Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,116
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada Puntland ee PSF ayaa sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo dhigayay wadada isku xirta tuulada Xamure iyo degmada Balidhidin ee gobolka Bari. Qoraal ka soo baxay PSF ayaa lagu yiri “Ciidamada PSF oo garabsanaya ciidamada kale ee Puntland ayaa ku guulaystay in ay soo afjaraan xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo iyo miinooyin dhigayey wadada isku xirta Xamure iyo Balidhidin ee gobolka Bari”. PSF waxay sheegtay in xubnaha ay dileen uu ku jiray muuqaal duube horey internet-ka ugu baahiyay qaraxyo maalmo ka hor laga beegsaday kolonyo gaadiid oo ay la socdeen Wasiiro ka tirsan Puntland. “Xubnaha ay ciidamada PSF dileen waxaa ka mid ahaa nin kaamiro watay oo horey u duubay kolonyo ka tirsanaa ciidamada amniga oo lala beegsaday qarax dhowr maalmood ka hor, laguna baahiyey barta Internet-ka” ayaa lagu yiri qoraalka PSF. PSF ma xusin tirada xubnaha ay ka dileen Daacish, mana jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada PSF oo laga helayo deegaanadaas. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo dilay muuqaal duube ka tirsan Daacish appeared first on Puntland Post.
  2. Mekelle (Caasimada Online)-Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF ayaa sheegtay inay ku wajahan yihiin gobolka Amxaarada iyo dalka Eritrea si ay u baacsadaan waxa ay ku tilmaameen cadowgooda. Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa sheegay in ujeedka ay uga golleeyihiin go’aankaas uu yahay inay meesha ka saaraan awoodda kooxihii dagaalka ka waday Tigray sideedii bilood ee lasoo dhaafay. Wuxuu sheegay in la furayo marinnada gargaarka, balse ay weli ku raadjoogaan ‘ciidamada cadowga’. TPLF waxay sheegtay in baacsanayaan ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ee ka baxsaday magaalada caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle. Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadii Eritrea ee taageerayay militeriga Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Shire ay isaga baxeen halkaas. Ciidamada TPLF ayaa qabsaday magaalada Mekelle, waxaana waddooyinka ka socdaa dabaaldegyo lagu soo dhaweynayo ciidamada taas saraakiisha dowladda federaalka ku khasabtay in halkaas ay isaga cararaan. Dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay isugu soo baxeen waddooyinka, iyaga oo ridaya baaruud waxayna sitaan calanka ismaamulkii cagta la mariyey ee Tigray, kaas oo hadda soo laba kacleeyey. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF uu ka socdo banaanka hore ee caasimadda Mekelle. Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – sideed bilood kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro. Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidamada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka laga soo galo caasimadda gobolkaasi ee Mekelle. Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. In ka badan shan milyan oo qof ayaa waxa ay si degdeg ah ugu baahan yihiin raashin gargaar ah, waxaa sidaasi sheegtay Qaramada Midoobay, halka 350,000 oo qofna ay macalluul wajahayaan. The post TPLF oo ku duuleysa Amxaarada iyo Eritrea kadib qabsashadii magaalada Makelle appeared first on Caasimada Online.
  3. Warsaxaafadeed 29, 06, 2021 Xarunta Xuquuqal Iinsaanku Waxay Canbaraynaysa Xadhiga Muwadiniinta Xidhan. Xaruntu Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xadhiga Aadan Xuseen Xaashi oo ah nin muwaadina oo degan magaalada Hargeisa 15, Febuary, 2021, waxa magaalada Hargeisa gaar ahaan xaafada masalaha lagaso xidhay Aadan Xuseen Xaashi. Xadhigiisu waxa uu yimid ka dib markii isaga oo dhisme kawada meel udhow aqal la sheegay in ay degan yihiin ciidamada Sidoonka Somaliland oo ku yaala xaafada masalaha, uu ag fadhiistay ka dibna ay ku soo baxeen laba nin oo gacan ka hadal ku bilabeen, isla markibana ku xereexeen gurigi ay ka soo baxeen jidhdilna u gaysteen. Intasi marki ay dhacday way sii dayeen, ka dib Aadan oo ah muwaadinka xidhanani waxa u dacwooday saldhiga, muddo kadib waa laxidhay ilaa hadana wuu xidhan yahay. Waxaana dacwadi kaga socota maxakamada ciidamada, isagoo lagusoo eedeeyay is ka horkeen ciidan. Qodobada 205(1) (2) 267, Xeerka Ciqaabta Guud. Aadan waxa u sifo aan sharci ahayn u xidhan yahay mudo seddex bilood ka badan. Waxana dacwad kuso oogtay Maxkamed Ciidan, oo aan awood u lahayn in ay maxkamadayso amaba ay danbiyo kusoo oogto dadka civilian ka ah. Sida ku cad qodobka (25) ee dastuurka, waxa uu dhigaya “Qofna xorriyadisa looga qaadi karin si aan xeerka waafaqsanayn. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaraynaysa xadhigaas lagula kacay muwadinka, waxaanay dowlada usoo jeedinaysa in sida ugu dhaqsaha badanle xoriyadisa logso celiyo muwadinka. Sidoo kale Xarntu Xuquuqal Insaanku waxay canbaraynaysa xadhiga 50 dhalin yaroda ah oo lagu xidhay Boorama, 26, June, 2021, kuwaaso u xidhan kadib marki ay xidheen maryo calan ka Somalia ka samaysan, sida ay sheegeen ciidamka booliska Somaliland. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaraynaysa xadhigaas lagula kacay muwadiniinta. waxaanay dowlada usoo jeedinaysa in sida ugu dhaqsaha badanle xoriyadoda loogu so celiyo muwadiniinta xidhan. Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insanka Mobile: +252 (0)634472011 Press Release: 29, 06, 2021 Human Rights Centre condemns the baseless arrest and violence against citizens. Human Rights Centre condemns the arrest of Aadan Hussein Haashi in Hargeisa. Aadan is a construction worker, who was brutally violated and assaulted by the Somaliland intelligence agency in his work place. He was arrested on 15, February 2021. According to the victim’s statement, he was attacked and taken inside the building and was considered loitering. The incident took place after they questioned him for being outside while he was waiting outside the building he worked on. Once inside, they questioned him about many things during the attack. After the incidence, the victim went to a police station and lodged a complaint. While lodging the complaint, he was arrested and held in a detention centre while being in chains. He has been denied his due process, a basic right, and dignity that belongs to a citizen of Somaliland, according to the Bill of Rights in the Somaliland Constitution and international humanitarian law, which is severely lacking at this point since the victim has been held for more than three months. He has been charged by the Military court of the Somaliland National Security, of which is an unfair treatment and denies his basic right to fair trial as he is a civilian and not a military individual. Based on Article 105, sub one and sub two and article 267 of the Somali Penal Code, he has been accused of instigating a conflict between the intelligence agency and police of where he lodged the complaint. There have been several other arrests involving forty-three individuals from Borama for wearing Somali flag outfits that contradict the national interest of Somaliland. The Human Rights Centre vehemently condemns this attack on the victims, as well as the basic rights afforded to him based on the Constitution, which he has not received. We would like to urge those involved in this incidence to release the victim, allow him the opportunity to receive medical attention and proper care, and a restitution by the offending individuals. The victim needs due process of his case, immediate release and proper care during his time in detention. As well as we would also like to urge those involved in arresting the individuals with the Somali flag outfits to be released as it violates their right to express their views and contradicts the basic principle of Freedom of Expression entrenched in the Bill of Rights of the Somaliland Constitution. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal dhaqameed ka tirsan beesha Murusade oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray baaq culus oo la xiriira dhalinyaro ay xirtay maamulka Puntland oo muddo u xiran, islamarkaana aan lasoo taagin maxkamadd. Odayaasha ayaa sheegay in dhalinyartaas oo dhan lix qof ay u xiran yihiin maamulka Gaalkacyo ee Puntland, kuwaasi oo ay sheegen inay u xiran yihiin muddo ka badan lix billood. Dhalinyarta ayaa waxay u tageen Puntland sidii ay uga shaqeysan lahaayeen, ayaga oo qaarkood ka ahaayeen wadayaal mooto bajaaj iyo hiliblayaal, sida ay sheegen Odayaasha iyo waalidka la hadlay warbaahinta. “Waxaa ka codsaneyna dowladda Puntland, gaar ahaan madaxweyne Deni in ilmahaas uu xoriyadiisa u soo celiyo,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha shirka jaraa’id qabtay ee dalbanayey in dhalinyartaas la sii daayo. Sidoo kale waxay beeniyeen inaysan wax lug ah ku laheyn dhalinyartaas argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, midaasi oo loo badinayo in maamulka Gaalkacyo uu u xirtay dhalinyartaas, inkasta oo aan loo ogeyn si rasmi ah. Odayaasha iyo waalidiinta qabtay shirka jaraa’id ayaa ka dalbaday maamulka Puntland in sida ugu dhaqsaha badan loo soo daayo dhalinyartaas ama la cadeeyo waxa loo haysto mudada ka badan lixda billood. Shirka jaraa’id ayaa imanaya xili uu maamulka Puntland uu shalay dil toogasho ah ku fuliyey rag ay ku sheegen inay ka tirsan yihiin kooxaha argixisada. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Beesha Murusade oo baaq u dirtay Puntland appeared first on Caasimada Online.
  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ee lagu go’aamiyay heshiiskii 27 May 2021. Xubnaha gudda dib u heshiisiineed ee Gedo oo ka kooban dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubaland ayaa kala ah. 1. Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle. 2. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland. 3. Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed. 4. Aadan Cismaan Xuseen, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Boostada Galmudug. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddiga faray in ay si deg deg ah u hawlgalaan, una bilaabaan dib u heshiisiinta gobolka Gedo. Guddiga waxaa ka mid ah shaqooyinka u yaalla dhameystirka qorshada xasilinta gobolka Gedo iyo jawiga qabsoomida doorashada Garbahaarey. PUNTLAND POST The post Guddiga dib u heshiisiinta Gedo oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay iskugu yimaadeen Madaxda ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ASU ayaa waxay cabasho xoogan uga muujiyeen tallaabooyin uu kula kacay maamulka gobolka Banaadir. Qoraal ay soo saareen madaxda ururkaas kadib kulamadii ay yeeshen ayaa waxaa lagu sheegay in Xafiisyada Canshuuraha Berriga degmooyinka gobolka Banaadir uu sameeyay xad-gudub ka dhan ah macalimiinta ku shaqeynaysa duruufaha adag iyo qaar kamid ah goobaha waxbarashada. “Iyada oo aaney jirin shuruuc si cad u qeexeysa xuquuqda uu leeyahay Macalinka Soomaaliyeed iyo waajibaadka laga rabo, ayaa waxaa soo gaaray Xarumaha Jaamacadaha amar kasoo baxay Xafiisyada Canshuuraha Berriga Degmooyinka Gobolka Banaadir oo dalbanaya in ay soo gudbiyaan gunada ay qaataan macalimiinta si looga jaro canshuur. Waxa uu macalinku ku qasban yahay in uu ka shaqeeyo dhowr xarumo waxbarasho si uu u daboolo baahidiisa dhaqaale,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Sida aad la socotaan burburkii kadib, waxbarashada dalka qeybaheeda kala duwan waxay ku aasaasmeen si is-xilqaan bulsho ah, iyadoo maanta la dareemi karo miraha dadaalka bahda waxbarashada iyo kaalinta ay kaga jiraan dib u dhiska dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.” Sidoo kale wuxuu Ururka ASU si weyn u cambaareeyay afar hab dhaqan oo uu sheegay inay ku kaceen ciidamo yimid goobaha Waxbarashada, ayaga oo fulinaya amarka maamulka gobolka, kuwaasi oo kala ah; La soo galid hub goobaha waxbarashada. Handadaada iyo caga-jugleynta howl-wadeenada goobaha waxbarashada. Xarig lagula kacay howl-wadeenada goobaha waxbarashada. Xirida xarumaha waxbarashada iyadoo ay socdaan howlihii waxbarasho ee loogu adeegayay bulshada Soomaaliyeed. The post Jaamacadaha Muqdisho oo war kulul kasoo saartay afar arrin oo maanta lagula kacay appeared first on Caasimada Online.
  7. In 2018 when Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia, paid an unannounced visit to Mogadishu, he had unveiled the Horn of Africa Economic Integration Initiative (hereafter HAEI ) involving Somalia, Ethiopia and Eritrea. Under HAEI, Ethiopia will, among other business ventures, invest in Somalia’s seaports. How Somalia, a country with multiple authorities and currencies, can benefit from economic integration with Ethiopia and Eritrea has been an almost undiscussed economic mystery. Somalia’s comparatively weaker position affects its abilities to benefit from any economic integration initiative in Africa. Nothing demonstrates the precariousness of Somalia’s position in the new economic agenda in the Horn of Africa more clearly than the state of two of its seaports. Both Somaliland and Puntland administrations have signed concession agreements with DP World, a company owned by the United Arab Emirates government. In 2018 The former Somali Prime Minster Hassan Ali Kheire described the agreement between Somaliland Government and DP World as illegal. Why has a government that signs offshore oil exploration agreements with foreign companies, and grants fishing licences to China-owned vessels, failed to exercise its sovereignty on key national infrastructures? Somaliland President inaugurating the expansion of Berbera Port on 24 June 2021 Ten years ago when Somalia had a transitional government, subnational entities did not sign infrastructure-based agreements with foreign countries. The establishment of a permanent Somali Federal Government able to enter agreements with foreign countries and companies was supposed to lead to the formulation of a common policy to safeguard Somalia’s seaports against unscrupulous politicians who view them as properties in clan fiefdoms. If the whole point of ending the transition was to promote a freewheeling entrepreneurial approach to signing questionable agreements with foreign companies, a question arises as to what Somalia can gain from its sovereignty in a world that prizes sovereign status of countries. Professor Atul Kohli of Princeton University describes sovereignty as ‘a national asset’. Berbera Port: DP World has modernised the seaport DP World, the main investor in Berbera Port expansion and Berbera Corridor, also manages Bosaso Port through P&O, a company it acquired in 2019. The UAE uses those concession agreements as a leverage to deepen its influence on Somali politics. It was not in Somalia’s interest to end the transition without putting in place a government whose writ runs large throughout the country. If the national government cannot protect its infrastructures against exploitation by foreign countries it is likely that it has had a role in facilitating emergence of parallel authorities accountable to no one. Ethiopia is an investor in Berbera Port. One expects that Ethiopia would directly deal with the Somali Federal Government to invest in Berbera Port. Ethiopia has an embassy in Mogadishu, but it risks being accused of violating Somalia’s sovereignty by signing an agreement with a government that views itself as a sovereign state. Despite its claim to have seceded from Somalia, Somaliland has signed agreements with UAE and Ethiopia. The Federal Government of Somalia cannot raise objections to Ethiopia’s role in Berbera Port. Ethiopia’s understanding of the economic integration initiative grants it the privilege to invest in Somali seaports without dealing with the Federal Government of Somalia. The spirit of the HAEI promotes economic development projects such as Berbera Corridor. In this charitable interpretation, HAEI is lays foundations for deeper economic ties between Somalia and Ethiopia, although it remains devoid of transparency: it is not clear how the Federal Government will oversee the agreement between Somaliland and Ethiopia. In this murky legal situation Somaliland risks being exploited by a bigger and a united Ethiopia, a country that, according to Professor Worku Aberra, Eritrea took advantage of between 1991 and 1998 when the two countries were economically integrated. Professor Anthony J. Venables of the University of Oxford argues that economic integration between high-income countries reduces differences in per capita income whereas in low-income countries (Ethiopia with per capita income of US$ 855.76 (2019), and Somalia with a projected per capital income of US$ 225 (2021), for example), “there is some evidence that the opposite process is at work, with regional integration promoting divergence.” Ethiopia stands a better chance to exploit Somalia’s weaknesses. It has Ethiopian Economics Association made up of experts who publish studies on the state of the Ethiopian economy. Somalia does not have a similar association that can advise the Federal Government and subnational entities on economic development programmes. As it stands, HAEI could unwittingly become an economic exploitation tool for Ethiopia. For several reasons, it will have disastrous economic and security consequences for Somalia. Firstly, economic integration between a functioning state and post-conflict state/subnational entity is a new, untested policy. Secondly, it could spark intra-state conflicts over disputed territories in Somalia. Thirdly, it could undermine the sovereignty of Somalia and reverse the slow progress made towards institution-building. Somalia’s political leaders have not devised strategies to mitigate possibly adverse consequences of an economic integration with Ethiopia. Somali leaders at all levels have sold their country short. Liban A. Ahmad libahm@gmail.com The post Berbera Corridor and the Perils of Horn of Africa Economic Integration appeared first on Puntland Post.
  8. A national consultative council in Somalia on Tuesday announced the country's election timeline after 48 hours of talks, with the country's president to be elected on Oct. 10. Source: Hiiraan Online
  9. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in boqolkiiba konton 50% la dhimo khidmada laga qaadayo musharaxiinta haweenka ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Musharaxiinta Haweenka ee Aqalka Sare ayaa hadda laga qaadayaa toban kun oo doolar ($10, 000), halka kuwa Golaha Shacabka laga qaadayo shan kun oo doolar ($5,000). Lacagta diiwaangelin musharax kasta oo u tartamaya Aqalka Sare ayaa markii hore ahayd labaatan kun oo doolar ($20,000), halka Golaha Shacabka ay ahayd toban kun oo doolar ($10, 000). Dhimista lacagaha laga qaadayo haweenka u tartamaya xildhinaannada labada aqal ee Soomaaliya ayaa timid markii ururada haweenka ay ka timid cabasho la xiriirta arrinaas. PUNTLAND POST The post Lacagta diiwaangelinta musharaxiinta haweenka oo la dhimay appeared first on Puntland Post.
  10. PRESS RELEASE Djibouti Schools to Get 100,000 MyOffice Licenses The Republic of Djibouti will also get early access to new solutions and assistance with local specialist training in the use and administration of MyOffice products MOSCOW, Russia, June 29, 2021/ — MyOffice (www.MyOffice.ru/en), the Russian developer of office software for collaborative document processing and communication, has announced a milestone agreement with the Ministry of National Education and Vocational Training of the Republic of Djibouti. The agreement calls for 100,000 Russian software licenses to be supplied to state and municipal schools, kindergartens, colleges, and vocational training institutions in Djibouti. The agreement is between Djibouti’s Minister of National Education and Vocational Training, His Excellency Mr Moustapha Mohamed Mahamoud, and the Russian software vendor INDEPENDENCE.DIGITAL, MyOffice distribution partner in Africa. The parties have agreed that, in addition to the licenses, INDEPENDENCE.DIGITAL will provide advisory services in office software and secure document and user data management technology. The Republic of Djibouti will also get early access to new solutions and assistance with local specialist training in the use and administration of MyOffice products. The five-year agreement binds the Ministry of National Education and Vocational Training of the Republic of Djibouti to engage MyOffce as a consultant in the early planning stages when Djibouti commences to develop its own electronic document management systems. MyOffice is furthermore entitled to enter in the bidding as an IT solution vendor when Djibouti holds tenders to digitize its public administration processes. “MyOffice educational products fully satisfy our software requirements for the education system of Djibouti. They are universal, designed for use on any computers or mobile gadgets, and offer all the tools necessary to process files in a text or spreadsheet form. With their intuitive interface and easy to learn functionality, MyOffice products will help upgrade the teaching of basic digital literacy and computing skills in our schools,” said the Minister of National Education and Vocational Training, His Excellency Mr Moustapha Mohamed Mahamoud. “The agreement to supply MyOffice software licenses to educational institutions in Djibouti represents an important milestone in bolstering trade and economic cooperation between our countries. We see great demand for Russian IT products on the African continent today. The governments of the African nations are making a strong effort to integrate state-of-the-art technology into their public administration practice, and they make sure the software products they build into their IT systems are safe and secure. Africa’s primary focus at this time includes data security and private clouds, which can be rolled out nationwide via data centers,” stated MyOffice CEO Dmitry Komissarov. Distributed by APO Group on behalf of MyOffice. About MyOffice: MyOffice is a Russian IT company that develops secure office solutions for document collaboration and communication. The MyOffice platform includes a complete set of essential desktop, mobile, and web applications for communication and document processing on PC, tablet, or smartphone anywhere in the world. MyOffice solutions ensure complete data control, meet the industry’s security standards, are suited both for organizations of any size and for home use and are available in 13 languages. MyOffice has been developing high-tech products since 2013. Over 300 major organizations and government agencies in Russia already use MyOffice solutions, including Russian Post, Federal Tax Service, National Guard, Russian Railways, Office of the President, Rosatom, Gazprom, Aeroflot, and TASS, to name only a few. Many educational institutions across Russia have also chosen to use MyOffice products. The company’s partner network lists over 1500 authorized partners in all regions around Russia and abroad. All MyOffice solutions are on the Domestic Software List and fully comply with Russian laws. SOURCE MyOffice Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaare Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa isago ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, waxa uu magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland. Rooble ayaa Guddiga uu magacaabay wuxuu faray inay si deg deg ah u howl-galaan una bilaabaan arrimaha dib u heshiisiinta Gobolka Gedo, iyagoo wadatashiyo la sameenaya dhammaan dhinacyada dib u heshiisiinta khuseyso. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in howlaha ay qabanayaan guddiga ay la jaan qaadi doonaan qodobka sedexaad ee heshiiskii ay Muqdisho 27 May ku saxiixdeyn Ra’iisul Wasaaraha, madaxda Mamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Guddiga uu magacaabay Rooble oo ka kooban 4 xubnood oo ka kala socdo Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug ayaa kala ah: Wasiirka Arrimaha gudaha ee HirShabelle, Maxamed Cali Caadle Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Wasiirka Qorsheynta Maamulka Koonfur Galbeed, Axmed Madoobe Nuunow Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Galmudug, Aadan Cismaan Xuseen Qodobka 3-aad ee heshiiski 27 May ee la faray inay guddigaan ku shaqeeyaan ayaa u qornaa sidaan Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ugu baaqayaan bulshada Gobolka Gedo in laga shaqeeyo nabadda, midnimada iyo wadajirka bulsho iyo kan maamul ee Jubaland. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalku uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta Gobolka Gedo si ay habsami ugu dhacdo doorashada Gobolka Gedo. Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu go’aamiyey abuuridda guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo aysan ku jirin Jubaland si waafaqsan soo jeedintii Guddiga Farsamo ee Baydhabo. Guddigu wuxuu ka masuul yahay abuuridda jawi xasilooni amni iyo mid siyaasadeed oo ay ku qabsoomi karto doorasho wada oggol ah oo ka dhacda Magaalada Garbahaarey iyagoo si dhaw ula shaqeynaya Ra’iisul Wasaaraha XFS. Gudigu wuxuu soo jeedinayaa min labo Xubnood ee jagada Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Garbahaareey iyagoo latashanaya Bulshada qaybaheeda kala duwan. Guddiga waxaa lagu soo magacaabayaa muddo 3 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa markii Madaxdu saxiixaan heshiiskaan. Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa soo magacaabaya xubnaha Maamulka Degmada Garbahaarey ee ay soo gudbiyeen Guddiga dib u heshiisiinta si waafaqsan soo jeedintii Guddiga Farsamada 16 February 2021 ee Baydhabo. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu farayaa Guddiga dib u heshiisiinta in ay ku soo dhameystiraan qorshaha xasilinta Gobolka Gedo guud ahaan iyo tan jawiga qabsoomidda doorashada Garbahaarey muddo 30 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa magacaabidda Guddiga. The post Aqriso magacyada guddiga dib u heshiisiinta Gedo ee Rooble uu magacaabay appeared first on Caasimada Online.
  12. Madasha Wadatashiga Qaran ayaa soo sooray jadwal doorashada oo dhameystiran. 1. Tababarka iyo guddoonka guddiyada doorashada: 30 Jun ilaa 5 July 2. Diyaarinta goobaha doorashooyinka: 23 July 3. Doorashada Aqalka Sare: 25 July. 4. Soo xulista iyo diyaarinta ergada doorashada: 15 July ilaa 10 August 5. Doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka: 10 August ilaa 10 September 6. Dhaarinta xildhibaanada iyo doorashada guddoonka labada aqal: 20 September. 7. Doorashada madaxweynaha: 10 October. PUNTLAND POST The post Jadwalka doorashada Soomaaliya oo la soo saaray appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Muqdisho)-Shirka raysal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda maamul gobolleedyada uga socdey Muqdisho, oo laga soo saarey go’aano muhiim ah. Madaxda oo soo saarey jadwal cusub, ayaa isla meel dhigay in doorashada xubnaha aqalka sare ay dhacdo 25-ka July, 2021-ka. Sidoo kale, doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa loo asteeyey mudada u dhaxeyso 10-ka August illaa iyo 10-ka September, 2021-ka. Doorashada sida weyn loogga wada sugayo ee Madaxweynaha ayey hoggaamiyeyaashu ku heshiiyeen iney qabsoonto 10-ka October, 2021-ka. Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale tixgelin siiyey dumarka, oo waxaa laga dhimey 50% khidmadda laga qaadayo haweenka u sharraxan baarlamaanka. Arrinta Gedo, ayaa iyana waxaa loo saarey guddi dibu heshiisiin, oo uu magacaabay ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga ee Doorashada Soomaaliya oo labadii maalin ee ugu dambeysay kulan uga socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah usoo saaray jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya, maadaama jadwalkii hore uu fashilmay. Golaha Wadatashiga ee doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in guddiyada doorashada loo furi doono tababarka isla markaasna ay dooran doonaan hoggaanka 30 June illaa 05 July 2021. Golaha Wadatashiga ayaa jadwalka cusub ee doorashooyinka ku sheegay in doorashada xubnaha aqalka sare la qaban doono 25-ka July 2021. Sidoo kale, jadwalka ayaa lagu sheegay in soo xulista iyo diyaarinta ergooyinka doorashada xildhibaanada aqalka hoose la qaban doono 15 July illaa 10-ka August 2021, iyadoo doorshada xildhibaanada bBaarlamaanka la qaban doono 10 August – 10 September 2021. Dhaarinta Xildhibaanada labada aqal iyo doorashada laba guddoon ayaa lagu sheegay jadwalka cusub in la qaban dooo 20-ka September 2021. Ugu dambeyntii Golaha Wadatashi ee Doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya la qaban doono 10 October 2021. Dhanka kale, ra’iisul wasaare Rooble oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubbaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo. Golaha ayaa sidoo kale isaga oo tixgelinaya codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka. The post Jadwal cusub oo doorasho iyo go’aano kale oo laga soo saaray shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  15. PRESS RELEASE Girls in Somalia to Benefit from Enhanced Access to Education Federal Government of Somalia and the World Bank today signed the agreement for the $40 million Somalia Education for Human Capital Development Project MOGADISHU, Somalia, June 29, 2021/ — Over 100,000 children residing in Somalia’s most educationally disadvantaged areas will benefit from a World Bank financed education project that aims to increase access to primary education in underserved areas, particularly for girls. This is the first World Bank financed investment in Somalia’s education sector in 30 years. To mark this critical milestone, the Federal Government of Somalia and the World Bank today signed the agreement for the $40 million Somalia Education for Human Capital Development Project to support Somalia rebuild its education system and get its children back to learning. The project will directly address constraints to girls’ enrolment by reducing distance to school, providing safe and conducive learning environments, recruiting female teachers and building a mindset of inclusion in the school and community. “Investing in Somalia’s children is the most important investment that can be made to help the country return to prosperity,” said World Bank Country Manager, Kristina Svensson. “Ensuring that girls are empowered through education is at the center of building a more just, economically strong, politically stable, and peaceful country.” Somalia’s education system was destroyed over years of conflict resulting in only 20%of its children accessing primary education. With 75%of the population under the age of 30, low educational attainment constrains future economic growth and poverty reduction and puts youth at risk. Girls have been especially disadvantaged with more than 72%of women in rural areas of Somalia having never attended school. The project focuses on rapidly expanding access to education while strengthening public institutions that can contribute to the state building efforts of the country through basic service delivery to its citizens and addressing the drivers of fragility. It will support the government in developing and operationalizing fundamental elements of a functional education system, including a national student learning assessment. “Education is a powerful means of socialization and identity development through the transmission of knowledge, skills, values and attitudes across generations which can contribute to breaking the cycle of violence and fragility,” said World Bank Senior Education Specialist, Huma Waheed. Less than 40% of the country’s teachers are qualified to teach. To ensure high quality instruction takes place in Somalia’s classrooms, the project will develop a Teacher Professional Development Program to support 6,000 teachers improve instruction using digital technology. The initiative will take advantage of high connectivity in the country to provide digital devices and content to ensure that teachers can continue to teach and build their capacity, and that children can continue to learn even during times of pandemics and other shocks in the future. With IDA support, Somalia is increasing its investments in human capital development which will be essential for the country to move out of a cycle of violence, instability and vulnerability. *The World Bank’s International Development Association (IDA), established in 1960, helps the world’s poorest countries by providing grants and low to zero-interest loans for projects and programs that boost economic growth, reduce poverty, and improve poor people’s lives. IDA is one of the largest sources of assistance for the world’s 76 poorest countries, 39 of which are in Africa. Resources from IDA bring positive change to the 1.6 billion people who live in IDA countries. Since 1960, IDA has supported development work in 113 countries. Annual commitments have averaged about $21 billion over the last three years, with about 61 percent going to Africa. Distributed by APO Group on behalf of The World Bank Group. SOURCE The World Bank Group Qaran News
  16. Waxaa goordhaw la soo gabagabeyay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka oo muqdisho laba maalmood uga socday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada. Madaxda ayaa isku raacay jadwalka doorashada xildhibaanada laba aqal iyo tan madaxweynaha. Hoos Ka Akhriso Jadwalka Doorashada. JADWALKA DOORASHADDA SOOMAALIYA IYO GO’AAMADA KASOO BAXAY SHIRKA WADATASHIGA DOORASHADDA Muqdisho: 29 June 2021: Golaha wadatashi ee Doorashada Soomaaliya, ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Soomaaliya iyo go’aamo ay ku gaareen Shirka arrimaha Doorashada ee uga socday Muqdisho. JADWALKA DOORASHADDA 1. Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda ( 30 June – 05 July 2021) 2. Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021) 3. Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ( 23 July 2021) 4. Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021) 5. Doorashadda Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021) 6. Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021) 7. Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021) Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray: – Golaha oo tixgelinaya Codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka. – Ra’iisal Wasaaraha DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo. DHAMMAAD Source: goobjoog.com
  17. Budhcad u labistay sidii Dumarka oo la qabtay,Jeelkana la dhigay Qof rag ah oo lagu tuhmayo inuu u labistay sidii dumarka, ayaa kamid ah laba ruux oo laga shakisan yahay oo ay booliiska Kenya soo xidheen. Waxaa lasoo xidhey buhdcaddan mar ay isu diyaariyeen iney ku kacaan fal dambiyeed agagaarka xaafadda Langata ee magaalada Nairobi. Peter Omweno Momanyi, waa 24 sano jir, kaasoo loo xidhey inuu u labistay sidii haweenka, iyadoo uu wehlinayey saaxiibkii John Muchiri Kimani, oo 25 sano jir ah. Labadan qof ee laga shakisan yahay, ayaa iska diidey amar uu siiyey sarkaal booliis, kaasoo ka dalbadey iney istaagaan, kagadaal markii uu labadooda mid kamid ah uu si wanaagsan inta u eegay, markaa kadibna uu ka shakiyey inaanu haween aheyn. Markii uu ku amrey iney istaagaan, way ka diideen, iyagoo markaa kadib ka cararey. A male suspect masquerading as a woman was among two suspects arrested this morning, as they prepared to commit a felony in Langata. Peter Omweno Momanyi aged 24 was arrested dressed as a woman alongside his accomplice pic.twitter.com/gqxUAWAyZe — DCI KENYA (@DCI_Kenya) June 28, 2021 Si kastaba ha ahaatee, budhcaddii, ma aysan fileyn in sarkaalka booliiska uu awoodi doono eryistooda, illaa iyo markii uggu danbeysay uu soo xidhey iyagii. Qaran News
  18. Xilliga la dooranayo Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu heshiiyey Shirka wada tashiga Shirka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ugga socdey Muqdisho, oo laga soo saarey go’aano muhiim ah. Madaxda oo soo saarey jadwal cusub, ayaa isla meel dhigay in doorashada xubnaha aqalka sare ay dhacdo 25-ka July, 2021-ka. Sidoo kale, doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa loo asteeyey mudada u dhaxeyso 10-ka August illaa iyo 10-ka September, 2021-ka. Doorashada sida weyn loogga wada sugayo ee Madaxweynaha ayey hoggaamiyeyaashu ku heshiiyeen iney qabsoonto 10-ka October, 2021-ka. Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale tixgelin siiyey dumarka, oo waxaa laga dhimey 50% khidmadda laga qaadayo haweenka u sharraxan baarlamaanka. Arrinta Gedo, ayaa iyana waxaa loo saarey guddi dibu heshiisiin, oo uu magacaabay ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya. Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray liis ay ku shaacineyso 12 Jaamacadood oo ay digniin kama dambeys ah u direyso wasaaraddu. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu faray Jaamacadahaas in guddiga ay kula soo xiriiran muddo ku siman 10-maalmood, haddii ay mudadaas ula soo xiriiri waayana ay wasaaraddu kala laaban doonto ruqsadii iyo diiwaan-gelintii ay hore u siisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. “Guddiga Qaran ee Tacliinta Sarre wuxuu ku wargelinayaa jaamacadaha hoos ku xusan inay Guddiga la soo xiriiraan inta ka horeysa 10/07/2021,” ayaa lagu yiri qoraalka wargelinta ah ee kasoo baxay Wasaaradda. “Guddigu wuxuu jaamacadahaan ku wargelinayaa in haddii aysan guddiga lasoo xiriirin ka hor mudada kor ku xusan in Wasaaradda waxbarashada ay kala noqon doonto Ruqsadii iyo diiwaan-galintii ay horay u siisay.” Jaamacadaha uu guddiga digniinta u direy ayaa waxaa safka hore kaga jirtay Jaamacada Admas oo ku taala Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya iyo nidaamkeeda dowliga ah. Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in Guddiga Qaran ee Tacliinta sare uu la xiriiray 12-ka jaamacadooda in ka badan 5-jeer, islamarkaana ay iska dhago tireen oo aysan kasoo jawaabin. Ma aha markii u horeysay ee Guddiga uu digniin u diro jaamacadaha, hase yeeshe waa midii ugu cusleyd inta la ogyahay, waxaana xusid mudan in guddiga uu kal hore 20 kamid ah Jaamacadaha dalka ku wargeliyay inay soo dhameystiraan habraaca diiwaan-gelinta Jaamacadahooda, kuwaasi oo ay wasaaraddu dib u aqoonsatay. Hoos ka eeg magacyada 11-ka Jaamacadood The post DF oo digniin u dirtay 12 Jaamacad oo qaar ku yaalan Somaliland + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
  20. (SLT-Hargeysa)-Iyadoo uu loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada uu meel xasaasi ah marayo, isla markaana uu xisbiga KULMIYE uu waddo qorshayaal kale duwan oo uu ku doonayo inuu ku hanto Xildhibaanada labada Xisbi ka soo baxay qaarkood si uu u helo aqlabiyadd uu xilligan raadinayo ee Golaha Wakiillada. Xildhibaan Maxamed Xasan Siciid oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodijeex uga soo baxay Xisbiga UCID,ayaa la sheegay inuu kamid yahay Xildhibaano u dusay Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo marti looga yahay keliya inay codka siiyaan Faratoon marka la gaadho doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada. Dhanka kalene Xildhibaan Maxamed Xasan Siciid ayaa Xisbiga KULMIYE uu isaga iyo beeshiisa u diiday inay iskaga sharraxaan doorashada ka hor,iyadoo hoggaanka KULMIYE ay quudhsi kula kaceen,balse Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isagu Xisbiga UCID ka siiyey boosas ay iska sharraxeen beesha Ayuub,haseyeeshee Xildhibaankan,ayaa u muuqda mid hilmaamay markii uu soo baxay ee uu guulaystay Xisbiga UCID oo fursad siiyey xilligii uu soo caydhiyey KULMIYE. Masuul ka tirsan Xisbiga UCID oo xafladii Xisbiga UCID uu u qabtay Musharraxan haddal ka jeediyey ayaa sheegay in looga baahan-yahay beesha maddaama KULMIYE uu soo diiday inay is muujiyaan oo ay soo saaraan Musharraxiintooda “Xisbigii kale ee beeshan Ayuub mid la diidi karro maahee ee yidhi Xildhibaanadooda ma oggoli, waa in aad u hiilisaan Xildhibaanadiina saw mahaa “ayuu yidhi Geesta kalena Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo isaguna xaflada uu Xisbiga UCID u qabtay Musharraxan haddal ka jeediyey ayaa sheegay sidan:-” Waan naxay markii la yidhi Beeshii Ayuub Musharrax Ma Leh Oo Waa La Diiday ” Guddoomiye Faysal Cali Si kastaba ha-ahaatee Xildhibaan Maxamed Xasan Siciid ayaa la sheegay inuu isna kamid noqday Xildhibaanada dhabarka ujeediyey Xisbigii ay kasoo baxeen ee UCID,waxaana la sheegay inuu iska xaadiriyey KULMIYE,balse ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay UCID ilaa hadda iyo Xildhibaankaba. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Xubno Wasiiro iy masuuliyiin kale oo tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo ka soo jeeda degaanada Barriga Burco ayaa kullan ku yeeshay Magaalada Hargeysa,kaas oo ay ka soo qayb-galeen Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeeda beesha Barriga Burco oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE. Kullan-ka ayaa ka qabsoomay Axadii toddobaadkan xarunta Wasaaradda Macdanta iyo tamarta Somaliland,sida ay sheegeen xoggo uu helay Wargeyska Waaberi,kaas oo la sheegay inay ka qayb-galeen Wasiirka arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed,Wasiirka Macdanta iyo tamarta Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal iyo ex Wasiir Cali Marexaan iyo xubno kal. Dhanka kalene xoggaha aanu ka helnay kullankaas ayaa sheegay in xubnaha Wasiiradda iyo siyaasiyiinta beeshu ay diirada ku saareen shirkooda arrimaha doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada iyo duufaanada isbaddel doonka ah ee socda iyo arrimo kale oo la xidhiidha mustaqbalka siyaasadeed ee beesha. Geesta kalene kullankan ayaa ku soo beegmay xilli uu dhawaan eedaymo ujeediyey Madaxweyne Biixi iyo Xisbiga KULMIYE Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi,kaas oo guul-darrada Xisbiga KULMIYE ee doorashadii tunka u saaray Madaxweyne Biixi,isla markaana sheegay in aanay dhaafsiisnayn guul-darradaasi gontaha Guddooomiyaha KULMIYE ahna Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kalene kullanka ay yeesheen qaar kamid ah Wasiiradda iyo siyaasiyiinta beesha barriga Burco ayaa ku soo beegmay xilli dhawaan ayey isbahaysiga Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay shaaciyeen saddex-da xubnood ee ugu tartamaya shir guddoonka Golaha Wakiillada oo uu kamid yahay Musharrax Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cumar Jaamacr Faarax oo ka soo jeeda degaanada Barriga Burco. Source
  22. (SLT-Tigray)-Hoggaamiyayaasha mucaaradka Tigray ayaa wacad ku maray inay “cadowga” ka saari doonaan gobolka, taasi oo muujineysa in dagaalka uu ii socon doono inkasta oo dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin. Ciidamada Difaaca Tigray (TDF) ayaa shalay soo galay magaalada caasimadda ah ee Mekele, ayada oo ciidamadii federaalka iyo xubnaha dowladdii ku-meel gaadhka aheyd ee uu magacaabay Abiy ay ka baxeen. Dowladda Abiy ayaa kadib habeenkii Isniinta ku dhowaaqday “xabad-joojin hal dhinac ah,” inkasta oo ayna jirin jawaab rasmi ah oo ka timid TDF. War-saxaafadeed kasoo baxay dowladdii ka jirtay Tigray kahor dagaalka, ayaa lagu ammaanay soo gelitaanka TDF, waxayna sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayso Mekele. “Dowladda Tigray waxay ugu baaqeysaa dadkeena iyo ciidamada Tigray inay xoojiyaan halgankooda illaa ay cadowgeena ay si buuxda uga tagaan Tigray.” Inkasta oo TDF aysan haysan magaalooyin waa weyn muddo bilo ah, haddana hoggaankeeda waxay ku cel-celinayeen inay isku abaabulayaan deegaanada baadiyaha ah. Toddobaadkii tegay, TDF waxay billaabeen howlgal weyn oo kusoo aaday doorashooyinka aadka loo sugayey ee Ethiopia ee ka dhacay dalka intiisa badan, marka laga reebo Tigray. Xabad-joojinta ay habeenkii Isniinta ku dhowaaqday dowladda federaalka ayey ku sheegtay inay socon doonto illaa dhammaadka “xilliga beerashada”, loogana dan leeyahay in lagu fududeeyo wax soo saarka beeraha iyo qeybinta gargaarka, looguna ogolaanayo dagaal-yahanada mucaaradka “inay kusoo laabtaan waddada nabadda”. Dhanka kale, warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkii dhowaanahan ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya ay yihiin “kuwa aad looga walaaco.” Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkani ay caddeynayaan in aanu jirin xal millatari oo dhibaatooyinka lagu soo afjari karo. “Waxa aan hadda la hadlay ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa aanna ku raja weynahay in la joojiyo colaadda. Waa lagama maarmaan in la badbaadiyo dadka rayidka ah, dadka baahanna la gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo, islamarkaana la helo xal siyaasadeed,” ayuu yidhi Xogahayaha Guud ee QM Antonio Gutterres. Source
  23. Xildhibaan Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ay ogalaadaan isbadal iyo Doorasho Xalaal,wuxuuna hadalkan ka sheegay munaasad tartan lagu xusayay todobaadka xoriyada Soomaaliya oo ka dhacday Magaalada Muqdisho. “Madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya waa in ay ogalaadaan isbadal iyo doorasho xalaal ah” ayuu Goobjoog u sheegay Xildhibaan Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Sidoo Kale Warar Ku Saabsan Xildhibaan Afgooye Xildhibaan Cali Afgooye Oo Balan Qaaday Sare U Sameeyay Ciyaartooyda Iyo Macalimiinta Koonfur Galbeed W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  24. (SLT-Hargeysa)-Saddex Xildhibaan ee Golaha Wakiillada Gobolka Saaxil uga soo baxay Xisbiga UCID, ayaa la sheegay inay u dhabarka ujeediyeen Xisbiga ay ka soo baxeen ee UCID,kuwaas oo ay ugu dambaysay maalintii lagu dhawaaqay natiijadda hor-dhaca ahayd ee doorashada Golaha Wakiillada Gobolka Saaxil,iyagoo aan ka soo qayb-gelin kullanada Xisbiga UCID uu la yeeshay Xildhibaanada u soo baxay ee Golaha Wakiillada, Xildhibaaanada Golaha Wakillad ee Xisbiga UCID uga soo baxay Gobolka Saaxil ayaa la sheegay in aanay sidoo kalena ka soo qayb-gelin kullanadii Xildhibaanada UCID iyo WADDANI ay wadda yeesheen iyo shirarkii Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland uga socday Hargeysa. Dhanka kalene Saddex-dan Xildhibaan ee Xisbiga UCID uga soo baxay Golaha Wakiillada Gobolka Saaxil,ayaa kale ah Xildhibaan Cali Jaamac Caraale Barre (Cali Qaran) Xildhibaan Maxamed Jaamac Liibaan Cawaale iyo Xildhibaan Mubaarik Xuseen Maxamed ( Xeel-dheere ),lama ogga sababta rasmiga ah ee ay uga soo qayb-geli waayeen kullanada Xisbigii ay ka soo baxeen ee UCID. Geesta kalena xoggo hoose oo Wargeyska Waaberi helay ayaa sheegay in Xildhibaanada Xisbiga UCID uga soo baxay Gobolka Saaxil ay uga baaqdeen shirarka Xisbiga Xidhiidho ay la yeesheen Xisbiga KULMIYE iyo heshiisyo hoose oo la lageleen, kuwaas oo ku amray in aanay ka qayb-gelin shirarka Xisbigii ay ka soo baxeen ee UCID,isla markaana ay xidhiidhka u jaraan. Ma jiro wax ar ah oo amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay Xisbiga UCID,marka laga tago xoggahan xaqiijiyey in aan Xildhibaanada Golaha Wakiillada Gobolka Saaxil uga soo baxay Xisbiga UCID ay dhabarka ujeediyeen Xisbigii ay ka soo baxeen,isla markaana ay diideen inay ka qayb-galaan kullanadii Xisbigu uu la yeeshey Xildhibaanadiisii Golaha Wakiillada. Source
  25. (SLT-Hargeysa)-Xoggo uu Wargeyska Waaberi helayo ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu dhawaan kullan la yeeshay Xildhibaanada Golaha Wakiillad ee Beeshiisa uga soo baxay Gobollada Saaxil iyo Maroodijeex,kaas oo ahaa mid ka duwan kii uu dhawaan la yeeshay soddonka Xildhibaan ee Xisbiga KULMIYE uga soo baxay Golaha Wakiillada Somaliland. Kullankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid u gaar ahaa Madaxweyne Biixi iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee Beesha Subeer Awal uga soo baxay Xisbiyadda UCID iyo KULMIYE,waxaana la sheegay inuu daaranaa is barasho iyo is xog-warraysi, Ma jiro war si rasmi ah u xaqiijinaaya kullanka oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda, marka laga yimaado xoggahaas. Dhanka kalene Xoggaha aanu ka helnay kullankaas ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi iyo xubnaha uu la kulmay ee Xildhibaanada Beeshiisa ay dhex-martay dood dheer,waxaana la sheegay inuu Madaxweyne Biixi uu u bandhigay qorshihiisa shir Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Musharraxiinta uu doonayo inuu ku dhiso shir Guddoonka Golaha Wakiillada. Waxaanay Xogguhu ay xuseen in Madaxweyne Biixi iyo xubnaha Xildhibaanada Beeshiisu ee uu la kulmay ay isla qateen inay la dhisaan Madaxweynaha Musharrax Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon iyo labada Musharrax ee kale ee uu wato,waxaanay ballan qaadeen inay codkooda siinayaan maalinta doorashada shir Guddoonka Golaha Wakiillada. Geesta kalene waxa la sheegay in aanu kullan-kan ka qayb-geli Xildhibaan Axmed Dayib Aadan (ku caddeeye), kaas oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee ka soo baxay Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga WADDANI,waxaana la sheegay inuu Madaxweyne Biixi uu ergo u diray,balse uu diiday sheikh Axmed,isla markaana uu ku gacan-saydhay inuu la kulmo xattaa Madaxweynaha. Gunaanadkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan kullan kula yeeshay qasriga Madaxtooyadda dhammaan Xildhibaanada Golaha Wakiillada uga soo baxay Xisbiga KULMIYE,waxaanu caddeeyey inuu madaxweyne ahaan dhisayo oo ay ka go’an tahay sidii uu xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir u noqon lahaa guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, isaga oo sharraxay sababaha keenay inuu noqdo qofka ugu mudan ee golahaas hoggaamin kara, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,”Anigu waxan dhisayaa Prof. Yaasiin, dad baa jira la yidhaahdo AHLU BEDER oo maalintay adkayd dalkan wax ka qabtay, Badhasaabkii ugu horreeyey ee 1991kii iyada oo dadka oo dhammi qori wada sito ninkii ka hortegay ee nabadeey yidhi buu ahaa, Toddobadii shir ee Barri lagu qabtay ninkii ku jirey buu ahaa, dawladdii ugu horraysay iyo tii Cigaal ba ka mid buu ka ahaa, Taariikhdaas buu ku leeyahay, nasiibna wuu ku leeyahay.” Source