Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,856
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa sheegtay in ay lidka diyaaradaha ku garaacday diyaarad gelinkii dambe ee shalay kusii jeeday dhanka deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo ka baxday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradda ay sahay u siday ciidamada dowladda ee ku sugan aagga Raaskambooni oo maalmahan ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo culus. “Ciidamada Jubbaland ayaa galabta 5:20pm qoryaha lidka diyaaradaha ku garaacay diyaarad shixnad u sidey maleesshiyaadka lagu daabuley Raaskaambooni” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Telefishinka Jubbaland. Sidoo kale waxaa warka qoraalka ah lagu sheegay in diyaaraddu ay dagi weysay, kadibna ay u jiheysatay dhinaca xuduuda Kenya oo ay markii dambe jihadaasi kasoo degtay. “Diyaarada ayaa jihadii ay ka degi jirtey ka carartey kana soo degtey dhanka xuduuda Kenya ayadoo markii ay ka duulaysay garoonka Diyaaradaha Raaskambooni faro caaradood kaga fakatey rasaasta ciidamada Jubbaland ku ridayeen” ayaa lasii raaciyay. Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Ciidamada Jubbaland ayaa fariisin ka samaystay goob aan ka fogayn garoonka diyaaradaha Raaskambooni waxaana ka go’an sidii looso afjari lahaa maleeshiyada Xamar diyaaradaha lagaga soo daabulay si ay u khalkhal galiyaan amniga deegaanada Jubbaland”. Horay Jubbaland ayaa u mamnuucday in diyaaradaha ay toos uga dagaan Raaskambooni, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan maamulkaasi. Dowladda ayaa dhankeeda iyaduna xayiraad kale uga jawaabtay go’aankaasi, waxayna gebi ahaan joojisay in diyaaradaha ay u duulaan dhammaan deegaanada hoostaga Jubbaland.
  2. A Chinese fishing vessel off the coast of Somalia has come under the control of alleged pirates, a European Union anti-piracy force operating in the area said Thursday. The ship, with up to 18 crew members, had been taken over by the suspected pirates, some of whom were armed with AK-47s and machine guns, the European Union Naval Force Operation Atalanta said in a statement. It classified the incident as a robbery at sea and said none of the crew had been injured. The force had responded to an alert from police in Somalia’s semi-autonomous northeastern Puntland region that a Chinese ship off the coast had allegedly been hijacked, its statement said. China has yet to comment on the situation, which occurred in a key region for its overseas naval activities guarding the country’s expanded footprint and economic interests in Africa and the Middle East. The People’s Liberation Army Navy has since 2008 conducted anti-piracy operations around the Gulf of Aden along Somalia’s northern coast as one of a number of major powers seeking to secure shipping routes in the face of rampant piracy. And since 2017 China has operated its only overseas military base in Djibouti, also on the Horn of Africa. The latest incident comes amid a recent uptick in piracy in the area, which is close to key international shipping lanes through the Suez Canal and Red Sea. The slow resurgence follows attacks by Houthi rebels on commercial shipping in the Red Sea in retaliation for Israel’s war on Hamas in Gaza. The attacks, which began late last year and decreased in the spring, upended global trade – and diluted the attention of international naval forces in the region, observers say. The EU’s Operation Atalanta recorded 19 attacks by suspected pirates so far this year – the highest number since 2012, according to data from the force, which operates in waters around the Horn of Africa and the Western Indian Ocean. That’s still a far cry from the peak of 2011 when there were 212 attacks, the data shows. The earlier decline is widely attributed to coordinated and UN-backed international efforts, including from NATO, the EU and UN Security Council permanent members, which gained steam from 2008. The Chinese navy’s now-longstanding anti-piracy task force began conducting escort missions in the Gulf of Aden and the waters off Somalia in December 2008 after a spate of attacks on Chinese vessels. At the time, the start of that taskforce marked a step forward in China’s efforts to use its growing international clout and economic strength to address shared international issues. China’s navy has since run more than 40 escort missions of international and Chinese vessels in the region, but did not join a US-led multinational coalition to protect ships transiting the Red Sea against the Houthi attacks. The EU’s Operation Atalanta said it was in “permanent contact” with Somali and Chinese authorities on the latest incident. CNN has reached out to China’s Foreign Ministry and Ministry of Defense for comment. Source: CNN The post Chinese fishing vessel under control of suspected pirates off Somali coast, EU naval force says appeared first on Puntland Post.
  3. Cadale (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal beeleed lagu hoobtay oo Jimcihii ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed, wuxuuna si gaar ah uga dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Laba Garas ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qaatay saacado badan oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare badan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, kuwaas oo isugu jiro dhinacyadii dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah, sida ay innoo shegeen ilo wareedyo xilkas ah. Sidoo kale waxaa jiro dhaawacyo kale oo intaas ka badan oo waxyeelo ku noqday dagaalka oo ahaa mid xooggan oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana aagga deegaanka Laba Garas isku horfadhiyo maleeshiyaadka labada dhinac oo helayo gurmadyo dheeraad ah. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalkan ayaa noqonaya mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolka oo ay weli ka jiraan colaad beeleedyo u dhexeeyo beelaha wada daga halkaasi.
  4. Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Yoon Suk Yeol oo Sabtida saaka ah khudbad jeediyay ayaa raalli gelin ka bixiyay sharcigi dagaalka ee martial law-ga ee uu todobaadkaan ku soo rogay dalkiisa, inkastoo uu ka laabtay 6 saacadood kaddib. Yoon ayaa raalli gelintan bixiyay saacado yar ka hor inta aysan mudanayaasha baarlamaanka yeelan fadhi aan caadi aheyn oo la filayo in madaxweynaha xilka looga xayuubiyo. Yoon wuxuu sheegay in uusan isku dayi doonin ka fogaanshaha mas’uuliyadaha sharci iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhashay go’aankiisii la yaabka ku noqday shacabka Kuuriyada isla markaana ruxay guud ahaan qaranka uu hogaamiyo. Khudbaddiisa saaka ayaa noqotay tii ugu horreysay ee uu uga soo hor muuqdo fagaarayaasha, wixi ka danbeeyay marki uu iclaamiyay sharciga dagaalka, kaas oo haddii uu dhaqan gali lahaa ka dhigi lahaa Kuuriyada Koofureed waddan uu ka fulo kaliyah amarka madaxweynaha, milatariguna ay soo xiri karaan qofki ay doonaan maxkamad la’aan. Mudanayaasha axzaabta mucaaridka iyo qaar ka mid ah xildhibaannada xisbul xaakimka ayaa la filayaa in ay haa ugu codeeyaan mooshinka xilka looga qaadayo madaxweyne Yoon maanta oo Sabti ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo raalli-gelin ka bixiyay Sharcigii Martial Law appeared first on Puntland Post.
  5. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQPfztvnsVMH29DSCJHJ3HXc4SwyVq0ZwJRbqZ16JhrSKo95WdN3YPCZYHLOt-1fIqZWo_XGkwDd_QJYxIi8k3mZ.mp4 Qaran News
  6. AQMwaSy8h14OuFJ8-ryNtlRG99YGRIdXkfDY3hZhLXKeKhD1TvVvjGQvtOX1jFgsxofKprRsXpPEDdYiDCryS89R Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey Masjidka ayaa cadeeyey sida ay uga go’antahay in Axmed Madoobe la dhaafiyo Jubbaland, “Ninkaas wuxuu diiday inuu ku shaqeeyo sharcigii uu saxiixay, suurtagalna maaha in rabitaankiisa dadka loo duleeyo oo Soomaali ku kala tagto,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu diiday in dalka uu wax ka xoreeyo, “Ninkaas wax yaabihii uu sida weyn uga soo hor jeestay waxaa kamid ahaa aas-aaskii ciidanka Macawiisley, markii uu hadlo wuxuu leeyahay inay Shabaab la dagaalo ayaan u noolahay, si cad ayaan u dhihi jirnay Axmed Shabaab uma socotide, faanka iyo beenta jooji,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in Axmed Madoobe uu Jubbaland heystay 13 sano, hadana uu doonayo in 5 sano oo kale uu sii joogo, “Suurtagal miyaa in Axmed Madoobe oo dadkii wada dhashay isku heyn waayey, oo Shabaab hal tuulo ka xorey waayey in 18 sano uu Jubbaland sii joogo?” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sheegay in Raaskambooni ay dowladda Soomaaliya ka sameysatay saldhig militeri, maadaama ay muhiim tahay in ciidanka Qaranka ay ATMIS kala wareegay amniga dalka inta aysan dhamaan bishaan. “Raaskambooni garoon kama jirin, dhulka inta la maro Kismaayo lama tego karo, badda in la marana waa safar dheer, garoonka Raaskambooni dhowaan ayaa la dhisay dowladda Kenya ayaa dhismihiisa ka kaalmeysay Soomaaliya, hadafka dowladda Soomaaliya ay ciidamada u geysay halkaas maaha duulaan ka dhan ah shacabka Jubbaland, laakiin Axmed Madoobe manta Shabaab iyo dowladda waxaa u daran dowladda, waxa uu dagaal abaabulayo wax aqliga geli kara kaama, laakiin ciidanka Soomaaliyeed uma dagaalami doonaan, waad aragteen dhibaatooyinka ay ka tirsanayaan ciidankii uu 13 sano heystay ee Raaskambooni tegay maalmahaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Madoobe 13 sano oo Kismaayo uu fadhiyey uu aruursanayey hub iyo lacag uu doonayo in maanta u uku dagaalamo, “dadkii dhamaa waa ku kala tegay Jubbaland 4 nin oo danahooda ka dhex aragtay ayaa Kismaayo la joogta,” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Hadii Axmed Madoobe 18 sano Kismaayo kaliya xukumayo, maxaan xukunka u wareejiyey anigoo dalka dhan amarkeyga laga qaadanayo, maxay Farmaayo iyo Shariif u wareejiyeen, maxaan hadda ugu diyaarsanahay inaan wareejiyo xukunka, maxaan 30 sano isku dileynay?” ayuu yiri Xasan Sheekh. Hoos ka daawo
  8. Mogadishu (HOL) — A tense standoff unfolded Saturday in Somalia's Gedo region as Somali forces and local residents blocked Ethiopian troops from advancing into the border town of Buulo Hawo, a hotspot in the ongoing struggle for regional control and sovereignty. Source: Hiiraan Online
  9. Seoul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Yoon Suk Yeol ayaa khudbad laga baahiyay telefishannada aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah, raalli gelin ka bixiyay sharcigi dagaalka ee martial law-ga ee uu todobaadkaan ku soo rogay dalkiisa, in kasta oo uu ka laabtay 6 saacadood kaddib. Yoon ayaa raalli gelintan bixiyay saacado yar ka hor inta aysan mudanayaasha baarlamaanka yeelan fadhi aan caadi aheyn oo la filayo in madaxweynaha xilka looga xayuubiyo. Yoon wuxuu sheegay in uusan isku dayi doonin ka fogaanshaha mas’uuliyadaha sharci iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhashay go’aankiisii la yaabka ku noqday shacabka Kuuriyada isla markaana ruxay guud ahaan qaranka uu hogaamiyo. Hadal jeedintiisi saaka ayaa noqotay tii ugu horreysay ee uu uga soo hor muuqdo fagaarayaasha, wixi ka danbeeyay marki uu iclaamiyay sharciga dagaalka, kaas oo haddii uu dhaqan gali lahaa ka dhigi lahaa Kuuriyada Koofureed waddan uu ka fulo kaliyah amarka madaxweynaha, milatariguna ay soo xiri karaan qofki ay doonaan maxkamad la’aan. Mudanayaasha axzaabta mucaaridka iyo qaar ka mid ah xildhibaannada xisbul xaakimka ayaa la filayaa in ay haa ugu codeeyaan mooshanka xilka looga qaadayo madaxweynaha maanta.
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda dalka iyo doorashada qofka iyo codka ah ee ay dowladdu qorshaynayso ayaa sheegay in cid kasta oo tabasho ka qabta habka ay wax ku socdaan ay wada-hadal diyaar ula yihiin. “Waxaan diyaar u nahay meel kasta inaan u tagno wada-hadal, inoo imaada haddii la yiraahdo, haddii kalena anagaa inoo imaada dhahayna, maanta maalintii Xamar iyo Garoowe keliya la tagi karay maaha, meelo badan oo dalka kamid ah ayaa lagu shiri karaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh. Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in laga wanaagsanyahay in wada-hadal u dhexeeya dad Soomaaliyeed dalal shisheeye lagu qabtay, asagoo tilmaamay inaanay qumanayn in talo Soomaaliyeed dibedda loo qaato, ayadoo gudaha lagu xallin karo. “Talo siyaasadeed in dibedda loo qaado raali kama nihin, balse qofkii yiraahda Quracaas hoostiisaan fadhiyaaye iigu imaada anagaa ugu tageyna” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay wada-xaajoodyada si saamilayda siyaasadeed Soomaalida ee dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay ka go’antahay in doorasho qof iyo cod ah ay qabato, madaxweynuhuna arrintaas ayuu mar kale ku celiyay, asagoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay doorashadaas u diyaar garoobaan. Source: goobjoog.com
  11. Mogadishu (HOL) — Somalia has inaugurated a new Maritime Rescue Coordination Center (MRCC) at the Coast Guard's headquarters in Mogadishu. The center, launched with support from EUCAP Somalia, represents a significant boost to maritime safety and security in the region. Source: Hiiraan Online
  12. Somalia on Friday accused Ethiopia of interfering in its southern Jubaland region, the latest upset in a nearly year-long bitter dispute between the two nations. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) — Egypt and Somalia are set to formalize a critical memorandum of understanding (MoU) on water resource management, marking a pivotal step in their bilateral relations. The agreement, which addresses climate resilience, technical cooperation, and capacity building, reflects both nations' efforts to tackle water insecurity and environmental challenges head-on. Source: Hiiraan Online
  14. Xoogagga mucaaradka Suuriya ayaa maalmihii la soo dhaafay guulo iyo hormar baaxad leh ka samaynayay dagaalka ay kula jiraan militariga dalkaas, ayagoo qabsaday inta badan magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan kuwa ku yaalla waqooyiga, bariga iyo bartamaha. Jabhadan hubaysan oo dhammaantood isku bahaystay sidii ay xukunka ugu tuuri lahaayeen Madaxweyne Bishaar Al-assad oo asaga iyo Aabbihiis oo talada isaga dambeeyay ay dalkaas maamulayeen ku dhowaad 60 sano ayaa hadda wax ka yar boqol kmr u jira magaala madaxda Dimishiq. Ciidanka dowladda ayaa si lama filaan ah uga baxaya goobaha istiraatiijiga ah, ayagoo halkaas uga tagaya saanad militari oo hub culus iyo diyaarado ay ku jiraan, ayadoo mucaaradku ay iska hor-imaad la’aan isugu ballaarinayaan magaallooyinka waaweyn. Dalalka caalamka ayaa intooda badan danjireyaashooda iyo muwaadiniintooda ugu baaqay inay Suuriya degdeg uga baxaan, taas oo muujinaysa in xaaladda faraha ka sii baxayso, wararka qaarna waxay sheegayaan in qoyska madaxweynuhu ay u hayaameen Ruushka iyo Imaaraadka. Dhanka kale Ruushka ayaa tilmaamay inaanu hayn qorshe uu ku difaaci karo maamulka Bishaar Al-assad, halka Iran iyo kooxaha ay taageerto ee ku sugan Ciraaq iyo Lubnaana aanay qaadan wax tillaabo ah oo lagu taageerayo ciidanka dowladda Suuriya si ay is ballaarinta mucaaradka uga hortagaan. Hoggaamiyaha Mucaaradka Abuu Muxamed Golane oo wareysi siiyay shabakadda CNN ayaa sheegay in yoolkoodu uu yahay in xukunka ka dhaafiyaan Bishaar Al-assad, ka dibna ay colaadda dalkaas ragaadisay soo afjaraan, qaxootiga dunida ku kala firirsanna dib loo soo celiyo. Si kastaba ha ahaatee xowliga xoogagga mucaaradku muddada gaaban dhulka ballaaran ku qabsanayaan ayaa dunida xasuusinaysa sidii ay Taalibaan xukunka dalka Afgaanistaan kula wareegeen sanadkii 2021, balse lama oga sida ay ku dambayn doonto xaaladda dalka Suuriya oo ku dhowaad 60 sano ay gacan bir ah ku maamulayeen qoyska ka soo jeeda calawiyiinta la tirada badanyahay ee reer Al-assad. Source: goobjoog.com
  15. Dowladda Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay ciidankii ugu badnaa ku soo guraysay magaalada Godey ee gobolka Shabeelle, kuwaas oo isku diyaarinaya inay si sharci darro ah ku galaan gollada Gedo, Hiiraan, iyo Bakool. Boqolaal ciidamadaas kamid ah ayaa dhowaan gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, ka dib maalmo guddoomiyaha degmadaasi uu Itoobiya ku joogay safar la sheegay inuu ku saabsanaa ka wada-hadalka arrimaha xuduudka labada dal. Ciidankan ay Itoobiya dalka ku soo daabulayso ayay dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay fara-gelin iyo meel ka dhac qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dhan ah, ayadoo sheegtay inaysan xadgudubka noocaas ah u dulqaadan doonin. Dhaqdhaqaaqa uu wado maamulka Abii Axmed ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ciidanka Itoobiya iyo howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ay dalka ka baxayaan dhammaadka bishan December, balse haddii ay go’aankaas diidaan waxa dowladda u qorshaysan ayaan la ogeyn. Source: goobjoog.com
  16. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQPsYucb8K0XQo_G8Spo8z_14BpyMLqLSimcO-rAD0F398zk3RXCisNlB5v_u53_G-gnmC8fzHpIITmToHsxXifN.mp4 Qaran News
  17. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQPvlzT-mvgmFootnvANUTVJGY2B81txSk25c6Is-8-rOoUZR4kCUY74DptEW9iKqEsNgp5QhkCM4NZIKh4n0YwI.mp4 Qaran News
  18. President Hassan Sheikh Mohamud puts his personal ambitions before the national interest of Somalia. His knee-jerk policy-making has deservedly undone the authoritarian and cliquish political system he aims to impose on Somalia. Mogadishu (PP Editorial) — At the Villa Somalia mosque today, President Hassan Sheikh Mohamud advanced an absurd theory about Jubaland State President Ahmed Mohamed Islam. “For thirteen years, he has never liberated any district outside Kismaayo,” said President Mohamud. Who is the commander-in-chief of Somalia, whose responsibility it is to take the fight to terrorist groups? The flaw in the fight against Al-Shabaab is evident in President Mohamud’s leadership. Ceelbuur was liberated from Al-Shabaab on 25 August 2023, only to be recaptured by the group in 2024. In 2022, the Federal Government of Somalia, under the leadership of President Mohamud, dedicated resources and manpower to the Ma’awisley movement. The untrained civilians bore the brunt of the losses during the battles against Al-Shabaab. Why did civilians face battle-hardened Al-Shabaab fighters when the Somali Army could do the job? Perhaps arming civilians against well-resourced terrorist groups is a theory he expounded in his embargoed PhD dissertation. Arming clans in Galmudug and Hirshabelle against Al-Shabaab revived intra-clan hostilities. In 2023 Ma’awisley militias of an Abgaal sub-clan attacked the villages of a rival sub-clan in Middle Shabelle. Today, the Federal Government of Somalia issued a condemnatory statement against the deployment of more Ethiopian troops in Gedo. President Mohamud violated the 2008 agreement between the former Transitional Federal Government of Somalia and the Alliance for the Liberation of Somalia, which resulted in the withdrawal of Ethiopian troops from Somalia in 2009. In 2024, his administration signed a bilateral agreement with Ethiopia to deploy Ethiopian troops outside the AMISOM mandate. In 2023, his second administration signed a defence pact and intelligence-sharing agreement with Ethiopia. His cosy relations with Ethiopia soured when Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia, signed a maritime Memorandum of Understanding with the Somaliland administration, a secessionist entity that rejects Somalia’s sovereignty. It can plausibly be argued that President Mohamud plays fast and loose with the sovereignty of Somalia. Somalia is a country fully dependent on peacekeeping forces. There was no need for a defence pact with Ethiopia. A country with a government that is unable to control its borders cannot aspire to sign a defence agreement with another country. The UN Security Council views Somalia as a country that poses a threat to the world due to the inability of its government to root out transnational terrorism exemplified by Al-Shabaab. This institutional incapacity gives countries such as Ethiopia grounds or pretexts to invade Somalia (Kenya did so in 2011 and 2012 on self-defence grounds or pretext). The Federal Government of Somalia is now at war with the Jubaland State of Somalia, a situation that underscores the futility of the Friday sermons President Mohamud delivers in the Villa Somalia mosque to hangers-on who uncritically accept his claims. The President puts his personal ambitions before the national interest of Somalia. His knee-jerk policy-making has deservedly undone the authoritarian and cliquish political system he aims to impose on Somalia. He has caused significant harm to the sovereignty of Somalia. ©Puntland Post, 2024 The post President Hassan Sheikh Mohamud Undermines the Sovereignty of Somalia appeared first on Puntland Post.
  19. Raaskambooni (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose dejisay ciidamada cirka, kuwa badda iyo kuwa dhulka, sida uu cadeeyey Korneyl Xasan Ciraaqi Taliyaha guutada 18-aad ee Gorgor oo degan Raaskambooni. Taliyaha ayaa sheegay in ciidmaada joogay ay maanta ku soo biireen ciidamada cirka oo wata diyaaradaha dagaalka, halka shalay ay Raaskambooni tageen ciidamada badda ee dowladda Soomaaliya oo Muqdisho laga diray. “Maanta waxaa nagu soo biiray ciidanka cirka ee dowladda Soomaaliya, waad adagtaan gaadiidka ciidamada cirka, sidoo kale waxaa maanta naloo keenay saanad ciidan iyo gaadiid aan aad ugu baahneyn oo noo fududeyn doona gudashada waajibaadkeena qaran,” ayuu yiri Taliye Xasan Ciraaqi. Taliyaha ayaa cadeeyey in ciidamada qaranka aysan Jubbaland duulaan ku aheyn, balse ay doonayaan inay sugaan amniga dalka, gaar ahaan deegaanadii ay ka baxeen iyo kuwa ay bishaan ka baxayaan ciidamada ATMIS. “Shalay waxaa nasoo gaaray ciidamada badda oo la wareegay amniga badda, dhamaan ciidamada qaranka ayaa ku sugan halkaan, waxayna gudanayaan waajibaad qaran, ciidamadaan qeyb walba waxay qabsa doontaa shaqada ay u xil saran yihiin,” ayuu yiri Taliyahaan ugu sareeya ciidamada ay dowladda Soomaaliya u dirtay deegaanka Raaskambooni ee Jubbada Hoose. Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada cirka ayaa maanta saldhig ka sameystay Raaskambooni, sidoo kale diyaarado kale oo rakaab ah oo dowladda Soomaaliya ay saartay hub, ciidan, saad iyo gaadiid ciidan, ayaa maanta ka degay Raaskambooni. “Garoonka Raaskambooni shaqada aan u heyno maaha mid aan dib uga laaba doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray G/Dhexe Xasan Ciraaqi. Hoos ka daawo
  20. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Xeer Ciise, oo ah xeer qarniyo jiray oo ay ku dhaqmaan beesha Ciise ee degta dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna ku dartay liiskeeda waxyaabaha dhaqanka aadmiga la xiriira. Aqoonsashadan taariikhiga ah ayaa lagu saleeyay sida xeerkan uu u mideeyo bulshooyinka, uu u dhowro dhaqanka uuna Geeska Afrika ugu dhiirrigeliyo caddaaladda. In xeerkan ay aqoonsato UNESCO ayaa waxaa si wada-jir ah u gudbiyay dad kasoo kala jeeda Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa waxaa lagu ansixiyay fadhigii 19aad ee guddi-goboleedka hay’adda kaasoo lagu qabtay magaalada Asunción, ee dalka Paraguay. UNESCO ayaa Xeer Ciise ku dooratay sida uu u xoojiyo qeynuunnada caalamiga ah sida xuquuqda haweenka iyo carruurta, dhowridda deegaanka iyo xallinta khilaafaadka. UNESCO ayaa ammaantay hannaankan oo ay u aragtay inuu tusaale dhif ah u yahay dhaqanka sharciga ah ee nool kaasoo dhiirrigelinaya dowlad-wanaagga iyo iskaashiga isagoo sidoo kale wax ka qabanaya caqabadaha maanta sida xallinta khilaafaadka iyo dhowridda deegaanka. Muxuu yahay yaase sameeyay xeerkan? Qabiilka Ciisaha oo dega Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa uu leeyahay xeer soo jiray sida la sheegay ku dhawaad 500 oo sano. Xeerka waxaa sameeyay 100 oday oo la soo xulay, waxaana lagu sameeyey magaalada Mile tuulo hoostagto oo la yiraahdo Waaruf, deegaankaasi oo u dhaxeeya magaalada Diridhaba ee Itoobiya iyo Jabuuti. Marka laga soo tago xeerarka ay qabaa’ilka Soomaaliyeed wadaagaan sida hoggaanka ka dhaxeeya, xeerka qof kasta qabanaya iyo in dagaalka la wada galo haddana waxay leeyihiin kuwo iyaga u gaar ah. Waxyaabaha Ciisaha u gaarka ah waxaa ka mid ah sida uu dhigayo xeerkooda wax la yiraahdo ‘Ganda’ ayaa jira, Ganduhu wuxuu ka kooban yahay 44 oday oo talada Ciisaha ay ka go’do, waana baarlamaanka Ciisaha. Arrin weyn oo adag haddii ay dhacdana waxaa isugu imanaya boqolka oday iyo boqorka ayuu yiri Oday Adan Allaale oo ka mid ah odayaasha beesha. Sidoo kale Xeerka Ciise waxyaabaha uu xeerarka kale ee beelaha Soomaalida kaga duwan yahay waxaa ka mid ah habka loo doorto ugaaska kaas oo sida beelaha kale aan dhaxal aheyn. Ibraahim Axmed Cali waa cilmibaare ka tirsan hay’adda dhaqamada iyo raadadkii hore ee qadiimiga CERD ee Jabuuti, waxa uu noo sheegay in xeerka la yiraahdo Daryeel iyo Dabar balse ay dadka kale u yaqaannaan Xeer Ciise. “Wuxuu daryeelayaa ninka tabarta daran iyo wax kasta oo jilicsan halka dabarna uu u taagan yahay in uu dabro ninka gardran iyo ninka kibra,” ayuu yiri. Ragga xeerka dhigay Qarnigii 16-aad dabayaaqadiisa magacaas ayey u bixiyeen halka guddigii fariistay loo bixiyay aayo Reeb. “Boqol sano oo ka sii horeysay ayey kolba meel fariisanayeen odayaasha markaas ayey xeerka qodobada uu ka kooban yahay ee Aayo reeb dajiyeen”. Ibraahim oo si fiican u darsaday taariikhda Ciisaha ayaa noo sheegay in odayaasha ay kulanka la joogtay haweenay la weydiin jiray wixii la xiriira arrimaha qoyska, carruurta, aqalka iyo dumarka. “Haweeneydaas waxaa la oran jiray Faadumo Siti, buurtii la fadhiyay ayaa magaceeda loo bixiyay, halkaas ayeyna ku aasan tahay, gobolka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Siti la yiraahdo, magaca islaantaa ayuu ka soo jeedaa”. Sidee loo doortaa ugaaska? Waxyaabhaha kale ee ay ku kala duwan yihiin waxaa ka mid ah marka ay arin dhacdo beelaha Soomaaliyeed inta ay isku yimaadan ayey go’aan gaaraan halka Ciisaha ay raacaan qodobo hore u qornaa. Habka dhaqanka ee uu ku yimaado ugaaska beesha Ciisaha ma ahan mid ku yimaada dhaxal sida ugaasyada beelaha Soomaaliyeed ee kale. Ugaaska hadda ay beesha leedahay ma ahan wiilasha ugaaskii hore. Ugaaska marka uu dhinto ma dhaxlikaraan ubadkiisa sida ugaasyada kale. Waayo xeerka ugaaska ma ahan mid ku saleysan dhaxal. Guddiyo dhan baa u fadhiisata. Guddi gaaraya 100-ka nin ayaa fariisanaya waxaana la eegaa ugaaska meesha uu ka soo jeedo, reerka hooyadii, reerka aabbihii, dabeecadahooda sida ay ahaayeen wax badan baa laga fiirsadaa. Sababta keentay in ugaaska doorasho ku yimaado ayaa la sheegaa in ay salka ku hayso khilaaf hore iyo dagaallo beesha dhexmaray sidaasna lagu gaaray heshiis lagu wada noolaado. Odayaasha ayaa go’aamiyay in ugaaska uu ka soo dhaxbaxo hal reer oo kaliya balse qofka uu noqonayo la doorto. “Ugaaska hal reer haloo daayo, dhaxalna yuusan noqon, Alle hala baryo oo astaamo halagu eego, ugaaska waa la casilaa ama wuu dhintaa, markaas ayaa qabiilka la dhexdoortaa”. Ayuu yiri Ibraahim. Meel kasta oo dunida uu ka joogo qofka ka soo jeeda beesha Ciisa waxa uu xeerka ugu dhaqmaa si isku mid ah. Bbcsomali Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda deegaannada Jubbaland iyo go’aanka Dowladda ee ku saabsan aayaha dadka ku nool deegaannadaas ayaa ka sheekeeyey taariikh ka soo bilaabatay markii la aas-aasay Jubbaland. Xasan Sheekh oo maanta khudbad ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada ayaa sheegay in markii la dhisay Jubbaland uu dalka isagu Madaxweyne ka ahaa, isagoo sheegay in markii la dhisay maamulkaas Axmed Madoobe loo dhiibay si uu doorasho u gaarsiiyo, balse kadib uu ka degi diiday xukunka. Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinkii dambe ee Axmed Madoobe qabtay aysan sax aheyn, “Axmed weligiis ma qaban doorssho xor ah, isagaa isku jimeynaayey,” ayuu yiri isagoo ka sheekeeyey waxyaabaha lagu kala tegay markii ugu dambeysay. “Axmed Madoobe 13 sano ayuu Jubbaland joogaa, dastuurka waxaa Jubbaland ugu qoran labo jeer ka badan in uusan hal qof tartamin, xaq uma laha inuu sii joogo, 10 shir ayaan ka yeelanay anaga iyo dowlad goboleedyada oo dowlad-dhiska oo kaliya looga hadlayey,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Wuxuu sheegay in khudbadaan uu kaga hadlayo Jubbaland oo kaliya, isagoo balan qaaday in maalin kale uu ka hadli doono Puntland iyo siyaasadaha kale ee is diidan. “Maalintii ugu dambeysay ee shirka la isugu yimid Axmed Madoobe wuxuu yiri waqtigii ayaa naga dhamaaday ee doorasho dadban aan aadno, waa laga cod batay oo waxaan isku raacnay in doorasho qof iyo cod ah la aado, waa naga tegay maalintaas waa xanuunsanahay ayuu yiri, maalintii kale ayuu nagu soo noqday isagoo wata ajende kale, wuxuu yiri guddiga doorashada hala kala qaado,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Xasan Sheekh ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu gaar ula shiray oo uu qanci waayey, “Mar kale aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa gooni ula shirnay waa qanci weynay, madaxweynayaasha gobollada ayaan u dirnay, waa anci waayeen, maalintii dambena shirka oo socda ayuu iska baxay,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Madoobe in uu baxayo markii ay ka war heleen ay ka codsadeen in 3 saacadood uu joogo, si shirka loo xiro, qodobada uu dhibsanayana dib loogu dhigo, balse wuxuu sheegay inuu diiday. Hoos ka daawo
  22. Sida ay qortay shabakadda Bloomberg oo soo xiganaya ilo ku dhow aqalka Kremlin-ka, Ruushku ayaa sheegay inaanu hayn qorshe uu ku badbaadinayo madaxweynaha Suuriya BishaarAssad oo hadda wajahaya guluf xooggan oo kamida imaanaya jabhadaha hubaysan. Ruushka ayaa sheegay inaanu hayn wax qorshe ah oo lagu difaaci karo maamulka Bishaar Al-asad, maadaama ciidamada dowladdu ay iska hor-imaad la’aan uga baxayaan fariisahooda, ka dibna ay mucaaradku dhaqso ula wareegayaan. Ruushka ayaa kamida dowlaha ugu muhiihsan ee taageera madaxweyne Bishaar Al-asad oo dalkaas ka talinayay tan iyo sanadkii 2000, Aabbihiis Xaafid Al-asadna uu 30 sano xukunka hayay. Source: goobjoog.com
  23. Mogadishu (HOL) — Somali government has reportedly suspended all passenger flights to some regions after airlines refused to operate in the Raskamboni area of the Lower Jubba region, citing safety concerns. Source: Hiiraan Online
  24. New York (Caasimada Online) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Xeer Ciise, oo ah xeer qarniyo jiray oo ay ku dhaqmaan beesha Ciise ee degta dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna ku dartay liiskeeda waxyaabaha dhaqanka aadmiga la xiriira. Aqoonsashadan taariikhiga ah ayaa lagu saleeyay sida xeerkan uu u mideeyo bulshooyinka, uu u dhowro dhaqanka uuna Geeska Afrika ugu dhiirrigeliyo caddaaladda. In xeerkan ay aqoonsato UNESCO ayaa waxaa si wada-jir ah u gudbiyay dad kasoo kala jeeda Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa waxaa lagu ansixiyay fadhigii 19aad ee guddi-goboleedka hay’adda kaasoo lagu qabtay magaalada Asunción, ee dalka Paraguay. UNESCO ayaa Xeer Ciise ku dooratay sida uu u xoojiyo qeynuunnada caalamiga ah sida xuquuqda haweenka iyo carruurta, dhowridda deegaanka iyo xallinta khilaafaadka. UNESCO ayaa ammaantay hannaankan oo ay u aragtay inuu tusaale dhif ah u yahay dhaqanka sharciga ah ee nool kaasoo dhiirrigelinaya dowlad-wanaagga iyo iskaashiga isagoo sidoo kale wax ka qabanaya caqabadaha maanta sida xallinta khilaafaadka iyo dhowridda deegaanka. Muxuu yahay, yaase sameeyay xeerkan? Qabiilka Ciisaha oo dega Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa uu leeyahay xeer soo jiray sida la sheegay ku dhawaad 500 oo sano. Xeerka waxaa sameeyay 100 oday oo la soo xulay, waxaana lagu sameeyey magaalada Mile tuulo hoostagto oo la yiraahdo Waaruf, deegaankaasi oo u dhaxeeya magaalada Diridhaba ee Itoobiya iyo Jabuuti. Marka laga soo tago xeerarka ay qabaa’ilka Soomaaliyeed wadaagaan sida hoggaanka ka dhaxeeya, xeerka qof kasta qabanaya iyo in dagaalka la wada galo haddana waxay leeyihiin kuwo iyaga u gaar ah. Waxyaabaha Ciisaha u gaarka ah waxaa ka mid ah sida uu dhigayo xeerkooda wax la yiraahdo ‘Ganda’ ayaa jira, Ganduhu wuxuu ka kooban yahay 44 oday oo talada Ciisaha ay ka go’do, waana baarlamaanka Ciisaha. Arrin weyn oo adag haddii ay dhacdana waxaa isugu imanaya boqolka oday iyo boqorka ayuu yiri Oday Adan Allaale oo ka mid ah odayaasha beesha. Sidoo kale Xeerka Ciise waxyaabaha uu xeerarka kale ee beelaha Soomaalida kaga duwan yahay waxaa ka mid ah habka loo doorto ugaaska kaas oo sida beelaha kale aan dhaxal aheyn. Ibraahim Axmed Cali waa cilmibaare ka tirsan hay’adda dhaqamada iyo raadadkii hore ee qadiimiga CERD ee Jabuuti, waxa uu noo sheegay in xeerka la yiraahdo Daryeel iyo Dabar balse ay dadka kale u yaqaannaan Xeer Ciise. “Wuxuu daryeelayaa ninka tabarta daran iyo wax kasta oo jilicsan halka dabarna uu u taagan yahay in uu dabro ninka gardran iyo ninka kibra,” ayuu yiri. Ragga xeerka dhigay Qarnigii 16-aad dabayaaqadiisa magacaas ayey u bixiyeen halka guddigii fariistay loo bixiyay aayo Reeb. “Boqol sano oo ka sii horeysay ayey kolba meel fariisanayeen odayaasha markaas ayey xeerka qodobada uu ka kooban yahay ee Aayo reeb dajiyeen”. Ibraahim oo si fiican u darsaday taariikhda Ciisaha ayaa noo sheegay in odayaasha ay kulanka la joogtay haweenay la weydiin jiray wixii la xiriira arrimaha qoyska, carruurta, aqalka iyo dumarka. “Haweeneydaas waxaa la oran jiray Faadumo Siti, buurtii la fadhiyay ayaa magaceeda loo bixiyay, halkaas ayeyna ku aasan tahay, gobolka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Siti la yiraahdo, magaca islaantaa ayuu ka soo jeedaa”. Sidee loo doortaa ugaaska? Waxyaabhaha kale ee ay ku kala duwan yihiin waxaa ka mid ah marka ay arin dhacdo beelaha Soomaaliyeed inta ay isku yimaadan ayey go’aan gaaraan halka Ciisaha ay raacaan qodobo hore u qornaa. Habka dhaqanka ee uu ku yimaado ugaaska beesha Ciisaha ma ahan mid ku yimaada dhaxal sida ugaasyada beelaha Soomaaliyeed ee kale. Ugaaska hadda ay beesha leedahay ma ahan wiilasha ugaaskii hore. Ugaaska marka uu dhinto ma dhaxlikaraan ubadkiisa sida ugaasyada kale. Waayo xeerka ugaaska ma ahan mid ku saleysan dhaxal. Guddiyo dhan baa u fadhiisata. Guddi gaaraya 100-ka nin ayaa fariisanaya waxaana la eegaa ugaaska meesha uu ka soo jeedo, reerka hooyadii, reerka aabbihii, dabeecadahooda sida ay ahaayeen wax badan baa laga fiirsadaa. Sababta keentay in ugaaska doorasho ku yimaado ayaa la sheegaa in ay salka ku hayso khilaaf hore iyo dagaallo beesha dhexmaray sidaasna lagu gaaray heshiis lagu wada noolaado. Odayaasha ayaa go’aamiyay in ugaaska uu ka soo dhaxbaxo hal reer oo kaliya balse qofka uu noqonayo la doorto. “Ugaaska hal reer haloo daayo, dhaxalna yuusan noqon, Alle hala baryo oo astaamo halagu eego, ugaaska waa la casilaa ama wuu dhintaa, markaas ayaa qabiilka la dhexdoortaa”. Ayuu yiri Ibraahim. Meel kasta oo dunida uu ka joogo qofka ka soo jeeda beesha Ciisa waxa uu xeerka ugu dhaqmaa si isku mid ah. Isha: BBC