Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo wareysi gaar ah siiyey telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka & jadwalkii ugu dambeeyey ee ay soo saareen golaha wada-tashiga qaran. Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore soo dhoweeyey soo saarista jadwalka cusub ee doorashooyinka, wuxuuna tilmaamay inuu muhiim yahay in la dhaqan-geliyo, si looga faa’iideysto waqtiga yar ee la heysto. Sidoo kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, haatana aha Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa digniin culus u diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo uga digay inay sameeyaan musuq-maasuq iyo boob la xiriira doorashada xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya. Senatorka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in la sameeyo dad korjoogto oo dusha sare kala socda doorashooyinka ka dhacaya dowlad goboleedyada. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay, haddii aan la dheeraanin musuq-maasuq iyo wax is-daba marin inay dhaawac xoogan u geysan karto doorashooyinka ka dhacay gudaha Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan heshiis laga gaaray doorashooyinka dalka, isla-markaana lasoo saaray jadwal rasmi ah oo lagu jiheynayo qabsoomida doorashooyinka. The post Cumar Cabdirashiid oo soo saaray digniin la xiriirta doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  2. Guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland ayaa maanta oo Talaado ah shaaciyay in dib loo dhigay doorashada tijaabada ah ee laga qabanayo degmooyinka Qardho Eyl iyo Ufayn. Guddoomiyaha guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC Guuleed Saalax Barre oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in doorashadaas la qaban doono 25-ka October 2021 oo ku beegan maalin Isniin ah. Guddoomiyaha ayaa sheegay in sababta dib loogu dhigay doorashada saddexdaas degmo ay tahay si loo kala duwo jadwalka doorashada Soomaaliya oo qorshaysan 10-ka October 2021 iyadoo sidoo kale la tixgeliyay xaaladda dadka Reer guuraaga ah ee isu diiwaan-geliyay doorashada sadexda degmo. Doorashada tijaabada ah ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn ayaa hore loo qorsheeyay in ay dhacdo bartamaha sannadkan 2021 gaar ahaanna bishan July. PUNTLAND POST The post Puntland oo dib u dhigtay doorasho laga qaban lahaa saddex degmo appeared first on Puntland Post.
  3. Garowe (PP News Desk) – Puntland State government yesterday raised objections to hydrocarbon licensing by the Somali Petroleum Authority. SPA has extended submission dates for license applications from foreign companies. Puntland Ministry of Energy, Minerals and Water cited the transitional period that Somalia is going through ahead of presidential elections in October 2021 as the reason for its call to delay any hydrocarbon licensing activities by the Federal Government of Somalia. Contradictory messages: Puntland State President Said Abdullahi Deni. Puntland government questions the legality of licensing duties of SPA, an agency Puntland State does not recognise. A petroleum law expert has told Puntland Post that “contradictions mar Puntland stance on SPA. Puntland gives the impression that only a succeeding government could issue petroleum licenses while in the same breath it argued SPA does not have either a representative or legal status in Puntland State.” The Petroleum Law passed by the Somali Federal Parliament empowers SPA to issue hydrocarbon licenses through a transparent bidding process. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Rejects Hydrocarbon Licensing by Somali Federal Government appeared first on Puntland Post.
  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howl-gallo ballaaran oo ay si wadajir ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa daraawiishta maamulkaasi ay uga sameeyeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay la wareegeen deegaanada Bacaadweyn, Qaycad, Sabeena gawrac oo dhaca koonfurta gobolkaasi. Sidoo kale wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday inay deegaanadaasi isaga baxeen xoogagii Al-Shabaab ee horey ugu sugnaa halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay “Ciidamada qaranka iyo kuwa amniga Galmudug oo hawlgal qorshaysan qaaday saakay ayaa gacanta ku dhigay magaalada Bacaadweyn, tuulada Qaycad, Sabeena gawrac iyo deegaano kale. Alshabaab ayaa isaga baxay deegaanadii ay ku sugnaayeen, waxaana si buuxda gacanta ugu dhigay ciidamada” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda amniga. Galmudug ayaa sidoo kale xustay inay sii laba jibaari doonto howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka jira koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in dagaal kooban uu ka dhaca dhinaca deegaanka Bacaadweyne, waxaana kadib dib u gurtay dagaalyahanada Al-Shabaab. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa ciidamada huwanta ay sare u qaadeen howl-gallada ay ka wadaan gobollada dhexe, gaar ahaan meelaha ay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab. The post Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaano horleh appeared first on Caasimada Online.
  5. Wararka nagaa soo gaarayo magaalada Bacaadweyne ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda qeybta 21-aad iyo ciidamada daraawiishta dowlad gobaleedka Galmudug kala wareegen ururka Al-shabaab oo muddo ku sugna magaalada. Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada ay degmada Bacaadweyne kala wareegen Al-shabaab. Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in tuulooyinka Qaycad iyo Sabeeno Gawrac, ciidamada ay ka saareen Al-shabaab, kuwaas oo dhamaan ka tirsan gobalka Mudug. Saraakiisha hogaamineysay howl galka ayaa sheegay in uu jiro dagaal ciidamada dowladda iyo al-shabaab ku dhex maray bacaadweyn inta aysan kala wareegin ka hor. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in aysan aqoonsanayn hay’adda Batroolka u qaabilsan dowladda Soomaaliya ee Somali Petroleum Authority. Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka Macdanta iyo biyaha Puntland, Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) ayaa lagu caddeeyay in Puntland aysan aqoonsanayn dhammaan heshiisyada iyo shaqada hay’adda Shidaalka u qaabilsan Soomaaliya ee SPA. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in mudda-xileedkii Dastuuriga ahaa ee hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu dhammaaday 8 February 2021, islamarkaana aysan xukuumadda xil-gaarsiinta ah awood u lahayn in ay gasho heshiisyo caalami ah. Sidoo kale, dowladda Puntland ayaa ugu baaqday shirkadaha Shidaalka ee doonaya in ay heshiisyo la galaan dowladda Soomaaliya in ay iska sugaan, inta ay dhacayso doorashada madaxtinimada dalka oo ay ka imaanayso dowlad awood u leh shaqadaas. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsanayn hay’adda Shidaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. Boorama (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim (Tiimbare) oo faah faahin ka bixinayey dilkii AUN Marxuum Ibraahim Cabdishakuur Salaad oo ka mid ahaa ardayda wax ka barata Kulliyadda Engineering-ka Jaamacadda Camuud ee Boorama ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay askarigii ka dambeeyey falka toogashada. Tiimbare ayaa sidoo kale sheegay in askariga laoo qabtay uu ka mid ahaa Booliska Somaliland haatana uu xiran yahay, isla-markaana loo gudbinayo maxkamad, si cadaaladda loo horkeeno, looguna qaado dambiga dilka ah ee uu geystay. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay is dajiyaan, kana war sugaan go’aanka maxkamadda ay ka gaareyso dhacdadaasi oo haatan si weyn loo hadal hayo. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Marxuum Ibraahim oo ahaa arday waxbarashadiisa ay wanaagsaneyd iyo askariga dilay ay kasoo wada jeedaan bariga Sanaag. “Nin Askari ah ayaa xabad uga dhacday Ibraahim Cabdishakuur oo ahaa arday waxbarashadiisu wanaagsaneen oo sanadkii labaad dhiganayay Kulliyadda Injineeriyada, Marxuumka & Gacan ku dhiiglaha waxa ay kasoo wada jeedaan Bariga Sanaag” ayuu yiri. Dilkan ayaa dhacay daqiiqado, kadib markii Ibraahim iyo saaxibadiisa ay ka soo baxeen imtixaan ay soo wada galeen, waxaana la sheegay inuu marxuumka dib ugu laabtay gudaha Jaamacadda kadib markii uu doontay Telefoonkiisa oo uu kusoo hilmaamay. Si kastaba, Ibraahim Cabdishakuur oo 21 jir ahaa ayaa waxuu dhiganayey sanadkii labaad Kuliyadda Engineering-ka eee Jaamacadda Camuud qeybteeda magaalada Boorama. The post Somaliland oo war kasoo saartay dilkii Ibraahim appeared first on Caasimada Online.
  8. Ciidamada difaaca Tigrayga ayaa bilaabay abaabulka dagaal cusub oo ay ku qaadayaan gobalka Amxaarada ee dalka Itoobiya . TPLF ayaa bilaawday diiwaan gelinta dadka doonaya in ay ku soo biiraan jabhadda diifaaca gobalka, kadib markii bilawgii todobaadkaan ay la wareegen caasimadda gobalka Tigrayga ee Mak’elle. Xoogaga ayaa sheegay in ay dowladda Itoobiya ay ka cagajiideyso shuruudo ay u soo bandhigtay si ay gobalka xabad joojin uga dhaqan gasho. Dad ku sugan Magaalada Aksum iyo magaalooyinka kale ee ka tirsan gobalka 8 bilood dagaalka ka taagan yahay ayaa sheegay in si xowli ah uga socdaan diiwaan gelinta ciidama cusub oo ku biiraya dagaalka. TPLF ayaa si xooggan gacanta hadda ugu heyso magaalada Mak’elle, kadib markii ay ka saareen ciidamada dowladda Itoobiya. “Nabaddu waa mid qaali ah, waana barwaada dalkeenna” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itbooyiya Abiy Ahmed galinkii dambe ee shalay xilli uu la hadlayay baarlamaanka dalkaas. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale kooxda TPLF ku eedeyay in ay qalalaaso ka waddo gobalka iyo guud ahaan dalka Itoobiya . Abiy ayaa sidoo kale sheegay in uu mudda kooban ku diyaarin doonno ciidamo kor u dhaafaya Hal milyan si ay isaga caabiyaan Jabhadda TPLF. Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa la filaya in dhankooda ay maalmaha soo socda ay ku dhawaaqan natiijada doorashada oo la filayo in ay ku soo baxaan xisbiga Abiy. Qaramada Midoobay iyo dowladaha caalamka ayaa si wada jir ah ugu baaqay in la xushmeeyo xabad jooninta, si ay gurmad bini’aadanimo u heelan dhamaan dadka ku sugan gobalka Tigrayga oo in ka badan 400,000 qof ay wajaheyso macluul daran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta Galmudug ay dib ula wareegeen degmada Bacaadweyne iyo tuulooyin hoosyimaad oo dhowaan Al-shabaab qabsatay. Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka degaanka, ayaa sida wararku sheegayaan dib u qabsaday Bacaadweyne iyo tuulooyinka hoostada, halkaas oo todobaadyadii u dambeeyay Al-shabaab gacanta ku haysay. Ciidamada ayaa xalay ka kala ruqaansaday degmada Wisil si ay jihooyin kala duwan uga weeraraan degaanada ay gacanta ku hayeen Al-shabaab. Saraakiisha hogaaminaysa gulufkaan dagaal ayaa laga soo xigtay in hor imaad kooban uu kacay degmada Bacaadweyne gudaheeda, isla markaana ay isaga baxeen ururka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada Galmudug oo dib u qabsaday degmada Bacaadweyne appeared first on Puntland Post.
  10. Saraakiisha Tigray-ga ayaa mar kale jawaab rasmi ah ka bixiyey baaqa xabad-joojin ee dowladda Itoobiya. Hoggaamiyaasha Tigray waxay shuruud ku xireen baaqaas ku saabsan in xabbad-joojin laga hirgeliyo Gobolka Tigray ee colaaddu ka socoto. Waxay sheegeen in baaqaas ay aqbali doonaan kaliya haddii ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ay ka baxaan Gobolka. Waxay sidoo kale ku baaqeen hanaan lagula xisaabtamayo Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waxyeeladii ay geysteen intii uu dagaalka socday. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaasha Tigray oo ku celiyay shuruud ku saabsan baaqii xabad-joojinta appeared first on Puntland Post.
  11. Wararka naga soo gaarayo magaalada Boorame ee gobalka Awdal ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Somaliland uu dil u geystay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ardayda wax ka barata Jamaacadda Camuud ee Boorame . Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa sheegay in ardayga la dilay uu ka mid ahaa ardayda jaamacadda wax ka barata, sidoo kale uu ku guda jiray sanadkiisi labaad ee waxbarasahada Injineeriga . Allaah u naxariiste marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ibrahim Salaad ayaa waxaa afaafka hore ee jaamacadda uu wax ka baranayay dil ugu geystay Askari ka tirsan ciidamada booliiska Somaliland. Maamulka gobalka Awdal ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen askarigi ka dambeyay dilka wiilka yar, dhawaanna ay maxkamadda go’aan ka soo saari doonto. Illa iyo hadda macadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka Ibraahim yare, wararka qaar ayaana sheegaya in uu ka dhashay dhar uu watay wiilka la dilay oo la sheegay in uu ka sameysnaa calanka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaalada dalka, Dhalinyarada weli ku maqan dalka ereteriya, iyaga oo dalbaday in aan xil dambe lagu aaminin madaxweyne Farmaajo Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa walaac looga muujiyay dhalinyarada ku maqan dalka Ereteriya, kuwaas oo la sheegay in ay ka qeyb galeen dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya. Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay nasiib darro tahay in Madaxweyne Farmaajo uu dhegaha ka fureystay cabashada Waalidiinta Carruurtooda uga maqan tahay Ereteriya. Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Guddiigii uu arrintaasi ku saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ay noqdeen kuwo magac u yaal ah oo ay ku jiraan dadkii mas’uulka ka ahaa maamulka iyo Siyaasada dhalinyarada la qaaday. PUNTLAND POST The post Midowga Musharrixiinta oo war ka soo saaray Ciidankii loo qaaday ereteriya appeared first on Puntland Post.
  13. Somalia is halving the registration fees for women candidates to encourage more participation in the upcoming elections. Source: Hiiraan Online
  14. Somali refugee Mohamed Farah Hussein’s world came crashing in November 2020 when his wife died, leaving him to care for their two young children. Source: Hiiraan Online
  15. Ethiopia says it has started the next phase of filling a controversial mega-dam on the Nile River, Egyptian authorities said Monday, raising tensions ahead of an upcoming UN Security Council on the issue. Source: Hiiraan Online
  16. Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa beeshiisa u sheegay in haddii Beledweyne loo diido Cali Guudlaawe aysan doorasho ka dhici doonin magaaladaas. Waxa uu sheegay in reer Hiiraan oo dhan ay daneynayaan in doorashada xildhibaanada federaalka qeybta ay ku leeyihiin lagu qabto magaalada Beledweyne, balse qaarkood ay ka soo hor jeedaan in madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe uu tago magaaladaas, taas oo ku xiran doorashada. “Waxay halkaan doorashadu ku imaan weyn kartaa in madaxweyne Cali Guudlaawe loo diido inuu yimaado magaaladan Beledweyne, hadii madaxweynuhu halkaan imaan waayo doorashadu ma imaan karto, horayna waan u sheegay, hadana waan ku celinaa, hadii magaaladan ay nabad geliyo noqon weyso doorasho laguma qaban karo,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Meeshaan waxay doorasho ku imaaneysaa in madaxweynaha HirShabeelle uu yimaado, kadibna uu Ra’iisul wasaaraha keeno, oo tuso goobaha ay doorashadu ka dhaceyso, taas ayaan ku tala jirnaa, ee naga qabta kuwa ku tala jira inay fashiliyaan qorshahaas.” Yuusuf Dabageed ayaa intaas ku sii daray in dadka reer Hiiraan ee tabashada qaba ay ku dadaalayaan xalintooda oo xuquuqdooda ay u ogolyihiin. Beesha uu ka soo jeedo madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed ee Xawaadle ayaa aad u diidan in magaalada Beledweyne uu tago madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, waxayna beeshaasi qaneeco la’aan ka muujisay hanaankii loo soo dhisay maamulka. Maalin ka hor maleeshiyaad ka amar qaata Jeneraal Xuud oo ku beel ah Yuusuf Dabageed ayaa weerar ku qaaday magaalada Beledweyne, si ay u fashiliyaan shir golaha wasiirrada HirShabeelle ay ku yeesheen magaaladaas, kaas Yuusuf Dabageed uu shir guddoomiyey, waxaana xaafado ka tirsan Beledweyne ka dhacay dagaal xoog leh oo sababay khasaare nafeed. Hoos ka Daawo Yuusuf Dabageed The post Daawo Dabageed: Doorasho ka dhici meyso Beledweyne haddii aan hal arrin la helin appeared first on Caasimada Online.
  17. The international partners on Monday welcomed steps that have been taken by Somali leaders to ensure success of the electoral process. Source: Hiiraan Online
  18. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay si fudud ku qoran karto hal milyan oo dagaal-yahano balse ay dooneyso inay dhiiri-geliso muddo “aamusnaan ah” oo ka hirgasha gobolka dagaalladi ay halakeeyen ee Tigray. Hadallada Abiy ayaa yimid toddobaad kadib markii magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray ay u gacan gashay jabhadda Tigray ee TDF xilli dowladdiisa ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah. TDF ayaa qabsashada Mekelle ku qeexday guul militari oo weyn, hase yeeshee Abiy iyo saraakiishiisa ayaa ku qeexay ka bixitaanka magaalada “xeelad”. “Hal, laba ama saddex toddobaad gudahood, 100,000 oo ciidamo gaar ah, tababaran, islamarkaana abaabulan ayaa la isku keeni karaa,” ayuu Abiy u sheegay xildhibaanada baarlamanka. “Haddii la yiraahdo ciidamada gaarka ah kuma filna, haddii maleeshiyo loo baahdo, bil ama laba bil gudahood waxaa lagu abaabuli karaa hal milyan oo maleeshiyo.” Hase yeeshee Abiy ayaa sheegay in saraakiisha “ay go’aansadeen in la helo muddo aamusnaan ah, si qof walba u fakaro.” Saraakiisha Tigray-ga ayaa Axaddii jawaab rasmi ah ka bixiyey baaqa xabad-joojin ee Abiy, waxayna sheegeen inay aqbali doonaan kaliya haddii ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ay ka baxaan gobolka. Waxay sidoo kale ku baaqeen hanaan lagula xisaabtamayo Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki “waxyeeladii” ay geysteen intii uu dagaalka socday. Abiy kama jawaabin shuruudahaas maanta. Waxa uu sheegay in TDF ay dhul ku qabsadeen kaliya sabab ah in ciidamada dowladda ay go’aansadeen inay ka baxaan, taasi oo uu sheegay inay socotay muddo bil ah. Waxa uu sidoo kale ammaan buuxda u jeediyey ciidamada. “Ciidamadeena difaaca ma qaataan mushahar ku filan. Waxay kor u koraan oo ay kasoo degaan buuro. Roob iyo qorax ay ugu dagaalamaan sharafta dalkooda.” AFP + VOA The post Abiy oo hanjabaad cusub oo yaab leh soo saaray kadib guul-darradii gobolka Tigray appeared first on Caasimada Online.
  19. Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed Oo Si Aqlabiyad Leh Ugu Guuleystey Doorasho Ka Dhacday Dalka Itoobiya Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa si aqlabiyad leh ugu guuleystey kursiga baarlamaanka ee Deegaanka Goma 2, ee Gobolka Oromiyaa. Abiy Ahmed ayaa ka helay 76,892 cod 85 goobood oo codbixin ah oo ku yaal deegaankaasi. Raii’sal wasaaraha ayaa waxa la tartamayey Dagim Waarisoo oo ka tirsan xisbiga Enat iyo Kalid Jemal oo ka tirsan EZEMA. Qaran News
  20. Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed oo shaaciyey inuu qoran karo Hal Milyan oo dagaal-yahano Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay si fudud ku qoran karto hal milyan oo dagaal-yahano balse ay dooneyso inay dhiiri-geliso muddo “aamusnaan ah” oo ka hirgasha gobolka dagaalladi ay halakeeyen ee Tigray. Hadallada Abiy ayaa yimid toddobaad kadib markii magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray ay u gacan gashay jabhadda Tigray ee TDF xilli dowladdiisa ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah. TDF ayaa qabsashada Mekelle ku qeexday guul militari oo weyn, hase yeeshee Abiy iyo saraakiishiisa ayaa ku qeexay ka bixitaanka magaalada “xeelad”. “Hal, laba ama saddex toddobaad gudahood, 100,000 oo ciidamo gaar ah, tababaran, islamarkaana abaabulan ayaa la isku keeni karaa,” ayuu Abiy u sheegay xildhibaanada baarlamanka. “Haddii la yiraahdo ciidamada gaarka ah kuma filna, haddii maleeshiyo loo baahdo, bil ama laba bil gudahood waxaa lagu abaabuli karaa hal milyan oo maleeshiyo.” Hase yeeshee Abiy ayaa sheegay in saraakiisha “ay go’aansadeen in la helo muddo aamusnaan ah, si qof walba u fakaro.” Saraakiisha Tigray-ga ayaa Axaddii jawaab rasmi ah ka bixiyey baaqa xabad-joojin ee Abiy, waxayna sheegeen inay aqbali doonaan kaliya haddii ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ay ka baxaan gobolka. Waxay sidoo kale ku baaqeen hanaan lagula xisaabtamayo Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki “waxyeeladii” ay geysteen intii uu dagaalka socday. Abiy kama jawaabin shuruudahaas maanta. Waxa uu sheegay in TDF ay dhul ku qabsadeen kaliya sabab ah in ciidamada dowladda ay go’aansadeen inay ka baxaan, taasi oo uu sheegay inay socotay muddo bil ah. Waxa uu sidoo kale ammaan buuxda u jeediyey ciidamada. “Ciidamadeena difaaca ma qaataan mushahar ku filan. Waxay kor u koraan oo ay kasoo degaan buuro. Roob iyo qorax ay ugu dagaalamaan sharafta dalkooda.” Qaran News
  21. Beledweyn (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee maamulka HirShabelle Maxamed Cali Caadle ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan kadib markii General Xuud uu ka hor yimid shirkii Golaha Wasiirada ee ka dhacay Beledweyne. Caadle oo wareysi uu siiyey Idaacada Mustaqbal lana waydiiyey inay wadahadal la furayaan Generaal Xuud oo hoggaaminayo kacdoonka ka taagan Hiiraan ee looga soo horjeedo maamulka HirShabelle ayaa sheegay inaysan wax wada-hadal ah la furi doonin General Xuud inta ay ka qabanayaan doorashada kuraasta aqalka hoose ee loo qorsheeyey inay ka dhacdo Beledweyne. Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan ciidamo diidan maamulka HirShabelle oo uu hoggaaminayo Jeneral Xuud, kaasi oo wacad ku maray inuu dagaal kaga hortagi doono in magaalada lagu qabto doorasho federaal. Dhowr jeer oo kala duwan ayaa waxaa Magaalada Beledweyn ka dhacay dagaalo khasaare geystay oo dhex maray ciidamada General Xuud iyo kuwa Hirshabelle, waxaana fashilmay wada-hadalo la dhex waday Generaalka iyo madaxda Hirshabelle. Kacdoonka uu hoggaaminayo General Xuud ayaa soo bilowday markii madaxweynaha Hirshabele laga dhigay Cali Guudlaawe isla markaasna xilka madaxweynimo ee Hirshabelle laga wareejiyey Beesha uu kasoo jeedo General Xuud. Sidoo kale khilaafka ka dhashay awooda qeybsiga maamulka HirShabelle ayaa abuuray dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan oo lagu magacaabo Golaha Kacdoonka Hiiraan kuwaasoo, si cad ula dagaalamay HirShabelle iyagoo diiday in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne laguna Caleema Saaro. Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay madaxweynaha maamulka HirShabeelle, taasi oo sheegtay inay qeyb ka aheyd heshiiska lagu dhisay maamulkaas, halka beelaha kalane ay sheegaan in taasi ay aheyd muddo xileedkii koowaad oo kaliya, oo beeshan aysan xaqu u laheyn xilka madaxweynaha abid. The post HirShabeelle oo shuruud adag ku xirtay wada-hadal ay la gasho Jeneraal Xuud appeared first on Caasimada Online.
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) oo kamid ah siyaasiyiinta xilalka kasoo qabtay Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray Wasiir Dubbe, kaasi oo uu ku sheegay “in la xusi doono” gabar magaalada Boorama loogu xiray calanka Soomaaliya. Mustafe Shiine ayaa sheegay in Dubbe arrintaas uu ku marin-habaabinayo xiisada taagan ee dhalinyarada loo qaaday dalka Eritrea, kuwaasi oo xaaladooda laga deyrinayo, kadib markii ay soo baxday inaysan helin adeeg caafimaad iyo daryeel ciidanimo. “Maanta waxaa Itoobiya ku daadanaya dhiiga dhalinyaro Soomaaliyeed, markuu rabay inuu taas duwo waxay ila muuqatay in aanay habooneyn Inan joogta Boorama oo danbi ka gashay Dalkeed uu kusii adkeeyo, hadduu Inantaas u hayo wax wanaag ah ayada oo xabsi ku jirta oo u xiran wax kasoo horjeeda qadiyada Somaliland kumuu markhaati fureen,” ayuu yiri Mustafe Shiine. “Hadalka Wasiirka warfaafinta waxaa u arkaa mid lagu marin-habaabinayey oo lagaga duwayay indhaha dhalinyarada ay Eritrea-ku geeyen dalka Itoobiya oo laga horgeeyay Tigray-ga, marin-habaabin uu doonayo arrintaas oo taagan ayaa isaga oo matalaya nin qaranimada jecel ayuu ruwaayad kale ka dhigaya.” Sidoo kale waxa uu ka hadlay xil ay dowladda Soomaaliya u magacaawday Abwaan Yuusuf Shaacir oo ku nool magaalada Hargeysa, kaasi oo dhawaan ka soo dhex muuqday guddi ka shaqeyn doona dib u soo nooleynta Af-Soomaaliga. Mustafe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Abwaan Shaacir uu aqbalo xilka looga magacaabay dowladda federaalka Soomaaliya, asaga oo dhaliilo u jeediyay xiligaas xukuumadda Muuse Biixi. “Waa dambi haddaa aqbasho in dal cadow aan nahay uu ku magacaabo, qiilna looma heli karo,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Siyaasi Mustafe Shiine. The post Dubbe oo si weyn loogu weeraray ‘marin-habaabin’ uu ku sameeyay arrin taagan appeared first on Caasimada Online.