-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka hiiraan ayaa sheegaya in saaka uu halkaas ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlad gobaleedka Hirshabeelle iyo Gen Xuud . Dagaalka ayaa bilawday xaafado ka tirsan magaalada oo ay gudaha u soo galeen ciidamo ka amar qaata Gen Abuukar Xuud oo ka hor yimid doorashadii dhawaan ka dhacday maamulka Hirshabeelle. Ila iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, wararka ayaaana sheegaya in dagaalkan uu bilawday xalay xilli dambe oo xaafada ka tirsan magaalada ay soo weerareen ciidamada Gen Xuud. Magaalada baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxaa ku sugan xubna ka tirsan golaha wasiirada dowlad gobaleedka Hirshabeelle iyo madaxweyne ku-xigeenka hirshabeelle Yuusuf Dabageed. Dagaalka ayaa yimid kadib markii madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobaleedka hirshabeelle Yuusuf Hagar Dabageed uu sheegay in markii ugu horeysay tan iyo markii la doortay shirka golaha wasiirada uu ka dhici doono magaalada Baladweyne. Hadalka ka soo baxay madaxweyne ku-xigeenka ayaa la sheegay in ay ka hor yimideen Gen. Xuud iyo ciidamadiisa. Maanta ayaa lagu wadaa in shirka golaha wasiirada dowlad gobaleedka Hirshabeelle uu ka furmo magaalada Baladweyne . Xaaladda guud ee magaalada ayaa hadda dagan, kadib dagaalkii saaka, wararka ayaana sheegaya in ay socoto qaban qabada shirka golaha wasiirada Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xaaladda gobalka Tigrayga ayaa sii xuumatay saacadihi la soo dhaafay kadib markii ay qaramada midpoobay sheegtay in colaadda ay ku barakaceen dad aad u badan halka in kabadan 400,000 qof ay macluul soo foodsaartay. Ciidamada difaaca Tigrayga ee TDF ayaa dhankooda soo bandhigay kumanaan maxaabiis ah kuwaas oo ay ku soo qabteen dagaalkii ka dhacay makelle. Illa iyo 7,000 askar itoobiyaan ah ayeey TPLF qabatay kuwaas oo muuqala laga soo duubay ay muujinayeen iyaga oo raxan raxan waddooyinka loogu wareejinayo. Jabhadda awoodda badan ayaa u muuqata mid deegana hor leh ka qabsaneysa dowladda Itoobiya oo aan jawaab ka bixin dhaq-dhaqaaqyada kooxda. Xaaladda Magaalada Mak’elle oo ay Gacanta ku hayaan jabhadda TPLF ayaa aad u dagan xilli dadka gobalka ku sugan ay taagersan yihiin ciidamada difaaca Tigrayga TDF. Gobalka ayaana weelli waxaa ka dhaqan gelin xabad joojin ay codsatay dowladda Itoobiya. Hogaamiyaha TPLF Dr. Debretsion Gebremichael oo muddo duurka ku maqnaa ayaa yimid magaalada caasimadda gobalka Tigrayga, xilli ay soo dhaweeyen ciidamada iyo shacabka magaalada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
After spending years living in UN-supported camps in Kenya, some 220 former refugees from Somalia now work as farmers in the US state of Maine, growing crops ranging from beets to broccolini. Source: Hiiraan Online
-
ISTANBUL -- Turkey’s foreign ministry has slammed a U.S. report on human trafficking that criticized Ankara for providing “operational, equipment, and financial support” to an armed militia in Syria that recruits child soldiers. Source: Hiiraan Online
-
Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in nolol ama geeri lagu la’yahay Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadankaasi Koonfur Afrika. Saruurow ayaa la waayey saddex cisho, ka hor, lamana oga illaa iyo hadda meel uu jaan iyo cirib dhigay, sida ay warbaahinta u sheegeen ganacsatada Soomaalida. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in muwaadinka Soomaaliyeed ee la la’yahay la waayey, isaga oo gaari Alaab ku wada, kana baxay halka uu deganaa oo ah Brits oo ka tirsan Gobalka North West, waxaana uu ku jeeday Thabazimbi oo (146,4 km) u jirta Brits. Ganacsatada Soomaalida ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in haatan ay wadaan dadaallo ku aadan sidii lagu heli lahaa muwaadinkaasi Soomaaliyeed, iyaga oo kiiskan la wdaagay ciidamada Booliska ee wadanka Koonfur Afrika, si daba-gal loogu sameeyo dhacdadaasi. Maqnaashaha ganacsade Cabdullaahi Bootaan Saruurow ayaa wal-wal xoogan iyo walaac ku abuuray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka Koonfur Galbeed, kuwaas oo sheegay inay haatan wajahaan xaalado amni iyo dhibaatooyin is-biirsaday. Koonfur Afrika ayaa ka mid ah wadamada lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana inta badan loogu geystaa dil, dhaawac iyo sidoo kale boob hantiyeed. Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa sare u kacay weerarada ka dhanka ah ganacsatada Soomaalida ee dalkaas oo dhibaatooyin kala kulma kooxo Koonfur Afrikan ah. The post Ganacsade Soomaali ah oo lagu la’yahay Koonfur Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
This year, Somalia’s 61st independence day was celebrated over six days. First to commemorate its independence in the northern region from Britain on 26 June, and then again on 1 July to mark the reunification of the Somali republic. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federal (FIEIT) oo uu 19-June-2021 magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muuse Geele Yuusuf waxa uu u doortay guddoomiye KMG ah oo fududeynaya doorashada guddoomiyaha iyo kuxigeenka FIEIT si loo fududeeyo hirgelinta doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka. Sida lagu sheegay War ka soo baxay guddiga FIEIT Guddoonkaan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qaban-qaabada iyo qabashada doorashada guddoonka guddiga Muuse Geele guddoomiyaha KMG ah ayaa dhisay guddi ka kooban shan 5 xubnood oo qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka oo dhici doonto maanta oo Axad ah, 4-July-2021. Guddoomiyihii hore ee guddigan Maxamed Xasan Cirro ayaa u sheegay idaacadda Mustaqbal ee Muqdisho inuu si rasmi ah isaga casilay xilkii guddoomiye ee guddigan oo loo doortay November-2020, isagoona ku wareejiyey guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub. Yaa ku tartamaya xilka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal? Illaa hadda inta la ogyahay 4 xubin oo kamid ah guddiga ayaa u taagan xilka guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federal (FIEIT) waxa ayna billaabeen ololahooda ay ku doonayaan qabashada xilka guddoomiyaha oo guddiga iska dhex dooranayo maanta. Xubnaha u sharraxan xilka guddomiyaha FIEIT ayaa kala ah 1- Maxamed Muuse Maxamuud 2- Maxamed Xasan Cirro guddoomiyihii hore ee guddiga 3- Cabdi Xiis Aadan 4- Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) Wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan tahay islamarkaana u ololeyneyso in uu xilka guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federal (FIEIT) ku soo baxo Maxamed Muuse Maxamuud oo gacansaar iyo saaxiibtinimo gaar ah la leh Villa Somalia. The post Xog: Loolanka gudoomiyaha guddiga doorashada ee la dooranayo maanta iyo Villa Somalia oo wadata musharax appeared first on Caasimada Online.
-
Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa Sabtidii nin Falastiini ah ku dilay Daanta Galbeed kaddibna diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa weeraray bartilmaameedyo militari oo ku yaal marinka Gaza, sidaasina waxaa sheegay ciidamada iyo ilo wareedyo Falastiiniyiin ah. Waxay dhacdadan noqoneysaa tii ugu danbeysay tan iyo bishii May oo Israel iyo Xamaas ay oggolaadeen xabbad-joojin. Ciidamada Israel ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay “duqeeyeen goob hubka lagu farsameeyo, lagana rido gantaalaha oo ay leedahay” waxa ay ugu yeereen ururka argixisada ah ee Xamaas oo maamusha Gaza. Sida ay sheegayaan saraakiisha amniga iyo dad goobjoogeyaal ah, goobaha la duqeeyay ayaa ku yaalla galbeed magaalada Gaza, iyo dhanka koonfureed ee Marinka, mana jirto wax war ah oo sheegaya haddii uu khasaare nafeed ka dhashay. 11 cisho oo uu dagaal ka dhex socdau Israeli iyo Xamaas ayaa xababd joojin lagu soo afjaray 21-kii bishii May. Dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay 260 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jireen dagaalyahanno, sida ay ku warrameen maamulka Gaza. Sidoo kale 13 qof oo Israa’iiliyiin ah oo u uu ku jiray askari ayaa ku dhintay gantaalo ay Xamaas ka tuurtay Gaza oo haleelay gudaha Israel sida ay xaqiijiyeen booliiska iyo ciidamada Israel. VOA The post ISRAEL oo mar kale duqeyn culus ka fulisay Marinka Gaza iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad ka soo baxday xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo ah cabasho ka dhan guddoomiyaha maamulka gobalka Banaadir iyo ku xigeenkiisa 1-aad Caana-boore ayaa la gaarsiiyay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in xafiiska Hanti-dhowrka uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in musuq-maasuq ba’an uu ka socdo gobolka, islamarkaana lagu takri falayo hantida dadweynaha. Sidoo kale waxaa la sheegay in Hanti-dhowrka Qaranka uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in la xiray akoonkii gaarka ah ee gobalka Banaadir lacagtii dowladda Hoose-na lagu shubo akoono gaar ah oo aysan jirin cid la socota, iyo in qeyb kamid ah mushaarka shaqaalaha gobalka Banaadir aan la bixin ilaa hadda. sababo la xariira in la musuq-maasuqay lacagta gobolka. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in uu guddoomay Madaxweyne Farmaajo islamarkaana uu ballan-qaaday in uu wax ka qaban doono eedaha loo soo jeediyay masuuliyiinta gobalka Banaadir. Dacwadda uu gudbiyay Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa ku beegneed maalmo ka hor todobaadka Xorriyada, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu wax ka qabto Madaxweyne Farmaajo. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa sii kordhaya maamul xumada iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira gobalka Banaadir, kuwaasoo saameeyay guud ahaan shaqada gobalka iyo tan dowladda Hoose. Caasimada Online ayaa dhowaan qortay warbixino wadata caddeymo oo si buuxda u faah-faahisay akoonada gaarka ah ee maamulka gobolka Banaadir uu furtay, ee lagu shubo lacagta gobolka, iyo warqad uu arrintaas kaga horyimid hanti-dhowraha qaranka. Halkan ka aqri warbixintaas. The post Xog: Afgooye oo Farmaajo u gudbiyey dacwad ka dhan ah Filish iyo ku-xigeenkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Xusuusta 49 guuradii dilka halyey Gen.Ceynanshe,Salaad Gabeyre & C/qadir Dheel Luulyo 3, 1972, abbaarahii 08:00 subaxnimo ayaa maanta oo kale ka soo wareegatay 49 sanno, dil murugo leh, si waxashnimo ahna loogu fuliyay General Salaad Gabeyre Kadiye, General Mohamed Aynanshe Guleid iyo Col. Abdulkadir Dheyl Abdulle. Dabcan, gacan ku dhiiglayaasha dilka sameeyay waxaa ugu weynaa kaligii taliyihii dowladdii Kacaanka Siyaad Barre, laakin dhagar qabayaalkii kale oo iyagana, sida firfircoon ugu lug yeeshay, ayaa laga xusi karaa Mohamed Ali Samater (dhintay), Ismail Ali Abokor, Abdalla Mohamed Fadil (oo dhintay), Ahmed Suleyman Dafle, Mohamud Gelle Yusuf iyo Abdulkadir Haji Masaleh. 49 sanno oo u sii dhawaanaysa nus qarni ma lagu tilmaami karo waqti dheerinay ka soo wareegtay, bal waxaa cad ragga la laayay weli dhiiggooda uu ku sii dhex qoyan yahay quluubta iyo xusuusta maalyiin Soomaali ah. Siyaad Barre uguma harin raggaasi dil kaliya, wuxuuse ku sii darsaday inuu dhaco maal iyo xoolo wixii ay lahaayeen iyada oo loola jeedo in xataa lagu hanti tiro agoontii iyo xaasaskii ay ka tageen, islamarkaana diiwaannada dowladdana uu ka saaro magac, xushmad, taariikh iyo xusuus wixii ay ku kasbadeen shaqo dhinaca siyaasadaha iyo howlaha difaaca qaranka oo loogu aqoonsanaa inay ku lahaayeen door geesinimo ah iyo kaalin aad wax ku ool ah. Taariikhda waxay xususeysaa in loo laayay ragga shaki laga qabo, kadib markii ay sii if-baxeen khilaafyo iyo ballan ka baxyo si bareer ah loo sameeyay, taasoo si weyn ugu lug lahaayeen koox Afweyne ka dhex sameystay qaar ka mid ahaa kuwii wax ka ogaa inqilaabkii lagu rogay dowladii rayidka ee dastuuriga ahayd iyo kuwii gadaal magacyadooda lagu daray liiska xubinimada GSK. Siyaad Barre wuxuu ka cabsi qabay saddaxda nin oo aan arkeyn waddaniyaddooda iyo Soomaalinimadooda, balse kaliya ka fakira isirka ay ka soo jeedaan oo ah beelo waawaayeen midkood inuu qabto xilka taliyonimada XDS. Wuxuu markiisa hore doonaayay inuu isaga isku noqdo Madaxweynimada GSK iyo Taliyaha XDS, bal haddii ay u socon weysana, uu u dooro xilkaas, sida markii dambe dhacday, Mohamed Ali Samatar iyo Abdalla Fadil oo taliye iyo taliye ku xigeen kala noqdeen. Samatar iyo Fadil waxay saaxiib dhow la ahaayeen Salaad Gabeyre, laakin ka hor iyo kadib markii xilalkaasi loo dhiibay, waxay bilaabeen inay si dhagari ku jirto kula socdaan. Shaqada ugu muhiimsan oo ay qabanaayaan ayaa ahayd inay saacad ka saacad ka war keenaan dareenka iyo talaabooyinka uu qaadi karo iyo inaysan faarujin waqtigiisa si talaabooyinkiisa ay xogogolaal uga noqdaan. Siyaad Barre wuxuu wajihi jiray welwel badan oo uga imaanaayay la gambasho la’aanta Salaad sida uu u daneenaayo inuu qaato xilka Taliyahnimada XDS iyo inuusan doonayn, Xilka loo magacaabay oo ah Wasiirka Gaashaandhigga. Diidmadiisa ayaa loo aaminay inay ku daahsoon tahay qoorshe damac ah inuu soo wado inqilaab. La wareegistii xukunka ka hor, waxaa jiray shuruudo lagu heshiiyay, kuna aaddanaa shax awood qaybsi ah. Waxaa ka mid ahaa, Afweyne maadaama uu ahaa qof waayeel ah, xagga da’da iyo darajadana ugu weynaa raggii tashaday, loo tixgeliyo xilka Madaxweynanimada, halka Taliyaha XDS uu noqdo Salaad Gabeyre. Markii la guuleystay, Siyaad Barre oo ah qof lagu yaqaan shaki iyo inuusanba lahayn mowqif loogu soo hagaago ayaa waxaa laga daadhiciyay Salaad Gabeyre inay meel u taal qorshe la mid ah tabtii Kacaankii Masar ee Jamal Abdinassir u maray xilka Madaxweynimada, taasoo uu kala wareegay General Mohamed Najib, kadib markii labo sanno ku siman uu xilkaas haayay xagga da’da darteed.Sida ay caddeynaayaan, saraakiil xogogaal ah, lana socday wixii ka dhacaayay xaruntii Avizione, saraakiil waaweyn oo ay saaxiibbo iyo isku koox ahaayeen Salaad Gabeyre ayaa aad uga caroodeen, kadib markii uu Salaad aqbalay Afweyne inuu noqdo Madaxweynaha GSK. Saraakiishaas aad u xanaaqay qaarkoodna bilado geesinimo ku kasabeen dagaalkii 1964 waxaa ka mid ahaayeen Col. Ibrahim Roble Warfa’ “Doonyaale”, Col. Elmi Nur Tarambi, Col. Mohamed Nur Barqhab, Col. Ahmed Ismail Boqor iyo kuwo kale oo badan. Arrimaha kale oo ay isku qabteen Gen. Salaad Gabeyre iyo Maxamed Siyaad waxaa kaloo ka mid ahaayeen:- 1. Go’aamada GSK ee taabanaya dhinacya xukuumadda, sharci sameynta, Siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo difaaca in loo wada gaaro si wadajir ah, cod qaadis ah hab dimqoraadi ah ku saleysan, mustaqbalkana la tixgeliyo waqti cayiman oo munaasib ah sidii iyo wadiiqadii xukunka loogu celin lahaa shacabka. 2. Subaxdii koowaad ee maalintii inqilaabku dhacay, lana soo qabqabtay si loo xiro dhammaan Xubnihii xukuumadda iyo ra’iisul wasaarahoodii Mohamed Ibrahim Egal ayaa Afweyne isna maalintii labaad uu soo xiriray, iyada oo aan la isku raacin siyaasiyiin waawaaeyn oo uu ka mid yahay Madaxweyne Aden Abulle Osman, waxaa kale ragga la xiray ka mid ahaayeen Abdirizak Haji Hussein iyo Haji Musse Boqor, halka Sheikh Mukhtar M Hussein iyo Gen. Mohamed Abshir Haamaan uu ku haayay xabsi guri muddo dheer. Qabaqashadaas waxaa loo adeegsaday ciidan heyb sooc ah oo Afweyne ninka uu soddogga u yahay Ahmed Suleyman Dafle wata. 3. Liiska Xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka oo xubno taageerayaal ah ku soo darsaday Siyaad Barre. Mohamed Ali Samatar, wuxuu ahaa ninka naqshadda u haayay tabaha Siyaad Barre uu ku noqon lahaa kaligii taliye inta uu nool yahay Xukun ku waara. Axdigii Labaad ee GSK waxaa lagu qeexay Somalia inay dooratay dhabbaha Hantiwadaagga cimiga ku dhisan ee Marxism-Leninims. Nidaamkan wuxuu jideenayaa inay xaaran tahay habka awoodaha kala soocan ee hey’aadaha dimoqraadiga ah (Check and Balances) ee barabar socon karta midda kaligii talisnimada, lala wareego hantida gaarka ah ee shirkadaha shisheeye iyo kuwa waddaniga ah, dalka aan ka jiri karin nidaam dhaqaale ee furfuran, xorna ah sida ganacsi iyo suuqyaba, la baa’biyo sharci kasta oo u adeegaya sharafta aasaasiga ah ee muwaadinka iyo xuquuqul iinsaanka, sida inuu ka qayb qaadan karo wacyi gelinta mujtamaca, hal abuurka, xuryatul qowlka, abaabulada xisbi iyo bannaanbaxyada shacbiga ah. Xubnihii GSK, xataa Siyaad Barre, kuma jirin qof si duluc ah u yaqaan falasafadda Marxism-Leninism, bal waxay ka ahayd in loogu sii dhawaado xiriirka Ruushka iyo in xukunka la isku waariyo. Afweyne wuxuu ka jeclaa Marxism-Leninism aragtida Machiavelli oo dhahaysa, “Wax kasta samee, una mar si aad danahaada u gaarto iyo ma jiro caqli iyo maskax kale oo aan ahayn midda uu ku fekero kaabaha.” Salaad Gabeyre iyo Afweyne arrimahaas aan kor ku soo sheegay ayaa ugu muhiimsanaa wixii dhab ahaan ay isku haayeen. Mana jirin inqilaab uu waday, ee isagaa la shirqoolay, lalana dilay saaxiibada kale. Saraakiishii hore iyo Siyaasiyiin dhowr ah, waxay qabaan in Gen. Caynaanshe marka la barbardhigo Afweyne ay kala ahaayeen laba qof oo waxyaabo badan ku kala geddisan. General Mohamed Aynanshe Xagga aqoonta, waddaniyadda, hufnaanta iyo sumcaddaba wax badan ayuu kaga horreeyay Afweyne. Waxaa loo tiriyaa Caynaanshee in dhinac walba uu ku dhawaa wannaaggii General Daa’uud looga haayay XDS iyo Shacbiga gudahiisa. Sidoo kale Gol. Abdulkadir Dheyl Abdulle, Wuxuu ahaa sarkaal uruursan, tababar sare qaba aadna iskugu kalsoon. Wuxuu ahaa geesi aad u firfircoon aadna saraakiisha iyo askartaba u jeclaayeen. Ragaas sida arxan darrada loo laayay, ayaa hadda waxay joogtaa inay yihiin kuwo mudan qof iyo qaran ahaanba la xusuusto, xushmaddii iyo taariikhdoodii la aasay dib loo soo nooleeyo iyada oo loo sameynaayo tacsi qaran iyo maalin lagu xusuusto. Lagu sharfo magacyadooda meelo muhim ah oo ummadda u dhaxaysa, sida waddooyinka, iskuulada iyo xarumaha ciidamada iwm. 12ka April, Maalinta xuska XDS magacyadooda iyo taariikhda ay leeyihiin lagu weyneeyo iyo in dhammaan wixii hanti ah oo laga dhacay dib ugu soo celinta dhaxaltooyadooda loo sugo si sharci oo aan shuruud iyo gorgortan ku jirin. Qaran News
-
Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay iska hor-imaad u dhexeeya ciidanka Hirshabeelle iyo malayshiyaadka uu hoggaamiyo Gen. Xuud oo mucaaradsan maamulkaas. Gudaha magaalada ayaa gelinkii dambe ee xalay laga maqlay dhawaqa rasaas xooggan oo laba dhinac ka dhacaysa, taas oo ay is weydaarsanayeen ciidanka dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo malayshiyaadka Gen Xuud. Goobjoogayaal ku sugan Beledweyne, ayaa laga soo xigtay in dhawaqa rasaasta labada dhinac is weydaarsanayeen laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada islamarkaana dadweynuhu hurdada kaga salaleen. Weli ma jirto faahfaahin laga helay khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka, waxaase wararka qaar sheegayaan in uu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac kaas oo aan si dhab ah loo ogayn baaxaddiisa. PUNTLAND POST The post Iska hor-imaad xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Siyaasadu waa shax lagu ciyaaro waayo aragnimo iyo khibrad dheeraad ah si aad guul uga gaadha , qofna kuma filna qalin iyo buug wax loogu dhigey oo kali ahi , waa in aad fahmi kartaa sida looga fekero ee loogu nool yahay meesha aad ku uuman tahay . Bilowgii hore isaga oo ka faaiideysanayey khibradiisii ciidan iyo waayihii ku soo maray Badame ayaa waxa uu qaatey go’aan taariikhda ku suntan oo ahaa kii nabada ee Erateria , waxaana uu soo af jaray colaad ku dhaweyd in ay siddon jirsato , waxa uu la heshiiyey jabhadihii Ethiopia ka soo horjeeday, waxa uu sii daayey maxaabiistii siyaasada u xidhnaa oo kumayaal ahaa , halkani waxa ugu jirey dawladiisa dhawr faaiido iyo khatar ba isugu jirey. 1- Ereteria waxa ay ahayd xudunta mucaaridka Ethiopia oo qoomiyad walba leh oo jabhado fadhiyaan waliba taageero ay la garab taagan tahay dawlada Erateria taasi oo halis ku ahayd jiritaanka Ethiopia, nabadeedu waxa ay soo dhaweysay Ethiopia xasiloon. 2- Waxa ay jiheysay kacdoonkii gudaha dalka ee qoomiyada oromada oo joogsan la’aa , iyo guux badan oo ka jirey dawlad goboleedyada Ethiopia in uu soo yaraado , oo uu yimaado aragti kale oo cusubi. 3- Waxa ay isbadel aan la fileyn ku sameysay siyaasadii Ethiopia ee sida wax isaga badelaan ay adkayd oo u dhaqaaqday dhinaca fur-furnaanta iyo nabad kuwada noolaansho gobolka ah . Maxaa khataro ku dhex jirey heshiiskaa Erateria iyo sii daynta maxaabiista siyaasadeed iyo soo xerogalintii jabhadaha? Sadex arimood waxa ay si toos ah uga hor imanayeen aragtidii iyo siyaasadii xukuumadii EPRDF ee TPLF gadhwadeenka ka ahayd intaniba waxa ay khatar ku noqdeen qoomiyada Tigray maamulkoogii oo u arkayey ; 1- Dhulkii Ethiopia iyo Erateria ay ku dagaalamayeen in uu yahay dhul Ethiopia leedahay oo ay gaar ahaan qoomiyadoodu xaq u lahayd kuna xoog iyo xoolaba beeleen in dhayal la isaga bixiyey. 2- Sii daynta maxaabiista siyaasadeed oo uu xidh-xidhay maamulkoogii oo marka ooda laga qaadey ay u arkeen suuqa ha lagu kala aargoosto. 3- Jabhadaha ay dagaalka kula jireen 27 ka sanadoodba oo lala heshiiyey waxa ay tustay in iyaga loo jeedo oo aragtida Abiy Ahmed tahay raad sameysasho iyo raad masaxid wada socda oo ku lid ah qoomiyada Tigray. Talaabooyinka intooda ugu badan markii uu Raisal wasaare Abiy Ahmed qaadayey caalamku dhamaan way ku garab taagnaayeen waana lagu bogaadiyey waxa uu u muuqday qorax Geeska Africa ka soo baxday oo la wada arkay . Halkaasi iyada oo la isla marayo ayaa qoomiyada Tigray laga sifeeyey taladii dalka oo dhamaantood lagu suntay waxii Ethiopia ka dhacay qaladaad 27 ka sanadood ee ay talinayeen madaxda ka soo jeedaa in iyaga madaxa loo saaro, waxa markiiba bilaabmay aargoosi siyaasadeed oo lagu beegsanayo saraakiishii Tigray , dabadeedna way colaad qaateen waxaana ay isku urursadeen gobolkoogii si ay uga badbaadaan qorshaha Abiy soo degay ee ah in Ethiopia oo dhan farta loogu fiiqo iyaga waxii xumaan dhacday. Waxa ay galeen diyaar garow siyaasadeed xiliga doorashada si Abiy Ahmed ay meesha ugala wareegaan maadaama uu yahay ku sime doorashada gaadhsiinaya iyagana uu jiritaankooga ku noqday dhib iyo hadimo ku soo wajahan oo ay tahay in ay deg-deg isaga badbaadiyaan. Dhibtu waxa ay si cad uga bilaabantay Tigray iyo dawlada Ethiopia dhexdooda xiligii doorashadii mudatsnayd Aug 2020 oo uu Abiy Ahmed sheegay in uu #covid19 awgii dib ugu dhigey mudo, Tigray waa ay diideen waxaana ay qabsadeen doorasho, dagaalka siyaasadeed iyo in wadashaqeyntii laga jaro ayaa halkaasi ka soo bilaabantay ilaa dagaalo lagu hoobtay iyo duqeymo lagu weeraray deegaanada Gobolka waqooyi ee Tigray oo barakac iyo burbur hanti iyo nafoba lagu beelay uu meeshaasi ka dhacay. Abiy Ahmed muxuu qalday? Dagaalka siyaasadeed ee aduunka ka jiraa waxa uu ku fadhiyaa diblomasiyad iyo dano la kala jiidanayo, Ethiopia iyo dawlada Maraykan markii aanu ogaanay halka ay kala taagan yihiin waxa ay noqotay markii qadiyada biyaha Nile ka uu ka hadlay maraykanku oo uu si cad u taageeray dawlada Egypt. Halkani dhawr wax ba waa loo fasiran karaa oo kala ah; 1- Xidhiidhkii diplomaasiyadeed ee ka dhexeeyey xukuumadii hore ee Ethiopia iyo USA in aanu noqon xidhiidhka xukuumada Abiy Ahmed gadhwadeenka ka yahay. 2- China oo tartan kula jira USA ayaa Ethiopia aad u dhex galay, arrimahani waxa ay u eeg tahay in khilaafaadka danaha dawladaha waaweyn ay Ethiopia Maraykanku kaga hor yimid. 3- Deg-degii ku jirey Abiy Ahmed iyo aragtidii Abiymania oo dadka gobolka fajiciso ku noqotay iyo in dalal iyo qoomiyadaba wax la isaga weydiiyo waxa uu la soo socdo maamulka Abiy Ahmed iyo qoomiyada Oromia oo si qamuunyeysan. Arimahani dhamaantood waxa ay fududeeyeen bal in loo fiirsado dhamaan siyaasada iyo dawlada Ethiopia xulafooyinka ay wadato iyo ujeedooyinka ay leedahay, oo il gaar ah dariska iyo duniduba isaga eegaan. Dagaalkii uu ku qaadey Tigray ayaa noqday dabinkii siyaasadeed ee ugu horeeyey ee uu ku dhaco, waliba isaga oo isku dhiibey qoomiyada amxaarada oo ay xad la leeyihiin Tigray , taasi oo u eeg aargoosi siyaasadeed in ay rabeen amxaaradu oo ay ka soo gudanayaan intii ka dambaysay taliskoogii dhergiga waxii ku dhacay. Aduunku waxa uu guud ahaan ka soo horjeestay dagaalka gobolka Tigray oo barakac, dhimasho, dhaawac iyo burbur aan yareyn sababey kaasi oo ay ka qayb galeen dhowr wadan oo huwan ahi si loo xanuujiyo dadka gobolkaasi oo cidiba dano gaar ah u daba socoto. Isku soo wada xoori Abiy Ahmed waxa uu qalday; 1- Dagaalka ayuu u fahmay in uu qoriga oo kaliya iyo awooda kursiga yahay, waxaanu kaba fekerin dagaalka diplomaasiyadeed waxa uu u diyaarsadey oo ah maanta kan ugu xooga weyn aduunka. 2- Dad wada aargoosanaya ayuu isku wareejiyey oo isagana dhiig faraha u galiyey dalkii Ethiopia na wiiqay meeqaamkii uu aduunka ka taagnaa. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Labada arrin ee uu qalday ABIY AHMED ee fashiliyey! appeared first on Caasimada Online.
-
Tigrayga oo soo bandhigay 6 Kun oo Askari oo Itoobiyana oo ay Dagaalka ku qabsadeen+Muqaalka Hogaamiyaha Tigreega oo tabcaamay Kumanaan askar maxaabiis ah oo laga qabsaday ciidamada dowladda federaalka Ethiopia ayaa Jimcihii la marsiiyey waddooyinka magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray, ayada oo shacabkuna ay dhinacyada ka taagan yihiin oo mashxaradeynayaan. Sida uu qoray wargeyska New York Times, in badan oo ka mid ah askartan ayaa madaxooda hoos u raariciyey. Qaarkood ayaa lagu siday bareelayaal ayaga oo ay ka muuqdaan dhaawacyo iyo dhiig. Soo bandhigista maxaabiista ayaa looga dan lahaa in lagu beeniyo hadal uu Arbacadii jeediyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo sheegay in wararka ku saabsan in ciidamada laga adkaaday ay yihiin been, taa beddelkeedna ay ku dhowaaqeen xabad-joojin. Ayada oo ay wehliyaan ciidamada Tigrayga, askarta maxaabiis ahaanta loo qabsaday ayaa afar maalmood lagu hayey xerooyin kahor inta aan waddooyinka lasoo marsiin Jimcihii. Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael oo sideed bilood kadib dib ugu soo laabtay xafiiskiisa magaalada Mekelle, ayaa wareysi uu siiyey New York Times ku sheegay in ciidamadiisa ay gacanta ku dhigeen in ka badan 6,000 oo askar Ethiopian ah. Waxa uu sheegay in saraakiisha Tigrayga ay xiriir la leeyihiin hay’adda laanqeyrta cas, islamarkaana ay dhowaan sii deyn doonaan saraakiisha darajooyinka hoose, balse ay sii hayn doonaan kuwa darajooyinka sare. Sida ku cad Xeerka Geneva, maxaabiista dagaalka waa in la siiyaa cunno iyo dhar, lagana ilaaliyaa rabshadaha iyo cabsi gelinta. Illaa iyo hadda ma jiraan wax tilmaamo ah oo muujinaya in askarta laga qabsaday Ethiopia loola dhaqmay si xun. Qaran News
-
Arday garaacay macallinkooda kaddib markii uu kula taliyay inaysan digsiyada wax ku cunin Macallin wax ka dhiga dugsiga sare ee Oldonyiro ee Waqooyiga Isiolo, dalka Kenya ayaa ka codsaday Guddiga Macallimiinta Kenya (TSC) inay iskuul kale u wareejiyaan kaddib markii la sheegay in ardaydiisa ay u hanjabeen. Pius Mugambi, oo dhiga maaddooyinka Fiisigiska iyo Kimistariga, ayaa Arbacadii 30-kii June waxaa soo weeraray arday badan oo wiilal ah kaddib markii uu ku amray inay joojiyaan inay wax ku cunaan digsiyada. Mugambi, oo 35 jir ah oo xilligaas shaqo ku jiray, ayaa sheegay in xilligii qadada uu tegay hoolka lagu cunteeyo isla markaana uu ku arkay ugu yaraan toban arday ah oo wax ku cunaya digsi. “Waxaan ka codsaday inay wax ku cunaan saxamada oo aysan digsiga wax ku cunin. Waxay bilaabeen inay igu qeyliyaan, iyadoo qaarkood ay weerar igu soo qaadeen,” ayuu yiri. “Ardaydu waxay yiraahdeen: ‘waxaynu nahay rag gudan, naguma qasbi kartid inaan wax ku cunno saxamada sidii aad u amri lahayd ilmo yar’. Kaddib aad ayay ii garaaceen,” ayuu yiri Mugambi. Ardayda ayaa la sheegay inay goobta ka carareen kaddib markii ay arkeen macallimiin badan oo ku soo baxay. Wiilasha ardayda ah ayaa la sheegay in dhowaan la guday, taasoo qeyb ka ah caado-dhaqameedka bulshadooda. Qaran News
-
Italy vs Spain – England vs Denmark Tartankii 16-aad ee horyaalnimada Yurub (Euro 2020) wuxuu billowday 11-kii Juun iyadoo lagu ciyaaray 11 magaalo oo waaweyn oo Yurub ah, markii ugu horreysay taariikhda 63-sano ka dib. Tartankan oo qorshuhu ahaa in la qabto sanadkii hore ayaa u baaqday Coronavirus, wuxuuna hadda wataa magacii hore ee Euro 2020. Spain, Italy, Denmark iyo England ayaa u soo baxay wareega afar dhamaadka (semi-final-ka) oo lagu qaban doono garoonka Wembley ee magaalada London. Spain ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee u soo baxda semi-finalka Euro 2020 jimcihii, markii ay riigoorayaal 3-1 uga adkaatay Switzerlan, ciyaar waqtigeedii iyo midkii dheeriga ahaaba ku dhammaatay 1-1, waxaana maalintaas ku soo biiray Italy oo oo 2-1 ugu awood sheegatay Belgium. Dhanka kale xulka Denmark ayaa sabtidii 2-1 uga badiyay Czech Republic, halka England ay 4:0 ku dardartay xulka Ukraine. Xulka Italy ayaa wajahaya ciyaarta afar dhamaadka dhigooda Spain maalinta Talaadada 6 July, halka England ay la ciyaarayso Denmark Arbacada 7-da July 2021. Labada xul ee u soo baxa kama dambaysta (final-ka) tartankan ayaa ciyaari doona Axada 11 July, 2021. PUNTLAND POST The post Xagee marayaa tartanka Euro 2020? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Madaxweynaha Koonfur galbeed iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas si diiran ugu soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Cabdullaahi Axmed Jaamac. Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliya wasiiro ka tirsan Koonfur galbeed iyo qaarka mid ah agaasinka Xafiiska Madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur galbeed oo gaaray dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Uganda ayaa soo saartay sharci cusub oo ku saabsan xamaynta xanuunka COVID-19, kaas cadaadis ku keenay nolosha dadweynaha Uganda. Sharcigan cusub ayaa dhigaya in qofkii ku tukada banaanka, qofkii aan xiran af-saab ama Mask, qofkii wax ku iibiya banaanka, ama badeeco jidadka ku wareejiya la xirayo laga bilaabo bishan July. Dowladda Uganda ayaa aaminsan in ficiladan ay yihiin kuwa faafinaya xanuunka COVID-19, iyadoo dalkaasi laga diwaan geliyay in ka badan 1,000 kiis oo cusub. Saambalo dadka laga uruuriyay horaantii bishii tagtay ee June ayaa muujinaya in nooca Corona ee Delta ee markii ugu horeysay lagu arkay India uu yahay midka hadda ku faafaya Uganda. PUNTLAND POST The post Dowladda Uganda oo sharci ka soo saartay xamaynta COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Luulyo 3, 1972, abbaarahii 08:00 subaxnimo ayaa maanta oo kale ka soo wareegatay 49 sanno, dil murugo leh, si waxashnimo ahna loogu fuliyay General Salaad Gabeyre Kadiye, General Mohamed Aynanshe Guleid iyo Col. Abdulkadir Dheyl Abdulle. Dabcan, gacan ku dhiiglayaasha dilka sameeyay waxaa ugu weynaa kaligii taliyihii dowladdii Kacaanka Siyaad Barre, laakin dhagar qabayaalkii kale oo iyagana, sida firfircoon ugu lug yeeshay, ayaa laga xusi karaa Mohamed Ali Samater (dhintay), Ismail Ali Abokor, Abdalla Mohamed Fadil (oo dhintay), Ahmed Suleyman Dafle, Mohamud Gelle Yusuf iyo Abdulkadir Haji Masaleh. 49 sanno oo u sii dhawaanaysa nus qarni ma lagu tilmaami karo waqti dheerinay ka soo wareegtay, bal waxaa cad ragga la laayay weli dhiiggooda uu ku sii dhex qoyan yahay quluubta iyo xusuusta maalyiin Soomaali ah. Siyaad Barre uguma harin raggaasi dil kaliya, wuxuuse ku sii darsaday inuu dhaco maal iyo xoolo wixii ay lahaayeen iyada oo loola jeedo in xataa lagu hanti tiro agoontii iyo xaasaskii ay ka tageen, islamarkaana diiwaannada dowladdana uu ka saaro magac, xushmad, taariikh iyo xusuus wixii ay ku kasbadeen shaqo dhinaca siyaasadaha iyo howlaha difaaca qaranka oo loogu aqoonsanaa inay ku lahaayeen door geesinimo ah iyo kaalin aad wax ku ool ah. Taariikhda waxay xususeysaa in loo laayay ragga shaki laga qabo, kadib markii ay sii if-baxeen khilaafyo iyo ballan ka baxyo si bareer ah loo sameeyay, taasoo si weyn ugu lug lahaayeen koox Afweyne ka dhex sameystay qaar ka mid ahaa kuwii wax ka ogaa inqilaabkii lagu rogay dowladii rayidka ee dastuuriga ahayd iyo kuwii gadaal magacyadooda lagu daray liiska xubinimada GSK. Siyaad Barre wuxuu ka cabsi qabay saddaxda nin oo aan arkeyn waddaniyaddooda iyo Soomaalinimadooda, balse kaliya ka fakira isirka ay ka soo jeedaan oo ah beelo waawaayeen midkood inuu qabto xilka taliyonimada XDS. Wuxuu markiisa hore doonaayay inuu isaga isku noqdo Madaxweynimada GSK iyo Taliyaha XDS, bal haddii ay u socon weysana, uu u dooro xilkaas, sida markii dambe dhacday, Mohamed Ali Samatar iyo Abdalla Fadil oo taliye iyo taliye ku xigeen kala noqdeen. Samatar iyo Fadil waxay saaxiib dhow la ahaayeen Salaad Gabeyre, laakin ka hor iyo kadib markii xilalkaasi loo dhiibay, waxay bilaabeen inay si dhagari ku jirto kula socdaan. Shaqada ugu muhiimsan oo ay qabanaayaan ayaa ahayd inay saacad ka saacad ka war keenaan dareenka iyo talaabooyinka uu qaadi karo iyo inaysan faarujin waqtigiisa si talaabooyinkiisa ay xogogolaal uga noqdaan. Siyaad Barre wuxuu wajihi jiray welwel badan oo uga imaanaayay la gambasho la’aanta Salaad sida uu u daneenaayo inuu qaato xilka Taliyahnimada XDS iyo inuusan doonayn, Xilka loo magacaabay oo ah Wasiirka Gaashaandhigga. Diidmadiisa ayaa loo aaminay inay ku daahsoon tahay qoorshe damac ah inuu soo wado inqilaab. La wareegistii xukunka ka hor, waxaa jiray shuruudo lagu heshiiyay, kuna aaddanaa shax awood qaybsi ah. Waxaa ka mid ahaa, Afweyne maadaama uu ahaa qof waayeel ah, xagga da’da iyo darajadana ugu weynaa raggii tashaday, loo tixgeliyo xilka Madaxweynanimada, halka Taliyaha XDS uu noqdo Salaad Gabeyre. Markii la guuleystay, Siyaad Barre oo ah qof lagu yaqaan shaki iyo inuusanba lahayn mowqif loogu soo hagaago ayaa waxaa laga daadhiciyay Salaad Gabeyre inay meel u taal qorshe la mid ah tabtii Kacaankii Masar ee Jamal Abdinassir u maray xilka Madaxweynimada, taasoo uu kala wareegay General Mohamed Najib, kadib markii labo sanno ku siman uu xilkaas haayay xagga da’da darteed.Sida ay caddeynaayaan, saraakiil xogogaal ah, lana socday wixii ka dhacaayay xaruntii Avizione, saraakiil waaweyn oo ay saaxiibbo iyo isku koox ahaayeen Salaad Gabeyre ayaa aad uga caroodeen, kadib markii uu Salaad aqbalay Afweyne inuu noqdo Madaxweynaha GSK. Saraakiishaas aad u xanaaqay qaarkoodna bilado geesinimo ku kasabeen dagaalkii 1964 waxaa ka mid ahaayeen Col. Ibrahim Roble Warfa’ “Doonyaale”, Col. Elmi Nur Tarambi, Col. Mohamed Nur Barqhab, Col. Ahmed Ismail Boqor iyo kuwo kale oo badan. Arrimaha kale oo ay isku qabteen Gen. Salaad Gabeyre iyo Maxamed Siyaad waxaa kaloo ka mid ahaayeen:- 1. Go’aamada GSK ee taabanaya dhinacya xukuumadda, sharci sameynta, Siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo difaaca in loo wada gaaro si wadajir ah, cod qaadis ah hab dimqoraadi ah ku saleysan, mustaqbalkana la tixgeliyo waqti cayiman oo munaasib ah sidii iyo wadiiqadii xukunka loogu celin lahaa shacabka. 2. Subaxdii koowaad ee maalintii inqilaabku dhacay, lana soo qabqabtay si loo xiro dhammaan Xubnihii xukuumadda iyo ra’iisul wasaarahoodii Mohamed Ibrahim Egal ayaa Afweyne isna maalintii labaad uu soo xiriray, iyada oo aan la isku raacin siyaasiyiin waawaaeyn oo uu ka mid yahay Madaxweyne Aden Abulle Osman, waxaa kale ragga la xiray ka mid ahaayeen Abdirizak Haji Hussein iyo Haji Musse Boqor, halka Sheikh Mukhtar M Hussein iyo Gen. Mohamed Abshir Haamaan uu ku haayay xabsi guri muddo dheer. Qabaqashadaas waxaa loo adeegsaday ciidan heyb sooc ah oo Afweyne ninka uu soddogga u yahay Ahmed Suleyman Dafle wata. 3. Liiska Xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka oo xubno taageerayaal ah ku soo darsaday Siyaad Barre. Mohamed Ali Samatar, wuxuu ahaa ninka naqshadda u haayay tabaha Siyaad Barre uu ku noqon lahaa kaligii taliye inta uu nool yahay Xukun ku waara. Axdigii Labaad ee GSK waxaa lagu qeexay Somalia inay dooratay dhabbaha Hantiwadaagga cimiga ku dhisan ee Marxism-Leninims. Nidaamkan wuxuu jideenayaa inay xaaran tahay habka awoodaha kala soocan ee hey’aadaha dimoqraadiga ah (Check and Balances) ee barabar socon karta midda kaligii talisnimada, lala wareego hantida gaarka ah ee shirkadaha shisheeye iyo kuwa waddaniga ah, dalka aan ka jiri karin nidaam dhaqaale ee furfuran, xorna ah sida ganacsi iyo suuqyaba, la baa’biyo sharci kasta oo u adeegaya sharafta aasaasiga ah ee muwaadinka iyo xuquuqul iinsaanka, sida inuu ka qayb qaadan karo wacyi gelinta mujtamaca, hal abuurka, xuryatul qowlka, abaabulada xisbi iyo bannaanbaxyada shacbiga ah. Xubnihii GSK, xataa Siyaad Barre, kuma jirin qof si duluc ah u yaqaan falasafadda Marxism-Leninism, bal waxay ka ahayd in loogu sii dhawaado xiriirka Ruushka iyo in xukunka la isku waariyo. Afweyne wuxuu ka jeclaa Marxism-Leninism aragtida Machiavelli oo dhahaysa, “Wax kasta samee, una mar si aad danahaada u gaarto iyo ma jiro caqli iyo maskax kale oo aan ahayn midda uu ku fekero kaabaha.” Salaad Gabeyre iyo Afweyne arrimahaas aan kor ku soo sheegay ayaa ugu muhiimsanaa wixii dhab ahaan ay isku haayeen. Mana jirin inqilaab uu waday, ee isagaa la shirqoolay, lalana dilay saaxiibada kale. Saraakiishii hore iyo Siyaasiyiin dhowr ah, waxay qabaan in Gen. Caynaanshe marka la barbardhigo Afweyne ay kala ahaayeen laba qof oo waxyaabo badan ku kala geddisan. General Mohamed Aynanshe Xagga aqoonta, waddaniyadda, hufnaanta iyo sumcaddaba wax badan ayuu kaga horreeyay Afweyne. Waxaa loo tiriyaa Caynaanshee in dhinac walba uu ku dhawaa wannaaggii General Daa’uud looga haayay XDS iyo Shacbiga gudahiisa. Sidoo kale Gol. Abdulkadir Dheyl Abdulle, Wuxuu ahaa sarkaal uruursan, tababar sare qaba aadna iskugu kalsoon. Wuxuu ahaa geesi aad u firfircoon aadna saraakiisha iyo askartaba u jeclaayeen. Ragaas sida arxan darrada loo laayay, ayaa hadda waxay joogtaa inay yihiin kuwo mudan qof iyo qaran ahaanba la xusuusto, xushmaddii iyo taariikhdoodii la aasay dib loo soo nooleeyo iyada oo loo sameynaayo tacsi qaran iyo maalin lagu xusuusto. Lagu sharfo magacyadooda meelo muhim ah oo ummadda u dhaxaysa, sida waddooyinka, iskuulada iyo xarumaha ciidamada iwm. 12ka April, Maalinta xuska XDS magacyadooda iyo taariikhda ay leeyihiin lagu weyneeyo iyo in dhammaan wixii hanti ah oo laga dhacay dib ugu soo celinta dhaxaltooyadooda loo sugo si sharci oo aan shuruud iyo gorgortan ku jirin. Cali Muxiyaddiin Cali – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: Muxiyaddiin@hotmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Xusuusta 49 guuradii dilka halyey Gen. Salaad Gabeyre Kadiye, Ceynaanshe iyo Dheel appeared first on Caasimada Online.
-
Shacabka dalka Sucuudiga ayaa si carro leh uga fal celiyey warbixin ku saabsan koox argagixo ah oo laga sii daayey telefishinka Al Ekhbariyaka dib markii warbixintaas ay salka la gashay magaca Allaha u Naxariistee Muhammad Nasiruddin al-Albani oo caan ka ah dalka Sucuudi Carabiya. Sida lagu sheegay warbixintaan uu sii daayey taleefashinka Al Ekhbariya ee uu fadhigiisu yahay magaalada Riyadh, Sheekh Nasir Al Din Al Baniwaa aasaasihii kooxda argagixisada ah ee Alhul Xadith, kooxdaas oo sii dhashay kooxo kale oo badan oo argagixiso ah. Warbixinta Al Ekhbariya TV ayaa lagu qoray: “Sheekh Naasiru-Diin Albany ayaa sameeyay kooxda Alhul Xadith oo markii dambe sii dhashay ama ay ka farcameen kooxo kale oo argagixiso ah sida kooxda Al Salafiyaha Muxtasibah ee iska horkeentay shacabka Sucuudiga iyo Dowladda maadaama ay shacabka farayeen inay ka horyimaadaan tallaabooyinka ay u arkaan kuwa xun ee ay dowladdu qaado.” Muuqaal baahiyaha Al Ekhbariya ee albaabada loo furay sannadkii 2004tii ayaa sidoo kale ku eedeeyey Sheekh Naasiru-Diin Albany iyo kooxdaan Alhul Xadith inay markii qabsadeen Masjidka Barakeysan (Masjid al-Haram). SIDEE AYEY SHACABKA SUCUUDIGU UGA FAL CELIYEEN WARBIXINTAAN? Shacabka Sucuudiga ayaa si aad ah uga soo horjeestay warbixinta uu sii daayey kanaalka Al Ekhbariya, waxayna caradooda ku muujiyeen baraha bulshada ee ay ku kulmaan reer Sucuudi. Inta badan shacabka Sucuudiga ee ka careysanaa warbixintaan uu sii daayey muuqaal baahiyaha Al Ekhbariya ayaa ka codsaday dowladdooda inay la xisaabtanto Al Ekhbariya TV, maadaama ay meel uga dheceen sharafka iyo qofnimada Sheekhaan caanka ah. Saddaam Bin Khaalid Aal Sacuud wuxuu ka tirsan yahay Boqortooyada Sucuudiga, wuxuuna ka mid yahay dadka ka hadlay arrintaan: “Warbixintaas ka hadlaysay arrimaha kooxaha Argagixisada ah, waxaa lagu soo hadal qaaday magaca Sheekh Muhammad Nasiruddin al-AlbaniRabbi ha u raxmadee, waa ay guuldarreysteen oo masuuliyaddooda ayey gabeen kuwii soo diyaariyey warbixintaan.” Sheekh Muhammad Nasiruddin al-Albaniwuxuu dhashay sannadkii 1914tii, wuxuuna ku dhintay Jordan2dii bishii October 1999kii isagoo 85 jir ah, Sheekhaan u dhashay dalka Albaniawuxuu inta badan dacwooyinkiisa kaga soo horjeeday fikirka takfiirka iyo argagixisada, sida uu sheegay Saddaam Bin Khaalid Aal Sacuud oo ka tirsan Qoyska Boqortooyda. Inkastoo Sheekh Naasiru- Diin Albanyuu ka soo jeeday qoys sabool ah, hadana taasi kama horjoogsan isaga iyo aabihiisba inay noqdaan laba nin oo culimo ah oo dadka dacwada saxda ah gaarsiiya. Intaas waxaa usii dheereyd inuu ahaa farsamo yaqaan hagaajiya saacadaha. Wuxuu qoray kutubo badan oo ku saabsan cilmiga Xadiithka oo ay kamid yihiin ‘Silsilatul Axaadiith Al Saxeexa’ iyo ‘Silsilatul Axaadiith Daciifa’. Sanadkii 1999, boqor Feysal ayaa siiyay abaalmarin ku saabsan barashada diinta Islaamka isla sanadkaas ayuu Sheekha geeriyooday. The post Maxay tahay warbixinta ka careeysiisay shacabka Sucuudiga ee ku saabsan Sheekh Naasirudiin Albani? appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in maalinta berri ay markii ugu horreysay ay Golaha Wasiirada HirShabelle shir ku yeeshaan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaana shir guddoomin doono Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo sidoo kale ah ku simaha Madaxweynaha. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in maanta inta badan Golaha Wasiirada HirShabelle ay ka dageen magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxayna halkaas kaga qeyb gali doonaan shirka Golaha Wasiirada oo muddooyinkan aan la qaban. Wafdiga Wasiirada ee maanta gaaray Beladweyne waxaa ka horreeyay saraakiil ka socota xafiiska Madaxweynaha HirShabelle, kuwaasi oo maalmahan Beladweyne ka waday abaabul iyo diyaar-garow xoog leh. Haddii berri magaalada Beladweyne ku shiraan Golaha Wasiirada ee Maamulka HirShabelle waxaa muuqata in Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed uu ku guuleestay in uu maamulka geeyo Beladweyne oo ay u diidanaayeen beesha uu ka dhashay ee Xawaadle. Sidoo kale in Wasiirada, Xildhibaanada iyo Saraakiisha Madaxtooyada HirShabelle ay wada joogaan kuna howlgalayaan Beladweyne ayaa ka dhigan in ay degtay xiisadii iyo abaabulkii ka dhanka ahaa maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cali Guudlaawe ay yaraatay. Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu tago Beledweyne, waxaana arrintaas kala shaqeynaya dowladda federaalka oo dooneysa in xiisadda lasoo geba-gebeeyo, kahor doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee lagu qabanayo magaalada Beledweyne. The post Daba-geed oo ku guuleystay inuu maamulka HirShabelle geeyo Beladweyne – Maxaa berri ka dhacaya? appeared first on Caasimada Online.