Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay guuxa dadweynaha oo ka dhashay canshuurta ay ka cabanayaan dadka reer Muqdisho, gaar ahaan diiwaan-gelinta uu bilaabay maamulka gobolka Banaadir. Wasiirka ayaa sheegay in waxa la sheegay aysan jirin suurtagalna aysan aheyn arrintaas, isla markaana sida wax loo sheegay aysan waxaba u jirin. Fiqi ayaa sheegay inay dowladu keentay qalab lagu tirakoobi doono dadka Soomaaliyeed, iyadoo aan loo kala saareynin degmo ama gobol. “Hadda sida ay wax ku socdaan sax maaha, ma jirto qof sanad kasta dhalata, hadana mar kasta waxaa qofka waajib looga dhigay in sanad kasta uu sameysto warqad dhalasho, warqad dhalasho miyaa dhacda? Waxaa la rabaa tii halmar aad soo jaratay inaad mar kasta isticmaasho,” ayuu yiri Fiqi. Kulanka uu ka hadlay wasiir Fiqi ma joogin maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna ku dhaliilay sababta ay uga maqan yihiin dadkana aysan faahfaahin u siineyn. “Maamulka gobolka waa inay saxaan wixii qaldan dadkana la hadlaan, halkaan inay yimaadaan oo dadka u cadeeyaan in qof dhashay, meyd, aroos iyo qudbasiro aan canshuur gaar ah laga rabin, hadii laga rabana ay sabab u yeelaan, kuna qanciyaan shacabka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay ku filan tahay shaqada diiwaan gelinta dadka, isagoo xusay in carruurta dhalaneysa diiwaan gelintooda ay mushkilad ka taagan tahay, balse dadka waaweyn aysan dhib badneyn. Hoos ka daawo The post Daawo: Fiqi oo si adag uga hadlay canshuurta la sheegay in G/Banaadir uu soo rogay appeared first on Caasimada Online.
  2. Whenever he told people he was from Somalia, film director Mo Harawe says he “began to notice some patterns" about the sorts of images people had about the country. Source: Hiiraan Online
  3. MOGADISHU, Oct 24 (Reuters) - Thousands of security cameras have been installed across Somalia's capital to monitor the movement of al Shabaab militants and reassure residents, but they have also made business owners fearful of reprisal attacks. Source: Hiiraan Online
  4. JOHANNESBURG, South Africa (HOL) — Johannesburg police arrested a Somali national early Monday after seizing 100 kilograms of Khat worth approximately $19,750 in a targeted drug operation. The suspect, 39-year-old Mohamed Deeq Abdulahi Aadam, was apprehended at a BP garage on the Oasis M1 highway following an intelligence-led operation aimed at curbing narcotics trafficking. Source: Hiiraan Online
  5. (Bloomberg) -- Somalia’s government asked the African Union and United Nations to exclude Ethiopian soldiers from a revamped peacekeeping force fighting al-Qaeda-linked insurgents. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Danjire Sebastian Groth, iyagoo ka wadahadlay arrimo badan oo ku saabsan labada dal. Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa intii uu socday wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh uga warbixiyey safiirka, muhiimadda ay leedahay in sare loo qaado taageerada Jarmalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jarmalka ka dalbaday in dowladda Soomaaliya ay ka taageeraan dhinacyada muhiimka u ah dadaallada dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxyaabaha kulankaan sida hoose loogu gorfeeyey waxaa kamid ah sida ay ku suurta geli karto in dowladda Jarmalka ay dib u soo celiso barnaamijyadeedii Soomaaliya ee farsamada gacanta. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safiirka u cadeeyey in Barnaamijyadaan ay muhiim u yihiin horumarinta iyo xasilinta dalka oo dhan, maadaama Soomaalidu u baahan tahay maalgashi iyo shaqo abuur xoog leh. Dhankiisa, Danjire Sebastian Groth ayaa sharaxay iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jarmalka iyo sida loo sii hormarin karo. Sidoo kale Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya ku adkeeyey inay sii waddo horumarinta geeddi socodka dimuqraadiyeynta iyo ka shaqeynta horumar, si barwaaqo loo gaaro mustaqbalka fog ah. The post Sawirro: Xasan oo Jarmalka ka codsaday in la soo celiyo… appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Amuun Cabdullahi Maxamed, oo aheyd saxafiyad Soomaaliyeed oo qurbo joog ah ayaa lagu dilay degmada Afgooye. Amuun oo tobanaan sano ku nooleyd dalka Sweden, balse sannadihii u danbeeyay dalka daganeyd ayaa todobaadkaan lagu dilay beer ay ku laheyd meel aan ka fogeyn degmadaasi. Sida aan wararka ku helnay laba nin oo wajiyada soo duubtay ayaa Amuun ku dhex dilay beer ay iyadu laheyd, oo halkaasi ku taalla. Weli lama oga sababta loo dilay Amuun iyo cidda ka danbeysay, waxaana socota baarista kiiskaan. Maxaan ka naqaana Amuun? Wariye Axmed Idawaqaca oo kamid ah dadka sida dhow u yaqaanay sanadaha badan ayaa sheegay in AUN Amuun ay muddo ka shaqeynaysay raadiyaha Sweden qeybta Af-Soomaaliga, oo ay ka gaartay illaa maamule. Sidoo kale waxay kusoo shaqeysay turjumaan, maadaama ay muddo deganayd Sweden ayna si fiican u taqaanay Swedishka, iyada oo waxbarashada illaa heer jaamacadeed ka gaartay. “Waxay go’aansatay inay ku laabato waddanka, halkaas oo guri ka iibsatay, kadib Afgooye ayey u wareegtay oo beero ayay ka sameysatay, ceelal ayay halkaas ka qoday.” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Dad ayaa halkaas ka shaqeynayay oo mushaar loo qoray, dad kale ayay gacan ku haysay, oo mashaariic horumarineed oo dowladdo la rabay inay sameeyaan ayey halkaas ka hirgelisay.” Amuun ayaa lagu sifeeyay gabadh dadaal badan, oo karti badan, ugu yaraana laba jeer ay hay’addo caalami ah ku abaal-mariyeen mihnadeeda saxaafada ee mudada dheer kasoo shaqeynaysay. Allaha u naxariistee Amuun ayaa hamigeeda uu ahaa inay Soomaaliya ka hirgeliso mashaariic ay ugu weyn tahay beerta lagu dhex dilay toddobaadkan, sida ay sheegeen dadka u dhow-dhow. The post Saxafiyad qurba-joog aheyd oo lagu dilay beer ay ku laheyd degmada AFGOOYE appeared first on Caasimada Online.
  8. Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Puntland ayaa soo gaaray magaalada Garoowe. In ka badan 20 xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee Baarmaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto ayaa maanta lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caasimadda Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland Maxamed Maxamuud Ciise oo ay weheliyaan xubno ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa soo dhaweeyay xubnaha labada aqal ee Garoowe yimid. Mudanayaasha labada aqal ee lagu soo dhaweeyay Garoowe ayaa sheegay in ay soo ajiibeen marti-qaadkii uu u fidiyay guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ku casumay in ay ka soo qeyb galaan furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland. Kal-fadhiga 55ad ee Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in uu furmo maalinta Sabtida ah ee ku beegan 26ka bisha October kaasi oo uu furayo Madaxweyne Deni islamarkaana khudbaddiisa dastuuriga ah ka jeediyo. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lagu soo dhaweeyay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  9. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/464591523_1653952638515843_5388743374209452871_n.mp4 Qaran News
  10. ???????????? ???????????? :- Salaadiinta , Cuqaasha Iyo Guddiyada Beesha ARAB ayaa waxaa maanta ku dhawaaqey laba Qodob oo Beesha ARAB isla qaatay ???????????????????????????? ???????????????????? ???????????????? ???????????????? ???????? . ????. In Dhamaan Beesha ARAB ay codkeeda madaxweyne nimo ay siiso Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ????. In Beesha ARAB codkeeda Urur-nimo ay siiso ururka ay beeshu leedahay ee HORSEED. Go.aamadan ayay saladiinta ARAB sheegen in sababta ay u qateen ay tahay midnimada Beesha dhexdeed Source
  11. Mogadishu (HOL) — A Turkish delegation led by Deputy Defence Minister Musa Heybet arrived in Mogadishu on Thursday to oversee the arrival of a Turkish vessel set to conduct seismic surveys for oil and natural gas exploration off the Somali coast. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay yeelatay ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad tan iyo 2012-kii oo ah markii ay Soomaaliya qaadatay Nidaamka Federaalka, oo laga jooga 12 sanno. Galinkii dambe ee 21 October, 2024-ka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay ku xigeenkiisa labaad, isaga oo jagadaas u magacaabay Cabdisalaan Cabdi Cali oo ahaa Wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya. Kulan ay yeesheen Xildhibaannada Golaha Shacabka maalinimadii Arbacada ee shalay ayaa lagu hor dhaariyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka, iyada oo qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ay si diiran ugu soo dhaweeyeen xarunta Villa Hargeysa. Magacaabista ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ayaa siyaabo kala duwan waxaa ugu falceliyey Bulshada, iyaga oo badankood waydiimo dhowr ah ka keeneen shaqada uu qabanaya ku xigeenka cusub iyo mas’uuliyadaha, halka qaar kood ay ku doodeyn in ay sharci darro tahay magacaabistaan. Magacaabista ra’iisul wasaare ku-xigeenka sharciga muxuu ka qabaa? Sida ku xusan Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, cutubkiisa 8aad ee ka hadlaya laanta fulinta ayaa qodobka 97aad faraddiisa 2aad waxa uu qeexayaa Golaha Wasiirada iyo qeybaha ay ka kooban yihiin Golaha Wasiirrada. Dastuurka ayaa Golaha Wasiirrada waxa uu ku qeexay, “Waa Hay’adda fulinta maamulka ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya.” Qeybaha ay ka kooban tahay Xukuumadda ayaa kala ah; Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul Wasaare ku xigeen/ ku xigeenno, Wasiirro, Wasiiru dowlayaal iyo Wasiirro ku xigeenno. Sida ku cad qodobkaan ayaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu yeelanaya ku xigeen iyo ku xigeenno, balse laguma caddeen ku xigeennadaas in ay ka badan karaan laba. Maxay yihiin awoodaha iyo shaqooyinka ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad? Badi bulshada ayaa iswaydiinaya awoodaha iyo shaqooyinka laga rabo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, oo xafiiskiisu ku cusub yahay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa. Sida ku xusan Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, cutubkiisa 8aad ee ka hadlaya laanta fulinta ayaa qodobka 101aad lagu sheegay shaqooyinka uu qabanaya ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha, taas oo ah in uu qabta Xilka Ra’iisul Wasaaraha marka uu dalka ka maqan yahay, iyo xilalka kale ee u igmado Ra’iisul Wasaaraha. Dastuurka si rasmi ah uma qeexin shaqooyinka iyo Awoodaha ay kala lahaanayaan Ra’iisul Wasaare ku xigeennada, aan ka ahayn in ay qabtaan shaqooyinka uu idmado Wasiirka koowaad ee Xukuumadda. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad Cabdisalaan Cabdi Cali oo ahaa xubin ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kuna fadhiyey kursiga tirsigiisu yahay HOP#167, deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed ayaa waayi doona xubinimadiisa Golaha Shacabka, sida ku xusan Dastuurka KMG. Isha: Mustaqbal The post Maxay yihiin awoodaha iyo shaqooyinka RW ku-xigeenka 2-aad ee xukuumadda? appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray digniin culus oo ku socota bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Digniinta booliska ayaa si gaar ah ugu socotay mulkiilayaasha gaadiidka ayaa waxaa lagu faray inay sida ugu dhaqsaha ugu soo wargeliyaan laamaha amniga haddii laga xado gaari ama mooto-da ay milkiyadeeda ku qoran yihiin. “Haddii gaari ama mooto aad leedahay lagaa xado ama aad waaydo, waa lagama maarmaan inaad ku wargaliso saldhigga boliiska ee kuugu dhow 48 ilaa 72 saac gudahooda, si laamaha amnigu uga baadi goobaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa digniinta booliska lagu sheegay in qofkii laamaha amniga kusoo wargelin waayay xogta gaarigiisa laga dhacay inuu qaadi doono masuuliyada wax kasta oo loo isticmaalo gaarigiisa. “Haddii aad ku guuldareysato inaad ku wargeliso Hay’adaha ammaanka xaaladaha kor ku xusan, adiga ayaa qaadi doona masuuliyadda wax kasta oo dhib ah oo ka dhasha isticmaalka gaarigaaga ama mootadaada, mana lagu aqbali doono wax cudurdaar ah,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska. Sida aan kal horey ku baahinay warbixin baaris ah oo Caasimada Online sameysay inta badan gaadiidka loo adeegsado qaraxyada ayaa ah kuwo lasoo xaday. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhan Taliska Ciidaanka Booliska Soomaaliyeed oo soo saaray wargelin muhiim ah. Iyadoo la ilaalinayo badbaadada muwaadiniinta iyo hantidooda, waxaa bulshada Soomaaliyeed oo dhan la farayaa inay raacaan qodobada soo socda: 1- Gaari ama Mooto lagaa xado: Haddii gaari ama mooto aad leedahay lagaa xado ama aad waaydo, waa lagama maarmaan inaad ku wargaliso saldhigga boliiska ee kuugu dhow 48 ilaa 72 saac gudahooda, si laamaha amnigu uga baadi goobaan. 2- Dukumintiyo luma: Haddii ay kaa lumaan dukumiintiyo muhiim ah sida taargada ama buugga gaarigaaga, waxaa waajib ah inaad ku wargaliso boliiska 48 ilaa 72 saac gudahooda. Digniin: Haddii aad ku guuldareysato inaad ku wargeliso Hay’adaha ammaanka xaaladaha kor ku xusan, adiga ayaa qaadi doona masuuliyadda wax kasta oo dhib ah oo ka dhasha isticmaalka gaarigaaga ama mootadaada, mana lagu aqbali doono wax cudurdaar ah. Fadlan ogow, raacista awaamirtan waa mid muhiim ah oo gacan ka geysanaysa sugidda amnigaaga iyo kan bulshada oo dhan. The post BOOLISKA oo soo saaray digniin culus oo ku socoto reer Muqdisho – Maxay tahay? appeared first on Caasimada Online.
  14. Hirad: “The SSCK Finance Ministry receives significant subsidies from the Federal Government of Somalia. We look forward to the implementation of development projects through the Federal Government of Somalia. In addition, SSCK ministries work directly with the federal ministries.” Mogadishu (PP News Desk) — The Finance Minister of Sool, Sanaag, Ceyn, and Khaatumo Interim Administration, Mr Abdiqani Hirad, told the Somalia National Television that the Federal Government of Somalia provides financial support to the administration. “The SSCK Finance Ministry receives significant subsidies from the Federal Government of Somalia. We look forward to the implementation of development projects through the Federal Government of Somalia. In addition, SSCK ministries work directly with the federal ministries” said Hirad. Mr Hirad was attending an economic development conference in Mogadishu, where he shared his expertise, including the system the SSCK Finance Ministry had implemented to introduce revenue streams for the new administration in Las Anod. Recently, Hirad visited Buuhoodle as part of customs inspection duties to enhance tax collection and prevent tax evasion throughout SSCK territories. The SSCK Interim Administration was established in 2023 on the basis of self-reliance initiatives, with SSCK constituencies generously contributing to recovery efforts following the seven-month-long shelling of Las Anod by the secessionist forces of the Somaliland administration. © Puntland Post, 2024 The post Abdiqani Hirad Commends Federal Government’s Subsidies for SSCK Administration appeared first on Puntland Post.
  15. Kulan ay ku dhameystirnaayeen dhamaan Salaadiinta , Cuqaasha Iyo Guddiyada Beesha ARAB ayaa waxaa maanta lagaga dhawaaqey labada Qodob oo Beesha ARAB isla qaatay 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐚𝐡 . 𝟏. In Dhamaan Beesha ARAB ay codkeeda madaxweyne nimo ay siiso Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro 𝟐. In Beesha ARAB codkeeda Urur-nimo ay siiso ururka ay beeshu leedahay ee HORSEED . Go.aamadan ayay saladiinta ARAB sheegen in sababta ay u qateen ay tahay midnimada Beesha dhexdeed . Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho usoo dirtay wafdi culus oo si diiradan loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde. Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdigan oo uu horkacayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga Turkiga, waxaana qeyb ka ah wafdigaan mas’uuliyiin ka socota wasaaradda tamarta iyo kheyraadka ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in imaatinka wafdigan uu la xiriiro qorshaha markabka Turkiga uu usoo diray xeebaha Soomaaliya, kaas oo sameyn doono sahmin shidaal oo rasmi ah. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo wafdigan kusoo dhaweeyay Muqdisho ayaa sheegay inay farxad u tahay inay soo gaaraan mas’uuliyiin sar sare oo ka socda xukuumadda Ankara oo saaxib la ah Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu wasiirku rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu guuleysan doonaan qorshaha sahminta oo ay kala kaashan doonaan dowladda Turkiga. Markabka Oruç Reis oo sameyn doono baarista shidaalka ayaa dhowaan kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, isagoo mari doona jidka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas, wuxuuna kadib toos usoo caga dhigan doonaa xeebaha Soomaaliya. Sida qorshaha uu yahay markabkan wuxuu kusoo xiran doonaa meel u dhow biyaha Soomaaliya dhamaadka bishan October, ayada oo la filayo inuu qaato qiyaastii 19 maalmood. Si kastaba, tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar, kaas oo la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya. The post Turkiga oo wafdi culus usoo diray MUQDISHO + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  17. VID-20241024-WA0001 Axmed Xasan Carwo, gudoomiye ku xigeenkii hore ee banka Somaliland Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia iyo dowladda Jabuuti ayaa xaqiijiyay in cabasho weyn loo gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kadib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Cabashadan ayaa la xiriirta walaaca Jabuuti ka qabto xiriirka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki. Xasa Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay May 2022, wuxuu saaxiib aad u dhow ka dhigtay Afwerki, isaga oo dalka Eritrea booqday muddadaas illaa 8 jeer, taasi oo ah tii ugu badneyd ee uu sameeyo madaxweyne Soomaali ah muddo aad u kooban. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti uu Xasan Shiikh si toos ah ugu gudbiyay walaac weyn oo uu ka qabo awood sii kordheysa oo uu Afwerki ka helayo xiriirka Soomaaliya. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si gaar ah uga hadlay kulankii saddex geesoodka ahaa ee ka dhacay Eritrea oo dhexmaray Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, isagoo su’aal geliyay sababta shirkan loogu qaban waayay Muqdisho oo halkii loo doortay Asmara. Xiriirka u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea ayaa muddo dheer ahaa mid cakiran, waxaana labada dal ka dhexeeya khilaaf dhuleed oo xasarad keenay. Haatan, dowladda Jabuuti ayaa ka welwelsan in xiriirka dhow ee Xasan Shiikh la leeyahay Eritrea uu sii wiiqayo mowqifka Jabuuti ee gobolka. Tan iyo markii Xasan Shiikh xilka la wareegay, siyaasadaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay keeneen jahawareer ku yimid xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay waddamada gobolka, iyadoo xiriirka cusub uu la yeeshay Eritrea sii kiciyay xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya. Isha: Garowe Online The post Xog: JABUUTI oo walaac ka muujisay tallaabooyin uu qaaday madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu (HOL) — Somalia's elite Danab Commando Force killed 12 al-Shabab militants and wounded another 12 during a planned operation in the central Galgadud region, the federal government announced on Thursday. Source: Hiiraan Online
  20. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad. Safiirka ayaa ugu horeyn bogaadiyay shaqada Golaha Shacabka iyo sidoo kale guud ahaan horumarada ay ku talaabsaneyso dowladda Soomaaliya, waxa uuna sheegay xiriirka ka dhaxeeya labada wadan uu meel wanaagsan marayo sidoo kalena dowladda Sucuudiga ay diyaar u tahay xoojinta taageerida Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo dowladda Sucuudiga uga mahadceliyay taageeradeeda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay horumaro la taaban karo ka sameysay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha isaga oo dhanka kale sheegay in Soomaaliya iyo Sucuudiga uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan ku saleysan. Source: goobjoog.com
  21. Ankara (Caasimada Online) – Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 22 kalana la dhaawacay kaddib marki laba nin oo hubeysnaa ay weerareen xarunta dhexe ee Warshadda Diyaaradaha iyo Dayax-gacmeedyada Cirka ee Turkiga ee magaalada Ankara. Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga, Cali Yerlikaya ayaa sheegay in labada qof ee weerarka fulisay la dilay. Wuxuu kaloo sheegay in laba ka mid ah dadka dhaawaca ah ay xaaladdoodu liidato. Dowladda Turkiga ayaa weerarkaasi ku tilmaantay mid argagixiso. Muuqaal laga sii daayay telefishannada ayaa muujiyay, laba nin oo hubeysan oo galaya xarunta TUSAS ee u dhaw Ankara. Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu weerarka ku eedeeyay kooxda mamnuuca ka ah Turkiga ee PKK, oo ah koox u dagaalanta xorriyadda Kurdiyiinta Turkiga. Dhanka kale, war aroornimadi hore ee Khamiista kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay, in duqeymo cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka Turkiga ka fuliyeen bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga Ciraq iyo Waqooyiga Suuriya ay ku burburiyeen, ilaa 32 bartilmaameed oo ay leeyihiin PKK. Waxay sheegeen in ay dileen tiro ka mid ah ururka PKK, balse ma aysan xaqiijin tirada saxda ah. Isha: VOA The post TURKIGA oo duqeeyay laba dal kadib weerarkii Ankara appeared first on Caasimada Online.
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta ciidamada Danab ee Xoogga dalka ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta. Howlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay ayaa si gaar ah ciidamada kumaandooska Danab waxa ay uga fuliyeen dhulka howdka ah, gaar ahaan aagga deegaanka Geerile ee bariga gobolkaasi. War kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 12 xubnood oo Shabaab ahaa, laguna dhaawacay 22 kale oo kuu dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah. “Ciidanka kumaandooska Danab XDs ayaa howgal Qorshaysan ku qaarajiyay 12 toban dhagarqabe oo katirsan khawaarijta halka 22 xubnood oo kale lagu dhaawacay howlgal ciidanka ay kasameeyeen dhulka howdka ee ku xeeran Deegaanka Geerile ee hoostaga dagmada Ceeldheer ee katirsan bariga gobalka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in xubnaha la laayay ay ahaayeen kuwa firxad ah oo ay ku daba jireen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. “Howlgalkan oo ahaa mid lagu raadjoogay firxadka haraadiga maleeshiyada Argagixisada ee ku dhuumaaleysana deeganada dhulka howdka ee ka tirsan gobalka Galgaduud” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka. Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka soconayo guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda. The post Ciidamada Danab oo laayay Shabaab badan + Sawirro appeared first on Caasimada Online.