Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,856
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) — The SSC-Khaatumo administration has accused Puntland of undermining its autonomy and progress, escalating tensions between the two Somali regional administrations. The accusations come as SSC-Khaatumo claims its neighbour is engaging in actions that jeopardize cooperation and stability in northern Somalia. Source: Hiiraan Online
  2. Baidoa (HOL) — Youth voices took center stage at a conference in Baidoa, where Somali leaders and activists convened from December 5 to 9 to discuss South West State’s Anti-Corruption Aid Bill. The bill aims to combat the diversion of humanitarian aid, a persistent issue impacting marginalized communities across Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. (ERGO) – After settling into a stable job with a decent salary at a local milling company, Farhiyo Jama Ahmed has moved her family out of a displacement camp where they had been living for the past four years. Source: Hiiraan Online
  4. AQN6DmPXWeEZ9DETTOWAtK5VDMs6ITSbFB3Q6XPB8qhHuEUhHC6xXqsSbCcF0-ujWaEbFbaugUN1qlMsqNZUA1vZ Qaran News
  5. Dalalka Jarmalka iyo Austria ayaa hakiyay qaabbilaada qaxootiga Suuriyaanka, waxaa kalo la hakiyay qoysaskii la isku keenayay , iyadoo Austria ay sheegtay inay diyaarinayso barnaamij dib loogu celinayo Suuriyaanka dalkooda. In ka badan 13,000 magangalyo doon Suuriyaan ah ayaa sannadkan gudbiyay codsiyadooda dalka Austria, sida ay ku warrantay CNN. Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka, Nancy Faeser ayaa dhankiisa ku dhawaaqay in la hakiyay codsiyada magangalyo doonka Suuriya u dhashay. Wuxuu ka mid yahay Jarmalka dalalka ay Suuriyaanka ugu badan magangalyada ka codsadeen, kaliya sannadkii 2015-kii 1 milyan oo Suuriyaan ah ayuu qaabbilay, balse waqti hore waxaa bilowday doodaha dib u celinta Suuriyeenka. Dalalkan Yurub ayaa soo saaray go’aamadan, maalin kaddib markii xukunka laga riday nidaamka Bashaar Al-assad, oo dhaliyay in tobannaan milyan oo Suuriyaan ah ay dalkooda ka qaxaan, kaddib dagaallo sokeeye oo dalkaa ka socday tan iyo 2011-kii. PUNTLAND POST The post Jarmalka iyo Austria oo hakiyay qaabilaada Qaxootiga Suuriya appeared first on Puntland Post.
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Danab ee deegaanada Jubbaland Carab Dheeg Axmed oo saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta la hadlay ayaa aad u dhaliilay dowladda federaalka, taliska ciidanka xoogga dalka iyo qorshaha ciidamada loogu daabulay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Gocashada ugu weyn ee Taliye Carab Dheeg uu sheegay inay ka hadashiisay waa dalacsiinta ay dowladda federaalku siisay ciidamadii Jubbaland ee ka soo goostay Axmed Madoobe, isagoo cabasho ka muujiyey sababta loo dalacsii diiday Danab oo sanado badan dagaal uga jirtay Jubbooyinka. Taliye Carab ayaa dowladda federaalka ku dhaliilay sababta loo dalacsiiyey ciidankii Jubbaland oo kaliya, iyadoo aan hoos loo eegin kuwa Danab oo muddo dheer dagaal ku soo jiray. Sidoo kale Taliyaha ayaa dowladda ku dhaliilay ciidanka ay geysay Raaskambooni, isagoo halis weyn ka muujiyey in Jubbaland uu ka bilowdo isku dhac ciidamada dhexdooda ah oo laga baaqsan karo. Sarkaalkaan ayaa halis weyn ka muujiyey in laga mashquulo dagaalka Khawaarijta, isagoo si cad u sheegay in wiilashada ka wada tirsan ciidamada qaranka aysan cadow isku aheyn, balse siyaasadaha is diidan ay horseedayaan halis aan laga soo kabsan, hadii ciidamadu soo farogeliyaan. “Anigu ma qabo in ciidan la isku adeegsado, siyaasaddu waa wax dhibadan goor kasta ayey qaldameysaa, laakiin ciidan laguma sixi karo, halis waaye qorigu ee wadahadal ku dhameysta waxa la isku hayo, yaan la isku adeegsan wiilasha u caaboon dagaalka Khawaarijta oo ah halka cadow oo aan leenahay,” ayuu yiri Taliyaha Danab ee deegaanada Jubbaland Carab Dheeg. Eedeyntaan ayaa toos ugu dhaceysa madaxda ugu sareysa dalka oo u bareeray in xoog loo adeegsado Axmed Madoobe, waxaana suurtagal ah in taliyahaan shaqo ka joojin lagu sameeyo, maadaama uu galay arrimo xasaasi ah. Taliyaha markii uu hadalkaan sheegayey waxaa garbihiisa taagnaa ciidan aad u badan, sida caadiga ah Danab looma ogola inay dhexgasho siyaasadaha gudaha ee dalka, waxaana loo tababaray kaliya inay argagixisada la dagaalamaan. Waligood hal mar ayaa loo adeegsaday dagaal sokeeye, xiligaas oo Ahlu-Sunna ay kula dagaalameen Guriceel, balse Mareykanka oo gacanta ku haya ciidanka Danab ayaa xiligaas ganaaxay ururkii Galmudug joogay ee dagaalkaas galay, waxaana dhowr bilood laga jartay mushaarkii, sahaydii iyo saanadii ay heli jireen.
  7. Maamulka SSC-khaatumo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa cambaareeyay fara gelin uu sheegay in Puntland ku hayso degaannadooda. Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo ayaa ku eedaysay dowladda Puntland in ay fara gelin sharci-darro ah ku hayso degaannada Khaatumo islamarkaana carqalad ku waddo geeddi-socodka dhismaha Maamulkaasi. SSC-khaatumo waxay sheegtay in Puntland is hor-taag ku samaysay gargaarkii loo waday degaannada Khaatumo islamarkaana joojisay tallaalkii loo waday sidoo kalena warbixino aan sax ahayn oo ku saabsan SSC la wadaagtay hay’adaha Caalamiga ah. Maamulka SSC-khaatumo ayaa sidoo kale dowladda Puntland ugu baaqay in ay ka waan-toobaan tallaabooyinka ay ku tilmaantay fara-gelinta ee ka dhanka ah degaannada SSC-khaatumo. Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka SSC PUNTLAND POST The post Maamulka SSC-khaatumo oo fara gelin ku eedeeyay dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee Somaliland waxaa maanta ka dhacay banaanbax weyn oo lagu soo dhaweynayo in xukunkii laga tuuray madaxweynihii sanadaha badan awoodda militeri ku heystay dlka Suuriya Bashar al-Assad. Banaanbaxaan waxaa dhigay dadka Suuriyaanka ah eek u nool magaalada Hargeysa, waxayna muujiyeen dareen dabacsan iyo sida ay ugu farxeen in Madaxweyne Bashar al-Assad uu ka tegay Suuriya, isagoo qasban. Maxamed Kheyr oo kamid ah dadka ka soo cararay colaadaha Suuriya iyo xukunkii adkaa ee Bashar al-Assad ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in qof kasta oo Suuriyaan ah uu maanta faraxsan yahay. “Qofta kasta oo Suuriyaan ah, guud ahaan muslimiinta, Carabta iyo Afrikaanka waa farxeen, sababtoo ah waa na jecelyihiin, dulimigii iyo dhagartii qoys 50 sano na xukumayey ayaa naga tegay,” ayuu yiri Maxamed Khayr oo ah Suuriyaan ku noopl Hargeysa. Maxamed oo ah nin oday ah, isagoo ilmeynaya ayuu sheegay in tan iyo carruurnimadiisii uu xusuusto nidaamkii adkaa ee Assad oo ahaa aabihii dhalay Bashar Assadka hadda xukunka laga tuuray. Dhinaca kale, Haysam Cabdisalaan oo ah wiil dhalinyaro ah oo sagaal sano ku noolaa Hargeysa, isla markaana bartay Af-Soomaaliga ayaa si cajiib ah u cabiray dareenkiisa ku aadan is bedelka siyaasadeed ee Suuriya ay gashay. “Sagaal sano ka hor ayaan imid halkaan, waxaan bartay af-Soomaaliga oo aad u adag, walaahi waxaa dhacay is bedel weyn 50 sano musiibo dalkeena heysatay ayaa na dhaaftay, Somaliland waa dalkeyga labaad, xaas iyo carruur ayaa ii jooga, Alxamdulilaah,” ayuu yiri Haysam Cabdisalaan oo Suuriya u dhashay. Guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin dadka Suuriyaanka ah ee ku nool magaalada Hargeysa Wafaan Saam Al-Saayid ayaa sheegay in Suuriya ay gashay xaalad deg deg ah oo lama filaan ah, isla markaana ay dalkoodii ku noqo doonaan, markii ay xaqiijiyaan in xaaladu degtay. “Kadis ayey noqotay arrintaan, waa wax xagga alle ka socda, ilaah ayaa xoreeyey dhulka Shaam, adduunka dhan waa na jecelyahay, laakiin dalkeena waxaa la degay qoyska reer Assad, hadii amniga la sugo waan ku laabaneynaa Suuriya, dadka Soomaaliyeed ayaa aad noo soo dhaweeyey, Somaliland waa dalkeena labaad,” ayuu yiri guddoomiyaha qaxootiga Suuriya ee Hargeysa ku nool.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, oo uu hoggaaminayo Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa si guul leh u suura-gelisay dib usoo celinta 22 muwaadin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa dalka Suudaan. Dhalinyaradan ayaa la xiray kafib markii lagu qabtay iyagoo isku dayaya inay socdaal sharci-darro ah sameeyaan. Shaqsiyaadkaasi oo ka kooban 17 wiil dhalinyaro ah iyo 5 hablood dhalinyaro ah, ayaa muddo saddex bilood ah lagu hayay xabsiyada Dongola iyo Gadaref. Dhamaan 22 qof ayaa maanta si nabad ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhigeysa guul kale oo muhiim u ah dadaallada joogtada ah ee wasaaradda ku ilaalinayso xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda, islamarkaana lagu la dagaallamayo tahriibinta bani’aadamka. Sii deynta dhalinyaradan ayaa waxaa door weyn ku laheyd hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawl-gala Portsudan. Waxaa sidoo kale weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in si dhow loo soo daayo, si ay ugu laabtaan dalkooda hooyo. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa ka mahad-celisay dadaalka wadajirka ah ee hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, iyadoo xaqiijisay inay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aaddan badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ku jira. Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixineysay furdaaminta iyo soo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee naftooda ku biimeeyay tahriibka.
  10. Mogadishu (HOL) — Somalia's U-15 football team departed for Kampala, Uganda, on Monday to participate in the CAF African Schools Football Championship – CECAFA qualifiers, scheduled to begin on December 10, 2024, at St. Mary's Stadium, Kitende. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) — Somali government has successfully repatriated 22 of its citizens who had been detained in Sudan for attempting irregular migration. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ku wajahan magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ee dowlad-goboleedka Jubbaland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta tegi doona Raaskambooni, iyadoo ay halkaasi gaareen taliyaha ciidanka lugta, saraakiil ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaraha iyo ilaaladiisa gaarka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Raaskambooni oo maalmo kahor la wareegeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa noqoneysa xarunta ay dowladda dhexe ka hageyso qorshaha ka dhanka ah Axmed Madoobe oo isagu mar saddexaad isku doortay Kismaayo. Sida uu qorshuhu yahay Xamza ayaa marka uu gaaro halkaasi waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa saraakiisha Gorgor iyo kuwa Haramcad oo iyagu gacanta ku haya amniga Raaskambooni, odayaasha deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa imaanaya xilli ay kasii dareyso xiisadda dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo Axmed Madoobe, oo isagu dhawaan qabsaday doorasho markii saddexaad uu kusoo baxay hoggaanka maamulka. Daraawiishta Jubbaland ee Axmed Madoobe taabacsan ayaa haatan ku sugan deegaan 40-KM u jira magaalada Raaskambooni, halka ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka war helay dhaq-dhaqaaqan ay heegan buuxa galeen, waxaana sareysa cabsida in dagaal uu ka dhex-qarxo labada dhinac. Shalay ayey aheyd markii Jubbaland ay muddo 48 saac ah u qabatay in ciidamada dowladda ay uga baxaan gobolka, iyada oo ku goodisay haddii ay bixi waayaan inay ka qaadi doonto tallaabo adag.
  13. Muxammad Al-Bashiir ayaa noqday Ra’iisul Wasaaraha kumeel-gaar ah ee Suuriya, isagoo laga filayo inuu soo dhiso dawlad cusub oo maareysa marxaladda kumeel-gaarka ah ee Suuriya. Tallaabadan ayaa timid kadib markii nidaamkii hore ee Bashaar Al-Assad laga tuuray xukunka, oo dhaqdhaqaaqa mucaaradka ay si rasmi ah ula wareegeen maamulka dalka. Taariikhda Muxammad Al-Bashiir Muxammad Al-Bashiir waxa uu ku dhashay Jabal Zawiya oo ku taalla gobolka Idlib sannadkii 1983. Wuxuu ka qalin-jabiyay Jaamacadda Xalab sannadkii 2007, halkaas oo uu ka bartay injineernimada dhinaca korontada. Kadib waxbarashadiisa, Al-Bashiir waxa uu sannadkii 2011 noqday madaxa qaybta qalabka gaasta ee shirkadda Gaaska Suuriya, isagoo xirfadihiisa shaqo si wanaagsan uga dhex muuqday. Doorkiisa Siyaasadeed Bishii Janaayo 13, 2024, Al-Bashiir waxaa magaalada Idlib loogu doortay Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Badbaadada Suuriya (SSG), taas oo loo aasaasay inay maamusho Idlib iyo waqooyiga Suuriya. Wuxuu isla markiiba dhisay gole wasiirro iyo hay’ado kale oo dawladdu ku shaqeyso. Al-Bashiir waxa uu xiriir dhow la leeyahay kooxda Hayʼat Tahrir al-Sham, oo hoggaamisay kacdoonka militariga ee xukunka looga tuuray Bashaar Al-Assad. Source: goobjoog.com
  14. Militariga Israa’iil ayaa maanta ah sheegay in afar askari lagu dilay koonfurta Lubnaan, taasi oo ah dhimashadii ugu horreysay ee laga sheego aaggaas tan iyo markii ay billaabatay xabbad joojinta Xizbullah, ku dhowaad laba toddobaad ka hor. Afarta askari oo ka mid ahaa ciidamada kaydka, oo dhamaantood ka tirsanaa hal guuto, ayaa ku dhintay dagaal Axaddii, milatariga ayaa sidaas sheegay iyagoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin. Israa’iil iyo Xizbullah ayaa ku heshiiyey xabbad joojin ka dib ku dhawaad sannad dagaal ah. Sida heshiiska qayb ka ah, ciidamada Israa’iil waxay ku sugnaan doonaan koonfurta Lubnaan muddo 60 maalmood ah, halka ciidanka Lubnaan sidoo kale la geynayo aaggaas. Sida ku cad heshiiska, oo ku saleysan qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee soo afjaray dagaalkii ugu dambeeyay ee Israel iyo Xizbullah, ciidamada nabad ilaalinta iyo ciidamada Lubnaan waa in ay noqdaan kooxaha hubaysan ee kaliya ee ku sugan koonfurta. Dhimashada ayaa ka dhigaysa 56 tirada askarta Israa’iil ee lagu dilay koonfurta Lubnaan tan iyo markii milatariga uu qaaday weerar dhulka ah dabayaaqadii September. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu tacsi tiiraanyo leh la wadaagay qoysaska askarta. PUNTLAND POST The post Militariga Israa’iil oo sheegay in askar looga dilay koonfurta Lubnaan appeared first on Puntland Post.
  15. AQPO9upHd5G4dQDayE8cc5BjUg3ReL7it0J69JodU2iPsUIJAf1x8uZQoFeqKdUGF6D_hYMKQJ3A_PcXUmRMDmiz Qaran News
  16. Tel Aviv (Caasimada Online) – Militariga Israa’iil ayaa Isniinta maanta ah sheegay in afar askari lagu dilay koonfurta Lubnaan, taasi oo ah dhimashadii ugu horreysay ee laga sheego aaggaas tan iyo markii ay billaabatay xabbad joojinta Xizbullah, ku dhowaad laba toddobaad ka hor. Afarta askari oo ka mid ahaa ciidamada kaydka, oo dhamaantood ka tirsanaa hal guuto, ayaa “ku dhintay dagaal” Axaddii, milatariga ayaa sidaas sheegay iyagoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin. Israa’iil iyo Xizbullah ayaa ku heshiiyey xabbad joojin ka dib ku dhawaad sannad dagaal ah. Sida heshiiska qayb ka ah, ciidamada Israa’iil waxay ku sugnaan doonaan koonfurta Lubnaan muddo 60 maalmood ah, halka ciidanka Lubnaan sidoo kale la geynayo aaggaas. Sida ku cad heshiiska, oo ku saleysan qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee soo afjaray dagaalkii ugu dambeeyay ee Israel iyo Xizbullah, ciidamada nabad ilaalinta iyo ciidamada Lubnaan waa in ay noqdaan kooxaha hubaysan ee kaliya ee ku sugan koonfurta. Dhimashada ayaa ka dhigaysa 56 tirada askarta Israa’iil ee lagu dilay koonfurta Lubnaan tan iyo markii milatariga uu qaaday weerar dhulka ah dabayaaqadii September. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu tacsi tiiraanyo leh la wadaagay qoysaska askarta. Militariga Israa’iil ayaa tan iyo markii ay billaabatay xabad joojinta sii waday duqeymaha ay ku beegsanayaan goobaha ay ku sugan yihiin Xizbullah, iyagoo sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin ka dhan ah jebinta heshiiska. Axadii waxay sheegeen in ciidamadooda dhulka ay “heleen oo ay burburiyeen hub diyaar u ahaa in la isticmaalo” oo lagu kaydiyay goob rayid ah iyo godad dhulka hoostiisa ah. Xizbullah ayaa bishii October ee sannadkii hore billowday inay weerarro xooggan ku qaado Israa’iil, ayadoo ku taageeraysa xulafadeeda Falastiin ee Xamaas. Rasaastii la isku weydaarsanayey xuduudda ayaa isu rogtay dagaal buuxa markii Israa’iil ay diiradda ka weecisay Gaza una wareejisay Lubnaan, si ay u sugto xuduuddeeda waqooyi.
  17. Mogadishu (HOL) — Commander of the 5th Battalion, 16th Division of the Danab Commando Unit operating in Jubbaland, Aarab Dheeg Ahmed, has called on the Somali military to avoid involvement in the ongoing political standoff between the Federal Government and Jubbaland leadership. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta darajooyin dalacsiin ah u xiray qaar kamid ah saraakiisha ciidanka illaalinta deegaanka Xamar kadib markii uu dalacsiiyay madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Taliyaha ciidanka illaalinta deegaanka Xamar Jeneraal Maxmed Cali Carabow ayaa ugu mahad-celiyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir dalacsiinta saraakiisha maanta dalacday ee darajada loo xiray, kuwaas oo door muhiim ah ku leh hogaaminta taliska. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in ciidanka illaalinta deegaanka Xamar ay laf dhabar u yihiin kaabayaasha dhaqaalaha, bilicda caasimadda, ka hortaga maandooriyaha iyo anshax xumada. Sidoo kale wuxuu guddoomiyaha xusay in ay ka go’an tahay dhiira-gelinta iyo tayeynta ciidanka kala duwan ee dowladda. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan dallacsiin u sameysay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo sameeyay naf hurnimo. Saraakiisha ayaa qeyb ka ah dhiiri-gelinta saraakiisha ciidanka ee geesiyaasha ah, iyada oo saraakiisha, saraakiil xigeennada iyo hoggaannada kala duwan ee ciidanka lagu abaalmariyo, laguna dalacsiiyay kartida iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen howsha loo igmaday iyo howl-galka Shabaab. Sidoo kale waxaa socda qorshe lagu dallacsiinayo saraakiil kale, xilli uu socdo gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo haatan maraya marxalad xasaasi ah.
  19. Garoonka Diyaarada Ee Magalada Hargaysa Waxaa Hada Soo Gaadhay Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Mudan Daahir Riyaale Kaahin iyo Marwadiisa Huda Barkhad Waxaa Halkaasi Ku soo Dhaweeyay Masuuliyiin Ka tirsan Xukuumada Hada Xilka banaynaysa Madaxweyne Riyaale ayaa Dalka Ugu Soo laabta In uu Malinta Khamiista oo ku beegan 12/12/2024 ka qabgalo Caleema Saarka Madaxweyna la Doortay Qaran News
  20. Subaxnimadii hore ee Axadda, December 8, 2024, Hay’at Taxriir al-Sham oo uu hoggaamiyo Axmed al-Sharaa, laguna naanayso Abu Muxammad al-Julani, ayaa ku dhawaaqay gacan ku haynta caasimadda Suuriya ee Dimishiq iyo afgambigii Madaxweyne Bashaar al. Telefeshinka rasmiga ah ee dalka Suuriya ayaa baahiyay hadalkii ugu horreeyay ee mucaaradka Suuriya kadib markii ay gudaha u galeen caasimadda Dimishiq, Bashaar Al-asadna uu u baxsaday Halkee ayuu u baxsaday Bashaar Al-asad? Wakaaladaha wararka ee Ruushka oo soo xiganaya ilo ku sugan aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay goor dambe oo fiidnimadii Axadda in Bashaar Al-asad iyo qoyskiisa ay gaareen magaalada Moscow. Hay’adaha ayaa sheegay in Ruushku uu magangelyo siiyey Assad iyo qoyskiisa kadib markii uu dhacay xukunkii Suuriya. Xayeysiin BBC-du way awoodi wayday inay si madax banaan u xaqiijiso macluumaadkaan. Laba sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada Suuriya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, subaxnimadii Axadda, in Bashaar Al-Asad uu dalka kaga baxay diyaarad, kuna sii jeeday meel aan la garanayn. Ruushka, oo xulafo la ah Asad, ayaa goor sii horeysay ku dhawaaqay inuu “ka tagay” jagadiisii ​​​​madaxweynenimo, uuna “ka tagay Suuriya”, ka dib markii uu wada xaajood la yeeshay “dhinacyada hubaysan ee ka soo horjeeda,” isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixinin meesha uu ku wajahan yahay. Warbixinadii ugu horeeyay ayaa tilmaamaya suurtagalnimada in Assad uu ku wajahan yahay Ruushka ama Imaaraadka Carabta, lagana yaabo in diyaaradii uu la socday ay burburto. Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Ruushka ayaa Bashaar Al-asad iyo qoyskiisa magangelyo siiyay, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee Ruushka. Maamulka ku meel gaadh ah Maamulka ku meel gaarka ah Isbaheysiga mucaaradka Suuriya, ee uu hoggaamiyo Hay’at Tahrir al-Sham, ayaa ku dhawaaqay inay ka shaqeynayaan sidii ay u sameyn lahaayeen gole maamul oo ku meel gaar ah oo leh awood fulineed oo buuxda, iyadoo ay qayb ka noqonayaan dadka Suuriya. Isbahaysigu wuxuu intaa ku daray in ay ku haminayaan “in la dhiso iskaashi istaraatiijiyadeed oo gobolka iyo caalamka ah.” Hay’at Taxriir al-Sham ayaa hay’adaha dawliga ah iyo Ra’iisul Wasaarihii taliskii Bashaar, Muhammad Ghazi al-Jalali, u ogolaatay inay sii joogaan xafiisyadooda. Hoggaamiyaha Hay’at Taxriir al-Sham, Abu Muhammad al-Julani, ayaa ugu baaqay dagaalyahanadiisa subaxnimadii Axadda inaysan u dhowaan xarumaha dowladda, isagoo carabka ku adkeeyay inay sii wadayaan kormeerka ra’iisul wasaarihii hore ilaa “si rasmi ah looga wareejinayo.” Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Maxamed Ghazi Al-Jalali ayaa farriin la duubay subaxnimadii Axadda ku sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay “in ay la shaqeyso hoggaan kasta oo ay dadku doortaan.” “Waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno hoggaan kasta oo ay dadku doortaan, iyo inaan bixinno taageero kasta oo suurtagal ah si loo xaqiijiyo in si habsami leh oo nidaamsan loogu kala wareejiyo howlaha dowladda, iyo ilaalinta xarumaha dowlad goboleedyada”. Al-Jalali ayaa ugu baaqay dadka Suuriyaanka ah inay ilaaliyaan xarumaha danta guud, isagoo ku nuux nuuxsaday inay leeyihiin dhammaan muwaadiniinta. Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Al-Julaani gudaha Masjidka Umawiyiinta Maqribnimadii Axadda, Al-Julaani waxa uu galay Masjidka Umawiyiinta ee magaalada Dimishiq, isaga oo ay ku hareeraysan yihiin boqolaal dagaalyahanno ah iyo ilaaladiisa, waxa uu salaadda maqrib ku tukaday masaajidka, taas oo loo arko in ay astaan ​​u tahay xukunka Suuriya. Al-Julani ayaa jeediyay khudbad uu u arkayay dhamaadka xukunka Assad “guul u soo hoyatay dhammaan reer Suuriya”, isagoo ku dhawaaqayay guul iyo “Allaahu Akbar”. Al-Julani ayaa u sheegay dad badan oo ku sugnaa Masjidka Umayyad in taliska Asad uu “ku xirxiray kumanaan muwaadiniin ah si xaqdarro ah kuwaas oo aan wax dambi ah gelin.” Dadka reer Suuriya ee ku dhaqan caasimadda Dimishiq iyo guud ahaan dalka Suuriya ayaa si weyn ugu dabaaldegay dhicitaanka nidaamka Bashaar Al-Asad, kaas oo xukunkiisa iyo kan aabihii Xafiz Al-asad ay dalkaas ka talinayeen in ka badan nus qarni. Qaxooti badan oo Suuriyaan ah oo ku nool wadamo kala duwan oo adduunka ah ayaa sidoo kale u dabaaldegay dhicitaanka xukunka qoyska Asad. Tirada dhimashada Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya ayaa sheegtay goor dambe oo fiidnimadii Axadda in ilaa 910 qof la dilay, oo ay ku jiraan 138 rayid ah, tan iyo markii uu bilaabmay weerarka kooxaha mucaaradka ee Suuriya 27-kii November. Mawqifka mucaaradka Suuriya ee dibadda Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Hadi Al-Bahra, madaxa mucaaradka Suuriya ee dibadda Madaxa mucaaradka Suuriya ee dibadda, Hadi Al-Bahra, ayaa sheegay Axadii in 18 bilood ee soo socota Suuriya lagu sii wadayo ku meelgaar kadibna la samaynayo “jawi ammaan ah, dhexdhexaad ah oo deggan,” si loogu diyaargaroobo “doorasho xor ah” oo dalka ka dhacda. , kadib markii uu dhacay xukunka Madaxweyne Bashaar Al-Asad. Al-Bahra, oo ah madaxa Isbahaysiga Qaranka Suuriya, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay waajib tahay in la diyaariyo dastuurka Suuriya lix bilood gudahood, iyada oo doorashada ugu horreysa ay tahay “afti dadweyne”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Dastuurka ayaa qeexaya in aan qaadaneyno nidaam baarlamaan, mid madaxweyne ama mid isku dhaf ah, iyadoo taa laga duulayona waxaan qabaneynaa doorasho, dadkuna ay dooranayaan hogaankooda”. Falcelinta caalamiga ah Dhowr saacadood ka hor dhicitaanka nidaamka Bashaar Al-Asad, madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in Washington aysan wax door ah ku yeelan sida dhacdooyinka Suuriya ay u horumarayaan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee ayuu Trump ku tilmaamay weerarka hubeysan ee ay billaabeen mucaaradka Suuriya mid aan horay loo arag, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in Mareykanka uusan wax lug ah ku lahayn. Trump ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Si kastaba ha ahaatee, Suuriya waxa ka socda waa qas, laakiin ma aha dal aan saaxiib nahay, mana aha in Maraykanku wax lug ah ku yeesho dhacdooyinka.” Dhankiisa madaxweynaha xilka ka degaya ee Mareykanka Joe Biden, ayaa Sabtidii ku dhawaaqay inay si dhow ula socdaan xaaladda Suuriya, waxayna ugu baaqeen dhinacyada inay yareeyaan xiisadda. Axadii, Biden waxa uu ku dhawaaqay in uu kulan la yeelan doono kooxdiisa amniga qaranka uuna kala hadlayo arimo ku saabsan Suuriya. Ra’iisul wasaaraha Britain Sir Keir Starmer, ayaa soo dhoweeyay dhicitaanka maamulka Bashaar wuxuuna yiri: “Shacabka Suuriya waxay muddo dheer ku dhibanaayeen nidaamka arxan darrada ah ee Asad, waana soo dhoweyneynaa bixitaankiisa,” isagoo aan shaacin mowqifkiisa. kooxaha gacanta ku haya Suuriya kadib Assad. Turkiga ayaa dhankiisa ku dhawaaqay inuu xiriir la sameynayo kooxaha mucaaradka Suuriya, balse wuxuu walaac ka muujiyay dowladda Islaamiga ah iyo xisbiga shaqaalaha Kurdistan, oo ah urur hubeysan oo Kurdish ah, oo ah labo kooxood oo Turkigu si gaar ah u daneynayo. Masar ayaa sheegtay in ay si aad ah u daneyneyso isbedelka ka socda dalka Suuriya, iyadoo xaqiijisay in ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Suuriya, isla markaana ay garab taagan tahay madax banaanida Suuriya iyo midnimada iyo wadajirka dhulkeeda. Dhanka Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay inay si weyn ula socoto horumarka xawliga ah ee ka socda dalka Suuriya Source bbcsomali Qaran News
  21. Badhaadhe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo aagga deegaanka Raaskambooni oo maalmihii lasoo dhaafay lagu daabulayay ciidamada dowladda. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in Jubbaland ay qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ay uga hortageyso dhaq-dhaqaaqa ay dowladda ka bilowday halkaasi, waxayna ciidamo iyo gaadiid dagaal gaysay deegaanka Buurgaabo ee gobolka Jubbada Hoose. Daraawiishta Jubbaland ayaa doonaya inay ka hortegaan gulufka ciidamada dowladda, waxayna deegaanka ay hadda gaareen uu 40 KM u jiraa magaalada Raaskambooni. Dhankooda ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka war helay dhaq-dhaqaaqan ayaa heegan buuxa galay, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu ka dhex-qarxo labada dhinc. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale soo warinaya in xaalad adag ay ka jirto halkaasi, isla markaana la’isku hub iyo ciidan aruursanayo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan xiisadda maanta laga dareemaya aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Shalay Jubbaland ayaa muddo 48 saac ah u qabatay in ciidamada dowladda ay uga baxaan gobolka, iyada oo ku goodisay haddii ay bixi waayaan inay ka qaadi doono tallaabo adag. “Haddii ciidamadaas ay 48 saac gudahood ugu laaban waayaan meelihii laga keenay talaabo adag ayaan ka qaadeynaa, dulqaadkii waa naga dhamaaday”. ayuu shalay yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha dowlad goboleedka Jubbaland. Dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa haatan si wayn isku haya, waxayna arrintu gaartay in la’isku adeegsado ciidamo, taas oo muujineyso in awood la’isku maquuni doono, haddii aanu imaan xal kale oo deg deg ah.
  22. Muqdisho ayaa martigelisay furitaanka Madasha Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka, oo ah kulan muhiim ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta nabadgelyada rayidka Soomaaliyeed. Madasha waxaa soo qabanqaabiyay Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ee Xasilinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka, iyadoo looga gol-leeyahay in lagu soo bandhigo istiraatiijiyado cadcad oo ku saabsan badbaadada rayidka, gaar ahaan xilliyada colaadaha iyo xaaladaha degdegga ah. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo hay’ado caalami ah ayaa ka qeyb galay madasha, iyagoo si qoto dheer uga dooday muhiimadda ilaalinta badqabka rayidka, ka hortagga dhibaatooyinka, iyo u gurmashada dadka nugul. Furitaanka madasha, waxaa lagu soo bandhigay qorsheyaal waqtiyeysan oo wax ku ool ah, kuwaas oo lagu xaqiijinayo badbaadada dadka iyo hantidooda, isla markaana looga hortagayo musiibooyinka kala duwan. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Abdihakim Ashkir, ayaa xusay in ay tahay tiir muhiim ah oo lagu xoojinayo badqabka muwaadiniinta. Wuxuu yiri “Badqabka Rayidka waa hannaan muhiim u ah dowladnimada, waxayna noo leedahay hortabin gaar ah. Waa in la xaqiijiyaa badbaadada dadka iyo hantidooda, iyagoo laga ilaaliyo musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa kale. Madashan waxay ku soo aadaysaa xilli muhiim ah oo diiradda lagu saari doono dadaallada badqabka rayidka, gaar ahaan xilliga howlgalka ATMIS kadib.” Source: goobjoog.com
  23. Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya deegaanka Raaskambooni ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Khaalid Cabdullaahi Cumar, uu halkaasi gaaray isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo. Taliyaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay deegaanka, halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda. Waxaa uu halkaasi ka bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo ciidamada dowladda ee ku sugan furimaha dagaalka. Magaalada ka socda kulamo looga hadlayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii ciidanka Jubbaland ee kasoo goosanaya maamulka hadda jira loogu soo dhaweyn lahaa dowladda. Sidoo kale waxaa lagu waddaa in wafdi ka socda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay gaaraan deegaankaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa boqolaal ka mid ah Ciidanka dowladda Soomaaliya geysay deegaanka Raaskambooni si loo xaqiijiyo ammaanka. Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadla xiisadda sii kululaaneyso ee u dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland. Jeesow ayaa si si gaar ah uga hadlay eedeymaha loo jeediyay Axmed Madoobe iyo sababata ka dambeysa in loo jaro waaran soo qabasho ah. Xildhibaanka ayaa su’aallo ka keenay waxa loo beegsanayo Axmed Madoobe, wuxuuna tilmaamay in dambi aanu lahayn dusha laga saarayo. Waxaa kale oo uu ku dooday in ay ahayd in la qabto markii uu joogay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, haddii uu galay khiyaano qaran ama dambi kale oo wayn. “Maxaa Jubbaland ciidanka loogu daabulayaa, maxaa colaadda looga hurinayaa, maxaa xabsiga loogu dirayaa A.Madoobe, haddii uu khiyaano qaran galay oo doorashadiisa ka baxsan gurigaasuu deganaa oo Xamar buu joogey maxaa loo qaban waayey, waa dambi loo dhoodhoobayo weeyee dambiba kuma hayaan, sidaan rabnay noogula shaqee ayaa lagu haystaa” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa kamid ah xubnaha mucaaradka ee sida wayn u diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah, wuxuuna qayb ka yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyeo madaxweyne Sheekh Shariif. Si kastaba, xiisadda u dhexeyso dowladda iyo Jubbaland ayaa haatan gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana la’isla aadan ciidamada, iyada oo laga cabis qabo dagaal toos ah.
  25. Kumanaan ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa isu diyaarinaya ay hawlgal baaxad leh oo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah. Guutooyin kamid ah ciidamada Daraawiishta Puntland oo ay weheliyaan cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee qaabilan La-dagaallanka Argagixisada ayaa ku jira diyaar-garowgii u danbeeyay ee Hawlgalka buuraha Calmiska si ay halkaasi uga saaraan kooxaha Daacish. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa ee loo diyaariyay Hawlgalka Calmis ay hadda ku sugan yihiin degaanka Kalabayr ee gobolka Bari islamarkaana loo dhammaystiray Hubkii iyo Saanadii Ciidan si ay u burburiyaan mileeshiyaadka Argagixisada ah ee ku dhuumaaleysta buuraha gobolka Bari. Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxaha Nabad-diidka ah durba isaga baxeen dhawr tuulo oo ku yaalla Calmiskaad ka hor inta uusan bilaaban Hawlgalka waxaana la sheegaya in ay hadda ku urureen buuraha dushooda sare oo ay gabbaad ka raadinayaan. PUNTLAND POST The post Puntland oo ciidamadii ugu badnaa u diyaarisay Hawlgalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah appeared first on Puntland Post.