Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,104
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Expert traveller and adventure lover Mark Harrison decided to visit one of the least visited countries in Africa and was taken aback by its beauty. Djibouti is home to some of the most surreal and incredible landscapes in the world. With approximately 114,000 tourists visiting in 2021, according to the Oxford Business Group, Djibouti remains a relatively lesser-known destination. This could be attributed to its proximity to politically unstable regions in the Gulf of Aden and the Horn of Africa, bordering Ethiopia, Eritrea, and Somalia, as well as its turbulent past during the civil war of the 1990s. Mark Harrison posted a video on his Youtube Channel titled “I travelled to AFRICA where NO ONE GOES and found this!” where he shared incredible images of his adventures. The video featured dolphins, whale sharks, volcanic landscapes and white-sand beaches. Expert traveller and adventure lover Mark Harrison decided to visit one of the least visited countries in Africa and was taken aback by its beauty. Djibouti is home to some of the most surreal and incredible landscapes in the world. With approximately 114,000 tourists visiting in 2021, according to the Oxford Business Group, Djibouti remains a relatively lesser-known destination. This could be attributed to its proximity to politically unstable regions in the Gulf of Aden and the Horn of Africa, bordering Ethiopia, Eritrea, and Somalia, as well as its turbulent past during the civil war of the 1990s. Mark Harrison posted a video on his Youtube Channel titled “I travelled to AFRICA where NO ONE GOES and found this!” where he shared incredible images of his adventures. The video featured dolphins, whale sharks, volcanic landscapes and white-sand beaches. In the video, he said: “In this video we’re exploring the unknown, undiscovered, least visited country, Djibouti. We’re going to dive with whale sharks, go to a crazy moonscape and now explore the lowest point in Africa and a lake saltier than the Dead Sea.” Djibouti is a geological marvel and home to the lowest point in the entire continent – Lake Assal, which is a crater lake which is more than 150 metres below the sea level. Surrounded by dormant volcanoes and fields of black lava, the saline lake boasts turqioise waters and hundreds of glistening salt crystals. Another must-see is Lake Abbé, located on the border with Ethiopia with its salt lake famous for its striking landscape, where jagged limestone chimneys rise from the ground. The landscape of the lake is so unique it was even used in the filming of the film, Planet of the Apes. The country is also home to islands of white sand beaches with crystal clear waters, rivers and mangroves, many whale sharks and dolphins – all perceived and captured by Mark during his exploring. Its otherworldly beauty is what sets it apart as a country situated at the Afar Triple Junction, where three tectonic plates meet. Moucha Island is a coral island in the Gulf of Tadjoura and another amazing spot for snorkeling and dolphin spotting with a marine reserve, along with stunning white sand beaches. In his video, Mark says Djibouti is a massively underrated and “beautiful” country He added: “I’m beginning to realise how underrated Djibouti truly is…I’m so glad I randomly decided to come here. “Since all there is, is bad press, no one has documented the beautiful side to Djibouti, it has had a really bad rap. “I really hope this video on this tiny country in the Horn of Africa has changed your perspective, and perhaps one day you’ll even give it a chance.” Source Express.co.uk Qaran News
  2. 𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 02/04/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-071/042025 ku soo saarey Magacaabista Guddiga Qaran ee Agaasinka iyo Qabanqaabada Xuska 18-ka May 2025. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- 𝐔𝐣𝐞𝐞𝐝𝐝𝐨: 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐚𝐛𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟏𝟖-𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟓. 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐭𝐢𝐱𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐞𝐲: Muhiimadda maalinta Qaran ee 18-ka May u leedahay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo doorka ay maalintaasi ku leedahay xoojinta midnimada, madax-bannaanida, iyo sumcadda caalamiga ah ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: In sannadkan 2025-ka uu yahay sannadkii ugu horreeyey ee ay Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD xilka hayso, isla markaana loo baahan yahay fursaddan in si heer qaran ah loo abaabulo si loo muujiyo heerka horumarka iyo koboca Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐪𝐢𝐢𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲: Baahida loo qabo in si xirfad leh, abaabulan, oo wadajir ah loo agaasimo looguna diyaar garoobo xuska 18-ka May, isla markaana la sameeyo hannaan isku dubbaridan oo ay qayb ka yihiin dhammaan heerarka dawladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland ee ku nool gudaha dalka iyo dibeddiisaba. 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐲 𝐢𝐢 𝐦𝐮𝐮𝐪𝐚𝐭𝐚𝐲: In loo baahan yahay Guddi Qaran oo si toos ah ugu xilsaaran Agaasinka iyo Qabanqaabada Xuska 18-ka May 2025, iyo in wada shaqaynta heer Qaran ay muhiim u tahay guusha munaasabaddan. Waxa aan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabayaa in ay noqdaan Guddiga Qaran ee Agaasinka iyo Qabanqaabada Xuska 18-ka May 2025, oo ka kooban sidatan: 1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga – Guddoomiye 2. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta – G/Kuxigeen 3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland- Xoghaye 4. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta & Sayniska – Xubin 5. Wasiirka Wasaaradda Duulista, Hawada & Horumarinta Madaarada – Xubin 6. Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska – Xubin 7. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga & Wershadaha- Xubin 8. Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex – Xubin 9. Duqa Caasimadda Hargeysa – Xubin Sidaas darteed, waxaa la farayaa in mas’uuliyiintan ay xil gaar ah iska saaraan agaasinka iyo qabanqaabada xuska 18-ka May, sida oo kale waxaan farayaa dhammaan maamullada gobollada, degmooyinka, hay’adaha dawladda, iyo cid kasta oo ay khusayso in ay si buuxda ula shaqeeyaan guddigan, kana qayb qaataan qabanqaabada maalinta qaran ee 18-ka May si waafaqsan qorshaha iyo jihada uu dejiyo guddigu. 𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡 ________________________________________ 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨) 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmi doono dhiggiisa Mudane Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka. Source: goobjoog.com
  4. Dagaal culus ayaa ka socda deegaanka Jiicboor ee galbeedka gobolka Mudug, halkaas oo maleeshiyaad ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ay isku fara saareen. Dagaalkan ayaa ah mid soo noqnoqday, waxaana la sheegay inuu salka ku hayo muran la xiriira dhul daaqsimeed. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo tirada rasmiga ah aan weli la xaqiijin. Dagaalka ayaa sababay barakac ay sameeyeen dadkii ku noolaa Jiicboor iyo nawaaxigeeda, iyadoo laga cabsi qabo in colaaddu sii xoogeysato. Dhinacyada dagaallamaya ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan Goldogob iyo Saax-wanaag, kuwaas oo horay ugu muransanaa maamulka deegaanka. Ciidamada ammaanka ee Puntland iyo Galmudug ayaa weli aan si toos ah uga dhexgalin dagaalka, inkasta oo dadaallo nabadeed ay wadaan waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka. Source: goobjoog.com
  5. Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa si weyn uga horyimid qorshaha ra’iisul wasaare Xamza ee ku aadan safarkiisa magaalada Laascaanood ee xarunta KMG ah ee SSC-Khaatumo. Guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland, Mudane Axmed Faarax Cismaan ayaa ka digay safarka ra’iisul wasaaraha ee deegaannada SSC-Khaatumo, wuxuuna sheegay inuu ka qoomameyn doono booqashadiisa Laascaanood. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu rabo in dagaal uu ka dhex huriyo Somaliland iyo SSC-Khaatumo oo horay ugu dagaalamay Sool iyo Sanaag. “Ra’iisul wasaare Xamza wuxuu rabaa inuu Laascaanood yimaado, isaga oo sida mashruuc ah in dagaalo laga bilaabo Sanaag iyo Sool” ayuu yiri Axmed Faarax. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan uga digayaa ninka Raiisul wasaaraha Soomaaliya ku magacaaban inuu ka qoomamayn doono hagardaamada iyo mashruuca dagaal ee uu mar labaad u soo wado shacabka gobolada Sool iyo Sanaag”. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Xamza iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay yihiin raggii ka dambeeyay dagaalladii ka dhacay Laascaanood, welina ay faraha kula sii jiraan. “Xamza oo kaashanaya Xasan Sheekh waa maskaxdii ka danbesay dagaalkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Laascaanood. Xamse wuxuu ahaa ninkii ciidankii Somalia ee lagu soo tababaray dalalka Turkey iyo Eritrea Laascaanood geeyay isagoo uga Dan lahaa Qorshe lagu khal-khal gelinayo xasiloonida Somaliland” ayuu mar kale yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan lagu wado in ra’iisul wasaare Xamza uu baxo booqasho uu ku tegayo magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, isaga oo u kuur-geli doono xaaladaha ka jira magaaladaasi. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xamza uu maalmaha soo socda u bixi doono Laascaanood, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho indho-indheyn ah, sida ay ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Ujeedka safarka Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale la xiriira xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo sii amba qaado howlaha harsan ee la xiriira maamulkaasi oo weli KMG ah, isla markaana weli wajahayo xaalado dagaal. Socdaalkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada maamulkaasi iyo horumarinta gobollada SSC. Si kastaba, socdaalka wafdigan sare ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha ayaa sare u qaadaya maqaamka maamulka SSC oo weli dowladda federaalka ay u aqoonsan tahay mid ku meelgaar ah, tan iyo markii uu dagaal adag la galay maamulka Somaliland. Magaalada Laascaanood ee uu haatan tegayo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa horay uga dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo, kuwaasi oo ay dad badan ku geeriyoodeen, welina xiisadda labada maamul ayaa ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.
  6. Somalia, a nation abundantly endowed with natural wealth—untapped oil and mineral reserves, fertile river valleys, strategic maritime positioning, and the longest coastline in mainland Africa—should be a regional powerhouse. Yet, for nearly four decades, the country has been trapped in a cycle of conflict, terrorism, and political dysfunction. The very leaders entrusted with the nation's recovery have, instead, become the architects of its stagnation. Source: Hiiraan Online
  7. BBC Africa Eye exposes recruitment agents scamming foreign nationals out of thousands of pounds as they apply to work in the UK care sector. Source: Hiiraan Online
  8. Food insecurity is worsening in several regions of Somalia, with 18 areas experiencing an increase in the number of people facing a food crisis, according to a report released on Monday. Source: Hiiraan Online
  9. Baidoa (HOL) — Four former fighters from the Al-Shabaab militant group have surrendered to police in Somalia’s Southwest State, regional officials said Wednesday, amid ongoing military offensives and increased aerial strikes targeting the group. Source: Hiiraan Online
  10. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo goordhow ka qarxay galbeedka gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Dagaalka ayaa si gaar ah uga socdo deegaanada Jiicboor iyo Saax Quran iyada oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu kusii fidayo goobo horleh, isla-markaana ay jiraan khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawacba leh. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu salka ku hayo is qab-qabisi ka dhashay dhul oo u dhexeeyo labada beelood ee ku wada dagaalamaya halkaasi. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta gobolka oo ku aadan dagaalkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca. Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ay Mudug ka dhacayeen dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh, oo saameyn ku yesehay dadka deegaanka. Waxaa sidoo kale soconayo baaqyo iyo dadaallo lagu doonayo in nabad lagu kala dhex dhigo beelaha ku dagaalamaya galbeedka Gobolka Mudug. Dagaal beeleedyada ayaa ku soo laab laabtay gobollada Dhexe gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug, waxaana jira heshiisyo horay loo gaaray oo mar dambe fashilmay. Si kastaba, Dagaalladan ayaa loo arkaa kuwo saameyn kara gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda deegaannada maamul goboleedka Galmudug.
  11. Mogadishu (HOL) — Somalia's U-17 national team endured a tough start to their Africa Cup of Nations campaign on Tuesday, falling 3-0 to a clinical Tunisian side led by standout forward Fedi Tayechi. Source: Hiiraan Online
  12. Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo miino oo ay ku dhinteen carruur ay dhaleen xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe. Qaraxyadan oo ahaa kuwa dhulka la geliyo ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo tuulooyinka u dhow, waxaana ay waxyeelo kasoo gaartay carruur iyo xaasas ay dhaleen xubnaha Al-Shabaab. Guddoomiyaha deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo la hadlay ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa ka hadlay dhacdadan, wuxuuna xaqiijiyay in carrruur iyo xasaas u dhaxa xubnaha Al-Shabaab ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxyadaasi. Waxa uu tilmaamay in qaraxyada ay si gaar ah uga dhaceen deegaannada ay howlgallada ka socdaan, isaga oo ku eedeeyay in Al-Shabaab ay dhibaatadaasi la rabeen dadka shacabka ah iyo ciidamada isbaheysanaya ee howlgallada ka wada halkaasi. “Maanta waxa ay u baahan yihiin in laga bad-baadiyo ilmahooda iyo naagahooda, meeqo carruur ah ayaa darraad iyo shalay ku dhintay miino ay iyaga dhigeen oo ilmahoodi ah ogaada maanta waxaan rabnaa inaan ka bad-baadino ilmahooda?” ayuu yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay in Khawaarijta aysan naxeyn, ayna usoo jeesatay leynta dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan carruurta, haweenka iyo dadka da’da ah. “Waxaad kale oo ogaataan nimankaas cadowtimada ay qabaan in aysan qof u aabe yeeleen, ninkii hooyooyinkoodii iyo ilmahoodii inta miino u dhigo oo qarxiya asxaan miyay leeyihiin?”. ayuu kusii daray. Dhanka kale, guddoomiyaha deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hadalkiisa wata ayaa xusay inay ka go’an tahay in lasii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle. “Go’aankeennu waxa uu yahay inaan Shabaab dhulkaan ka tirtirno wax kale qorayga uma wadano, ogaadana dagaalkan inuu yahay naf-hurnimo oo jihaad ah” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan xubnaha kooxda Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay dagaal kula galeen ciidamada dowladda, inkastoo markii dambe laga saaray, kadib duqeymo lagu garaacay halkaasi. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay culeys soo saartay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo dib ula wareegtay deegaanno horay looga qabsaday, waxaase hadda soconayo guluf culus oo ay dhankeeda wado dowladda dhexe.
  13. Mogadishu (HOL) – Somali Minister of Foreign Affairs, Amb. Ahmed Moallim Fiqi congratulated Djibouti’s newly appointed Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Amb. Abdoulkader Houssein Omar, during a phone call on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  14. Senator Cory Booker oo ka tirsan aqalka senadka Mareykanka, gaar ahaan xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto New Jersey ayaa dhigay wacdarihii ugu weynaa dhanka hadal-jeedinta, ka dib markii uu in ka badan 24 saacadood oo xariir ah khodbaynayay, asagoo aan nasan, wax cunin, biyana cabin. Hadal jeedinta Booker ayaa ah tii ugu waqtiga dheerayd Senadka Mareykanka tan iyo 2013-kii, xilligaas oo Senator lagu magacaaboTexas Ted Cruz, oo Jamhuuri ahaa uu 21 saacadood si toos ah mimbarka uga khodbaynayay. Hadal-jeedinta la yaabka leh ee Cory Booker ayaa lagu sheegay nooc gadood ama mudaharaad ah oo uu ku muujinayo diidmadiisa siyaasadda iyo hab maamulka madaxweyne Trump . Source: goobjoog.com
  15. Djibouti has named a new foreign minister to succeed Mahamoud Ali Youssouf, who was elected as head of the African Union in February, according to a presidential decree published Tuesday. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) – Somali National Army (SNA) forces, in coordination with local militia fighters, killed at least seven Al-Shabaab militants in a targeted operation in the Middle Shabelle region on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  17. Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabid Barre iyow wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in dhowaan u ambabaxaan magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xamza uu maalmaha soo socda u bixi doono Laascaanood, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho indho-indheyn ah, sida ay ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Ujeedka safarka Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale la xiriira xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo sii amba qaado howlaha harsan ee la xiriira maamulkaasi oo weli KMG ah, isla markaana weli wajahayo xaalado dagaal. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii darayo in ra’iisul wasaaruhu uu kulamo la qaadan doono madaxda maamulkaas iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka xog wareysan doonaan horumarka deegaanka, xaaladaha ka jira, gaar ahaan baahiyaha gaarka ah.. Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in ra’iisul wasaare Xamza uu dhagax-dhigo mashaariic horumarineed oo lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarka deegaannada SSC-Khaatumo, kuwaas oo haatan laga hirgelinayo deegaannada maamulkaasi. Socdaalka wafdigan sare ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha ayaa sare u qaadaya maqaamka maamulka SSC-Khaatumo oo weli dowladda federaalka ay u aqoonsan tahay mid ku meelgaar ah, tan iyo markii uu dagaal adag la galay maamulka Somaliland. Socdaalkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada maamulkaasi iyo horumarinta gobollada SSC. Qaban-qaabada loogu jiro soo dhaweynta Xamza iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale si weyn looga dareemayaa Laascaanood oo xarun u ah maamulka SSC, waxaana maamulka iyo shacabka ay u diyaar garoobayaan inay qaabilaan wafdiga ka socda dowladda dhexe. Magaalada Laascaanood ee uu haatan tegayo ra’iisul wasaare waxaa horay uga dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo, kuwaasi oo ay dad badan ku geeriyoodeen, welina xiisadda labada maamul ayaa ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Si kastaba, waxaa horay deegaannada SSC-Khaatumo booqashooyin ugu tegay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka, balse ka soo jeedo deegaannadaasi.
  18. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/04/AQM1_r1JApLjmZ9DN4O4WubdIHE_bKnjfVfT8g_ivPCwuHNITSZKpwKxZVWNTsGQ7p08QjcHVqx4XHVancB3KCtJ.mp4 Qaran News
  19. Mogadishu (HOL) - A United Nations-registered aircraft made an emergency landing at Mogadishu's Adan Adde International Airport on Tuesday afternoon after its front landing gear failed to deploy, officials said. Source: Hiiraan Online
  20. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ku qasban tahay inay xidho dhammaan xarumaha lagu sameeyo roodhida ee Gasa, sababtuna tahay bur yaraanta ka dhalatay go’doominta Israa’iil ee dhulkaas. Xarumahan ayaa muhiim u ahaa quudinta kumanaan qof oo reer Qaza ah . Israa’iil ayaa joojisay in muddo ah gargaarkii Qaza soo gali jiray. Dhanka kale dowladda Israa’iil ayaa isku dayaysa inay iska difaacdo dilkii shaqaale caafimaad oo lagu dhex dilay gaari kuwa gurmadka degdega ah. Afhayeen u hadashay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ayaa sheegtay in xidhitaankan ay saamayn doonto boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo ku tiirsan roodhida la dubo. Israa’iil ayaa go’doominta bilowday horraantii bishii hore si ay u kordhiso cadaadiska Xamaas ay ku doonayso in ay sii deyso la haystayaasha Israa’iil. Joojinta gargaarka ayaa waxaa ay imika ka digayaan hay’adaha arrimaha bina’aadanimada in ay dhibaato wayn ka dhalan karto. Dhanka kale Ciidamada Israel ayaa isku dayay inay difaacaan falkii ay ka geysteen Gaza todobaad ka hor markii ciidamadooda ay rasaas ku fureen kolonyo gaadiid ah, halkaasi oo ay ku dileen shan iyo toban ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, shaqaalaha difaaca rayidka iyo shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay. Source bbcsomali Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu fidinayo gogol wadatashi, xilli ay muddooyinkii dambe si weyn isku hayeen siyaasiyiinta mucaaradka oo ka biyo-diiddan hannaanka doorasho ee ay Villa Somalia marsatay Baarlamaanka Soomaaliya. Gogosha wadatashiga ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay ayaa dhalisay su’aalo badan oo ilaa hadda aan loo helin jawaabo cad. Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, haddana falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa tallaabadan u arka mid soo daahday oo ka dhalatay cadaadis isa soo tarayay, kaas oo Villa Somalia kaga imaanayay mucaaradka gudaha, balse ugu dambeyn ay beesha caalamku cadaadis xooggan ka geysatay. Maalmo ka hor ku dhawaaqista gogoshaas, safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa si toos ah Madaxweynaha cadaadis ugu saaray arrintan, iyagoo sidoo kale farriin taas la xiriirta hore ugu soo dhiibay qaar ka mid ah saaxiibbadiisa siyaasadeed. Farriintaas ayaa ku qotontay baahida loo qabo in la furo saaxadda siyaasadda, la dejiyo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, iyo inuu billaabo wada-hadal dhab ah oo lala yeesho madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan wadahadallada, sida Puntland iyo Jubbaland. Xeeldheerayaasha siyaasadda ayaa tilmaamaya in dowladda federaalka aysan weli caddeyn arrimo muhiim ah, sida: Dastuurka lagu dhaqmi doono waa kee? Sidee loo qaban doonaa doorashooyinka 2026-ka? Yaa hagi doona wadahadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada? Istaraatiijiyad noocee ah ayaa lagu wajahaya dagaalka ka dhanka ah argagixisada? Sidoo kale, su’aal kale oo walaac badan abuurtay ayaa ah: Yaa ka qeyb galaya gogoshan? Ma dhammaan siyaasiyiintii hore xilalka uga soo qabtay heer federaal ayaa lagu casuumayaa, mise waxaa laga qeybgelinayaa iyadoo lagu saleynayo heerka qaylada iyo buuqa siyaasadeed ee qofka ama kooxdu samayn karto? Jawaabta su’aashan weli ma cadda, balse waxaa muuqata in Villa Somalia iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ay go’aamin doonaan cidda saameynta ku leh ajendaha gogosha, kuwaas oo aan laga tegi karin. Maadaama aan su’aalahaas ilaa hadda loo helin jawaabo cad, waxaa jirta cabsi ah in gogosha lagu dhawaaqay ay tahay mid ay Villa Somalia ku raadineyso waqti siyaasadeed, halkii ay ka noqon lahayd qorshe dhab ah oo lagu gaari karo dib-u-heshiisiin siyaasadeed iyo ajande qaran oo lagaga hortago kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.
  22. Outrage has spread in Somalia after an eight-year-old girl, who had been missing for six months, was found living with a man who said he was her husband. Source: Hiiraan Online
  23. RIYADH: Saudi aid agency KSrelief has delivered thousands of food, clothing and shelter packages to some of the world’s most vulnerable people, the Saudi Press Agency reported on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  24. Türkiye has taken a more active role in enhancing Somalia’s security, supporting both the country’s administration and military in counterterrorism efforts. Source: Hiiraan Online