-
Content Count
212,846 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Pastoralist Leadership Summit (PLS) officially commenced today in Wajir County, bringing together leaders and stakeholders from 15 other pastoralist counties across Kenya. Source: Hiiraan Online
-
A total of 117 officers from the Uganda Police Force, including 32 women, have commenced pre-deployment assessment tests in preparation for the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM). This is to ensure that the deployment aligns with AU standards and objectives. The assessments include reading comprehension, report writing, driving, and shooting skills. Source: Hiiraan Online
-
Somalia on Friday accused Ethiopia of interfering in its southern Jubaland region, the latest upset in a nearly year-long bitter dispute between the two nations. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay la soo bandhigay sheekooyin naxdin leh oo ka tarjumaya xadgudubyadii lagu sameeyay dad rayid ah oo xoog lagu qafaashay laguna xiray xabsiyo qarsoodi ah oo ku yaalla Suuriya, gaar ahaan caasimadda Dimishiq. Dadkaas oo ay tiradoodu gaaraysay boqolaal qof ayaa sanadihii la soo dhaafay ku jiray xabsiyo lagu ciqaabo dadka lagu eedeeyo inay ka soo horjeedaan nidaamkii talada hayay ee Bishaar Al Asad. Xogaha la helay ayaa muujinayay in maxaabiistaan lagu hayay xaalado daran oo bani’aadamnimada ka baxsan. Qoysaskooda kama aysan warqabin halka lagu hayo, waxaana badankood loo maleeyay in la dilay. Mid ka mid ah maxaabiistii lasoo badbaadiyay ayaa sheegay: “Waxaa la iga soo qafaashay gurigayga, anigoo aan cidina i ogeyn. Qoyskeyguna waxay u qaateen inaan dhintay. Sanado ayaan ku qaadanay xabsiga iyadoo aan cidna war naga hayn.” Maalmihii ugu dambeeyay ee uu dagaalka Suuriya socday, xoogagga mucaaradka ah ee kasoo horjeeda nidaamka Bashar al-Assad ayaa galay xabsiyo badan oo ay maamulayeen ciidamada dowladda. Howlgallo ay sameeyeen mucaaradka ayaa lagu sii daayay dad badan oo maxaabiis ah. Xog cusub oo soo baxday ayaa muujisay in qaarkood si lama filaan ah Mucaaradku ay u badbaadiyeen xilli dil toogasho ah loo diyaarinayay oo saacado uun ka hareen. Mid ka mid ah ragaas badbaaday ayaa sheegay in 54 qof oo ay hal meel ku wada xirnaayeen in la toogan rabay maalintii Sabtida. Isagoo taagan bartamaha Dimishiq ayuu yiri: “Waxaan ku dhaaranayaa Allaah, aniga iyo ninkaan ila taagan waxaa nala deldeli lahaa 30 daqiiqo kahor. Mucaaradka ayaa soo galay oo xabsiga naga soo badbaadiyay.” Source: goobjoog.com
-
members of the Jubaland Diaspora living in Minnesota gathered at Jigjiga Mall for a press conference to condemn the Federal Government of Somalia's recent military actions in Jubaland. The conference focused on deploying troops in Lower Juba, aimed at confronting Jubaland State President Ahmed Mohamed Islam, also known as Ahmed Madoobe. Source: Hiiraan Online
-
Dimishiq (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha reer Galbeedka ayaa soo dhaweeyay dhicitaanka madaxweynihii Suuriya Bashaar Al-asad oo jabhado hubeysan inay dalkii ka qabsadeen, isla markaana isaga cararay, waxaana lasoo sheegayaa inuu magan-geliyo ka helay Ruushka. Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa soo dhaweeyay dhicitaanka xukunkii Bishar Al-Asad, iyagoo xukunkiisii ku tilmaamay mid aan arxan laheyn. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa barihiisa bulshada ku soo qoray farriin nuxurkeedu ahaa “Dawlad bahalnimo ayaa dhacday, ugu dambeyntii. Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Suuriya, geesinimadooda, dulqaadkooda, xilliga hubanti la’aanta ah, waxaan u dirayaa hamigayga nabadda, xorriyadda, iyo midnimada. Faransiiska wuxuu sii ahaan doonaa mid ay ka go’an tahay ammaanka dhammaan Bariga Dhexe.” Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa ku tilmaamay dhicitaanka Assad “war wanaagsan” wuxuuna ku booriyay xal siyaasadeed oo lagu xasilinayo Suuriya, sida ay sheegtay AFP. “Bashaar Al-Asad waxa uu si naxariis darro ah u dulmay dadkiisa, waxaana uu dad badan u horseeday in ay qaxaan, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay gaareen Jarmalka,” ayuu yiri Scholz. Ra’iisul wasaare ku xigeenka UK Angela Rayner ayaa sheegtay in haddii taliska Asad uu dhacay ay “dowladda Britain soo dhawaynayso warkaas”. Guushan la yaabka leh ee ay Jabhadaha Suuriya ka gaareen waxaa hoggaaminaya kooxda ugu awoodda badan Islaamiyiinta ee Xayat Taxrir al-Sham oo ah cudud siyaasadeed iyo mid militari. Waxay kooxda soo caanbaxday kacdoonkii Suuriya ee 2011-kii iyada oo xiriir leh Al-Qaacida, laakiin waxay si rasmi ah xiriirka ugu jartay 2016-kii, kooxdaas waxaa hoggaamiya Abu Mohammed al-Jawlaani. Mar uu hadlay maanta wuxuu u xaqiijiyay bulshooyinka laga tirada badan yahay ee Suuriya in aysan jirin sabab ay uga welwelaan, balse kooxdiisa Xayaat Taxriir al-Sham waxay wali dawladaha reer galbeedku u aqoonsan yihiin urur argagixiso.
-
Beledxaawo (Caasimada Online) –Jubbaland ayaa beenisay eedeyntii Dowladda Federaalka ay maanta jeedisay oo ah in diyaarado hub sida ay shalay ka degeen magaalada Kismaayo, wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Dhuumaal ayaa arrintaan uga hadlay wareysi uu siiyey Idaacadda VOA. “Dowladda Soomaaliya ma sheegin war xaqiiqo ah, baaritaan ha sameyso wax ay ogtahana ha sheegto, ma jiraan diyaarado hub keenay, hadii Kismaayo hub ka degay cadeyn haloo keeno, mana jirto cadaawad jirta oo Itoobiya iyo Jubbaland ku kalifeysa inay hub isku daabulaan,” ayuu yiri wasiirka amniga Jubaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal. Sidoo kale Wasiir Dhuumaal ayaa la weydiiyey sababta gudaha Soomaaliya loogu soo daabulayo ciidamada Itoobiya, wuxuuna sheegay in arrintaas ay u gaartahay ayaga. “Ciidamada Itoobiya waxay dalka ka joogaan gobollo badan, Gedo, Bay, Bakool iyo Hiiraan ayey joogaan, marka manaqaan qorshaha ay damacdan tahay Itoobiya, laakiin waa laga yaabaa inay ciidamo isku bedeleyso ama ciidanka sahay loo keenayo,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal. Wasiirka ayaa sheegay in gobolka Gedo 7 goobood ay ka degan yihiin Ciidamada Itoobiya, isagoo xusay magaalooyinka, Baardheere, Buurdhuubo, Garbahaarey, Doolow, Luuq iyo goobo kale oo muhiim ah, “Meel kasta ayey Itoobiyaanku dalkeena ka joogaan, maadaama ay dalka joogaan maxaad u socsocotaan lama dhihi karo, diblomaasiyaduna ma ogola,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal. Waxaa la weydiiyey hadal-heyn jirta oo sheegeysa in Ciidamada Itoobiya ay ka cabsadeen inay degaan degmada Bedel-xaawo, maadaama ay degan yihiin ciidanka xoogga dalka, wuxuuna sheegay in 5 KM meel u jirta Beledxaawo ay degan yihiin ciidamada Itoobiya. “Waa sheeko qiyaali ah, ciidan Itoobiya hor istaagi kara oo Soomaali ah Beledxaawo iyo Gedo oo dhan ma joogaan, labada dhinac ayey Beledxaawo ka degan yihiin, waana laga fiican yahay inaan qiyaali ku noolaano, ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiir Dhuumaal. Sidoo kale Wasiirka Amniga Jubbaland oo jooga degmada Doolow ee Gobolka Gedo wuxuu beeniyey in ciidamo ka tirsanaa maamulka Jubbaland oo jooga degmada Beledxaawo ay ku biireen ciidanka xoogga dalka, kadib markii ay iska diideen amarrada madaxda Jubbaland. Hoos ka dhageyso Wareysiga Wasiir Dhuumaal https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/12/ffb3cb0b-986e-4fc9-b98b-44fca0b70525_16k.mp3
-
Warbaahinta dalka Ruushka, gaar ahaan Kanaalka Koowaad oo soo xiganaya xubno ka tirsan aqalka Kremlin-ka ee dalkaas looga arrimiyo ayaa sheegay in Madaxweynihi Suuriya Bashar al-Assad iyo xubnaha qoyskiisa ayaa ku suganyihiin magaalada Mooskow. Ruushka ayaa la sheegay inuu mangelyo siyaasadeed siiyay Bishaar Al-assad oo saacado ka hor ka baxsaday caasimadda dalka Suuriya, ka dib markii kooxaha mucaaradku ay qabsadeen, islamarkaana ku dhawaaqeen in la soo afjaray xukunkiisii 24 sano jirsaday. Bishaar Al-assad ayaa saacadihii la soo dhaafay cinwaanada ugu horreeya ee warbaahinta dunida haystay, ayadoo la falanqeynayay meesha uu u baxsaday ka dib markii xoogagga hubaysan ee mucaaradku ay ka fara maroojiyeen xukunkii uu tan iyo sanadkii 2000-dii ku mardaadinayay, horayna ugu dhaxlay Aabbihiis oo taniyo 1970 dalkaas gacan bir ah ku maamulayay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa gudaha Soomaaliya ka wada daan-daansi iyo falal ku xadgudbaya madax-banaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana isha lagu hayaa talaabooyinka la gudboon ee dowladda Soomaaliya ay qaadeyso. Galabta wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa qabtay shir jaraa’id, isagoo farta ku fiiqay shakhsiyaad Soomaali ah oo Itoobiya ku soo hoggaaminaya dalkooda, kuwaas oo ciqaab adag ay la damacsan tahay dowladda Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya ayaa cadeysay in Itoobiya ay gudaha Soomaaliya ka wado falal ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, iyadoo gacan siineysa madaxda la doonayo in sharciga la hor keeno ee heysata maamulka Jubbaland. Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in Itoobiya ay shalay Kismaayo ka dejisay labo diyaaradood, kuwaas oo Addis Ababa u qaaday madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kale oo Jubbaland ka socda, si loogu adeegsado burburinta iyo carqaladeynta dowladnimada Soomaaliya. “Shakhsiyaadka Itoobiya kala shaqeynaya falalka guracan isha ayaan ku heynaa, waxayna dowladda Soomaaliya hor keeni doontaa sharciga,” ayuu yiri Wasiir Cadaala, farriintaan ayaa u muuqatay haniabaad ay dowladdu u direyso Jubbaland. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay Hub si sharci-darro ah ku soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, “Itoobiya waxay gudaha dalkeeda ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle,” ayaa lagu yiri bayaankii dowladda. Eedeynta dowladda Soomaaliya ay maanta u jeedisay waxay saameysay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airline, taas oo labo diyaaradood shalay u soo dirtay Jubbaland, hadii dowladda Soomaaliya ay go’aan qaadatonwaxay dalka ka mamnuuci kartaa diyaaradaha shirkadaas, taas oo musiibo dhaqaale ay kala kulmi karto Itoobiya. “Xubnaha heysta Jubbaland waxay Itoobiya doonaysaa in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata, si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri warka dowladda Soomaaliya. Ugu dambeyntii Dawladda Soomaaliya ayaa ku goodisay inay diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta. “Dawladda Soomaaliya, waxeey markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka,” ayaa lagu yiri go’aanka dowladda.
-
Ciidamada maamulka Israa’iil ayaa markii ugu horraysay tan iyo sanadkii 1974-tii dalka Suuriya gudaha uga galay, ayadoo ka tallaabay xuduudka, islamarkaana fariisimaha ka samaystay gudaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya. Sidoo kale wararka ka imaanaya magaala madaxda dalkaas ee Dimishiq ayaa sheegaya in ciidamada Israa’iil ay duqeeyeen goobo hubka lagu kaydiyo oo ku yaalla magaaladaas, taas oo sababtay qaraxyo waaweyn sida warbaahinta ay tabinayso. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli saacao ka hor xoogagga mucaaradku ay ku dhawaaqeen inay talada ka tuureen Bishaar Al-assad oo isaga iyo Aabbihiis Xaafid Al-assad oo xukunka isaga dambeeyay ay dalkaas maamulayeen 54-tii sanoo la soo dhaafay. Source: goobjoog.com
-
Garowe hosted one of the meetings aimed at raising awareness about career opportunities in the Puntland Police Force open to university graduates. Garowe (PP News Desk) — The Puntland Police Force has held a series of meetings aimed at providing updates and announcing recruitment opportunities for educated youth through Puntland State of Somalia. Brigadier General Caydiid Axmed Nuur, Deputy Commander of the Puntland Police Force, chaired the first of these meetings. The Minister of Youth and Sports Hodan Said Hassan and other key stakeholders participated in the meeting. The meeting, which brought together members of the police recruitment and selection committee, university administrators, and university students, focused on highlighting the benefits of joining the Puntland Police Force, particularly for university graduates. Brigadier General Caydiid Axmed Nuur, Deputy Commander of the Puntland Police Force. Building on this initiative, further meetings were held in Qardho on 5 December and Bosaso on 8 Decembe. Senior Officer Abdirisak Ismaaciil Hassan (Darwiish), Deputy Head of Public Relations and Human Rights for the Puntland Police facilitated these meetings. Participants included police commanders from the Karkaar and Bari regions, officers from regional police forces and representatives from various voluntary and business sectors. Senior Puntland Police officers attended the Boosaaso meeting on policing careers in Puntland State of Somalia. The discussions emphasised the importance of creating opportunities for educated youth to contribute to security and governance in Puntland State of Somalia. Participants were encouraged to explore career options within the Puntland Police, with specific attention paid to the force’s plans to recruit 500 new officers—both men and women—based on strict selection criteria. A session on the career opportunities in Puntland Police Force held in Qardho. “These meetings reflect our commitment to building a professional and inclusive police force that represents all segments of society,” said Senior Officer Darwiish. Participants were given the opportunity to ask commanders and recruitment committee members questions on the transparency of the recruitment process. The Puntland Police Force reiterated its commitment to enhancing the security of Puntland State of Somalia through a transparent and inclusive employment process. © Puntland Post, 2024 The post Puntland Police Force Launches Recruitment Drive for University Graduates appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhexda uga jirta xiisad siyaasadeed xooggan, iyadoo qaaday tallaabooyin si weyn uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Dowladda ayaa baaralamaanka marsatay sharciyo dood badan dhaliyay oo la xiriira hanaanka doorasho ee uu ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ee qof iyo cod, iyadoo wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka KMG ah. Rabitaanka Villa Somalia oo buuq horleh ka abuuray baarlamaanka kadib markii xildhibaannada qaar ay ka horyimaadeen qorshaha Madaxtooyada, kuwaas oo maanta tallaabo ka dhan ah uu qaaday guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe. Xildhibaannadan oo gaaraya illaa 15 ayuu guddoonka ka joojiyay kulamada golaha, halka mushaarkana laga dhimay, ayadoo lagu eedeeyay inay ka hortageen habsami u socodka shaqooyinka labada gole. Tallaabadan ayaa durba si weyn loogu dhalleeceeyay Madaxtooyada iyo guddoonka oo si dhow ugu xiran madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid aan ku dhisneyn xikmad, ayna tahay aragti ku dhisan koobi aan sariig laheyn. “Sanadkii 2021 waxaa Golaha Shacabka laga mamnuucay 15 Xildhibaan, tillaabo taas la mid ah ayaa 15 mudane maanta looga joojiyey ka qaybgalka fadhiyada Golaha,” ayuu yiri Warsame. Waxa uu intaas kusii daray “Isla-sanadkaas ciidamo ayaa gobolka Gedo loo daabulay, Raaskanbooni ayaa maanta loo daabulayaa. Ma jiro hal abuur hoggaamineed oo xikmad, xeelad, istaraatiijiyad iyo aragti ku dhisan oo aan ka ahayn, koobi (Copy) sarriig la’aan ah.”
-
Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay waxay ku tilmaantay xad-gudubyada dowladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaas oo xad-gudub ku ah shuruucda caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya. “Kadib markii Dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay Ku wiiqayso Amniga Dalka Sida, in ay Dalka kusoo daabusho hub Sharci-darro ah iyo in ay gudaha Dalkeeda Ku diyaariso maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata ka dibna ay usoo dirto gudaha Soomaaliya si ay colaad u huriyaan” ayay tiri dowladda Soomaaliya. “Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay Hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle. Markale ayay maalintii shalay ahayd ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood, oo Sida aan xogta Ku hayno, ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo waday Hub sharci-darro ah” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda ayaa sheegtau in Diyaaradahan ay Itoobiya u qaadeen Shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo. “Ficiladaan waxeey si cad u muujinayaan Sida uu maamulka cadowtinnimada Dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin kala dhantaalidda Midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah Dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta Amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Afrika” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale uga digtay shaqsiyaad ay sheegtay in ay dalkooda kusoo hogaaminayaan cadowga iyo shirqoolada looga soo horjeedo dawladnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta. Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo mar kale digniin adag u dirtay dowladda Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa, kuwaasi oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif. Sii-hayaha safaaradda Soomaaliya ee Portsudan Axmed Suudaani ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyey dhalinyaradan oo tiradoodu tahay 22 qof. 17 kamid dhalinyartan lagu guuleystay sii dayntooda ayaa wiilal ah, halka 5 ay yihiin gabdho, waxaana markii hore lagu qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah. Sii deyntooda ayaa waxaa door weyn ku laheyd hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawl-gala Portsudan. Waxaa sidoo kale weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in si dhow loo soo daayo, si ay ugu laabtaan dalkooda hooyo. Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ayaa ka mahad-celisay dadaalka wadajirka ah ee hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah. Sidoo kale, safaaradda ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aaddan badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ku jira. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixineysay furdaaminta iyo soo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee naftooda ku biimeeyay tahriibka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dejisay laba diyaaradood, oo siday hub, taas oo si adag uga hortimid. Xogta diyaaradahan oo maanta ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay digniin u dirtay Itoobiya, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta. “Dawladda Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa dhaq-dhaqaaqyada kasoo cusboonaaday xuduudaha ay la leedahay dalka Itoobiya iyo ficilada gurracan ee ay ka waddo dowladda Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraal maanta kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ay si adag u cambaaraynaysay ficilkan, iyadoo si weyn uga soo horjeesatay xad-gudubyada dowladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay ku carqaladaynayso amniga iyo xasiloonida, kuwaas oo xad-gudub ku ah shuruucda caalamka iyo madax-banaanida Soomaaliya. “Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo dowladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ficiladan ayey sheegtay dowladda inay si cad u muujinayaan sida uu maamulka cadowtinnimada dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin kala dhantaalidda midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobalka geeska Afrika. “Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusub.” Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya madaxbanaanida, midnimada, amniga iyo xasiloonida qaranka.
-
Dowladda ayaa war ka soo saartay fara-gelinta ay Itoobiya dalka ku hayso, ayadoo sheegtay inaan loo dulqaadan karin falalka xad-gudubka ah ee Taliska Abii Axmed uu ku fooganyahay, kuwaas oo wiiqaya midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya. “Dawladda Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaasna ay si weyn uga soo horjeeddaa xad-gudubyada Dawladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaas oo xad-gudub Ku ah shuruucda caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taas oo ay wadday tan iyo isku daygeedii dhul ballaarsiga ahaa ee horaantii sanadkaan. Kadib markii Dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay Ku wiiqayso Amniga Dalka Sida, in ay Dalka kusoo daabusho hub Sharci-darro ah iyo in ay gudaha Dalkeeda Ku diyaariso maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata ka dibna ay usoo dirto gudaha Soomaaliya si ay colaad u huriyaan. Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay Hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle. Markale ayay maalintii shalay ahayd ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood, oo Sida aan xogta Ku hayno, ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo waday Hub sharci-darro ah. Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo. Ficiladaan waxeey si cad u muujinayaan Sida uu maamulka cadowtinnimada Dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin kala dhantaalidda Midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah Dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta Amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Afrika. Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusub. Dawladda Soomaaliya, waxay uga digaysaa shaqsiyaadka dalkooda kusoo hogaaminaya cadowga, ee qeybta ka ah shirqoolada looga soo horjeedo dawladnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta. Dawladda Soomaaliya, waxeey markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka”. Source: goobjoog.com