-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Guterres ayaa Isniinti shalay ku baaqay in tallaabo adag la qaado, si loo soo afjaro dagaalka sokeeye ee 18-ka bilood ka socda dalka Sudan. Hadalkan ayaa imanaya xilli ay malaayiin qof oo reer Sudan ah ay wajahayaan macaluul kaddib marki ay guryahoodii kasoo barakiciyeen colaadda u dhaxeysa Ciidamada Millatariga iyo Kooxda Fallaagada RSF, kuwaas oo isku haya awoodda waddanka. Hadal uu ka jeediyay kulan gaar ah oo ay Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen xaaladda Sudan, ayuu Guteres ka sheegay “in si joogto ah ay uga codsanay labada dhinac inay joojiyaan dagaalka oo ay yimaadaan miiska wadahadalka, balse inti ay hoo su dhigi lahaayeen xiisadda ay ka door bideen in ay ficillada millatari ay sii kordhiyeen”. Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in “dhibaatooyinku ay sii kordhayaan maalinba maalinta ka danbeysa” isagoo ku baaqay in la joojiyo colaada, la ilaaliyo rayidka, sare loo qaado gargaarka bini’aadantinimo, islamarkaana si deg deg ah loo joojiyo hubka iyo rasaasta labada dhinac. Waxa uu sidoo kale walaac xoogan ka muujiyay xaalada caasimada Waqooyiga Darfur ee Al Fasher, halkaasi oo uu ka socday dagaal tan iyo bartamihii bishii April. Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamanka milatariga ee ka amar qaata madaxa ciidamada qalabka sida ee Sudan Abdel-Fattah al Burhan, iyo madaxa ciidamada RSF Mohamed Hamdan Dagalo. Al Fasher waa caasimadda kaliya ee gobolka Darfur ee aan weli ku dhicin gacanta kooxda RSF. Qaramada Midoobay iyo dowladaha kale ayaa ka walwalsan, dagaal xoog leh oo ka dhaca Al Fashir uu keeni karo, gabood fallo iyo xasuuq la mid ah kii horraanti 2000 ka dhacay Darfur, markaas oo la dilay kumannaan qof oo kasoo jeeda qowmiyadaha aanan Carabta aheyn ee mandiqadda sida Zaghawa, Masalit, Fur iyo qowmiyadaha kale. The post Xoghayaha guud ee QM oo ku baaqay ‘tallaabo adag’ si loo soo afjaro colaadda… appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday xarun ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab (AS) oo ku taalla deegaanka Caad ee koonfurta Mudug. Ciidamada waxay weerarka ku bilaabeen si lama filaan ah, iyagoo kooxda ka furtay rasaas culus. Howlgalka ayaa dhacay xilli ay shir ku jireen dagaalyahano ka tirsan Ururka Shabaab. Wali Ciidanka deegaanka wax faahfaahin ah ka bixin cida lagu dilay howlgalka iyo dadka lagu soo qabtay. Weerarada iyo howlgallada ka socda gobolka Mudug ayaa qayb ka ah dadaalka ciidamada huwanta, oo ay ka mid yihiin kuwa dowladda iyo Daraawiishta Galmudug, ku doonayaan inay kooxda ka xoreeyaan aagagga muhiimka ah ee gobolka. Weerarkan cusub waxa uu ku soo aadayaa xilli ciidamada huwanta ay dhowaan ka guuleysteen Al-Shabaab meelo kale oo gobolka ah, taas oo muujinaysa kor u kaca howlgallada lagaga sifeynayo gobolka Mudug Shabaab. Source: goobjoog.com
-
Erik ten Hag has been sacked as Manchester United manager. Source: Hiiraan Online
-
Wasiiru -Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), oo ay weheliyaan agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee wasaaradda, iyo safiir ku-xigeenka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Mudane Martin Stein, ayaa Wakiilka Gaarka ah ee Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Heiko Nitzschke kulan soo dhoweyn ah ugu sameeyay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Muqdisho. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xasilloonida gobolka, nabad-gelyada, iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo la tixgelinayo doorashada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee 2025. Wada-hadallada ayaa xoogga lagu saaray xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka, wax ka qabashada caqabadaha amniga ee gobolka, iyo doorka Soomaaliya ee maamul caalamiga ah, gaar ahaan arrimaha Sudan iyo Haiti. Labada dhinac waxay xaqiijiyeen go’aankooda ku aaddan horumarinta dadaallada wadajirka ah, kobcinta dhaqaalaha gobolka, iyo taageeridda howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya hogaamiso, iyadoo laga faa’iidaysanayo taageerada EU kadib dhammaadka ATMIS ee 2024. Wasiiru Dowlaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la dagaalanka argagixisada, oo ay ku jiraan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Wuxuu adkeeyay muhiimada xoojinta dadaallada diblomaasiyadeed si loo gaaro nabad waarta oo gobolka ah, isagoo ballan qaaday inuu adeegsan doono dhammaan hababka suurtagalka ah si loo gaaro ujeedkan. Source: goobjoog.com
-
Qatar Charity (QC) has implemented hundreds of economic empowerment projects for about 150 neediest families in various regions of Somalia, a statement said Monday. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke. Wasiirka iyo Ergayga ayaa kulankooda diiradda ku saaray howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta, wareejinta Howlgalkii ATMIS, u guuridda howlgalka cusub ee AUSSOM iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya. Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay walaaca gobolka ee la xiriira ku xad-gudubka Itoobiya ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo xoojinta mowqifka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida qaranka. Source: goobjoog.com
-
Israa’iil ayaa mamnuucday dhulka ay ka taliso inay ka howlgasho hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmada Falastiiniyiinta , sida ay ansixiyeen Baarlamaanka Israa’iil. Sharcigan waxaa lagu sheegay in uu burburinayo boqollaalka kun ee Falastiiniyiinta ku nool xeryaha qaxootiga ee ku yaal Daanta Galbeed, sidoo kale wuxuu sharcigan awood u siinayaa inay Israa’iil ka joojiyo adeegga hay’adan guud ahaan dhulka Falastiin oo ay Qasa ku jirto. Wakaaladda wararka ee Reuters , waxay sii deysay hadalka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo sheegaya “ Sharciga Israa’iil ee ka dhanka ah UNRWA wuxuu ku yeelan karaa cawaaqib xun qaxootiga Falastiiniyiinta.” PUNTLAND POST The post Israa’iil oo dhulka ay ka taliso ka ceyrisay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Kaalmada Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.
-
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester City iyo xulka qaranka Spain, Rodri ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or oo la siiyo ciyaartoyga kubadda cagta ee ugu wanaagsanaa sannadka. Rodri oo 28 jir ah ayaa kooxdiisa Manchester City ka caawiyay ku guuleysiga horyaalka Premier League markii afraad oo xiriir ah sanadkii hore, halka uu dalkiisa Spain ku hoggaamiyay Euro 2024. Rodri ayaa abaalmarintan qaaliga ah ka qaaday laacibka Real Madrid ee Vinícius Júnior oo dad badani u saadaalinayeen, kaas oo ka maqnaa munaasabadii lagu bixiyay. Ballon d’Or waxaa u codeeya 180 wariye oo ka kala socda guud ahaan caalamka. PUNTLAND POST The post Rodri oo ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta jeediyey khudbad uu ku weeraray nidaamka uu Madxaweyne Xasan Sheekh ku hoggaaminayo dalka. Sheekh Shariif ayaa sheegay in dalku uu ku socdo ‘waddo aan toosneyn’ isla markaana toosintiisa ay masuuliyad ka saaran tahay xisbiyada siyaasadda dalka. Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in hadda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku mashquulsan tahay inay bedesho dastuurkii umadda Soomaaliyeed ay ku heshiisay. “Waddo qaloocan oo talo aan la isku darsa karin oo dastuurkii dalka ee umadda meel la iska dhigay ayaa hadda dalka lagu hoggaaminayaa,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka. Shariifka ayaa toos ugu dhaliilay Xasan Sheekh inuu diiday inuu talo ka qaato saamileyda siyaasadda, isagoo tusaale u soo qaatay arrinta dastuurka iyo tan doorashooyinka dalka. Sheekh Shariif ayaa hadalkaan ka sheegay madal uu kula hadlayey xubnaha xisbigiisa, kuwaas ooo u badnaa xubno hadda ku soo biiiray xisbiga uu hoggaamiyo ee Himilo Qaran. Sheekh Shariif ayaa dhalinyarada ku bogaadiyey inay ku biiraan xisbiyada dalka, maadaama ay hadda heystaan fursad qaali ah oo jiilashii ka horeeyey aysan heli jirin. Hoos ka daawo The post Daawo: Shariif oo hal arrin ku dhaliilay Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu(HOL) — A map unveiled by Somalia’s federal government during a recent ceremony in Mogadishu has sparked a backlash from Puntland and Hirshabelle, two key federal states. Displayed at an event welcoming a Turkish oil exploration vessel, the map portrayed certain regions as “disputed”—a designation that Puntland President Said Abdullahi Deni and Hirshabelle officials claim undermines the autonomy and borders of their territories. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke. Wasiirka iyo Ergayga ayaa kulankooda diiradda ku saaray howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta iyo taageerada ay dowladda Jarmalka siin karto ciidanka xoogga dalka. Sidoo kale labada masuul ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin wareejinta howlgalkii ATMIS, u guuridda howlgalka cusub ee AUSSOM iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya. Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay walaaca gobolka ee la xiriira ku xad-gudubka Itoobiya ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Wasiirka Difaaca Dowladda Soomalaiya ayaa Jarmalka ka dalbatay inay xoojiyaan mowqifka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida qaranka. Jarmalka ayaa kamid ah dowladaha muhiimka ah ee Yurub, waxayna Soomaaliya ku tagaeereen qadiyadda ay ka taagan tahay xad-gudubka Itoobiya oo noqday mid caalamka dhan u wada jeedo. The post Sawiirro: Wasiirka Difaaca oo daan-daansiga Itoobiya kala… appeared first on Caasimada Online.
-
Concerns over security ahead of elections as government backed vigilantes rule the streets VID-20241028-WA0010 Concerns are being raised about the emergence of an armed vigilante group aligned to the ruling Kulmiye party that is becoming a security threat ahead of the November 13 presidential elections. Videos and photos of Kulmiye supporters brandishing guns and threatening member of the opposition have been displayed on social media but no action has been taken by government officers. It is emerging that the armed civilian groupings are associated with members of the first family and have reportedly been acting on behalf of high-ranking government officials and Muse Bihi’s close family. These groups are known to have operation houses around the city, and some members are allegedly connected to the intelligence agency or members of the agency, raising further concerns about state complicity in orchestrating or permitting such activities. These armed supporters have openly been brandishing weapons near the government’s highest offices, which are close to several high-security government locations, including the Somaliland Presidential House, the Somaliland Intelligence Agency HQ, and the Criminal Investigation Department (CID) HQ. Despite this proximity to these sensitive installations, no action has been taken lending credence they may be operating at the behest of powerful forces within government and the ruling party and the lack of action against these armed groups proves the government’s endorsement or acceptance of violent tactics aimed at shaping the electoral environment. A case in point was recently when one of the armed groupings fired bullets on the streets but while security forces tried to repulse them, the president’s radio advised them to ignore the group. A police commander who recently alluded that the armed group is linked to President Muse Bihi’s son has since been arrested. The commander, Keyse Suudi, a top police officer at the Iftin Station is currently under arrest in the Officers Club as confirmed by top officials today. Videos of these armed vigilante groups were posted on social media, showing them openly brandishing weapons, chanting, and issuing threats with their faces clearly visible. This unhidden identity and social media documentation suggest a perception of possible tolerance or tacit approval from the government. These incidents indicate a rise in pre-election violence, which poses significant risks to public safety, threatens the democratic process and jeopardizes stability in key districts in the capital city of Hargeisa. These actions are deliberate attempts to intimidate opposition supporters and influence the electoral atmosphere. Notably, this is not the first time that armed civilian groups, reportedly acting on behalf of high-ranking government officials and Muse Bihi’s close family, have been seen. These groups are known to have operation houses around the city, and some members are allegedly connected to the intelligence agency or members of the agency, raising further concerns about state complicity in orchestrating or permitting such activities. Incident Reports On the night of October 26, during the scheduled campaign night of the Waddani opposition party, and October 27, during the campaign night of the ruling party of Kulmiye, armed supporters were spotted in Koodbuur, Ahmed Dhagah, and Mohamud Haybe districts. On October 27, as the ruling party held its campaign event, these armed supporters visibly displayed Kulmiye party flags and guns and chanted slogans supporting the ruling party. These armed supporters openly carried pistols and assault weapons compared to AK-47s. They fired into the air and toward civilian areas in multiple locations, creating an environment of fear and intimidation. Their visible faces, captured in recordings later posted on social media, further underscore the severity of the situation and indicate a degree of confidence in their immunity from accountability, which proves the government’s involvement. The timing of these incidents, aligning with key campaign events, implies a calculated strategy to instill fear and possibly suppress opposition turnout. This deliberate creation of a threatening pre-election atmosphere risks influencing the outcome through intimidation and undermining the fairness of the electoral process. The current security situation in Somaliland points to a concerning pre-election environment, marked by visible, armed civilians supporting the ruling party and posing active security threats. Without immediate corrective measures, these activities risk undermining the democratic integrity of the upcoming elections and jeopardizing Somaliland’s stability. Source Somaliland Reporter Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Heiko Nitzschke. Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga gaarka ah ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jarmalka. Ergayga gaarka ah ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya horumarka dhinacyada kala duwan ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid ahaayeen deyn-cafinta iyo ku biirista East African Community. Sidoo kale wuxuu dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay qaadista cunaqabateynta iyo in Soomaaliya ay ku guuleysatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-2026. Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna uga mahad-celiyay dowladda Jarmalka taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalkeeda ku aaddan xasilloonida gobolka. Jarmalka ayaa kamid ah dalalka sida wayn u taageera dowladda fedaraalka, wuxuuna ka caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin amniga, gargaarka, horumarinta, caafimaadka iyo waxbarashada. The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka R/W Xamza iyo Heiko Nitzschke? appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Xasan Xuseen Maxamed oo booqosho rasmi ah ku jooga dalka Cumaan ayaa maanta heshiis is-afagarad ah la saxiixday dhigiisa Cumaan Dr. Saud Bin Hamoud Al Habsi oo ah Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha. Kulanka ayaa intii uu socday waxa ay labada dhinac ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhoofka Xoolaha, hilibka, kobcinta tayada caafimaadka Xoolaha iyo la dagaalanka cudurada faafa, khibradaha iyo xogaha la xiriira badqabka cuntada, kor u qaadida sugnaanta cuntada iyo sidii loo xooji lahaa maalgashiga. Heshiiska is afgarad ee labada dal ay kala sixiixdeen waxaa uu ku saabsanaa caqabadaha hortaagan ganacsiga Xoolaha, fududeynta maalgashiga labada dhinac ee qeybta Xanaanada Xoolaha iyo kheyraadka dabiiciga ah. Heshiiskan waxaa looga golleeyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhanka soo dejinta iyo dhoofinta Xoolaha nool ee u dhexeeya labada dal, kobcinta awoodda adeega caafimaadka xoolaha, adeegyada ogaanshaha, hababka karantiilka, hubinta u hoggaansanaanta ku dhaqanka shuruudaha caalamiga ah iyo heerarka dhoofinta xoolaha. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa weli ku doodeysa inay lagama maarman tahay inay qeyb ka noqoto howl-galka cusub ee Soomaaliya, xilli dowladda Soomaaliya ay diidan tahay arrintaan. Itoobiya ayaa walaac xooggan ka muujisay amnigeeda haddii ciidamadeeda laga saaro howl-galka nabad ilaalinta, tan oo ah mid la-yaab leh, maadaama aysan dhaceyn firaaq amni. Marmarsiyaha Itoobiya ee ammaanka ayaa u muuqda mid ay uga walaacsan tahay in ciidankeeda lagu beddelo kuwa Masar, oo si weyn isku hayaan, islamarkaana ay kala dhaxeyso xiisadda webiga Niil. Itoobiya ayaa haatan dadaal horleh ku bixineysa sidii ciidamadeeda uga mid noqon lahaayeen howl-galka cusub, iyada oo ku boorisay Midowga Afrika iyo QM inay ka hortagaan dadaal kasta oo ciidamadeeda looga saarayo howl-galka. Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu cadeysay in marnaba ay ciidamada Itoobiya ka qeyb noqon doonin howl-galka cusub, haddii aysan ka laaban heshiiskii badda ee Somaliland, kaas oo ay kasoo bilaabatay xiisadda ka dhex aloosan labada dal. Todobaadkii hore dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in Itoobiya lumisay kalsoonidii ay qayb kaga noqon lahayd ergada nabad-ilaalinta Soomaaliya. “Soomaaliya waxay dooranayasa dalalka ciidamada ugu deeqaya AUSSOM laga bilaabo Janaayo 2025-ka,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Si kastaba, Itoobiya ayaa taageero ku waysay go’aankeeda la xiriira ku adkeysashada heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay horraantii sanadkan wada saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, kaas oo dhalisay xiisad xoog leh oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. The post ITOOBIYA oo dood yaab leh ka keentay bixista ciidamadeeda ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Heiko Nitzschke. Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergayga Gaarka ah ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jarmalka. Ergayga Gaarka ah ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya horumarka dhinacyada kala duwan ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid ahaayeen deyn-cafinta, ku biirista East African Community, qaadista cunaqabateynta iyo in Soomaaliya ay ku guuleysatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025 — 2026. Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna uga mahadceliyay dowladda Jarmalka taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo dadaalkeeda ku aaddan xasilloonida gobolka. Source: goobjoog.com