-
Content Count
212,856 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wax ka ogow Sooyaalka dalka Suuriya iyo madaxdii soo martay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
8-dii bishan December mucaaradka hubaysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay inay 13 sanoo kacdoon iyo dagaallo lagu hoobtay ah ka dib talada ka eryeen Bishaar Al-assad oo dalkaas hoggaaminayay taniyo sanadkii 2000-dii, ayadoo asaga iyo Aabbihiis oo 29 sano iyo bilo xukunka hayay lagu tilmaamay hoggaamiyaashii ugu samaynta badnaa, uguna maamulka adkaa ee soo maray dalka ku yaalla gobolka aan xasilloonayn ee bariga dhexe. Haddaba qormadan waxaanu ku eegi doonnaa sooyaalka madaxdii soo martay Suuriya iyo waxyaabaha lagu xasuusto, anaggoo ka soo billaabi doonna markii xorriyadda dalka carbeed ee marka mid ahaan jirey awoodaha dheeli-tira hardanka gobolka ee aan dhammaadka lahayn. Suuriya ama Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya, waa dal ku yaalla galbeedka qaarad weynta Aasiya, gaar ahaan dhanka bari ee badda Mediterranean-ka, waxaana soohdin la leh 5 dal oo kala ah Turkiga oo waqooyi ka xega, Ciraaq oo bari iyo koonfur bariba kaga beegan, Urdun ama bortooyada Jordan oo dhanka koonfureed ka jirta, iyo maamulka Israa’iil iyo dalka Lubnaan oo labaduba galbeedka deris kala ah. Dalkani wuxuu leeyahay sooyaal fog oo la rumaysanyahay inuu soo tixnaa taniyo markii la abuuray bini’aadamka waxaana soo maray maamullo kala duwan oo ay ugu caansanaayeen dowladihii Islaamka ee Nabiyadii suubanaa hormuudka u ahaayeen, gaar ahaan xilligii Rasuulkeenii Muxamed iyo khilaafooyinkii ka dambeeyay. Bedka dalkan waxaa lagu qayaasaa 185,180 kmr oo laba jubaaran, halka tirada dadkiisuna ay badantahay 25 milyan oo qof, waxayna suuriyadda xorriyaddeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska 17-kii bishii, sanadkii 1946. Dadka ku nool dalkan boqolkiiba 80 in ka badan ayaa carab ah, halka ku dhowaad boqolkiiba 10-na ay Kurdi yihiin, inta kalena waa qowyado isku jir ah oo ay kamid yihiin calawiyiinta ay ka soo jeedaan Bishaar Al-assad iyo Aabbihiis Xaafid Al-assad oo 54-tii sanoo la soo dhaafay dalka xukumayay. Dhanka diimaha dadka Suuriyaanka ah 74% waa muslim Sunni ah,13% waa calawiyiin iyo Shiico kale oo caqiido ahaan iska ag dhow, 10% waxay haystaan diinta kiristaanka ama masiixiga, halka 3% ay rumaysanyihiin madhabka loo yaqaanno “Druze”, waana koox isku magacowday muwaxiduun oo badankoodu carab ah, balse aaminsan caqiidooyin qadiimi ah. Suuriya markii ay madax-bannaanida qaatay sanadkii 1946 illaa haatan waxaa soo maray 6 hoggaamiye oo intooda badan ku yimid afgembiyo militari iyo xukun isku dhiib aan doorasho iyo rabitaan dadweyne ku salaysnayn, waxaana ugu horreeyay Shukri Al-quutali. Wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Suuriya xorriyadda ka dib, waxa uu ku dhashay magaalada Dimishiq sanadkii 1891-dii, waxana uu ahaa mid ka mid ah hogaamiyayaasha ugu caansan ee dhaqdhaqaaqyadii halganka u galay xorraynta dalka. Shukri Waxa uu dalka madax noqday laba xilli, asagoo markii ugu horraysay madaxweyne noqday markii uu dalku xorriyadda qaatay, balse waxaa xilka looga tuuray afgambigii Xusni al-Zaim oo dhacay1949-kii, ka dibna wuxuu 1955-tii xukunka ugu soo noqday doorasho dadweyne, balse wuxuu hoggaaminta uga tanaasulay madaxweynihii Masar Jamaal Cabdinaasar markii ay labada dal midoobeen sanadkii sanadkii 1958-dii, waxayna dowlad isku ahaayeen taniyo 1961-dii. 2) Adib Shishakli Ninkani wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan militariga oo hogaaminayey 5 afgembi oo ka dhacay dalka Suuriya, waxa uuna hormuudka ka ahaa labo afgambi oo uu ugu caansanaa Xusni Alzaim ee dhacay 1949, asagoo xukunka hayay muddo 239 maalmood ah intaan afgembi kale dhicin 1951-dii. 1953-dii ayuu mar kale afgembi milatari xukunka ku qabsaday,waxaana uu soo rogay nidaam hal xisbi kaliya ah ,waxana uu la kulmay mucaaradad xoogag illaa ugu dambeyn doorasho looga guulaystay, taas oo uu ku soo baxay Shukri Al-quutali, waxana lagu dilay dalka Brazil 1964-kii. 3) Amiin Al-Xaafis Ninkani wuxuu ahaa sargaal ka tirsan ciidamada, wuxuuna markii dambe noqday mid kamida hoggaamiyaashii ugu caansanaa Xisbiga Bacas ee Suuriya, sagoo xukunka qabsaday 1963-kii, waxa uuna taageeray in la xoojiyo awooda xisbiga talada haya, balse 3 sano ka dib waxaa 1966-dii xukunka looga tuuray afgambi uu hogaaminayay saaxiibkiis Saalax Jadiid, xabsiga ayaana loo taxaabay. 4) Nour al-Diin al-Atassi Ninkani markiisii hore wuxuu ahaa dhaqtar iyo siyaasi ka mid ah madaxda garabka bidix ee Xisbiga baad, waxa uuna xukunka qabtay ka dib afgambigii Saalax Jadiid, waxaana loo magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, balse 4 sano ka dib waxaa 1970-kii xukunka ka tuuray Hafez al-Assad oo hormuud u ahaa afgembi loogu magac daray sixid maamul , Hafez Al-assad wuxuu ahaa Aabbaha dhalay Bishaar Al-assad, kaas hoggaanka hayay taniyo sanadkii labadii 2000, waana hoggaamiyihii ugu xukunka dheeraa, kaas oo 30 sano kursiga ku fadhiyay ilaa geeridiisa. Hafeze Al-assad markii uu geeriyooday waxaa talada dhaxal ahaan ula wareegay Wiilka ku jira da’da 3-aad ee carruurtiisa oo ah Bishaar Al-assad, kaas oo 2000-dii illaa 2024 xukunka ku haysay gacan bir ah iyo qalbi aan damqan, balse ugu dambeyn 8-dii bishan talada ay ka fara maroojiyeen xoogagga Mucaaradku hadda Ruushka qaxooti ku ah. Source: goobjoog.com -
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta ka furmay Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), waxaana shirka furay madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Md. Cali Daahir Ciid. Shirkan ayaa waxaa goobjoog ah wakiilo ka ka socday Dowladda Federaalka, Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobalka Banaadir, Gobolka Galgaduud, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah. Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee ka jira gudaha Soomaaliya, maadaama ay jiraan daruufo adag oo nololeed. Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin oo madasha ka hadlay ayaa ugu horeyntii ka qayb-galayaasha ku soo dhaweeyay shirweynahan oo saddexdii biloodba mar qabsooma. Maxamuud Macallin ayaa si kooban kaga war-bixiyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka isagoo xusay sida ay lama-huraan u tahay in shirkaan muhiimka ah ay ka soo baxaan qodobbo wax-ku-ool ah. “Waxaan ka wada-hadli doonnaa xaaladda hadda jirta ee ku aaddan dhibaatada bani’aadannimo ee Soomaaliya, gaar ahaan xaladda La Nina iyo saameynta taban ee la filaayo inay ku yeelato dalkeenna sanadka foodda nagu soo haya ee 2025. Hadafkeenna ayaa ah mideynta dadaalkeena si aan si fir fircoon ugu taageerno dadka ay dhibaata abaartu saameyn karto. Waxaan diiradda saari doonnaa baahiyaha iyo jawaabaha bani’aadannimo ee 2025 (HNRP)” ayuu yiri guddoomiyaha Hay’adda SoDMA. Madasha ayaa isu keentay daneeyayaasha muhiimka ah si wax looga qabto caqabadaha bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.
-
Xiisad dagaal ayaa mar kale ka taagan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaaag kadib dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xalay laga dareemay magaalada. Ciidamo ka tirsan labada dhinac ee Somaliland iyo SSC-khaatumo oo ku kala sugan xaafadaha waqooyiga iyo koonfurta Ceerigaabo ayaa saaka samaynaya dhaq dhaqaaqyo sida ay sheegayaan goob-joogayaal. Inta badan shacabkii ku noolaa labada dhinac ee magaalada Ceerigaabo ayaa dhawaanahan isaga baxayay kadib markii ay soo wajahday cabsi dagaal waxaana guul-darraystay isku dayo lagu doonayay in waan-waan lagu dhammeeyo xiisadda. Xiisadda Ceerigaabo ayaa timid kaddib markii ciidamada Somaliland dad rayid ah ku dileen weerar ay ku qaadeen xaafadaha ay magaalada ka deggan yihiin dadka Reer SSC taasi oo horseedday in ciidamada Khaatumo la wareegaan amniga shacabkii la soo weeraray. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo ka taagan Ceerigaabo iyo inta badan shacabkii oo ka baxay magaalada appeared first on Puntland Post.
-
Kooxda difaaca rayidka ah ee Suuriya ee loo yaqaan Koofiya Cad ayaa sheegay in ay baarayaan warar laga helay dadkii laga badbaadiyay xabsiga caanka ah ee Saydnaya oo ah in dadka lagu hayo qolal qarsoon oo dhulka hoostiisa ah. Qoraal ay kooxdu ku baahisay barta X, ayaa lagu sheegay in ay xabsiga u direen shan xubnood oo ka mid ah “kooxaha gargaarka degdega ah” kuwaas oo uu caawinayo hage aqoon u leh xabsiga iyo sida dadka loogu xiro. Saydnaya ayaa ka mid ah xabsiyadii dadka laga sii daayay markii ay jabhaduhu la wareegeen talada dalka maalintii shalay. Maamulka gobolka Dimishiq ayaa sheegay in ay sii socdaan dadaallada lagu soo deynayo maxaabiista, kuwaas oo qaarkood “ku dhawaaday in ay u dhintaan” hawo la’aan. Qaran News
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xalay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex-maray gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac uu iska hor imaad ku dhex-maray bartamaha magaalada, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, maadaama ay ahayd xilli habeen ah. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, kuna aadan dagaalka xalay ku dhex-maray magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi, isla markaana ciidamo iyo gaadiid dagaal ay gaareen halkaasi, taas oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kacsaneyd xaaladda, waxaana jiray dibadbaxyo ay dhigeen shacabka oo looga soo horjeeday dilal ka dhacay degmadaasi oo ay SSC ku eedeysay ciidamada Somaliland. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay Somaliland ka bixisay eedeynta loo jeediyay ee xiisadda ka abuurtay halkaasi Dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo dhowaan isbeddal uu ka dhacay Somaliland, kadib markii la doortay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxaase ay u muuqataa in weli xiisadda labada dhinac ay kasii socoto halkeeda.
-
Madaxweynihii hore ee Ghana John Dramani Mahama ayaa guul soo laabasho oo taariikhi ah ka gaaray doorashadii Axadda ka dib markii cod-bixiyeyaashu ay u muuqdeen kuwo ku ciqaabaya xisbiga talada haya ee New Patriotic Party sida uu u mamulay dhaqaale xumida dalka. Madaxweyne ku xigeenka xisbiga NPP Mahamudu Bawumia ayaa Axaddan qirtay guuldaradii ka soo gaartay doorashadii madaxtinimo ee dhamaadka toddobaadka ka dib markii ay ku guuldarreysteen inay wax ka qabtaan niyad jabka baahsan ee ka dhashay qiimaha sare ee nolosha. Guuldaradii ka soo gaartay doorashadii Sabtidii ayaa soo afjartay sideed sano oo uu xukunka hayay xisbiga NPP ee uu madaxweynaha ka ahaa Nana Akufo-Addo, ee dalka ku yaala galbeedka Afrika oo soo wajahday dhaqaala xumadii ugu xumayd muddo sanado ah, sicir barar sare, iyo deyn bixin. Mahama, oo ahaa madaxweynihii 2012-2017, waxay u ahayd isku daygii saddexaad ee uu ku doonayo in uu dib ugu soo ceshado jagada ugu sarreysa qaranka ka dib markii uu hoos u dhacay doorashooyinkii 2016 iyo 2020. “Dadka Ghana way hadleen, dadku waxay u codeeyeen isbedel xilligan, waanan ku ixtiraamaynaa,” Bawumia ayaa hadlakaasi ku sheegay shir jaraa’id isagoo ay garab taagnaayeen mas’uuliyiinta xisbiga. Taageerayaasha Mahama ayaa durba ku damaashaaday bannaanka xarunta ololaha xisbiga ee caasimadda Accra, iyagoo yeerinaya hoonka baabuurta, islamarkaana lulaya calamo. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Ghana John Dramani oo soo laabasho taariikhi ah sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia has reiterated its warning to Ethiopia, accusing its neighbour of undermining Somali sovereignty through arms smuggling and militia recruitment. The allegations mark a new flashpoint in regional tensions as Mogadishu struggles to consolidate security and governance. Source: Hiiraan Online
-
Trump oo ku hanjabay inuu ka bixi doono gaashaanbuurta NATO
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku janjabay inuu isaga ururka gaashaanbuurta NATO haddii dalalka xubnaha ka ahi ay bixin waayaan dhaqaalaha looga baahanyahay. ” Waa inay bixiyaan biilasha, xaqiiqdii waxaan ka fiirsan lahaa in Maraykanku ka baxo isbahaysiga ilaa xubnuhu noola dhaqmaan si caddaalad ah” ayuu yiri Donald Trump oo ka hadlayay arrimaha ururka NATO. Donald Trump ayaa muddo xileedkiisii horay ka baxay heshiisyo waaweyn oo caalami ah, asagoo sheegay in danaha Mareykanka uu wax walba ka hormarin doono, hadda’se lama oga tillaabada xigta hadalkan adag ee uu u jeediyay xubnaha xulafada NATO oo washington ay ciidanka ugu badan iyo dhaqaalaha ugu xoogganba ku bixiso. Source: goobjoog.com -
The Pastoralist Leadership Summit (PLS) officially commenced today in Wajir County, bringing together leaders and stakeholders from 15 other pastoralist counties across Kenya. Source: Hiiraan Online
-
A total of 117 officers from the Uganda Police Force, including 32 women, have commenced pre-deployment assessment tests in preparation for the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM). This is to ensure that the deployment aligns with AU standards and objectives. The assessments include reading comprehension, report writing, driving, and shooting skills. Source: Hiiraan Online
-
Somalia on Friday accused Ethiopia of interfering in its southern Jubaland region, the latest upset in a nearly year-long bitter dispute between the two nations. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay la soo bandhigay sheekooyin naxdin leh oo ka tarjumaya xadgudubyadii lagu sameeyay dad rayid ah oo xoog lagu qafaashay laguna xiray xabsiyo qarsoodi ah oo ku yaalla Suuriya, gaar ahaan caasimadda Dimishiq. Dadkaas oo ay tiradoodu gaaraysay boqolaal qof ayaa sanadihii la soo dhaafay ku jiray xabsiyo lagu ciqaabo dadka lagu eedeeyo inay ka soo horjeedaan nidaamkii talada hayay ee Bishaar Al Asad. Xogaha la helay ayaa muujinayay in maxaabiistaan lagu hayay xaalado daran oo bani’aadamnimada ka baxsan. Qoysaskooda kama aysan warqabin halka lagu hayo, waxaana badankood loo maleeyay in la dilay. Mid ka mid ah maxaabiistii lasoo badbaadiyay ayaa sheegay: “Waxaa la iga soo qafaashay gurigayga, anigoo aan cidina i ogeyn. Qoyskeyguna waxay u qaateen inaan dhintay. Sanado ayaan ku qaadanay xabsiga iyadoo aan cidna war naga hayn.” Maalmihii ugu dambeeyay ee uu dagaalka Suuriya socday, xoogagga mucaaradka ah ee kasoo horjeeda nidaamka Bashar al-Assad ayaa galay xabsiyo badan oo ay maamulayeen ciidamada dowladda. Howlgallo ay sameeyeen mucaaradka ayaa lagu sii daayay dad badan oo maxaabiis ah. Xog cusub oo soo baxday ayaa muujisay in qaarkood si lama filaan ah Mucaaradku ay u badbaadiyeen xilli dil toogasho ah loo diyaarinayay oo saacado uun ka hareen. Mid ka mid ah ragaas badbaaday ayaa sheegay in 54 qof oo ay hal meel ku wada xirnaayeen in la toogan rabay maalintii Sabtida. Isagoo taagan bartamaha Dimishiq ayuu yiri: “Waxaan ku dhaaranayaa Allaah, aniga iyo ninkaan ila taagan waxaa nala deldeli lahaa 30 daqiiqo kahor. Mucaaradka ayaa soo galay oo xabsiga naga soo badbaadiyay.” Source: goobjoog.com
-
members of the Jubaland Diaspora living in Minnesota gathered at Jigjiga Mall for a press conference to condemn the Federal Government of Somalia's recent military actions in Jubaland. The conference focused on deploying troops in Lower Juba, aimed at confronting Jubaland State President Ahmed Mohamed Islam, also known as Ahmed Madoobe. Source: Hiiraan Online
-
Dimishiq (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha reer Galbeedka ayaa soo dhaweeyay dhicitaanka madaxweynihii Suuriya Bashaar Al-asad oo jabhado hubeysan inay dalkii ka qabsadeen, isla markaana isaga cararay, waxaana lasoo sheegayaa inuu magan-geliyo ka helay Ruushka. Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa soo dhaweeyay dhicitaanka xukunkii Bishar Al-Asad, iyagoo xukunkiisii ku tilmaamay mid aan arxan laheyn. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa barihiisa bulshada ku soo qoray farriin nuxurkeedu ahaa “Dawlad bahalnimo ayaa dhacday, ugu dambeyntii. Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Suuriya, geesinimadooda, dulqaadkooda, xilliga hubanti la’aanta ah, waxaan u dirayaa hamigayga nabadda, xorriyadda, iyo midnimada. Faransiiska wuxuu sii ahaan doonaa mid ay ka go’an tahay ammaanka dhammaan Bariga Dhexe.” Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa ku tilmaamay dhicitaanka Assad “war wanaagsan” wuxuuna ku booriyay xal siyaasadeed oo lagu xasilinayo Suuriya, sida ay sheegtay AFP. “Bashaar Al-Asad waxa uu si naxariis darro ah u dulmay dadkiisa, waxaana uu dad badan u horseeday in ay qaxaan, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay gaareen Jarmalka,” ayuu yiri Scholz. Ra’iisul wasaare ku xigeenka UK Angela Rayner ayaa sheegtay in haddii taliska Asad uu dhacay ay “dowladda Britain soo dhawaynayso warkaas”. Guushan la yaabka leh ee ay Jabhadaha Suuriya ka gaareen waxaa hoggaaminaya kooxda ugu awoodda badan Islaamiyiinta ee Xayat Taxrir al-Sham oo ah cudud siyaasadeed iyo mid militari. Waxay kooxda soo caanbaxday kacdoonkii Suuriya ee 2011-kii iyada oo xiriir leh Al-Qaacida, laakiin waxay si rasmi ah xiriirka ugu jartay 2016-kii, kooxdaas waxaa hoggaamiya Abu Mohammed al-Jawlaani. Mar uu hadlay maanta wuxuu u xaqiijiyay bulshooyinka laga tirada badan yahay ee Suuriya in aysan jirin sabab ay uga welwelaan, balse kooxdiisa Xayaat Taxriir al-Sham waxay wali dawladaha reer galbeedku u aqoonsan yihiin urur argagixiso.
-
Beledxaawo (Caasimada Online) –Jubbaland ayaa beenisay eedeyntii Dowladda Federaalka ay maanta jeedisay oo ah in diyaarado hub sida ay shalay ka degeen magaalada Kismaayo, wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Dhuumaal ayaa arrintaan uga hadlay wareysi uu siiyey Idaacadda VOA. “Dowladda Soomaaliya ma sheegin war xaqiiqo ah, baaritaan ha sameyso wax ay ogtahana ha sheegto, ma jiraan diyaarado hub keenay, hadii Kismaayo hub ka degay cadeyn haloo keeno, mana jirto cadaawad jirta oo Itoobiya iyo Jubbaland ku kalifeysa inay hub isku daabulaan,” ayuu yiri wasiirka amniga Jubaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal. Sidoo kale Wasiir Dhuumaal ayaa la weydiiyey sababta gudaha Soomaaliya loogu soo daabulayo ciidamada Itoobiya, wuxuuna sheegay in arrintaas ay u gaartahay ayaga. “Ciidamada Itoobiya waxay dalka ka joogaan gobollo badan, Gedo, Bay, Bakool iyo Hiiraan ayey joogaan, marka manaqaan qorshaha ay damacdan tahay Itoobiya, laakiin waa laga yaabaa inay ciidamo isku bedeleyso ama ciidanka sahay loo keenayo,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal. Wasiirka ayaa sheegay in gobolka Gedo 7 goobood ay ka degan yihiin Ciidamada Itoobiya, isagoo xusay magaalooyinka, Baardheere, Buurdhuubo, Garbahaarey, Doolow, Luuq iyo goobo kale oo muhiim ah, “Meel kasta ayey Itoobiyaanku dalkeena ka joogaan, maadaama ay dalka joogaan maxaad u socsocotaan lama dhihi karo, diblomaasiyaduna ma ogola,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal. Waxaa la weydiiyey hadal-heyn jirta oo sheegeysa in Ciidamada Itoobiya ay ka cabsadeen inay degaan degmada Bedel-xaawo, maadaama ay degan yihiin ciidanka xoogga dalka, wuxuuna sheegay in 5 KM meel u jirta Beledxaawo ay degan yihiin ciidamada Itoobiya. “Waa sheeko qiyaali ah, ciidan Itoobiya hor istaagi kara oo Soomaali ah Beledxaawo iyo Gedo oo dhan ma joogaan, labada dhinac ayey Beledxaawo ka degan yihiin, waana laga fiican yahay inaan qiyaali ku noolaano, ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiir Dhuumaal. Sidoo kale Wasiirka Amniga Jubbaland oo jooga degmada Doolow ee Gobolka Gedo wuxuu beeniyey in ciidamo ka tirsanaa maamulka Jubbaland oo jooga degmada Beledxaawo ay ku biireen ciidanka xoogga dalka, kadib markii ay iska diideen amarrada madaxda Jubbaland. Hoos ka dhageyso Wareysiga Wasiir Dhuumaal https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/12/ffb3cb0b-986e-4fc9-b98b-44fca0b70525_16k.mp3