-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa arbacadii ka degay Garbahaarey wafdi ka kooban wasiirrada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed kuwaas oo ra’isul wasaare Rooble u igmaday iney dib u heshiisin ka dhex bilaabaan maamula Axmed Madoobe iyo Gedo, ee Jubbaland. Arrimaha ay u tageen, waxaa sidoo kale ka mid ah iney saldhigaan magacaabista guddoomiyaha Garbahaarey iyo ku xigeenkiisa. Guddoomiyaha Garbahaarey Xasan Sheekh Cilmi iyo Guddoomiyaha Gedo Axmed Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wafdiga muddo dheer la sugayey, ayna xal u helidda arrinta Gedo ay tahay ahmiyad. Dhankooda wafdiga wasiirrada ayaa sheegay in u tageen arrin guud oo ah in doorasho dhacdo, iyaga oo inataas raaciyey iney niyad wanaag jirto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Olole Nadaafadeed Oo Looga Dareeray Maanta Magaalada Burco.
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Source -
Dowladda federaalka ah, wasaaradeeda waxbarashada iyo wasaaradaha dhiggeeda ah ee maamul goboleedyada ayaa yeeshay heshiisyay iney yeeshaan gole iskaashi iyo wadatashi, waxaa kale oo lagu heshiiyey mideynta qalfoofta manhajka, arrimaha dejinta imtixaanaadka iyo weliba bixinta shahoodooyinka. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda dhexe ee federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo shir maamlmo qaatay ku yeeshay magaalado Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku aadan waxbarashada. Shirka ka dhacay Garoowe ayaa wuxuu u dhexeeya wasiirada waxbarashada ee dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo sidoo kale xubno ka socda gobolka Banaadir, waxaana lagu faray arrimaha waxbarashada, shahaadiyoonka iyo imtixaanaadka. Sidoo kale shirkan ayaa waxa lagu gaaray is afargad ay dhinacyadu wada saxiixeen oo lagu horumarinayi waxbarashada, iyadoo gabagabadee laga soo saaray war-murtiyeed. Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah In la aas aaso Golaha Iskaashiga iyo Wadatashiga Wasaaradaha Waxbarashada, nn la mideeyo qalfoofta manhajka (Curriculum Framework), loona saaro guddi farsamo midaynta Qalfoofka Manhajka( Curriculum Framework). Sidoo kale waxay dowlad federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir isku af-garteen in maamul goboleed walba si madax banaan u maamusho imtixaankiisa, lana sameeyo guddi madax banaan oo sameeya halbeegyada Guud. War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in shahaadooyinka laga qaato lagana bixiyo maamul goboleed walba loona daabacan karo hab online ah. Heshiiskan cusub ayaa ah mid meesha ka saarayo khilaafaad hore uga jiray dhinaca imtixaanaadka oo u dhexeeyey dowladda dhexe & qaar ka mida maamul goboleedyada. The post Muxuu yahay heshiiska taariikhiga ah ee lagu gaaray Garoowe? appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopia was in a civil war for over forty years now, though the world believes it started only some nine months ago. The TPLF or the Tigrayan Peoples Liberation Front started as a liberation movement in 1975 and since then has been fighting the Ethiopian government to liberate Tigray from Ethiopia, even though for some 27 years the TPLF, itself, was running the country, but it never truly changed its anatomy of a liberation movement or reconciled itself to being part of the Ethiopian fabric – a multi-national space kept together through Amhara imperial force, metamorphosing from its original Abyssinia to present day Ethiopia. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Addis Ababa)-Dagaalka gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa xoogeystay Arbacadii kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu tusmeeyey in dowladda ay soo afjareyso xabad-joojinta, ayna ciidamada Amxaarada sheegeen inay qaadayaan weerar ka dhan ah Tigray-ga. Ciidammada Tigray-ga ee TPLF oo qabsaday inta badan dhulkii hore ay u lumiyeen, ayaa wacad ku maray inay dib u qabsan doonaan galbeedka Tigray, oo ah dhul beerashada ku wanaagsan oo ay haystaan ciidamada Amxaarada. Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Amxaarada ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay kicinayaan ciidammadooda si ay u qaadaan weerar ay kaga hortagayaan Tigray-ga. “Maamulka gobolka wuxuu hadda ka baxay difaaca, wuxuuna qaaday weerar,” ayuu yirdhi afhayeenka Amxaarada Gizachew Muluneh, oo la hadlay warbaahinta Amxaarada. “Maleeshiyada Amxaarada iyo ciidamada gaarka ah waxay isku dayayeen inay is-difaacaan, hase yeeshee hadda dulqaadka waa naga dhammaaday, waxaana billownay weerar,” ayuu yidhi. Sidoo kale, Dhaqaaqa Qaranka Amxaarada, oo ah xisbi siyaasadeed weyn, ayaa ugu baaqay maleeshiyada gobolka ee loo yaqaan Fano inay is-abaabulaan. Source
-
(SLT-Baledweyne)-Waxaa Xalay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay dhacdo naxdin leh oo si aad ah saaka looga hadal haayo magaalada Baledweyne kadib markii haweeney ninkeeda ay siisay raashiin sumeysan. Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday Xaafada Xaawa-taako ee magaalada Baledweyne, marxuumka xaaskiisa ay siisay raashiinka sunta ay ku dartay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Cumar waxuuna ahaa macalin dugsi quraan. Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in marxuumka uu dhawaan guursaday haweeneyda sunta ugu dartay raashiinka, lamana oga sababta ka dambeysa inay suneeyso ninkeedii oo u dhintay raashiinkii ay sunta ugu dartay. Ciidammada ammaanka degmada Baledweyne ayaa la sheegay iney gacanta kusoo dhigeen haweeneyda sunta ku dishay ninkeedii, taasoo la sheegay inay dooneysay inay baxsato. Source
-
(SLT-Afghanistan)-Deegaanada ay qabsanayaan ururka Daalibaan ayaa sii kordhaya xilli ay ciidamadii ka socday dalka Maraykanka ay ka baxayaan dalkaas. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dagaalamayasha Daalibaanka ay qabsadeen magaalada istaraatiijiga ah ee Spin Boldak ee ku taalla xadka dalkaas uu la wadaago waddanka Pakistan, xilli ururkaasi uu sii wado la wareegidda dhul balaadhan oo Afgaanistaan ah. Dowladda Afgaanistaan ayaa waxa ay gaashaanka u daruurtay wararkaasi, walow sawirrada la soo dhigayo baraha bulshada ay muujinayaan maleeshiyaadka oo la sheekaysanaya ilaalada xadka Pakistan. Islamabad ayaa lagu soo warramayaa inay xidhay barta xadka laga tallaabo taas oo ah marin muhiim ah. In Taalibaanku uu maamulo bartaasi ku taalla xadka koonfurta gobolka Kandahar ayey suuragal ah inuu kharash badan ka soo xareeyo canshuuraha kastamka. Ururkaasi waxa uu hore u qabsaday goobaha lagaga tallaabo xadka Afgaanistaan ee wadammada Iiraan, Tajikistan iyo Turkmenistan. Source
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee HirShabelle ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo wax looga qabanayo xiisada xoogan ee haatan ka taagan degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan taas oo ka dhalatay, kadib markii shaqo joojin lagu sameeyey guddoomiyihii maamulka degmadaasi, Mudane Feysal Haajir Aadan. Warqad uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa maamul cusub loogu magacaabay Buulo-Barte, waxaana gudddoomiye u ah Axmed Mahad Nuur, kaas oo bedelaya guddoomiyihii shaqo joojinta lagu sameeyey. Magacaabistan ayaa lagu sheegay inay keentay baahi loo qabo in la dardar-geliyo howlaha maamulka ee degmada, si looga gudbo caqabadaha haatan ka jira halkaasi. Sidoo kale hay’adaha amniga iyo shacabka ayaa waxaa la faray inay si dhow u la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub, Mudane Axmed Mahad Nuur. Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, xilli xiisad horleh ay ka dhalatay shaqo joojintii uu Yuusuf Dabageed ku sameeyey guddoomiyihii Buulo-Burte Feysal Haajir Aadan oo si weyn uga horyimid go’aankaasi, waxaana ka dhashay xiisad illaa iyo hadda laga dareemayo gudaha degmadaasi, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Xaaladda degmada ayaa kacsan waxaana dadka deegaanka ay wajahayaan marxlad cusub iyo khilaaf dhinaca maamulka ah oo markale soo cusboonaaday.. HirShabelle ayaa waxaa kusoo noq-noqday is qab-qabsiga dhinaca maamulka, haba ugu badnaadee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Si kastaba lama oga waxa ka dhalan karo go’aankan cusub, maadaama weli uu Buulo-Burte ku sugan yahay guddoomiyihii hore ee degmada oo kasoo horjeeda HirShabelle. The post Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Buulo-Burte iyo HirShabele oo talaab qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia, like many countries, is affected by frequent climate-related hazards such as floods, droughts and tropical storms. Flood frequency has increased in Somalia over the past 20 years, resulting in the disruption of people’s livelihoods and the economy at large. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Jubbaland ay xukun dil toogasho ah ku fuliyeen Xuseen Aadan Cali ‘oo lagu helay inuu kufsi u geystay’ gabar saddex sano jir ah. Toogashada ayaa ka dhacday degmada Dhoobley, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin deegaanka ah, waxaana goobjoog ahaa saraakiil ka socotay dhanka maxkamadda. Ninka toogashada lagu fuliyey oo ay dhowaan gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka ayaa kufsi arxan darro ah u geystay Gacalo Ismaaciil Cabdullahi oo saddex sano jir aheyd, iyadoo ugu dambeyn lagu fuliyey xukunka lagu ridday oo toogasho ahaa. Gabadha yar oo uu dhaawac daran kasoo gaaray kufsiga lagula kacay ayaa markii dambe u geeriyootay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladeeda. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya Xuseen Aadan Cali uu gabadha yar u ahaa adeer, isla-markaana uu qabay hooyadeed, iyada oo wax lala yaabo ay noqotay inuu fara-xumeeyo gabar yar oo uu hooyadeed qabo. “Gabadha wuxuu u ahaa adeer, wuxuuna qabay hooyadeed, Wallaahi ilaa iyo haatan waa wax lala yaaban yahay sababta ku kaliftay inuu fara-xumeeyo gabar uu hooyadeed qabay,” ayuu yiri mid ka mida ehellada gabadha yar ee u geeriyootay kusfiga lo geystay. Dhacdadan naxtinta leh ayaa hadal heyn badan dhalisay, waxaase dadka deegaanka ay soo dhoweeyeen xukunka dilka ee ay Jubbaland ku ridday ninkii ka dambeeyey falkaas. Soomaaliya ayaa mid ah dalalka ay ka dhacaan tacadiyada ka dhanka ah dumar, sida kufsiga, kaas oo meelo kala duwan laga soo wariyey, waxaana ugu dambeeyey Hargeysa oo kufsi iyo dil la’isugu diray haweeney lagu magacaabi jiray Marxuumad Hinda Cumar. The post Jubaland oo toogatay nin kufsaday gabar saddex jir ah appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (HOL) - The office of the Minister of Interior has fired the district commissioner of Bula Burte Feisal Hajir Aden. Source: Hiiraan Online
-
Kismayo (HOL) - A delegation of cabinet ministers from four regional governments - not including Jubaland - arrived in Garbaharey, the regional capital of the Gedo region, on Wednesday, where they are expected to meet with residents and the local government. Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Waxbarashada heer dowlad goboleed, oo uu weheliyo maamulka Gobolka Banaadir, ayaa xalay si wadajir ah Garoowe uga dhawaaqay guddi wada-tashi oo qaabilsan horumarinta arrimaha Waxbarashada dalka. Guddigan ayaa la shaaciyay, kadib shir ku saabsan arrimaha Waxbarashada dalka oo shalay ka qabsoomay magaalada Garoowe, kaas oo dhexmaray wasaaradda Waxbarashada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed oo uu weheliyo Gobolka Banaadir. War-murtiyeed ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in sidoo kale lagu heshiiyay in la mideeyo qalfoofka manhajka wasaaradda Waxbarashada heer Federaal iyo kuwa heer dowlad goboleed, gaar ahaanna kan Puntland oo hore khilaaf kala dhexeeyay dowladda Federaalka. Sidoo kale, waxa lagu heshiiyay in la dhiso guddi ka kooban dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo qaabilsan Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka, si dalka oo dhan looga qaado imtixaan midaysan. Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka oo dhan PUNTLAND POST The post Heshiis Taariikhi ah oo laga gaaray Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Kenya iyo Soomaaliya ayaa billaabay safar cuusb oo ay dib ugu dhisayaan xiriirkooda kadib bilo ay u dhaxeysay xiisad diblomaasiyadeed oo xooggan. Soomaaliya ayaa dhammaadkii 2020 xiriirka diblomaasi u jartay Kenya, ayada oo ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha, islamarkaana ay dhaawaceyso madax-banaanida dalka. Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Ambassador Macharia Kamau ayaa shalay la kulmay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal. Kulankan oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin, ayaa labada dhinac waxay ku sahmiyeen dhinacyo cusub oo ay ka wada-shaqeyn karaan labada dal, si loo xoojiyo xiriirka burburay. “Ambassador Macharia Kamau wuxuu wada-hadallo la yeeshay safiirka Soomaaliya ee Kenya Mohamud Ahmed Nur, waxayna sahmiyeen dhinacyo cusub oo ay labada dal iska kaashaan karaan, sida dhaqanka, ganacsiga, nabadda iyo amnga. Labada dhinac waxaa ka go’an xoojinta xiriirka,” waxaa sidaas barta twitter-ka ku qortay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya. Sidoo kale afhayeen u hadlay dowladda Kenya Cyrus Oguna ayaa sheegay in Nairobi ay dhistay guddi baara arrimaha sababaya khilaafka labada dal. Oguna ayaa sheegay in guddigan uu sahmin doono hanaan diblomaasiyadeed oo lagu xalin karo arrimahan, islamarkaana uu goor horeba sameeyey horumar. Bishii June 2021, wasiirada arrimaha dibedda Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku raacay inay dedejiyaan dib u furista safaaradaha labada dal, taasi oo ay ku guuleysteen. The post Kenya oo qaaday tallaabo cusub oo SOOMAALIYA ku wajahan kadib bilo xiisad ah appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa (HOL) - Somaliland police have seized alcohol hidden from a smuggler near Hargeisa on Wednesday. Source: Hiiraan Online