-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta saanad milatari oo leh noocyo duwan kala wareegtay Ururka Midowga Yurub, kadib munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo la wareegay saanaddan ayaa faah-faahin ka bixiyay, wuxuuna sheegay inay ka kooban tahay dhowr nooc, sida gaadiidka xamuulka ee ay adeegsadaan ciidamada qalabka sida. Agabka milatari ee ay maanta dowladda la wareegtay waxaa kale oo kamid ah qalabka ka hortegga miinooyinka iyo kuwo caafimaad oo loogu talagalay ciidamada Xoogga dalka. “Halkan waxaan maanta kula wareegeynaa qalab muhiim u ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan gaadiidka waa wayn ee xamuulka qaada, sidoo kale ay ku jiraan qalabkii caafimaadka oo dagaallada lagu galayay” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Cabdi. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa kale oo alaabta aan la wareegnay ku jiro qalabka miinooyinka, intaan waa kasii badan qalabka laakiin waa tusaale inta aan soo bandhigtay”. Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay marweliba la garab taagan yihiin ciidamada Soomaaliya. “EU-da sida aad ogtihiin Soomaaliya wax badan ayay garab siisay haddii ay ahaan lahayd tababarrada ciidamada iyo qalabeyntooda, waana uga mahadcelineynaa” ayuu ku daray. Muddooyinkii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa heleysay kaalmo milatari oo caalami ah, waxaana dhawaan ay la wareegtay markab hub siday oo ay usoo dirtay Masar. Dhammaan tallaabooyinka ayaa kusoo beegmaya, kadib qaadistii cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarneyd Soomaaliya, taas oo ugu dambeyn guul wayn laga gaaray. The post DF Soomaaliya oo heshay gaadiid dagaal oo casri ah + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta diyaarad nooca dagaalka ah ay ku dhacday duleedka degmada Qoryooley, gaar ahaan tuulo ay maamulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Xog heshay Caasimada Online ayaa ku warrameysa in diyaaradda ay ahayd Drone siday gantaallo waxayna ku dhacday tuulo lagu magacaabo Farsooley, oo ay gacanta ku heyso Al-Shabaab. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in diyaaraddan ay leedahay dowladda Turkiga oo kamid ah dalalka waa weyn ee taageerada milatari siiya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Macluumaadka la helayo ayaa muujinayo in Al-Shabaab ay gacan gashay diyaaradda iyo agabkii ay sidday, inkastoo ay ahayd nooca yaryarka ee loo adeegsado duqeymaha. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga oo ku aadan diyaaradda ku dhacday tuulada Farsooley oo ku dhow degmada Qoryooley. Turkiga ayaa indhowaanahan ka qayb-qaadanayay dagaalka Al-Shabaab, waxaana diyaaradihiisa dagaalka ay duqeymo ka wadeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Si kastaba, ma’aha diyaaraddii ugu horreysay oo ku dhacda dhul ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana dhacdooyin soo laa laabtay oo su’aallo iyo shaki xoogan dhaliyay. The post Xogta diyaarad milatari oo ku dhacday deegaan ay maamulaan Shabaab + dalka leh appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa midowga yurub kala wareegtay gaadiid iyo saanad ciidan oo muhiim ah, waxaana munaasabadda wareejinta gaadiidka, saanad ciidan, iyo agab caafimaad oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Jeneraal Dhega-badan ka qeyb-galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga DFS, Ku Xigeenka Agaasimaha Midowga Yurub ee Qaaradda Afrika, Ergayga Midowga Yurub ugu qaabilsan Soomaaliya, saraakiil ka socotay xafiiska UNOPS iyo mas’uuliyiin kale. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaabdhigga XFS Cumar Cali Cabdi oo Midowga Yurub kala wareegay ayaa ka hadlay taageerada midowga Yurub isagoo faahfaahiyay gaadiidka uu la wareegay, Shirjiraa’id oo ay labada mas’uul si wadajir ah u wada qabteen ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Mathieu Briens, Agaasime ku Xigeenka Midowga Yurub ee Qaaradda Afrika Mathieu Breins ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu maanta la joogo wasiiru dowlaha difaaca Soomaaliya iyo dhammaan bahda Midowga Yurub si ay ugu wareejiyaan gaadiid iyo agab militari oo muhiim u ah Soomaaliya, qalabkan oo ay u soo iibisay Midowga Yurub Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi ayaa ka mahadceliyay taageerada Midowga Yurub gaar ahaan gaadiidka iyo agabka lagu wareejiyay waxaana uu sheegay inu midowga Yurub uu yahay saaxiib weyn oo ka mid ah taageerayaasha beesha caalamka. Ugu dambeyntii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ay wehliyaan saraakiisha Midowga Yurub ayaa indha indheeyay fasalada oo ay ka socdaan koorsooyinka tababarada kala duwan ee saraakiisha CXD ay ku qaataan dugsiga Tababarka Jeneraal Dhegobadan. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Labbaad ee Dalka Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar kaga qeyb-galaya Kulanka 12aad ee madasha magaalooyinka Adduunka WUF12 oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dejinta Aadanaha (UN-Habitat). Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa dejinta yoolalka horumarinta waara, magaalaynta, xakameynta caqabadaha hadda jira ee caalamiga ah ee saameeya nolol maalmeedka dadka kor u kaca kharashka nolosha, isbeddelka cimilada, la’aanta adeegyada aasaasiga ah iyo colaadaha adduunka ka socda. Shirkan oo uu furay Madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax Al-Siisi ayaa lagu qabanayaa qaaradda Afrika 20 sano kadib markii la aas aasay sanadkii 2002-kii Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ganacsato dil iyo dhaawac maanta loogu gaystay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka isgoyska Fagax. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in rag ku hubeysan bistoolado ay weerareen kaalin shidaal oo ku taalla halkaasi, waxayna dileen mid kamid ah wiilashii ganacsatada ahaa ee ku sugnaa, iyaga oo dhaawacay mid kale. Wararka ayaa intaasi ku daraya in kaalinta shidaalka ay ku xirneyd kaamirada qarsoon ee CCTV oo ay dhowaan ganacsatada inay xirtaan ku amartay dowladda Soomaaliya. Kooxda dilka fulisay ayaa durbadii meesha ka baxsatay, waxaana goor dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo howlgallo kooban ka sameeyay aagga isgoyska Fagax. Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo beegsiga lagu hayo ganacsatada Muqdisho oo dhibane u noqday amarka dowladda, waxaana weeraro ay kala kulmayaan kooxda Al-Shabaab. Maalmo ka hor ayaa sidaan oo kale xaafadda Soona-key loogu dilay mid kamid ahaa ganacsatada, iyada oo isla goobtaas lagu dhaawacay mid kale, waxaana loo beegsaday kaamiro ay ku xireen dukaankooda. Waxaa sidoo kale kasii horreeyay dhacdo kale oo lagu dilay saddex ganacsato ahaa oo dhowaan dil loogu gaystay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo goobahooda ganacsi ku xiray Kaamiro CCTV, waxaana toogasho ku dilay rag afka soo duubtay oo ugu tegay xarumahooda. Horay sidaan oo kale Al-Shabaab ayaa u beegsatay goobo ganacsi oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda, waxaana xarumaha qaar lala beegsaday qaraxyo u geystay khasaarooyin lixaad leh. Inta badan ganacsatada reer Muqdisho ayaa u hoggaansamay amarka dowladda, laakiin waxa ay u noqdeen dhibanayaal, maadaama ay beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. The post Ganacsato horleh oo dil iyo dhaawac loogu geystay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Berlin (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka. Safarka madaxweynaha Soomaaliya ee Berlin ayaa yimid kadib markii uu martiqaad ka helay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Mr, Olaf Scholz. Madaxweyne Xasan ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doono ra’iisul wasaaraha dalka Jarmalka Olaf Scholz, iyaga oo ka wada-hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ee Jarmalka. Sidoo kale waxay labada masuul kulankooda diirada ku saari doonaan sida dib u soo nooleynta mashaariicdii farsamada gacanta, isbedelka cimilada, horumarnita booliska Soomaaliyeed iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arimo kale. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb-galayo Shirweynaha maalgashiga Afrika iyo Jarmalka, oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soomaaliya, maadaama dalkeenu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleysatay arimaha deyn cafinta, la dagaalanka argagixsada, ku biirista ururka iskaashiga Bariga Afrika. Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa leh taariikh soo jireen ah, waxa uuna safarka madaxweynaha door weyn ka qaadanayaa iskaashiga Jarmalka oo ah dal muhiim u ah Soomaaliya taageerada tooska iyo midda Midowga Yurub. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka… appeared first on Caasimada Online.
-
Dadka ku geeriyooday weerarada maamulka Israa’iil uu ku hayo dalka Lubnaan ayaa 3,000 oo qof sare u dhaafay, halka dhaawacyaduna ay 13,492 marayaan sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka dalkaasi. Dadkan ayaa ku dhintay duqeymaha iyo duullaanka tooska ah ee ay Israa’iil dalka Lubnaan ka geystay 13-kii bilood ee socday dagaalk marinka Qasa, kaas oo ay barbar socdeen duqeymo iyo gantaallo ay is dhaafsanayeen Israa’iil iyo Xisbullaahi. Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay dadka geeriyooday ay ku jiraan 589 oo haween ah iyo ugu yaraan 185 carruur ah, taas oo muujinaysa in dadka rayidka ahi ay dhibaato baaxad leh kala kulmeen weerarada aan loo meel dayin ee ciidanka Israa’iil. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa soo saaray amaro culus oo uu ku sheegay “in lagu adkeynayo nabad-gelyada doorashooyinka soo socda” ee maamulkaasi. Digniintan oo loo diray dhammaan ciidamada iyo daneeyayaasha siyaasadda gobolka, ayaa waxay kusoo baxday wasaaradda wasaaradda amniga Jubbaland, iyadoo uu ku saxiixnaa wasiir ku-xigeenka ahna ku-simaha wasiirka amniga maamulka, Gen. Aadan Axmed Xaaji. Warqaddan oo ka kooban illaa 5 qodob ayaa lagu cadeeyay arrimaha loogu tala-galay sugidda amniga doorashada iyo xakameynta falalka amni-darrada. Maamulka ayaa mamnuucay ilaalada gaarka ah ee musharaxiinta, iyadoo lala socod-siiyay dhamaan musharixiinta iyo daneeyayaasha ka qeyb-galaya doorashada maamulka Jubbaland in amaankooda ay sugayaan ciidanka booliska Jubbaland, sidaas darteedna ay la xiriiraan taliska ciidanka booliska maamulka, si loo siiyo ciidan sharci ah oo suga amaankooda, sida lagu yiri awaamiirta uu soo saaray maamulka Jubbaland. Wasaaradda amniga ayaa sidoo kale mamnuucday in la abuuro ciidamo beeleedyo ama kooxo hubeysan oo khatar gelin kara amniga doorashada, si looga hortago isku dhac beeleed iyo khataraha kale ee nabadgelyo, iyadoo maamulka u digay cid kasta oo ka qeyb qaadata falal argagixiso ama amni-darro, kuna goodisay in tallaabo adag laga qaadi doono. Halkan ka aqriso qodobada kasoo baxay maamulka Jubbaland; Ayadoo lagu guda jiro u diyaar-garoowga qabsoomida doorashooyinka heerarka kale duwan ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa waxaa la farayaa dhamaan ciidamada kala duwan ee Jubbaland qodobada hoos ku xusan; Sidoo kale waxaa la wargelinayaa dhamaan Musharaxiinta iyo daneeyayaasha doorashooyinka dowladda Jubbaland; 1. Dhamaan ciidamada kala duwan ee Jubbaland waxaa la farayaa in ay galaan heegan buuxa oo lagu xaqiijinayo amniga dhamaan deegaanada Jubbaland. Sidoo kale dhamaan ciidamada waxaa la farayaa in aysan ku milmin siyaasadda oo ay joogaan xerooyinkooda iyo goobahooda shaqo. 2. Waxaa mumnuuc ah askari hubeysan oo aan waajib shaqo ku jirin in lagu arko goob aan ahayn goobtiisa shaqo. 3. Dhamaan Musharixiinta iyo daneeyayaasha ka qeyb-galayo doorashada Jubbaland waxaa lagu wargelinayaa in amaankooda ay sugayaan ciidanka booliska Jubbaland, sidaasi darteed waa in ay la xiriiraan Taliska Ciidanka Booliska Jubbaland si loo siiyo ciidan sharci ah oo suga amaankooda. 4. Amaanka deegaanada Jubbaland waa mid la isku halleyn karo waxaana mamnuuc ah in la abuuro ciidamo beeleedyo u abaabulan qaab qabiil oo lagu qal-qal gelinaayo amaanka iyo nabadda ka jirta Jubbaland. 5. Ugu dambeyn cid kasta oo ka qeyb qaadata falal amni darro ama u hogaansami weyso qodabada kor ku xusan waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan. The post Axmed Madoobe oo u jiheystay doorasho iyo 5 qodob culus oo kasoo baxay appeared first on Caasimada Online.
-
Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa maanta oo Talaado ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u soo doortaan madaxweynaha xukumi doona dalka afar sano ee soo socda. Doorashadan taariikhiga ah, waxaa si adag ugu loolamaya Donald Trump, madaxweynihii hore ee Mareykanka oo matalaya xisbiga Jamhuuriga, iyo Kamala Harris, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo ka socota xisbiga Dimuqraadiga. Labada musharax ayaa shalay oo Isniin ahayd, maalintii ugu dambaysay ee ololaha doorashada, xoogga saaray gobolka muhiimka ah ee Pennsylvania. Waxaa la saadaalinayaa in cidda ku guuleysata gobolkan ay hogaamin karto natiijada doorashada. Trump ayaa ololihiisa ku bilaabay magaalada Reading oo ku taalla koonfurta Pennsylvania, halka Harris ay joogtay magaalada Allentown oo u dhow Reading. Trump ayaa dadkii gobolka ku dhiirrigeliyay inay codkooda siiyaan, isagoo sheegay in guushiisu ay ku xirnaan karto taageeradooda. Sidoo kale, Harris ayaa ku boorrisay dadka Pennsylvania inay codeeyaan, iyada oo sheegtay in codkooda uu saameyn weyn ku yeelan doono jihada doorashadan. Gobolkan Pennsylvania ayaa leh 19 cod oo ka mid ah ergooyinka doorashada Mareykanka. Musharaxa hela 270 cod oo ergooyinka gobollada ah ayaa noqon doona madaxweynaha soo socda ee Mareykanka. Trump ayaa ololihiisa ku soo xiray xalay magaalada Grand Rapids ee gobolka Michigan, halka Harris ay ku dhamaysay ololaheeda caasimadda Pennsylvania, Philadelphia. Durba dad kor u dhaafaya 81 Milyan oo qof ayaa codkooda dhiibtay. Source: goobjoog.com
-
Wefdi uu hoggaaminayo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka kadib markii uu martiqaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Mudane Olaf Scholz. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulamo muhiim ah la qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha dalka Jarmalka Olaf Scholz islamarkaana ka wada hadli doonaan xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Jarmalka sida dib u soo nooleynta Mashaariicdii Farsamada gacanta, Isbedelka cimilada, Horumarnita Booliska Soomaaliyeed iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arrimo kale. “Madaxweynaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha dalka Jarmalka Mudane Olaf Scholz iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Jarmalka sida dib u soo nooleynta Mashaariicdii Farsamada gacanta, Isbedelka cimilada, Horumarnita Booliska Soomaaliyeed iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arrimo kale” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia. Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka qeybgalaya Shirweynaha Maalgashiga Afrika iyo Jarmalka oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soomaaliya, maadaama dalkeennu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleystay arrimaha deyn cafinta, la dagaalanka Argagixsada, ku biirista Ururka Iskaashiga Bariga Afrika, sida ay tilmaantay Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Caasimadda dalka Jarmalka ee Berlin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta afar diyaaradood u dirtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfut Galbeed. Diyaaradahan oo sida shixnado gargaar mucaawino ah ayaa waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dirtay hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA, taas oo dowladda federaalka u qaabilsan arrimaha gargaarka iyo taakuleynta. Ujeedka gargarkaan ayaa lagu sheegay in shacabka magaladaas uga gaashaantaan abaarta cabsida laga qabo, waxaana hore gargarkaan Soomaaliya ugu deeqay dowladda Shiinaha. Agasimaha waaxda gargaarka SODMA Sahra Cali Yuusuf oo warbaahinta kula hadashay gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa sheegtay in gargaarkan looga jawaabayo baaqii madaxda qaranka iyo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka. “Waxaan halkan maanta ka dirnay afar flight oo aan u dirnay degmada Baydhabo, iyada oo aan ka jawaabeyno baaqii naga soo gaaraya madaxda qaranka iyo shacabka ku dhaqan degmada Baydhabo, iyadoo laga digayo abaaraha ba’an ee hadda la saadaalinayo,” ayey tiri Marwo Sahra Cali Waxay intaas kusii dartay “Waxaan rajeynaynaa in ay sii socon doonaan baaqyada iyo ka jawaabitaanka hay’adda maareynta masiibooyinka, iyada oo marwalba u taagan inay gargaar bini’aadannimo gaarsiiso dadka Soomaaliyeed ee inta badan abaaraha iyo ilinadu ku habsadaan.” Tan ayaa bilow u ah ka jawaabida xaaladda ka taagan Baydhabo iyo in shacabkeeda helaan gargaar deg-deg ah, si looga gaashaanto abaarta laga cabsi qabo, sida ay sheegtay hay’adda SODMA, oo ayadu dowladda federaalka Soomaaliya ugu xilsaaran howlahaan. The post Sawirro: DF Somalia oo maanta AFAR diyaarad u dirtay Baydhabo – Maxay sidaan? appeared first on Caasimada Online.
-
Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka ka dib markii uu martiqaad ka helay R/Wasaaraha Jarmalka Mr, Olaf Scholz. Madaxweynaha ayaa kulamo. muhiim ah la qaadan doono R/wasaaraha dalka jarmalka mudane Olaf Scholz iyaga oo ka hada hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ee Jarmalka sida dib u soo nooleynta mashaariicdii farsamada gacanta, isbedelka cimilada, horumarnita booliska Soomaaliyeed, iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arimo kale. Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeybgalayo Shirweynaha maalgashiga Afrika iyo Jarmalka, oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soomaaliya, maadaama dalkeenu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleysatay arimaha deyn cafinta, la dagaalanka Argagixsada, ku biirista ururka iskaashiga Bariga Afrika. Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa leh taariikh soo jireen ah, waxa uuna safarka Madaxweynahu soo cilinayaq iskaashiga Jarmalka oo ah dal muhiim u ah Soomaaliya Taageerada tooska iyo midda Midowga Yurub. Source: goobjoog.com
-
Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kuwaas oo ay guullo ka sheegatay dowladda Soomaaliya. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaano dhowr ah, waxaana kamid ah Jeeroow, Atuunyo, Libsoome, Safaari, Mudulow iyo kuwa kale Howlgalladan ayaa waxaa horkacayay taliyaha ururka 26-aad ee guutada 6-aad G/Le Faarax Maxamuud Xersi oo uu wehliyo taliyaha gorinta 1-aad Dhamme Cabdisalaam Aadan Cali, waxaana khasaaro lixaad leh lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya. “Geesiyaasha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Howlgallo Khasaaro lagu gaarsiiyey Khawaarijta ka sameeyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo xoogan ciidamadu ay ka wadaan deegaanada ay maanta gaareen, si ay u xaqiijiyaan amniga. Dhinaca kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalka maanta ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka. Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Khawaarijta, waxaana howlgallo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya, si looga xoreeyo gobolkaasi. The post Howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay SH/HOOSE + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
The United States has voiced concern about growing violence in Ethiopia's Amhara state, scene of an insurgency since last year, the country's top diplomat said late Monday. Source: Hiiraan Online
-
Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa soo saartay go’aanno amni oo ku saabsan u diyaar-garowga doorashada Madaxweynaha Jubaland. Wasaaradda Amniga gudaha Jubaland ayaa soo saartay wareegto amni oo ka kooban 5 qodob kuwaasi oo salka ku haya u diyaar-garowga doorashada Madaxweynaha Jubaland. “Dhammaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland waxaa la farayaa in ay galaan Heegan buuxa oo lagu xaqiijinayo amniga dhammaan degaannada Jubaland” ayaa lagu yiri Wareegtada ka soo baxday Jubaland. “Sidoo kale dhammaan Ciidamada waxaa la farayaa in aysan ku milmin Siyaasadda oo ay joogaan xerooyinkooda iyo goobahooda Shaqo” ayay sii raacisay Wareegtada oo uu ku saxiixan yahay wasiir ku xigeenka Amniga Jubaland Aadan Axmed Xaaji. Dhammaan Musharrixiinta ka qayb galaya doorashada Jubaland ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in ammaankooda ay sugayaan Ciidamada Booliska Jubaland islamarkaana la siinayo Ciidan sharci ah. “Waxaa mamnuuc ah in la abuuro Ciidamo beeleedyo u abaabulan qaab Qabiil oo lagu qalqal gelinayo Ammaanka iyo Nabadda ka jirta Jubaland” ayay intaasi ku dartay Wareegtada ka soo baxday Dowlad Goboleedka Jubaland. Halkaan ka akhriso go’aannada Jubaland PUNTLAND POST The post Jubaland oo soo saartay go’aanno ku saabsan Sugidda Amniga doorashada Maamulkaasi appeared first on Puntland Post.
