-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gabadh dishay laba ka mid ah dabley dishay Aabaheed Sawirka gabadha dishay raggi waaliddiinteeda dilaya Gabar da’yar oo u dhalatay dalka Afghanistan ayaa baraha bulshada si weyn looga hadal hayaa kaddib, marki ay dishay laba ka mid ah dabley ka tirsan ururka Taalibaan oo dilay waalidkeed, iyada oo gabadhaasi lagu tilmaamay “halyeeyad” geesi ah. Mas’uuliyiinta gobolka Ghor waxay sheegeen, gabadha yar iney qaadatay qoriga AK-47 oo ay waaliddiinteeda lahaayeen, kaddibna ay dishay laba ka mid ah dableydi weerarka soo qaatay qaar kalana dhaawacday. Waxayna intaa ku dareen, dabley ka tirsan ururka Taalibaan iney aabbaheed soo weerareen iyaga oo ku beegsanaya aabbaheed inuu dowladda taageero u yahay. Gabadhan yar ee qoriga haysata uu sawirkeeda muuqda ayaa maalmihi u dambeeyey si weyn loo hadal hayey. Waxyar kaddibna tiro maleeshiya ah ayaa guriga ay gabdhaasi yar ku sugneed oo ku yaallay tuulada Girwa soo weeraray, haseyeeshee waxaana dableydi iska difaacay dadka deegaanka iyo maleeshiyaad dowladda taabacsan. Mas’uuliyiinta dalka Afghaanistaan waxay sheegeen gabadhan yar ee iska difaacday ragga soo weeraray iney da’deeda u dhaxeyso 14-16 jir, gabadhaasi yar iyo wiil iyo gabar ka yar ayaa hadda loo qaaday goob ammaankooda lagu sugo. Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa taageero aad u weyn u muujiyey gabadhaasi yar ficilka ay sameysay. “Waxaan ku jecelahay geesinimadeeda” waa oraah ay wakaaladda AFP ka soo xigatay nin Facebook isticmaalo oo lagu magacaabo Najiib Rahmi. “Waan ogahay iney waaliddiintaada kuu soo laabaneyn, balse aarsashada aad sameysay waad ku nafiseysaa,” ayuu yiri Mohamed Saalax oo Facebook isticmaalo. Warbaahinta maxalliga waxay sheegeen, Ghor waxay ka mid tahay deegaannada galbeedka Afghaanistaan ku yaalla ee aadka u dib dhacsan iyada oo ay ka dhacaan falal aad u badan oo liddi ku ah dumarka. Ururka Taalibaan ayaa heshiis nabadeed la saxeexday Mareykanka bishii February iyada oo ururka xubno badan oo ka tirsan ururka Taalibaan ay ku baaqayaan in la afgambiyo dowladda Afghaanistan iyo dastuurka dalkaba. Qaran News
-
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyey in Soomaaliya ay ciidamo u direyo dalka Libiya, kadib markii wararkaasi si aad ah loogu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka. Cawad oo la hadlay BBC ayaa sheegay in wararka meelaha qaar lagu qoray ay yihiin kuwo dacaayadaha ah oo waxba kama jiraan ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Soomaaliyeed aysan aheyn kuwo calooshood u shaqeystayaal ah, sida uu hadalka u dhigay. “Ciidamada Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayey. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal”, ayuu yiri wasiir Axmed Ciise oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ah BBC. Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ayaa meesha ka saaray in dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay ka wada-hadlayaan sidii ay ciidamo wada jira ugu diri lahaayeen Liibiya oo dagaallo sokeeye ay ka socdaan. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dhowaan soo shaac-baxday qorsheyaal la sheegay inay wadaan Qatar iyo Turkiga oo ciidamo Soomali ah oo ay tababareen dalalkaasi lagu geynayo Liibiya, si ay qeyb ka noqdaan dagaallada ka socda dalkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-220720.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay wararka sheegaya in dhalinyaro Soomaaliyeed lagu biirinayo dagaalada ka socda Liibiya, Wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawada ayaa beeniyay xilli uu wareysi siinayay idaacadda adduunka la hadasha ee BBC-da. Wasiirka wuxuu sheegay ineysan jirin wax ciidamo ah oo ay u dirayaan Libya, sidoo kalana wuxuu ka dhawaajiyay ineysan heysan ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah. Kaliya intaas kuma ekeynin wuxuu sidoo kale sheegay ineysan jirin wax wada-hadal ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Turkey kuna saabsan in ciidamo Soomaali ah loo dirayo Libya, wuxuuna ku tilmaamay wararka la baahiyay dacaayad aan waxba ka jirin. Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli warbaahinta dunida ay baahisay in dhalinyaro Soomaali ah lagu biirinayo dagaalka ka socda Libya ee looga soo horjeedo janaraal Khaliifa Haftar. Dowladda Turkiga ayaa taageero xoog leh u muujineysa dowladda Libya oo caalamka uu aqoonsan yahay, waxeyna dhawaan geeyeen halkaas in ku dhaw 4,000 ciidamo calooshood u shaqeystayaal Siiriyaan ah si ay dagaalka u xoojiyaan, waxaana xogtaan baahiyay warbaahinta Mareykanka. Si kastaba dagaalka ka socda Libya ayaa sii xoogeysanaya xilli Baarlamaanka Masar ay shalay ansixiyeen in ciidamo loo diro Libya, waxeyna garab u yahiin Janaralka loo taagta la’yahay.
-
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in ay fuliyeen duqeyn ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya kadib markii kooxdaas ay weerartay ciidamada Soomaalida ee saaxiibka la ah, meel u dhow deegaanka Timirshe, oo 140 km u jira magaalada Boosaaso, 21-kii bishan July. Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in taliska uu qiimeyey in weerarkaas lagu dilay toddoba dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale sheegeen inay qiimeeyeen inaan weerarka lagu dhaawacin ama lagu dilin dad shacab ah. AFRICOM ayaa sheegay in markii duqeynta ay dhacaysay, ay ciidamada Mareykanka ku sugnaayeen aagga si ay talo iyo caawimaad u siiyaan ciidamada Soomaalida ee saaxiibka la ah. Shalay ayaa deegaanka Timirshe, gaar ahaan goob lagu magacaabo Ceelka Il waxaa ka dhacay dagaal dhex maray ciidamada Difaaca Dowladda Puntland iyo kooxda Daacish, waxaana kadib xigay duqeynta ciidamada Mareykanka. PUNTLAND POST The post Maraynka oo shaaciyay in uu duqayn ku dilay xubno ka tirsan Daacishta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Puntland ayaa ka hadashay dagaal shalay iyo doraad ka dhacay buuraleyda Calmiskaat ee gobolka Bari, kaas oo dhexmaray ciidmada Puntland iyo kooxda Daacish. Ciidamada ammaanka Puntland ee PSF ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay dagaalkaas ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Daacish, uuna kamid yahay sarkaal sare oo aysan magaciisa sheegin, basle ay tilmaameen in kooxda Daacish uu u qaabilsanaa tababarada iyo xiriirka caalamka, uuna Soomaaliya joogay ilaa 2014-kii “Ciidamda PSF waxay hawlgal ka dhacay degaanada Tuurmasaale iyo Camayra ku dileen tiro ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Daacish oo ay ku jiraan saraakiil sare oo uu iskugu jira Soomaali iyo Ajnabi,uuna ka mid yahay sarkaal sare oo ajnabi ah oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tababarada, xiriirka caalamka, iskuna xiri jirey Daacishka Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama caalamka kale, Soomaaliyana joogay ilaa 2014- kii” ayaa lagu yiri war PSF. PSF waxay sheegtay in ay gubeen kayd weyn oo ay Daacish dhigan jireen saadka iyo sahayda, waxayna xustay inay dhankooda soo gaarin wax khasaare ah. Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka Puntland iyo Daacish ku dhexmaray buuraleyda Calmiskaat, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo degaanadaas. PUNTLAND POST The post Puntland oo war ka soo saartay dagaalkii Calmiskaat appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa goor-dhawayd waxaa gaadhay wafti ka socda Dowladda Itoobiya, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay. Wafdigaas ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dalka Itoobiya Axmed Shide, waxaana Garoonka diyaaradaha Cigaal International kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland. Intaas kadib waftiga Wasiir Axmed Shide ayaa waxaa loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyadda Somaliland, iyagoo halkaas kulan kula qaadan doona Madax kala duwan oo ka tirsan Somaliland. Weli lama oga Ujeedka ay Hargeysa u tageen wafdiga ka socda Itoobiya, hayeeshee warara la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan inay kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayna kala hadli doonaan Arrimo kala dwuan. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Puntland ayaa waxaa lagu faah-faahiyey dagaal ay dagaalyahanada kooxda Daacish kula galeen deegaanada Tuurmasaale iyo Camayra ee Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaasi oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka u tababaran ee PSF lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxdaasi. Sidoo kale warka ka soo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha la dilay ay ku jiraan saraakiil isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tababarada, xiriirka caalamka, iskuna xiri jiray Daacishta Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama caalamka kale, Soomaaliyana joogay illaa 2014-kii. Waxa kale oo warka lagu sheegay inuu mas’uul ka ahaa dilal iyo qaraxyo ka dhacay deegaanada maamulkaasi. “Wuxuu masuul ka ahaa dhib badan oo ay kooxda Daacish u geysteen shacabka Soomaaliyeed sida dilal,qaraxyo iyo dhibka ugu weyn oo uu hadda ku hayey dadka reer guura ah ee degaanadaas isaga oo xoolahooda xoog kaga qaadi jirey isla mar ahaantana u diidi jirey reer guuraagu in ay xoolaha daaqsadaan qaybo ka mid ah dhul daaqsimeedka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Ciidamada maamulka Puntland. Kooxda Daacish ayaa ku xoogan dhulka buuraha ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka soo abaabulaan inta badan weerarada ay ka fuliso deegaanada maamulka Puntand.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka walwalsan nolosha qoysaska ku dhibaateysan degmada Afgooye iyo guud ahaan Shabeelaha Hoose ee uu ku fatahay Wabiga Shabeele ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago sidii loo samatabixin lahaa dadkeena dhibaataysan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadka Wabiga Shabeele, isaga oo faray Xukuumadda in ay degdeg uga howlgasho ka jawaabidda iyo maareynta musiibadan. “Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan uga qayb qaadan lahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kunool magaalooyinka uu maro wabiga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan fatahaadaha maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey gurmadka iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka taas oo kaalin mugleh ka qaadatay samata-bixinta nafeed ee qoysaska iyo dadkeenna nugul ee deegaannada Afgooye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta KMG golaha shacabka ee Villa Hargeysa. Ajandaha kulanka Maanta ee golaha shacabka ayaa ah dhamaystirka iyo u codeynta Wax Ka badalka Sharciga xisbiyadda siyaasadda, iyada oo kulamadii la soo dhaafay ay xildhibaannadu akhrinta koowaad iyo labaad marsiiyeen Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda dalka. Xildhibaannada ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulan weynaha golaha Shacabka,isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb-galaan. Golaha shacabka ayaa waxaa horyaalla hindise sharciyeedyo hortebin u leh dalka,waxaana la filayaa in ay meel mariyaan muddada u harsan baarlamaanka 10-aad oo waqtigiisu gabaabsi yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa shaacisay in diyaarado nooca dagaalka ah ay u soo direyso Soomaaliya, si ay u taageeraan ciidamada AMISOM. Richard Karemire oo ah afhayeenka ciidanka millateriga dalka Uganda ayaa sheegay in ay dhowaan diyaaradahaasi soo gaari doonaan Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeyb qaadaan doonaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab. “Diyaaradaha Militariga waa kuwa Caawiya Askarta lugta ee dhulka ku sugan, waxa ay wax ka arkaan meelo fog, waxa ay kahor tagaan duullaan kusoo socda, waa kuwa xoojiya awoodda ciidamada oo ay dib ugu laabtaan cadawga kusoo socda.” ayuu yiri afhayeenka ciidamada militariga wadanka Uganda, Richard Karemire. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in diyaaradahaasi ay xoojin doonaan dadaallada la doonayo in looga adkaado Al-Shabaab oo 10 sano ka badan dagaal ka wada dalka. Afhayeenka ma shaacin tirada diyaaradaha dagaal ee ay dowladda Uganda u soo direyso Soomaaliya oo ciidamo ay ka joogaan. Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ciidamada Midowga Afrika ee ka howl-gala Somalia, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo kala duwan ka wada koonfurta iyo bartamaha dalka.
-
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee ku matala Jubbaland. Kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa mid la isku xog wareystay Xaalada guud ee dalka iyo Arrimo kale oo ku aadan deegaanada Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu dhamaan Xildhibaanada maamulkaas ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka. Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, RW Xasan Cali Kheyre, Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, iyadoo halkaas uu uga furmo Shirweyne View the full article
-
Cabdullahi Maxamed (Cabdullahi Buurane) oo ka mid ah qorayaasha Isboorti dalka sidoo kalane ah macallin kubbadda cagta ayaa bahda ciyaaraha la wadaagay taariikh weyn uu Soomaaliya ka luntay,taas oo aheyd booqasho Xulka Brazil ku imaan lahaa Soomaaliya 1970. “Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya waxa ay diideyn in ay booqasho dalka ku yimaadaan Xulka Qaranka Brazil,iyagoo saluugay dhaqaalihii fara badan ee ku bixi lahaa imitaanka Xulkaas qiimo weyn ku leh kubbadda cagta aduunka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay qoraa Cabdullahi Buurane. Sidoo kale Cabdullahi Buurane waxa uu sheegay in dalalka Brazil iyo Soomaaliya ay ka simanyihiin dhinacyo badan,isagoo tusaal u soo qaatay hab dhismeedka laacibiinta labada Wadan wuxuuna intaa ku daray in Brazil iyo Soomaaliya ay lee yihiin Xeebo kuwaas oo door wanaagsan ka qaadan kara dhinaca tababarka. Halkan Ka Daawo Cabdullahi Oo Xogtaas La Wadaay Goobjoog Sports https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-5.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
South Korea and Japan joined Spain in an anti-piracy drill off the coast of Somalia amid ongoing tensions over history and trade. Seoul’s military said Tuesday the exercises, Operation Atalanta, were led by the European Union Naval Force Somalia and took place last week, Yonhap reported. “Upon the European Union entity’s request, we’ve often participated in the drill. It aims to hone anti-piracy skills and boost cooperation among different militaries,” an official with Seoul’s Joint Chiefs of Staff said, according to the report. The drill was also described as regular or recurring and has been held since 2008. Seoul and Tokyo have traded barbs over issues ranging from Japanese trade restrictions on the export of key chemicals to compensation for Korean forced laborers during World War II. Neither issue has been resolved since 2019. Last week Seoul deployed the Cheonghae Unit to take part in the EU-led drills. The Cheonghae had left for waters near the Middle East in January. The unit, which includes 300 troops, has been assigned to the Strait of Hormuz in addition to the Gulf of Aden. The decision to dispatch the Cheonghae to the Strait of Hormuz came after the United States reportedly called on security allies, including Seoul, to enhance joint defense of key oil shipping routes. South Korea agreed to the deployment in January. Seoul has sent troops to the Middle East 13 times since the 1991 Gulf War in coordination with Washington. Seoul has supported U.S. efforts in Afghanistan since 2011, including providing medical units. South Korea’s units have ranged from 450 to 1,300 troops in Afghanistan. South Korea also dispatched the Zaytun Division in Iraq from 2004 to 2008, ranging from 650 to 3,600 troops in rotation. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Dawlad ahaan aanay marna ogolaan doonin ciidamada loo samaynayo ilaalinta badda cas haddii aanay qayb ka ahay ciidanka badda Somaliland. Madaxweyne, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaayey munaasibad tababar loogu soo xidhay dufcaddii 32-aad ee katirsan ciidamada kala duwan dalka oo ka qalin-jebisa dugsiga tababarka ciidanka Mandheera ee Lixle ayaa sheegay in Somaliland aanay cidna ku metelin badda Cas. “Cidna naguma metesho badda Cas, dawladdaha yidhi badda cas waxaanu u samaynayaa ciidan difaaca ee sideeda dawladood ah waxaanu cod dheer u sheegaynaa baddayada iyo berigayaga annaga difaacana cid aan gala tashana imaan mayso , kana yeeli mayno . mana nihin dad ku baqanaaya cid baa xoog weyn iyo taangi buu wataa, waayo horaan taangiyo u furanay” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa u sheegay beesha caalamka iyo waddamada deriska in ay diyaar u yihiin in ay nabad ku wada nooladaan , waxana uu yidhi “Waxaanu sheegay Caalamka iyo Waddamada Jaarkayaga in aanu nahay dad aaminsan oo ku dhaqma nabada, waddamada dariska oo dhan waxa aanu fidinaynaa gacan nabadeed. Haddii aanu is qabano in aan wax ku xalino wada hadal waayo waxa aanu nahay dad waayo arag ah oo kasoo daalay dagaal iyo qax umana baahnin in aniga iyo kuwa naga danbeeya toona ay dagaal galaan” Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay la shaqaynayso waddan walba oo ay ka dhex aragto danaheeda siyaasadeed, waxana uu yidhi “hadaanu Somaliland nahay cid walba iyo waddan walba waxanu kala shaqaynaynaa dantayada iyo ta umaddayada qofkasta oo nala shaqaysanaya waxna nala qabsanaya diyaara ayaanu u nahay , annaga oo laba dawladdood oo siman ah ayaanu leenahay maxaanu kula qabanaa , cidna ka yaali mayno wax qarannimadayada wax u dhimaya “ Source
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in uu isa soo tarayo khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada daraawiishta maamulka Puntland iyo kooxda Daacish ku dhexmaray qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka ahaa oo mid culus ayaa dhacay shalay gelinkii dambe, kadib markii ciidamada maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo ay dagaalyahanada Daacish ay ku leeyihiin deegaanka lagu magacaabo Timirshe oo hootega degmada Isku Shuban. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka ay ka horreysay duqeyn lagu garaacay deegaankaas oo ay ku xoogan tahay kooxda Daacish. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi lagu dilay illaa 8 xubnood oo ka tirsanaa Daacish, iyadoona lagu burburiyey illaa laba baabuur oo ay laheyd kooxdaasi. Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa dhulka buuraleyda ee gobolka Bari. Muddooyinkii dambe Puntland ayaa xoojisay howl-gallada ay ka wado deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.
-
Waxaa maanta la soo gaba-gabeynayaa imtixaanka shahaadiga ah ee form 4 ee ka socday guud ahaan dalka Soomaaliya. Imtixaankan oo ay qaadeysay wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah ayaa la sheegayaa in laga galay dhammaan dowlad goboleedyada marka laga reebo Puntland. Ardeyda u fariisatay waxaa tiro ahaan lagu qiyaasay in ka badan 34,000 oo arday, tiradan ayaa waxaa sugaya jaamacado gaar loo leeyahay, oo lacag ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad u jeedinayey ciidamo loo soo xiray tababar ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Badda Cas, gaar ahaan ciidamada shisheeye ee lagu soo daabulayo biyahaasi. Muuse Biixi ayaa sheegay in aysan aqbali karin in ciidamada ajnabiga ah ee haatan lagu soo daa-gureeyo biyaha Badda Cas. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin cid ka iyaga ka mudan, islamarkaana uga xog ogaalsan ilaalinta biyahaasi, sida uu hadalka u dhigay. “Ciidamada Shisheeye ee lagu gurayo Badda Cas innaga ayaa ka mudan sugidda Amniga oo uga xog ogaalsan, qof kasta oo nala shaqeysanaya diyaar ayaan u nahay, mana ogolaaneyno wax aan dan inoo ahayn, mana ku baqaneyso cidbaa xoog weyn iyo Taanki ayuu wataa”. ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Biixi yaa xusay in Somaliland ay leedahay ciidamo tababar fiican heysta iyo qalab, islamarkaana ku filan inay ilaaliyaan isticmaalka biyaha caalamiga ah. “Somaliland waxa ay leedahay Ciidamo tababar qaba, heysta agab ay ku howlgalaan si ay u ilaaliyaan nabadgalyada isticmaalka Biyaha Caalamiga ah iyo in uusan go’in isu socodka Maraakiibta iyo Doomaha” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Si kastaba ha’ahaatee hadalka Biixi ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan Turkiga loo caleema saaray inuu la wareego hoggaaminta howl-galka ka dhanka ah kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida iyo ilaalinta nabad-gelyada Maraakiibta caalamiga ah.
-
Wasiirka waxbarashada Soomaaliuya, Cabdullahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay muuqaalo lagu baahiyey Internet-ka oo ku aadanaa imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso wasaaraddiisa, kuwaas oo uu sheegay inay ka dambeeyaamn siyaasiiyin Goodax Barre ayaa sheegay in muuqaaladaasi ay yihiin kuwa been abuur ahi, islamarkaana loo xiray dad badan oo ku howlanaa sidii loo carqaladeyn lahaa imtixaanka dugsiyada sare. Halkan hoose ka aqriso: Waxaan baraha bulshada ku arkay muuqaal been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay si loo qal-qal-geliyo imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare, isla markaana lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada. Waxaan horay u soo xer-xernay dad faro badan oo ku howlanaa qal-qal-gelinta imtixaanka. Waxaan sidoo kale si adag ula xisaabtami doonna dhammaan dadka caadeystay in ay imtixaanka siyaasadeeyaan. Waxaan ka codsanayaa dhammaan ubaxa ummadda Soomaaliyeed ee qiimaha badan in aysan saameyn ku yeelan dadka u istaagay in ay idin niyad jabiyaan, waxaa tihiin mirihii dalkaan, waxaana idin rajeynayaa birrito oo ah maalintii u danbeysay imtixaanka in ilaahay idin fududeeyo. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan howlwadeennada imtixaanka sida ammaanada leh ee aad waajibaadkiina Qaran u gudaneysaan. View the full article
-
Wararka laga helayo Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa sheegaya in weli ay ka socdaan kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan madaxda sare ee dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, iyaga oo uga hadlayey xaalada siyaasadeed dalka. Shirarkan ayaa waxaa intooda badan diirada lagu saaray arrimo la xiriira dhinaca doorashada iyo nooca ay noqoneyso oo uu is-mari waa xoogan ka taagan yahay. Illaa iyo hadda ma jiro natiijo wax ku ool ah oo ka soo baxday shirkaasi oo horudhac u ah furitaanka wejiga labaad ee shirka magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale ururada bulshada rayidka ah ayaa goob-joog ah, iyaga oo qeyb ka ah dadaallada la’isugu soo dhoweynayo labada dhinac. Xaaladda ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana weli cadeyn xilliga rasmiga ah ee uu furmayo shirka madaxda dowladda iyo kuwa mamul goboleedyada ee dalka. View the full article
-
Building a flavorful bowl is nearly foolproof at this welcome Northland-area addition Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada Somalia, Cabdullahi Goodax Barre oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada oo ku aadanaa imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso wasaaraddiisa. Goodax Barre ayaa sheegay in muuqaaladaasi kuwa been abuur ah oo laga leeyahay dano siyasadeed, islamarkaana la doonayo in lagu qal-qal geliyo imtixaanka. Wasiirka ayaa xusay in dadka sameeyey falkaasi ay doonayaan inay niyad jabiyaan ardayda iyo waalidiinta Soomaaliyeed. Sidoo kale wuuxuu tilmaamay inay arrintaasi loo xiray dad badan oo lagu eedeeyey inay ku howlanaayeen sidii loo carqaladeyn lahaa imtixaanka dugsiyada sare ee dalka. Halkan hoose ka aqriso: Waxaan baraha bulshada ku arkay muuqaal been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay si loo qal-qal-geliyo imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare, isla markaana lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada. Waxaan horay u soo xer-xernay dad faro badan oo ku howlanaa qal-qal-gelinta imtixaanka. Waxaan sidoo kale si adag ula xisaabtami doonna dhammaan dadka caadeystay in ay imtixaanka siyaasadeeyaan. Waxaan ka codsanayaa dhammaan ubaxa ummadda Soomaaliyeed ee qiimaha badan in aysan saameyn ku yeelan dadka u istaagay in ay idin niyad jabiyaan, waxaa tihiin mirihii dalkaan, waxaana idin rajeynayaa birrito oo ah maalintii u danbeysay imtixaanka in ilaahay idin fududeeyo. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan howlwadeennada imtixaanka sida ammaanada leh ee aad waajibaadkiina Qaran u gudaneysaan.
-
Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir Oo Waajahaya Dil Toogasho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Khartoum)-Madaxweynihii hore ee Suudan, Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxa maanta lasoo taagay maxkamad, iyadoo maxkamadeyntiisu ay bilaabatay kadib markii lagu xidhay Khartum. Madaxweynihii mudada dheer xukumayay Sudan ayaa waxa loo haysta dacwado kala duwan oo bini-aadantinimo, iyo weliba afgambigii uu talada dalkaasi kula wareegay sanadkii 1989-kii. Cumar Al-Bashiir ayaa inqilaab millateri kula wareegay talada dalka Suudaan, isagoona meesha ka tuuray dowlad si dimuquraadi ah loo soo doortay, midaasi oo uu maxkamadeynta waajahayo. Al-Bashiir ayaa waajahi doona xukun dil toogasho ah hadii ay si dhab ah ugu cadaato kiiska musuq-maasuq ee loo haysto iyo afgembigii uu dalka Sudan ku qabsaday, iyada oo ay baadi-goobeyso Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah. Maxkamadeynta Al-Bashiir ayaa sidoo kale waxa ku wehlin doona ilaa 16-qof oo kamid ahaa mas’uuliyiinta xukuumadiisi la riday 2019-kii. Millateriga Sudan ayaa bishii April ee sanadkii hore ku dhawaaqay inuu xilka ka tuuray Al-Bashiir, isagoona xabsiga dhigay, kadib isku soo baxyo waaweyn oo ay sameeynayeen dadweynaha dalkaasi. Source -
Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta KMG golaha shacabka ee Villa Hargeysa. Ajandaha kulanka Maanta ee golaha shacabka ayaa ah dhamaystirka iyo u codeynta Wax Ka badalka Sharciga xisbiyadda siyaasadda, iyada oo kulamadii la soo dhaafay ay xildhibaannadu akhrinta koowaad iyo labaad marsiiyeen Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda dalka. Xildhibaannada ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulan weynaha golaha Shacabka,isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb-galaan. Golaha shacabka ayaa waxaa horyaalla hindise sharciyeedyo hortebin u leh dalka,waxaana la filayaa in ay meel mariyaan muddada u harsan baarlamaanka 10-aad oo waqtigiisu gabaabsi yahay. View the full article
-
(SLT-London)-Jaamacadda Oxford ee ku taalla dalka Britain ayaa ku guulleysatay inay hesho tallaal ayey u badantahay in aanu aadanaha waxba yeelayn oo uu carinayo difaaca jidhka. Dad lagu tijaabiyey oo tiradoodu gaadhayso 1077 qof ayaa muujiyey in jidhkoodu samaystay maadada difaaca jidhka ee Antibodies-ka la yidhaa iyo sidoo kale T-cells oo la dagaalami kara fayraska korona. Natiijadan soo baxday waxay abuurtay rajo weyn, laakiin wali si buuxda looma odhan karo talaalkani si buuxda ayuu qofka uga difaaci karaa laakiin waxa socda tijaabooyin kale oo intan ka badan. Ingiriiska ayaa durba dalbaday 100 milyan oo irbadood oo talaalkaas ah. Talaalkan ayaa loogu magac daray ChAdOx1 nCov-19 waxaana lagu samaynayaa dardar aan hore loo arag. Waxa laga sameeyey fayras laga soo dheegay fayraska keena hargabka caadiga ah ee ku dhaca nooc daayeerada ka mid ah. Kadibna si weyn baa loo dhalan rogay, dadku ma kala qaadi karaan waxaana sidoo kale loo ekaysiiyey fayraska corona. Saynisyahannadu waxay sameeyeen inay hidde sideyaashiisii taranka qaabilsanaa talaalkan ay sameeyeen ku dhaabaan “fallaadhihiisa duxda ah” taas oo ah waxa keliya ee u sahla inuu fayraskani galo unugyada jidhka. Arintaasi waxay ka dhigantahay in talaalku u ekaanayo fayraska korona sidaa awgeedna uu hab-dhiska difaaca jidhka barayo inuu weeraro fayraska karona. Antibodies-ku waa dux yaryar oo uu soo saaro hab-dhiska difaacu oo isku daboosha oogada fayrasyada. Waxaanay Antibodies-kaasi dili karaan fayraska korona. T-cells waa nooc ka mid ah unugyada dhiigga cad oo kaalin weyn ka ciyaara wadashaqaynta hab-dhiska difaaca waxaanay awood u leeyihiin in ay dareemaan unugyada jidhka kuwooda fayrasku galay oo ay baabiiyaan. Ma jirto saamayn halis ah oo talaalku keeni karo, hase yeeshee 70% dadkii lagu tijaabiyey waxay yeesheen xummada ama madax xanuun. In ka badan 10,000 oo qof oo kale oo Ingiriiska ku nool ayaa ka qayb geli doona heerka labaad ee tijaabada. Waxa sidoo kale tijaabadan labaad la gaadhsiin doonaa dalal kale maadaama oo heerka fayraska korona ee Ingiriisku haatan hoos u dhacay oo ay adkaanayso in lagu ogaado wax tarka talaalka. Waxa tijaabo ballaadhan laga samayn doonaa dalka Maraykanka oo 30,000 oo qof ka qayb geli doonaan iyo sidoo kale Koonfur Afrika 2000 oo qof iyo Brazil oo 5000 oo qof ah. Source
