Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta shir gaar ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, waxaana hor tegay oo khudbado ka jeediyey xubno ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan. Ugu horeyn wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa khudbadiisii uu ka hor jeediyey Golaha Ammaanka waxa uu ku sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ahaa qodobka ugu muhiimsan ee loo qabtay shirkaas. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq waxa uu sheegay in madaxda Soomaaliya ay shir maalmo qaatay oo weli uga socda magaalada Muqdisho ay ka gaareen hor-marro waaweyn, isla markaana heshiis laga gaaray arrimihii la isku hayay ee doorashada ku saabsanaa. Sidoo kale wasiirku waxa uu khudbadiisii galabta ku sheegay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen qodobadii muhiimka ahaa ee uu muranka ka taagnaa, isla markaana ay war-saxaafadeed si wadajir ah u soo saari doonaan maalinta Khamiista ah ee soo socota. Dhankiisa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan isagoo warbixin ku saabsan Soomaaliya siinayey golaha ammaanka ayaa waxa uu bogaadiyay tanaasulka ay muujiyeen hoggaamiyayaasha Soomaalida iyo is afgaradka socda, “Dareenka tanaasulku weli waa baahi deg deg ah oo loo sii socdo,” ayuu yiri James Swan. Iyadoo aan weli wax heshiis ah oo la gaaray aan la shaacin, ayey xukuumaddu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey la wadaagtay in wax kasta laga heshiiyey, balse sida aan xogta ku heleyno weli lama xalin qodobo ay ku jirto arrinta Somaliland. Tan iyo Sabtigii todobaadkaan Ra’iisal wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho ayuu shir uga socda Teendhada Afisyooni, waxaana lasoo werinayaa in afartaas maalmood wadahadalladii socday laga gaaray hormarro muhiim ah, waxaana lagu wadaa in Khamiista 27-ka bishan lasoo gabagabeeyo shirka, sida uu galabta shaaciyey xafiiska ra’iisul wasaare Rooble. The post DF oo sheegtay in heshiis laga gaaray doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  2. James Swan, UN Special Representative for Somalia and head of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), said it is imperative that the summit yield an implementable agreement to hold elections in the shortest time possible. Source: Hiiraan Online
  3. (ERGO) – Fadumo Mohamed Mohamoud, an internally displaced mother of 11, has been providing for her family with the income from her small shop in their IDP camp in Luq district, cushioning them from the heavy blow dealt to many other families by the economic impact of COVID19. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) - Somalia's Foreign Minister told the UN Security Council on Tuesday that federal and regional leaders have reached a tentative electoral deal that would finally see long-delayed elections. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan, sida uu shaaciyey xafiiska Rooble. Shirkan waxaa lagu wadaa in lasoo xiro maalinta Khamiista ah ee soo aadan, waxaana la isku afgartay inta badan qodobadii la isku hayey. Af-hayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka oo maanta galay maalintiisii afraad, waxuuna sheegay in madaxda ay muujiyeen biseylkooda ku aadan sida ay u doonayaan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka. “Ra’iisul wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto,” ayuu yiri Macalimuu. Shirkan oo teendhada Afisyooni ka furmay Sabtidii lasoo dhaafay ayaa looga hadlay qodobo in mudo ah la isku khilaafsanaa, waxaana la sheegayaa in badankood ay dhinacyadu heshiis ka gaareen, waxaana dhiman weli qodobo ay ka mid tahay arrinta Somaliland. Sida uu ka dhawaajiyey Afhayeenka xukuumadda waxaa la guda galay diyaarinta warmurtiyeedkii heshiiska, waxaana la sheegay in Khimiista soo socota la soo xiri doono shirka, iyadoo madaxdu ay shaaci doonaan qodobada ay ku heshiiyeen, si dalka loogu jaheeyo doorasho. Hoos ka Daawo The post Daawo: Goorta lasoo xirayo shirka Afisyooni oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  6. Shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo afar maalmood ka socday Muqdisho ayaa la filayaa in la soo xiro maalinta khamiista ee soo socota. Afhayeenka Xukuumadda Federaaka Soomaaliya Ibraahim Macallimow oo galabta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inuu heer gabagabo ah marayo dhameystirka qodobadii la isku khaliifsanaa ee shirarkii hore fashiliyay. Macallimow wuxuu tilmaamay in maalinta Khamiista la sameyn doono xaflad weyn oo lagu iclaamin doono heshiiska ka soo baxa shirka. Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Goormuu soo gabagaboobayaa shirka Muqdisho? appeared first on Puntland Post.
  7. Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Maamulka HirShabeelle ayaa wali wada baaritaano la xariira dadkii ka dambeeyay ama ku lug-lahaa dagaalkii Arbacadii ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka HirShabeelle, kaasoo lagu dilay in kabadan 10 qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxtooyada. Ciidanka Booliska ayaa baadi goobaya shaqsiyaad loo tilmaamay kuwaas oo wax ka ogaa weerarkii dhacay, sidoo kalane u badan qaraabada Maleeshiyada Macawiisleyda ee weerartay magaalada Jowhar. Baaritaanadii ugu dambeeyay ee shalay laga sameeyay Xaafadda Hanti-wadaag ee Jowhar ayaa la sheegay in lagu soo qabtay saddex qof oo ay ku jirto xaaska ninkii hogaaminayay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee lagu soo qaaday Jowhar. Haweeneyda la soo qabtay ayaa lagu magacaabaa Aamino Shariifow, waxaana la sheegay in ay u saarantahay Assaay (mara cad ee xertaan dumarka laga dhinto). Haweeynadaan oo sidoo kale ah Hooyo carruur heysata ayaa ninkeeda oo kooxdii weerarka soo qaaday hogaaminayay ku dhintay isla dagaalkaas waxaana la sheegay in ciidanka ay su’aalo weydiinayaan. Saraakiisha Booliska HirShabeelle oo aan la xariirnay ayaa heli weynay si aan wax uga weydiino baaritaanada ay wadaan ee lagu baadi goobayo dadka xigtada ah kooxdii weerarka ka fulisay Jowhar, kuwaasoo ka tirsanaa Maleeshiyada Macawiisleyda. The post HirShabelle oo xirtay xaaska hogaamiyaha maleeshiyadii soo weerartay Jowhar appeared first on Caasimada Online.
  8. Messaging app WhatsApp has blocked the accounts of dozens of Palestinian journalists following this month's fighting between Israel and Gaza's Islamist rulers Hamas, reporters said. Source: Hiiraan Online
  9. GALKAYO (HOL) - A military court in central Somalia region of Mudug has sentenced two men accused of killings and belonging to the militant group Al-Shabaab to life. Source: Hiiraan Online
  10. (SLT-Hargeysa)-Xaraaradda doorashadda, ayaa cirka isku sii shareeraysay marba marka ka sii dambaysa maadaama doorashoyinkii isku sidkan ay kaabiga innoo sii saaran yihiin, waxaana uu xisbi kasta isku dayaya sidii ay uu Musharraxiin miisaan leh u heli lahaa, halka uu musharrax waliba doonayno inuu guulaysto,balse hadda oo doorashadii maalmo yari ka hadheen, ayaa waxa soo ifbaxay in musharraxiin ka kale tirsan saddex Xisbi oo xafiil tan uu ka dhaxeeyo ay Magaalooyinka waa weyn ee dalka ka bilaabeen qorshe ay dadka cod-bixiyayaasha kaga iibsanayaan kaadhadhka codbixinta doorashooyinka isku sidkan. Xoggo kale duwan oo uu Wargeysa Waaberi ka helay illo wareedyo rasmi ah oo ku kale sugan Magaalooyinka ,Hargeysa ,Burco, Berbera iyo Laascnood, Boorama iyo Ceerigaabo, ayaa noo xaqiijiyey in kaadhadhka codbixinta ay jiraan dilaalin u iibinaya Musharraxiinta qaarkood,kuwaas oo dadka kaadhadhka codbixinta ka urursanay, balse kula ballamaya inay maalinta codka ay ku siinayaan goobta uu ka codaynayo, isla markaana ku dhaarinayo inuu u codaynayo Musharrax uu ka iibiyey kaadhka,waxaanay xusid muddan in Magaalooyinka iyo tuullooyinka lagu kale iibsanayo kaadhka codbixinta lacag u dhexeeya $150 ilaa laba boqol oo dollar $200,halka meelaha qaar loogu darayo raashin Sidoo kale, Maayarka Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo arrintaas ka hadlay ayaa uga digay dadka inay iibiyaan kaadhadhka codbixinta waxaanu ugu baaqay inay ilaashadaan kaadhadhkoodda ” Xagga kaadhadhka ha la illaaliyo qof wallow-ba kaadhkaaga hayso yaannu kaa bixin, qaar ayaa wareegaya oo doonnaya kaadhadhka inay iibsadaan,qof waliba ha ku dedaalo inuu kaadhkiisa haysto.”ayuu yidhi Ismaaciil Xaaji Nuur Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Sanaag ayaa isna arrintaa ka hadlay ayaa ku dardaaray bulshada reer Sanaag inay ilashadaan kaadhadhka codbixinta”Dhammaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI,waxa aan xasuusinayaa, haddii aad maqli jirteen dad qalato ayaa jirta Saxiibayaal waxa soo baxay cod qalato,waxa inooga ballan ah inaynu iska ilaalino.”ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI ee Gobolka Sanaag Dhinaca kale, Xoghayaha arrimaha guddaha ee WADDANI Maxamed Faarax Cabdi ayaa isna falkaas ka hadlay waxaanu sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka iyo wefti uu hoggaaminayo oo Gobollada ay galbeedka ka wadda ololaha KULMIYE ay qorshaas lagu iibsanayo kaadhadhka codbixinta ay waddaan,waxaanu ugu baaqay Bulshada reer Awdal iyo Salel inay kaadhadhkooda ilashadaan. “Waxa aan maqlay inay Nimanka waa weyn ee KULMIYE ka socdaa ama KULMIYE qorshayaasha uu wataa dadka danyarta ah ee dhallinyarta iyo haweenka inuu leeyihiin kaadhadhkiina keena lacag ayaa la idin siinayaaye ,waxaan uga digaynaa inay fara-geliyaan waxyaabaha noocaas ah,waar si xalaal ah oo nadiif ah u tartama banaanka ayaa la isugu imanayaa.” Source
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay faah-faahino dheeriya oo laga helayo baaritaano lagu sameeyay meydka ganacsade Bashir Maxamed Gaboobe oo dhawaan meydkiisa laga helay goob duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee dalka Kenya. Baaritaano la sameeyay ayaa muujinaya in ganacsadaha la jirdilay ka hor inta aanan la ceejin, ayada oo meesha laga saaray in wax rasaas ah loo adeegsaday, waxaase jira garaafooyin u eg in dhulka lagu jiiday. Ehellada marxuumka ayaa hore u shaaciyey in dilka Bashiir loo adeegsaday rasaas, ayna sidoo kale ku yaalleen nabaro kale oo jir dil ah, hase yeeshe faah-faahinta hordhaca ah ee kasoo baxeysa baaritaanka ayaa tilmaameysa mid taas ka badalan, sida ay daabacday warbaahinta Kenya. Madaxa dowladda Kenya u qaabilsan baaritaanada meydadka ayaa gacanta ku haya baaritaanka meydka marxuumka oo muddo la raadineyay, kaasi oo markii dambe la helay meydkiisa, ayada oo la geeyey qolka maydka ee magaalada Mwea oo ka tirsan gobolka Kirinyaga oo ah halka laga helay meydka. Dhinaca kale, Qareenka u doodaya marxuumka ayaa asaguna sheegay in baaritaanada lagu ogaaday in jirkiisa uu u muuqday mid la gubay, dhaawacna uu kaga yaallay isha isla markaana ay u muuqato in bir lagu garaacay. Waxa kale oo uu intaas ku daray in gubasahda meydka ka muuqatay ay ugu wacan tahay in koronto lagu dhajiyey, sida uu sheegay. Allaha u naxariistee ganacsade Bashiir Maxamed Gaboobe oo todobaadyo ka hor la waayey ayaa 23-kii bishaan meydkiisa laga helay duleedka magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya. Marxuumka oo maalmo badan la baadi goobayey ayaa waxaa meydkiisa laga helay meel duur ah oo qiyaastii 180 KM u jirta magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi. Marxuumka ayaa 13-kii bishan aynu ku jirno la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay, waxaana kadib waayitaankiisii duleedka Nairobi laga helay gaari la rumaysanyahay inuu yahay kiisa oo la gubay. Sidoo kale marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka haa shirkad ganacsi oo ka shaqeysa dhismaha, mashaariic waaweynna ka wadday dalka Kenya. Dhacdadan ayaa wal-wal xoogan iyo sidoo kale cabsi ku reebtay ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ajaaniibta ah ee ku sugan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. The post Xog cusub oo laga helayo baaritaanka ganacsadihii Soomaaliga ee meydkiisa laga helay Nairobi appeared first on Caasimada Online.
  12. (SLT-Hargeysa)-Tartanka Ololaha Doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada,ayaa axadii toddobaadkan si rasmi ah uga bilaabmay dalka,kaas oo soconaya muddo lix cisho ah,isla markaana uu xisbi waliba leeyahay laba cisho,sida ay sheegeen guddida doorashooyinka Qaranku, Doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada ayaa lagu waddaa inay dalka ka qabsoomaan maalinta isniinta ah ee toddobaadka dambe oo ku beegan 31 Bishan May 31 2021-ka Haseyeeshee waxaynu halkan ku eegi doonnaa ololayaashii doorashooyinkii dalka ka dhacay sannadihii 2010,2012-kii iyo 2017-kii siday ay ahayaan iyo wax-yaabihii ay ku kale duwanayeen iyo inta cisho ay dalka ka socdeen iyo dhacdooyinkii ku duugnaa. Ololaha Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee Sannadkii 2010-kii Afhayeenkii Komishankii hore Maxamed Axmed Xirsi Geele ayaa shir saxaafadeed uu qabtay ku sheegay in 4 Bishii June sannadkii2010-kii ahayd maalin arbaca ah uu guud ahaan dalka ka bilaabmay Ololaha doorashadii Madaxtooyadda,kaas socday muddo 21 maal-mood ahayd. Kaltankii ololaha ee ugu horeeyey ayaa waxa bilaabay Xisbigii UDUB ,waxaana ku xigay xisbiga KULMIYE ,halka uu ugu dambeeyey kaltanka olalahaas xisbiga UCID. Ololahaas ayaa ahaa mid xamaasad lahaa,isla markaana ay Xisbiyadda Mucaaradka ahaa ee UCID iyo KULMIYE oo xuluufo ahaa ay wacdaro ka dhigi jiraan fagaarayaasha, ,waxaase xusid muddan inuu jiray cahdigaas kacdoon hoose oo beesha dhexe ku diidanayd xukunkii Madaxweyne Riyaale ,haddana muu noqon olole xanaf badan ka tegay markii ay doorashadaasi dhammaatay. Ololaha Xisbiyadda Iyo Musharraxiinta ee Doorashadii Golaha Degaanka Iyo Ururada ee Sannadkii 2012–kii Guddidii doorashooyinka ee xilligaas ayaa shaaciyey inuu guud ahaan-ba dalka si rasmi ah uga bilaabmay ololihii ururada iyo Musharraxiinta ee sannadkii 2012-kii,waxaanu ololahaas bilaabmay maalin isniin ah 29-ka Oktober 2012-kii,kaas oo socday muddo bil ah Ololahan oo socday muddo bil ah ayaa waxa ka qayb qaadanayey taageerayaasha toddoba Urur siyaasadeed oo urur kastaa maalin gooni ah uu dibedbax ka samayn jiray magaalooyinka waa weyn ee dalka,kuwaas oo kale ahaa Ummadda, UCID, Kulmiye, Dalsan, Rays, Wadani, iyo Xaqsoor. Ololihii doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee sannadkii 2017-kii Guddidii hore ee doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ololihii doorashada Madaxtooyadda uu dalka si rasmi ah uga bilaabmay 21 October 2017 -kii,kaas oo socday muddo 21 ciso ah ,waxaana kaltanka ololaha ugu horeeyey oo bilaabay Xisbiga UCID ,waxaana ku xigay Xisbiga KULMIYE,halka uu Xisbiga WADDANI ugu dambeeyey. Tartankii ololihii doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee sannadkii 2017-kii ayaa ahaa mid adag,maddaama oo uu xafiiltan ka dhaxeeyey Xisbiyadda KULMIYE ,UCID oo isku dhinac ahaa iyo Xisbiga WADDANI,waxaanu ololuhu ahaa kii ugu adkaa ee doorashooyinkii dalka ka dhacay taariikhda,waxaanu xaalku gaadhay meel xaasaasi ah,balse waxa uu ku soo dhammaaday si nabad ah. Tartanka Ololaha doorashooyinka Isku sidkan Ee Wakiillada Iyo Degaanka ee sannadka 2021-ka Guddidan Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa sheegay in tartanka ololaha doorashooyinka isku sidkan uu dalka si rasmi ah uga bilaabmay 23 bishan May,kaas oo ay sheegeen inuu soconay muddo kooban oo lix maal-mood ah,waxaan tartanka ololaha bilaabay xisbiga UCID ,waxaana ku xigay Xisbiga KULMIYE, halka Xisbiga WADDANI uu uga dambayn doonno . Gunaanadkii Ololahan ayaa ah mid aan hore dalka uga dhicin,iyadoo ay ka qayb-qaadanayaan ku dhawaad kun musharrax oo u tartamaya doorashooyinka isku sidkan ee degaanka iyo Wakiillada iyo taageerayaashoodii,waxaana la odhan karraa waa ololihii ugu ballaadh-naa ee doorashooyinkii dalka ka dhacay,waana mid ka xamaasad badan,iyadoo uu ku jiro ficiltan iyo dhoolatus musharraxiinta iyo beelaha ay ka soo kale jeedaan u dhaxeeyaa,waxaana xusid muddan in amaanka si weyn loo adkeeyey,maddaama oo uu yahay olole sal ballaadhan,kaas oo la filayo in la soo afmeero maalinta jimcaha ah ee inagu soo aadan. Source
  13. WARSAXAAFADEED Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxay ku ammaanaysaa dhammaan goobaha waxbarashada JSL sida xilkasnimadu ku dheehan tahay ee ay u fuliyeen go’aannadii Guddiga Qaran ee Xanuunka KALA-ROORA iyo wareegtadii Wasaaradda Waxbarashada. Haddaba Wasaaradda Waxbarashada oo ka duulaysa in xaqiiqada ah inay dugsiyadu fasax yihiin inta u dhaxaysa 13/4/2021 iyo 3/7/2021, muhiimadda ay leedahay dhaqaalaynta macallimiinta iyo inaan culays dhaqaale la saarin ardayda; waxay soo saartay go’aannadan: 1. Way reebban tahay in dugsiyada dalku ay ardayda shuruud kaga dhigaan bixinta lacagta dugsiga (Fiiga) oo lagu waajibiyo inay waalidku isku mar bixiyaan 2 bilood iyo ka badan; haddii aanu waalidku sidaas doorannin. 2. Dugsiyada waxa la farayaa inay mushahar siiyaan macallimiinta iyo shaqaalaha dugsiyadooda ka hawlgala dhammaan 12-ka bilood ee sannadka, maadaama ay ardaydu lacag (School Fee) bixinayaan 12-ka bilood ee sannadka. 3. Waa waajib in ay waalidiintu bixiyaan lacagta Fiiga waxbarashada dhammaan 12-ka bilood ee sannadka, iyadoo loo bixin karo bil, kal (Semester) ama sannad; hadba kii waalidku doorbido. 4. Dugsiyada waxa la farayaa in aanay ardayda lacag kaga qaadin imtixaan, buugaag, waraaqo, qalimaan, tabaashiir, beddel, diiwaan galin, safar, iwm. Isla markaana inaan ardayda lagu amrin inay soo iibiyaan agab dugsiga looga baahan yahay; marka laga reebo agab arday waxyeello u geystay oo laga magdhebayo. 5. Maamulayaasha dugsiyada, macallimiinta, ardayda, waalidiinta iyo Wasaaradda waxa ka dhexeeya ixtiraam in uu kordho mooyaane ay tahay in aanu marnaba hoos u dhicin. 6. Waa in Waalidka iyo Maamulka Dugsiyadu yeeshaan wadatashi joogto ah oo ku saabsan arrimaha Waxbarashada dugsiga iyo xoojinta xidhiidhkooda, isla markaasna sannadkiiba hal mar la qabto kulanka horumarinta dugsiga oo ay ka soo qayb galaan dhammaan waalidiinta iyo macallimiinta dugsigu. Allaa Mahad Leh. Qaran News
  14. (SLT-Burco)-Xisbiga tallada haya ee KULMIYE ayaa tageeradii miisaanka lahayd ee uu ku lahaa Gobolka Togdheer ay u muuqataa inay meesha ka sii baxayso,waxaanna muddooyinkii ugu dambeeyey soo ifbaxayey in taageerayaashii Xisbiga ay u guureen dhanka labada Xisbi ee Mucaaridka ah. Iyadoo ay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda KULMIYE ay fagaarayasha ka muujiyeen tawaawac muujinayey in Xisbigu uu fara madhnaan ka taagan yahay Gobolka Togdheer. Xilligan oo lagu jiro wakhti doorasho, ayaa waxa aan la dafiri karrin in Xisbiga KULMIYE uu Musharraxiinta uu soo xulay Gobolka Togdheer ay yihiin qaar aan guul-baddan u keeni karrin Xisbiga, marka loo eego labadda Xisbi ee kale. Madaxweyne Biixi ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa ka hor inta aannu bilaabmin ololaha doorashooyinka u diray Gobolka Togdheer Wasiiro miisan leh oo deegaankaa ka soo jeeda,kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiir Siciid Sulub Maxamed, Maxamed Kaahin Axmed, Wasiir Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal iyo Guddoomiye Cabdikariin Xinif iyo masuuliyiin kale. Hase-yeeshe waxa xusid muddan inay reer Togdheer ay dhabarka u jeediyeen xisbul-xaakimkii tacabka iyo juhdiga galiyeen, kuwaas oo naadinaya taageerada KULMIYE . Guddoomiyaha Hay’adda qaxoontiga ayaa sheegay in aanay cidi u garaan-bayn haddii la yidhaahdo Faysal Cali Waraabe ayaa kaga baddiyey Gobolka Togdheer Xisbiga KULMIYE “Maanta waxa tartamaya Siilaanyo ,Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Ismaciil Cali Abokor Iyo Faysal Cali Waraabe,Malaa ciddi noo garaabi mayso, Faysal ayaa kaga baddiyey ragaas .”Ayuu yidhi Dhanka kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo kumanaan Taageerayaashiisa ah kula hadlayey fagaaraha Khayriyadda Burco ayaa sheegay in reer Togdheer ay KULMIYE ka yaceen,isagoo sheegay in xildhibaano xul ah oo uu KULMIYE diiday uu ka soo sharraxay UCID Togdheer ” Waxa aanu idiin soo xulnay dad wanaagsan dadkaa yimi baddankoodu waxay markii hore u tageen ,Xisbigii aad isla ogaydeen laga yaac-laga yaac, Burco ma ka yaac-day,waa laga cararay buugaa waan soo xidhaynaa Waxaanu intaas ku sii daray Guddoomiye Faysal “UCID weeye doorkani qabyaaladii waad arragteen saw mahaa,Jeegaantii waad arragteen saw maaha .” Source
  15. (SLT-Addis Ababa)-Dowladda Japan ayaa maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ugu deeqday adduun lacageed oo gaadhaya hal Milyan oo dollar. Lacagtan loogu deeqay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay in loogu tallo galay in wax lagaga qabto biyo-gelinta, Fayadhowrka magaalada Qabribayax iyo waliba ka hortaga daadadka magaalada Jigjiga. “Waxaan ku faraxsan ahay inaan deeq dhan 1 million oo dollar oo wax lagaga qabanayo biyo-gelinta iyo fayadhowrka magaalada Qabribayax iyo ka hortaga daadadka magaalada Jigjiga ka helnay dawlada Japan. Hay’adaha UNHCR iyo International Labour Organization (ILO) ayaa fulinaya mashruucan, oo qayb ahaan wax ka taraya biyo-la’aanta baahsan ee ka jirta Qabribayax” ayaa lagu yidhi qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar. Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadiisa aay qorshaha ku darsatay in biyo gelin dhammeystiran u sameyso magaalooyinka kala ah Jigjiga, Qabribayax, Dhagaxbuur iyo Wardheer sanad- miisaaniyadeedka soo socda. Source
  16. Sawirrada Gabadha la haysto ee Amiirka Dubai Dhalay oo soo muuqday Sheikha Latifa (Dhexe) Laba sawir oo ah Sheikha Latifa, gabadha amiirka xukuma Dubai, ayaa kasoo muuqday barta Instagram, saddex bil kadib markii BBC-da ay baahisay farriin muuqaal ah oo ay ku sheegtay in lagu haysto guri Villa ah oo xiran. Sawirradan, ayaa haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa mid ka mid ah xilliyada faro ku tiriska ah ee Latifa lagu sawirro goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan tan iyo markii ay saddex sano ka hor sameysya isku day fashilmay oo ay uga baxsaneysay maamulka aabaheed, ayada oo doon u qaadatay Badweynta India. Wixii markaas ka dambeeyey, Latifa iyo taageerayaasheeda ayaa sheegay in loo haysto si qasab oo ah amarka aabaheed Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum, Amiirka xukuma Dubai iyo madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka Carabta. Sheekha iyo Imaaraadka Carabta waa ay beeniyaan eedeymahan. Bishii April, khubarada xuquuqda aadanaha ee QM ayaa Imaaradka Carabta ka dalbaday inay soo bandhigaan “caddeymaha nolosheeda” oo ay sii daayaan Latifa bint Mohammed al-Maktoum, oo ah 35 jir, kadib muuqaalkii BBC-da. Ilo-wareedyo ku dhow kuwa u ololeeya in lasii daayo ayaa sheegay in labada sawir, oo lasoo dhigay cinwaanka Sioned Taylor ee Instagram ay yihiin kuwa sax ah oo dhowaan la qaaday. Tylor ayaa waxaa cinwaankeeda ku qoran inay macallin ka tahay iskuul ku yaalla Dubai oo ay dowladdu maamusho. Wakaaladda wararka Reuters si madax banaan uma xaqiijin karto haddii Latifa ay haysato xorriyad dhaq-dhaqaaq. Sidoo kale xiriir lala sameeyey wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta kama aysan jawaabin sawirradan. Sawirka koowaad oo Khamiistii lasoo digay cinwaanka Tylor ayaa muujinaya Latifa oo ku sugan dibedda masrax aflaanta laga daawado oo ku yaalla gudaha moolka Dubai. Sawirka labaad oo cinwaanka Tylor lasoo dhigay Sabtidii ayaa muujinaya Latifa oo fadhisa dibedda maqaayad gadaasheeda uu ka muuqdo moolka Dubai. Latifa ayaa soo jiidatay dareenka caalamka 2018 markii koox u doodad xuquuqda aadanaha ay baahisay muuqaalo ay ku qeexday isku day ay kaga baxsan rabtay Dubai. Waxaa meel u dhow xeebaha India kasoo qabtay ciidamo gaar ah, kuwaas oo dib ugu celiyey Dubai. Qaran News
  17. MOGADISHU (HOL) - The Swedish government has announced $9 million to support child and maternal health in Somalia. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Muuqaal cusub oo ay soo saartay garabka Warbaahinta ee Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay mid kamid ah askarti ciidanka Kenya ee lagu qabtay dagaalkii Ceel-Cadde ee dhacay sanaddii 2016. Gerishon W. Wesike oo ah maxbuus gacanta ugu jira Al-Shabaab ayaa farriimo u diray Uhuru Kenyatta iyo shacabka Kenya, sido kalana wuxuu ka hadlay howlgalka AMISOM oo ay qeyb ka tahay Dowladda Kenya. Askarigaan ayaa sheegay in dowladiisa ay dayacday islamarkaana lagu hilmaamay xabsiga uu ugu jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna dowladda Kenya ku eedeeyey inaysan marnaba soo hadal qaadin maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Ceel-Cadde. Muuqaalka intiisa badan ayaa Wesike waxa uu dowladiisa ka codsaday in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya si loo badbaadiyo naftiisa maadaama ay Al-Shabaab sii deyntiisa shuruud uga dhigtay in ciidamadaas laga saaro guud ahaan Soomaaliya. 53 sano jirkaan ayaa qoyska uu kasoo jeedo ka codsaday inay Dowladda Kenya cadaadis ku saaraan sidii uu uga soo bixi lahaa gacanta Al-Shabaab. Gerishon W. Wesike ayaa waxaa muuqaalkaan cusub looga duubay halkii laga soo qabtay 5 sano ka hor, iyadoo lagu amray inuu matalo qaabkii uu ku sugnaa markii gacanta lagu soo dhigay, waxaana xusid mudan in meesha muuqaalka looga duubayey la keenay gaarigii uu saarnaa markii gacanta lagu soo dhigayey. Waa markii labaad oo muuqaal noocaan ah laga soo duubo askarigaan, waxaana markii ugu horeysay muuqaal laga soo duubay la faafiyey Bishii April ee sanadkii 2016, balse dowladda Kenya ayaan wax muhiimad ah siin codsiga askariga ka tirsan ciidamadooda ee ku jiro gacanta kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Askari Kenyan ah oo u afduuban Al-Shabaab oo farriin xasaasi ah soo diray appeared first on Caasimada Online.