-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay ururka SAHA (Somalilander American Health Association) oo ay ku midoobeen muwaadiniinta reer Somaliland ee ku xeeldheer arrimaha caafimaadka, kuwaas oo ku dhaqan carriga Maraykanka. Munaasibaddan oo lagu soo bandhigayey muhiimadda ay kooxdan dhakhaatiirta ahi ugu fadhiyaan guud ahaan bulshada reer Somaliland iyo kaalinta ay ka qaataan xaaladaha caafimaad ee dalka, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay wasiirka horumarinta caafimaadka, dhakhaatiirta xubnaha ka ah ururka SAHA, madax katirsan Jaamacadaha dalka, dhakhaatiir madax bannaan iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas lagu faah-faahiyey shaqooyinka muhiimka ah ee ururkani dadka u hayo iyo waxyaabaha ay doonayaan inay mustaqbalka dalkooda u qabtaan. Ugu horrayn Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Madar iyo Dr. Maxamuud Daahir Afq-qarshe oo katirsan ururka SAHA oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ururku ka kooban yahay dhakhaatiir mutaddawiciin ah oo si iskood ah isugu abaabulay inay bulshadooda wax kala qabtaan dhinaca caafimaadka, muruqooda iyo maalkoodana kaga qaybqaadanayaan sidii iyo talo iyo tusaaleba u siin lahaayeen qarankooda Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi, ayaa isaguna bogaadiyey ururka SAHA, isaga oo sheegay in ururkani wax badan la qabtay wasaaradda, islamarkaana kaalin weyn ka ciyaareen caawinta iyo la tacaalista bulshadii uu asiibay cudurka COVID-19, waqtiganna ay jiraan mashaariic muhiim u ah wasaaradda iyo bahda caafimaadka oo ay ururkani gacanta ku hayaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo gabagabeeyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay ururka dhakhaatiirta reer Somaliland ee ku dhaqan carriga maraykanka ee SAHA, waxana uu tilmaamay inay guteen waajib saarnaa oo ay ku gacan qabanayaan dadkooda iyo dalkoodaba. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu la dardaarmay xubnaha dhakhaatiirta ah ee ku bahoobay ururka SAHA, waxana uu ka codsaday inay sii wadaan dedaalka ay dalkooda ku caawinayaan, bulshadoodana ku caawinayaan, waxana uu yidhi,“Waxan ka rejaynayaa inay ururkaa sii xoojiyaan, halgankaa ay ugu jiraan inay dalkooda wax taraaan oo aqoontooda uga faa’iideeyaanna sii wadaan, qarankiinnuna wuu idiin ogyahay oo wuu idiinka mahadnaqayaaye sii wada oo hawshaas inoo sii ballaadhiya.” Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=Ahc_9u3v7-g Source
-
Kudhaa (Caasimadda Online) – Warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab ayaa maanta daabacay in weerar qorsheysan oo ay kooxda Al-Shabaab xalay ku qaaday xeebaha gobolka Jubbada Hoose lagu qabtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland. Weerarkaan oo ahaa mid qarsoodi ah ayey kooxo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeyn guri ku yaalo jaziiradda Kudhaa, waxana guriga la weeraray daganaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Sida ay baahiyeen warbaahinada taageerta Al-Shabaab, waxaa kooxdaan u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan Guddoomiye ku xigeenka Kudhaa Cumar Cabdulle oo u magac dheeraa (Cumar Afloow). Sidoo kale weerarka ayaa waxaa lagu qabtay Maxamed Cali Garaar oo ahaa madaxii ugu sareeyey ciidamada Jubaland ee ku sugan Kudhaa. Weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeyn guriga mas’uuliyiintaan ayaa la sheegay inuusan qaadan waqti badan, mana jirin iska caabin sidaas ah maadaama kooxda fulisay howlgalkaan ay ahaayeen kuwa aad u hubeysan. Kudhaa waa magaalo xeebeed ku taala koonfurta gobolka jubada hoose, waxayna magaalada Kismaayo kaga beegan tahay koonfur, waxeeyna qiyaasti u jirtaa 100Km ama 62 Mile. Inta aanan lagu magaacaabin magaca hada ee Kudhaa waxaa la oran jiray laanta Gobta iyo Kulmis . Burburkii Soomaaliya ka hor, magaaladu waxaa ahayd meel loo dalxiis tago, waxaana xiligaa imaan jiray dadka ajanabiga ah iyo maamulka gobolka. The post Al-Shabaab oo weerar qarsoodi ah ku qabatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland appeared first on Caasimada Online.
-
Helsinki city councillor Suldaan Said Ahmed (Left) will become Finland’s first Somali-background Member of Parliament when he replaces outgoing MP, and incoming Helsinki Deputy Mayor, Paavo Arhinmäki (Left). MEP Silvia Modig (Left) was initially mooted as Arhinmäki’s replacement after the latter was nominated as the Left Alliance Party’s candidate for Deputy Mayor, but Modig has since indicated her intention to continue with her role in the European Parliament. Modig says the decision was not an easy one because she greatly appreciates the work of the Finnish Parliament, but she was ultimately influenced by the fact that she has made significant contributions to climate change policy within the EU. “Every week, I get to directly influence decisions that are crucial for the climate. That is why I feel it is right for me to continue this work,” Modig said, adding that she wished Said Ahmed “wisdom and strength” for the “difficult task” ahead. “There is no bigger task in democracy than to be a Member of Parliament,” Modig stated. “I’m the first, but certainly not the last” Said Ahmed told Yle that becoming an MP is a “great honour”, and that climate policy and fostering a more inclusive society will be key topics for him in parliament. “There is a lot of work ahead. I am honoured and privileged to be able to work for a better Finland,” he said, adding that becoming Finland’s first Somali-born MP “means a lot”. “Role models are of great importance and glass ceilings are made to be broken. I’m the first, but I’m certainly not the last,” he said. Sources: YLE The post Suldaan Said Ahmed becomes Finland’s first Somali-born MP appeared first on Caasimada Online.
-
Dissident leaders in Ethiopia’s war-hit Tigray have vowed to drive out “enemies” from the region, suggesting fighting will continue despite a federal government ceasefire declaration. Prime Minister Abiy Ahmed sent troops into Tigray last November to oust the northern region’s former ruling party, the Tigray People’s Liberation Front (TPLF). He said the move came in response to TPLF attacks on federal army camps, and vowed that victory would be swift. But almost eight months on, the operation suffered a serious blow when rebels known as the Tigray Defence Forces (TDF) entered the regional capital Mekele on Monday, prompting celebrations in the streets as federal soldiers and members of an Abiy-appointed interim regional government fled. Abiy’s government then announced Monday night it was declaring a “unilateral ceasefire,” though there was no immediate response from the TDF. A statement overnight from Tigray’s pre-war government hailed the TDF advances and said Mekele was fully under its control. “The government and army of Tigray will carry out all the tasks necessary to ensure the survival and security of our people,” the statement said. “The government of Tigray calls upon our people and army of Tigray to intensify their struggle until our enemies completely leave Tigray.” Though the TDF did not hold any major cities and towns for months, its leaders have repeatedly boasted that they were regrouping in remote rural areas. Last week the TDF launched a major offensive that coincided with Ethiopia’s highly anticipated national elections, which unfolded in much of the country though not in Tigray. The results of the polls have yet to be announced, but they are widely expected to deliver Abiy a formal mandate. – ‘Difficult’ road to peace – The brutal war in Tigray has been marked by massacres, widespread sexual violence and other abuses. The United Nations has also warned that the conflict has pushed hundreds of thousands of people to the brink of famine. In announcing its ceasefire, the federal government said it would last until the end of the current “farming season” and was intended to facilitate agricultural production and aid distribution while allowing rebel fighters “to return to a peaceful road”. UN Secretary-General Antonio Guterres said Monday he had spoken with Abiy, winner of the 2019 Nobel Peace Prize, and was “hopeful that an effective cessation of hostilities will take place”. He called recent events in Tigray “extremely worrisome” saying they “demonstrate, once again, that there is no military solution to the crisis”. Britain, the United States and Ireland have called for an emergency UN Security Council public meeting, which could happen on Friday, diplomatic sources said. The Security Council has failed to hold a public session on Tigray since the war erupted, with many African countries, China, Russia and other nations deeming the crisis an internal Ethiopian affair. Throughout the fighting, Abiy has benefited from the military backing of soldiers from neighbouring Eritrea and Ethiopia’s Amhara region, which borders Tigray to the south. These forces’ involvement “will complicate a blanket application of a temporary ceasefire, which so far appears to be a mostly unilateral move by the federal government,” said Connor Vasey, analyst with the risk consultancy Eurasia Group. Should discussions on a possible political settlement actually go ahead, they “are likely to be difficult and protracted”, Vasey said. AFP The post Tigray rebels vow to drive out ‘enemies’ despite ‘ceasefire’ appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda xil-gaarsiinta, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yılmaz oo uu ka dalbaday fulinta heshiis ay hore u kala saxiixdeen labada dal. Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qaaday sidii loo dhaqan-galin lahaa heshiis iskaashi ahaa oo ay horey wasaaradda ula gashay dhiggeeda Turkiga, midaasi oo uu Safiirka ka qaadanayo door dar-dar gelin iyo fudeydin ah. Heshiiska Is-afgaradka ah ayaa dhigayay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada, oo wax ka qabaneysa shaqo la’aanta baahsan. “Aad ayaan ugu faraxsanahay safiirka inuu halkan wasaaradda nagu soo booqdo oo uu arko shaqada ka socota wasaaradda oo muhiimad weyn u leh dalka, waxay wasaradda qaadanaysaa door weyn oo taageeraya dalka inuu mar kale cagihiisa ku istaago, waxaana adeegyadii u horreeyay la gaarsiiyay bulshada kuwa ugu nugul,” ayuu yiri Wasiirka oo u mahad celiyay Safiirka kulanka kadib. Waxa uu xusay in Turkiga uu kamid yahay walaalaha garab istaaga muuqda siiyay Soomaaliya xilliga ay u baahneyd, taasi oo uu ku bogaadiyey wasiirku. Ugu dambeyntiina Mehmet Yılmaz ayaa asaguna dhankiisa ballan-qaaday in dowladda Turkiga ay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada, islamarkaana ay qeyb ka qaadanayaan arrin kasta oo xoojineysa soo kabashada dalkeena. The post DF oo Turkey ka dalbatay inay fuliso heshiis ay la gashay appeared first on Caasimada Online.
-
Jabhada TPLF oo si adag uga jawaabtay Xabad joojintii Abiy Axmed ku dhawaaqay Hoggaamiyayaasha mucaaradka Tigray ayaa wacad ku maray inay “cadowga” ka saari doonaan gobolka, taasi oo muujineysa in dagaalka uu ii socon doono inkasta oo dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin. Ciidamada Difaaca Tigray (TDF) ayaa shalay soo galay magaalada caasimadda ah ee Mekele, ayada oo ciidamadii federaalka iyo xubnaha dowladdii ku-meel gaarka aheyd ee uu magacaabay Abiy ay ka baxeen. Dowladda Abiy ayaa kadib habeenkii Isniinta ku dhowaaqday “xabad-joojin hal dhinac ah,” inkasta oo aysan jirin jawaab rasmi ah oo ka timid TDF. War-saxaafadeed kasoo baxay dowladdii ka jirtay Tigray kahor dagaalka, ayaa lagu ammaanay soo gelitaanka TDF, waxayna sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayso Mekele. “Dowladda Tigray waxay ugu baaqeysaa dadkeena iyo ciidamada Tigray inay xoojiyaan halgankooda illaa ay cadowgeena ay si buuxda uga tagaan Tigray.” Inkasta oo TDF aysan haysan magaalooyin waa weyn muddo bilo ah, haddana hoggaankeeda waxay ku cel-celinayeen inay isku abaabulayaan deegaanada baadiyaha ah. Toddobaadkii tegay, TDF waxay billaabeen howlgal weyn oo kusoo aaday doorashooyinka aadka loo sugayey ee Ethiopia ee ka dhacay dalka intiisa badan, marka laga reebo Tigray. Xabad-joojinta ay habeenkii Isniinta ku dhowaaqday dowladda federaalka ayey ku sheegtay inay socon doonto illaa dhammaadka “xilliga beerashada”, loogana dan leeyahay in lagu fududeeyo wax soo saarka beeraha iyo qeybinta gargaarka, looguna ogolaanayo dagaal-yahanada mucaaradka “inay kusoo laabtaan waddada nabadda”. Dhanka kale, warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkii dhowaanahan ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya ay yihiin “kuwa aad looga walaaco.” Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkani ay caddeynayaan in uusan jirin xal militari oo dhibaatooyinka lagu soo afjari karo. “Waxa aan hadda la hadlay ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa aanna ku raja weynahay in la joojiyo colaadda. Waa lagama maarmaan in la badbaadiyo dadka rayidka ah, dadka baahanna la gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo, islamarkaana la helo xal siyaasadeed,” ayuu yiri Xogahayaha Guud ee QM Antonio Gutterres. Qaran News
-
Madaxweynihii hore ee dalka south africa Jacob Zuma ayaa lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah kadib markii uu ka dhaga laabtay amar ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka oo ahaa in uu maxkamadda hor yimaado si loo dhageysto eedo loo heysto . Xukunka maxkadda ayaana yimid kadib markii loo yeeray Bishii February si gal dacwadeedkiisa loo bilaabo, madaxweeynihii hore ee koonfur afrika . Zuma ayaa lagu soo eedeyay in uu ka dambeyay Musuq maasuq iyo eedo dhaqaale oo uu sameyay intii u dhaxeysay sanadihii 2009-kii ilaa iyo 2018-kii. Horay ayeey aheyd markii Zuma uu sidoo kale sheegay in aysan waxba ka jirin kiiska loo heysto ee maxkamadda horyaalay xilligaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ex-Madaxweyne Jacob Zuma oo lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah Maxkamada ugu sarreysa dalka South Africa ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ku xukuntay 15 bil oo xabsi ah, kaddib markii ay ku heshay dambi ah inuu ixtiraam darro ku sameeyay amar ka soo baxay maxkamadda oo ahaa inuu horyimaado, si loo dhageysto eedeymo loo heysto. Eedeymaha loo heysto madaxweyne Zuma waxaa ka mid ah musuq-maasuq iyo fadeexooyin dhaqaale intii u dhexeysay sanadkii 2009 ilaa 2018 ee uu ahaa madaxweynaha South Africa. Go’aanka maxkamadda dastuuriga ah ay ku amartay xarriga Zuma ayaa yimid shan bilood kaddib markii maxkamaddu ka codsatay inuu horyimaado, si wax looga weydiiyo musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay bishii February, waxaana kiiska Zuma horkacayay ku xigeenka xeer-ilaaliyha guud Raymond Zondo, sida ay qortay wakaladda wararka ee Reuters. New York Times ayaa qortay in Zuma si geesinimo ku jirto u diiday amarka maxkamadda. Zuma, kaliya ma diidin inuu maxkamadda horyimaado, hase yeeshee wuxuu sidoo kale ku gacanseyray jiritaanka kiiskan iyo inuu is difaaco. Qaran News
-
Qaramada Midoobay ayaa si adag uga hadashay xiisadda colaadeed ee ka aloosan Gobolka Tigray ee waddanka Ethiopia. War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan looga muujiyay colaadda ka taagan Tigray kadib markii jabhadda TPLF la wareegtay magaalada Mekele. Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkani ay caddeynayaan in uusan jirin xal militari oo dhibaatooyinka lagu soo afjari karo. “Waa lagama maarmaan in la badbaadiyo dadka rayidka ah, dadka baahanna la gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo, islamarkaana la helo xal siyaasadeed,” ayuu yiri Bayaankaas. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo si adag uga hadashay colaadda Gobolka Tigray appeared first on Puntland Post.
-
Mekele (Caasimada Online) – Hoggaamiyayaasha mucaaradka Tigray ayaa wacad ku maray inay “cadowga” ka saari doonaan gobolka, taasi oo muujineysa in dagaalka uu ii socon doono inkasta oo dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin. Ciidamada Difaaca Tigray (TDF) ayaa shalay soo galay magaalada caasimadda ah ee Mekele, ayada oo ciidamadii federaalka iyo xubnaha dowladdii ku-meel gaarka aheyd ee uu magacaabay Abiy ay ka baxeen. Dowladda Abiy ayaa kadib habeenkii Isniinta ku dhowaaqday “xabad-joojin hal dhinac ah,” inkasta oo aysan jirin jawaab rasmi ah oo ka timid TDF. War-saxaafadeed kasoo baxay dowladdii ka jirtay Tigray kahor dagaalka, ayaa lagu ammaanay soo gelitaanka TDF, waxayna sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayso Mekele. “Dowladda Tigray waxay ugu baaqeysaa dadkeena iyo ciidamada Tigray inay xoojiyaan halgankooda illaa ay cadowgeena ay si buuxda uga tagaan Tigray.” Inkasta oo TDF aysan haysan magaalooyin waa weyn muddo bilo ah, haddana hoggaankeeda waxay ku cel-celinayeen inay isku abaabulayaan deegaanada baadiyaha ah. Toddobaadkii tegay, TDF waxay billaabeen howlgal weyn oo kusoo aaday doorashooyinka aadka loo sugayey ee Ethiopia ee ka dhacay dalka intiisa badan, marka laga reebo Tigray. Xabad-joojinta ay habeenkii Isniinta ku dhowaaqday dowladda federaalka ayey ku sheegtay inay socon doonto illaa dhammaadka “xilliga beerashada”, loogana dan leeyahay in lagu fududeeyo wax soo saarka beeraha iyo qeybinta gargaarka, looguna ogolaanayo dagaal-yahanada mucaaradka “inay kusoo laabtaan waddada nabadda”. Dhanka kale, warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkii dhowaanahan ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya ay yihiin “kuwa aad looga walaaco.” Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkani ay caddeynayaan in uusan jirin xal militari oo dhibaatooyinka lagu soo afjari karo. “Waxa aan hadda la hadlay ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa aanna ku raja weynahay in la joojiyo colaadda. Waa lagama maarmaan in la badbaadiyo dadka rayidka ah, dadka baahanna la gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo, islamarkaana la helo xal siyaasadeed,” ayuu yiri Xogahayaha Guud ee QM Antonio Gutterres. Isha: AFP + VOA The post Wararkii ugu dambeeyey ee Tigray iyo mucaaradka oo soo saaray go’aan culus appeared first on Caasimada Online.
-
There’s a new reality in Ethiopia: the Tigray Defense Force has defeated the Ethiopian National Defense Force. In a series of battles over the last two weeks, the TDF has broken the back of the ENDF and taken control of most of Tigray. The armed forces do not possess the leadership, capacity, resources, or time to rebuild from their recent rout. PM Abiy Ahmed has been taking the line that the troubles in Tigray are only a road bump on the track to a great Ethiopia. It appears that the road bump has broken the chassis of his great Ethiopian project. If Abiy acts according to form, he will deny the reality, blame everyone except himself, and ratchet up the level of incitement and vengefulness. Given that those are the habits that have got him – and Ethiopia – into this crisis, it seems probable that more of the same will only deepen the problem, perhaps to a point at which the country cannot recover. Having long dismissed any calls for a ceasefire, the Ethiopian government has declared a ‘ceasefire.’ It’s an empty statement. Prime Minister Abiy and Foreign Minister Demeke Mekonnen don’t have an army in Tigray capable of firing a shot. The Ethiopian ‘ceasefire’ keeps Eritreans in occupation of substantial parts of Tigray and has no provisions for humanitarian access. They declared a unilateral ceasefire because they don’t want to open negotiations with the TDF/TPLF. But that is what they will have to do if they are serious about the political future of the country. A ceasefire can mean many things. The Ethiopian ‘ceasefire’ keeps Eritreans in occupation of substantial parts of Tigray and has no provisions for humanitarian access. It could be an armed truce to try to rearm while continuing to use hunger as a weapon, blockading Tigray. A peace mediator would want the parties to negotiate on a full package of items to constitute a comprehensive ceasefire. These would include protection of civilians, humanitarian access, release of prisoners, redeployment of foreign forces out of the contested zone, third party monitoring, investigation of war crimes and steps towards political negotiations. Abiy managed to sustain the myth that he was a victorious warrior for just long enough for him to win acclaim from an electorate desperate for a strong leader. He could use that mandate to reverse course and negotiate with the TPLF/TDF on equal terms. Such humility is necessary but would be out of character. The TDF won its battles without external support, though it was helped on its way by some remarkable miscalculations by the ENDF generals, and probably by Abiy himself. The TDF has not yet engaged the Eritrean Defense Force at scale. The EDF is a tougher proposition than the ENDF. President Isaias Afewerki may decide to deepen his involvement in Ethiopia, thereby escalating and broadening the war, or he could decide instead to withdraw. Isaias will take that decision solely in his own interest, but the TDF could also force his hand, as their view is that they cannot be secure while he remains in power, and they have a better chance of a decisive military victory while the EDF is inside Tigray. The last eight months of slaughter, atrocity and destruction have demonstrated two elementary truths. First, the war has proven the old TPLF adage that a people, politically aware, mobilized, and armed, cannot be ruled against their will. Second, it has shown that the dream of a great martial imperial Ethiopia was a dangerous illusion, and those who believed in it have led their country towards collapse. There should be a ceasefire – but not the empty words of the Federal Government today. What’s needed is a comprehensive ceasefire as the basis for protecting civilians, ending famine, removing Eritrean forces, and bringing about a definitive political settlement. Alex de Waal is the Executive Director of the World Peace Foundation at The Fletcher School of Law and Diplomacy at Tufts University. Considered one of the foremost experts on Sudan and the Horn of Africa, his scholarly work and practice has also probed humanitarian crisis and response, human rights, HIV/AIDS and governance in Africa, and conflict and peace-building. Source: Eritrea Hub The post New Realities in Ethiopia by Alex de Waal appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamada ugu sarreysa dalka South Africa ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ku xukuntay 15 bilood oo xabsi ah. Ex. Madaxweyne Jacob Zuma ayaa lagu helay in uu ixtiraam darro ku sameeyay amar ka soo baxay maxkamadda oo ahaa in uu horyimaado, si loo dhegaysto eedeymo loo heysto. Eedeymaha loo heysto madaxweyne Zuma waxaa ka mid ah musuq-maasuq iyo fadeexooyin dhaqaale intii u dhexeysay sanadkii 2009 ilaa 2018 ee uu ahaa madaxweynaha South Africa. Go’aanka maxkamadda dastuuriga ah ay ku amartay xarriga Zuma ayaa yimid shan bilood kaddib markii maxkamaddu ka codsatay inuu horyimaado, si wax looga weydiiyo musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay bishii February. PUNTLAND POST The post Ex. madaxweyne Jacob Zuma oo xabsi lagu xukumay appeared first on Puntland Post.
-
Shirka ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, oo uu weheliyo Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho. Shirka waxa ka qayb-galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynahaa Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo khadka Zoom-ka uga qayb-galaya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish. Madaxda oo maanta dhegaystay warbixinta farsamo ee Arrimaha Doorashada, ayaa qaabilay xubno ka socda Haweenka Soomaaliyeed oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Haweenka, Kulanka ayaa looga hadlay doorka Haweenka iyo sidii ay kooto kufilan uga heli lahaayeen labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka golaha wada-tashiga qaranka, kaas oo galay maalintiisii labaad oo xiriir ah. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, halka ay goobjoog yihiin hoggaamiyeyaasha maamul goboleedka dalka iyo sidoo kale duqa Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Intiisa badan waxaa shirka diirada lagu saarayaa dardar-gelinta doorashada iyo wixii ka qabsoomay heshiiska 27-kii May lagu gaaray magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa fadhiga maanta ee shirka ka socda Teedhanada Afisyooni warbixin looga dhageysan doonaa guddiga farsamada ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble. Qaar ka mid ah qodobada qaar ee doorashada ayaa sidoo kale la’isku hayaa, waxaana xogta ku helnay in madaxda qaar maamul goboleedyada ay doonayaan in ergada lagu soo koobo 51, halka ay hadda ka yihiin 101, sida ku qoran heshiiskii doorashooyinka. Dhankooda Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, ayaa taasi beddelkeed rabay in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya magaalooyinka Jowhar iyo Kismaayo, iyada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaarey, sida ku cad heshiiska la gaaray 27-kii May ee sanadkan. Si kastaba gabagabada shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno wax ku ool ah oo lagu wajahayo qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Soomaaliya ayaa waxaa ku dheeraaday ka gudubka xaaladda guurka ah, taas oo sababtay in khilaaf xoog-leh uu ka dhasho doorashooyinka, walow haatan heshiis laga gaaray. The post Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Muqdisho oo galay maalintiisii laabaad appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopia’s government declared an immediate, unilateral cease-fire Monday in its Tigray region after nearly eight months of deadly conflict as Tigray fighters occupied the regional capital and government soldiers retreated in a region where hundreds of thousands are suffering in the world’s worst famine crisis. Source: Hiiraan Online
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka qeyb-galayey munaasabad lagu doortay maamulka degmada Jariiban ee gobolkaasi ayaa waxa uu ka jeediyey khudbad xasaasi ah. Sanyare ayaa khudbaddiisa uga hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira nolosha bulshada, sida bixinta canshuuraha, xoojinta amniga iyo horurmarka deegaanadaasi. Guddoomiyaha ayaa ku booriyey shacabka ku dhaqan Jariiban in aysan sugin wax la siiyo, balse looga baahan yahay inay iyagu wax qabsadaan, ayna bixiyaan canshuurta maamulka. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa tusaale yaab leh usoo qaatay dadka mad-madow iyo kuwa cad-cad, isaga oo kala jeedo dadka ku nool qaaradda Afrika iyo kuwa cadaanka ee qaaradaha kale, sida Yurub, wuxuuna tilmaamay in marka is-bar bar dhig lagu sameeyo ay horumarka & wax soo saarka ay ku horeeyaan dadka cadaanka ah. “Dadka madow-madow waa dad kharriban waxa kama soo baxaan, maskaxdoodu Product ma leh, wixii la siiyay cunaan, dadka cad-cad ee horumaray ee gaajada ka cararay ee iyagu liibaanay, waxay ku liibaaneen dadkooda canshuurta baxshay” ayuu yiri guddoomiyuhu. Ugu dambeyn gudoomiye Cabdiladiif Axmed Muuse ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Jariiban inay si dhow u la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo doortay degmadaasi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo deegaanada Puntland ay ka jiraan cabasho xoogan oo bulshada ay ka muujineyso lacagaha canshuuraha & sicir barar ka jira deeganada qaar. The post Sanyare: Dadka madow-madow waa dad kharriban waxaa liibaanay dadka cad-cad appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka ayaa sheegay in ay fursad doorasho qof iyo cod ah dalka looga qaban lahaa ay ka qasaartay . Qoraal GMDQ ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ay sanad ka soo wareegatay xilligii guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ay baarlamaanka ka horjeediyeen jadwal doorashoo oo dalka looga qabanayo doorasho qof iyo cod ah . Xaliima Ibraahim Ismaail Yareey ayaa mudanayaasha golaha shacabka 27-kii june u soo bandhigtay laba hab doorasho oo dalka guddiga u dajiyen in ay ka qabtaan . ” 27-ka Juun waxay ku beegan tahay sanad markii NIEC ay soo bandhigtay warbixin iyo laba soo jeedin doorashada ah oo ay u soo gudbisay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, taasoo qeexaysa habsami u socodka doorashada 1 qof 1 cod.” a) Soo-jeedintii ugu horreysay waxay ku salaysnayd isla maalintaas diiwaangelinta gacanta oo ku dhammaan lahayd bisha April 2021″ ayaa lagu yiri qoraalka guddiga doorashooyinka . GMDQ ayaa sidoo kale qoraal kooda intaas ku daray in nooca labaad ay soo bandhigeen xilligaas uu ahaa nuuc dalka ay doorasho qof iyo cod ah kaga qabanayaan iyadoo la adeegsanayo hanaanka casriga ah. “b) Soo jeedinta 2aad waxay ku salaysnayd diiwaangelinta jismiyeed, taasoo ahayd in la dhaqan geliyo bisha Ogos 2021. Hindisaha NIEC wuxuu ahaa in dadka Soomaaliyeed awood loo siiyo inay doortaan hoggaanka dalka iyo in la xoojiyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.” ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay GMDQ . Ugu dambeyn qoraalka lagu daabacay Twitter-ka ayeey ku sheegen in umadda soomaaliyeed ay ka qasaartay Fursad mujiim ah . “Waxay ahayd fursad la seegay dadka iyo dalka”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa saaka dagan xaaladda magaalada Mek’ele ee gobalka Tigrega kadib markii ay xalay la wareegen ciidamada TPLF. Ciidamada xoreynta tigreega ee magacooda loosoo gaabiyo TDF ayaa lagu arkayaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada, xilli shacabka ay soo dhaweyn ciidamada markii ay soo galeen caasimadda . Jabhaddan oo dib isku soo abaabushay kadib markii uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, sheegay in uu dagaal kaga adkaaday ayaa wacad ku martay in ay xukuumadda kala wareegi doonto deegana badan. Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabad joojin gobolka ay dagaalladu halakeeyeen ee Tigreega, xilli xaaladda jawigu uu cakiran yahay. Dhinaca kale TPLF ayaa ku gacan seertay xabad joojinta uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy, iyagoo sheegay in ay dhamaan gobalka ka saarayaan Cadawga (Dowladda Itoobiya). Macadda khaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalada TPLF iyo ciidamada Itoobiya 24-ki saac ee la soo dhaafay dhex maray . Dhanka kale Wasiirkii hore ee caafimaadka Itoobiya dowladdii Hailemariam Desalegn hadana ah agaasimaha guud ee hay’adda caafimadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus, Ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka markii TPLF la wareegtay Mak’ele ku ” Runta ayaa guuleysata” . Qoraalka uu soo dhigay ayaa lagu sheegay in uu yahay mid uu ku taagerayo la wareegitaanka TPLF ee Mak’ele. Truth prevails. — Tedros Adhanom Ghebreyesus (@DrTedros) June 28, 2021 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Faarax Macalin Dawaar oo mar soo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dib usoo celinta xiriirka wadamada Soomaaliya iyo Kenya. Faarax Macalin ayaa sheegay in marka hore loo baahnaa in aan lagu deg-degin go’aankii ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay dalka Kenya, haddii aysan ku adkeysan karin. Sidoo kale wuxuu dhaliilay in haatan dib loo soo celiyo xiriirkaasi, isaga oo ku tilmaamay inay tahay arrin nasiib darro ah, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in weli ay taagan yihiin eedaha ay Soomaaliya ka tirsaneysay Kenya, wuxuuna intaa ku daray inay sharaf dhac ku tahay arrintan dadka ka shaqeynaya soo celinta xiriirka. “Shalay adoo goysay xaaladdii aad ka andacootana aysan waxba iska bedalin, bal ay ka sii ballaaran tahay, hadane in maanta aad ku baryooto in adiga aad soo celiso waa nasiib xumo weeyaan,”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka wadanka Kenya. Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay weli Kenya faro-gelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isaga oo tusaale usoo qaatay socdaalkii madaxweyne Muuse Biixi uu ku tegay magaalada Nairobi i iyo sidoo kale kulmada mucaaradka ay ku yeeshaan dalkaasi. “Faro-gelinta waxaa ka mid ah Somaliland waa Muuse Biixi oo inta imaaday, Axmed Madoobe, Deni iyo mucaaradka oo dhan oo si joogto ah inta loogu hayo, si loogu adeegto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka dalka Kenya. Hadalka Faarax Macalin iyo eedeyntiisa ka dhanka ah dowlada Soomaaliya ayaa dad fara badan la yaaab ku noqday, maadaama uu siyaasigan ka mid ahaa dadka sida aadka ah u taageersanaa madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo. . The post Faarax Macalin oo dhaliil culus u jeediyey DF Soomaaliya – Maxaa is-bedalay? appeared first on Caasimada Online.
-
“Kululaatay Soomaalidii Kebeddu saarayde, Kari Waaye kuwii lahaa Koloni weeyaane” Waa Ereyadii Marxuum Maxamuud Ducaale oo Magaalada Addis Ababa ku noolaa, markii ay neecowda xornimo heerkii ugu sarraysay ay ka gaadhay deegaanka Soomaaliyeed iyo Qaarada Afrika. Dhallinyaro, ma ogtihiin in xilligaa neecowda xornimo ka dhacaysay Qaarada Afrika, inay ku jirtay maalintii ugu madoobayd ee abid soo marta Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. Waa Maalintii aan xornimadeenna u hurnay sidii loo rumayn lahaa riyada Soomaali weyn. Waa maalintii Saxaafadda caalamku nagu tilmaantay in aan nahay dal iyo dad diiday inay noqdaan Jamhuuriyad Madaxbannaan. Waa 1-dii July 1960kii. Waa maalinta lagu tilmaamay inay ahayd maalinta is-raaca labadii dal ee ugu horreeyey deegaannada Soomaaliyeed ay xoroobeen. Hase ahaatee, waa maalintii dhaqankii madaxdii Soomaaliya ay xabaasha u qodeen himiladii Soomaali, meel kasta oo ay joogto, waana maalintii kafanka loo tolay riyadii Soomaali weyn. Waa maalintii dhaqankii madaxda Soomaaliya ee wacyiga Siyaasadeed ee caalamka iska indho-tiriyey ama aan aqoonta u lahayn ay seeska u dhigeen sababihii dhaliyey in Jamhuuriyadda Somaliland la soo noqoto xornimadeedii. Xornimadaa oo ay u gashay halgan hubaysan oo aad u qadhaadh, waana maalintii aragtidii fogeyd ee Somaliland ay warbaahinta caalamku ay khalad ka fahmeen. Dhallinyaro, maalintaas madow waxa ka dhashay in Somaliland u hurtay saddexda jago ee dal ugu sarreeya, waxaanay taasi dhaxal siisay inay afar xubnood oo kaliya ku yeelato Golaha Wasiirrada. Marxuum Axmed Keyse oo noqday Wasiirka Beeraha, kormeerkiisii ugu horreeyey ee uu ku soo maray beerihii Jilib, Jamaame iyo Koonfurta Soomaaliya, wuxuu arkay inay gacan shisheeye ku jiraan, Soomaalidii ka shaqeynaysayna si aadminimada ka baxsan loola dhaqmayo. Warbixintii socdaalka markii uu Golaha Wasiirrada ku soo celiyey, qorshiisiina u soo bandhigay waxay ku tilmaameen “Waa Soomaali Qaldaane’ ee ha la yaabina”. Siduu maalintaas Soomaaliya uga baxay Axmed Kayse waxa uu dalkiisa Hooyo oo Jamhuuriyadda Somaliland ah uu yimid kadib markii ay xornimadeeda la soo noqotay. Dhallinyaro, doorashadii 1967-kii ka dhacday waxa Ra’iisul-wasaare loo magacaabay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Tallaabooyinkii uu qaaday waxa ka mid ahaa; in bulshada Soomaaliyadii Talyaanigu u talinayey qaybo bulshadeeda ka mid ahi in xuquuqo badan oo ka maqnaa inuu wax ka qabto. Tallaabooyin kale oo aanay jeclaysan kuwii tagri falayey maamulka wax buu ka qabtay, waana arrimaha ay ka dhasheen in markuu Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke la dilay dalka ay ciidammadu afgambi ku qabsadeen. Inkastoo ay yidhaahdaan wuxuu ahaa kacaan. Dhallinyaro, Golihii Sare ee Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre madaxda u ahaa, waxa Ku-xigeen u ahaa Jaamac Cali Qoorsheel oo u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland. Dhallinyaro, in aanay Soomaaliya waxba u ogolayn Somaliland waxa caddayn u ah, in muddo sannad ka yar gudaheeda lagu eedeeyey in kaligii isku dayey inuu afgambi ku sameynayo. Askari qudha ama shakhsi kale oo eedayntaa lagu daray haba yaraatee may jirin. Dhallinyaro, waxa ka sii yaab badnayd in mudaharaadkii ugu weynaa ee sannadahaas uu ka dhaco magaalada Muqdisho, iyadoo la taageerayo eedaas beenta ah oo ku salaysnayd in xilka madaxweynenimo laga ilaaliyo qof u dhashay Somaliland, haddii uu Siyaad Barre dhinto ama hawsha qaban kari waayo. Dhallinyaro, ma ogtihiin waxa maalintii madoobayd ka dhashay, waxa ka mid ahaa: • NFD oo afti laga qaaday, natiijadeedu wax kasta oo ay ahaan lahayd, waxay noqotay mid aan waafaqsanayn aragtida siyaasadeed ee dalalka horumaray ka qabeen qaab maamuleedka Soomaaliya. • Dagaalkii Itoobiya iyo Jamhuuriyaddii dimuqraadiga ee Soomaaliya 1977-1978 dhex maray, dalalka Ruushka iyo Kuuba si cad ayey ula safteen Itoobiya. Saaxiibadii Soomaaliya wax ka filaysayna faraha ayey ka laabteen. • Jabuuti oo la filayey inay noqoto dalka saddexaad ee is-raaca ku biira, waxay ku waayo-aragtay waxa Somaliland qabsaday. Waxay ka guurtay magacii Soomaali. waxay la baxday deegaanka Ciise iyo Canfar, ugu dambayntiina waxay qaadatay Jamhuuriyadda Jabuuti. • Somaliland soddon sanno ka bacdi, halgankii ay gashay iyo la soo noqoshadii xornimadeeda horumarka ay gaadhay dunida kama qarsoona maanta. Waxaan leeyahay maamulka Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, 61 sannadood ka hor xabaashii uu u qoday shanta deegaan ee Soomaaliyeed, afar ka mid ahi way ka nabadgaleen. Waxa maanta xabaasha qarkeeda saaran Soomaaliya oo kaliya, waxaanan uga baqayaa in taliska maantu sabab u noqdo in magaca Soomaaliya laga waayo khariidadda adduunyada. By; Suxufi Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland. Source
-
Kenyan leaders are ready to work closely with the Republic of Somaliland to build trade and social networks in the region. Source: Hiiraan Online
-
Regional competition on ports is shaping up as Somaliland and Tanzania angle themselves to give Kenya a run for its money in shipping and logistics. Source: Hiiraan Online
-
1.mr Khaliif Oo 3 Sano Ugu Danbeeyey Wuxuu Aad Ugu Mashquulsanaa inuu Hanto Kursigaasi Isagoo Olole Xoogan U Galay Wado Kasto Oo Loo Mari Kursigaasi Halka Xildhibaan Faratoon 3 Bilood Ugu Danbeeyey La Maqlay Dhawaaqiisa Gudoomiyenimo. 2.Gudoomiye Xisbiga Waddani Oo Waayo Aragnimo Weyn U Leh Nidaamka Golaha wakiilada Iyo Shirgudoonka Ayaa Ka Caawinaya Kursigaasi Sidii U Fuuli Lahaa Waana Shax Culus Dr Ciro Sxbkiisa U Dajiyey 3.Aqbaliyad Golaha Wakiilada Oo Isbahaysigu Mucaaridka U Badan Yihiin 52 Ay Haystaan Ayaa Soo Dadajijanaya In Cabdirisaaq Khaliif Kursigaasi Hanto Iyadoo Hadalado Kulul Wasiirada Xukumada Madaxweyne Muuse Jeediyeen Ay Wadada U Xaadhayso In Culays Weyni Haysto Xildhibaan Yaasiin Faratoon 4.Shacabka Soomaliland Badankoodu Waxay Danaynayaan Gole Wakiilo Oo La Xisaabtama Xukumada Wakhtigan Talada Haysa Waxay Ka Daalaan Gole Gacansaar La Leh Kolba Xukumada Jirta Waxaa Qoray Xamse Cali Bulbul Source