-
Content Count
212,856 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho darajooyin ciidan ugu xirtay saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ee ka soo goostay Axmed Madoobe, kuwaas oo go’aansaday inay ku biiraan ciidanka xoogga dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigtay cutubyo ka tirsan ciidamada Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho lagu keenay diyaarado, kadib markii ay tageen deegaanka Raaskambooni oo dowladda u cadeeyeen mowqifkooda. Saraakiisha Ciidamadaas ayaa maanta dalacay darajooyin kala duwan, halka askartii loo sameeyey diiwaan-gelin, mushaar iyo xuquuq kasta oo ay dowladda ka helaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Saraakiisha maanta lagu hor dalacsiiyey ciidankii ay hoggaaminayeen ee Axmed Madoobe ay kala soo goosteen ayaa ugu horeyn u mahad celiyey madaxda dowladda federaalka oo ay sheegeen inay gudeen abaalkooda. Sidoo kale saraakiisha ayaa farriin u dirtay ciidamada weli uu xukumo Axmed Madoobe, waxayna ka digeen in dagaal la geliyo saaxiibadii ay kaga soo tageen Kismaayo iyo deegaano kale oo Axmed Madoobe uu ka taliyo. “Saaxiibadeen waxaan leenahay waxay dowladdu na siisay lambarkii xoogga dalka, waxay na siisay darajooyin, qof kasta oo naga mid ah wixii uu mudnaa ayuu helay, waxaan idinleeyahay saaxiibayaal imaada oo ku soo biira xoogga dalka Soomaaliyeed, dowladdu waa guda balaaran tahay, cid idinka xigta ma jirto,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiishii la dalacsiiyey maanta. Sarkaal kale ayaa yiri, “Dhalinyarada joogta Jubbaland waxaan codsanayaa in si xun aan adeegsan, in dowladooda aan lagu dirin ciidankii aan ka soo tagnay, waxaan leeyahay walaalayaal baraaruga.” Korneyl Maslax oo ah sarkaal militeri oo ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha la dalacsiiyey iyo askartii ka timid Jubbaland u sheegay in aysan laheyn cadow aan aheyn Khawaarijta, isagoo uga mahadceliyey inay garteen in aysan la dagaalamin dowladooda. Hoos ka daawo
-
The Somali Digital Media Academy (SODMA) has won the Silver Award at the Digitally Fit – East Africa 2024 Awards, held in Nairobi, Kenya. The event brought together over 500 organizations from East African countries, including Somalia, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, the Democratic Republic of Congo, and Burundi, to celebrate innovation and advancements in digital technology. Receiving the award on behalf of SODMA, Farhan Hussein Abdi, from the academy’s management, expressed his pride in this remarkable achievement, noting that the award reflects SODMA’s dedication to empowering Somali youth with advanced digital skills. During the event, Kenyan Senator Okiya Andrew Omtatah praised SODMA after reviewing its achievements. He remarked: “What SODMA is doing is a source of pride for all of us. Its role in training Somali youth in digital skills is a shining example of positive change. Its impact goes beyond Somalia, contributing to the growth of the entire region.” He added: “Initiatives like SODMA’s are investments in our shared future, showing how regional institutions can drive meaningful progress.” This recognition is a major milestone for both SODMA and Somalia, highlighting their role in advancing digital skills and creating opportunities for youth across East Africa.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Firinbi ayaa raali-gelin siiyay askarigii uu ku dhex feeray kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waana laga aqbalay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Askarigaas oo lagu Xuseen Maxamed Xasan oo ka mid ahaa koox askar ah oo ilaalisa amniga xarunta Golaha Shacabka, waxayna ku soo baxeen gacan-qaad ka dhex bilowday kulankii ugu dambeeyey ee baarlamaanka Askarta ayaa isku aadiyey guddoonka baarlamaanka oo xildhibaano mucaarad ah ay doonayeen inay waxyeelo u geystaan, balse Xildhibaan Xasan Firinbi ayaa qaaday tallaabo uu markii dambe aad uga qowmameeyey. Dalka oo dhan waxaa ku baahay muuqaalka Xildhibaan Xasan Firinbi oo feeraya askari aan sameyneyn wax iska cabin ah oo sharciga dhowraya, waxayna noqotay arrin aad looga carooday oo si weyn loogu dhaleeceeyey xildhibaanka. Intaas waxaa u dheereed Xasan Firinbi in culeys badan uu kala kulmay xukuumadda, maadaama dembi cad uu galay oo lagu maxkamadey karo, xeerkii xasaanadana uu isagu jebiyey. Xildhibaan Xasan Firinbi oo labo dakano qaba, mid uu ka galay qoyska askariga uu feeray iyo mid ay ku heshay xukuumadii uu mucaaradaayey ayaa waayey meel uu Muqdisho kaga noolaado, wuxuuna galay guriga Sheekh Shariif. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Xasan Firinbi lagu soo rogay xayiraad sababtay inuu Muqdisho ka bixi waayo, waxaana ka ergeeyey oo kiiskaan culus ka xaliyey Sheekh Shariif oo magan-geliyo uu ka raadsaday. Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS oo askariga metela iyo Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa maanta ka soo muuqday goobtii lagu gaaray xalka oo askariga lagu raali geliyey. Maanta oo Sabti ah ayuu Xasan Firinbi xal u helay arrin uu ka joogi waayey Muqdisho oo dhinac uu uga bixi waayey, maadaama uu ahaa nin dakano galay oo dhiig islaam daadiyey. Xukuumadda ayaa la sheegay in markii hore ay dooneysay in kiiskaan lagu xaliyo sharciga, waxaana ku raacsanaa qoyska iyo xildhibaanada ku metela baarlamaanka, balse Xasan Firinbi oo codsiyo badan dirsaday, isla markaana u cararay guriga Sheekh Shariif oo la ixtiraamo ayaa ugu dambeyntii laga aqbalay raali gelinta.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo horleh oo la xiriirta xiisadda sii kululaaneyso ee kala dhexeyso dowladda Soomaaliya. Jubbaland oo cabsi ka qabta ciidamada ay dowladda ku daabuleyso deegaanadeeda ayaa maanta adkeysay guud ahaan amniga xeebaha maamulkaasi. Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu arkay xeebaha Jubbaland, kuwaas oo aad u adkeeyay amniga, isla markaana bilaabay dhaq-dhaqaaqyo horleh. Muuqaal uu baahiyey Telefishinka Jubbaland ayaa lagu sheegay in la adkeeyay amniga xeebaha, waxaana muuqaalka laga arkayay ciidamo hubeysan oo bannaanka xeebaha fadhiya kuna jira heegan buuxa. “Halyeeyada Ciidanka Dowladda Jubbaland oo sugay amniga Xeebaha” ayaa lagu yiri war kooban iyo muuqaal lagu baahiyay bogga Telefashinka Jubbaland. Ujeedka ugu wayn ayaa ah in ciidamadaasi ay ka hortagaan dhaq-dhaqaaqa ay dowladda ka wado Jubbada Hoose, gaar ahaan ciidamada ay ku daabuleyso gobolkaasi. Xiisadda ayaa kasii dareyso, waxaana labada dhinac ay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah, iyada oo laga cabsi inuu ka dhex-qarxo dagaal toos ah. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana weli dowladd federaalka ay ku adkeysaneysaa in meesha laga saaro Axmed Madoobe oo markii 3-aad dib loo doortay.
-
Kooxaha hubeysan ee mucaaradka oo sheegay inay “qiyaastii 20 kiilomitir u jiraan albaabka koonfureed ee Dimishiq” Gaashaanle Dhexe Hassan Abdul Ghani oo ka tirsan waaxda hawlgallada milatari ee kooxaha mucaaradka ayaa maanta barta Telegram kaga dhawaaqay “Ciidamadu hadda waxay wax ka yar 20 Kiilomitir u jiraan albaabka koonfureed ee caasimadda Dimishiq.” Abdul Ghani ayaa ku yiri barta Telegram: “Ciidankeena ayaa gudaha u galay magaalada Al-Sanamayn oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Darca, waxaana ay ku dhawaaqeen in ay xoreeyeen. Taas oo macneheedu yahay, waxaan wax ka yar 20 kiilomitir u jirnaa albaabka koonfureed ee caasimadda Dimishiq.” Waaxda Hawlgallada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday iyada oo la raacayo warka ay ku baahiyeen barta Telegram “xoreynta Gobolka Quneitra ee koonfur-galbeed ee Suuriya.” Qaran News
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQNbM8R7LUmZHY1Hcqk_aqi6TJJpsAV0TB0Rg8OtswahqLzDlEY9Vv0G20sdeSbGkp1HOQwNnzk4KbR7eE0NanQE.mp4 Qaran News
-
The newly built SSCK Khatumo Parliament in Laascaanood. Laascaanood (PP News Desk) —Laascaanood, the administrative capital of Sool and the seat of the Sool, Sanaag, Cayn and Khatumo interim administration (SSCK) is recovering from a seven-month-long conflict during which Somaliland administration forces laid siege to the city. Some of those who endured the daily shelling of Laascaanood by secessionist forces now share stories of heroism and survival. “I was just 15 metres from the spot where Amiir Digaale was killed by a howitzer shell,” said Adan, a young man who now works for the Laascaanood Municipality. Not far from Gooladda (the roundabout) in Laascaanood, the Puntland Post correspondent saw a soldier searching a car whose driver was carrying a weapon in violation of the policy barring civilians from bearing arms. The driver obliged and handed over the gun to a group of soldiers from Ciidanka Xasilinta (the Stabilising Force), which was established after the storming of Goojacadde Barracks in August 2023. Public patience for locals who disregard rules and policies designed to transform Laascaanood into a city governed by the rule of law is wearing thin. Economic growth is becoming evident in Laascaanood, thanks in part to a two-pronged investment strategy by the SSCK diaspora. They not only fund the interim administration but also invest in business ventures in the city. “The difference between an administration formed by the people of Laascaanood and one imposed on them by a few local foot soldiers paid by the secessionist administration is clear to everyone here,” a businesswoman from East Laascaanood told Puntland Post. One of the supermarkets opened in Laascaanood after the conflict. The SSCK Finance Ministry has devised a mechanism to collect tax revenues from various sectors, with the goal of reducing reliance on diaspora contributions. SSCK interim administration has not officially published any budget subsidies from either the Federal Government of Somalia or Puntland State of Somalia. It remains unclear whether the SSCK interim administration declined to accept its share of funds that the Federal Government wired to Puntland State, or whether the Garowe-based administration refused to allocate a portion of those funds to SSCK—an administration that, under the federal system, remains officially part of Puntland State of Somalia. Last month, SSCK Finance Minister Abdiqani Hirad told Somali National Television, “We receive subsidy from the Federal Government of Somalia.” The lessons from Laascaanood’s post-conflict economic recovery lie in the confidence people have in the political order and institutions their leaders have established. This confidence, in turn, boosts investor trust, creating what Mohamud, a member of Laascaanood City Council, described as “a virtuous circle.” © Puntland Post, 2024 The post Public Confidence Boosts Post-Conflict Recovery in Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
The runway of Abdullahi Yusuf Airport in Galkayo can be mistaken for a gravel. Gaalkayo (PP News Desk) — Ali Haji Warsame, a former Somali presidential candidate and former Puntland State education minister, drew attention to the state of neglect evident at Abdullahi Yusuf Airport in Galkayo. Named after the former President of the Federal Republic of Somalia and the founding president of Puntland State of Somalia, the late Abdullahi Yusuf Ahmed, the Galkayo airport has a runway that resembles gravel. “It is unfortunate that after President Sharif Ahmed named the airport after President Abdullahi Yusuf, it can hardly be called an airport. It shows how successive Puntland presidents have neglected the airport and disregarded the history of Abdullahi Yusuf Ahmed, who founded Puntland State and made Villa Somalia the presidency of the Federal Government of Somalia again,” tweeted Warsame. Warsame’s tweet on Abdullahi Yusuf Airport in Gaalkayo. Warsame was attending a funeral held in Galkayo for Senator Mohamud Yusuf (Gaagaab), who passed away earlier this week in Turkey. The former Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi and the Deputy Speaker of the Upper House, Abdullahi Ali Hersi, attended the funeral in Galkayo. © Puntland Post, 2024 The post Ali H. Warsame Highlights Poor State of Abdullahi Yusuf Airport in Galkayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii shalay khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay masaajidka madaxtooyada, wuxuuna mar kale ku adkeysatay go’aankiisa doorashada qof iyo codka ah. Madaxweyne Xasan ayaa shaaca ka qaaday in aan qofna loo joojin doonin masiirka dalka isla-markaana dowladdiisa ay ka go’an tahay in dalka ay gaarsiiso qof iyo cod ah. “Waxaa naga go’an in dalkaan doorasho qof iyo cod ah aan ka qabano, cid walba oo ay qusaysana aan maslaxno.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xal siyaasadeed waligiis uusan xoog ku doonin, taariikhna u laheyn, balse uu aad uga xun yahay in ciidamada qaranka loo diido qayb kamid ah dalka. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay isku diyaariyaan doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, taas oo muhiim u ah mustaqbalka dalka. Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkii hore xubnaha mucaaradka ay intooda ku gacan seereen xeerarka doorashooyinka iyo guddiga la magacaabay, iyaga oo sheegay inuu yahay guddi lagu dhisay rabitaanka madaxweynaha. Waxaa kale oo qorshaha Villa Soomaaliya diidan oo bannaanka ka joogay maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo xiriirka u jaray dowladda dhexe.
-
Muqdisho (Caasimad Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa galabta garoonka Muqdisho kasoo dajisay dhalinyarado Soomaaliyeed oo dhowaan doon ay kula dagtay dalka Madagascar, halkaas oo ay ku dhinteen Soomaali badan, kuwana kale lasoo bad-baadiyay. Dhalinyarada la keenay oo kasoo bad-baaday shilkaasi ayaa gaaraya illaa 40 muhaajiriin ah, waxaana diyaarad gaar ah u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Tahriibayaashan oo ku labisnaa labiska Calanka Soomaaliya ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqatay farxad wayn iyo inay ku qanacsanaayeen kusoo laabashadooda Soomaaliya. Mas’uul ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale dhalinyaradan kusoo dhaweeyay Muqdisho, taas oo muujineyso in dowladdu ay dadaal badan gelisay soo celinta dhalinyaradan. Qaar kamid ah dhalinyarada lasoo celiyay oo isugu jiro gabadho iyo wiilal ayaa qaarkood la hadlay warbaahinta, waxayna si weyn u mahadceliyeen dowladda Soomaaliyeed. Illaa 28 muhaajiirin Soomaali ah ayaa kamid noqday dadka ku dhintay shilka ka dhacay dalka Madagascar, waxaana la waayay doontii ay la socdeen oo lasoo wariyay inay xeebta kula degtay, sida ay xaqiijiysay wakaaladda dekedaha, badda iyo webiga ee Madagascar oo qoraal soo saartay. Sanad kasta, kumanaan muhaajiriin ah iyo qaxooti ka yimid Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya ayaa isku daya inay ka gudbaan halista badda, iyaga oo raacaya doonyo buux-dhaafay oo aan ku habbooneyn in lagu safro.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo gelinkii dambe ee Jimcihii ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaaday fariisimo ay ciidamada Birjeex ee Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Buulo-xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana xigay dagaal socday ku dhawaad saacad oo sababay khasaare xooggan. Afhayeenka ciidamada Jubbaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Daahir oo wareysi siiyay VOA ayaa ka warbixiyay dagaalka ay la galeen Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in labada dhinacba uu khasaare soo gaaray. Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax ayaa tilmaamay in dhankooda ay ka dhinteen laba askari, uuna ka dhaawacmay mid kale, balse khasaare ka badan ay gaarsiiyeen Shabaab. Afhayeenka ayaa xusay in dagaalka kadib ay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ay ka carareen 9 maydad ah, ayna jiraan maydad kale iyo dhaawacyo ay horay u qaateen. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga waqooyi ee magaalada Kismaayo. Al-Shabaab ayaa u muuqata inay ka dhex faa’iideysaneyso xiisadda dowladda federaalka iyo Jubbaland, waxayna kordhisay weerarada ay ku qaadeyso ciidamada maamulkaasi.
-
Nairobi (Caasimada Online) – SODMA (Somali Digital Media Academy) oo ah xarun Soomaaliyeed oo ku takhasustay horumarinta xirfadaha dijitaalka ah, ayaa ku guuleysatay Abaalmarinta Silver Award ee Digitally Fit Awards – East Africa Edition 2024. Xafladda oo lagu qabtay Nayroobi waxaa kasoo qaybgalay in ka badan 500 shirkadood oo ka kala yimid dalalka Bariga Afrika, sida Soomaaliya, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiyadda Congo, iyo Burundi, si loo xuso hal-abuurka iyo horumarka tiknoolajiyada dijitaalka ah. Abaalmarinta waxaa goobta ka guddoomay Farxaan Xuseen Cabdi oo ka tirsan maamulka SODMA, kaas oo sheegay in guushan ay tahay mid ay ku faani karaan dhammaan Soomaalida, isagoo tilmaamay in ay abaalmarintani tahay caddeyn u ah dadaalka SODMA ee ku wajahan horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee xirfadaha dijitaalka ah. Senator Okiya Andrew Omtatah oo ka socda Kenya ayaa bogaadiyay SODMA kadib markii uu wax badan ka bartay shaqadeeda. Wuxuu yiri: “Waxa ay SODMA qabato waa wax aan dhammaanteen ku faani karno. Doorkeeda ku aaddan tababarka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo barashada xirfadaha dijitaalka ah waa tusaale ifaya oo isbeddel wanaagsan ah. Saameynteeda waxay ka baxday Soomaaliya oo waxay gaartay gobolkan oo dhan.” Wuxuu intaas ku daray: “Mashaariicdan waa maalgelin mustaqbalkeena wadajirka ah, mana aha oo kaliya horumar shaqsi. Dadaalka SODMA wuxuu muujinayaa sida hay’adaha goboleedku uga qayb qaadan karaan horumar waara.” Guushan waxay u tahay Soomaaliya tallaabo weyn oo lagu muujinayo kartida iyo hal-abuurka dadkeeda. Gobol ahaan, waxay astaan u tahay muhiimadda iskaashiga iyo waxbarashada si loo abuuro fursado cusub oo lagu gaaro horumar waara.
-
Elders from North Eastern region have raised fears over an influx of refugees in the country caused by rising tensions in the Horn of Africa over the independence of Somaliland. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029. Istaraatiijiyaddan oo halku-dheggeedu yahay “Dhismaha Nidaam Caddaaladdeed oo Loo Simanyahay, lehna Daahfurnaan, Helitaan, iyo Isla Xisaabtan,” ayaa looga golleeyahay dib-u-habeynta nidaamka caddaaladda si uu u noqdo mid ka jawaaba baahiyaha dadka Soomaaliyeed. Qorshahan waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa ilaalinta xuquuqda bulshada nugul sida haweenka iyo carruurta, iyadoo la dhisayo nidaam caddaaladeed oo isku dhafan, waafaqsanna nidaamka federaalka, kuna saleysan dhaqanka, qiyamka, iyo diinta suuban ee Islaamka. Mudane Xamse ayaa ku nuuxnuuxsaday in istaraatiijiyadda cusubi ay muhiim u tahay dhismaha nidaam caddaaladeed oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana bulshada u sahlaya helitaanka adeegyo caddaaladeed oo hufan. Waxaa sidoo kale qorshuhu xooga saaraya in la xoojiyo isla xisaabtanka hay’adaha garsoorka iyo hufnaanta howlaha lagu fulinayo caddaaladda. Source: goobjoog.com
-
Somalia on Thursday announced that it successfully brought back 161 of its citizens stranded in Libya through the United Nations-backed Voluntary Humanitarian Return program. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa si adag ugu jawaabay wasiirka arrimaha gudaha maamul goboleedka Puntland, Mudane Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo si weyn u dhaliilo dowladda federaalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Al-Cadaala oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa naqdiyay hadallada Juxa, wuxuuna u jeediyay eedeymo shaqsiyadeed, isaga oo runta u sheegay. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa shaaca ka qaaday in wasiir Juxa la yaqaano taariikhiida, uuna baal madow uu jiro, sidoo kalena yahay nin anshax xumo badan, sida uu hadalka u dhigay. “Juxa labo taariikhood buu leeyahay, mid anshax xumo uu sameeyay ah buuggiisa ayuu ku qoray, isagoo madaxu cadaaday in uu meel lasoo fariisto doorkii uu ku lahaa burburkii dalka waa nasiibdaro” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in jiraan dad kale oo uu la meel dhigay argagixisada, isaga oo tusaaleynayay dhaqankooda. “Kuwaas oo kale waxa ay ka xun yihiin oo dhaqan xumadooda ay ka halis badan yihiin argagixisada, sababtoo ah argagixisada waa la yaqaanaa, laakiin qofkan isaga oo u isticmaalayo magacii dowladda ayuu sidaas u hadlayaa” ayuu mar kale yihi wasiirku. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan uu wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo sidaan oo kale u weeraray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka qayb-galayay kulan dadweyne, wuxuuna adeegsaday erayo adag oo dad badan ka falceliyeen.
-
Rag hubaysan oo markab kalluumeysi ugu af-duuban yahay xeebaha Puntland ayaa dalbaday $5 milyan oo doollar sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP News. Wakiilo ka socda shirkadda markabka leh ayaa u bandhigay dableyda hubaysan lacag dhan $1 milyan oo doollar balse way diideen waxaana ay ku adkeysteen in la siiyo $5 milyan oo doollar. Markabkani oo laga lee yahay dalka Shiinaha islamarkaana ku gooshayay calanka jasiiradda Taiwan ayaa todobaar ka hor laga qafaashay xeebaha degmada Xaafuun ee gobolka Bari. Markabka oo ay saaran yihiin 18 shaqaale ah waxaa markii hore la geeyay degaan xeebeedka Jiifle oo ka tirsan degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal waxaase hadda lagu hayaa degaanka Marraya oo hoostaga degmada Eyl ee gobolka Nugaal. Wararka ayaa sheegaya in markabkani ay bilowgii qafaasheen ilaaladii loo xilsaaray amnigiisa balse ay dib kaga biireen dabley kale oo hubaysan. PUNTLAND POST The post Rag hubaysan oo markab ku qafaashay xeebaha Puntland oo dalbaday lacag dhan $ 5 milyan appeared first on Puntland Post.
-
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa xaqiijiyay in doon laga leeyahay dalka Shiinaha oo ay saarnaayeen 18 shaqaale ah ay soo afduubteen kooxaha Burcad-badeedda Soomaalida. Mas’uuliyiinta degmada Xaafuun oo ka tirsan Puntland ayaa shaaca ka qaaday in burcad-badeedda afduubka sameysay ay ka mid yihiin xubno ka tirsan kooxdii amniga ee doonta waardiyeynaysay kuwaas oo kaashaday rag hubaysan oo deegaanka ah si ay u qabsadaan doonta. Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee la-dagaallanka burcad-badeednimada, Eunavfor Atalanta, ayaa war-saxaafadeed soo saaray ku xaqiijiyay in arrinta ay soo gudbiyeen mas’uuliyiinta deegaanka. Baaritaannada hore ayaa falka ku tilmaamay “dhac hubaysan oo ka dhacay badda.” Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in dhammaan shaqaalaha saaran doonta ay badqabeen oo aysan wax dhaawac ah soo gaarin. Kooxda burcad-badeedda ah ayaa markii hore doonta u qaaday deegaanka Jiifle oo ku yaal degmada Godobjiraan, laakiin waxaa la sheegay in doonta loo wareejiyay meelo kale oo xeebaha Soomaaliya ah. Hadda, waxaa lagu tuhunsan yahay in doonta ay ku sugan tahay deegaanka Maraya oo hoos yimaada degmada Eyl. Dhacdadan inkasta oo la sameeyay dadaallo badan oo caalami ah, sida kormeerka ciidamada badda ee Mareykanka iyo saaxiibbadooda caalamiga ah. Mas’uuliyiinta maxalliga ah waxay sheegeen in baaritaan socdo, iyaga oo ballan qaaday in tallaabo degdeg ah la qaadi doono si loo soo afjaro arrintan. Afduubkan wuxuu markale soo saaray muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo amniga xeebaha Soomaaliya si looga hortago dhibaatooyinka noocan oo kale ah. Source: goobjoog.com