Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,116
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mareykanka oo weeraray Bar-tilmaameedyo “kooxo” ay taageerto Iran Kataib Hezbollah Duqeymo Mareykanka ay fuliyeen oo ka dhan ah maleeshiyo ay Iran taageerto oo ku sugan xuduudda Iraq iyo Syria ayaa lagu dilay ugu yaraan toddoba dagaal-yahan, saacadihii hore ee Isniintii. Weerarkan ayaa dhaliyey baaqyo deg deg ah oo ku saabsan in laga aarguto, wuxuuna sare u qaaday cabsida laga qaabo inay kasii darto xiisadda Washington iyo Tehran. Duqeyntan oo ah tii labaad ee nooceeda ah ee lala beegsado bartilmaameedyo ay taageerto Iran, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa Pentagon-ka wuxuu ku qeexay “aargudasho”, waxeyna kusoo aaday ayada oo la isku dayayo in dib loo soo nooleeyo heshiiska barnaamijka nukliyeerka Iran. Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka John Kirby ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in saddex xarun oo militari oo ay adeegsato maleeshiyo ay Iran taageerto, la garaacay – Laba ku yaalla Syria, iyo mid Iraq ah. Kirby ayaa sheegay in bartilmaameedyada ay adeegsadaan “maleeshiyo ay Iran taageerto, oo ku lug leh weeraro loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (drone) oo ka dhan ah shaqaalaha iyo xarumaha Mareykanka ee Iraq.” Kataeb Hezbollah iyo Kataeb Sayyid al-Shuhada, oo ah laba koox oo hubeysan oo Iraqi ah, islamarkaana xiriir dhow la leh Tehran, ayaa ka mid ah “maleeshiyooyin dhowr ah oo Iran ay taageerto” oo xarumahan adeegsada, sida uu sheegay Kirby. Danaha Mareykanka ee Iraq, halkaasi oo ay ku sugan yihiin 2,500 oo askar Mareykan ah, ayaa waxaa sanadkan lala beegsaday 40 weerar, oo isugu jira kuwa loo adeegsaday drone, iyo gantaallo toos ah. Qaran News
  2. Sababta walaac looga muujiyay qorshaha muranka bdan dhaliyay ee uu wado M/weyne Erdogan? Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkiga RecepTayyip Erdogan ayaa dhawaan xarigga ka jaray mashruuc kanaal looga dhisayo magaalada Istanbul si loo yareeyo saxmadda ka dhalatay marinka mashuuqlka badan ee ku ee ku yaalla gacanka magaaladaas. Mashruucan oo kacaya 15 bilyan oo doolar ayuu Erdogan ku sheegay mid lagu han-weyn yahay isla markaana ka shaqeynayo danaha shacabka ku nool dalkaas. “Waxaan u aragnaa mashruuca kanaalka Istanbul in uu yahay midkii mustaqbalka badbaadin lahaa magaalada, waxaan fureynaa bog cusub oo ku saabsan taariikhda horumarka Turkiga” ayuu yiri Erdogan xilli uu ka hadlayay munaasabadda lagu dhagax dhigayay mashruuca. Sida laga soo xigtay dowladda Turkiga, mashruuca wuxuu qaadaan ilaa lix sano balse dadka dhaleeceeyo arrintani ayaa ku tilmaamay in mashruuca uu saameyn ku yeelan doono deegaanka. Marka la dhameystiro mashruuca kanaalka waxaa maalin kasta isaga kala gooshi doonaa ilaa 160 maraakiib ah. Waxaa la qorsheynayaa in masaafo ahaan uu ku fadhin doono ilaa 45 kilo mitar, wuxuuna mari doona waqooyiga illaa koonfurta Istanbul, oo galbeedka ayuu ka xigi doonaa marinka Bosphorus. Dadka dhaleeceya mashruucan ayaa ku tilmaamay mid ‘waalli ah’ oo waxyeelleyn u geysanayo bilicda deegaanka iyo biyaha. Halka dadka qaar ay ku andacoonayaan in mashruucan uu Turkiga u horseedi doono in deymo badan uu soo amaahdo. Waxay ku doodayaan in mashruuca uu burburin doono nolaha badda iyo isla markaana uu halis gelin karo biyaha macaan ay helaan shacabka Istanbul. Qaar kamid ah ururada beeraleyda Turkiga ayaa sheegay in mashruucan uu ka qeyb qaadan doono burburinta tuulooyin dhowr ah. Qaar kamid ah saraakiisha uga sarreysa ee ka shaqeeya bangiyada Turkiga ayaa sheegay in qaar kamid ah bangiyada ugu weyn ee ka jira dalkaas in aysan dan ka laheyn maalgelinta mashruuca maadama ay walaac ka muujinayaan dhibaata deegaan iyo midda dhaqaale ee ka dhalan karta, sida ay ku warrantay Reuters. Marinka Bosphorus oo ay aad u isticmaalaan maraakiibta, waa goobta kaliya ee biyo ah ee Badda Madow ku xirta badda Mediterranean-ka. Kanaalka qorshihiisa xarigga laga jaray ayaa noqon doona marin kale. Haataan waxaa Bosphorus sanadkiiba maraa 43,000 oo maraakiib ah kuwaas oo ciriiri kala kulma marinka, wakhti badan ku qaata halkaas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Xiritaankii saraakiisha howlgabka ahaa Bishii April ayay aheyd markii Turkiga xiray 10 admiraal oo howlgab ah ka dib markii ay si cad u dhalleeceeyeen mashruuc kanaalka wayn looga dhisayo magaalada Istanbul, arrintaas oo uu garwadeen ka yahay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Dadkaas la qabtay waxay ka mid yihiin 104 saraakiil sare oo howlgab ah oo saxiixay warqad furan oo ay uga digayaan ka bixitaanka heshiis caalami ah oo loo adeegsado maamulka marinka Bosphorus ee istaraatiijiga ah. 10-ka admiral ee la xiray waxaa ka mid ahaa Cem Gurdeniz, oo badanaa lagu tilmaamo inuu yahay aabaha siyaasadda badda ee cusub ee uu muranka badan ka dhashay ee loo yaqaan “Blue Homeland”. Horraantii sanadkan ayay aheyd markii dowladda Turkiga ay meelmarisay qorshayaasha Kanaalka Istanbul. Qaran News
  3. Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay Shirkii Wadatashiga iyo Dhamaystirka Arimaha Doorashada kasoo ay ka qaybgalayaan Raysal wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug,Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Madaxweynaha Hirshabelle oo khadka Zoom uga qaybgalaya. Kulanka waxaa si rasmiya loogu dhamaystiraya Arimaha Doorashada waxaana la filayaa in lagu go’aamiyaan taariikhda rasmiga ah ee u dambeysa soo gudbinta Xildhibaanada. Mdaxweynaha Hirshabelle oo horay uga caroodey wargalin la’aan iyo wadatashi la’aan uu kala kulmay qabanqaabadii Shirkaan, ayaa la qanciyey wuxuuna kulanka uga qaybgalaysa Aalada Zoom-ka. Puntlandi.com Muqdisho The post Shirkii dhamaystirka Arimaha Doorashada oo furmay appeared first on . Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka golaha wada-tashiga qaranka, kaas oo looga hadlayo dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka dalka ee dhacaya sanadkan aynu ku jirno ee 2021-la. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominaya ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qeyb-galaya hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho. Furitaanka shirkan ayaa dood adag ay taagneyd, kadib markii uu qaadacay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe, kaas oo ugu dambeyn laga qanciyey tabashadii uu qabay, waxaana shirka uu uga qeyb-galayaa Aaladda Zoom-ka, isaga oo ku sugan dalka Turkiga. Arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadlayo shirkan waxaa ka mid ah ka tashiga dib u dhaca ku yimid qodobada qaar heshiiskii horey loogu gaaray magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaadayaa waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, wuxuuna shirka ka socdaa teendhada Afisyoone oo ku dhex-taalla xerada Xalane oo amnigeeda si weyn loo ilaaliyo. Soomaaliya ayaa weli ku jirto marxalad kala guur ah, waxaana la’isku diyaarinayaa doorasho baarlamaan & mida madaxweynaha. The post Sawirro: Shirka wada-tashiga qaran oo ka furmay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  5. Today marks the International Day of Micro, Small and Medium Enterprises (MSMEs). Small businesses led by women and young entrepreneurs continue to face the pandemic's wrath economically. Source: Hiiraan Online
  6. Maanta waxaa Muqdisho ka furmaya Shirka Wadatashiga Qaran oo looga wada xaajoonayo Arimaha Doorashada, Madaxweynaha Hirshabelle oo iminka jooga Turkiga, Kana caraysnaa Kulanka ayaa uga qaybgalaya khadka Telefoonka la iska Arko Zoom-ka. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa lagu sheegey in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu Aqbalay inuu Shirka ka qayb galo isagoo ku sugan Dalka Turkiga. Madaxweynaha Hirshabelle ayaa maalmahaanba ka biya diidanaa kulanka, Waana sababta keentay in kulanku uusan shalay furmin, Qoraal been abuur ah oo maalmahaan la wareejinayay ayaa lagu sheegey in Cali Guudlaawe uu sheegey inaan lagu wargalin Qabsoomida Shirka, Laakiin Xaqiiqda keentay inuu ka Biyo diido Shirka ayaa ahayd inuu dalbadey in Shirka dib loogu dhigo inta uu Dalka kusoo laabanayo, waxaa iyana jira qodob ka mida Heshiiskii Doorashada oo Cali Guudlaawe uu doonayo in wax laga badalo kasoo ahaa Deegaan Doorashada, oo uu doonayo in Jowhar oo qura ay ka dhacdo Doorashada Xildhibaanada. Kulanka maanta furmaya waxaa goob joog ah Madaxda Dalka, Raysal wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug. Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, Hirshabelle wuxuu uga qaybgalaysa Aalada Zoom-ka. Puntlandi.com Muqdisho The post Shirkii Wadatashiga Qaran oo maanta furmaya iyo Cali Guudlaawe oo Zoom-ka uga qaybgalay appeared first on . Source
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaanka Wisil oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada huwanta iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo weeraray halkaasi. Dadka deegaanka ayaa weli cabsi ka muujinayo in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadama ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeedo. Galmudug ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah u dirtay Wisil, si ay ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Ciidamada ayaa waxa ay kasoo ka dhaqaaqeen magaalooyinka Dhuusamareeb, Hobyo iyo Gaalkacyo, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug. Wasaaradda ayaa shaacisay in ciidamadaasi loogu tala-galay inay ka hortegaan dagaalka ay kooxda Al-Shabaab ka wado koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. “Waxaa xusid mudan in Dawladda Galmudug ay u dirtay gurmad ciidamo fara badan oo laga soo kala diray magaalooyinka Gaalkacyo, Dhusamareeb, Hobyo iyo deegaamo kale oo gaaray nawaaxiga Wisil, kuwaasoo diyaar u ah in ay argagixisada dersi lama ilaawaan u dhigaan maalmaha soo socda,” ayaa lagu yiri. Ugu dambeyn warsaxaafadeedkan ayaa tacsi loogu diray ehellada dadkii ku dhintay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaanka Wisil ee gobolkaasi. “Dawladda Galmudug waxay tacsi u diraysaa ehelada shuhadadii ku shahiiday weerarkii argagixisada ee Wisil ee isugu jiray ciidamo iyo shacab, ayadoo aan u rajaynayno dhaawacyada caafimaad degdeg ah,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka. Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayey gobollada Galgaduud iyo Mudug oo weli ay ku xoogan tahay Al-Shabaab. The post Galmudug oo ciidamo fara badan u dirtay deegaanka Wisil appeared first on Caasimada Online.
  8. Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka ayaa markale lagu wadaa in muqdisho maanta shir uga furmo . Shirkan la filayo inuu dhaco saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in go’aan looga gaaro arrimo ay ka mid yihiin 1. Dib u heshiisiinta Gedo iyo Baladweyn 2. Jadwalka Doorashada 2021 4. Ansixinta qorshaha amniga doorashada 5. Anisixinta habraaca xulista odeyaasha, ergada iyo bulshada rayidka ah 6. Waxaa kale oo socda dood ku saabsan in ergada 101 lagu soo kobo 51 ergo ah halka labada deegaan doorasho laga dhigayo hal deegaan doorasho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Oline) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ugu dambeyn lagu qanciyey inuu ka qeyb-galo shirka golaha wada-tashiga qaranka ee ka dhacaya magaalada Muqdisho. Rooble oo xiriir khadka telefoonka ah la sameeyey Cali Guudlaawe oo ku sugan dalka Turkiga ayaa ugu horreyn ka raalli-geliyey tabashadii uu ka qabay shirka maanta ka furmaya Muqdisho. “Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran,” Sidoo kale qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha HirShabelle uu shirka uga qeyb-galayo aladda fogaan aragga ee ZOOM, maadaama uu ka maqan yahay dalka, kuna sugan yahay gudaha wadanka Turkey. “Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM,” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble. Guudlaawe ayaa ka cabanayey in lagu sameeyey ixtiraam-darro iyo in la yareysanayo maqaamkiisa siyaasadeed, taasi oo ka carreysiisay, maadaama uusan ka qeyb-gelin kulan toddobaadkii hore qadka Zoom-ka ku dhex-maray ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka oo lagu go’aamiyey shirka wada-tashiga ee ka dhacaya gudaha magaalada caasimada Muqdisho. Shirka golaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeya ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii horey loo gaaray. The post Guudlaawe oo tabashadii laga qanciyey iyo warkii ugu dambeeyey ee shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  10. Waxaa maanta lagu wadaa in uu magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka wadashiga arrimaha doorashooyinka dalka . Madaxweynayaasha Galmudug, Puntland, Koonfur galbeed, Jubbaland, maamulka Gobalka Banaadir iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu shirka uga furmo Muqdisho. Shirkan ayaana waxaa joogin madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen . Ra’iisul wasaare Rooble ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, lana xaliyay khilaafkii jiray iyo tabashadii maamulka Hirshabeelle. Rooble ayaa shegay in Guudlaawe uu shirka kaga qeyb galayo habka fogaan aragga ee Zoom-ka . “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Former model Halima Aden to speak about finding your authentic self at One Young World Summit Source: Hiiraan Online
  12. Addis Ababa (Wararka PP) — Dowladda Ruushka ayaa diidday inay kaalmo ciidan u fidiyo dalka Itoobiya kaddib guulihii lama-filaanka ahaa oo ay ciidanka Jabhadda Tigreegu ka soo hoyeen dagaallo ka dhacay gobolka Tigree. Demeke Mekonnen Hassen, Wasiirka Arrimmaha Dibedda Itoobiya, ayaa ka codsaday Ruushka inuu sahay iyo sanad degdeg ah la soo gaaro dowladda Itoobiya. Ciidammada Tigreega ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 4000 oo maxaabiis ah dhowr maalmood kaddib markii qaybo ka mid ah Itoobiya ay ka dhacday doorasho gorfeeyeyaal badani ku asteeyeen mid “Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed isku boqrayo.” Muuqaal ku saabsan maxaabiista Xabashida oo ay ciidammada Tigreegu hayaan. René Lefort, qoraa Faransiis ah, ayaa sheegay in Demeke uu hadda doonayo in dowladaha Galbeedku ka caawiyaan in wadahadal lala galo jabhadda Tigreega. © Puntland Post, 2021 The post Ruushka oo Ku Gacansayray Codsi uga Yimid Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  13. The suspect in a knife attack in southern Germany that left three women dead was ordered kept in custody Saturday on suspicion of murder, while authorities puzzled over a possible motive, examining his mental health and seeking to determine whether he was radicalized. Source: Hiiraan Online
  14. The Ethiopian Finance Minister, Ahmed attended a meeting with Finance Ministers of Djibouti, Kenya, Somalia, and Sudan to discuss the progress of the Horn of Africa Initiative (HoAI) in areas such as trade and energy as well as to develop a regional digital eco-system. Source: Hiiraan Online
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay xukun dil toogasho ah ka fuliyeen xoogaga Al-Shabaab ee gacanta ku haya degmada Saakow oo ka tirsan gobolkaasi ee koonfurta dalka. Qoraal kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in toogashada ay ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Saakow, waxayna ku eedeeyeen lix qof oo la dilay inay ahaayeen jawaasiis u shaqeyneysay hay’adda sirdoonka dalka Mareykanka ee CIA-da. Al-Shabaab oo shaacisay magacyada lixdaas ruux ayaa ku eedeysay inay ka dambeeyeen howl-gallo duqeymo ah oo ka dhacay gobollada Jubbooyinka, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi oo ku xoogan gobolladaasi. Maxkamadda Al-Shabaab oo xukunkan iyadu soo saartay, ugu dambeyna la fuliyey ayaa sheegtay in lixda qof ay kala yihiin shan rag ah iyo qof dumar ah, waxayna hoosta ka xariiqday inay bixiyeen macluumaad ay siiyeen sirdoonka dowladda Mareykanka. Magacyada dadka toogashada lagu fuliyey ayaa kala ah 1- Cumar Cabdi Qaadir Hiiraale (36), 2- Cabdi Xassan Axmed oo (29) jir ah oo lagu soo eedeeyay in uu u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, 3-Fartuun Cumar Abkow (36) jir oo iyana u shaqaynaysay CIA-da Maraykanka, 4-Ibraahim Cumar Cali (55) jir ah oo u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, 5-Saaddaam Cismaan Maxamed (21) jir u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA, 6-Aweys Xassan Xaaji Maxamed oo da’diisu tahay (36) jir u shaqaynayay Sirdoonka Maraykanka. Toogashada ayaa ku soo aadeysa maalin, kadib markii shalay Puntland dil wadareed ay ku fulisay 21 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo la qisaasay. Si kastaba kooxda Al-Shabaab ayaa had iyo jeer xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay maamusho ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay lix ruux + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
  16. The Head of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), Ambassador Francisco Madeira, has congratulated the government and people of the Republic of Djibouti, on the occasion of the country’s 44th Independence anniversary. Source: Hiiraan Online
  17. Bulsho marka aanay ku iimaan qabin waxa ay haysato (opportunities) ama aanay aqoonsanayn kartideeda xaaladda noloshooda waxba kama bedeli karaan, horumar la sheegi karana ma samayn karaan. Wax badan oo ay qabsan karaan waxay ka sugaan in ay cid kale u qabato. Bulshada in badan oo ka mid ah waxay aamminsan yihiin dalka in aan horumar laga samayn karin ilaa citiraaf la helo waxaanayse ogayn horumarku in uu ku xidhan yahay dadaalka aad la timaaddo iyo sida ummaddu wax u qabsato, waxaanay ogayn in ay jiraan waddamo aan aqoonsi caalami ah haysan oo haddana ka horumarsan kuwo badan oo la aqoonsan yahay. Bulshadeena qaybo kale waxay aamminsan yihiin in aynu barwaaqo sooran noqon doono marka badroolka iyo macdanaha dhulkeena ku duuggan la soo saaro. Akhriste aan ku xasuusiyo in ay jiraan waddamo aan shidaal iyo macdano kale toona lahayn oo ka hodansan, kana horumarsan, kana nolol wanaagsan kuwo laga helo khayraad dabiici ah oo aad u fara badan, waxa ka mid ah Singapore, Taiwan, Dubai iyo qaar kale. Bulshada qaybo kale waxay naawilaan ama ay sugaan deeqaha yar ee laga helo hay’addaha Caalamiga ah iyo ururada UN-ta ee dalka ka hawl gala. Waxay qabatimeen ama ay qabaan xanuunka loo yaqaanno ‘dependence Syn-drome’ 0o macnuhu yahay qofku ama bulshadu in ay aamminto in aanay noloshiisa maarayn karin haddii aanu helin taageerada cid kale. Si kastaba ha ahaatee waxaan u malaynaya haddiii aynu is tijaabino oo aynu isku tashano in aynu wax badan qabsan kari lahayn. Guddoomiyaha Shirkadda DP World Sultan Axmed Bin Sulayem mar sii horaysay oo uu ka hadlayay xaflad loo sameeyay dhismaha dekedda Berbera wuxuu yidhi: “We don’t have much resources but we have vision and believe,” macnuhu wuxuu yahay Imaaradda Dubai ma laha khayraad badan laakiin, waxaanu leenahay hammi iyo hiigsi, waxaanu rumaysan nahay in aanu samayn karno horumar cajiib ah iyo in aanu suurto gelin karno waxaan suurto gal ahayn waana sababaha keenay in aanu heerkaa gaadhno. Lee Kuan Yew aasaasihii Singapore isaguna mar la waydiiyay sida ay ku gaadheen horumarkan mucjisada ah wuxuu si kooban ugu jawaabay hal eray oo ah isku kalsooni (confidence). Muwaadin weedhahan maxaa kaaga baxay? Somaliland waxa soo maray lix doorasho oo hore dhaqaalaha iyo farsamadaba waxa inaga caawin jiray Beesha Caalamka. Waxaynu aamminay in aynaan doorasho qaban karin iyaga la’aantood haseyeeshee markii Madaxweynaha JSL ku dhiirraday qabashada doorasho Somaliland leedahay waxay inagu baraarujisay in waxyaabo badan oo laga baqayo in la qabto la qaban karo kaliya waxa loo baahan yahay in ummadda la jaheeyo, in aynu aqoonsano awooddeena, in aynu garano waxaynu doonayno in aynu qabano iyo halka inoo calaamadsan ee aynu doonayno in aynu gaadhno. Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami33@yahoo.com Qaran News
  18. Afhayeenka TPLF Getagew Reda ayaa farriintan ku Baahiyay Twitter. “Ciidanka cududda Tigray waxay jabiyeen laf-dhabartii ciidanka Abiy Ahmed, Iyada oo cutubyadii ​​ugu waaweynaa gebi ahaanba la baabi’iyay oo la haysto Abiy siyaasad ahaan iyo diblomaasiyad ahaanba waanu ku jabinay dagaalka” Farriintan kadib, dawladda Ethiopia ayaa khadka Internet ka jartay gobolka Tigrayga. Source
  19. The German city of Wuerzburg on Sunday held a memorial service for the victims of a brutal knife attack that left three women dead, while questions about the possible motive of the assailant remained unanswered. Source: Hiiraan Online
  20. A new container terminal opened at Berbera port in the semi-autonomous Somaliland region is expected to be a major trade gateway for landlocked Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  21. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in la xalliyay tabashadii maamulka Hirshabeelle ka muujiyay shirka arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu khadka Taleefonka kula hadlay madaxweynaha Hirshabeelle, islamarkaana ka raalli-geliyay tabashadii uu ka qabay Shirka. Qoraalka waxa kale oo lagu sheegay, in madaxweynaha Hirshabeelle shirka uu aaladda Fogaan-aragga ee Zoomka kaga qayb-galayo shirka oo maanta furmaya, kadib markii laga qanciyay Tabashadii uu muujiyay. “Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Hirshabeelle laga qanciyay Tabashadii Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  22. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay, in ay Axaddii shalay degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ku toogteen lix ruux oo ku eedaysnaa basaasnimo. War ka soo baxay Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in lixdaas ruux dhammaantood ahaayeen jawaasiis u shaqeeya hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da. Sida laga soo xigtay Al-shabaab, dadka la toogtay waa shan nin iyo qof dumar ah oo dhammaantood bixiyay macluumaad sirdoon oo ku saabsan Al-shabaab. Waana Cumar Cabdulqaadir Hiiraale, Cabdi Xasan Axmed, Ibraahim Cumar Cali, Sadaam Cusmaan Maxamed, Aweys Xasan Xaaji iyo Fartuun Cumar Abkow. PUNTLAND POST The post Ururka Al-shabaab oo shan nin iyo qof dumar ah ku toogtay degmada Saakow appeared first on Puntland Post.