii, Wasiir Saalax oo kulanka soo xiray ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in la dardargelin doono arrimaha wacyigelinta dadweynaha ee arrimaha dastuurka si dadka Soomaaliyeed ay xog badan uga helaan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay islamarkaana aragtiyadooda uga dhiibtaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (PP News Desk) — The President of Somaliland Government Muse Bihi Abdi has inaugurated the first part of Berbera Corridor Road. “I commend the project staff for finalising the first part of the road. Barbera Corridor and Erigavo Road Project are important infrastructure initiatives in Somaliland. As you know our land is divided into a coastal plain and plateau with different temperatures.“ said President Bihi. President Bihi (third from left) inaugurating the first phase of Berbera Corridor Road The engineer in charge of the road construction said the plan was to inaugurate 20 KM road but rain and substandard service delivered by local contractors affected the delivery of the project. The Berbera Corridor road differs from Somaliland roads not only in terms of width — 11.3 feet — but also has a 40 ton capacity to handle heavy haulage trucks. Contractors will finalise the project by September 2021 due to the delay in the first phase of the project. The flagship Berbera Corridor Project will provide Berbera Port with a competitive edge in the Horn of Africa trade. © Puntland Post, 2020 The post SOMALILAND PRESIDENT INAUGURATES THE FIRST PART OF BERBERA CORRIDOR ROAD appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay shirka guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaray sidii fulin lahaa amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in xukuumaddu ay bilaabeyso hirgalinta doorashada dalka, taas oo ku dhacda waqtigeeda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa furay shirka guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxaana guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim ‘Xaliimo Yareey’ oo ka qeyb gashay shirkaas ayaa sheegtay in guddigeedu diyaariyey tallaabooyinka farsamo ee laga sugayay si loo hirgeliyo doorasahada dalka la filayo inay ka bilaabato dabayaaqada sanadkan. Kulanka ayaa looga dooday baahida deg degga ah ee loo qabo wada tashi loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada, si loo hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta. Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah hoosta uga xarriiqa muhiimmadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed oo gogosha u xaara in loo gudbo arrimaha farsamo ee doorashooyinka, kadibna loo soo bandhigo qorsho cad oo waqtiyeeysan. Wasaarradaha amniga, maaliyadda iyo arrimaha gudaha ayaa iyaguna soo bandhigay qorshaha uga aaddan doorshooyinka dalka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shirkii golaha wasiirrada Khamiistii lasoo dhaafay ka shaaciyay in shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hor taalla xilligan ay tahay hirgelinta doorashada dalka oo waqtigeeda ku dhacda.
-
Shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu falanqeeyay sidii loo fulin lahaa amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in xukuumaddu si buuxda uga shaqayso hirgalinta doorashada dalka oo xilligeeda lagu qabto. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa furay shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxaana guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in ay guddigu diyaariyeen tallaabooyinka farsamo ee laga sugayay guddiga si loo hirgeliyo doorasahada. Kulanka ayaa looga dooday baahida degdegga ah ee loo qabo wada tashi loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda Federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada, si loo hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta. Xubnaha Guddiga ayaa si wadajir ah hoosta uga xarriiqay muhiimmadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed oo gogosha u xaara in loo gudbo arrimaha farsamo ee doorashooyinka, kadibna loo soo bandhigo qorsho cad oo waqtiyeysan. Wasaarraddaha Amniga, Maaliyadda iyo Arrimaha gudaha ayaa iyana soo bandhigay qorshaha uga aaddan doorshooyinka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shirkii Golaha wasiirrada Khamiistii la soo dhaafay ka shaaciyay in shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hortaalla xilligan ay tahay hiegelinta doorashada. PUNTLAND POST The post Xukuumadda oo billowday fulinta amarkii Ra’iisul Wasaare Khayre ee Doorashada 2020-2021 appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Laba ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland ayaa maanta laga helay cudurka COVID-19 sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan wasaaradda Caafimaadka. Sidoo kale waxa jira wasiirro kale oo laga baadhay Corona Virus balse laga waayay. Source
-
Soomaali ku xayirneyd Uganda oo dalka dib loogu soo celiyey
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa maanta dib loogu soo celiyay Muqdisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku go’doonsanaa dalka Uganda, tan iyo markii uu caalamka kala xir-xiray xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, islamarkaana hakiyay duulimaadyadii isaga kala kooshi jiray caalamka. Muwaadiniinta oo tiradooda ay gaareysay 84 qof ayaa waxaa u badnaa arday wax ka baraneysay Jaamacadaha Uganda, iyadoo safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ay gacan weyn ka geysatay in muwaadiniintan dib loogu soo celiyo magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, kaddib markii ay dadkaasi safaaradda u gudbiyeen codsi ah in loo fududeeyo in dalka dib loogu soo celiyo, iyadoo safaaraddu ay ka jawaabtay dalabka muwaadiniintaas. 84-ka qof ee maanta dib loogu soo celiyay Soomaaliya ayaa dhamaantood la hubiyay bad-qabkooda caafimaad, si gaar ah feyruska Karoona, ka hor inta aysan soo safrin. Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa sido kale haatan wadda dadaalo dib looga celinayo muwaadiniinta kale oo ku xaniban gudaha wadankaasi. View the full article -
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 47 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 13 qof, waxaana geeriyooday hal bukaan. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 38 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 9-ka kale ay yihiin haween. 28 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay Somaliland, Gobalka Banaadir 9, Puntiland 5 iyo Jubbaland 5 qof. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,023 waxaa bogsootay guud ahaan 361 ruux. Halka 79 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Habeen-010620.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbi siyaasadeed ay leeyihiin xubnaha xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah looga diiwaan-geliyey xarunta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran, kadib markii uu gudbiyey warqadaha codsiga diiwaan-gelinta, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Xisbigan ayaa la filayaa inuu qaato magaca Nabad iyo Nolol, oo ah kan ay ku caan baxday xukuumadda markii uu talada qabtay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana guddoomiye ku-meel gaar ah looga dhigay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, sida aan xogta ku helnay. Xukuumadda ayaa gudbisay shuruudihii looga baahnaa ee diiwaan gelinta Xisbiga, waxaana lagu wadaa in guddiga doorashooyinka uu maalmaha soo socda guddoonsiin doona shahaadada KMG ah. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiyenimada Mahdi Guuleed ay ugu wacan tahay ayada oo aysan kala caddeyn qorshaha madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha ee xisbigan iyo doorashada soo socota. Ilo-wareedyo ku dhow Kheyre ayaa si kastabasheegay in xisbiga uu wato madaxweynaha, xilka guddoomiyenimadana uu usii hayn doono Mahdi, inta ay kasoo dhowaanayaan doorashooyinka. Waxay diideen inay macneeyaan hadalkaas iyo wax faah-faahin oo intaas dheer. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa muddo lagu xamanayey inuu doonayo inuu isu sharxo madaxweyne, inkasta oo wararkaas ay qaboobeen bilihii dhowaa, una eg tahay inuusan sidaas sameyn doonin. Diiwaan-gelinta xisbiga cusub ayaa imaneysa ayada oo toddobaadyadii dhowaa xukuumadda lagu eedeynayey in sababta aysan weli xisbi u sameysan ay tahay, inay dooneyso muddo kororsi iyo inaysan doorasho dalka ka qaban.
-
Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Jubaland Axmed Faarax Taqal (Tim-jilac) ayaa sheegay in madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya laga doonayo in ay is badal ay sameeyeen horomarna gaarsiiyeen guud ahaan Wadanka oo dhan https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Taqal.mp4 Source: goobjoog.com
-
Haweenka ka ganacsada caanaha xiliga habeenkiiay sheegay in ay dhibaatooyin kala kulmaan halista Waddooyinka Muqdisho wariyaha goobjoog Maariya Aadam Harlin ayaa booqatay suuqyada lagu iibiyo caanaha,iyadoo warbixintan ka diyaarisay https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whatssssss.mp4 Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeellka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda maalin laha ah ku sheegtay in dalka laga diiwaan geliyey kiisas cusub oo xanuunka Coronavirrus oo gaarayo 47 kiis 24- saac ee tagtay taas oo tirada guud ee dadka xanuunka uu ku dhacay guud ahaan wadanka ka dhigeyso 2,023 . Wasaaradda ayaa sheegtay in gobolka Banaadir laga diiwaan geliyey 9 kiis halka 28 kiis maanta laga helay Somaliland, dowlad goboleedka Puntland laga helay 5 xaalaad iyo dowlad goboleedka Jubbaland oo laga helay 5 xaaladood, iyadoo Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug aan maanta laga soo sheegin kiisas COVID-19 ah. Wasaaradda ayaa dhanka kale xustay in maanta xanuunka dalka uu ugu geeriyooday 1 muwaadin taas oo ka dhigeyso muwaadinkii 79-aad, waxaa xanuunka soo bogsaday 13 bukaan taas oo ka dhigan in xanuunka ay ka caafimaadeen 361 buukaan, kiisas maanta la helay 38 ka mid ah waa Rag halka 9 ka mid ah ay yihiin Dumar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wuxuu ahaa hadal anfariirleh, oo bilaa sariigasho ah kaas oo kasoo yeeray qof maqaamkiisu gaaray Ra’iisul wasaare Soomaaliyeed. Sida uu hadalku u dhacaayay dhaliil ma aheyn ee dhar dhigasho cad ayuu xambaarsanaa, oo dulucdiisa la wada fahmi karay. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa si bareer ah u Aflagaadeeyay Xaliimo Yareey oo hada heysa xilka gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Gaas wuxuu yiri “Xaliimo Yareey hadaad tiraahdid asbuuca dambe doorasho ma ka qaban kartaa Sacuudi Carabiya waxey leedahay haa” taas oo ka dhigan iney tahay qof aannan kala aqoonin Soomaaliya iyo Sacuudiga, qof juhalo ah, oo dhex taagan shaqo aaney waxba ka aqoonin. Madaxweynihii hore ee Puntland ma uusan eedeyn Guddiga Doorashada oo afkiisu sooma qaban ee wuxuu toos u weeraray Xaliimo Yareey. Wuxuu ahaa beegsi fadeexadeysan oo Ina Gaas uu ku dhaawacay shaqsiyadda Xaliimo oo marka xilkeeda laga tago, hooyo Soomaaliyeed ah, taasoo mudan ixtiraam iyo qadarin. Waxaa igu maqaallo ah inuu Cabdiweli Gaas dhowr jeer dood ka keenay sida ay hal reer u hogaamin karaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Dib u eegista Dastuurka, waxaana taas sii xoojisay hadalkiisii quuri-waaga ahaa ee uu ku aflagadeeyay Xaliimo Yareey, oo xitaa noqon kara quuri-waa qabiil. Inkastoo uu Cabdiweli Gaas siyaasad ahaan dhowr jeer is jilaafay hadana dadka Soomaaliyeed kama sugeynin inuu sidaas ugu fogaan doono qof sida Xaliimo Yareey ah oo lagu tuhmaayo aqoon iyo waayo aragnimo shaqo. Xaliimo Yareey magacaabis kuma imaan, waxey ka tirsantahay guddi 9 xubnood ah oo lagu qeybsaday 4.5 kaas oo uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya. Waxey ka tartantay guddiga dhexdiisa waana guuleysatay, waxey aheyd hadii uu Cabdiweli Gaas dhib ku qabo midaas inuu yiraahdo is casila labadii xubnood ee ka timid dhinaciisa. Gaas waa madaxweynihii hore ee Puntland, wuxuu hadalkaan ka sheegay Garoowe oo ah caasimadda Puntland, wuxuu u gafay xubin beel kale ku matasha guddi heer Qaran ah, wuxuu si shaqsi ah u beegsaday qof dumar ah, waxaana goobta uu hadalkaan ka yiri fadhiyay madaxda Puntland. Hadabba maamulka Puntland labo umbaa mid laga rabaa: Waa iney aflagaadaadas ka mideysanyihiin maadaama ay goobta fadhiyeen madaxda xilligaan ee Puntland iyo madaxdii hore oo ay tallaabada Gaas difaacaan ama waa iney Puntland cudur daar iyo raali galin ka bixisaa hadalka madaxweynaheedii hore. Sidoo kale Cabdiweli Gaas isna waxaa la gudboon inuu ka laabto ijaafadaas shaqsiga ah oo uu raali galin ka bixiyo. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Dawladda Soomaaliya ayaa liisankii duulimaadka ay ku iman lahaayeen Soomaaliya kala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya. Dawladda Somaaliya ayaa ku eedaysay mid ka mid ah labada shrikadood oo lagu magacaabo Buff AIR SERVICES inay diyaarad ay leedahay ay si sharcidarro ah qaad usoo gelisay Soomaaliya iyo inay ku xadgudubtay xayiraaddii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya ee dhinaca duulimaadka cudurka COVID-19 awgeed, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen VOA. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/eeeeee.mp4 Source: goobjoog.com
-
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Munaasibad kooban ku dhacday hab- maqal iyo muuqaal ah waxaa ka qeybgalay Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Timacadde, Af-hayeenka Madaxtooyada Jaamac Dabaraani iyo dhammaan Agaasime waaxeedyada Madaxtooyada. Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdiladiif wuxuu ka warbixiyey shaqadii qabsoontay intuu xilka hayey iyo qorsheyaasha u yaallay, isagoo kelmad dardaaran iyo mahadcelin ah u jeediyey dhammaan Shaqaalaha Madaxtooyada. Cabdiweli Timacadde Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada oo wakiil ka ah Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif, ayaa Dukumentiyada iyo agabka kale ee xafiiska ku wareejiyey Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid Cali. Gabangabadii kulanka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid ayaa hadal kooban jeediyey, wuxuuna uga mahadceliyey agaasimihii hore shaqada uu soo qabtay, iyo sidoo kale dhammaan shaqaalaha lasoo shaqeeyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo ku xayirnaa wadanka Sucuudiga tan iyo markii dunida safakeeda uu kala xiray xanuunka safmarka ah ee COVID-19 iyadoo dowladdu horay u soo celisay muwaadiniin ka soo horeeyey kuwa maanta soo gaaray dalka oo horay loo keenay. Diyaaradda maanta soo cagadhigatay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ay tahay diyaaradii afaraad oo sida mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Sacuudiga, iyadoo sedex jeer horay loo keenay muwaadiniin magaalada Muqdisho, diyaaradda galab soo gaartay garoonka waxaa ay sida shacab gaaraya 123 muwaadin. Muwaadiniintaan lagu Soo celiyey dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay laga soo daad gureynayay dalka Sacuudiga ayaana qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu jirto ka jawaabista baahiyaha bulshada iyo ku soo celinta dalkooda mawaadiniinta ku xiran wadamo dhowr kuwaas oo ka dilaacay caabuqa xanuunka Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Darar-weyne)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta tababar usoo xidhay dufcaddii labaad ee carbiska shaqo qaran oo uu tababar ugu soo dhammaaday deegaanka Darar-weyne oo dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa. Munaasibad kooban oo uu madaxweynuhu kusoo xidhayey dufcadda labaad ee dhallinyarada Barnaamujka Shaqo-qaran oo uu himiladiisa iyo hirgelintiisaba lahaa, ayaa waxa kala qayb-galay xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, hormuudka barnaamujka shaqo qaran iyo marti-sharaf kale oo kooban, waxana goobta laga jeediyey hadallo salka ku haya guulaha uu barnaamujkani guud ahaan qaranka, dhiirrigelinta dhallinyarada iyo sida uu wax uga taray is-dhexgalka iyo is fahanka bulshada. Agaasimaha guud ee Barnaamujka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addinka) oo ugu horrayn oo madasha hadal hadal dhinacyo badan leh ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ay maamul ahaan ka qabteen horumarinta iyo dhammaystirka dhammaanba adeegyada Aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin da’yarta lagu carbinayo Akadamiyadda Darar-weyne oo haatan maraysa heer wanaagsan, waxana uu madaxweynaha uga mahadnaqay hindisihiisa guulaystay ee dhidibada loogu taagay Barnaamujka Shaqo-qaran oo ay ka aflaxeen Kumannaan dhallinyaro ahi. Agaasime Maxamed Xuseen Cismaan waxa uu shaaca ka qaaday in guulaha ugu waaweyn ee uu Barnaamujkani qaranka usoo hooyey ay ugu muhiimsan yihiin inuu meesha ka saaray dhaqamadii gurracnaa ee gacan-togaalaynta, kor u qaaday caddaaladda muwaadiniinta dhexdooda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan si weyn ugu qanacsanahay in hawlgalka shaqo qaran uu quus geliyey dhaqankii liitay ee Musuqmaasuqa iyo mad-madowga, korna u qaaday sugidda caddaaladda, maamul-wanaagga iyo kalsoonida shacabka ee sharci loo siman yahay, tiirarka maamul-wanaagga ayeyna kamid tahay in hawl kasta oo la qabanayaa ay yeelato nidaam sugan iyo xeer lagu ilaaliyo oo ay ku wada-baarugsan yihiin dhinacyada hawshaasi kordhiso.” Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu agaasimuhu xusay in dhallinyarada lagu carbiyey barnaamujka Shaqo-qaran, ay madaxweynaha uga mahadnaqayaan wax wada-lahaanshaha iyo wadaagga dawladnimada,“Madaxweyne Barbaarta shaqo-qaran guud ahaan iyaga oo u han weyn qarankooda waxa ay ugu bogaadinayaan tallaabooyinka toolmoon ee aad u qaadday dhinaca caddaaladda bulshada, kobcinta wax wada-lahaanshaha, wadaagga dawladnimada iyo khayraadka dalka iyo maamul-wanaagga,” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Xuseen Cismaan. Taliyayaasha ciidamada militeriga iyo Booliska iyo wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si guud u hambalyeeyey guusha ballaadhan ee Barnaamujka shaqo-qaran oo kamid ah himilooyinka ugu waaweyn ee madaxweynaha qaranku uu u guulaystay ee uu shaqo-abuurka, is-dhexgalka da’yarta iyo hilaadinta himilada barbaarta da’da yar ee reer Somaliland u soo kordhiyey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ugu horrayn bogaadiyey dhallinyarada ka aflaxday kulliyada Shaqo-qaran, waxana uu tilmaamay in ujeeddada barnaamujkani tahay sidii isku duubni iyo wada-jir loogu gaadhi lahaa himilada uu qaranku leeyahay, xil weynna la isu saari lahaa, waxana uu yidhi, “Halkan waxa laguu keenay inaynu isla garanno dawladnimadu waxa ay tahay, waxa aynu doonayno iyo sidaynu u wada qabanayno, qoladiinna mutacallimiinta ahina aqoontii aad barateen intaasaa lagu kordhinayaa, marka intaa la helo waxa idin fuulaya xil ah inaad u diyaar garowdaan dadka la sugayo dalka inay hoggaamiyaan.” Madaxweynuhu waxa uu barbaarta ka aflaxday dufcadda labaad ee Barnaamujka shaqo-qaran ku tilmaamay keyd uu qaranku leeyahay oo markii loo baahdoba u diyaar ah inay qarankooda samata bixiyaan, waajib culisina saaran yahay, “Laga Bilaabo maanta waxa aad kamid tihiin ciidanka qaranka oo keyd baad tihiine ma tihidin dad shicib ah oo madax bannaan, rag iyo dumarba keydkaad ku jirtaan, marka la idiin baahdo ee dhibaato dhacdona waxad tihiin mutaddawiciinta ugu horreeya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Dufcadda labaad ee dhallinyarada shaqo qaran oo ka kooban wiilal iyo gabdho, ayaa haatan waxa u bilaabmay wejigii labaad ee barnaamujka oo ah carbis shaqo (Internship), kaas oo socon doona muddo hal sano ah. Ugu dambayntii waxa madasha shahaado-sharafyo lagu guddoonsiiyey shirkado, hay’ado madax bannaan iyo shakhsiyaad kaalmo muhiim ah ka qaatay hirgelinta barnaamujka shaqo-qaran ee ay maanta ka aflaxeen dufcaddii labaad. Wa Bilaahi Tawiiq Source
-
Matalaada dadka Magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Golaha aqalka sare ma waxa loo qeybinayaa qaab 4.5 ah, mise dadka Magaalada Muqdisho asal ahaan u dagan ayaa gooni u leh, shacabka Muqdisho ayaa ka aragto dhiibtay qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa la hadlay Goobjoog News https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats.mp4 Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray 12KM (laba iyo toban kiiloomitir) oo kamid ah jidka weyn ee Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor) oo si rasmi ah loo dhammaystiray. Ugu horrayn Eng. Tahir Mehmood ku hadlayey magaca shirkadda Nael $ Bin Harmal Hydaroexport Establishment (NBHH) ee dhismaha fulinaysa dhismaha waddada Berbera Corridor, ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee ay waddadu soo martay, waxana uu tilmaamay inay ka go’an tahay dhammaystirka Waddada Berbera Corridor oo muhiim u ah guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa isaguna faahfaahiyey isbeddelka dhinaca tayada iyo cabbirka ah ee waddada ku yimi iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay waddadii hore loo mari jirey oo ahayd mid kooban oo cimrigeedu dheeraa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Maanta waxa aynnu u joognaa inaynnu furno qayb kamid ah mashruucii Berbera Corridor oo ah 12 KM, waddadani madaxweyne way ka duwan tahay waddadeenii hore, qaabkii hore wuxuu ahaa Lix Tone (6), tanise insha allah waxay noqon doontaa 40-tone iyo wax ka badan inay xammisho, sidoo kale waa la ballaadhiyey oo ballaceedii hore waxa uu ahaa 6.5, imikana marka hareeraha lagu daro waa 11.3, waxana aannu rajaynaynaa inay insha Allah mustaqbalka ay inoo soo bixi doonto waddo aynu ku raysanno.” Wasiirku waxa uu sheegay in 12-ka KM ee haatan dhammaaday ay u furan yihiin isticmaalka bulshada gaadiidleyda ah ee jidka maraysa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa masuuliyiinta wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan dhammaystirka waddada Berbera Corridor, shaqo-wanaagga iyo isku duubnida ay muujiyeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Wasaaradda Jidadka iyo gaadiidka aad baan ugu mahadnaqayaa, waanan boogaadinayaa, waddadan (Berbera Corridor) iyo taa Ceerigaabo oo laba waddo oo muhiim ah bay gacanta ku hayaan, dedaal badan iyo shaqadii oo ay barteen iyo isla qabsi baa ka muuqda.” Ugu dambayntii Waxa uu madaxweynuhu masuuliyiinta wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo shirkadaha kale ee ku lugta leh jidka Berbera Corridor ku adkeeyey inay hawsha culus ee ay qaranka u hayaan sii laban laabaan, kana midho dhaliyaan himilada guud ee qaranku ka leeyahay dhinaca dhismaha waddooyinka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Wa Bilaahi Tawfiiq Source
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horreysay ka hadashay islamarkaana mowqif aan la fileyn ka muujisay qorshaha ay Israel ku goosaneyso qeyb ka mid ah Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin. Sarkaal sare oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegay in tallaabo kasta, oo hal dhinac, oo Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Daanta Galbeed, ay dib u dhac weyn ku noqon doonto hanaanka nabadda Bariga Dhexe. Ra’iisul Wasaareaha Israel Benjmain Netanyahu ayaa sheegay in golahiisa wasiirada ay 1-da bisha July billaabi doonaan wada-xaajoodyo ku saabsan qorshaha Israel ay madax-banaanideeda ugu dabaqeyso dhul ka mid ah kan Falastiin. Netanyahu ayaa sheegay in qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu bishii Janaayo soo jeediyey madaxweyne Trump uu ballan-qaadayo aqoonsashada deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed inay yihiin dhul Israel. Falastiiniyiinta ayaa si aad ah u diiday qorshaha nabdda Trump, sababtoo ah waxa uu inta badan Israel u sharciyeynayaa dhulkii ay ku qabsatay dagaalka, oo ay ku jiraan dhammaan deegaanada Yahuudda ee ay dhistay, taasi oo ah wax Israel ay raadineysay tobaneeyo sano. “Sii socoshada hadalka ku saabsan ku darsashada qeybo ka mid ah dhulka Falastiin waa in la joojiyaa,” ayuu yiri wasiiru dowladaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash, oo qoraal soo dhigay twitter-ka. Waa markii ugu horreysay oo Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah ugu hadlaan qorshahan, waxaana ay imaneysa ayada oo lagu xanto in ayaga iyo Sacuudiga ee xiriir hoose la leeyihiin Yahuudda. Waxay horey uga aamuseen xadgudub badan oo Yahuudda ay kula kacaan Falastiiniyiinta. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa horey ugu eedeeyey qaar ka mid ah dalalka Carabta inay taageerayaan qorshaha madaxweyne Donald Trump, oo uu ku qeexay “Khiyaano Qaran.” “Qaar ka mid ah dalalka Carabta ee taageeraya qorshaha noocan ah waxay sameynayaan Khiyaano Qaran oo ka dhan ah Qudus, shacabkooda iyo guud ahaan bani’aadannimada” ayuu Erdogan u sheegay madax goboleedyada xisbigiisa oo uu kula kulmay Ankara. Erdogan oo ah hoggaamiye diinta ku adag, una ololeeya xuquuqda Falastiin, ayaa si gaar ah u magacaabay Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar, Baxreyn iyo Jordan.
-
Sarkaal sare oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegay in tallaabo kasta, oo hal dhinac, oo Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Daanta Galbeed, ay dib u dhac weyn ku noqon doonto hanaanka nabadda Bariga Dhexe. Ra’iisul Wasaareaha Israel Benjmain Netanyahu ayaa sheegay in golahiisa wasiirada ay 1-da bisha July billaabi doonaan wada-xaajoodyo ku saabsan qorshaha Israel ay madax-banaanideeda ugu dabaqeyso dhul ka mid ah kan Falastiin. Netanyahu ayaa sheegay in qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu bishii Janaayo soo jeediyey madaxweyne Trump uu ballan-qaadayo aqoonsashada deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed inay yihiin dhul Israel. Falastiiniyiinta ayaa si aad ah u diiday qorshaha nabdda Trump, sababtoo ah waxa uu inta badan Israel u sharciyeynayaa dhulkii ay ku qabsatay dagaalka, oo ay ku jiraan dhammaan deegaanada Yahuudda ee ay dhistay, taasi oo ah wax Israel ay raadineysay tobaneeyo sano. “Sii socoshada hadalka ku saabsan ku darsashada qeybo ka mid ah dhulka Falastiin waa in la joojiyaa,” ayuu yiri wasiiru dowladaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash, oo qoraal soo dhigay twitter-ka waa markii ugu horreysay oo Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah ugu hadlaan qorshahan nabadda Bariga dhexe Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa horey ugu eedeeyey qaar ka mid ah dalalka Carabta inay taageerayaan qorshaha madaxweyne Donald Trump, oo uu ku qeexay “Khiyaano Qaran.” waxaana uu yiri. “Qaar ka mid ah dalalka Carabta ee taageeraya qorshaha noocan ah waxay sameynayaan Khiyaano Qaran oo ka dhan ah Qudus, shacabkooda iyo guud ahaan bani’aadannimada” ayuu Erdogan u sheegay madax goboleedyada xisbigiisa oo uu kula kulmay Ankara. Erdogan oo ah hoggaamiye diinta ku adag, una ololeeya xuquuqda Falastiin, ayaa si gaar ah u magacaabay Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar, Baxreyn iyo Jordan. Goobjoog News Source: goobjoog.com