Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Batroolka, Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Booliska iyo Ergeyga Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta ayaa saakay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay 164 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo laga soo saaray xabsiyada Dalka Libya. 109 qof oo kamid ah dhalinyaradaas ayaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, halka 55 qof oo kale laga dejiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer u gashay soo badbaadinta dhallinyaradaan oo muddo dheer ku dhibaateysneyd xabsiyada dalka Libya, iyagoo gacanta u galay kooxo Magefayaal ah, waxaana hadda lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo. Source: goobjoog.com
  2. Mogadishu (HOL) — The Somali Council of Ministers approved a defence cooperation memorandum of understanding (MoU) with Tanzania on Wednesday night. Source: Hiiraan Online
  3. Afar xubnood ayaa iska casilay Guddiga Ololaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Awdal. Waxaan ka mid ah gudoomiyihii Kaambaynka ee Xisbiga Kulmiye ee gobolkaas . Afarta Xubnood ayaa kala ah ; 1. Gudoomiyihii Gudiga Kaambaynka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal Cabdicasiis Diiriye Daahir. 2. Madaxa maaliyada Xisbiga Kulmiye Ahna Xubin kamida gudiga Kaambaynka Ee gobolka Awdal Hibo Cabdi Yuusuf. 3. Hinda maxamuud Tubeec Gudoomiyihii garabka Haweenka ahna xubin ka mid ah gudiga Kaambaynka ee gobolka Awdal. 4. Mustafe Cabdi Axmed oo ah Xubin ka mid ah guddiga kaambaynka ee gobolka Awdal horena u ahaa Xoghayihii hore ee gobolka Awdal. Qaran News
  4. Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyaga oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde. Wafdigan ayaa ujeeddadoodu la xiriirtaa arrimo ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya, iyada oo ay la socdaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Turkiga. Soo dhaweynta wafdiga waxaa hormuud u ahaa masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa hoggaaminayay dhinaca Soomaaliya. Waxaa sidoo kale wafdiga kusoo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil kale oo muhiim ah oo ka tirsan dowlad federaalka ah. Ujeedka booqashada wafdigan Turkiga ayaa ah inay taageeraan qorshaha lagu bilaabayo sahminta shidaalka Soomaaliya, taas oo muhiimad weyn u leh kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Markab Turkiga laga leeyahay ayaa dhawaan la filayaa inuu yimaado Soomaaliya si uu u fuliyo hawlaha sahminta shidaalka, taas oo qeyb ka ah iskaashiga labada dal ee ku qotoma horumarinta tamarta iyo difaaca. Iskaashigan Soomaaliya iyo Turkiga ayaa qayb ka ah xiriirka sii xoogaysanaya ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo gaashaandhigga. Dowladda Soomaaliya ayaa rajaynaysa in sahminta shidaalku horseeddo horumar dhaqaale iyo maalgashi shisheeye oo dalka soo gala, iyada oo la kordhinayo fursadaha shaqo ee muwaadiniinta Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil argagax leh oo magaalada Nairobi loogu gaystay hooyo Soomaaliyeed, gabadheeda iyo gabadh kale oo ay habar-yar u tahay, kuwaas meydadkooda laga helay gudaha Nairobi. Wararka ayaa sheegaya in hooyadan Soomaaliyeed iyo gabdhaheeda la afduubtay Isniintii lasoo dhaafay, kadibna si xun loo dilay, ayada oo la jarjaray qaar kamid ah xubnahooda. Hooyada ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Waris Daa’uud, halka laba gabdhood lagu kala magacaabi jiray Amina Cabdirashid oo 21 jir aheyd iyo Nuseyba Dahir oo 12 jir aheyd. Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi ayaa aad uga naxay falkan, waxaana maanta xaafadda Islii ka socda dibad-baxayo ay dhigaan Soomaalida ku dhaqan halkaasi. Sidoo kale waxaa xiran goobaha ganacsiga ee Nairobi, iyada oo saameyn ay ku yeelatay dhacdadan argagaxa leh ee ka dhacday gudaha magaaladaasi. Dhanka kale Booliska ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegeen inay soo bandhigi doonaan natiijada baaristooda. Si kastaba, illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeyso dilka qoyskan, laakiin waxaa laga war sugayaa dowladda Kenya iyo natiijada kasoo baxday baarista ciidamada Booliska. The post Hooyo iyo laba gabdhood oo Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Nairobi appeared first on Caasimada Online.
  6. FC Barcelona striker Raphinha scored an impressive hat-trick as his side claimed an important 4-1 win at home to Bayern Munich. Source: Hiiraan Online
  7. Magaalada Jigjiga iyo guud ahaan dhulka Soomaali galbeed ee la haysto waxaa ka taagan hadal-hayn baaxad leh oo ka dhalatay fal la yaab leh oo dhowaan halkaas ka dhacay, kaas oo dadweynaha iyo maamulkuba ay wada-jir uga dhiidhiyeen. Dhacdadan ayaa ahayd in dowladda Itoobiya ay shir ugu yeertay boqol oday oo waxgaradka Soomaalida dgulkaas kamida si ay ugala hadasho arrimaha deegaanka, balse markii ay tageen madashii ayaa loo sheegay in 25 kamid ah odayaash laga soo xulayo qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya, ayaguna ay keliya xaq u leeyihiin 75 xubnood. Odayaashii goobta ku sugnaa oo arrintaas ka gadooday ayaa shirka buuq ka dhex aloosay, waxayna sheegeen in wixii deegaankooda ku saabsan aan lagala hadli karin cid aan Soomaali ahayn. Sidoo arrintan ayaa kacdoon bulsho iyo hadal-hayn abuurtay, ayadoo ay dadweynuhu ka walaacsanyihiin in maamulka magaalada jigjiga iyo guud ahaan Soomaali galbeedba hadda ka dib Amxaaro iyo Oramo wax laga weydiin doono. Guuxa ka jira magaalada jigjiga ayaa cirka isku sii shareeraya, ayadoo dadweynaha iyo Siyaasiyiinta deegaankuba ay si adag uga falcelinayaan falka bahdilaadda ku ah Soomaalida ee ay Itoobiya ku dhaqdhaaqday. Source: goobjoog.com
  8. NAIROBI, Kenya (HOL) — The Somali community in Eastleigh, Nairobi, is reeling after the brutal murders of three women from the same family, whose bodies were discovered on Monday in separate locations across Kenya. The victims—Waris Daud, her 22-year-old daughter Amina Abdirashid, and her 12-year-old niece Nuseiba Dahir—had gone missing from their home in Eastleigh the night before. Source: Hiiraan Online
  9. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Xalay ansixiyay Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania, kaas oo ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal. Qoraal uu soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayuu ku sheegay Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada oo xalay qabsoomay in lagu ansixiyay Heshiis is-afgarad ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Tanzania, kaas oo ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal. “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Tanzania, kaas oo ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi. Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), Jihaynta warbaahinta iyo canshuurta gadista ee dalka laga dhaqan geliyay. PUNTLAND POST The post Golah Wasiirada Soomaaliya oo xalay ansixiyay Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania appeared first on Puntland Post.
  10. BRICS leaders have issued a joint declaration covering a wide range of issues from the reform of the United Nations (UN) to ongoing global conflicts, following the association's summit that took place on Wednesday in Kazan, Russia. Source: Hiiraan Online
  11. Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, madax ka socotay dalka Kenya iyo qaar ka tirsan dalalka ku bahoobay Urur Goleedka IGAD ayaa ka qeyb-galay xaflada abaalminta warbaahinta ee sanadka 2024, taas oo ay soo qabanqaabisay Urur Goboleedka IGAD. In ka badan 4,000 oo wariyayaal ama shaqsiyaad kamida kuwa la shaqeeya hay’adaha warbaahinta ayaa ku tartamay inay ku guulaystaan abaalmaringa warbaahinta la siinayo. Dadkii ku guuleystay abaalmarinta ee aqoonsiga la siiyay waxaa kamid ahaa wariyayaal ka tirsan bahda Saxaafadda Soomaaliya. Guddoomiyaha KMG ee Golaha Warbaahinta Moxamed Shiil Xasan oo muddo fog ka soo shaqeynayay warbaahinta Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday in la gudoonsiiyo bilad iyo abaalmarinta loo yaqaano “Abaalmarinta iyo Aqoonsiga soo-jireenka ah” ama luuqada Ingriiska lagu yiraahdo “Lifetime Achievement Award”. Wariye Shiil oo noqday wariyaha ku guuleystay abaalmarinta ugu qiimaha badnayd ee la bixiyay ayaa ku tilmaamay guushaas mid wayn oo ka turjumayso awoodda warbaahinta Soomaaliya. Sidoo kale waxa isna bilad iyo abaalmarin la siiyay wariye Cabdirashid Nuur Ibrahiim muddo fog ka tirsanaa warbaahinta Qaranka, kaas oo ku guuleystay tabinta warar sameeyn yeeshay kaas oo lagu tabiyay luuqada Soomaaliga. Danjire Jibriil oo la hadlay Soomaalidii ka soo qaybgashay xaflada iyo kuwii ku guuleystay biladaha iyo abaalmarinta ayaa ku booriyay in ay dardar galiyaan doorka warbaahinta ee Nabada iyo isku soo dhaweeynta ummada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  12. Mogadishu (HOL) — After five months of relative calm, Somali pirates have returned to the high seas, posing renewed threats to global shipping lanes. The European Union Naval Force (EUNAVFOR), operating under Operation ATALANTA, has raised an alert following the departure of a suspected pirate action group (PAG) from Somalia’s northern-central coast. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa uga tacsiyeeyay muwaadiniinta ku geeriyooday weerarkii argagixiso ee ka dhacay Ankara. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan xanuunka iyo muragada walaalahooda dalka Turkiga, isaga oo Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkii bahalnimada ee ka dhacay xarunta Warshadaha ee magaalada Ankara. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan xanuunka iyo muragada walaalahooda dalka Turkiga, isaga oo Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkii bahalnimada ee ka dhacay xarunta Warshadaha ee magaalada Ankara” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka iyo dowladda Turkiga ku adkeeyey in ay u midoobaan sidii ay uga hortigi lahaayeen dhacdooyinka noocan ah, waxa uuna Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku nafwaayey qaraxaas in Alle u naxariistiisto, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda iyo dowladdooda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo dhiggiisa Madaxweynaha Turkiga uga tacsiyeeyay Weerarkii Xarunta Warshadaha Ankara appeared first on Puntland Post.
  14. NAIROBI (Xinhua) -- Kenyan and Somali leaders have called for a smooth transition of security responsibilities from the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) to the new African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), scheduled to commence in January 2025. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) — Jinay Isaaq Hassan has spent her life in the small village of Mintaanyo, tending her six-hectare farm and raising her children. But earlier this year, everything changed. The rains that should have come never arrived, and her crops—sorghum, sesame, tomatoes, maize, and beans—withered in the scorching sun. Now, Jinay and her 11 orphaned children are among 120 families who have fled to the outskirts of Baidoa, desperate for survival. Source: Hiiraan Online
  16. Weerarkii gelinkii dembe ee arbacada lagu qaaday mid kamida warshadaha sameeya qalabka hawada sare ee Turkiga (TUSAS) oo ay dowladdu maamusho ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 qof, waxaana ku dhaawacmay 22 kale. Weerarkan ayaa waxaa fuliyay koox hubaysan oo gudaha u galay warshada ka dibna rasaas ka billaabay, sidoo kale qarax xoogan ayaa goob ka dhacay. Dowladda Turkiga ayaa masuuliyadda weerarkan ku eedeysay kooxda PKK ee Kurdiyiin, waxayna militariga dalkaasi duqeeyeen goobo ay ururkani uga suganyihiin dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayagoo sheegay inay uga jawaabayaan falkan lama filaanka noqday ee ka dhacay warshada. Weerarka warshada TUSAS ayaa dhacay maalin ka dib markii hadal aan horay loo aragi uu ka soo yeeray hogaamiye sare oo ka tirsan isbahaysiga madaxneynaha, oo ku saabsanaa suurtagalnimada in dib loo billaabo hannaan nabadeed oo lala yeesho xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee dalka laga mamnuucay ee (PKK). Kooxda oo uu Turkigu u arko waxaay 40 sano ka badan la dagaalamayeen dowladda, waxayna masuuliyiintu rumaysanyihiin ​​in PKK laga yaabo in ay weerarkan ula jeeddo fariin ah in aysan diyaar u ahayn wada-hadal iyo in ay hubka dhigaan. Source: goobjoog.com
  17. Mogadishu (HOL) — The Somali Civil Aviation Authority (SCAA) has refuted reports circulating on social media claiming that aircraft recently purchased by the government have crashed while attempting to land in unauthorized areas. Source: Hiiraan Online
  18. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay 164 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo laga sii daayay xabsiyada dalka Liibiya. Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Batroolka, Amniga, Taliyaha Booliska iyo Ergeyga Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta ayaa saakay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay dhalinyaradaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 109 qof oo kamid ah dhalinyaradaasi laga soo dejiyay magaalada Muqdisho halka 55 qof oo kale laga dejiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa. PUNTLAND POST The post 164 dhalinyaro laga sii daayay xabsida dalka Liibiya oo saaka laga dejiyay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  19. (ERGO) – Aweys Maye Mohamed, a metalworker, and his family of four in Mogadishu have been struggling to secure even one meal a day since the end of July, when he lost his job. Source: Hiiraan Online
  20. Dagaal beeleedyada ka socda degmada Luuq ee Jubaland tan iyo bishii Luulyo 2024 ayaa sababay barakaca 30,000 qof, iyadoo dadkaasi ay hadda wajahayaan xaalad bani’aadamnimo oo halis ah. Dadka barakacay ayaa si degdeg ah ugu baahan raashin, hoy, biyo, adeegyo caafimaad, iyo fayadhowr. Inkasta oo dadaallo nabadeed ay socdaan, amni darradu weli way taagan tahay, taas oo dhibaato ku haysa gaarsiinta gargaarka hay’adaha bani’aadamnimo ee ku howlan taakuleynta dadka dhibaateysan. Meelaha ay joogaan kooxaha hubeysan ee aan dawliga ahayn ayaa gaar ahaan noqday kuwa adag in la gaaro. Barakaca iyo Meelaha ay Dadka u Qaxeen Dadka barakacay oo lagu qiyaasay 30,000 qoys Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobey ee OCHA ayaa u kala firxaday meelo kala duwan. Qaar badan ayaa ku sugan: Goobo ku dhow magaalada Luuq, sida Yurkud iyo Ceelbon Gudaha Luuq iyo Xero Kowad, oo ku taalla waddada aada Doolow. Waxaa la ogaaday in dadka barakacay ku sugan yihiin 28 goobood, waxaana 16 kamid ah meelahaas marar badan dib loo barakacay. Wararka laga helayo dhulkaas ayaa sheegaya in 900 qoys oo ku noolaa deegaannada Neebsoy iyo Bashiro ay markale u qaxeen Yurkud iyo Ceelbon. Khasaaraha Nolosha iyo Xaaladda Amniga Rabshadihii ugu dambeeyay ee dhacay 20-kii Oktoobar ayaa sababay dhimashada lix qof, taasoo tirada guud ee dadka ku dhintay rabshadahan ka dhigaysa sagaal qof tan iyo markii colaadu billaabatay. Inkasta oo maamulka iyo odayaasha dhaqanku wadaan dadaallo nabadeed, xaaladda amniga wali way kacsan tahay, taas oo saamayn taban ku leh gargaarka. Gurmadka iyo Caqabadaha Horyaalla Hay’adaha gargaarka ayaa bilaabay qorsheynta caawinta dadka barakacay, iyagoo isku dayaya in ay ogaadaan halka dadkaasi ku sugan yihiin. Hay’ad ka shaqeysa gargaarka bani’aadamnimada ayaa durba bilaabay diiwaangelinta qoysaska si loo siiyo raashin iyo lacag gargaar ah, iyadoo qorshuhu yahay in 2,000 qoys la caawiyo. Hase yeeshee, amni darrada ayaa xaddidaysa hawlgalada, taas oo yaraynaysa in adeegyo muhiim ah la gaarsiiyo dadka u baahan. Dhibaatooyinka ka dhashay colaadda ayaa sidoo kale saameeyay waxbarashada caruurta, iyadoo iskuullada qaar ay hakad galeen. Qoysaska barakacay ayaan weli helin adeegyada aasaasiga ah sida hoy iyo biyo nadiif ah, taasoo xaaladda bani’aadamnimo uga sii dareysa. Source: goobjoog.com
  21. Kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyey heshiis muhiim ah oo is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga difaaca Soomaaliya iyo Tanzania. Heshiiskaan waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca. Wuxuu siinayaa labada waddan fursado wada-shaqeyn oo ku saabsan arrimaha millatariga, tababarrada ciidanka, iyo la-dagaallanka argagixisada. Kulanka waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxaana lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo kala duwan, kuwaas oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo hirgelinta qorshayaasha qaranka ee muhiimka ah. Warbixinahaas waxa ay ka koobnaayeen dhowr qodob oo ay kamid yihiin: Amniga iyo Xaaladda Dalka: Waxaa la isla falanqeeyey xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka socda gobollada looga horjeedo kooxaha Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee khatarta ku haya amniga qaranka. Wasiirrada ayaa adkeeyey baahida loo qabo iskaashi xooggan oo gudaha iyo dibadda ah si loo xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida dalka. Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP): Waxaa la faahfaahiyey halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka, oo ah qorshe istiraatiiji ah oo lagu hormarinayo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada. Waxaana la soo bandhigay guulaha ilaa hadda laga gaaray iyo caqabadaha horyaalla hirgelinta qorshahaas. NTP wuxuu muhiim u yahay in dalka loo jiheeyo tubta horumarka iyo dib-u-dhiska qaranka. Jihaynta Warbaahinta: Golaha Wasiirrada ayaa dood ka yeeshay habka loo hago warbaahinta dalka iyo muhiimada ay leedahay wacyigelinta bulshada. Waxa uu qorshuhu yahay in warbaahinta loo adeegsado xoojinta nabadda iyo wacyiga bulshada, si ay kaalin muuqata uga qaadato horumarinta qaranka. Dhaqan-gelinta Canshuurta Gadiidka: Waxaa sidoo kale laga hadlay dhaqan-gelinta canshuurta gadista (VAT) oo dalka laga hirgelinayo. Wasiirradu waxay isla garteen muhiimadda ay canshuurtaasi u leedahay dhaqaalaha dalka iyo bixinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada. Source: goobjoog.com
  22. Waxa hubaal ah in dalku u baahanyahay isbedel dhab kaasi oo salka ku haya in maanta aynu u baahanahay madax soo jeeda. AQOKxwF9PXfEIpQYp62NuNA5AFfQUrjapSpJ6UIXAobE2ZTAnhu5-Zx5G7l7cE2bPwHYFPmd5yN_COt__7xFYx7Y Tan waxa keena marka kursiga lagu raago Qaran News
  23. Madaxweyne ku-xigeenka xilka laga xayuubiyay ee Kenya Rigathi Gachagua ayaa sheegay in ciidankii ilaalinayay lagala laabtay, waxa uuna ka digay in wax kasta oo ku dhaca uu mas’uul ka noqonayo madaxweyne William Ruto. Gachagua ayaa xilka waayey kadib markii mooshin xil ka xayuubin ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamanka, islamarkaana uu ku guul-darreystay in maxkamadda sare ay joojiso. Source