Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Caadil bin Cabdiraxmaan Al-Casuumi ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee ku saabsanaa jadwalka doorashooyinka Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay sida madaxda Soomaaliyeed ay u muujiyeen mas’uuliyad wadareed si hore loogu dhaqaaqo, isagoo intaas ku daray in Baarlamaanka Carabtu garab taagan yahay Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo horumarka dalka. Guddoomiye Al-Casuumi ayaa ugu baaqay wadamada Carabta iyo beesha caalamka in ay taageeraan Soomaaliya si looga miradhaliyo heshiiyadii la gaaray, sidoo kalena ay u dhacdo doorasho daahfuran. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Carabta oo war ka soo saaray Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  2. Beledweyne (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle, waxaa magaalada Beladweyne safar aan la shaacin ku tagay xubno Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha HirShabelle. Ujeedada socdaalka mas’uuliyiintaan ayaa lagu sheegay inay Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle u wadeen fariin ka timid Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo in ay soo indha indheeyaan ilaha dhaqaalaha ee magaalada iyo goobaha ugu amniga roon Beladweyne. Si rasmi ah looma oga sababta ay u raadinayaan xaafadaha ugu amniga badan Beladweyne, gaar ahaan aagga ay degto beesha Gaaljecel, waxaase soo baxaya warar sheegaya in uu socdo qorshe magaaladaas lagu geyn doono Madaxweyne Cali Guudlaawe. Inkastoo aan warbaahinta lala wadaagin wafdigaan ka socda xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle, ayaa haddana waxaa sawiro la baahiyay ka soo muuqday agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada HirShabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo sidoo kale ah gacanyaraha Madaxweyne Cali Guudlaawe. Muqdisho iyo Beladweyne waxaa si weyn looga dareemayaa dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda HirShabeelle gaar ahaan sidii ay Beladweyne uga dhici laheyd doorasho xildhibaano federaal uu maamulkeedu hayo Madaxweyne Cali Guudlaawe. Sidoo kale, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaa la filayaa in dhowaan dowladda Soomaaliya ay guddi u dirto magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaasoo ka shaqeeya sidii loo xalin lahaa cabashada ay maamulka HirShabelle ka qabaan beesha Xawaadle. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka dalbaday Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka shaqeyso sidii uu maamulkiisa ku tagi Beladweyne oo la filayo in lagu soo doorto qeyb ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Wafdigan la dirayo ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda uga hortageyso olole uu waday Sheekh Shariif oo ku aadanaa xal u raadinta xiisadda ka dhex oogan Guudlaawe iyo beesha Xawaadle. The post Xog: Wafdi uu Guudlaawe diray oo tegay Beledweyne, si gaar ahna u calaameystay… appeared first on Caasimada Online.
  3. ADDIS ABABA (Reuters) - Ethiopia’s ceasefire with rebel Tigrayan forces is a work in progress and needs both sides’ commitment to work, the Foreign Ministry said on Thursday, as aid agencies battled destroyed communications to reach hundreds of thousands facing famine. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeestay khilaaf muddo bilooyin ah u dhaxeeya guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo ku xigeenkiisa 1-aad ee dhinaca maaliyadda Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Caana-boore, kaas oo ka dhashay muran dhinaca maaliyadda ah. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaysa in murankaan oo soo taagnaa muddo bilooyin ah uu salka ku haayo qaabka lacagta looga bixinayo akoonka dowladda Hoose ee laga furay Bangiyada sida gaarka ah loo leeyahay. Inkastoo saxiixa lacag la soo bixidda ay kuwada qoranyihiin labadaan masuul, haddana waxaa lacag kasta oo la soo bixinayo la socoto warqad ka soo baxeysa xafiiska guddoomiyaha iyadoo la’anteed aan lacag la soo bixin karin. Guddoomiye Caana-boore ayaa diiday in uu saxiixo Jeeg lacag la bixid ah kadib markii isaga hore looga diiday in loo qoro warqad ka socoto xafiiska duqa oo xoojisa Jeega ay saxiixaan labada mas’uul waxaana la sheegay in arrintaas ay sababtay muran xoogan oo ilaa hadda taagan, islamarkaana laga dareemay xarunta gobalka Banaadir. Wali qaar kamid ah shaqaalaha Gobalka Banaadir ayaa qaadan mushaarkii bishii May, iyadoo ay dhamaatay bishii kale ee Juun waxayna sidaas mushaar la’aan ku yihiin laba bilood. Shaqaalaha aan mushaarka qaadan ayaa ka tirsan xafiiska duqa iyo xafiiska arrimaha bulshada ee dowladda Hoose ee Xamar. Lacagta uu saxiixeeda muranka ka dhashay ayaa la sheegay in labadan mas’uul ay si shaqsi ah u isticmaali rabeen, waxaana la sheegay in marka hore uu la baxay guddoomiyaha gobalka Banaadir isagoo sababta ku sheegay in uu isaga bixin doono kiro guro iyo arrimo kale, halka ku xigeenkiisana sidaas oo kale uu soo qortay balse guddoomiyaha gobalka ayaa diiday in uu saxiixo sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan gobalka Banaadir. The post Khilaaf u dhaxeeya Cumar Filish iyo Caana-boore oo cirka isku shareeray – Xog appeared first on Caasimada Online.
  5. The US Federal Aviation Authority has directed aircraft flying over Ethiopia to either avoid Tigray region or maintain a high altitude. Source: Hiiraan Online
  6. Once a mainstay of good relations, these differences will test the limits of cooperation between the two multilateral bodies, yet Africa cannot afford any relapses in relations. Source: Hiiraan Online
  7. WASHINGTON, (Reuters) -The United States on Thursday added Turkey to a list of countries that are implicated in the use of child soldiers over the past year, placing a NATO ally for the first time in such a list, in a move that is likely to further complicate the already fraught ties between Ankara and Washington. Source: Hiiraan Online
  8. Star director Ryoo Seung-wan said Thursday that he was fascinated by the dramatic story and characters in the true story that inspired his upcoming action film "Escape from Mogadishu." Source: Hiiraan Online
  9. Somalia’s President Mohamed Farmaajo has called for national unity as the country marked 61 years of independence on Thursday. Source: Hiiraan Online
  10. Turkey could play a crucial role in bringing peace to Afghanistan due to its favored reputation in the war-torn country, political and security experts from three countries said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  11. Ergeyga Qatar u fadhisa Qaramada Midowbay (QM) ayaa sheegtay in waanwaan meel wanaagsan maraysa ay u socoto Qatar iyo kooxda Al-Shabaab. Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ilaa hadda war rasmi ah kama soo saarin dadaalkaas! Danjire Sheikha Caaliya Axmed bin Saif Al Thani oo ka hadaleysay munaasabadda “Toddobaadkii Labaad ee La Dagaallanka Argaggixisata ee QM” ayaa sheegtay in dowladdeeda ka go’an tahay inay si buuxda gacan uga geysato ka hortagga argagixisada Soomaaliya. Horraantii bishii Juun 2017, ayaa Soomaaliya oo la wadaagto Jasiirada Carbeed xidhiidh qoto dheer ka mid noqotay dalal fara-kutiris ah oo dhexdhexaad ka noqday khilaafkii khaliijka kaddib markii ay xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka u jareen xidhiidhka dalka Qatar. Dooxa ayaa ka soo baxday meel aan laga filayn una fidisay Soomaaliya taageero dhinacyo badan leh. Balse dhaawacyada halista ah ee ku waxyeelloobay weerarrada xagjirka oo ay Qatar daadgurayso ayey ku hanatay quluubta dadka Soomaaliyeed. Su’aashu waxay tahay, maxay Dooxa ku soo kordhin kartaa la dagaallanka argaggixisada oo uu Mareykanku la tacaalayay in ka badan muddo toban sano? Maxaase looga naadiyay qorshe ku fiicnaa qarsoodi fagaare caalami ah? Shaacinta qorshaha Qatar waa diginin loo dirayo hay’ado maxalli ah iyo kuwa caalami ahba oo ku lug leh fidnada, ganacsatada iyo sirdoonkaba. Sideedaba argaggaxisada Soomaaliya waxaa loo qaybin karaa dhowr nooc: (1) Kooxda Al-Shabaab; (2) Koox sirdoonka deriska iyo kuwo caalami ahba ay ka dambeeyaan; (4) Kooxda Daacish; iyo (3) Kooxo qawlaysato maxalli ah (local gangs). Qorshe Fashilay Jiilaalkii dhawaa ayaa Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Christopher Miller booqasho lama filaan ah ku yimid Soomaaliya ugana sii gudbay dalka Qatar xilli walaac ka taagnaa qorshaha dib u celinta ciidamada dalkiisa ka jooggay Soomaaliya. Mar dambe waxaa soo baxday in Christopher Miller uu watay qorshe lagu bilaabayo wadahadallo lala yeesho argagixisada Al-Shabaab. Fikraddaas waxaa la oggaa Kash Patel oo waqtigaas ka hayey jago sare Guddiga Amniga ee Aqalka Cad. Safarka Miller ee Dooxa waxuu ahaa inuu ku qanciyo mas’uuliinta Qatar inay wadahadal la furaan argaggixisada Soomaaliya. Sida uu qoray wargeyska “New York Times,” Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mike Pompeo oo aan lala socodsiin qorshaha ayaa ganafka ku dhuftay hawshii oo qabya ah (New York Times 11/11/2020). Inkastoo Ajendaha maamulka Joe Biden uu ka duwan yahay kii Donald Trump, haddana ku dhawaaqidda Qatar waxay u muuqataa tab lagu wajihi doono argaggixisada oo ay iska kaashanayaan Dooxa-Muqdisho-Washington. Tab Cusub War uu qoray wargays Military Defense ayaa sheegaya in wada xidhiidh gaar ah uu ka dhex socdo taliska ciidamada Africom iyo madaxda rayidka ah ee Pentagon, kaasoo looga hadlayo sidii dib loogu soo celin lahaa ciidamadii uu Donald Trump kala baxay Soomaaliya (Military Defense 29/06/2021). Hadalleedii Ergayga Qatar waxaa ka mid ahaa in Dooxa xitaa weydiisatay dawladaha kale inay kasoo qaybgalaan sanduuqa tababbarrada iyo dhaqan-celinta (rehabilitation) dhallinyarada u dagaallamaysa argagixisada inta aan shaqo la geen. Doorka Dooxa ayaa u muuqdaa inuu yahay adeegsiga habab cusub oo ku tiirsan tikniloojiyada casriga ah si loola socdo dhaqdhaqaaqa iyo isgaarsiinta argaggixisada, inkastoo wax ka qabashada argaggixisada ee habka amniga aysan kaligood ku filnayn. Dooxa waxay leedahay khibrad diblomaasiyadeed oo ay ku wajahdo arrimaha xasaasiga ah waxayna sheegtay inay hagaajinayso xaaladaha dhaqaale ee dhallinyarada iyadoo adeegsaneyso fursado shaqo abuur, waxbarasho iyo isboortigaba si loo horumariyo dhaqanka nabadda iyo dulqaadka. Walow intaba ay yihiim muhiim, halka dhibaatada ka haysato dalka waa caddaalad darrada baahsan. Ilaa ay hay’addaha caddaalada iyo amniga ka noqdaan kuwa sugi kara baahida dadweynaha, argaggisixada ma weyn doonto dad ay ku qanciso in dhabbaheedu yahay midka toosan. Waxaa xaqiiq ah in khatarta argaggixisada ay hoos u dhacday marka loo eego sanadihii tegay (Africa Center for Strategic Studies – 29/01/2021). Balse waxaa muhiim ah in culumada diinta iyo hoggaamiyeyaasha dhaqankaba door muuqda laga siiyo si kor loogu qaado garaadka bulshada, ololaha la dagaallanka argaggixisadana uu u noqdo mid nabad waarta dhala. W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Waan-waanta ay Qatar la furtay Al-Shabab ma horseedi kartaa nabadda Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  12. These upgrades stemmed from former Army Secretary Ryan McCarthy's October 2020 order to the Senior Army Decorations Board to reevaluate previously approved awards for valor, the Army said. Source: Hiiraan Online
  13. Maayar-Xigeenka Hore Ee Hargeysa Oo si Farshaxnimo ah Fagaare ugu weeraray Saaxiibkii Ex-Maayar C/raxmaan Soltelco Maayar ku-xigeenkii hore ee Magaalada Hargeysa Cabdicasiis Caga weyne ayaa si dad-ban u duray Maayarkii hore ee Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, kaas oo ay muddo soo wadda shaqeeyaan, isla markaana ay muddo dheer ay ahayeen duqa iyo ku-xigeenka Magaalada Hargeysa. Maayar ku-xigeenkii hore ee Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne oo khudbad ka jeedinayey Munaasabad ay xilka ku wareejinayeen isaga iyo Maayarkii hore ee Magaalada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco,ayaa si dad-ban u weeraray saxiibkiisii ay mudda’da soo wadda shaqeeyeen ee Solteco. Dhanka kalena Maayarkii hore ee Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Solteco ayaa dhawaan mar uu war-baahinta la hadlayey sheegay inuu la shaqayn doono Maayarka cusub ee Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge. Cabdicasiis Caga weyne oo u duurxulaya Cabdiraxmaan Solteco, isla markaana daba socda hadlkaa hore,ayaa sheegay sidan:”Ninbaa arkay nin xil kasii dagaya oo kii uu ku wareejinayey ku leh waan ku dhisayaa oo aqoontayda iyo kartidaydaan kula barbar taaganahay, Ninkii meesha taagnaba yidhi kartida iyo aqoonta miyuu wax ku qabto intii uu xilka hayey.”Cabdicasiis caga wayne maayir ku xigeenkii hore ee casimadda ayaa sidaa yidhi. Qaran News
  14. Loolanka loogu jiro Buuxinta Jagada Gudoomiyaha Golaha Guurtida S/land oo si hoose u Bilowday +Xubnaha ilaa hadda shaaciyey Hankooda Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dhawaan Iscasilaada xilka Gudoomiyaha golaha guurtida Ugudbiyay madaxwaynaha Somaliland, oo sida warar sheegeen madaxwaynuhu ka Aqbalay Istiqaalada Katagista xilka ee gudoomiye saleebaan oo ku sobobeeyay xaalada caafimaad oo isaga ugaar ah. Hadaba Tan iyo intii ay soo baxday iscasilaada gudoomiye Saleeban ee golaha guurtida ayaa waxaa bilowday Tartanka iyo shirar hoose oo loogu jiro Buuxinta jagada gudoomiyaha golaha guurtida taasi oo ay wadaan xubno kamid ah xildhibaanada golaha guurtida oo iyagu leh damaca gudoomiyaha golaha guurtida Iyo shakhsiyaad kale oo Aan kamid ahayn golaha guurtida balse dabada ka jooga oo quudaranaya gudoomiyaha guurtida. Sidoo kale xogaha laga helayo loolanka buuxinta gudoomiyaha golaha guurtida ayaa sheegaya in ay jiraan xildhibaano katirsan golaha guurtida oo bilaabay ololaha ay ugu jiraan buuxinta gudoomiyaha golihii ay kamid ahaayeen. Xildhibaanada ilaa hada shaaciyay damacagooda gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ayaa waxaa kamid ah xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheikh Muxumed oo kamid golaha guurtida horena dhowr jeer ka dhawaajiyay damaciisa kursiga gudoomiyaha golaha guurtida ka hor intaa aanu saleebaan maxamuud aadan banaynin Dhanka xildhibaan suldaan ismaaciil ayaa ilaa iyo intii ay soo baxday katagista gudoomiye saleebaan ayaa wuxuu bilaabay shirrar hoose oo uu kula tashanayo xildhibaanada golaha guurtida ee ay isku aragtida yihiin iyo xulafaysi kale oo uu ku damacsan yahay in uu ku kasbado aqlabadiya golaha guurtida. Xildhibaan suldaan ismaaciil suldaan cabdiraxmaan ayaa kamid ah dhalinyaradii xildhibaanada golaha guuryida soo galay isagoo mudadii uu golaha katirsanaa siwayn wax uga badalay hanaankii golaha guurtida ee hore kaasi oo isku badalay mid xildhibaanada golaha guurtida marwalba dood ka yeesheen xaalada dalka ka taagan islamarkaana ay uyeedhaan hadba masuulka ay khusayso arinta taagani Golaha guurtida Somaliland ayaa wakhtigii uu geeriyooday gudoomiyihii golaha guurtidu sheikh ibraahim waxaa dabada laga keenay saleebaan gaal oo sidaasi gudoomiye loogaga dhigay golihii guurtida taasi oo marwalba caqabad ku noqota damaca xildhibaanada golaha in dabada lagaga keeno masuul aan kamid ahayd islamarkaan gudoomiye looga dhiga. Iskusoo wado duub oo loolanka loogu jiro buuxin gudoomiyaha golaha guurtida ayaa laga war sugu doonaan wakhtiyada soo socda iyo halka uu cago dhigto hirdankiisu iyadoo mudanayaasha golaha guurtidu ay doortan si gaar ah isha ugu hayaan kana soo horjeedaan in gudoomiye dabada lagaga keeno iyadoo golaha ay fadhiyaan xildhibaano buuxin kara booska oo leh damac taasi oo shardi ku ah xukuumada muuse biixi oo hadii ay isku daydo in sidii xukuumadii daahir riyaale in golaha dabada lagaga keeno siyaasi ay madaxtooyadu soo dooratay, ay dhaabad adag ku noqon doonto xukuumada hada talada haysa Qaran News
  15. Xukuumadda dowlad Deegaanka Soomaalida DDS ayaa sheegtay in aysan u dul-qaadan doonin shakhsiyaadka sida ay sheegtay u gacan-haadinaya ururka TPLF, oo hadda u muuqda in uu soo rogaal celiyay kadib markii uu toddobaadkan qabsaday magaalada Mekelle. Kulan uu yeeshay golaha fulinta ee dowlad deegaanka, uuna shir guddoomiyayay madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa lagu sheegay in ururka TPLF uu sanado badan dhibaatooyin dhanka dhaqaalaha iyo bulshada ah ku hayay Soomaalida Itoobiya. Wasiirka warfaafinta deegaanka, Cali Baddal Muxumed, ayaa sheegay in mar kasta ay jecel yihiin in aan “la uus duugin” taaiikhda ay soo mareen shacabkooda. “Waxaan muujineynaa in TPLF ay yihiin urur dhibaato u geystay shacabka Soomaalida oo dhankeenna ay ka yihiin urur dembiilayaal ah,” ayuu yiri wasiirka. PUNTLAND POST The post Dowlad degaanka Soomaalida DDS oo digniin u jeediyay shakhsiyaad taageersan TPLF appeared first on Puntland Post.
  16. Waxaa markii labaad noolashiisa kacdoon hubaysan oo ka dhan ah dowladda Itoobiya ka wada buuraha Tigray janan ka tirsanaa milateriga dalkaas, sida uu qoray falanqeey Alex de Waal. Taliyaha xooggaga Tigray, Jenaraal Tsadkan Gebretensae, ayuu qoraaga ku tilmaamay mid kamid ah ragga jiilkiisa Afrikaanka ah ugu wanaagsan dhanka istaraatijiyadda milateriga. 68 jirkan ayaa sanadkii 1976 ka tegay jaamacadda Addis Ababa oo uu ka baranayay maadada Biology, waxaana uu ku biiray igray People’s Liberation Front (TPLF). Xilligaas jabhadda ayaa dagaal kula jirtay dowladdii Mengistu Haile Mariam. Qiimeyntiisa, xirfaddiisa abaabul iyo sida uu u so jiidan jiray kalsoonida dagaalyahannada ayaa ka dhigtay in sanado gudahood uu kamid noqdo ragga ugu magaca weyn taliyayaasha jabhadda. May 1991, Jen Tsadkan oo hoggaaminaya xooggagii TPLF iyo Eritrean taabacsan ayaa gacanta ku dhigay caasimadda Addis Ababa, waxaana ay xilka ka tuureen Mengistu. Waxa uu ku guulaystay in xooggagii TPLF ee qabsaday caasimadda ay sugaan ammaanka, isla markaana ay ilaaliyaan kala dambeynta iyo hawlaha dowladda. Saddex maalmood kadib markii ay caasimadda galeen 28-kii May 1991, waxaa si habsami leh mushaaraadkoodii loo siiyay shaqaalaha dowladda. Duulaankii Gedo Todobadkii sano ee xigtay, Jen Tsadkan, ayaa hormuud u ahaa dib u dhiska ciidamada Itoobiya. Waxaa xilligaas loo dalacsiiyay darajada Jeneraal. Waxa uu dib ugu laabtay waxbarashadiisii, isagoo shahaadada MBA ka qaatay jaamacadda Open University ee UK. Xilliyadaas waxa ay xaalad amni darro xooggan ah ka jirtay dalal ku yaal Geeska Afrika. Jananka ayaa sanadkii 1996 milateriga Itoobiya u diray gobolka Gedo ee Soomaaliya si ay ula dagaallamaan ururkii Al-Itixaad ee saldhigyada ku lahaa gobolkaas. Waxa kale oo uu si qarsoodi ah ciidamadiisa u geeyay gudaha Sudan si ay u taageeraan jabhaddihii ku kacsanaa Cumar Xasan Al-Bashir. Xilka ayaa laga qaaday Jen Tsadkan ayaa muddo dheer aaminsanaa in Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afewerki, uu halis muuqata ku yahay Itoobiya, arrintaas oo ay ku diideen qaar badan oo kamid ah hogaanka TPLF. Jananka ayaa ahaa ninka qorsheynta u qaabilsan milateriga Itoobiya markii uu qarxay dagaalkii uu dalkiisa la galay Eritrea 1998. Waxa uu ahaa dagaal ba’an oo ay ku dhinteen ku dhawaad 80,000 oo qof oo labada dhinac ah. Jen Tsadkan ayaa doonayay in ciidamada Itoobiya ay galaan caasimadda Asmara, balse waxaa qorshahaas ku gacan-sayray Ra’iisal wasaarihii xilligaas, Meles Zenawei. Dagaalka kadib, waxa ay kala qeybsanaan xooggan soo dhex-gashay hogaanka TPLF. Meles ayaa xilka ka qaaday Jen Tsadkan oo markaa ahaa taliyaha ciidamada Itoobiya. Intii muddo ah, waxa uu jananka la qabsan la’aa noolashada shacabnimada. Muddo kadib waxa uu shaqo ka helay hay’adda UK u qaabilsan horumarinta caalamka. Sidoo kale waxa uu noqday ganacsade, isagoo warshad khamri ka sameystay magaalada uu ka soo jeedo ee Raya, galbeedka Tigray. Soo dhoweyntii Abiy Qeyb kamid ah saaxibbadiisa TPLF ayaa ku dhaliilay inuu soo dhaweeyay magacaabista Abiy Axmed oo 2018 noqday ra’iisal wasaaraha Itoobiya. Waxa uu xilligaa sheegay in uu diyaar u yahay la shaqeynta Abiy. Sanadkii 2019 waxa uu qeyb ka noqday koox ku dedaalaysay inay dhexdhexaadiso Abiy iyo TPLF, balse waxa uu isaga baxay sanad ka hor, isagoo sheegay in ra’iisal wasaaraha aanay ka go’neyn inuu si nabad ah ku xalliyo khilaafka. Markii uu billowday cadaadiska ka dhanka ah mas’uuliyiinta Tigray, jananka ayaa waxa uu u wareegay magaalada Mekelle. Bishii November 2020, waxaa billowday dagaalka Tigray. Jen Tsadkan oo u muuqda inuu dhinac iska dhigay khilaafka kala dhexeeya TPLF ayaa ku biiray jabhadda iska caabinta. Dhalinyaro badan oo ka caraysan tacaddiyada ka dhacaya gobolkooda ayaa ku biiray jabhadda. Waxaa sidoo kale hubka qaatay rag da’ ah oo horay u diidanaa nidaamka TPLF. Dowladda Itoobiya oo jananka iyo saraakiil kale ku eedaysay khiyaano qaran ayaa amartay in la soo qabto. Isha: BBC The post Waa kuma Jeneraalka ka dambeeya guulaha Tigrayga? appeared first on Caasimada Online.
  17. Muxuu Guriga Ex-madaxweyne Aadan Cadde u noqday lama taabtaan? Aadan Cadde Dad badan ayaa is weydiinaya su’aasha aan hordhaca uga dhignay mowduuceenna ee ah sababta guriga madaxweynihii ugu horreeyey Soomaliya uu u noqday meel ay xushmeeyaan oo aysan ku xadgudbin dhinacyadii dagaallada sokeeye ee dalka ku lugta lahaa, dagaallamayaashii qabaa’illada, qabqablayaashii dagaalka, Al shabaab, kooxaha burcadda qowlaysatada ah, iyo xataa dawladdii laga baqi jiray ee kacaanka. Su’aasha waxaa keenay markii ciidan si gaar ah u tababaran oo Soomaali ah ay habeennimo gudaha u galeen beerta Aadan Cadde, dabadeedna, sida uu BBC u sheegay Dr Siciid Aadan Cadde oo uu dhalay madaxweynihii hore, ay gurigii uu ku noolaa xoog ku jabiyeen, ayagoo ka qaatay alaab dhex taallay, dadna ka kaxaystay sanaddii 2018-kii. Dhowr arrimood oo dhamaantood waaqici ah ayey isugu soo biyo shubanayaan sababaha haddii la rogrogo. Qayb ka mid ah guriga 1- Shuruucda caalamiga, iyo kuwa Soomaaliyaba waxay xurmo iyo xasaanad ka duwan tan bulshada siiyaan madaxweyne kasta oo dalka soo maray. Naftiisa iyo hantidiisa laguma xadgudbi karo. Weliba wuxuu qaranku u damaanad qaadayaa madaxweyne kasta oo xukunka ku wareejiya si nabdoon, dhibna aan gaysan, in kharashka noloshiisa, halka uu ku noolaanayo, amnigiisa, gaadiidkiisa, caafimaadkiisa, safarradiisa IWM uu qaranku damaanad qaadayo inta uu nool yahay, haddii uu geeriyoodana si heer qaran ah loo aasayo. 2- Aadan Cadde wuxuu madaxweyneyaasha kale kaga duwanaa isagoo ahaa madaxweynihii 1aad ee ay yeelato Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay. Wuxuu kaloo ahaa, Soomaaliya kaliya ma ahee, nin Afrikada madow tusaale u dhigay oo xukunka si dimoqaraaddi ah u wareejiyey, xilli afgembiyada iyo kali talisnimada ay Afrika ku soo badanayeen. Waxaa taas barbar socday isagoo ka mid ahaa raggii u soo halgamay gobannimada Soomaaliya. 3- Wuxuu ku noolaa dalkiisa intii ka harsanayd noloshiisa, gaar ahaan guriga iyo beerta la weeraray. Madax aad u yar oo fara ku tiris ah mooyee inta badan madaxda Afrikaanka waxay xilligii Aadan Cadde ahaan jireen kuwo la afgambiyo oo la dilo, ama carara, ama haddiiba cod looga qaado xukunka aan dalkooda ku noolaan ee dibadaha musaafuris ku jooga, halkaasna ku dhinta. 4- Dadka aadka u yaqaannay Aadan Cadde kuma aysan sheegin xatooyo iyo musuqmaasuq, carruurtiisana ma ahayn kuwo uu ku soo koriyey nolol la mid ah tan ay ku soo koreen carruur badan oo ay dhaleen dad madax ah. Qayb kale oo ka mid ah guriga Qodobbadaas iyo qaar kale oo ay dhici karto in aan halkan lagu xusin oo u badan sumcad uu bulshada ku dhex lahaa ayaa ugu weyn in la xurmeeyo Aadan Cadde, ehelkiisa iyo hantidiisaba. Qoyskiisa waxay BBC u sheegeen in guriga uu beerta ka degganaa, gaar ahaan qolkiisa jiifka iyo xafiiskiisa, ay iska xirnaayeen tan iyo markii uu geeriyooday 11 sano ka hor, oo in la nadiifiyo mooyee aysan gadaashiis cidina ku noolayn. Inkastoo uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya si degdeg ah raalli gelin u siiyey qoyska madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya, haddana dad badan waxay dareensan yihiin in ay arrintaas aysan ahayn gef loo gaystay reer Aadan Cadde oo kaliya ee ay tahay gef laga galay Soomaalida oo dhan. Waxaa iyadana muhiim in talaabo laga qaado ciidankii falkaas gaystay haddii uu ahaa fal aan ku talagal ahayn, lagana feejignaado in mar dambe uu soo laabto. Qaran News
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Golaha Guurtida u gudbiyey waraaq is-casilaada, isagoo ku wargeliyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, is-casilaada guddoomiye Saleebaan ayaa waxaa dhinaciisa ka aqbalay madaxweynaha Somaliland, waxaana kursigaas buuxin doona Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland. Maxamed Kaahin, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa waxa uu xilkaas sii hayn doona ilaa inta laga soo dooranayo golaha guurtida cusub, xili ay dhawaan deegaanada Somaliland ka dhaceen doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada. Guddoomiye Saleebaan ayaa waxay is-casilaadiisu imaaneysa xili ay mudaneyaasha goluhu baneynayaan kuraasta mudada badan ay ku fadhiyeen, taasi oo loo sababeynayo is-casilaadiisa. Si kastaba, waxaa la filayaa in maalinta Sabtida ah uu guddoomiyaha ka hadlo waraaqda is-casilaada ah ee uu gudbiyey golaha, ee uu aqbalay madaxweynaha The post Xog: Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland oo is-casilaad gudbiyey + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  19. Buundo dul marta Wabiga Tekeze, oo ahayd marin muhiim u ah in cunno gargaar ah la gaarsiiyo qaybo badan oo ka mid ah gobolka Tigray ayaa la burburiyay. Mr Roger Sandberg oo ka socda dhaqaatiirta caafimaadka ee caalamiga ah, oo ku sugnaa buundada seddex saacadood ka dib markii la qarxiyay subaxnimadii Khamiista, ayaa sheegay in shaqaalaha gargaarka ay la halgamayaan sidii ay u gaarsiin lahaayeen waxyaabaha aasaasiga ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool Tigray-ga. Guddiga Badbaadinta Caalamiga IRC) ayaa sidoo kale xaqiijiyay burburka buundada. Waxayna sheegtay in gaarsiinta gargaarka cuntada ay ka sii dhib badnaan doonto sidii hore, IRC waxay sheegtay inay aad uga xun tahay burburka waxayna intaas ku dartay inay sii wadi doonto baaqyada ay u jeedinayso dawlada Itoobiya ee ku aadan gargaarka bina’aadanimo ee aan xadidnayn ee ay la wadaagto gobolka Tigray. PUNTLAND POST The post Buundo muhiim u ahayd Gobolka Tigray oo la burburiyay appeared first on Puntland Post.
  20. New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si dabacsan uga hadlay xiisada diblumaasiyadeed ee u dhexeeysa wadamada Mareykanka iyo Iran ee ka dhalatay ka bixitaanka heshiiskii barnaamijka Nukliyeerka ee 2018-kii. Antonio Guterres ayaa ugu baaqay maamulka Joe Biden inuu qaado cunaqabateynta haatan saaran Iran, taas oo sare u qaaday dagaalka siyaasadeed ee labada dal. Sidoo kale wuxuu ka codsaday dowladaha Mareykanka iyo Iran inay dib ugu laabtaan heshiiskii Nukliyeerka ee soo baxay sanadkii 2015-kii. “Waxaan ka codsanayaa Mareykanka in uu qaado ama ka tanaasulo cunaqabateyntiisa,” ayuu ku yiri xoghahaya guud ee Qaramada Midoobay. Guterres oo warbixin siinayey golaha ammaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan-yahay dadaallada dhowaanahan socday ee ay sameynayeen labada dhinac. Xiisada Mareykanka iyo Iran ayaa ka dartay wixii ka dambeeyey markii uu Trump ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee bishii May ee 2018-kii, isagoo kadib cunnaqabateyn saaray Iran. The post Guterres oo Mareykanka u diray baaq ku saabsan Iran appeared first on Caasimada Online.
  21. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed at a campaign rally in Jimma on June 16, 2021. AFP – EDUARDO SOTERAS The surprise fall of the Tigrayan regional capital, Mekelle, this week has put Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed in a tough spot, dealt a blow to the country’s military and placed the Tigrayan forces in a position of strength. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed may have won a Nobel Peace Prize, but on Monday, June 28, he seemed unable to grasp the difference between war and peace, ceasefire and defeat, and – more critically – the distinction between spin and the hard realities on the ground. The disconnect has threatened not just Abiy’s credibility, but the security of his country, the wider Horn of Africa region, and exposed the challenges confronting the African Union – based in the Ethiopian capital, Addis Ababa – in its bid to deliver “African solutions to African problems”. On Monday evening, reports started emerging from Mekelle, capital of war-ravaged northern Tigray province, that Ethiopian troops were suddenly withdrawing from the city. Before long, crowds gathered in Mekelle’s streets to celebrate the departure of Ethiopian government forces and welcome the arrival of Tigray Defense Forces (TDF) rebel fighters. The Abiy administration, however, had an unusual spin on the latest development in the devastating eight-month-long Tigray conflict. The government had declared an “unconditional, unilateral ceasefire” in the province, according to a statement published by state media. Tigrayan leaders offered a different narrative. In a statement released Monday night, Tigrayan leaders asserted that Mekelle’s fall was due to a “lightning operation” by the Tigray Defense Forces, a rebel army composed of members of the region’s former ruling party, the Tigray People’s Liberation Front (TPLF) as well as non-members. The TDF was formed shortly after Abiy ordered a military operation on Tigray in November 2020, and this was their “victory” against “the invading forces”, the statement proclaimed. “It’s clearly, without a doubt, a military defeat. You can’t have a situation where one party declares a unilateral ceasefire while fleeing areas it once controlled. They could have at least said they retreated for tactical reasons,” said Awol Allo, senior lecturer at Keele University in England. Days later, the official narrative was starting to unwind and the ceasefire was in doubt. “If it is required, we can easily enter Mekelle and we can enter in less than three weeks,” Redwan Hussein, spokesman for the Ethiopian government’s task force for Tigray, told reporters in Addis Ababa on Wednesday. Abiy, meanwhile, acknowledged that government troops had left Mekelle, and that his army units had been ambushed and “massacred” while advancing through Tigrayan villages. But he attempted to downplay the fall of the Tigrayan regional capital, insisting it was not a defeat. “It was the centre of a government. A centre for known and unknown resources. But by the time we exit, there is nothing special about it except that there are some 80,000 people, and those who loot people,” said Abiy in a videotaped address posted on his website, vastly underestimating the city’s population of around 500,000, according to demographers. ‘Monumental fall from grace’ From a globally fêted peacemaker to hawk overseeing a conflict that has seen mass killings, displacements and allegations of serious human rights violations by the UN, Abiy’s international stature has taken a sharp nosedive over the past eight months. “For Abiy, it’s such a monumental fall from grace. This is somebody who came to power on the back of widespread popular protests. He was popular, his team was popular, and he received extensive international praise for establishing friendship with the Eritrean dictator,” said Awol, referring to the 2018 peace deal signed by Abiy and Eritrean President Isaias Afwerki. Awol – who was among the experts who nominated the Ethiopian prime minister for the 2019 Nobel Peace Prize – believes Abiy’s credibility began to slide with his attempts to “consolidate power and enact his childhood ambitions on 100 million inhabitants of Ethiopia”. Abiy’s rise from rural poverty to the country’s highest office is by now the stuff of legend in Ethiopia, a rags-to-riches tale that acquires a messianic quality with every retelling. As recounted in a 2018 interview with the New York Times, the story goes that his impoverished mother once whispered into the ear of a 7-year-old Abiy that he would “end up in the palace” and “serve the nation”. Critics, however, question whether Abiy, now 44, is best serving his country and its military, the Ethiopian National Defense Force (ENDF). “This is a military that has a reputation for being tough. Unfortunately, with this particular defeat of a big national force being repulsed by a tiny region, the Ethiopian military no longer has the same standing,” said Awol. Rebel ‘mastermind’ rises from forced retirement The Ethiopian military’s loss of stature has been the TDF’s gain. On November 4, 2020, when the Ethiopian prime minister ordered a military operation in Tigray following escalating tensions with his former coalition partner, the TPLF, military experts immediately warned of a tough fight between “battle-hardened” troops. With a combined force of around 140,000 active personnel, mostly in the army, the ENDF is considered a military heavyweight in the Horn of Africa region, one that has conducted cross-borders campaigns in neighbouring Eritrea and Somalia. But the northern Tigray province – with its well-armed regional paramilitary force led by former national army generals – could also put up a fierce resistance, analysts warned. That resistance strengthened as Abiy’s controversial use of Eritrean troops and militias from the rival ethnic Amhara group united Tigrayans, including those who had fallen out with the TPLF. Formed in the 1970s, the TPLF emerged as the biggest and most powerful armed rebel group in Ethiopia following the 1991 ouster of brutal dictator Mengistu Hailemariam. The party then dominated Ethiopian politics for over two decades, overseeing economic development in the impoverished nation, but also maintaining power through repression. The TPLF’s excesses sparked several splits within the ranks, including a particularly acrimonious one in 2001, after the Eritrea-Ethiopia war. One of the casualties of the internal TPLF splits was Gen. Tsadkan Gebretensae, considered one of Ethiopia’s finest military strategists, who was fired from his post as Ethiopia’s chief of general staff. When Abiy launched a military offensive in Tigray, Gen. Tsadkan was among several former TPLF senior military officers who joined the freshly minted TDF. “The TPLF is a party with a contested legacy because it brutalised the Ethiopian public for nearly a quarter of a century,” explained Awol. So when the TDF emerged out of the TPLF last year, it attracted “all the Tigrayans who disagreed with the TPLF in the past and who saw no reason to reject the TDF,” he explained. Gen. Tsadkan immediately assumed joint responsibility for the TDF’s military affairs, and spent months training new recruits before the latest offensive was launched, wrote leading Africa analyst Alex de Waal in a BBC column. Following the spectacular fall of Mekelle, the retired army general is being hailed as the Tigrayan “mastermind” in a recruiting coup for the TDF. No African solution for this African problem Ethiopia’s decommissioning of senior Tigrayan military commanders raised eyebrows in November, when the AU fired its security chief a day after the bloc’s chair, Moussa Faki Mahamat, received a letter from the Ethiopian defense ministry requesting the Tigrayan general’s dismissal, according to Reuters. Gen. Gebreegziabher Mebratu Melese was on a list of military officials accused of treason for belonging to the TPLF “junta”. Headquartered in Addis Ababa, the AU has faced criticisms over its inability to intervene in a conflict that has killed thousands of people, displaced over a million and has plunged the area to the brink of a humanitarian disaster, according to the UN. “I think the AU’s credibility is in tatters, its prestige has been undermined by its failure to tackle the issue or even table a resolution on the Tigrayan crisis. There is a widespread belief among Tigrayans that the AU simply followed the Ethiopian government’s talking points,” said Awol. Following a call by US Secretary of State Antony Blinken for the AU to do more to address the crisis, the bloc launched a commission in June to investigate alleged human rights violations in Tigray. But like the UN, the AU is limited by the interests and actions of its member states, a fact underscored by the Ethiopian government’s call on the bloc to “immediately cease” the human rights commission leading the inquiry. Eritrean troops, Amhara militias ‘sandwich Tigray’ The most serious implications of Abiy’s use of military force in Tigray, however, concern the future security and stability of his own ethnically diverse nation. Abiy’s use of troops from neighbouring Eritrean – which was denied as “fake news” for months – in northern Tigray, and of Amhara militias in the southern and western regions was part of a “sandwich Tigray” strategy to isolate the recalcitrant province, according to analysts. But by turning one ethnic group against another and inviting soldiers from a neighbouring country that has long been an enemy of the Ethiopian state, Abiy has played with fire. Those flames could engulf the nation and the region. Traditionally, ceasefire declarations are welcomed as opportunities to try to bring warring camps to the table. But the Ethiopian government’s so-called ceasefire could spark an intensification of the conflict, many analysts warn. “It’s difficult to bring the two parties to the table,” Awol explained. “Abiy invited the enemy country, Eritrea, and that’s really hard to reconcile. Barbaric crimes were committed, there’s been a polarisation of the populace and hatred fueled by propaganda. I find it very hard to see how the country can move on.” On the domestic front, the Amhara “elites” have long contested pieces of territory in what is now Tigray province, particularly the Benishangul-Gumuz region near the eastern border with Sudan, where the massive Grand Renaissance Dam is under construction. Politically sidelined in recent years, the Amharas nevertheless consider themselves the country’s cultural elites. Critics say Abiy has stoked Amhara nationalism, including frequent references to Menelik I, the first Solomonic emperor of Ethiopia who is believed to be the ancestor of the last emperor, Haile Selassie. The rise in the TDF’s military fortunes are a troubling development for the Amhara militias, noted Awol. “The biggest losers could be the Amharas because the Ethiopian National Defense Forces have left. Will Abiy now defend the areas the Amharas have taken and now control? There will be military, economic and ideological problems ahead,” he warned. The only hope, according to Awol, is for the international community, specifically the Western powers, to bring the two sides to the negotiating table. But the seasoned Ethiopian analyst is not putting any bets on a peaceful outcome in the short term. “This defeat puts the government, that until recently resisted any suggestion of peaceful negotiations, in a very weak position. If there are any negotiations, the TPLF will be negotiating from a position of strength,” Awol noted. It’s a position Ethiopia’s Nobel laureate leader is unlikely to accept in the spirit of peace. Source: France 24 The post A regional capital falls, and so does the stature of Ethiopia’s leader and its military appeared first on Puntland Post.
  22. Halista ugu weyn ee Somaliland ka jirtaa waa ajaanibka aan tixraaca lahayn ee dalka meel walba jooga iyo xuduudaha iska furan ee ciddii doontaa iska soo geli karto goorta ay doonto. Haddaad Somaliland ka soo gasho xuduudka ugu galbeedeeya, adiga oo aan baadhitaan macne leh la kulmin ayaad ka gudbaysaa xuduudka ugu bariyeeya – sidii dhul aan cidi lahayn oo kale, adigoo iska degi kara halka aad doonto, gurigaad doontana kiraysan kara. Suxufiyadda iyo qoraaga Mary Harber, buuggeega ‘Everything you told me is true’ waxay ku sheegtay inay Somaliland tahay halka ugu nugul ee ay ka unkami karaan kooxo argagixiso ahi. Dabcan, waxay ahayd digniin weyn oo la inoo soo diray, laakiin waxay ku dhacday dhego laydh u daloola. Tixraac la’aanta ajaanibka ee iska caadiyowday waxay soo jiidan kartaa dambiilayaasha waaweyn ee dalalka jaarka oo dhan, iyaga oo gabbood u arki doona; xiitaa kuwo dalal fogfog ku nooli hadday xogtan helaan, waxay ka dhigan karaan gabbood, waxaanay taasi horseedi doontaa qalalaase riiq dheeraada. Kolkaas aragagixiso kaliya uma nuglin, dalku wuxuu u diyaarsan yahay in dambi kasta sida ugu fudud dhexdiisa looga abaabulo, loogana fulin karo. Waynu wada xasuusan nahay sidii fududayd ee sannadkii 2008dii Hargeysa gudaheega looga abaabulay qaraxyadii waaweynaa, ee aan xiitaa inay xog ka helaan iska daaye, aanay marqudha laamaha amnigu ka shakiyin. Dhacdadaasi waxay innagu baraarujisay itaaldarrida laamaheenna amniga. Somaliland waxay kulmisay ajaanib tirabadan oo ka kala yimid Itoobiya, Yemen, Suuriya, Soomaaliya, Hindiya, iyo dalal kale; 90% hadday ajaanibtaas laga ma hayo xog sugan, hadday dambiyo geystaanna ma jirto meel loo raacaa. Waxaa qasab ah ajaanibkaas wixii haysta sharciyad qoxoontinimo ama mid degganaansho oo la hubo mooyaan e, in inta kale oo dhan wakhtiga ugu dhaw dalka lagaga saaro, xuduudahana la xidho; haddii kale aynu iska sugno inta dambiyadu ka gudbayaan inan yar oo saqdhexe gurigooga lagala baxay. Qore: Subeer Waaberi subeerwaab@gmail.com Qaran News
  23. Several dozen members of Columbus' Somali community sang the Somalian national anthem as they raised the nation's flag in front of the Ohio Statehouse on Thursday. They hoisted the blue banner marked with a white star to commemorate the African country's independence from European rule. Source: Hiiraan Online