-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
NAIROBI, Kenya — At least 10 people were killed and dozens injured in a suicide explosion in the Somali capital, Mogadishu, on Friday evening, the authorities said, the second such attack to rock the city in weeks as the country enters a crucial election season. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Faah-faahino ayaa laga helayaa dilal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Dilalkaan mas’uuliyadooda waxaa sheegtay dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana loo geystay askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay maanta degmada Kaaraan ku dileen Shariif Muxudiin oo ahaa askari ka tirsanaa ciidanka minishiibiyada ee dowladda Soomaaliya canshuuraha uga uruuriya guryaha, kaas oo dableydii dishay ay horay u sii qaateen qorigiisii. Dhanka kale askari ay tilmaameen inuu ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayey kooxdani sheegatay inay ku dishay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in askariga ay ku dileen Ceelasha Biyaha uu ka tirsanaa qeybta dharcadda ee loo yaqaano ilaalada shacabka. Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan dhankooda wax war ah kasoo saarin dilalkaan. Todobaadyadii u dambeeyey waxaa batay weerarrada tooska ah, dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay fulineyso kooxda Al-Shabaab, waxayna shalay oo u dambeysay qarax ismiidaamin ah ka fulisay gudaha caasimadda Muqdisho, kaas oo sababay dhimashada ku dhawaad 10 qof oo askar u badan iyo dhaawaca tiro kale. The post Xog ku saabsan dilal qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Macalimiinta ka shaqeeya dugsiyada ay maamusho dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ay la soo xiriireen dagaalamayaasha Al-Shabaab, islamarkaana lagu amray in yimaadaan degaan ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose. Macalimiintaan oo aan qarinay magacyadooda iyo dugsiyada ay dhigaan, sababo amni awgood, ayaa sheegay in arrintaan ay muddo soo socotay, islamarkaana ay la wadaageen dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan kuwa ammaanka. Wararka ayaa sheegaya in macallimiinta loo fasaxay in ay la soo kulmi karaan Al-Shabaab, islamarkaana ay dhowaan ka bixi doonaan Muqdisho balse Caasimada Online ma helin caddeymo muujinaya in ay u ogolaatay dowladda Soomaaliya. Ilo-wareedyo kala duwan oo bahda Waxbarashada iyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ka tirsan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in loo wacay barayaasha dowladda balse ma helin wararka kale ee aan ka soo xiganay macalimiinta qaarkood ee ah in hay’adaha ammaanka u fasaxeen la kulanka Al-Shabaab. “Waan u sheegnay in xaaladaas soo korartay waxaana ka siman dhammaan macalimiinta qaranka, markii ay garowsatay dowladda in aysan macalin kasta ilaalin karin waxay noo fasaxday inaa la soo kulano Al-Shabaab wixii aan kala soo kulanana aan soo gudbino haddiiba anagoo nool ka nimaano, macalimiinta qaarna waddanka waa ka baxeen qaarkoodna uma qorsheysna in ay aadaan,” ayuu yiri macallin katirsan barayaasha iskuulada dowladda oo la hadlay Caasimada Online. Badanaa Al-Shabaab waxay isku dayaan in ay la macaamilaan shaqaalaha dowladda, ciidamada, saraakiisha ciidanka iyo ganacstada ka hor inta aysan beegsan, waxaana qofkiiba Al-Shabaab kula heshiiyaan in uu bixiyo qeyb ka mid ah mushaharkiisa bil walba. The post Xog: Al-Shabab oo u yeeray macallimiinta dugsiyada ay maamusho DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Mekelle (Caasimada Online) – Kumanaan askar maxaabiis ah oo laga qabsaday ciidamada dowladda federaalka Ethiopia ayaa Jimcihii la marsiiyey waddooyinka magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray, ayada oo shacabkuna ay dhinacyada ka taagan yihiin oo mashxaradeynayaan. Sida uu qoray wargeyska New York Times, in badan oo ka mid ah askartan ayaa madaxooda hoos u raariciyey. Qaarkood ayaa lagu siday bareelayaal ayaga oo ay ka muuqdaan dhaawacyo iyo dhiig. Soo bandhigista maxaabiista ayaa looga dan lahaa in lagu beeniyo hadal uu Arbacadii jeediyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo sheegay in wararka ku saabsan in ciidamada laga adkaaday ay yihiin been, taa beddelkeedna ay ku dhowaaqeen xabad-joojin. Ayada oo ay wehliyaan ciidamada Tigrayga, askarta maxaabiis ahaanta loo qabsaday ayaa afar maalmood lagu hayey xerooyin kahor inta aan waddooyinka lasoo marsiin Jimcihii. Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael oo sideed bilood kadib dib ugu soo laabtay xafiiskiisa magaalada Mekelle, ayaa wareysi uu siiyey New York Times ku sheegay in ciidamadiisa ay gacanta ku dhigeen in ka badan 6,000 oo askar Ethiopian ah. Waxa uu sheegay in saraakiisha Tigrayga ay xiriir la leeyihiin hay’adda laanqeyrta cas, islamarkaana ay dhowaan sii deyn doonaan saraakiisha darajooyinka hoose, balse ay sii hayn doonaan kuwa darajooyinka sare. Sida ku cad Xeerka Geneva, maxaabiista dagaalka waa in la siiyaa cunno iyo dhar, lagana ilaaliyaa rabshadaha iyo cabsi gelinta. Illaa iyo hadda ma jiraan wax tilmaamo ah oo muujinaya in askarta laga qabsaday Ethiopia loola dhaqmay si xun. The post Sawirro: Tigrayga oo soo bandhigay 6,000 askari oo laga qabsaday Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
-
Xukumada S/land oo Laydh ku xidhaysa Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Xukuumadda Somaliland oo laydh ku xidhaysa garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Studuim, kaas oo aan hore u layn laydh sahlayey in habeenkii lagu ciyaaro. Guddida Qandaraasyada Qaranka, ayaa shaacisay tartan loo gelinayo laydh ku xidhista Garoonka, waxaanu war gelin ka soo baxday xafiiska guddida Qandaraasyada oo soo gaadhay xafiiska warqabadka wargeysyad Dawan ayaa u dhignayd sidan. “Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ku wargalinayaa Shirkadaha ka shaqeeya Laydhka iyo Ganacsata ka shaqaysa Hawlaha laydhka galinta iyo cidkasta oo danaynaysa u soo ban dhigayaan Laydh laygu xidhi doono Stadium Hargeysa (Iftiiminta Garoonka kubada cagta Hargeysa)” Qaran News
-
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Baay ee Maamulkaas. Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Baay loogu magacaabay in uu noqdo Cumar Isaaq Balsh, isagoo bedelaya Guddoomiyihii ee Gobolkaas Cali Wardheere Cabdiraxmaan. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa laamaha amniga Gobolka faray inay la shaqeeyaan Guddoomiye Cumar Isaaq Balsh, isagoona Guddoomiyaha ka dalbaday inuu si toos ah u guto wajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday. Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay in magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Baay uu Madaxweyne Lafta-gareen latashi kala sameeyay Wasiirka Arrimaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Baay appeared first on Puntland Post.
-
London (Caasimada Online) – Ramla Cali oo ah gabar kasoo jeedo Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay ka qeyb geli doonto tartanka ciyaaraha Olomnbikada adduunka iyadoo ku tartami doonto tartanka Feerka. Ramla oo 31 jir oo qoraal soo dhigtay barteed Twitter-ka ayaa xaqiijisay inay ka qeyb geli doonto tartanka feerka ee Olombikada. Ramla Cali ayaa ah Gabar Soomaaliyeed, waxayna noqoneysaa gabadhii ugu horeysay oo Soomaali ah oo abid si xrifadeysan feerka usoo gudubto iyadoo leh rikooka 3-0 ah oo ah rikoor aad u fiican oo muujinayo heerka ay xirfaddaan ka gaartay. Ramlo Cali ayaa ku nool dalka Ingiriiska waxana ay hore ugu guuleysatay tartano badan oo ka dhacay gudaha dalka Ingiriiska iyo dalal kale. Ramla ayaa qaxooti ahaan u tagtay London iyadoo da’yar jirto, waxayna waqtigaas bilowday barashada xirfadaan. “Waxaan doonayaa inaan noqdo horyaalka adduunka” ayay tiri mar la hadleysay saxaafadda. “Waxaan rajeynayaa markaan sidaas sameeyo in dadku ay aragti wanaagsan ka yeeshaan Soomaaliya.” ayey mar kale tiri Ramla. Sidoo kale Tartanka Olombikada Adduunka waxaa ka qeyb geli doonto gabar kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Muunira Warasme taasoo iyadana ku tartameysa Taekwondo. Tartanka Olombikada adduunka ayaa waxaa sanadkaan lagu qaban doonaa dalka Japan, waxaana socoto qaban qaabada loogu jiro iyadoo ay kasoo muuqan doonaan xirfadlayaal ka kala imaanayo wadamo badan . The post Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee ku tartamaysa feerka ciyaaraha Olombikada? appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT- Japan)-Ramla Cali oo ah gabadh Soomaali ayaa markii ugu horreysay ka qeybgalaysa tartanka ciyaaraha Olombikada iyadoo u tartamaysa tartanka feedhka. Gabadhan Soomaali Ramli Cali ayaa maanta ku shaacisay Twitter-ka inay u soo baxday Ciyaaraha. Waa haweeneydii ugu horreysay ee abid Soomaali ah oo si xirfadaysan feedhka u soo gudubto iyadoo leh rikoodh 3-0 ah. Tartanka Olombikada sanadkan oo dhowaan ka furmaya dalka Japan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaysa Munira Warsame oo meteleysa qaranka Soomaaliya iyagoo ku tartamaysa Taekwondo. Ramlo Cali ayaa ku nool dalka Ingiriiska waxana ay hore ugu guuleysatay tartano badan oo ka dhacay gudaha dalka Ingiriiska iyo dalal kale. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa baaqday safar la qorsheenayey inuu madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku tago Magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed. Safarka uu Deni ku tagi lahaa Magaalada Baydhabo ayaa waxaa isla go’aamiyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo midka Puntland Deni, balse waxaa safarkaas loo baajiyey si farsameysan. Waxaa la qorsheenayey in Deni uu tago Magaalada Baydhabo 30 June saacadda markay tahay 5 Galabnimo, waxaana lagu balamay in Lafta Gareen uu Baydhabo kaga sii hormaro si uu halkaas ugu soo dhaweeyo, balse markii uu Lafta Gareen gaaray Baydhabo ayaa waxaa Deni loo sheegay inuusan imaan karin Baydhabo sababo la xiriira in Garoonka Shaaati Gaduud uusan shaqeyn Galabtii maadaama lagu wado howlo ballaarin ah. Saciid Deni oo aan horey loola wadaagin in garoonka Shaati Gaduud uusan shaqeyn gelinka dambe ayaa iska dhaafay safarkii uu ku tagi lahaa Baydhabo, wuxuuna u soclaaday Magaalada Kismaayo oo aheyd magaalada Labaad oo uu qorsheeyey inuu safar ku tago. Qorshaha lagu baajiyey safarka Deni ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka shaqeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka war helay safarka Deni oo la xiriira olole dhanka doorashada ah maadaama ay jiraan warar soo baxayo oo sheegayo in Saciid Deni uu isku sharaxi doono xilka madaxweynino ee Soomaaliya. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laft Gareen oo ku dhiiran waayey inuu si toos ah ugu sheego Deni inuusan imaan karin Baydhabo ayaa u adeegsaday qaab farsamo ah, waxayna xogta hoose sheegeysaa in Saciid Deni uu ogyahay sababta loogu diiday Baydhabo. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u diyaar garoobayo socdaal uu dibadda ugu socdo, taasoo haddana laga cabsi qabo inay meesha ka saarto suuragalnimada abaabulka safar kale oo Deni dadaal ugu jiro inuu ku tago Baydhaba . Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lasoo warinayaa inuu isku sharixi doono xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya, wuxuuna durba wajahaya loolan siyaasadeed oo uga imaanayo Villa Soomaaliya. The post Xog: Villa Somalia oo si farsameysan u baajisay safar uu Deni ku tagi lahaa Baydhabo appeared first on Caasimada Online.
-
Haweenay Soomaaliya ku mataleysa ciyaaraha Feedhka ee Adduunka Feeryahanadda Soomaaliyeed ee Ramla Cali ayaa Soomaaliya sanadkan ku matali doonta ciyaaraha feerka ee Olombikada Adduunka ee lagu qabanayo magaalada Tokyo ee dalka Japan, sida ay ku shaacisay barteeda Twitter-ka. Waxay Ramla sheegtay in ay aad ugu farxsanahay ka qeybgalka ciyaaraha Olombikada Adduunka, isla markaana ay dalkeeda, Soomaaliya, si wanaagsan u matali doonto, iyadoo dhinaca kale u mahadcelisay taageereyaasheeda. Waxay sheegtay in muddo toban sanadood ah oo ku jirtay feerka ay muujisay dadaal dheeri iyo naf hurid, isla markaana ay dagallantay 75 jeer, ayna ciyaaro feer ah u tagtay 20 dal, haddana ay ku faraxsanahay ka qeybgalka ciyaaraha Olombikada. Todobaadkii hore ayaa dhinaca kale xiriirka Taekwodo Soomaaliya wuxuu shaaciyay in Munira Warsame oo Ingiriiska ku dhalatay ay Soomaaliya ku matali doonto ciyaaraha Taekwono ee Olombikada Adduunka. Ciyaaraha Olombikada ayaa 23-ka bishan ka furmi doona magaalada Tokiyo ee dalka Japana, xilli ay weli jiraan xayiraadaha xanuunka COVID-19. Qaran News
-
Mekelle (Caasimada Online) – Hogaamiyaha kooxda TPLF Dr. Debretsion Gebremichael ayaa dib ugu laabtay caasimada gobolka Tigreega ee Itoobiya ee Mekelle, kadib 8 bilood oo uu dagaal kula jiray ciidamada Federalka. Tagitaanka Dr. Debretsion Gebremichael ee Magaalada Mekelle ayaa kusoo aadeyso maalmo kadib markii ay ciidamada Federalku ka baxeen magaalada iyo inta badan gobolka. Dr. Debretsion waa gudoomiyaha kooxda TPLF wuxuuna madaxwayne ka ahaa dawlad deegaanka Tigreega oo uu hogaamiye ka ahaa xisbigiisa ka hor intaan meesha laga saarin. Hoggaamiyahaan iyo asxaabtiisa waxay ka baxeen magaalo madaxda gobolka waxyar uun ka hor inta aysan ciidammada federaalku la wareegin dabayaaqadii Nofeembar 2020. Khudbadiisa oo ay baahisay Tigray Media House, Debretsion wuxuu ku sheegay inuu ka adkaaday “cadowga”. Wuxuu sheegay in dagaalka uusan wali dhamaan. Muuqaal dhex wareegayay baraha bulshada, Debretsion ayaa lagu arkay isagoo xiran astaanta halgamayaasha TPLF oo u muuqday inuu caatoobay. Ugu yaraan laba hogaamiye oo kale oo sare oo katirsan kooxda TPLF ayaa sidoo kale la arkayay iyagoo la socda Debretsion. Xoogagga Tigrayga ayaa Talaadadii qabsaday dhul kale oo ka tirsan gobolkaas, maalin kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Mekelle, halkaas oo ay ka carareen ciidankii iyo maamulkii taageersanaa Abiy Ahmed. Mucaaradka ayaa qabsaday magaalada Shire oo 140 km waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Mekelle, sida ay ku warameen ilo-wareedyo amni oo ka tirsan QM, oo la hadlay wakaaladda wararka AFP. Warka ku saabsan qabsashada Shire ayaa horseeday dabaal-degyo ay waddooyinka ku sameynayaan shacabka. The post Hogaamiyaha TPLF oo 8 bil kadib gudaha u galay Mekelle appeared first on Caasimada Online.
-
Allaah U Naxariisto waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliya Gen Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) . Subxaanyo ayaa muddooyinkii u dambeyay ku xanuun sanayay magaalada Muqdisho, iyadoo saaka uu u geeriyooday xanuunkii hayay taliyaha . Gen. Subxaanyo ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay taliska ciidamada Asluubta isagoo soo noqday taliyihii ciidamada Asluubta . Dhanka kale madaxda dalka ayaa ka tacsiyadeeysay geerida ku timid Taliye Cabduqadir Subxaanyo oo Muqdisho ku geeriyooday . Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Taliya Subxaanyo. “Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha . Akhriso Taarikhda General Subxaanyo General Cabdulqaadir Cali Diiriye (subxaanyo) Waxa uu ku dhashay magaalada Baladwayn ee xarunta gobolka hiiraan 1952dii. Waxa uu dugsiga dhexe ku dhamaystay baladweyne. Waxa uu dhamaystay dugsiga sare ee Sheekh Xassan Barsame ee Muqdisho oo markaas lagu dhiganayay luuqadda Talyaaniga(1970-1971). 1972 waxa uu galay kulyida millateriga general Daud millatery academy oo ku taallay magaalada kismaayo, Kadibna wuxuu aaday 1975 dalki midowga soofiyeeti oo uu kasoo dhigtay kuliyadda milatiriga ee linin ee magaalada Moskow oo lagu barto culuunta siyaasadda iyo arimaha millateriga. 1977 wuxuu ku soo laabtay dalka waana markii uu dhamaaday xiriirkii uu dalku la lahaa dalkii midowga sofiyeti wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii 77kii waxa uuna ku muteystay billad geesi qalin ah. dhamaadkii dagaalka 77kii waxaa loo diray dalka Germany oo uu ku maqnaa 78kii ilaa 84kii oo uu soo qaatay shahaadada Msc Mechanical Engineering, jaamacadda Rostok ee dalka Germany. wuxuu dalka kusoo laabtay 85tii waxa uuna jagooyin kala duwan ka soo qabtay ciddanka Asluubta, waxa uu madax Ka noqday hogaanka siyaasada ee ciidanka asluubta iyo kan gaadiidka iyo isgaarsiinta. Kadib markii uu dalku burburka galay waxa uu jananku aad ula shaqeeyay hay’ado samafal, sidoo kale waxa uu madax ka noqday gudigii Culaysaarka(Pressure Group) oo Shaqadoodu ahayd dhaxdhaxaadinta hogaamiyayaashii kooxaha koonfurta soomaaliya. Waxa uu la taliye u ahaa dhamaan dowladihii ku mel gaarka ahaa ee dalka soo maray General Subxaanyo waxa uu ku soo noolaaday wadamada England Holand iyo Ruushka, waxa uuna si wanaagsan ugu hadlaa luuqadaha carabiga, jarmalka, ruushka, ingiriiska, holandiiska, talyaaniga iyo soomaaliga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha ammaanka qaramada midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda gobalka Tigray ayaa markale ka digay in ay sii kordhan tacadiyada iyo gabood fallada aan loo meel dayin ee ka socda gobalka dhaca waqooyiga dalka Itoobay ee Tigray. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen dhaaman xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ayaa waxaa ka hadlay Madaxa arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Rosemary DiCarl kaas oo sheegay in ay yihiin wax aad looga xumaado dagaalada ka socda Itoobiya. “Waxaa suurtagal ah in ay dhacaan iska hor imaadyo badan iyo in si deg deg deg ahi ay xaaladda ammaan u xumaato, arrintaa oo walaaceeda leh,” ayay tiri Rosemary DiCarlo. Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in inkabadan 400,000 qof ay soo wajahday macluul aad u daran kadib markii ay dagaalada ka bilawdeen dalka Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamadaasi ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow, waxaana xigay dagaal culus oo foolka fool ah, kaas oo u dhex-maray labada dhinac. Ilo dadka deegaanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla-markaana ay soo wajahday cabsi xoog-leh. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba, maadaama goobta la weeraray ay tahay xero, ayna adag tahay in xog laga helo. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab iyo saraakiisha ciidanka AMISOM oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa sidoo kale haatan aad u kacsan, waxaana deegaanka lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Kenya oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta. The post Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda adag ee ka taagan gobolka Tigray iyo dagaallada kasoo cusboonaaday ayaa digniin culus kasoo saaray in colaad horleh ay ka dhacdo halkaasi. Golaha ayaa shaaca ka qaaday in dagaalladii horey uga dhacay waqooyiga Itoobiya ay sababeen macaluul saameyn weyn ku yeelatay qiyaastii illaa 400,000 oo qof. Madaxa arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Rosemary DiCarl oo kulanka ka hadashay ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay suuragal tahay in colaad hor leh iyo dagaallo culus ay ka dhacaan gobolka Tigray oo ay isku hayaan ciidanka dowladda Itoobiya & TPLF. “Waxaa suurtagal ah in ay dhacaan iska hor imaadyo badan iyo in si deg deg deg ahi ay xaaladda ammaan u xumaato, arrintaa oo walaaceeda leh,” ayay tiri Rosemary DiCarlo. Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Xabbad joojintii lagu dhawaaqay waxay fursad siinaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, oo kooxda TPLF ay ka mid tahay, in ay ka faa’iideystaan oo ay xaaladda ku dejiyaan. Sidaa awgeed, waxaan ugu baaqeynaa xoogagga difaaca Tigreeda ee TDF in ay si deg deg ah u ansixiyaan xabad joojinta oo gebi ahaanba ay dhaqangeliyaan,” . Ugu dambeyn waxay baaq yu diratay dhinacyada ay dirirta u dhexeyso, iyada oo ka codsatay inay gacan ka geystaan baaritaanada haatan socda, si la’iskula xisaabtamo xad-gudubyadii iyo sidoo kale dhibaatooyinkii kala duwanaa ee horey uga dhacay halkaasi. “Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dhinacyada ku lugta leh colaadda in inta awoodooda ah, ay gacan ka geystaan baaritaanka wadajirka ahi ee socda ee ay wadaan xafiiska xaquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey iyo Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya. Waxaa khasab ah oo lagama maarmaan ah in la iskula xisaabtamo xad-gudubyadii xuquuqda aadanaha ee aadka u xumaa ee la galay muddadii ay colaadda socotay, oo ay ku jiraan falalka xad-gudubka dhanka galmada ahi ee lagula kacay carruurta iyo dadka qaangaarka ahi iyo sidoo kale dilalkii tirada badnaa ee dhacay,” ayay hadalkeeda sii raacisay DiCarlo. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horraantii usbuucan ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah oo ka hirgaleysa gobolka Tigray ee dalkaasi. The post Golaha ammaanka ee QM oo digniin horleh kasoo saaray colaadda gobolka TIGRAY appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho iyo howl-galladii ugu dambeeyey ee ay sameeyeen ciidanka amniga. Xijaar ayaa shaaciyey in howl-galladii ugu dambeeyey oo laga sameeyey degmooyinka Kaaraan, Hodan iyo Wadajir lagu soo qabtay kooxo burcad ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggaasi ay haatan xiran yihiin, isla-markaana maxkamad lasoo taagi doono maalinta Isniinta ah ama Talaadada ee todobaadkan. Taliyaha ciidamada Booliska oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tallaabo adag laga qaadi doono kooxaha dhaca iyo dhibaatooyinka amni darro ka geysta gudaha caasimada. Dhinaca wuxuu ka hadlay ciriiriga ka jira waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay inay dajiyeen qorshe gaar ah oo wax looga qabanayo, si loo yareeyo jaamka. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in haatan uu socdo qorshe gaadiidka dugoobay ama jajaban looga qaado waddooyinka caasimada, wuxuuna hoosta ka xariiqay in qorshahaasi ay wax ka fulinayaan wasaaradda gaadiidka, taliska Ciidanka ilaalada wadooyinka oyo dowladda Hoose, sidoo kalena ay diyaarinayaan ciidamadii howl-galkaas fulin lahaa. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii dambe ka jiray ciriiri xoogan oo ay walaac ka muujinayeen gaadiidleyda iyo dadweynaha kale ee ku dhaqan gudaha caasimada. The post Xijaar oo shaaciyey xilliga la maxkamadeynayo burcadda lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed might be contemplating his political future following the ignominious defeat of Ethiopian Defence Forces at the hands of Tigray Defence Forces. In a speech Abiy has pointed out several factors that resulted in the withdrawal of Ethiopia government forces from Mekelle, the capital city of Tigray. His government was not able to mobilise a large number of militias to join the war against Tigrayans. The war his government has prosecuted was premised on demonisation of Tigrayans, fanning of ethnic hostility in the hope of clinging to power through a divide and rule strategy. The fact that Tigray Defence Forces have routed invaders should not make the International Community blind to government plans to depopulate Tigray and arm Amhara militias, who committed heinous crimes against fellow citizens whom the Ethiopian government ethnically profiles. Unprized: Abiy Ahmed will be remembered for tarnishing the image of the Nobel Peace Prize. Medemer, the Amharic word for synergy, adopted by Abiy and his associates as the template to attain his monarchical goals ( his mother dreamt of him becoming a King of Ethiopia), spotlights what is wrong with the Ethiopian polity. Last year Abiy invited Eritrean troops into Ethiopia to fight alongside Ethiopian Defence Forces against TPLF. Destruction, looting and massacres followed the invasion of Tigray by the Ethiopian and Eritrean forces. Social cohesion is the major casualty of the war against Tigrayans. Unprized: Abiy Ahmed will be remembered for tarnishing the image of the Nobel Peace Prize. Just as the Derg regime used Cuban soldiers in the fight against TPLF four decades ago, Abiy sought help from his advisor, Isaias Afwerke, the Eritrean dictator. Africa’s authoritarian leaders should realise that sovereignty will not prove to be a bulwark against accountability for attempted genocide or use of government resources to starve citizens. The destruction of infrastructures in Tigray speaks volumes about what Abiy Ahmed has had in mind had TDF not defeated his poorly trained ethnic militias most of whom are now prisoners of war in Tigray. The Ethiopian government condones the hatred that organised Amhara propagandists had unleashed against Tigrayans. Even Mengistu Hailemariam, the former Ethiopian leader, did not stoop so low as to make Tigrayans of all ages the target of government oppression. As the British Ambassador at the United Nations Barbara Woodward said “putting the Ethiopian people first” is the priority. Abiy Ahmed may resign or might be overthrown. His legacy will be hard to undo if perpetrators of massacres and looting in Tigray are let go scot-free. By Adan Essa Hussein The post Abiy Ahmed Must Be Held Accountable for Crimes Against Humanity appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabduqaadir Cali Mire Diiriye oo loo yaqaanay (General Subxaanyo) kana mid ahaa saraakiisha ciidanka qalabka sida, gaar ahaan ciidamada Asluubta Soomaaliyeed. Marxuumka oo maalmhan xanuunsanaa ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana geerida ku timid ka tacsiyeeyey madax kala duwan oo Soomaaliyeed. AUN Subxaano ayaa sidoo kale ka mid ahaa budhigayaashii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Halkan hoose ka aqriso taariilkh nololeedkiisa. General Cabdulqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) Waxa uu ku dhashay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan 1952dii, Waxa uu dugsiga dhexe ku dhamaystay Beledweyne, Waxa uu ka baxay, dugsiga sare ee Sheekh Xassan Barsame ee Muqdisho oo markaas lagu dhiganayay luuqadda Talyaaniga, 1972 waxa uu galay kulyida millateriga General Daa’uud millatery Academy oo ku taallay magaalada Kismaayo, kadibna wuxuu aaday 1974 dalki Midowga Soofiyeeti oo uu kasoo dhigtay kuliyadda milatiriga ee linin ee magaalada Moskow oo lagu barto culuunta siyaasadda iyo arimaha millateriga, 1977 wuxuu ku soo laabtay dalka waana markii uu dhamaaday xiriirkii uu dalku la lahaa dalkii Midowga Sofiyeti, wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii 77kii waxa uuna ku muteystay billad geesi qalin ah. Dhamaadkii dagaalka 77kii waxaa loo diray dalka Germany oo uu ku maqnaa 78kii ilaa 84kii oo uu soo qaatay shahaadada Mechanical Engineering, jaamacadda Rostok ee dalka Germany. 1985 ayuu dalka kusoo noqday, waxa uuna jagooyin kala duwan ka soo qabtay ciddanka Asluubta, waxa uu madax Ka noqday hogaanka siyaasada ee ciidanka asluubta iyo kan gaadiidka iyo isgaarsiinta. Kadib burburki Dalka, jananku waxa uu la shaqeeyay hay’ado samafal, sidoo kale waxa uu madax ka noqday gudigii Culaysaarka(Pressure Group) oo Shaqadoodu ahayd dhaxdhaxaadinta hogaamiyayaashii kooxaha koonfurta soomaaliya. Waxa uu la taliye u ahaa dhamaan dowladihii ku mel gaarka ahaa ee dalka soo maray, General Subxaanyo waxa uu si wanaagsan ugu hadli jiray luuqadaha carabiga, jarmalka, ruushka, ingiriiska, talyaaniga. Wax la taaban karo ayuu ka qabtay waxbarashada iyo samafalka oo waxaa lagu xasuustaa in manta ay daafaha caalamka kala joogaan dad uu koritaanka aqoontooda kaalin mug leh ka gaystay, Jananku waxa uu dad badan u diray wax barasho dibadda ah kuwaas oo manta saamayn dhan kasta ah ku leh dalka iyo dibaddiisa. The post General Subxaanyo oo ku geeriyooday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Boorama)-Dr Cabdirisaaq Gorayo Oo Ka Hawl Gala Magaaladda Boorama ayaa Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed Ku Eedeeyay In Dhalinyaro Uu U soo Diray Oo Nabaro Gaadhsiisay Uu Ku Hayo Gurigiisa Magaaladda Hargeysa. Waxa Uu Xukuumadda Ugu baaqay In Sharciga Loo horkeeno. Dhinaca Kale Mid Ka Mid ah Wax garadka Magaaladda Boorama Oo Uu walaalkii Ku Jiray Dhalinyaradii Weerarka Ku soo Qaaday, ayaa Ku eedeeyay Axmed Muumin Seed In uu Horseeday fal Guracan, Halkan hoose ka DAAWO Source