Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,116
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ka dhacay 29-kii Juunyo, ee laga soo saaray go’aano ay kamid yihiin jadwalka cusub doorasho. War-saxaafadeed wadajir ah oo maanta ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhaweynayaan shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 29kii Juunyo”. Waxay ugu baaqeen dhammaan saamileyda oo ay ku jiraan hay’adaha maamulka doorashada inay u gutaan si karti leh mas’uuliyadahooda iyo balamihii iyadoon dib u dhac lahayn. Beesha Caalamka waxay ku dhiirigalisay hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay si joogta ah u yeeshaan wada-xaajood iyo wada-shaqeyn wax ku ool ah inta lagu guda-jiro geeddi-socodka doorashada si loo xalliyo arrimo walba oo soo baxa. Sidoo kale Beesha Caalamka waxay soo dhaweysay go’aanka kala bar hoos loogu dhimay kharashka isdiiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, waxayna ku boorisay madaxda Soomaaliya in la xaqiijiyo qoondada boqolkiiba 30ka ee haweenka. Ugu dambeyna Beesha Caalamka waxay sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay taageeraan Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo baaq u dirtay Saamileyda siyaasada iyo gudiyada doorashada appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT-Hargeysa)-Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa si aqlabiyad leh ugu guuleystey kursiga baarlamaanka ee Deegaanka Goma 2, ee Gobolka Oromiyaa. Abiy Ahmed ayaa ka helay 76,892 cod 85 goobood oo codbixin ah oo ku yaal deegaankaasi. Raii’sal wasaaraha ayaa waxa la tartamayey Dagim Waarisoo oo ka tirsan xisbiga Enat iyo Kalid Jemal oo ka tirsan EZEMA. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay rag ku eedeysan inay dhac ka geysanayeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, sidoo kalena faahfaahin ka bixiyey wiil yar oo jir-dil uu u geystay Adeerkiis u geeriyooday 3-dii bishan. Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah tuugada moobeellada ka furata dadka shacabka ay ciidamada ammaanku ku soo qabteen ragku eedeysan dhacaas iyo hubkii ay wateen. Afhayeenka ayaa sheegay in seddax ka mid ah ragaas lagu soo qabtay howlgal ka dhacay degmada Kaaraan, xilli ay ku howlanaayeen dhaca dadka shacabka ah ee degmadaas ku nool, waxaana la soo bandhigay hubkii ay ku dhacayeen iyo agabkii ay furteen. Halka laba eedeysane oo kale, lagu soo kala qabtay degmooyinka Yaaqshiid iyo Cabdicasiis, kuwaas oo gacanta lagu dhigay iyagoo ku howlan dhaca shacabka degmooyinkaas, sida uu sheegay afhayeenka booliska Soomaaliya. Dhanka kale afhayeenka ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska Muscab Maxamed Xasan oo ahaa wiil 4-sano jir ah oo 3-dii bishaan u geeriyooday jir-dil uu u geystay Adeerkiis hooyadii qabay oo lagu magacaabo Xasankaafi Cabdi Jaamac. Afhayeenka ayaa sheegay in baaritaan weli socda ay ku ogaadeen in Muscab uu Adeerkii u geystay jir-dil xoog leh, kaas oo sababay inuu Naqasku ku dhego, isla markaana uu geeriyoodo. “Baritanka kiiska wiilkaas oo meel gabagabo ah mareya waxaan ku ogaanay inuu u dhintay naqaska oo ku dhegay, maadaama uu wiilkaas Adeeerkiis u geystay jir-dil xoog leh oo fiilo uu ku garaacay, baaritaanku markii uu soo dhamaado wixii kasoo baxa waan idinla wadaagi doonaa,” ayuu yiri Sadiiq Aadan Cali. Hoos Ka Daawo The post Daawo: Taliska booliska oo soo bandhigay xogta rag lagu qabtay Muqdisho iyo wiil u dhintay jir-dil appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxa lagu soo dhaweeyay Shirkii ay dhawaan yeeshen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ee looga arrinsanayey hanaanka doorashada iyo dar-dar gelinta heshiiskii hore loogu gaaray magaalada Muqdisho. Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa waxay dhinacyada ugu baaqeen inay uga soo baxaan heshiiskii si aan dib u dhac laheyn, si hore loogu sii socdo, islamarkaana ay dalka uga qabsoomto doorasho wada-ogol ah oo ku mudeysan xiligii lagu heshiiyey. “Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay soo dhaweynayaan shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 29-kii June, waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada doodihii wax ku oolka ahaa ee ay yeesheen . Jawigii tognaa ee shirka oo ay qeyb ka tahay xiriirka lala sameeyey saamileyda sida Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa aasaas u ah sii socod ka horumarka xagga doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxaa hoosta ka xariiqeyna in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiim ah ka gaareen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda ka taageerta Farsamada Doorashada iyo ballaarinta lagu sameeyey si loogu daro Wakiillada Dowlad-Gobolleedyada. Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka kala bar hoos loogu dhimay kharashka isdiiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, waxaana rajeyneynaa in la qaado tallaabooyin kale si loo xaqiijiyo qoondada boqolkiiba 30ka ee haweenka lagu hashiiyey.” Sidoo kale waxay saaxiibada beesha caalamka usoo jeediyeen madaxda iyo hay’addaha ku shaqada leh arrimaha doorashada inay si joogto ah u yeeshan wada-xaajood iyo wada-shaqeyn wax ku ool ah, si loo xaliyo caqabad kasta oo lasoo gudboonata hanaanka doorashada. “Waxaa ku qanacsanahay in hanaan doorosho deg-deg ah, nabdoon oo hufan uu Soomaliya ka caawin doono ku-laabashada dhabbaha xasilloonida iyo barwaaqada. Saaxiibada caalamiga ah waxa ay diyaar u yihiin in ay taageeraan Somaaliya.” Qoraalkan waxaa si wadajir ah u soosaaray dowladaha iyo ururrada kala ah; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha Caalamka oo war ka soo saartay shirkii Muqdisho iyo jadwalka doorashada appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu ku booqday Gurigiisa oday Muuse Xirsi Abokor (Muuse Dalab) oo ka mid ah Odayaasha waaweyn ee dalka. Lama sheegin ujeeddada ay daaranayd booqashadan, balse booqashada ayaa la tilmaamay in ay ahayd booqasho sharaf uu madaxweynuhu ugu tegay Guriga Oday Muuse Dalab. Sawir uu bartiisa Facebooka uu baahiyey Weriyaha Caanka ah ee Axmed Siciid Cige, ayaa waxa isaguna ka dhex muuqday Maxamuud Qaalib, oo ah Ganacsade iyo Odayaasha Hargeysa. Labadan Oday oo ay Madaxweynaha isku deegaan ka soo jeedaan, ayaanay isku wanaagsanayn muddooyinkii u dambeeyey, ka dib markii oo soo kala dhex galay isfaham waa la xidhiidhay hawlihii doorashadii iyo xulistii Xildhibaanadii Golaha Wakiillada, markaas oo laba murrashax oo ay kala wateen labadan ganacsade laga diiday dhinaca Kulmiye. Tallaabadan uu qaaday Madaxweynuhu ayaa u muuqata mid ay isku laab xaadhanayeen Odayasha ay kala fogeysay Doorashadii dhawaan dalka ka dhacday. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa fur furnaan dheeraad ah oo aan hore looga baran muujinayey tan iyo intii ka dambaysay doorashadii Isku sidkanayd ee dalka ka dhacday, taas oo Xisbigiisu ka helay 30 ka mid ah 82 Kursi ee Golaha wakiillada, halka 7 Degmo oo Darajada ‘A’ loo yaqaano shan ka mid ah Maayiradooda Mucaaradku kaga guuleystay. Madaxweyne Muuse Biixi oo muddo xileedkiisa ay ka hadhsan tahay sannad iyo billo, ayaa la filayaa inuu ka shaqeeyo toddobaadyada soo socda sidii uu u kasban lahaa dad iyo deegaanno badan oo ay ku kala irdhoobeen doorashadii dhawayd. Tallaabooyinka u horreeya ee la filayo inuu qaado-na waxa ka mid ah isku shaandheyn sal balaadha ah oo uu ku sameeyo Xukuumaddiisa. Source
  6. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed declared Monday his government could easily recruit one million new fighters but wants to foster a period of “silence” in the country’s war-hit Tigray region. The 2019 Nobel Peace Prize winner’s remarks came one week after Tigray’s capital Mekele fell to the Tigray Defence Forces (TDF) rebel group and Abiy’s government declared a unilateral ceasefire in the eight-month-old conflict. The TDF has described its seizure of Mekele and most of the rest of the northern region of Tigray as a major victory, while Abiy and other officials have countered that federal forces executed a strategic pullback to focus on other threats. “In one, two or three weeks, 100,000 trained, armed and organised special forces can be mobilised,” Abiy told lawmakers. “If said special force isn’t enough, if a militia is needed, in one or two months half a million militiamen can be organised. One million youths can be mobilised and trained.” But Abiy also said officials had “decided there should be a period of silence for everyone to think”. Tigrayan leaders on Sunday issued their first formal response to Abiy’s ceasefire call, saying they would only accept it if forces from Eritrea and Ethiopia’s Amhara region — who have been backing the Ethiopian army — also withdrew from the region. – Brink of famine – They also called for “proceedings” to hold Abiy and Eritrean President Isaias Afwerki accountable for “damage” inflicted during the fighting, which has been marked by grisly massacres and widespread sexual violence. Abiy did not address those conditions Monday. Thousands of people have been killed in the conflict and many hundreds of thousands face hunger in Tigray, an important economic and industrial region in the Horn of Africa nation. According to the United Nations, over 400,000 people have already “crossed the threshold into famine” in Tigray and 1.8 million people are on the brink. Electricity and communications have been cut, flights suspended and two bridges crucial for aid deliveries have been destroyed. Last week the TDF paraded what it said were thousands of captive Ethiopian soldiers through the streets of Mekele. In his remarks Monday, however, Abiy said the TDF seized territory only because the army decided to leave, a process he said unfolded for more than a month. He also offered lavish praise for the army. “Our defence forces are not paid enough. They climb up and down mountains. In the rain, in the sun, they fight for the dignity of the country,” Abiy said. – Embassy and driver cuts – Officials have in recent days highlighted the cost of the war in Tigray as a reason for why federal forces withdrew. Ethiopia’s economy, which relies heavily on tourism and agriculture, has been hit hard by the coronavirus pandemic and the worst locust infestation in decades, with the war in Tigray adding an extra strain on state finances. On Monday Abiy repeated his claim that the government had spent more than $2 billion on infrastructure and other projects in the region to help it recover. He also proposed several eyebrow-raising budgetary measures including closing some 30 embassies. “Ethiopia shouldn’t have 60 or so embassies and consulates in the present moment. Instead of throwing US dollars everywhere… at least 30 of the embassies should be closed and the ambassadors instead should be here,” he said. He said the Ethiopian ambassador to Kenya, for example, could be based in Addis Ababa and travel to Kenya to meet with officials while reading about Kenya in newspapers. “What we want is a person who gets wet in the mud and runs while reforming the country,” he said. The post Ethiopia’s Abiy boasts of military might despite rebel gains appeared first on Caasimada Online.
  7. Brigadier General Odowa Yusuf Raghe, the commander of the Somali National Army (SNA), stated on Sunday that a senior al-Shabaab operative was killed in a military operation. Source: Hiiraan Online
  8. The recent execution of twenty-one Al-Shabaab terrorists and affiliates in Galkayo was a step forward in the fight against terrorism in Somalia. Defeating Al-Shabaab militarily alone, though, is not enough, we must defeat their poisonous and un-Islamic ideology too. I am confident that we are capable of beating them in an open war anywhere and anytime. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan looga hadlay horumarrada laga sameeyay arrimaha doorashooyinka dalka iyo heshiiskii madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka ku gaareen magaaladda Muqdisho. Rooble ayaa beesha caalamka hordhigay codsi ah inay bixiyaan dhaqaalaha doorashada qeybta Beesha Caalamka laga sugayo si doorashada loogu qabto waqtigii lagu heshiiyey. Sidoo kale, Rooble ayaa beesha Caalamka ka codsaday inay kala qeyb qaadato sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay oo ay u siman yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda. Kulanka ayaa la isku afgartay in beesha caalamka ay qaadato doorkooda ku aadan taageerada dhaqaale iyo farsamo ee looga baahanyahay, si loo gudo galo qabashada doorashooyinka dalka Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ah ayaa shalay doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen guddiga , waxaana si habsame leh u socdo howlaha la xiriiro doorashooyinka. Heshiiskii 29 June ku dhax maray Muqdisho Ra’isulwasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynimo Soomaaliya ay dhici doonto 10 October 2021. The post Sawirro: Beesha caalamka oo aqbashay codsi uu R/W Rooble hordhigay maanta appeared first on Caasimada Online.
  10. Ninkii uggu taajirsanaa adduunka oo iskacasiley shaqadiisa Bezos Jeff Bezo ayaa iska casiley hoggaamintii shirkadda Amazon, isagoo in muda ah soo maamulayey shirkaddan.. Milkiilaha shirkadda ayaa noqdey qofka dunida uggu lacagta badan, iyadoo dhawaan ay kala tageen xaaskiisa, taasoo dhaqaale badan uu dhaxal ahaan u siiyey. Intii lagu guda jirey cudurka safmarka ee Covid19, ayaa waxey shirkadani heshay dhaqaale aad u fara badan, maadaama si balaaran loo isticmaaley adeegga shirkadan. Shirkadda wax ku kala iibisa on-line-ka ee Amazon, ayaa markii danbe noqotey mid kamid ah shirkadda uggu shaqo wanaagsan dunida. Jeff Bezos, ayaa ah qofka dunida uggu taajiran waqti xaadirkan. Qaran News
  11. Abiy Ahmed oo shaaciyey in safaaradaha Itoobiya ku leedahay Dalalka Caalamka Badhkood la xidhi doono+Sababta Abiy Ahmed Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay in go’aankii uu kala soo baxey ciidamada dhanka iyo Tigray, uu ahaa mid sax ah oo loo aynayo. Wuxuu kahadlayey ra’iisal wasaaraha, kalfadhiga afraad ee gaarka ah ee Golaha Wakiilada ee dalka Itoobiya Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in safaaraddo badan loo baahneyn, taasoo galineysa dalka qarashaad dheeraad ah. Dowladda la dhisi doono sanadka danbe ee bisha September, ayaa xiri doonta in ka badan soddon safaaradood, ayuu ku yiri khudbad uu maanta ka jeediyey baarlamaanka Itoobiya. Shirka maanta ayaa bilawdey, ka gadaal markii xubnaha baarlamaanka ay u sacabatumeen muddo gaaraysa illaa iyo daqiiqad, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan ciidamada Itoobiya. Ra’iisal wasaaraha ayaa ka jawaabey su’aalo la xiriira xaaladaha haatan taagan iyo dhaqaalaha. Su’aal ku saabsaneyd biyo xireenka, ayuu tilmaamey Abiy Ahmed iney ugga dan leeyihiin geedi dalkiisa uu uggu jiro dhanka iyo horumarka. Wuxuu carabka ku adkeeyey in dalalka kale ay tahay iney fahmaan qorshaha horumarka ee dalkiisa, taasoo aan caqabad ku aheyn biyaha dalalka kale ee Sudan iyo Masar. Abiy oo sheegay inuu qoran karo hal milyan oo dagaal-yahano Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay si fudud ku qoran karto hal milyan oo dagaal-yahano balse ay dooneyso inay dhiiri-geliso muddo “aamusnaan ah” oo ka hirgasha gobolka dagaalladi ay halakeeyen ee Tigray. Hadallada Abiy ayaa yimid toddobaad kadib markii magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray ay u gacan gashay jabhadda Tigray ee TDF xilli dowladdiisa ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah. TDF ayaa qabsashada Mekelle ku qeexday guul militari oo weyn, hase yeeshee Abiy iyo saraakiishiisa ayaa ku qeexay ka bixitaanka magaalada “xeelad”. “Hal, laba ama saddex toddobaad gudahood, 100,000 oo ciidamo gaar ah, tababaran, islamarkaana abaabulan ayaa la isku keeni karaa,” ayuu Abiy u sheegay xildhibaanada baarlamanka. “Haddii la yiraahdo ciidamada gaarka ah kuma filna, haddii maleeshiyo loo baahdo, bil ama laba bil gudahood waxaa lagu abaabuli karaa hal milyan oo maleeshiyo.” Hase yeeshee Abiy ayaa sheegay in saraakiisha “ay go’aansadeen in la helo muddo aamusnaan ah, si qof walba u fakaro.” Saraakiisha Tigray-ga ayaa Axaddii jawaab rasmi ah ka bixiyey baaqa xabad-joojin ee Abiy, waxayna sheegeen inay aqbali doonaan kaliya haddii ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ay ka baxaan gobolka. Waxay sidoo kale ku baaqeen hanaan lagula xisaabtamayo Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki “waxyeeladii” ay geysteen intii uu dagaalka socday. Abiy kama jawaabin shuruudahaas maanta. Waxa uu sheegay in TDF ay dhul ku qabsadeen kaliya sabab ah in ciidamada dowladda ay go’aansadeen inay ka baxaan, taasi oo uu sheegay inay socotay muddo bil ah. Waxa uu sidoo kale ammaan buuxda u jeediyey ciidamada. “Ciidamadeena difaaca ma qaataan mushahar ku filan. Waxay kor u koraan oo ay kasoo degaan buuro. Roob iyo qorax ay ugu dagaalamaan sharafta dalkooda.” Qaran News
  12. Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb? ama (GIIB). Q.2aad By Cabdiraxmaan Fadli WA Australia Markalena wuxuu qayb ka noqdey duullaank Erigo markalena wuxuu ka qayb-qaatey dagaalkii Daratoole ee daraashta lagu qaadey. Intii u shaqada ciidamada ku jirey waxaa lagu abaal-mariyey tiro billado ah oo ay ugu waaweynaayeen kuwa magaciisa lagu lifaaqey sida DSO iyo DCM . Billadahan waxaa uu muteystey muddadii u dhaxaysay 1901 ilaa 1920 oo uu ku foogganaa dagaaladii daraawiishta iyo shaqooyinkii shacbigii maxmiyadda hoos imaanayey ee maammulka siiba togdheer iyo burco. Taariikhda Giib waxaa ka mid ah inuu lasoo shaqeeyey ciidankii loo yaqaanney (king’s African Rifles) ama KAR qaybtooda Somaliland ee loo yaqaanney 6 KAR Somaliland. Marka lasoo gaadhey ,March 1914 ayaa maammulkii ingiriisku go-aansadey in la sameeyo ciidamadii loo yaqaanney Camel Corps-ka waxaana madax looga dhigey Richard Corfield, haddaba markan ayaa GIIB laga dhigay ku xigeenka Corfield oo isagu sababsan doona gacanta daraawiishta. Dagaalada daraawiishta ee uu ka qayb qaatey waxaa ka mid ahaa dagaalkii ERIGO 1902, markale dagaalkii Daratoole sannadkii 1903 iyo dagaalkii Jidbaale 1904 oo ay u qoran tahay in lagu ammaaney doorkii uu ka qaatey. Dhammaan arrimahani waxay muujinayaan inuu daraawiishta dagaalkooda ku falnaa, waxaa kaloo taariikhdu xuseysaa markii Wadaadkii daraawiishta loo dhammeynayey inuu maamulka sare ee ciidamadii TALEEX qabsadey uu ka mid ahaa. Waxaa taariikdu xuseysaa in waqtiyadii uu joogay Somaliland uu qayb ka mid ah ahaa (district commissioner of Burao) ama masuulka magaaladaas iyo deegaanada ku xeeran wax laga weyddiiyo. 2. Maxaa Giib iyo shacbigii togdheer siiba beesha dishey isku qabteen, sideese loo dilay? Markeynu arrimaha sidan uga hadleynno ee magacyada qabaa-ilka afka ku dhufaneynno uma jeedno in aynu cid buun-buunnino xaasha, ilaahay ayaanu ka magan-galley in arrimahan caadifad qabiil nagu ijbaarto. Laakiin waa xaqiiq biyo kama dhibcaan ah oo taariikhaha afka la isugu gudbiyo ee (Odey kasoo gaadh) ah iyo weliba buugaagtii ay qoreen dadkii arrinta waqtigeeda joogey sida qorayaashii reer yurub iyo xataa kuwii carbeed oo somalida iyo qabaailkeeda iyo dhaqankooda aad wax uga qorey oo xataa ilaa maanta laga helayo LIBRAR-yada caalamka in badan oo ka mid ah. Captain,Allan Gibb oo loo aqoon ogyahay GIIB markii dawladda ingiriisku meel ku hubsatey dagaalkii ay kula jirtey wadaadkii Ina Cabdille Xasan iyo Daraawiishtiisii ayaa mar kale loo magacaabay shaqadiisii hore ee uu maxmiyadda ugu qaabbilsanaa taasoo ahayd inuu ka shaqeeyo arrimaha shacabka ama (Civil Duties). Haddaba horraantii 1920 waxaa la siiyey waajibaad ah inuu dadka shacabka ka qaado cashuur si loogu hor mariyo arrimaha bulshada sida iskuullada iyo caafimaadka iwm ( Waa sida ku qoran qoraallada laga soo turjumay maqaalkan). Cashuurtan boqortooyadii ingiriiska iyo waalligeedii Burco kusoo rogay dadkii waa la bilaabey laakiin may ku farxin dadkii maxmiyadda ingiriiska hoos joogey weliba reer Burco. Waayo wax fikrad ah kamay haysan in xoolahooda iyo hantidooda takhsiir la saaro oo dad kale qaataan. Maanta qof kasta oo nool qarniga 21aad wuu fahmayaa in cashuurtu ay tahay wax faa,iido u leh shacabka oo dantooda lagaga shaqeeyo laakiin dadkii waqtigaa noolaa ee reer burco wey ku adkaatey arrintaasi iney fahmaan. La soco qaybta 3aad ………………. QAYBTII KOOWAAD HALKAN GUJI SI AAD U AKHRISATID Qaran News
  13. Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La yeeshay Guddoomiyaha Baanka Dhexe S/land & Ururka Sariflayaasha Wadajir Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta war-bixin ku saabsan Xaallada Sarifka suuqa ee Shillinka Somaliland si wada-jir ah uga dhagaystay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Sariflayaasha Wada-jir Barkhad Axmed Coofiye, Guddoomiye Ku-xigeenkiisa Abokor Cabdi Cawaale iyo Xog-haye Maxamed Cali Yuusuf. Waxaanay madaxweynaha faahfaahin ka siiyeen labada dhinac xaaladda sarifku mudooyinkii u danbeeyey uu ka marayey suuqyada dalka, iyagoo xusay in uu haatan degan yahay, wakhti caalamka ay ka jiraan duruufo dhaqaale oo adag, kaas oo uu sababay Covid 19 ku, isla markaana Somaliland qabatay doorashooyin uu dhaqaale badani ku baxay, hadana aanay saamayn ku yeelan qiimaha shillinka Somaliland oo halkii si fadhiya. Sidoo kale waxa ay xuseen in dedaalkaasi uu ku yimi iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Baanka Dhexe, ururka Sariflayaasha wada-jir iyo Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil oo iyaguna door muhiima ku leh arrimahaas. Ugu danbayntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu labada dhinac uga mahad-celiyey hawsha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan, waxaanu kula dardaarmay madaxweynuhu inay marwalba tixgeliyeen duruufaha ku gadaaman bulshada qaybeheeda kala duwan. <img class="j1lvzwm4" src="data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> <img class="j1lvzwm4" src="data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> 150Drs Hibo Bilan, Bixi Askar and 148 others 14 Comments 29 Shares Like Comment Share Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ayaga oo cod gacan taag ah ku doortay Gudoomiyeyaal iyo ku-xigeenada Guddiyada. Xubnaha Guddiga ayaa Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed u doortay Yuusuf C/qaadir Maxamed Baffo oo asagu helay codad gaaraya 10-cod, halka Maxamed Isxaaq oo la tartamayey uu helay 1-cod oo keliya. Sidoo kale waxaa Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga loo doortay Nuuradiin Ibraahim Aadan oo asagu helay codad gaaraya 9-cod, halka uu C/llaahi Cabdi Mudalib oo kursigaas u tartamayey uu helay 2-cod. Doorashada uu maanta qabtay guddiga ayaa hogaan cusub oo rasmi ah u yeelaysa Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed, waxaana dhawaan la filayaa in guddiyada maamulada ay iskugu imaadan kulamo ay ku dooranayaan guddoonkoda. Sidoo kale, magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshsy Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug, iyaga oo maanta doortay Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa. Xilka Guddoomiyaha iyo ku xigeenka ayaa waxaa isu-soo taagay musharixiinta kala ahaa: 1- Maxamed Daahir Guuleed, guddoomiye, 2- Saacid Aadan Jaamac. Ku xigeen. Madasha Doorashada xubnaha soo xaadiray ayaa gaarayay 11 xubnood, waxaana Maxamed Daahir Guuleed ay u doorteen Guddoomiye, isaga oo helay 11 cod Mana jirin qof la tartamay. Sidoo kale Xubnaha Guddiga ayaa Saacid Aadan Jaamac waxaa ay u doorteen Guddoomiye Ku xigeen, isaga oo helay 11 cod, mana jirin qof la tartamay. Maamulada Puntland, Hir-Shabeelle, Jubbaland, kuwa Banaadiriga iyo Gobolada Waqooyi oo loo yaqaan hadda Somaliland ayaa ayagu maalmaha socda lagu wadaa inay doortaan guddoomiyeyaal iyo ku-xigeenadooda. The post Sawirro: Guddoonka guddiyo kale oo doorasho oo maanta lagu doortay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  15. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta oo Isniin ah kulan gaar ah la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho. Ra’iisul wasaaraha waxa Kulanka ku weheliyay qaar kamid ah wasiirada xukuumaddiisa, xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka, xubno ka socday dowlad goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin kale. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac loo ga hadlay horumarka laga sameeyay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Xafiiska Rooble ayaa sheegay in sidoo kale kulanka looga hadlay amniga doorashooyinka iyo taageerada Beesha Caalamka ee ku aaddan dhaqaalaha iyo farsamada doorashooyinka dalka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
  16. Waxaa goordhaw la doortay guddoonka guddiga doorashada Galmudug iyo ku-xigeenkiisa. Maxamed Dahir Guled ayaa loo doortay Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee ku matalaya Galmudug, Halka Ku-xigeenkiisa loo doortay Saacid Aadan Jaamac oo isna helay 11 cod. Mohamed Qasim oo guddiga Galmudug ka mid ah ayaa isna loo doortay Xoghayaha Guddiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Beledweyne (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee maamulka HirShabelle Maxamed Cali Caadle ayaa ka hadlay shakiga laga muujinayo in magaalada Beledweyne ay ka dhici karto doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya. Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan ciidamo diidan maamulka HirShabelle oo uu hoggaaminayo Jeneral Xuud, kaasi oo wacad ku maray inuu dagaal kaga hortagi doono in magaalada lagu qabto doorasho federaal. Wasiirka oo wareysi siiyey idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in ay jirto duruuf baajin karta in magaalada Baladweyne lagu qabto qaar kamid ah Doorashada kuraasta Golaha Shacabka. Wasiir Caadle ayaa sheegay in Maamulka HirShabele ay ka go’an tahay in magaalada Beledweyne lagu qabto doorashada kuraasta aqalka hoose ee magaaladaas taas, wuxuuna sheegay inay fuliyaan heshiiskii 27-ka May ay magaalada Muqdisho ku saxiixdeyn Ra’iisu Wasaare Rooble, madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. “Baladweyne Doorasho way ka dhici kartaa weyna ka dhaceysaa waana loogu talagalay, Shacabku way rabaan oo heshiiska ayay ku qoran tahay, ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale ayaa joogta,” ayuu yiri Wasiir Caadle. Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe iyo kan Jubaland Axmed Madoobe ayaa horey isugu dayey in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo, si aysan doorasho ugu qaban Beledweyne iyo Garbahaarey, hase yeeshee qorshahaas ayaa socon waayey. Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo ay ku dagaalameen Ciidamada HirShabelle iyo maleeshiyaad uu wato Jeneral Abuukar Xuud waxaa ka taagan Xiisad u dhaxeysa labada dhinac. Beesha Xawaadle ayaa horay u qaadacay doorashadii ay kusoo baxeyn madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaana tan iyo doorashadii kadib shacabka Hiiraan ay soo bandhigayeen banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan HirShabelle. Sidoo kale khilaafka ka dhashay awooda qeybsiga maamulka HirShabelle ayaa abuuray dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan oo lagu magacaabo Golaha Kacdoonka Hiiraan kuwaasoo, si cad ula dagaalamay HirShabelle iyagoo diiday in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne laguna Caleema Saaro. Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay madaxweynaha maamulka HirShabeelle, taasi oo sheegtay inay qeyb ka aheyd heshiiska lagu dhisay maamulkaas, halka beelaha kalane ay sheegaan in taasi ay aheyd muddo xileedkii koowaad oo kaliya, oo beeshan aysan xaqu u laheyn xilka madaxweynaha abid. The post HirShabelle oo go’aan kasoo saartay haddii Beledweyne lagu qabanayo doorasho appeared first on Caasimada Online.
  18. Singapore flagged vessel MV NYK Clara docked at the port of Mombasa on June 25, 2021 on its way to Dar es Salaam after it made its maiden call. In this financial year, Kenya and Tanzania have put modernisation of ports at the top of the list of priority investments. PHOTO | FILE | NMG A quiet, yet vicious battle for the shipping business is under way in Eastern Africa with Tanzania, Kenya, Djibouti and Somalia as the protagonists. Tanzania, home to the most ambitious port project in the region — the $10 billion Bagamoyo Port — has announced plans to revive it construction, potentially turning the tables on its competitors. The project features a special economic zone and industrial park that are billed to attract at least 700 business units and dominate the freight business along Africa’s Indian Ocean coastline, eclipsing Kenya’s equally ambitious Lamu port project. At a meeting with the Tanzania National Business Council in Dar es Salaam recently, President Samia Suluhu disclosed that her government had revived discussions with the Chinese government with the aim of resuming negotiations over funding for the project. The negotiations were torpedoed by President John Magufuli in May 2019 over what he described as unfair investment conditions proposed by Beijing. The project was mooted by Magufuli’s predecessor Jakaya Kikwete and as one of his key legacy projects. Now hope is rife in Tanzania that the project will soon come to fruition. But in the Horn, DP World, a United Arab Emirates ports operator, opened its upgraded container terminal at Berbera, the main seaport in the semi-independent Somalia state of Somaliland, putting Berbera in a head-to-head rivalry with the Port of Djibouti’s Doraleh Container Terminal for business from the Ethiopian market. Coming at a time Kenya’s Lapsset anchor project, the Lamu Port, is still finding a footing as a transhipment hub, Nairobi is already rattled and is moving to shore up its business against the upcoming onslaught. Such is the importance Nairobi and Dodoma have attached to this sector that in the current financial year they have put modernisation of ports at the top of the list of priority investments with increased budgets meant to enhance efficiency and increase throughput. The East Africa Qaran News
  19. Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo dalka ay xulufada yihiin ee Imaaraadka Carabta ayaa is-weydaarsaday hadallo kulul oo naadir ah oo ku saabsan heshiis la xiriira soo-saarka shidaalka ee dalalka ku bahoobay ururka OPEC+. Imaaraadka Carabta ayaa aad uga soo horjeestay heshiis ay soo jeediyey dalalka soo saara shidaalka ee ku jira OPEC+, kaasi oo sare loogu qaadayo wax soo-saarka. Khilaafka labadan dal ee Carbeed ayaa sababay is-mari waa helis gelin kara isku day lagu xakameynayo qiimaha shidaalka caalamka ee sare usii kacaya, xilli caalamku kasoo koobanayo COVID-19, ayna jirto baahi badan oo loo qabo shidaalka. “Waxaa iska soo horjeeda koox dhan iyo hal dal, taasi oo ah arrin murugo leh xaqiiqdii,” waxaa sidaas Taleefishinka Bloomberg u sheegay Wasiirka Tamarta Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Salman, isaga oo soo jeediyey in Imaaraadka Carabta ay kali ku noqdeen OPEC+ oo ay xubno ka yihiin 23 dal. Wareysi kale oo uu siiyey taleefishinka Al-Arabiya, Amiir Abdulaziz ayaa ugu baaqay Imaaraadka Carabta “inay xikmad iyo tanaasul” sameeyaan kahor kulanka OPEC+ ee maanta. OPEC+ ayaa soo jeedisay in soo-saarka shidaalka sare loo qaado 400,000 oo barmiil maalinkiiba, laga billaabo August illaa December, taasi oo laba milyan oo barmiil ku dareysa suuqyada caalamka kahor dhammaadka sanadka. Si kastaba, Imaaraadka Carabta ayaa doonaya kaliye sare u qaadis kooban oo ku eg kaliya bisha August, waxayna dalbadeen heshiis ka wanaagsan midka lasoo bandhigay. “Imaaraadka Carabta waxay dalbaneysaa caddaalad la xiriirta heshiiska cusub, iyo xuquuqda madax-banaani ee aan u leenahay inaan dalbano waxa ay helayaan dalalka kale,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Tamarta Imaaraadka Suhail Mohamed Al-Mazrouei. Hadallada kulul ay is-weydaarsadeen Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa naadir ka ah Bariga Dhexe, oo ah gobol khilaafyada si hoose looga xaliyo daaha gadaashiisa. Haddii aanay OPEC heshiis ku gaarin kulanka manata dhacaya, waxaa sare u kici doona qiimaha shidaalka caalamka. AFP + VOA The post Sacuudiga iyo Imaaraadka oo hadallo kulul is-weydaarsaday appeared first on Caasimada Online.
  20. Sacuudiga iyo Imaaraadka oo hadallo kulul is-weydaarsaday Abdulaziz bin Salman Sacuudi Carabiya iyo dalka ay xulufada yihiin ee Imaaraadka Carabta ayaa is-weydaarsaday hadallo kulul oo naadir ah oo ku saabsan heshiis la xiriira soo-saarka shidaalka ee dalalka ku bahoobay ururka OPEC+. Imaaraadka Carabta ayaa aad uga soo horjeestay heshiis ay soo jeediyey dalalka soo saara shidaalka ee ku jira OPEC+, kaasi oo sare loogu qaadayo wax soo-saarka. Khilaafka labadan dal ee Carbeed ayaa sababay is-mari waa helis gelin kara isku day lagu xakameynayo qiimaha shidaalka caalamka ee sare usii kacaya, xilli caalamku kasoo koobanayo COVID-19, ayna jirto baahi badan oo loo qabo shidaalka. “Waxaa iska soo horjeeda koox dhan iyo hal dal, taasi oo ah arrin murugo leh xaqiiqdii,” waxaa sidaas Taleefishinka Bloomberg u sheegay Wasiirka Tamarta Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Salman, isaga oo soo jeediyey in Imaaraadka Carabta ay kali ku noqdeen OPEC+ oo ay xubno ka yihiin 23 dal. Wareysi kale oo uu siiyey taleefishinka Al-Arabiya, Amiir Abdulaziz ayaa ugu baaqay Imaaraadka Carabta “inay xikmad iyo tanaasul” sameeyaan kahor kulanka OPEC+ ee maanta. OPEC+ ayaa soo jeedisay in soo-saarka shidaalka sare loo qaado 400,000 oo barmiil maalinkiiba, laga billaabo August illaa December, taasi oo laba milyan oo barmiil ku dareysa suuqyada caalamka kahor dhammaadka sanadka. Si kastaba, Imaaraadka Carabta ayaa doonaya kaliye sare u qaadis kooban oo ku eg kaliya bisha August, waxayna dalbadeen heshiis ka wanaagsan midka lasoo bandhigay. “Imaaraadka Carabta waxay dalbaneysaa caddaalad la xiriirta heshiiska cusub, iyo xuquuqda madax-banaani ee aan u leenahay inaan dalbano waxa ay helayaan dalalka kale,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Tamarta Imaaraadka Suhail Mohamed Al-Mazrouei. Hadallada kulul ay is-weydaarsadeen Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa naadir ka ah Bariga Dhexe, oo ah gobol khilaafyada si hoose looga xaliyo daaha gadaashiisa. Haddii aanay OPEC heshiis ku gaarin kulanka manata dhacaya, waxaa sare u kici doona qiimaha shidaalka caalamka. Qaran News