-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo dardar-gelinta fulinta heshiiskii 27-kii May laga gaaray qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo muddo ku dhow sanad uu khilaaf ka taagnaa. Labada Madaxweyne ee Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Axmed Qoorqoor ayaa kulankooda sidoo kale uga wada hadlay Arrimo ku aadan deegaanada mamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo xoojinta wadashaqeynta labada maamul. Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxda maamul Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku maqan dalka Turkiga. PUNTLAND POST The post Madaxda Galmudug Iyo Koonfur Galbeed Oo Xalay Kulan Gaar ah Yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
Xog: Rooble oo diiday qorshihii Axmed Madoobe iyo Guudlaawe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirka maanta Muqdisho ka furmay ku diiday isku day ay Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ku doonayeen in wax looga beddelo qodob ka mid ah heshiiska doorashada oo la xiriira deegaan doorashada. Labadan madaxweyne goboleeda ayaa doonayey in wax looga beddelo deegaan doorashooyinka lagu heshiiyey in doorashada ay ka dhacdo, oo ah laba magaalo halkii maamul goboleedba, iyo magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Waqooyi iyo Banaadiriga. Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, ayaa taa beddelkeed rabay in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya Jowhar iyo Kismaayo, ayada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaareey, sida ku cad heshiiska doorashada. Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda. Si kastaba, arrintan ayaa sida ay Caasimada Online xog ku heshay, waxaa ka horyimid Rooble, oo sheegay in isbeddel cusub oo lagu sameeyo heshiiska doorashada uu horseedi karo qalalaase siyaasadeed oo cusub. Ra’iisul Wasaaraha ayaa labadan madaxweyne ku goboleed ku qanciyey inuu kala shaqeyn doono xal doorasho loogu qaban karo Beledweyne iyo Garbahaarey. Diidmada Rooble, ayaa waxaa si dadban sidoo kale maanta u xaqiijiyey afhayeenkiisa Maxamed Ibraahim Macalimuu oo yiri “Ma jirto wax qorshe ah oo laga leeyahay habayaraate la bedelo qorshihii ama heshiiskii 27-kii May.” The post Xog: Rooble oo diiday qorshihii Axmed Madoobe iyo Guudlaawe appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeellada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Bay waxay ku toogteen ugu yaraan 16-qof oo ay ku eedeeyeen in dhamaantood ay sirdoon u aheeyeen Dowladda Soomaaliya Mareykanka iyo AMISOM. Degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, degmada Saakow ee gobolka Shabeellada Hoose iyo deegaanka Buula-Fulaay oo ka tirsan gobolka Bay ayaa lagu kala dilay dadkaas. 10 ka mid ah 16-kaas qof waxaa la toogtay gelinkii dambe ee maanta, waxaana 5 ka mid ah lagu toogtay fageere ku yaalla deegaanka Buula-Fulaay ee gobolka Bay, halka 5-ta kale lagu toogtay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxayna 10-ka qof ee maanta la toogtay dhamaantood ahaayeen Rag. Shalay ayaa sidaan oo kale fageere ku yaalla degmada Saakow ee gobolka Shabeellada Hoose waxay Al-Shabaab ugu toogteen 6-qof, waxayna tirada guud ee dadka saacadihii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab toogteen gaareysaa 16-qof. Dadka ay shalay ku toogteen Saakow waxaa ku jirtay gabar lagu magacaabi jiray Fartuun Cumar Abkow, waxayna dhammaan dadkaas ku soo eedeeyeen inay ahaayeen sirdoon u kala shaqeeya Dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo AMISOM. Dil wadareedkaan ay Al-Shabaab ka geysteen deegaanadan dhaca koonfurta Soomaaliya waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo shalay dowlad goboleedka Puntland uu dil toogasho ah ku fuliyey 21-nin oo ka tirsanaa jiray Al-Shabaab, kuwaas oo maxakamadaha Puntland ay horay u xukumeen. 18 ka mid ah ragaas waxaa lagu toogtay Gaalkacyo, laba kamid ah waxaa lagu toogtay Garowe, halka magaalada Qardho lagu toogtay nin kale, raggaas badankood waxay muuqaallo la soo bandhigay ku qirteen in 13-kii sano ee lasoo dhafay ay dadka ku dili jireen magaalooyin ay ugu horeyso Gaalkacyo. Dalalka saacadihii lasoo dhaafay ay 16-ka qof ku fuliyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay dadka qaar ku macneeyeen aar gudasho iyo inay ka caroodeen raggaas ka tirsanaa ee Puntland ay laysay, balse waxaa xusid mudan in kooxda Al-Shabaab deegaanada ay ka maamusho dalka mar kasta ka fuliso dilalka dad ay ku eedeeyaan basaasnimo, gogol-dhaf, xatooyo iyo waxyaabo kale. The post Al-Shabaab oo dilay 16-qof, kadib markii 21-nin ay ka toogatay Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
SOMALILAND: Violating Somaliland Colonial Borders Is Violating African Colonial Borders European Colonial Borders define the statehood and diplomatic recognition of each African country. Somaliland inherited its Internationally recognised borders from Somaliland British Protectorate as any other African Country did from its colonising power. There is no disputed land in Somaliland as there is no disputed land in any African country inhabited by different tribes kept together by European colonial borders. borders are based on land, not on lineage or tribal origin. The internal security, stability, and peace of the continent of Africa rest on respecting, recognizing, and implementing its current borders that rose from colonial borders. If an African country would claim the tribe and its land located in another African country, the whole continent would fall to endless devastating, bloody clan wars, violence and anarchy. The African continent would not exist as we know it today if tribes were allowed to dismember African countries, rejecting land-based colonial borders. The peace and stability of African states as well as Arab World states and Asia countries depend on respecting and recognizing colonial borders. Even though Somaliland is not recognized yet, it does not mean that it’s colonial borders is subject to change. Any tribe or group of people who try to dismember Somaliland territory or people commits treason and must pay price for such attempt. Organization of African unity and African countries must reject any claim of Somalia over parts of Somaliland for reasons of tribal origin or lineage in such a way violating its colonial borders unless they want to have their countries broken up by tribal secessionists encouraging borders based on tribal linage and discarding colonial borders that define their territory and national unity. The declaration of Organization of African Unity (O.A.U) in 1964 on African Borders was the formal acceptance of the existing colonial borders inherited from colonial powers on which independence and recognition of each African country were based including Somaliland. That declaration had nothing to do with unifications, federations, and unions between two or more African countries like the failed union between Somaliland and Somalia formed with chauvinism and haste in 1960. A union or federation could be dissolved anytime if the sides disagree each restoring and retaining its original independence and borders. That declaration reinforces the rightful claim of Somaliland to be recognized as independent nation based on its colonial borders inherited from Somaliland British Protectorate on June 26, 1960. That declaration does not prevent Somaliland from withdrawing from the union with Somalia and restoring its independence and diplomatic recognition achieved on June 26, 1960 without the need of Somalia approval. If Uganda and Kenya share union today and after some time they disagree and dissolve that union, each country would still be independent, recognized nation on its own colonial borders. Senegal and Gambia founded federation or union in February 1982 calling it Senegambia. That union was dissolved in September 1989 after disagreement and each country retained its original independence and diplomatic recognition without changing the borders of Africa. So, why denying Somaliland of retaining that independence and recognition it had before the union with Somalia? Somaliland is not a secessionist or breakaway region from Somalia but Somaliland just withdrew from the union with Somalia after Somalia grossly violated the union with injustices and atrocities against humanity in Somaliland (1960-1991). If Nyanza Province of Kenya, or Arusha Region of Tanzania, or Puntland province of Somalia break away from their own respective countries, that would make them secessionists, separatists, or breakaways and that would change or shift the colonial borders of Africa inherited from colonial powers and that would create instability and political unrest in the continent of Africa because these provinces share history and colonial borders with their own countries. Violating Somaliland Colonial Borders is violating African Colonial Borders. So, African leaders and OAU must recognize Somaliland with its own colonial borders inherited from Somaliland British Protectorate to save African colonial borders from tribal secessionists who want to create tribal-based borders instead of respecting colonially inherited land-based borders on which the peace and stability of the continent depend. Somaliland does not need approval from Somalia for its recognition as no African country needed approval of its independence and recognition from another African country. Abandoning colonial borders in Africa would destroy current African states and lead to endless tribal wars of catastrophic proportions. Ibrahim Hassan Gagale Qaran News
-
Magaalada Maqalle ee xarunta maamulka Tigreega waxaa saacado ka hor dib ula wareegay ururka TPLF ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya. Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa isaga baxay Maqalle oo ay gacanta ku hayeen tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii hore, waxaana magaalada hadda ka socda dabaal-degyo lagu taageerayo ururka TPLF. Maqalle iyo caawa Dhanka kale dowladda federaalka Itoobiya ayaa goordhaweyd xabad joojin hal dhinac ah uga dhawaaqday gobolka Tigreega, taasoo uu soo jeediyay maamulka ku meelgaarka ah ee gobolkaas. Gobolka Tigreega ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ka socday dagaalo kharaar, waxayna TPLF gacanta ku dhigtay in ka badan 4000 oo maxaabiis ah oo ka tirsan ciidamada dowladda Itoobiya. PUNTLAND POST The post TPLF oo dib u qabsatay Maqalle iyo Abiy oo ku dhawaaqay xabad joojin appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in markale Jabhadda TPLF ay la waeeegtay magaalada caasimadda ah gobalka Tigreega ee Makelle . Ciidamada Itoobiya ayaa isaga baxay kadib weeraro culus kala kulmeen TPLF magaalada. Dhanka kale maamulka cusub ee kumeel gaar ah goballa Tigeeraga ayaa ka dalbaday TPLF xabad joojin. Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaallo ay weli ka socdaan gobalka xilli magaaloyin badan ay soo galeen gacanta Jabhadda hubeysan TPLF. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mekele (Caasimada Online) – Dowlada ku-meel gaarka aheyd ee uu Abiy Ahmed ka dhisay gobolka Tigray ayaa isaga carartay magaalada caasimadda ah ee Mekele, kadib markii ciidamada mucaaradka ay kusoo dhowaadeen, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan. Arrintan ayaa ka dhigan isbeddel weyn oo ku yimid dagaalka sideedda bilood ka socda gobolkaas, iyo guul-darro siyaasadeed oo soo wajahday Abiy Ahmed. Mucaaradka oo la baxay Ciidamada Difaaca Tigray Tigray Defence Forces (TDF), ayaa toddobaadkii tegay billaabay weerar culus ayaga oo kusoo beegay doorashooyinka ka billowday dalka. Sarkaal ka tirsan dowladda ku-meel gaarka ah oo la hadlay wakaaladda wararka AFP, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in maamulka uu go’aansaday inuu ka cararo caasimadda Mekele, kadib markii ciidamada TDF ay kaga soo dhowaadeen “dhinac kasta.” “Qof kasta waa uu cararay. Kii ugu dambeeyey galabta ayuu ka baxay. Gobolka ma lahan wax dowlad ah iminka,” ayuu yiri. Sidoo kale, sarkaal ka tirsan hay’adaha bani’aadannimada oo ku sugan caasimadda ayaa xaqiijiyey in dowladda ay ka carartay halkaas. “Saraakiisha ku-meel-gaarka ah waxay carareen saaka,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’adahaas oo isna codsaday inaan la magacaabin. Goobjoogeyaal dhowr ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada federaalka iyo booliska ay sidoo kale ka carareen Mekele, waxaana lagu warramayaa in rasaas dabaal deg ah laga maqlayo magaalada. Xafiiska Abiy Ahmed ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrintan. Kahor inta aysan gobolka ka cararin, dowladda ayaa ku baaqday xabad-joojin, ayada oo sheegtay in ciidamada federaalka ee taageersan Abiy Ahmed ay ka baxayaan gobolka. Maalmihii dhowaa ayaa dagaal xooggan wuxuu ka socday gobolka, ayada oo ciidamada Tigray ay soo qabsadeen deegaano badan kuna soo siqeen magaalada caasimadda ah ee Mekele. Madaxda dowladda carartay Abraham Belay ayaa baaqiisa xabad-joojinta qiil uga dhigay si dadka dhibaateysan gargaar loo gaarsiiyo, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay u muuqatay in magaalada ay kusoo socdaan ciidamada Tigray. Naga filo, faah-faahin dheeri ah goor dhow, Insha Allah. The post Maamulkii iyo ciidamadii taageersanaa Abiy oo isaga cararay caasimadda Tigray iyo mucaaradka oo ku dhow appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa goordhoweyd ka warbixiyey shirkii maanta magaalada Muqdisho uga furmay Golaha Wada-tashiga Qaran iyo qoddobadii looga hadlay. Afhayeenka ayaa ugu horeyntii sheegay in shirka maalintiisi koowaad ay soo gaba-gabowday, kaasi oo looga hadlay waxyaabihii qabsoomay mudadii bisha aheyd ee hanaanka doorashada iyo heshiiskii 27-kii May. Shirka maanta oo uu shir-guddoominayay ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa doorashada sida ugu dhaqsaha badan, ayada oo guddiga farsamada ee uu hore u magacaabay Rooble la faray in berri Golaha keenaan qorshahooda ku aadan doorashada. Afhayeenka ayaa waxa kale oo uu beeniyay in qoddobada qaar laga bedelayo heshiiskii ay hore u saxiixeen ra’iisal wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada, midaasi oo si weyn loo hadal hayey maalmihii la soo dhaafay. “Guud ahaan waxaa laga wada-hadlay arrimo la xiriira shirkan iyo shirkii 27-kii May, majirto wax qorshe ah oo laga leeyahay habayaraate la bedelo qorshihii ama heshiiskii 27-kii May, wararka qaarkood ee ay dadka sheegayaan ee la isla dhexmarayo wax ka jira majiraan,” ayuu yiri Afhayeenka. Heshiiskii 27-kii May ay madaxda ku saxiixeen magaalada Muqdisho ayaa dhigayay in doorashada lagu qabto muddo 60-maalmood ah, waxaana baxday in ka badan 30-maalmood, taasi oo meesha ka saari karta suurta-galnimada in doorashada ku qabsoomto mudadaas. The post Video: Xukuumadda oo ka warbixisay shirkii maanta, sheegtay haddi qodobada qaar wax laga beddelayo appeared first on Caasimada Online.
-
“Khaliifow Adeerkaa u Tanaasul, Haddii Kalena (oo aanad tanaasulayn) Barkhadba Ha Qaato Guddoomiyaha Wakiillada..” Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan. Hargeysa (Somalilandtoday)-Loolanka loogu jiro shirguddoonka golaha wakiillada ayaa maraya meel xasaasi ah waxaana sii kordhaya dedaallada uu dhinac kastaaba ugu jiro inuu hanto xildhibaannada ugu badan ee codayn doona. Loolanka ayaa u dhexeeya xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI oo isku dhinac ah iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE. Xisbiyada mucaaridka ahi waxay hore u caddeeyeen inay guddoomiyaha wakiillada u sharraxeen xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif oo ka soo baxay WADDANI, halka xisbiga UCID uu qaatay labada kuxigeen oo loo kala qoondeeyey Xildhibaan Jaamac Cumar oo ka soo jeeda Sanaag iyo Cali Xaamud Jibriil oo isna ka soo jeeda Awdal, halka xukuumadduna iyo xisbigeeda KULMIYE ay caddeeyeen in wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) uu u sharraxan yahay guddoomiyaha golaha wakiillada, walow aan wali kuxigeennada la soo xulin. Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ayaa illaa maalintii isbahaysiga mucaaridku ku dhawaaqeen murashixiintooda u taagan shirguddoonka waxay iyaduna degaysay tab iyo xeel kasta oo ay ku kala furfuri karto, islamarkaana shaki ku kala dhex dhigi karto isbahaysiga mucaaridka ah iyo xildhibaannadiisa. Hase yeeshe sida ay xoguhu tibaaxayaan illaa hadda xukuumaddu kuma guulaysan inay natiijo buuran ka keento dedaallada ay ugu jirto kala qaybinta iyo kasbashada xildhibaannada mucaaridka. Sida ay ilo lagu kalsoon yahay Somalilantoday u xaqiijiyena, waxaaba jira xubno ka tirsan muxaafidka KULMIYE oo ra’yi ahaan doonaya inay u codeeyaan xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif, halka sidoo kale ay jiraan illaa labo xubnood oo mucaaridka ah oo iyaguna si aan toos ahayn ula socda Yaasiin Faratoon, taasoo natiijada ka dhigaysa in mucaaridka aan waxba iska dhimin tiradii ay ku xisaabtameey, halka muxaafiidkana aan wax tiro ahi u soo kordhin. Geesta kale hadallo maalmihii u dambeeyey ka soo yeedhayay xukuumadda iyo shakhsiyaadka taageersan Xildhibaan Faratoon ayaa abuurayay shaki badan oo dhinaca awoodda xukuumadda ah, waxaana ay dhamaantood loolanka u dhexeeya Khaliif iyo Fartoon u yeeleen waji qoys, iyagoo ku talinayay in Cabdirisaaq Khaliif uu u tanaasulo adeerkii Faratoon, maadaama uu ka weyn yahay adeerna u yahay. Hase yeeshee waxa ugu yaab badnaa wasiirka hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi oo soo jeediyey in Khaliif adeernimo ugu tanaasulo Faratoon, waxaana uu intaas raaciyey WADDANI kula taliyey inay ugu yaraan Barkhad Batuun soo sharaxaan haddii aanay Faratoon u deynayn, wasiirka oo arrimahas ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaan anigu odhan lahaa waar adeerkaa daa (Khaliifow), adeerkaa daa oo xanafna ha abuurin,hadda ayaanu ku leenahay oo kuugu celinaynaa, wuu kaaga da’waynayhay (Faratoon) oo kaaga khabiirsan yahay, siyaasadana waa u caafimaad qabaa waana u da’ dhallinyar baad tahay oo khibrad ma lihid, 2012-kii ayaa noogu kaa horreysay, umadda Somaliland iyo golaha wakiillada waxaan odhan lahaa maanta waxaynu joognaa maalin aynu qofkaynu dooranaynu aynu baadhayno oo aynaan nin aynaan soo gelin nin aynaan maqaamkiisa weydaarin, maanta Yaasiin Maxamuud Xiir dal iyo dibad ninkii wax ka qaban lahaa weeye gaal iyo islaam, golaha wakiilladana nin kaga habooni ma jiro, waar haddii aynaan sidaas yeelayn (oo aanad tanaasulayn Khaliifow) ninka la yidhaahdo Mooge-ba waxa uu ku qaatay (maayirnimo) firfircoonidiisa, dadkii doortay iyo hal abuurkiisa, waar maandhaw kursiga dadka kama xignee kulligeen intaynu iskaga hadhno oo Yaasiin iskaga hadho oo Khaliif ka hadho waar maandhaw Barkhad Batuun ha qaato oo wuxuu ka qaadanayaa beesha caalamku waxay odhanaysaa Somaliland horumarkii ugu weynaa bay gaadhay oo nin beelaha laga tirada badan yahay ah baa raysal barlamaan laga dhigay, WADDANI-na ha keeno Barkhad Batuun”. Hadalka wasiirka ayaa muujinaya sida xaaladdu ugu culus tahay xisbiga KULMIYE oo aad mooddo inuu hadda bilaabay inuu yidhaahdo mucaaradku qofkaas ha soo sharaxo oo qofkaas hanaga daayo. Ugu dambayn inkasta oo aan la saadaalin karin halka uu ku dhamaan karo loolankani islamarkaana ay daqiiqad kasta oo cusub wax isbedeli karaan, haddana illaa hadda inta muuqata isbahaysiga mucaaridka ayaa haysta aqlabiyadda shirguddoonka go’aamin karta. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa maanta markale soo saaray liis cusub oo ay ku shaacineyso 63 jaamacadood oo ay aqoonsatay wasaaraddu. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas oo kamid ah kuwa dalka ka jira ay kasoo gudbeen qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diiwaan-gashnaa Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo tacliinta sare. Qoraal Wargelin ahaa oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas ay xaq u leeyihiin inay howshoodii waxbarasho ee ay bulshada u hayeen wali sii wadi karaan, kuwaasi oo hore looga reebay liis ay wasaaraddu ku shaacineysay jaamacadaha ay aqoonsan tahay. “Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare waxuu ku Wargelinayaa Jaamacadaha hoos ku xusan, Waalidiinta iyo Ardayda Jaamcadaha in Jaamacadahaani heystaan Ruqsadda iyo Diiwangelinta Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare xaqna ay u leeyihiin in ay howshoodi Waxbarsho ee ay bulshadda u hayeen wali sii wadan karaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda. Waxaa xusid mudan in Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya uu 19-kii May soo saaray liis uu ku shaacinayo 41 jaamacadood oo ay aqoonsatay wasaaraddu, kuwaasi oo xiligaas kasoo gudbay wajiga 1-aad ee qiimeeyntii. Guddiga Qaran ee Tacliinta Sarre ayaa bilihii lasoo dhaafay waday hubinta jaamacadaha, hase yeeshe waxaa soo baxeysa in jaamacadihii hore u haystay ruqsada wasaaradda markale la siiyey, ayada oo aan la ogeyn hanaanka uu guddiga u maray hubinta tayadooda. The post DF oo shaacisay liiska Jaamacadaha dalka ee ay aqoonsan tahay + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle ayaa sheegay in shaqooyinka kala duwan ay hayaan madaxda Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya ayaa qeyb ka yihiin ciyaartooydii hore Soomaaliya,isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin horomarinta Minifootboolka Soomaaliya. “Waxaan Ku Shaqaynaa Khibrada Odayaasha iyo ciyaartooydii hore Isboortiga dalka,waxaan ku rajo weynahay in mar walbo Marjaceena uu noqdo laacibiintii hore Wadanka” ayuu sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle. Dhinaca kale Guddoomiye Xaaji Aadan wuxuu ka hadlay tartanka ay dhawaan kaga qeyb galayaan Wadanka Nigeria,isagoo balanqaaday in Xulka Minifootbool Soomaaliya ay shacabka Soomaaliyeed u keeni doonaan guulo waaweyn oo taariikh ah,maadama sanadihii lasoo dahafay ay ka qeybgaleen tartamada caalamka ee Minifootboolka. Daawo Guddoomiye Xaaji Oo Arimahaas Ka Hadlaya Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Wasiir Xamse “Wasaaradda Ciyaaraha Soomaaliya Waxaay Diyaar U Tahay Garabsiinta Xiriirka Minifootboolka” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolla Mudug, kuwaasi oo lagu dabiibayo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta gacanta ku haya dhaawacyada iyo maamulka isbitaalka, isagoona ku bogaadiyey sida ay ula tacaalayaan dhaawacyada. Madaxweynihii hore ayaa waxa uu ku baaqay in loo midoobo la dagaallanka Al-Shabaab, wuxuuna xusay inay lagama maarman tahay in laga ciribtiro Soomaaliya argagixisada maalinkasta laynaysa umaddeena. “Waxaan shacabka, mas’uuliyiinta heer gobol iyo federaal-ba ugu baaqayaa in loo midoobo ciribtirka argagixisada. Lama aqbali karo in cadowgu laayo shacabkeen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka tacsi u direy dadkii ku geeriyooday weerarka Wisil, isagoona dhaawacyada ku jira Digfeer u rajeeyay soo kabasho dhakhso ah. “Eebbe ha u naxariisto muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii Wisil, bogsosho deg-deg ahna ha siiyo dhaawacyada.” The post Daawo: Xasan Sheekh oo booqday dhaawacyada weerarkii WISIL, soona saaray baaq appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday dhaawacyada weerarkii Wisil ee yaalla isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta gacanta ku haya dhaawacyada iyo maamulka isbitaalka, isaga oo ku bogaadiyay sida ay ula tacaalayaan dhaawacyada. Madaxweynihii hore ayaa ku baaqay in loo midoobo la dagaallanka Al-shabaab, isaga oo xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in laga ciribtiro Soomaaliya. “Waxaan shacabka, mas’uuliyiinta heer gobol & Federaalba ugu baaqaayaa in loo midoobo ciribtirka argagixisada. Lama aqbali karo in cadowgu laayo shacabkeenna” ayuu yiri. Dhanka kale waxa uu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkii Wisil isaga oo dhaawacyada boqsosho degdeg ah u rajeeyay . “Eebbe ha u naxariisto muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii #Wisil, bogsosho degdeg ahna ha siiyo dhaawacyada” ayuu raaciyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baarlamaan Puntland ayaa maanta asixiyay iibka dhulka laanta Bangiga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo u soo gudbiyay Madaxweyne Deni. 41 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Puntkand ayaa oggolaaday in la iibiyo dhulkaas, 2 mudane ayaa ka aamusay, wax diidayna ma jirin. Muuqaalka ansixinta iibka dhulka Bangiga Gaalkacyo Waa markii ugu horeysay oo hanti dowladeed oo la iibinayo la oo soo mariyo Golaha Wakiillada Puntkand, waxaa horey u jiray hanti badan oo la iibiyay, iyadoo aysan oggolaan Baarlamaanka. Dastuurka Puntland qodobkiisa 52-aad, farqadiisa 3-aad ayaa dhigaysa “Hanti kasta oo qiimaheedu ka yar yahay US$ 50,000 (konton kun US$), waxaa awood u leh Golaha Xukuumadda, wixii ka badan US$50,000 (konton kun US$), waxay u baahanaysaa ogolaanshaha Golaha Wakiillada“. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay dhul dowladeed oo la iibinayo appeared first on Puntland Post.
-
Baghdad (Caasimada Online) – Duqeymo Mareykanka ay fuliyeen oo ka dhan ah maleeshiyo ay Iran taageerto oo ku sugan xuduudda Iraq iyo Syria ayaa lagu dilay ugu yaraan toddoba dagaal-yahan, saacadihii hore ee Isniintii. Weerarkan ayaa dhaliyey baaqyo deg deg ah oo ku saabsan in laga aarguto, wuxuuna sare u qaaday cabsida laga qaabo inay kasii darto xiisadda Washington iyo Tehran. Duqeyntan oo ah tii labaad ee nooceeda ah ee lala beegsado bartilmaameedyo ay taageerto Iran, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa Pentagon-ka wuxuu ku qeexay “aargudasho”, waxeyna kusoo aaday ayada oo la isku dayayo in dib loo soo nooleeyo heshiiska barnaamijka nukliyeerka Iran. Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka John Kirby ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in saddex xarun oo militari oo ay adeegsato maleeshiyo ay Iran taageerto, la garaacay – Laba ku yaalla Syria, iyo mid Iraq ah. Kirby ayaa sheegay in bartilmaameedyada ay adeegsadaan “maleeshiyo ay Iran taageerto, oo ku lug leh weeraro loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (drone) oo ka dhan ah shaqaalaha iyo xarumaha Mareykanka ee Iraq.” Kataeb Hezbollah iyo Kataeb Sayyid al-Shuhada, oo ah laba koox oo hubeysan oo Iraqi ah, islamarkaana xiriir dhow la leh Tehran, ayaa ka mid ah “maleeshiyooyin dhowr ah oo Iran ay taageerto” oo xarumahan adeegsada, sida uu sheegay Kirby. Danaha Mareykanka ee Iraq, halkaasi oo ay ku sugan yihiin 2,500 oo askar Mareykan ah, ayaa waxaa sanadkan lala beegsaday 40 weerar, oo isugu jira kuwa loo adeegsaday drone, iyo gantaallo toos ah. AFP + VOA The post Mareykanka oo fuliyey weerar dhimasho leh oo sare u qaaday xiisadda kala dhaxeysa Iran appeared first on Caasimada Online.
-
Eritrea’s President Isaias Afwerki receives a key from Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed during the inauguration ceremony marking the reopening of the Eritrean Embassy in Addis Ababa, Ethiopia July 16, 2018. Picture taken July 16, 2018. REUTERS/Tiksa Negeri The Eritrean state was born out of a 30-year liberation war. Its current military adventure in Tigray may lead to its collapse. What is Eritrea’s objective in the war? And, how will it impact the one-man rule of President Isaias Afwerki? This article is published in partnership with Ethiopia Insight Eritrea, the tiny Horn of Africa nation is once again in the international spotlight for its atrocious military campaign in Tigray, Ethiopia’s northernmost regional state. Eritrean forces (EDF) are fighting alongside the Ethiopian federal army (ENDF) in the war against the rebellious regional leadership and the Tigray Defence Forces (TDF). To understand current Eritrean policies, one needs to discern the mindset of its autocratic president, the former guerrilla leader of Eritrean People’s Liberation Front (EPLF), who has ruled the totalitarian one-party state with an iron fist since independence. Africa’s Sparta Isaias has incessantly demarcated the borders of Africa’s second newest country through bloodshed and sacrifices—as Eritrea has been at war with all its neighbours since its independence in 1993. In 1995, it clashed with Yemen over the Hanish Islands in the Red Sea and in 1996 with Sudan, before the devastating border war with Ethiopia from 1998-2000. In 2008, Eritrea picked a fight with its tiny southern neighbour Djibouti, also over a strip of contested territory. In all these conflicts, Eritrea was the first to launch military engagement—and tens of thousands of youths have perished on the battlefields to sustain the image of the country as an invincible warrior nation. Isaias, meanwhile, attributes blame for the endless conflicts brought upon Eritrea to external forces, usually the USA, which he claims harbours an interest to “keep Eritrea hostage through the continuous fomenting and ‘managing’ of crises. ”Eritrea has been called the modern Sparta State, as its martial traditions with never-ending military service and constant war campaigns resemble that of the ancient Greek city-state. Isaias asserts that the Eritrean nation was born through sacrifice and blood, and the new post-independence generations need to suffer and experience shared hardships as endured by their parents, to constantly recreate and manifest an Eritrean nationalist military ethos. Compulsory military national service for all women and men between the ages of 18 and 55 was imposed soon after independence. It was supposed to be limited to an 18-month period of service, but since the outbreak of the Ethiopian war in 1998, many have been forced to remain on duty. Youth recruited to fight Ethiopia in the late 1990s are now middle-aged. Today, once again, they are engaged in the war in Tigray. Settling scores In 1998 Eritrea launched an offensive against Ethiopia, ostensibly over a sliver of territory along the border to Tigray. The war’s root causes, however, were found in differences of ideology, economic policy, and development visions between the two new governments in Asmara and Addis Ababa.The Tigray People’s Liberation Front (TPLF) constituted the senior Ethiopian political and military leadership at that time, as they were the dominant party within the EPRDF government coalition. When attacked, the late Ethiopian Prime Minister and former TPLF guerrilla leader Meles Zenawi ordered full war mobilization in Ethiopia, and the regional leadership in Tigray called back the old guerrilla army to service. During a two-year period of fighting, over 100,000 combatants were killed, before the Ethiopian army finally managed to crush the Eritrean forces and push them out of Tigray. The humiliating military defeat of his ‘invincible’ army has been a heavy burden for Isaias to carry ever since. The current full-scale military invasion of Tigray is thus likely driven by the desire for vengeance and to settle old scores, as Isaias apparently has ordered his forces to undertake what may appear to be a genocidal campaign against Tigrayans.Beyond vengeance against the TPLF, some argue that Isaias also harbours an interest in unmaking the ethnic configuration of the Ethiopian federation, with the aim of realigning Eritrea with Ethiopia—a vision staunchly opposed by TPLF but seems to be backed by Prime Minister Abiy Ahmed. Issues on the table include a federal/ confederal arrangement, the merger of the two national armies, an Ethiopian navy base in the Eritrean Red Sea ports, and joint mineral exploration in border areas. In spite of possible benefits, Eritrean nationalists in exile are afraid Isaias will squander the hard-won independence, for the sake of his own personal ambitions to become the ‘big man’ of the Horn of Africa in an Eritrean-Ethiopian federation. Isaias’ final war? Abiy promised that the war campaign against Tigray would be a ‘quick-fix’ law enforcement operation; half a year later, he admits that they are still fighting a “difficult and tiresome” guerrilla war in the region. Without Eritrea’s entrenched involvement in the war, the ENDF would struggle even more. Isaias has committed most of the country’s military resources to the Tigray war campaign. Tens of thousands of Eritrean troops are currently fighting and dying in Tigray. Debretsion Gebremichael, the ousted regional President of Tigray and the head of TDF, claims that the heavy losses inflicted upon EDF in the past few months is depleting their fighting capacity. On a satellite link from the field, Debretsion told me: “During the last two months, we have been fighting eight Eritrean divisions at the same time. Still, they did not manage to penetrate our defence. ”He further claimed, “Now, one Eritrean division does not dare to move alone–they have to deploy together in three or four divisions.” As a result, Debretsion asserted, EDF’s capability “is declining” and “their movement is also constrained. ”Ethiopia is blatantly rejecting TDF’s claims of holding the upper hand in the fight. The government spokesperson stated on 3 June that ENDF is currently “finalizing operations” to achieve the law enforcement objective to arrest or eliminate the TPLF ‘junta’. However, the TDF counter-offensive ‘Operation Alula,’ launched on 18 June, has reportedly ‘liberated’ swaths of territories and towns across central and eastern Tigray, and thousands of ENDF soldiers are taken as prisoners of war.From inside Eritrea, an edgy voice of an Arbi Harnet (Freedom Friday) opposition activist, who must remain anonymous for their safety, conveyed growing sentiments of despair: “The war has a bad impact on the government. Although the people have been losing faith in the government for a while, this will be the final blow for those who were perhaps not as convinced. ”The source also described an environment of “mistrust and betrayals” prevalent within the Eritrean army. He said, “when President Isaias Afwerki tries to escape from taking responsibility for this, it is obvious that it will devastate his chances of staying in power. ”Isaias cannot afford to lose yet another war in Tigray. Nor can he afford to diminish Eritrea’s military capacity too much, as this will make Eritrea vulnerable for a subsequent TDF offensive or open up for domestic unrest. If he fails in Tigray, it may likely lead to his downfall. As the war rages, TDF is actively encouraging Eritrean troops and officers to defect and join the Eritrean opposition forces in Tigray, or to flee to a third country. Activists and opposition parties in the diaspora are scenting blood and have again started to argue for the establishment of an Eritrean Government in exile, although this has failed on two previous occasions due to the deep mistrust and divisions among Eritrean communities, a legacy of Isaias’ divide-and-rule strategy and surveillance state. The former Ethiopian Chief of Staff and senior TPLF military leader, Lieutenant General Tsadkan Gebretensae—who retired after the Eritrean-Ethiopian war in 2001—is back again in the field, commanding TDF forces in the fight against Eritrea. In a recent interview, he states that the Eritrean forces have two options: “The first one is for them to quickly leave Tigray, go back to their country and prolong their time–if they have any left.” He said that what follows from there would be up to the people of Eritrea. The second option, said Tsadkan, is “to stay in Tigray and try to finish the war here.” According to him, taking option number two “will quicken [EDF]’s death. ”Recent military developments indicate that Isaias is not betting on one horse alone but is instead crafting contingency plans. The TDF leader Debretsion stated to me that Eritrean forces are building fortifications in northern Tigray, possibly as fallback positions after their withdrawal from southern and central Tigray. Furthermore, Eritrea is building new trenches all along their side of the border, to prepare to fight back against a future potential Tigray offensive. Pariah, again The UN Security Council imposed sanctions on Eritrea in 2009 due to its destabilizing role in the Horn of Africa, and for its alleged role in fanning conflicts in Somalia and Djibouti. The TPLF/EPRDF-led Ethiopian government at the time, together with Djibouti, rallied support from all African states in favour of sanctioning Eritrea. As part of the Ethiopia-Eritrea peace declaration in 2018, however, and after Abiy’s request, the UN lifted the sanctions against Eritrea.Today, due to the war crimes and atrocities perpetrated in Tigray, the US has imposed unilateral sanctions on the belligerent parties. Discussions on reimposing UN sanctions on Eritrea are also being raised. Over 90 percent of Tigray’s population is now in need of humanitarian aid, due in large part to the deliberate destruction and looting of food and farm equipment. Still, the Ethiopian government has restricted humanitarian access, and Eritrean and Ethiopian troops on the ground have been accused of blocking the distribution of aid in famine struck areas. Fears of a famine of biblical proportions, with hundreds of thousands dying, has led the US, UK, and UN to call for a humanitarian cease-fire, in order to meet the growing needs of a starving population. This call has been rejected by the Ethiopian government. What next, Eritrea? Thirty years after independence, the Eritrean people are more divided than at any time before. Hundreds of thousands of youths have fled the country in the last two decades, due to factors that include indefinite military service and human rights abuses. Still, Isaias has ordered his army to continue fighting in neighbouring Tigray and even in Oromia regional state where there are reports of Eritrean troops fighting the Oromo Liberation Army (OLA) insurgency. Eritrea’s minuscule population of around 3 million cannot replenish the military attrition rate much longer. Inside Eritrea, opposition parties are prohibited, civil society is non-existent, and the ancient regime has been thoroughly corrupted. If the ‘strong man’ falls, what will happen to a state without any functioning political institutions beyond the military? No matter the outcome of the Tigray war, the survival of the Eritrea state may be in question. Source: The Africa Report The post Ethiopia/Tigray: Is this Eritrea’s final war? appeared first on Puntland Post.
-
Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashada ayaa goordhaweyd ka furmay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kadib markii xal laga gaaray tabashadii Hirshabeelle. Madaxweyanaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ooblaga qanciyay tabashadii uu qabay ayaa shirka uga qeybgalay habka fogaan araga ee Zoom-ka, isagoo ku sugan dalka Turkiga. Shirka oo guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka. Shirka ayaa socon doona maalmaha soo socda, waxaana laga yabaa in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii 27 May. PUNTLAND POST The post Shirkii Muqdisho oo furmay iyo Guudlaawe oo uga qeybgalay Internet-ka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobay arrimaha bani’ aadanimada ee OCHA ayaa warbixin kooban ka soo saaray dagaalkii cuslaa ee saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug. Warbixinta hay’adda OCHA ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaasi oo khasaare kala geystay ay ku barakaaceen kumanaan ruux oo shacab ah. OCHA ayaa shaacisay inay barakacaaysha ka cararay dagaalkaasi ay gaareen xerada Dhagaxley, magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo oo ka wada tirsan gobolka Mudug. Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in dadkaasi ay soo wajaheen daruufo nololeed iyo hoy la’aan, waxaana ay shaacisay inay u baahan yihiin gurmad bani’aadanimo oo deg-deg ah. Sidoo kale xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalladaasi sababay barakaca dadka shacabka ah. Shalaye ayey aheyd markii dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka dhacay Wisil, kaas oo geystay khasaare xoog-leh. Si kastaba xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. The post QM oo warbixin kasoo saartay dagaalkii Wisil appeared first on Caasimada Online.
-
Dawlada Ruushka oo ku gacansaydhay Codsi uga yimi Itoobiya Dowladda Ruushka ayaa diidday inay kaalmo ciidan u fidiyo dalka Itoobiya kaddib guulihii lama-filaanka ahaa oo ay ciidanka Jabhadda Tigreegu ka soo hoyeen dagaallo ka dhacay gobolka Tigree dhawaan. Demeke Mekonnen Hassen, Wasiirka Arrimmaha Dibedda Itoobiya, ayaa ka codsaday Ruushka inuu sahay iyo sanad degdeg ah la soo gaadho dowladda Itoobiya. Ciidammada Tigreega ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 4000 oo maxaabiis ah dhowr maalmood kaddib markii qaybo ka mid ah Itoobiya ay ka dhacday doorasho gorfeeyeyaal badani ku asteeyeen mid “Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed isku boqraayo.” René Lefort, qoraa Faransiis ah, ayaa sheegay in Demeke uu hadda doonayo in dowladaha Galbeedku ka caawiyaan in wadahadal lala galo jabhadda Tigreega. Muuqaal ku saabsan maxaabiista Xabashida oo ay ciidammada Tigreegu hayaan. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2021/06/twitter_20210628_092406.mp4 Qaran News