Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig Daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolkaasi. Ciidamada ayaa ka hortegay weerarka Al-Shabaab, waxaana ay gaarsiiyeen khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. War kooban oo kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in la fashiliyay weerarka Al-Shabaab oo uu ujeedka ahaa in lagu beesado ciidanka deggan Janaay Cabdalle. “Ciidamada Daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada labaad ee ka howlgasha deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubada hoose ayaa fashiliyay weerar fuleynimo ah oo ay doonayeen in Khawaarijta ay kusoo qaadaan saldhigga ciidamada ee deegaankaasi” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Jubbaland. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in goobta lagu dilay 5 xubnood, ayna maydadkooda iyo kuwa kale oo dhaawac ah ka carareen kooxdii weerarka soo qaaday. “Maleeshiyaadkii weerarka fuleynimada ah soo qaaday waxaa loo dhigay cashir aysan iloobin doonin iyagoo isaga cararay meydadka shan kamida khawaarijta iyo dhaawaca qaar kamida Argagixisadii.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland. Horay sidaan oo kale ayaa kooxda Al-Shabaab loogu jabiyay weerar ay kusoo qaadeen Buulo-xaaji, waxaana kadib madaxweynaha Jubbaland uu abaal-mariyay ciidamadii ka hortegga sameeyay ee jilibka u dhigtay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday. The post Shabaab oo jab culus lagu gaarsiisay weerar ay kusoo qaadeen duleedka Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  2. Ciidamada Daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada labaad ee fadhigoodu yahay deegaanka Janaa Cabdalle ayaa sheegay inay ka hortageen weerar ay koox Alshabaab ku soo qadeen deegaankaas. Ciidanka ayaa sheegay inay khasaaro weyn u geysteen dagaalameyaasha Alshabaab ee weerarka soo qaaday, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin tirida rasmiga ah ee dhimashada xubnaha Alshabaab iyo waxyeellada dhankooda soo gaartay. Wararka ku saabsan dhacdadan ayaa weli isi soo taraya, waxaana la filayaa in Wasaaradda Gaashaandhigga ay war saxaafadeed faahfaahin arrintan ka soo saari doonto. Source: goobjoog.com
  3. Dooni ganacsi oo lagu magacaabo “BLUE STAR” ayaa ku gubtay xeebaha dalka Cumaan xalay saqdhexe sida ay xaqiijiyeen ganacsato ku sugan Boosaaso. Doontaan ayaa kusoo jeeday magaalada Boosaaso ee Puntland, Soomaaliya. Sida ay sheegeen ganacsatada doonidaan ayaa u siday badeecado kala duwan dadka Soomaaliyeed, taasoo muhiim u ahayd ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka. Dhacdadaan ayaa saamayn ku yeelan karta ganacsatada Soomaaliyeed iyo guud ahaan dhaqaalaha gobolka. Waxaa soo laab laabtay gubashada doomaha ganacsi ee ka yimaada dalalka Carabta waxaa la sheegay in mararka qaar ay keenaan arrimo ganacsi. Ganacsatada Magaalada Boosaaso ayaa dhibaato badan ku qaba dhacdooyinka, sanadwalba waxa ay ku waayaan Malaayiin doollar. Source: goobjoog.com
  4. Ciidanka Israa’iil ayaa xaqiijiyay in gantaal laga soo riday dalka Yaman uu ka dhacay gudaha ismaamulka Yuhuudda, ayagoo intaa ku daray in uu meel aan la deganayn, waxyeellona aanay ka dhalan. seeriga duullaanka cirka ayaa laga maqlay Tel Aviv iyo guud ahaan bartamaha Israa’iil saacadihii hore Axadda maanta, taasoo dadka deegaanka u dirtay farriin ah inay u cararaan goobaha gabbaadka ah. Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay ogaadeen in gantaalka loo waday bartilmaameedyo ku yaalla bartamaha maamulkaas, balse uu ku dhacay meel bannaan oo aan cidina deganayn. Kooxda Xuutiyiinta ayaa billaabay weerarro ka dhan ah maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil wixii ka dambeeyay bishii October, xilligaas oo Israa’iil ay duullaanka dhulka ku qaaday marinka Qasa ee dhulka reer falastiin. Source: goobjoog.com
  5. Nairobo (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan suurtagalnimada weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi. Digniintan ayaa waxa ay kasoo baxday safaaradaha Mareykanka iyo Britain ee ku yaalla Nairobi, waxayna farriin u diray muwaadiniintooda ku sugan gudaha waddanka Kenya. Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa tilmaamay in weeraradan qaraxyada ah lagu beegsaday hoteellada waa wayn, safaaradaha, maqaayadaha suuqyada iyo saldhigyada ciidamada, waxayna ugu baaqeen muwaadiniintooda inay muujiyaaan feejignaan dheeri ah. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in kooxaha argagixisadu ay beegsan karaan meelaga ay ku badan yihiin dadka ajaaniibta ah, gaar ahaan kuwa dalxiisayaasha ee tega Kenya. Waxaa kale oo digniinta lagu sheegay inuu dhici karo afduub lagula kaco dadka kasoo jeeda reer galbeedka ee ku dhaqan halkaasi, loona baahan yahay taxadar iyo dadaal dheeri ah. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Kenya oo ku aadan weeraradan laga digay inay ka dhici karaan dalkaasi. Horay kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah iyo kuwa qaraxyo ah ka fulisay gudaha dalka Kenya, kuwaas oo dhaliyay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. The post Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka digay weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca KENYA appeared first on Caasimada Online.
  6. The need for broader consultations with traditional leaders and political stakeholders imposes constraints on President Deni’s authority. Garowe (PP Editorial) — The disagreement over how to manage the Puntland Security Force (PSF) in Puntland State of Somalia has led to the closure of Bosaaso Airport. This situation raises concerns about potential clashes in Bosaaso, reminiscent of the conflict that erupted in 2021. Traditional leaders, led by King Burhan, intervened in 2021 to resolve the dispute. Puntland State President Said Abdullahi Deni displayed remarkable composure in agreeing to the elders’ proposed solution. However, his critics are now accusing him of instigating political and security instability by attempting to disarm the PSF with the assistance of the Puntland Maritime Police Force (PMPF), which is funded by the UAE. It is worth noting that both the PSF and PMPF are unconstitutional security entities, formed by previous Puntland administrations without adherence to the Puntland State Constitution. Asad Osman Abdullahi is the former PSF commander. The Puntland State government has not disclosed the reason behind last week’s PSF-PMPF disagreements. Did either side breach the terms of the 2021 settlement? Was there an independent body to oversee the agreement’s implementation? The interests of the people in Puntland are not served when the Puntland State Government uses one security force against another, particularly when both operate outside the constitution. In 2009 President Abdirahman Farole attempted to restructure the PSF (formerly known as the Puntland Intelligence Service), but faced challenges, largely because his predecessors had accepted the quasi-independent nature of the PSF. Historically, each Puntland government has generally maintained a cooperative relationship with the PSF, until President Deni’s fallout with its senior leadership three years ago. Reforming the PSF and PMPF requires thorough consultations, but Puntland’s heavily centralised political system does not facilitate transparency. President Deni has not engaged political parties or councillors in discussions regarding the security agencies. A security reform agenda driven solely by the presidency risks sparking conflict. President Deni must acknowledge the constraints that the need for broader consultations with traditional leaders and political stakeholders imposes on his authority. Selectively applying the Puntland Constitution to politically motivated security reforms is unacceptable. © Puntland Post, 2024 The post Wider Consultations Needed to Guide Security Agency Reforms in Puntland appeared first on Puntland Post.
  7. Magaalada Addis Ababa waxaa dhowaan gaaray wafdi Maraykanka ka socda oo uu hogaaminayo ergayga dowladda Marykanka u qaabilsan bariga Afrika Mike Hammer, kaasoo kulamo la qaatay madaxda dalkaasi. Ergayga Maraykanka ayaa kulan la yeeshay wasiirka arrrimaha dibadda Itoobiya ambasador Taye Atske-Selassie, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya dhinacyada ayaa ka wada hadlay nabadda iyo xasilloonida gobolka. Sidoo kale Itoobiya waxay sheegtay inay Mareykanka la wadaagtay walaaca ay ka qabto howlgalka cusub ee badeli doona ATMIS, gaar ahaan ciidanka Masar oo Soomaaliya imaan doona . Wefdiga Mareykanka ayaa dhankooda la sheegay inay Itoobiya kala hadleen sidii ay xaaladda u dejin lahayd, islamarkaana uga baaqsan lahayd fal kasta oo xiisadda labada dal uga sii dari kara, sidoo waxay labada dhinac isla soo qaadeen xadgudubyada arrimaha bini’aadantinimada la xariira ee maamulka Abii Axmed uu ka wado deegaanada Amxaarada iyo Tigray-ga. Si kastaba ha ahaatee booqashada wefdiga Mareykanka ee Addis Ababa ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmo yari ka dhimanyihiin wajiga 3-aad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee magaalada Ankara, islamarkaana aan la ogeyn sida ay u qabsoomi doonaan wada-hadalladaasi maadaama labada dhinac midna aanu weli soo dabcin. Source: goobjoog.com
  8. Mogadishu (HOL) — Hawo Mahamud Farah, known as Hawo Jookar, has broken barriers in the Somali town of Adado'by becoming the first woman to drive a Bajaj (auto-rickshaw) for a living. Despite facing societal backlash and danger on the roads, she took up the job to support her five children, challenging deep-seated gender norms in the process. Source: Hiiraan Online
  9. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo soo baxay magaalada Gaalkacyo ayaa xalay dib ugu laabtay caasimadda Garoowe. Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu maanta xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilo Ku-simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaaliya James Swan. Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya oo hadda ku sugan Garoowe ayaa Sabtidii shalay la kulmay dallada bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA. Dallada PUNSAA ayaa sheegtay in Kulankaasi looga hadlay Arimaha siyaasadda ee heer Puntland iyo Federaal, Gargaarka bani’aadantinimo, sugidda Amniga iyo horumarka Puntland ay kaga tilaabsatay Dimuqraadiyada. PUNTLAND POST The post Siciid Deni iyo James Swan oo maanta ku kulmaya magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  10. Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in haatan ay kasii dareyso xiisadda u dhexeysa ciidamada PSF iyo maamulka Puntland ee ka taagan garoonka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi oo ay isku qabteen labada dhinac. PSF ayaa mar kale xalay soo saartay digniin culus, waxayna sii adkeystay digniintii hore ee ahayd in laga fogaado aagga garoonka Boosaaso, sidoo kalena aysan kasoo dagi karin diyaaradaha duulimaadka. Qoraalka taliska oo xalay la shaaciyay ayaa waxaa lagu sheegay in aanu weli xal rasmi ah laga gaarin arrinta garoonka, ayna u digayaan shacabka iyo shirkadaha duulimaadyada. Taliska PSF ayaa si gaar ah ugu digay diyaaradaha Daallo Arline iyo Itoobiya Arlines, wuxuuna sheegay shirkaddii u hoggaansami wayso amarkooda in ay iyadu qaadi doonto mas’uuliyadda wixii halkaasi ka dhaco. Khilaafka ugu wayn ayaa ka dhashay isticmaalka garoonka oo ay PSF sheegtay in loo diiday ciidamadeeda iyo xittaa in laga dhoofiyo askar ka dhaawacantay, waxayna Puntland ku eedeysay inay garoonka u beddashay xero ciidan. “Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah waxaan uga digeynaa dhammaan shacabka ku dhaw garoonka Boosaaso in ay isaga fogaadaan. Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidamada PSF. Puntland ayaa iyana maalin kahor jawaab ka bixisay digniinta ciidanka PSF, waxayna hoosta ka xariiqday in wax xaalad ah aysan ka jirin Boosaaso, isla markaana ay tahay nabadgelyo. “Waxaan rabnaa in shacabka magaalada in ay ogaadaan in aysan jirin nabad galyo xumo, waxaan uga digeynaa dadka nabad galyo darrada abuuraya in ay ka fogaadaan” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Bari. Arrintan ayaa durbo dhalisay xiisad xoogan oo laga dareemay Boosaaso oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada PSF-ta iyo kuwa kale oo taabacsan madaxtooyada maamulkaas. The post War cusub oo kasoo kordhay xiisadda ciidanka PSF iyo PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
  11. Ciidamada Booliska Puntland ayaa sheegay in ay degaanka Rabaable oo ka tirsan degmada Garoowe ku qabteen gaari lagu soo raray geed-quwaax iyo dadkii watay. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen gaari nooca loo yaqaan DHAYNAHA oo lagu soo raray geed-quwaax iyo dadkii watay gaarigaasi. “Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan qaybta gobolka Nugaal ayaa deegaanka Rabaable oo ka tirsan degmada Garowe ku qabtay Gaari nooca dhaynaha sooomaalidu u taqaan kaas lagu soo raray Geed Quwaax iyo dadkii waday” ayaa lagu yiri Qoraalka. Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in dadkaasi ay xaalufin iyo nabaad guur ku hayaad dhirta islamarkaana maxkamad la horgayn doono si sharciga loo mariyo. PUNTLAND POST The post Ciidamada Booliska Puntland oo qabtay gaari lagu soo raray geed-quwaax iyo dadkii watay appeared first on Puntland Post.
  12. Wararka ka imaanaya xeebaha dalka Cummaan ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ku gubatay doonni u rarneyd ganacsato reer Puntland Doonta oo lagu magacaabo BLUE STAR oo badeecado kala duwan u sidday dekedda magaalada Boosaaso ayaa xalay saq dhexe ku gubatay jasiirad ku taalla xeebaha dalka Cummaan. Wararka ayaa tilmaamaya in doonta gubatay ay markii hore ka soo shiraacatay dekedda magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga Carbeed halkaasi oo ay ka soo qaaday badeecadaha kala duwan. PUNTLAND POST The post Doon badeecado ganacsi u siday Boosaaso oo xalay ku gubatay xeebaha dalka Cummaan appeared first on Puntland Post.
  13. Israa’iil ayaa duqeymo is-daba joog ah xalay ka geysatay magaalada Aitaroun ee koonfurta Lubnaan, iyadoo sawirrada la soo qaaday ay muujinayaan burbur gaaray dhismayaal la deganaa. Netanyahu ayaa sidoo kale xalay guddoomiyay shirkaha golaha ammaanka Israa’iil, waxay meel mariyeen ballaarinta howlgallada waqooyi, wax u dhigma inay Israa’iil gudaha u galayso dhulka Labnaan. Hadal uu gelinkii danbe ee shalay soo saaray ku-xigeenka xoghayaha guud ee Xisbullah, wuxuu sheegay in ay Israa’iil la kulmi doonto wax aysan horey u arag haddii ay gudaha usoo gasho dhulka Lubnaan. Dhanka kale, duqeymaha ay ka geysanayaan ciidamada Isra’il Marinka Gaza ayaa sii socda weli, waxaana la xaqiijiyay dilka ilaa 14 Falastiiniyiin ah oo ku dhintay duqeymo lagu bartilmaameedsaday koofurta iyo bartamaha Gaza. Waaxda Difaaca Rayidka ah ee Gaza ayaa sheegtay, in duqeyn lagu burburiyay guri ku yaalla magaalada Gaza lagu dilay 11 qof oo ay ku jireen 4 carruur ah iyo saddex dumar ah. Tan iyo horraanti October, ila wareedyada Gaza ayaa ku warramay in Marinka Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiinyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqeymo is-daba joog ah xalay ka geysatay koonfurta dalka Lubnaan appeared first on Puntland Post.
  14. Not good enough. That was Arne Slot’s verdict after his first defeat as Liverpool manager on Saturday. Source: Hiiraan Online
  15. Beledweyne (HOL) — Ma'awisley forces conducted a targeted operation against Al-Shabaab militants in the Hiiraan region on Sunday, focusing on areas near the Halgan district. The offensive is aimed at locations along the Shabelle River, where Al-Shabaab fighters had reportedly gathered after crossing from the western side. Source: Hiiraan Online
  16. During their meeting, both sides agreed on the importance of intensifying efforts and continuing consultations to achieve stability in Sudan an support its national institutions. They also emphasized the importance of preserving the unity of Somalia and its sovereignty over its entire territory. Source: Hiiraan Online
  17. Somalia's minister of foreign affairs has said Somalia will consider establishing contacts with and support rebels fighting in Ethiopia if the Ethiopian government attempts to implement the deal it signed with Somaliland. Source: Hiiraan Online
  18. MOGADISHU, Somalia -- Roadside explosions in the Somali capital killed five people and wounded eight others Saturday, according to a city official. Source: Hiiraan Online
  19. Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday wareeg cusub oo cunaqabatayn ah, taas oo lagu beegsanayo shirkad Pakistani ah iyo dhowr hay’adood iyo hal qof oo Shiineys, kuwaas oo ku lug leh qalabka iyo teknoolajiyada loo adeegsado horumarinta gantaallada ballistic-ga ee Pakistan. Ku dhawaaqistan ayaa noqonaysa wareeggii lixaad ee cunaqabataynno uu Maraykanku ku soo rogayo shirkadaha Shiinaha iyo Pakistan tan iyo bishii Noofambar ee sanadkii 2021. Maraykanku waxa uu sheegay in uu cunaqabatayn u adeegsanayo si uu uga hortago faafidda hubka wax gumaada ee loo yaqaanno (WMD), gaar ahaan hubka riddada dheer. Dhanka kale Shiinaha ayaa cuna-qabatayntan adag uga soo horjeestay, asagoo ku tilmaamay mid aan sal ku lahayn sharciga caalamiga ah ama oggolaanshaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay Liu Pengyu, oo ah Danjiraha Shiinaha ee Washington. Si kastaba ha ahaatee tillaabadan ayaa loo arkaa mid xariir la leh loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee dhinaca wax soo saarka hubka, waxaana la filayaa in Beijing ay ayaduna arrintan cuna-qabataynno kale uga jawaabi doonto. Source: goobjoog.com
  20. Ankara (Caasimada Online) – Gabar Mareykan aheyd balse asal ahaan kasoo jeedday Turkiga oo dhawaan ciidamada Isra’il ku dileen Daanta Galbeed ee dhulka la heysto xilli ay ka qeybgaleysay bannaanax lagu taageerayay xorriyadda Falastin ayaa Sabtidi shalay lagu aasay degmada ay kasoo jeedday oo ku taalla Turkiga. Kumannaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka iyadoo dareenka lidka ku ah Isra’il ee Turkiga uu sare u sii kacay, arrintaas oo ka dhalatay colaadda sii baaheysa eek a jirta mandiqadda Bariga Dhexe. Aysenur Ezgi Eygi, oo aheyd 26 jir ku nooleyd magaalada Seattle, ayay toogteen ciidamada Isra’il 6-di bishaan September xilli uu socday bannaanbax looga soo horjeeday deegaameynta ay Isra’il ka waddo dhulka la heysto ee Daanta Galbeed. Ayshenur ayaa lagu aaday degmada Didim ee ka mid ah magaalooyinka kulaala badda Eejiyaanka ee u dhaxeysa Turkiga iyo Giriiga. Calanka Turkiga ayaa ku daboolnaa naxashka lagu waday meydkeeda, iyada oo ay dad badan oo qiireysnaa ay ka qeybgaleen bud-dhiggeeda. Dowladaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa cambaareeyay dilkeeda, kuna baaqay in lagu sameeyo baaritaan. Dhanka kale, duqeymaha ay ka geysanayaan ciidamada Isra’il Marinka Gaza ayaa sii socday Sabtidi shalay, iyada oo la xaqiijiyay dilka ilaa 14 Falastiiniyiin ah oo ku dhintay duqeymo lagu bartilmaameedsaday koofurta iyo bartamaha Gaza. Waaxda Difaaca Rayidka ah ee Gaza ayaa sheegtay, in duqeyn lagu burburiyay guri ku yaalla magaalada Gaza lagu dilay 11 qof oo ay ku jireen 4 carruur ah iyo saddex dumar ah. Tan iyo horraanti October, ila wareedyada Gaza ayaa ku warramay in Marinka Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiinyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. The post Aysenur oo lagu aasay Turkiga iyo Falastiiniyiin kale oo lagu dilay Gaza appeared first on Caasimada Online.
  21. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Nigeria ayaa sheegay in laga cabsi qabo in ugu yaraan 64 oo qof ay ku hafteen webiga gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed ee dalka Nigeria, kaddib marki ay qallibantay dooni ay la socdeen. Doon ka sameysneyd alwaax oo ay la socdeen ilaa 70 qof oo beeralley ah ayay wararku sheegayaan in ay ku gaddoontay meel u dhaw degmada Gummi aroornimadi hore ee Sabtidi shalay, xilli ay rakaabka saarnaa isku dayayeen in ay gaaraan beerahooda oo ku yaalla daanta kale ee wabiga. Dad u badnaa kuwa deegaanka oo is abaabulay ayaa isku dayay in ay soo badbaadiyaan, balse saacado kaddib dib uga soo laabtay biyaha kaddib marki ay soo badbaadiyeen lix ka mid ah 70-ka qof. Aminu Nuhu Falale oo ka mid ah maamulka dowladda hoose ee degmada Gummi ayaa sheegay, in tani ay tahay dhacdadi labaad oo deegaanka ka dhaceyso. Wuxuu kaloo sheegay, in maalintiiba ay wabiga isaga tallaabaan in ka badan 900 oo beeralleey ah. PUNTLAND POST The post In ka badan 64 qof oo laga cabsi qabo in ay ku dhinteen webi ku yaalla Nigeria appeared first on Puntland Post.
  22. Muslimiinta dunida ayaa maanta u dabbaal-degaya dhalashada Nebi Muxamed (NNKH) oo ku beegan 12-ka bisha ay Soomaalidu mowliidka u taqaanno, madaxda Islaamka ayaana bulshooyinkooda u diray tahniyado ku aaddan munaasabadan qeymaha badan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo dadyowga Islaamkaba ugu hambeeyay munaasabadda mowliidka, asagoo ku booriyay inay ku daydaan dhaqankii suubanaa ee Rasuulka (NNKH). Sidoo kale shaqaalaha dowladda ayaa la fasaxay si loo muujiyo weynaynta munaasabaddan diiniga ah, waxaana la filayaa in maanta caasimadda dalka iyo gobolladaba lagu qaban doono xaflado waaweyn oo ku saabsan mowliidka. Nebi Muxamed (NNKH) oo ahaa Rasuulkii ugu dambeeyay ee Illaahay soo diray ayaa ka tagey dhaxal diimeed oo ah manhajka dhabta ah ee bulshada Islaamka, waxaana xilliyada mowliidka lays xasuusiyaa sooyaalkiisii muunadda lahaa iyo dayashada dhaqankiisii suubanaa. Source: goobjoog.com
  23. According to the Ambassador, the U.S. and its partners are approaching the Federal government in Somalia and the government in Addis Ababa. The Ambassador also made a reference to the Turkish initiated talks between Ethiopia and Somalia. “The next one will be started in a few days, ” he said. Asked if the situation could lead the two countries (Ethiopia and Somalia) to war, the Ambassador said “no.” He added “let alone war, no one accepts the chance for the outbreak of any conflict. That is why the international community and all are relentlessly working to resolve the issue. The effort of the United States is to find a solution for the situation between Ethiopia and Somalia. ” From the VOA Amharic report, it seems that the United States wants the resolution of the tension between the two countries quickly. “The absolutely necessary issue is this. It should happen quickly and now,” Ambassador Richard H. Riley is quoted as saying. Last month, Somalia signed a defense pact with Egypt, which is deploying 10,000 troops in Somalia. There were reports in social media this week that Ethiopian forces controlled some airports in Somalia but the Ethiopian government has not confirmed or denied it Somalia and Ethiopia have a history of conflict and hostility. The recent one developed in January 2024 when Ethiopia and Somaliland signed a memorandum of understanding. The arrangement was for Ethiopia to get access to 20 kilometers of coastal land for maritime and commercial purposes on a fifty year rental basis. In return, Ethiopia is to recognize Somaliland – a breakaway region that existed as a de facto state for over 33 years – as an independent state. The finalization of the arrangement was meant to be completed within one month after the MoU agreement. It took longer than that. Somaliland authorities this week announced the agreement is finalized but it is not made public. Borkena __ Qaran News