-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boqolaal qof ayaa Isniintii shalay aheyd isugu soo baxay magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ay u xusaan boqol sano guuradii kasoo wareegtay dil wadareed loo geystay boqolaal ruux oo kamid ah dadka madow ee Meraykan 31 May sanadkii 1921-kii. Dadkaan oo ka kala socday bulshooyinka heysta diimaha kala duwan ayaa munaasabad duco ah ugu sameeyay kaniisad ku taall magaalada Tulsa. Boqol sano kahor shalay oo kale ayaa bulshada caddaanka ay dileen in ka badan 300 ruux oo dadka madow ah, iyagoo gubay islamarkaana burburiyay xarumo ganacsi iyo guryo badan oo ku yaallay xaafaddii ay dadkaasi dagganaayeen oo ahaa kuwa barwaaqo ah, laguna naaneysi jiray xaafadda Wall Street ee dadka madow. Wall Street ayaa hadda ah suuqa ugu weyn ee dhaqaalaha Mareykanka, kuna yaal magaalada New York. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta oo Talaado ah ku wajahan magaalada Tulsa, si uu u xuso xasuuqii argagaxa badnaa. PUNTLAND POST The post Xuska xasuuqii Tulsa 100 sano kaddib appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ku sugan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa saacadihii lasoo dhaafay toogasho waxa ay ku dileen nin hubeysnaa oo la sheegay inuu dhac ka geystay qeybo ka mid ah degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in ninka hubeysan uu xirnaa tuutaha ciidamada milatariga Soomaaliya, isla-markaana uu dhac u geystay dhalinyaro ku sugneyd xaafadda Siisii oo ka tirsan Dayniile, waxaana dhalinyarada oo laga qaatay Moobeello ay wargeliyeen saldhigga Booliska degmadaasi oo durbo ciidan u diray halkaasi, kuwaasoo toogtay ninkii hubeysnaa. Wararka ayaa sheegaya in ninka hubeysan inta aan la dilin ay ciidamnada ugu tageen guri ku yaalla xaafaddaasi, isaga oo isku dayey inuu is-difaaco, waxaana ciidamadu ay markii dambe ku dileen fal toogasho ah, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka degaanka. Sidoo kale ciidamada ayaa la wareegay Moobeelladii la sheegay inuu soo dhacay ninkaasi, iyadoona kadib meydkiisa la geeyey xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da. ”Ninka markii uu Mobeelada dhacay, dhalinyarada way daba galeen Guriga uu galay ayay soo ogaadeen, sidaas ayay Ciidamada ugu sheegeen, balse markii uu isku dayay in uu iska difaaco ciidamada ay toogteen,” ayuu yiri qof ka mida dadka deegaanka. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo uu maamulka degmada Dayniile ka bixiyey dhacdadaasi, waxaana weli socdo baaritaan ay wadaan ciidamada ammaanka degmadaasi. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ku soo badanayey falalka dhaca ah ee xilliyada habeenkii ah, iyada oo isa soo tareysay qeylo dhaanta kasoo yeereysa shacabka. The post Ciidamada amaanka oo nin hubeysan ku toogtay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Telefishanka KTN ee dalka Kenya ayaa warbixin ka diyaariyey Doorashooyinka Wakiillada iyo deegaanka ee shalay ka qabsoomay Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay qaar si nabadgelyo ah oo dimuqraadiyad ah u qabsoomay. Wakaallada Wararka ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixinta Telefishanka Kenyan Television network (KTN) oo si qoto-dheer uga warramay marxaladihii doorashooyinka isku sidkan ee Somaliland. Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa KTN u sheegay in doorashooyinku yihiin tartan la mid ah sida kubadda cagta, waxaanu tilmaamay inay rajaynayaan inay guulaystaan. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa Telefishanka KTN u sheegay in doorashooyinka Somaliland ay ka wanaagsan yihiin inta badan dalalka Afrika iyo kuwa dunida saddexaad. Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa doorashooyinka isku sidkan ee shalay dalka ka dhacay ku sifeeyey qaar isbeddel cusub ay ka filayaan. Telefishanka KTN waxa kaloo uu soo xigtay madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo shacbiga ugu baaqay inay si nabdoon cidda ay jecel yihiin ugu codeeyaan, waxaanu madaxweynuhu xusay in beesha caalamku ay daawanayso sida ay Somaliland uga gudubto doorashooyinkan isku lammaan. KTN wuxuu wuxuu si qoto-dheer uga warramay nabadgelyada, dimuqraadiyada iyo xasiloonida Somaliland ay ku naaloonayso soddonkii sannadood ee ay xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya. Waxaanu tilmaamay in Somaliland dedaal ugu jirto sidii ay beesha caalamka uga kasban lahayd aqoonsi caalamiya. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Dawladda Jabuuti ayaa Itoobiya u gacan-gelisay 3 nin ‘oo ka tirsan Ururka Xoreynta Tigray ee TPLF Itoobiya waxa ay sheegtay in raggan oo xalay fiidkii laga dejiyay Addis Ababa ay ahaayeen kuwo aad loogu baahnaa. Magacyada ragga la qabtay: Habtom Gebresellaase Masalle Tammane Maxamed Barihu Nuur. Waxa lagu eedeeyay in ay ahaayeen argagixiso qayb ka ah weerarkii lagu qaaday saldhigga Waqooyi ee ciidanka Itoobiya, bishii November. Source
-
(SLT-Ankara)-Laamaha ammaanka ee Turkiga ayaa xidhay wiil uu adeer u yahay wadaadka Fetullah Gulen kaas oo dib loogu soo celiyey dalka Turkiga sida ay shaacisay warbaahinta gudaha. Selahaddin Gulen ayaa lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay urur la mamnuucay oo uu madax u yahay adeerkiis. Shaacinta laguma sheegin halka lagu xidhay. Laakiin xaaskiisa Serriye, oo macallin ka ah dalka Kenya, ayaa muuqaal ay soo dhigtay baraha bulshada ku sheegtay in seygeeda lagu waayey magaalada Nairobi horraantii bishii May. Wakaaladda wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga ayaa daabacday sawirka Mr Gulen oo katiinadaysan, calanka Turkigana dhinacyada ka yaallo. Selahaddin Gullen waxaa adeer u ah wadaadka fadhigiisu yahay Mareykanka Fethullah Gulen, kaas oo dowladda Turkiga ay sheegtay inuu mas’uul ka ahaa afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii inkastoo Fethullah Gulen uu gaashaanka u daruuray inuu ku lug lahaa isku dayga afgambigaasi. Fetullah Gulen waxaa taabacsan dad aaminsan inuu yahay hogaamiye ruuxi ah mararka qaarna waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay ninka labaad ee ugu awoodda badan dalka Turkiga. Dhaqdhaqaaqiisa Gulen wuxuu ka shaqeeyaa shabakad iskuullo iyo hay’ado samafal oo ku yaalla Mareykanka, halkaas oo daaciga uu hadda deggan yahay. Turkigu wuxuu u arkaa dhaqdhaqaaqa Gulen urur argagixiso, isaga oo ku tirtiraya Ururka Argagixisada Fethullahist. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Fetullah Gulen ku eedeeyay inuu ahaa maskaxdii ka dambeeysay afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii kaas oo lagu dilay 251 qof, sidoo kalana in ka badan 2000 oo qof ay ku dhaawacmeen, Fetullah Gulen, oo dafiray inuu wax lug ah ku lahaa, wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka tan iyo isku daygii afgembi, Turkiguna wuxuu kala tashaday Washington dhiibistiisa. Sannadihii la soo dhaafay, Mr Erdogan wuxuu waday howlo nadiifin ah oo uu ka waday hey’adaha dowliga ah, wuxuu shaqada ka joojiyay in ka badan 100,000 oo shaqaale dowladeed ah, oo ay ku jiraan macalimiin iyo garsoorayaal, kuwaasoo lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin Fetullah Gulen. Turkigu wuxuu kaloo qabtay tobanaan qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqa Gulen ee dibadda – gaar ahaan Afrika iyo gacanka Balkan ee koonfurbari Yurub. Qalalaase siyaasadeed ayaa ka qarxay Kosovo ka dib markii lix muwaadin oo Turki ah lagu qabtay halkaas 2018. Wasiirka arrimaha gudaha Kosovo iyo taliyihii sirdoonka ayaa labadaba shaqada laga eryay. Source
-
(SLT-Nairobi)-Kenya ayaa ku hanjabtay inay mamnuucayso duulimaadyada u kala goosha Nairobi iyo Muqdisho hadii UN-ka iyo ururada kale ee caalamiga ah ay ku guuldareystaan inay u adeegsadaan duulimaadyada labada dal ujeedo bani’aadanimo oo kaliya. Warbixin ay soo saartay balse aan si rasmi ah loo shaacin maanta, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa uga digtay hay’adaha UN-ka iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah inay u adeegsadaan duulimaadyadooda bani’aadamnimo waxyaabaha kale ee mamnuuca ah. “Wasaaraddu waxay ogaatay in si khaldan loo adeegsaday duulimaadyada bani’aadamnimada ee labada dhinac iyo arrimo siyaasadeed oo liddi ku ah go’aankii 11-kii Maajo, NOTAM oo ay soo gudbisay Hay’adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA),” ayaa lagu yidhi qoraalka. Wasaaraddu waxa ay sheegtay inay hadda kadib kormeer ku sameyn doonto dhammaan rakaabka iyo badeecadaha ay soo raraan hay’adaha UN-ka iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ka hor inta aysan ka dhoofin Nairobi oo ay aadin Soomaaliya. “Duullimaadyada bani’aadamnimada, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale waa inay wasaaradda u soo gudbiyaan liiska rakaabka iyo badeecadaha loo qaadayo Soomaaliya si looga sifeeyo waxyaabaha mamnuuca ah,” ayay tidhi wasaaraddu. Sida laga soo xigtay NOTAM, Kenya waxa ay mamnuucday dhammaan duulimaadyada ganacsiga iyo kuwa xamuulka ee tagaya ama ka tagaya Soomaaliya marka laga reebo duulimaadyada gargaarka ee Adeegyada Hawada ee Qaramada Midoobay, duulimaadyada mevac, iyo howlaha gargaarka bani’aadamnimo. Duulimaadyada ay saameynta ku yeelatay hakinta waxaa ka mid ah African Express Airways (XU, Nairobi Jomo Kenyatta), Freedom Airline Express (4F, Nairobi Wilson), Jubba Airways (Kenya), Ocean Airlines (Somalia) (Muqdisho) iyo diyaaradaha xamuulka ee Astral Aviation (8V) , Nairobi Jomo Kenyatta), Skyward Express (OW, Nairobi Wilson) iyo Safe Air (K3, Nairobi Jomo Kenyatta). Soomaaliya ayaa 6-dii bishii May ku dhawaaqday inay soo celineyso xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Kenya kadib markii ay xidhiidhka u jartay bishii December, iyadoo ku eedeysay Nairobi inay faragelin ku hayso arrimaheeda. Soomaaliya ayaa xidhiidhka u jartay 15-kii Diseembar ka dib markii Kenya ay martigelisay hoggaanka Somaliland, oo ah dal ka go’ay oo ayna aqoonsaneyn dowladda dhexe ee Muqdisho. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa ugu dambeyn kala dirtay guddigii dhismaha golayaasha deegaanka ee maamulkaasi, kadib markii uu khilaaf xoogan ka dhashay dhismaha golaha deegaanka ee degmada Balanballe oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Qoraal kasoo baxay xafiiska siihaya xilka wasiirka arrimaha gudaha maamulka Galmudug, ahna wasiir ku xigeenka isla wasaaradaasi, Mudane Axmed Cismaan Aadan ayaa lagu kala diray guddigan oo qorsheynayey in doorasho deegaan uu ka qabto degmada Balanballe. Sababta loo kala diray ayaa waxaa lagu sheegay inuu sii xoogeystay khilaafka ka dhex aloolsan guddoonka guddiga golayaasha deegaanka Galmudug iyo xubnaha guddigaasi. Sidoo kale waxaa warqaddan lagu caddeeyey in khilaafkaasi uu sidoo kale sababay wada-shaqeyn la’aan soo kala dhex-gashay guddoonka sare iyo xubnaha kale ee guddigaasi. “Kadib markii aan la tashi ballaaran la sameeyey bulshada iyo madaxda Galmudug, waxaan go’aansaday inaan kala diro guddigii farsamada ee ka mas’uulka ka ahaa dhisida golayaasha degmooyinka deegaanada ka tirsan Galmudug,” ayaa lagu yiri warqadda. Go’aankan ayaa soo baxay, kadib markii xubnaha guddiga la kala diray ay isku khilaafeen hab-raaca dhismaha golaha deegaanka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud. Si kastaba, waxaa khilaafkan uu horey sababay in xilkiisa uu ku waayo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel) oo lagu eedeeyey khilaafka xoogan ee ka taagan dhismaha golaha deegaanka ee loo sameeyey degmada Balanballe. The post Galmudug oo kala dirtay guddigii farsamada ee golayaasha deegaanka appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay sheegashada Puntland ee ah in ay sanaaduuq doorasho qabatay. Wasiirka ayaa sheegay in u jeedada ciidanka Puntland ay carqalad abuur ahayd laakiin anay jirin sanaduuq ay qabsadeen. “Wax ka jiraa majiraan, waa kuwii maamulka gobolka sanaag ka hadleen, nimankaasi niman carqalad abuuraya ayay ahaayeen, marka arrintasi way dagantahay wax dhibihina kama jiro” ayuu yidhi. Ciidamada Puntland, ayaa maalintii shalay ku andacooday inay qabteen sanaduuq ay ku jiraan kadhadhka codaynta Somaliland. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Sirdoonka Turkey ee MIT ayaa dalka Kenya ka fuliyey howgal ay kusoo xireen wiil uu adeer u yahay Fethullah Gulen, sidaa y Isniintii sheegeen qoyskiiska iyo warbaahinta Turkey. Ankara ayaa ku eedeysay Fethullah Gulen inuu yahay maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay ee Turkey ka dhacay 2016-kii, kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal qof, kumanaan kalena lagu dhaawacay. Wixii markaas ka dambeeyey Turkey ayaa xirtay kumanaan qof oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Gulen. Wakalaadda wararka Turkey ee Anadolu oo soo xigatay ilo-amni oo aan la magacaabin, ayaa sheegtay in wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka ee MIT ay soo qabteen Selahaddin Gulen, kuna soo celiyeen Turkey. Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada 20-kii May, ayaa xaaska Selahaddin waxay ku xaqiijisay in lamaanahan ay ku noolaayeen Kenya, islamarkaana aysan warkiisa maqal seygeeda oo macallin ka ahaa iskuul ku yaalla Nairobi, tan iyo 3-dii May. Shaqsiyaad iyo warbaahin xiriir la leh dhaqaaqa Gulen ayaa baraha bulshada ku sheegay in Selahaddin laga “afduubtay” Kenya, waxayna billaabeen olole ay ku dalbanayaan sii-deyntiisa. Selahaddin Gulen ayaa lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay “ururka argagixisada ee FETO”, oo ah magaca ay Ankara ugu yeerto dhaqaaqa Fethullah Gulen. Fethullah Gulen, oo ku nool gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka, ayaa ku adkeysta inuu madax ka yahay shabakad nabadeed oo ka kooban shirkado iyo ururo samafal, wuxuuna beeniyaa inuu wax xiriir ah la leeyahay isku daygii afgambi ee 2016. Maxkamad Kenyan ah ayaa 6-dii May mamnuucday xariga Selahaddin Gulen iyo in loo masaafuriyo Turkey. Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in lasoo celiyo baasaboorkiisa, loona ogolaado inuu ku laabto Mareykanka, oo uu ka yimid. Selahaddin, oo ururka booliska adduunka ee Interpol uu kasoo saaray amarka cas ee lagu soo xirayo kadib codsi ka yimid Turkey, ayaa Nairobi yimid 17-kii October 2020, waana la xiray, kahor inta aan damiin lagu sii deyn laba maalin kadib. Sanadii 1999-kii, sirdoonka Turkey ayaa Kenya kasoo xiray hoggaamiyihii kooxda Kurdish-ka ee PKK, Abdullah Ocalan, wuxuuna ku jiraa xabsi ku yaalla Turkey. Wixii ka dambeeyey isku daygii afgambi ee 2016, Turkey ayaa dalka kusoo celisay labataameeyo ka tirsan shabakadda Gulen, ayada oo aan kala jecleyn cawaaqibka dibadeed ee ka dhalan karan. Afduubka lix Turkish oo sirdoonka MIT ay 2018-kii ka sameeyeen Kosovo ayaa qalalaase siyaasadeed ka abuuray dalkan Balkan-ka ah, wuxuuna hoggaamiyey is-casilaadda wasiirkii arrimaha gudaha iyo madaxii sirdoonka Ankara ayaa sidoo kale ku cadaadisay dalal badan, gaar ahaan kuwa Balkan-ka, Bartamaha Asia iyo Afrika inay xiraan iskuullada xiriirka la leh Gulen. Kenya ayaa 2016-kii diiday inay xirtay lix iskuul, inkasta oo ay Ankara ku adkeysatay. The post Sirdoonka Turkey ee MIT oo howlgal culus ka fuliyey Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Over the last several weeks, Shabaab, al Qaeda’s branch in East Africa, has conducted a bevy of attacks inside northeastern Kenya. Since the beginning of the year, the jihadist group has steadily claimed operations inside the country. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa lagu wadaa in sacadaha soo socdo la soo gab gabeyo tirinta codadka musharixiinta golayaasha wakiilada iyo deegaanka ee Somaliland. Doorashada golaha wakiilada iyo midka deegaanka oo shalay ka qabsoomtay deeganada Somaliland ayaa la sheegay in 12 saac ee soo aaddan gudahood lagu dhawaaqi doono natiijada . Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in goobaha qaar ay soo idlatay tirinta cododka mar dhawna ay ku dhawaaqi doonaan. 552 musharax ayaa u tartamaya doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland halka 246 Musharax ay u taagan yihiin qabashada golaha wakiilada Somaliland . Doorashada ayaana ka qabsoomi doonta 23 degmo oo ka tirsan deegaanada Somaliland. doorashadaan ayaa noqoneysa middii todobaad oo ay dadweynaha u codeynayaan musharaxa ay rabaan kadib lix doorasho oo horay uga dhacday dhulka Somaliland . Somaliland Saddex doorasho oo Madaxweyninimo ayaa ka dhacday kuwaas oo ay dadweynaha codeyen , iyaga oo kala dhacay : April, 2003, June, 2010 iyo Nov 2017. Hal doorasho oo baarlamaani ah, oo ay dadka codeyeen ayaa horay u dhacday Sep, 2005 . Halka laba doorasho oo goleyaasha deegaan ka ah Somaliland ay horay uga dhaceen : Dec, 2003 iyo Nov, 2012. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baarlamanka Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay hor-istaag ku samaysay fulinta heshiiska DP world ee horumarinta dekedda Boosaaso. Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, oo xalay kulan la yeeshay xubnaha ururada bulshada Rayidka ah, ayaa su’aalo laga weydiiyay sababta loo fulin waayay heshiiska DP world. Xildhibaannada ayaa kaga jawaabay su’aalahaas, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hor-istaag ku samaysay dhaqan-gelinta heshiiska, si loo hormariyo dekedda. Heshiiska DP world oo la saxiixay 6 April 2017, islamarkaana Baarlamanka Puntland ansixiyay 27 july 2017 ayaan weli waxba ka fulin. 12 Maarso 2018, Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiis kasta oo lala galay DP World, waxaana 15 Maarso 2018 go’aankaas ku raacay Aqalka sare ee Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ka hadlay cidda hor-taagan fulinta heshiiskii DP World appeared first on Puntland Post.
-
$1M bail set for Woodbury mom accused of attacking children
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Sadiyo Ibrahim Mohamed, 32, charged with second-degree attempted murder, first-degree bodily harm and second-degree assault in connection with the attacks on her 5-year-old daughter and 6-year-old son outside their townhouse in Woodbury early Wednesday morning. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay amar uu soo saaray awoodda kaga qaaday dhammaan wasaaradaha xukuumadiisa inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka ah ee uu dalka ku jiro. Rooble ayaa warqaddiisa ku caddeeyay in go’aankaan uu fududeynayo wada-shaqeynta & isla xisaabtanka Laamaha Dowladda si Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu ula socdo howlaha la qabanayo. Go’aanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa yimid kadib markii ay magacaabis sameeyeen qaar ka tirsan wasaaradaha Xukuumadiisa, taasoo keentay in 26 Bishaan may uu Rooble soo saaro amar lagu yareenayo awoodaha wasiirada muddo kala guurka. Wasiirad magacaabista sameeyey waxaa kamid ah wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda xil-gaarsiinta, Mudane Mkhtaar Xuseen Afrax oo magacaabay agaasime waaxeedyo cusub oo haatan wixii ka dambeeya ka howl-gali doono wasaaradaasi, kadib wareegto uu soo saaray. Wareegtada oo kuu taariikheysan 22-kii bishan ayaa waxaa agaasimaha waaxda xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta loogu magacaabay Cabdiraxmaan Xaashi Faarax, halka Muuse Abshir Cabdi isna loo magacaabay agaasimaha waaxda dhaqanka iyo arrimaha Bulshada. Sidoo kale isla Digreetadan ayaa waxaa agaasimaha waaxda xiriirka iyo warfaafinta ee wasaaradda arrimaha gudaha loogu magacaabay Abshir Macalin Maxamed, halka isna Xanafi Cabdi Cale loo dhiibay xilka agaasimaha waaxda Hay’adaha aan dowliga aheyn (NGO). Dhanka kale, Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale ayaa isna afhayeen cusub u magacaabay wasaaradiisa, waxaana wareegto kasoo baxday xafiiskiisa loogu magacaabay Cabdi Kaamil Macalin Shukri inuu noqdo afhayeenka Wasaaradda Amniga. Magacabista uu sameeyey Xundubey ayaa waxay soo baxday 24 Bisha May, laba maalin ka hor inta uusan Rooble qaadan go’aanka lagu yareenayo awoodaha Wasaaradaha Xukuumadda, maadaama uu dalka ku jiro waqti kala guur ah oo ay suuragal tahay in wasiir kasta uu ka faa’ideysto. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa u muuqda inuu isticmaalayo awoodda uu ku helay cadaadiska ay xubnaha mucaaraadka iyo qaar ka tirsan maamul Goboleedyada ay saareyn madaxweyne Farmaajo taasoo ugu dambeyn keentay in la siiyo awood uu ku maamulo doorashada iyo midda amniga Soomaaliya. The post Xog: Tallaabo ay qaadeen laba wasiir oo ka dambeysay go’aankii R/W ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
-
“We have decided to remain here until the water dries out. We don’t have food, shelter or safe drinking water. There are lots of mosquitoes here and my children are sick,” says Nurto. She and her children were forced to evacuate their home in recent heavy flooding. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay soo gaaray caasimadda Garoowe, ayaa saaka ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Madaxweyne Deni, ayaa Qardho tababar ugu soo xiraya cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Puntland oo ku sugan Xerada Tababarka Ciidanka ee Xorgoble Qardho. Madaxweynaha ayaa sidoo kale maalmaha soo socda sii joogi doona magaalada Qardho. halkaas oo uu ku soo xiri doono barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha oo ka socda Qardho iyo degmooyin kale. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo tababar u soo xiraya cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay dhowaan galeysaa doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo lagu saleyn doono heshiiska ay Muqdisho ku gaareen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Doorashada Soomaaliya ayaa sidoo kale soo martay heerar kala duwan, iyada oo inta badan uu yimaado is qab-qabsi la xiriira tartanka, kaas oo aan marnaba ka marneyn doorashooyinka dhacaya, oo la filayo inay hareeyaan is-qab-qabsi, sida uu qabo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabelle. Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo la hadlay Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday in dooda ugu badan ay ka timaado soo xulida xildhibaanada labada gole, isaga oo sababta ku sheegay in tartan adag ay wada galayaan musharraxiin la wato iyo kuwa kale oo xil doon ah. Waxa uu xusay in is-qab-qabsiga doorashada uu hadda un bilow yahay, lana filayo in si aad ah la isgu qabto soo xulista xildhibaanada oo dhinacyada saameynta leh uu midba isku dayayo inuu xildhibaano soo saarto. “Is qabqabsi kama marna doorashooyinka si gaar ah Golayaasha Shacabka & Aqalka sare, Dowladda dhankeeda waxa ay wadataa musharax ay dooneyso in loo doorto halka uu la tartamayo shaqsi kale oo kursigaas damacsan balse waxa loo baahan yahay in lagu kala saaro waa wax u qabashada dadka ay metalaan,” ayuu yiri Guddoomiye Barre. Sidoo kale wuxuu farriin adag u diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo sheegay in waajibka koobaad uu iyagu saaran yahay, loogana baahan yahay cadaalad. “Waajibta ugu horreeyo waxa uu saaran yahay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedyada oo gudbinaya liiska magacyada Musharixiinta Senatarada Aqalka sare, ilaa shan ruux waa in uu diyaariyaa kuna soo xushaa saameynta umadda uu ku dhex leeyahay si doorashada aanay u noqon mid labo ruux lagu kala xulanayo,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo ay si rasmi ah todobaadyo soo socdo u bilaaban doonto doorashada guud ee Soomaaliya, waxaana lagu horreyn doon soo xulista xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. The post Doorashada Soomaaliya: Is qab-qabsi hadda iyo kow ah appeared first on Caasimada Online.
-
Ninka Isha la’ ee laf dhuun gashay ku noqday Israa’iil Cod laga duubay dagaalyahannada Xamaas oo digniin culus u dirayay Israa’iil ayaa bishaan la shaaciyay. Xamaas ayaa Israa’iil uga digtay haddii aysan dalabkooda fulinin inay “cawaaqib xumo la kulmi doonan.” Codka la baahiyay ayaa la sheegay inuu lahaa Mohammed Deif, oo ah hogaamiyaha garabka militari ee Xamaas. Deif oo ka mid ahaa xubnaha Xamaas ee ay Israa’iil sida weyn u baadi goobayso ayaa markii ugu horreysay muddo todobo sano ah codkiisa shaaciyay. Ugu yaraan 242 qof ayaa lagu diley Qaza, sida ay sheegtey Qaramada Midoobay, 13 qof ayaa lagu diley ku dhimatay Israa’iil intii lagu jirey dagaalladii socday 10-21-kii May. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 129 ka mid ah dadka lagu diley Qaza ay ahaayeen rayid. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 200 ay ahaayeen dagaalyahano. Hogaamiyaha Xamaas, Yaxya Sinwar, wuxuu sheegay in tirada dagaalyahanada ladilay ay gaarayaan 80. Ugu yaraan laba isku day oo lagu doonayay in lagu dilo Deif ayaa la sameeyay intii uu socday iskahorimaadka, sida uu sarkaal ka tirsan ciidamada Israa’iil u xaqiijiyay BBC. “Waxay haysteen liis ay ku qoran yihiin dad ay rumaysan yihiin inay si gaar ah muhiim ugu yihiin awoodda militariga ee Xamaas,” ayuu falanqeeyaha amniga Bariga Dhexe Matthew Levitt u sheegay BBC. Liiskaas ayaa waxa ugu sareeya Mohammed Deif. ‘Martida’ Marinka Qaza Inta badan waxa laga ogyahay Deif waa warbixinnada ay shaaciyeen warbaahinta Israa’iil iyo Falastiin. Waxay sheegeen in Deif uu ku dhashay xerada Qaxootiga ee Khan Yunis ee ku taala Qaza 1965-kii. Maxamed Diab Ibrahim al-Masri ayaa loo bixiyay markii uu dhashay balse markii dambe wuxuu la magac baxay Deif, oo macnaheedu yahay “marti”.. Wax badan lagama oggo barbaarintiisii iyadoo ay socdaan khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin oo raad aan la iloobi karin ku reebay Bariga Dhexe. Deif wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah xilligii la aasaasay Xamaas, markuu ku biiray kooxda dabayaaqadii 1980-kii. Isagoo u heellan iska caabin hubaysan oo ka dhan ah Israa’iil, Deif wuxuu si dhakhso leh uga dhex muuqday qaybta militariga ee Xamaas, Guutooyinka Izzedine al-Qassam. Intii lagu guda jiray 2000 wuxuu ka badbaaday afar isku day oo ay Israa’iil ku dili rabtay, sida la sheegay uu ka baxsaday isagoo dhaawacyo qaba, qaarkood halis ah. Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in dhaawac soo gaaray uu ishiisa ku waayay. Taliyihii hore ee sirdoonka Israa’iil ayaa shaaciyay halista dhaawacyada Deif kadib duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ku qaaday guriga xubin katirsan Xamaas 2006-dii. Isku daygii shanaad ee lagu bartilmaamsanayay nolosha Deif ayaa yimid intii lagu jiray dagaalkii Xamaas iyo Israa’iil dhexmaray 2014-kii. Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday guri ku yaal xaafadda Sheekh Radwan ee Qaza, halkaas oo ay ku dishay xaaskii Deif, Widad, iyo wiilkooda yar, Cali. Israa’iil waxay sheegtay inay dishay Deif. Wax yar kadib, Xamaas waxay tiri “Deif wali wuu noolyahay wuuna hogaaminayaa howlgalka militari” ee kadhanka ah Israa’iil. ‘Mid gaar ah’ oo leh door muhiim ah Maalin ka hor inta uusan dhammaan khilaafa, sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in Deif uu amrayo hawlgallada milatari ee ka socda Qaza. Waxaa la rumeysan yahay inuu xilka sii hayay tan iyo markii xabad joojinta ay dhaqan gashay. Sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca Israa’iil ayaa BBC u sheegay in dadaalka Israa’iil ay ku baadi goobayso Deif uu socdo, laakiin uusan la wadaagi karin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan howlgalka sirta ah. Maxaad ka taqaanaa Xamaasta dagaalka culus kula jirta Israa’iil? Xamaas waa ururka ugu weyn ee jabhadaha u dagaallama Falastiiniyiinta. Ururka oo la asaasay 1987 ayaa magaciisa waxa laga soo gaabiyay Xarakatul Muqaawamah Al-Islaamiyaha. Waxaa Xamaas ka go’an in ay burburiso Israa’iil. Markii hore waxaa laga lahaa laba ujeedo oo kala ah: Iska caabin hubaysan oo uu fuliyo garabkiisa milateri Izzedine al-Qassam Brigades, iyo horumarinta bulshada. Hase yeeshee kadib markii ay Israa’iil ka soo baxday Gaza sanadkii 2005, Xamaas ayaa qeyb ka noqotay hannaanka siyaasadda Falastiiniyiinta. Waxa uu ururka ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2006, sanad kadibna waxa uu la wareegay gacan ku haysta Gaza kadib markii uu ka eryay dhaq-dhaqaaqa Fatax. Tan iyo markaas, ururka Xamaas ayaa saddex dagaal la galay Israa’iil. Xukuumadda Tel Aviv iyo dowladda Masar ayaa go’doomiyay marinka Gaza si ay ururka Xamaas ugu cadaadiyaan inuu joojiyo weerarrada. Ururka Xamaas, gaar ahaan garabkiisa milateri ayaa waxaa argagixiso u aqoonsan Israa’iil, Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo dalal kale. Qaran News