Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi, Kenya — The International Crisis Group says Islamic State in Somalia has become an important financial influence for terrorism, and a report suggests the leader of the branch might become the new overall head of the militant group. Source: Hiiraan Online
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Shirkad ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed ayaa dacweysay, kana guuleysatay safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, balse Caasimada Online waxay ogaatay arrin yaab leh oo la xiriirta kiiskan. Shirkadda dacweysay safaaradda waxay dayac-tir sameysay, sida ay sheegtay, safaaradda intii uu joogay safiirkii hore Maxamuud Tarsan, balse hadda waxay sheegatay lacag dhan 25 Milyan oo shilanka Kenya ah, una dhiganta $193,000 (Boqol sagaashan iyo saddex kun) oo doolarka Mareykanka ah. Maxkamadda ayaa safaaradda Soomaaliya ee Kenya ku xukuntay inay bixiso lacagtaas, halka safaaraddu ay weli ku doodeyso in la bixiyey lacagtii lagu dhisay dhulka ay safaaraddu ka degan tahay Nairobi. Caasimada Online waxay heshay xogta dhinacyo kale oo ku lug-yeeshay kiiskaan, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan in dayac-tirka lagu sameeyey guri uu Kenya ku leeyahay safiirkii hore ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), balse dusha laga saaray safaaradda Sanadkii 2022 ayaa lacagtaan lagu soo dalacay safaaradda, maadaama uu xiligaas safiir ka ahaa Tarsan, wuxuu ku guuleystay in deyntaas uu uga tago, halka qolada iska leh shirkadda dhismaha fulisay ay ku adkeysatay in lacagtaas ay ku leeyihiin safaaradda. Kiiskaan ayaa cagaha la galay safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga oo lagu magacaabo Fatxudiin Cali Osbito, kaasi oo la sheegay inuu wax ka leeyahay shirkadda dacweysay safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, kuna sheegatay lacag dhan 25 Milyan oo shilinka Kenya ah, kuna dhow $200,000. Waxay noqotay arrin yaab leh in safiir Soomaaliya, Fatxudiin Cali Osbito oo dowladda Soomaaliya ay u magacowday safiirka Soomaaliya u jooga Ankara, uu ku lug yeesho dacwad ka dhan ah dowladdiisa, ayada oo haddii ay sida wax u jiraan sax tahay uu dowladda mari karay. Safaaradda ayaa ku adkeysatay in lacagtaas aan lagu laheyn, maadaama la hayo cadeymaha in dowladda Soomaaliya bixisay kharashkii lagu dhisay safaaradda, sida Caasimada Online ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah. The post Shirkad uu qeyb ka yahay safiir Soomaaliyeed oo lacag ku haysata safaarada Soomaaliya ee Kenya appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay gole ay ku mideysan-yihiin oo shaqeynaya ‘midnimada iyo difaaca dalka, doorasho waqtigeeda ku dhacda iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda.’ Xildhibaanada ku midoobay golahaas oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa xusay qodobada ay ka shaqey doonaan oo gaaraya 14 qodob. “Ka Shaqeynta doorasho waqtigeeda ku dhacda oo heshiis lagu wadayahay” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah war-saxaafadeedka oo xildhibaanadu ay si gaar ah hoosta uga xariigeen. Waxay sheegeen in dalku ku jiro caalad siyaasadeed oo adag, iyagoo hoggaaminta dowladda ku tilmaamay mid guracan, isla markaana ay ka shaqey doonaan sidii loo toosin lahaa waxyaabaha qaldan. “Si wadada saxda ah loogu soo celiyo hoggaanka dowladda federaalka, waxaan dhisnay gole ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah xildhibaanada labada Aqalka oo u istaagay xal u helidda mugdiga siyaasadeed oo dalku galay iyo qaladaadka dowladeed ee ka jira golayaasha dowladda,” ayaa lagu yiri bayaanka. Xildhibaanadu waxay sheegeen inay dhibsadeen isku milan ka dhex-jira hey’adaha dowladda oo laga rabay inay iskula xisaabtamaan shaqada, taasi oo sida ay sheegeen khilaafsan dastuurka dalka. “Xoojinta la dagaalanka argagixisada iyo difaaca Qaranka” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah war-saxaafadeed, balse laguma soo hadal qaadin Itoobiya oo ah cadowga koowaad ee Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Xildhibaanadaan ay yihiin kuwii maalmo ka hor Muqdisho uga dhawaaqay inay la dareen yihiin dadka reer Bay iyo Bakool oo sheegay inay rabaan Itoobiya. Hoos ka daawo The post DEG DEG: Xildhibaano u badan reer K/Galbeed oo ku dhawaaqay qorshe culus appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay dowladdu digniin ugu dirtay macalimiin xogtooda la hayo oo qorsheynaya inay u hoggaansamaan fikirka guracan ee Khawaarijta. Warkaan ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxaa lagu socod siiyey dhammaan Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka iyo Ducaada Soomaaliyeed, sida mu’adin, imaam masjid, khadhiib ama daaaci ah. Wasaaradda oo cuskaneysa bayaan ay soo saartay bishii 2-aad ee sanadkii 2023 oo lagu mamnuucay la macaamilka iyo u tagista kooxaha Khawaarijta ayaa qoraalkaan ku tiri. “Wasaaradu waxay xog ku heysaa in ay weli jiraan Macalimiin Dugsi Qur’aan iyo culimo qorsheynaya in ay u hogaansamaan amarada Khawaarijta, isla markaana ku howlanyhiin aadista goobaha khawaarijtu ku dhuumaaleysato.” Shirarkii ugu dambeeyay ee Culimada Soomaaliyeed ee ku qabsoomay Muqdisho Oktoobar 2022 iyo Janaayo 2023, ayaa laga soo saaray Fatwooyin Sharci ah oo ka dhanka ah la macaamilka kooxaha Khawaarijta. “Wasaaraddu waxay u cadeyneysaa in qof kasta oo macallim dugsi Qur’aan, mu’adin, imaam masjid, khadhiib ama daaaci ah ee lagu helo la macaamilka khawaarijta ama u hogaasamida amarradooda, in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan, isla markaana aan loo haynin wax cudur daar ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS. Caasimada Online ayaa habeen ka hor baahisay xogtaan, waxaana ogaanay in macalimiin badan ay u tageen Al-Shabaab, kuwaas oo la isugu geeyey deegaanka Tawakal ee gobolka Sh/Hoose, halkaas oo qaarkood ay weli ku xayiran yihiin, maadaama ay ogaatay dowladda Soomaaliya oo hadii ay Muqdisho ku soo laabtaan la xirayo, lana maxkamadeynayo. Al-Shabaab, sidaan oo kale ayey sanad ka hor macalimiinta dugsi Qur’aanka iyo Imaamyada masaajidda ugu yeereen, waana u tageen intooda badan, waa arrin halis ah, maadaama dadkaas ay soo xambaarayaan fikirka gaaleysiinta iyo gumaadka dadka ee kooxdu duurka kula jirto. Waxaa xusid mudan in macalimiinta aaday kooxda ay isugu jiraan kuwo dhiga iskuulo, jaamacado iyo dugsiyaal lagu barto Qur’aanka, dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadu ka saaran tahay in dadkaan shacabka ah ee aqoonyahanka ah ay ka badbaadiso kooxdaas arxanka daran, balse si lamid ah Shabaab-ka ayey warbaahinta uga hanjabeysaa.! The post Mukhtaar Roobow oo farriin hanjabaad ah u diray macalimiinta dugsiyada Qur’aanka appeared first on Caasimada Online.
  5. Baidoa (HOL) — Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre held talks with traditional elders of the Southwest state in Baidoa on Thursday, focusing on their vital role in nation-building and the governance of Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Axmed Saciid Maxamed ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka dowlada Norway u fadhiya Soomaaliya mudane Carsten Carlsen iyo Qunsulka Socdaalka ee Safaaradda Norway Marwo Catherine Fari. Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn waxa uu uga mahadceliyay Safiirka taageerada dowladda Norway ay ka geeysato horumarinta kaabayaasha HSJ. Waxa uu sidoo kale uga warbixiyay isbedalada dhanka horumarka la sameeyay iyo Qorshayaasha horutebinta u leh Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Safiirka dowlada Norway mudane Carsten Carlsen ayaa uga mahadceliyay dhankiisa soodhawaynta loo sameeyay waxa uuna balan qaaday in ay sii labo jibbaarayaan taageerada dowlada Norway ku bixiso HSJ, isla markaana ay sii xoojinayaan wadashaqaynta togan ee kala dhaxaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Source: goobjoog.com
  7. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa guddoomiyey shirka ku saabsan dardargelinta nidaamka danabaysan online-ka ee dacwadaha. Shirkan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed, guddoomiyeyaasha Maxkamadaha degmooyinka gobolka iyo sido kale Garsooreyaal, ayada oo ujeedka kulanka uu ahaa sidii loo dardargalin lahaa nidaamka danabeysan ee dacwadaha. Inta uu kulanka socday ayaa lagu soo bandhigay warbixin ka hadleysay sidii loogu shaqeyay nidaamkaan sannadkii tagay iyo sido kale xogta lagu keydiyay, waxaa sido kale lasoo bandhigay sida uu ahmiyad gaar ah ugu leeyahay nidaamkaan Maxkamadaha iyo Maamulka dacwadaha taasoo sahleysa in si sahlan loola socdo jadwaleynta dacwadaha, keydinta xogta dacwadaha iyo Ilaalinta xogaha ammaan ahaan. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo dhawaan la gashay dowladda Qatar heshiis shidaal qodis ayaa waxaa soo baxeysa daah-furnaan la’aan ku gadaaman hanaanka shidaal soo saarista dalka. Heshiiskan oo ah nooca “wadaagga wax soo saarka” ayaa shirkadda Alkhaliij u ogolaanaya howl-galinta saddex ceel-shidaal oo ku yaalla berriga Koofurta Soomaaliya, ceelashaan mid kamid ah waxa uu ku yaallaa meel 30KM kaliya u jirta Muqdisho, sida uu sheegay Cabdicasiis Al-daleemi oo ah madaxa fulinta shirkadda Al-khaliij. “Waxaa lagu heshiiyay ilaa seddex goobood oo dhanka barriga aha kuma jiro wax dhanka badda ah , sidaa darted waxaa la qaadi doona tillaabooyiin degdeg ah Goobahan waxaa hore looga sameeyay sahmin waxayna ahayd talaabadii ugu horeysay ee mashaariicda sahaminta, sidaa darteed waan sii dhamaystiri doonaa,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Laakiin sahminti hore waxaa laga joogo muddo 20 sano ah ama ka badan maraka qaarkood, markaa waa lagama maarmaan in lagu celiyo sahmin cusub, iyadoo xooga la saarayo baarista dhulka hoose iyo muuqaalkiisa, waxaana xigi doona in la qodo taas oo aan rajaynayno inay kasoo baxaan wax miro dhal ah.” Saddexda goobood ee shidaal qodista laga billaabayo ayaa ah goobo 20 sano ka hor baaris lagu sameeyay, laguna ogaaday inay jirto fursad ah in shidaal ama gaas uu ku jiro. Heshiiskan oo aan wasaaradda Batroolka ka codasanay faah-faahintiisa nooma suurta-gelin in aan helno, balse nuuca heshiiska oo afka qalaad lagu yiraahdo “production sharing agreement” waa hab ay dowladahu kula heshiiyaan shirkada ajnabi ah oo shidaalka soo saara, oo maal-geliya kharashka ku baxaya kadibna saami ku yeesha shidaalka la soo saaro. Hesshiiska waxaa daraf ka ah shirkad Soomaaliyeed oo la yiraahdo Gulfsom oo bahwadaag la ah Al-khaliij oo maalgelinta qeyb ka bixineysa. Baaris aan sameynay waxaan ku ogaanay in shirkadaan la diiwaan-geliyay sanadkan aan ku jirno ee 2024, halka uu guddoomiye ka yahay mid kamid ah masuuliyiinta bangiyada maxalliga ah. Sidoo kale waxaa xusid mudan in telefoonada xiriirka ee ku xusan degelka shirkaddan ay ku qoran tahay magaca gabar uu dhalay guddoomiyaha, halka cinwaanka xafiiska shirkadda adeegsato uusan aheyn mid jira. Mas’uuliyiinta shirkaddan oo aan la xiriirnay, si aan wax uga weydiino arrimaha, kama jawaabin wicitaankeena. Si kastaba, arrimahan ayaa abuuraya daah-furnaan la’aan guud oo ku gadaaman howlaha shidaal barista iyo soo saarista Soomaaliya, kuwaas ooo inta badan la sheego in loo maro hanaan mugdi badan ku gadaaman yahay. The post Xog: Mugdi ku gadaaman heshiis soo saaris shidaal oo Soomaaliya la gashay Qatar appeared first on Caasimada Online.
  9. Dagaal beeleed culus oo saaka ka bilowday nawaaxiga degmada Towfiiq ee bariga gobolka Mudug ayaa makhribka joogsaday. Dagaalka oo saacado badan socday ayaa sababay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh sida ay sheegayaan wararka laga helayo degaankaasi. Inta la xaqiijiyay 15 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay dagaalka maanta halka in ka badan 30 kalena ku dhaawacmeen. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xooggiisu maanta ka dhacay halka lagu magacaabo Buq oo wax yar u jirta degmada Towfiiq ee bariga gobolka Mudug. Ilaa iyo hadda ma jirto cid isku dayday waan-waan nabadeed iyo xabbad-joojin in la kala dhex dhigo dhinacyada ku dagaallamaya nawaaxiga degaankaasi Towfiiq. Marar hore ayaa la isku dayay in waan-waan nabadeed lagu xalliyo colaadda labada beelood oo soo noq-noqotay balse marna laguma guulaysan arrintaasi. PUNTLAND POST The post Khasaaraha dagaalkii saaka aroortii ka bilowday nawaaxiga degmada Towfiiq oo makhribkii istaagay appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun adag kasoo saartay kiiska sarkaal ciidan oo la dilay, falkaasi oo dhacay habeen ku tariikheysan 16-ka bisha 2 ee sanadkaan. Dable Asluub Maxamed Axmed Cabdi (Musiibo Qaran), Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac “oo maqane ah” iyo Axmed Daahir Cabdi (Qiiqaalka) “oo maqane ah”, ayaa lagu soo eedeeyey jidgooyo iyo dhac ay ka dhalatay dhimashada ex-labo xidigle Cabuqaadir Muxudiin Aadan oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka. Marxuumka iyo mid kamid ah saaxibadiisa ciidmada oo ka soo baxay goobtooda shaqo oo aheyd xerada Damaanyo ayaa ku soo dhex dhacay eedeysanayaasha oo isbaaro u taalla laamiga dheer ee Xoosh ee degamdda Garasbaaley Eedeysane Maxamed Musiibo Qaran oo ku hubeysnaa qoray Ak 47 ayaa labo xabad ku dhuftay marxuumka, isaggoona ka qaatay bistooladii uu watay. Hay’addaha ammaanka oo ku raad-joogay eedeysaneyaasha, ayaa gacanta ku dhigay Dable Asluub Maxamed Musiibo Qaran 14-kii bishii April ee sanadkaan, waxaana baxsad ah Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo Axmed Daahir Cabdi (Qiiqaalka). Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 10-kii bishaan. Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay; 1- Maxamed Axmed Cabdi (Musiibo Qaran) dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabuqaadir Muxudiin Aadan. Halka Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo Axmed Daahir Cabdi (Qiiqaalka) oo labaduba maqane ah ay maxkamadu ku xukuntay min sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida. The post Muqdisho: Askar dishay sarkaal ciidan oo maanta xukun adag lagu riday appeared first on Caasimada Online.
  11. Donald Trump iyo Kamala Harris ayaa fooddda isku daray dooddii ugu horreysay ee telefishinka laga sii daayo ee ololaha doorashada Mareykanka. Muddo 90 daqiiqo ah oo inta badan la isweydaarsanayay hadalo xamaasad ay ku dheehan tahay, waxaana doodda ay ku qotontay arrimaha muhiimka sida dhaqaalaha, socdaalka iyo ilmo iska soo rididda. BBC ayaa xaqiijin iyo baaritaan ku sameysay qodobada qaar Soogalootiga Ohio ma waxa ay cunayaan xayawaanka rabaayada ah? Trump waxaa uu ku andacooday: Springfield “Dadka soo galootiga ah [muhaajiriin] waxay cunayaan eeyaha, dadka soo galay, waxay cunayaan bisadaha, waxay cunayaan xayawaanka rabaayada ah ee dadka halkaas ku nool”. Xaqiiqada: Ma jiro wax caddaynaya in tani ay dhacday. Hadalka Trump waxay daba socotay sheegasho aan sal iyo raad toona lahayn – oo uu la wadaagay musharraxa madaxweyne ku xigeenka JD Vance – oo ahaa in muhaajiriin ka yimid Haiti oo dhowaan degay Springfield, Ohio, ay cunayeen xayawaannada rabaayada ah. Saraakiisha magaalada Springfield ayaa u sheegay BBC Verify: “Ma jiraan warar lagu kalsoonaan karo ama sheegasho gaar ah oo sheegaya in xayawaanka la dhibaateeyo, la dhaawacay ama ay ku xad-gudbeen shakhsiyaad ka tirsan bulshada soogalootiga.” Shaqo la’aant xilligii Trump ma ahayd tii ugu darnayd tan iyo 1930-kii? Harris: waxay ku andacootay“Donald Trump wuxuu nooga tagay shaqo la’aantii ugu xumayd ”. Xaqiiqada: eedeyntan waa mid been ah oo aan waxba ka jirin Dhammaadkii muddada xafiiska Trump ee Janaayo 2021, heerka shaqo la’aanta ayaa ahayd 6.4%. Ma ahayn xilligii Trump waqtigi ay shaqa la’aantu ugu badnayd ee waxaa jiray bishii Oktober 2009, shaqo la’aantu waxay kor u kacday 10% xilli hoos u dhac dhaqaale uu ahaa mid si aad ah u qoto dheer. Waxay si tartiib tartiib ah hoos ugu dhacday markii lagu guda jiray cudurkii safmarka ahaa ee Covid, halka xogtii ugu dambeysay ee August 2024, ay muujinayso in shaqo la’aantu ay gaartay 4.2%. ay dareemi doonaan dalal shisheeye laakiin dhaqaalayahanadu waxay rumeysan yihiin inay jiri doonto kharash dhaqaale oo soo dejinta iyo macaamiisha Mareykanka ah. Tirada $4,000 waxay ka timid falanqaynta – oo ay soo saartay xarunta bidix ee xarunta dhexe ee horumarka Maraykanka – ee ballan qaadkii Trump ee ahaa in la kordhiyo canshuurta dhammaan badeecadaha la soo dejiyo ilaa 10-20% iyo dhammaan badeecadaha laga keeno Shiinaha ilaa 60%. Waxay qaateen cadadka uu Maraykanku badeecadaha uga soo iibsado dibadda sannadkii, waxay qiyaaseen inta ay le’eg tahay cashuuraha cusub ee alaabtan waxayna u qaybiyeen tirada qoysaska Maraykanka. Waxay muujinaysaa $4,600 qoyskiiba, laakiin markaad eegto qoysaska “dakhliga dhexe” waxay ka dhigan tahay tiro dhan $3,900 sanadkii. Qiyaasaha kale ayaa hooseeya. Machadka Peterson wuxuu qabaa in saameyntu ay ku dhowdahay $1,700 sanadkii (haddii ay noqoto canshuurta 10%) ama $2,500 haddii ay noqoto (20%). Denbigu miyuu hoos ugu dhacay Venezuela sababtoo ah waxay dambiilayaal u soo dirsadeen Maraykanka? Trump: “Dambigii Venezuela… hoos ayuu u dhacay sababtoo ah waxay dembiilayaal ka soo qaadeen waddooyinka oo ay siiyeen [Harris] si ay u soo geliyaan waddankeena”. Xaqiiqada: Ma jirto wax caddaynaya in Venezuela ay tan samaynayso. Heerarka dambiyada ayaa hoos u dhacay laakiin khubarada ayaa sheegaya in tani ay sabab u tahay xaaladda dhaqaalaha. Dawladda Venezuela ma daabacdo tirooyinka dembiyada oo la isku halayn karo, laakiin Kormeerayaasha Rabshadaha ee Venezuela ee madaxbannaan ayaa sameeya. Warbixinta sanadlaha ah ee Observatory’s 2023 ayaa lagu sheegay in dhimashada rabshadaha wadata sanadkaas – sida dilalka – ay hoos u dhaceen rubuc marka loo eego 2022. Kormeerayaasha ayaa u sheegay BBC Verify: “Dambigu waa la dhimay Venezuela iyadoo la dhimay fursadaha dambiyada: tuuganimada bangiyada waa la waayayaa sababtoo ah ma jirto lacag lagu xado; afduubka waa la dhimay sababtoo ah ma jirto lacag caddaan ah oo lagu bixiyo madaxfurasho.” Waxa ay sheegtay in aanay arag wax caddayn ah oo muujinaya in dawladda Venezuela ay dambiilayaal u soo dirtay Maraykanka. Bbcsomali Qaran News
  12. Dable Asluub Maxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” , Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac( oo maqane ah) iyo Axmed Daahir Cabdi “Qiiqaalka” (oo maqane ah), ayaa lagu soo eedeeyey Jidgooyo iyo dhac ay ka dhalatay Dhimashada Ex Labo Xidigle Cabuqaadir Muxudiin Aadan oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, falkaasi oo dhacay Habeen ku Tariikheysan Lix iyo Tobanka bisha labaad ee Sanadkaan. Marxuumka iyo mid ka mid ah saaxibadiisa ciidmada oo ka soo baxay goobtooda shaqo oo aheyd Xerada Damaanyo ayaa ku soo dhex dhacay Eedeysanayaasha oo isbaaro u taalla laamiga dheer ee Xoosh ee degamdda Garasbaaley Eedeysane Maxamed Musiibo Qaran oo ku hubeysnaa qoray Ak 47 ayaa labo Xabad ku dhuftay Marxuumka, isaggoona ka qaatay Bistooladii uu watay. Hay’addaha Ammaanka oo ku raad-joogay Eedeysaneyaasha, ayaa gacanta ku dhigay Dable AsluubMaxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” Afar iyo Tobankii Bishii April ee Sanadkaan, waxaana baxsad ah Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo Axmed Daahir Cabdi “Qiiqaalka”. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Tobankii Bishaan. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay. 1- Maxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabuqaadir Muxudiin Aadan. Halka Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo Axmed Daahir Cabdi “Qiiqaalka” oo labaduba maqane ah ay Maxkamadu ku xukuntay min sideed sano oo xabsi ciidan ah. Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa Talaadaddii ka dhacay kulan u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed. Kulankan oo uu dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yimid 24 saac kadib markii Cabdicasiis Lafta-gareen uu farriimo weerar ah kasoo tuuray magaalada Baydhabo, isaggoo la saftay dadkii iskugu soo baxay magaalooyinka Xudur iyo Waajib ee dalbaday inay ciidanka Itoobiya sii joogaan dalka. Dhinaca kalena uu halyeey ku tilmaamay xildhibaannadii difaacay dhacdadaas. Isla maalintaas wuxuu Xasan Sheekh howl-galiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, oo uu u diray inuu Lafta-gareen la hadlo oo xaalada dejiyo kuna qanciyo inuu yimaado shirka soo socda ee Golaha Wadatashiga Qaran. Isla madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu habeen hore wada-tashi deg deg ah oo arrimaha Koonfur Galbeed la xiriira ugu yeeray xubno ka tirsan xisbigiisa UPD, isaggoo aad uga careysan wixii uu ku hadlay Lafta-gareen, waxayna doodooda ku saleysneyd inay dagaal siyaasadeed u diyaar garoobaan. Markale isla madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ra’iisul wasaare Xamza iyo Taliyaha NISA Sanbaloolshe kala hadlay inay Baydhabo tagaan oo ay Lafta-gareen xaaladiisa soo dejiyaan. Afartaasi tallaabo waa laba dagaal ah iyo laba nabad raadin ah, waana 48 saac gudahood, waxaana sameeyay hal qof, dabcan tani waa jahwareer siyaasadeed. Madaxweyne Xasan Sheekh laba unba mid laga filaayay, laakiin tallaabooyinkan is-burinaya waxay shaki xoog leh kusii abuurayaan Lafta-gareen. Xasan Sheekh haddii Lafta-gareen uu nabad ka rabo ma aheyn inuu mucaaradkiisa u yeerto, haddii uu dagaal rabana ma aheyn inuu Sheekh Aadan Madoobe farriin nabadeed u dhiibo. Tani waa caddeynta sida madaxweynaha ugu sugan yahay xaalad siyaasadeed oo aan fadhin. Kulankii shalay ee Xasan Sheekh iyo mucaaradka Koonfur Galbeed marka laga tago inuu Xasan goodin uga jeedo kulanka, haddana xogta labada dhinac laga helay waxay ku eekeyd laba qodob. Mid waa inuu Xasan Sheekh fasaxay dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee mucaaradka Koonfur Galbeed, sida inay tegi karaan magaalada Baydhabo iyo deegaanada kale ee maamulka oo olole bilaabi karaan. Midna waa inuu Xasan Sheekh ku yiri mucaaradka Koonfur Galbeed, shirka soo socda ee Golaha Wadatashiga Qaran haddii ay maamullada iga diidan inay arrinta guddiga doorashada iyo sharciga doorashooyinka igala shaqeeyaan waxaan qaadan doona go’aan deg deg ah, waxaana iska kaashan doona sidii Lafta-gareen loo bixin lahaa. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa shalay tegay Baydhabo, iyada oo ujeedka yahay inuu xaalka Lafta-gareen soo dejiyo, oo uu kusoo qanciyaa inuu Muqdisho yimaado oo uu ka qeyb-galo shirka soo socda ee Golaha Wadatashiga Qaran, oo Xasan Sheekh uu la galo wada-hadal cusub. Mar haddii Xasan Sheekh deg deg ugu yeertay mucaaradka Koonfur Galbeed isaga oo Lafta-gareen u jawaabaya ma cadda sida inta dhiman la isku aamini karo. Dowladdana waxaa ka muuqata jahwareer inay garan la’dahay dariiqa ay u mareyso waxa ay rabto ayey leeyihiin dadka ka faalloonaya mowduucan. Dad ku dhow dhow Lafta-gareen ayaa laga soo xiganaya inuu kasii carooday labada tallaabo ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaaday dhinaca dagaalka, taasina ay humaag badan gelin doonto sii wada socoshada. The post Xasan Sheekh oo ku jahwareersan laba hab midii uu Lafta-gareen kula ceeshi lahaa appeared first on Caasimada Online.
  14. Safiirka Dalka Taiwan oo balanqaaday inay dawladda Taiwan ay ka qayb-qaadanayso dhaqaalaha Doorashooyinka Madaxtooyada & Xisbiyada Somaliland. Komishanka Doorashooyinka ayaa xaruntooda ku qaabiley Safiirka Dalka Taiwan ee Somaliland Ambassador Allen Chenhwa Lou. Sidoo kale waxa kulanka goobjoog ka ahaa Safiirka Somaliland ee dalka Taiwan Maxamed Xaaji. KDQ waxa ay Safiiradda warbixin ka siiyeen hawlaha diyaargarowga iyo derdergalinta doorshaooyinka soo socda ee Somaliland. Qaran News
  15. Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Baydhabo odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay doorka ay dhaqanku ka qaateen dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda iyo bulshada. Kulanka oo uu ku weheliyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa diiradda lagu saaray sidii ay odayaasha dhaqanka gacan uga geysan lahaayeen nabaddeynta, dib-u-heshiisiinta, iyo xallinta khilaafaadka bulshada, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed. Mudane Xamsa ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka looga fadhiyo kaalintooda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo gobanimda ummadda Soomaaliyeed, meelna looga soo wadajeesto wax walba oo dhaawacaya wadajirka bulshada. Raiisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay odayaasha doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaateen taageeridda dowlad-dhisidda iyo taabbagelinta hannaanka federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo xusay in odayaasha dhaqanku ay yihiin tiir muhiim ah oo lagu dhisayo dowladnimada. Source: goobjoog.com
  16. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha Golaha iyo muhiimada ay leedahay in la dardargeliyo shaqooyinka Golaha si taasi ay u dhacdan muhiim tahay in ay Xildhibaanadda soo xaadiraan kulamada Golaha si aynan kulamada guntan (Kooram) la’aan ugu baaqan. Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay warbixinta hindise sharciyeedyada la yaala guddiyada golaha, guddi walba hindise sharciyeedyada uu gacanta ku haayo iyo marxaladaha ay marayaan, waxaana dhinaca kale lagu soo bandhigay qaraarka hay’adaha dowladda ee aan miisaaniyadda laheyn. Ugu dambeyn xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa gacanta u taagay ajandeynta fadhiyadda Golaha Shacabka ee todobaadka soo socda. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa bogaadiyay Xildhibaanadda Golaha shaqada baaxadda leh ee ay Qaranka u hayaan isaga oo kula dardaarmay in ay dadaalkooda sii laba jibbaarraan. Source: goobjoog.com
  17. Dhusamareb (HOL) — Gunmen killed a man and his wife in a rural area between Adado and Godinlabe districts in central Somalia on Wednesday night, according to local residents. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah ayaa ansixiyey xeerka dhismaha xafiiska amniga qaranka oo ay wasaaradda amniga guduha soo gudbisay. Shirka oo uu guddoominaayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa wasaaradaha qaar ee xukuumadda looga dhageystay warbixninno ku aadan xaaladda guud ee dalka. Waxaa warbixinta kulankii maanta looga dhageystay wasaaradaha amniga gudaha iyo gaashaandhigga. Wasaaradda Amniga ayaa ka hadashay howlaha sugida amniga, gaar ahaan deegaannada ka tirsan caasimadda iyo deegaannada hoos yimaada. Sidoo kale, wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa iyadna ka warbixisay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah dalka. Intii kulanka uu socday, golah ayaa warbixin muhiim ah oo la xiriirta waxbarashada aas-aasiga ah iyo midda sare ee ardayda Soomaaliyeed waxa uu ka dhageystay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare. Si kastaba, xeerkan ay maanta ansixiyeen golaha wasiirrada ee soo gudbiday wasaaradda amniga ayaa ah mid xasaasi ah, oo door muhiim ah ka ciyaaraya dhismaha xafiiska amniga qaranka. The post Sawirro: Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay xeer xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  19. Baydhaba (Caasimada Online) – Macluumaad dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa wada-hadallo gaar ah oo dhex-maray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Baydhaba. Kulanka oo xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Laftagareen iyo madaxweyne Xassan Sheekh oo sii xoogeystay kadib markii ay Koonfur Galbeed soo dhaweysatay dowladda Itoobiya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka ayaa ahaa mid adag oo aan waxba la’isku reeban, isla markaana la’isku riiqmay, maadaama lagaga hadlay qodobo xasaasi ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in illaa iyo hadda aan wax horumar ah laga gaarin, balse ay sii socdaan wada-hadallada, maamaada ra’iisul wasaaraha oo weli joogo Baydhaba. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha iyo madaxweyne Laftagareen ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyaya shirka golaha wasiirada maamulkaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin amniga, siyaasada iyo xoojinta wada-shaqaynta wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Taliye Sanbaloolshe oo hadda ku sugan Baydhabo ayaa u tagay xallinta xiisada siyaasadeed ee madaxweyne Lafta-gareen iyo Villa Somalia, iyada oo uu diray madaxweyne Xasan Sheekh, sida ay ogaatay Caasimada Online. Lafta-gareen ayaa lasoo warinayaa inuu qorsheynayo qabashada doorasho gaar ah, waxaana la sheegayaa in saraakiisha Itoobiya ee Baydhabo jooga ay ku cadaadinayaan tallaabadaas inuu qaado, xilli uu dhawaan warbaahinta ka beer laxawsaday reer Koonfur Galbeed. Qorshaha Lafta-gareen oo Itoobiyaanka gadaal ka riixayaan ayaa waxaa la sheegay inay uga dan leeyihiin si uu uga furto Villa Somalia iyo qorshaheeda doorasho qof iyo cod, xilli ay Addis Ababa iyo Muqdisho ka dhex aloosan tahay xiisad salka ku haysa is-afgaradkii Abiy uu la gaaray Muuse Biixi. Si kastaba, Xiisadda Villa Somalia iyo Koonfur Galbeed ayaa dhowaan cirka isku shareertay, kadib markii maamulka Lafta-gareen uu ka horyimid qorshaha Villa Somalia ee ku aadan sida loo wajahayo arrinta Itoobiya, waxaana deegaanada maamulkaasi ka dhacay dibad-baxyo lagu taageeray ciidanka Itoobiya. The post Xogta kulamo xasaasi ah oo dhex-maray R/W Xamza iyo Laftagareen + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  20. Mogadishu (HOL) — Police in Mogadishu have arrested ten male suspects linked to acts of killing, robbery, and other security offences during recent operations. Source: Hiiraan Online
  21. Xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Somaalya, ayaa ka qeyb galaya meertada 10-aad ee shirka dhallinyarada Baarlamaannadda Adduunka oo ka socda Yerevan, Armenia. Shirkaan oo sanadle ah islamarkaana ay ku kulmaan xubnaha dhallinyarada Baarlamaanada Adduunka, ayaa sanadkaan waxaa diiradda lagu saarayaa laguna lafa-gurayaa arrimo ay ka midka yihiin, ka hortagga marin habaabinta jiilasha dhallinyarada ah iyo ka warqabka iyo ilaalinta duruufaha waxbarasho iyo shaqo ee dhallinyarada. Shirkan oo soconaya muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ku metalaya: 1. Sanatar ayaan Aadan Cabdullaahi 2. Sanatar Saciid Cabdi Xusee {Cawke} 3. Xildhibaan Cabdirisaaq Warsame Xusul. Source: goobjoog.com
  22. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey Xeerka Dhismaha Xafiiska Amniga Qaranka oo ay Wasaaradda Amniga Guduha soo gudbisay. Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan amniga guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka ciribtirka Khawaariijta. Golaha ayaa warbixin muhiim ah oo la xiriirta waxbarashada aas aasiga ah iyo midda sare ee ardayda Soomaaliyeed, waxa uu ka dhagaystay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Source: goobjoog.com
  23. Towfiiq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in daaal beeleed lagu hoobtay uu maanta ka dhacay deegaanka Buuq oo hoostaga degmada Towfiiq oo dhacda bariga gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa soo bilowday gelinkii dambe ee shalay, wuxuuna soo gaaray illaa saaka, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka. Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 30 kale, waxayna dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan rayid iyo dhinacyadii dagaalamay. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka dagaalamay oo helayo gurmadyo kala duwan, taas oo uga sii dareysa xiisadda. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalka lagu hoobtay ee dib uga qarxay gobolka Mudug. Wuxuu dagaalka kusoo aaday, xilli muddooyinkii ugu dambeeyey ay Galmudug iyo Puntland ku howlanaayeen sidii loo baajin lahaa coladda deegaankaasi oo muddo dheer soo jiitamaysay siweynna u ragaadisey horumarka deegaandaasi. Si kastaba, gobollada dhexe ayaa waxaa kusoo laa laabta colaado sokeeye, waxaana dagaallo kala duwan ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya. The post Dagaal xooggan oo maanta dib uga qarxay gobolka MUDUG + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.