-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Garoowe ayaa xabsiga u taxaabay fanaan Sharmaarke Cabdinaasir oo la garan ogyahay Sharma Boy, kadib markii uu maanta barqadii shil ku galay duleedka magaaladaas. Shilka ayaa dhacay kadib markii uu rogmaday gaari uu waday Sharma Boy, kaasi oo sababay dhimashada hal ruux oo dumar ah iyo dhaawac. Sharma Boy ayaa loo haysta in uu mas’uul ka yahay shilkaas gaari, maadama uu wade ka ahaa gaarigaas oo ay saarneeyn koox fanaaniin ah. Gaariga oo ahaa nuuca raaxada ah ayaa ku qalibmay deegaanka Buurawadal oo waqooyi kaga beegan Garowe, halkaas oo ay ku dhimatay gabadh lagu magacaabo Siciido Jaamac Mire iyo dhaawaca Cabdi Naasir Shaalle. Gaashaanle sarre Maxamed Jaamac Aadan oo ah Taliyaha ciidanka booliska gobolka Nugaal ayaa faah-faahin kooban ka bixiyey asagoo xaqiijiyey xariga fanaanka, kuna gaabsaday inay dhawaan jawaab deg-deg ah kasoo saari doonaan baarista kiiskaan. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Sharma Boy uu safarka ku wehlinayo saaxiibkii Maslax Mideeye oo muddooyinkii dambe si wada-jir ah u qabanayay bandhig faneedyada. Shilka ayaa imanaya maalmo un kadib markii uu fanaan Sharma Boy u tagay caasimada Puntland ee Garoowe, sidii ay ugu qaban lahaayeen bandhig faneed. The post Fanaan Sharma Boy oo lagu xiray Garoowe + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya ayaa kasoo baxaya qarax dhimasho sababay oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa qaadka lagu iibiyo ee bartamaha magaalada Baydhabo, xili ay ka taagneyd saxmad aad u badan, sida ay Caasimada Online u sheegen dad goobjoog ah. Qaraxa oo la dhigay goobta Suuqa ayaa waxa uu sababay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 7 qof kale, sida ay laamaha amaanka inoo xaqiijiyeen. Khasaaraha dhimashada ayaa saacadaha soo socda kordhi karta, sida ay sheegen mas’uuliyiinta degmada Baydhabo, maadama lasoo warinayo in dhaawacyada ku jiraan qaar aad u culus. Qaraxa ayaa kusoo aaday xili ay saxmad badan ka jirtay suuqa lagu iibiyo qaadka, illaa haddana ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaas. The post Qarax xooggan oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Heshiiska doorashada Dhuroobe ayaa u dhashay, Dhagarqabena waa ka dhintay. Shalay waxaa lagu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis doorasho oo ay wada saxiixeen hoggaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminayay RW Rooble, madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir. Sannad ka hor ayey ahayd in la saxiixo heshiiskan oo kale si doorasho u dhacdo inta uusan dhamaanin muddo xilliyeedka Barlamaanka Federaalka. Nasiib darro, Farmaajo oo xilligaa ka cabsanayay doorashada ayaa nala aaday jiq aan waddo marin, dalkana geliyay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo si dirqi ah Ilaahey nooga badbaadiyay. Siyaasada Farmaajo ee ku dhisnayd muddo kororsiga, marinhabaabinta iyo ila meereysada waxay soo gaartay ilaa shalay gelinkii dambe, taas oo magac xumo u soo jiiday, meeqaamkiisa wax weyn u dhibtay. Tusaale waxaa ugu filneed shalay markii uu soo galay hoolka xaflada lagu qabanayay laguma soo dhaweyn xamaasaddii iyo meeqaamkii madaxweynenimo ee uu lahaan jiray Farmaajo, wuxuuna ahaa qofka ugu taageerada yar madaxdii shirkaas ka soo qaybgalay, halka Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ahaa mas’uulka ugu taageerada badnaa oo markii uu soo galay halmar isla diryaamay hoolkii. Ceebta Farmaajo ku dhacday si loo qariyo dhalinyarada protocol-ka hayay waxay maciin bideen in ay shidaan muusikadii astaanta calanka si dadka loo istaajiyo duqana habmaamuus Madaxweyne oo macmil ah loogu sameeyo! Waxaan u mahadcelinaynaa RW Rooble, Madaxweyne Axmed Qoorqoor, Madaxweyne Cali Guudlaawe, Madasha iyo Ciidamada Badbaado Qaran iyo dhamaan waxgaradkii Soomaaliyeed ee jidka ku soo celiyay tareenkii doorashada, fahmayna xaajada xallismi la’ in uu sababteeda leeyahay dhagarqabaha hoggaanka hayay. Soomaalidii hore waxay dhihi jireen xaajo hadii ay murugto waa la sugaa “Dhuroobe u dhasha ama Dhagarqabe ayaa ka dhintee”. Dhuroobaha dalkaan u dhashay waa RW Rooble, wuxuuna dalka iyo dadka ka badbaadshay dagaal iyo burbur in uu dib ugu laabto, abaalkeedana ummadda Soomaaliyeed waa u heysaa. Sidoo kale guushan waxaa kaalin mugleh ka qaatay Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabelle Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) iyagana waxaan leenahay waa midaad u dhalateen, u dhaarateen, mas’uuliyadana la idinkugu dhiibay in aad ka soo dhalaasheena waad ku mahadsantihiin. Mar kale waxaan idin leeyahay hambalyo iyo horusocod wanaagsan. Guuleysta! Hon. Mahad Salad AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Xildhibaan Mahad Salaad oo faallo xasaasi ah ka qoray HESHIISKA doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa dhawaan baahisay xog la xiriirtay in boqolaal arday ah uga baaqan karaan gelida Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga sarre, kadib arrin yaab leh oo ay ku kacday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Waaliidin badan oo xiligaas la hadlay Caasimada Online ayaa u sheegay in ardaydooda oo Iskuulka joogay muddo aan ka yareen 12 sano in laga waayay liiska ardayda Imtixaanka galaya oo ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, markii la baarayna ay ogaadeen in loo qoray “Dropout” oo loola jeedo in ardaygu uu ka haray waxabarashada ama Iskuulka. Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo arrintaas ka jaawabeysa ayaa xalay qoraal soo saartay, kaasi oo ay ku sheegayso in dib loo eegayo cabashada ardeyda sida qaldan looga reebay liiska ardayda Imtixaanka galaysa. Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in waalidiinta iyo ardeyda cabaneysay ay dhageysteen maamulka wasaaraddu, islamarkaana lagu xaliyey afar qoddob oo kala ah; 1. In la diiwaan geliyaya cabashadooda 2. In cabashadooda laga jawaabi doono muddo ku siman laba toddobaad 3. In lala wadaagi doono Natiijada baaritaanka xogtooda 4. In imtixaan gaar ah laga qaadi doono kuwa xogtoodu ay sax noqoto “Wasaaraddu waxaa ay la wadaageysa warkaan farxadda leh ardayda, waalidiinta iyo maamuladda iskuulada ee ay dhigtaan ardayda kasoo cabatay in aysan ku jirin ardeyda gelaysa imtixaanka sanad dugsiyeedka 2020-2021-ka, waxaana ku dhiira-gelinayaa ardayda inay dadaal muujiyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda. Caasimada Online ayaa dhawaan xaqiijisay in ugu yaraan 130 arday ah oo ku nool magaalada Muqdisho ay wajahayaan halistaas weyn oo ay uga baaqan karaan Imtixaanka Qaranka ee dugsiga sare, kaasi oo Sabtida ka billaaban doono Muqdisho. Waalidiinta wajahaya dhibaatadaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay u sheegtay in Iskuulada iyo Dalladaha aysan usoo gudbin magacyada ardaydooda oo ay u raadsadaan. Ardayda iska waayey liiska wasaaradda ayaa qaarkood si buuxda u dhigan jireen Iskuullada, islamarkaana ay kaalmo hore ka geli jareen Imtixaanaadka Iskuulada qaadaan. Ardayda qaar ayaa Caasimada Online aragtay oo natiijo wanaagsan ka keenay Imtixaanka dhexe ee Iskuulka (mid-term exam). The post DF oo afar qodob kasoo saartay arday sabab yaab leh uga baaqaneysa imtixaanka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii u danbeeyey safar shaqo oo la xidhiidha dardargelinta doorashooyinka Wakiillada iyo deegaanka ugu maqnaa gobollada Saaxil iyo Togdheer, ayaa maanta oo Jimce ah dib ugu soo laabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynaha oo saaka kasoo jarmaaday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu shalay kaga qaybgalay isu soo bax ballaadhan oo ay sameeyeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE, ayaa goor dhaweyd soo gaadhay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in duleedka magaaladaas shil gaari ku galeen koox fanaaniin ah oo uu horkacayey fanaanka da’yar ee Sharma Boy. Shilka ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa inta la xaqiijiyey hal qof oo dumar ah, ayada oo dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray ku dhawaad 3 qof oo kale. Wararka ayaa intaas kusii daraya in fanaan Sharma Boy uu soo gaaray dhaawac fudud, ayada oo lagu soo waramayo in uu Sharma uu waday baabuurka shilka galay. Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in Maslax Mideeye uu kamid ahaa kooxda fanaaniinta ah ee shilka galay, waxayna dhawaan safar faneed ku tageen magaalada Garoowe isaga iyo saaxiibkii Sharma Boy oo muddooyinkii dambe ka wada shaqeynayey bandhig faneedyo. Sawiro laga soo qaaday gaariga shilka galay ee ay saarnaayeen fanaaniintu ayaa muujinayey inuu gaariga rogday. Waxaa goobta shilka gaaray Ciidamada booliska Puntland. The post DEG DEG: Sharma Boy iyo Maslax Mideeye oo galay shil gaari appeared first on Caasimada Online.
-
Nin Diyaarad u kireystay si uu ugu tago Boolis ku raad-joogay Mr Bryant flew ayaa helikobtar u qaatay Dunedin, halkaas oo uu isku dhiibay booliiska Nin ku dhuumaaleysanayay miyiga dalka New Zealand ayaa diyaarad helikobtar ah u kireystay si uu u tago saldhig booliis isagoo kaddibna is dhiibay. James Bryant, oo wajahaya eedeymo dembiyo kala duwan ah, ayaa shan toddobaad isku qarinayay magaalo yar oo ku taalla North Otago. Wuxuu warbaahinta dalkaas u sheegay in waqti wanaagsan uu ku qaatay miyiga, balse uu haatan diyaar u yahay inuu is dhiibo. Arthur Taylor, oo u dooda xuquuqda maxaabiista oo gacan ka geystay in si nabad ah lagu soo xiro ninkaas, ayaa sheegay in Bryant uu u iibiyay khamro iyo cunto kahor inta aysan saldhigga tegin. Taylor, oo qudhiisa maxbuus hore ahaa cafisna loo fidiyay, ayaa isagoo ku sugan bannaanka Saldhigga Dhexe ee Booliiska Dunedin weriyeyaasha ku yiri : “Waxay u ahayd cuntadii ugu fiicneyd ee uu cuno muddo toddobaadyo ah.” Eedeymaha uu Bryant wajahayo waxaa ka mid ah inuu heystay hub, isagoo qof si kas ah u dhaawacay iyo inuu saddex qoraal oo dhibaato sababi kara ku qoray baraha internet-ka. Booliiska ayaa dadweynaha uga digay inuu khatar yahay isla markaana aysan u dhowaan. Bryant ayaa wargeyska Otago Daily Times u sheegay in intii uu ku sugnaa deegaanka Waianakarua uu sameeyay jimicsi badan, balse muddo kaddib uu go’aansaday inuu is dhiibo isagoo sababta ku sheegay inuu ka walaacsan yahay in loo aqoonsado inuu khatar ku yahay shacabka. Wuxuu la soo xiriiray Taylor si uu gacan uga geysto in si buuq la’aan ah lagu xiro. Labada nin ayaa hore isku yaqaannay, sababtoo ah Bryant ayaa hore uga qeyb qaatay naqshadeynta website-ka Taylor. Bryant ayaa iska bixiyay kharashka helikobtarka, sida uu sheegay Taylor, sababtoo ah buu yiri “wuxuu doonayay inuu si xarrago leh ku yimaado”. Warbaahinta gudaha ayaa soo tebisay in shalay Bryant loo xiray si tartiib ah. Qaran News
-
Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF, ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen saraakiil ajnabi ah, oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan Gobolka Bari. War ka soo baxay Ciidanka PSF, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu dilay Khaalid Jaamac Usmaa oo u dhashay waddanka Pakistan, islamarkaana kamid ahaa saraakiisha sare ee kooxda Daacish. Hawlgalka oo laga fuliyay togga Il-cameyra ee buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, waxa sidoo kale lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Daacish, sida lagu caddeeyay warka PSF. Sidoo kale, waxa hawlgalkaas lagu burburiyay xaruntii dhexe ee kooxda Daacish ku lahayd togga Il-cameyra, halkaas oo hub iyo raashin ugu kaydsanaa. PUNTLAND POST The post Puntland oo burburisay xaruntii Daacish ee Gobolka Bari iyo ajaanib ku dhintay appeared first on Puntland Post.
-
It wasn’t long ago that Ethiopia was being hailed as an African economic miracle. That’s rapidly unraveling. What happened? Prime Minister Abiy Ahmed’s decision to retaliate against political opponents in the northern Tigray region in November has locked him into an intractable civil war, Eritrean forces have been reluctant to leave Ethiopian territory and U.S. sanctions threaten to complicate a plan to roll out modern mobile telecommunication services across Africa’s second-most populous nation. Ethiopia’s Prime minister Abiy Ahmed speaks during a press conference at his office in Addis Ababa, on August 25, 2018. (Photo by Michael Tewelde / AFP) Adding to that is increasing pressure from Sudan and Egypt for Ethiopia to desist from filling a giant reservoir that they say will impede the flow of the Nile. The Grand Ethiopian Renaissance Dam was meant to transform the nation into a regional power producer. While trying to handle the crisis in Tigray, Abiy is facing community strife in other areas that threaten to tear apart a nation of more than 90 different ethnicities. That’s quite a fall from grace for a man who in 2019 won a Nobel Peace Prize and was being hailed as one of Africa’s youngest and most progressive leaders. What may particularly pain the 44-year-old is that his plans to transform the economy may be unraveling. Civil conflict and cross-border tensions are rarely a recipe for investment appetite. While a Vodafone consortium bid of $850 million for a 15-year license to operate was successful, that offer is way off what the government expected to receive, and it postponed awarding a second license. A $500 million loan from the U.S. Development Finance Corp. in that bid may be under threat, along with funding for the government from the World Bank and International Monetary Fund because of the U.S. sanctions. Still, with 112 million people, Ethiopia remains a tantalizing prospect for many investors. But Abiy is finding that economics may not trump politics. Source: Bloomberg The post Ethiopia’s fall from grace appeared first on Puntland Post.
-
Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay Heshiiska ay gaareen madaxda Soomaalida ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. “Waxaan ku boorinaynaa dhammaan daneeyayaasha inay si dhakhso leh horay ugu socdaan ballamada iyo wadashaqeynta ku aadan hirgalinta heshiiskaasi” ayuu yiri wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan “Waxaan sidoo kale ku dhiirigalinaynaa dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha xubnaha ka ah federaalka in ay sii wadaan wadatashiyada joogtada ah inta lagu jiro howlaha doorashada si loo hubiyo in khilaaf kasta oo soo ifbaxa la xallin karo” ayuu sii raaciyay Mr swan. Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa shalay saxiixday heshiis ku saabsan hirgelinta arrimaha doorashooyinka dalka. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo soo dhoweeyay Heshiiska arrimaha doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay si weyn usoo dhaweeneyso heshiiska ay gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada Shalay oo ay taariikhdu aheyd 27 May si uu dalka u galo doorasho baarlamaan iyo mid madaxweynimo. ” Mareykanka wuxuu soo dhaweynayaa heshiiskii 27-kii May ee u dhaxeeyay madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya si loogu sii ambaqaado doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17, 2020″ ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Mareykanka. Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay dadaalka uu Ra’isulwasaare Rooble ku bixiyey in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada, wuxuuna mareykanka ugu baaqay dhinacyada heshiiska saxiiday inay ilaaliyaan qodobada lagu heshiiyey iyo tanaasulkii la sameeyey todobaadkii uu socday wadahadalka. ” Waxaan dhinacyada ku bogaadineynaa inay si dhaqso leh ugu dhaqaaqan fullinta heshiiska, maadaama doorasho nabadgalyo ah, loo dhan yahay, xor ah oo dhacdo waqtiga ugu haboon ay qeyb ka qaadaneyso inay Soomaaliya kusi socoto wadadeeda nabadda iyo barwaaqada” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Mareykanka. Ugu dambeyntii bayaanka kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dhanka kale, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay isagoo ku baaqay in si dhaqso ah loo hirgeliyo heshiiska la gaaray. “Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska ay wada gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ee ku saabsan hirgalinta Qaabkii doorashada ee 17ka Sebtembar taasoo ka dhalatay shirkii shirkii uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.”ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray afhayeenka Xoghayaha Gud ee Qaramada Midoobay Stéphane Dujarric Sidoo kale Xoghayaha ayaa ku booriyay dhammaan daneeyayaasha inay si dhakhso leh u hirgeliyaan heshiiska, oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaadayo qabashada hanaan doorasho oo la oggol yahay oo hufan oo aan dib-u-dhac dambe ku imaan. The post Mareykanka oo hal arrin faray DF iyo Maamul Goboleedyada kadib heshiiskii Shalay appeared first on Caasimada Online.
-
Fooldheere (Caasimadda Online)- Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey saldhigyo iyo xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano kamid ah Gobolka Shabeelada Dhexe. Howlgalka ay fuliyeen ciidamada Dowladda ayaa waxay kula waregeyn deegaano ay kamid yihiin War dhagax, War ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere,oo katirsan gobolka shabeelada dhexe. Qaar ka tirsan goobaha howgalka laga fuliyey ayaa ahaa goobo ay kooxda Al-Shabaab lacago baad ah kaga qaadi jirtay baabuurta u kala goosha deegaanada Gobolkaas. Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Howlgalka ayaa waxaa lagu burburiyay maxkamad ay Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka War-ciise ee gobolka shabeellada dhexe. Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in dab qabadsiiyeen xarumihii Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Warciise ee gobolka shabeellada dhexe. Howlgalkaan qorsheysan ee socdo dhowrka maalin ayaa waxaa hoggaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusf Raage. Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi ayaa Idaacadda ku hadasha afka Ciidmadda Qalabka Sida u sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ku guuleysteen in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada ay howlgalka ka wadaan. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay inay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah gaarsiiyeen Al-Shabaab inkastoo uusan sheegin tirada khasaaraha. Al-Shabaab weli kama aysan hadlin howlgalkaan qorsheysan ee laga fuliyey deegaano ay gacanta ku hayeen iyo sheegashada dowladda ee ah inay khasaaro gaarsiiyeen. The post Ciidamada DF oo gubay xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa Shalay soo gebageboobaya shirkii wadatashiga ee doorashooyinka qaranka Soomaaliyeed ee ugu dambeeyey ee furmay 22-kii bishaan, kaas oo ku soo dhammaaday is-afgarad iyo heshiis dhinacyadu raalli ku wada yihiin. Su’aal baase mudan in la isweydiiyo: “Maxaa lagu heshiiyey?” Waxaa muddadii shanta (5) maalin ahayd ee uu shirku socday lagu heshiiyey in la meelmariyo heshiiskii 17-ka September 2020 iyo habraacii Baydhabo ay soo jeediyeen guddigii farsamada doorashooyinka qaran 26-kii February 2021. Su’aal labaad baa halkaa ka dhalanaysa oo ah: “Maxaa dalka khalkhal amni loo galiyey oo markii hore ba loo meelmarin waayay heshiiskii 17 September 2020? Sida u muuqata Soomaalida inteeda badan ee siyaasadda dalka si dhow ula socota, heshiiska 17ka September 2020 lama diiddanayn ee waxaa bartilmaameedku ahaa Madaxweynaha dalka oo la doonayay in la waydaariyo isu-soo-taaggiisa kursiga dalka ugu sarreeya mar labaad. Waxaa dad badan oo aan anigu ku jiro aaminsan yihiin in markii horeba ujeeddada laga lahaa heshiiskii 17ka September 2020 ee doorashooyinka dadban ahayd in dalka laga weeciyo doorashadii tooska ahayd ee ay labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka ansixiyeen, Madaxweynuhuna qalinka ku duugay 21-kii February 2020. Libinta ansixinta doorashada toosan ma ahayn libin uu leeyahay Madaxweynaha kaliya ee waxaa lahaa dhammaan dadyowgii ku lug lahaa soo diyaarintiisa, ansixintiisa iyo saxiixiisa oo ay ugu horreeyaan guddigii madax-bannaanaa ee doorashooyinka qaran; waxaase loo fahmay in libintaasu Madaxweynuhu leeyahay sidaasaana lagu mucaaraday. Markii Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay doorasho dadban 17-kii September 2020, jadwal qurxoonna la dajiyey kaas oo suurtogalinayay in doorashada Madaxweynaha ay dhacdo 08 February 2021, waxaa lama filaan ku noqotay dhinacyadii horey u diiday sharcigii doorashooyinka tooska ahaa dheganuglaanta Madaxweyne Farmaajo iyo sida ay uga go’an tahay in aan hal maalin lagu darin muddo xileedka xukuumadda doorashadana ay ku dhacdo goortii loogu talagalay laguna asteeyo maalinta 08 Feb maalin isbeddel. Waxay dhinacyada dawlad goboleedyada mucaaradka ah is tuseen in Farmaajo sumcaddiisu kor u kacday mar haddii uu cadaadiskii ay saareen u hoggaansamay (tanaasul muujiyey) taa micnaheedana u fasirteen in uu diyaar u yahay doorasho nooca ay doonto ha ahaatee. Si sumcadda iyo diyaargarowga looga majo-xaabiyo, waxay mar labaad ku tashadeen dawlad goboleedyada mucaaradka ah (waa Puntland iyo Jubaland e) in aysan dalka ka dhicin doorasho ilaa laga gaarayo 08 February 2021 si sharciyaddiisu u idlaato, gorgortankiisu u wiiqmo, eedda dib-u-dhaca doorashooyinka dusha looga tuuro, fursadna halkaa ay ka helaan mucaaradka bidix ee fog (Midowga musharrixiinta); tashigaa waxa uu yimi kadib safarro ay ku soo kala mareen madaxda Puntland iyo Jubaland dalalka Isutagga Imaaraatka iyo Kenya heshiiskii 17ka September 2020 kadib sida uu Madaxweynuhe Farmaajo laftiisa ku sheegay maqaalkiisii “Ha igu eedeeyn dib-u-dhaca doorashooyinka dalka”. Waxaa marna laga waayey in heshiiskii 17ka September 2020 uu dhinacooda ka fulo. Waxa kale oo ay istuseen in fursad la siiyo tartamayaasha ka soo horjeeda isaga si ay u diyaargaroobaan maadaama uu heshiiku kedis ku noqday dhinacyada. Waxaa taa xigay shaqaaqooyin iyo abaabul dagaal oo ay maleegeen mucaaradka bidix ee fog ayaga oo ku guuleystey in ay u kala qaybiyaan ciidammada qaranka qaab qabyaaladaysan Muqdishana soo dhoobaan si uu dalka dagaal baahsan uga dhaco, islamarkaana Madaxweynaha lagu shaabbadeeyo dagaal-ooge; waa dhagar uu si xikmad leh uga booday Madaxweyne Farmaajo taas oo ku kalliftay in uu mar labaad ka codsado baarlamaanka ku noqoshada heshiiskii 17ka September 2020 mar haddii ay isla dhinacyadii horey u diiddanaa ay weli diiddan yihiin doorashada toosan ee danta la biday 12 April 2021. Markii ay halkaa taagan tahay, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu go’aan ku gaaray in uu u xilsaaaro Ra’iisalwasaaraha arrimaha doorashooyinka si madax bannaan, natiijo walba oo ay gaaraan na uu la qaato shuruud la’aan; balse wixii ceeb ah ee ka yimaada fulinta heshiisyada doorashooyinka ay si buuxda u qaadaan Madaxda dawlad goboleedyadii curyaamiyey doorashada, asaga oo markhaati gashaday shacabka Soomaaliyeed in ay kala ogaadaan cidda diiddan in dalku u dareero doorasho. Dadka siyaasadda indha-indheeya ayaa qaba in mucaaradku aysan marna diyaar u ahayn in ay tartan la galaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay u arkaan in uu uga itaal roonaanayo tartanka haddii uu isu soo taago kursiga. Haddaba, mar haddii 18 habeen kadib, isla heshiiskii 17ka September 2020 lagu heshiiyey in la meel mariyo, xaalku sow jugjug halkaagii joog ma aha? Sow ma ahayn Farmaaja diidnimo halka ay dadka u tusayeen saluug doorasho. Waxaa qoray; Nasrudin Mohamed Ahmed nasrudiinma@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Laba su’aal oo mudan in wax la iska waydiiyo kadib heshiiskii lagu saxiixay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa noqday mas’uulka kaliya ee xiritaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaran kusoo hadal qaaday cabashada ay qabaan qaar ka tirsan waalidiin Soomaaliyeed oo ilmahooda la sheegay in loo qaaday tababar balse aysan ka war heyn halka ay ku sugan yihiin. Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalmahaan ay warbaahinta ka maqlayeen cabasho xooggan oo ka timid waalidiintaas oo ilaa hadda aan loo sheegin halka la geeyey ilmahooda iyo waqtiga ay dib u midoobi doonaan. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in waalidiinta cabanaya ay sheegayaan in qaarkood ilmahooda aysan arkin muddo labo sano ah, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay wax laga xumaado oo u baahan in xal deg deg ah loo helo. Madaxda sare ee dalka ayuu gudoomiyaha Aqalka Sare ka codsaday in ay u jawaabaan waalidiinta cabanaya ee aan caruurtooda war iyo wacaal midna ka haynin. Waxaa uu sheegay in haddii laga jawaabin ay ka dhalan doonto in ay sii waddaan banaanbaxyada dowladda uga soo horjeeddaan. Hadalka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa kusoo aadayo xilli maalmihii dambe ay soo xoogeysatay cabashada ka imaaneyso waalidiinta ilmahooda loo sheegay in tababar loo qaadayo balse aan ilaa hadda nolol iyo geeri midna lagu heyn. Ilmaha warkooda la raadinayo ayaa la rumeysan yahay in tababar ciidan loogu qaaday dalka Eretria, waxaana jirto cabsi ku aadan in qaarkood ay dhinteyn, qaar kale ay ka baxsadeyn xirooyinka tababarka halka qaarka kalana ay ku jiraan nolol aad u dhib badan. The post Guddoomiye Cabdi Xaashi oo baaq kasoo saaray carruurta tababar ciidan loo qaaday Eritrea appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo tababar la xidhiidha dacwadaha ka yimaada doorashooyinka iyo dambiyada ka dhasha u soo xidhay guddoomiyayaasha iyo qaar ka mid ah garsoorayaasha gobolada dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta tababar socday labadii maalmood ee u danbeeyay u soo xidhay guddoomiyayaasha maxkamadaha kala duwan ee dalka iyo qaar ka mid ah garsoorayaasha maxkamadaha gobolada dalka. Tababarkan oo uu daadihinayay garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ay wehelinayeen agaasimaha Maxkamadaha guur-guura Sharmaake Yuusuf Faarax iyo la taliyaha guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dhanka farsamada Dayib Muxumed Nuur, ayaa mudadii uu socday lagu naaqishay hab-raacyada iyo xeerka doorashooyinka gaar ahaan qodobada la xidhiidha dacwadaha, waxaana guddoomiyayaashii iyo garsoorayaashii ka soo qayb galay kaga doodeen, sifo kasta oo ay dacwadaha iyo cabashooyinka doorashadu ku soo gaadhi karaan maxkamadaha dalka, sidoo kale waxa ay is waydaarsadeen aqoon iyo waayo-aragnimo salka ku haysa qodobada la xidhiidha dacwadaha ka yimaada doorashooyinka. Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay ahmiyada ay leedahay khibrad is-waydaarsigu iyo in lagu sii tababarto sifo kasta oo ay ku iman karaan dacwadaha la xidhiidha doorashooyinku. Ugu danbayn waxa shir-hawleedka soo gunaanaday guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxaanu xubnaha kulanka ka soo qayb galay kula dardaarmay in ay ku sii tababaraan aqoon is-waydaarsigan ay nasiibka u heleen, garsoorayaasha ku sugan deegaanadii iyo goboladii ay ka yimaadeena. Guddoomiye Aadam ayaa tibaaxay in cabashooyinka ka yimaada doorashooyinka fooda innagu soo haya, ay u baahan yihiin fiiro dheeraad ah maadaama oo mar lawada qabanayo doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada, kuwaasi oo miisaankooda wata. Waxaanu u soo jeediyay xubnaha in ay xoojiyaan wada shaqaynta ay la leeyihiin badhasaabada gobolada dalka, si ay uga qayb qaataan doorka kaga aadan adkaynta xasiloonida bulshada. Geesta kale waxa uu guddoomiyuhu bulshada ku booriyay in ay la yimaadaan ilbaxnimo xiliga codaynta, taasi oo horseedi karta in laba qof oo walaalo ahi ku kala baydhaan cida ay u codaynayaan. Qaran News
-
Ra’iiaul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan madaxda dowlad-goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la kulmay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden Per Olsson Fridh oo booqasho ku yimid dalka. Wasiirka ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee shalay laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay dowladdaa Sweden taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, siyaasadda iyo dhaqaalaha. PUNTLAND POST The post Sweden Oo Ka Hadashay Heshiiska Ay Gaareen Dowladda Dhexe Iyo Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, oo booqasho ku jooga wadanka Rwanda ayaa ku dhawaaqay in Faransiisku aqoonsaday doorkii uu ku lahaa mas’uuliyadda xasuuqii Rwanda ee dhacay sanadii 1994, isagoo weydiisanaya dadka reer Rwanda in laga cafiyo doorka waddankiisa ku lahaa xasuuqa,Macron wuxuu sheegay in faransiiska ay waajib ku tahay inuu qirto dhibaatadii ay u gaysateen dadka reer Ruwanda. Qiyaastii 800,000 oo qowmiyada Tutsiga ah iyo Hutu-ga qunyar socodka ah ayaa waxaa dilay maleeshiyada Hutu 100 maalmood guddahood ah,Xasuuqa ayaa dhamaaday July 1994 ka dib markii Jabhada Rwandan Patriotic Front (RPF), oo uu hogaaminayey Madaxweynaha hada talada haya ee Kagame,qabsadeen.ay qabsadeen xukunka dalka. Madaxweynaha Rwanda ayaa dhankiisa sheegay in Dadka reer Ruwanda marna iloobi doonin doorkii faransiisku ku lahaa xasuuqa balse ay cafin karaan. PUNTLAND POST The post Macron oo qirtay doorkii dalkiisu ku lahaa xasuuqii Rwanda appeared first on Puntland Post.
-
(ERGO) – An independent non-profit organisation in Puntland has conducted a new study revealing sectors of economic potential that could help address the problem of unemployment and increase people’s prosperity, especially in rural areas. Puntland Development Research Centre (PDRC) has released the first phase of a six-month research project, funded by the Netherlands government, which focuses on the untapped resources in the regional state in north-eastern Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu isku raacay in la furo baaritaan caalami ah oo furan oo ku saabsan xadgudubyada intii lagu guda jiray dagaalkii 11 maalmood socday ee u dhexeeyay Israa’iil iyo kooxaha Falastiiniyiinta ee Gaza, iyo xadgudubyo “nidaamsan” oo ka dhacay dhulka Falastiin ee la haysto iyo gudaha Israa’iil. Codeyn ay qaateen 24 dowladood ayaa lagu taageeray, 9 ka mid ah ayaa diiday, 14 ayaa ka aamustay, madasha oo ka kooban 47 xubnood ayaa meel marisay qaraar ka dib fadhi gaar ah oo maalintii oo dhan socday maalintii Khamiista oo ay keeneen Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo wafdiga Falastiiniyiinta. Qaraarku wuxuu ku baaqay in la abuuro Guddi joogto ah oo baaris ah si ay ula socdaan ugana warbixiyaan xadgudubyada xuquuqda ee Israa’iil, Gaza, iyo Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ee la haysto. Sida ku xusan qoraalka, guddiga ayaa sidoo kale baaraya “dhammaan waxyaabaha salka ku haya sababaha keena xiisadaha soo noqnoqda, xasillooni darrada iyo sii socoshada isku dhaca” oo ay ku jiraan takoorid iyo caburin. Baaritaanka waa inuu diirada saaraa sameynta xaqiiqooyinka iyo aruurinta cadeymaha dacwadaha sharciga ah, waana inuu hadafkiisu yahay in la aqoonsado kuwa geysanaya si loo hubiyo in lala xisaabtamo. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobey guddi baaris ah u saaraya xadgudubyadii ka dhacay Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Restrictions to curb the spread of COVID-19 impacted more than 300,000 people in East Africa and the Horn of Africa last year, a new report by the International Organization for Migration (IOM) found. Meanwhile, the number of migrant crossing to Yemen dramatically decreased in 2020. Source: Hiiraan Online