-
Content Count
214,717 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Socdaalka Sweden, Johan Forssell, ayaa xaqiijiyay in dalkiisu sii wadi doono wada-shaqaynta uu la leeyahay Soomaaliya ee la xidhiidha tarxiilka muhaajiriinta laga diiday magangalyada. Wasiirku wuxuu sheegay in heshiiskaasi uu keenay natiijooyin wanaagsan, isla markaana aysan jirin wax qorshe ah oo lagu joojinayo, balse ay xukuumaddu rabto in ay sii ballaadhiso heshiisyadan, si loogu daro dalal kale. Sida lagu sheegay xogta booliiska Sweden, ilaa bishii Nofeembar ee sanadkan, Soomaaliya waxay qaabishay 25 qof oo si qasab ah Sweden looga soo tarxiilay, kuwaas oo 14 ka mid ah loo tarxiilay sababo la xiriira dambiyo ay galeen,Tiradan ayaa si weyn u kordhay sanadihii u dambeeyay, iyadoo ay ka kacday 6 kiis sanadkii 2021, kuna gaartay 29 kiis sanadkii 2023. Dhanka kale, dowladda Sweden ayaa wajahday dhaliilo xooggan kaddib markii warbaahinta qaarkeed ay shaaciyeen in ku dhowaad 100 milyan oo karoon oo ka mid ah kaalmada Sweden ay si toos ah u gaareen dowladda Soomaaliya, halka 5 milyan oo karoon oo kale oo ka yimid Wasaaradda Caddaaladda Sweden loo adeegsaday maalgelinta saddex shaqo oo ka tirsan xafiiska dowladda Soomaaliya. Wasiir Forssell ayaa caddeeyay in shaqooyinkaas lagu maalgeliyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka (IOM), isla markaana ujeeddadoodu tahay dhisidda awoodda hay’adaha ka shaqeeya dib-u-celinta muhaajiriinta, Wuxuu beeniyay eedeymaha sheegaya in lacagahaasi ay ku dhacayaan “shaqaale magac u yaal” oo aan shaqo dhab ah qaban. Isagoo ka jawaabaya su’aalo la xiriira musuq-maasuq, gaar ahaan maadaama Soomaaliya lagu tiriyo dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, wasiirku wuxuu sheegay in Sweden ay leedahay siyaasad dulqaad-la’aan ah oo ka dhan ah musuq-maasuqa, isla markaana aysan jirin caddeymo muujinaya in musuq ka dhacay arrintan. Wuxuu intaa ku daray in tallaabo degdeg ah la qaadi doono haddii ay soo baxaan calaamado muujinaya musuq. Ugu dambayn, Wasiir Forssell ayaa sheegay in xukuumaddu doonayso in kaalmooyin badan lagu xiro shuruudo la xiriira in dalalku aqbalaan muwaadiniintooda loo diiday joogitaanka Sweden, isagoo xusay in Sweden ay horay heshiisyo noocan oo kale ah ula gashay dalal kale. Source
-
The writer of this article is an attorney in Minnesota Iftin risks legal scrutiny over comments encouraging illegal entry into USA. Minnesota (Opinion) — Many Somalis have been unnerved by what Abdi Nur Iftin told Fox News. Iftin recounted his experiences after arriving in the United States. Some people accuse him of exploiting the Feeding Our Future fraud scandal in Minnesota. They accuse him of granting interviews to “racist and MAGA platforms.” Some also take issue with his description of pre-1991 Somalia, where permissiveness, he says, was a dominant feature of social life before the takeover of the country by what Iftin calls “a Wahhabi sect from Saudi Arabia.” Iftin urges Somalis in USA to integrate, but MAGA supporters use him as an example of assimilation. Assimilation is different from integration. In one interview in Somali, Iftin warned Dr. Abdullahi Ali about the consequences of using money from a nonprofit organization for political campaigns. In 2024, Ali ran for the Jubaland presidency under “Fix the System” ticket. He was not successful. Gateway Community Services, a nonprofit agency founded by Dr. Ali, is under investigation for improper Medicaid (MaineCare) billing. “Does he not understand the law? He could be in trouble with authorities. It is a crime to use money intended for a nonprofit organization for politics,” Iftin said. Iftin is not against immigration or immigrants. He wants them to respect the law of the land when they settle in the United States. His critics dug up his past podcasts and interviews. In one interview, Iftin advises a Somali in Russia who wants to know how to immigrate to the United States of America. “Iftin knows more about the USA than we do. I have a question: How can Somali students in Russia travel to the USA?” asked a young man whose face was concealed. Iftin responded: “To students in Russia, Belarus, Germany, and Poland, listen to me, my brothers. The USA and Russia share a border near Alaska. It is only three kilometers long. It is like the distance between KM4 and Waaberi District [in Mogadishu]. During the winter season, you can cross the border on foot, but it takes three to four days. If you have documents showing residence in Russia, you can come to Mexico and then jump over the border wall. Show U.S. authorities your documents and claim you were in fear of being conscripted and sent to the war in Ukraine. I think the USA will accept your claim,” Iftin counsels. Iftin risks indictment for encouraging violations of the U.S. Immigration and Nationality Act. He could be sent to jail. The point is to hold Iftin to the same standards of probity he holds for every Somali who has benefited from the generosity of the American government and people. An apology from Abdi Nor Iftin on this matter is long overdue. © Puntland Post, 2025
-
Dowladda Eritrea ayaa sheegtay inay ka baxday xubinimadii Urur Goboleedka IGAD, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta. Wasaaraddu waxay ka bixitaanka ururka ku xustay bayaan ay soo saartay 12-kii December, 2025. Ma ahan markii ugu horeysay oo Eritrea ay ka baxdo xubinnimada IGAD. Sannadkii 2007-dii ayay iska casishay xubinimadii ururka, iyadoo sabab looga dhigay inaysan buuxin karin rejadii ay ka filayeen dadka gobolka iyo Eritrea gaar ahaan. Ka dib 16 sano, waxay mar kale dib u cusbooneysiisay xubinnimadeeda Waxay dib ugu soo laabatay xubinnimadeeda iyadoo rejaynaysa in ururku uu fuliyo dib u habeynta ay Eritrea rabto sida ay wasaaraddu sheegtay. Wasaaradda warfaafinta ee Eritrea ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aysan ilaalinayn danaha Eritrea, isla markaana ay ku fashilantay xaqiijinta xasilloonida iyo rabitaanka shacabka gobolka. “IGAD waxa ay si xun u sii waday in ay dib uga dhacdo mas’uuliyadeeda iyo baahideeda,” ayaa lagu yidhi bayaanka Waxa uu intaa ku daray in IGAD ay ku guuldareysatay in ay gaadho faa’iidooyin istiraatijiyadeed oo laga sugayo xubnaheeda si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo xoojinta xidhiidhka. Waxa uu sheegay in ay ku fashilantay in ay wax weyn ka tarto xasilloonida gobolka. Eritrea ayaa dib u xasuusatay inay door muhiim ah ka ciyaartay xubnaha kale markii IGAD la xoojiyay. Maxaa loo aasaasay IGAD? Urur goboleedka IGAD ayaa la aas aasay sanadkii 1980-kii, waxaana hindisaha lahaa Qaramada Midoobay sidii xal waara loogu heli lahaa kaneecada iyo abaaraha ka jira Bariga Afrika. Sideed waddan ayaa xubno ka ah ururka, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in la dejiyo habraacyo horumarineed oo si wadajir ah loola dagaallamo abaaraha soo noqnoqda ee Bariga Afrika. Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya, Suudaan iyo Uganda ayaa ahaa xubnihii aasaasay IGAD, iyadoo Eritrea iyo Koonfurta Suudaan ay markii dambe ku biireen. Toban sano ka dib, 1996, ururku wuxuu ballaadhiyay ujeeddadiisii iyo yoolkiisii waxaana dib loo habeeyey qaabka uu hadda yahay. Ururku waxa uu shaqadiisa bilaabay 1996-kii iyada oo ujeedadu ahayd nabad iyo xasilooni, iskaashi dhaqaale iyo wax wada qabsi. Xigashada Sawirka,Igad Secretariat IGAD iyo Eritrea Labo sano ka hor, markii Eritrea ay dib ugu laabatay IGAD 16-sano oo ay hakad ku jirtay, ayuu Dr. Yonas Adaye ku tilmaamay xiriirka IGAD iyo Eritrea mar uu BBC-da u warramayay. “Ku soo laabashada Eritrea ee IGAD waxay u wanaagsan tahay aqoonsiga Afrika, si ay u koraan waa in aan iskaashi la sameynaa wadamada kale, waxaan aaminsanahay in lala shaqeynayo kuwa kale kaliya maahan diblomaasiyad, laakiin sidoo kale ganacsiga iyo dhinacyada kale maahan dammaanad buuxda oo amniga gudaha ah. Marka labaad, wada jirka maamulku uu la leeyahay dalalka deriska ah waa tallaabo istiraatiiji ah oo weyn, waxaan qabaa in wada jirka iyo horumarka ay tahay biseyl siyaasadeed oo weyn,” ayuu u sheegay BBC-da Jonah. Mar uu ka hadlayay sababta Eritrea ay hadda dib ugu soo laabatay xubinnimada IGAD, ayuu sheegay in saddexdii sano ee la soo dhaafay ay gobolka ka dhaceen isbedello badan. Siyaasadda dunidu waxay noqotay mid kooxaysi badan sababtuna waxay tahay dagaalka Ukraine iyo Ruushka iyo Shiinaha oo balaarinaya danaha istiraatijiyadeed ayaa kordhiyey muhiimada Koonfur Afrika. Sababta ugu weyn ayuu ku sheegay in xal laga gaaray xiisaddii muddada dheer soo jiitameysay ee u dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea, taasina ay tahay fursad wanaagsan oo dalku uu dib ugu soo laaban karo IGAD, isagoo sheegay in dhawaan la xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Shiinaha iyo Ruushka. “Haddii Eritrea ay doonayso inay ka faa’iidaysato badda cas iyo istaraatiijiyada juqraafiga ah, kaligeed ma samayn karto…Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto waxaa laga yaabaa inuu dib ugu laabtay IGAD damaciisa cusub,” ayuu yiri Yonah. Wuxuu aaminsan yahay in haddii hal baasaboor laga heli lahaa dalalka IGAD sida ECOWAS in aan dhaqaalaha oo kaliya la abuuri karin ee nabadda iyo xasilloonida la abuuri karo si loo xalliyo saboolnimada dalalkan. Bbcsomali Qaran News
-
Siyaasi Jaamac Cali Jaamac oo xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya iyo Puntland ayaa caawa ku geeriyooday isbitaalka ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska. Jaamac Cali Jaamac waxa uu madaxweynaha Puntland ahaa intii u dhaxaysay Oktoobar 2001- Maajo 2002, markaas wixii ka dambeeyay oo Puntland gashay xaalad dagaal. Sidoo kale siyaasi Jaamac Cali Jaamac wuxuu ka mid ahaa saraakiishii dowladdii Kacaanka iyo asaasayaashii Puntland. Madaxda dowladda Puntland oo ugu horreeyo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid siyaasi Jamaac Cali Jaamac. PUNTLAND POST
-
Ciidamada Puntland ee PMPF ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen doon siddey budooyinka laga sameeyo qaraxyada, taas oo lagu qabtay xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal. Ciidamada PMPF ayaa xusay in budooyinka ay qabteen ku jiraan noocyada lagu farsameeyo qaraxyada waxyeelada ba’an geysta, sida ay ku sheegeen qoraal ay soo saareen. Sidoo kale ciidamada waxay tilmaameen in ay doontaas wateen todoba ruux oo labo ka mid ah u dhasheen dalka Yemen, halka shanta kalana yihiin Soomaali, kuwaas oo dhammaantood gacanta lagu hayo. PUNTLAND POST
-
Puntland oo ka warbixisay dhismaha wadada Ceeldaahir–Ceerigaabo ayaa sheegtay in la dhisay ku dhawaad 70-km oo ka mid ah wadadaas. Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid oo qoraal uu soo saaray kaga hadlay dhismaha wadadan ayaa tilmaamay in la gaaray 70-km oo isugu jirta in laami la saaray iyo in shaqo ka socoto. Guddoomiye Cabdirisaaq wuxuu xusay in dhamaadka wajiga labaad ee dhismaha wadadan ay ka harsan tahay 18-km, kaas oo ku eg magaalada Badhan. “Wajiga labaad waxaa laami la saaray ilaa deegaanka Rad, waxaana shaqo ka socotaa ilaa deegaanka Gumar, taas oo u dhiganta in 70-km la diyaarshay. Dhamaadka wajiga 2-aad ee ilaa Badhan waxaa ka haray 18-km” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq. Dhismaha wadada Ceeldaahir–Ceerigaabo ayaa la bilaabay 2015, markaas oo uu hoggaanka Puntland hayay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. PUNTLAND POST
-
Supporting Breakthrough Health Advancements in Eswatini Under the America First Global Health Strategy Press Statement Thomas “Tommy” Pigott, Principal Deputy Spokesperson December 12, 2025 Today, the United States and the Government of the Kingdom of Eswatini signed a five-year Memorandum of Understanding (MOU) on global health cooperation that includes strategic investments to strengthen national health efforts, leverage American technology, and facilitate the long-term sustainability of Eswatini’s health system. The Department of State, working with Congress, intends to provide up to $205 million to improve public health data systems, modernize disease surveillance and outbreak response technology, provide access to HIV antiretroviral medications, and scale up access to highly effective HIV prevention interventions. Eswatini will continue to demonstrate its commitment to invest in strategic, catalytic, and innovative healthcare solutions by increasing domestic health expenditures by $37 million during the length of the $242 million MOU. These efforts also include the recently announced delivery of American-made lenacapavir, a breakthrough drug in HIV prevention. The signing places Eswatini on a clear path to achieving the long-term goal of an effective, sustainable, and efficient health system while underscoring a mutual commitment to safeguarding health gains, protecting American and Eswatini citizens alike. The United States will continue to sign multi-year Bilateral Agreements on Global Health Cooperation with dozens of countries receiving U.S. health assistance in the coming weeks to advance the America First Global Health Strategy. Qaran News
-
Somaliland oo ka jawaabtay hadalkii Senetor Ted Cruz Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa sheegay in hadalladii Senator Ted Cruz ee uu ka jeediyey Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka ay yihiin taageeradii ugu cuslayd ee loo muujiyo kaalinta muhiimka ah ee Somaliland ku leedahay ammaanka Badda Cas iyo xasilloonida marin-biyoodka caalamka. Sida aan horey u baahinay, Ted Cruz oo ah senator ka tirsan Aqalka Saree e Mareykanka oo ka hadlayay gal-dhagaysiga Aqalka Sare ee Guddiga Arrimaha Dibedda u qaabilsan Amniga Badda ee Afrika, ayaa si gaar ah u xusay doorka ay jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ku leedahay ilaalinta Gacanka Cadmeed, la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedka, iyo ka hortagga saameynta Shiinaha ee gobolka. “Somaliland waa saaxiib muhiim ah oo Mareykanku dhanka amniga badda e Afrika ku leeyahay, waxay ku taalaa Gacanta Cadmeed, agagaarka mid kamid ah marinada ugu mashquulka badan ee maraakiibtu isticmaalaan dunida”, ayuu yiri. Senator Cruz ayaa oo Somaliland ku tilmaamay bah wadaag istiraatiijiga ah ee Maraykanka ee amniga badaha. ayaa hoosta ka xarriiqay in Somaliland tahay mid ku naalloonaysa dimuqraaddiyad iyo xasillooni lagu kalsoonaan karo, isla markaana ah waddan istiraatiiji ah oo taalla Gacanka Cadmeed. Dhanka kale, waxaa uu Cruz sheegay inuu Trump ka codsaday inay aqoonsi rasmi ah siiyo Somaliland “Horaantii sanadkan, waxaan warqad u diray madaxweyne Trump, taas oo aan ku boorinayo inuu aqoonsi rasmi ah siiyo Somaliland. Sidii la filayayba, xisbiga Shuuciga ee Shiinaha ayaa si degdeg u cambeerayay warqaddaas, taas oo muujinaysa muhiimadda istiraajiyadeed ee ay Somaliland ku leedahay amniga qaranka ee Mareykanka”, ayuu intaas raaciyay senator Ted Cruz. Xuseen Deyr ayaa sheegay in baaqa Senator Cruz ee aqoonsiga Somaliland uu muujinayo fahamka dhabta ah ee qiimaha juqraafi-siyaasadeed ee ay Somaliland u leedahay danaha Maraykanka iyo amniga gobolka. Qaran News
-
Senator Ted Cruz ayaa jamhuuriyadda Somaliland ku soo qaaday dhageysiga Senate-ka ee amniga badda Afrika, isaga oo su’aal u jeediyay Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Wuxuu waydiiyay sida Maraykanku u ballaadhin karo iskaashiga Somaliland, gaar ahaan dhanka amniga badda iyo fulinta sharciga, si loola tacaalo khataraha ka jira Geeska Afrika. Su’aashu waxay si toos ah u taabanaysay in Somaliland lagu daro qorshayaasha Maraykanka ee amniga badda, maadaama ay ku taallo marin istaraatiiji ah oo muhiim u ah badaha gobolka. Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha ee Hay’adda Maandooriyaha Caalamiga ah iyo Fulinta Sharciga, Maggie Nardi, ayaa ka jawaabtay iyadoo sheegtay in INL aysan haatan wax barnaamijyo firfircoon ka wadin Somaliland, islamarkaana diiraddoodu tahay amniga badda guud ahaan. Waxay tilmaantay in iskaashigooda hadda uu ka jiro Jabuuti, halka barnaamijyadii Soomaaliya ay dhammaadeen. Nardi waxay intaas ku dartay in wixii iskaashi mustaqbal ah uu u baahan doono qiimayn ku saleysan baahiyaha jira iyo in arrinta laga la tashado Xafiiska Arrimaha Afrika ee State Department oo go’aaminaya mudnaanta ay u arkaan Somaliland. Jawaabteeda ayaa muujisay in fursado iskaashi oo cusub la tixgelin karo, balse ay ku xiran tahay qiimayn iyo go’aan ka soo baxa waaxaha gudaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Bbcsomali Qaran News
-
Dood si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha badda iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika oo ka dhacday Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Maraykanka, ayuu Senator Ted Cruz uu ka sheegay in Somaliland ay muhiim u tahay istaraatiijiyadda Maraykanka ee badaha iyo la-dagaalanka khataraha ka jira gobolka. Senator Cruz, oo ka hadlayay fadhiga, ayaa sheegay in goob-joogga juquraafiyeed ee Somaliland—oo ku taalla Gacanka Cadmeed, oo ah marin loo isticmaalo ganacsiga caalamka—ay ka dhigeyso meel istaraatiiji ah oo aan la iska indho tiri karin. “Somaliland waa lammaane muhiim u ah ammaanka badda Maraykanka ee Afrika… Waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah, waxayna kaalin ku leedahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo budhcad-badeedda,” ayuu yidhi Cruz. Cruz wuxuu sidoo kale xusay in Somaliland ay xidhiidh dhow la leedahay saaxiibada Maraykanka ee Taiwan iyo Israa’iil, xilli Shiinaha uu kordhiyay dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed iyo ciidan ee qaaradda Afrika. Senator-ku wuxuu sheegay in Somaliland ay Washington u soo bandhigtay heshiis ciidan iyo kaashiga macdanta muhiimka ah, oo uu ku tilmaamay inay si weyn uga caawin karaan Maraykanka yareynta saamaynta Shiinaha iyo sugidda ammaanka Badda Cas. Wuxuu xusay in dhowaan uu warqad u diray Madaxweynaha Maraykanka, isagoo ugu baaqay inuu tixgeliyo aqoonsiga Somaliland, oo uu ku tilmaamay inay ka mid tahay tubaha ay ku gaadhi karaan istaraatiijiyadaha Maraykanka ee gobolka. Dhinaca kale, Margaret Nardi, oo ah Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha ee Waaxda INL (International Narcotics and Law Enforcement), ayaa sheegtay in inkasta oo barnaamijyo toos ah oo INL ay Somaliland ka fuliso ayna hadda jirin, haddana ay diyaar u yihiin qiimeyn iyo sahaminta fursadaha mustaqbalka. “Waxaan diyaar u nahay inaan sameyno qiimeyn baahiyaha ah, kana wada shaqayno sidii loo dejin lahaa mudnaanta Somaliland marka ay timaaddo ammaanka badda iyo hirgelinta shuruucda,” ayay tidhi iyada oo u jawaabaysay Cruz. Dooddan ayaa noqotay mid ka mid ah kuwa ugu cadcad ee si rasmi ah loogu soo hadalqaado doorka Somaliland ee istaraatiijiyadda ammaanka Maraykanka ee gobolka, xilli tartan xooggan uu ka jiro marin-badeedka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Warbixinta Senate-ka ayaa imaneysa iyadoo xiisadaha juquraafiyeed ee gobolku ay sii kordhayaan, halka dalalka waaweyn ay ku loolamayaan saamayn siyaasadeed, dhaqaale iyo ciidan ee marinada muhiimka ah ee dekedaha iyo badaha Bariga Afrika. Source
-
Maraykanka ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanaya ganacsiyada xawaaladaha Soomaalida ee dadka u fududeeya dirista lacagaha dibadda, gaar ahaan kuwa lacagaha loogu diro qoysaska Soomaaliya. Arrintaan ayaa timid kadib markii maamulka Trump uu kordhiyay baaritaannada musuqmaasuqa Minnesota oo ay ku badan yihiin Soomaalida. Madaxweyne Trump ayaa horey u sheegay in Soomaalida ku nool Minnesota ay ku lug leeyihiin lacag-dhaqid, inkasta oo aan caddeyn badan loo hayn. Tallaabadan cusub waxay timid kaddib kiis musuqmaasuq ah oo lagu eedeeyay hay’ad lagu magacaabo Feeding Our Future, oo loo haysto inay lunsatay $300 milyan oo loogu talagalay cuntooyinka carruurta intii lagu jiray Covid-19. Warbixin uu soo xigtay xoghayaha Hantida, Bessent, ayaa sheegtay in lacagaha laga dhacay barnaamijyada dowladda ay gaareen Al-Shabaab. Warbixintan kuma jiraan caddeymo rasmi ah, mana jiro qof loo xiray eeddaas. Bessent wuxuu sheegay in Wasaaradda Hantidu ay soo saari doonto amar cusub oo ah in shirkadaha xawaaladaha Soomaaliya ay keenaan xog dheeri ah oo lagu hubinayo macaamiladooda. Hay’adda FinCEN oo la dagaallanta lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ayaa arrintan qayb ka noqon doonta. IRS-na waxay baari doontaa shirkadaha lagu eedeeyo musuqmaasuqa. Bessent wuxuu sheegay in shaqaalaha Wasaaradda Hantida ay hadda goobaha ku sugan yihiin, oo ay wadaan baaritaanno si ay runta u ogaadaan. Source
-
“Will Ethiopia go to war with Eritrea over Red Sea access?”
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Condemning the Houthis’ Unlawful Detention of Current and Former Local Staff of the U.S. Mission to Yemen Press Statement Thomas “Tommy” Pigott, Principal Deputy Spokesperson December 10, 2025 The United States condemns the Houthis’ ongoing unlawful detention of current and former local staff of the U.S. Mission to Yemen. The Iran-backed Houthis, a designated Foreign Terrorist Organization, have intensified their campaign of intimidation and abuse against Yemeni citizens affiliated with international organizations and foreign governments. The Houthis’ arrests of those staff, and the sham proceedings that have been brought against them, are further evidence that the Houthis rely on the use of terror against their own people as a way to stay in power. We call for the immediate and unconditional release of the Mission staff. Qaran News
-
Israel says it has opened “certain communication” with Somalia amid claims linking Houthi activity to wider regional instability. Somalia has distanced itself from Israel and criticised its war on Gaza [Getty] Israel has opened “certain communication” with Somalia despite the two states having no diplomatic ties, according to new comments from Deputy Foreign Minister Sharren Haskel, who linked the contact to concerns over growing Houthi activity in the Horn of Africa. Haskel’s remarks came in an interview with i24NEWS on Wednesday, where she warned that instability in the region could have wider international repercussions. Somalia is a member of the Arab League and has long rejected formal engagement with Israel. “I think that the situation there is very dangerous,” she said, “and I think it will affect the rest of the world.” “The Houthis are pushing them,” she continued. “Somalia will have a major effect on the economy, on fisheries, on maritime sea travel routes and goods that are passing through there.” A UN report earlier this year referred to a “developing relationship” between Yemen’s Houthi movement and Al-Shabaab across the Bab el-Mandeb Strait, though it did not detail the nature of the connection. Analysts and regional officials have previously noted that any such relationship would be unusual, as the Houthis are a Shia movement and Al-Shabaab is a Salafi-jihadi organisation with sharply divergent ideological roots. Despite this, Haskel claimed the alleged link demonstrated “Iran infiltrating into the continent”, though she offered no evidence. She also claimed Iran was behind other African Salafi-jihadist groups like Boko Haram, which was formerly part of the Islamic State [IS] group and considers Iran to be a major enemy. Haskel did not elaborate on the scope of Israel’s communication with Somalia, nor did she discuss whether it involved wider regional proposals that have appeared in international media in recent months. Earlier reporting in Israel and abroad stated that Israel had explored potential arrangements with several African states, including Somaliland, which is an unrecognised breakaway state from Somalia, as part of discussions connected to post-war scenarios in Gaza. Somaliland officials have publicly denied holding talks on receiving Palestinians from Gaza, and no formal proposals or agreements have been confirmed. Somalia has meanwhile stated that it rejects any plans to relocate Palestinians to Somali territory. The federal government has repeatedly said it has had no discussions with any foreign state regarding resettlement from Gaza and opposes all forms of forced displacement. Somali officials have also voiced support for a ceasefire in Gaza and affirmed backing for Palestinian rights. Addressing Israel’s wider outreach on the continent, Haskel said that Israel “has relationships with almost every government on the continent”, noting that engagement with African states has been a focus of her work as deputy foreign minister. Haskel did not provide further details on the nature of Israel’s recent contact with Somalia. Somalia maintains no diplomatic ties with Israel and has not indicated any shift in its longstanding position. Source The New Arab Qaran News
-
Elon Musk, madaxa shirkadaha Tesla iyo SpaceX, ayaa baraha bulshada gaar ahaan X ka dhaliyay dood xoogan kadib markii uu ku eedeeyay Ilhaan Cumar “khiyaano qaran”, isaga oo ka jawaabaya muuqaal ay ka muuqatay Ilhaan oo la hadlaysay taageerayaal Soomaaliyeed oo ku nool Minnesota sanadkii 2024. Muuqaalkan oo si weyn ugu wareegay internet-ka, ayaa laga maqlayaa Ilhaan Omar oo ka hadleysa arrimaha ku saabsan khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan qorshaha Itoobiya ee dhisashada saldhig badeed oo ay ka hesho Somaliland. Ilhaan ayaa hadalkaas ku balanqaaday inay “u istaagi doonto difaaca danaha Soomaaliya”, islamarkaana ay Washington ku riixi doonaan inay “sida aan rabno u dhaqanto.” Elon Musk, oo dib u faafiyay muuqaalkaas Arbacadii, ayaa ku qoray X: “Tani waxay u egtahay khiyaano qaran.” Hadalkiisa ayaa si degdeg ah u faafay, waxaana ka dhashay dood kulul oo u dhaxeysa taageerayaasha Ilhaan iyo kuwa Musk. Ilhaan Omar ayaa hadalladan markii hore jeedisay Janaayo 2024, iyada oo ka jawaabeysay xiisadda cirka isku shareertay ee ka dhalatay heshiiskii hordhaca ahaa ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Somaliland. Ilhaan ayaa markaas ku adkeysatay inay ka shaqeyn doonto sidii loo ilaalin lahaa midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Inkasta oo taageerayaal badan oo Soomaali ah ay u arkeen hadalkeeda mid ujeedkiisu yahay difaaca danta dalkooda, hadalka Musk ayaa kor u qaaday dood siyaasadeed qaran oo ku saabsan doorka xubnaha Congress-ka ee arrimaha dibedda iyo xiriirkooda bulshada ay matalaan. Source
-
Xeebaha Soomaaliya ayaa mar kale u soo baxay meel ay kusii badanayaan kalluumeysiga sharci darrada ah, sida ay ku warameen Maritime Fairtrade. Warbixinno dhowaan soo baxay ayaa muujinaya in maraakiibta Shiinaha ay si sharci-darro ah uga hawlgalaan biyaha Soomaaliya, taas oo gacan ka geysanaysa in si xad-dhaaf ah loo gurto kaydka kalluunka Tuna oo ay khubaradu ka digayaan inuu burburi karo marka la gaaro 2026. Khasaare dhaqaale oo gaadhaya ku dhowaad $300 milyan oo dollar sannadkii ayaa la sheegay inuu ka dhasho kalluumeysiga sharci darrada ah ee Soomaaliya, arrintaas oo ay uga sii dartay awood-darida dowladda federaalka. Inkastoo Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah ay taageereen dadaallada lagu xoojinayo maamulka kalluumeysiga Soomaaliya. Heshiiskii kalluumeysi ee Soomaaliya ay 2018 la gashay shirkado Shiinees ah, oo lagu qiimeeyay $1 milyan, ayaa dib u kiciyay su’aalo ku saabsan hufnaanta iyo maareynta kheyraadka badda. Inkastoo ay Soomaaliya soo saartay shuruuc cusub oo adag oo ku saabsan ruqsadaha kalluumeysiga isla markaana mamnuucaya kalluunka sharci darrada ah, haddana la’aanta kormeer joogto ah iyo iskaashi goboleed ayaa sii wiiqaya dadaallada lagu difaacayo hab-nololeedyada xeebaha iyo kaydka tuna. Dhibaatada amniga badda ayaa sidoo kale dib u soo muuqanaysa. Bishii la soo dhaafay, burcad-badeed Soomaali ah ayaa isku dayay inay weeraraan markab kalluumeysi oo laga leeyahay Spain, iyagoo adeegsanaya dooni dheereeya oo ay saarnaayeen afar qof, xilli uu markabku marayay biyaha Badweynta Hindiya. Khabiirro badeed iyo kooxaha deegaanka ayaa ka digaya in haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin, Soomaaliya ay lumin karto mid ka mid ah kheyraadkeeda dabiiciga ah ee ugu waaweyn, taas oo saameyn ku yeelan karta dhaqaalaha, nabadgelyada iyo hab-nololeedka kumannaan qoys oo ku tiirsan kalluumeysiga. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Dooxa Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, xaaladda gobolka iyo heshiisyada iskaashi ee ay horey uwada galeen Soomaaliya iyo Qatar, kuwaas oo ku saabsan maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo diblumaasiyadda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Amiir Tamiim xaaladda guud ee dalka, qorsheyaasha horumrineed ee hirgalay ee dib u habaynta dowladnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo hannaanka doorashooyinka tooska ah oo dalku u jihaystay. Dhankiisa, Amiir Tamiim Bin Xamad ayaa muujiyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay door muuqda ka qaadanayaan horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in uu joojiyey munaasabadda xuska Xeer Ciise, isagoo sheegay in go’aankaasi ku saleysan yahay danta guud iyo dareenka bulshada. Hadalkan ayaa yimid xilli xiisado iyo mudaharaadyo ay ka jireen qaar ka mid ah gobollada Somaliland, gaar ahaan Boorama. Madaxweynaha, oo muuqaal rasmi ah soo dhigay warbaahinta, ayaa tilmaamay in masuuliyadda ugu weyn ee dowladda ay tahay ilaalinta nabadda, wadajirka shacabka, iyo xasiloonida guud ee dalka. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Maanta waxaan Madaxweynaha ahaan joojiyey munaasabadda xuska Xeer Ciise, aniga oo ka eegaya danta guud iyo dareenka ummaddayda…” Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo nabadeed oo la doonayo in lagu dejiyo xiisadda labada beelood ee walaalaha ah ee ku kala nool gobolka Selel. Waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo culimada ayaa ku baaqayay in xukuumaddu qaaddo tallaabooyin xasillooni lagu soo celinayo, si looga hortago wax kasta oo kicin kara iska horimaad ama kala shaki bulsho. Joojinta xuska Xeer Ciise ayaa loo arkaa mid ka tarjumaysa: In xukuumaddu dhageysatay cabashada bulshada, In la doonayo in laga hortago rabshado kale, In la abuuro jawi ku habboon wada hadal iyo xal nabadeed. Madaxweynaha ayaa ugu dambayn ku baaqay in shacabka Somaliland ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta amniga iyo wada-jirka, isagoo ballanqaaday in dowladdu sii wadi doonto dedaallada lagu xalinaayo muranka jira. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay xaaladda magaalada Boorama ayaa walaac ka muujisay qalalaasaha rabshadaha wata ee ka dhacay Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, halkaas oo ay ku dhinteen dad rayid ah, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Dowladdu waxay sheegtay inay aad uga xun tahay dhacdooyinkaas, waxayna tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii ku geeriyooday, iyadoo sidoo kale u rajeeysay caafimaad degdeg ah muwaadiniinta dhaawacyadu soo gaareen. Dowladda ayaa ku tilmaamtay falka dhacay mid nasiib-darro ah oo laga baaqsan karay, iyadoo ku baaqday in laga fogaado wax kasta oo sii hurin kara xiisadda taagan. War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in maamulka Soomaaliland looga baahan yahay inay u turaan shacabka deegaanka, lana dhagaysto tabashadooda, iyadoo si masuuliyad leh loo wajahayo xal u helista cabashooyinka. Dowladda ayaa ku adkaysatay muhiimadda ay leedahay in la dhowro dareenka bulshada iyo in laga dheeraado ficillada khalkhal gelin kara amniga iyo xasilloonida magaalada Boorama iyo guud ahaan Gobolka Awdal. Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Awdal inay muujiyaan deganaansho, isla markaana ay joojiyaan wax kasta oo halis gelin kara badqabka iyo wadajirka bulshada, iyadoo wada-hadal loo arko jidka keliya ee lagu xallin karo xiisadda taagan. Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeysay inay diyaar u tahay ka qayb qaadashada gurmadka caafimaad ee dhaawacyada u baahan daryeel dheeri ah, iyada oo ay ka go’antahay ka shaqeynta nabadda, xasiloonida iyo ilaalinta nolosha shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Source: goobjoog.com
-
Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa galaaftay jawi kacsan, kadib markii dood kulul oo la xiriirtay rabshadihii Boorama ay isku beddeshay gacan-qaad iyo feer uu dhexmaray laba xildhibaan. Xildhibaan Ilkacase iyo Xildhibaan Buraale, oo sidoo kale ah Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, ayaa si toos ah ugu dhacay muran kulul oo ku saabsan qaabka ay xukuumaddu u maareysay xiisaddii ka dhalatay fasaxa bandhigga buugga Xeer Ciise. Daqiiqado yar gudahood, doodda ayaa isu rogtay hadallo kulul, kadibna gacan-ka-hadal, taas oo keentay in guddoonka goluhu si degdeg ah u joojiyo fadhiga. Goobjoogayaal ka tirsan Golaha ayaa sheegay in labada xildhibaan ay isku eedeeyeen: In mid walba uu kicinayo xiisadaha bulshada, In maamulka Boorama uusan si habboon u maareyn amniga, In xukuumadda Somaliland ku degdegtay go’aankeedii ku saabsanaa bandhigga Saylac. Ammaanka gudaha Golaha ayaa ku dadaalay kala dhex-galka xildhibaanada si looga hortago in rabshaddu sii socoto, iyadoo ugu dambayn labada xildhibaan laga saaray qolka fadhiga si xaaladda loo dejiyo. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa cambaareeyay falkii dhacay, isagoo ku tilmaamay mid aan habbooneyn oo aan ka tarjumayn mas’uuliyadda xildhibaanimo Source: goobjoog.com
-
Dowladda Uganda, gaar ahaan Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (UCC), ayaa ku hanjabtay in ay xannibi karto baraha bulshada haddii la arko in lagu faafiyo warar qalqal gelin kara amniga dalka inta lagu guda jiro doorashada madaxtinnimada ee 2026. Hadalkan ayaa ka soo baxay Dr Abudu Waiswa, Agaasimaha Arrimaha Sharciga ee UCC, oo ka hadlay shir ay yeesheen hay’adaha maamula doorashooyinka, kaas oo ka dhacay Hotel Sheraton ee Kampala 4-tii December 2025. Dr Waiswa wuxuu sheegay in baraha sida Facebook, X (Twitter), TikTok iyo WhatsApp ay khatar ku noqon karaan amniga doorashada haddii lagu dhibaateeyo bulshada, lagu faafiyo warar been abuur ah, ama lagu abaabulo qalalaase. UCC waxay sheegtay: In baraha bulshada loo adeegsan karo khalkhal gelinta amniga. In haddii “si khaldan loo adeegsado,” ay dowladda qaadi karto tallaabo ah in gebi ahaanba la xannibo adeegyadaas. In tallaabadan ay u aragto mid loogu talagalay badbaadinta amniga qaranka. Hadalkan ayaa soo baxay xilli Uganda ay ka socoto diyaar garowga doorashada 2026, halkaas oo muran badan ka taagan yahay musharixiinta qaarkood iyo xaaladda siyaasadeed ee gudaha dalka. Dadka dhaliila dowladda Madaxweyne Museveni waxay sheegayaan in hanjabaadda UCC ay qayb ka tahay dadaal lagu caburinayo aragtida mucaaradka iyo warbaahinta madaniga ah, iyadoo horey doorashooyinkii 2021 lagu arkay in baraha bulshada la xannibay maalmo ka hor codeynta. Shacabka iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa ku boorinaya dowladda in aysan adeegsanin awoodaha xannibaadda, balse ay xoojiso wacyigelinta, ilaalinta xorriyadda hadalka, iyo dhexdhexaadnimada hay’adaha doorashada. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jartay buundada muhiimka ah ee deegaanka Sabiib, taas oo muddooyinkii dambe burbur iyo halis laga dareemayay, una aheyd marin istaraatiiji ah oo isku xira degmooyin badan oo gobolka ku yaalla. Munaasabadda furitaanka buundadan oo ka dhacday deegaanka Sabiib ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiirka Arrimaha Gudaha, Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, wakiillo ka socday AUSSOM, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya. Mas’uuliyiintan ayaa si wadajir ah xarrigga uga jaray buundada Sabiib iyo tan Caanoole, oo labaduba dib-u-dhis lagu sameeyay. Buundadan ayaa lagu tilmaamay mid sare u qaadi doonta isku socodka shacabka, dhaqdhaqaaqa ganacsiga, iyo howlaha difaaca ee ciidamada, maadaama deegaanka Sabiib uu yahay goob muhiim u ah isku xirka Muqdisho iyo qeybo kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose. Source: goobjoog.com
