Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo Wasiirkii hore, Cabdiqaadir Maxamed Nuur. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay laf-dhabar u tahay difaaca Qaranka, amniga iyo horumarinta siyaasadda Qaran ee dib-u habeynta iyo tayeynta ciidanka Qaranka ee habeen iyo dharaarba u dhimanaya difaaca dalka, dadka iyo diinta, si loo ciribtiro kooxaha argagixisada ah. Waxa uu si gaar ah u dul istaagay muhiimadda in la dhammaystiro qorshaha xukuumadda Dan-Qaran ee Soomaaliya nabad ah, xilli ay geesiyaasha xoogga dalka oo gacan ka helaya dadka deegaanka ay dagaal adag kula jiraan kooxaha argagixisada. “Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan leh oo ay kamid yihiin qaadista cunaqabateyntii hubka oo muddo dheer kaddib dalkeenna laga qaaday, diyaarintii ciidamadii kala duwanaa ee ka qeyb-qaatay amniga caasimadda, iyo diyaarinta qorshaha casriyeynta hannaanka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu sameeyay dib-u-habeyn xooggan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza. Waxa uu intaas kusii daray “Sidaas awgeed Wasiirka cusub waxaa laga doonayaa in uu horumariyo siyaasadda Qaran ee difaaca iyo dib-u xoreynta dalka.” Mudane Xamza ayaa Wasiir Cabdiqaadir, ku ammaanay dedaalkii uu galiyey uu galiyey sidii loo heli lahaa ciidan Qaran oo awood u leh in ay dalkeenna ka difaacaan cadowga, una diyaarsan ciribtirka Khawaarijta. Sidoo kale waxa uu Wasiirka cusub kula dardaarmay in uu dardargaliyo dib u habeynta ciidamada iyo wada-shaqaynta hey’addaha amniga, si looga guuleysto argagixisada. Si kastaba, Wasiir Jaamac ayaa ugu dambeyn maanta si rasmi ah u wareejiyay galkii difaaca dalka, kadib muddo uu ka cago jiidayay inuu wareejiyo, maadaama ay wararka qaar sheegayaan inuu ka biyo diidanaa xil ka qaadistii lagu sameeyay.
  2. Somaliland Institute of Agriculture Research (SIAR) Brings Advanced Agricultural Solutions for Enhanced Crop Productivity The Somaliland Institute of Agriculture Research (SIAR) has taken significant steps to revolutionize agriculture in the region by introducing improved varieties of drought-resistant and nutritious crops. These efforts are aimed at boosting the country’s food security and enhancing the livelihoods of farmers through higher crop yields and improved resilience to harsh environmental conditions. SIAR has already imported advanced varieties of legumes and cereal crops, including Cowpea, Pigeon pea and Pearl Millet, along with Sorghum. After conducting extensive evaluation research to determine their adaptability to Somaliland’s challenging climate, the results have been promising. These crops have demonstrated impressive qualities, including high grain yield and biomass production, as well as resistance to both drought and disease. Additionally, some of the introduced varieties are nutritionally enriched, providing valuable vitamins that can help address malnutrition in the region. Currently, these varieties are entering the seed multiplication stage, which is a crucial step in ensuring that the seeds are available for wider distribution. SIAR plans to collaborate with the Ministry of Agriculture and Development (MOAD) to multiply the seeds and distribute them to farmers across the country. This collaboration aims to scale up the production of these improved crops and provide farmers with better tools to cope with the challenges posed by climate change. In addition to the improved crop varieties, SIAR has introduced innovative farming practices to further enhance productivity. One such method is the use of ZAI pits (also known as Permanent Planting Pits), which have been implemented for the first time in Somaliland’s agricultural history. These pits, measuring 30 cm wide and 40 cm deep and 50 cm apart are strategically placed in areas where water naturally flows. By adding organic matter into these pits and planting two seeds in each pit, farmers have seen healthier and longer-growing plants, leading to nearly double the yield and biomass compared to traditional farming methods. The ZAI pits technology has proven to be a game-changer, offering a practical solution to improve soil fertility and water retention, which are vital for sustaining crop production in arid environments. SIAR is committed to spreading the knowledge of this innovative technology and is working closely with MOAD to train smallholder farmers in its use. The goal is to create a lasting impact on crop productivity in Somaliland, ultimately helping farmers increase their harvests and improve their economic stability. Looking to the future, SIAR has ambitious plans to import additional drought-resistant varieties of essential crops such as wheat, maize, rice, chickpeas, and groundnuts. This will further diversify the range of crops available to farmers, ensuring they have access to a variety of options that are both nutritionally rich and capable of thriving in the region’s harsh climate. Through its collaborative efforts with the Ministry of Agriculture and Development, SIAR is paving the way for a more sustainable and productive agricultural future in Somaliland. By multiplying improved seeds, introducing innovative farming technologies, and empowering farmers with the tools and knowledge they need, SIAR is helping to build a stronger, more resilient agricultural sector in the region. As Somaliland continues to face the challenges of climate change, these advancements in crop research and farming technology hold great promise for the future of agriculture in the country Abdirahman Ibrahim Abdilahi Somaliland Institute Of Agriculture Research Abdirahman270@gmail.Com Qaran News
  3. In a significant development, U.S. Deputy Secretary of State Christopher Landau has responded to a passionate message from a Somalilander urging Washington to reassess its engagement in the Horn of Africa. The message came from X (formerly Twitter) user 𝔹𝕌ℝℂ𝕆 𝕂𝕀𝔻, who commented on the Secretary’s post: “Nice work deputy also please cut off all funding from the failed terrorist hub called Somalia, and Somaliland is ready to host our great U.S. allies in Berbera to counter China.” In response, Deputy Secretary Landau stated: “I have been looking into this situation very closely.” Deepening U.S.-Somaliland Relations This exchange shines a renewed spotlight on the evolving U.S.-Somaliland relationship. Somaliland, an independent nation since its regained independence in 1991, has built a reputation for democratic stability, peace, and rule of law in a volatile region. Despite lacking formal international recognition, Somaliland has consistently demonstrated its commitment to good governance and regional security—earning it quiet but growing respect in global diplomatic circles. Trump’s Recognition and Congressional Support President Donald Trump Adminstration has been notably vocal about his support for Somaliland during his administration, openly hinting at potential recognition that could have significantly altered the geopolitical dynamics in the Horn of Africa. His administration’s rhetoric has continued to influence discussions on re-evaluating U.S. policy in the region. In recent months, several U.S. lawmakers, including members of Congress and a number of senators, have actively championed the Somaliland case. These efforts emphasize not only the strategic importance of Somaliland’s location—especially its key port in Berbera—but also its stable governance compared to its tumultuous neighbor Somalia. This bipartisan momentum suggests that the U.S. might be gradually warming up to the idea of a more engaged and supportive relationship with Somaliland. Strategic Implications and Regional Dynamics The strategic importance of Berbera Port cannot be overstated. As tensions between the United States and China continue to simmer, control over key maritime routes and regional alliances has become a focal point of U.S. foreign policy. Somaliland’s readiness to host U.S. allies in Berbera is seen by many analysts as a potential counterbalance to China’s growing influence in the region. Deputy Secretary Landau’s comment underscores a cautious but clear signal that U.S. officials are closely monitoring these developments. His acknowledgment comes at a time when Washington is reassessing its strategic priorities in the Horn of Africa amid calls from influential voices for a renewed policy focus on Somaliland. Deputy Secretary Landau’s comment underscores a cautious but clear signal that U.S. officials are closely monitoring these developments. His acknowledgment comes at a time when Washington is reassessing its strategic priorities in the Horn of Africa amid calls from influential voices for a renewed policy focus on Somaliland. Sharmarke Ali, a UK-based international political analyst, welcomed the statement, saying: “This statement by the Deputy Secretary of State signals a seismic shift in U.S. foreign policy in the Horn of Africa, with President Trump’s Administration moving away from propping up failed regimes and instead engaging with stable, democratic partners like Somaliland,” Horn Diplomat will continue to monitor the situation closely as more details emerge from Capitol Hill and Washington. Horn diplomat Qaran News
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Kooxo hubaysan oo sheegay inay qabaan tabashooyin maxalli ah ayaa saaka jaray tuubooyinka khadka isgaarsiinta ee Fiber Optic Wireless ee shirkadda Golis, kuwaas oo mara degmada Burtinle ee gobolka Nugaal. Ficilladan ayaa si weyn u saameeyay adeegyada isgaarsiinta ee gobolka. Goob-joogayaal ku sugan degmada Burtinle ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kooxdan ay si bareer ah u jareen fiilooyinka internet-ka. Tallaabadan ayaa sababatay hakad weyn oo ku yimid adeegyada internet-ka iyo isgaarsiinta ee ka jiray Galbeedka Nugaal iyo guud ahaan gobolka Mudug. Khadka la jaray ayaa ahaa mid si ballaaran looga isticmaalo degmooyin badan oo ka tirsan maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa gobolka Mudug. Bulshada ku tiirsan adeeggaasi ayaa wajahaya dhibaatooyin isgaarsiin oo hor leh, kuwaas oo saameeyay ganacsiga, isgaarsiinta deg-degga ah, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah. Dableyda weerarka qaaday ayaan weli la aqoonsan cidda ay yihiin si rasmi ah, balse wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan inay kooxdu ka cabanayaan arrimo ku saabsan adeegyada deegaanka iyo tabashooyin siyaasadeed ama bulsho. Waa markii afaraad ee weerar noocan ah lagu qaado xarumaha muhiimka ah ee isgaarsiinta gobolka, waxaana muuqata in aysan jirin wax jawaab cad ah oo ilaa hadda ka soo baxay dhinaca maamulka Puntland, taasoo ka sii daraysa xasillooni darrada ka jirta deegaanka. Maalmo kahor ayay ahayd markii rag hubeysan ay sidoo kale xireen isu socodka gaadiidka wadada weyn ee laamiga ah, taasoo ah isku xirka muhiimka ah ee gobollada dalka. Tani waxay muujinaysaa kororka falalka amni-darrada ee ka jira qeybo kamid ah Puntland. Dadka deegaanka ayaa walaac xooggan ka muujinaya kororka falalka noocan ah, iyagoo ugu baaqaya maamulka Puntland inuu si degdeg ah uga jawaabo una qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah, si loo sugo ammaanka loogana hortago carqaladaynta adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada.
  5. Mogadishu (HOL) – Suspected Al-Shabaab militants fired six mortar shells toward Aden Adde International Airport and the heavily fortified Halane compound in Mogadishu on Sunday morning, marking the second consecutive day of mortar attacks in Somali capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa ka hadlay dilkii shalay loo loo gaystay Alle ha u naxariistee Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) oo ahaa taliyihii guutada 14-ka October oo lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose. Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa shaaca ka qaaday xog ku aadan dhacdadaasi, wuxuuna tilmaamay inuu jiro isku milan ciidanka iyo cadowga, taasina ay fursad siineyso Al-Shabaab. Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xusay halista soo korortay ay keentay marxaladda dagaal ee haatan lagu jiro, wuxuuna ku baaqay in la muujiyo feejignaan dheeri ah, si looga taxadaro dhagarka kooxaha Khawaarijta. “Waan ognahay xilliga lagu jiro maanta waxaan kala soocneen cadowgii iyo ciidanka ayaa is dhex-galaya, sababtuna ay tahay marxaladda lagu sugan yahay oo aan ciidanka gudihiisa ay ka imaan karto inay soo galaan wax u adeegaya cadowga” ayuu yiri taliyihii hore. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Weli xog ma dhab ah ma hayno, waayo ninku ma ciidan ayuu ahaa ma nin lasoo adeegsaday oo ciidanka ahayn ayuu ahaa waxa dhan waxay kala cadaan doonaan marka ay soo dhammaato baarista hadda la galay”. Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dilka loo gaystay Taliye Nuur Farey wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu ahaa sarkaal dhalinyaro ah oo geesi ah, una soo shaqeeyay qaranka. “Nuur Farey wuxuu ahaa nin in muddo ah ciidanka ku dhex jiray, geesi ahaa, waana ka xumahay dilka loo gaystay’ ayuu mar kale wareysiga ku yiri Ibraahim Sh, Muxyadiin. Alle ha u naxariistee taliyaha ayaa goortii la dilay ku sugnaa xerada guutada Cumar bin Khadaab, ninka dilay ayaa ka soo dhex baxay ciidankaas, wuxuuna ku lebisnaa tuutaha ciidamada Xoogga dalka. Ciidankii la socday Taliyaha la dilay ee guutada 14-ka October iyo ciidankii xerada loogu yimid ee guutada Cumar Binu Khadaab oo aan is aqoonin ayuu ka dhex faa’iideystay ninka dilka geystay, wuxuuna toogtay Taliye Nuur Farey oo shir kula jiray saraakiisha kale ee guutadaas. Intaas kadib meydkii Taliyaha, dhaawaca labo askari, hal sarkaal iyo meydkii dhagarqabaha dilka geystay ayaa diyaarad militeri looga soo qaaday xerada, waxaana laga soo dejiyey Muqdisho, waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaaday natiijo hordhac ah. Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) oo ahaa sarkaal qaali ah wuxuu heystay tababarro sare oo Turkiga, Talyaaniga iyo dalal kale oo waa weyn uu ku soo qaatay, wuxuu aad ugu dhowaa oo qaraabo iyo saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynihii hore ee daka Mudane Shariif Sheekh Axmed, oo soo saaray qoraal uu ku codsaday in baaritaan deg deg lagu ah lagu sameeyo ciddii ka dambeysay dilka marxuumka.
  7. Sawirkani waa 2020 Puntland iyo AFRICOM Wefdi sare oo ka socda Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa maanta booqasho rasmi ah ku imaanaya magaalada Boosaaso, halkaasi oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni. Saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo imaanaya Boosaaso ayaa lagu wadaa in ay Madaxweyne Siciid Deni la yeeshaan Shir ku saabsan Arrimaha Ammaanka iyo La-dagaallanka Argagixisada, gaar ahaanna Hawlgalka ka dhanka ah mileeshiyaadka ISIS. Shirka labada dhinac ee Puntland iyo Mareykanka oo looga arrinsanayo Ammaanka iyo La-dagaallanka Argagixisada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaraya duqeymaha ka dhanka ah kooxda ISIS, is dhaafsiga Xogaha Sirdoonka ee labada dhinac iyo Xoojinta Taageerada Mareykanku siiyo Puntland. Ilo wareedyo amni oo ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale sheegaya in Mareykanku danaynayo in uu Wada-shaqayn toos ah oo aan soo marin Villa Somalia uu Puntland kala yeesho iskaashiga dhinaca La-dagaallanka Argagixisada ISIS iyo AS. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Mareykanka oo maanta Boosaaso ku yeelanaya Shir ku saabsan Ammaanka iyo La-dagaallanka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si cad u xaqiijiyay inuu booqan doono magaalada Laascaanood. Hadalkan ayuu ka jeediyay munaasabad lagu wareejinayay xilka Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo tilmaamay in booqashadiisa aysan wax dhibaato ah ku ahayn maamul Soomaaliyeed. “Laascaanood waan tegeyaa, dhibna kuma ahaa booqashadaasi maamul Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo muujiyay go’aankiisa iyo kalsoonida uu ku qabo socdaalkiisa. Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jiraan xaalado siyaasadeed iyo amni oo is bed-bedelaya gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood, taas oo muddooyinkii u dambeeyay ahayd mid si weyn indhaha loogu hayo marka la eego arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu noqdo mid taariikhi ah haddii uu hirgalo. Source: goobjoog.com
  9. Gaalkacyo (Faallo PP) —Sanadkii 1993kii Jeneraal Caydiid, Cabdullaahi Yuusf iyo Cali Ismaaciil ayaa heshiis ku kala saxiixday Muqdisho Heshiisku wuxuu soo gabagabeeyay colaaddii Gaalkacyo. Wuxuu ahaa heshiis tusaale u noqday in hoggaamiyayaal siyaasadeed ay xal siyaasadeed ka gaari karaan colaad. Gaalkcayo waxay mar kale noqotay degmo nabad lagu wada deggan yahay. Labada maamul hadda ka kala taliya Gaalkacyo (Galmudug iyo Puntland) waxay si kalsooni leh iskaga kaashadaan la dagaallanka argaggixisada iyo kooxaha carqaladeeya nabadda. Waxaa yaab leh inay soo noqnoqdeen colaado ka dhaca duleedka Goldogob oo dhexmara beelo hore ugu heshiiyay Mudug. Miyay colaaduhu caddeynayaan in heshiiskii Gaalkaacyo la jebiyay mise dadka Mudug hadda ku wada nool ayuusan heshiisku macne u lahayn? Heshiiskii Gaalkacyo qodobbadiisa oo dib loogu noqdo si loo ogaado cidda leh mas’uuliyadda cooladda ka socota duleedka Goldogob ayaa fiicnaan lahayd. Maanta ma aha maalin hoos loo hadlo ama la is xanto. Colaad si geesinimo leh ayaa looga hadlaa si xal looga gaaro. Sida muuqata maamullada Galmudug iyo Puntland way u taag la’ yihiin ciidammo beeledyada ku dagaallamaya duleedka Goldogob. Yaa diiddan amarrada labada maamul bixiyaan si looga hortago colaadda duleedka Goldogob? Maxaa sababay in colaado aan hore deegaankaas uga dhici jiran ay hadda ku soo noqnoqdaan? Ma qodobbo ka mid ah heshiiskii Gaalkacyo ee 1993kii ayaa la jabiyay? Waa su’aalo wax badan iftiimin kari lahaa oo asaas u noqon lahaa dadaallo colaadda duleedka Goldogob lagu soo afjarayo lagagana hortagi karo inay dib ugu soo noqdaan duleedka Goldogob. © Puntland Post, 2025 The post COLAADDA DULEEDKA GOLDOGOB IYO HESHIISKII GAALKACYO EE 1993KII appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran, xilli ay xarunta Gaashaandhigga ka socota xil wareejinta wasiirka hore iyo kan cusub ee dhawaan loo magacaabay wadaaradda Gaashaandhigga. Xirnaanshaha waddooyinka ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana si gaar ah loo xusay in wadada Maka Al-Mukarama iyo jidadka kale ee taga Wasaaradda Gaashaandhigga lagu arkay ciidamo badan oo suga ammaanka. Munaasabadda xil wareejinta ayaa u dhexeysa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wasiirkii hore, iyadoo uu goobjoog ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xilka u kala wareejinaya Jibriil Xaaji Cabdi oo ah Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo xilkaasi hayey muddo ka badan saddex sano. Cabdulqaadir Jaamac ayaa markii hore loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga xilligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa Maxamed Xuseen Rooble, waxaana uu xilka sii hayey illaa laga gaaray March 17, 2025, markaas oo xil ka qaadis lagu sameeyey. Isbeddelkan wasaaradeed ayaa qeyb ka ah isku shaandheyn dhowaan uu sameeyey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, taasoo saamaysay dhowr wasaaradood oo muhiim ah. Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Jaamac, ayaa loo wareejiyey Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, halka Jibriil Xaaji Cabdi oo ahaa Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha, loo magacaabay xilkan cusub. Si kastaba, munaasabadda xil wareejinta oo dib u dhacday ayaa waxaa maanta si rasmi ah galka difaaca u wareejinaya Wasiir Jaamac, iyadoo amniga guud ee magaalada aad loo adkeeyey, xilli kooxda Al-Shabaab ay kordhisay dhaq-dhaqaaqeeda caasimadda.
  11. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga. Cabdilqaadir Maxamed Nuur, oo xilkan hayay muddo 40 bilood ah, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay xilka Wasiirka cusub mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa khudbadiisa ku muujiyay mahadnaq uu u jeediyay Wasiirkii hore dadaalkii uu muujiyay muddadii uu xilka hayay, gaar ahaan xilligii uu dalka ku jiray dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Wuxuu sidoo kale Wasiirka cusub u rajeeyay guul, isagoo uga digay in mas’uuliyadda amniga qaranka tahay mid culus oo u baahan hal-adeyg, qorshe cad, iyo is-kaashi dhow oo lala yeesho hay’adaha kala duwan ee amniga. “Wasiir jibriil waxaa laguu dhiibay wasaaradda ka adag tii hore oo niman qoryo Garabka u saaran yihiin joogaan waxaa laga yaabaa in ay ku riixriixaan dhar tuute ah iyo dhar adag ayaad xiran doontaa ku soo dhawoow wasaaradda Gaashandhigga “ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Wasiir Jaamac ayaa ka mid ah Wasiiradii waqtiga dheeraa burburkii ka dib ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya soo maamulay. Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ah La-taliyaha arrimaha dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ka hadlay gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ee looga arrinsanayo xaaladda dalka, isaga oo sheegay inay ka qeyb galayaan maamullada Jubbaland iyo Puntland oo uu khilaaf culus kala dhexeeyo dowladda federaalka. La-taliyaha ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in haatan uu socdo diyaar-garowga shirka, isla markaana Villa Soomaaliya ay waddo wada-tashiyo la xiriira gogosha uu fidiyay madaxweynaha. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu khadka taleefanka kula hadlay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii hore ee dalka, isaga oo kala hadlay arrinta gogosha iyo sidii ay uga qeyb gali lahaayeen. “Madaxweynuhu wuxuu khadka taleefanka kula hadlay madax hore, waxaana soconaya diyaar-garowga qabashada gogosha. Wuxuu sidoo kale la kulmayaa qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada sida Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle,” ayuu yiri La-taliye Xuseen Sheekh. Wuxuu intaas ku daray in shirka si rasmi ah loogu casuumay Jubbaland iyo Puntland, isla markaana ay maamulladaasi ka mid noqon doonaan shirka. “Shirka iyo gogosha wada-hadalka waxaa lagu casuumay hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Ma rabo inaan ka hadlo shaqsiyaad, balse si maamul ahaan ah shirkaas way ka qeyb galayaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay La-taliye Xuseen Sheekh. Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay dhawaan Jubbaland iyo Puntland isku khilaafeen ka qeyb-galka gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo labada maamul ay si kala duwan uga falceliyeen tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh. Jubbaland ayaa si diirran u soo dhaweysay go’aanka Madaxweynaha, waxaana Axmed Madoobe, oo dhawaan hadlay, uu sheegay inuu ku farxay baaqa nabadeed ee kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu bogaadiyay gogosha la dhigay. Axmed Madoobe wuxuu sidoo kale xusay in wada-hadalku yahay fursad dahabi ah oo lagu xallin karo caqabadaha hor taagan horumarka dalka, si looga gudbo kala aragti duwanaanta ka dhex jirta ummadda Soomaaliyeed. Dhanka kale, Puntland ayaa soo saartay war ka duwan midka Jubbaland, waxaana Wasiirka Warfaafinta ee maamulkaasi uu sheegay in aysan diyaar u ahayn ka qeyb-galka gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku sababeeyay inay ku jiraan xaalad dagaal. “Xasan wuxuu dadka u sheegaa in uu isu keeni karo, sida ay Beesha Caalamku uga dalbatay. Laakiin Deni waqtigiisa kuma lumin karo inuu Xasan hor fadhiisto, waayo rasaas iyo tuute ayuu qeybinayaa, waana abaanduulaha dagaalka Daacish,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland. Weli lama caddeyn goorta uu dhici doono shirka, halka lagu qaban doono, iyo cidda ka qeyb-geli doonta, iyadoo indhaha lagu hayo go’aanka kasoo bixi doona Villa Soomaaliya.
  13. Dabley hubaysan oo ka gadoodsan tabashooyin maxalli ah ayaa saaka degmada Buurtinle ee goholka Nugaal ka jartay xargaha internet-ka dhulka hoostiisa mara (Fiber optics) ee shirkadda isgaarsiinta Golis. Dhammaan degaannada gobolka Mudug ayaa waxa saaka ka go’an adeegyadii iyo internet-kii shirkadda Golis, kaddib markii koox ka gadoodsan tabashooyin maxalli ah ay xargihii Fiber optic-ga Golis ka jartay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal oo adeega internetka u gudbisa Mudug. Waa markii afraad oo tan iyo bilowgii sannadkan koox gadoodsan ay xargaha internet-ka dhulka hoostiisa mara ee shirkadda Golis ka jarto degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, islamarkaana ay saamayso adeeggii internet-ka degaanno badan oo ka tirsan gobolka Mudug, taasi aysan waxba ka qaban laamaha amniga degmadaasi. Dhinaca kale, weli shirkadda isgaarsiinta Golis kama hadlin dhacdooyinkan ku soo noq noqday degmada Buurtinle oo ay kooxo tabashooyin degaan qabaa ku jarayaan adeegga internet-ka shirkadda Golis. PUNTLAND POST The post Puntland: Dabley hubaysan oo saaka xargihii internet-ka Golis ka jartay degmada Buurtinle appeared first on Puntland Post.
  14. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo maanta ka hadlayay munaasabadda xil wareejinta Wasiirka Gaashaandhigga DFS ayaa sheegay in uu dhawaan socdaal qorsheysan ku tegi doono magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo. “Booqashada aan ku tagi-doono Laas-caanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka dowladda Federaalka iyo maamulka SSC Khaatumo,maahan mid wax loogu dhibayo maamul iyo deegaanka Soomaaliyeed, bal waa mid la isugu soo dhaweeynayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan u diyaarsanyihiin in ay soo arkaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Laascaanood, isagoo ugu mahadceliyey reer Khaatumo niyad wanaagga ay u qabaan socdaalka wafdiga Xukuumadda ee deegaannada SSC Khaatumo. Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ka socda diyaar garow ku aadan soo dhaweynta Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyadoo Magaalada iyo daafaheeda lagu arkayo boorar lagu xardhay sawirka Ra’iisul Wasaare Xamse. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in uu socdaal qorshaysan ku tegayo magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  15. Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday aagga buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ay Puntland ku qaaday Daacish. Weerarka oo ahaa mid si aad ah loo soo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday laba goobood oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka kooxda, una u dhow togga Miraale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Imaaraadka Carabta, laguna dilay xubno ka tirsanaa kooxda Daacish. “Duqeyn kale ayaa caaw ka dhacday labo goobood oo ka tirsan Togga Miiraale, waxaa lagu dilay xubno ka tirsan Argagixisada Daacish, duqeynta waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa aagga buuraha Calmiskaad oo ay weli isku hayaan ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish. Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa haatan kaalin wayn oo muuqata ka qaadaneysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxayna horay sidaan oo kale duqeymo uga fulisay aagga Calmiskaad. Duqeyntii ugu dambeysay ayuu Imaaraadka Carabta dhowaan ka gaystay deegaanka lagu magacaabo Darar-madoobe, waxaana lagu dilay illaa 12 ka tirsanaa kooxda Daacish, iyada oo sidoo kale lagu gubay gaari xamuul ah oo ay adeegsaneysay kooxda. Marka laga tego Imaaraadka, waxaa isagunna dagaalkan qayb ka ah Mareykanka oo duqeymo diyaaradeed ka fuliya Puntland, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Daacish. Si kastaba, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan albaabada u furay cid weliba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleda ah ee gobolka Bari. Howlgalka ka socda dhulka buuraha ee Puntland ayaa haatan galay wajigiisa saddexaad, waxaana ujeedka uu yahay in argagixisada laga xoreeyo godadka ay muddada dheer ku hoos jireen, waxaana tan iyo markii uu bilowday dagaalka la xoreeyay dhul ballaaran.
  16. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has condemned the killing of Senior Lieutenant Colonel Nur Mohamed Gaabow, widely known as Nur Farey, the commander of the 14th of October Brigade of the Somali National Army (SNA), who was fatally shot on Saturday in Lower Shabelle. Source: Hiiraan Online
  17. The former Prime Minister said that in the coming general elections, ODM will also participate in the elections. Source: Hiiraan Online
  18. Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa laba duqeymood oo xalay ka dhacay togga Miraale ee buuraha Calmiskaad, kuwaasi oo lagu beegsadaday mileeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish. Laba kooxood oo ka tirsan mileeshiyaadka Daacish oo habeenimadii godadka ka soo baxay, si ay dhaq dhaqaaq u sameeyaan, maadaama aysan maalintii madaxa dhaqaajin karin sababo la xiriira duqeymaha ku socda ayaa xalay lala helay laba duqeymood, oo ay saaxiibada Caalamiga ah ka fuliyeen Miraale. Dowladda Puntland oo bayaan kooban soo saartay ayaa sheegtay in dowladda Imaaraadka Carabta ay fulisay labada duqeymood ee xalay ka dhacay Miraale, kuwaasi oo lagu dilay xubno ka tirsan firxadka argagixisada Daacish, waxaana bayaanka lagu yiri”duqeynta waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka Carabta.” PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxaysa duqeymo xalay ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  19. Presidents Museveni and Hassan Sheikh Mohamud reaffirmed security cooperation and signed new bilateral deals during the Somali leader’s one-day visit to Uganda. Source: Hiiraan Online
  20. FC Barcelona extended its lead at the top of La Liga to four points over Real Madrid on Saturday, but missed the chance to give an almost definitive statement in the title race after being held to a 1-1 draw at home to Betis. Source: Hiiraan Online
  21. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa Sabtidii shaaca ka qaaday inay gabi ahaanba laashay dhammaan fiisooyinka dadka wata baasaboorka Koonfur Suudaan, kadib markii dalkaasi uu ku fashilmay inuu aqbalo soo-celinta muwaadiniintiisa laga soo tarxiilay Maraykanka. Go’aankan ayaa yimid xilli wadamo badan oo Afrikaan ah ay ka cabsi qabaan in Koonfur Suudaan ay dib ugu noqoto dagaal sokeeye. Maamulka Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa qaaday tallaabooyin adag oo lagu xoojinayo dhaqan-gelinta sharciyada socdaalka, oo ay ka mid tahay soo celinta dadka loo arkay inay si sharci-darro ah ugu sugnaayeen gudaha Maraykanka. Maamulka ayaa horey uga digay in dalalka aan sida degdegga ah dib ugu qaadan muwaadiniintooda ay wajihi doonaan tallaabooyin adag, sida cunaqabateynta fiisooyinka ama canshuuro dheeraad ah. Koonfur Suudaan ayaa ku fashilantay inay ilaaliso mabda’a ah in waddan kastaa uu aqbalo dib-u-soo celinta degdegga ah ee muwaadiniintiisa marka dal kale, sida Maraykanka, uu doonayo inuu dib ugu celiyo dalkooda, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marco Rubio. “Laga bilaabo hadda, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka waxay qaaday tallaabooyin ay ku laalayso dhammaan fiisooyinka dadka sita baasaboorka Koonfur Suudaan, iyadoo sidoo kale joojinaysa bixinta fiisooyin cusub si looga hortago in dadka wata baasaboorkaasi ay soo galaan gudaha Maraykanka,” ayuu yiri Rubio. “Waxaan diyaar u nahay inaan dib u eegis ku samayno tallaabooyinkan marka Koonfur Suudaan ay si buuxda ula shaqeyso Maraykanka,” ayuu sii raaciyay Rubio. Rubio ayaa sidoo kale sheegay inay tahay xilligii dowladda KMG ah ee Koonfur Suudaan ay joojin lahayd inay “ka faa’iideysato Maraykanka.” Safaaradda Koonfur Suudaan ee magaalada Washington ayaan weli ka jawaabin codsiyada faallooyinka ku saabsan arrintan. Danjirayaal ka socda Midowga Afrika ayaa toddobaadkan gaaray magaalada Juba ee caasimadda Koonfur Suudaan si ay wadahadallo uga yeeshaan sidii looga hortagi lahaa dagaal cusub oo sokeeye oo dalkaasi ka qarxa, kadib markii Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad Riek Machar lagu soo rogay xabsi guri toddobaadkii hore. Dowladda Madaxweyne Salva Kiir ayaa ku eedeysay Machar, oo muddo dheer ahaa mucaarad hoggaaminayay jabhado intii uu socday dagaalkii sokeeye ee u dhexeeyay sannadihii 2013 ilaa 2018 kaas oo galaaftay boqollaal kun oo qof, inuu hadda qorsheynayo kacdoon cusub. Xarigga Machar ayaa yimid kadib toddobaadyo dagaal uu ka socday gobolka Upper Nile ee waqooyiga dalkaas, halkaas oo ciidamada dowladda iyo maleeshiyada White Army ay dagaallo dhex mareen. Xoogagga Machar ayaa horey xiriir ula lahaa maleeshiyada White Army xilligii dagaalka sokeeye, balse hadda waxay beeniyeen inay xiriir hadda ka dhexeeyo. Dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2018 ayaa salka ku hayay khilaaf qabiil, iyadoo dagaalyahannada Dinka oo ah qabiilka ugu badan dalka ay taageerayeen Madaxweyne Kiir, halka qabiilka Nuer, oo ah kan labaad ee ugu badan dalkaasi, ay taageersanaayeen Machar.
  22. Dibadbaxayaal aad u fara badan ayaa isugu soo baxay magaalooyinka dalka Mareykanka si ay u cambaareeyaan madaxweyne Trump, mudaaharaadyadii ugu ballaarnaa ee dalka oo dhan ka dhaca tan iyo markii uu madaxweynaha xilka qabtay bishii Janaayo. Hal-ku-dhigga mudaaharaadyada oo ah “Hands Off” ayaa waxaa uu qorshaha ahaa in la qabto isu soo baxyada 1,200 goobood, oo ay ku jiraan dhammaan 50-ka gobol ee Mareykanka. Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay Boston, Chicago, Los Angeles, New York iyo Washington DC, iyo magaalooyin kale. Dibad-baxayaashu waxay soo xiganayeen cabashooyin ku saabsan ajendaha Trump sida arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha. Maalmihii la soo dhaafay waxaa socotay hadal haynta iyi dhaleeceynta tallaabada Trump ee canshuuraha taas oo xitaa aad u saameysay dadka Mareykanka. Bbcsomali Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya hoobiyeyaal saaka lagu garaacay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo xaafado ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kuwaas oo jugtooda si weyn looga maqlay gudaha caasimada. Sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah illaa 6 hoobiye ayaa ku kala dhacay gudaha xerada Xalane oo uu ku dhex yaallo garoonka, ayna dagan yihiin hay’ado caalami ah, safaarado shisheete iyo taliska ciidamada AUSSOM. Madaafiicda ayaa sidoo kale lasoo wariyay in qaarkood ay ku dhaceen xaafado ku dhow garoonka, waxaana jir khasaare dhaawac u badan oo soo gaaray dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in hoobiye kusoo dhacay xaafadda Kaawo Godey ay ku dhaawacmeen laba qof oo kala ahaa haweeney iyo wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka deegaanka. “Xaafadda Kaawo Godey waxaa saaka ku dhacay mid kamid ah hoobiyeyaashii lasoo tuuray, waxaana ku dhaawacantay maamo kamid ah dadka deegaanka, waxaa sidoo kale la ii sheegay wiil kale oo dhaawac ah” ayuu yiri mid kamid ah deegaanka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dareemeen cabsi xooggan iyo walwal la xiriira hoobiyeyaasha saaka lagu garaacay qaybo kamid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. “Saameyn culus ayay nagu yeesheen hoobiyeyaasha, waana ka argagaxnay, haddii aan nahay dadka deegaanka” ayuu sii raaciyay. Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka xarunta Villa Soomaaliya. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo sidaa oo kale shalay madaafiic loogu garaacay agagaarka madaxtooyada qaranka, waxaana mid kamid ah uu ku dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka, kaas oo gaystay dhaawac. Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane. Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan lagu qaaday garoonka Aadan Cadde oo madaafiic lagu garaacay, xilli uu kasoo degagay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqasho hal maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho, kadibna dib uga laabtay. Waxaa kale oo xigay weerar kale oo hoobiyeyaal ah oo Al-Shabaab ay ku garaaceen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan. Kooxda ayaa muddooyinkii dambe xoogga soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo dhinaca waddada Balcad.
  24. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaaday in Soomaaliya loo diro 2,500 askari oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo qayb ka noqon doona ciidan cusub oo nabad-ilaalin ah, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Ciidamadan ayaa ka hawlgeli doona howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Taageerada Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo si rasmi ah u billaabmay bishii Jannaayo ee sannadkan, islamarkaana socon doona ilaa dhammaadka sannadka 2028. Sida uu dhigayo qaraar uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixiyay dabayaaqadii sannadkii hore, howlgalka AUSSOM wuxuu taageero siin doonaa ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan goobaha laga qabsaday Al-Shabaab, oo xiriir dhow la leh Al-Qaacida. Tirada guud ee ciidamada la ansixiyay waa 12,626 askari, taas oo ka yar tiradii hore ee ATMIS, arrintaas oo muujinaysa rabitaanka sii kordhaya ee Soomaaliya in ay la socoto ciidamada shisheeye ee dalkeeda jooga. Uganda ayaa ciidanka ugu badan ku biirinaysa howlgalka, iyadoo soo diraysa ilaa 4,500 askari, halka Masar ay filayso inay ku biiriso ku dhawaad 1,100 askari. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ka qayb qaadan doona howlgalka, iyagoo kala diraya 1,520 iyo 1,410 askari sida ay u kala horreeyaan. Guddiga Isku-xirka Howlgallada Soomaaliya (SOCC) ayaa xaqiijiyay tirada rasmiga ah ee ciidamadan. Warbixin uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muujisay in ilaa Agoosto 2024 ay Soomaaliya joogeen wax ka yar 13,000 oo askari oo ATMIS ka tirsan. Ka qaybgalka Itoobiya ee howlgalka ayaa markii hore muran galay kadib markii Itoobiya ay heshiis muran badan dhaliyay la saxiixatay Somaliland, kaas oo Addis Ababa siinaya marin biyoodka Badda Cas iyadoo loo badinayo inay beddelkeeda aqoonsato madaxbannaanida Somaliland. Soomaaliya ayaa markii hore kasoo horjeesatay doorka Itoobiya ee howlgalka AUSSOM iyadoo ka walaacsan arrimo la xiriira madax-bannaanideeda, balse mowqifkaasi ayaa isbeddelay kaddib wadahadallo Turkigu uu dhexdhexaadiyay oo lagu gaaray heshiiska Ankara. Ka sokow ciidamada militariga, boqollaal askari oo boolis ah oo ka socda Masar, Nigeria, iyo Sierra Leone ayaa lagu geyn doonaa magaalooyinka muhiimka ah sida Muqdisho, Jowhar, iyo Baydhabo si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyo xasilinta deegaannadaas. Doorka ciidamada Masar Ciidamada Masar ee Soomaaliya loo dirayo—oo qayb ka ah heshiis ballaaran oo difaac oo suurta galinaya in ilaa 10,000 oo askari oo Masar ah la geeyo Soomaaliya—ayaa muujinaya isbeddel ku yimid awoodaha Geeska Afrika. Mas’uuliyiinta Masar ayaa sheegaya in ujeedkoodu yahay inay gacan ka geystaan xasilinta Soomaaliya, balse falanqeeyayaashu waxay tilmaamayaan in arrintani qayb ka tahay tartanka muddada dheer soo socday ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya. Khilaafka ka taagan biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo Masar ay u aragto khatar ku ah ammaankeeda biyaha, ayaa Masar ku riixay inay iskaashiyo cusub ka raadiso Bariga Afrika. Iyadoo Masar ay joogitaan ciidan oo toos ah ku yeelato Soomaaliya, waxay heshaa awood istiraatiiji ah oo dheeraad ah, gaar ahaan iyadoo Itoobiya ay isku dayeyso inay hesho marin dekadeed iyo saameyn badeed oo gobolka ah. Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif adag ka qaadatay shuruudaha ku saabsan joogitaanka ciidamada shisheeye. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in heshiisyadii dhowaan la saxiixay ay hubiyeen in ciidamo ku filan ay joogaan, si loo gaaro tirada ugu yar ee 11,000 askari ee loo qoondeeyay howlgalka AUSSOM, xitaa haddii ay dalal qaarkood ka baxaan heshiiska. Soomaaliya ayaa sidoo kale si adag u dalbanaysa in waddan kasta oo ciidamo diraya uu si buuxda u ixtiraamo maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya. Inkasta oo Itoobiya ay hore ugu lahayd Soomaaliya in ka badan 20,000 askari oo hoos yimaada ATMIS, haddana Muqdisho ayaa ku adkeysatay in ciidamada cusub ay hoos yimaadaan heshiisyo cad sida heshiiska cusub ee heerka ciidamada (SOFA), kaas oo damaanad qaadaya ilaalinta danaha qaranka Soomaaliya. Maal-gelinta howlgalka Maalgelinta ayaa weli ah arrin muhiim ah oo walaac leh. Habka maalgelinta ayaa noqon doona mid isku-dhaf ah, iyadoo Qaramada Midoobay ay dabooli doonto ugu badnaan 75%, inta kalena laga heli doono Midowga Afrika iyo dalalka kale ee caalamiga ah. Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in laga gudbo xadkaas, taas oo walaac ka dhalisay ku saabsan joogtaynta howlgalka. Dhanka kale, Midowga Yurub, Turkiga iyo Shiinaha ayaa sii wadaya bixinta taageero dhaqaale iyo mid saadka ah. Soomaaliya ayaa sidoo kale la daalaa dhacaysa kala qaybsanaan gudaha ah oo ka jirta dowlad-goboleedyada, kuwaas oo qaarkood aad ugu tiirsan taageerada ciidamada shisheeye ee ammaanka gudaha. Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeysanaya in qaabka nabad-ilaalinta ee “Soomaalida hoggaaminayso” uu xoojin doono hay’adaha dowladda isla markaana uu furi doono waddo u horseedaysa in Soomaaliya ay mustaqbalka isku filnaansho buuxda ka gaarto dhinaca amniga. Sida uu sheegay la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya, howlgallo wadajir ah oo u dhexeeya ciidamada AUSSOM iyo kuwa Soomaaliya ayaa durba socda, iyadoo lagu bartilmaameedsanayo deegaannada weli gacanta ugu jira Al-Shabaab, kuwaas oo weli halis weyn ku haya amniga dalka. Inkasta oo muddo ku dhow labaatan sano ah ay jirto faragelin caalami ah, Al-Shabaab ayaa wali gacanta ku haysa qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Kooxda ayaa dhowaan fulisay weerarro waaweyn oo uu ka mid yahay weerar lagu qaaday kolonyo uu la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bartamihii Maarso. Weerarada sii kordhaya ayaa keenay in dib loo xoojiyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, sida duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, Turkiga, iyo Itoobiya.
  25. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho hal maalin ah ku tagay dalka Uganda kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, ayaa wada-hadallo miro-dhal ah la yeeshay Madaxwaynaha martida loo yahay Mudane Yoweri Museveni. Kulanka labada Madaxwayne ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo ay ka mid yihiin: 1. Labada Madaxwayne ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaw ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda. 2. Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladda amniga ee gobolka iyaga oo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo ilaalinta xasilloonida iyo amniga gobolka geeska Afrika. 3. Labada Madaxwayne ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay billaabashada hawlgalka cusub ee AUSSOM. 4. Labada Madaxwayne ayaa adkeeyay dardargalinta taageerada caalamiga ee ku aaddan dhaqangalinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo kobcinta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka. 5. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale is-dultaagay is-afgaradkii iskaashiga difaaca ee ay labada dal kala saxiixdeen, iyaga oo faray hay’adaha ku shaqada leh in ay dardargaliyaan dhaqangalintiisa. 6. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Uganda soo dhawaynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isaga oo casuumaad rasmi ah oo uu ku imaanayo magaalada Muqdishu u fidiyay Madaxwayne Museveni. 7. Dhankiisa, Madaxwane Yoweri Museveni ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh uga mahad celiyay booqashadiisa, isaga oo dhanka kale aqbalay casuumaadda rasmiga ah ee uu ku imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu muddada soo aaddan. Source: goobjoog.com