Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi. Labada wasiir ayaa dib u eegay xiriirka ka dhexeeya dalalkooda waxayna ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga. Sidoo kale, waxay isweydaarsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka iyo arrimaha caalamiga ah. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda, Danjire Dr. Sacuud Al-Sati. Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa doonaya in ay xoojiyaan xiriirkooda dalalka bariga dhexe ay ku sugan yihiin xaalad adag. Source: goobjoog.com
  2. Mogadishu (HOL) — Two members of the Al-Shabaab militant group surrendered today to Somali National Army (SNA) forces stationed in Goof Gaduud Buureey, Bay region. Source: Hiiraan Online
  3. Ciidamada Israel ayaa saacadihii la soo dhaafay ugu yaraan 53 qof ku dilay marinka Qasa, halka dalka Lubnaana ay xasuuqeen 21 qof, iyadoo madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu muujiyay naxdinta heerarka dhimashada, dhaawaca iyo burburka ee waqooyiga Qasa. Dhanka kale Masar ayaa soo jeedisay xabbad-joojin laba maalmood ah oo looga golleeyahay in lays waydaarsado afar lahayste oo Israa’iiliyiin ah iyo maxaabiis falastiiniyiin ah, iyadoo wada-hadallo lagu soo afjarayo dagaalka sannadka iyo dheeraadka socdaahi ay dib uga billowdeen caasimadda Qatar ee Dooxa. Maamulka Israa’iil ayaan wax natiijo ah ka gaaray dagaalka marinka Qasa oo ay u adaagsadeen awood kasta, islamarkaana ay ku gumaadeen ku dhowaad 45 kun oo qof. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar ayaa Axaddii shalay dib uga furmay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa waxaa ka maqan madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana qodobada looga hadlayo faahfaahin ka bixiyey xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa ka warbixiyey qodobada shirka xoogga lagu saarayo iyo saameynta ay shirka ku yeelan karto maqnaashiyaha madaxda Jubbaland iyo Puntland. “Shirkaan mid cusub maaha, waa kii furitaankiisa uu joogay madaxweynaha Jubbaland, waxayna ila tahay in Axmed Madoobe uu ku soo biiri doono, maadaama weli uu socdo, mar kasta oo shirkaan uu dhacayo Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa loo diraa casuumaad, Puntland waxay ka mid tahay madaxda la casuumo,” ayuu yiri Xudeyfi. Afhayeenka ayaa sheegay in tabashooyin ay jiri karaan, balse aysan sax aheyn in shirka laga maqnaado, “waxaa rasmi ah golahaan, miiska waa la soo saari karaa tabasho hadii ay jirto, marka dhamaan golaha fursad weyn ayey u tahay inay shiraan, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu qabaa aragti ah, haddii la wadahadlo in wax kasta laga heshiin karo,” ayuu yiri Afhayeen Cabdiraxmaan. Xudeyfi ayaa sheegay in shirkaan furitaankiisii uu joogay Axmed Madoobe, isla markaana hadda la isugu yimid in la dhameystiro un qodobadii ajendaha ku jiray ee laga wadahadlay, si war-saxaafadeed rasmi ah looga soo saaro. Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in berri ama ugu dambeyn maalinta xigta lasoo gabagabeynayo shirkaan, isla markaana bulshada lala wadaagi doono natiijada wadahadalladii socday ee maanta dib u bilowday. Afhayeenka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa sheegay in madaxdu ay ka arrinsanayaan arrimo ay ugu horeeyaan amniga, horumarinta dalka iyo dhameystirka hannaanka dimuquraadiyeynta. Waxa la weydiiyey hadii ay jiraan wax un heshiis ah oo la isku raacay oo doorashooyinka ku saabsan “Ajendaha miiska saaran ayey ku jirtaa doorashadu, hadda waxaa laga yimid wadatashiyadii ay madaxdu soo sameynayeen, waxaana la filayaa in go’aan kama dambeys ah shirkaan lagu gaaro, bulshadana lala wadaago,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha JFS Cabdiraxmaan Xudeyfi. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/10/9a04bab8-37bc-40d7-96c4-f276adc9e9dc_16k.mp3The post Villa Somalia oo ka hadashay maqnaashaha shirka ee Saciid Deni iyo Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  5. Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Cabdelfatax Al-Sisi ayaa Axaddii ku dhawaaqay in dalkiisa uu soo jeediyay xabbad joojin laba maalmood ah oo dhexmarta Israa’iil iyo Xamaas, muddadaas oo lagu sii deyn doono afar qof oo ka mid ah Isra’iiliyiinta ku afduuban Gaza. Madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in soo jeedinta ay sidoo kale qeyb ka tahay in xasbiyada Isra’il laga sii daayo qaar ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta iyo in gargaar bini’aadannimo la gaarsiiyo Marinka Gaza. Sisi wuxuu sheegay in qorshana soo jeedinta ah ay ujeedadiisu tahay “in xaaladda horay loo sii wado,” iyo in ugu danbeynti la gaaro xabbad-joojin joogta ah. Ma jirto jawaab deg deg ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxday Isra’il iyo Xamaas oo ku saabsan warka kasoo baxay Dowladda Masar. Wadahadallada soo socda ee xabad-joojinta Gaza ayaa la filayaa in lagu qabto magaalada Doxa ee dalka Qatar. Maraykanka, Qatar iyo Masar ayaa garwadeen ka ahaa wadahadalo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza ee u dhaxeya Isra’il iyo Xamaas, kaas oo billowday 7-badi bishi October ee sannadki 2023. The post Cabdelfatax Al-Sisi oo war culus kasoo dagaalka Gaza appeared first on Caasimada Online.
  6. Xisbiga Liberal Democratic Party ee Ishiba ayaa weli ah xisbiga ugu sarreeya baarlamaanka Japan, lamana filayo isbedel ku yimaada dowladda uu hogaamiyo. Hase yeeshee, natiijadi Axaddii ayaa abuurtay hubanti la’aan siyaasadeed. Codadka uu lumiyay aawadeed, ayaa kallifeysa in Ishiba uu ajandayaashiisa siyaasadeed soo dhexmarsiiyo baarlamaanka, waxaana laga yaabaa in uu u baahdo kuto siyaasadeed oo hor leh. Isbaheysiga Talada haya ayaa inta aysan galin doorashadan waqtigeeda laga soo hormarshay heystay, kuraas dhan 279, laakin doorashada kaddib helay 215 kursi, sida ay saaka xaqiijisay warbaahinta Japan. PUNTLAND POST The post Xisbiga haya Talada Japan oo lumiyay Aqlabiyada Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  7. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in uu ku biiro barnaamijka bank-yada adduunka ee tala-bixinta iyo maareynta kaydka ee lagu magacaabo RAMP, isagoo noqday 𝐱𝐮𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟕𝟗-𝐚𝐚𝐝 ee ku biirta shabakaddan caalamiga ah oo ay ku mideysan yihiin bangiyada dhexe ee adduunka, hay’ado maaliyadeed oo caalami ah, iyo sanduuqyada maareeya maaliyadda howl-gabka. Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi , oo ka qeyb-gelay shir-sannadeedka Bangiga Adduunka (WB) iyo hay’adda Lacagta Adduunka(IMF) 2024 uga socda magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa saxiisay heshiika uu Bankiga Dhexe ugu biiray Barnaamijka RAMP ee Bangiga Adduunka. Guddoomiyaha oo tilmaamaya muhiimadda heshiiskani u leeyahay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in ku biirista barnaamijkani ay bank-ga dhexe Soomaaliya ka dhigayso mid la jaan-qaadaya hannaanka casriga ah ee kaydka iyo maareynta bank-yada dunida, wuxuuna hoosta xariiqay in tillaabadani ay tahay guul weyn oo Soomaaliya u soo hoyatay. Source: goobjoog.com
  8. Taageerayaashii xisbiga Kulmiye ee gobolada Saaxil Awdal iyo Togdheer ayaan caawa isu soo bixin sidii hore looga bartay. Xisbiga Kulmiye ayaa caawa ilaa bari u lahaa in ay isu soo baxaan oo ay muujiyaan cududooda hadaba magaalooyinka Burco,Boorama iyo Berbera ayaa caawa haawanaaya oo aanu Xisbiga Kulmiye aanu wax awood ku lahayn. Waxa caawa lagu arkay magaaladda Ceerigaabo oo uu ku suganyahay mid ka mid ah wasiir ku xigeenada xukuumadda Muuse Biixi waxana uu halkaasi maryo ugu qaybiyay 10 qof si ay u taageeraan xisbiga Kulmiye. Waxa xoogaa dad ah lagu soo daabulay Khayriyada nmagaalada Hargeysa, sidoo kale waxa caawa ay tiro dad ahi isugu soo baxeen magaaladda Gabiley dadkaasi oo lagu qiyaasay in ay isku dhow dhowyihiin dadkii xalay Gabiilay isugu soo baxay. Isku soo wada duub’oo xisbiga Waddani waxa u eegyahay mid codaynta horteedba hantiyay gobolada Togdheer, Awdal, Saaxil, Sanaag iyo galbeedka Sool, waxana la filayaa in gobolka Maroodijeex ay isku garab dhacaan Qaran News
  9. Wasiirka ganacsiga Somaliland isla markaasina ah musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye Mr Saajin, walaashii oo ah haweenay mutacalimad ah dhawaana ka soo laabatay qurbaha oo degan deegaanka Xaliimaale ee gobolka Awdal ayaa maanta taageero u muujisay xisbiga Waddani. Waxana ay balan qaaday in ay taageerayso musharax Cirro iyo isbedelka dalka la rabo in uu ka dhaco Qaran News
  10. Komishanka Doorashooyinka Qaran ,wasaarada warfaafinta ,ururada saxaafada sida Solja iyo Wija, ayaa maanta xarunta guud ee KDQ ku saxeexay Xeerka Anshaxa Saxafaada ee Doorashada. Source
  11. Guddida Anshaxa iyo Kormeerka Doorashooyinka JSL ayaa maanta ganaaxyo lacageed ku xukumay Xisbiyada Waddani, Kulmiye.Ururka Kaah iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumada iyo golaha degaanka degmada Hargeysa kuwaas oo gudigu sheegeen in ay jabiyeen Xeerka Anshaxa & Hab-dhaqanka Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda JSL. Source
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay xubno Shabaab ah oo lagu qabtay magaalada Burco, kuwaas oo la sheegay inay qorsheynayeen weerarro culus. Hey’adda Sirdoonka Somaliland ayaa baahisay sawirrada 7 qof oo shan kamid ah ay rag yihiin iyo labo dumar ah, kuwaas oo lagu tilmaamay inay yihiin Shabakad Shabaab ah. Sirdoonka Somaliland ayaa warbixintaan ku sheegay in xubnahaan Shabaab-ka ah ay ka soo safreen magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ah xudunta Al-Shabaab. Sidoo kale, Sirdoonka Somaliland ayaa shaaciyey in xubnahaan la qorsheeyey inay weerarro culus ka geystaan gudaha Somaliland inta ay socdaan doorashooyinka maalmo kadib bilaabanaya. Somaliland ayaa sheegtay in labada dumarka ah ee Shabakadaan la qabtay ku jirta ay ahaayeen xaasaska labo kamid ah horjoogayaasha Al-Shabaab. Sirdoonka Somaliland ayaa ku raadjooga 20 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Shabakadaan, kuwaas oo la qorsheeyey inay wax oa fuliyaan weerarrada loo qorsheeyey inay Somaliland ka dhacaan maalmaha doorashada. Qabashada shabakadaan la sheegay inay ka tirsan tahay Al-Shabaab ayaa ku soo adeysa xilli dhowaan la guda-geli doono doorashada qof iyo codka ah ee ka dhaceysa Somaliland, taas oo xamaasad gooni ah leh xisbiyo waaweyna ay ku tartamayaan. Kooxda Al-Shabaab oo dhibaato badan ku heysa koonfurta Soomaaliya ayaa awoodi weysay inay dhibaatooyin ka geystaan deegaanada gobollada waqooyi ee Somaliland, waxaana maamulka ka jira deegaanadaas lagu amaanay sida ay amniga u adkeysteen. The post Sawirro: Somaliland oo soo bandhigtay shabakad Shabaab ah oo qorshe halis ah wadday appeared first on Caasimada Online.
  13. Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay hadal uu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda federaalka oo ku eedeeyey madaxda maamulkaas ay diideen in deegaanadaas laga sameeyo baaritaan shidaal, si lamid ah qeybaha kale ee dalka. Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Nuur oo la hadlay BBC ayaa sheegay in aysan jirin meel Puntland ay ku diiday in deegaanadeeda laga sameeyo sahamin shidaal. “Puntland Batrool la baaro Soomaaliya iyadaa ugu horreysay, kolba in madaxda Soomaliya eedo aan macno ku fadhin iska dhahaan, hadhowna raali galin ayey ka bixiyaan” ayuu yiri Wasiir Cabdifitaax. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in haba yaraatee aysan jirin meel wasiir ka tirsan dowladda dhexe iyo Madaxweynaha Puntland ay uga wada hadleen arrimaha Shidaalka. “Dowlad-dhiska dalka waxyaabo badan ayaa laga wada hadlyey, waxaana ka mid ah khayraadka, mana jirto in si gaara wasiirka iyo madaxweynuhu ugu wada hadleen arrimo gaar ah oo quseeya shidaal Soomaaliya laga qodoyo iyo cida qodaysa,” ayuu yiri. Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland ayaa ku adkeystay in Madaxweynaha Putnland iyo wasiir ka mid ah wasiirada dowladda federaalka aysan weli ka wadahadlin arrimo ku saabsan bartoorlka iyo shidaal ama wax kheyraad qeybsi ah. Wasiiru dowlaha ayaa la weydiiyey in Puntland ay shirkado shisheeye kala hadashay shidaal baaris, maadaama dowladda dhexe ay Saciid Deni ku eedeysay in shirkad uu heshiis la soo galay, balse laga hor istaagay. “Maya, ma jirto heshiisyo daaha dabadiisa oo cidnaba lagala hadlay, haba yaraatee arrin ku saabsan shidaal qodista iyo baaris, Puntland waxay doonaysaa in si dhab ah looga wada heshiiyo qaybsiga khayraadka dalka, iyadoo lagu saleeyo wadar ogol,” ayuu yiri wasiirkaan u hadlay Puntland. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa u jawaabay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo shalay barlamaanka maamulkaas ka hor jeediyey khudbad uu ku dhaliilay DF, isagoo ku heystay qariirad qaldan oo lagu soo bandhigay munaasabadii lagu soo dhaweeyey markabka Turkiga ee baaraya shidaalka Soomaaliya. Wasiir Cabdirisaaq ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha maamulka Puntland inuu diiday in deegaanada maamulkaas laga sameeyo wax ku saabsan sahmin shidaal, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay Deni ka hor istaagtay qorshe uu ka damacsanaa shidaalka deegaanada uu xukumo. “Deni wuxuu dowladda dhexe ka hor istaagay masuuliyadii ay lahayd ee oo ay ka mid tahay in sahmin shidaal laga sameeyo Puntland, anaga dowladda ayaan nahay masuuliyad ayaa na saaran, waxaan ka shaqaynaa ganacsi ay wada leedahay umadda Soomaaliyeed oo dadka si siman wax loogu qabanayo” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya Wasiir Cabdirisaaq Cumar ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa dhacday inuu la yimid shirkad uu yiri shirkadaanaa ii samaynaysa sahmin shidaal, waliba anigaa saxiixa wax ku yeelanaya, anaguna waa ka diidnay, xitaa masuuliyiinta shirkadu way ogaayeen in dowladda dhexe ay masuuliyaddaas leedahay.” The post Puntland oo si adag uga jawaabtay eedeyntii wasiirka Batroolka DF u jeediyey Deni appeared first on Caasimada Online.
  14. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Magaalada Washington DC ee Dalka Mareykanka kulan muhiim ah waxa uu kula yeeshay 𝐍𝐢𝐞𝐥𝐬 𝐀𝐧𝐧𝐞𝐧 oo ah Xoghaya Guud ee Wasiirka Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka, xili uu gaba gabo ku sii dhaw yahay shirka sanad laha IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024-ka. Kukanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay koow ka tahay sidii labada Dal ay isaga kaashan lahaayeen kobaca maaliyadda Soomaaliya iyo Xiriirka labada dhinac ee ku qotoma Maalgalinta mashaariicda horumarineed. Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda iyo Wafdiga uu hoggaaminayo waxa ay kulan miro-dhal ah la qaateen xubno sare oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Mareykanka oo kamid ah Dowladaha sida dhaw ugala shaqeeyay Dowladda Soomaaliya ka gun gaariddii barnaamijkii Dayn Cafinta. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku socoto dhabbihii ay ku muujin laheyd kaalinteeda Wadamada Gobolka ee horumarinta Hannaanka Maaliyadda oo dadaal xoogan la galiyay sanadihii la soo dhaafay Source: goobjoog.com
  15. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faysal Bin Farxaan. Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, wasiirada ayaa isla soo qaaday ballaarinta iskaashiga gaar ahaan dhinacyada horumarinta Dhaqaalaha, Amniga iyo Isdhaafsiga dhaqanka. Labadaan masuul ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha Gobolka iyo kuwa caalamka ee muhiimka ah, iyagoo caddeeyay inay ka go’an tahay horumarinta xasilloonida iyo barwaaqada Gobolka. Source: goobjoog.com
  16. Mogadishu (HOL) — The Ethiopian Dialogue Commission is pressing the Ogaden National Liberation Front (ONLF) to reconsider its decision to boycott Ethiopia’s National Dialogue Conference, a move they say threatens to destabilize the already fragile peace agreement established between the two sides in 2018. Source: Hiiraan Online
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah dhaqanka Puntland ayaa soo dhaweeyay imaatinka markabka Oruç Reis oo Soomaaliya ka sameyn doona hawlo shidaal baaris ah. Burhaan oo qoraal soo saaray ayaa Turkiga ku ammaanay tallaabadan oo ku tilmaamay mid caalamka u cadeynaysa in maal-gashi macno leh oo Soomaaliya lagu sameeyo ay soo celineyso rajada Soomaaliya oo cagaheeda dib ugu istaagta oo gaarta nabad iyo barwaaqo. “Go’aanka geesinimada leh ee Turkigu uu ku maal-gashanayo Soomaaliya wuxuu muujinayaa aragti wanaagsan, taasoo tusaale dhiirigelin leh u noqonaysa caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Boqor Burhaan. Sidoo kale wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uga mahad-celiyay dadaalka dheer ee u galay fududaynta ka faa’iidaysiga kheyraadka dalkeenna ee aan marna laga faa’ideysan. Hoos ka aqriso qoraalka BISMILLAAH Waxaan si weyn u soo dhaweynayaa imaanshaha markabka cilmi-baarista iyo sahminta ee ORUC REIS si uu hawlo shidaal baaris ah uga sameeyo biyaha Soomaaliya. Hindisahan ayaa markhaati kale u ah xiriirka qotoda dheer ee Turkiga iyo Soomaaliya, xiriirkaas oo gaaraya qarniyaal badan. Turkigu waxay Soomaaliya u yimaadeen in ay nafta dadka Soomaaliyeed badbaadiyaan kadib macaluushii dalka ka dhacdey 2011 waxayna maanta maraysaa iskaashi lagu soo saarayo shidaalka iyo kheyraadka dalkeena. Go’aanka geesinimada leh ee Turkigu uu ku maal-gashanayo Soomaaliya wuxuu muujinayaa aragti wanaagsan, taasoo tusaale dhiirigelin leh u noqonaysa caalamka intiisa kale. Walaalaha Turkiga iyo hoggaaminta wanaagsan ee Madaxweyne Erdoğan waxay u caddaysay caalamka in maal-gashi macno leh oo Soomaaliya lagu sameeyo ay soo celineyso rajada Soomaaliya oo cagaheeda dib ugu istaagta oo gaarta nabad iyo barwaaqo. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadiisa oo dadaal dheer u galay fududaynta ka faa’iidaysiga kheyraadkeena aan marna laga faa’ideysan. The post Boqor Burhaan oo war kasoo saaray qorshaha shidaalka iyo imaatinka Oruc appeared first on Caasimada Online.
  18. Dembi baarayaasha dalka Kenya ee u howlan daba-galka dilkii foosha xumaa ee gabdhaha Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay wejiga tuhmanaha ugu weyn ee ka dambeeyay dilkii foosha xumaa ee 24-kii October ka dhacsy xaafadda Islii, kaas oo si bahalnimo ah loogu qur-gooyay labo dumar ah iyo gabar yar oo dhammaantood Soomaali ah. Hay’adda dambi baarista ee DCI ayaa soo bandhigtay sawirka Haashim Dagane Muxumed oo 24-jir ah, kaasi oo la rumeysan yahay inuu watay gaarigii loo adeegsaday afduubka dadka dilka loo geystay. Muuqaallada Kaamirada Qarsoon ee CCTV ayaa muujinaya Gaariga oo noociisu ahaa Nissan Note oo dadka la dilay ka soo qaaday gurigooda oo ku yaalla Xaafadda Islii saacado ka hor inta aan meydadkooda laga helin meelo kala duwan. Gaariga ayaa laga helay isagoo cidlo ah Suuqa Wakulima oo u dhow masraxa Tababarka ENA ee magaalada Nairobi, waxaana loo jiiday Xarunta DCI-da si baaritaan loogu sameeyo. DCI-da ayaa hadda ka codsatay qaybaha bulshada inay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka gaysan karta soo qabashada Haashim Muxumed, maadaama ay gacanta ku hayaan hal eedeysane oo la xariirinayo ka luglahaanta falkan arxan-darrada ah. Si kastaba ha ahaatee eedeysanaha koobaad ayaa hadda si xooggan loo baadi-goobayaa, lamama oga jihada rasmiga ah ee uu u baxsaday, waxaa’se gacanta laamaha nabad-gelyada ku jira xubno kale oo la tuhunsanyahay, kuwaas oo uu kamid yahay nin lagu tilmaamay gacan ku dhiigle oo habeenkii faldembiyeedku dhacay la xariiray Haashim oo eedeysanaha koobaad ah. Source: goobjoog.com
  19. Mogadishu (HOL) — Puntland officials have firmly rejected claims by Somalia's Federal Minister of Petroleum, who recently accused the region's leadership of obstructing federal oil exploration initiatives. The dispute has reignited tensions between Puntland and Mogadishu, highlighting the ongoing struggle over resource control and regional autonomy. Source: Hiiraan Online
  20. Somalia calls on international community to take serious steps to preserve security of region Source: Hiiraan Online
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kiiska dilka loo geystay hooyo Soomaaliyeed, gabadheeda iyo gabadh kale oo ay habar-yar u tahay, kuwaas meydadkooda laga helay gudaha Nairobi. Waaxda dambi-baarista Kenya ee DCI ayaa shaacisay in baaritaan ay sameeyeen lagu ogaaday tuhmanaha ugu weyn ee kiiskaan, ayada oo soo bandhigtay xogta ninkaan. “Dembi-baarayaasha ku daba jiray dilalka foosha xun ee loo geystay saddex xubnood oo hal qoys ah oo kala ahaa hooyo, gabadheeda iyo gabar 12 jir ah oo ay habaryar u ahayd, ayaa aqoonsaday tuhmanaha ugu weyn ee looga shakisan yahay dilkaas,” ayaa lagu yiri qoraal ay waaxda dambi-baarista Kenya ku baahisay barteeda Facebook. Sidoo kale waxay waaxdu soo bandhigtay sawirka iyo magaca nin ay sheegeen inuu ahaa darawalkii waday gaariga qaaday gabdhaha la dilay. “Baaritaanada ilaa hadda la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tuhmanaha uu dhibbanayaasha kasoo qaaday gurigooda Islii 21-kii October, 2024, saacado ka hor inta aan meydkooda la helin oo meelo kala duwan la dhigay.” Baabuurka lagu qaaday haweenka la dilay ayaa laga helay meel cidlo ah, oo ku dhow suuqa suuqa Wakulima, iyada oo DCI ay u jiidatay xarunteeda si baaritaan dheeraad loogu sameeyo. “Iyadoo hal qof oo la tuhunsan yahay uu xiran yahay oo gacan ka geysanayo baaritaanka, waxaan ka codsaneynaa qof kasta oo laga yaabo inuu helo macluumaad gacan ka geysan kara xiritaanka ninkaan inuu la soo xiriiro DCI”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay DCI . Allaha u naxariistee hooyada iyo labada gabdhood ayaa shalay lagu aasay xabaalaha Langata ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay aaskooda ka soo qeyb-galeen dadweyne aad u fara badan. The post Xog xasaasi ah oo ka soo korortay dilkii hooyo iyo gabdhaheeda loogu geystay Nairobi appeared first on Caasimada Online.
  22. Marwadii Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamud Xaaji Ibraahim Cigaal, marwo Kaltuun Xaaji Daahir ayaa kolkii u horaysay tan iyo geeridii odaygeeda ka soo muuqatay saaxada siyaasadda Somaliland. Marwo Kaltuun Xaaji Daahir ayaa maanta ka khudbadaysay beerta xorriyadda ee Hargaysa oo ay isugu soo baxii ugu balaadhnaa ay maanta ku soo bandhigeen xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Marwo Kaltuun oo ku jeeni qaaran isla markaasna sidata calanka xisbiga Waddani ayaa la hadashay kumaan kun oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga Waddani waxana ay sheegtay in ay hada tahay markii u horaysay ee ay fagaare noocani ah timaado tan iyo geeridii odaygeedii marxuum Cigaal, waxa ay sheegtay in ay maanta dhisayso musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ay taageersantahay Qaran News
  23. 464595915_528598696450731_2664931032975810206_n Qaran News