Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Dubai)-Shirkadda gacanta ku haysa Dekedda caalamiga ah ee magaaladda Berbera ee Dp World ayaa ka warbixisay qaybaha muhiimka ah ee weheliya Terminaalka cusub ee dhowaan xadhiga laga jaray ee dekeda Berbera. Qoraal kooban oo ay shirkadda Dp World ku qortay boggaga ay ku lee dahay baraha bulshadda ayay ku sheegtay in Ternimaalka cusub ee Koonteerada ee dhowaan xadhiga laga jaray ee dekedda Berbera ay weheliyaan Aagga horumarinta dhaqaalaha ee Berbera,kaas oo ay sheegeen in uu qayb muhiim ah ka qaadanaayo qorshahooda guud ee ah in Berbera loo beddelo xarunta isku xidha Badaha,Wershadaha iyo Saadka geeska Afrika. Shirkadda Dp World waxa ay sidoo kale qoraalkeedan ku sheegtay in Aagga Dhaqaalaha la horumarinaayo, iyada oo lagu salaynaayo, lagana shidaal qaadanaayo Jebel Cali Free Zone oo Dubai ku taalla,taas oo siinaysa maalgashadeyaasha maxalliga ah iyo kuwa ajaanibka ahba jawi ku haboon maalgashiga iyo ganacsiga. Waxa sidoo kale qoraalkan ay ku sheegtay shirkadda Dp World in isku xidhka Dekedda Berbera, Meesha Istiraatijiga ah ee ay ku taalo iyo Berbera Corridor oo Ethiopia ku xidhaysa in uu ka dhigi doono Aagga dhaqaale mid yeesha dhamaan waxyaabihii ka dhigi lahaa mid guulaysta,soona jiita maalgashi,abuur ganacsi iyo shaqo abuur Source
  2. (SLT-Addis Ababa)-Cambaareyn iyo qeylo-dhaan caalami ah ayaa ka dhalatay kadib markii dowladda Itoobiya ay qaaday tallaabo ay ku burburisay buundooyin gargaarka loo mariyo gobolka Tigray, maalmo kadib guul-darradii kasoo gaadhay gobolka. Ciidamada Tigray ayaa Isniintii dib u qabsaday gobolka kadib markii maamulkii iyo ciidamadii taageersanaa Abiy Ahmed ay ka carareen, sideed bil oo ay haysteen kadib. Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa millatariga Ethiopia iyo maleeshiyada Amxaarada ku eedeeyey inay burburiyeen saddex buundo oo dul mara webiga Tekeze, Khamiistii. Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidammada ay waxyeeleeyeen laba buundo oo kale, tallaabadaas oo uu ku qeexay “dadaal ku talo-gal ah” oo lagu xaqiijinayo inaanu gargaarka gaadhin shacabka Tigray. Qaramada Midoobe ayaa shaaca ka qaaday in la rumeysan yahay in ciidamada Amxaarada ay ka dambeeyeen burburinta buundooyinka. Hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa walaac ka muujisay burburinta buundooyinka, ayada oo sheegtay in xitaa kahor arrintaas ay ciidamada mar walba celin jireen gargaarka loo sido gobolka Tigray. Madaxa isku xirka gurmadka deg degga ah ee WFP Tommy Thompson ayaa sheegay in hadda ay u furan tahay oo kaliya hal waddo oo gargaarka la mariyo balse ay aad u dheer tahay, xilli ay dad badan wajahayaan macluul. Dowladda Ethiopia ayaa maanta iyana beenisay inay xanibeyso gargaarka, waxayna sheegtay in taas beddelkeed ay dib u dhiseyso kaabayaasha. “Eedeymaha ku saabsan inaan isku dayeyno inaan dhuun qabano shacabka Tigray, inaga oo aan u diideyna inuu gargaarka gaarka, una adeegsaneyna gaajada hub ahaan, waa wax ka baxsan caqliga,” waxaa sidaas yidhi ra’iisul wasaare ku-xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen. “Waxaan adeegsaneynay dadaal kasta oo suurta-gal ah si aan dib ugu dhisno kaabayaasha waxyeelada ay gaadhay, oo aan dib usoo celino korontadii, taleefonkii, internet-kii iyo adeegyadii bankiyada,” ayuu yidhi. Dalal iyo hay’ado kale oo caalami ah ayaa cambaareeyey burburinta buundooyinka, waxaana tani ay sii kordhineysa eedeymihii horey loogu jeediyey maamulka Abiy Ahmed ee ahaa inay xadgudubyo culus ka gaysteen gobolka Tigray. Source
  3. Last Saturday, Franklin Avenue between 24th and 26th Avenue was closed to traffic. Source: Hiiraan Online
  4. Somalia will finally elect a President on October 10, according to a definitive calendar released this week by the National Consultative Council, chaired by Prime Minister Hussein Roble. Source: Hiiraan Online
  5. MEKELLE, Ethiopia – Thousands of Ethiopian prisoners of war marched through the regional capital of Tigray on Friday as jubilant crowds marched through the streets to taunt the captives and cheer on the Tigrayian forces Source: Hiiraan Online
  6. Somalia’s Ramla Ali makes history for her country again, becoming the first woman from her country to compete in boxing at the Olympic Games. Ali announced on Twitter today that she had qualified for the Games. She is the first ever Somalian woman to box professionally with a record of 3-0. Source: Hiiraan Online
  7. In Kenya’s coastal region, interfaith efforts to slow down or end youth recruitment into the militant Islamist group al-Shabab are gaining progress, with some recruits abandoning the extremist group’s training grounds in Southern Somalia to return home. Source: Hiiraan Online
  8. Waxgaradka iyo Aqoonyahanka degaanka Tasjiic, oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari, ayaa si adag u cambaareeyay guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC. Aqoonyahanka iyo waxgaradka Tasjiic, oo bayaan soo saaray ayaa sheegay in guddiga TPEC uu ka been-abuurtay degaanka, islamarkaana aysan jirin wax diiwaan-gelin ah oo laga sameeyay. Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in ay been-abuur iyo waxba kama jiraan tahay, natiijada ka soo baxday guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo ku saabsan in diiwaan-gelin laga sameeyay degaankaas. Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu xusay in tallaabada noocaas ah ay meesha ka saarayso kalsoonidii iyo hankii loo qabay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland. PUNTLAND POST The post Tasjiic: Waxa naga been-abuurtay guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) oo u warramayey wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiriirka diblumaasiyadeed ee dowladaha dariska ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya. Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in xiriirka labada dal uu mar hoose, marna kor yahay, wuxuuna ku sifeeyey mid marba heer ah. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan marnaba kala go’i karin shacabka labada wadan, isla-markaana uu ka dhexeeyo xiriir ganacsi iyo mid darisnimo intaba. “Kenya iyo Soomaaliya xiriirkeenu marna waa Hoos marna waa kor laakiin marnaba waxaa kala go’in dadka oo had & jeer isu socodkooda iyo ganacsigooda joogta ah, Soomaalidu waa in ay fahamno in aan nahay dad walaalo ah lagana gudbo khilaafka tirada badan ee soo noqnoqanaya”ayuu yiri Danjire Maxamuud Axmed Nuur oo loo yaqaano (Tarsan). Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan uu soo hagaagayo xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, isla-markaana adeega safaaraddiisa uu bilaabanayo beri oo Isniin ah. “Waxa aan bulshada Soomaaliyeed ku wargelinayaa in Isniinta Safaaradda ay bilaabeyso adeegyadii ay qaban jirtay, Nambarka imaan doona ayaa laga yaabaa in uu badan karo balse waan xalin doonaa” ayuu sii raaciyey hadalkiisa safiirka Soomaaliya ee Kenya. Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkooda xumaadaa bilihii lasoo dhaafay, wuxuuna sababay inay safaaradaha kala rartaan xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi, walow haatan dib loo soo celiyey xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal oo ah kuwa daris wadaag ah. The post Muxuu Tarsan ku sifeeyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya? appeared first on Caasimada Online.
  10. Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, ayaa maanta oo Sabti ah cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xisaab-xirka Miisaaniyadda dowladda sannadkii 2020. Xisaab-xirka Miisaaniyadda waxa Baarlamanka u gudbisay wasaaradda Maaliyadda, iyadoo xildhibaannadu ay dood ka yeesheen, ka hor inta aysan ansixin. Xisaab-xirkan ayaa sida wasaaraddu sheegtay loo diyaariyey habka caalamiga ah ee loo yaqaan IPSAS Cash bases, taas oo wax weyn ka bedeshay habka xisaab-xirka dowladda. Sidoo kale, wasaaradda Maaliyadda ayaa mudanayaasha Baarlamanka uga mahad-celisay ansixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2020. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2020 appeared first on Puntland Post.
  11. Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada dadban ee heer Federaal 2020-2021, oo kulankii u horreeyay yeeshay ayaa doortay guddoomiye ku meel gaar ah. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga ayaa waxaa ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in uu gudoomiye ku meel gaar ah u noqdo qofka ugu da’da weyn xubnaha, waxaa ku guuleystay Cabbdullaahi Abyan Nuur. Xubnaha uu ka kooban yahay Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada dadban ee heer Federaal ayaa soo dhaweyey doorashada Guddoomiyaha, iyaga oo sheegay inay Shaqadooda si wanaagsan u gutan. Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada dadban ee heer Federaal ayaa Shaqadooda waxaa ay tahay xalinta hadii uu khilaaf ama isqabqabsi ka dhasho doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Gudiga Xallinta khilaafaadka doorashada heer Federaal oo gudoomiye ku meel gaar ah doortay appeared first on Puntland Post.
  12. Xarunta Safaaradda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa rasmi ah dib loogu furay, xili ay xirneyd muddo ku dhow lix bilood oo khilaaf u dhexeeyay Somalia iyo Kenya. Safiirka dowladda Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlaayay Munaasabadda dib u furista Xarunta Safaaradda ayaa soo dhaweynayay dib u furista Safaaradda, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii labada dowladood ka dhex jiray. Waxaa uu sheegay Safiir Tarsan in Safaaradda inay dib u bilaabeyso shaqooyinka ay u qabaneysay bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka Kenya, isla markaana xiriirka ka dhexeeya labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo si fudud u kala go’i karin. Sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa Carabka ku dhuftay in maalinta Isniinta ee soo socota ee todobaadkan ay rasmi ah u bilaaban doonaan shaqooyinka ay Safaaradda Kenya u heysay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay inay shacabka heli doonaan adeegyada ay u baahan yihiin. PUNTLAND POST The post Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo dib loo furay appeared first on Puntland Post.
  13. Caalamka oo ka qeyliyey tallaabo ay qaaday dowladda Abiy Axmed ka-dib markii laga qabsaday Mekelle Cambaareyn iyo qeylo-dhaan caalami ah ayaa ka dhalatay kadib markii dowladda Ethiopia ay qaaday tallaabo ay ku burburisay buundooyin gargaarka loo mariyo gobolka Tigray, maalmo kadib guul-darradii kasoo gaartay gobolka. Ciidamada Tigray ayaa Isniintii dib u qabsaday gobolka kadib markii maamulkii iyo ciidamadii taageersanaa Abiy Ahmed ay ka carareen, sideed bil oo ay haysteen kadib. Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa militariga Ethiopia iyo maleeshiyada Amxaarada ku eedeeyey inay burburiyeen saddex buundo oo dul mara webiga Tekeze, Khamiistii. Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada ay waxyeeleeyeen laba buundo oo kale, tallaabadaas oo uu ku qeexay “dadaal ku talo-gal ah” oo lagu xaqiijinayo inaanu gargaarka gaarin shacabka Tigray. Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in la rumeysan yahay in ciidamada Amxaarada ay ka dambeeyeen burburinta buundooyinka. Hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa walaac ka muujisay burburinta buundooyinka, ayada oo sheegtay in xitaa kahor arrintaas ay ciidamada mar walba celin jireen gargaarka loo sido gobolka Tigray. Madaxa isku xihdka gurmadka deg degga ah ee WFP Tommy Thompson ayaa sheegay in hadda ay u furan tahay oo kaliya hal waddo oo gargaarka la mariyo balse ay aad u dheer tahay, xilli ay dad badan wajahayaan macluul. Dowladda Ethiopia ayaa maanta iyana beenisay inay xanibeyso gargaarka, waxayna sheegtay in taas beddelkeed ay dib u dhiseyso kaabayaasha. “Eedeymaha ku saabsan inaan isku dayeyno inaan dhuun qabano shacabka Tigray, inaga oo aan u diideyna inuu gargaarka gaarka, una adeegsaneyna gaajada hub ahaan, waa wax ka baxsan caqliga,” waxaa sidaas yidhi ra’iisul wasaare ku-xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen. “Waxaan adeegsaneynay dadaal kasta oo suurta-gal ah si aan dib ugu dhisno kaabayaasha waxyeelada ay gaadhay, oo aan dib usoo celino korontadii, taleefonkii, internet-kii iyo adeegyadii bankiyada,” ayuu yidhi. Dalal iyo hay’ado kale oo caalami ah ayaa cambaareeyey burburinta buundooyinka, waxaana tani ay sii kordhineysa eedeymihii horey loogu jeediyey maamulka Abiy Ahmed ee ahaa inay xadgudubyo culus ka gaysteen gobolka Tigray. Qaran News
  14. Wararkii ugu dambeeyay ee Qarax is-miidamina oo Gilgilay Muqdisho Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaaxi lagu shaaho oo ku taalla isgoyska Jubba ee u dhaxeeya degmooyinka Boondheere iyo Shangaani. Qaraxa oo uu fuliyay qof xidhan suunka qaraxa loo adeegsado, ayaa waxaa ku dhimatay ilaa shan ruux, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacantay, sida ay dad goobjoog ah u sheegen warbaahinta. Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad badan, wuxuuna kusoo aaday qaraxu xili uu mashquul badan ka jiray isgoyska Jubba oo ay ku taalay maqaayada la qarxiyey. Laamaha amaanka ayaa wada baadhis ku aadan qaraxa ka dhacay makhaayadaas, taasi oo uu fuliyey qof naftii halige ah, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta. Amniga magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe wanaagsan, hase yeeshee waxaa si weyn usoo batay qaraxyada ay geysanayaan dad isku soo xidha jaakadaha qaraxyada laga sameeyo. Qaraxyada noocan oo kale ah ayaa inta badan waxaa fulisa kooxda Al-Shabaab, ilaa haddana majiro war kasoo baxay oo ay ku sheeganeyso mas’uuliyada qaraxaas. Qaran News
  15. Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ka hadlay Colaada Tigray? Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in colaaddii dhawaan ka dhacay gobolka Tigreeda ee dalka Itoobiya ay sababtay macaluul saameyn weyn ku yeelatay qiyaastii 400,000 oo qof. Kulan uu xalay arrinta gobolka Tigray ka yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa laga sheegay in ay suurtagal tahay in colaad hor leh ay halkaasi ka dhacdo, inkastoo horraantii usbuucan ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac ah. Ku simaha madaxa gargaarka bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay, Ramesh Rajasingham, ayaa Golaha Amniga u sheegay in xaaladda Tigray ay aad u xumaatay toddobaadyadii la soo dhaafay. Waxa uu sheegay in 1.8 milyan oo qof ay qarka u saaran yihiin macaluul – marka lagu daro 400,000 oo qof oo durba ka gudbay xadka dalkaasi. Wuxuu intaas ku daray in 33,000 kun oo carruur ah ay hayso nafaqadarro ba’an. Dowladda Itoobiya ayaa maalintii Isniinta ahayd ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, haseyeeshee waxaa jiray warar sheegayay inay jiraan iska hor imaadyo goos-goos ah oo ka socda qaybo ka mid ah gobolka Tigreega, iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee ah in dhammaan dhinacyada colaadda ku lugta leh ay dib u kala gurtaan. Madaxa arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Rosemary DiCarlo, ayaa ka sheegtay kulankan ka dhacay New York in iska hor imaadyo kale ay u badan tahay inay dhex maraan ciidamada Tigreega iyo kuwa dowladda Itoobiya oo ay baritaarayaan ciidamada Eritrea iyo kuwa maamulka Amxaarada. “Waxaa suurtagal ah in ay dhacaan iska hor imaadyo badan iyo in si deg deg deg ahi ay xaaladda ammaan u xumaato, arrintaa oo walaaceeda leh. Xabbad joojintii lagu dhawaaqay waxay fursad siinaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, oo kooxda TPLF ay ka mid tahay, in ay ka faa’iideystaan oo ay xaaladda ku dejiyaan. Sidaa awgeed, waxaan ugu baaqeynaa xoogagga difaaca Tigreeda ee TDF in ay si deg deg ah u ansixiyaan xabad joojinta oo gebi ahaanba ay dhaqangeliyaan,” ayay tiri Rosemary DiCarlo. Waxay sidoo kale sheegtay in aysan marnaba dhici doonin in xadgudubyadII xuquuqda aadanaha ee gobolkaasi ka dhacay aanan la iskula xisaabtamin. “Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dhinacyada ku lugta leh colaadda in inta awoodooda ah, ay gacan ka geystaan baaritaanka wadajirka ahi ee socda ee ay wadaan xafiiska xaquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey iyo Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya. Waxaa khasab ah oo lagama maarmaan ah in la iskula xisaabtamo xad-gudubyadii xuquuqda aadanaha ee aadka u xumaa ee la galay muddadii ay colaadda socotay, oo ay ku jiraan falalka xad-gudubka dhanka galmada ahi ee lagula kacay carruurta iyo dadka qaangaarka ahi iyo sidoo kale dilalkii tirada badnaa ee dhacay,” ayay hadalkeeda sii raacisay Rosemary DiCarlo. Danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, ayaa ku baaqday xabbad joojin waarta, waxa ayna ku boorisay dowladda Itoobiya in ay wax ka qabato waxa ay ugu yeertay ‘masiibo bani’aadamnimo. Siddeedii bilood ee ay socotay xasaradda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ku barakacay ku dhowaad laba milyan oo qof, halka boqolaal kun oo qof oo kalana ay halis ugu jiraan in ay macaluul u dhintaan. Dowladda Itoobiya ayaa beenisay eedeymaha loo soo jeedinayo ee ah in ay hor istaagtay gargaarka bani’aadanimo kaddib markii fallaagada Tigray ay toddobaadkan la wareegeen inta badan gobolkaasi ku yaal waqooyiga Itoobiya. Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in ay dib u billowday howlaheeda gargaarka haseyeeshee waxay hay’addu intaa ku dartay in marinka uu weli adag yahay isla markaana howlaha gargaarka aysan gaarin heerkii loogu talagalay. Xiisadda u dhaxeysa dowladda Federaalka Itoobiya iyo gobolka Tigreega ee ay hoggaamiso kooxda TPLF ayaa billaabatay kaddib markii ra’iisulwasaare Abiy Axmed uu xukunka qabtay bishii Abriil ee sandkii 2018. Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kaddib markii doorashooyinkii la rabay in la qabto bishii Agosto 2020 dib loo dhigay sababo la xiriira fayraska Koroona. Balse arrinta ayaa bishii Nofeembar ee sanadkii tegay isu badashay gacan ka hadal ballaaran oo keenay in dhiig badan uu daato. Qaran News
  16. Mekelle (Caasimada Online) – Cambaareyn iyo qeylo-dhaan caalami ah ayaa ka dhalatay kadib markii dowladda Ethiopia ay qaaday tallaabo ay ku burburisay buundooyin gargaarka loo mariyo gobolka Tigray, maalmo kadib guul-darradii kasoo gaartay gobolka. Ciidamada Tigray ayaa Isniintii dib u qabsaday gobolka kadib markii maamulkii iyo ciidamadii taageersanaa Abiy Ahmed ay ka carareen, sideed bil oo ay haysteen kadib. Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa militariga Ethiopia iyo maleeshiyada Amxaarada ku eedeeyey inay burburiyeen saddex buundo oo dul mara webiga Tekeze, Khamiistii. Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada ay waxyeeleeyeen laba buundo oo kale, tallaabadaas oo uu ku qeexay “dadaal ku talo-gal ah” oo lagu xaqiijinayo inaanu gargaarka gaarin shacabka Tigray. Qaramada Midoobe ayaa shaaca ka qaaday in la rumeysan yahay in ciidamada Amxaarada ay ka dambeeyeen burburinta buundooyinka. Hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa walaac ka muujisay burburinta buundooyinka, ayada oo sheegtay in xitaa kahor arrintaas ay ciidamada mar walba celin jireen gargaarka loo sido gobolka Tigray. Madaxa isku xirka gurmadka deg degga ah ee WFP Tommy Thompson ayaa sheegay in hadda ay u furan tahay oo kaliya hal waddo oo gargaarka la mariyo balse ay aad u dheer tahay, xilli ay dad badan wajahayaan macluul. Dowladda Ethiopia ayaa maanta iyana beenisay inay xanibeyso gargaarka, waxayna sheegtay in taas beddelkeed ay dib u dhiseyso kaabayaasha. “Eedeymaha ku saabsan inaan isku dayeyno inaan dhuun qabano shacabka Tigray, inaga oo aan u diideyna inuu gargaarka gaarka, una adeegsaneyna gaajada hub ahaan, waa wax ka baxsan caqliga,” waxaa sidaas yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen. “Waxaan adeegsaneynay dadaal kasta oo suurta-gal ah si aan dib ugu dhisno kaabayaasha waxyeelada ay gaartay, oo aan dib usoo celino korontadii, taleefonkii, internet-kii iyo adeegyadii bankiyada,” ayuu yiri. Dalal iyo hay’ado kale oo caalami ah ayaa cambaareeyey burburinta buundooyinka, waxaana tani ay sii kordhineysa eedeymihii horey loogu jeediyey maamulka Abiy Ahmed ee ahaa inay xadgudubyo culus ka gaysteen gobolka Tigray. The post Caalamka oo ka qeyliyey tallaabo ay qaaday dowladda ABIY AHMED kaddib markii laga qabsaday MEKELLE appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (HOL) - According to officials and witnesses, at least ten people have been killed and a dozen others seriously wounded on Friday after a suicide bomber struck at a crowded cafe close to the Hotel Jubba Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  18. Wararkii ugu dambeeyay oo laga helayo qaraxa Muqdisho ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux ku dhinteen, tiro intaas ka badana ku dhaawacmeen. Qaraxa oo ahaa ismiidaamin uu fuliyay qof walxaha qaraxa isku soo xiray ayaa ka dhacay maqaaxi ku taala degmadda Shibis ee gobalka Banaadir. Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareeyay qaraxa, wuxuuna bayaan uu soo saaray ku yiri “Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Alshabaab galabta ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan”. “Falkan bahalnimada iyo arxan darrida ah waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada” ayuu sii raaciyay bayaanka. Laamaha ammaanka ayaaa weli faahfaahin rasmi ah ka bixin qaraxa galabta ka dhacay magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay qaraxa Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Cadaadis ayaa mar kale ku kordhaya madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii Mareykanka uu sheegay in ciidanka Soomaaliya ee la geeyey Eritrea ay ka dagaalameen Ethiopia. Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka, ayaa yiri “Waxaan ka war qabnaa in ciidamo Soomaali ah ay joogeen Itoobiya, laakiin hadda ma xaqiijin karo inay dagaal ka qeyb qaateen iyo in kale, balse waan xaqiijineynaa arrintaas.” Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Musharaxiinta Mucaaridka ayaa sheegay “in ilaa iyo hadda madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo xukuumada xil-gaarsiinta aysan sheegin halka ay ku danbeeyeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee Eritrea loo qaaday.” Waxa kale oo uu sheegay in guddigii uu ra’iisal wasaaraha u magacaabay arrinta dhalintaas in ilaa hadda aan la aqoon meel ay ku dambeeyen iyo wax ay ka qabteen cabashada isa-soo tareysa ee waalidiinta caruurtooda uga maqan tahay Eritrea. “Guddigii uu Raysal wasaaruhu u saaray meel ay ku danbeeyeen lama yaqaan. Dawlada Maraykanka waxay xaqiijisay in ay ciidan Soomaaliyeed oo Eritrea lagu tababaray ay gudaha Itoobiya ku sugan yihiin. Suuragal maaha in la difiro, ama la iska indha tiro walwalka iyo xanuunka waalidiinta,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu ka dalbaday madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo xukuumadda xil-gaarsiinta inay xil dadnimo iska saaran soo celinta dhalintaas iyo ka run sheegista xaaladooda nololeed oo wal-wal ku haysa waalidiintooda. “Madaxweynaha xilkiisa idlaaday iyo xukuumada xilgaarsiinta waa in damiir, dadnimo iyo waaldnimo mid uun damqisaa oo waalidiinta intii nool ubadkooda u soo celiyaan, intii dagaal shisheeye ama dayac kale ku dhimatayna uga run sheegaan.” Dhinaca kale, Senator Abshir Axmed oo arrintaan ka hadlay ayaa asaguna sheegay inay cadeymo hor leh kasoo baxayaan Askar Soomaali ah oo tobabar loogu qaaday dalka Eritrea oo ka bar-bar dagaalamaya kuw Itoobiya. “Caddeymo dheeri ah oo ka soo baxaya Soomaali maleynayo inay tababar militari ku qaadanayaan Ereteriya ayaa waxay muujinayaan inay ka dagaallamayeen Tigray,” ayuu yiri Senator Abshir Hadalladaan ayaa imanaya xili uu Mareykanka sheegay inuu ka warqabo in ciidamo Soomaali ah ay joogaan dalka Itoobiya, kuwaasi oo aan si rasmi ah loo xaqiijin inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii Tigray iyo inkale, inkasta oo ay soo baxayaan warbixino la xiriirinaya dagaalkaas. The post Cadaadiska saaran Farmaajo iyo Rooble oo kordhay kadib xogtii uu Mareykanka shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa warar kala duwan ka soo saaray qaraxii is-miidaaminta ahaa ee galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Qoraal ka soo baxay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa aad loogu cambaareeyey qaraxaas, “Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Falkan bahalnimada iyo arxan darrida ah waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada,” ayuu yiri Rooble. Warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay in qaraxaas ay mas’uuliyadiisa sheegteen, islamarkaana ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof, halka dhaawacyada ka dhashana ay ku sheegeen inay 20 kale kor u dhaafayaan. Sidoo kale Al-Shabaab waxay sheegeen in qaraxaas ay la beegsadeen ciidamo ka tirsan dowladda oo ka kala tirsan booliska iyo sirdoonka Qaranka, sida ay ku sheegeen warkan ka soo baxay. Qaraxa oo uu fuliyay qof xiran suunka qaraxa loo adeegsado, ayaa waxaa ku dhimatay ilaa shan ruux, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacantay, sida ay dad goobjoog ah u sheegeen Caasimada Online, sidoo kale warar soo baxaya waxay sheegayaan in khasaaruhu intaas ka badan yahay. Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah maqaayad ku taalla isgoyska Jubba ayaa waxaa ku sugnaa dad badan, waxuuna kusoo aaday qaraxu xili uu mashquul badan ka jiray isgoyska Jubba, waxaana baraha bulshada lagu baahiyey sawirrada qaar kamid ah askartii ku geeriyootay qaraxaas. Laamaha ammaanka ayaan weli shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, balse saraakiil aan la xariirnay waxay noo sheegeen inay wadaan baaris ku aadan qaraxa ka dhacay maqaayadaas, taasi oo uu fuliyey qof naftii halige ah, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay la hadlaan warbaahinta. The post Rooble oo war kasoo saaray qaraxii caawa iyo Al-Shabaab oo shaacisay cidda ay ku beegsatay appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan oo ay ku jiraan ehellada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Masnuur ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in maalintii 2-aad uu maanta cuntada ka sooman yahay Abuu Mansuur oo muddo saddex sano ah u xiran dowladda Soomaaliya. Dadka aan la hadalnay oo ah qaraabada Abuu Mansuur ayaa sheegay in shalay subax ilaa caawa uu diiday in uu furo qolkiisa oo dhaxda uga xiran, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan caafimaadkiisa. Yuusuf Xasan Mursal oo qaraabo la ah Abuu Mansuur, sidoo kalane ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ee uu hogaamiye ka yahay Sheekh Mukhtaar ayaa Caasimada Online u sheegay in xubno ka tirsan NISA oo la socda xaaladda Abuu-Mansuur ay ku soo wargeliyeen in maalintii 2-aad uu raashinka ka sooman yahay. “Waxaa naloo xaqiijiyay in Sheekh Mukhtaar shalay ilaa caawa aan idinla hadlayo uu diiday in uu furo qolkiisa si raashin loogu geeyo mana ogin sababta waxaana sidoo kale la ogeyn caafimaadkiisa,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal. “Haddii ay dhibaato soo gaarto Abuu Mansuur waxaa masuul ka ah Farmaajo waxaana ra’iisul wasaare Rooble ugu baaqayaa in xaaladda Sheekha la socdo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Yuusuf Xasan Mursal. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Baydhabo laga soo xiray daba-yaaqadii sanadkii 2018-kii ayaa sidaan oo kale dhowr jeed ka soomaya cuntada, waxaana mas’uuliyiinta uu ka soo jeedo iyo maamulka Koonfur Galbeed lagu eedeeyaa in aysan xil iska saarin sidii uu cadaalad ku heli lahaa Abuu Mansuur. Hoos ka dhageyso codka Yuusuf Xasan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/07/Yuusuf-Xasan-Mursal-.mp3 The post Dhageyso: Sheekh Mukhtaar Roobow oo cunada ka soomay appeared first on Caasimada Online.
  22. Aragtidayda Iscasilaada Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan iyo mala awaalka sheegaya In kursigaas uu qabanayo maxamed kaahin Waa hubaal in gudoomiye saleebaan Banaynayo kursiga gudoomiyaha iyo xubinimadaba hadaba Wasiir maxamed kaahin mayahay nin usocda Kursigaas aniga aragtidayda maxamed kaahin Uma socdo kursiga guurtida Wuuna garankarayaa inay arintaasi tahay Masaafurin siyaasadeed sababahan awgood 1..golaha guurtida wakhtigiisi waa gebagebo 2 golaha gebigiisaba wuu kuyar yahay Dad xul ah oomajooratigoodu waxay kuyimaadeen. Dhaxal 3 maxamed kaahin ogaalkay uma diyaar ah Inuu cidleeyo damaca uukaleeyahay xisbiga Kulmiye iyo hogaanka dalka Hadaba waan hubaa sheekadani inaanay ka iman wasiir kaahin Waxaan aaminsanahay inay buunbuuniyeen Debed joog siyaasadeed. Oo rajaynaya Hadiiba kaahin baneeyo inay qub kuyeelandoon jagada wasiirnimo ama xisbiga Waxaa kale oo dhicikarta inay tahay yoolbaadh Kayimi madaxtooyada oo kuladhiiran wayday Mr kaahin jeclaanlahayd hadii maxamed uriyaaqo arin u eg meel aan rabay roob maygu eryey Waana masaafuris siyaasadeed oo ay madaxtooyadu uurka karabto afkana soomarila Anigu waxaan leeyahay qudhaanjo kuquuso Wasiirku halkaa umasocdo Aniga rayigayga waxayba ilatahay odayga East Sanaag Clan ee ku xigeenka ah aynu ku xurmayno maadaama beelaha East Sanaag Clan Kamaqanyihiin baarlamankii ladoortay … Allaa mahadle Waxa Qoray Boqor Buurmadow Source