Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuixigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Mohamed Jaamac (Cabdi Waayeel). Waraaqda xilka looga qaaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Galmudug ayaa waxay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug, waxaana ku saxiixnaa madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo hadda si ku meel gar ah xilka u hayo, maadaama Qoor Qoor uu ku sugan yahay Muqdisho. Xil ka qaadistan ayaa daba socota xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka Balanbale oo la isku qabsaday qaabkii xubnaha deegaanka loo qeybiyay, taasi oo maamulka Galmudug uu ka hor-yimid Dhismaha Golaha deegaanka Balanbale ayaa waxaa ka dhalatay colaad dhanka qabiilka ah, waxayna Galmudug hakad gelisay dhismaha maamulkaas kadib markii beel kamid ah beelaha dago Balanbale la siiyey tirada ugu badan xubnaha deegaankaas. Wasiirka xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyey inuu isaga ka dambeeyo qaabka loo xulayo xubnaha deegaanka Balanbale, waxayna taas keentay in ugu dambeyn uu xilkiisa ku waayo. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda xil ka qaadista The post Wasiirkii Arrimaha Gudaha Galmudug oo xilka laga qaaday appeared first on Caasimada Online.
  2. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay goob-joogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday, goob-joogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo uu hoggaaminayay Mr Michael Walls oo ay wehelinayeen, Dr Jaamac Muuse Jaamac iyo Dr Amaal Cali oo ka mid ah goob-joogayaasha doorashada. Guddoomiyaha iyo waftiga ayaa isla gorfeeyay habsami-u-socodka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee 31 May loo dareerayo, caqabadaha laga soo gudbay iyo sida ay ahmiyad weyn u leedahay in doorashadu u qabsoonto si hufnaan leh, oo ay isla ogolyihiin dhinacyada ku tartamaya. Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa xubnaha waftiga warbixin ka siiyay sida ay hay’adda garsoorku ugu diyaar garowday in ay xaliso cabasho kasta oo soo gaadha, isagoo xusay in uu guddoomiyayaasha maxkamadaha heerarka kala duwan ee dalka faray, in ay taxadar dheeraad ah muujiyaan. Guddoomiyaha ayaa faahfaahin ka siiyay xubnaha waftiga xeerka doorashooyinka iyo dariiqyada sharci ee u banaan dhinacyada doorashada ku loolamaya haddii ay timaado cabasho la xidhiidha hannaanka doorashadu. Masuuliyiinta ka socday goob-joogayaasha doorashada ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan, dedaalada ay wadaan garsoorka dalku, iyagoo xusay in ay horseedayso daah-furnaanta doorashada, korna u qaadayso kalsoonida axsaabta qaranka. Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu xubnaha waftiga uga mahad-celiyay doorka ay goob-joogayaasha caalamiga ahi kaga jiraan hab-sami-u-socodka doorashada dalka ka qabsoomaysa 31 May. Qaran News
  3. Hargeysa (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa eedeyn culus usoo jeediyey Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeeda dhamaaday ee uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay burburisay dhammaan heshiisyadii ay horey ula galeyn madaxweynayaashii horey usoo maray Soomaaliya tan markii ay ku dhawaaqeyn inay ka go’eyn Soomaaliya. Guddoomiyaha UCID oo la hadlayey taageerayaashiisa ayaa madaxda Somaliland ugu baaqay inay joojiyaan wada-hadallada u dhaxeeyo Somaliland iyo Soomaaliya. Waraabe ayaa xusay in Somaliland ay dhibaato xoog leh kala kulantay wada-hadalada ay kula jirto Soomaaliya, wuxuuna sheegay in wada-hadaladaas ay sabab noqdeyn inay Somaliland weyso aqoonsiga ay adduunyada ka raadineysay. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in Wada-hadalladii Somaliland la gashay Soomaaliya ay Sumcad u soo jiideen Dawladda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid aan jirin oo Magac uun ah. “Nidaam iyo dowlad aan jirin ayaynu Adduunka ka sharciyaynay, iyaguna way ka faa’iidaysteen, wixii aynu la galnay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh way baa’biisay dowladdan hadda joogta ee Farmaajo” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe. “Baarlamaanka cusub markuu yimaaddo ajendaha ugu horeeya waxa weeyaan in wada-hadallada la joojiyo oo inagu aynu Adduunka la macaamilno.” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Wadahadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ayaa in muddo ah ahaa kuwa soo jiitamaayey iyadoo ilaa hadda aan xal rasmi ah laga gaarin arrimaha uu muranka ka taagan yahay. Afartii Sano ee uu xilka hayey madaxweyne Farmaajo ayuu ku guuldareystay inuu Somaliland ku qanciyo midnimada Soomaaliya, waxayna wada-halada Soomaaliya iyo Somaliland ay galeyn marxad aad u adag. The post Feysal Cali Waraabe oo shaaciyey dhibaato ay kala kulmeyn wada-hadalada DF appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin ayaa kasoo baxeysa Israsaaseyn ciidamo ka wada tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya maanta ku dhexmartay magaalada Muqdisho. Israsaaseynta ayaa dhexmartay ciidamo ka amar qaata sarkaal lagu magacaabo Liibaan madaxweyne iyo ciidamo militari ah, waxaana ay rasaasta bilaabatay kadib markii ciidanka militariga rasaas ay ku furanayeen ciriir ka jiray Isgoyska Warshadda Caanaha ay ka shakiyeen ciidanka Liibaan Madaxweyne oo ku sugnaa goobta. Liibaan Madaxweyne ayaa ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay Ciidamada Badbaado Qaran ee ka hortagay muddo kororsigii madaxweyne Farmaajo, islamarkaana horseeday in la helo heshiis doorasho. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in israsaaseynta ciidamada dowladda ay ka gaysatay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, halka mid kalen uu dhaawac soo gaaray. Goor dambe ayaa la sheegay in saraakiisha ciidamada ee is-rasaaseeyay ay is fahmeen, waxaana kadib si caadi ah dib ugu soo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Isgoyska Warshadda Caanaha oo daqiiqado kooban hakad galay. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale ay is-rasaaseyn geysatay khasaaro kala duwan ay ku dhexmartay cidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, oo inta badan kala shakiyey. The post Is-rasaaseyn uu ku leg leeyahay sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Badbaado Qaran oo Muqdisho ka dhacday appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaabilay goobjoogayaal ka socda dhawr iyo Toban waddan oo uu hoggaaminayo Agaasimaha guud hay’adda Brenthurst Foundation, Dr Greg Mills, kuna wehelinayaan madaxweynihii hore ee Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma iyo hoggaamiyihii hore ee mucaaradka, ahaana murashaxii madaxweynenimo ee mucaaradka dalka Ugandha, Dr. Kizza Besigye oo Somaliland u yimi kormeerka iyo qiimaynta doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee ka qabsoomaya Jamhuuriyadda Somaliland 31-May-2021 oo hal maalin ka hadhsan tahay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu goob-joogayaasha warbixin guud ka siiyey hannaanka ay Somaliland ku caano maashay ee ay halkan ku soo gaadhay inay tahay kala danbayn, isu-tanaasul iyo shacab qiimo badan oo dareensan qiimaha waddaniyaddu leedahay, taas oo sababtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay u hirgalaan wax badan oo aan ka hirgelin adduunka intiisa kale, maantana Somaliland lagaga daydo. Madaxweynuhu waxa uu u sheegay goobjoogayaasha inay indhahooda ku soo arkaan horumarka iyo Dimuquraaddiyadda ka hana qaadday guud ahaan Somaliland, adduunka intiisa kalena ay gaadhsiiyaan wixii ay la kulmaan, noqdaanna kuwo ka markhaati kaca waxa ay Somaliland ka sugayso beesha Caalamka oo ah aqoonsi buuxa maaddaama ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa. Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay dhinacooda madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsadeen, kuna gaadheen in Toddobada doorasho looga dareero Jamhuuriyadda Somaliland. Dalalka ay ka kala socdaan goobjoogayaashu waxay kala yihiin, UK, Canada, South Africa, Ghana, Uganda, Zambia, Kenya, Liberia, Tanzania, Zimbabwe, Namibia, Sierra Leone iyo Mozambique ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Goobjoogayaal ka Socda Dhawr iyo Toban Dal Oo U Yimi kormeerka Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaabilay goobjoogayaal ka socda dhawr iyo Toban waddan oo uu hoggaaminayo Agaasimaha guud hay’adda Brenthurst Foundation, Dr Greg Mills, kuna wehelinayaan madaxweynihii hore ee Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma iyo hoggaamiyihii hore ee mucaaradka, ahaana murashaxii madaxweynenimo ee mucaaradka dalka Ugandha, Dr. Kizza Besigye oo Somaliland u yimi kormeerka iyo qiimaynta doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee ka qabsoomaya Jamhuuriyadda Somaliland 31-May-2021 oo hal maalin ka hadhsan tahay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu goob-joogayaasha warbixin guud ka siiyey hannaanka ay Somaliland ku caano maashay ee ay halkan ku soo gaadhay inay tahay kala danbayn, isu-tanaasul iyo shacab qiimo badan oo dareensan qiimaha waddaniyaddu leedahay, taas oo sababtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay u hirgalaan wax badan oo aan ka hirgelin adduunka intiisa kale, maantana Somaliland lagaga daydo. Madaxweynuhu waxa uu u sheegay goobjoogayaasha inay indhahooda ku soo arkaan horumarka iyo Dimuquraaddiyadda ka hana qaadday guud ahaan Somaliland, adduunka intiisa kalena ay gaadhsiiyaan wixii ay la kulmaan, noqdaanna kuwo ka markhaati kaca waxa ay Somaliland ka sugayso beesha Caalamka oo ah aqoonsi buuxa maaddaama ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa. Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay dhinacooda madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsadeen, kuna gaadheen in Toddobada doorasho looga dareero Jamhuuriyadda Somaliland. Dalalka ay ka kala socdaan goobjoogayaashu waxay kala yihiin, UK, Canada, South Africa, Ghana, Uganda, Zambia, Kenya, Liberia, Tanzania, Zimbabwe, Namibia, Sierra Leone iyo Mozambique Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa kulan ku yeeshay Teendhada Afisiyooni Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & Wakiilada Beesha Caalamka. Ra’isulwasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoominayey kulanka, waxayna wararka sheegayaan in looga hadlay sidii loo fulin lahaa heshiiskii ay Khamiistii Muqdisho ku kala saxiideyn Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo sugi lahaa amniga doorashooyinka, isla markaasna amniga loogu wareejin lahaa ciidamo Boolis ka socdo Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. Ra’isulwasaare Rooble ayaa Beesha Caalamka uga warbixiyey heshiiskii ay wada saxiixdeyn madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe, waxayna Rooble iyo Madaxda Maamu Goboleedyada si wadajir ah uga codsadeyn beesha Caalamka inay fududeyso lacagaha doorashada oo xoogeeda iyaga laga sugayo. Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ku baxeyso lacag aad u badan, waxaana 10 Malyan oo kamid ah laga sugayaa Qaramada Midoobay, UK, Mareykanka iyo Midowga Yurub. Khamiistii la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa ay siwadajir ah u saxiixeen heshiis doorasho oo ay ku gaareen Shir Afar Maalin uga socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho. The post Maxaa looga hadlay kulankii dhex maray Rooble, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka? appeared first on Caasimada Online.
  8. Xoggo ku saabsan Ganacsadihii Forex ee khasaaray $5.4 milyan oo doollar Mobeen Azhar oo ah weriye ayaa warbixinta ku eegeyaa sida ganacstada maalaayin doollar ku khasaaraan ka dib ganacsiga sarifka ee dhanka online-ka ah. Wuxuu ka sheekeynayaa ganacsato farqaha u galay dad isku sheegeyo in ay leeyihiin shirkado qaabilsan dhanka lacagaha oo ay ku soo biiri karaan, si faa’ideyo ay u sameeyaan. Waxaa dadka ganacsatada ah ee lacagaha laga qaaday loo sameeyay qol WhatsApp ah oo ay ku wada xiriirayaan si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa ganacsi, waxaana loo sheegay in lacagihii ay gashadeen shirkadaha Online-ka aanay kala bixin karin. Ganacstadan markii ay khasaareen ayay ogaadeen in shirkad loogu sheegay Infinox oo ka diiwaangashaneyd jasiiradda Bahamas, uusan wax cilaaqaad kala dhexeyn waaxda maamusha lacagaha ee UK. dadka laga qaaday lacagta ugu badan waxay ku sugnaayeen Britain. Wuxuu sannadkii 2020-kii arkay muuqaal baahay oo ku saabsan nin lacago caddaan siinaya dad uusan aqoonin. Waxaana ninkaas lagu magacaabay Gurvin Singh Dyal, oo ah ardeyd kulliyada dawada ka dhigta jaamacad ku taalla Britain. Gurvin wuxuu caan ka ahaa baraha bulshada ka hor inta aanan laga waaynin halkaas. Dad ku xirnaa boggiisa Instagram-ka ayaa sheegay in dhaqaale uu ka sameeyay ganacsiga sarifka. Jonathan wuxuu kamid yahay dadka uu khasaaraha soo gaaray Wuxuu bilaabay shirkada lagu magacaabo GS3, si uu ganacsi ula sameeyo qof kasta oo firfircoon, oo daneynaya in uu ogaado qaababka ganacsiga hadda caanka noqday ee online-ka dhaqaalaha badan looga sameeyo. ‘Waxaan heystay in ka badan $24,000 oo doollar, waxaa ii soo haray $68 doolar’ Nin lagu magacaabo Jonathan, ayaa barta Instagram-ka ku bartay Gurvin. Wuxuu sannadkii 2019-kii ku biiray shirkadda GS3, waxaana Jonathan lagu daray qol WhatsApp ah oo kulmisay dad maalgashato ah oo qeyb ka ah shirkaddaas. Wuxuu ganacsiga sarifka online-ka ku darsaday $1,400 doollar. Jonathan wuxuu ka war hayay halista ku aadan sarifka online-ka, balse waxaa shakiga ka bixiyay Gurvin oo u sheegay in GS3 ay maamusho waaxda maamulka lacagaha ee UK. Markii hore Jonathan wuxuu helay faa’ido badan, wax ka yar toddobaad wuxuu sarifka geliyay $24,000 oo doollar. Wuu ka macaashay ganacsigaas, xitaa wuxuu gaaray ganacsigiisa illaa $42,600 oo doollar, balse xilligii dabaaldeggii ciiddda Kirismaaska, sannadkii 2019-kii, ayay wax kasta is beddaleen. Lacagtii uu ku maalgashaday safirka Forex-ka, ayaa hoos u dhacayay maalinta maalinta ka dambeysa, isaga oo khasaare weyn kala kulmay, waxaana u soo haray $68 oo doollar. Jonathan wuxuu sheegay in farriimo marin habaabin ah oo uga imaanayay shirkadda ganacsiga ee GS3 ay ka joojiyeen in lacagihii uu sameeyay uu kala baxo shirkadda sarifka Online-ka ee ‘been abuurka ahayd’. Joanna Bailey, oo ah qareen ku takhasustay dambiyada la xiriirta sarifka ayaa sheegtay inay soo gaareen kumanaan dacwado ah oo ku saabsan sarifka Wuxuu intaas ku daray in qofkii maamulayay ganacsiga sarifka uu u sheegay in laga saari doono shirkadda, waa haddii uu isku dayo in lacagtii uu faa’iday uu la baxo. Jonathan wuxuu ka mid yahay dad badan oo ay qabsatay sheeko noocan ah. Isaga iyo dad kale waxay galeen khasaare gaarayo $5.4 milyan oo doollar. Jonathan wuxuu dib u xusuustay dadkii ay qolka WhatsApp-ka ay ku wada jireen, kuwaas oo qeyb ka ahaa shirkaddan sarifka. “Waa lacagtii aan meel dhiganayay, xitaa ma iska bixin karo kirada guriga hadda. Dadka qaar waxay lacago ka soo amaahdeen waaliddiintooda, haddana waxkasta way waayeen oo wey ku khasaareen”, ayuu yiri. Joanna Bailey, oo ah qareen ku takhasustay musuqa la xiriira sariifka, ayaa sheegtay in shirkadeeda ay soo gaareen in ka badan 3,000 oo cabasho oo ku saabsan eedeymo iyo fadeexad dhanka sarifka online-ka ah. Sida ay muujinayaan kiisaska loo soo gudbiyay Joanna Bailey, dadka sariifka galay waxay lumiyeen $14,000 ilaa $5,670,000 oo dollar. Waxay dadkaas u heysteen in lacagahooda ay ilaalineyso waaxda maamusho lacagaha ee UK, markii ay khasaaraha galeen ayay ogaadeen in lacagahooda ay ku dambeeyeen shirkado shisheeye oo aanan wax damaanad ah ka heysanin Britain. Qaran News
  9. Dowladda mareykanka ayaa soo dhaweysay heshiiskii doorashada ee ay dowladda federaalka iyo maamul gobaleedyada saxiixeen 27 May, iyadoo ku baaqday in ay u dhacdo doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha si hufan . Dhinaca kale mareykanku waxeey amaanen dadaalada ra’iisul wasaare Rooble , iyadoo hogaamiyayaasha soomaalida ugu baaqday in ay sii joogteyan wada shaqeynta iyo isutanaasulka . Ugu dambeyn mareykanka ayaa sheegay in uu mar walba diyaar u yahay in uu sii wado taageerada uu siiyo Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Wakiilada kala duwan ee Beesha Caalamka. Shirka dhexmaray Hoggaaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo ka qabsoomay Xarunta AFISYOONI ee Muqdisho, waxa looga hadlay hirgelinta Hannaanka Doorashooyinka Soomaaliya, kadib markii Heshiis laga gaaray murankii ka taagnaa Arrimaha Doorashooyinka. War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay, in Shirka looga hadlay hirgelinta Heshiiskii Doorasho ee la gaaray iyo sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen Beesha Caalamku gaar ahaan taageerada looga baahanyahay dhinacooda. “Kulanka oo ka dhacay Teendhada Afisyooni, Madaxda Soomaaliyeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka wada hadlay hirgelinta heshiiskii Doorasho ee la gaaray iyo sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen gaar ahaan taageerada looga baahanyahay dhinacooda.” Ayaa lagu yiri Qoraalkas. PUNTLAND POST The post Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho kula shiray Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
  11. Garoowe (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ayaa waxaa faah faahin looga bixiyey howl-gal qorsheysan oo ay ka fuliyeen dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee maamulkaasi. Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaasi oo laga fuliyey togga Il-Cameyra ee buuraleyda Calmiskaad lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Daacish. Sidoo kale Puntland ayaa shaaca ka qaaday in saraakiisha la dilay uu ka mid ahaa Khaalid Jaamac Usmaa oo u dhashay Pakistan, kana mid ahaa saraakiisha sare ee Daacish. Puntland ayaa sidoo kale sheegtay weerarkan qorsheysan ay ku dishay illaa labaatameeyo kale oo ka tirsanaa dagaalamayaasha kooxda Daacish oo ku xoogan buuraha gobolka Bari. Ugu dambeyn qoraalka kasoo baxay taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in sidoo kale ciidamadu ay ku burbiriyeen xaruntii dhexe ee Daacish ku lahayd togga Il-cameyra, halkaas oo hub iyo raashin ugu kaydsanaa. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Daacish, faraceeda Soomaaliya oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada ammaanka Puntland. Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ayaa xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, halkaas oo ay fariisimo milatari ku leeyihiin dagaalyahano hubeysan oo ka kala tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. The post PUNTLAND oo howl-gal ku dishay saraakiil ka tirsanaa Daacish appeared first on Caasimada Online.
  12. (SLT-Garoowe)-Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta oo sabti ah deegaanadeeda ka bilawday wajiga labaad ee tallaalka loo qaato ka hortega Cudurka halista ah ee COVID-19. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa Garoowe ka daahfuray talaalka wajiga labaad kaas oo isaguna qaatay talaalka, waxaa uu Wasiirku dadweynaha Puntland kula dardaarmay inay dadkii horay uqaatay wajiga koowaad ee talaalka ay qataan wajiga labaad oo ah kan ugu dambeeya. Dadweyne badan ayaa talaalka maanta ka qaatay Xarumaha talaalka lagu bixinayo, waxaana dadka oo hadlay ay sheegeen in talaalkii hore aysan wax dhibaato ah kala kulmin kalsoonina ku qabaan. Talaalkan ayaa loogu talagalay inay qataan shaqaalaha caafimaadka, macalimiinta iyo dadka qaba xanuunada dhiikarka, macaanka iyo neefta kuwaasi oo ah kuwa saamaynta ugu badan uu ku yeelanayo xanuunka marka uu ku dhaco. Sidoo kale waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka daahfuray talaalka wajiga labaad Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed, isaga ayaana talaalka qaatay dadweynaha gobolka Bari faray inay dadkii talaalka horay uqaatay ay wajiga labaad qataan. Talaalka Cudurka halista COVID-19 ayaa muddo 5 maalmood ah socon doona, iyadoo dadkii hore uqaatay la siin doono wajiga labaad. Source
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland saacadihii lasoo dhaafay lagula beebgsaday qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo ka tirsan kuwa Darawiishta Jubbaland lala eegtay, xilli ay ku socdaalayeen wadada dheer ee isku xirta degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay ciidamada Jubbaland, isla-markaana uu geystay dhimasho iyo dhawaac. Inta la ogyahay illaa afar askari oo uu ku jiro sarkaal sare ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay qaraxaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab. Sarkaalka lagu dilay qaraxaasi ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Carab, iyada oo sidoo kale ay dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah ilaaladiisa. Ma jirto illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ay ka bixiyeen qaraxaasi iyo khasaaraha uu geystay. Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ayaa inta badan weerar isugu jiro qaraxyo iyo kuwa toos ah oo khasaare geysta ka fulisa deegaanada maamulka Jubbaland. The post Sarkaal ka tirsan Jubaland iyo ilaaladiisa oo qarax lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
  14. Warbaahinta waddanka Masar, ayaa sheegtay in laamaha Amniga dalkaas ay xabsiga dhigeen nin bartiisa Facebook ku daabacay in uu iibsanayo wiilkiisa. Waaxda la-dagaallanka daabulka iyo ka ganacsiga dadka oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Masar, ayaa bixisay amarka lagu xiray eedaysanaha oo Facebook ku qoray in uu doonayo cid ka iibsata wiilkiisa yar. Ninkan oo aan weli magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in ay ku dhacday dhaqaale la’aan daran, islamarkaana xaaskiisu ay ka tagtay, kadib markii uu waayay dhaqaale uu ku masruufo. Sidoo kale, Laanta danbi-baarista dowladda Masar ayaa eedaysanahan ku wadda baaritaan ku saabsan ka-ganacsiga dadka. Halkaan ka akhriso warbixinta PUNTLAND POST The post Dowladda Masar oo xabsiga dhigtay nin doonayay in uu wiilkiisa gato appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah dalka waxaa maanta si rasmi ah uga billowday imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsi Sare, kaas oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya. Imtixaankan oo ah mid sanad-le ah ayaa waxaa uu fariistay illaa 42, 000 (Afartan & laba Kun) oo Arday ah, sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashada ee dowladda dhexe. Ardayda galeysa imtixaankan ayaa sidoo kale ku kala sugan gobolka Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hir-Shabelle iyo Galmudug. Warbixin kasoo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in imtixaanka maanta la daah-furay uu socon doono shan cisho, isla-markaana ay ammaanka sugayaan ciidamada dowladda. Sidoo kale mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay inay qaadeen tallaabooyin dheeraad ah, isla-markaana lagu kalsoonaan karo imtixaanka. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo si rasmi daah-furay imtixaankan ayaa isna shaaca ka qaaday inay guul u tahay dowladda dhexe qaadista imtixaanka qaran ee shahaadiga ah, isagoo baaq culus u diray waalidiinta Soomaaliyeed. Waa sanadkii todobaad oo xiriir ah oo ay dowladda Soomaaliya qaadeyso imtixaanka dugsiga sare, iyada oo loo diyaariyay qaab waafaqsan nidaamka waxbarashada dalka. S kastaba ha’ahaatee todobaadkii hore ayaa waxaa isna la soo gabagabeeyey imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe oo ay u fariisteen in ka badan 26-kun oo Arday ah. The post Kumanaan arday ah oo u fariisatay imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare appeared first on Caasimada Online.
  16. Haweeney horay musharax ugu aheyd mid ka mid ah madaxtinnimada dowlad goboleedyada ayaa labadii habeen ee lasoo dhaafay waxaa ay ku bariday albaabka safaaradda Qatar ee caasimadda Muqdisho iyada oo ka cabaneysa siyaasadaha Dooxa ee ku aadan Soomaaliya. Suuban Mahad Dirir, oo horay u aheyd musharax madaxweynaha Jubbaland ayaa in ka badan 48 saac waxaa ay hor fadhisay safaaraddan iyada oo sheegtay in la diiday in laga dhageysto cabashadeeda taa badalkeedana ay ilaalada si xun ula dhaqmeen. Suuban M. Dirir oo la hadashay Goobjoog News ayaa intaa ku dartay in sababta ay safaaradda Qatar ugu bariday habeenno ay tahay in ay cambaareyso dhaqanka siyaasadaha Dooxa ee ku aadan Soomaaliya, waxay sidoo kale eedeyn u jeedisay Fahad Yaasiin oo ah taliyaha NISA. Dirir waxaa ay ku doodday in maamulka Tamiim uu mar kasta faragelin ku hayo arrimaha siyaasadda dalka, isla markaana uu go’aamiyo cidda Soomaaliya madax ka noqoneysa, haatanna la gaaray in la kala caddeeyo, waxaa kale oo ay xummaan iyo dhibaato kale u aragtaa in Dooxa ay olog ku yeelato gudaha Soomaaliya, taasi oo sida ay qabto waxyeeli karta qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Mar sii horreysay waxaa ay sidoo kale Twitterkeeda soo dhigtay sababta ay u joogto safaaradda horteeda: Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Waxa dalka Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qul qulaaya goob joogeyaasha caalamiga ah ee ka qayb gelaaya doorashooyinka dalka ka dhici doona bisha May 31-keeda. Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Eng Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) iyo xubno kale oo kamid ah Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa garoonka diyaaraddaha ee magaaladda Hargeysa kusoo dhoweeyey madaxweynihii hore ee dalka Siralyoon Ernest Bai Koroma oo kamid ah goob joogeyaasha caalamiga ah ee goob jooga ka noqon doona doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Degaanka iyo wakiiladda Somaliland. Guddoomiye Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riya Raac) ayaa goob joogeyaasha dalka soo gaadhey warbixin ka siiyey habka ay doorashooyinka Goleyaasha degaanka iyo Wakiiladda Somaliland ee isku sidkani dalka uga dhacayaan, isaga oo sidoo kalena faah faahin ka siiyey nidaamka qorshe ee ay Guddida doorashooyinka Qaranku doorashooyinkaas u qorsheeyeen. Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng Cabdirashiid Riyo Raac waxa uu sheegay in goob walba la dhigi doono laba sanduuq doorasho, kuwaas oo loogu kala codayn doono xildhibaanada Golaha Degaanka iyo kuwa golaha Wakiiladda Somaliland, iyada oo goobtiiba loo asteeyey sida uu guddoomiyuhu sheegay ugu badnaan 450 codbixiye. Tiradda goobaha codbixinta ayuu sheegay Guddoomiye Riyo Raac in ay yihiin 2,709 goobood,iyada oo tiradda murashaxiintuna ay tahay 798 murashax,iyada oo 552 murashax ay u tartami doonaan Goleyaasha Degaanka dalka,halka 246 murashaxna ay u tartami doonaan Golaha Wakiiladda Somaliland. Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) waxa uu usoo jeediyey Goob joogeyaasha caalamiga ah ee dalka soo gaadhey in ay dalalkii ay ka yimaadeen iyo bulshadda caalamkaba gaadhsiiyaan waxyaalaha ay ku arki doonaan doorashooyinka Somaliland iyo goobaha ay tegi doonaan,waxaanu tilmaamay in ay indhohooda ku arki doonaan wax wanaagsan iyo doorashooyin ku dhaca hab nabadgelyo ah iyo hab xor iyo xalaal ah. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo cusub oo ka mid ah kuwa Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar culus kusoo qaatay gudaha dalka Turkiga. Ciidamadan oo soo qatay tababar noocyo kala duwan leh ayaa tababarka loogu soo xiray Dugsiga Isparta ee Dalka Turkiga, waxaana munaasabadda xiritaanka tartankaasi ka qeyb-galay saraakiil ka kala tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowladda Turkiga. Sidoo kale ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa goobtaw axa ay ku soo bandhigeen dhoolatus iyo gaaddo ka ciyaar aad u sarreeya. General Maxamed Maxamuud Xuseen (Garabey) oo ah u qeybsanaha arrimaha ciidamada ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo madasha ka hadlay ayaa ayaa sheegay in dufacddan tii 7-aad ee lagu soo tababara Turkiga, ayna sii socon doonaan tababarada. Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey dowladda Turkiga, sida ay Soomaaliya uga caawineyso dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka. “Runtii maanta waa maalin weyn oo maalmaha wanaagsan na soo maray ka mid, waa xafladii todobaad, haddana wey sii soconeysaa, waxaana nasiib wanaag inoo ah inaan maqalno in dhalinyaro ka mid ah ciidanka Xoogga dalka 3-dii biloodba mar ay qaataan tababar qaas ah oo loogu talagalay in ciidanka xoogga dalka lagu tayeeyo,” ayuu yiri. Askarta tababarka loo soo xiray oo aan tiradooda la shaacin ayaa ka qeyb-qaadan doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah ee Al-Shabaab. Si kastaba, Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaan arrimaha ciidanka, caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha iyo siyaasadda. The post Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay ciidamo cusub oo loo soo tababaray + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  19. (SLT-Addis Ababa)-Waxaa shalay gelinkii dambe magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya lagu soo gebogebeeyay kulan lagu wada hadashiinayo Canfarta iyo Soomaalida, kulankaas oo diiradda lagu saaray colaadda soo noqnoqotay ee u dhaxaysa labada dhinac iyo sidii xal waara looga gaari lahaa colaaddaasi. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax ka socota dowladda federaalka Itoobiya. Source
  20. Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta degaanada Puntland ka bilawday wajiga labaad ee talaalka Covid19. Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa Garowe ka daahfuray talaalka wajiga labaad kaas oo isaguna qaatay talaalka, waxaa uu wasiirku dadweynaha reer Puntland kula dardaarmay inay dadkii horay uqaatay wajiga koowaad ee talaalka ay qataan wajiga labaad oo ah kan ugu dabeeya. Dadweyne fara badan ayaan talaalka maanta ka qaatay xarumaha talaalka lagu bixinayo waxaana dadka oo hadlay ay sheegeen in talaalkii hore aysan wax dhibaato ah kala kulmin kalsoonina ku qabaan marka ay kan qaadataan inay difaaca jirkodoa ee xanuunka Covid 19 uu amaan yahay. Talaalkan ayaa loogu talagalay inay qataan shaqaalaha caafimaadka, macalimiinta iyo dadka qaba xanuunada dhiikarka, macaanka iyo neefta kuwaasi oo ah kuwa saamaynta ugu badan uu ku yeelanayo xanuunka marka uu ku dhaco. Sidoo kale waxaa magaalada Boosaaso ka daahfuray talaalka wajiga labaad gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed isaga ayaana talaalka qaatay dadweynaha gobolka Bari faray inay dadkii talaalka horay uqaatay ay wajiga labaad qataan. Talaalka ayaa mudo 5 maalmood ah socon doona iyadoo dadkii hore uqaatay la siin doono wajiga labaad. PUNTLAND POST The post Wejiga labaad ee Talaalka COVID-19 oo laga daah-furay Puntland appeared first on Puntland Post.
  21. (SLT-Garoowe)-Ciidamada booliska maamul gobolleedka Puntland ayaa xabsiga u taxaabay fanaan Sharmaarke Cabdinaasir oo la garan ogyahay Sharma Boy, kadib markii uu shalay barqadii shil ku galay dulleedka magaaladaas. Shilka ayaa dhacay kadib markii uu rogmaday gaadhi uu waday Sharma Boy, kaasi oo sababay dhimashada hal qof oo dumar ah iyo dhaawac. Sharma Boy ayaa loo haysta in uu mas’uul ka yahay shilkaas gaadhi, maadama uu wade ka ahaa gaadhigaas oo ay saarneeyn koox fanaaniin ah. Gaadhiga oo ahaa nuuca raaxada ah ayaa ku qalibmay deegaanka Buurawadal oo waqooyi kaga beegan Garowe, halkaas oo ay ku dhimatay gabadh lagu magacaabo Siciido Jaamac Mire iyo dhaawaca Cabdi Naasir Shaalle. Gaashaanle sarre Maxamed Jaamac Aadan oo ah Taliyaha ciidanka booliska gobolka Nugaal ayaa faah-faahin kooban ka bixiyey asagoo xaqiijiyey xadhiga fanaanka, kuna gaabsaday inay dhawaan jawaab deg-deg ah kasoo saari doonaan baadhista kiiskaan. Source
  22. Maxkamadda dalka Mali ayaa Colonel Assimi Goita, u dhaarisay xilka madaxweeynaha dalka kadib markii xabsiga loo taxaabay todobaadkii hore ee madaxweyne Bah Ndaw, Ra’iisul wasaare Moctar Ouane iyo wasiirkii difaaca Mali Souleymane Doucoure. Magacaabistan ayeey Maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaa ku sheegtay inay go’aanka u qaadatay sababo la xiriira “jagada madaxweynenimada oo banaan” kadib markii khamiisti uu Bah Ndaw iska casilay xilkaas. Ndaw iyo Ouane waxay hogaaminayeen dawlad ku meel gaadh ah oo loo xilsaaray inay hagto ku noqoshada xukunkii rayidka kadib afgembigii bishii August ee la soo dhaafay ka dhacay dalka Mali oo lagu doortay madaxweynihii la doortay, Ibrahim Boubacar Keita. Goita ayaa markiisii hore loo magacaabay madaxweyne ku xigeen iyadoo xilal kale oo muhiim ah ka soo qabtay ciidanka . Goobjoog Source: goobjoog.com
  23. Waxaa maanta guud ahaan gobalada dalka ka bilaabmaya imtixaanka shahaadiga dugsiga sare ee, kaas oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka . Imtixaanka oo ka kala dhacaya deeganada gobalada Soomaaliya ayaa waxaa ardayda galeysa u badan ardayda gobalka banaadir . 26,688 arday ayeey sheegtay wasaaradda waxbarashada in gobalka banaadir ay maanta uga fariisteen imtixaanka shaahadiga ee dugsiga sare . Deeganada maamulka hirshabeelle ayaa sidoo kale waxaa Imtixaanka ay dowladda qaadeyso uga fariistay arday gaareysa 1,672 arday . dhanka kale deeganada maamulka galmudug ayaa la sheegay in Imtixaanka maanta ay kaga fariisteen 2,407 arday . Deeganada maamulkan Jubbaland ayaa dhankooda waxaa u fariisanaya saaka imtixaanka 1,221 arday oo ku kala sugan deeganada maamulka Jubbaland . Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa sakaa goobaha Imtixaanka lagu galayo fariistay 4,341 arday oo ku sugan deeeganadaas. Dhinaca kale maamulka Puntland oo todobaadkii hore qaaday ayaa waxaa u fariistay 5,708 arday ah kuwaas oo dhawaan soo gaba gabeeyay Imtixaanka . Imtixaankan ayaa noqonaya midkii 7 aad oo ay si toos ah wasaaradda waxbarasahda hidaha iyo tacliinta sare dalka ay u maamusho . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Taliska Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay hawlgal ciidan oo ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe. Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Ciidamadu ay jab ku gaarsiiyeen Al-shabaab hawlgal ka dhacay tuulooyinka War-Ciise iyo Gal-labashiir ee Gobolka Shabeellada dhexe Gen. Odowaa ayaa tilmaamay in hawgalkaas lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, halka kuwa kalena lagu dhaawacay sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha ayaa intaas ku daray in Ciidamadu ay burburiyeen xarumo Ciidan oo Al-shabaab ku lahaayeen tuulooyinka War-Ciise iyo Gal-labashiir ee Gobolka Shabeelada dhexe. PUNTLAND POST The post Taliska Milatariga Soomaaliya oo war ka soo saaray hawgal lagu dilay xubno Shabaab ah appeared first on Puntland Post.