Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Guriga uu ka degan yahay Dhuusamareeb wuxuu kulan kula qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee lagasoo doortay Jubbaland . Madaxweyne Axmed [...] The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Xildhibaanada Labada Aqal (Sawiro) appeared first on . Source
  2. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay in dalkiisa, Masar iyo Sudan ay “is-faham weyn gaareen, taasi oo dhabbaha u xaareysa heshiis rasmi ah” oo laga gaaro biyo-xireenka xiisadda culus ka dhaliyey gobolka. Bayaanka caawa kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed ayaa yimid ayada oo muuqaallo lagu qaaday satellite-ka ay muujinayaan in heerka biyaha ee biyo-xireenka ay gaareen meeshii ugu sarreysay muddo afar sano ah. Itoobiya ayaa sheegtay in biyo buuxa ay ugu wacan tahay roobab xooggan oo da’ay, waxaana bayaanka Abiy lagu sheegay “inay caddahay in labadii toddobaad ee tegay ee xilli roobaadka ay ku guuleysteen buuxinta sanadka koowaad ee biyo-xireenka.” Itoobiya waxay hore sheegtay inay si rasmi ah bishan u billaabi doonto buuxinta biyo-xireenka xitaa haddii aan heshiis la gaarin. Hase yeeshee bayaanka Abiy ayaa lagu sheegay in hogaamiyeyaasha saddexda dal ay isku raaceen inay wada-xaajood farsamo oo dheeri ah ka yeesheen buuxinta, una dhaqaaqaan gaarista heshiis buuxa.” Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xireenkan uu yahay fursad 100-ka milyan ee qof ee dalkaas ku nool looga saaro saboolnimada, ayada oo Itoobiya ay noqoneyso dalka ugu weyn qaaradda Afrika ee dhoofiya korontada. Hase yeeshee Masar oo inta badan ay dadkeeda ku nool yihiin biyaha webiga Nile ayaa biyo-xireenka ku sheegtay inuu halis ku yahay. Masar iyo Sudan midna kama jawaabin warkan cusub ee caawa kasoo baxay Abiy Ahmed. Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran
  3. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Qubanaha-21072020.mp3 Audio Player View the full article
  4. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Hoyga uu ka degganyahay Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland. Xildhibaannada oo ay ku jiraan qaar ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa iska xog wareystay xaaladda uu Dalka haatan marayo sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland. Sidoo kale Madaxweynaha Jubaland waxa uu xildhibaannada ku marti qaaday in ay tagaan Jubaland si looga wada tashado Arrimaha Masiiriga ah ee Dalka sida lagu xusay Qoraalkaas Madaxtooyada Jubaland. “Kulankan ayaa ahaa mid la isku xog waraysanayay Xaalada guud ee dalka uu marayo iyadoo Madaxweynahu uu dhamaan Xildhibaanada Jubbaland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.” Ayaa lagu yiri Qoraalka. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo xildhibaanada Baarlamanka ku matala Jubaland ku marti qaaday Kulan looga tashanayo Masiirka Dalka appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyey in madaxweyne Farmaajo uu markii hore u dabacsanaa soo jeedinta madaxda kale ee ah in dalka laga qabto doorasho dadban, maadaama sida ay sheegeen aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah. Siyaasigan ayaa sheegay in rag kale oo uu ku kalsoonyahay ay madaxweynaha ku cadaadinayaan in uusan ka tanaasulin go’aankiisa ah inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. “Waxaan xog ku haynaa in rag uu madaxweynuhu ku kalsoonyahay ay ku cadaadinayaan in uusan aqbalin go’aanka inta kale isku raacsanyihiin oo uu markii hore u dabacsanaa, iyagoo tusaya sawir mugdi ah oo mustaqbalkiisa doorasho la xariira. Waxey kula talinayaan mar uun meesha ka soo lug bax, xili kale dib ha loo balamo, kaddibna sidii shirkii Somalia iyo Somaliland ee maalin dhowayd Jabuuti lagu qabtay ee labada toddobaad loo ballamay yaan dib la isugu soo laaban” ayuu yiri. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in uu qaato go’aan geesinimo leh, maadaama dadku ay isaga doorteen. “Madaxweynaha isagaa la doortay, kuwa taleefanka u soo diraya lama dooran, masuuliyaduna isaga ayey saaran tahay, waa in uu go’aan geesinimo leh qaato. Waa in uu tixgeliyaa madaxweynaha martida loo yahay iyo shacabka Galmudug oo ku dhowaad kun qof jeebkooda maalmo badan ka marti geliyey” ayuu yiri. “Madaxweyne go’aan aad berri aqbali doontid, maanta libintiisa ha u diiidin hoggaanka iyo shacabka Galmudug. Madaxda iyo shacabka Galmudug ma aha in ay aqbalaan in daddaalkoodii uu noqdo hal bacaad lagu lisay oo go’aan la’aan shirka lagu kala tago” ayuu ku sii daray. Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Masuuliyiinta kalena ma aha in ay aqbalaan in go’aan la‘aan shirka lagu kala dareero. Go’aan waa in hadda la qaato, waxa la isugu soo laabanayana ay noqdaan fulin iyo farsamo.”
  6. (SLT-Riyadh)-Hay’adda King Salmaan ee gargaarka iyo bini’aadannimada ee dalka Sucuudiga, ayaa qalinka ku duugtay mashruuc biyaha iyo fayodhawrka deegaanka la xidhiidha oo laga fulinayo Jamhuuriyadda Somaliland.kaasi oo ay soo marisay Hay’adda NRC ee laga leeyahay Norway. Sidaasna waxa maanta daabacday Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga oo ay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA soo xigatay, waxana mashruucaas oo ay ku baxayso 2 Milyan oo Doolar, la weriyey inay ka faa’iidaysan doonaan dad gaadhaya 42,450 oo qof. Hay’adda King Salmaan, waxa ay intaas ku dartay inay uga gol leedahay sidii loo yareyn lahaa xannuunada laga qaado biyaha aan ajoobay. Wakaaladda Wararka ee SPA, waxa ay sheegtay in mashruucani qayb ka yahay wax ka qabashada COVID 19 iyo ballaadhinta dedaalka bini’aadannimo ee ay Boqortooyada Sucuudigu ku taageerto dalal badan oo caalamka ku yaalla. Source
  7. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Mudane Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir, Mudane Cabdiraxmaan Ow Cali. Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa xilki looga qaaday mas’uulkaasi, iyadoona guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir loo magacaabay, Bashiir Maxamed Ow Cali oo ay walaalo yihiin mas’uulka xilka laga qaaday. Sababta xilka looga qaaday guddoomiye C/raxmaan Ow Cali ayaa waxaa lagu sheegay inuu wax ka qaban waayey dhibaatooyinka ka jira degmada Wadajir ee G/ Banaadir. Bashiir oo ah nin dhalinyaro ah ayaa sidoo kale horay uga soo shaqeeyey dowladda hoose ee Xamar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. 21 July 2020: Guddiga Isutagga ururrada bulshada rayidka ee Soomaaliyeed iyo aqoonyahanno u ololeeya nabadda, xuquuqul insaanka iyo dimuqraadiyadda, oo ka kala socda dhammaan maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir, waxa ay ku howlanaayeen xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee hareereyey qabashada doorashooyinka la filaayo in ay dhacaan 2020/21. Guddiga isutaga bulshada rayidka waxa ay soo dhaweeyeen shirka wadatashiga ee looga dhawaaqey magaalada Dhusamareeb ee xurunta Galmudug kaas oo isugu yimaadeen madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada federalka waxa ayna go’aansadeed in ay goobjog ka ahaadan shirka iyagoo u soo direy xubno ka wakiil ah. Guddiga isagoo gudanaayo waajibaadka loo idmadey waxa ay ku soo biireen shirka wadatashiga ee dowlada xubnaha ka ah dowlada federalka ee ka furmey magaalada Dhusamareeb iyagoo isa soo xilqiimey waxa ayna shirar la qaateen madaxweynaha dowlada federalka, ra’isul wasaaraha dowlada federalka, madaxweynayasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada federalka ee Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed, iyo Puntland. Guddiga waxa kale oo ay shir la qaateen wasiirada arrimaha gudaha iyo dastuurka ee dowlada federalka, guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka. Xubnaha Bulshada Rayidka waxa ay la wadaageyn mas’uuliyintaas dareenka shacabka iyo rajada laga qabo in mas’uuliyiinta ku heshiiyaan waxii dan u ah umada soomaliyeed suurtagalna ka dhigi kara in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, oo wadar ogol ah waxeyna ugu bogaadiyeen go’aankooda ah in wadahadal ka yeeshan qilaafka siyaasadeed ee dhexdooda ku jira. Waxa kale oo ay kala hadleen muhiimada bulshada rayidka u leedahey ka qaybgalka shirka wadatashiga iyo doorkooda ku aadan xal u helida muranka siyaasadeed. Bulshada rayidka waxa ay ka xun yihiin in madaxda Soomaaliyeed isku koobaan shirka isla markaasna laga xadidey xuquuda shacbka u leeyihiin in ay ogaadan xogta shirka, si ay talo ugu yeeshan. Xubnaha Bulshada Rayidka waxa ay xasuusinayaan madaxda ku shirsan magaalada Dhusamareeb in maanta dalka ka jiraan dhibaatooyin ay sababeen dagaalo beeledyo ka dhacaya meelo ka mid ah dalka, fatahaado sababay dhimasho iyo barakac, cudurka COVID 19 oo dib ugu soo laabtey meelo ka mid dalka, shaqo la’aan baahsan oo dalka ka jirta iyo dabaylo, in madaxda ku shirsan magaalada Dhusamareeb inay u jirnaxaan dadkaas ay matalaan,fududeeyaana goaamo farxad galiya umada. Bulshada Rayidka waxa ay shacabka soomaliyeed la wadaagayaan dareenkooda ah in shirka wadatshiga Dhusamareeb caqabadaha ugu weyn ee ku xeeran in ay yihiin is aaminaad la aanta iyo qof walbaa uu ku dhaganyahay aragtidiisii ku dhisan kooxaysi iyo tanaasul la aan. Bulshada Raidka waxa ay welwel ka muujineysa in iyadoo xili sharciyeedka dowladda ka harsan tahay muddo sedex bilood ah in madaxda dalka waqti badan ku lumiyaan Isfahan ay ka yeeshan sidii dalka looga qaban lahaa doorasho xur iyo xalaal ah danta shacabkana ku jirto. Haddaba, bulshada rayidka waxa ay soo jeedinayaan baaqan hoos ku qoran In Boqorada, Salaadinta, Imaamyada, Ugaasyada, odoyaasha dhaqanka, Culumo Udiinka, waxgaradka, haweenka, dhallinyarada iyo qurbajoogta ay culeys ku saaran madaxda ku shirsan magaalada Dhusamareen inaysan ku kala tegin shirka kana soo saraan heshiis dan u ah ummada Soomaliyeed. In madaxda Soomaliyeed ee ku kulansan Dhusamareeb ay dantooda gaarka ah ka hormariyaan danta guud una tanaasulan shacabkooda isla markaasna ogaadan in talada lala leeyahay. In saaxibada iyo taagerayaasha beesha caalamka ee Soomaliya ka yeeshan aragti mideysan oo u horseedi karta taageradooda iney noqoto mid wax ku ool ah, horseedi kartana ku taageerida Soomaaliya helida degenaashaha iyo dhameystirka dhismaha dowladnimada Somaaliyeed. Ugu danbeyntii bulshada rayidka waxa ay u mahad celineysaa dowlad goboleedka Galmudug iyo shacabkeeda oo taageero dhinac walba la garab istaagey shirka wadatashiga ah ee magaalada Dhusamareeb. WABILAAHI TOWFIIQ Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaanka ururrada bulshada rayidka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa soo saaray qoraal ay uga hadlayaan shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Ururrada bulshada rayidka waxay qoraalkooda ku sheegeen in madaxda ku kulansan Dhuusamareeb ay heystaan laba caqabadood oo waa-weyn, kuwaas oo kala ah, is-aamin darro iyo tanaasul la’aan. “Bulshada Rayidka waxa ay shacabka soomaliyeed la wadaagayaan dareenkooda ah in shirka wadatshiga Dhusamareeb caqabadaha ugu weyn ee ku xeeran in ay yihiin is aaminaad la’aanta iyo qof walbaa uu ku dhaganyahay aragtidiisii ku dhisan kooxaysi iyo tanaasul la’aan” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri, “Bulshada rayidka waxa ay ka xun yihiin in madaxda Soomaaliyeed isku koobaan shirka, isla markaasna laga xadiday xuquuqda shacbka u leeyihiin in ay ogaadan xogta shirka, si ay talo ugu yeeshan.” Waxay sidoo kale ugu baaqeen in in Boqorada, Salaadinta, Imaamyada, Ugaasyada, odoyaasha dhaqanka, Culuma’udiinka, waxgaradka, haweenka, dhallinyarada iyo qurbajoogta ay culeys ku saaran madaxda ku shirsan magaalada Dhuusamareeb in aysan ku kala tegin shirka kana soo saraan heshiis dan u ah ummada Soomaliyeed. “Bulshada Rayidka waxa ay welwel ka muujineysa in iyadoo xili sharciyeedka dowladda ka harsan tahay muddo sedex bilood ah in madaxda dalka waqti badan ku lumiyaan Isfahan ay ka yeeshan sidii dalka looga qaban lahaa doorasho xur iyo xalaal ah danta shacabkana ku jirto” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Ugu dambeyntii ururrada bulshada rayidka ah qoraalkooda waxay ku soo bandhigeen seddax qodob oo ay baaq ugu soo jeediyeen, madaxda Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo bulshada, kuwaas oo kala ah. 1 – In Boqorada, Salaadinta, Imaamyada, Ugaasyada, odoyaasha dhaqanka, Culumo Udiinka, waxgaradka, haweenka, dhallinyarada iyo qurbajoogta ay culeys ku saaran madaxda ku shirsan magaalada Dhusamareeb in aysan ku kala tegin shirka kana soo saraan heshiis dan u ah ummada Soomaliyeed. 2 – In madaxda Soomaliyeed ee ku kulansan Dhusamareeb ay dantooda gaarka ah ka hormariyaan danta guud una tanaasulan shacabkooda isla markaasna ogaadan in talada lala leeyahay. 3 – In saaxibada iyo taagerayaasha beesha caalamka ee Soomaliya ka yeeshan aragti mideysan oo u horseedi karta taageradooda inay noqoto mid wax ku ool ah, horseedi kartana ku taageerida Soomaaliya helida degenaashaha iyo dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed.
  10. Maxamed Siibed Mid kamid ah ururada siyaasadda Puntland ayaa Guddoomiye u doortay Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibed) oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland Maxamed Siibed oo horey u ahaa guddoomiyaha ku meelgaarka ah ee urur siyaasadeedka Mustaqbal ayaa maanta si ramsi ah loogu doortay Guddoomiye, halka Guddoomiye ku xigeennada loo kala doortay Cabdikaafi Xasan Maxamed iyo Sumaya Shoole, sidoo kale waxaa Xoghaye Guud noqday Cabdifitaax Sugulle. Maxamed Siibed oo dhaliila siyaasadda Puntland ayaa noqonaya xildhibaanka kaliya oo kamid noqda guddoonka ururada mucaaradka. Maxamed Ismaacil Siibed waa qoraa iyo macallim, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland. PUNTLAND POST The post Xildhibaan Siibed oo loo doortay Guddoomiye urur siyaasadeed appeared first on Puntland Post.
  11. Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in Villa Somalia ay weli ku adkeysaneyso doorasho qof iyo cod ah iney ka dhacdo Soomaaliya 2020/2021-ka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Wararkii Ugu Danbeeyay Dhuusamareeb https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/WHATS-UPP-DOORASHA.mp4 Halkan Ka Aqriso Qoraalka Ku Saabsan Madaxtooyda Iyo Doorashada Qof Iyo Cod Dhuusamareeb: Villa Somalia oo Ku Adkeysaneysa Doorasho “Qof iyo Cod” ah Gobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Xuseen Macallin Maxamuud oo ah agaasimaha Machadka Hiraal oo wax ka qora arrimaha amniga fadhigiisuna yahay magaalada Muqdisho ayaa qoraal uu soo saray 18-July 2020 waxaa lagu sheegay inuu jiro hoos u dhac dhinaca weerarada Al-shabab. Halkan Ka Aqriso Qoraalka Ka Soo Baxay Machadka Hiraal Akhriso: Hiraal oo Ka Hadleysa Hoos u Dhaca Weerarada Al-shabaab Sidoo Kale Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Xuseen Macallin Siiyay Goobjoog Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Magaaladda Ceerigaabo waxaa maanta lagu qabtay kulan balaadhan oo lagu heshiisiyay laba ardaa oo walaalo ah kuwaas oo diriri hore ugu dhex martay deegaanka Fadhi-gaab ee Gobolka Sanaag. Munaasibadda waxaa goob joog ka ahaa waftigii Xukuumadda Somaliland ee nabadaynta u joogay deegaanka Ceel Afwayn iyo madaxda dhaqanka ee labada ardaa ugu horayna waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Sanaag Eng Axmed Cismaan Xasan, waxaanu labada dhinac kula dardaarmay adkaynta nabada ay isla qaateen taas oo qayb ka qaadanaysa horumarka iyo amniga gobolka. Waxaa kale oo iyaguna madashaasi nabadaynta labada ardaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed iyo la taliyaha Madaxwyanaha Cali Waran Cadde waxaanay ku booriyeen labada ardaa inay adkeeyaan nabadgelyada isla markaana iska Samir siyaan oo aanay dib u soo noqon xurgufihii hore u dhex maray labada dhinac. Qaar ka mida madaxda dhaqanka labada ardaa ee dhawaan ku diriray deegaanka fadhigaab ee gobolka Sanaag ayaa madasha ka balan qaaday inay hirgalinayaan heshiiska nabada ee ay labada dhinac wada gaadheen iyaga oo sheegay inay ka shaqayn doonaan wadajira, nabada iyo iskutiirsanaanta bulshada labada dhinac. Source
  14. There is an ongoing meeting in Dhusamareb between the Somali political leaders to discuss national priorities, including elections and security. A preliminary meeting chaired by President Farmajo on Monday and attended by PM Hassan and five regional leaders discussed on agendas of the crucial forum on the polls. Somali president has reached Dhusamareb last Saturday after heads of the regional states called for an inclusive suitable election model after failure in 1P1V on its time. The leaders have jointly ruled out the possibility of conducting one person, one vote as proposed by the Somali parliament. The stakeholders are at loggerheads over the model. View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-21072020.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa qoraal kasoo saaray xaalada caafimaad darro ee uu wajahayo boqorka Sacuudiga. Farmaajo ayaa qoraal kooban kasoo saaray xaalada boqor Salmaan bin-Cabdicasiis, kaasi oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isagoona caafimaad deg-deg ah u rajeeyay. Waxa uu udhignaa qoraalka Farmaajo sidan: “Waxaan ugu duceynayaa in uu Alle siiyo soo kabasho deg-deg ah iyo caafimaad dheeriya”. Boqor Salmaan ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayey xaalad caafimaad darro, iyada oo lagu soo waramayey in Isbitaal loo dhigay daaweynta xanuun ka asiibay dhanka kaadi haysta, inkasta oo xaaladiisu dagan tahay. Qoraalka Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili uu qasan yahay xiriirka Sacuudiga, maadama ay xukuumada Farmaajo ay saaxiib dhow la tahay dowladda Qatar, taasi oo uu si weyn uga biyo diiday Sacuudiga. Xiriirka diblumaasiyadeed ee Sacuudiga ayaa mad-madow badan galay kadib go’aanka dowladda federaalka ee dhex-dhexaadnimada khilaafkii khaliijka oo ay ku hanatay saaxiibtinimada Qatar. Soomaaliya ayaa sidoo kale muddooyinkii dambe si weyn uga gaabsaneysay qadiyadaha Carbeed ee la hor-geeyo ururka Jaamacada Carabta oo ay qeyb ka tahay, taasi oo ay u dambeysay xiisada webiga Nile-ka ee ka dhex aloosan Masar iyo Itoobiya.
  17. At least 20 people have been rescued after a three-story old building has collapsed in Mogadishu’s Hamar Wayne district on Monday night. The tragedy came following heavy downpour in the city. A rescue team rescued the civilians from the building, some with injuries who have been admitted to various hospitals in the capital for treatment. The mayor of Mogadishu Omar Filish paid a visited the scene and lauded the rescue mission and asked local authorities to help the people trapped inside. Mogadishu has seen building collapses in the past that claimed the lives of dozens of people as the city sees regular rains that flooded to the streets and some villages. View the full article
  18. Guddigii soo qaban qaabiyay tartankii lagu maamusyay laacib Maxamed Xaaji Adam (Uurey) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabada lagu soo xereyay laguna abaal marinayay kooxihii kalaamaha hore ka galay tartanka iyo shaqsiyaadkii ka qeyb qaatay mudiidii uu socday. Kulankan kasoo qeyb galay ciyaartooydii hore Soomaaliya ee kubbadda cagta,kolayga iyo qeybaha kala duwan ee isboortiga iyo marti sharaf kalr oo lagu casuumay gunaanudka tartankii lagu waynaynay laacib Maxamed Xaaji Aadam Uurey,kaas oo mudo bil ah ka socday degmada Waaberi ee Muqdisho. Waxaa goobta ka hadlay in badan oo ka mid ah laacibintii hore Soomaaliya,iyagoo u mahad celiyay dadkii ka shaqeeyay qabsoomida koobkii lagu maamusay marxuum ee ku geeriyooday magaalada Toronto ee Wadanka Canada, waxayna sheegeyn in la baahanyahay in la sii wado barnaamijyada oo kale. Axmaday Hilowle Maxamuud oo ka mid ahaa guddiga abaabulka tartankii lagu maamusayay laacib Uurey ayaa u mahad celiyay intii ka qeyb qaatay mudadii uu socday,isagoo sheegay in ay qaban qaabindoonaan tartamo kale oo lagu maamusaayo hayeeyadii ka baxay isboortiga Soomaaliya, si wax badan oo looga barto taariikhdooda iyo guulaha ay gaareyn. Qaar ka mid ah maamulka,macallimiinta iyo taageerayaasha kooxda Jeneraal Daa’uud ee hanatay koobkii lagu maamusayay ciyaaryahan Maxamed Adam Uurey ayaa iyagana u mahad celiyay sida wanaagsan ee loo gudoonsiiyay koobkii quruxda badnaa ay ka qaadeyn ciyaaryahanada Asal 24. Si kastaba waxaa gunaanadkii xaflada la abaal mariyay shaqsiyaadkii iyo kooxaha kaalamaha hore ka galay tartankii lagu waynaynay marxuum Maxamed Xaaji Aadam xidigihii Soomaaliya iyo naadiga Jeenyo oo dhamaadkii sanadkii 2019 ku geeriyooday Wadanka Canada. Halkan Ka Daawo Ku Saabsan Xeritaanka Tartankii Lagu Xusayay Laacib Maxamed Uureey https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/Whats-upp-2.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay maanta ka hadlay shirka Dhuusamareeb ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka ee ku saabsan doorashooyinka. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu si adag uga hadlay doorashooyinka dalka, isagoona soo bandhigay mowqifka Madasha Xisbiyada Qaran ee ku aadan doorashooyinka uu muranka badan ka taagan yahay. Madaxweynihii hore ee dalka ayaa su’aal galiyay in doorashadu xiligeeda ay dalka ka dhaceyso, taasi oo muujineysa walaaca ay Madashu ka qabto inuu guuleysto qorshaha muddo kordhin ee VILLA SOMALIA. Xasan ayaa si cad u sheegay inay Madashu diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho nooc-kasta oo doorasho, haddii heshiis lagu wada yahay, maadama aan hore looga diyaar garoobin in la qorsheeyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa. Sidoo kale waxa uu rajo xumo ka muujiyey in go’aan mideysan laga gaari waayo arrinka doorashooyinka, taasi oo horseedi karta qalaalase siyaasadeed oo hore looga digay Wuxuuna soo dhaweeyay shirka Dhuusamareeb, isagoona ku baaqay in la balaadhiyo shirkaasi, iyada oo laga qeyb-galinayo saamileyda siyaasada, si looga gaaro wada-tashi arrinta doorashooyinka, isla markaana la isla qaato nooc doorasho oo heshiis lagu yahay. Mowqifka Xasan Sheekh ee ay ka mideysan yihiin Madashu ayaa u muuqda mid wax badan ka gedisan mowqifkoodii hore, iyadoo midaasina ay ka dhigeyso in Madasha Xisbiyada Qaran aysan kasoo horjeedin doorasho qof iyo cod ah oo heshiis lagu yahay, balse ay kasoo horjeedan muddo kordhin.
  20. (SLT-Mandheera)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta tababar usoo xidhay dufcaddii 32-aad ee katirsan ciidamada kala duwan dalka oo ka qalin-jebisa dugsiga tababarka ciidanka Mandheera ee Lixle. Munaasibad kooban oo ay ku qalin-jebinayeen dufcadda 32-aad ee ciidanka oo ka kala socda ciidamada Booliska, Laanta socdaalka, madaxtooyada Somaliland iyo qaybaha kale ee ciidamada dalka ah oo lagu qabtay xarunta dugsiga tababarka deegaanka Mandheera ee Lixle, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada Militeriga, Booliska, Asluubta, Badda, xubno kamid ah golaha wasiirrada, maamulka iyo macallimiinta dugsiga, waxana uu madaxweynuhu uu halkaas salaan kaga qaatay cutub kamid ah ciidamada, isaga oo intaas kaddibna kormeeray qaybo kamid ah dhismeyaasha kala duwan ee uu ka kooban yahay dugsiga tababarrada ciidamada ee Mandheera oo qaybo kamid ah ciidamadu kusoo bandhigeen khibradda baadhitaan ee ay u leeyihiin dambiyada dhaca. Ugu horrayn waxa madasha uu madaxweynuhu tababarka ugu soo xidhayey dufcadda cusub ee kusoo biirtay ciidamada kala duwan ee dalka hadallo ka jeediyey hoggaanka tababarrada ciidamada Booliska, Gaashaanle Sare Ibraahim Cabdi Xaashi iyo taliyaha dugsiga tababarka ee Lixle Gaashaanle dhexe Cabdi Cali Axmed, waxana ay ku dheeraadeen heerarkii kala duwanaa ee dugsigu soo maray, iyaga oo ammaanay ciidamada cusub ee maanta tababarka dhammaystay oo ay ku tilmaameen kuwo kalsooni badan lagu qabo oo laga filayo inay hanan karaan xilka ballaadhan ee uu qaranku ka sugayo. Taliyayaasha ciidamada Asluubta, Sarreeyo guuto, Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), Badda, Sareeye Guuto, Maxamed Faarax Xiirane iyo Militeriga, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo hadallo ka jeediyey munaasibadda qalinjebinta, ayaa si isku mid ah hoosta uga xarriiqay in dufcadda maanta tababarka dhammaysatay yihiin aqoonyahanno dhallinyaro ah oo aqoon iyo dal jacayl lagu carbiyey. Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa isaguna dhankiisa xusay in dufcaddani hormood u tahay dib-u-habayn ballaadhan oo la doonayo in ciidamada lagu sameeyo, islamarkaana lagaga dhigayo dhallinyaro dhinac walba ka dhisan oo mustaqbalka la wareegta hoggaanka ciidanka, waxana uu yidhi, “Dufcaddan 32-aad waa dufcad si siman looga soo qaatay gobollada Somaliland oo dhan, waana dhallinyaro aan belwed lahayn oo loogu talo galay inaanay 25-jir ka weynaan oo akhlaaqiyan u dhisan, kana mid ah dib u habaynta la doonayo in Booliska lagu sameeyo.” Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa soo dhaweeyey dhallinyarada aqoonyahannada ah ee kusoo biirtay ciidamada kala duwan ee dalka, waxana uu ku adkeeyey inay muujiyaan aqoontii lasoo baray iyo tacabkii la geliyey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn bogaadiyey ciidamada cusub ee uu tababarku usoo dhammaaday, waxana uu si hufan uga sheekeeyey muhiimadda ay ciidamadu leeyihiin iyo shaqooyinka halbawlaha ah ee ay bulshada u hayaan. Madaxweynuhu waxa uu la dardaarmay ciidamada maanta dhammaystay tababarka, isaga oo ku adkeeyey inay waqtigooda ugu badan geliyaan sidii ay midaynta iyo wada-jirka bulshada uga shaqayn lahaayeen, “Tababarkiinna waxaan idiinku darayaa waa inaad noqotaan tabliiqiyiin, dal jecel oo dadka mideeya oo is oggolaysiiya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu abaal-marinno guddoonsiiyey xubnihii kaalmaha hore ka galay, Akhlaaq wanaagga, shiishka, tababarka iyo waxbarashada muddadii ay dufcaddaasi ku jirtey tababarka. Wa Bilaahi Tawfiiq Source
  21. Tripoli (Caasimadda Online) – Dowladda Turkey oo dooneysa iney xoojiso dagaalka ka dhanka ah ciidamada Janaraal Haftar, ayaa lagu warramay inay dooneyso inay dalka Libya geyso dhalinyaro Soomaali ah oo dagaalama, iyagoo u maraya dowladda Qatar. Arintaan ayaa soo ifbaxday kadib markii wasiirka difaaca dowladaas (Hulusi Akar) uu booqasho aan lasii shaacin ku tagay magaalada Doha lana kulmay amiirka wadankaas Tamim Bin Hamad Al Thani. Wargeyska Libiya Review ayaa sheegay in masuuliyiinta reer Qatar aysan wax faah-faahin ah ka bixin kulanka labda masuul dhexmaray iyagoo xiganaya masuuliyiin ka tirsan dowladda Liibiya. Wargeyska wuxuu sheegay in ciidamada lagu xoojinayo dagaalka ay dowladda la aqoonsan yahay ee Liibiya kula jirto ay ka mid yahiin ciidamo dhawrkii sano ee lasoo dhaafay lagu tababarayay wadanka Qatar, waxaana ku jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka mid noqday ciidamada Qatar. Dowladaha Soomaaliya, Turkey iyo Qatar midna kama hadal ciidanka Soomaalida ah ee la sheegay in la gaynayo Libya. Turkiga si aad ah ayuu uga dhex muuqdaa dagaalka ka socda Liibiya sida uu sheegay wargeyska Milliyet ee laga leeyahay Turkey kaas oo sidoo kale kashifay iney dhanka Tripoli u daabuleen gantaalo iyo qoryaha is-qarxinta loo adeegsado. Magaalada Sirta oo ah goob muhiim ah ayey dowladda Liibiya dooneysaa iney weerarto waana tan keentay in Turkiga uu u baahdo in la kordhiyo tirada ciidamada si dagaalkaas guulo wax ku ool ah looga soo gaaro. Dhinaca kale Turkiga dhaleeceyn caalami ah ayuu la kulmay kadib markii lagu eedeeyay inuu adeegsaday kumanaan calooshood u shaqeystayaal ah oo u dhashay Siiriya si ay dagaalka Liibiya qeyb uga noqdaan. Turkiga iyo Qatar waa laba wadan oo ka mideysan qadiyadda dagaalka Liibiya, waxeyna awoodooda isugu geyn doonaan iyagoo kaashanaya wadamada kale ee kula mideysan sidii ay u qabsan lahaayeen magaalooyinka Sirta iyo Al-Jufra kuwaas oo ah kuwa ku istaraatiiji ah halka Russia, Imaaraadka iyo Masar ay qudhooda ku hanjabeen iney jawaab ka bixin doonaan isku day walba.