Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,194
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Galkacyo (HOL) — The leaders of Galmudug and Puntland regional states, Ahmed Abdi Kariye and Said Abdullahi Deni, co-chaired a high-level meeting at the Presidential Palace in Galkayo on Friday night. Source: Hiiraan Online
  2. A seminar was held Friday in Nairobi, the Kenyan capital to assess milestones achieved since the inception of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC) more than two decades ago. Source: Hiiraan Online
  3. German and Kenyan officials signed an agreement Friday in Berlin to promote the recruitment of skilled workers who can fill gaps in Germany’s labor market, and to facilitate the repatriation of Kenyans who don’t have the right to stay in Germany. Source: Hiiraan Online
  4. The Chinese Embassy in Somalia on Thursday donated 1,300 tonnes of food aid to the country's national disaster agency which is taking proactive measures to mitigate the impacts of upcoming prolonged dry spells on the country. Source: Hiiraan Online
  5. Citizens reports on social media from sources with Mogadishu to Mogadishu seem to suggest that the Hassan Sheik Mohmmed government is taking a more radical stance against Ethiopia and even moving in the direction of making claims of Ethiopian territory in Ogaden as part of Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Halgan (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiran ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen aagga degmada Halgan ee gobolkaasi, si looga xoreeyo xubnaha kooxda. Macawiisleyda ayaa lasoo wariyay inay heleen xogta xubno Shabaab ah oo ku sugan halkaasi, kadiba ay weerareen, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale cagta la mariyey saldhigyo xarumo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, isla markaana uu jiro khasaare culus oo kooxda lagu gaarsiiyay howlgalka ka dhacay aagga degmada Halgan. Sarkaal u hadlay ciidanka Macawiisleyda ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda, ujeedkoodana uu yahay in Al-Shabaab ay ka saaraan deegaankada jinka wabiga. “Khawaarijta meel kasta oo ay joogaan kama daba hari doono jinka wabiga iyo dhagaxyada inta u dhexeysa midkii joogo waxaan u sheegayaa inuu si deg-deg ah ga baxo,” ayuu yiri. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada. Hiiraan ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo lagu xoreeya dhul aad u ballaaran. Si kastaba, Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka, waxaana mar kale gobolkan laga abaabulayaa guluf ka dhan ah kooxda. The post Macawiisleyda oo weeraray goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  7. Gaalkacyo (Caasimada Online) –Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah. Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa heerarka kala duwan ee hay’adaha labadaas maamul oo daris, ayada oo diiradda lagu saaray iskaashiga dhanka amniga, nabadeynta iyo is-dhexgalka bulshada. Sidoo kale waxaa shirkan saacadaha uu socday looga hadlay heshiisyadii ay horay u gaareen labada maamul, gaar ahaan guulaha laga gaaray iyo caqabadaha jira ee u baahan in haatan xal loo helo. Intaasi kadib Puntland iyo Galmudug ayaa ku heshiisyay 4 qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo kala ah:- 1-Xoojinra iskaashiga amniga, nabadeynta, ganacsiga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada ee Puntland iyo Galmudug. 2-Qabashada kulamo heer wasiiro ah oo saddex bildoodle ah, si loo xaqiijinayo mirodhalka dadaalladii socday. 3-In mashaariic horumarineed laga hirgeliyo deegaanadii ay colaaduhu saameeyeen, si ay bulshada usoo kabato. 4-In labada dowladood ay si wadajir ah ay daraasad mideysan uga sameeyaan maareynta biyo-saarista degmada Gaalkacyo. Ugu dambeyn waxay labada madaxweyne boggaadiyeen wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee Puntland iyo Galmudug, iyaga oo bulshada labada maamul uga mahadceliyay sida ay uga shaqeeyaan amniga iyo nabad-gelyada deegaanka. The post Saciid Deni iyo Qoor Qoor oo ku heshiiyay 4 qodob oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac ayaa xalay Shir Wada jir ah ku yeeshay magaalada Gaalkacyo. Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayay ku sheegeen in Shirkoodu uu ku saabsanaa Iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada Amniga, Nabadaynta, Ganacsiga iyo Isu socodka labada dhinac. Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen 4 qodob oo muhiim u ah Iskaashiga labada dhinac ee Arrimaha Amniga, Nabadaynta, Ganacsiga iyo Is dhexgalka Bulshada Puntland iyo Galmudug. Qodobka kowaad ee ay ku heshiiyeen labada dhinac ayaa dhigaya Xoojinta Iskaashiga Amniga, Nabadaynta, Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo Is dhexgalka Bulshada Puntland iyo Galmudug. Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo heshiis afar qodob ka kooban ku gaaray magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  9. Xisbi siyaasadeedka SINCAD oo uu hoggaamiyo Eng. Maxamuud Khaliif Jebiye ayaa xalay caddeeyay mowqifkiisa xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso. Bayaan ka soo baxay Xisbi siyaasadeedka SINCAD ayuu ku caddeeyay mowqifka uu ka taagan yahay xiisadda waayadan danbe ka dhex jirta xukuumadda madaxweyne Deni iyo Ciidanka PSF. Xisbi siyaaaadeedka SINCAD ayaa ku baaqay in nabad lagu dhammeeyo xiisadda ka taagan Boosaaso ee u dhexaysa xukuumadda madaxweyne Siciid Deni iyo ciidanka PSF oo uu hoggaamiyo Maxamuud Cismaan Diyaano. Xisbiga ayaa sidoo kale ciidamada kala duwan ee Puntland ugu baaqay in ay ka fogaadan ku milanka arrimaha siyaasadda taasi beddelkeedana ku dadaalaan shaqada ay u xil saaran yihiin ee ilaalinta Amniga. Halkan ka akhriso bayaanka xisbiga SINCAD PUNTLAND POST The post Xisbi siyaasadeedka SINCAD oo caddeeyay mowqifkiisa xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warbixin dheer oo ka kooban 26 qodob, taas oo looga hadlay dhacdooyinka toodobaadkii lasoo dhaafay. Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka dowladda iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka. Hoos ka akhriso warbixinta oo dhammeystiran:- Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Aljeeriya, Mudane Cabdulmajiid Tabbuun, isagoo ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa. 2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Taliyha Ciidamada Mareykanka ee Saldhigga AFRICOM General Michale E. Langley, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga dhinaca ammaanka ee u dhexeeya labada dal. 3-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay difaaca qaranimada iyo midnimada bulshada ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan wadajirka iyo madaxbannaanida dalka. 4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya. 5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Baydhabo kula kulmey hoggaanka Koonfuur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. 6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay kulan casho ah Madaxweyne ku-xigeennada Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland Mudane Cali Daahir Ciid iyo Mudane Maxamuud Sayid Aadan. 7-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabbilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson. 8-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mudane Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qaabbilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Marwo Karin Johansson oo uu wehliyo ku xigeenka Danjiraha Midowga Yurub Mudane Thomas Kieller. 9-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgalay Shirka Amniga iyo Isbeddelka Cimilada oo looga hadlayey sida ay isugu xiran yihiin arrimaha cimilada iyo amniga. 10-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir gudoomiyay kulanka guddiga maamul-wanaagga maaliyadda kaas oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh dowladda. 11-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa magaaalada Qaahira kaga qayb galey kulanka 162-aad ee Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Waddamada Jaamacadda Carabta. 12-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa magaalada Muqdisho tababar la xiriira xirfadaha kala duwan ee gurmadka degdegga ah ugu soo xiray shaqaale ka tirsan waaxyaha kala duwan ee SoDMA. 13-Wasiirka Qorsheynta Qaranka Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeybgaley shirka heer dowlad gobaleed ee Qorshaha Isbedelka Qaran, kaas oo lagu mideynayo qorshayaasha horumarineed ee heer qaran iyo heer dowlad goboleed. 14-Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aden, ayaa shir guddoomiyey kulan dhexmaray hogaanka kulliyadaha Culuunta Caafimaadka iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka. 15-Wasiirka Hawlaha Guud ayaa soo xiray shirka u dhexeeya Wasaraddaha Hawlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada dalka iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya. 16-Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa Muqdisho ka furay shirka Wadatashiga Miisaaniyadda 2025-dalka. 17-Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay shirka wadatashiga miisaaniyadda dowladda ee 2025 oo ka qeyb galeen ganacsatada iyo qeybaha bulshada. 18-Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Drs Maryam Maxamed Xuseen ayaa qaabbishay wafdi ka socday Ururka Caafimaadka Adduunka ee (WHO), kulankan ayaa looga wadahadley. xaaladaha caafimaadka ee dalka gaar ahaan sidii loo xakamayn lahaa cudurada dadka nugul. 19-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay madaxa xafiiska Afrika ee Hay’adda Boqor Salmaan Relief Center Mudane Yaziid Xamuud. 20-Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo kaashanaysa Wasaaradda Awqaafta Hirshabelle ayaa wejigii labaad ee wacyi gelinta ka hortagga iyo la dagaallanka fikirka xagjirka ka bilowday Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe. 21-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa magaalada Muqdisho ka furay Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad. 22-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo kaashaneysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa qabatay aqoon-isweydaarsi diiradda lagu saarayo xeer nidaamiyeyaasha tartanka suuqa isgaarsiinta iyo xargaha fiberka badda. 23-Culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’iid ku qabtay magaaladda Muqdishu ayaa shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in dalka laga difaaco gardarrada cadowga dowladda Itoobiya. 24-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo Taliyaha howlgallada gaarka ah ee Ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell ayaa kormeer ku saabsan dardar gelinta hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab ku tegay gobolka Shabeellada Dhexe. 25-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska eedeysanaal gaaraya 7 kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amni iyo ku takrifal dhul dowladeed. 26-G/Sare Axmed Khalliif Jiinow ayaa loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Golaha Garsoorka Militariga Afrika ee u qaabilsan gobolka Bariga Afrika, kadiba doorasho ka dhacdey dhacday magaalada Lusaka ee dalka Zambia. The post DF oo soo saartay warbixin ka kooban 26 QODOB appeared first on Caasimada Online.
  11. Beryahan waxaa jirtay hadal-hayn xooggan oo ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay iibinayso qaar kamida Safaradaha iyo Qunsuliyadda ay caalamka ku leedahay, islamarkaana arrintaasi ay si aan daah-furnaani ku jirin ku socoto. Haddaba xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintaas ka hadashay, islamarkaana qirtay in xogtaasi ay dhab tahay oo safaaradaha qaar la iibinayo, balse ujeedada laga leeyahay ay tahay mid lama dhaafaan ah, ayadoo sharraxaad dhameystiran ka bixinaysay sababta tillaabadaas loo qaadayo. Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Iibinayso safaaradda ay ku leedahay dalka Jarmalka, gaar ahaan magaalada Bonn oo ahaan jirtay caasimaddii qeybta galbeed ee dalkaas. Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha safaaraddaasi uu yahay mid qadiimi ah oo ku yaalla magaalo aan hadda Caasimadda Jarmalka ahayn, diblumaasiyiinta Soomaaliya ee dalkaasina ay hadda ku shaqeeyaan guri kiro ah oo ku yaalla magaalada Berlin, kaas oo ay sanadkii ku baxdo lacag ka badan $60000 oo dollar. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladdu ay go’aamisay in Safaaradda la iibiyo si lacagteeda loogu helo dhisme aan kiro ahayn oo ay ku shaqeeyaan diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee jooga caasimadda jarmalku. Safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka ayaa la dhisay xilli dalkaasi oo ahaa laba dowladood oo kala ahaa qeybta bari iyo qeybta galbeed, islamarkaana Soomaaliya xariir wanaagsan la lahayd dhinaca galbeed oo Magaalada Bonn ay caasimad u ahayd. Source: goobjoog.com
  12. Mareykanka , Ingiriiska iyo Canada ayaa doonaya in inay adeeg sirdoon u aqoonsadaan shabakadda warbaahinta dowladda Ruushka ee RT. Saddexdaasi dal ayaa ku eedeeyay in kanaalkaasi uu u shaqeynayo hab uu ku aruurinayo macluumad , sida u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken. Maraykanka ayaa toddobaadkii hore dacwad ku soo oogay laba ka mid ah shaqaalaha RT , waxaanay ku soo rogeen cunaqabatayn tifaftiraha guud ee Margarita Simonyan. Sababta waxay ku sheegeen in ay la xiriirto in uu abaabulay qorshe lagu shaqaaleysiiyay shirkad Maraykan ah si ay u soo saarto wax shabakaddo baraha bulshada ah si ay saamayn ugu yeeshaan doorashada Mareykanka ee November. Blinken ayaa wariyayaasha u sheegay in hay’adaha warbaahinta Ruushku ay u shaqaynayaan sida cudud dhab ah oo ka tirsan sirdoonka Ruushka. PUNTLAND POST The post Maraykanka Ingiriiska iyo Canada oo adeeg sirdoon u aqoonsanaya warbaahinta dowladda Ruushka ee RT appeared first on Puntland Post.
  13. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Jimcihi shalay Aqalka Cad kula kulmay Ra’isulwasaaraha Britain Keir Starmer, iyaga oo laba hoggaamiye ka wada hadlay taageerada ay u hayaan Ukraine iyo Israel iyo ammaanka mandiqadda la isku yiraahdo Indo-Pacific. Biden ayaa u sheegay Starmer in Mareykanka ay ka go’antahay in uu Ingiriiska ku garab istaago taageeridda Ukraine si ay isaga difaacaan buu yiri duullaanka gardarrada ah ee Ruushka. Biden ayaa intaasi raaciyay “Way caddahay in Putin aanu ku guulaysan doonin dagaalkan”. Kulankan ayaa imanaya xilli xulafada reer Galbeedka ay ka fakarayaan sidi ay u baddali lahaayeen siyaasaddooda ku aadan taageerada Ukraine, isla markaana doonaya in Ukraine ay u ogolaadaan in ay dagaalka ay kula jirto Ruushka u adeegsato gantaallada riddada dheer ee ay ugu deeqeen dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska. Madaxda Mareykanka iyo Britain ayaa sidoo kale ka wada xaajooday rajada laga qabo xabbad-joojin laga gaaro dagaalka Gaza ee Isra’il iyo Xamaas. Madaxweyne Biden ayaa billowgi kulanka ka dhacay Aqalka Cad ka sheegay, in ay ka hadli doonaan dadaallada lagu rabo in laga miro dhaliyo heshiiska xabbad-joojinta, si buu yiri loo soo daayo la heystayaasha ila markaana loo gaaro xabbad-joojin deg deg ah, taasoo ay raaci doonto buu yiri gargaar bani’aadannimo oo la geyn doono Gaza. Kulanki Jimcihi ayaa ahaa kii labaad oo ay si fool-ka-fool ah u yeeshaan Biden iyo Starmer, tan iyo inti uu xafiiska looga taliyo Britain tagay ra’isulwasaaraha cusub bishi July. The post Biden oo Aqalka Cad ku qaabilay hoggaamiyaha Ingiriiska appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Aqalka Cad kula kulmay Ra’isulwasaaraha Britain Keir Starmer, iyaga oo laba hoggaamiye ka wada hadlay taageerada ay u hayaan Ukraine iyo Israel iyo ammaanka mandiqadda la isku yiraahdo Indo-Pacific. Biden ayaa u sheegay Starmer in Mareykanka ay ka go’antahay in uu Ingiriiska ku garab istaago taageeridda Ukraine si ay isaga difaacaan buu yiri duullaanka gardarrada ah ee Ruushka. Biden ayaa intaasi raaciyay “Way caddahay in Putin aanu ku guulaysan doonin dagaalkan”. Kulankan ayaa imanaya xilli xulafada reer Galbeedka ay ka fakarayaan sidi ay u baddali lahaayeen siyaasaddooda ku aadan taageerada Ukraine, isla markaana doonaya in Ukraine ay u ogolaadaan in ay dagaalka ay kula jirto Ruushka u adeegsato gantaallada riddada dheer ee ay ugu deeqeen dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska. Madaxda Mareykanka iyo Britain ayaa sidoo kale ka wada xaajooday rajada laga qabo xabbad-joojin laga gaaro dagaalka Gaza ee Isra’il iyo Xamaas. Madaxweyne Biden ayaa billowgi kulanka ka dhacay Aqalka Cad ka sheegay, in ay ka hadli doonaan dadaallada lagu rabo in laga miro dhaliyo heshiiska xabbad-joojinta, si buu yiri loo soo daayo la heystayaasha ila markaana loo gaaro xabbad-joojin deg deg ah, taasoo ay raaci doonto buu yiri gargaar bani’aadannimo oo la geyn doono Gaza. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Maraykanka oo Aqalka Cad ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
  15. Dowladdaha Kenya iyo Jarmalka ayaa kala saxiixday Heshiis cusub oo ka kooban qodobo muhiim ah oo loogu tala galay in sare loogu qaado shaqo abuurka Xirfadlayaasha Kenya. Heshiiskaan waxaa Goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Kenya. Heshiiska Jarmalka iyo Kenya wuxuu ka kooban yahay laba qodob oo waaweyn: Shaqooyinka Xirfadlayaasha Caafimaadka: Jarmalka ayaa oggolaanaya in xirfadlayaasha caafimaadka ee ka yimaada Kenya ay ka shaqeeyaan gudaha Jarmalka. Waxaa la filayaa in Jarmalku uu qaato 250,000 xirfadleyaal caafimaad oo ka soo jeeda Kenya, taas oo ka caawinaysa Jarmalka inuu buuxiyo baahida sare ee shaqaale caafimaad. Dib-u-celinta Muwaadiniinta Kenya: Heshiisku sidoo kale wuxuu Jarmalka u oggolaanayaa inuu dib ugu celiyo muwaadiniinta Kenya ee aan loo aqbalin codsiyadooda magangalyo doonka. In ka badan siddeed boqol (800) oo Kenyan ah ayaa la filayaa in loo celiyo Kenya sida qayb ka ah heshiiskan. Heshiiskan wuxuu qayb ka yahay dadaallada labada dal ee ku aaddan xallinta caqabadaha socdaalka iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo shaqo. Source: goobjoog.com
  16. Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa xalay kulan labo geesood ah ku yeeshay magaalada Gaalkacyo, iyadoo shirkaan lagu lafa-guray qodobbo muhiim ah. Shirka oo ay hadallo ka jeediyeen Madaxweynaha Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie iyo dhiggiisa Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa la iskula soo qaaday sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga, nabadeynta iyo horumarka gobolka Mudug. Shirkan ayaa ugu horreyn dib-loogu milicsaday heshiiskii iskaashiga ee labada Dowladdood, guulaha laga gaaray, caqabadaha iyo fursadaha. lyadoo, Shirkaan loogu gogol-xaarey shirweynaha dardargelinta dedaallada nabadeynta Gobolka Mudug. Labada Dowladood ayaa isla gaaray: Xoojinta iskaashiga amniga, nabadeynta, ganacsiga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada ee Puntland iyo Galmudug. Qabashada kulammo heer Wasiirro ah oo saddex biloodle ah, si loo xaqiijiyo miro dhalka dedaalladii socdey. In mashaariic horumarineed laga hirgeliyo deegaannada ay colaaduhu saameeyeen si bulshadu u soo kabato. In laba Dowladood ay si wada jira ah daraasad midaysan uga sameeyaan maareynta biya-saarista degmada Gaalkacyo. Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee muhiimka ah ka hirgelisay qorshe culus oo Khawaarijta Al-Shabaab ay ku cunaqabateyneyso, gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada dhexe. Maalin kasta gaadiidka ka baxaya magaalada Muqdisho ee u socda gobollada HirShabeelle iyo Galmudug waxaa la diiwaan-geliyaa xogtooda oo dhameystiran, si Al-Shabaab aysan u helin wax fursad ah. Dadka raacaya iyo alaabaha uu qaadayo gaari kasta ayaa la diiwaan-geliyaa oo la sawiraa, lagana reebaa muuqaalo cadeyn ah iyo sidoo kale waxaa la hubiyaa magaalada ay u safrayaan gaadiidka ka baxaya Muqdisho. Xogta ay diiwaan geliyaan ciidamada ammaanka ee Muqdisho ka howlgala waxaa loo diraa dhamaan ciidamada jooga goobaha ay sii marayaan gaadiidka safraya, si loo tira koobo dadka iyo alaabaha oo Shabaab aan loogu geyn. Tusaale, gaarigii ka baxa magaalada Muqdisho ee u socda magalaada Gaalkacyo ama magaalooyinka kale ee Sh/Dhexe, Hiiraan, ilaa Galgaduud iyo Mudug, markii la diiwaan geliyo xogtiisa, waxaa lagu hubinayaa magaalo kasta oo uu sii maro, ilaa uu ka tago magaalada uu u socdo. Si lamid ah Muqdisho, magaalooyinka kale ee gobollada dhexe gaarigii kasoo baxaya waxaa laga diiwaan geliyaa xogta safarkiisa, qof kasta meesha uu u socdo iyo alaabaha uu wato ayaa la weydiinayaa, kadib waxaa ku kor-joogteynaya ciidamada ammaanka. Gaarigii ka baxa Muqdisho ee dhex ku dejiya qof ama alaab, waxaa loo aqoonsanayaa mid u shaqeeya Al-Shabaab, wuxuuna muteysanayaa ciqaabta uu muteysto, maadaama kooxdaas la saaray cunaqabateyn adag oo gaajo ay ugu dhimanayaan dhulka howdka ah ee u dhow degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa mar hore joojisay in loo safro deegaanada ay joogaan kooxaha argagixisada ah ee dhaca bari ee Galmudug ama la geeyo raashin, shidaal iyo wax kasta oo sahay ah, taasi oo dhibaato culus ku noqotay argagixisada. Caasimada Online, waxay aragtay muuqaal laga duubay dadka ka baxa Muqdisho oo raaca gaadiidka loo yaqaano Leylada ee laga raro suuqa weyn ee Bakaaraha oo ciidamada ammaanka ay diiwaan-gelinayaan xogtooda, si loogu dabajiro ilaa ay ka tagaan halkii ay u socdeen. Dhowaan waxaa maxkamadda ciidamada Soomaaliya lasoo taagay 7 gabdhood oo aad u da’ yar, kuwaas oo laga qabtay Suuq Bacaad Muqdisho iyagoo gaari ka raacaya, una socda Horjoogayaasha Khawaarijta oo soo dalbaday, waxayna Maxkamadu amartay in gabdhahaas la geeyo goob lagu daryeelo, maadaama waalidkood dayacay. The post Xog: Qorshe cajiib ah oo Al-Shabaab lagu cunaqabateeyey oo ka dhaqan galay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  18. STOCKHOLM, Sweden (HOL) — Sweden will offer up to $34,000 to refugees, including Somalis, as part of a new policy to reduce its migrant population and addressing challenges with integration. The financial assistance will be available to refugees who voluntarily return to their home countries, marking a significant shift in Sweden's migration policy. Source: Hiiraan Online
  19. Betrayed, profoundly disturbed and deeply concerned — those are just some of the words members of Ottawa's Somali community are using to describe their reaction to allegations that the city's police force secretly surveilled five Black officers. Source: Hiiraan Online
  20. The history of conflict in the Middle East since the early 20th century can be broadly characterized as having gone through three main phases. Each of these phases molded internal Arab politics and the wider region for decades. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — Somalia's National Communications Authority (NCA) has partnered with the International Finance Corporation (IFC) to introduce new regulations to improve submarine cable landings and boost competition in the telecommunications sector. Source: Hiiraan Online
  22. A military pact between Cairo and Mogadishu has heightened tensions with Ethiopia, with analysts saying that the planned deployment of Egyptian troops in Somalia could fundamentally tilt the balance of power in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  23. Nairobi, Kenya — A U.S. Marine Corps general who commands forces in Africa says stability and support programs for Somalia are in the works as the country prepares for the withdrawal of African Union troops in December. Source: Hiiraan Online