Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warbaahinta dalka Libiya ayaa waxaa sheegeen in Diyaarad Dagaal oo nooceedu ahaa Mig-21 ay maalintii shalay oo sabti aheyd ku burburtay Magaaladda Benqaasi ee Bariga dalkaasi. Duuliyihii Diyaaradda oo lagu magacaabi jirey Jamaal Bin Caamir ayaa ku geeriyooday shilkaasi oo ka dhacay Saldhiga Ciiddanka Cirka ee Baniiyna ee ku yaalla Magaaladda Benqaasi. Diyaaradda ayaa qeyb ka ahayd Dhoolatus Milliteri oo ay Kooxda Mrashal Khaliifa Xaftar ugu dabaal-degayeen 7 guuradii la soo wareegtay Hawlgalkooda Milliteri ee ay ugu magac dareen Hawlgalkii Karaamada lahaa. Marshal Xaftar ayaa goobjoog ka ahaa Dhoolatuskaasi. PUNTLAND POST The post Diyaarad Dagaal Oo Ku Burburtay Magaalada Benqaasi appeared first on Puntland Post.
  2. Xulka sawirrada ugu sarreeya toddobaadkan ee qaaradda Afrika: May 2021 Ifraax Axmed, oo ah Soomaali haysata sharciga Ireland, waxay sawirka ku gashay Madxafka dadka Soogalootiga ah ee EPIC, ee bartamaha magaalada Dublin. Waxay ku dhalatay xero qaxooti, ka dib markii Soomaaliya uu dagaalka ka bilowday, ka dib Ifraax waxaa loo tahriibiyay Ireland, iyadoo aad u da’yar. Hadda waxay u ololeysaa arrimaha bulshada. Dadka deggan caasimadda Sudan ee Khartuum, waxay dhex fariisteen biyaha webiga Nile si ay qabow ugu helaan cagahooda. Dhallinyaradan Waxay Talaadadii fariisteen meesha ay ku kulmaan Nile-ka buluugga ah iyo Nile-ka Cad. Gabadh ardey ah oo muddo laba biloow ah afduub loogu haystay Keymaha Nigeria, oo ku dhex nasaneysa jikada gurigooda oo ku yaalla Kaduna. Ka dib markii dhacdada foolkaanada iyo dhul ruxanka ay sii socdeen, shacabka Goma waxay Khamiistii dib u billaabeen barakac. Maamulka waxay ku baaqayaan in dadka laga saaro aaggaas. Farshaxaniiste u dhashay Kenya oo Nairobi ku sawirrada ninkii xuriyadda u dagaallamay Dedan Kimathi Waciuri, Talaadadii oo ahayd Maalinta Afrika. Nin taageero u ah Jacob Zuma oo xirtay gafuur-xir la yaab leh, xilli uu madaxweynihii hore ee South Afrika, uu beeniyay in uu galay dembi. Arbacadii ayey Maxkamad bilowday dhageysiga dacwadda ku saabsan musuqmaasuqa. Luna Solomon, oo ka soo jeeda dalka Eritrea, oo shiishka ku baraneysay dalka Switzerland, waxayna rajeyneysaa in ay ka qeybgasho tartanka 10m ee shiishka, iyadoo qeyb ka ah Kooxda Qaxootiga ee ciyaaraha Olympic. Nin geel ku soo dhoweynaya dalxiiseyaasha dib ugu noqonaya xeebta Sousse ee dalka Tunisia. Nin Kireeya baaskiillada oo ku sugan duleedka Monrovia, caasimadda Liberia, oo uu dul tagan yahay wiil yar oo ka mid ah macaamiishiisa – Waa Isniintii saiwrkan. laba nin oo ka kalluumeysaneysa Webiga Niger, waxaana u muuqda caasimadda dalka Mali ee Bamako, Waxay ahayd Talaadadii xilli gabal-dhac ah Madaxweynihii hore ee Nigeria, Goodluck Jonathan, oo booqanaya magaalada Bamako ee Mali, wuxuu aad isugu deyayaa in uu dhexdhexaadin ka sameeyo sidii loo sii deyn lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Mali. Waxaa la xiray ka dib afgembigii labaad ee dalkaas ka dhaca, sagaal bilood gudahood. FKa dib jahwareerka ay la kulmeen shacabka Nigeria, waxay dibad bax ka dhigeen magaalada Abuja, waxayna ka soo horjeedaan afduubka dalkaas saameynta ku yeeshay… Qaran News
  3. Jowhar (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaysa in maleeshiyaadkii Macawiisleyda ahaa ee dhowaan weeraray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle qorsheeyeen in ay markale weeraro ka fuliyaan Jowhar. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in tobaneeyo kamid ah Macwiisleydan oo hubeysan islamarkaana kasoo gudbay soohdinta gobolka Sha/Hoose, oo ay ku soo dhawaadeen gudaha magaalada Jowhar, waxayna halkaas kawadaan abaabul. Xubno kamid ah Maleeshiyada Macawiisledyada ayaa sheegay in dedaallo la sameeyay kadib dagaalkii ka dhacay Magaalada Jowhar aysan ka soo bixin wax natiijo ah, islamarkaana hogaamiyihii ka xirnaa looga daray dad kale, taasina ay ku qasbeyso in ay qaadaan wax ku sheegeen duulaan kale oo lagu soo furanayo dadka kaga xiran Saldhigga Jowhar. “Maalmahan dhan ayaa arkeyney iyagoo lugeynaya oo ka soo gudbaya Sh/Hoose waxayna noo dhaafeen dhinaca Jowhar wax dhib ahna ma kala kulmin waa wiilasheyna in waxa halkaan dagan yihiin dadkooda,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha ku nool soohdinta Jowhar Sh/Hoose. Dhinaca kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in maamulka HirShabeelle uusan ku baraarugsaneen qatarta iyo abaabulka ka socda duleedka magaalada, islamarkaana ay wajihi karaan weerar kale oo khasaaro u geysta. Dagaalkii kan ka horreeyay ee laba todobaad ka hor ka dhacay Jowhar waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. The post Maleeshiyaadkii weeraray Jowhar oo maleshiyo kale soo dhoobay duleedka Jowhar appeared first on Caasimada Online.
  4. Jowhar (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Galka-Xarareey ay militeriga Soomaaliya ku dileen ugu yaraan laba sarkaal iyo in ka badan 30 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda. Khasaarahan ayaa ah kii ugu badnaa ee dhowaanahan soo gaara Al-Shabaab. Saraakiisha howlgalkaas looga dilay Al-Shabaab waxaa kamid ah madaxii Jabhadaha ee gobolka Shabeellada Dhexe oo magaciisa lagu soo koobay Macalin Yuusuf, madaxii maxkamadda Al-Shabaab ee deegaanka Galka-Xarareey iyo ugu yaraan 30 dagaalame oo kale. Sidoo kale Taliye Odawaa waxa uu sheegay in 20 dagaalame oo kale ay ciidamadu ku dhaawaceen howlgalkaas, isla markaana ay nolosha ku qabteen laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab. Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkaas uu guuleystay, isla markaana ay jiraan rag loo maleynayo saraakiil sare oo lagu dilay deegaankaas, kuwaas oo xogtooda ay dib kasoo shaaci doonaan xaqiijin kadib. Maalmihii u dambeeyey degmooyinka iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe ayey ciidamada xoogga dalka waxay kala wareegeen Al-Shabaab, waxayna saraakiisha militeriga Soomaaliya sheegeen inuu socdo qorshe gobolkaas looga sifeynayo kooxda. The post Saraakiil sare iyo tiradii ugu badneyd oo dagaal-yahanno ah ‘oo laga dilay’ Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  5. Kooxda Chelsea ayaa caawa ku guuleysatay horyaalka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league, markii ay 1-0 uga adkaatay kooxda ay Ingiriiska kawada dhisan yihiin ee Manchester City. Chelsea waxaa guusha u horseeday da’yarka reer Jarmal ee Kai Havertz oo daqiiqadii 42-aad ee qeybtii hore ciyaarta goolka u dhaliyey. Waa markii labaad taariikhda (2012-2021) oo Chelsea ku guuleysato tartanka horyaalka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league. Manchester City oo ku haminaysay in ay sanadkan markii ugu horreysay ku guuleysato Champions league ayaa weli inkaari ka haysataa tartankan. PUNTLAND POST The post Chelsea oo markii labaad ku guuleysatay horyaalka kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
  6. Dhallinyaro aad u tirobadan oo ku nool Puntland waxay is weydiinayaan waxa ka reebay inay wax doortaan ama la doorto. Tan iyo markii la yagleelay Dowladda Fedaraalka Somaaliya 2004 laguna qaybsaday nadaamka 4.5 waxaa saldhig u noqotay hannaan wax ku qaybsi qabiil. Maadaama qaab qabiil uu yahay habka wax lagu qeybsado, kuwa beesha dhexdeeda ku qada maxaa lagu tilmaami karaa? Intii ay socdeen doodihii adkaa iyo is diidmadii adkayd ee ka dhalatay hannaanka doorashadda, waxay dhallinyaradu ku duceyn jireen in Eebbe is afgarad dhex dhigo madaxda. Waxay si fiican 27.05.2021 u daawadeen xaflad ku saabsanayd heshiiska doorashada. Waxay durbadiiba arkeen olole billowday: dhalinyaro raadinaya ergo; kuwo doonaya inay xildhibaan noqdaan; odayaal aad mashquul ugu ah qoridda ergadda soo saaraysa Xildhibaanadda mustaqbalka meteli doona ummadda heer federaal iyo odayaashoodii oo guryaha iyo maqaaxiyaha iska fadhiya. Waxay dareemeen inaysan mustaqbalkooda nadaamka dowladeed aynan talo iyo tamartoona ku biirin karin aayahooda siyaasadeed iyagoo is weydiyay: 1. Miyaysan ummadu wadaagin ka wadatashiga soo xulista ergada? 2. Miyuusan maamulku ku baraarugsanayn xaaladdan kala fogeynaysa dadka? 3. Beelahaas isku gooni yeelay soo xulista ergada iyo xildhibaannada miyaysan lahayn garasho ah in lala wadaago kuraastan 17 Sano ay ku fadhiyaan? 4. Ma nafteenna baynu gabnay ma odayaasheennaa ina gabay mise waa layna dhacay oo la inoo xoog sheegtay? 5. Beesha caalamku dadka laga tira badan yahay waa u dooddaa; kuwa la dhacay maxay ugu doodi weysay Inkastuu dhabcaal gudhan yahay oo dharabo kaa gooyo Isagoo dharaar maqan kol uu dumar wax kuu dhiibo Dhan aad uga dhacdaba maal ku xiga waad dhadhamisaaye Waa dhaawac kugu yaal xigtada dhaqasho diiddaaye. Talo soojeedin: Maadaama la xaddiday lana magacaabay beelaha leh xildhibaannada aqalka hoose horayna ay iyagu ku xuleen 51 ergay xildhibaankii hore, hadda maadaama 50 lagu daray ergadii, waa inay ka qaybgeliyaan dadka ay deegaan la wadaagaan. Taasi waxay yarayn doontaa tabashooyinka dadka ilaa hadda aan helin xaqooda ah in ergada wax xulaysa iyo xildhibaanno ku yeeshaan hannaanka doorashada dowladda Puntland maamulayso labadda aqalba. W/Q. Siyaad Cali Jaamac The post Guuxa Dhallinyarada Puntland Lama Dhayalsan Karo appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad ka soo baxay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in maanta loo fariistay dacwado loo heysto ilaa lix qof oo afar kamid ah ay ajaanib yihiin, kuwaas oo la doonayey in dacwadooda la qaado iyaga oo maqan. Eedeysanayaashaan oo ay horay ugu yeertay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dhamaantood ah shaqaalaha iyo aas-aasayaasha shirkadda Sahan Research, waxaana loo heystaa falal ay ka mid yihiin faafinta xogaha amaniga Qaranka iyo basaasid siyaasadeed, sida lagu cadeeyey qoraal maanta ka soo baxay maxkamadda. “Maanta oo taariikdhu tahay 29/05/2021 Maxkamadda G/banaadir waxa ay u fariisatay Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee sumaddiisu tahay MGB/DDL/179/2021, kaas oo eedeysanayaal ka yihiin lix qof oo 4 ka mid ah ay yihiin ajaanib, kuwaas oo dhamaantood ahaa shaqaalihii iyo asasaasayaashii shirkada SAHAN RESEARCH, laguna eedeynayay falal ay ka mid yihiin faafinta xogaha amaniga qaranka iyo basaasid siyaasadeed loona heystay in ay ku xad gudbeen Qod. 199-200-201-202-204-205-71-XCS, iyagoo dhamaantood ay yihiin maqanayaal horayna ay Maxkamaddu u sameysay baafin iyo u yeeritaan laakin ay imaan waayeen, Maxkamadduna ay u qabatay Qareeno difaaca eedeysanayaashaas,” ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda. Markii ay maanta maxkamaddu bilaawday dhageysiga dacwadda eedeysanayaashaas oo xafiiska Xeer ilaaliyaha guud uu soo jeediyey waxaa eedeymihii loo jeediyey lixdaas qof is-hortaagay qareeno u doodayey, waxayna maxkamaddu balan qaaday inay qaraar ka soo saarayso is hortaaga qareenada. “Qareenadii waxa ay keeneen fadhigii maanta is hortaag ka dhan ah xaashida eedda, sido kalena Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu ka jawaabay is hortaagaasi, Maxkamadduna waxay kusoo afmeertay fadhigan in ay qaraar ka soo saarayso is hortaagaasi ay keeneen qareenada Difaaca Edeysanayaasha,” ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda gobolka Banaadir. Shirkadda Sahan Research oo horay looga mamnuucay inay Soomaaliya ka shaqeyso ayaa ka dhega adeygtay go’aankaas, taas oo keentay in maxkamadda gobolka Banaadir looga yeero, fadhigeeda ugu weyn waxay ku leedahay dalka Kenya. The post Dacwaddii ay DF kusoo oogtay Matt Bryden iyo ajaaniibta kale oo la is-hortaagay appeared first on Caasimada Online.
  8. sawir hore weeye Hal gabar ayaa ku geeriyootay, shan ruux oo kalena waa ku dhaawacmeen shil gaari oo caawa ka dhacay halkii laga raray Kantaroolka Galbeed ee magaalada Garoowe. Gaariga shilka galay oo ahaa nooca loo yaqaan PL-ka ayaa ka yimid dhinaca degaanka Laacdheere, waxaana saarnaa dad gaaraya 10 ruux. Shanta ruux oo dhaawacmay midkood ayaa xaaladiisu liidataa waxaana lagu dabiibayaa isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe. Dareewalkii gaariga waday oo markii hore cararay ayaa haatan Booliisku xaqiijiyeen in gacanta lagu dhigay islamarkaana su’aalo laga weydiinayo sida shilkan u dhacay. PUNTLAND POST The post Shil khasaare gaystay oo ka dhacay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii uu maanta xil ka qaadista ku sameeyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee arrimaha gudaha maamulkaas Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabadii xilka looga qaaday. Cabdi Waayeel oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa sheegay in sharciga u yaalla Galmudug uu qorayo in madaxweyne ku xigeenku awood u leeyahay inuu shaqada ka joojiyo wasiirka oo kaliya, balse uusan xilka ka qaadi karin. “Madaxweyne ku xigeenku waxa uu leeyahay shaqo ka joojin, laakiin xil ka qaadis awood uma lahan, waxaana aaminsanahay in sharcigu noo dhaxeeyo aniga iyo asaga, warqadaana macno gooniya iima lahan sababtoo ah sharci maaha,” ayuu yiri Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel). Waxa uu sheegay in arrinta golaha deegaanka degmada Balambal laga faafiyey warar been abuur ah, balse ka wasaarad ahaa ay u arkaan in sidii ugu habooneed ay u soo dhiseen xubnaha golaha deegaanka degmada Balambal ee Galmudug. Sidoo kale Cabdi Waayeel ayaa sheegay in madaxweyne Qoor Qoor uusan soo saarin amar lagu joojinayo dhismaha golaha deegaanka Balambal, xilli saacadihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Wasiir Cabdi Waayeel uu dhegaha ka fureystay amar uu madaxweyne qoor Qoor ku joojiyey dhisamaha golaha deegaanka Balambal. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga fal-celiyey xil ka qaadistii uu maanta madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku sameeyey wasiirkii arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel). Xildhibaanka ayaa xil ka qaadista Cabdi Waayeel la xariiriyey xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo ee Jubbaland, isagoo sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo wakiil uga ahaa inuu xasarad ka abuuro Galmudug, sida uu hadalkiisa u dhigay. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Wasiir Cabdi Waayeel oo ka hor-yimid xil ka-qaadistii lagu sameeyey (Dhageyso) appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga fal-celiyey xil ka qaadistii uu maanta madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku sameeyey wasiirkii arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel). Xildhibaanka ayaa xil ka qaadista Cabdi Waayeel la xariiriyey xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo ee Jubbaland, isagoo sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo wakil uga ahaa inuu xasarad ka abuuro Galmudug. Wasiir Cabdi Waayeel ayaa lagu eedeeyey inuu u kala eexday laba beelood oo wada dega magaalada Balambal ee gobolka Galgaduud, kadib markii uu dhawaan shaaciyey liiska gole deegaanka oo Balambal uu u dhisay, kuwaas oo ku koobnaa beeshiisa. “Cabdi Waayeel wuxuu islahaa fidnadii Farmaajo Gedo ka sameeyay mid la mid ah adiguna Galmudug ka sameey isagoo Farmaajo wakiil uga ah. Lkn Ilaahey mahadiis madaxda Galmudug goor hore ayay fahamtay dhagartiisa,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook-ga. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa madaxweyne ku xigeenka Galmudug uga mahad celiyey tallaabadii uu xilka uga qaaday Wasiir Cabdi Waayeel. “Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay iyo sida Galmudug uu uga badbaadiyay fidnada ay kula meeraysanayeen Cabdi Waayeel iyo qoloda shirkada kula ah,” ayuu yiri Mahad Salaad. Daqiiqado kadib laba habeen ka hor markii wasaaradda arrimaha Galmudug ay shaacisay liiska golaha deegaanka Balambal, waxaa si adag uga hor yimid siyaasiyiin ay ugu horeeyaan Xildhibaan Mahad Salaad iyo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Cali Yare oo beeshoodu ay wax ka degto Balambal. Wasiirka ayaa la sheegay inuu dhegaha ka fureystay amar uga yimid madaxweynaha Galmudug oo ahaa inuu hakiyo dhismaha golaha deegaanka Balambal oo ay isku heystaan beelaha Mareexaan iyo Habargidir, kuwaas hadda qarka u saaran inay isku dhacaan, waxaana la sheegay in xil ka qaadistaan lagu qaboojinayo xiisadda. Hoos ka eeg warqadda xil ka qaadista The post Mahad Salaad oo tallaabadii uu qaaday Cabdi Waayeel la xiriiriyey xiisadda Gedo appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wada inuu safar ugu ambabaxo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sida qorshaha uu yahay Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa tagi doona Kenya, kadib markii heshiis laga gaaray khilaafkii doorashada ee mudada badan soo jiitamayay, kaasi oo muddooyinkii dambe uu ku howlanaa ra’iisal wasaaraha. Xogta ayaa sheegaysa in ra’iisal wasaaraha uu casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaana lagu wadaa in safarkaan uu noqdo mid xal looga gaaro mad-madowga soo kala dhex-galay labada dal. Weli lama shaacin taariikhda rasmiga ah ee safarka Rooble, waxaase loo badinayaa toddobaadkan gudihiis. Rooble iyo Kenyatta ayaa laba toddobaad kahor si kooban ugu kulmay Jabuuti, halkaasi oo ay uga wada qeyb galeen caleemo-saarkii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Kenya ayaa hore xayiraad ugu soo rogtay duulimaadyada iskaga kala goosha labada dal, taasi oo saameyn xoogan ku yeelatay isku socodka labada dal, waxayna dad badan ku kala xaniban-yihiin caasimadaha labada dal, ayada oo go’aankan uu dhaawac xooggan gaarsiiyey ganacsatada Soomaaliyeed. Safarka Rooble ayaa waxaa la filaya in xal looga gaaro arrinta duulimaadyada, ayada oo meesha laga saarayo khilaafka soo cusboonaaday ee labada dal, xili si rasmi ah dib loogu soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ku guuleystay in dalka uu u jiheeyo dhankaa iyo doorasho, isagoo dib usoo celiyay is-aaminadii madaxda dowladda, kuwa maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaasada oo hore ugu kala tagay khilaafka doorashada. Ilaa iyo hadda lama ogo in safarka Rooble uu qeyb ka yahay is-faham ay labada dal ka galayaan arrinta qaadka oo keentay in Kenya ay xayiraad kusoo rogto duulimaadyada, midaasi oo ganacsatada qaadka Kenya ay cadaadis hor leh ku saarayaan dowladdooda Kenya. The post Xog: ROOBLE oo safar ugu baxaya KENYA + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  12. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna ku simaha madaxweynaha Cali Daahir Ciid ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiirkii arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel). Xilka qaadista Cabdi Waayeel ayaa loo cuskaday shaqo gudasho la’aan, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug. Xilka qaadista wasiirka arrimaha gudaha Galmudug ayaa daba socota xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud. PUNTLAND POST The post Galmudug: Wasiir xilka looga qaaday xiisad ka dhalatay dhisme gole deegaan appeared first on Puntland Post.
  13. Muslim Youth Austria (MJO) is filing a lawsuit against the country's controversial "Map of Political Islam," the group announced on Saturday. Source: Hiiraan Online
  14. Medina (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa beddelay astaantii ay ku qorneyd “Muslimiinta Kaliya” ee ku dhegganeyd waddo gasha Masjidka Nebiga SCW ee magaalada Medina, oo ah goobta labaad ee ugu barakeysan Islaamka kadib Makkah. Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya in waddaddii lagu fujiyey astaantaas lagu dhejiyey mid cusub oo ah “Aagga Xaramka” oo loola jeedo Xaramka Medina. Ma cadd sababta ay dowladda Sacuudiga u qaaday tallaabadan, mana jiro wax rasmi ah oo kasoo baxay, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay dhiiri-gelineyso in gaalada ay tegi karaan magaalada, xilli ay dooneyso inay sare u qaaddo dalxiiska. Qaar ka mid ah muwaadiniinta Sacuudiga ayaa amaanay tallaabadan ayaga oo sheegay inay muujineyso in boqortooyada ay dulqaad u muujineyso dadka aan Muslimiinta aheyn oo laga mamnuucay inay galaan goobaha barakeysan. Marka ay noqoto magaalada Medina, gaallada ayaa waxaa ka mamnuuc ah kaliya inay tagaan Masjidka Nebiga SCW iyo hareerihiisa, hase yeeshee magaalada kale waa ay tegi karaan. Waxay sidoo kale ku doodeen inay tani ay dhiiri-gelin karto dalxiiska kuwa aan Muslimiinta aheyn iyo dadka haysta dhaqamada iyo diimaha kala duwan, taasi oo gacan ka gaysan karta qorshaha dhaqaalaha dalkaas sare loogu qaadayo ee Vision 2030, ee uu billaabay dhaxal-sugaha dalkaas Mohamed Bin Salman. The post Sawir: Sacuudi Carabiya oo beddeshay astaantii gaallada u diideysay inay galaan Medina appeared first on Caasimada Online.
  15. Indhaha mucaashaqiinta kubbadda cagta caalamka ayaa sii jeeda gegida Estádio do Dragão magaalada Porto ee dalka Portugal, halkaas oo caawa lagu soo xirayo tartanka xiisaha iyo xamaasada badan horyaalka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league-ga. Tartankan waxaa caawa midkood ku guuleysan doonaa kooxaha reer England ee Manchester City iyo Chelsea oo soo gaaray kama dambeysta (final) tartankan, Manchester City ayaa u hanqal taageysa in ay markii ugu horreysay ku guuleysato koobkan, halka Chelsea ay dooneyso in ay markii labaad ku guuleysato tartankan sagaal sano ka dib. Sidoo kale Manchester City ayaa raadinaysa in koobkeedii saddexaad xilli ciyaareedkan ay hantido, iyadoo hore ugu soo guuleysatay Premier League-ga iyo Carabao Cup xlli ciyaareedkan, halka Chelsea ay u dagaallamayso in aanay xilli ciyaareedka ku dhamaysanin koob la’aan. Labada tababare, Pep Guardiola iyo Thomas Tuchel ayaa koobkii ugu horreeyey ku dagaalami doona, Thomas Tuchel oo sanadkii labaad oo xiriir ah yimid final-ka tartankan ayaa markan ku hamiyaya in aan laga guuleysan, halka Guardiola uu rabo in uu rumeeyo riyada Manchester City ee ah in ay markii ugu horreysay sanadkan ku guuleysato Champions league-ga. Manchester City iyo Chelsea hal mar oo kaliya ayay ku kulmeen tartamada Yurub, waxayna ahayd xilli ciyaareedkii 1970-1971, markaas oo ay iskugu yimaaddeen semi-finalka koobkii la oran jiray European Cup, xiligaas waxaa labadii kulanba 1-0 ku badisay Chelsea. Labada kooxood waxay xilli ciyaareedkan tartamadii la soo ciyaaray kulmeen saddex jeer, Chelsea ayaa labo kulan oo FA Cup iyo Premier League-ga ah badisay, halka Manchester City ay hal mar guuleysatay. Tartamada guud waxay wada ciyaareen 166 jeer, Chelsea ayaa 68 jeer guuleysatay, halka ay Manchester City badisay 58 kulan, waxayna barbaro galeen 40 kulan. Manchester City waxaa u safan doona caawa Ederson, Walker, Stones, Rúben Dias, Zinchenko, Bernardo Silva, Fernandinho, Gündoğan, Mahrez, De Bruyne iyo Foden, halka ay Chelsea u safan doonaan Mendy, Christensen, Thiago Silva, Rüdiger, Azpilicueta, Jorginho, Kanté, Chilwell, Pulišić, Werner iyo Mount. Kulanka ayaa dhici doona marka ay goor sheegtu tahay 10pm saacadda Geeska Afrika, waxaana dhexdhexaadin doona ama garsoore ka ah Antonio Mateu oo u dhashay dalka Spain. Covid-19 awgiis ayaa gegida uu ka dhacayo kulanku noqon doontaa mid maran, waxaana taageerayaasha labada kooxood iyo dadka kale ee xiiseeya kubbadda cagta ka daawan doonaan shaashadaha. PUNTLAND POST The post Kulanka caawa Man City iyo Chelsea ee kama dambeysta horyaalka Yurub appeared first on Puntland Post.
  16. The Security Council on Friday welcomed Thursday's agreement reached by the Somali federal government and federal member states leaders on elections, which may steer the country out of the political crisis. Source: Hiiraan Online
  17. Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa farriin taageero iyo is-garabtaag ah usoo dirtay Soomaaliya, kadib qaraxii xalay ka dhacay magaalada Baydhaba oo lagu dilay dad shacab ah, kuwa kalena lagu dhaawacay. Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa qaadka lagu iibiyo ee bartamaha magaalada Baydhaba, xili ay ka taagneyd saxmad aad u badan, sida ay Caasimada Online u sheegen dad goobjoog ah, waxaana uu sababay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 7 qof kale. War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in Doha ay si xooggan u cambaareyneyso qaraxaas, oo lagu beegsaday laguna dilay oo lagu dhaawacay dad shacab ah. Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar ayaa intaas ku daray in dowladda ay mowqif adag ka taagan tahay diidmada rabshadaha argagixisada, ujeeedka ay doonaan ha lahaadaan’e. Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Qatar ay tacsi u direyso qoysaska dhibanayaasha iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayna u rajeyneyso kuwa dhaawaca ah inay deg deg usoo bogsadaan. Cambaareynta Qatar ayaa imaneysa xilli Qatar lafteeda horey loogu eedeeyey inay ku lug leedahay qaar ka mid ah weerarada argagixiso ee ka dhaca gudaha Soomaaliya. Bishii July ee 2019, wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa daabacay cod maqal ah oo ay kuwada sheekeysteen nin ganacsade ah oo u dhaw Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa iyagoo kawada hadlaya qarax ka dhacay Boosaaso iyo dil isla magaalada loogu gaystay madaxii DP World ee dekadda Boosaaso. Ganacsadaha ayaa u sheegay safiirka iney ka warqabaan dilka iyo qaraxa oo sida uu sheegay ay ka dambeeyaan xulafadooda, si Imaaradka uu uga guuro magaalada Boosaaso cabsi darteed. Qaraxaas Qaraxaas, oo ay sheegatay kooxda Daacish ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof. The post Dowladda Qatar oo farriin cusub usoo dirtay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  18. Hadhaaga 215 caruur oo la xasuuqay oo ka soo jeeda dadka Asal ahaan Keneda “Canada” loogu tagay oo la helay Kamloops Indian Residential School Qalfoofka ilaa 215 caruur ah oo qaarkood ahaa saddex sano jir ayaa laga helay meel u dhow iskuul ay daganaan jireen waxna ka baran jireen caruurta qabaa’ilka loogu tagay Canada. Ra’iisulwasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa warka helitaanka haraaga caruurtan ku tilmaamay qalbi-jab. Caruurtan ayaa ahaa arday wax ka baraneysay dugsiga Kamloops Indian Residential School ee gobolka British Columbia, kaas oo la xiray sannadkii 1978-kii. Rosanne Casimir oo ah caaqilka qabiilka Tk’emlúps te Secwépemc ayaa sheegay in bulshooyinka Canada loogu tagay ay ogaayeen warka la xiriira dilka carruurta, balse ay hadda awoodeen in ay xaqiijiyaan. Wuxuu intaasi raaciyay in hadda ay hayaan su’aalo ka badan jawaabaha la sugayo. Baaritaan socday muddo lix sano ah ayaa sanadkii 2015-kii lagu ogaaday in iskuullada hoyga iyo waxbarashada isugu jiray ee sida qassabka ah loo geyn jiray caruurta ay dhaleen qabaa’ilka dadka asal ahaan leh Canada, ay ka dhaceen xasuuq dhaqameed. Kumannaan carruur ah ayaa la ogaaday in la jir-dilay, la kufsaday ama la dilay inti u dhaxaysay 1840-kii ilaa 1990-kii. Qaran News
  19. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Hindiya Virander Kumar Paul ayaa muujiyey dadaallada miro-dhalka ah ee dowladdu ay gelisay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dalalka caalamka ee dan-wadaagta la ah Soomaaliya Danjire Kumar ayaa soo gaarsiiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Hindiya, waxa uuna tilmaamay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab. Danjiraha ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliya uga mahad celiyey soo dhaweynta wanaagsan ee ay ku qaabileen, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey kobaca iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo isu-socodka. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha dowladda Hindiya horumarka muuqda ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, gaar ahaan dib u habeynta laamaha ammaanka, dhaqaalaha, dayn cafinta, dib-u-dhiska ciidamada, xoojinta dimuqraadiyadda, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Hindiya appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa sheegay in qirashadii dhowaan uu Faransiisku ku qirtay doowrkii uu ku lahaa xasuuqii 1994-kii ka dhacay Rwanda ay tahay tallaabo weyn. Mr Emmanuel Macron, ayaa intii uu ku guda jiray booqasho taariikhi ah oo uu toddobaadkan ku tagay waddankan ku yaalla bariga Africa, waxa uu qiray kaalintii Faransiiska ee dilkii 800,000 oo qof oo u badnaa qowmiyadda Tutsi, wuxuuna sheegay in kuwa ka badbaaday oo kali ah ay cafis bixin karaan. Waxa uu ku sigtay in uu raalli-gelin bixiyo, isagoo hoosta ka xarriiqay in Faransiisku “uusan lug ku laheyn” rabshadaha tooska ah. Macron ayaa qaaday tallaabo ka dheer kuwii madaxweynayaashii isaga ka horreeyay isagoo qiray in Paris ay taageertay nidaamkii xasuuqa gaystay ayna iska indhatirtay digniinaha ku saabsanaa xasuuqa. Kagame, oo hogaamiyay kacdoonka Tutsi-ga ee soo afjaray xasuuqa, ayaa si joogto ah waxa uu ugu eedeeyn jiray Faransiiska in uu ku lug lahayd dambiyadaasi. PUNTLAND POST The post Paul Kagame oo tallaabo weyn ku tilmaamay in Faransiisku qirtay Xasuuqii Rwanda appeared first on Puntland Post.
  21. Erdogan oo xadhiga ka jaray Masaajid uu dhismihiisu muran badani ka dhashay Masaajidka Taksim wuxuu qaadaya in ka badan 4,000 qof Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xarigga ka jaray masaajid laga dhisay fagaaraha Taksim ee ku yaalla magaalada Istanbul-kaas oo qorshaha dhisitaankiisa uu ka dhashay dibadbaxyo xooggan oo looga soo horjeeday sanadkii 2013-kii. Kumanaan qof oo ka qeybgalay munaasabadda ayaa buux dhaafiyay masaajidka xilli ay ku tukanayeen salaadda jimcaha. Masaajidkan ayaa ku yaalla fagaare caan ah oo astaan u ah mabaadii’da cilimaaniyadda Jamhuuriyadda Turkiga. Waxaana loo arkaa goobtan inay tahay meel qaddiimi ah oo ku xusan taariikhda Turkiga gaar ahaan aasaasihii dalkaas Mustafa Kemal Ataturk. “Masaajidka Taksim wuxuu haatan ku yaalla goob caan ah oo kamid ah astaamaha magaalada Istanbul” ayuu yiri madaxweyne Erdogan oo shaley salaaddii jimcaha kadib furay masaajidka. Wuxuu intaas ku daray in masaajidka uu yahay mid sii jiri doono, “Haddii uu Alle idmo, masaajidka meesha ayuu kusii yaalli doonaa tan iyo wakhti dambe” Wuxuu dadweynihii kasoo qeybgalay munaasabadda uu u sheegay in dhismaha masaajidka uu yahay guul taariikhi ah kadib dibadbaxyadii lagu diidanaa in fagaaraha Taksim laga dhiso masaajidka. “Haatan, ma jirto cid hor istaagi karto barnaamijkan” ayuu yiri Erdogan. Dad ku cibaadeysanayay fagaaraha Erdogan wuxuu ka hadlay sababta uu u doonayay in fagaaraha Taksim laga hirgeliyo masaajid tan iyo markii uu ahaa duqa magaalada Istanbul sagaashamaadkii. “Xitaan meel salaadda lagu tukado kama jirin fagaaraha xitaa dadka waxay ku tukan jireen warqadaha wargeysada marka ay joogaan garoonka” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Gudaha masaajidka Taksim Dadkii musalliinta ahaa ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu dhisay masaajidka, masaajidka waxaa ku xardhan astaamihii dowladdii Cusmaaniyiinta iyo naqshado casri ah, wuxuu qaadayaa in ilaa 4,000 qof. Abuzer Koç oo kamid ah dadkii kusoo tukaday masaajidka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in horraan masaajidda ay yaraayeen marka loo barbardhigo tirada dadka muslimiinta ah. Wuxuu intaas ku daray, “Allah ha barakeyo dadka suurtageliyay arrintani” Madaxweyne Erdogan oo khudbad u jeedinayay dadkii ku tukunayay masaajidka Dadka dhaleeceeya siyaasadda Erdogan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha in uu isku dayayo in uu xiddidada u siibo mabaadii’da cilmaaniga ee Turkiga. Sanadkii 2013 waxaa Turkiga ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeday in masaajid laga dhiso barxadda Gezi ee ku taalla fagaaraha Taksim, waxay sidoo kale banaanbaxyo ka dhan ah arrintaas ka dhaceen meelo ka tirsan caalamka. Mudaaharaadyadu waxay ka billawdeen qorshe ay dowladdu ku doonaysay inay dib ugu dhista fagaaro ay dadku ku nastaan. Wax ku bilowday qorshaha ay dowladda dib u dhiska uga sameyn rabtay fagaaraha ayaa markii dambe waxaa ka dhashay caro xooggan oo looga soo horjeeday siyaasadda dowladda gaar ahaan waxa dadka dibadbaxyaasha ay ku tilmaameen ‘diktaatooriyadda’ Erdogan ee sii xoogeysaneyso. Qaran News
  22. Mogadishu (HOL) - Prime Minister Mohamed Roble and Federal Member State presidents today held talks with representatives of the international community in Mogadishu barely two days after signing a crucial electoral deal. Source: Hiiraan Online
  23. Maxbuus Itoobiyaan ah oo Calooshiisa laga soo saraay masaabiir & Biro Madaxa cisbitaalka Arbaminch ee ku yaalla koonfurta Itoobiya ayaa BBC u sheegay in masaamiir gaareysa 30, biro iyo agab kale laga soo saaray caloosha nin maxbuus ahaa oo u dhashay dalkaas. Temesgen Teshome wuxuu sheegay in ninka maxbuuska ah uu ku xukunnaa 7 sano oo xarig ah, haatana laga daweynayo xannuunka dhanka dhimirka ah. Ninkan ayaa Talaadadii la soo dhaafay la dhigay cisbitaalka Arbaminch isago oo sheegayo in calool xanuun uu dareemayo ayna xaaladdiisa ay halis aheyd, sida uu sheegay Teshome. Markii dhakhaatiirta ay weyddiyeen halka laga hayo, wuxuu ku jawaabay in uu liqay masaamiir. Dhakhaatiirta ayaa markii dambe ninka maxbuuska ah caloosha ka saaray raajato (X-ray), waxaana la ogaaday in calooshiisa iyo mindhiciradiisa lagu arkay qalab ay ka mid yihiin masaamiir iyo biro. Sida laga soo xigtay Temesgen Teshome, waxaa lagu sameeyay qalliin markii la arkay in dheef -shiidgiisa uu gebi ahaanba xiran yahay. “Markii qalliinka lagu sameynayay, waxaa la ogaaday in qalabka ay dhexgaleen caloosha iyo mindhicirada, markaa waxay noqotay in si taxaddar leh loo qalo”, ayuu yiri Teshome. Ku dhawaad 30 musmaar, afar qalin, cirbad, dun iyo biro adag, ayaa laga soo saaray calooshiisa. Ka dib markii qalliinka lagu sameeyay, dhakhaatiirta waxay ninka saareen raajo kale, waxay xaqiijiyeen in calooshiisa uusan wax kale ku jirin. “Xaaladdiisa wey wanaagsan tahay, wuxuu u baahan yahay baaritaano dheeraad ah. Wuxuu liqay qalab halis ah oo caarad leh, waxaa suuragal ah in uur ku jirtiisa ay dhibaato u gesyteen,” ayuu yiri madaxa cisbtaalka. Wuxuu intaas ku daray in ninka maxbuuska ah uu u baahan yahay in mar kale baaritaan caafimaad la marsiiyo si loo baaro cunihiisa iyo baaritaan dhanka dhimirka ah. Saraakiisha ayaa BBC u sheegay in ninka maxbuuska ah in uusan horey u dareemeynin xanuun dhanka dhimirka ah, balse uu xanuunkan la soo dersay markii la soo xiray. Qaran News
  24. Waayeel ayaa laga diray shaqada kadib markii uu si iskiis ah u dhisay golaha deegaanka Balanballe taas oo ay ka hor yimaadeen Madaxweyne Galmudug iyo ku xigeenkiisa. Hoos Ka Akhriso Wareegtada xilka qaadista Source: goobjoog.com