-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in duqeyn ay ciidamada Isra’il ku garaaceen qeybo kala duwan oo ka tirsan Gaza Arbacadi lagu dilay, ugu yaraan 34 Falastiiniyiin ah . Duqeymahaasi ayaa lala beegsaday iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay oo ay ku nool yihiin dad barakac ah, iyo laba guri oo kale oo ku yaalla xerada qaxootiga Nuseyraat. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lix ka mid ah dadka la dilay ay ka tirsanaayeen shaqaalaheeda. Isbitaallada Cawda iyo Al Aqsa ayaa sheegay in iskuulka Al Jouwcaani ee Nuseyraat lagu dilay 14 qof oo ay ku jireen haweeneey iyo laba carruur ah. Sidoo kale 18 kale ayay sheegeen in lagu dhaawacay duqeynta. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen dagaalyahanno ka tirsan Xamaas oo iskuulka dhexdiisa ku diyaarinayay weerar sid aay sheegeen. Dhanka Daanta Galbeed ee dhulka la heysto, ciidamada Israa’il ayaa weerar dhulka iyo cirka ah ku qaaday dhowr degm, iyaga oo sheegay in ay baacsanayaan malleeshiyaad balse dilay dad rayid ah sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka iyo wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta. Ilaa siddeed qof ayaa la xaqiijiyay in weeraradaasi lagu dilay. The post Wararkii ugu dambeeyay Falastiiniyiin lagu dilay GAZA iyo Daanta Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Lima (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Peru, Alberto Fujimori, oo caan ku noqday doorki uu ka ciyaaray horumarinta dhaqaalaha dalkaasi, balse markii danbe xabsi u galay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa Arbacadii geeriyooday. Gabadha uu dhalay Fujimori, Keiko Fujimori ayaa qoraal ay ku daabcday barta X ku sheegtay in aabaheed oo ahaa 86 jir uu u dhintay cudurka kansarka oo ay sheegtay in uu muddo dheer la il-darnaa. Fujimori, oo ahaa wiil ay iska dhaleen lamaanne kasoo jeeday Japan oo Peru qaxootinimo ku galay. Isaga oo aanan aqoon badan loo laheyn ayuu si lama filaan ah ugu guuleystay doorashadi madaxtinimada ee sannadki 1990-kii. Wuxuu salka u dhigay oo uu xasiliyay dhaqaalaha Peru, kaddib marki uu xakameeyay sicir-bararka, isla markaana shaqooyin u abuuray malaayiin qof. Wuxuu kale oo shirkado gaar ah u baddalay shirkado badan oo ay dowladda maamuli jirtay, sidoo kalana laalay tacriifta ganacsiga. Hase yeeshee, waxaa marki danbe loo xiray eedo la xiriiray gabood-fallo ka dhan ah aadanaha oo oo ka dhashay dagaal dhiig badan ku daatay oo ay dowladdiisa la gashay fallaagada Maoist-ga. The post Madaxweynihi hore ee Peru Alberto Fujimori oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi u hoggaaminayo oo uu qeyb ka yahay Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa caawa ku hooyanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Taliye Sanbaloolshe ayaa Baydhabo u tagay xalinta xiisada siyaasadeed ee madaxweyne Lafta-gareen iyo Villa Somalia, iyada oo uu diray madaxweyne Xasan Sheekh, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo ku sugan Baydhabo, waxaa haatan kulan u socdaa labada dhinac sidii loo qaboojin lahaa xiisadaas, isla markaana madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen u aqbali lahaa shirka soo socda ee golaha wadatashiga qaran. Lafta-gareen ayaa lasoo warinayaa inuu qorsheynayo qabashada doorasho gaar ah, waxaana la sheegayaa in saraakiisha Itoobiya ee Baydhabo jooga ay ku cadaadinayaan tallaabadaas inuu qaado, xilli uu dhawaan warbaahinta ka beer laxawsaday reer Koonfur Galbeed. Qorshaha Lafta-gareen oo Itoobiyaanka gadaal ka riixayaan ayaa waxaa la sheegay inay uga dan leeyihiin si uu uga furto Villa Somalia iyo qorshaheeda doorasho qof iyo cod, xilli ay Addis Ababa iyo Muqdisho ka dhex aloosan tahay xiisad salka ku haysa is-afgaradkii Abiy uu la gaaray Muuse Biixi. Xiisadda Villa Somalia iyo Koonfur Galbeed ayaa dhowaan cirka isku shareertay, kadib markii maamulka Lafta-gareen uu ka horyimid qorshaha Villa Somalia ee ku aadan sida loo wajahayo arrinta Itoobiya, waxaana deegaanada maamulkaasi ka dhacay dibad-baxyo lagu taageeray ciidanka Itoobiya. Sidoo kale waxaa jirtay in xildhibaannada maamulkaasi ay taageereen qorshaha Koonfur Galbeed ku rabto Itoobiyaanka, kuwaas oo iyana uga sii darah xiisadda haatan taagan oo yeelatay waji cusub, kuwaas oo uu umahad-celiyay Lafta-gareen. Si kastaba, waxaa haatan isha lagu hayaa waxa kasoo bixi doona kulamada xasaasiga ah ee madaxda dowladda federaalka ee ku sugan Baydhabo iyo maamulka Koonfur Galbeed uga socda caasimada maamulkaasi. The post Xog: Xamza iyo Sanbaloolshe oo Baydhaba u tegay baajinta qorshe xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
The news this past week that five Somali officers and their family members were allegedly secretly wiretapped and surveilled by the Ottawa Police Service is deeply troubling. Some supposedly have loose family connections who are, possibly, engaged in gang-related activity. Two of the officers say they had no relationship with and had not even seen the cousins in question for years Source: Hiiraan Online
-
Garowe (HOL) — The Banadir Regional Administration has issued a ban on constructing high-rise buildings near Mogadishu's Aden Adde International Airport, citing security concerns. The new restrictions, which took effect on Wednesday, seek to enhance air traffic safety in surrounding areas. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (HOL) — The Banadir Regional Administration has issued a ban on constructing high-rise buildings near Mogadishu's Aden Adde International Airport, citing security concerns. The new restrictions, which took effect on Wednesday, seek to enhance air traffic safety in surrounding areas. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa caawa bedelay wasiirkii wafaafinta xukuumadiisa oo ahaa xubin firfircoon. Qoor Qoor ayaa soo saaray dikreeto uu ku magacaabay Cali Maxamuud Faarax inuu noqdo wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowlad goboleedka Galmudug. Wasiirkii xilkaan laga qaaday Abshir Cabdi ayaa ka mid ahaa wasiirrada ugu dhow Qoor Qoor ee sida dhow ula shaqeeya. Abshir Cabdi oo laga qaaday xilkaan Cali Seeko loo magacaabay ayaa ka soo jeeda Beesha Saruur, waxaana suurtagal ah in xilka qaadistaan ay salka ku heyso xiisad ka taagan magaalada Xarardheere. Wasiir hore Abshir ayaa ka mid ahaa xubnihii ugu muhiimsanaa ee Qoor Qoor kala shaqeeyey in is-bedel uu ku sameeyo maamulka degmada Xarardheere, iyadoo xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee degmadaas. Wasiir Abshir oo beesha Saruur ku metelayey siyaasadda Galmudug ayaa hormuud u ahaa isbedelkaas, wuxuuna kaalin ka qaatay in xoog iyo xeelad Xarardheere lagu geeyo guddoomiyihii uu magacaabay Axmed Qoor Qoor, ugu dambeyntiina waa ku guuleyteen taas. Saruur ayaa aad ugu kala jabay arrintaas, waxayna xogo kala duwan ka soo baxayaan sababta uu Qoor Qoor xilkii ugu qaaday saaxiibkiis, kadib markii uu u isticmaalay xilka qaadistii guddoomiyaha Xarardheere oo inta badan beesha Saruur ay ka carootay. Xubno xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Qoor Qoor iyo Saruurkii carooday ay wadahadal galeen, isla markaana lagu heshiiyey in la tuuro Wasiir Abshir, isla markaana la magacaabo xubin lagu qancinayo gadoodka beesha iyo qodobo kale oo ay ka tabanayeen maamulka Galmudug. The post Qoor Qoor oo xilkii ka qaaday wasiir muhiim ah oo xiisadii Xarardheere loo adeegsaday appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (HOL) — Ahmed Elmi Osman (Karaash), the former Vice President of Puntland, has warned international companies about the Holhol oil field in Somalia's Sool region. His comments follow an announcement from Somalia's Minister of Petroleum, who revealed new oil exploration agreements, including the Holhol reserve. Source: Hiiraan Online
-
Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta guud ee boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay’adaha amaanka Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 10 rag ah. Raggan ayaa lagu eedeeyay inay geesteen falal isugu jira dil,dhaawac iyo dhac dadweyne oo ay ka wadeen degmooyin kala duwan ee Caasimadda Muqdisho. Laamaha nabad-gelyada ayaa sheegay inay baaris ku wadaan kooxda dhaca dadweynaha lagu soo eedeeyay , islamarkaana ay maxkamadda qaadista galdacwadeedkooda awoodda u leh hor geyn doonaan. Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Shaqadii garoonka diyaaradaha caalamiga ah Joma Kenyatta ee caasimadda dalka Kenya ayaa hakad galay, iyadoo shaqaalaha duulista ay sameeyeen shaqo joojin ay kaga cabanayaan soo jeedin ah in xarunta laga kireeyo shirkad laga leeyahay dalka Hindiya. Boqolaal rakaab ah ayaa ku xayiran garoonka, kaas oo ah xuddunta ugu weyn ee bariga Afrika. Ururka shaqaalaha duulista ayaa ka digay shaqo joojin aan la cayimin kadib markii ay dawladda Kenya ku guul-darraysatay inay faahfaahin ka bixiso heshiiska muranka dhaliyay. Dowladda Kenya ayaa si cad u diiday soo jeedintaas ururka shaqaalaha duulista, iyadoo sheegtay in garoonku uu ku shaqeeyo si ka baxsan awoodiisa, isla markaana uu u baahan yahay maalgashi gaar ah, si loo tayeeyo. Qaar kamid ah shaqaalaha iyo dad kale oo u soo hiiliyey ayaa saakay soo dhoobtay jidadka soo gala garoonka, iyagoo yeerinaya turumbooyin caag ah, isla markaana ku dhawaqaya “Shirkadda Caddaani ha baxdo.” Muuqaallo laga soo duubay dadkii banaanbaxa dhigay waxaa ka soo muuqday askari boolis ah oo ul ku garaacaya dibad-baxayaasha. Duulimaadyada saakay baaqday waxaa ka mid ah duulimaadyadii aadi lahaa Muqdisho, waxayna arrintaan si weyn u saameysay Soomaalidii ka safri laheyd Nairobi. Haashim Cali oo ah maamulaha guud ee Primier Airlines ayaa BBC uga warramay xaaladda garoonka, waxa uu sheegay in xaalku yahay mid cakiran oo saameyn ku yeeshay shaqo joojinta shaqaalaha hey’adda duulista Kenya ay sameeyeen, ugu yaraan saddex duulimaad ayaa saakay ka baaqday shirkadda Haashim. “Dadka safarka ah oo ay Soomaali ku jirto ayaa ilaa xalay saqdii dhexe taagnaa garoonka, kuwaas oo aan u sheegnay markii danbe in ay guryahooda aadan” ayuu yiri Haashim oo kamid ah maamulayaasha shirkadaha diyaaradaha maanta baaqday ee ku xayirmay Nairobi. The post Duullimaadyadii Soomaalida ee Kenya oo xayiran iyo xaalad cakiran oo taagan appeared first on Caasimada Online.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Guddiga wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka Carabta ayaa maanta xaqiijiyey taageerada xoogan ee qaraniada Soomaaliya, iyaga oo dalalkan uga digeen Itoobiya ku xad-gudub madax-banaanida dalkeenna. Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi oo shir guddoomiyey kulan gaar ah oo heer wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Carabta ee u xilsaaran taageerada Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira, ayaa waxaa lagu xoojiyay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka. Shirkan oo qeyb ka ahaa fadhiga 162-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta ee heerka wasiirrada arrimaha dibedda, ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray sidii loo xoojin lahaa garab-istaagga dalalka Carbeed iyo taageeridda Soomaaliya si loo difaaco madax-banaanideeda. Guddiga ayaa bayaan ay soo saareen si wadajir ah ugu xaqiijiyey inay taageersan yihiin Soomaaliya, waxayna gebi ahaanba ka digeen fara-gelinta shisheeye ama isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo madax-banaanida Soomaaliya. Sidoo kale waxay wasiiradda ugu baaqeen wadamada deriska ah gaar ahaan Itoobiya inay ka fogaato ficillada wax u dhimi kara xasilloonida Soomaaliya iyo mandiqadda ama waxyeeleyn kara madax-banaanida dalka. Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Baxrayn, Muritaaniya, iyo Masar oo ay weheliyaan Safiirka Jabuuti u fadhiya Masar iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah u diiday heshiiskii beenaadka Itoobiya ay ku doonayso in ay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya damaaciso. Sidoo kale waxay dhanka kale mawqifkooda ku caddeeyeen in gobolada Waqooyi (Somaliland) ay yihiin qeyb ka mid ah dalweynaha Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaanka guddiga. Bayaankan ayaa waxa kale oo uu muujinayaa sida ay uga go’an tahay Jaamacadda Carabta iyo dowladaha xubnaha ka ah inay difaacaan oo ilaaliyaan qaranimada Soomaaliya, iyadoo la raacayo mabaadi’da caalamiga ah ee faragelinta ka madax-bannaan iyo ilaalinta xuduudaha dhuleed. The post SOOMAALIYA oo heshay taageero hor leh iyo dalal u digay ITOOBIYA appeared first on Caasimada Online.
-
Under Abiy Ahmed Ethiopia has embraced the rejectionist position of Al-shabaab regarding the sovereignty of the Federal Republic of Somalia. Garowe (PP Editorial) —The Executive Order of the Government of the United States issued on 6 September 2024 mentions that the situation in Northern Ethiopia threatens “the peace, security, and stability of Ethiopia and the greater Horn of Africa region, continues to pose an unusual and extraordinary threat to the national security and foreign policy of the United States.” The Ethiopian government has undermined the Pretoria Agreement. The conflict in the Amhara and Oromo regions, and the violation of the sovereignty of Somalia after Ethiopia signed a maritime Memorandum of Understanding with Somaliland administration, a secessionist entity, indicate that Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia, is trying to ride two horses simultaneously: to claim Ethiopian exceptionalism in Africa when his regime gets criticised for human rights violations, and to show utter disregard for the rule-based global order. “In the Iraq War, I fought with them. I was the one who would send intelligence from this part of the world to the N.S.A., on Sudan and Yemen and Somalia. The N.S.A. knows me. I would fight and die for America” Abiy Ahmed told the New Yorker in September 2022. By divulging how the former EPRDF regime shared intelligence with the USA, Abiy Ahmed proved himself to be an unreliable leader who betrays friends for personal reasons. “…the national emergency declared in Executive Order 14046 of September 17, 2021, must continue in effect beyond September 17, 2024. Therefore, in accordance with section 202(d) of the National Emergencies Act (50 U.S.C. 1622(d)), I am continuing for 1 year the national emergency declared in Executive Order 14046 with respect to Ethiopia” reads the Executive Order issued by President Joe Biden last week. USA and the International Partners of Somalia invest time and resources in rebuilding Somali institutions at the federal government and federal member state levels to counter the threat of transnational terrorism exemplified by Al-Shabaab. That the Ethiopian government embraced the rejectionist position of Al-Shabaab regarding the sovereignty of Somalia is a cause for concern given that Ethiopia maintains a peacekeeping force within ATMIS in Somalia. The international community has a moral obligation to treat as a spoiler the leader of any country who violates the sovereignty of the Federal Republic of Somalia, a country that is recovering from state collapse and a civil war. © Puntland Post, 2024 The post The situation in Ethiopia poses a threat to the Horn of Africa and US national interest appeared first on Puntland Post.
-
Dr. Essa Kayd, Minister of Foreign Affairs met with reps of diplomatic missions in Hargeisa. Photo: Somaliland Foreign Ministry Addis Abeba – Somaliland Ministry for Foreign Affairs and International Cooperation said Dr. Essa Kayd, Minister of Foreign Affairs, addressed the international diplomatic missions in Hargeisa today, providing updates on significant regional issues. The Ministry said Dr. Essa Kayd informed the diplomats he met with that the Memorandum of Understanding (MoU) between Somaliland and Ethiopia “is finalized, and a formal legal agreement is imminent.” News: Somaliland tells diplomats in Hargeisa MoU with Ethiopia ‘finalized’, ‘formal legal agreement imminent’ September 11, 2024 3 minutes read Dr. Essa Kayd, Minister of Foreign Affairs met with reps of diplomatic missions in Hargeisa. Photo: Somaliland Foreign Ministry Addis Abeba – Somaliland Ministry for Foreign Affairs and International Cooperation said Dr. Essa Kayd, Minister of Foreign Affairs, addressed the international diplomatic missions in Hargeisa today, providing updates on significant regional issues. The Ministry said Dr. Essa Kayd informed the diplomats he met with that the Memorandum of Understanding (MoU) between Somaliland and Ethiopia “is finalized, and a formal legal agreement is imminent.” This is the second major statement about the MoU from Somaliland after its announcement in February this year that Somaliland was “on course without any wavering, and remain seized” of the implementation of the MoU, and that a technical team, a team of international legal experts and a high-level advisory group to advise and guide the process has been appointed. Although Ethiopia has since been largely quiet about any practical progress on the MoU, in a resolution issued in January, members of both the Executive and the Central Committee of the ruling Prosperity Party (PP) said that the party has decided to bring the MoU “to a practical agreement” while simultaneously giving attention to the principles of give and take to secure additional options to port access with other neighboring countries. The ruling party maintained the MoU was a testament to “Ethiopia’s position for regional economic and cultural ties.” The signing of the MoU on 01 January 2024, granting Ethiopia access to the sea in return for international recognition for Somaliland, has escalated tensions in neighboring Somalia, which argued that the MoU “violates its sovereignty and territorial integrity”. Two rounds of talks facilitated by Türkiye aimed at easing tensions between Ethiopia and Somalia have concluded without an outcome. The tensions between the two neighboring countries have since peaked momentum, leaving a trace of doubts on the likelihood of a third round of talk. Egyptian forces in Somalia During the briefing today, Dr. Kayd also expressed the Somaliland government’s deep concerns regarding the presence of Egyptian military forces in neighboring Somalia. In July this year, Somalia’s cabinet formally approved the implementation of a defense agreement with Egypt, finalizing a deal shrouded in secrecy since its signing in January 2024. Egypt has last month sent military officers and heavy equipment to Mogadishu, Somalia as part of a bigger deployment that media reports said could involve up to 10,000 Egyptian soldiers in Somalia. The move was met with a warning from the Ethiopian government that the transition from the African Union transition mission in Somalia (ATMIS) to a new peace support mission is “fraught with dangers” to the region. Ethiopia also warned that it “cannot stand idle while other actors are taking measures to destabilize the region.” Ethiopia is vigilantly monitoring developments in the region that could threaten its national security, according to a statement released by the Ministry of Foreign Affairs. Egypt’s decision to deploy its forces further complicated not only regional dynamics, but also relations within Somali political actors. This week, Somali MPs from the South West State opposed the deal between Somalia and Egypt, warning it could lead to a “dangerous situation” in the region. The MPs issued a statement calling for careful consideration of international agreements. They warned that certain agreements could “bring the ‘Nile issue’ to Somalia” and potentially “lead to a war in the Horn of Africa.” Dr. Kayd told the diplomatic mission today that the deployment of Egyptian forces in Somalia “is contributing to proxy conflicts in the region.” Earlier today, Dr. Kayd announced that the Somaliland government “has decided to permanently close the “Egyptian Cultural Library” in Hargeisa due to serious security concerns. All staff have been ordered to leave the country within 72 hours.” AS The Minister of Foreign Affairs @DrEssaKayd informed the public that the Somaliland government has decided to permanently close the "Egyptian Cultural Library" in Hargeisa due to serious security concerns. All staff have been ordered to leave the country within 72 hours. pic.twitter.com/U0LHP5Ym9a — MFA Somaliland (@somalilandmfa) September 11, 2024 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa nooca hub ee ay sideen diyaaradihii dowladda Masar ee daba-yaaqadii bishii Augusta yimid garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Diyaaradahan ayaa hubka ay sideen waxaa kamid ahaa gantaallada lidka taangiyada ee garabka laga rido ee dhalaaliya taangiyad ee loo yaqaan Shoulder Fired Anti-Tank Missiles, kuwaas oo tiradoodu gaarayso illaa 141, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil milateri. Sidoo kale waxa kamid ahaa qalabka ay sideen diyaaradaha Masar ee yimid Muqdisho, Radar-ka soo qabta diyuurada dagaalka, kaas oo ka kooban laba sad ama labo qalab oo mid kasta si gooni ah u shaqeyn karo. Miinooyinka loogu talo-galay in ay qarxiyaan taangiyada oo aad u horumarsan ayaa iyagna kamid hubka la keenay Muqdisho. Inkasta oo aad looma hubin tiradooda, haddana waxay ilaha nala hadlay inoo xaqiijiyeen in ay kor u dhaafayaan 1500. Hubkan oo hordhac lagu sheegay ayaa waxaa lagu wareejin doona ciidamada Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka yahay heshiiska difaac iyo amni ee dhawaan ay gaareen labada dal ee Masar iyo Soomaaliya. Imaatinka hubkan ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli ciidamada Masar la filayo inay yimaadan Soomaaliya, taas ka sakowna Qaahira waxa ay tayeyn doontaa oo hub iyo qalab ay siineysaa ciidamada Soomaaliya. Heshiiska dhanka amniga ee Soomaaliya iyo Masar ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Itoobiya kala dhaxeysa Soomaaliya, sidoo kalena uu Qaahir iyo Addis Ababa ka dhaxeeyo khilaafka diblumaasiyadeed ee salka ku haya webiga Niilka oo Itoobiya ka sameysatay biyo xireen weyn. The post Xogta HUB culus oo saarna diyaaradihii MASAR ee Muqdisho yimid appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shaaciyay jidka keliya ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku qaban karo doorasho qof iyo cod ah oo haatan uu si weyn ugu dhagan yahay. Fahad ayaa soo qaatay afar xaaladood oo uu sheegay in midkood uun ku hirgasho doorasho qof iyo cod ah, isaggoo xusay in mid keliya u shaqeyn karto Xasan, haddii uu kaas diidana aysan u soconeyn sida uu hadda wax u wato, sida uu sheegay. Midda u shaqeyn karta madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay inay tahay “heshiis wadar ogol ah oo dalka ku aado doorasho qof iyo cod ah,” xilli uu si weyn mucaaradka u diidan yahay qorshaha doorasho ee Xasan uu diyaarinayo. “Madaxweyne Xasan Sheekh afartaas jid waxaa ugu dhaw inuu heshiis wadar ogol ah ku raadiyo doorasho dadweyne. Midda shanaad ee uu kaligiis wato waxaa la dhahaa ANAA GATAY, ANAANA GADISTAY, waana riyo hurdadeeda uu kasoo toosayo subaxnimada 16-ka May 2026,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo saaray maanta. Hoos ka aqriso qoraalka Fahad oo dhameystiran; Dunida oo dhan afar xaaladood midkood bay ku hirgashaa doorasho qof iyo cod. 𝗞𝗼𝗼𝘄: In Madaxweyne kaligii talis ah uu qabto doorasho, qofkay shacabka doortaanna uu xilka ku wareejiyo. Sidaas waxaa yeelay Madaxweynihii hore ee Kenya Danial Arap Moi. 𝗟𝗮𝗯𝗼: In quwado shisheeye qasabto oo ay diyaariso hab doorasho dadweyne loogu dareero, kadibna xilka lagu wareejiyo dowladdaas ay shacabku doorteen. Sidaas waxay ka dhacday Ciraaq iyo Afgaanistaan. 𝗦𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅: In heshiis siyaasadeed lagu gaaro, oo si wadar ogol ah lagu qabto doorasho heshiis lagu wada yahay. Sidaasna, waxaa tusaale fiican u ah maamulka gooni goosadka ah ee Soomaaliland. 𝗔𝗳𝗮𝗿: In Madaxweynaha xilka ku fadhiyo uu ku dhawaaqo in uusan musharax ahayn, uuna xilka ku wareejiyo hogaamiyaha ay shacabka doortaan. Sidaasna waxay ka dhacday Suudaan iyo Muuritaaniya. Madaxweyne Xasan Sheekh AFARTAAS jid waxaa ugu dhaw inuu heshiis wadar ogol ah ku raadiyo doorasho dadweyne. Midda shanaad ee uu kaligiis wato waxaa la dhahaa ANAA GATAY, ANAANA GADISTAY, waana riyo hurdadeeda uu kasoo toosayo subaxnimada 16ka May 2026. The post FAHAD oo shaaciyay halka jid ee Xasan u furan si meel mar u noqdo qorshihiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Qaahira, – Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo heer Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Dalalka Carabta ee u xilsaaran taageerada Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira, iyadoo ay ka soo qayb galeen wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka ku jira guddiga taageerada Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta. Shirkan oo qeyb ka ahaa fadhiga 162-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta ee heer Wasiirrada Arrimaha Dibedda, wuxuu xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa garab-istaagga dalalka Carbeed iyo taageeridda Soomaaliya si loo difaaco madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Dalka. Guddiga ayaa bayaan ay soo saareen si wadajir ah u xaqiijiyey inay taageersan yihiin Soomaaliya, waxayna gebi ahaanba ka digeen faragelinta shisheeye ama isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo madaxbannaanida Soomaaliya. Sidoo kale, Wasiirradu waxay ugu baaqeen wadamada deriska ah Gaar ahaan Itoobiya inay ka fogaato ficillada wax u dhimi kara xasilloonida Soomaaliya iyo mandiqadda ama waxyeeleyn kara Madaxbannaanida Dalka. Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Baxrayn, Muritaaniya, iyo Masar oo ay weheliyaan Safiirka Jabuuti u fadhiya Masar iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah u diiday heshiiskii beenaadka Itoobiya ay ku doonayso in ay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya damaaciso, ayagoo dhanka kalena mawqifkooda ku caddeeyey in Gobolada Waqooyi (Somaliland) ay yihiin qeyb ka mid ah Dalweynaha Soomaaliya. Bayaankan wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay Jaamacadda Carabta iyo dowladaha xubnaha ka ah inay difaacaan oo ilaaliyaan Qaranimada Soomaaliya, iyadoo la raacayo mabaadi’da caalamiga ah ee faragelinta ka madax-bannaan iyo ilaalinta xuduudaha dhuleed Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Masar, ayada oo ku dhowaaqday in ay xirtay Maktabad ay Masaarida ku lahaayeen magaalada Hargaysa. Bayaan kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in la xiray Maktabadaasi, iyadoo geesta kale lagu xusay in is-afgaradkii ay horraantii bishan gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed laga gaaray guul wax ku ool ah. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in la xidhay maktabaddii Masaarida ee magaalada Hargeysa, iyada oo geesta kale uu guul ku soo dhammaaday is-fahankii dawladaha Somaliland iyo Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyay telefishanka ku hadalka afka xukuumadda Somaliland. Somaliland ayaa iyadu si lamid ah Itoobiya khatar u aragta ciidamada Masar ee la filayo inay yimaadaan Soomaaliya, iyada oo maamulka Biixi uu si weyn uga xumaaday heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Masar, taas oo keentay xirista Maktabadii Masaarida ee Hargeysa. Itoobiya oo shalay soo bandhigtay guulihii ay gaartay sannadkii 2016 ee tirsiga dalkaasi, ayaa soo bandhigtay sawirkii madaxweynaha Somaliland iyo kan ra’iisul wasaaraha Itoobiya xiligii ay saxiixayeen is-afgaradka. Bandhiga Itoobiya ayaa loo fahmay in xukuumadda Abiy ay ka go’antahay inay hirgaliso heshiiska, oo wali aan rasmi noqon, kaas oo Somaliland ay sheegtay inuu dhow yahay in si buuxda loo saxiixo heshiiska. Si kastaba, heshiiska labada dhinac ayaa sababay in uu xumaado xiriirkii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda labada dhinac ay kasii darto haddii Abiy u bareero xad-gudubka uu kula kacay madax-banaanida Soomaaliya. The post SOMALILAND oo qaaday tallaabo cusub oo ka dhan ah MASAR, ayada oo xirtay… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray awaamiir culus oo uu ku mamnuucayo in dabaqyo dhaadheer laga dhiso goobo cayiman oo magaalada caasimada ee Muqdisho. Maamulka gobolka ayaa mamnuucay in dabaqyo ama dhismayaal dhaadheer laga dhiso agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, gaar ahaan degmooyinka ku hareereysan sida: Xamar weyne, Xamar-jajab, Waaberi, Wadajir iyo Dharkeynleey qeybta Jaziira. Sidoo kale waxa uu maamulka sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhda tahay 11-ka bisha 9 ee 2024 uu dhaqan-gal yahay amarkaan, islamarkaan aan laga dhisi karin dhismo dheer gudaha garoonka Aadan Cade iyo Xalane hareerahooda. “Waxaa la mamnuucay oo kale in dabaqyo dheer laga dhisi karin bar-kontrolada laga soo galo garoonka Aadan Cade, guri aan ka dheereyn saddex dabaq,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta. Waxa uu intaas kusii daray “Laga billaabo maanta in aan laga dhisi karin xeendaabka garoonka Aadan Cade iyo Xerada xalane guri aan dhismahiisu ka dheereen hal dabaq.” Maamulka gobalka Banaadir ayaa ku goodiyay in ciddii ku xad-gudubta ama u hoggaansami weyda awaamiirtan laga qaadi doono tallaabo sharci ah. Awaamiirtan cusub ee uu maanta soo rogay maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in loo gaaray sababo la xiriirta amniga garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, kadib cabasho ka timid diyaaradaha caalamiga ee yimaada garoonka. Hoos ka daawo muuqaalka The post Maxay yihiin goobaha gobolka Banaadir uu mamnuucay in laga dhiso dabaqyo? + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, ku yaal ee Muqdisho, ayaa laga mamnuucay dhismaha dabaqyo ka dheer hal-biyaano. go’aankaan ayaa ka hortagaya in dhismayaasha cusub ee garoonka ay dhaafaan hal dabaq, taasoo macnaheedu yahay in aan la dhisi karin dhismooyin dhaadheer. Amniga Garoonka Aadan Cadde wuxuu muhiim u yahay amniga duulista hawada. Dhismayaal dhaadheer ayaa keeni kara arrimo amni, sida saamaynta muuqaalka garoonka iyo ka hortagga dhibaatooyinka suurtagalka ah ee ku yimaada diyaaraduhu sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Wasaaradda duulista hawada. Dhismaha Hadda socda, Dhismooyinka hadda socda ee ka baxsan xeerkan ayaa la joojiyay si loo hubiyo in dhammaan dhismayaasha cusub ay waafaqsan yihiin shuruudaha xeyndaabka. Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa sheegay in go’aankan uu yahay wada shaqeyn u dhexeeya maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, si loo xaqiijiyo in garoonka Aadan Cadde uu sii ahaado mid ku habboon oo ammaan ah. Xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ka socda Dhismayaal kala duwan inta badan dhismayaashaasi waxaa leh mas’uuliyiin dowladeed. Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa haatan wada-hadallo cusub kula jirto dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ay wadaa qorshe culus oo ay ku dooneyso in dalka uga sameysaneyso xarun lagu tijaabiyo gantaallada iyo dayax-gacmeedyada. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in wada-hadalladu ay marayaan meel xasaasi ah, isla markaana Turkiga uu doonayo inuu isku ballaariyo Soomaaliya, maadaama uu haatan saaxib la yahay, isla markaana uu ka taageero dhanka milatariga. Qorshahan ayaa qayb ka ah kordhinta masaafada gantaallada gudaha laga sameeyo, gaar ahaan Tayfun, oo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu sheegay sanadkii 2022 in lagu tuuri karo masaafo dhan 560 kiiloomitir (350 mayl). Turkiga ayaa leh barnaamij muddo dheer soo socday oo ku saabsan tijaabinta gantaallada masaafo dheer iyo in ay qayb ka noqdaan tartanka hawada sare ee caalamka. Arrintan weli kama hadlin dowladda Soomaaliya, waxaana la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali uu diiday in uu faah-faahin ka bixiyo wada-hadallada socda iyo qorshaha Turkiga ee ku aadan sameysashada xarun lagu tijaabiyo gantaallada iyo dayax-gacmeedyada. Soomaaliya ayaa ku habboon in laga gano gantaallada Turkiga ee loo tuurayo Badweynta Hindiya, iyadoo sidoo kale loo arko meel ku habboon in laga sameeyo xarun hawada sare, sida ay qabaan khubarada amniga. Si kastaba, Turkiga ayaa waxa uu ka mid yahay quwadaha shisheeye ee si joogto ah u xoojinaya xiriirkooda Soomaaliya tan iyo markii uu Soomaaliya usoo gurmaday 2011-kii. The post Turkiga oo billaabay qorshe culus oo uu Soomaaliya uga sameynayo xarunta tijaabada… appeared first on Caasimada Online.