-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Tensions were rising in a late-night debate in the Minnesota Senate last week when Sen. Patricia Torres Ray turned to each member of the People of Color and Indigenous Caucus (aka "POCI") and asked if they'd been consulted on a pending GOP police reform measure. Source: Hiiraan Online
-
Qorax madoobaad ayaa laga arkay Saaka oo Axada Bishuna tahay 21-ka Juun 2020 Dalalka Geeska Afrika Qaarkood Sida Somalia & Somaliland. Abaara 7:30 ayaa lagu war helay ama la arkay Cadceedii oo badhkeed madoobadeyd halka qadar yar ka dibna madow isku xeeray Cadceeda oodhan waxaana shiiqay Iftiinkii cadceeda sidii hoosiis jiro. Geesta kalana Culimada Masaajidada ayaa oogay salaad Alla bariya,Ducooyin & Khudbado Diiniya,halkaas oo buslahaduna camirtay Masaajida Qaran News
-
Hobyo (Caasimada Online) – Wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga dowlad goboleedka Galmudug xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa sheegay in Galmudug ay haatan ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu qalab qaato dhismaha dekadda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa daahfuray mashruuc lagu dhisayo dekadda Hobyo, iyadoo munaasabadii lagu daahfurayey ay kasoo qeyb galeen xubno ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, siyaasiyiin kale, odayaal dhaqan, iyo bulshada qeybeheeda kala duwan. Guddoomiyaha golaha hoggaaminta beelaha Habargidir Prof. Shirwac ayaa munaasabaddaas ka sheegay in beeshiisu ay bixineyso 50 milyan oo dollar, inta kalena laga rabo inay bixiyaan beelaha kale ee Galmudug, waxaana dhismaha dekedda wajiga koowaad lagu qeymeeyay 90 milyan oo dollar. Wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug oo wareysi siiyey Idaacadda Goobjoog ee maagalada Muqdisho ayaa carabka ku adkeeyay in dekadda lagu dhisayo isku tashi ay sameynayaan bushada reer Galmudug, waxaana uu intaas ku daray in mashruuca lagu dhisayo ay hormuud u yihiin ganacsatada ka soo jeeda Galmudug. ”Waxaan Galmudug iyo wasaarad ahaan ugu bishaareynay umadda Galmudug, hadda in loosoo diyaar garoobay si isku tashi ah dadka reer Galmudug ah oo aan aaminsannahay dhaqaalaha ugu badan ee dadka Soomaaliyeed marka la xisaabiyo Soomaalida, maamul goboleedyada ugu dhaqaalo badan yihiin Galmudug, in si iskutashi ah ay ku dhistaan, waana aaminsannahay in ay sameyn karaan. “Arrintaas ayaana xafladdeenna aan ka sheegnay, iskama aanan sheegin, wadahadal ganacsatada reer Galmudug aan yeelanay iyo wasaarad ahaan ayaan go’aannadaas isla qaadanay, wixii hadda ka dambeeya, waxaan rajeynaynaa inaan ficil u badalno,” ayuu yiri wasiir Saabir. Wasiirka oo sii hadlayey ayaa yiri “Runtii reer Galmudug iyo umadda Soomaaliyeed ee hammineysa in dekaddaan ay dhisanto weligood waa ay jeclaayeen inay maalgaliyaa oo ay helaan jaanis ay ku maalgelin karaan, laakiin ma aysan helin hoggaankii saxda ahaa ee maaligalinta ay sameyn lahaayeen u ballan qaadi lahaa mid ammaan ka helayso in aysan dhibaato uga soo noqon.” “Annaga dowlad ahaan Galmudug waxaan u ballan qaaday si sharciyad ah inaan ganacsata siin doonno Decomenti sharci ah oo dowladda Galmudug ah, oo hanaankeeda sharci lawada marsiiyo, oo waxdhibaato ah aysan uga imaaneynin, oo amnigii aan ka shaqeyno aan ballan qaadnay,” ayuu yiri wasiir Saabir. Dhanka kale wasiirka ayaa ka hadlay qorsha mustaqbalka fog ee dekedda ay ka damcsan yihiin ” Dekadda hamigygu maahan, dekedaha dalka Soomaaliya maanta ku yalla, ka wasaarad ahaan waxaan qoryeynay, qorshahaha aan ka hadlaayo waa qorshe qaadanaayo ilaa 10 sano, oo qeyba ay maalin noqoto, qeybta ugu horeyso ay noqoto qeyb kaafin karta dadka reer Galmudug.” “Dadka deegaannada ku hareereysan ee maamul goboleedyada dariska lawada ah, aan dhisno labada sano ee soo socota deked kaafin karta oo ku filan iyo dowladda deriska, sida Itoobiya oo kale oo aan xaduud dheer la leenahay, haddii aan nahay dowlad goboleedka Galmudug nahay” ayuu yiri hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug Saabir Nuur Shuuriye. Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Saabir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/wasiir-saabir-nuur.mp3
-
Istanbul (Caasimada Online) – Howlgaladda mataanaha ah ee Turkigu ku duqaynayo kooxda argagixisada Kurdiyiinta ee PKK ayaa todobaadkaan soo jiitay dareenka dadka indha-indheeya xaaladda Ciraaq. Waxay u nuuqataa in talaabada Ankara ay ku soo aaday kadib markii Imaaraadka Cabtu uu taageero dhaqaale siiyay kooxdan gooni u goosadka ah, taasi oo muujineysa cabsi ah in dagaal qarsoon uu Imaaraadka iyo Turkiga ku dhex maro Ciraaq. Billowgii weerarada Turkiga ee PKK Turkigu waxaa uu labo howlgal todobaadkaan ka bilaabay woqooyiga Ciraaq, kuwaas oo ka dhan ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta, howlgaladdu waxay sababeen in xukuumadda Baqdaad ay si adag u diido ficilka militare ee Ankara ee ka dhanka ah ururka PKK oo ku dhuumanaya gobolka buuraleyda Ciraaq. Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay in ay bur-burisay in ka badan 500 oo bartilmaameedyo PKK ah 36 saacadood ee ugu horreysay howlgalka. Weli ma kala saarin in maleeshiyaadka Kurdiyiinta ay beegsadeen, ama keydka raasta, ama meelo kale oo ay kooxdu heysteen. Taleefishinka dowladda ee TRT ayaa weriyey in ciidamada Turkish-ka ay burburiyeen ugu yaraan 81 gobood oo ay ku dhuumaaleysan jiraan PKK iyo meelo hubka loo soo mariyo. Lacag ka timid Imaaraadka Carabta Go’aanka uu Turkigu ku bilaabay howlgalka waxaa uu yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Imaaraadka Carabta uu raadinayo in uu taageero ololaha gooni u goosadka PKK ee ka dhanka ah Turkiga, kaasi oo socday ku dhawaad 40 sano islamarkaana galaaftay nolosha 40,000 oo qof. Laanta Afka Carabiga ee wargeyska Al-Arabi Aljadiid ayaa werisay in ilo-wareed ka tirsan Dowladda Gobolka Kurdiyiinya ee fadhigeedu yahay Erbil u sheegay in ay ogaadeen lacago badan oo Imaaraadka Carabtu siiyay PKK. Ilo-wareedku waxaa uu sheegay in Dowladda Gobolka Kurdiyiinta ay weydiisatay in caddeyn ogolaansho laga keeno masuuliyiinta lacagta kasoo diray Imaaraadka iyo akoonada bangiyadda. Sarlot Cali, oo ka tirsan siyaasiyiinta Kurdishka ayaa sheegay in xiriirka lacagta ee ka dhaxeeya Kurdiyiinta mucaaradka ku ah Turkiga iyo Imaaraadka uu socdo afar sano, kaasi oo soo mara ururadda bulshadda iyo howlgaladda gar-gaarka ee dadka barakacay. Kuwa uu dagaalku saameeyay waxaa la dejiyay goboladda kala duwan ee Ciraaq ee Kurdistan, gaar ahaan xuduudda u dhaxaysa Turkiga iyo Iran, halkaas oo dhaq-dhaqaaqa Kurdiyiintu ay ka howlgalaan. Loolanka Turkiga iyo Imaaraadka Imaaraadka iyo Turkiga waxay isku haystan kuna muransanyihiin dhinacyo badan oo gobolka ah, waxaa ugu dambeeyay Liibiya oo xukuumadda Ankara ay taageereyso Dowladda Caalamku aqoonsanyahay, halka Abu Dhabi ay malaayiin lacag ah ku taageereyso General Khaliifa Xaftar oo dhawaan looga adkaaday Tripoli. Imaaraadka waxaa uu sidoo kale ka careysanyahay taageeradda Turkigu uu siiyo Qatar oo uu geeyay militari si uu uga difaaco isbahaysigii gacanka carbeed ee ay hogaaminayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga. Sidaas darteed layaab malahan in Imaaraadku raadiyo xasilooni daradda Turkiga isagoo taageeraya PKK. Si kastaba, talaabadaas waxay khatar ku tahay in Abu Dhabi lagu calaamadiyo maalgelinta argagixisada PKK oo Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Europe ay u aqoonsanyihiin urur argagixiso. Xitaa iyadoo ay caawimaad ka helayaan Imaaraadk Carabta, PKK ma awoodaan in ay xasilooni darro ku abuuraan Turkiga. Ku dhawaad 40 sano oo colaad ah ayaa muujisay in ay xadidan tahay awoodda PKK ay u leeyihiin in ay qasaan Turkiga, inkastoo ay weli yihiin khatar maxali ah. Taas bedalkeeda, Turkigu wuxuu sii wadi doonaa barnaamijkiisa mudda dheer ee uu heshiiska kula jiro Dowlada Gobolka Kurdiyiinta kuwaas oo si hoose u ogolaaday howlgalkii militari ee Ankara kasokoow kalsooni daradii xukuumada Baghdad.
-
Egypt’s president warns that an attempt by Turkey-backed forces in Libya to attack the strategic city of Sirte would prompt a direct Egyptian military intervention in the conflict. Source: Hiiraan Online
-
After the killing of George Floyd by a police officer in Minneapolis, the world witnessed the worst riots ever. The protesters cry "Black Lives Matter" and call for unity against injustices Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho ( Caasimada Online ) – Inta badan Soomaaliya ayaa maanta laga arkay Qorax madoobaad, iyadoo qeyb ka mid ah qoraxda ay madoobaatay. Meelaha laga arkay qorax madoobaadka ayaa ka mid ah magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka. Khubarada falaga ayaa horay us heegay in 21 bisha June ay dhaceyso qorax madoobaad (Partial Eclipse) Qorax madoobaadka noocan ah waxa loo yaqaan Annular Eclipse waa marka uu dayaxu isku gudbo iftiinka qoraxda, balse uusan si buuxda u wada qarin oo ay qorraxdu hareeraheeda ka iftiimayso. Masajidyada ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa waxaa ka bilowday salaatul jaamica.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii dhawaan la shaaciyey liis ay ku qoranyihiin deegaan doorashooyinka kuraasta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo uu soo diyaariyey guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, ayaa waxaa soo baxay cabasho la xariirta in liiskaas lagu soo qoray kuraas loo wareejiyey degmooyin aysan deegaan doorashadoodu aheyn. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in illaa afar kursi oo beeshiisu ay leedahay liiskaas loogu soo qoray in laga soo doorto gobol kale. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa shalay ka doodayey xeerka qoondada haweenka, waxuuna Xildhibaan Xasan Yare doodaas kusoo bandhigay cabasho ay beeshiisu qabto, taas oo ah in afar kursi oo haween ay ku metelaan beeshiisa deegaan kale loo wareejiyey. “Beesha aan metelo kuraastooda baarlamaanka ee dhowr iyo tobanka ah, waxaa ku jirta afar kursi oo dumar ah, afartaas kursi waa la xawilay, oo waxaa loo wareejiyey gobolka kale oo aan laga soo dooran, sida ku qoran liiska uu soo saaray guddiga wadajirka ah,” ayuu yiri xildhibaan Xasan. Xildhibaanka ayaa sheegay in kuraasta loo wareejiyey gobolka kale laga doortay degmooyinka Badhaadhe, Xagar iyo Afmadow oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose, balse hadda gobolka kale la geeyey, in kastoo uusan carabaabin gobolkaas loo wareejiyey. “Kuraastiiba hadii la tahriibinayo oo barakacayaal laga dhigayo, guddoomiye waxaan qabaa in la joojiyo xawilaada kuraasta, beelo ayaa iska lehe, guddiga soo saaray liiskaasna sumcad darro ayey ku tahay, anagana metelaadeena sharaf darey ku tahay” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare. Ugu dambeyntii Xildhibaan Xasan ayaa guddoonka golaha shacabka ka dalbaday in laga hor tago liiska la wareejinayo baraha bulshada oo ay cabashada ka yihiin. “Guddigii soo sameeyey liiskaas ee ku tuntay sumcada kuraasta beelaha qaarna, waxaan soo jeedinayaa raali gelin inay bixiyaan” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare). Halkan ka Daawo
-
Trump oo ku guul darreystay kiis muhiim u ahaa John Bolton intii uu la taliyaha amniga qaranka ahaa wuxuu kaalin weyn ku lahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka Garsoore Mareykan ah ayaa ku gacan seyray isku day uu maamulka Trump ku doonayay in la hakiyo soo bandhigidda buug uu qoray la taliyihii hore ee amniga qaranka, John Bolton. Waaxda caddaaladda ayaa ku doodeysay in buuggaas aan si sax ah loo turxaan bixinin. Garsoore Royce Lamberth, oo xaakin ka ah maxkamadda degmada ee magaalada Washington DC ayaa sheegay in Mr Bolton uu “khamaar ku ciyaaray” amniga qaranka Mareykanka, “uuna waddankiisa halis u galiyay khatar”. Laakiin wuxuu xukunkiisa ku sheegay in dowladdu “ay ku guul darreysatay sidii ay uga hortagi lahayd waxyeello aan kasoo kabasho lahayn”. Buugga uu Trump kasoo hor jeedo in la shaaciyo ayaa suuqyada loo iib geyn doonaa 23-ka bishan June. Waxaa ku jira qoraallo uu Mr Bolton ku sharraxayo in madaxweynaha uu wax kasta u sameynayay sidii uu mar kale xilka ugu guuleysan lahaa. Donald Trump ayaa cadaadis badan wajahaya xilli ay doorashada madaxweynaha Mareykanka dhaceyso bisha November Inta badan eedeymaha ku jira buuggaas waxay ku saabsan yihiin wadahadallo khaas ah oo uu madaxweynaha sameeyay, suurtagalna ma aha in caddeymo loo keeno. Maamulka Trump ayaa dagaal ugu jiray in la mamnuuco buugga, wuxuuna madaxweynaha sheegay in lagu aruuriyay “qoraallo ku dhisan sheekooyin been abuur ah oo la sameystay”. Bolton ayaa warbaahinta la wadaagay qeyb ka mid ah buugga uu dhawaan daabici doono oo ka hadlaya muddadii uu la shaqeynayay Trump iyo wixii uu goobjoogga u ahaa. Eedeymaha buugga ku jira waxaa ka mid ah: Madaxweyne Trump wuxuu caawinaad ka raadsaday madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping si uu ugu guuleysto codbixinta doorashada 2020-ka, isagoo taas baddalkeedana mudnaan siinaya “muhiimadda ay leeyihiin beeraleyda iyo kordhinta soo iibsashada dalagyada shiinaha ee digirta iyo qamadiga, taasoo ku xiran natiijada doorashada” Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabada uu shiinaha ku dhisayo xeryaha loogu talagalay maxaabiista siyaasadda, kuwaasoo laga sameynayo gobolka Xinjiang ay tahay “mid sax ah” Madaxweyne Trump wuxuu doonayay inuu faragalin ku sameeyo baaritaannada dambi “si uu taageero shakhsiyeed ugu muujiyo hoggaamiyeyaasha kalitalisyada ah ee uu la dhacsan yahay”. Mr Bolton wuxuu sheegay in Mr Trump uu u heellanaa inuu garab istaago madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, si uu uga caawiyo kiis la xiriira shirkad laga leeyahay Turkiga Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay in faragalin milatari oo lagu sameeyo Venezuela ay ahaan lahayd “wax fiican” iyo in waddankaas ku yaalla koonfurta Ameerika “uu yahay qeyb ka mid ah Mareykanka” Madaxweyne Trump kama uusan warqabin in UK ay leedahay awoodda nuclear-ka, marna wuxuu sarkaal ka tirsan kooxdiisa maamulka weydiiyay in Finland ay ka tirsan tahay Ruushka. Bishii January, Aqalka Cad ayaa sheegay in buugga lagu faafinayo “sir culus” taasoo ay tahay in meesha laga saaro, balse Bolton ayaa diidday arinkaasi. Bolton ayaa beeniyay in buuggiisa uu faafinayo sir qaran Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in bisha November uu loollan adag kala kulmo Joe Biden oo ah musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, ahna madaxweyne kuxigeenkii hore ee maamulkii Barack Obama. Buugaag badan ayaa ilaa iyo hadda laga qoray madaxtinnimada Trump, laakiin buugga u dambeeyay ee uu qoray lataliyihiisii hore ee ammaanka John Bolton ayaa soo jiitay indhaha dad badan marka la eego eedeymaha uu ku qoray buugiisa cusub iyo xilka uu u hayay Trump. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Galhareeri ee gobolka Galguduud waxay gelinkii dambe ee shalay ku toogteen Xasan Daahir Mire oo ahaa wiil 23-sano jir ah. Nin sheegtay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Galguduud ayaa fagaarihii ay toogashadu ka dhacday, dadkii la isugu keenay, waxa uu ka hor sheegay in Xasan ay u heystaan fal basaasnimo ah, isla markaana uu sirdoonka dowladda Soomaaliya wakiil uga ahaa deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud. Waa xukunkii labaad oo Al-Shabaab ay fagaare ku yaalla deegaanka Galhareeri ee gobolka Galgaduud ka fuliyaan shalay, waxayna shalay gelinkii hore xukun jeedal ah ku fuliyeen laba wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay kufsi u geysteen gabar ka mid ah dadka deegaanka. Dhalinyaradaas ayaa lagu fuliyey xukun ahaa min 100 jeedal, sidoo kale mid kasta oo kamid ah waxaa lagu xukumay 14 neef oo Ari ah oo ah meherkii gabadha iyo in laga musaafirinayo deegaanka sida uu sheegay qaadigii Al-Shabaab ka tirsanaa ee xukunka riday . Al-Shabaab ayaa deegaanada ay maamulaan waxay ka fuliyaan xukunno dil u badan, waxayna badanaa dadka ay dilaan ku eedeeyaan inay u basaasayeen dowladda Soomaaliya iyo la howlgalayaasheeda.
-
Fadeexad soo Wajahaday UAE+Mareykanka oo ugu hanjabay inuu cunaqabateyn ku soo rogi doono Haddii aaney joojin…. Maraykanka ayaa Imaaraadka ugu goodiyay in uu kusoo rogayo cunaqabateyn isagoo cuskanaya xeerka Caesar, kaasi oo bartilmaameedsanaya rajiimka Siiriya iyo xulifadiisa. Washington waxay carrabka ku adkeysay in ay kasoo horjeedo talaabooyin ay Abu Dhabi u qaaday si ay ugu soo dhawaato rajiimka Siiriya, waxayna tilmaantay in cuneqabateynteeda ka dhanka ah Bashaar al-Assad ay bartilmameedsan karto qaybo Imaaraadka ka mid ah. Wakiilka gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Siiriya James Franklin Jeffrey oo qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlayay dhaqan-gelinta xeerka ilaalinta rayidka Siiriya ee Caesar ayaa ku dhawaaqay “Imaaradku waa ogyihiin in aan gebi ahaanba diidanay in ay sii wadaan talaabooyinkaas….si cad ayaan ugu sheegtay in aan fikrad qaldan u aragn dib u furista safaaradda Imaaraadka ee magaaladda Dimishiq, iyo booqashadii ay dhawaan halkaas ku tageen wafdi ka socday Imaaraadka.” Jeffrey ayaa sheegay in talaabooyinkaasi “aysan ka qayb qaadan doonin fulinta qaraarkii Qaramadda Midoobay [No. 2254] iyo dhameynta colaadda Siiriya, taasi oo si adag wal-wal ugu abuurtay dhammaan gobolka”. “Cid walba oo sameysa dhaq-dhaqaaq dhaqaale, Imaaraadka ha ahaado ama wadan kale, dhaq-dhaqaaqyadaasna ay wafaqayaan heerka cunaqabateynta, waxaa bartilmaameedsan doona cunaqabateynta Mareykanka,” ayuu yiri Jeffrey. Arbacadii, Maraykanka ayaa cuneqabateyn kusoo rogay 39 dad iyo shirkado isugu jira, oo ay ka midyihiin al-Assad iyo marwadiisa Asma, si uu u hor istaago ilaha dhaqaale ee Dowladda Siiriya, waana isku day ladoonayo in dib loogu celiyo wadaxaajoodka ay Qaramadda Midoobay garwadeenka ka tahay. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mike Pompeo ayaa warkii cunaqabateynta ku xaqiijiyay in cuneqabateyn dheeri ah la fili karo in lagu soo rogo al-Assad todobaadyadda iyo bilaha soo socda. Dhamaadkii 2018-kii, Imaaraadka Carabta aya furay safaaradii uu ku lahaa magaaladda Dimishiq, kadib lix sano oo ay xirneyd, inkastoo Imaaraadka Carabta ka mid yahay dalalka sida daran fagaareyaasha caalamiga ah uga dhaleeceeya Dowladda Assad. Muddo sanado ah Imaaraadka Carabta waxaa uu soo dhaweynayay, ganacsato xiriir la leh Bashar al-Assad, kuwaas oo laga yaabo in cuneqabateynta Maraykanku bar-tilmaameedsato . Qaran News
-
Shirki afarta madaxweyne ee geeska Afrika ay isugu tageen Jabuuti maxaa laga doonay?Waa maxaay sirta qarsoon ee mideysay AFARTA MADAXWEYNE oo mid waliba ay ka muuqato welwel iyo murugo ku saleysan siduu ku adkey lahaa joogitaankiisa . Mid kasta waxaa ku taagan udun ama cirbad cagta uga taagan ee uusan dhulka si toos ah ugu istaagi karin ilaa uu ka helo xal ama wax ay ka wada tashadaan si loo helo tab ama xal lagu dheereysan karo muddada xilka, ay qaarkood xooga xaaraanta ah ku heystaan, Waxaan laga fursan karin ama aan indhaha laga daboolan karin in afartoodaba oo ah Somaliya, Ethiopia, Jabuuti iyo Eritrea ay u dhammaatay muddadi ay meesha joogi lahaayeen, waxayna raadinaayaan sidii ay ku dheereysan lahaayen waqtiga ka dhamanaya. Waxaan ku qiyaasay in xaalkoodu yahay niman god ku jira ooy biyo ku soo shubamayaan, waxaana mid kasta la siiyay koob uu biyaha isaga bixiyo…nasiib darro koobka waa mid dabada ka duleela oon biyo qaadi karin..Biyihi waa soo kordhaayaan mana dhera maalinta ay garqi doonaan. Wadamada ay ka taliyaan yaa sheegi kara ama sadaali kara xaladda ay ku sugnaan doonaamn!!! Ma daadkaa wada qaadi doona mase qaar ayaa ka badbaadi doona kaddib marka laga takhaluso afartooda ama qaarkood. Taa waxaa ka daran in Aby Axmad uu ku dhawaaqay inuu rabo gobol furdo leh uu isagu leeyahay kana dhoofsan karo wuxuu doono sida uu doonana ugu takri fali karo..Madaxda talada haysana ee N&N waxba kama qabaan haddi ay booskooda sii joogayaan..Haddaba, Kenya, si loo shibiyo, ha la siiyo badda batroolka ka buuxo si ay dowladdaan u sii joogto. Arrinta ama xaalada Somaliya ay ku socoto waa mid aad looga argagaxo waayoo waxaa soo muuqda ifafaalo ummadaan u horseedi kara burbur ka baaxad weyn kii 1991, waxayna aragtidaani ku saleysan tahay in MW Farmaajo uu ku fikiraayo inuu meesha sii joogo wax kasta oo dhaca. Waana tii Jaalle Siyaad ku burburiyay dalkaan..aryaa u sheega in kuwi ka horeyay isaga oo ahaa MW Sheikh Shariif & MW Xasan Sheikh, iyagoo jecel inay sii joogaan, ayey ka tageen iyagoo muujiyay biseyl siyaasadeed oo ku hogaamiyay inay u turaan dadka iyo dalka…laakin u meleyn maayo inay kooxa N&N ay dareen noocaas ah qabto. Tallaabooyinkii lagula soo taliyay tafaasiil badan lagama haayo, waxase taas garab socda dareenka dowlad goboleedyada iyo mowqifka ay qaarkood ka taagan yihiin N&N…mana muuqdo wanaag meeshaas ka soo socoda. Isku soo wada duub, wixi Jabuuti ka dhacay waxaa lagala soo bixi karaa ficillada gurracan oo kooxdaan u qarsan, ha ahaato doorashada iyo dareenka ay ka qabaan dadka Xamar ku nool ood moodo inay quus ka taagan yihiin sidey Banaadir u heli lahayd MAQAAMKA ay xaqa u leedahay. Haddaba, waxaa iga talo ah inay umadda Somaliyeed ka tashato, Intey goori goor tahay, tallaabooyinki looga hortegi lahaa loona baaji lahaa inuu Farmaajo dalka dumiyo kaddibna iska aado Buffalo (NY) isagoo milioneera. Qaran News
-
Muqdisho:Askari 5-Kun Shilin Somali ku dilay Darawal Gaadhi Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku dilay mid kamid ah darawalada kaxeeyo baabuurta dadweynaha ee loo yaqaan Homey. Goobjoogaal ku sugnaa halka uu dilka ka dhacay ee Ex-Control Afgooye ayaa Caasimada Online u sheegay in askariga dilka geystay iyo darawalka la dilay uu dhex maray muran kadibna horseeday dilka. Askariga dilka geystay ayaa lacag dhan 5 kun oo Shillin Soomaali ah waydiistay darawalka waday gaariga dadweynaha, balse darawalka ayaa ka biyo diiday inuu lacagtaas bixiyo waxaana xigay rasaas uu askariga ku furay darawalka dhintay. Sida ay goobjoogayaal u sheegeen Caasimada Online, Askariga dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday xilli ay goobta ku sugnaayeen askar kale oo ka tirsan kuwa Dowladda ee Ex Control lacagaha uga qaado gawaarida. Todobaadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Odey da’ah ku dilay Isgoyska Ceel-gaabta ee Degmada Xamarar-Jajab ee Gobolka Banaadir, wuxuuna falka yimid muran ka dhashay xabad sigaar ah. Dilka ay geysanayaan askarta ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa kusoo badanayo Magaalada Muqdisho, waxaana taas loo sababeeyaa inaan la ciqaabin askariga dilka geysto. Qaran News
-
Shirki afarta madaxweyne ee geeska Afrika ay isugu tageen Jabuuti maxaa laga doonay?Waa maxaay sirta qarsoon ee mideysay AFARTA MADAXWEYNE oo mid waliba ay ka muuqato welwel iyo murugo ku saleysan siduu ku adkey lahaa joogitaankiisa . Mid kasta waxaa ku taagan udun ama cirbad cagta uga taagan ee uusan dhulka si toos ah ugu istaagi karin ilaa uu ka helo xal ama wax ay ka wada tashadaan si loo helo tab ama xal lagu dheereysan karo muddada xilka, ay qaarkood xooga xaaraanta ah ku heystaan, Waxaan laga fursan karin ama aan indhaha laga daboolan karin in afartoodaba oo ah Somaliya, Ethiopia, Jabuuti iyo Eritrea ay u dhammaatay muddadi ay meesha joogi lahaayeen, waxayna raadinaayaan sidii ay ku dheereysan lahaayen waqtiga ka dhamanaya. Waxaan ku qiyaasay in xaalkoodu yahay niman god ku jira ooy biyo ku soo shubamayaan, waxaana mid kasta la siiyay koob uu biyaha isaga bixiyo…nasiib darro koobka waa mid dabada ka duleela oon biyo qaadi karin..Biyihi waa soo kordhaayaan mana dhera maalinta ay garqi doonaan. Wadamada ay ka taliyaan yaa sheegi kara ama sadaali kara xaladda ay ku sugnaan doonaamn!!! Ma daadkaa wada qaadi doona mase qaar ayaa ka badbaadi doona kaddib marka laga takhaluso afartooda ama qaarkood. Taa waxaa ka daran in Aby Axmad uu ku dhawaaqay inuu rabo gobol furdo leh uu isagu leeyahay kana dhoofsan karo wuxuu doono sida uu doonana ugu takri fali karo..Madaxda talada haysana ee N&N waxba kama qabaan haddi ay booskooda sii joogayaan..Haddaba, Kenya, si loo shibiyo, ha la siiyo badda batroolka ka buuxo si ay dowladdaan u sii joogto. Arrinta ama xaalada Somaliya ay ku socoto waa mid aad looga argagaxo waayoo waxaa soo muuqda ifafaalo ummadaan u horseedi kara burbur ka baaxad weyn kii 1991, waxayna aragtidaani ku saleysan tahay in MW Farmaajo uu ku fikiraayo inuu meesha sii joogo wax kasta oo dhaca. Waana tii Jaalle Siyaad ku burburiyay dalkaan..aryaa u sheega in kuwi ka horeyay isaga oo ahaa MW Sheikh Shariif & MW Xasan Sheikh, iyagoo jecel inay sii joogaan, ayey ka tageen iyagoo muujiyay biseyl siyaasadeed oo ku hogaamiyay inay u turaan dadka iyo dalka…laakin u meleyn maayo inay kooxa N&N ay dareen noocaas ah qabto. Tallaabooyinkii lagula soo taliyay tafaasiil badan lagama haayo, waxase taas garab socda dareenka dowlad goboleedyada iyo mowqifka ay qaarkood ka taagan yihiin N&N…mana muuqdo wanaag meeshaas ka soo socoda. Isku soo wada duub, wixi Jabuuti ka dhacay waxaa lagala soo bixi karaa ficillada gurracan oo kooxdaan u qarsan, ha ahaato doorashada iyo dareenka ay ka qabaan dadka Xamar ku nool ood moodo inay quus ka taagan yihiin sidey Banaadir u heli lahayd MAQAAMKA ay xaqa u leedahay. Haddaba, waxaa iga talo ah inay umadda Somaliyeed ka tashato, Intey goori goor tahay, tallaabooyinki looga hortegi lahaa loona baaji lahaa inuu Farmaajo dalka dumiyo kaddibna iska aado Buffalo (NY) isagoo milioneera. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
DOWLADA FEDERAALKA SOMALIYA INAY ICTIRAAFTO GOONI ISU-TAAGA JAMHUURIYADDA ARDD-SOOMAAL WAXAY HORSEEDI LAHAYD IN GUDIDA FARSAMO KA GAADHAAN HESHIIS MUGDI KU JIRIN Waxaan umalaynayaa in maanta iyo wakhtigan aynu taaganahey in caqliga fayoobi garawsan karo in lasoo gaadhey marxaladii ay is-ictiraafi lahaayeen Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland. talaabadan oo si niyadsami ah loo qaado waxay horseedi karta in la oogo Cadaalad( Justice) abuurta Ihsan(Beneficence) keeni karta in la higsado hayat al-tayyebah nolol wanaagsan(high level of good life) oo gaadhsiisa guusha adduunka iyo ta Akhiroba in ay labadan ummadood ee ka soo kala jeeda Federaalka Soomaliya iyo Jamhuuriyadda Ardd-Soomaal ku wada nooladaan iyagoo labo-dowladood oo jaarah. Caalamku maanta maaha caalamkii shaleyto, siyaasadihii addunkuna intaas wuu is-laba rogayaa oo wuxuu la jaanqaadaya duruufaha iyo maslaxadda kolba wakhtigii la marayo. Waxaa xaqiiqa in aynu ka wada dheregsanahey loona baahneyn inaynu dib ugu jaleecno waayihii, taariikhihii iyo sooyalaadii hore ee ay isla soo kaca-kufeen labada qowmiyadood ee Jamhuuriyada Arrd-Soomaal iyo Jamhuuriyadii Soomaliya laga soo bilaabo wakhtigii xornimada la qaatey illaa laga soo gaadho wakhtigii burburka Jamhuuriyaddii la odhan jirey Soomali Democratic Republic. Maanta waxaa bilaabmey dabeyl iyo waayo cusub, oo Ardd-Soomaal(Northern Somalia) la soo noqotey xornimadeedii oo kaamil ah iyo In Jamhuuriyaddii Soomaliyana la soo noqotey Jamhuuriyadda federaalka ee Koonfurta Somaliya (Southern Somalia). Caalamkuna waa ina daawanayaa sidii aynu dowladnimadeena jaarka u xalin lahayn, iskuna-ictiraafi lahayn oo iyaga ay naxdin ku tahey in Somaaliyadii hore isku-ictiraafaan dhalashada laba jamhuuriyadood oo quwad leh sidii ay ahaan jirety Isticmaarka ka hor. 1960 markii calanka la qaatey maysan jirin duwal-caalami ah oo ku qasabtey Somaliland inay raadiso shanti Soomaliya laakiin waxay ahayd iraadada shacbiga Somaliland iyo jacayl iyo raqbad u haysey in Somaali oo dhammi midowdo. Taasi waxay ku tusaysaa oo aysan cidina dafiri Karin in Arrd-Soomaal ay hayd tii dhashey Soomaliya. Nasiib darase wey-suurtageli weydey inay isu-yimaadaan shanti Soomaliya oo rag siyaasadda uga shaadhadh weynaa oo caalamka ku xidhnaa baa is-hortaagey talaabadii ugu horeysayna waa lagu fashilmey taaso ay u raacdo in tusbaxii ugu horeeyey ee soomali-weyn ay kala daadisey Dowladda Jabuuti oo gooni isu taagtey qaadatey madax-bannaani u gaara. Jabuuti talaabo caafimaad qabta ayey waagaas ku dhaqaaqdey iyadoo meel fog ka arkaysey inaysan mustaxiil ahayn in shan Soomaliyeed isu-yimaadaan madaama Arrd-Soomal ay ku guul-darreysatey talabadeedi kowaad ee ku tegtey Muqdisho oo iyagiiba laga soo dulmiyey xaqoodi iyo xornimadii ay usoo dagaalameen. Maantase waxaa muuqata oo dhabowdey in xayndaabkii isku-xidhnaa Soomali-Koonfureed ay ku dambeysey inay noqoto dowlad-goboleedyo maamulo kala gooni ah u taagan. Maantana sidii 1960 oo kale, ma –jirto dowladdo iyo cid kale oo isku-keen qasbaysa inaynu mar-labaad midowno. waxaase mudnaantu tahey in sidii aanu idinku nimid 1960 kii (bidduun-qayd-washard) aynu maantana u kala-baxno oo is-ictiraafno ahna meesha keliya ee danteenu ku jirto kuna soo celino sharaftii Soomali caalamka ku lahaan jirtey iyadoo weji cusub u yeelna iyo xidhiidh ka xoog badan kii hore sameyna inagoo ah laba-dowladood oo mandaqada geeska Afrika ku soo biirta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Abdi waxaan aad ugu hambalyeynayaa khudbadiiisi an leex-leexad lahayn ee u hordhigey beesha caalamka iyo sooyaalkii ay soo martey Arrd-Somaal laga soo bilaabo 1960 illaa 2020, iyo mowqifka Arrd-Soomaal ay iska taagtey xagga Itijaaha siyaasadeed ee uu shacabkiisa ku hogaaminayo iyo qadiyadaha ay isla soo mareen mandiqadan ku xeeran ee Geeska Afrika. Haddaba, waxaan Dowladda Arrd-Soomaal leeyahay hawsha maanta idin hor yaala ma- badna marka loo eego hawlihii iyo wadooyinkii qodxaha badnaa ay soo mareen kuwii idinka horeeyey -dharaarihii adkaa ee SNM ee Mujaahid Muusena goob-jooga ka ahaa iyo dhisitaankii dowladihii idinka horeyey sida bidaayadii dowladnimadii, Marxuum Abdirahman Ahmed Ali Tuur, iyo Dhameystirkii Haykalka Dowladnimada ee Marxuum Mohamed Haji Ibrahin Egal, Mudane Dahir Riyale Kaahin iyo Mudane Ahmed Mohamed Mohmoud Siilanyo. Maanta waxaa haddaba idin-horyaala oo la idinka fadhiyaa waa Ictiraaf-doonka wadanka Jamhuuriyadda Arrd-Soomaal iyo sidaad uga soo dhiraandhirin lahayd fursadda maanta furantey ee Shirka Jabuuti oo haddii la waayo ay adkaan doonto inay mar-labaad soo noqoto. Haddaba xagee bey ka dhowdahey Ictiraafka ee laga helayaa? Nin baa berri isagoo lugeynayaa wado weyn oo laydhku ka baxayo ayaa meel dariiqa u dhow oo madow ku leexdey, markaas baa muraaydaddi indhaha ee u xidhnaa meeshi kaga dhacdey, markaasu hore u heli waayey mugdiga awgeed. Ninkii baa intuu kusoo noqdey meeshii iftiinka lahayd ee laydhku ka baxayey ayuu dhulka eeg-eegey sidii qof wax baadi goobaya , dabadeeto waxaa meeshii ugu yimid nimankii amaanka ciidamada buliiska. Waxay ku yidhaahdeen, waar maxaad meeshaan iftiimaysa ka raadinaysa? Wuxuu ugu jawaabey in Muraayadii u xidhnaa ay kaga luntey meeshaas madow, markaa waxaan is-lahaa bal meeshan iftiimaysa ka raadi inaad ka hesho. Waxaan dulucda ugala jeeda Ictiraafka Somaliland ma saarna daarahan widh-widhiya ee United Nations iyo dowladaha caalamka laakiinse ay tahey sidii aynu uga wada shaqeyn lahaydeen xidhiidh wanaagsan oo saaxiibtinimo ah la yeelataan dowladda Federaalka iyo wada-shaqeyntii sidii loo kala-bixi lahaa iyadoo la isu ictiraafo laba-dowladood. W/Qorey Mohamed Adaweh adaweh50@gmail.com) -UK Qaran News
-
Qaanuun iyo xeer ahaan caalami ah, ma jirin midnimo dhex martay JSL iyo Somalia 1960kii. Waxay ahayd is-dhex-yaac iyo niyad wanaag lagu raadinayay xoraynta dhammaan dalalka Somalida. Kuwaas oo ay ahayd marka ay xoroobaan in la wada dhisto dawlad Somaliweyn oo la wada leeyahay, taas oo si cilmiyaysan oo sharci ah loogu wada heshiiyo. Markhaatina ay ka ahaadaan beelsha caalamku QM ( Waana sida ay tahay in lagu dhaqmo marka ay dawladuhu midoobayaan ). Garashada cilmiga dawladnimadu waa aqoon ku dhisan cilmiga loo yaqaan Arrimaha Bulshada ama afka qalaad ( Social Studies ). Kulanka iyo dhex-dhexaadinta JSL iyo Somalia waa mid uun keli ah oo ku dhisan in ay maanta isku raacaan inay maanta midoobiyaan oo qodobada heshiiskeeda leh iyo in ay is aqoonsanayaa oo ay ahaadaan laba dal oo walaalo ah oo kala madax banaan sida walaalaheen J. Jibouti oo kale. Maxay tahay midnimada fasaxday gooni-isu-taagga J. Jibouti iyo tan JSL oo qarqarka loogu dhiggan yahay?! Waxa la yidhi,”Aan ku jiido adna i jiid waa gacmo daalis”! 1960kii may dhicin mana jirin midnimo sax ah oo qaanuuni ah oo dhex martay JSL iyo Walaalahood J. Somalia. Waxa ay ahayd xulufaysi lagu dhisayay xukuumad ku-meel-gaadh ah oo lagula macaamilo beelsha caalamka, si loo dhammaystiro madaxbannaanida shanta Somaliyeed ee walaalaha ah. Qadiyadda JSL iyo Somalia waxa ay rasmi ahaan ku dhammaan kartaa Maxkamadda Caalamiga horteeda iyo garsoorkeeda, haddii aanay iyagu si walaalnimo ah isu aqoonsan . Marka ay is aqoonsadaan waxa u fududaanaya waxa maanta laga wada hadlayo ee walaalnimada iyo wada noolaanshaha ku dhisan In-kasta oo ay dunida maanta ka jirto nidaam lagu wada midaynayo oo loo yaqaan afka qalaad ( Globalization ) – Caalam mid ah. Taas oo loo adeegsado gacmo qarsoon oo aanu Dammiinka iyo Qashiimku fahmi Karin. “Xalaal iftin baa la qashaa”! Waa xikmad Somaaliyeed oo dhaxal-gal ah. Wa-Allaahu Al-Muwafaq. Ducaale Hadalwanaaje II Qaran News
-
Bandowgii Sababay covid19-ka Dalka Sacuudiga Oo La Qaaday! War Kasoo Baxay Wasaaradda Arrimahaa Gudaha Ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Ayaa Caddeeyey In La Qaaday Bandowgii Saarnaa Ka Dib Qaadashada Taladii Saraakiisha Caafimaadka Dalka Sacuudiga Iyo Amarkii Kasoo Baxay Boqorka Boqortooyada Sacuudiga 1. Laga Bilaabo Maalinta Axadda Ah 06:00 AM, 21-ka Juun 2020 Kuna Beegan Shawaal 29-ka 1441 Hijriga Waxaa La Qaaday Bandowgii Guud Iyadoo La Raaciyey In La Tixgeliyo Kala Fogaanshaha Iyo Cid Walibana Ay Xidhato Gaanfuur Xidh Ama (Kammaam Ama Facemask) 2. In Lasoo Celiyo Dhaqdhaqaaqa Dhaqaalaha Iyo In La Furo Goobaha Gannacsiga Dhammaan Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha Iyo Qaadashada Talooyinka Caafimaadka Iyadoo Ayan Kulmi Karin Konton Qafood Wax Ka Badan 3. Waxaa Lafasaxy In La Furo Meelaha Jirdhiska(Gym Centers) Iyo Meelaha Rayslayasha(Barber Shops) Iyadoo La Sheegay Inay Raacaan Shuruudaha La Faray 4. Cimrada Iyo Siyaarooyinka Oo Weli Sidoodii U Xiran Taasoo Ku Xiran Qiimeynta Dowriga Ah Ee Wadciga 5. Safarada Cirka, Xuduudaha Dhulka Iyo Badda, Soo Gelida Dibadda Iyo Bixida Oo Weli Xiran 6. Waa In Loo Wada Hoggaansamaa Dhammaan Amarada Kala Fogaanshaha Iyo Qaadashada Ganfuur Xidhka Muwaadin Iyo Muqiimba Ciddii Jebisana La Marsiin Doono Ciqaabta Uu Istaahilo. تسبب حظر التجوال من الكاتدرائية السعودية أعلنت المملكة العربية السعودية أنها رفعت حظر التجول بناء على نصيحة مسؤولي الصحة السعوديين وبتوجيه من المملكة العربية السعودية. 1. ابتداءً من يوم الأحد الساعة 06:00 صباحًا ، 21 يونيو 2020 ، وارتداء الضحلة 2941 1441 في حفل عام مع مراعاة الانفصال وكل شخص يرتدي خزانة أو قناع ) 2. استعادة الأنشطة الاقتصادية وفتح جميع صالات العرض مع مراعاة وقبول النصائح الصحية دون ممارسة أكثر من خمسين شخصًا 3. التمرين لفتح مراكز الصالة الرياضية ومناطق الإشعاع ( حلاقة) ذكرت اتباع شروط الإفراج 5. يتم إغلاق السفر الجوي والحدود البرية والبحرية والهجرة والمخارج 6. يجب الامتثال لجميع أوامر المواطنة والقيود الدائمة وأي شخص يخرق التأديب. Qaran News
-
Isimada gobolada Sool iyo Ceyn ayaa si kulul uga hadlay wadahadalada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somalilad ee Jabuuti. Siddeed Isim oo kala ah; Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Ugaas Faarax Dheexe, Garaad Saleebaan Buraale, Boqor Cabdullaahi Dabagooye, Garaad Cabdisalaan Maxamed, Suldaan Siciid Cali iyo Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi oo shir jaraa’id ku qabtay degaanka Hadhwanaag (Garac-lagudhal) ee gobolka Sool ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay ka fiirsato cidda ay wadahadalada lagu galayso Jabuuti. Isimadda ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu matalo oo kaliya beelaha dega gobolada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer, uusana mataglin gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee isimadda. PUNTAND POST The post Isimo si kulul uga hadlay wadahadalada DFS iyo Somalilnad appeared first on Puntland Post.
-
Egypt’s el-Sisi orders army to be ready for missions abroad
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Click here to read more Qaran News -
Cabdinaasir Seeraar Maax oo ka mid ahaa hoggaanka golihii is-bedel doonka Jubbaland ee heshiiska la galay Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo. Cabdinaasir Seeraar ayaa ka hadlay heshiiskii Nairobi, isu soo dhawaanshaha dowladda Federaalka iyo Jubbaland, dib u heshiisiinta Jubbaland iyo xoraynta dhulka maqan. Seeraar ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay heshiiskii 23 bishii April ee sanadkan hoggaanka golihii is-bedel doonka Jubbaland iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ku dhexmaray magaalada Niarobi, wuxuuna ugu baaqay dadka wali ka aragti duwan maamulka Jubbaland in ay ku soo biiraan, si loo dhiso Jubbaland cusub oo looga wada shaqeeyo nabadgalyada, horumarka iyo xoraynta dhulka maqan. Dhanka kale Seeraar ayaa soo dhaweeyey is fahanka dowladda Federaalka iyo Jubbaland, wuxuuna xusay in arrintaasi ay meesha ka saari doonto caqabado badan oo jiray, isagoo uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo. Ugu dambeyna Seeraar wuxuu sheegay inuu ka shaqeyn doono xoraynta dhulka ka maqan Jubbaland ee ku jira gacanta Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Kismaayo: Seeraar oo soo dhaweeyey is fahanka DFS iyo Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
Wanllaweyn (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in caawa la weeraray guriga sarkaal ka tirsan militeriga Soomaaliya uu ku leeyahay degmadaas. Sarkaalka uu gurigiisa weerarkaas ka dhacay caawa ayaa magaciisa naloogu soo koobay Halac, waxaana la sheegay in gudaha guriga mar qora laga maqlay jugta laba qarax oo waaweyn. Waxaa lasoo sheegayaa in halkaas uu ka dhashay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo soo gaaray askartii ilaalada u aheyd sarkaalka gurigiisa la weeraray iyo xubno ka tirsan qoyskiisa. Illaa hadda ma cada waxa loo adeegsaday weerarka caawa ka dhacay guriga sarkaalkaas ka tirsan militeriga Soomaaliya uu ku leeyahay degmada Wanllaweyn, balse dad ka agdhaw halkaas ayaa noo sheegay in gudaha guriga laga maqlay laba jug oo aad u culus, kuwaas oo loo maleynayo qaraxyo. Dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen weerarkaas waxaa la sheegay in loo qaaday xarumaha caafimaadka ee degmada Wanllaweyn oo sida dadka ku nool magaalada ay noo sheegeen aan tayo badneyn, waxaana xusid mudan in dhaawacyada daran aysan sahlaneyn in loo qaado meelo kale, sida magaalada Muqdisho, maadaama aysan sahlaneyn si loo marsiiyo wadada oo mar hore weerarrada Al-Shabaab looga go’ay. Wararka kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa isi-soo taraya, balse illaa hadda lama xaqiijin karo inta uu khasaaraha rasmiga ah, sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa weerarkaas. Degmada Wanllaweyn ayaa waxaa ka jira dagaal beeleed in mudo ah ka taagnaa, oo bilihii lasoo dhaafay gaaray heer meydadka dadka la iska dilo la gobo, taas oo hey’adaha garsoorka dalku ay ku baxeen, in kastoo ay weli jirto colaadii u dhaxeysay beelihii ku dagaalamay halkaas oo aan weli si dhab ah aan xal looga gaarin khilaafkooda. Sidoo kale Wanllaweyn waxay ka midtahay magaalooyinka gobolka Shabeellada Hoose ee kaabiga ay ku hayaan Al-Shabaab, isla markaana ay mararka qaar weerarrada ka geystaan, sidoo kale wadooyinka soo gala ayaa u go’doonsan.
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee xanuunka COVID-19, waxaa ay ku sheegtay in 48-kii saac ee la soo dhaafay guud ahaan dalka laga helay 36 kiis oo cusub, taas oo guud ahaan dalka ka dhigaysa dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus 2,755 qof. Wasaaradda ayaa xustay in xaaladaahan laga kala helay gobolka Banaadir oo 4 xaalad ha, Somaliland 29 xaalad ah iyo Jubbaland oo laga soo diiwaan geliyey 3 kiis , kiiska la shaaciyey 30 kamid ah waa Rag, halka 6 ay yihiin Dumar. wasaaraddu maanta ma shaacin wax kiis oo dhimasho ah, guud ahaa waxaa xanuunka ugu geeriyooda dalka 88 ruux. Wasaaradda ayaa xustay in xanuunka ay ka soo bogsadeen 27 muwaadin, kuwaas oo horay uu u soo ritay xanuunka Coronavirus, dadka xanuunka guud ahaa dib uga soo caafimaaday ayaa gaarayo 751 ruux. Wasaaraddu wax kiisa ah kama sheegin maamulada Galmudug, Puntland , Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, xanuunka ayaana sii yaraanayo. Goobjoog News > Source: goobjoog.com