Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qaahira (Caasimada Online) – Dalal kamid ah dowladaha carabta ayaa soo saaray digniin ku aadan Israel, iyada oo si cad u garab istaagay dowladda Falastiin oo dhibaato badan ay ku hayso yuhuudu. Dalalkaasi sheegay inay is garab taagayaan Falastiin, ayaa waxa kamid ah Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Jordan, Masar, Cuman, Morocco, Kuwait, iyo Tunisia. Dowladahan carbeed ayaa ka hor-yimid deegaameyn ay dib u bilaabeyso Isreal, midaasi oo ay rabto inay ka sameyso qayb kamid ah dhulka Falastiin, xili uu soo shaac baxayo qorshe hoose oo arrintan lidi ku ah. Waxayna si wada-jir ah digniin bilaa talaabo ah u direen dowladda Israel oo wada daandaansi ka dhan ah Falastiin, si ay uga baaqsato xad-gudubka dhuleed ee ay ka wado gudaha Falastiin, isla markaana aysan ka talaabsan qaraarada caalamiga ah. Dalalkaasi ayaa sheegay rabitaankooda ku aadan inay ka baxdo Isreal dhulka Falastiin iyo dhamaan dhulalka carabta ah ee ay dagaalada ku qabsatay, waa sida ay hadalka u dhigeen. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xili uu dhawaan wargeys laga leeyahay Isreal oo lagu magacaabo Israel Hayom, uu baahiyay in Saraakiil derajadoodu sarreyso oo ka tirsan dowladaha Sacuudiga, Masar, iyo wadamo kale oo gacanka ku yaalla ay dhiggooda Israel u ballan-qaadeen in aysan qorshaha ugu jirin inay talaabo ka qaadaan qorshaha ay Israel ku goosaneyso dhulka reer Falastiin. Wargeyska ayaa sidoo kale weriyey in dowladahaasi ay Isreal ugu jawaabi doonaan cambaareyn afka oo keliya, isla markaana aysan talaabo cad ka qaadi doonin qorshaha Isreal.
  2. In 1956, four years ahead of the end of the trusteeship mandate, the territory’s progress towards self-government had proceeded at a speedy pace, with a view to preparing the territory for full independence Source: Hiiraan Online
  3. Warar kale duwan ayaa waxaa ay ka soo baxayaan weerar lagu qaaday qoys deganaa deegaanka Tabeelaha ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana weerarka ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Weerar ayaa waxaa geestay askari la sheegay inuu ka tirsanaa cidamada Booliska dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana uu weerar xaafad ay daganaayeen reer uu gabar ka qabay sida lagu helayo wararka soo baxayo deegaanka. Weerarka ayuu ninka wuxuu u adeegsaday qoriga AK47 ilaa iyo 4 ruux ayaa waxaa ay ku geeriyoodeen rasaastii uu furay halka 5 kale ay ku dhaawacmeen, qoyska dhibaatadu gaartay ayaa u badnaa iyo haween caruur sida la xusay. Shaqsigii weerarka geystay ayaa goobta isaga baxsaday kadib markii uu dilka geystay, waxaa socda dadaallo ay wadaan dadka dariska ah oo ay ugu gurmanayaan qoyska uu dhibaatada ay soo gaartay. Wixii ka soo kordha kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Bar____Qubanaha-08072020-2-Sx-.mp3 View the full article
  5. (SLT-Muqdisho) Raysal Wasaaraha Dalkaasi Soomaliya Mud. Xasan Cali Khayre iyo Wakiilka Midawga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya Nicolás Berlanga Martinez ayaa orod guclayn ah ku soo bandhigay Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho oo dhawaan dibudhis casriyayn ah lagu sameeyay . Labadan masuul oo jimicsanaayay xili saxaafadda ay ka soo muuqdeen ayaa dhinaca kale mujinaayay in Nabadi ka soo muuqato Magaalada Muqdisho oo dagaalo hala keyeen 30-kii sanno ee la soo dhaafay. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim oo dhaca duleedka koonfureed ee Muqdisho, waxa ay sheegayaan in goor dhaw nin hubeysan uu weeraray qoys ka tirsanaa dadka deegaanka. Ninka oo ku hubeysnaa qori AK47 ah ayaa rasaas aan kala sooc laheyn ku furey reerkaas oo ka koobnaa ku dhawaad 10 qofood, kuwaas oo dhamaantood qaarna dhintay, qaarna dhaawacmay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dadka deegaanka. Inta la xaqiijiyey afar qofood ayaa ku geeriyootay goobta, halka ugu yaraan shan kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, waxaana haatan meydadka iyo dhaawacyada dadkaas loo soo qaaday xarunta dhexe ee dembi barista booliska Soomaaliya ee CID-da. Inkastoo aan xog dhameystiran laga heyn hadana dadka deriska la ah reerkan dhibanaha ah, waxay noo sheegeen in ninka weeraray reerkan uu gabar ka qabay, isla markaana uu jiray hinaase ama maseyr ku dhaliyey weerarkan. Wararku waxay intaas ku darayaan in ninka geystay falkaas uu ka tirsanyahay ciidamada booliska Soomaaliya, isla markaana uu ka baxsaday goobtii uu falku ka dhacay. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online.
  7. (SLT-Addis-ababa) Tirada dhimashada ee banaanbaxyada iyo rabshadaha qowmiyadeed ee ka qarxay dalka Ethiopia usbuucii la soo dhaafay kadib dil loo geestay fannaan caan ah oo ka soo jeeda qowmiyadda oromada ayaa kor u dhaaftay 239, sida laga soo xigtay booliska dalkaasi. Hachalu Hundessa, oo ah halyeeyga caan ka ah ee Oromo badan u arkayeen in uu yahay cod karkooda, ayaa waxaa toogtay rag aan la garaneyn maalintii Isniinta ee usbuucii hore, taasoo sii hurineysa xiisadaha qowmiyadeed iyada oo wadanku qarka u saaran kala guurka doorashooyinka dimuqraadiyadeed. Mudaaharaadyo ayaa ka qarxay caasimada Addis Ababa, iyo waliba gobolka ku xeeran ee Oromada oo ah qowmiyadaha ugu waaweyn dalka, kuwaas oo muddo dheer dareemay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan in ay ka dambeeyaan qarannimada kala duwan ee dalkaasi. Saraakiisha ayaa u sababeynaya dhimashada ismaandhaaf xoog leh oo soo kala dhexgalay saraakiisha amniga iyo kooxa rabshadaha ka wada. “Sababo la xiriira rabshado ka dhacay gobolka, sagaal sarkaal oo bilays ah, shan ka tirsan maliishiyaadka iyo 215 rayid ah ayaa naftooda ku waayey,” ku simaha taliyaha bilayska Oromada Mustafa Kedir ayaa telefishanka ka sheegay Arbacadii. Booliska magaalada Adis Ababa ayaa horay u sheegay in 10 qof ay ku dhinteen caasimada. Tirada dhimashada ayaa ah koror ka dhashay 166 qof oo dhintey sabtidii. “burburin ballaadhan iyo bililiqeysiga” ee dowladda iyo hantida gaarka loo leeyahay” ayuu yidhi Mustafa. “Si loo xakameeyo rabshadahaan in ka badan 3,500 oo tuhmanayaal ayaa la qabtay. Waxay ahaayeen xubno ka soo horjeedda nabadda kuwaasoo fuliyay weerarro iyagoo adeegsanaya geerida fanaaniinta taas oo daliil u ah in lagu burburiyo nidaamka dastuuriga ah xoog,” ayuu yiri. “Dadka Oromada waa in ay ixtiraamaan qowmiyadaha kale ee ku dhex nool.” Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dilkii Hachalu iyo qalalaasihii xigay ay qayb ka ahaayeen shirqool xasillooni darro looga abuurayo Ethiopia Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Alle ha u naxariistee laba qof ayaa ku dhintay laba kalena, way ku dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo mid ahaa gadiidka raaxada halka kalena yahay Booyada kaasi oo ka dhacay duleedka deegaanka Isha Gobka ee koonfurta Magaalada Hargeysa . Laba marxuum ee ku dhintay shilka ayaa ahaa walaalo , waxaanu mid ahaa gaashaanle Bedel Xasan Qayl oo ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland , horre na uga mid ahaa halgamayaashii ururkii SNM , gaar ahaan saraakiishii Guutaddii caanka ahayd ee Koodbuur. Ciidanka Dab-demiska ayaa gaadhay goobta shilku ka dhacay, waxaanay ciidanku kala saareen gaadiidkaas oo si weyn iskugu dhacay, iyadoo ciidanku adeegsanayo gaadiidka wiishka Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee Somaliland, Cabdilaahi Abokor ayaa sheegay In ka badan 200 Qof ayaa Somaliland ugu dhintay Shilalka Gadiidka Sannadkii hore halka ay 5000 oo qof ku dhaawacmeen Sida la ogyahay waxa maalinba ta xigta kor u sii badanaya shilalka gaadiidka ee guud ahaan Somaliland oo geysta khasaare naf iyo maalba iskugu jira. Source
  9. Wafdi ballaaran oo uu horkacayo madaxweynaha HirShabelle ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo wafdigiisa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). Sidoo kale waxaa maanta gudaha magaalada Dhuusamareeb gaaray xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Somalia. Wufuudan kala duwan ayaa qeyb galeysa shirka madaxda maamul goboleedyada dalka oo beri ka furmaya caasimada Galmudug, waxaana la filayaa in sidoo kale saacadaha soo socda ay halkaasi gaaraan hoggaamiyeyaasha 3-da maamul ee kale. Halkan hoose ka daawo sawirada:- View the full article
  10. (SLT-Hargaysa) Qiimaha Sicirka Khudrada daruuriga ah ayaa kor u kac ballaadhani ku yimi suuqyada Magalooyinka Somaliland oo Hargaysa ugu horayso. Qiimo koradhkan khudrada ku yimi ayaa loo aanaynaya rabshadaha Qoomiyada Oromadu ka wado Dalka Itoobiya oo ay ka imanjirtay badi khudrada lagu isticmaalo suuqyada Somaliland. Tanagada Tamaandhada ah oo ay ku jiraan saddex saxaradood ayaa qiimaheedu kor u dhaafay Hal-milyan oo Shillinka Somaliland ah halka markii hore ay ka ahayd 300,000SL . Geesta kale ummadda Somaliland oo ku nool dhul beerashada ku wacan ayaan haba yaraate beeranin khudrad ku filan suuqyada magaaladda . Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
  11. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Midowga Yurub iyo dowladda Norway uga mahadceliyay gacanta ay dowladda ka siiyeen dayactirka Garoonka Ciyaaraha Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolás Berlanga Martinez ku sharfay ka qeyb galka orod uu galabta ku sameeyay tuulada cayaaraha oo dib u dayactir lagu sameeyay, lana qorsheynayo in lagu qabto tartamo isboorti oo heer caalami ah. Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa si wada jir ah galabta ugu jimicsaday garoonka Cayaaraha Muqdisho. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Ahmed ahna hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran aya galabta markale xarunta Madasha shir kula yeeshay guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Kulankan ayaa yimid ayada oo uu socdo qorshe la doonayo in lagu heshiisiiyo guddoonada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in kulanka maanta uu daba socday shirkii maalin ka hor ay xarunta Madasha ku yeesheen guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo madaxweynayaashii hore. Sida lagu sheegay qoraalka Madasha ujeedka kulanka maanta ayaa ahaa in qodobadii laga wada hadlay la dar-dar geliyo, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray kulankan sidii loosoo celin lahaa wada shaqeynta labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya. Intii uu socday kulankan waxaa warbixin laga dhageystay Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay lasoo kulmay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku xigeenkiisa koowaad Abshir Bukhaari. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku dayeysa inay kaalin muuqata ka cayaarto dib u heshiisiinta hey’adaha qaar ee dowladda federaalka oo khilaaf uu hareeyey, sida guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo haatan aysan ka dhaxeyn wax wada shaqeyn ah. “Waxaa socda dadaal ballaaran oo Madashu ugu jirto in dib loo soo celiyo kalsoonidii iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal goor dhaw kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.
  13. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomalaiya ayaa warbixinteeda maalin laha ah ee xanuunka Coronavirus ku sheegtay in maanta guud ahaan dalka laga helay 13 kiis oo la xiriira COVID-19. Wasaaradda ayaa xustay in kiisaska cusub laga diiwaan geliyey Gobolka Banaadir 7, Somaliland2 iyo Puntland 4 ah. kiisaska la sheegay 9 kamid ah waa Rag halka 4 ay yihii Dumar, majiro kiis dhimasho ah oo laga sheegay dalka. Xanuunka COVID-19 ayaa waxaa ka soo bogsooday 51 ruux, oo tirada ka dhigeyso 1,147, guud ahaan waxaa uu dhacay muwaadiniin gaarayo 3,028 ruux, waxaa xanuun dalka ugu geeriyooday tan iyo markii uu dilaacay 92 ruux. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Guddoomiyaha madasha xisbiyada ahna madaxweynihii ee dalka Shariif Sheekh Axmed, iyo guddoomiyaha xisbiga UPD, xubinna ka ah madasha madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan Muqdisho kula qaatay guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarmaanka federaalka Soomaaliya iyo ku-xigeenkiisa koowaad. Halkaan Ka Akhriso qoraaka Madasha Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna Madaxweynihi hore ee dalka mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Madaxweynihi hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan daba socda shirkii maalin ka hor ay ku yeesheen xarunta Madasha Xisbiyada Qaran waxay maanta la qaateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal iyo Gud. Ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey. Ujeedka kulanka ayaa ahaa in qodobadii laga wada hadlay la dar dar geliyo waxaana si’ gaar ah diiradda loo saaray sidi loo soo celin lahaa wada shaqeynta labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, iyadoo warbixin laga dhageystay Madaxweyne hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay la soo kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi iyo Gud. Ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Bukhaari. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku dayeysa inay kaalin ka qaadato dib u heshiisiinta hey’adaha qaar ee Dowladda Federaalka oo khilaaf uu hareeyey, waxaana socda dadaal ballaaran oo Madasha XQ ugu jirto in dib loo soo celiyo kalsoonidi iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Hamdi Abdirahman Ahmed has spoken about her experiences as a doctor treating Coronavirus patients at a Mogadishu hospital at the start of the outbreak – and coping with catching the virus herself. Source: Hiiraan Online
  16. Guddoomiyaha madasha xisbiyada ahna madaxweynihii ee dalka Shariif Sheekh Axmed, iyo guddoomiyaha xisbiga UPD, xubinna ka ah madasha madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan Muqdisho kula qaatay guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarmaanka federaalka Soomaaliya iyo ku-xigeenkiisa koowaad. Halkaan Ka Akhriso qoraaka Madasha Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna Madaxweynihi hore ee dalka mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Madaxweynihi hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan daba socda shirkii maalin ka hor ay ku yeesheen xarunta Madasha Xisbiyada Qaran waxay maanta la qaateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal iyo Gud. Ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey. Ujeedka kulanka ayaa ahaa in qodobadii laga wada hadlay la dar dar geliyo waxaana si’ gaar ah diiradda loo saaray sidi loo soo celin lahaa wada shaqeynta labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, iyadoo warbixin laga dhageystay Madaxweyne hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay la soo kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi iyo Gud. Ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Bukhaari. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku dayeysa inay kaalin ka qaadato dib u heshiisiinta hey’adaha qaar ee Dowladda Federaalka oo khilaaf uu hareeyey, waxaana socda dadaal ballaaran oo Madasha XQ ugu jirto in dib loo soo celiyo kalsoonidi iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa maanta markale ka hadlay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, xili ay gebi ahaanba baaqdeen kulamadii lagu sii ambo-qaadayey wada-hadalladaasi oo ka furmayey dalka Jabuuti. Waddani ayaa shaki galiyay inay sii soconayaan wada-hadallada labada dhinac, maadama ay Soomaaliya si cad u jabisay heshiiskii hordhaca ahaa ee lagu kala saxiixday kulankii Jabuuti, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee gobolka Saaxil, Maxamed Jirde oo arrintaasi ka hadlayey ayaa sheegay in Xukuumada Muuse Biixi ay laftigeedu qarineyso wax badan, isagoona su’aal galiyay madax-banaanida hawada Somaliland. Guddoomiyaha ayaa xusay in talaabadii ay dhawaan qaaday dowladdu federaalku ee ay dib hawada uga celisay diyaarad kasoo duushay Kenya oo ku socotay madaarka Hargeysa, ay cadeyn u tahay ka bixida heshiiskii lagu kala saxiixday Jabuuti. Diyaaradaasi ayaa siday qaad/jaad faro badan oo nooca loo yaqaano Miirooga, isla markaana u rarneyd ganacsato reer Somaliland, iyada oo dhawaanihii u dambeeyay uu hoos u dhac ku yimid qaadkii Somaliland looga keeni jiray Itoobiya. Maxamed Jirde ayaa xukuumada Biixi ka dalbaday inay si cad ugu warbixiyaan wada-hadallada labada dhinac, xili aysan si dhab ah u fulin heshiiskii hordhaca ahaa ee kasoo baxay wada-hadalladaasi. Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, waxa gebi ahaanba baaqday kulamadii lagu sii ambo-qaadayey wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, oo qorshuhu ahaa inuu dib u furmo Sabtidii todobaadkan. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxda labada dhinac oo ku saabsan kulamada wada-hadallada ee baaqday iyo xiliga dib loogu balamay, maadama uu qorshuhu ahaa inuu dalka Jabuuti ka furmo 4-tii bishan.
  18. An outbreak of cholera and acute watery diarrhea in Somalia had killed 26 people in the past six months, a UN health agency said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  19. Qaar kamida Xildhibaanada Puntland ayaa Wasaarada Amniga Puntland ku eedeeyay kherul Masuul iyo dayac loo geystay Amaanka Ciidankii Dhuusamareeb uga hormaray Madaxweyne Deni. Wasaarada waxaa [...] The post Breaking News— Wasaarada Ambiga Puntland oo lagu eedeeyay inay khatar galiyeen Amaanka Ciidankii Dhuusamareeb loo diray appeared first on . Source
  20. A group of 50 people who were rescued at sea and stranded on a livestock transport ship has been allowed to disembark in Malta. The MV Talia picked up the migrants off Libya on Saturday but Malta and Italy refused them permission to land. Source: Hiiraan Online
  21. (ERGO) – Nuuro Mohamed Hussein, 55, is worried about how she will manage to meet the needs of her family of 14 children, after two consecutive ruined harvests on their small farm in Amaara in central Somalia’s Mudug region. Source: Hiiraan Online
  22. The aim of the project was to ensure Somali communities could increase their food production in a sustainable manner, and are able to restore and maintain their productive capacity when faced with chronic pressure or shocks. Source: Hiiraan Online
  23. The aim of the project was to ensure Somali communities could increase their food production in a sustainable manner, and are able to restore and maintain their productive capacity when faced with chronic pressure or shocks. Source: Hiiraan Online
  24. Madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa Galabta soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa Garoonka ku soo dhaweeyey. Hoos ka [...] The post Sawiro Waare oo gaaray Dhuusamareeb appeared first on . Source
  25. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-08072020-1.mp3 View the full article