Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Italian Ambassador to Kenya, Roberto Natali, attended the ceremony in honour of fallen compatriots in East Africa at the Italian shrine in Nyeri. Source: Hiiraan Online
  2. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/VID-20241104-WA0022.mp4 Qaran News
  3. Tel Aviv (Caasimada Online) – Iran ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay muwaadin Yuhuudi ah, kaasi oo lagu helay dambi dil ah, sida uu sheegay urur aan dowli aheyn, xilli ay sare u sii kacayso xiisadda kala dhaxaysa Israa’iil. Arvin Ghahremani ayaa lagu daldalay xabsi ku yaalla magaalada galbeed ee Kermanshah kadib markii lagu helay dambi ah in uu dil gaystay intii uu socday gacan ka hadal, sida ay sheegtay kooxda xuquuqul insaanka Iran (IHR) ee fadhigeedu yahay Norway. “Ayadoo ay jirto halista dagaal ay la gasho Israa’iil, Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay dil toogasho ah ku fulisay Arvin Ghahremani, oo ahaa muwaadin Yuhuudi ah oo Iran u dhashay,” ayuu yiri agaasimaha IHR Mahmood Amiry-Moghaddam, isaga oo intaa ku daray in kiis sharciyeedkan uu lahaa “cillado weyn”. “Si kastaba ha ahaatee, waxaa tani dheer, Arvin wuxuu ahaa Yuhuudi, islamarkaana nacaybka heer dowladeed ee ka dhanka ah Yuhuudda Iran ayaa shaki la’aan ah kaalin muhiim ah ka cayaaray fulinta xukunkiisa,” ayuu Amiry-Moghaddam ku daray. IHR waxa ay sheegtay in Ghahremani lagu eedeeyay in uu nin dilay intii uu socday gacan ka hadal ka dhacay Kermanshah laba sano ka hor. Balse waxa ay sheegtay in sida qoyskiisu ay sheegeen in lagu weeraray mindi, uuna isku difaacay hubkii uu watay. Hooyada Ghahremani, Sonya Saadati, waxay codsatay in naftiisa la badbaadiyo. Qoyskiisu waxa ay ku booriyeen qaraabada dhibbanaha in ay qaataan lacag diyo ah sida uu dhigayo sharciga Islaamiga Iran ee ciqaabta (qasaasidda), kaas oo ogolaanaya bedelkan. Shabakadda Mizan Online ee garsoorka Iran ayaa xaqiijisay xukunka Ghahremani, iyadoo sheegay in qoyska dhibbanaha ay “diideen inay aqbalaan” heshiiskan oo kale. Mizan, oo aan warbixinteeda ku xusin caqiidada Yuhuudda ee Ghahremani, ayaa sheegtay in gacan ka hadalka uu dhacay November 2022 sababo la xiriira khilaaf dhaqaale. Ghahremani ayaa toori ku dilay dhibbanaha. Qareenada eedaysanaha ayaa codsaday in dib loo maxkamadeeyo saddex jeer, balse codsi kasta waa la diiday, ayay raacisay. Mizan waxa ay sheegtay in Ghahremani uu ahaa 21 jir wakhtigii gacan ka hadalka. Si kastaba ha ahaatee IHR waxa ay sheegtay in uu ahaa 18 jir markaas, iyada oo warar kale ay sheegayaan in uu ahaa 20 ama 21 jir markii la dilayay. Sida ay sheegtay IHR, Iran waxaa ku soo badanaya dilalka, iyadoo ugu yaraan 654 qof la daldalay sanadkan oo ay ku jiraan 166 bishii October oo kaliya. Voa The post IRAN oo xukun dil ah ku fulisay muwaadin Yahuudi ah oo geystay… appeared first on Caasimada Online.
  4. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQOZYIzL5F97_QKlpmLT5ARImgMvgfvoEqpTeuTZ4_0w8cLAlIaqaPWsgZO35FcNx0pW6dWA7acGzhJuaeOPxwDr.mp4 Qaran News
  5. Dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo Rasaas goos goos ah ayaa galabta laga maqlayaa jiidda degaanka Qorilugud oo ka tirsan gobolka Togdheer. Ciidamada SSC-khaatumo iyo kuwa Somaliland oo Jimcihii ku dagaallamay inta u dhexaysa Shangeed iyo balliga Galgal ee nawaaxiga Qorilugud ayaa galabta is weydaarsanaya rasaas goos goos ah. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada labada dhinac ay samaynayaan dhaq dhaqaaqyo xooggan islamarkaana ay jiraan gurmadyo ciidan oo ku biiraya labada dhinac ee is hor fadhiya. Dagaalkii Jimcihii ayaa bilowday kadib markii ciidamada Somaliland oo kaashanaya mileeshiya-beeleedyo ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciidamada SSC waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo Rasaas goos goos oo laga maqlayo jiidda Qorilugud appeared first on Puntland Post.
  6. REPUBLIC OF SOMALILAND 4th November 2024 Declaration to Salvage the Country, by Somaliland Intellectuals The statehood and existence of the Republic of Somaliland were founded on the expressed will and aspiration of the people of Somaliland and on the basis of peace and the cohesion of the society. The people of Somaliland established a state based on consultations and a multiparty system to protect their solidarity. Since the declaration of the restoration of independence in 1991, the people of Somaliland have strived selflessly to build durable peace, sustainable development and unity. Unfortunately, in the last four years, Somaliland descended into insecurity, political instability, international isolation and economic collapse. For example, parts of our territory are no longer under the control of the government. It is self-evident that the people who used to unite behind one national army are now living in a situation where the weapons are falling into the hands of clans who are trying to fill the vacuum created by the government, reversing the nationalisation of arms and weapons amicably concluded in the 1990s. The current status of Somaliland’s peace and system of governance is an embarrassment and a grave concern to the people of Somaliland. The soaring inflation, unemployment, and weakened social services are of grave concern to Somaliland intellectuals and academics. The Somaliland intellectuals and academics, believe the incumbent president has divided the nation that was handed over to rule in December 2017. His return to power will not serve the interests of the Republic of Somaliland and will destroy the remaining social solidarity and the fragile system. Therefore, the academics and community leaders of Somaliland are under an obligation not to become bystanders, and they should play a meaningful role in salvaging Somaliland. Taking this into account, we, the undersigned intellectuals and academics of Somaliland and those who will join the declaration, who are inside and outside of the country, decided to wholeheartedly endorse Abdirahaman Mohamed Abdilahi (Irro) to be elected as the president of the republic of Somaliland to save Somaliland, unite its people and create a stable political environment that can permit dialogue. We call on the people of Somaliland to fully support presidential candidate Abdirahman Mohamed Abdilahi (Irro) and vote for him to save the country they dearly love. Victory rests with a united people. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay bilaabatay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa la sugayay tallaabo adag oo ay qaado Soomaaliya, maadaama ay Itoobiya ku xad-gudubtay qarannimadeeda. Dowladda Soomaaliya ayaa la filayay inay xirto safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, taas oo dad badan qabeen inay tahay tallaabada ugu adag ee ay ku muujin karto mowqifkeeda, balse wey ka baaqsatay. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo bixiyay wareysi cusub ayaa sheegay in sababta ka dambeysa arrintaan ay tahay in uusan si rasmi ah u go’in xiriirka labada dal, ayna weli safaaradda Soomaaliya ka furan tahay Addis Ababa. “Weli labada dal cilaaqaadkii ma go’in safaaraddeenna weli waa ka furan tahay Addis Ababa diblumaasiyiinteenna way jiraan,” ayuu yiri wasiir Fiqi. Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay sababta ay dowladda Soomaaliya u qaadan la’dahay go’aan rasmi ah oo lagu xirayo gabi ahaan safaaradda Itoobiya, waxa uuna sheegay in aan loo baahneyn caadifad, balse dowlada federaalka ay ku dhaqmeyso diblumaasiyad “Horta safiirka sida uu u baxay ayuu maqan yahay diblumaasiyiinta kale ee meesha joogay way joogaan, fasaxyo iyo dalalkooda si ikhtiyaar ah kuwa ugu maqan maahinee way ku qoran yihiin meesha” ayuu yiri wasiir Fiqi. Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland ee dhabaha u xaarayay damaca badda, iyadoo caalamka ku dacweysay xukuumadda Abiy, oo ayadu qaadaay tallaabada qaras ka tuurnimada. The post Sababta ay Soomaaliya u qaadi la’dahay tallaabo adag oo ka dhan ah Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  8. Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u ansixiyay qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025 oo dhowaan ay golaha wasiiraddu meel-mariyeen. Miisaaniyaddan oo ah middii ugu badnayd abid ayaa gaaraysa $1,359,714,328, waxaa ogolaatay in la ansixiyo 172-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay. Miisaanadda dowladda iyo dakhliga gudaha ayaa sanadkan aad u kordhau sida uu horay u sheegay wasiirka maaliyaddu, waxaana qoondadan inteeda badan loo adeegsan doonaa arrimaha nabad-gelyada iyo hormarinta adeegyada. Source: goobjoog.com
  9. Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa gaaray magaalada Qaahira ee Dalka Masar iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira Danjire Cali Cabdi Awaare. Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee XFS socdaalka uu ku tagay Masar waxaa ku wehliya Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyeenta Cilmi Maxamuud Nuur iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale). Wafdigaan ka socda Soomaaliya ayaa qayb galaya Madasha Duni Magaalaynta 12 aad (World Urban Forum 12) oo sanadkaan lagu qabanayo Dalka Jamhuuriyadda Carbeed Masar. Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hrageysa ayaa ansixiyay qoondada miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee sanadka 2025 oo gaaraysa $1,359,714,328. Sida uu ku dhowaaqay guddoonka baaralamaanka waxaa in la ansixiyo miisaaniyadda ogolaatay 172-Xildhibaan, 2 Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay. Intaas kadib waxaa hadalka qaatay wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Cabdiqafaar Xaange oo ka warbixiyay heerarka ay soo martay miisaaniyadda la meel-mariyay, wuxuuna sheegay in wasaaradda iyo guddiga maaliyadda ay qabteen shaqo adag. “Waxaan rabaa inaan halkan ka xuso inay miisaaniyaddaani ahayd miisaaniyadihii laga shaqeynayay kuwa waqtiga badan la geliyay” ayuu yiri wasiir ku xigeenku Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, maadaama ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen miisaaniyadda dowladda ee 2025-ka. Waxaa kale oo uu wasiirku ka hadlay horumarka dakhliga gudaha, isaga oo tilmaamay sanadka soo socda wasaaradda laga rabo 72 milyan oo dheeri ah oo lagu fududeyn howlaha dowladda. “Guud ahaan baarlamaanka waan u mahadcelinayaa annaga wasaaradda maaliyadda waxaa dusha nagala saaray 70 milyan oo dheeri ah inaan soo saarno sanadka 2025 oo dowladda howlahadeeda ay ku socon doonto” ayuu mar kale yiri Cabdiqafaar Xaange. Hoos ka daawo Sawirrada:- The post Xildhibaanada labada Gole oo go’aan ka gaaray miisaaniyaddda DF ee 2025 + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  11. Dhaashane: ”The 1XBET contributes to capital flight from Somalia and is also causing family breakdowns.” Garowe (PP News Desk) — Puntland parliamentarians have raised concerns about the widespread use of the 1XBET app for betting in Puntland State, Somalia. Abdiqani Farah Dhaashane, an MP in the Puntland Parliament, called for measures to address unregulated online betting. “It has come to our attention that many young people are betting using the 1XBET app. This contributes to capital flight from Somalia and is also causing family breakdowns. Have telecommunications companies been asked what they could do about this issue?” said Dhaashane. 1XBET app is illegal in many countries. In response to the question regarding the 1XBET app, Mohamed Shandi, a member of the Cultural, Media, and Telecommunications Committee of the Puntland Parliament, stated that telecommunications companies claim they “are unable to stop 1XBET online betting.” Somali telecommunications companies claimed they “are unable to are unable to block 1XBET online betting.” Betting customers download the 1XBET app from either Google Play or the Apple Store. They use mobile money wallets from Golis Telecom, Hormuud Telecom, or Somtel to deposit money for betting on football results, including British Premier League matches, the European Champions League and casino games. “Only 1% of Somali customers use Mastercard,” a senior telecoms executive noted. Sergey Karshkov, the late founder of 1XBET. 1XBET was founded by Sergey Karshkov, a Russian national who passed away in Switzerland in 2023 due to “a medical mishap.” His company does not hold gambling licences in the UK, the USA and Australia. In 2020, the Puntland Post published a report on Kulan Sports, an online betting app that used mobile money wallets from telecommunications companies in Somali to process betting transactions. Kulan Sports ceased operations after Hormuud, Golis and Somtel stopped facilitating betting transactions for the app. © Puntland Post, 2024 The post An Illegal Gambling App “Contributes to Capital Flight and Family Breakdown in Somalia” appeared first on Puntland Post.
  12. 465813755_1269133331173996_4270633540711664324_n Qaran News
  13. Orodyahanka caanka ah ee Soomaaliga ah, Cabdi Nageeye, oo metala dalka Netherlands, ayaa xalay ku guuleystay tartanka marathon-ka ee caanka ah, kaas oo lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareykanka. Nageeye ayaa si layaab leh uga adkaaday ciyaaryahanka reer Kenya, Evans Chebet, oo galay kaalinta labaad, kaas oo 2020-kii ku guuleystay tartankan. Wuxuu bandhigay mid ka mid ah orodadiisii ugu awoodda badnaa abid, isagoo ku dhammeeyay tartanka laba saacadood, toddobo daqiiqo iyo 39 ilbiriqsi. Daqiiqadihii u dambeeyay ayuu Nageeye ku orday xawaare aad u sareeya, taasoo ka yaabisay dadkii daawanayay tartanka. Dhanka gabdhaha, Sheila Chepkirui oo ah 33 jir u dhalatay dalka Kenya ayaa ku guuleysatay qaybta dumarka, iyadoo ku dhammeysay orodka 2 saacadood, 24 daqiiqo iyo 35 ilbiriqsi. ku dhammeysay orodka 2 saacadood, 24 daqiiqo iyo 35 ilbiriqsi. Source: goobjoog.com
  14. Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa kulan muhiim ah magaalada Burco kula yeeshay Madaxa UK ee Somaliland Ilyas Malek iyo saraakiil kale oo ka socday safaaradda UK. Kulankan ayaa waxa sida oo kale ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka kala socday hay’adda NIMD & qayb ka mid ah ururrada sida SOYDAVO, SONYO, iyo YEEL oo Komishanka kala shaqeeya dhinaca wacyigelinta cod-bixiyayaasha, kuwaas oo todobaadadii u dambeeyey ku hawlanaa wacyigelinta cod-bixiyayaasha Gobolka Togdheer. Source
  15. Opposition party Waddani and Kaah political organization are working together to bring peace in the volatile regions of the Buhodle district and Qorilugud. Political leaders from the Waddani and Kaah have in the recent past been playing a role in supporting a dialogue between the traditional elders from the Buhodle district and Qorilugud, contributing significantly to de-escalation efforts Waddani is concerned about the recent heavy fighting which erupted on Friday between the armed groups from the Sool clan clan named SSC (Sool Sanaag & Cayn) and Habarje’lo clan by the name SSB (Sool Sanaag & Buhoodle) in the Qorilugud area near Buhodle District of the Togdheer region which resulted in dozens of deaths and numerous other casualties, leaving a profound impact on the community. Howeve, since a team from Waddani party toured the region, the area has experienced an unexpected calm thanks to direct conversations between traditional elders and business leaders from both sides, who stepped in to intervene and halt the violence. The cooperation and respect of these elders within their communities have proven instrumental in stopping the fighting. Effort by the Waddani pary to reach out to King Mohamud Aw Osman aka Buurmadow (Black Mountain) who is very influential and from Habarje’lo clan has calmed the situation. He is expected to join the traditional leaders and make positive impact in containing further violence. However, the government is not happy with these efforts to bring peace to create instability during the electoral period and is expected to use the military to escalate the conflict, mainly with the intention to confuse the election which is has performed weaker than the opposition so far. Political leaders from the Waddani and Kaah parties have played a crucial role in supporting a dialogue between the traditional elders from the Buhodle district and Qorilugud, contributing significantly to de-escalation efforts. Through persistent negotiations and strategic interventions, these political figures push for the discussion channels to be open to prevent further conflict. The immediate outcome has been promising, as peace has held for two consecutive days, a notable reprieve after such intense fighting. However, groups from both sides are willing to escalate and start a fresh conflict. Further, the Somaliland government is accusing the Somali government and other terrorist groups of backing the SSC armed group which is a sign of escalation yet the government’s involvement in broader peace efforts has been minimal, while the traditional elders and opposition political leaders are carrying the burden of restoring peace and de-escalation. There are also curious events within government especially the replacement of Somaliland Qorilugud military base commander from Col. Qasaali to another colonel who is the nephew of interior Minister Kahin. According to military sources, Kahin was not happy with how Col. Qasali handled the war in the region, as he welcomed and listened to traditional elders who have called for de-escalation Somaliland Reporter Qaran News
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Kadib shirkii golaha wadatashiga qaranka ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa waxaa dowladda federaalka lugta u furay maamul goboleedka Jubbaland oo noqday maamulkii labaad ee ay isku dhacaan dowladda dhexe. Jubbaland ayaa u muuqata inay qaaday dhabihii ay martay Puntland oo iyadu horay uga baxday xeyndaabka dowladda dhexe, waxayna gebi ahaan xiriirka u jartay Villa Somalia. Dhowr arrimood ayaa muujinayo in Jubbaland ay sii fogaaneyso, isla markaana sare usii qaadayo khilaafka Kismaayo iyo Muqdisho oo bannaanka usoo baxay kadib markii uu Axmed Madoobe ka biyo diiday go’aannadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga. Madaxweynaha Jubbaland ayaa si cad u diiday qorshaha Villa Soomaaliya, gaar ahaan doorasho qof iyo cod ah oo ay ku hoos duugan tahay muddo korordhin hal sano ah, waxaana taasi ay keentay in Axmed Madoobe uu ku laabtay Kismaayo, isaga oo diiday dadaallo iyo isku dayo ay sameysay dowladda dhexe, si dib loogu soo celiyo shirka. Jubbaland ayaa dooneysa inay qabsato doorasho dadban oo ku dhacda waqtigeeda, ayada oo ku dooday in maamullada ay u madax bannaan yihiin doorashooyinkooda gaarka ah. Sidoo kale waxaa arrinta uga sii daray tallaabooyin ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay qaadeen wasiirro ka tirsanaa xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare oo shaqada uga tegay khilaafka jira dartiis, waxaana kamid ah wasiiradaas Mudane Cabdirashiid Jire oo ahaa wasiiru dowlihii wasaaradda qorsheynta Soomaaliya iyo Axmed Cismaan Daqare oo isna ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya. Labada nin oo kasoo jeedo dhanka Jubbaland ayaa eedeymo u jeediyay maamulkii ay ka tirsanaayeen, waxaana kamid ah eedahaasi in dowladdu ixtiraami weysay deegaanada ay kuraasta ku metalaan, isla-markaana ay ku howlan tahay sidii looga abuuri lahaa colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed. Waxaa kale oo arrintan ka dambeysay tallaabo kale oo uu qaaday madaxweyne Axmed Madoobe oo shir deg-deg ah oo wadatashi ah isugu yeeray xildhibaannada labada gole ee Jubbaland ku metala baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaas oo dhacaya 8 bishaan, iyada oo la filayo in kulanaas balaaran laga soo saaro go’aano ka dhan ah dowladda dhexe. Horay Puntland ayaa u qaaday tallaabooyin kuwaan lamid ah, waxayna shirisay dhammaan xildhibaannadeeda ku metala dowladda dhexe oo ka horyimid qorshaha dowladda, gaar ahaan qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga ee la xiriiray doorashooyinka. The post Jubbaland oo qaaday dhabihii Puntland xiriirka ugu jartay DF – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.
  17. Maanta oo Isniin ah ayaa ka hadhay, maalinta ay dhici doonto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadkaan 2024-ka, oo ah salaasada berri ah oo ay bisha November ku beegantahay 5. Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya madaxweyne ku xigeenka xilligan ee Mareykanka, haweeneyda lagu magacaabo Kamala Harris, oo dimoqraadi ah iyo madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo Jamhuri ah. Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhda America. Source
  18. Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay, in duqeymo ay ciidamada Isra’il Axaddii shalay ka fuliyeen Marinka Gaza lagu dilay 31 Falastiiniyiin ah. Ku dhawaad kala bar dadka la dilay ayaa ku sugnaa dhinaca waqooyi ee Marinka Gaza, halkaas oo ay ciidamada Isra’il howlgallo ka wadaan muddo ka badan hal bil. Ila wareedyada caafimaadka waxay sheegeen, in 13 ka mid ah dadka la dilay Axaddii ay ku sugnaayeen deegaannada Beyt Laaxiya iyo Jabaaliya, oo ah laba ka mid ah xerooyinka qaxootiga ee siddeeda ah eek u yaalla Marinka Gaza. Meelaha kale ee Falastiiniyinta lagu dilay shalay waxaa ka mid ah deegaannada koofurta, oo ay ku jirto degmada Khan Younis oo ay saraakiishu sheegeen in lagu dilay 8 qof oo afar ka mid ahi ay carruur ahaayeen. Isra’il waxay sheegtay in Waqooyiga Gaza ay weerartay si ay uga sifeyso dagaalyahanno ka tirsan Xamas oo ay sheegtay in ay halkaasi dib isugu urursadeen. Falastiiniyiinta ayaa ku sheegay duqeymaha cirka ah, dagaalka dhunka ah iyo daad-gureynta qasabka ah ee ka socda dhinaca waqooyi ee Gaza ay tahay isir sifeyn lagu sameynayo dadka ku nool laba magaalo oo ku yaalla waqooyiga Gaza iyo xerooyinka qaxootiga ee aaggaasi oo ay ku noolyihiin boqollaal kun oo ruux. Isra’il ayaa taasi beenisay, isla markaana sheegtay in ay la dagaallamayaan Xamaas oo halkaasi kasoo weerarto. Source
  19. Deegaanada Jubada Hoose qaarkood ayaa waxaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto biyo la’aan baahsan, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada. Wararka ayaa sheegaya in biyo la’aanta darteed ay u dhinteen illaa saddex qof, waxaana soo kordhaya qeyla dhaanta iyo baaqyada ku saabsan in dadkaasi gurmad lala gaadho. Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo wareysi siiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa, gaar ahaan halka uu ka dambeeyay safiirka Itoobiya. Wasiir Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu ka maqan yahay safiirka Itoobiya, Mukhtar Mohamed Ware, wuxuuna tilmaamay in aanu soo laaban sidii uu u baxay, kadib xiisaddii ka dhalatay heshiiska is-afgaradka ahaa ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland. “Horta safiirka sida uu u baxay ayuu maqan yahay diblumaasiyiinta kale ee meesha joogay way joogaan fasaxyo iyo dalalkooda si ikhtiyaar ah kuwa ugu maqan maahinee way ku qoran yihiin meesha” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaliya. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Weli labada dal cilaaqaadkii ma go’in safaaraddeenna weli waa ka furan tahay Addis Ababa diblumaasiyiinteenna way jiraan”. Dhinaca kale wasiirka ayaa ka hadlay sababta ay dowladda Soomaaliya u qaadan la’dahay go’aan rasmi ah oo lagu xirayo gabi ahaan safaaradda Itoobiya, wuxuuna sheegay in aan loo baahneyn caadifad, balse dowladd federaalka ay ku dhaqmeyso diblumaasiyad. “Dad Soomaaliyeed oo tiro badan oo safaaradda maa la xiro dhahayo way jiraan, laakiin caadifad laguma shaqeynayo” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Shalay ayaa wasiirku isaga oo ka hadlayay isla xiisadda Itoobiya wuxuu soo hadal qaaday arrimo ku aadan halka ay ku taallo safaaradda Itoobiya oo ah xarunta madaxtooyada qaranka, wuxuuna sheegay in deg deg looga rari doono goobta ay hadda degan tahay. “Safaaradda Itoobiya ma dagana dhulkeedii inay ku dhextaal xeyn daabka Madaxtooyada Qaranka waa arrin laga haboon yahay, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii ay dhulkeedii hore u dhisan laheyd kaas oo hadda u banaan,” ayuu horay u yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi. The post Daawo: Xaggee ku dambeeyay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii madaafiicda ahaa ee subaxnimadii Axadda lagu qaaday xerada Xalane, taas oo sababtey dhimasho iyo dhaawac. War-saxaafadeed ATMIS soo saartay ayaa lagu sheegay in weerarku ahaa mid wuxuushnimo ah, kaas oo hawlaha ay u joogaan oo u taagan yihiin leexleexad ka gelin doonin. “Weerarkan waxashnimada ah kama celin doono annaga iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya inaan raadino nabad waarta iyo amni ka dhalata Soomaaliya, waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada iyo inaan dhisno Soomaaliya oo nabad ah oo barwaaqo ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika. Guddiga (SRCC) iyo madaxa ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef. Iyada oo weerarkan Dowaldda Soomaaliya ka hadlin tacsina ka dirin ayaa war saxaafadeedka ATMIS lagu xaqiijiyey in ay sababtay dhimasho, waxaana tacsi loo direy dadkii waxyeeladu ka soo gaartey. ATMIS waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska, asxaabta, iyo qaraabada dadkii ku dhintay, waxayna caafimaad degdeg ah u rajaynaysaa kuwii ku dhaawacmay weerarka, ayaa lagu yiri war saxaafadeedka. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ay saddex qof ku dhaawacmeen weerarka. Xogtu waxay sheegaysaa in qaar ka mid ah dadkii dhaawacmey ay dhinteen, kuwaas oo ahaa ajaanibta ka shaqeeya xarunta Xalane. Weerarkan waxaa sheegtay argagixisada al-Shabaab, oo qoraal ay warbaahintooda ku baahiyeen ku sheegay in ay ku dileen saddex qof oo caddaan ah, iyo laba qof oo Ugandan ah, sida ay hadalka u dhigeen. Weerarka hoobiye ayaa la aaminsan yahay in laga soo tuurey isla gudaha magaalada Muqdisho, taasi oo calaamad su’aal saareysa waxqabadka hay’adaha amniga Soomaaliya. The post Xogta khasaaraha weerarkii shalay lagu qaaday Xalane appeared first on Caasimada Online.
  22. Diyaaradda Air France ayaa si deg deg ah u joojisay duulimaad ay ku dalmaraysay badda cas, kaddib markii duuliyayaasha diyaaradda ay sheegeen in ay arkeen wax iftiimaya oo jooga sare ee hawada ku socda. Dhacdadaasi kaddib duulimaadyo kale ayaa soo sheegay inay ku qasbanaadeen inay dib uga laabtaan badda cas, iyadoo wararkii u horreysay ay sheegayaan in Xuutiyiinta ay gantaallo ballistic ah ku rideen, tallaabo loo qaaxay inay iskudayayaan sidii ay u joojin lahaayeen duulimaadka badda cas. Ma jiro illaa hadda wax war ah oo dhacdadaan ay ka soo saareen Xuutiyiinta, mana cadda inay tani la xiriirto howlgal ay ku doonayaan inay Xuutiyiinta xiraan hawada badda cas oo saameyn ku yeelanaysa isku socodka hawada ee caalamka si ka badan xirnaashaha badda. Arrintan waxay ku soo aadaysa xilli toddobaadkii hore laga maqlay hoggaamiyaha Xuutiyiinta , Cabdimaalik Al Xuuti inay billaabi doonaan wajiga shanaad howlgalka ay ku taageerrayaan Qasa oo uu marka ku sheegay waxyaabo cusub in lagu arki doono iyo awooddo horleh oo ay adeegsanayaan. PUNTLAND POST The post Diyaaradda Air France oo si deg deg ah u joojisay dulmarista badda Cas appeared first on Puntland Post.
  23. Turkiga ayaa sheegay in uu sii xoojinayo xiriirka qotoda dheer ee kala dhexeeya Afrika, isagoo shirkii ugu dambeeyay ee Afrika ku qabtay Jabuuti. Turkiga ayaa maalgeshiyo badan ku sameeyay qaaradda Afrika sannadihii u dambeeyay, iyadoo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu 50 booqasho ku tagay 31 dal, labaatankii sano ee uu xukunka hayay. Afar iyo toban waddan oo Afrikaan ah ayaa ka qayb galay shirkii ugu dambeeyay ee heer wasiir ah oo ka dhacay Jabuuti, dhammaadka toddobaadkii hore Waxaa ka mid ahaa Angola, Chad, Comoros, Republic of Congo, Egypt, Equatorial Guinea, Ghana, Libya, Mauritania, Nigeria, South Sudan, Zambia iyo Zimbabwe. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa sheegay in ganacsiga qaaradda uu kor u dhaafay 35 bilyan oo doolar sannadkii hore, maal-gashiga tooska ah ee Turkigana uu hadda gaarayo $7 bilyan. Turkiga ayaa noqday dalka afraad ee hubka ugu badan siiya dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika, wuxuuna gacan ka gaystay tababaridda ciidamada qalabka sida ee dalal badan. PUNTLAND POST The post Turkiga oo sheegay in uu xoojinayo Xiriirka uu Afrika la lee yahay appeared first on Puntland Post.