Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga Booliiska degmada Warta-Nabadda, ayaa gacanta ku soo dhigay Cabdi Casiis Cismaan Maxamed, oo loo yaqaan Sadaam. Eedeysanaha ayaa lagu eedeeyay in uu dilay Marxuumad Khadiijo Cabdi Maxamed, oo 20 jir ahayd. Khadiijo ayaa aheyd haweeney uu xiriir hasaawi ah kala dhaxeeyay eedeysanaha. Ciidanka Booliiska ayaa sheegay in ay heleen caddeymo muujinaya in Cabdi Casiis uu mas’uul ka yahay dilkaas, sidaas darteedna waxaa la soo qabtay si loo baaro arrinta iyo sababaha ka dambeeya dilkaas. Eedeysanaha waxaa lagu soo oogay dambiyo culus, waxaana socda baaritaan dheeri ah oo lagu xaqiijinayo eedeynta iyo in la helo xaqiiqda dhabta ah. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Boliiska Warta-Nabadda ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan inuu gabar dilay, kaasi oo ahaa Macalin Dugsi Qur’aan. Eedeysanaha lasoo qabtay ee dilka gabadha loo heysto waxaa lagu magacaabaa Cabdicasiis Cismaan Maxamed (Sadaam), booliska ayaa sheegay in ninkaas loo heysto inuu ceego ku dilay Khadiijo Cabdi Maxamed oo aheyd gabar 20 jir ah oo hasaawe kala dhaxeeyay. “Waxaa socota baarista Boliiska, waxaana la horgey doonaa Maxkammada awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska gobolka Banaadir. Hadaba sidee u dhacay dilka gabadhaas? Gelinkii dambe ee shalay ayaa meydka gabadhaas lagu dhex arkay gurigooda oo ku yaalla degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir, waxaana la sameeyey baaritaan deg deg ah iyo dabagal dheer. Garbar la dhalatay gabadha la dilay ayaa ka sheekeysay sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegtay in dilkeeda aan loo adeegsaday hub ee garaacis iyo ceeji lagu dilay. “Gabadha madaxaa jug looga gaystay kadib waa dhiig baxday iyo ceeji loo gaystay ayay u dhimatay, iyada dhan wada dhiig ayay ahayd qof ayaa dilay kas cad ayuun u dilay” ayay tiri. Gabadha ayaa intaas ku sii dartay “Dad ayaa lagu tuhmoowaa illaa haddana waa lagu raad-joogaa qaarna waa la haayaa waana tuhun lee.” Wiilka lasoo qabtay wuxuu ahaa macalin dugsi oo deris la ahaa reerka ay dhabadhasi ka dhalatay, wuxuu ahaa nin aan laga shakin oo gabadha jeclaa, isla markaana imaa jiray xaafada, galab kasta. Shalay galay wuxuu fursad ku helay gabadha, iyadoo kaligeed joogta Guriga, waxaana la sheegay inuu isku dayey inuu kufsado, inkastoo aan laheyn cadeyn rasmi ah. Dilka kadib, Waxaa bilowday baaritaan culus, waxaana laga tixraacay kaamiradaha ku xiraa guryaha, iyadoo ugu dambeyntii ka ogaaday inuu yahay ninkaas, Aabihiis iyo Macalin kale oo dugsiga la dhigi jiray ayaa xalay xabsiga ku hoyday, ugu dambeyntiina waxaa galabta isagoo dhuumanaya laga soo qabtay xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile. The post DEG DEG: Booliska oo soo qabtay ninkii gabadha u geystay dilka laga argagaxay appeared first on Caasimada Online.
  3. Sen. Lindsey Graham, R-S.C., painted a grim picture of the world stage and predicted a 9/11-style attack on the U.S. if President Biden and Vice President Kamala Harris continue to control U.S. policy. Source: Hiiraan Online
  4. Sir Keir Starmer, the Prime Minister of the United Kingdom. Mogadishu (PP Editorial) — The illegal maritime Memorandum of Understanding (MoU) between Ethiopia and the secessionist Somaliland Administration demands immediate and decisive action from the new British government. This MoU, which violates the sovereignty of the Federal Republic of Somalia, risks undermining the progress achieved since the establishment of the permanent Federal Government of Somalia in 2012. The United Kingdom, having played a pioneering role in Somalia’s state-building initiatives, including the establishment of the post-transitional government, has a moral obligation to ensure that Somalia’s sovereignty is protected. The UK’s leadership in the United Nations on Somalia’s state-building initiatives further reinforces this responsibility. The MoU between Ethiopia and Somaliland Administration represents a blatant violation of Somalia’s sovereign, and endangers the stability and progress achieved in the Horn of Africa. The post-World War II international order, which Britain has championed, places paramount importance on the principles of sovereignty and peaceful coexistence. The commitment of the United Kingdom to these principles has been a cornerstone of its foreign policy and should guide its approach to the illegal maritime Memorandum of Understanding, which undermines these principles but also threatens regional stability. Dr Hassan Sheikh Mohamud, the President of the Federal Republic of Somalia. Ethiopia is a country that was liberated by Britain over 82 years ago. It is a nation that benefited from the breach of protectorate agreements between the British Empire and the Somali clans. If the status of subjecthood previously prevented Somalis from having their territorial rights safeguarded under the Protectorate Agreements, their citizenship rights based on national sovereignty must not be disregarded to permit Ethiopia to annex a coastal district of the Federal Republic of Somalia. The insistence of Ethiopia on the validity of the illegal maritime Memorandum of Understanding poses a grave threat to the global security. The potential for geopolitical conflict in the Horn of Africa is a direct result of this unilateral and illegal move by the Prime Minister of Ethiopia, the Nobel Peace Laureate Abiy Ahmed. Britain’s historical commitment to international order and peace must be reflected in its actions today. The stakes are high, and the need for British leadership has never been more pressing. It is time for the UK to step forward and address this critical issue with the urgency and seriousness it deserves. © Puntland Post, 2024 The post The UK’s Duty to Challenge Ethiopia’s Illegal MoU with Somaliland Administration appeared first on Puntland Post.
  5. Wasiirka Duulista Hawada Puntland Cabdullaahi Bile Nuur Dowladda Puntland ayaa war rasmi ah ka soo saartay wararka ku saabsan in uu xirmay garoonka diyaaradaha Boosaaso kadib digniintii dhawaan ka soo baxday Ciidamada PSF. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa lagu sheegay in ay been abuur yihiin wararka laga faafiyay garoonka diyaaradaha Boosaaso ee sheegaya in uu xirmay garoonka. “Wasaradda Duulista Hawada iyo Garoomada waxay ku wargelinaysa shirkadaha ka hawl gala garoonka Boosaaso in Garoonku sidiisi hore u shaqaynayo, maantana ay ka dageen diyaarado ka yimi UAE , amnigiisuna suganyahay.” “Sidaasi darteed, waxaan xaqiijinaya in amniga garoonka Boosaaso uu yahay mid sugan, diyaaradunaha khadkooda (route) iyo hawlahodi shaqo ay si caadi ah u si wataan, islamarkaana warar laga baahiyay garoonka ay yihiin kuwa been-abuur ah” ayaa lagu yiri qoraalkaasi. Wasaaradda Duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka go’an in ay xoojiso xiriirka wada shaqaynta ka dhexeysa shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah ah iyo kuwa maxalliga ee ka hawlgala garoonka boosaaso. Halkan ka akhriso Qoraalka Wasaaradda PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo si rasmi ah u beenisay in uu xirmay garoonka diyaaradaha Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  6. Asmara (Caasimada Online) – Madaxa sirdoonka dalka Masar iyo wasiirka Arimada Dibadda ee dalkaas ayaa safar ku tegay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, iyagoo madaxayne Afwerki gaarsiiyey farriin ay uga sideen Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Asisi, farriintaas ayaa ku saabsan xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya. Abbas Kamel waa madaxa sirdoonka dalka Masar, safarka uu ku tegay Asmara waxaa ku wehliya wasiirka Arimaha Dibadda Badr Abdellati waxay madaxweynaha Eritrea gaarsiiyeen farriin ku saabsan xaalada ka taagan gobolka, waxayna Masar ka codsatay Eritrea inay labada dowladood ay wanaajiyaan xiriirkooda. Saraakiisha Masar ee safarka ku tagtay Eritrea waxay Madaxweyne Afwerki kala hadleen arrimo ku saabsan waxa ka dhacaya Badda Cas, sidii ay Masar iyo Eritrea isaga kaashan lahaayeen ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika. Wasiirka Warfaafinta dalka Eritrea Mane Gebrekres ayaa qoraal uu ku soo daabacay bartiisa Twitter (X) wuxuu ku sheegay, in masuuliyiinta ka socday Masar ay kulan la qaateen madaxweyne Afwerki, isla markaana ay la yeesheen wadahadlo dhinacyo badan taabanayay oo laba geesood ahaa. “Ka wada hadleen arrimo ay si wadajir ah walaac uga muujiyeen oo quseeya xaalka haatan iyo dhacdooyinka ka socda Sudan, Soomaaliya iyo Bad Cas” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Eritrea. Masar oo war ka soo saartay safarka ay saraakiisha ka socotay ku tageen Eritrea ayaa sheegtay in madaxweynaha Eritrea uu u sharaxay wafdiga xaalka haatan ka taagan gobolka Geeska Afrika iyo caqabadaha uu wajahayo gobolku oo arrinta amniga ay ugu horeyso. Masar waxay sheegtay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay muhiim tahay in ay xoojiyaan iskaashigooda, in laga shaqeeyo xasiloonida Sudan iyo si guud loo ilaaliyo madax-banaanida dhuleed iyo xornimada Soomaaliya. Booqashada saraakiisha sare ee Masar ku taheen Eritrea ayaa ku soo aadeysa xilli uu khilaaf ka dhex taagan yahay Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena Masar ay qaaday talaabo ay ku garab istaageyso Soomaaliya, waxayna Masar ciidamo u soo dirtay Soomaaliya, waxaana qorshaha Masar walaac ka muujisay dawladda Itoobiya. The post Xogta kulan xasaasi ah oo Masar iyo Eritrea ay ka yeesheen arrinta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  7. A high-level military delegation from Ethiopia, led by Field Marshal Birhanu Jula, Chief of General Staff of the National Defense Forces, is attending the 11th Beijing Xiangshan Forum. The forum, which has drawn over 500 representatives from more than 100 countries and international organizations, also features participation from over 200 scholars and experts from both China and abroad. Notably, more than 30 defense ministers and military leaders are in attendance, alongside senior officials from various international and regional bodies. During the forum, Field Marshal Berhanu met with General Liu Zhenli, Chief of the Joint Staff Department of the People’s Liberation Army of China, to discuss enhancing military collaboration. The two sides agreed to focus on fifth-generation warfare, technology transfers, military equipment, and capacity building. Following their discussions, the two leaders signed a Memorandum of Understanding (MoU) to formalize their commitments. Ethiopia’s Ambassador to China, Tefera Derbew, expressed to Fana Broadcasting Corporation that the senior military delegation’s participation in the forum and subsequent bilateral meetings is expected to strengthen the capabilities of the Ethiopian defense forces. Source Fanabc Qaran News
  8. Boosaaso (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Puntland oo war culus soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay magaalada Boosaaso, kadib markii ay tallaabo qaadeen ciidanka PSF, taas oo keentay inuu xirmo garoonka magaaladaasi. Maxamuud Caydiid Dirir oo ah wasiirka warfaafinta xukuumaddda madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in aysan magaalada Boosaaso ka jiri karin labo dowladdood oo isbarbar socda, wuxuuna sheegay inay ka hortegayaan cid kasta oo kasoo horjeedo Puntland. Wasiirka ayaa ku dooday in Puntland ay mandate u haysato inay maamusho guud ahaan deegaannadeeda oo ay ku jirto magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday tabashada ay qabaan ciidanka Puntland Security Force (PSF), isaga oo sheegay in loo baahan yahay in cabashadooda usoo maraan sharciga. “Yaan loo gafin dowladnimada. Puntland iyadaa mandate u haysta inay maamusho Boosaaso iyo guud ahaan Puntland. Ciddii wax tabanayso hasoo marto dariiqada sharciga ah.” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta ay istaagtay shaqadii garoonka Boosaaso, sababo la xiriira digniinta kasoo baxay ciidanka PSF ee deggan gudaha magaaladaasi. Si kastaba, labada dhinac ayaa isku qabtay isticmaalka garoonka diyaaradaha Boosaaso, kadib markii PSF ay sheegtay in laga hor istaagay in askar dhaawacyo ah ay ka dhoofiso halkaasi. The post Puntland oo sheegtay in laba dowlad aysan ka jiri karin Boosaaso kadib xiisadda soo korortay appeared first on Caasimada Online.
  9. Balcad (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay gudaha magaaladaais, kuwaas oo la qaadanayo saraakiisha ciidanka Xoogga. Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada HirShabelle ayaa waxaa lagu sheegay in socdaalka madaxweynaha iyo dhaq-dhaqaaqa uu ka bilaabay Balcad uu la xiriiro abaabula dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo furi lahaa waddada dheer ee Jowhar. “Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii Khawaarijta looga soo af-jari lahaa waddada isku xirta magaallooyinka Balcad iyo Jowhar” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa si gaar ah ula shiray Taliye ku-xigeenka ciidanka lugta ee XDS Genaral Cirro, Taliyaha qeybta 12-ka April, Taliyaha Guutada 3-aad, Taliyaha Dugsiga Tababarka Qorilloow, Madaxa Taakuleynta Ciidamada Lugta, wuxuuna dhammaantood kala hadlay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Inta badan kulankan waxaa looga hadlay sidii Khawaarijta looga xorreyn lahaa goobaha ay kaga hareen Gobalka Shabeellada Dhexe iyo sidii culeyska looga dulqaadi lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku safra jidka xiriiriya Balcad iyo Jowhar. “Waxaan ku fooganahay sidii dhulka Hirshabeelle oo dhan uu u noqon lahaa mid ka caagan haraadiga Khawaarijta, wajiga 2-aad ee dagaalka waxaan Alle ka rajeyneynaa inuu nagu guulleeyo.” ayuu yiri madaxweynaha HirShabelle oo shirka hadlay Waxaa kale oo uu umahadceliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidamada Deegaanka iyo Shacabka oo sabab u ahaa in la xoreeyo deegaano ku yaalla halkaasi. HirShabelle ayaa waxaa ka soconayo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo uu ujeedkooda uu yahay in kooxda looga sifeeyp deegaanada ay kaga hareen maamulkaas. The post GUUDLAAWE oo dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabay BALCAD + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  10. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ugu tagay qoyska Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-Cade), si uu ula qeybsado xanuunka geerida. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi uu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed. Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo kamid ahaa bahda dhaqanka Soomaaliyeed ayaa horraantii todobaadkan geeriyooday, waxaana socota tacsidiisa oo kulmisay qeybaha kala duwan ee bulshada. Source: goobjoog.com
  11. Hey’adda Women Centre for Peace and Development (WCPAD) oo gacan ka helaysa hey’adaha UNICEF iyo UNSOM ayaa 12 September 2024 ku soo gabangabeysay Dhuusamareeb tababarka tababarayaasha oo sare loogu qaaday xirfadda hoggaamiyaasha Naadiyada Xuquuqul Insaanka ee ka dhisan Galmudug. Tababarka Tababarayaasha oo socday muddo saddex beri ah ayaa lagu soo gabangabeeyay caasimaadda Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay ka soo qeybgaleen 24 xubnood oo ka socday naadiyada xuquuqul inskaanka ee ka dhisan dhuusamareeb. Ujeedada tababarka ayaa aheyd sare u qaadidda xirfadda hoggaamiyeyaasha iyo xubnaha naadiyada xuquuqul insaanka ee ka dhisan Galmudug si ay u sameeyaan olole sare loogu qaadayo wacyiga bulshada ee ku aaddan xuquuqul insaanka iyo caddaaladda bulshada gaar ahaan ardayda iyo goobaha waxbarashada. Tababarka intii uu socday ayaa lagu faaqiday xirfadaha aasaasiga u ah tababarayaasha sida hoggaaminta, xiriirka iyo gudbinta farriimaha, sinnaanta iyo wadajirka bulshada. Ka qeybgalayaasha tababarka ayaa muujiyay dhiiranaan iyo ka qeybgal firfircoon iyada oo ay ka doodeen hababka ugu habboon ee sare loogu qaadi karo wacyiga dadweynaha, iyo qaababka ugu fudud ee farriimo la xariira difaacidda xuquuqul Insaanka lagu gaarsiin karo bulshada si loo helo bulsho caafimaad qabta oo ka caagan faquuq iyo takoor. “Waxaa mahadsan hey’adaha taageeray tababarka ee WCPAD, UNICEF iyo UNSOM, waxa ugu weyn ee aan baranay inta tababarka socday ayaa aheyd in aan soo saarno dad, oo aan gaarsiino farbriimaha iyo aqoonta aan halkaan ku baranay, innaga oo ku dabbaqeyna iskuulada iyo xarumaha bulsha, waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee aan baranay waxay ahaayeen xirfadda xiriirka, hoggaaminta, iyo soo saarista fariimaha xuquul insaanka.” Ayay tiri Shukri Cabdulqadir oo ka mid ah dadkii ka qeybgalay tababarka. Cabdiraxmaan Faarax Maxamad, guddoomiyaha ururka Human Right Club oo ka mid ahaa ka qeybgalayasha tababarka tabarayaasha ayaa yiri “ tababarkaan oo noosocday saddex maalin waxa uu ahaa u jeedkiisa in naloo tababaro in aan sii tababarno ardayda iyo qeybaha kale ee bulshada, waxaana nala siiyay casharo la xariira xirfadaha aasaasiga ah ee uu u baahanyahay qofka tababaraha ah, sida xirfadda xiriirka, hoggaaminta, qorsheynta, diyaarinta casharada, waxaan rajeyneynaa in aan sameyno dhaqangelin oo aan tagno dugsiyada magaalada kuyaal illaa saddex dugsi, si aan u dabbaqno wixii nala baray.” “Waxaan qaadanay tababar ku saabsan tababarka tababarayaasha oo muddo saddex maalin ah noo socday, waxaana baranay qaabka xiriir wanaagsan loo sameeyo, hannaanka diyaarinta tababarada, sida diyaarinta cashirada, jadwalaynta shaqada, iyo qorsheynta ka qeybgalayaasha, hagaajinta nidaamka goobta tababarka.” Ayay tiri Naciimo Shariif oo ka mid aheyd ka qeybgalayaasha Ka qeybgalayaasha tababarka oo u mahadceliyay hey’adaha gacanta ka geystay qorsheynta iyo fulinta tababarka, ayaa dhanka kale codsaday in la xoojiyo wacyiga bulshada ee fahamka xuquuqul Insaanka. Tababarayaasha ayaa la qorsheynayaa in ay dhaqangeliyaan cilmiga iyo aqoontii ay ku qaateen tababarka tabarayaasha ee la soo xiray iyaga oo olole wacyigelin ka sameyndoona saddex dugsi oo ka dhisan Dhuusamareeb. Hey’adda WCPAD oo soo qabanqaabisay tababarka ayaa ka qeybgalayaasha kula dardaarantay hirgelinta iyo dhaqangelinta aqoontii la gaarsiiyay iyaga oo ka faa’iideysanaya xirfadda lagu baray tababarka, waxayna kula dardaarantay in ay iskood isku abaabulaan si loo helo bulsho wadajirta, ka caagan faquuq, sinnaan iyo caddaalad bulsho. Source: goobjoog.com
  12. 460014858_1842862613158919_3720232443183520160_n Qaran News
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada maamulkaasi ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo gaaray halkaasi. Waxaa Kulanka ka qeybgalay wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan. Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya. Sidoo kale waa kulanka Deni iyo Sawan lagu soo qaaday arrimaha amniga Puntland, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarinta ee maamulkaasi, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay Puntland. Ilo wareedyo madax banaan oo ku dhow kulankaasi waxa sidoo kale noo xaqiijiyeen in wada-hadalkan lagu soo qaaday arrimaha siyaasadda, gaar ahaan khilaafka u dhexeeyay maamulka Garoowe iyo dowladda dhexe, si ugu yaraan loo sameeyo dadaalloi isku soo dhaweyn ah. QM ayaa inta badan dadaal ku bixisa xalinta khilaafaadka mararka qaar soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka, si loo helo dhex-dhexaadin guud oo xal u keenta is-mariwaaaga madaxda Soomaaliyeed. Xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda federaalka ayaa gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana gebi ahaan go’ay xiriirkii iyo wada-shaqeyntii labada dhinac. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda daba dheeraatay ee Garoowe iyo Muqdisho oo soo jiitameysay tan iyo 2022-kii. The post Xogta kulan xasaasi ah oo DENI iyo Swan ku dhex-maray Garoowe appeared first on Caasimada Online.
  14. 459735275_1075817534112927_2523868288131949723_n Qaran News
  15. MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — The Biden administration has introduced new regulations to curb the influx of low-cost shipments from China, a move that directly targets popular e-commerce giants Shein and Temu. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) — Somali government forces and Jubbaland troops killed several Al-Shabaab militants early Sunday in a clash in Janay Abdalla, Lower Jubba, marking the latest offensive in the government's ongoing campaign to dismantle the militant group. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacday degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir taas oo lagula kacay gabar yar oo si arxan darro ah loogu dilay halkaasi. Gabadha oo 14 sano jir ahayd ayaa maydkeeda laga helay gurigooda, waxaana jirkeeda gaar ahaan madaxa ka muuqday jirdil xoogan oo loo gaystay. Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maa’ido Maxamed Axmed, waxaana sidoo kale ay ahayd arday, iyada oo xilliga la dilayay ka timid iskuulka. Garbar la dhalatay marxuumadda ayaa ka sheekeysay sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegtay in dilkeeda aan loo adeegsaday hub ee garaacis iyo ceeji lagu dilay. “Gabadha madaxaa jug looga gaystay kadib waa dhiig baxday iyo ceeji loo gaystay ayay u dhimatay, iyada dhan wada dhiig ayay ahayd qof ayaa dilay kas cad ayuun u dilay” ayay tiri. Sidoo kale waxa ay tilmaamay in la xiray dad tuhmanayaal ah, kuwa kale lagu raad-joogo, si cadaaladda loo horkeeno. “Dad ayaa lagu tuhmoowaa illaa haddana waa lagu raad-joogaa qaarna waa la haayaa waana tuhun lee” ayay mar kale tiri gabadha walaasheed oo la hadashay warbaahinta. Dadka lasoo xiray waxaa kamid ah saddex qof oo kamid ah ehellada gabadha yar ee sida arxan darrada ah loogu dilay degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. Illaa iyo hadda ma jiro wax kasoo baxay laamaha amniga, waxaase soconayo baaris ay wadaan booliska iyo laanta dambi baarista C.I.D oo la wareegay kiiska gabadhaasi yar. The post Muqdisho: Gabar yar oo si arxan darro ah loogu dhex-dilay gurigooda + Video appeared first on Caasimada Online.
  18. Mogadishu (HOL) — Ethiopia's Deputy Permanent Representative to the African Union, Nebiyu Tedla, has disparaged recent comments by Somalia's Foreign Minister, Ahmed Moalim Fiqi, as "comical." Source: Hiiraan Online
  19. Garowe (HOL) — Puntland's Minister of Information, Mahamoud Aydid Dirir, declared that Bosaso cannot operate under two competing administrations, emphasizing the regional government's sole mandate over the strategic city. His statement follows an intensifying standoff between the Puntland Security Force (PSF) and the Puntland Maritime Police Force (PMPF), which has resulted in the closure of Bosaso Airport for the fourth consecutive day. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaan hakad-gashay shaqada garoonka diyaaradaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF iyo maamulka Puntland. Labada dhinac ayaa isku qabtay isticmaalka garoonka diyaaradaha Boosaaso, kadib markii PSF ay sheegtay in laga hor istaagay in askar dhaawacyo ah ay ka dhoofiso halkaasi. Intaas kadib taliska ciidanka PSF ayaa soo saaray hanjabaad culus oo uu ugu digay shacabka deggan aagga garoonka iyo diyaaradaha tega magaalada Boosaaso. Shaqada joogsatay ayaa sidoo kale timid, kadib markii xalay ay PSF ku celisay digniinteedii hore, iyada oo intaas ku dartay in aanu weli xal rasmi ah laga gaarin arrinta garoonka, ayna u digayaan shacabka iyo shirkadaha duulimaadyada. Arrintan ayaa sidoo kale keentay inuu baaqdo duulimaadyo ay maanta Boosaaso ku tegi lahaayeen Daallo Arline iyo Itoobiya Arlines oo cabsi ka muujiyay digniinaha soo baxay. Puntland oo maalin kahor jawaab ka bixisay tallaabda ciidanka PSF ayaa hoosta ka xariiqday in wax xaalad ah aysan ka jirin Boosaaso, isla markaana ay tahay nabadgelyo. “Waxaan rabnaa in shacabka magaalada in ay ogaadaan in aysan jirin nabad galyo xumo, waxaan uga digeynaa dadka nabad galyo darrada abuuraya in ay ka fogaadaan” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Bari. Arrintan ayaa durbo dhalisay xiisad xoogan oo laga dareemay Boosaaso oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada PSF-ta iyo kuwa kale oo taabacsan madaxtooyada maamulkaas. The post Shaqadii garoonka diyaaradaha Boosaaso oo istaagtay, kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ku-simaha Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo arrimaha Puntland sida Amniga, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarin. “Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo arrimaha Puntland sida Amniga, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarin” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi. Waxaa Kulanka kala qeybgalay Madaxweynaha Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Maanta Garoowe ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa howlgeliyay xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka, taas ku taalla gudaha isbitaalka Banaadir ee magaalada caasimad ah ee Muqdisho. Xamza oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay xaruntan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in la helo dhiig ku filan oo lagu badbaadin karo nolosha dad badan oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xaruntan cusub ayaa kaalin ka qaadan doonto samata bixinta bukaanada u baahan dhiigga, waxaana la dhigay mashiinadii ugu dambeeyay iyo qalab casri ah. “Xarunta Bangiga Dhiigga ayaa ah mid casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isla markaana la dhigay mishiinadii ugu danbeeyey oo casri ah ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan samata bixinta bukaannada u baahan dhiigga, iyada oo gacan weyn ka geysan doonta yareynta helitaanka dhiig caafimaad qaba oo ku filan bukaannada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Intaasi kadib Xamza Cabdi Barre ayaa booqday Isbitaalka Banaadir, isaga oo kormeeray qaybta dhaqidda kelyaha oo Iyana la dhigay qalab casri ah, isla markaana si lacag la’aan ah bukaanka ugu adeegi doonta. Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in horumarinta adeegyada caafimaadku ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha xukuumadda, isagoo ku nuuxnuuxsaday in caafimaadka bulshada uu yahay aasaaska horumarka. Waxaa kale oo uu ku boorriyay shaqaalaha caafimaadka in ay sii wadaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo in adeegyada caafimaadku ay noqdaan kuwo waxtar leh oo gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna dhinaca kale u mahadceliyay dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo gacan ka siisay hirgelinta iyo dib habeynta qaybahan caafimaad. Waxa gabagabadii warsaxaafadeedka lagu yiri “Xukuumadda DanQaran ayaa ku howlan dardar-gelinta qorshayaasha horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo dhan walba ah” The post Sawirro: R/W Xamza oo qaaday tallaabo culus oo Muqdisho looga howlgeliyay… appeared first on Caasimada Online.
  23. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray howlgelinta xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka , ayaa tilmaamay muhiimadda ay xaruntan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in la helo dhiig ku filan oo lagu badbaadin karo nolosha dad badan oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah. Xarunta Bangiga Dhiigga ayaa ah mid casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isla markaana la dhigay mishiinadii ugu danbeeyey oo casri ah ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan samata bixinta bukaannada u baahan dhiigga, iyada oo gacan weyn ka geysan doonta yareynta helitaanka dhiig caafimaad qaba oo ku filan bukaannada. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale waxa uu booqday Isbitaalka Banaadir, halkaas oo uu kormeeray qaybta dhaqidda kelyaha oo Iyana la dhigay qalab casri ah, isla markaana si lacag la’aan ah bukaanka ugu adeegi doonta. Mudane Xamsa waxa uu xusay in horumarinta adeegyada caafimaadku ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha xukuumadda, isagoo ku nuuxnuuxsaday in caafimaadka bulshada uu yahay aasaaska horumarka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay shaqaalaha caafimaadka in ay sii wadaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo in adeegyada caafimaadku ay noqdaan kuwo waxtar leh oo gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaaraha ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo gacan ka siisay hirgelinta iyo dib habeynta qaybahan caafimaad. Xukuumadda DanQaran ayaa ku howlan dardar-gelinta qorshayaasha horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo dhan walba ah. Source: goobjoog.com
  24. Anakara (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya inuu baaqday wajiga saddexaad ee wada-hadallada Soomaaliya Itoobiya uga socday magaalada Ankara ee caasimada Turkiga, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Sida uu qorshuhu ahaa 17-ka bishan ayaa la filayay in dib loo amba qaado wada-hadallada, si looga xaajooda xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee dhex-maray Itoobiya iyo Somaliland Sababta ugu wayn ee keentay baaqashada kulankan ayaa ah in weli uusan jirin wax isku soo dhawaansho ah oo ay labada dhinac ka sameeyeen xiisadda taagan, waxaana Itoobiya ay ku dhagan tahay heshiiska badda, halka Soomaaliya uu weli halkeedii yahay mowqifkeeda ku aadan in marka hore Itoobiya ka laabato heshiiska ay la gashay Somaliland. Dib u dhaca ku yimid wada-hadallada wajiga saddexaad ayaa kusoo aaday, iyadoo xiisadda ay kasii dareyso, isla markaana labada dal ay hawada isku marinayaan hadalo xanaf leh oo saamayn ku yeelan kara sii socoshada wada xaajoodka magaalada Ankara. Shirkan ayaa noqon lahaa kii saddexaad oo ka dhaca Turkiga, waxaana horay natiijo la’aan usoo dhammaaday labada kulan oo ay yeesheen Muqdisho iyo Addis Ababa. Si kastaba, Xiisadda ka dhalatay heshiiskan ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana si weyn looga dareemay gobolka, kadib markii ay kusoo biirtay Masar oo dhowaan heshiis difaac la gashay Soomaaliya, kaas oo dhigaya in ciidamo Masaari ah la keeno gudaha Soomaaliya, taas oo iyana ay ka hortimid Itoobiya oo ay wabiga Nile isku hayaan dowladda Masar. The post Wajigii saddexaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo baaqday + Sababta appeared first on Caasimada Online.