-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
PRESS RELEASE Islamic Development Bank (IsDB) Group and AIM Partner to Promote Sustainable Investment in Africa The event featured a pillar dedicated to Foreign Direct Investment (FDI) which includes investment roundtable discussions DUBAI, United Arab Emirates, July 1, 2021/ — The Annual Investment Meeting Africa Edition (AIM AFRICA), in multilateral partnership with the Islamic Development Bank (IsDB) (www.IsDB.org), the Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD) and the IsDB Group Business Forum (THIQAH), organized the first digital edition of AIM AFRICA. The event was held on 29–30 June 2021, AIM AFRICA, the 2nd Regional Edition of Annual Investment Meeting witnessed a prestigious gathering of top government officials and reputable speakers from different countries and international organizations, as well as major investment stakeholders for the African region to explore rewarding investment opportunities that will benefit a multitude of sectors and enhance economic cooperation and support among nations. As multilateral partners of AIM AFRICA, the ICD whose key motives are private sector investments, mobilizing funds in international financial markets, and offering corporate and government consultancy services; aims to promote and sustain long-term economic growth in Africa through AIM AFRICA. The event featured a pillar dedicated to Foreign Direct Investment (FDI) which includes investment roundtable discussions. The IsDB, on the other hand, is focused on building collaborative partnerships through investments, between communities and nations, across the public and private sectors while fostering innovative and sustainable solutions to the world’s greatest development challenges. The IsDB Group Business Forum, THIQAH was established as a unique and innovative platform for effective dialogue, cooperation, and partnerships for IsDB Group and business leaders committed to joining in promising investment and trade opportunities. Through THIQAH, the IsDB Group seeks to reinforce the effectiveness and success of the partnerships that have been forged amongst the Group and business leaders and establishments in our Member Countries. The event focused on increasing cross-border investment along with AIM AFRICA, which is supported by IsDB Group’s financial products and services. The Annual Investment Meeting, ICD and THIQAH, with their huge potential, will give a major boost to Africa’s economic stability, sustainability, and prosperity. Further information is available at: www.AIMcongress.com/africa. Distributed by APO Group on behalf of Islamic Development Bank Group (IsDB Group). Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe ku dagaalamay taalada Daljirka Dahsoon, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray qaar kamid ah shacabkii u dabaal-dagayay munaasabadda 1-da Luulyo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan. Ilo-wareedyo kuwa amaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in askari ka tirsan ilaalada guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu rasaas furay, waxayna taasi sababtay in ay u jawaabaan ciidamo ka tirsan NISA oo ku sugnaa taalada Daljirka Dahsoon. “Askari ayaa rasaas ku furay ciidanka ku sugan Godka Jilacow, markii loo jawaabay waxaa dhankooda soo furay rasaas ciidamada Duufaan oo iyagana ku sugnaa banaanka taalada, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo dumar u badan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Dadka dhaawacmay ayaa saddex qof oo ka mid ah waxay ahaayeen dumar halka labada kalane ay ahaayeen rag, waxayna dhamaantood dhaawacmeen iyagoo kor ululaya Calanka Soomaaliya markii ay xalay saacada isku taagtay lix saac oo habeennimo taariikhdana ay ku beegantay 1-da Luulyo oo ku began markii ay xurnimada qaateen gobalada Koonfurta islamarkaana ay midoobeen labada gobal ee Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya. Xeer ilaalinta guud Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xalay fiidkii hore soo saartay digniin ku aadan in aan rasaas la ridi karin markii la gaaro munaasabadda 1-ada Luulyo, waxaana muuqato in amarkaas uusan fulin Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa NISA ayaa la sheegay in ay soo qabteen askarigii xalay rasaasta furay, kaasi oo la sheegay in uu ka tirsan ciidanka ilaalada Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish. The post Askar ka tirsan DF oo ku dul-dagaalamay shacab ku dabaal dagayey Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Saddex sano ka hor, mawjad isbeddel siyaasadeed ah ayaa ku baahday Geeska Afrika. Suudaan iyo Itoobiya, mudaharaadyo waawayn ayaa horseeday isbeddel xagga hoggaaminta ah iyo waxa ay dad badani u qaateen inuu ahaa kala-guur dimuqraadi ah. Itoobiya iyo Eriteriya ayaa soo afjaray loolankii u dhaxeyay 20 sano, kaas oo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed lagu siiyay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel. Shucuubta Geeska Afrika waxa ay ahaayeen kuwo raynrayn ka qaba waxa dad badani u maleeyeen inuu baal cusub u noqon doono taariikhda gobolka. Maanta, si ka duwan wixii laga filaayay, xasuuqyada baaxadda leh, dagaallada dowlad-goboleedyada, iyo kala gaynta maamuladda waxa ay noqdeen astaamaha lagu garto gobolka. Sideedii bilood ee la soo dhaafay, dhowr khilaaf oo caalami ah ayaa (dib) u soo ifbaxay, oo si gaar ah ugu dhexdhacay Itoobiya iyo Suudaan, Ereteriya iyo gobolka Tigreega ee Itoobiya, iyo Soomaaliya iyo Kenya. Masar iyo Suudaan ayaa sidoo kale Itoobiya ugu hanjabaya in ay dagaal toos ah la galayaan hadii ay sii wado buuxinta labaad ee biyo xireenka Grand Ethiopia Renaissance Dam ee wabiga Blue Nile. Gudaha Itoobiya oo keliya, laba kacdoon oo muuqda ayaa ka qarxay, halka xasuuqyada ballaaran ee ku saleysan qowmiyadda ay si joogto ah u dhacayaan. Geeska Afrika waxaa ku soo kordhay rabshado halkaasoo isku dhacyada gudaha iyo kuwa gobolku ay ku dagaalamayaan iyada oo wali isku hub iyo shidaal qaadanaya. Colaadaha, ku xadgudubka xuquuqda Aadana bilihii la soo dhaafay waxa ay ahaayeen kuwo xargaha goostay, waxa ayna sababeen khalkhalgalinta gobolka,waxaana sabab ah u hoggaansanaan la’aanta xeerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka iyada oo ay u sii dheertay adeegsiga awoodaha Millatari. Afar isbeddel oo sababay xasillooni darro! Tilmaamaha ugu horreeya ee fowdada ku socda Geeska Afrika ee ku faafay maanta waxaa ka mid ah khilaafaadka dhuleed iyo guud ahaan tixgelinta xudduudaha gobollada. Tusaale ahaan Ereteriya waxay biloowday in ay qabsato qaybo kamid ah gobolka Tigray ee woqooyiga Itoobiya waxayna siisaa kaararka aqoonsiga Eriteriya dadka deegaanka. Itoobiya waxa ay sheeganaysaa lahaanshaha dhuleed ee gobolka Fashaga ee Suudaan, saraakiisha Suudaan waxa ay sheeganayaan qaybo ka mid ah Benishangul Gumuz ee Itoobiya. Gudaha Itoobiya, Abiy wuxuu taageeray ku darsiga Dawlad Deegaanka Amxaarada qaybo kamid ah Dawlad Deegaanka Tigray. Markii ay dareentay daciifnimada Itoobiya, Jabuuti waxay dhawaan shaacisay damaceeda ah in ay ka faa’iideysato webiga Cawash ee ku yaal Itoobiya. Isla mar ahaantaana, siyaasiyiinta Itoobiya waxa ay si cad u diideen in waqooyiga dalkaas ay qabsadaan ciidanka Ereteriya. Ugu dambeyntiina, Soomaaliya iyo Kenya waxa ka dhexeeya muran badeed u gudbay maxkamada caalamiga ah ee ICJ. In kasta oo aysan jirin wax khalad ah oo ku saabsan damaca dhuleed ee loo maro dariiqa sharciga ah, haddana waxa aan aragno ayaa ah isbeddello dhawaanahan socday oo ay sameynayeen dowlado isku dayaya in ay xoog kula wareegaan dhulka si ay u abuuraan wax wada qabsi ah Tani waxa ay horseeday saameyn isdhaafsi ah in hal dhinac ku xad gudbo midnimada dhulka kuna dhiiri geliyo jilayaasha kale in ay sidaas oo kale sameeyaan. Talaabada labaad ayaa ah sumcadda ciidamada shisheeye iyo calooshood u shaqeystayaasha khilaafaadka gudaha iyo gobolka. Abiy Ahmed wuxuu kadhigay jabhadeyn askarta Eritereya dagaalka uu kula jiro Tigreega sidoo kale wuxuu ka shaqaaleeyay xadka ay wadaagaan Suudaan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu kaloo u adeegsaday ciidamada Itoobiya siyaasiyiinta ka soo horjeeda. Isla waqtigaasna, askar Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ka dagaallameen Itoobiya iyaga oo ka soo galay dhanka Eretareeya. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta xoogaggan ayaa ah madmadowga xagga sharciga ah, u janjeerida in ay ku kacaan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyo awooddooda gaarka ah ee hurinta xiisadaha u dhexeeya beelaha. Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waa wadaha dhexe ee isbeddelkan. Wuxuu dhisay dhaqaale badan oo udub dhexaad u ah raadinta kirooyin dhaqaale oo ka yimaada calooshood u shaqeystayaal iyo saldhigyo milatari. Dhibaatada saddexaad ayaa ah tixgelin la’aanta sii kordheysa ee sharciga caalamiga ee bani’aadamnimada Sideedii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, ciidamada Itoobiya iyo Eriteriya waxay ku hawlanaayeen tacadiyo, kufsi, gaajo, iyo xasuuq baaxad leh oo aan horay loo arag. Ciidamada Eriteriya waxay sidoo kale burburiyeen xeryo qaxooti oo kuyaala dalka Itoobiya oo ay ku jireen qaxootiga Eritrea waxayna kumanaan kamid ah si qasab ah dib ugu celiyeen Eritrea Illaa iyo hadda, ma jirto cida dusha loo saaray dambigaan, markii dhaleeceyn la soo daristay, Abiy iyo Afwerki waxaa la eryay dhowr salkaal balse majirto cid qaadatay masuuliyada tacadiyada. Maanta Geeska Afrika sidoo kale waxaa lagu arki karaa inuu hoos u dhac weyni ku yimid diblomaasiyadda dhinacyo badan leh. Hay’adda gobolka ee Horumarinta ayaa laga saaray inta badan khilaafaadka iyo geeddi-socodka nabadda; waxay si gaar ah uga maqnayd geedi socodkii nabadeed ee Itoobiya iyo Ereteriya iyo dagaalkii Tigray. Taa baddalkeeda, hoggaamiyeyaashu waxa ay doorteen in ay qaabeeyaan iskaashigooda oo ay maareeyaan khilaafaadka ka baxsan qaab dhismeedka hay’adaha iyo marinnada shaqsiyadeed, taas oo caqabad weyn ku ah diblomaasiyadda ka hortagga ah. Siyaasada gudaha ayaa hurineysa xasilooni darada gobolka. Xasilooni darrada Geeska Afrika ayaa ugu horreynba ah mid ka shaqeysa siyaasadda gudaha ee Itoobiya, Ereteriya, iyo Soomaaliya. Abiy, Afwerki, iyo Farmaajo waxa ay abuureen isbahaysiga saddex geesoodka ah ee 2018 iyagoo ujeedkoodu ahaa in qaabaynta nidaamka gobolka lagu saleeyo himilooyinkooda siyaasadeed ee gudaha. Saddexda hoggaamiye waxa ay ka soo horjeedaan federaalka, dejinta kala duwanaanta qowmiyadeed, iyo dowlad-goboleedyada. Taabadalkeed, waxa ay doorbidaan dowlad dhexe oo ka amar qaadata hoggaan dhexe oo awood badan ama Xukunka Fiat. Xukunka Fiat oo ah mid milatari, waa geedi socod lagu gaaro go’aanada laguna fuliyo qaab militari iyadoo aan laga qeyb galin qeybaha kale ee siyaasada. Ereyga fiat oo ah laatiin, ayaa loo tarjumay “ha ahaato,” Afwerki – aabihii isbahaysiga – wuxuu xukumayay Ereteriya bilaa dastuur ama hal doorasho ku dhawaad 30 sano. Aqoonta hoggaamineed ee Afwerki, waa siyaasad ciidan, waxa uu ku qasbay boqolaal kun oo dhalinyaro ah in ay dalka ka haajiraan ama ku biiraan ciidanka Milatariga. Xaaladahaani waxa ay mucaaradku ku sheegeen wax aan macquul aheyn. Itoobiya, Abiy waxaa xushay xisbigiisa siyaasadeed si uu dalka ugu wareejiyo dimuqraadiyadda sanadka 2018. Si kastaba ha noqotee, isagoo, marmarsiinyo ka dhigaya covid-19, ayuu dib u dhigay doorashadii Juun 2020, waxa uu xirxiray kuwa ka soo horjeedaIsku daygiisii ahaa inuu awoodda uruuriyo dowladda dhexe oo uu caburiyo kooxaha qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya taasina waxa ay horseeday dagaal sokeeye iyo macaluul badan. Farmaajo, waxa uu marmarsiyo ka dhiganayay in uu Soomaaliya u diyaarinayo doorashadeedii ugu horreysay oo toos ah dhawr iyo toban sano. Taabadalkeed, wuxuu iskudayay inuu udub dhexaad u noqdo awoodda dowladda federaalka, taas oo keentay isku dhacyo kaladuwan dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland, inkastoo uu ku guulaystay in uu maamulo taabacsan oo xoog lagu dhisay uu ka hirgaliyo Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle. Farmaajo waxa uu waqtigiisu ku ekaa bishii Febraayo, isagoo raacaya tusaalaha xulafadiisa gobolka, wuxuu u kordhistay labo sano oo dheeri ah. Taasi waxa ay horseeday qalalaase dastuuri ah iyo isku dhac hubaysan, oo ugu dambeynti ku qasbay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in ay joojiyaan muddo kordhintiisa. Waa madaxweynihii ugu horreeyay tan iyo markii howsha dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya ay billaabatay 2004-tii isku dayay inuu xafiiska sii joogo ka dib markii waqtigiisu dhammaaday. Isbedelada gobolka ka socda ee maanta khalkhal gelinaya Geeska Afrika waxay ka imanayaan xaaladahaas gudaha ka jira. Dadaalladii lagu kala qaybiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa horseeday in lagu kala firiyo khilaafaadka xudduudaha dowladda waxayna sii hurisay loollannada gobollada. Xubnaha isbaheysiga seddex geesoodka ah waxa ay sidoo kale u maareeyaan xiriirka ka dhexeeya dowlad-goboleedyada si isku mid ah sida ay u xukumaan siyaasaddooda gudaha – waxa ayna ku qasbaan siyaasadooda iyaga oo u maraya qaab militari. Dhaqanka isbahaysiga ayaa si gaar ah wax u dumiya sababtoo ah cawaaqibkiisa muddada dheer. Tusaale ahaan, isku dhacyada dhuleed, isir sifeynta, iyo kufsiga oo ah hub dagaal ayaa miraha u abuuraya cabashooyinka jiilka soo socda. Itoobiya gudaheeda, siyaasadaha Abiy waxa ay durba soo nooleeyeen dareenka kala qaybinta Tigray iyo Oromiya. Iyo ilaa heerka ay kusii jiri doonto Itoobiya hal wadan dagaalka kadib hada su’aal baa ka taagan. Lixdii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, isku dhacyadani waxay barakiciyeen in ka badan laba milyan oo qof oo ku nool Tigray, ergeyga Midowga Yurub ee Itoobiyana wuxuu leeyahay tani waxay noqon kartaa “bilowga mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu badan ee qaxooti ee adduunka ka dhici kara”. Waxa ka socda Geeska Afrika ayaa khatar weyn ku ah amniga caalamiga. Joojinta tusaalooyinka muuqda ee dowlad la’aanta waxa ay u baahan tahay, dadaal wadajir ah oo lagu qasbayo hoggaamiyeyaasha gobolka in ay ixtiraamaan dastuurradooda. Labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliyaba, Abiy iyo Farmaajo waa in lagu cadaadiyaa in ay wadahadal siyaasadeed la galaan kuwa la tartamaya si ay dib ugu soo celiyaan geeddi-socodkooda dib-u-habeynta dimuqraadiyadda Markii labaad, adeegsiga calooshood u shaqeystayaasha shisheeye ee khilaafaadka gudaha waa in laga hortagaa. Gaar ahaan, qaababka xaqiijinta waa in la dejiyaa si loo hubiyo ka bixitaanka ciidamada Ereteriya ee iskahorimaadyada ka socda guud ahaan gobolka. Ugu dambeyntiina, dambiilayaasha xadgudubyada halista ah u geysta sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada waa in lala xisaabtamo si loogu gogol xaaro geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta, sidoo kale looga hortago kuwa kale in ay ku kacaan falalka noocan oo kale ah. W/Q: Goitom Gebreluel oo ah falanqeeye siyaasadeed oo diiradda saaraya Geeska Afrika iyo agaasimaha machadka Hatèta Policy Research. W/T: Mowlid Mo’allim Adan Mustaqbal Media. The post Isbahaysiga saddex geesoodka ah ee xasillooni darada ka wada Geeska Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta dib u fasaxday Shirkadda Diyaaradaha ee Fly Dubia oo kal hore ay xayiraad kusoo rogtay, midaasi oo joojisay duulimaadyadii ay sameyn jirtay. Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, Cumar Sayid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Fly Dubai ay dib usoo buuxisay shuruudihii looga baahna ee sababay in la joojiyo duulimaadyadeeda. Somaliland ayaa hore u soo saartay amar ay ku mamnuucayso in shirkadaas aysan ka shaqeyn Somaliland, kadib markii ay shirkadda u hoggaansantay amar kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya. Mareeyaha ayaa carabka ku adkeeyay in dhammaan diyaaraddaha ka shaqeeya degaanada Somaliland kaliya ay qaadan karaan Amarka Somaliland, islamarkaana ay ku shaqeyn karin mid ka duwan. Somaliland oo ku dooda inay tahay dal madax banaan ayaa ka carootay amar kasoo baxay dowladda federaalka, oo ayadu gacanta ku haysa maamulka Hawada Soomaaliya oo qeyb ka tahay Somaliland. Dowladda federaalku Soomaaliya ayaa 19-kii March 2020 dib u celisay diyaaradii Fly Dubai oo qorshaheedu ahaa inay ka dagto madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa. Somaliland ayaa xilligaas sheegtay in arrintaasi ay la macno tahay in Villa Somalia ku iclaamisay dagaal ka dhan ah Xukuumadeeda, maadama ay soo faro-gashatay hawadeeda, waa sida uu hadalka u dhigay Wakiilka Somaliland ee Qaramada Midoobay. Dowladda federaalka ayaa xilligaas joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka, midaasi oo dhalisay in dib loo celiyo diyaaradaasi oo rabtay inay ka soo dagto madaarka Somaliland. The post Somaliland oo ka laabatay xayiraad ay saartay shirkad u hogaansantay amarka DF appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo sii galbiyey madaxtooyada maamulka, ayada oo kulamo la qaatay madaxda sarre ee maamulka Jubbaland. Sida ay wararka qaarkood sheegayaan Saciid Deni oo maalmihii dambe arrimaha doorashooyinka u joogay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Kismaayo u aaday si uu u dar-dar geliyo loolan adag oo ugu jiro madaxtinimada dalka. Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lasoo warinaya inuu ku jiro damac xilka madaxweynaha Soomaaliya ah oo uu doonayo inuu qeyb ka noqondo musharaxiinta u taagan madaxtinimada Soomaaliya. Saciid Deni ayaa kamid ahaa madaxda sida weyn uga soo horjeestay mudo korosigii uu meelmariyay baarlamaanka, asaga oo ku dagaalamay in doorashada Soomaaliya u dhacdo si dhaqso leh, midaasi oo uu jideynayo heshiiskii dhawaan lagu gaaray Muqdisho. Doorashada Soomaaliya oo muddo badan uu khilaaf ka taagna ayaa xiligan waxaa socda dadaalo lagu rabo in dalka ka dhacdo doorasho wada-ogol ah, taasi oo uu ka shaqeynayo ra’iisal wasaaraha dalka. The post Sawirro: Ujeedka safarka uu Saciid Deni maanta ku tegay Kismaayo oo la ogaaday appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Scottish African Business Association and KURO Consulting Drive Trade and Investment at African Energy Week 2021 Prioritizing Africa-Scotland partnerships, both SABA and KURO Consulting’s participation will drive investment into African markets JOHANNESBURG, South Africa, June 30, 2021/ — In a move to increase trade, investment and knowledge sharing between Scotland and Africa, the Scottish African Business Association (SABA) and KURO Consultancy have confirmed their presence at African Energy Week (AEW) 2021, taking place in Cape Town on the 9th-12th of November 2021. SABA, together with KURO Consulting, will be leading a delegation of Scottish companies to AEW 2021 in a bid to offer their services, foster partnerships, and interact with African National Oil Companies. Participation by an esteemed partnership-oriented organization such as SABA, and global consultancy company such as KURO, is particularly valuable for the African Energy Chamber (AEC) (www.EnergyChamber.org), as deal-making, networking, and establishing Africa-international ties remain top of the agenda. Africa not only represents one of the final frontiers for exploration, leading to a wide range of opportunities continent-wide, but, backed by significant electricity accessibility challenges, offers prime prospects within the power sector. SABA works to identify opportunities in African markets and then assists in the process of executing deals. As a membership organization that seeks to ensure ease of doing business for its members through established networks, SABA prioritizes partnerships and cooperation in increasing trade and investment between Scotland and Africa. By directing investment in these sectors, Scottish companies can benefit from commercial ventures whilst spurring socioeconomic growth across Africa. “With an abundance of opportunities across the entire energy value chain, Africa offers lucrative trade and investment prospects for international stakeholders. Participation by organizations such as SABA and KURO will not only further AEW 2021’s agenda of attracting global capital into African markets, but will allow African and Scottish companies to capitalize on long-term, mutually beneficial partnerships. Scottish companies can help fast-track Africa’s growth, making energy poverty history by 2030 a reality,” stated NJ Ayuk, Executive Chairman, the AEC. SABA’s primary objective is to help deliver tangible commercial outputs, beneficial to both African countries and Scottish companies, by coordinating specific opportunities within emerging African markets. By facilitating a targeted approach in which African opportunities – particularly in the power, oil and gas and renewables sectors – are presented to Scottish stakeholders, SABA seeks to establish ‘win-win’ business ventures for both Africa and Scotland. Accordingly, by participating at AEW 2021, SABA will be presented with both an in-depth and interactive view of a myriad of opportunities across the entire African energy sector value chain. AEW 2021 unites African and global stakeholders, driven by a commercial focus that seeks to accelerate African energy sector growth through investment partnerships with the international community. With networking and partnerships comprising a key focus as AEW 2021, this event represents the most ideal networking platform for SABA, in which established international ties can enable accelerated business development, fast-tracking African energy sector growth through increased trade and investment by Scottish companies. Representing the only pan-African energy conference to take place in Africa in 2021, AEW 2021 is the platform where deals are made, partnerships established, and economic-sectoral growth realized. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd ka degay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubalnad. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan bulshada Kismaayo ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland iyo wafdiiga. Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa booqasho maalmo qaadan doonta ku yimid Jubaland iyagoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda dowlada Jubaland iyo bulshada rayidka. Mas’uuliyiinta Puntland iyo Jubaland ayaa inta booqashadan ay socoto kulamo ka yeelan doona xaalada dalka iyo iskaashiga labada dhinac. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ka degay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Musharaxiinta mucaaridka ah ee ku bahoobay Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa waxa uu si adag u naqdiyay khudbadii maanta ee madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hor-yimid aragtida Farmaajo ee uu maanta ku sheegay in dalka ay ka jiraan labo afkaarood oo kala ah Waddaniyada iyo Qabyaalad, xili uu ka hadlayay munaasibadda 1-da Luulyo oo ka qabsoomtay xarunta Tiyaatarka Qaranka. Waxa uu sheegay in dalkeena ay ka jiraan labo fikradood oo xagjir ah, kuwaasi oo labadooduba ay magac dileen Diintii iyo dalkiiba, sida uu hadalka u dhigay. “Dalkeenna laba fikradood oo xagjir ah ayaa ragaadiyey. Kaligii Islaam iyo kaligii Waddani. Labadduba Diintii iyo Dalkiiba magaca ayey ka dileen,” ayuu yiri. “Diintu waa caqiidadeenna, dakuna waa deegaankeenna cid aan magacooda nagu dulmin ee inna wada deeqsiisa, deriskana nabad kula noolaata, dunidana la jaanqaadda ayey shacabku doonayaan.” Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta shaaciyey in dalka ay isku hayaan labo qolo, kuwaasi afkaaro kala duwan ah oo Waddaniyada iyo Qabyaalada, taasi oo ay tahay in muwaadinka kala doorto, isagoona xusay in qaybaalada kala qeybsanaanta ay keentay ka faa’iideysanayaan cadowga dalka, sida uu sheegay. “Dalkaan waxaa isku haysta afkaar dad maaha, labo afkaar ayaa isku haysata, anaga ayaa nalaga rabaa midda aan qaadan laheyn, Ilaahay waxa uu ina-siiyey in aan kala doorano, midka aad qaadato waxa uu leeyahay dhibaatadiisa midna wuxuu leeyahay wanaagiisa. Labada afkaar ee dalkaan isku haysatay waxay ahaayeen Waddaniyada iyo Qabyaaladda.” The post CC Shakuur oo u jawaabay Farmaajo: “Dalka waxaa ragaadiyey kaligii waddani iyo kaligii…” appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Mareeyaha hay’ada duulimaadyada Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi, ayaa sheegay in la fasaxay shirkada Fly Dubai. Mareeyaha ayaa sheegay in Fly Dubai oo mudo xayiraadi saarnayd la fasaxay kadib markii ay xukuumada Somaliland heshiis la gashay. “Dowlada Somaliland waxay go’aamisay in diyarad kasta oo calan waddan sidata heshiis lala galo” ayuu yidhi. “Waddankii labaad ee Somaliland heshiis la gala waa Imarada Dubai, iyadoo heshiis kaas lagu go’aamiyay in diyarada dib loo fasaxo” ayuu hadalkiisa ku daray. Mareeyaha ayaa sheegay in waddan kasta oo danaynaya in diyaaradihiisu isticmalan madaarada Somaliland ay heshiis ku iman doonaan. Mareeyaha ayaa sheegay in Fly Dubai loo hakiyay shuruudo anay buuxin darteed, isla markana hada la fasaxay kadib markii ay heshiis galeen. Fly Dubai ayaa la joojiyay sanadkii hore ee 2020 https://youtu.be/sLdQ1NGjGkU Source
-
Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, ayaa la filayaa inuu noqdo guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland isagoo badali doona Saleebaan Maxamuud Aadan oo xilkaasi banaynaya, sida ay MM-TV u sheegeen ilo-wareedyo xog ogaal ah. Xilka gudoomiyaha golaha guurtida ee la filayo inuu qabto Maxamed kaahin Axmed, ayay fursaddeedu abuurantay, kadib markii warqad is casilaad ah uu Gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Muddane Saleeban Maxamuud Aadan, muddo laga joogo ugu yaraan sadex usbuuc. Sidoo kale labadii maalmood ee ugu danbeeyay waxaa laga shaqaynayay sidii loo banayn lahaa kursiga uu deegaan ahaan kagasoo gali lahaa Wasiir Maxamed kaahin, si uu xilkaasi u hanto. Tallaabooyinka dhiman ee lagu taabbo galinayo xilka cusub ee wasiir Kaahin ayaa la shaacin doonaa maalmaha dhaw ee soo socda. MM-TV Source
-
Qoraalkan waxa igu kalliifey markii waraysi aan siiyey MMTV 29.06.2021, lana sii daayey xalay 01.07.2021 laga reebay ujeeddadii aan ka lahaa, waayo qofku marka uu waraysi bixinayo ujeeddo ayuu ka leeyahay, tas oo ah in uu xog ama farriin ku gudbiyo, waraystuhuna ujeeddo kale ayuu ka leeyahay, lagana yaabo in ay labada ujeeddo kala duwanaadaan. sidaa darteed waxaa laga rabaa waraystuhu marka uu waraysigii gudbinayo in labadii ujeeddaba ay ka dhex muuqdaan, haddiise ay mid keli ahi ka muuqato waxa is beddelayaba Nuxurkii iyo ujeeddadii, waxaanay keeni kartaa faham khaldan oo daawaduhu ka qaato, waayo hadalku isaga ayaa is dhamaystira ama is macneeya. waxa kale oo igu kalliifey in aan halkan si xaqiiq & tirooyin ah (Fact and Figures) u soo dhigo caddaymaha sida doorashooyinkii dhacay xisbiyadu codadka u kala heleen gaar ahaan KULMIYE & WADDANI si daawaduhu ama akhristuhu u helo xog ka maqan ama hadday ugu liidato uu xaqiiqda ogaan karo, waa qofka ay sidaa ula socone. akhristayaal waxaan idinka raalli gelinayaa haddii qoraalkani dheeraado, anigoo og in qoraalka gaaban ee nuxurka xambaarsani ka fiican yahay kan dheer hadduu doono faa’iido badaniba ha ku guda jirtee. waan daawaday masuulyiin iyo siyaasiyiin meelo fagaarayaal ah kaga doodaya KULMIYE taageeradiisii hoos u dhacday marka loo eego doorashadii Madaxtooyada 2017kii. Horta marka hore doorashooyinka waxa la isu barbar dhigaa siday isugu egyihiin sida Doorasho Madaxtooyo iyo mid kale oo madaxtooyo, mid Wakiillo iyo mid kale oo Wakiillo, sax maaha in la is barbardhigo laba doorasho oo kala nooc ah sida Doorsho Madaxtooyo iyo mid deegaan. DOORASHADII 2005 ============== Doorshadii 2005 KULMIYE halkuu taagnaa. waxa uu helay 28 xidhibaan, tan maantana waxa uu helay 30 xidhibaan. waxa xisbiguu UDUB kaga sareeyey saddex Gobol oo kala ah Awdal, Saaxil iyo Sool, oo isku darkooda laga sarreeyey 8 Xildhibaan. KULMIYE waxa uu ku sarreeyey laba gobol oo kala ahaa Maroodi jeex iyo Togdheer oo isku darkooda oo ku sarreeyey saddex Xidhibaan. gobolka sanaag isku mid ayay ahaayeen. DOORASHADA 2021 ============= Doorshada 2021 Xisbiga KULMIYE wuxuu ku sarreeyey Gobollada Maroodi jeex, Sool, iyo Saaxil oo isu geyntooda kaga sarreeyo xisbiga WADDANI saddex Xidhibaan. waxa anu ku sareeyaa Gobollada Togdheer iyo Sanaaga oo isu geyntooda uu ku horreeyo afar Xidhibaan waana halka uu ku jiro xidhibaanka 31aad. waxay is le’egyihiin gobolka Awdal. Haddaba tirada guud ee codadka Hordhaca ah labada xisbi waa sidan WADDANI = 259,144 Cod KULMIYE = 257,020 Cod Faraqa Waddani ku horreeyo 2,124 Cod Marka Degmooyin loo dhigo oo ah 2oka degmo ee doorashadu ka dhacday iyana waa sidan: KULMIYE = 268,806 cod WADDANI= 260,841 faraqa Kulmiye ku horreeyo 7,965 Cod Marka la kala gooyo 7,965 iyo 2,124 waxa Kulmiye ku sarreeyaa guud ahaan 5,841. horta dhinaca codadka marka laga eego waxa sarreeya KULMIYE dhinac kale aan u dhigo Kulmiye waxa uu ku horreeyaa xidhibaanno deegaan ahaan 9 Degmo oo kal ah:- Berebera, Gebiley, balligubadle, Sallaxley, Gar’adag, Lughaya, Caynabo, Xuddun iyo Taleex. Waddani waxa uu ku horreeyaa 6 degmo oo kala ah:- Burco, Oodweyne, Buuhoodle, Hargeysa, Ceerigaabo iyo Baki. Waxa labada Xisbi is le’egyihiin shan degmo oo kala ah:- Ceeelafweyn, Boorame, saylaca Laascaanood iyo Sheekh. haddaba waxa la is weydiin karaa sidee xisbiga intaas oo codad iyo demooyin ah ku sarreeya looga qaaday maayarrada shan degmo oo A Garade ah loona dheeraaday xubin Baarlamaan. jawaabtu waa sahlan tahaye iga hooya. Hortra maayarrada xisbi ma qaadin ee laba xisbi ayaa is kaashaday. xubinta baarlamaanka, codadka Xisbi helo iyo sida xubnaha doorashada ku soo baxa loo kala helaa waa kala nooc. waxaa jira Gobol ugu yaraan 5-11 musharrax oo aan soo bixini ay cod badan yihiin musharraxiin kale oo soo baxay, sababta adigu dib u baadh. arrin kale aan wax yar ka idhaahdo. doorashayooyinka noocan ah lama kala doorto xisbiyo, waxase deegaanku raacaa hlka musharraxoodu iska sharraxo isagoo aan xisbigaba taageersanayn. waxa kale oo jirta taageere xisbi oo laba musharrax oo laba xisbi ka kala sharrax midba goonnidiisa ugu codeeye, macnuhu waxa weeye midna wakiillada yuu ugu codeeyey midna deegaanka. Gebo Gebo. ======== Kulmiye ma jiro codad lagaga horreeyaa ee isaga ayaa saddexda xisbi ugu sarreeya marka codad la eegayo, qofkii ku qanci waayaana ha isu geyso isagu natiijadii hordhacaya hayd oo saxeexanna ha raadsado. KULMIYE ma jiro maayarro xisbi ka qaaday ee laba xisbi ayaa is kaashaday xaqna way u leeyihiin, cidina filan mayso in hal xisbi lanba xisbi ka codad bato. Dhaqankeenna ayay ahayd in labada xisbi mucaarad ku midoobaan doorashooyinka noocan ah ee ugub maaha. waxaan mar kale idinka raalli gelinaya dheeraanta qoraalkan, iyo haddii wax error ahi ku jiran waayo dib umaan soo akhriyin. waxaan idinka raalli gelinayaa haddii wax khalad ahi xisaabtan ka soo baxaan waayo bashar baan u wada nahay. W/Q Cabdikariim Xinif Guddoomiyaha hay’adda Barakacayaasha Source
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland Government Spokesman Jama Daparani tweeted that the President of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed had funded pro-Al-shabaab propaganda against Puntland State. Daparani’s tweet pertains to a cartoon by Amin Amir, a Somali-Canadian cartoonist, on the recent execution of 18 Al-shabaab ringleaders in Galkayo. A cartoon that will trigger a debate on the fine line between freedom of speech and incendiarism. Amir’s cartoon conveyed the message that then the men found guilty of masterminding Al-Shabaab assassinations had been innocent. One of the characters in the cartoon was made to say in Maay dialect, “Oh boy! I am innocent; you are wrong”. Amir portrays Puntland President Said Abdullahi Deni as the executioner. Puntland State Government publicised interviews with suspects who shared stories about their recruitment and how they carried out assassinations in North Galkayo. “Amin Amir’s cartoon seeks to exonerate criminals who were investigated under due process and convicted of terrorist activities” said Adan Mohamud, a former member of Galkayo City Council. “Amin Amir is not exercising freedom of speech when he implies Puntland Government illegally incriminates Somalis from Southwest State. Puntland Government is looking into making representations to the respective Canadian authorities about what we see as glorification of terrorism” said a senior official at Puntland Presidency, who prefers to be quoted anonymously. There is no evidence that Somalia President bankrolls pro-Al-shabaab propaganda. “Daparani has acted hastily without consulting legal experts of Puntland Government” added the official. © Puntland Post, 2021. The post Puntland Spokesman Accuses Somalia President of Bankrolling “Pro-Al-shabaab Propaganda” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibadii 1-da Luulyo ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah. Farmaajo ayaa khudbadiisa isku dul-taagay ‘waddaniyada’ oo uu sheegay inay soo noqotay muddooyinkii dambe, asaga oo tusaale usoo qaatay dhalinyaro badan oo sanadkaan u dabaal-dagayey munaasibada 1-da Luulyo. Waxa uu ka dhawaajiyey in dalka ay isku hayaan labo qolo, kuwaasi afkaaro kala duwan ah oo Waddaniyada iyo Qabyaalada, islamarkaana ay tahay in uu muwaadinka kala doorto, isagoona xusay in qaybaalada kala qeybsanaanta ay keentay ka faa’iideysanayaan cadowga dalka, sida uu sheegay. “Dalkaan waxaa isku haysta afkaar dad maaha, labo afkaar ayaa isku haysata, anaga ayaa nalaga rabaa midda aan qaadan laheyn, Ilaahay waxa uu ina-siiyey in aan kala doorano, midka aad qaadato waxa uu leeyahay dhibaatadiisa midna wuxuu leeyahay wanaagiisa. Labada afkaar ee dalkaan isku haysatay waxay ahaayeen Waddaniyada iyo Qabyaaladda,” ayuu yiri. “Qabyaaladu umaddeeni waa kala qeybisay, waxayna dhigtay Afrika meesha ugu hooseysa, caddowgeenii iyo shisheeyihii waxay siisay fursad ay nagu sii kala qeybiyaan oo nagu maamulaan.” “Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaan aragnay wadaniyadii oo soo noolaatay. Ogaada dagaalkii waa socdaa! Hadda rajo ayaa ii muuqata in wadaniyadii ay xoogeysaneyso, qabiilkiina uu jabaayo.” Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in qabyaalada ay tahay mida dib u dhaca ku keentay dalkeena. Munaasibada 1-da Luulyo ayaa si weyn looga xusay magaalada Muqdisho, ayada oo lagu qabtay munaasabadda dabaal-degaas xarunta Tiyaatarka Qaranka. The post Daawo: Farmaajo: Dalkaan waxaa isku haysta laba afkaar oo kala ah waddaniyad iyo… appeared first on Caasimada Online.
-
Guriga Gudoomiyaha Xisbiga Ucid F.C.Waraabe oo dab qabsaday & Sababta+Khasaaraha Gaadhey Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta damiyay dab qabsaday laba qol oo ka mida hoyga uu degenyahay gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali WEaraabe oo ku yaala xaafada Masalaha. Dabka ayaa ka bilaabmay laba qol oo ku yaalla banaanka guriga, kuwaasi oo kala ahaa Istoodh iyo qolka Ilaalada guriga, waxaana ciidanka Dab-demiska oo goobtaas markiiba gaadhay ay dabkii ku xakameeyeen halkii uu ka bilaabmay. Ciidanka ayaa badbaadiyay guriga intiisa kale oo ahaa laba dabaq hantidii taalay iyo saddex gaadhi. Sababta dabkan dhalisay ayaa goobjoogayaashu ciidanka u sheegeen in Ilmo yari ku gubay Leetar. Hawgalkan waxaa ka qayb qaatay ciidanka dab-demiska degmada Maxamuud Haybe iyo ciidamada Taliska guud , sidoo kalena waxaa gurmadka lagu galay Shan gaadhi oo dab-demis ah. Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa hawlgalkaas goob joog ka ahaa, waxaa iyaguna ka qayb ahaa xubno ka mida saraakiisha iyo ciidanka labada xarumood. Gudoomiyaha xisbiga UCID mudane Faysal Cali Waraabe oo halkaa ka hadlay ayaa u mahadnaqay ciidamada dab-demiska isagoo sheegay in markii ay dalbadeenba gurmadka ciidanku soo gaadheen, isla markaana damiyeen goobtii dabku haystay, sidoo kale dabkaa ka badbaadiyay qaybaha kale ee dhismaha. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka jawaabay qoraal dhawaan kasoo baxay Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU), kaasi oo lagu sheegay in gobolka uu canshuur sharci darro ah kusoo rogay goobaha waxbarashada. Maamulka gobolka ayaa beeniyay inay canshuur dul dhigeen goobaha waxbarashada, islamarkaana ay ciidamo u adeegsadeen in amarka canshuurta la dhaqan-geliyo, sida lagu sheegay qoraal ururka jaamacadaha kasoo baxay Taladaada. “Waxaa xaqiijinayna inaysan jirin canshuur uu maamulka gobolka Banaadir ka qaado goobaha waxbarashada, haddii ay noqon laheyd dugsiyada hoose/dhexe iyo jaamacadaha intaba, aysan jirin wax ciidan ah oo maamulka u diray goobaha waxbarashada si ay canshuuro uga soo qaadan.” Sidoo kale waxa uu sheegay in hadalka Ururka Jaamacadaha kasoo baxay uu yahay mid aan loo meel-dayin, ayna hubiyaan cida canshuurahaa ka qaadeysa. Maamulka gobolka Banaadir ayaa xusay in goobaha waxbarashada dalka ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin, islamarkaana ay u taagan yihiin sidii ay gacan u siin lahaayeen goobaha waxbarashada ee gobolka. Hadalkaan ayaa imanaya labo maalin kadib markii uu Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed soo saaray qoraal uu kaga cabanayo canshuur ay sheegen inay kusoo rogeen maamulka gobolka Banaadir. The post Video: Maamulka gobolka Banaadir oo beeniyay arrin culus oo lala xiriiriyey appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - Police in Mogadishu said they have arrested a gang of robbers among them one of the two who was captured by CCTV camera robbing a phone shop after brandishing a pistol. Source: Hiiraan Online
-
A Tigray leader’s letter gives a dire account of deaths and looting in his district in Ethiopia, which is cut off from aid. The letter, dated June 16 and obtained by the Associated Press, reveals the devastating effects of the war between Ethiopia’s forces supported by Eritrea and former leaders of the Tigray region. A health official confirmed the letter that described the looting of 5,000 homes, at least 440 deaths and at least 558 victims of sexual violence, according to the Associated Press. “There is no access to clean water; electricity, phone communication, banking, health care, and access to humanitarian aid are blocked,” Mai Kinetal district leader Berhe Desta Gebremariam said. “People are unable to move around to save their lives because Eritrean troops completely put us under siege with no transportation, and people are condemned to suffer and die.” Berhe warned that without aid 2021 and 2022 will be devastating for the region and said Tigrayans “are falling like leaves.” The plea arrived from a remote area that had so far produced only rumors and residents fleeing for their lives. Help us, the letter said, stamped and signed by Berhe. At least 125 people have already starved to death. People are trapped in one of the most inaccessible areas of the conflict-torn Tigray region, beyond the reach of aid. The letter is a rare insight into the most urgent unknown of the war between Ethiopian forces backed by Eritrea and Tigray’s former leaders: What’s the fate of hundreds of thousands of people cut off from the world for months? As the United States warns that up to 900,000 people in Tigray face famine conditions in the world’s worst hunger crisis in a decade, little is known about vast areas of Tigray that have been under the control of combatants from all sides since November. With blocked roads and ongoing fighting, humanitarian groups have been left without access. A possible opening emerged this week when Ethiopia’s government announced an immediate, unilateral cease-fire after Tigray fighters re-entered the regional capital and government soldiers fled. An official for the United States Agency for International Development told U.S. lawmakers on Tuesday that some aid groups were expected to test the cease-fire immediately in an effort to reach remote areas. However, it isn’t clear whether other parties in the conflict, including troops from neighboring Eritrea accused of some of the war’s worst atrocities, will respect the cease-fire. A Tigray spokesman rejected it as a “sick joke” and vowed to fully liberate the region. The letter that reached the regional capital, Mekele, this month from the cut-off central district of Mai Kinetal was just the second plea of its kind, the health official who confirmed it said. The first had been a message from Ofla district reporting 150 deaths from starvation, which the United Nations humanitarian chief shared in a closed-door session of the U.N. Security Council in April, bringing an angry response from Ethiopia’s government. But the letter from Mai Kinetal is different, the health official said, offering badly needed, well-compiled data that lay out the devastation line by line: Thousands of livestock have been taken. Tons of crops have been burned. Looted farmers in the largely agricultural district have been left without the seeds to grow food, Berhe wrote. The one aid delivery to Mai Kinetal that wasn’t blocked was based on a badly outdated 1995 census, meaning half the district’s residents were left out. Residents had been coming by foot from Mai Kinetal with word that people were starving, the Tigray regional health official said, speaking on condition of anonymity for fear of retaliation. But the letter confirms the details and extent of the crisis. “It’s so terrible. It’s so terrible,” he said. “We know that people are dying everywhere.” Other unreachable districts remain silent, he said, as phone services are cut in much of Tigray. Asked about Mai Kinetal, a senior U.N. humanitarian official called it “an especially critical area for us to reach” and confirmed to the AP that aid had not made it into the district, and a number of others, since the conflict began. Overall, the U.N. estimates that 1.6 million people remain in Tigray’s hard-to-reach areas, and the U.N. children’s agency last week warned that at least 33,000 severely malnourished children in hard-to-reach areas face the “imminent risk of death” without more aid. But humanitarian workers warn that the situation is especially fluid now amid some of the fiercest fighting yet. Even the unilateral cease-fire announced this week is designed not to last. Ethiopia’s government says it will end once the farming season in Tigray is over, which means September. How needed seeds and other supplies will reach farmers across the region in time is not clear. For Tigrayans with loved ones trapped inside inaccessible areas, the lack of information has meant months of fear and despair. “Every time I get to talk to someone who managed to flee from the area, it’s like a round of pain and shock again and again,” said Teklehaymanot G. Weldemichel, a diaspora Tigrayan from Mai Kinetal. He said his family home there had been shelled at the beginning of the war, and his parents later returned to find every item in the house taken by Eritrean soldiers, even photo albums and frames. One resident who fled to Sudan, Kibreab Fisseha, told the AP that a cousin with diabetes who stayed in Mai Kinetal had died because of lack of food. “Both my parents are still there,” Kibreab said. “They are hiding in the house and I hope they are fine until help comes.” Another Mai Kinetal resident told the AP he has been able to speak with his mother just once since the war began, in a short conversation about a month ago before phone service disappeared again. “I have been calling ever since the war started,” he said, giving only his first name, Tsige, to protect his family. He said his mother described fierce fighting as Eritreans took control of their village and many people fled. Tsige’s father, in his 70s, was among those too old to leave. Eritrean soldiers one day came to the house and asked him to bring them water. He did, and the soldiers later spared him. But other residents who were found during house-to-house searches and suspected of links to the Tigray fighters were killed, Tsige said. Homes abandoned by fleeing families were burned. When another relative refused to hand over his cattle to Eritrean soldiers, they slaughtered him in front of his grandson, Tsige said. In all, he knows at least 11 people in Mai Kinetal who have been killed, including a deaf man in his 70s. “Every day could change the lives of my family,” said Tsige, who is studying in Japan and feels helplessly far away. “I have to prepare for the worst. Every few minutes you think about your family, are they alive?” Tsige is too young to know the famine that ravaged Ethiopia, especially the Tigray region, amid conflict in the 1980s and shocked the world, but he grew up hearing about it from his family. He pleaded for the international community to act and for Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed to “be a human person” and end the war. “It’s happening now again, and we’re just watching it happen,” Tsige said. “I don’t want to see a documentary filmed after my family has died. I want action now.” Source: Newsweek The post Tigray District Leader Offers Dire Account of Deaths, Looting in Region Cut off From Aid appeared first on Puntland Post.
-
Haweenka Soomaaliyeed ee ka qeyb galaya doorashada sanadkan 2021-ka ayaa qiimo dhimis loo sameeyey xagga isdiiwaangelinta iyada oo laga dhaafay kala-u-bar. Golaha wadatashiga qaran ayaa isku raacay in haweenka laga qaado 50% inta raga laga qaadayo sida in golaha shacabka ay bixiyaan $5,000 halka aqalka sare ay bixin doonaan $10,000. Guddigii uu Farmaajo ka midka ahaa ayaa sanadkii hore haweenka ku kordhiyey lacagtii laga qaadayey, taas oo hadda u muuqato in laga noqday. Waxaa xusid mudan in 2016-kii ay haweenka aqalka hoose bixiyeen $2500 halka aqalka sare bixiyeen $5000, laakin heshiiskii October sanadkii hore ayaa ka dhigay aqalka hoose $10,000 iyo $20,000 senate-ka ah. Golaha wadatashiga qaran ayaa adkeeyey in ay ka go’antahay ilaalinta kootada 30% ee haweenka. Doorashadii hore ee 2016-kii waxay haweenka heleen 84 oo aheyd 24% . Haweenka Soomaaliyeed ayaa sanadkan olole ugu jira iney helaan 30% iyo ka badan, laakin waxaa jira caqabad ay kala kulmayaan beelaha qaar, kuwaas oo diidan iney gabar matasho. Guddiga cusub ee doorashada dadban ayaa looga fadhiyaa iney ku qasbaan beelaha, gaar ahaan kuwa saddexda kursi leh iney mid haween noqoto, waxaa la ogaan doonaan guddigan iyo midkii 2016-kii kan ku roonaada soo dhicinta xuquuqda haweenka ee 30% . Cabdicaziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com